25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Liiska xildhibaanada BF ee kasoo muuqday golaha wasiirada

0

Muqdsiho (caasimada Online) – Waxaan idiin soo gudbineynaa Liiska Shaqsiyaadka ka tirsan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Haddana kasoo muuqday liiska golaha wasiirada ee uu Maanta ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre./

Haddaba Halkaan hoose ka aqriso liiskaas oo dhameystiran

1-Iimaan C/llaahi Cali Wasiirka Awqaafta Waa Xildhibaan

2-C/raxmaan Ducaale Beyle waa Xildhibaan

3-Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Xildhibaan

4-Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Xanaanada Xoolaha

5-Xildhibaan Cabaas C/llaahi Sheekh Wasiirka Howlaha Guud Xildhibaan

6-C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiirka Badroolka Xildhibaan

7-Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Xildhibaan

8-Saciid Xuseen Xiid Wasiirka Beeraha Xildhibaan

9-Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan

10-Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Caddaaladda Xildhibaan

11-Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Shaqaalaha Xildhibaan

12-Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Korontada iyo Biyaha Xildhibaan

13-C/casiis Xasan Maxamed Wasiir Dowlaha Ganacsiga Xildhibaan

14-C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda

15-Maxamed Cali Xagaa Wasiir Dowlaha Gaashaandhigga Xildhibaan

16-Maxamuud Xayir Ibraahin Wasiir Dowlaha Maaliyadda

17-Xasan Macalin Xuseen Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga

18-C/raxmaan Kulmiye Xirsi Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka

19-C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Wasiir Dowlaha Waxbarashada

20-Cabdalla Xaaji Cali Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta

21-Cabdullaahi Bile Nuur Wasiir Dowlaha Postada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada,

22- Cismaan Aadan Dhuuboow WasXaaji Cali Sh Maxamed Nuur Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Guda
23-C/llaahi Colaad Rooble Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga

24-Feysal Cumar Guuleed Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada

25-Xuseen Cabdi Cilmi Wasiirkuxieenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

26-Faadumo Axmed Nuur Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta

27-Cismaan Maxamed Cabdi Daalo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha

28-Xasan Aadan Rooble Wasiir Kuxigeenka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

29-Ibraahin Yarow Isaaq Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada

30-Xaamud Cali Xasan Wasiir Kuxigeenka Waaradda Beeraha

31- Maxamuud Khaliif Diiriye Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga

32- Jamaal Xasan Cismaaciil Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud

33- Samra Ibraahin Xumar Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka

34-C/naasir Saciid Muuse Wasiir Kuxigeenka Amniga Gudaha

35- C.xakiin Khaliif Daalac Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha

36-Cuseen Cismaan Xuseen Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

37-C/llaahi Cumar Abshirow Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Wasaaradda Kaluumeysiga

38- Axmed Cumar Islow Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda dhalinyarada

39- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta

40- Ciise Weheliye Maalin Wasiirkixigeenlka wasaaradda Caddaaladda

41- C/casiis Carmaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

42-Cismmaan Libaax Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Korontada

43- Cilmi Cumar Ceynsane Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Maareynta Musiibada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mid ka mid ah wasiirada cusub oo durba is-casilay

Muqdsiho (caasimada Online) – Waxaa hadda dhaw Xilkiisa iska casilay Wasiiru dowlaha Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay Xasan Cali Kheyre.

Cabdiraxmaan ayaa ka dhawaajiyey inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay sidaas darteedna uu go’aan ku gaaray inuu xilkaas iska casilo .

Waa Xubintii ugu horeysay ee maanta ku dhawaaqa inuu is casilay Saacado kadib markii uu xilkaasi udoortay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa iyana jira saluug badan oo laga muujinayo qaabka beelaha loo siiyey jagooyinka Wasaaradaha Xukuumada Cusub oo ay dhaliileen qaabka loo siiyey.

Wixii Warar ah ee kuso kordha waa idinla soo socdsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Farmaajo oo magacaabay 5 xil oo uu ku jiro agaasimaha Villa Somalia

0

Muqdsiho (caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd magacaabay shan xil oo muhiim ah oo ay ku jiraan.

Xilalka uu madaxweynaha magacaabay waxaa kamid ah: Agaaimaha Guud ee Madaxtooada, a Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda. Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiska shaqsiyaadka iyo xilalka loo magacaabay:

1. Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

2. Prof Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda.

3. Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

4. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada.

5. Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo xafiiskiisa kusoo dhoweeyay wasiirada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Somalia, wuxuuna ku bogaadiyay ra’iisul wasaare Kheyre sida xilkasnimada leh ee uu usoo xushay wasiiro laga sugayo tayo iyo waxqabad.

Farmaajo ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo qaar ka mida wasiiradiisa cusub isagoo kula dardaarmay inay si daacad ah howshooda ugu soo banaan, isagoona u sheegay in wasaarad kasta lagula xisaabtamayo waxqabadkeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka federaalka ka codsaday in ay ansixiyaan xukuumadda cusub si ay shaqada looga fadhiyo u guda galaan.

Liiska 11 wasaaradood oo aan laheyn wasiiru dowlayaal (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa maanta magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 26 wasaaradood.

Wasaaradaha dhammaantood waxa ay leeyihiin ku xigeenno, balse ma wada lahan wasiiru dowleyaal.

Waxaa jira 11 wasaaradood oo aan lahayn wasiir dowleyaal, kuwaasi oo hoos ku xusan:

1-Wasaaradda Xanaanada xoolaha

2-Wasaaradda Haweena iyo Xuquuql Insaanka

3-Wasaaradda Batroolka

4-Wasaaradda Beeraha

5-Wasaaradda Caafimaadka

6-Wasaaradda Kalluumeysiga

7-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

8-Wasaaradda Warfaafinta

9-Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalahah

10-Wasaaradda Korintada iyo Biyaha

11-Wasaaradda Gargaarka Aadanaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Kheyre oo shuruudo adag kusoo xushay wasiirada cusub

0

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre oo maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub ayaa wuxuu shaaciyay ka hor inta husan ku dhawaaqin liiska xukuumadda shuruudaha uu kusoo xushay wasiirada uu soo magacaabay, isagoo sheegay in wasiir walbo laga saxiixi doono shuruudaha lagu soo xusay, qaabkaani ayaa ah mid horay aysan u dhicin ama sameeyn ra’iisul wasaareyaashii hore.

DAAWO VIDEO-GA

Odayaal dacwad ka ah golaha wasiirada oo ku qulqulaya xafiiska Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu laba waji ku kala dilay Beelaha iyo Xubnaha cusub ee loo doortay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre Beelaha ku qanciyay Wasaarado ay dalbadeen, balse Liiska Golaha Wasiirada ee goordhow lagu dhawaaqay lagu arkay isbedel dhanka Wasaaradaha oo aan la fileynin.

Kheyre ayaa Siyaasad ku dhisan hab khiyaano la dheelay ilaa 4 Beel oo Liiska Golaha ku dhex arkay Wasaarado aan lagu wargalin, kadib markii ay maanta la kulmeen Wasaarado ka duwan kuwii loo ballanqaaday.

Kheyre ayaa la sheegay in talaabadaani ay ku dhalatay Habeenimadii xalay kadib markii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu fursad usiiyay 24saac gudaheeda inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada, waxa ayna taa dhalisay in Kheyre uu ku dhaqaaqo go’aan lagu qancinaayo Beelaha ugu tunka weyn.

Durba waxa uu Kheyre ku dhaqaaqay in Wasaaradaha aan tayada laheyn iyo kuwa tayada leh isku dhex qaso, waxa uuna sidaa uga baxay ballanqaadka dhanka Wasaarada ee uu u sameeyay Beelaha.

Qaar kamid ah Odayaasha Beelaha ee laga bedelay Wasaaradaha loo ballanqaaday ayaa iminka hordhooban Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre kuwaa oo dacwad ka ah isbedelka lagu sameeyay Wasaaradaha lagula heshiiyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalinkarin sida uu Ra’isul wasaaraha ku qancin doono Odayaasha Beelaha oo uu uga baxay ballanka Wasaaradaha lagula heshiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Liiska golaha wasiirada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha oo dhameystiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada oo la sugayey muddo hal bil.

Liiskaan ayaa waxaa kasoo muuqdaay shaqsiyaad magac weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Shaqsiyaad aan la fileyn inay liiskaan kamid ah noqon doonaan.

Waxaa kasoo muuqday Yuusuf Garaad Cumr oo noqday wasiirka Arrimaha DIbadda, Ducaale oo noqday Wasiirka Amniga Qaranka, Juca oo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

 


Muxuu Farmaajo wasaarada ugu mashquulka badan ula gaclooday Maryam Qaasim?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lahaa qorshaha Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia loogu soo kordhiyay Wasaarada ugu mashquulka badan ee ”Gargaarka iyo Musiibooyinka”

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin kadib Doorashadiisa xiriir la sameeyay Drs Maryan Qaasim oo horay usoo noqotay Wasiirka Arimaha bulshada kana tirsan Xisbiga Tayo.

Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in Drs Maryan uu ka dalbaday inuu kusoo biiriyo Xukuumada cusub, waxa uuna usoo bandhigay in Xukuumada uu kusoo kordhin doono Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka oo ay munaasib ku tahay waxaana soo dhaweysay Maryan Qaasim.

Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka oo ku cusub Xukuumada Somalia ayaa noqoneysa Wasaarada ugu mashquulka badan oo u dhexeyn doonta min Caasimad ilaa Gobol.

Wasaaradani cusub ee Gargaarka iyo Musiibooyinka, ayaa waxaa loo magacaabay Maryan Qaasim oo Siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo oo ay kawada tirsan yihiin Xisbiga Tayo.

Maryan Qaasim ayaa waxaa lagu xasuustaa in ay wax badan kusoo kordhisay Arimaha Bulshada xilligii ay Wasiirada aheyd.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in laga fara maroojiyay tallada kadib markii Golaha lagu soo daray ilaa 7 Wasiir oo uusan ku qancin sifaadkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbaahinta oo markaan looga yeeray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhow markale warbaahinta looga yeeray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah wariyayaasha ku sugan madaxtooyada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya in qeybta warfaafinta ee madaxtooyada ay ku wargelisay inay dib usoo laabtaan oo tagaan xafiiska madaxweynaha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in hadalka madaxweynaha uu ku saleysan yahay labo arin, waxaana ugu horeeya inuu ka hadlay liiska golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ka hadlayaa safarka madaxweynaha la filayo inuu dhawaan ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa muddo 21 maalin ah waxay ku qaadatay inuu soo magacaabo liiska golaha wasiirada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayuu ahaa jawiga Villa Somalia daqiiqadihii magacaabida wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ayaa goordhow gashay Jawi ka duwan kuwii hore waxaana halkaasi buux dhaafiyay Siyaasiyiin kamid noqday Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa u hanbalyeynaaya Wasiirada cusub waxaana durba dhaliil laga muujinayaa shaqsiyaadka uu Ra’isul wasaaraha usoo magacaabay xilalka oo aan qaarkood laheyn Khibrad Siyaasadeed.

Wasiirada cusub ayaa waxaa ku dhex jira Siyaasiyiin horay u geystay musuq Hanti Qaran, waxa ayna tani ka hor imaaneysaa ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa la dagaalanka shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa.

Beelaha qaar ayaa helay Wasaarado aan horay loogu ballanqaadin waxaana la sheegayaa in Wasaaradahaasi ay isbedeleen saacadihii ugu danbeeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa jahwareer Siyaasadeed ka heystaa qaabka lagu qancin doono Beelaha looga baxay ballanka ee aan lasiin Wasaaradihii leysku ogaa.

Rasmi: Shaqsiyaadka noqon doono wasiirka arrimaha gudaha iyo dastuurka oo la ogaaday + Beelaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirada iyadoo ay xaadir ku yihiin Villa Soomaaliya dhammaan saxaafadda oo saakay lopo yeeray.

Haddaba Caasimadda Online ayaa si xaqiiq ah u ogaatay inuu Cabdi Faarax Saciid Juxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Ninkaan ayaa kasoo jeedo Beesha Majeerteen , gaar ahaan Ciise Maxamuud, waxaana markii horeba loo saadaalinayey xilkaan inuu qaban doono, isagoo kamid ahaa liiskii hordhaca ahaa ee aan dhawan idinla wadaagnay.

Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay inuu wasiirka Dastuurka noqday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo kasoo jeedo Beesha Leelkse .

Wasiirada aan idiin soo gudbinay dhammaan waa kuwa lagu kalsoon yahay, waxaana si rasmi ah xaqiiqdooda uga helnay Xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Weli waxaa socoto qaban qaabada loogu dhawaaqyao wasiirada, waxaan idiin soo gudbin doonaa hadba xaqiiqda aan ka helno xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doona liiska wasiirada isla marka lagu dhawaaqo, isla markaasna waxaan idinlkugu soo dari doonaa qabiilada ay kaso kala jeedaan.

 

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaqiiq: Yuusuf Garaad oo noqday wasiirka A/Dibadda + Shaqsiga noqonaya wasiirka amniga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirada iyadoo ay xaadir ku yihiin Villa Soomaaliya dhammaan saxaafadda oo saakay lopo yeeray.

Haddaba Caasimadda Online ayaa si xaqiiq ah u ogaatay inuu Yuusuf Garaad noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya.

Warkaan ayaa waxaa si rasmi ah nalooga xaqiijiyey xafiiska Ra’isuwlasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna Yuusuf booska ugu fadhiyaa Beesha Habargidir.

Sidoo kale  Ducaale ayaa laga dhigay wasiirka amniga qaranka, warkaana isna waa xaqiiq rasmi ah oo ay heshay Caasimadda Online.

Wuxuna Ducaale kasoo jeedaa Beesha Abgaal, waxayna labadaan wasiir ahaayeen kuwa si weyn loo raadinayey in la ogaado.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waa idinla soo socod siin doonaa, sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa liiska wasiirada oo dhameystiran.

Sidoo kale waxaan qorsheeneynaa inaan idiin soo gudbino Qabiilada wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

5 arrin oo ay lagama maar-maan tahay inaad ka ogaato halka ay kala marayaan Farmaajo iyo Uhuru

Soomaaliya iyo Kenya, waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhex jiray khilaaf diblomaasi ah kadib markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu safar kedis ah ku yimid magaalada Dhoobley, safarkaas ayaa la sheegayaa in aaney horay uga wada hadlin Nairobi iyo Muqdisho.

Hadliye: Aniga War Kama Haayo:

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye  ayaa sheegay in isaga aanu war ka heyn safarka Uhuru Kenyatta ee Dhoobley balse ay dhici karto in cid uun la hadleen.

Muqdisho Looma Sheegin:

Sida uu qoray wargeyska Nation, Manoah Esipisu oo xogheyaha xagga warfaafinta ee madaxtooyada Kenya waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan khilaaf diblomaasi ah oo ka dhex jira Soomaaliya iyo Kenya booqashada Uhuru kadib.

Manoah Esipisu, intii uu ka hadli lahaa sababta ay Kenyaanka ula soo hadli waayeey Soomaaliya, waxaa uu mar-marsiyo u raadiyey sababta uu Uhuru halkaasi u tagay, sida uu ciidamada niyadda ugu dhisay iyo in madaxda caalamka ay sidaa sameeyaan.

Hawada Soomaaliya Waxaa Laga Maamulaa Kenya:

Safarka Uhuru ee dhulka Soomaaliyeed waxaa uu miiska soo saaray dhibaato kale oo Soomaaliya heysta, oo ay tahay in wax laga qabto, weliba sida ugu dhaqsaha badan, waa arrinta hawada Soomaaliya iyo cidda maamusha.

Hawada Soomaaliya iyo  diyaaradaha soo gala, waxaa laga maamulaa oo la gala socdaa magaalada Nairobi, sidaasi darteed Kenyaanka uma baahneen in ay la soo hadlaan Muqdisho, waayo hawadii iyaga ayey ag taal.

Kulanka Farmaajo iyo Uhuru:

Khilaafkan dhanka diblomaasiyadda ah ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa uu imaanayaa maalmo ka hor shir madaxeed qaxootiga looga hadlayo oo ka dhacaya magaalada Nairobi iyada oo halkaasi isku arki doonaan madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye waxaa uu sheegay in safarka la filayo todobaadkan in uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tago magaalada Nairobi.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa tagaya Nairobi, waxaa dhacaya shir madaxdeed ay IGAD madaxdeeda isugu imaaneyso, waxaa looga hadlayaa waa hal ajende, waana qaxootiga Soomaaliya” sidaa waxaa  sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shir madaxeedkan arrimaha qaxootiga oo horay loogu ballamay markii shir madaxdeedka IGAD Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii tagay ayaan la ogeyn sida ay wax noqon doonaan mar haddii madaxweynaha dalka martigelinaya uu ku dhaqaaqay tillaabo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Khayre: Safiirka Kenya Waa In Loo Yeero

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah aqoonyahan qanuunka caalamiga ah oo arrintaas kala hadlay  waxaa uu sheegayaa in haddii Uhuru iska soo galay dhulka Soomaalida ogolaashiyo la’aan ay ku tusineyso ixtiraam darro uu u muujinaayo dal kale madaxbannaanidiisa, isaga oo intaa raaciyay in xaaladaha caadiga ah uu khatar u geli lahaa in diyaaraddiisa la soo diro, Khayre waxaa uu Kenyaanka weydiiyay in ay suurogal tahay in ay diyaarad ku dejiyaan dhul Itoobiyaan amar la’aan?

In kasta uu qiray Dr. Khayre in dowladda Soomaaliya ay haatan tabar daran tahay hadana waxaa uu qabaa in sharci ahaan ay mas’uul ka tahay Dhoobley, waxaa uuna soo jeediyay in loo yeero safiirka Kenya ee Soomaaliya oo arrinkaas su’aalo laga weydiiyo haddii raalligelin ka bixin waayaanna tillaabo kale la qaado.

W/Q: Cabdi  Caziz Gurbiye

Warbaahinta oo looga yeeray xafiiska Kheyre (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow warbaahinta looga yeeray xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa la filayaa in saacado kadib lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo muddo badan ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

Lama oga tirada wasiirada ay noqon doonaan, balse saadaalinta ugu badan ee la bixinayo ayaa ah inay labaatan gaari doonaan ama ka badanayaan.

Wasiirada ayaa la filayaa in baarlamaanka la horgeeyo kadibna ay helaan codka kalsoonida.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Doorka Puntland ee ogaanshaha kaluumeysiga sharci darada oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee la dagaalanka burcad badeeda ee Puntland ayaa shaaciyay in maamulka C/Welli Gaas uu ka warqabo kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socdo xeebaha Puntland.

C/risaaq Maxamed Dirir, ayaa sheegay inuu hayo cadeymo cad oo muujinaya ogaanshaha maamulka Puntland uu ka warqabo kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socdo xeebaha Puntland ku teedsan.

Wuxuu sheegay in sababaha xilka looga qaaday ay tahay inuu marar badan ka hadlay arimaha kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socdo xeebaha Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aad tagto xeebaha habeennimo waxaad arkaysaa sida sharci darrada ah ee loo jilaabanayo, waa Iiraaniyiin, Yemen iyo kuwo aan anagga lug ku leenahay oo wasaaradaheena iyo dowladdeena (Puntland) lu ku leedahay oo ay bixiso leesinnada”

“Waxaana hayaa caddeymo ku saabsan arrintaasi oo maraakiib Kuuriya oo Afar ah ay ku jiraan xeebteenna illaa iyo muddo hore laga soo bilaabo 2004, waxay bedaleen magacii markii dowladdaasi ay sheegtay in maxkamad la taagi doono ciddii lagu arko Jilaabasho sharci darro ah”

“Qoraalkiina waan hayaa, markii ay sidaasi yiraahdeen Soomaali baa dabcan wada, dowladana (Puntland) waxbay ka ogtahay, calankii Kuuriya waa la dejiyey oo waxaa la saaray calanka Soomaaliya, waana meelaha la iga soo galay bilowgii” ayuu yiri Duceysane.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kusoo kordhay mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya tirada xildhibaanada baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ee doonaya inay xilka ka qaadaan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Inka badan 100 xildhibaan ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin inay xilka ka qaadaan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Xildhibaan Axmed Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee awqaafka iyo arimaha diinta Koofur Galbeed ayaa sheegay inay  meel wanaagsan marayaan qorshaha ay xilka kaga qaadayaan.

Wasiirkii hore ayaa sheegay in 149 xildhibaan ay diyaar u yihiin mooshinka, laakiin ay jiraan xildhibaano kale oo doonaya inay dhaqaalo ka cunaan Shariif Xasan kuwaasi oo uu sheegay inay qiyaano ku wadaan.

Xildhibaan Axmed Maxamed, wuxuu sheegay in xildhibaanada aysan qaadan muddooyinkii ugu dambeeyay wax mushaar ah, taasina ay sii kordhisay qorshaha ay ku doonayeen iney xilka kaga qaadaan Shariif Xasan.

Xildhibaanada ayuu sheegay inay la xisaabtamaan Shariif Xasan, waxayna ku eedeynayan inuu ku fashilmay wax ka qabashada howlaha laga doonayay.

Shariif Xasan ayaa ka gaabsaday hadalada ay xildhibaanada ku sheegayaan inay xilka ka qaadayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xog yaab leh: Wasiiradii Abgaal oo ay xulayaan shaqsiyaad aan beesha u dhalan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbadalkii siyaasadeed iyo doorashadii ka dhacday Somalia 08-Febraayo, ee xildhibaanada qaran horseedka ka ahaayeen ayaa dadka waxay kusoo dhoweeyeen caleema qoyan, qaarna sidii ay u oynayeen indhaha casaadeen, waxaa lagu tilmaamaa isbadalkaasi xamaasadiisii habeenkii xorriyada ee calan saarka 1960-kii.

Dadka Soomaaliyeed caadiyan kama fikiraan isbadalada ay caleemaha qoyan ku soo dhoweeyeen mana dhirin dhiriyaan isbadal noocee ah ayey bulshada u baahan tahay, waxaase shaki ku jirin in Soomaalida erayga isbadal u taqaan mas’uul badalay mas’uul kale.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo guushiisa waxay dadka ku haminayeen isbadal ka duwan hab dhaqankii, maamul iyo karti ee dowladdihii ka horeeyay.

Waxaa hadda muuqata in isha aad loogu hayo go’aan qaadashada madaxweynaha, awooda iyo dhowrida dastuurka dalka iyo dadka, caddaalad falka iyo sinnaanta habka awood qeybsiga Soomaalida intaba.

Waxaase durba muuqata xadgudub iyo caddaalad darro xooggan oo lagu hayo beelaha Soomaaliyeed qaarkood, taasi oo kasoo shaac baxday magacaabista golaha wasiirada xukuumadda Somalia iyo xogta laga helayo qaar ka mid ah magacyada dadka ku jira.

Howshu magacaabida oo ah mid u taal Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, haddane madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu la-tashi kala sameeyo ra’iisul wasaaraha maadaama uu isugu soo magacaabay, taasna awoodeedii waxaa qaatay shaqsiyaad gacan bidxeynaayo, kuwaasi oo awood walbo oo timaada ku dhex milma, loona arko dallaaliin iyo qaswadayaal kala fogeynaayo umadda Soomaaliyeed.

Shaqsiyaad ku heyb ah ra’iisul wasaaraha oo gacanta midig ee Xasan Kheyre noqday markii xilka loo magacaabay si walba haku yimaadaane, ayaa qas iyo fowdo ka waday maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasi xilalka wasiirada beel walba kusoo aada ra’iisul wasaaraha ku qasbay una yeeriyay in loo magacaabo dadka ay aadka iskugu dhow yihiin ee ay isla so shaqeeyeen.

Mustafa Dhuxuloow oo xilal kasoo qabtay xukuumadihii hore ayaa noqday shaqsiga saameynta ku leh xafiiska ra’iisul wasaaraha, wuxuuna mustaf dhuxuloow caan ku yahay ku xerashada hadba mas’uulkii cusub ee xafiiska yimaada, laakiin markaani waxay ugu duwan tahay beel ahaan, ayuu ugu dhowaaday Xasan Cali Kheyre.

Talada magacaabida wasiirada ayuu qeyb ka yahay Mustaf Dhuxuloow, waxaana fool xumo iyo magac xumo ay ku tahay ra’iisul wasaare Kheyre in Mustaf Dhuxuloow uu kusoo dhoweysto beel ahaan una yeeriyo shaqsiyaadka saaxiibka dhow uu la yahay inuu u magacaabo Wasiiro.

Sida xantu nagu soo gaartay Mustaf Dhuxuloow ayaa wasiirada qaar soo xulay iyo shaqsiyaad kale oo gacan bidxeynayo howshii Kheyre, waxaa xog-ogaal u nahay in Mustaf Dhuxuloow wasiirkii beesha Abgaal uu usoo xulay Eng. C/raxmaan Yariisoow oo saaxiibo ay wada qaraabtaan yihiin, ama uu yahay mid ka mid ah laba wasiir oo beeshaas loogu talo-galay.

Waa arrin meel ku dhac ku ah beesha Abgaal iyo beelaha kale ee la midka ah in xubnihii kaga soo aaday galaha wasiirada in shaqsiyaad dallaaliin ah usoo xulaan shaqsigii ay iyaga wataana keensadaan.

Guuxa beesha Abgaal oo horayba u ahaa mid deganeyn, salna laheyn ayaa hadda bannaanka imaanayo haddii ay dhacdo arintaani, waxaa soo deg degaya kalsooni darada dowladda cusub ee lagu han weynaa inay dalkaan isbadal u horseedi doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog-warran: Heerka khilaafka dibloomaasiyeed ee Somalia iyo Kenya

Soomaaliya iyo Kenya, waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhex jiray khilaaf diblomaasi ah kadib markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu safar kedis ah ku yimid magaalada Dhoobley, safarkaas ayaa la sheegayaa in aaney horay uga wada hadlin Nairobi iyo Muqdisho.

Hadliye: Aniga War Kama Haayo:

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye  ayaa Goobjoog News u sheegay in isaga aanu war ka heyn safarka Uhuru Kenyatta ee Dhoobley balse ay dhici karto in cid uun la hadleen.

Muqdisho Looma Sheegin:

Sida uu qoray wargeyska Nation, Manoah Esipisu oo xogheyaha xagga warfaafinta ee madaxtooyada Kenya waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan khilaaf diblomaasi ah oo ka dhex jira Soomaaliya iyo Kenya booqashada Uhuru kadib.

Manoah Esipisu, intii uu ka hadli lahaa sababta ay Kenyaanka ula soo hadli waayeey Soomaaliya, waxaa uu mar-marsiyo u raadiyey sababta uu Uhuru halkaasi u tagay, sida uu ciidamada niyadda ugu dhisay iyo in madaxda caalamka ay sidaa sameeyaan.

Hawada Soomaaliya Waxaa Laga Maamulaa Kenya:

Safarka Uhuru ee dhulka Soomaaliyeed waxaa uu miiska soo saaray dhibaato kale oo Soomaaliya heysta, oo ay tahay in wax laga qabto, weliba sida ugu dhaqsaha badan, waa arrinta hawada Soomaaliya iyo cidda maamusha.

Hawada Soomaaliya iyo  diyaaradaha soo gala, waxaa laga maamulaa oo la gala socdaa magaalada Nairobi, sidaasi darteed Kenyaanka uma baahneen in ay la soo hadlaan Muqdisho, waayo hawadii iyaga ayey ag taal.

Kulanka Farmaajo iyo Uhuru:

Khilaafkan dhanka diblomaasiyadda ah ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa uu imaanayaa maalmo ka hor shir madaxeed qaxootiga looga hadlayo oo ka dhacaya magaalada Nairobi iyada oo halkaasi isku arki doonaan madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye waxaa uu Goobjoog News uga warramay safarka la filayo todobaadkan in uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tago magaalada Nairobi.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa tagaya Nairobi, waxaa dhacaya shir madaxdeed ay IGAD madaxdeeda isugu imaaneyso, waxaa looga hadlayaa waa hal ajende, waana qaxootiga Soomaaliya” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shir madaxeedkan arrimaha qaxootiga oo horay loogu ballamay markii shir madaxdeedka IGAD Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii tagay ayaan la ogeyn sida ay wax noqon doonaan mar haddii madaxweynaha dalka martigelinaya uu ku dhaqaaqay tillaabo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Khayre: Safiirka Kenya Waa In Loo Yeero

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah aqoonyahan qanuunka caalamiga ah oo arrintaas kala hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in haddii Uhuru iska soo galay dhulka Soomaalida ogolaashiyo la’aan ay ku tusineyso ixtiraam darro uu u muujinaayo dal kale madaxbannaanidiisa, isaga oo intaa raaciyay in xaaladaha caadiga ah uu khatar u geli lahaa in diyaaraddiisa la soo diro, Khayre waxaa uu Kenyaanka weydiiyay in ay suurogal tahay in ay diyaarad ku dejiyaan dhul Itoobiyaan amar la’aan?

In kasta uu qiray Dr. Khayre in dowladda Soomaaliya ay haatan tabar daran tahay hadana waxaa uu qabaa in sharci ahaan ay mas’uul ka tahay Dhoobley, waxaa uuna soo jeediyay in loo yeero safiirka Kenya ee Soomaaliya oo arrinkaas su’aalo laga weydiiyo haddii raalligelin ka bixin waayaanna tillaabo kale la qaado.

W/Q: Cabdi  Caziz Gurbiye, 

Lixda ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga (Xog-warran)

 

Lixda ilma XOOGSADE waa wiilal  walaala ah, caruur badan dhalay, degaan ballaaranna deggan. Lixdooda laba ayaa mataana ah aadna u xoog weyn, xoolane ilaah siiyay. Labadaasi waxay ka baxeen dugsi sare ee farsamada  si ay ugu xoogsadaan xirfaddooda.

Labada ku xigta oo laba sano kala weyn waxay dhameeyeen dugsiga dhexe, mid ayaana xoogaa wax ka bowsaday ganacsiga. Labada kusii xigta oo an aqoon da’dooda iyo inta ay kala weyn yihiin ayaa dugsiga hoose  dhexda uga tagay  oo ma dhameysan.

Dhammaantood waxay ka siman yihiin waa xoog ku nool, xukun ku noolaashahana ku cosob yahay.

Labada waaweyn ayaa siyaasadda ku hoggaamisa afarta kale balse in ay yihiin hoogaanka reerka ma garan karaan sababta oo ah aabahii dhalay lixda wiil aad ulama dardaarmin mana ka war qabaan walaalahood ka yar.

Afarta kale waxay garteen in labada ka weyn aysan dan iyo heello ka lahayn,  waxayna ku heshiiyeen in ay labada kala isku diraan oo aysan heshiin ayagoo an afarta kale gooni u tashan karin si ay u saxaan kuwa kale. Is faham la’aantaas ayaa dhalisay in aysan jirin wax dan guud ah oo ka dhexeyda lixdooda. Labada ugu weyn naaneystooda waa WAX WALBA ANIGA. Madaama ay mataano yihiin meela badan ayay isaga mid yihiin sida wax isu quurid la’aanta, tartanka dhanka qaldan iyo aragti fogaasha la’aan. Waana kuwo u nugul in leysku diro.

Labada ku xigta waa labo ku mashquulsan kala fogeynta labada waawayn maadaama ay u arkaan imeysan waxba u ogoleen, waxaana lagu magacaabaa YEELI MAAYO.

Sidoo kale ma daneeyaan labada wiil ee ka yar.

Waxaase ka daran labada yar yar oo an weli qaan gaar u noqon waxa aduunka ka dhacaya waxaanna lagu naaneysaa WAX MOOGE YAAL.

Degaanka ballaaran ee ay degan yihiin ilmo XOOGSADE ma aha kuwo iska warqaba intooda  badaane ilaa loogu yimaado goofkooda mana gartaan waxa ku soo socda.

Ilmo XOOGSADE  ayaa loo sheegay inuu dhib hayso dadkooda iyo degaan kooda muddo ka hor, loona baahan yahay in ay hurdada ka kacaan, in kastoo aysan garan waxa ka dambeeya in ay dagaalamaan.

Lixdii walaalaha ahayd ee ilmo XOOGSADE  ayaa dagaal weyn galay ayagoo fulinaayo warkii loo sheegay waxayna ku guuleysteen in hadafkii dagaalka lagu geliyay fuliyaan Ajenda la’aan taasoo qasabtay in ay ayagu  dagaal iskula soo noqdaan markii ay waayeen cid kale oo ay la dagaalamaan.

Dagaalkaas ayaa sii kala fogeeyay ilmo XOOGSADE oo awalba dan guud ka dhaxayn, wuxuuna  dagaalkaas noqday mid ka dhiga degaankooda colaad joogta ah  nus qarni ka badan.

Sidoo kale, dagaalada soo noqnoqday ee deegaanka ilma XOOGSADE ayaa soo koobay degaankoodii ballaarnaa oo haatan ay ka taliyaan inta badan dhalin yaro hubeysan iyo kuwa horay an u degganeyn degaankaasi.

Dhanka kale, Ilmo XOOGSADE waxay muddo dheer ku jiraan kuna dhex nool yihiin dilal, dhaawacyo, kufsi, bililiqo, xarig, bad ku dhimasho, caruur mustaqbal la’aan ah iyo rafaad an ka jirin inta badan deegaannada kale.

Dhaqaalaha ilma XOOGSADE ayaa ah mid mobile lagu wato iyo mid ay maal qabeenno leeyihiin balse an haysan wax damaanad ah.

Caruurta ilma XOOGSADE waxaa ka soo dhex baxay wiilal iyo gabdho wax garad ah oo cilmi iyo caqli ku darsaday,  waxaase lagu xaqiraa goobihii ay talo ku lahaayeen iyo howshii ay qaban lahaayeen. Waxaa laga doorbidaa kuwo ma gudbayaal ah oo ku wanaagsan qeylada iyo waxa xun taasoo curyaamisay deris wanaagga iyo danta guud ee dalka ay ku nool yihiin.

Ilmo XOOGSADE waxaa inta badan horbooda kuwo ay weli gaarin risaalada siyaasadda iyo maamul wanaagga gaar ahaan xagga da’da iyo khibradaha kala duwan ee dowladnimo.

Sidoo kale, ilmo XOOGSADE ayaa waxaa sicir barar uga dhacay hoggaanka dhaqanka oo dhinacyo badan ka saacidi jiray.

Ilmo  XOOGSADE  oo loo arka in ay ayagu yihiin kuwa dalka ka degi waayay dadkana dhibay ayaa dhanka kale Ah dhibanayaal an is ogeyn.

La soco qeybta dambe…
Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]