25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ahlu-Sunna oo ka dhabeyneysa heshiiskii Farmaajo iyo qorshe cusub oo socda

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe ayaa bilaway Uruurinta iyo diiwaan galinta Ciidamo dheeraad ah oo la filaayo in dhawaan lagu wareejiyo Dowlada Somalia.

Ciidamadaani ayaa la sheegay in lagu diyaarinaayo degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, waxaana la xaqiijiyay in qorshaha uu yahay in la gaarsiiyo tirro kabadan 3,000 oo Ciidan ah.

Ciidamadaani ayaa lagu wareejin doonaa Dowlada Federaalka Somalia kadib wadahadal gaara oo dhexmaray Hogaamiyaha maamulka iyo Madaxweynaha Somalia.

Ciidamadaani waxa ay sidoo kale kamid noqon doonaan Ciidamada u diiwaangishan Wasaarada Gaashandhiga Somalia, waxa ayna tababar kadib ka howlgali doonaan Deegaanada uu ka arimiyo maamulka iyadoo Xuquuqda Ciidamada ay bixin doonto Dowlada Somalia, sida uu qorshuhu yahay.

Dowlada Somalia ayaa ballanqaaday inay taabagalin doonto Ciidamada Ahlu sunna ee la filaayo in lagu wareejiyo, kuwaa oo si toos ah uga mid noqon doona Ciidamada Qaranka Somalia ee ka howlgali doona Gobollada Dhexe.

Ciidamada Ahlu sunna ayaan kamid aheyn Ciidamada u diiwangishan Dowlada, waana tan keentay in Ahlu sunna Dowlada Somalia gorgortan kula gasho wareejinta Ciidamadeeda.

Dhinaca kale, waxaa suuragal ah in Dowlada Ethiopia ay kala dhantaasho Heshiiska dhexmaray Dowlada Somalia iyo Ahlu sunna maadaama Ahlu sunna ay garab ka hesho Dowlada Ethiopia oo faragalin ba’an ku heysa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QM oo ka hadashay xasuuqii Soomaalida ee dalka Yemen ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xasuuqii shacabka Soomaaliyeed loogu geystay xeebaha dalka Yemen, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Qaramada Midoobay waxay ka dalbaday dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi Yemen inay cadeeyaan dadka ka dambeeyay duqeynta ay dad badan oo Soomaaliyeed ay ku dhinteen xili ay dooni saarnaayeen.

Filippo Grandi,oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha bini’aadanimada ayaa  sheegay in wali aysan helin jawaab rasmi ah oo ku aadan cidda ka dambeysay gantaalka Soomaalida lagu dilay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Yemen in ay cadeeyaan cida fulisay weerarkaas si loola xisaabtamo sidoo kalena uusan dib u soo laaban.”,sidaas waxaa yiri Filippo Grandi.

Dowladda Sacuudiga iyo isbahaysiga ayaa iska fogeeyay inay ka dambeeyaan duqeynta lagu dilay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dowladda Soomaaliya ay dhankeeda dalbatay in la cadeeyo dadka falkaasi ka dambeeyay.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo ku goodiyay inuu dhulka ku dari doono dhowr arrin oo daashaday Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisa ay la imaan doonto sharciyo ka duwan kuwii ay ku dhaqmi jireen Dowladihii hore ee dalka ka arimin jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo inay qaatan sharciyada sida degdega ah loogu maamuli doono dalka waxa uuna cadeeyay in dal waliba oo hagaagsan lagu hagaajiyay sharciyo wax ku’ool ah.

Farmaajo ayaa sheegay in ujeedka Dowladiisa ay tahay in la helo sharciyo kala danbeyn ah, waxa uuna xaqiijiyay in marnaba aysan ka daali doonin hirgalinta Sharciyada cusub ee uu yeelan doono dalka.

Sharciyada ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwo jiheeya Garsoorka iyo Shacabkuba waxa uuna farta ku goday in sharciyadaasi lagu nabadeyn doono Somalia.

Waxa uu farta ku goday inaysan jiri doonin cid sharciga ka sareyn doonta min Madax ilaa shacab, waxa uuna xaqiijiyay in Somalia ay la degi la’ dahay sharci la’aan ku baahday dalka oo idil.

Sharciyada ayuu tilmaamay in lagu burburin doono Musuq-maasuqa, Eexda, Cadaalad darida iyo Khaladaadka ka dhex jira xarumaha Garsoorka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladiisa ay cirib tiri doonto dhammaan waxyaabaha qalqal galiyay Amniga, Xasiloonida iyo Kala danbeynta waxa uuna wacad ku maray inaysan wada shaqeyn doonin kuwa ku sifoobay Musuqa iyo Cadaalad darida.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Somalia uu kasoo jeestay dhammaan howlihii ugu adkaa waxaana la sugayaa fulinta iyo hirgalinta tallaabooyinka lagu xasilinaayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa sababay dib u dhaca xalay ku yimid magacaabida golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay uu qorshaha ahaa in lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya oo si weyn loo wada sugayo ku dhawaaqistooda.

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaa in is qabqabsi kale uu soo if baxay.

Arinta ayaa ka dambeysa markii beesha Abgaal la siiyay lago wasiir halka beelaha Habargedir ay doonayaan inay iyagana ay helaan wasiiro kale, walow lagu qanciyay sida wararka ay sheegayaan labo arin.

Waa tan koowaade waxaa lagu qanciyay in la siiyo wasaarada arimaha dibada Xukuumada Soomaaliya iyo tan labaad oo ah inay helaan maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa wali la filayaa in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.

Beelo badan ayaa sanadkaan helayo wasaarado aysan heli jirin.

Waxii kusoo kordhaa kala soco Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wax ka ogow farqiga u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Jaamacada Carabta

Waa markale iyo warbixinteenii maalinlaha ahayd kana hadli doonta isbar bardhiga dhinacyo badan ku saabsan sida dhaqaalaha, siyaasada, qaxootiga, tirada dadka, tirada wadamada, luuqadaha, quwada milateri iyo qaar kale badan.

Waxaana diirada saari doonaa farqiga u dhaxeeyo Midowga Yurub iyo Jaamacada Carabta.

Jaamacada Carabta:

 Waxa la aasaasey 22 march 1945

 Jaamacada carabta waxa ku mideysan 22 dawladood.

 Waxa ah luuqada kaliya ee rasmiga ah waa 1 luuqad oo kaliya.

 Waxa laga aaminsan yahay 3 diimood oo kaliya.

 Xagga map-ka ama qariirada dalalka jaamacada carabtu waxay leeyihiin xuduudo isku

xidhan kaliya marka laga saaro dawlada yare e eratariya oo kaliya waaney xidhiidhsan yihiin.

Guul darooyinka jaamacada carabta

 Ururka jaamacada carabtu malaha lacag mideysan

 Jaamacadda carabtu malaha passport la’aan iney isku gudbaan, waxaana la masaafuriyaa qofka ay ka dhacdo ciqaamaddu.

 Dalalkan jaamacada carabtu malaha iskaashi difaac oo hirgalay oo iyagaaba colaad gaamurtey dhex hoganeysaa.

 Carabtu malaha qorshe cashuureed oo mideysan.

Tolow jaamacada carabta ma awood la’aan iyo dhaqaale xumo ayaa heysata?

Dhaqaalaha iyo milateriga jaamacada carabta:

 Dalalka jaamacada carabta dhul ahaan waxey ku fadhiyaan 13.3 milyan km square taasi waxay ka dhigeysaa wadanka 2aad ee aduunka ugu dhulka weyn.

 Midnimadda carabtu oo dhab ah waxa ay noqon lahayeen dalka 3aad ee ugu dadka badan aduunka waxa ka horeeya China iyo India oo kaliya.

 Tirade dadka 386 milyan.

 Haddii ay hal wadan ahaan lahaayeen waxsoosaarkooda gudaha wuxuu ahaan lahaa 2.75 tiriliyan taasoo ka dhigeysa kaalinta 4aad ee dhaqaalaha aduunka.

 Iyada oo ah dawlada 4aad ee daymaha ugu badan lagu leeyahay.

 Waxay maalin kasta soo saaraan 25 milyan barmiil oo shidaal ah, kaasoo noqonaya 3-dalool, dalool shidaalka aduunka laga soo saaro.

 Shidaalka kaydka ku ah dalaka carabta waa 722 bilyan oo foosto halka isugeynta gaaska dabiiciga ah ee ay soo saaraan waa 523 bilyan mitir kuyuub sanad walba taasoo u dhiganta 12% waxsoosaarka caalamka ee gaasta.

 Dhanka ciidamada waxa ay noqon lahaayen wadanka 1aad ee ugu askarta badan lehna 2.5 milyan oo shaqada ku jira iyo 3.3 milyan askarta keydka ah.

 Jaamacada carabtu waxey leeyihiin 18 kun oo taangi waana dalka 1aad eel eh tiro intan leeg.

 Waxa ay leeyihiin 5000 diyaaradood taa soo ka dhigeysa wadanka 2aad ee caalamka leh diyaarado intan leeg.

 Xagga maraakiibta waxa ay leeyihiin 1100 markab waxaana ay yihiin wadanka 1aad eel eh raxantan maraakiibta ah.

Midowga Yurub:

 Waxa la aasaasey 1992 kii isagoo markii hore uu rirey suuqii dhaqaalaha xorta ahaa.

 Waxa ku mideysan 23 dawladood.

 Luuqadaha waxa ka shaqeeya 23 luuqadood oo rasmi ah.

 Midowga Yurub waxa laga aaminsan yahay diimo iyo mabaadii fara badan.

 Xagga map-ka ama qariirada dalalka Yurub waa kuwo kala fog oon isku xidhiidhsaneyn masaafo bandanna u dhaxeysa.

Guulaha ay gaadheen Midowga Yurub:

 Midowga Yurub waxa uu leeyahay lacag mideysan.

 Waxa ay ku guuleysteen in dadkoodu passport la’aan isku gudbaan xuduuduhuna wuu siku furan yahay.

 Dalalka Yurub waxa ay sameysteen iskaashi difaac oo hirgalay.

 Dalalka yurub waxa ay midowgooda ku sameysteen hanaan cashuureed oo mideysan.

Su’aal: akhriste maxaa sababey in jaamacadda carabtu sidan u guuldareystaan?

Sawirro: Madaxweyne muddo xanuunsanaa oo markii ugu horeysay soo muuqday

Algers (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Algeria C/casiis Butfaliiqa, ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday Telefeshinada Caalamka, gaar ahaan Telefeshinka Dowlada Algeria.

C/casiis Butfaliiqa, ayaa sanadihii danbe kasoo muuqan Telefeshinada waxa uuna iminka soo muuqday isagoo qaabilaaya Wasiirka Dowladiisa u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika.

Madaxweyne C/casiis Butfaliiqa, oo 90 jir ah ayaan inta badan dhaqan u leh inuu ka fogaado Goobaha ay ku sugan yihiin Saxaafada, balse waxa uu iminka dalbaday Kaamirada Telefeshinka Algeria si uu soo bandhigo kullanka uu la qaatay Wasiirka.

Muuqaalka Madaxweynaha Algeria C/Casiis ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay tan iyo markii uu baajiyay qaabilaada Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel.

Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa ayaa sanadii 2013 waxaa ku dhacay Xanuunka qalalka, isagoo wixii intaa ka danbeeyay ka gaabiyay la qidaabida Madaxda Caalamka sababo la xiriira xanuunka ku dhacay.

Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa, ayaa sheegay inuu dhameysan doono wakhtigiisa waxa uuna cod dheer ku sheegay in caafimaadkiisa uu yahay mid iminka wanaagsan.

Caalamka qudhiisa ayaa aad uga gaabsada casuumaadaha Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu hakiyay Safaradiisa dibadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa, ayaa noqonaaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee looga cudur daaro shirarka Caalamka, isagoo mar waliba wakiisha Xubno ka tirsan Golayaashiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

RW Kheyre oo ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada iyo magacyo waaweyn oo kasoo muuqday

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada oo la sugayey muddo hal bil.

Liiskaan ayaa waxaa kasoo muuqdaay shaqsiyaad magac weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Shaqsiyaad aan la fileyn inay liiskaan kamid ah noqon doonaan.

Waxaa kasoo muuqday Yuusuf Garaad Cumr oo noqday wasiirka Arrimaha DIbadda, Ducaale oo noqday Wasiirka Amniga Qaranka, Juca oo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha.

Liiska wasiirada ayaah 20 Wasiir, 20 wasiisul ku xigeyn

Goor dhaw ayaan idinla wadaagi doonaaa liiska wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiirul dowlayaasha oo dhameystiran.

Sidoo kale waxaan idinla wadaagi doonaa qabiilada iyo jufooyinka ay kasoo kala jeedaan wasiirada cusub iyo wasiirul ku xigeenka, waxaana hadda ku wadnaa shaqo culus iyo qoritaan.

…… si deg deg ah ayaad u aqrisan doontaan liiskaas oo dhameystiran

 

Maxaa kusoo kordhay weerarkii ismiidaaminta ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhow ku qarxay inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Gaariga Qaraxa loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu kusii jeeday dhanka Villa Somalia waxa uuna ku qarxay koontoroolka koowaad ee Hooyooyinka.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka degay wadaha ka hor inta uusan Qarxin waxaana la xaqiijiyay inuu xigay Qaraxa.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa gaari Caasi ah, waxaana la socday wadaha Gaariga oo ku geeriyooday goobta.

Goobta uu ku Qarxay gaariga ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Milliteriga oo iyaga ka howlgala koontaroolka Hooyooyinka.

Dadka ku dhintay Qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa u badan Ciidamo iyo Haween goobta ku iibiya qaad.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale yaalla gaadiid aad u farabadan oo ku jiray feelka baaritaanka kuwaa oo isugu jira shacab iyo shaqaale Dowladeed.

Waxaa iminka ku sugan Ciidamo ka tirsan Dowlada oo wada baaritaano kuwaa oo xiray dhammaan waddooyinka gala Villa Somalia iyo kuwa kabaxa.

Dhinaca kale, waxaa goobta ku sugan Gaadiidka Gurmadka oo iyagu daabulaayo dadka dhaawaca iyo kuwa dhintay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jahwareer ka taagan magacaabista wasiirada (Maxaa caawa ka dhacay xafiiska Kheyre?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Jahawareer iyo hubanti la’aan ayaa hareysay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, kadib markii loo yeeray saxaafadda caawa 9:00 fiidnimo si loo shaaciyo Golaha Wasiirada cusub.

Saxafiyiinta ayaa muddo karib lagu wargeliyay in la hakiyay magacaabidda iyadoo qaar ka mida shaqaalaha xafiiska ay u sheegeen in laga war sugo, halka qaar kalena ay ku wargeliyeen inay gebi ahaan ay dib u dhacday magacaabiddii Golaha wasiirada. Saxafiyiinta qaar ahaa dib loo celiyay iyagoo ku sii jeeda madaxtooyada.

Xilliga la magacaabayo Golaha wasiirada ayaa haddana la sheegay inuu noqon doono maalint berrito ah ee Talaadadda, kadib hakadka ugu danbeeyay ee caawa ku yimid ku dhawaaqista Golaha Wasiirada.

Dood ka dhashay shaqsiyaad la helay inay ku jiraan golaha wasiirada ayaa culeys weyn ku noqday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, waxayna warar xogogaal sheegayaan in muranka ka taagan yahay laba shaqsi oo ka mida wasiirada isla markaana xilal muhiim ah ku qoran.

Khakhalka galay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo muddo 24 saacadood ah ku dhawaaqi la’ magacyada golaha wasiirada ayaa muujineysa cadaadiska saaran xafiiska Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo xaalada adag ee ka taagan xulashada wasiirada iyo jagooyinka.

Xildhibaano badan oo horeba uga horjeeday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa xaaladdan uga faa’iideysan doona inay ciriiri geliyaan kalsooni siinta xukuumadda cusub oo la saadaalinay inay mari doonto jidkii xukumaadihii ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo dhowr jeer dib u celiyay xukuumado uu magacaabay.

Xigasho: Goobjooge

Soomaaliya oo kaalin fiican ka gashay wadamada Africa ugu farxadda badan kadib qiimeyn la sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Wadanka Soomaaliya ayaa kamid ah noqday shanta wadan ee Afrtica ugu farxadda badan sida ay muujineyso warbixin ay maagelisay Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa kaalinta shanaad ka gashay qiimeyntaas waxaana ka horreeyey wadamada  Algeria, Mauritius, Libya iyo Morocco.

Baaritaankaan ayaa laga sameeyey ilaa 155 wadan, waxaana laga dhawaajiyey in dadka ugu liita xagga farxad inay kasoo jeedaan wadamada dalka Jamhuuriyada Afrika dhexe, waxaa ku xiga Burundi, iyo Tanzania.  Sidoo kalana waxaa qiimeyntaas liis hoose oo liita ka galay wadamada kala ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan.

Baaritaankaan ayaa wuxuu socday sanadihii 2014 ilaa 2016 wuxuu ku saleysnaa su’aalo la waydiinayey in ka badan 1000

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjaro ka kooban 10 talaabo, oo kadib dadka la waydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan jaranjaradaas marka la eego dhinaca faraxa iyo nolosha ay kunool yihiin.

Warbixintaan qeybteeda ka hadleysay Africa ayaa muujineysi in wadamada Serra Leon iyo Cameroon ay horumar ka sameeyeen xagga faraxadda tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Dadka Africa intoo badan ayey warbixintaan sheegtay inay yihiin kuwa muujinayo rajo wanaagsan inkastoo aysan si fiican ugu faraxsaneyn sida ay wax u qabtaan dowladaha ka dhisan wadamadooda, waxayna ugu dambeyntii warxbixinta lagu sheegay inay dadkaas muujiyeen adkeysi iyo dulqaad aad u weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo amray in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada & R/W Kheyre oo wargalinaaya Xubnaha miiska saaran

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday dadaaladii lagu soo xulaayay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia kadib markii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in la faafiyo Liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somalia.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa diyaariyay dhammaan qorshooyinka lagu magacaabi lahaa Golaha waxaana lasoo sheegayaa in RW uu xiriir la sameynaayo dhammaan Xubnaha kamid noqon doona Golihiisa Wasiirada.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xubnaha kamid noqon doona Golihiisa ku wargalinaaya inay usoo diyaar garooban munaasabada waxa uuna Xubin waliba ugu bishaareynayaa Kursiga uu ka helay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada ee uu iminka diyaariyay maadaama muddo 6 jeer ah uu kansal gareeyey liiska Golaha, sababo la xiriira Khilaaf kaga imaaday dhanka Beelaha iyo is fahan’waa ka dhex curtay isaga iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Waxaa soo baxaaya guux hoosaad la xiriira in dhismaha Xukuumadda ay tahay mid saddex gees ah, iyadoo uu RW hal daraf uun ka hayo Udub dhigga Xukuumadda Federalka ee horey loo sheegay in loo idmaday.

Sidoo kale, calawsanaan iyo Aragti is diidaya ayaa la soo werinayaa iyo in Mas’uul kasta doonayo inuu Wasiiro ku yeesho Xukuumadda cusub, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu Ra’isul wasaare Kheyre ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada oo ay ka dhex muuqan doonaan Siyaasiyiin hore iyo wajiyo cusub oo aan horay loogu arag Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Maxay ahaayeen 17-ka qof ee la arkay iyagoo ku aasan xabaal wadareed ku yaal Berbera?

Berbera (Caasimada Online) – Waxaa Maant aas qaran loo sameeyey  Todoba iyo toban qof oo laga helay xabaal wadareed lagu duugay oo ku taalla xaafadda Burco Sheekh ee magaaladda Berbera, iyadoo qof kasta si gaar ah loo aruuriyey lafihiisa isla markaasna la isku xiray, waxaana lagu aasay xabaalo ku yaal Koonfurta.

Sasiirka Diinta iyo Aw qaafta, Wasiirka Cadaaladda iyo wasiiro kale, Guddoomiyaha Magaalada Brbera iyo guddiga daba galka xasuuqyadii wadanka ka dhacay ayaa qeyb ka ahaa janaaso iyo aas qaran oo loo sameeyey dadkaan laga soo bixiyey xabaal wadareed lagu aasay.

Xabaal wadareedkan dhawaanta la helay oo koox caalami ahi xaqiijiyeen, islamarkaana soo foqeen 17 qof oo dawladdii Siyaad Bare ku laysay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa dib qof walba gaar loogu aasay, taasoo qeyb weyn ka aheyd dhibaatadii ka dhacday dhulalka Woqooyiga.

Khadar Like oo ah guddoomiyaha guddida baarista xasuuqyadda Soomaaliland ayaa ka dhawaajiyey inay waajin tahay in dadkaas laga helay xabaal wadareedka loo sameeyo sida ay diinta islaamka qabto aas wanaagsan maadaama la amray in la xushmeeyo meetada.

“Waxaanu halkan iskugu nimid in aynu xaqoodii u gudno intii aynu kari karaynay, todoba iyo toban dhalinyaro u badan, oo lagu xasuuqay xaafada la yiraa Burco Sheikh ee magaaladda Berbera oo aynu dib ugu aasayno, xuquuqdii ay lahaayeen ee aynu kari karno, iyadoo gacan ka xaqdaran dishay.”ayuu yiri gudoomiyaha guddida xasuuqa Khadar Like.

Wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa dowladda cusub ee Soomaaliya ka codsaday inay qirato in dadkaas lagu laayey amar dowladeed, sidoo kalana wuxuu sheegay inaysan jirin cid ay ka aarsanayaan falkaan loo geystay dhalinyaradooda maadaama ay ficilkaas geysatay dowlad.

Dhulka uu ka arrimiyo Somailand ayaa waxaa dhawr jeer la helay xabaal Wadareed ay ku jiraan dad badan oo la sheegay inay dishay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
[email protected]

Sirdoonka Germany oo warbixin kasoo saaray Afganbigii Turkiga & Erdogaan oo ka jawaabay

Istanbuul (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay haddal kasoo yeeray Hay’adda Sirdoonka dalka Germany ee magaceeda loo yaqaan BND.

Warbixinta BND ayaa waxaa lagu eegay Inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii hore ka dhacay wadanka Turkiga.

Warbixintan Sirdoonka Germany ayaa waxaa shaki lagu galiyay Afgembigii fashilay ee Militariga Turkiga isku dayeen, waxaana lagu sheegay warbixintaasi in Afganbiga uusan ka danbeynin Wadaadka la tuhunsan yahay ee lagu magacaabo Gullen oo iminka ku nool dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogaan ayaa Warbixintaasi ku sheegay mid lagu sii shidaayo xiisada u dhexeysa Turkiga iyo Gullen, waxa uuna tilmaamay in Warbixintaasi ay tahay mid muujineysa in Germany ayba si hoose u taageerto Gullen.

Erdogaan waxa uu sheegay in Dowlada Germany ay qeyb ka tahay Dowladaha carqaladeynaaya Amniga iyo Xasiloonida Turkiga waxa uuna wacad ku maray inay meel uga soo hari doonaan faragalinta Germany.

Erdogaan ayaa horay u sheegay in Afganbiga dhicisoobay uu ka danbeeyay Wadaadka Gullen, waxa uuna sheegay inay fududeeyeen Saraakiil lala xariirinayo Gullen oo hada ku sugan Maraykanka.

Dhinaca kale, Warbixinta Sirdoonka Germany ayaa lagu soo beegay xili ay xiisad ka dhex aloosan tahay Dowladaha Turkiga iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo diidan in Xukuumada Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
[email protected]

Imaaraadka oo war kasoo saaray duqeyntii Soomaalida Yemen

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sida ay qortay wakaaladda wararka imaaraadka ee (WAM), dalka Imaaraadka Carabta waxaa uu iska fogeeyey in ay bartilmaameedsandeen doonnida jimcihii dadka lagu dilay ee xeebaha Yemen.

Warbixintan waxaa ay sheegeysaa in Imaaraadku ogaadeen in Doonnida ay waddey dad rayid ah oo aanay shaqo ku laheyn wax military ah iyaga oo intaa raaciyay in Imaaraadka uu leeyahay sharciyo mamnuucaya in la bartilmaameedsado rayidka.

Imaaraadka Carabta, waxaa ay Xuutiyiinta ku eedeeyeen in ay duqeeyeen doonidaas, arrintaas oo aanay raacin wax caddeyn ah.

Xuutiyiinta dhankooda waxaa ay qaxootiga la dilay ku eedeeyeen diyaarada xulufada ee Sacuudiga uu hor-kacyo, mar haddii Sacuudiga iyo Imaaraadka iska fogeeyeen in Soomaalida dileen, waxaa weli taagan su’aasha ah: “Soomaaliya Qaxootiga Aheyd, Yaa Dilay?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo xilka ka qaaday agaasimihii warfaafinta Villa Somalia iyo reer Aw-Xasan oo la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xilka Agaasimaha ayaa waxaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo Villa Somalia isku sii diyaariyay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa kasoo jeeda beesha reer Aw-Xasan, wuxuuna aad ugu dhow yahay Fahad Yaasin iyo Faarax Cabdulqaadir.

Agaasimihii hore ee la bedelay ayaa lagu wadaa in lagu biiriyo mid kamid ah Hay’adaha Dowlada oo la filaayo inuu ka noqdo shaqaale, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga shakisnaa Shaqaalaha sida dhow ula shaqeeyay Xasan Sheekh, waxa uuna shakiga ugu badan ahaa mid dul qotomay Shadoor oo si dhow Saxaafada uga caawin jiray arrimaha Villa Somalia.

Sidoo kale, Villa Somalia ayaa waxaa wali ka socda kala shaandheynta xilalka iyo baalsiibka lagu haayo xubnihii horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Villa Somalia waxa ay wali dhex maquuraneysaa xaalad kala guur ah iyo xilal kala bedel, iyadoo dhowaan lagu wado in Agaasime Guud oo rasmi ah loo magacaabo Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha wasiirada ma lagu dhawaaqay, xafiiska miyaa la idinka soo wacay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa sheeko cajiib noqotay oo maalmahaan ka taagneyd magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida ay ku sugan tahay, waxayna wada sugayeen ogaanshaha golaha wasiirada xukuumada.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa sanadkaan waxay aad u dhowr sugayeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya iyo shaqsiyaadka kasoo muuqan doona.

Xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho waxaa kusoo dhacayay wicitaano badan oo dhanka Teleefanada ah  iyo aalaha bulshada ku wada xiriirto, waxayna ruux kasta oo kula soo xiriira uu na weydiinayay xiliga golaha wasiirada la shaacinayo.

Waxay noqotay arin  cajiib ah markii xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya  ay nala soo xiriirayeen daqiiqad kastaa iyaga oo na weydiinaya golaha wasiirada iyo goorta lagu dhawaaqayo.

Waxaan marar badan isweydiinay sababta xiisaha  u sheegay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya , maadaama sidaan aan loo xiiseyn jiray wasiiradii ka horeeyay.

Dad badan oo falanqeeya siyaasada ayaa sheegay inay labo arin sabab u  tahay in xukuuamadan aad loo hadal hayo.

1 Iney dadka is laheysiiyeen dowladda Soomaaliya oo ay beel walbaa iska dhex arko karto golaha wasiirada

2 Iyo iney dadka sugayaan beelaha aad u yar ee loo malaynayo inay xilal sare ka qabtaan golaha wasiirada cusub.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa in lagu dhawaaqo waxay qaadatay maalmo badan, waxaana laga dhowr sugayaa wasiirada lagu dhawaaqo iyo waxqabadka ay la imaan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kusoo kordhay qorshaha lagu wado in lagu magacaabo Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socto qabanqaabadii ugu danbeysay ee lagu magacaabi lahaa xubnaha Golaha Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa lasoo warinayaa inuu wargaliyay Xubnaha la filaayo inay kamid noqon doonaan Golaha Wasiirada, si ay ugu diyaar garooban Villa Somalia oo ay ka dhici doonto magacaabida.

Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegay in Saacad ka hor uu la kulmay Madaxweynaha Somalia, waxaana la xaqiijiyay in la faray inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Villa Somalia ayaa waxaa ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaabaayo Golaha Wasiirada, waxa ayna wararku sheegayaan in Golaha lagu dhawaaqi doono ilaa Caawa haddii uusan dhicin isbedel.

Ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in labada mas’uul ay dhankooda kasoo dhamaatay magacaabida, sidoo kalane la sugaayo kaliya isku imaatinka Xubnaha kamid noqon doona Golaha oo lama huraan ah inay ku sugnaadan Goobta xiliga ku dhawaaqida.

Dhinaca kale, Waxaa la marti galiyay Diplumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka gaar ahaan qeybaha ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo goobjoog ka noqon doona magacaabida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Galmudug oo dhalinyaro iyo gaadiid ku wareejisay Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa maamulka Puntland ku wareejiyay laba dhalinyaro iyo Gaadiid nooca raaxada ah.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Labada dhalinyaro ay gaadiidka kasoo dhici jireen deegaanada Puntland isla markaana ay ku dhex iibin jireen deegaanada Puntland.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Cusmaan Xasan Cuuke ayaa sheegay in Puntland ay ka Mahad celineyso sida loogu soo gacan galiyay dhalinyarada iyo gaadiidka ay dhaceen.

Waxa uu sheegay in soo dhiibida dhalinyarada dhaca geystay iyo Gaadiidka la dhacay ay muujineyso xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Kulankii BF ee maanta oo u baaqday hal arrin oo yaab leh!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta baaqday Kulan ay yeelan lahaayeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhici lahaa xaruntiisa Muqdisho, waxaan sabab u ahaa arrin yaab leh.

Kulankaan ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano aad u yar waxaana suurta geli weysay inuu buuxsamo kooramka, kadib markii Xildhibaanada intoo badan la sheegay inay u baaqdeen arrin ku aadan magacaabista golaha wasiirada.

Xildhibaanada intoo badan ayaa la sheegay inay raadiyaan wasiiro halka qaarkoodna ay dadaal ugu jiraan sidii ay shaqsiyaad kale xil ugu heli lahaayeen.

XIldhibaanada maanta ka baaqday kulanka Baarlamaanka ayaa la sheegay inay ku mashquulsan yihiin arrimo ku saabsan wasiirada la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa lasoo sheegayaa in xafiiska Ra’isulwasaaraha ay buux dhaafiyeen tiro badan oo ka tirsan XIldhibaanada Soomaaliya waxayna xusul duub weyn ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen wasiir ama ay shaqsiyaad kale ugu heli lahaayeen.

Markii qaar yar oo ka tirsan Xildhibaanada ay soo xaadireyn ayaa loo sheegay inuusan kulanka furmi karin maadaama uusan buuxsamin kooramka sidaa darteedna loo sheegay inay iska laabtaan oo uu kulankii baaqday.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ballan qaaday inaysan golaha wasiirada kasoo muuqan doonin xildhibaanada Baarlamaanka maadaama ay adkaan doonto in hadhaw lala xisaabtamo.

Balse hadda waxaa muuqato in wasiirada ay kasoo muuqan doono qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo shaqsiyaad horey xilal uga soo qabtay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiiro tiro badan Somalia kuam koobna, arag inta wasiir ee Ghana looga dhawaaqay

Accra (Caasimadda Online) – Waxaa lagu arkay Africa arrin mar kasta lagu eedeyn jiray Soomaaliya ee aheyd inay leedahay wasiiro aad u badan, balse hadda waxaa soo baxay wadan iskoorka ka jabiyey Soomaaliya.

Nana Akufo-Addo oo ah Madaxweynaha dowladda  Ghana ayaa ka yaabsaday madaxda dowladaha Africa markii uu ku dhawaaqay wasiirada ugu badnaa ebed ee lagu arko wadamada Africa.

Nana ayaa ku dhawaaqay wasiiro gaarayo ilaa 56 wasiir, 50 wasiir ku xigeen iyo sida kale 4 wasiir oo madaxtooyada ah.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweynaha Ghana ayaa taariikh ka gashay adduunka waxayna noqotay tiradii ugu badneed ebed ee loogu dhawaaqo Africa, wuxuuna ku tilmaamay wasiirada uu magacaabay inay dhammaantood yihiin kuwa muhiim ah oo aan laga maarmeyn.

Dhamaan wasiirada uu magacaabay ayaa ka tirsan baarlamaaanka wadankaas  , waxaana Madaxweyne Nana Akufo-Addo uu sheegay inay tani wax ka qaban doono shaqo la’aanta dalkaas ka jirta .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]