26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Kenya oo si lama filaan ah uga hadashay safarkii uu Kenyatta ku tagay Dhoobley

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maalin hore booqasho lama filaan ah oo aysan ka warqabin dowladda ku Soomaaliya Dhoobley ku tagay Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, midaas caddeysay mowqifka ay Kenya ka heysato dowladda cusub ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii kaliftay in booqasho noocaas ah uu madaxweynahooda ku tagay dalka Soomaaliya, safarkaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa midaan waafaqsaneyn sharciyada caalamiga ah.

Kenya oo ka hadashay safarkaas ayaa ku tilmaamtay inay wax iska caadiya tahay inuu madaxweyne booqdo ciidamadiisa ka joogo wadan kale.

afhayeenka dowlada Kenya Manoah Esipisu oo Saxaafadda kula hadlay Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa ka dhawaajiyey inusan jirin wax khilaaf diblumaasiyadeed oo ka dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib Booqashadii uu Uhura booqday saldhigga Militari oo ay Kenya ku leedahay Dhoobleey.

“ Booqashadii uu Uhura nooqday ciidamadiisa ka joogo Soomaaliya, gaar ahaan dhoobleey waxay aheyd mid iska caadi ah, waana muhiim inuu madaxweynaha caddeeyo taageerada uu u hayo ciidamadiisa” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka.

“ Haddii uu jiro Khilaaf u dhaxeeyo labada dowladood, waa hubaa waxaa lagu xallin karaa qaab diblumaasiyadeed” ayuu sii raaciyey.

Khilaafkaan iyo safarkaas sharci darada ah ee uu Uhura ku yimid Dhoobleey ayaa kusoo aadeyso xilli Khamiista soo socoto la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasho ku tago Kenya.

Madaxweynaha ayaa Nairobi kaga qeybgeli doono shirka ay yeelanayaan madaxda dowladaha IGAD iyadoo laga hadli doono xaqootiga Soomaaliyeed ku sugan Kenya waxaa la filayaa inay booqashadaas qaadato muddo 3 maalin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Galmudug oo qaadacday soo jeedintii R/W Kheyre ee xilliga ay doorashada dhaceyso

Cadaado (Caasimada Online) –Waxaa Shalay waraaq ay ku qornaayeen qodobo ku socdo Maamulka Galmudug soo saaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ka codsaday in dib loo dhigo doorashada Galmudug muddo 45 cisho ah.

Waxaa arrintaas si deg deg kaga hadlay  gudiga qaban qaabinaya Dooashada Madaxweynaha Galmudug  xilliga ay dhaceyso doorashada iyo haddii ay qaadanayaan talada iyo codsiga Ra’isulwasaare Kheyre.

Sida markii hore la shaaciye waxaa la filayaa inay doorashada dhacdo 28 March oo ay ka harsan tahay 28 casho, waxaana xilkaas isku soo taagay ilaa labaatameeyo musharax oo doonayo inay kursigaas ku fadhiistaan.

Dadka xilka raadinaya waxaa ku jira Ex Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Malkiilaha Hoteel Samiira Ee Muqdisho oo ay isku heyb yihiin Madaxweynihii Dhawaan Is Casilay Ee Galmudug C/kiriin Xuseen Guuleed.

Haddaaba xubin ka tirsan guddiga doorashada Galmudug oo lagu magacaabo

Maxamed Xasan Geelle  oo ah Xubin katirsan Gudiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dhawaajiyey inay doorashada dhici doonto waqtigii loogu talagalay isla markaasna aysan waqti kale dib ugu dhici doonin.

Wuxuu ka dhawaajiyey inay si weyn isugu diyaariyeen doorashada isla markaasna aysan jirin sabab ay dib ugu dhigaan, wuxuuna sheegay inaysan dhici doonin wax dib u dhac ah haba yaraatee.

Hadalkaan ayaa ka hor imaanayo codsigiii uu Kheyre u diray Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug, lamana ogo jawaabta uu Ra’isulwasaaraha ka bixin doono hadalka kasoo yeeray Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydadka Soomaali hor leh oo laga helay Xeebaha dalka Yemen

Sanca (Caasimada Online) – Qaar kamid ah warbaahinta dalka Yemen ayaa baahisay in meydad hor leh laga helay Xeebaha dalka Yemen kuwaa oo dhammaantooda kasoo jeeda Somalia.

Meydadka ilaa Seddex ruux ayaa la sheegay in goordhow laga helay Xeebaha Yemen, waxaana la xaqiijiyay in Meydadkaasi uu ku yiilay dhaawacyo.

Meydadkaani Soomaalida ayaa la dhigay Isbitaalka Xudeyda ee dalka Yemen, waxaana iminka ku socda baaritaan lagu qaxiijinaayo sababta geeridooda.

Saraakiisha amaanka Yemen ayaa sheegay inay suuragal tahay in Meydadkaasi ay ka faniineen doonidii lagu dhuftay gantaalka, waxa ayna intaa ku dareen inay jiraan Meydad hor leh.

Meydadka la la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Hooyo iyo Caruurteeda kuwaa oo baadi-goob loogu jiro helitaankooda.

Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga ayaa QM ugu baaqday inay baarto xasuuqa ka dhacay xeebaha Yemen ee loo geystay qaxootiga Soomaalida ah.

Caasimada Online
Xafiiska Sanca
[email protected]

Puntland oo digniin culus u dirtay Madaxweyne Farmaajo & Xasan Kheyre

Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay digniin u diray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Puntland ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay uu Khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxa uuna maamulka sheegay inay ka digayaan khilaafka noocaasi ah.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in durba uu khilaaf kasoo yeero Farmaajo iyo Kheyre.

Camey waxa uu sheegay in Khilaafka jira uu sii daba dheereeyay dib u dhaca Golaha Wasiirada, waxa uuna ka digay in Farmaajo iyo Kheyre ay dayacaan kalsoonida ay ka heystaan shacabka.

”Haddii uu arinku sidaa kusii socdo waxaan qirayaa in meesha ay ka bixi doonto kalsoonida ay shacabka ku qabaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha”

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay wali cusubtahay balse ay u muuqato mid sii luminaysa Kalsoonidii ay siiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in aan la isku mashquulin oo lasoo dhiso xukuumad degdeg ah maadaama uu wakhtiga ku dheeraaday.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in si siman loo qeybiyo dhammaan kuraasta Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dahabkii Soomaalida :-13 sano kadib geeridii Magool

Markii aad maqasho magaca Xaliimo Khaliif Magool micnuhu waa inaad maqashay ugu yaraan qofkii ugu saameynta badnaa kooxaha wax maa weeliya ee Soomaalida (fanku waa nuuc dhuuxa gaarsiiya maa weelada dhabta ah).

Tani ma’ahan faalo aan ugu talo galay inaan kusoo gudbiyo Taariikh faneedkii Magool laakiin waxaan jecleystay inaan wax yar idin xasuusiyo inaan ku jirno asbuucii ay dhimatay Magool iyo xiligii ay naga baxday gabadhii farxada (Farxadii Masraxa).

Taariikhdeeda oo kooban

Xaliimo Khaliif waxaa ay dhalatay sanadkii 1948dii ama 12 sano ka hor xoriyadii Somalia waxaana ay ku dhalatay magaaladda Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Magool waxaa ay ka dhalatay Qoyska reer Shareeco oo ah dad aad looga yaqaano goboladda dhexe ee Somalia, abaheed Cumar Shareeco ama sida dadka qaarkii ay u aqoon jireen Khaliif Cumar waxaa uu ahaa caalim aad looga yaqaano Gal-gaduud.

Xaliimo Khaliif ayaa iyadoo yar la keenay magaalada Muqdisho waxaana ay kusoo bar baartay guriga abtigeed Maxamed Xaaji halkaas oo ay kadib uga sii gudubtay magaaladda Hargeysa.

Waayaheeda Faneed oo kooban

Magool ayaa kusoo biirtay fanka iyadoo yar waxaana ay fanka kasoo gashay magaaladda Hargeysa, Heesta la yiraahdo Banaadiri ayaa aheyd heestii ugu horeysay oo ay qaaday Magool waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay ay bartilmaameed u aheyd Abwaan kasta oo raba inuu soo saaro Hees qiimo leh.

Magool waxaa ay qaaday nuuc walba oo hees ah Sida heesaha Wadaniyada,Jaceylka,Aqoonta,Nabi Amaanka iwm,waxaa ay laheyd cod aan marnaba is badalin waxaana ay soo jiidan kartay cid kasta oo waqti yar siisa dhageysigeeda ,waxaana ay laheyd cod ay adag tahay inaad mucaarado.

Intii ay nooleed mar la weydiiyay fanaaniinta ay jeceshahay iney badi la heysto waxaa ay sheegtay iney ka hesho wadajirka Kuluc,Tubeec iyo Salaad Darbi.

Waxaa ay fanka Soomaalida ka gaartay darajada ugu sareeysa waxaana loo doortay Boqorada Codka (gabadha ugu codka qurxoon) waxaa qof walba oo African ah tusaale ugu filan qiiradii ay kusoo bandhigtay Shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay Muqdisho.halkaas oo ay ka heeseen koox fanaaniin ah oo ay hormuud u aheyd Magool.

Hobolada fanka ee qaaradda Africa waxaa ay magool u yaqanaan “Dahabkii Soomaalida” waxaase aad u adag inuu qofna suureeyo waxa ay Magool ka aheyd fanka Soomaalida waana sheeko qof,labo iyo saddex midna uusan sharixi karin.

Magool waxaa ay ka tirsaneyd hoboladda Waabari intii u dhaxeysay 1969kii ilaa 1993dii, Sharxaad uma baahna heesaha ay qaaday Magool oo ugu yaraan qof kasta oo Soomaali qaan gaar ah ayaan garanaya labo ilaa saddex ka mid ah heesaheeda.

Saameynteeda bulsho

Waxaa ay aheyd gabar saamen badan oo cilaaqaad uu kala dhaxeyay nuuc walba oo bulshada ka mid ah si gaar ah madaxda Siyaasadda waxaana ay aad ugu dhoweyd Dowladii kacaanka ee Jaale Siyaad, waxaa ay kaloo aad ugu dhoweyd wadaadada diinta gaar ahaan dariiqiyada Suufiyadda.

Ku dhowaanshaha Magool ee Siyaasada ayaa fududeysay inuu guur dhex maro dad caan ka ah Somalia oo uu ka mid ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Dadka Soomaalidu waxaa ay ahaayeen dad aad u xushmeeya Magool waxaana tusaale kuugu filan in dagmadda Hodan ee magaalada Muqdisho ay ku taalo wado loogu magac daray fanaanada (Wadada Magool)

Magool waxaa ay ku jirtay fanaaniin badan oo ka cararay Somalia markii uu qarxay dagaalkii Sokeeye waxaana ay ku dhimatay magaalada Amsterdam ee wadanka Holland 19-kii March sanadkii 2004, waxaana haatay geerideeda laga jooga 13 sano.

13 sano kadib geerideedii Magool wali ma’ahan mid ay xasuusteedu ka dhamaatay Soomaalida oo dhan Allaha u naxariisto Xaliimo Khaliif astaantii fanka Soomaalida.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
[email protected]

 

Ujeedada iyo arrintii Kenya ay Farmaajo ku tustay safarkii Kenyatta ee Dhoobleey

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta ayaa booqasho lama filaan ah oo uusan ku wargelin dowladda Soomaaliya ku tagay Magaalada Dhoobleey oo Koonfur Galbeed kaga beegan Gobolka Jubada hoose.

Booqashadaan ayaa waxay noqotay mid lala yaabay oo Su’aalo badan laga keenay waxaa fikrado kala duwan ka bixiyey dadka falanqeeyo siyaasadda oo ku fasiray inay muujineyso siyaasadda ka dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya halka ay mareyso.

Haddaba waxaa laga warqabaa in xiriirka ka dhaxeeyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraajo iyo dowladda Kenya uusan wanaagsaneyn, waxaa horey si dhib ah loogu qanciyey Uhura inuu kasoo qeybgalo xafladdii caleema saarka ee Madaxweyne Farmaajo taasoo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa la filayey inuu soo wanaagsanaado xiriirka labada dowladood kadib kaso oqeybgalka xafladdaas balse xaaladda ayaa meel xun gaartay kadib Markii madaxweynaha Kenya uu booqasho ku tagay Magaalada Dhoobley oo ka tirsan dhulka Soomaaliya isagoo an wax fasax iyo ogeysiis ah soo gaarsiin dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Dadka falanqeeyo Siyaasadda ayaa  ka dhawaajiyey in booqashadaas uu Uhur ku tagay Dhoobleey ay muujineyso siyaasadda qalafsan oo ay Kenya la dooneyso dowladda Soomaaliya,.

Sidoo kalana waxaa lagu macneeyey inay Kenya dooneyso iska hor keenidda Maamulka Goboleedka Jubbaland oo dhulkaas ka arrimiyo iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya maadaama la sheegay inay arrintaas wax ka ogaayeen maamulka Jubbland oo uu hoggaamiye Axmed Madoobe .

Axmed Madoobe ayaa isaga muujiyey inuu si weyn u taagersan yahay dowladda dhexe isla markaasna wuxuu xildhibaanada Matala maamulkiisa ka codsaday inay si fiican ula shaqeeyaan madaxweynaha ay iyaga doorteen maadaama aysan jirin cid ku qasabtay.

Dowladda Kenya  tallaabadaan ay qaaday waxay si cad u muujineysaa inuusan xiriir fiican kala dhaxeyn dowladda Soomaaliya, sidoo kalana sharci yaqaanada ayaa sheegay inay tallaabadaan tahay mid aan waafaqsaneyn shuruucda Caalamiga ah.

Sida ku cad heshiisyada Caalamiga ah madaxweyne kasta oo booqanayo wadan ka baxsan wadankiisa waxaa waaajib ku ah inuu wargeliyo madaxweynaha dalkaas, haddii laga aqbalana uu tagay haddii kalana uu joogo.

Tallaabadaan yaabka badan ayaa muujineyso inaysan Kenya aqoonsaneyn dowladda cusub ee Soomaaliya oo horeyba loo ogaa inaysan siyaasad ahaan ku qanacsaneyn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xiriirka xun ee dowladda Kenya iyo Farmaajo wuxuu soo bilawday xilligii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare markaas oo uu amray Hey’adaha caalamiga ah ee ku shaqeenayey Nairobi inay si deg deg ah Xamar u imaadaan halkaan ay ugu shaqeeyaan.

Amarkaas ayaa kadib ku noqoday dowladda Kenya wixii markaas ka dambeeyana waxay ka shaqeeneysay sidii ay ula dagaalami laheyd ninkaan ay ka muuqato wadaninimada iyo Soomaali Jaceylka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu si deg deg ah uga hadlo tallaabada qaldan oo uu qaaday madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta oo muujiyey inaysan Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho oo iib ah: Maamulka gobolka oo xaraashay suuq aad u weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dhulalka Dowlada ee lagu kala iibsanaayo magaalada Muqdisho kadib markii ay meesha ka baxday Dowladii isha ku heyn jiray dhulalka Dowlada.

Dhulalka ugu badan ee dowlada ayaa waxaa iibsanaaya Ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaa oo ka faa’iideysanaaya isbedelka Dowladii hore ee Xasan Sheekh iyo Dowlada cusub ee uu Hoggaaminaayo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhulalka gudaha Asbuucaani la iibsaday ayaa waxaa kamid ah dhulka weyn ee uu ku fadhiyo Suuqa Cali Boolaay oo ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Heshiiska lagu kala iibsaday dhulka uu ku fadhiyo Suuqa kadib ayaa waxaa la burburiyay dhammaan sandaqadihii ku yiilay Suuqa iyo Goobaha lagu iibinaayay qudaarta iyadoo burburintaasi ay ku dhaqaaqeen Shaqaalaha Dowlada Hoose oo amar ka heysta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale ”Boorsaani”.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in dhulkaasi laga iibsaday C/llaahi Macalin Nuur oo uu dhalay Wadaadka ”Macalin Nuur Maxamed Siyaad”.

Suuqii Cali Boolaay oo ah Suuq qadiimi ah ayaa waxaa dhisay Dowladii uu Hoggaaminaayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana dib u dayactiray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), halka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale uu isna ka iibsaday gabi ahaan Suuqa.

Qorshaha iibsade C/llaahi Macalin Nuur ayaa ah in dhulkaasi uu ka dhiso garoomo Isboorti oo lagu ganacsado, waxa ayna tallaabadaani qeyb ka noqoneysaa qorshaha lagu iibinaayo dhulal farabadan oo iminka liiska ugu jira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Odayaasha deegaanka ayaa durba cabasho ka keenay iibinta dhulka uu ku fadhiyo Suuqa Cali Boolaay, waxa ayna sheegen in cadeymo muuqda ay u hayaan in Cali Boolaay uu yahay dhul Dowladeed.

Dhinaca kale, waxaa jira dhulal aad u faraban uu Maamulka Gobolka Banaadir ka iibiyay Ganacsato iyo Siyaasiyiin, waxaana muuqaneysa in Dhulalka danta guud la xaraashayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Madoobe iyo Gaas oo isku heysta hal wasaarad oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow Xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegaya in Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/wali Gaas ay isku heystaan Hal wasaarad oo muhiim ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku dhagan yahay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia, Halka Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas uu isna Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday in Puntland lasiiyo Wasaarada Maaliyada.

Jubbaland ayaa la sheegay in loo soo bandhigay Wasaarada Gaashandhiga waxaana la xaqiijiyay Hoggaamiyaha maamulkaasi uu ka biya diiday in Sanadkaani lasiiyo Wasaarada Gaashandhiga waxa uuna taa bedelkeeda dalbaday in Jubbaland lagu abaalmariyo Wasaarada Maaliyada.

Jubbaland waxa ay si cad u qaadacday go’aanka uu Madaxweynaha kusiinaayo Wasaarada Maaliyada oo inta badan lasiiyo Beelaha kasoo Jeeda Jubbaland, waxa uuna Hoggaamiyaha maamulkaasi ku doodayaa in la cadeeyo sharciga dhigaaya in Jubbaland lagu abaalmariyo Wasaarada Gaashandhiga.

Sidoo kale, Puntland waxa ay ka biya diiday in lasiiyo Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka waxa ayna ku adkeysaneysaa in lasiiyo Wasaarada Maaliyada, waxa uuna Hoggaamiyaha Puntland C/wali Gaas Madaxweynaha ku wargaliyay in Puntland aysan qaadan doonin Wasaarad aan aheyn Maaliyadda.

Madaxweynaha Somalia ayaa wali wada wadahadalka lagu qancinaayo Maamulada Jubbaland iyo Puntland waxaana Farmaajo looga fadhiyaa in go’aan uu ka qaato muranka labada maamul Goboleed ee Wasaarada Maaliyadda.

Lama oga waxa uu noqon doono Go’aanka Madaxweynaha waxaase soo baxaaya warar sheegaya in labada maamul uu kala saaray Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Daljir oo shalaay ka joogta doorashadii ay kusoo saaren Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga Daljir ayaa kaalin mug leh ka qaatay Guusha Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka gaaray Doorashadii 8 Feb, 2017 ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaadyo kala duwan u sameeyay Xildhibaanada Daljir, isagoo la sheegay inuu ka dhigi doono Xubno kamid ah Golaha Wasiirada waxaana iminka soo baxaaya in Farmaajo iyo Xildhibaanada ay ku kala fogaaden Siyaasada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa tan iyo markii uu magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre u gaabiyay Xildhibaanada Daljir, kadib markii uu soo saaray qorsho Xildhibaanada looga ilaalinaayo kamid noqoshada Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada uu ballanqaadka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Fiqi iyo Xasan Macalin, waxa uuna Xildhibaan Xasan ku haya magacaabida Ra’isul wasaare Kheyre, halka Axmed Fiqi isna laga jartay xiriirka dhow ee kala dhexeeyay Farmaajo.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa loo ballanqaaday Wasaarada Amniga Qaranka, waxaana saacadihii ugu danbeeyay soo baxaayay in Wasaaradaasi loo dhiibi doono Siyaasi kale, kadib markii Xildhibaanada Beesha Habar-Gidir ay isku qabteen Wasaaradaasi.

Waxaa meel cidla ah kusoo dhacay Xildhibaano kale oo ka tirsan Xisbiga Daljir oo iyaguna si dhow ula shaqeeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana lasoo warinayaa in Madaxweynaha uu u deyriyay Xildhibaanada kale.

Xildhibaanada Daljir oo kullamo kala duwan ku qaadanaaya magaalada Muqdisho ayay ku dhaliileen Siyaasada Madaxweyne Farmaajo kadib markii uu ka dhabeyn waayay ballanqaadyadii dhexmaray.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka fiirsanaaya ka jawaabida ballanqaadka uu u sameeyay Xildhibaanada BFS ee kalsoonida buuxda siiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Caddow Cali Gees oo caqabad ku noqday Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan ”Caddow Cali Gees” uu carqalad ku hayo Siyaasada Dowlada Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Caddow Cali Geys uu dhaqaale xoogan ku bixinaayo carqaladeyn Golaha Wasiirada ay isla dhiseen Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Caddow Cali ayaa iminka magaalada Muqdisho kawada kullamo gaar gaara oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada si ay u hor istaagan Golaha la filaayo in la horgeyn doono Baarlamaanka dhismaha kadib.

Xildhibaan Caddow Cali Gees ayaa Xildhibaanada ku ababinaaya in Xukuumada cusub ay tahay mid lagu marin habaabinaayo Dowlada, waxa uuna dhaqaale xoogan ku bixinayaa sida qaar kamid ah Wasiirada lagu diidi lahaa.

Xildhibaan Caddow ayaa aad uga soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, kadib markii laga diiday shaqsi uu la doonaayay in lagu biiri Xukuumada Somalia.

Cddow Cali Gees ayaa horay u sheegay in xilka uu hayo uu ku badbaadsanaayo Hantidiisa waxaana iminka xigay in faragalin toosa uu ku sameeyo Golaha Wasiirada tan iyo markii Farmaajo iyo Kheyre ay laaleen Shaqsigii uu doonaayay in loogu darro Golaha Wasiirada.

Dowlada Somalia ee uu Hoggaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaa caqabado kala duwan kala kulmeysa qaar kamid ah Xildhibaanada dalka kuwooda ugu dhaqaalaha badan waxaana suuragal ah in faragalinta noocaasi ah ay qaadacaan labada Gole.

Ma cadda qodobada gaarka ah ee uu ka careysan yahay Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali ”Caddow Cali Gees” waxaase muuqaneysa inuu ka didsan yahay hanaanka Siyaasada Dowlada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Heshiiskii Berbera oo si rasmi ah loo dhameystiray (Aqri sagaalka qodob)

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Wafdiga  uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici ayaa ku sugan Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, iyagoo halkaas u tagay arrimo ku saabsan heshiiskii Berbera.

Haddaba  waxaa maanta si rasmi ah heshiis ka koobnaa ilaa  9 qodob wada saxiixday dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamul Goboleed Somaliland, waxaana heshiiskaas kamid ah heshiskii Saldhigga Imaaraadka ee Magaalada Berbera kaasoo muran badan ka dhex dhaliyey dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Haddab Caasimadda Online ayaa heshay qodobadii lagu heshiiyey oo aan si rasmi ah saxaafadda loogu soo bandhigin maadaama ay jirto xasarad weyn oo ka dhalastay arrintaan.

  • Somaliland waxay Dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaaday inay isticmaasho Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isla markaasna ay ka sameysato Saldhig Militari.
  • Imaaraadka Carabtay waxay Berbera ka dhici doonaan garoon kale oo diyaaradeed si ay u isticmaalaan dadka rayidka ah.
  • Imaaraadka waxay dhisi doontaa isla markaasna bilaabi doonto mashruuca Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km.
  • Imaaraadka waxay Somaliland ka fullin doontaa mashaariic ku saabsan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada, waxayna ballan qaaday inay 3 sano gudahood ku fullin doonto Mashaariicdaas.
  • Dowladda Imaaraadka waxay shaqo siin doontaa dadka ku abtirsado Maamulka Somaliland.
  • Dowladda Imaaraadka waxay caawisaa shirkadaha Somailand ka sameysanayo mashaariicda iyo maalgashiga.
  • Imaaraadka Carabtay waxay Somaliland ka caawin doontaa Xagga amniga iyo nabadgalyada.
  • Wuxu heshiiskan albaab cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.
  • Imaaraadka Carabtay waa inay gargaar bini’aadanimo oo deg deg laasoo gaartaa dadka kasoo jeedo Somailand oo ay saameysay abaarta.

Heshiikaas ayaa waxa dhinaca Somaliland u Saxiixay Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, halka Imaaraadka uu qalinka ugu duugay Maxamed AL-Zuweydi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xog: Farmaajo oo go’aan lama filaan ah ka qaatay baratakoolkiisa gaarka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ugu danbeyntii qaatay go’aan ah in Bartakoolkiisa gaarka ah uu ka dhigo shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuusan la imaan wax Bartakool ah kadib markii lagu dhaliilay in Bartakoolka cusub ay khaldayaan nidaamka maadaama aysan aqoon sharciyada lagu hagaayo Madaxweynaha.

Bartakoolka iminka la shaqeeya Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay inay yihiin kuwii la shaqeyn jaray Xasan Sheekh waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Tababar dibadda ah loo qaaday dhowr qof uu Farmaajo u keensaday inay buuxiyaan booska kuwa iminka ku shaqeeya Bartakoolka.

Bartakoolka hadda la shaqeeya Farmaajo ayaa ka haray dhowr Bartakool oo la baxay Xasan Sheekh kuwaa oo ku heeb ahaa Madaxweynihii hore.

Bartakoolka sida KMG ah ula sii shaqeyn doona Farmaajo ayaa Seddex sanno ka hor Tababar lagu siiyay dalal ay kamid yihiin Turkiga iyo Imaaraadka, waxaana la filayaa in kuwaani lagu bedeli doono tirada uu la imaaday Farmaajo ee loo qaaday Tababarka.

Farmaajo ayaa kala diri doona dhammaan Shaqsiyaadka sida dhow ula shaqeyn jiray Xasan Sheekh waxaana la xaqiijiyay in kala diristaasi ay imaan doonto kadib markii lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ma cadda baahida keentay in Madaxweyne waliba oo la wareega xilka kala diris ku sameeya dhaqaalaha ka howlgala Villa Somalia, waxa ayna tani dhaqan iyo caado u noqotay Madaxda Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

La kulan 70 jir haysta shahaadooyinka ugu badan ee Jaamacadeed, welina waa arday

Luciano Baietti, waa maamule iskool oo shaqada ka fariistay wuxuuna degan yahay magaalada Velletri ee dalka Talyaaniga, ninkaani wuxuu heystaa rikoorka buugga dhacdooyinka taariikhiga ah ee adduunka lagu keydiyo The Guinness World Records iyadoo loo aqoonsaday ninka heysta shahaadooyinka ugu badan ee heer Jaamacadeed.

70 sanno jirkaan Luciano Baietti ayaa wuxuu heystaa 15 shahaado oo isugu jira Bachelors iyo Masters Degrees wuxuuna ka kala qaatay Jaamacado kala duwan oo ku yaalla dalka Italy.

Luciano Baietti ayaa adduunka ka yaabsaday markii uu warbaahinta u sheegay inuu diyaar u yahay inuu haatan gacanta kusoo dhigo shahaadadiisii 16aad ee heerka Jaamacadeed.

Luciano Baretti wuxuu dadka dheer yahay inuu ku faraxsan yahay noloshiisa ardaynimo. Wuxuuna hurdada kasoo kacaa 3am habeenimo habeen kasta, iyadoo waqtigaas ay dadka oo dhan hurdayaan ayuuna akhristaa cashirradiisa Jaamacadda.

Ninkaan u dhashay Talyaaniga ayaana daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu rikoorkaan ku galay buugga The Guinness World Records, isagoo ku daysanaya ninkii u dhashay Faransiiska Louis-Francois Bertin, kaasoo qarnigii 19aad shahaadooyin badan ka qaatay jaamacado kala duwan.

Uma baahnid sankaaga si aad wax u uriso (Barnaamijkan qariibka ah ayaa lasoo saaray)

KunKun Application, waa barnaamij lagu xirayo taleefoonkaaga gacanta kaasoo magaciisa marka Afsoomaaliga lagu turjumo noqonaayo ‘Urin ama Shiirin’.

Barnaamijkaani wuxuu ka mid noqday barnaamijyada qariibka ah ee taleefoonnada gacanta ah lagu xirto kaasoo ay sameysay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Japan ee Konika Minolta.

KunKun Application, wuxuu ka caawinayaa dadka isticmaalaya in aysan marnaba sankooda si toos ah ugu urin waxyaabo laga yaabo inay aad u shiirayaan, shiirinta cagta ama kilkisha.

Bedelkeeda adigoo isticmaalaya KunKun Application wuxuu kuu sahli doonaa inaad anteenadiisa yarta ah ku taagto halka aad dooneyso inaad shiiriso ka dibna wuxuu kuusoo gudbin doonaa shiirka rasmiga ah ee uu leeyahay sheygaasi, isagoo kuusoo marsiinaya taleefoonkaaga waase haddii uu yahay smartphone.

Qalabkaan ayaa telkaaga la bari doonaa ka dibna isaga ayaad isticmaaleysaa bedelkii sankaaga

Hiroshi Akiyama, waa INJINEER 43 sanno jir ah oo u dhashay dalka Japan isaga ayaana sameeyey barnaamijkaan KunKun App. Wuxuuna daaha ka qaaday in sababtii uu u sameeyey ay aheyd in inta badan ragga dhaafay dhallinta 40aad ay dhibaato ku qabaan shiirkooda, iyagoo hadana ka xishoonaya inay hubiyaan shiirka qeybo ka mid ah jirkooda marka ay marayaan fiyaalaha magaalada.

Sidaas darteed shirkaddiisa Konika Minolta iyo Osaka Institute of Technology ayaa iskaashaday waxayna soo saareen barnaamijkii ugu horreeyey ee dadka ka caawinaya inay wax shiiriyaan iyagoo aan isticmaaleyn sankooda.

Si aad u isticmaasho barnaamijkaan waxaad markasta u baahan doontaa inaad qaadato moodham yar, laakiin qiimaha uu joogo KunKun Modem illaa haatan daaha lagama qaadin.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal kuu sharraxaya sida uu u shaqeeyo barnaamijkaani.

Xog-warran: Maxaa Jubaland ku qasbay fadeexaddii ka raacay safarkii Uhuru ee Dhoobleey?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Goboleedka Jubblanad ayaa la kulmay fadeexad weyn markii ay isku dayeen inay inkiraan safarkii uu Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ku tagay Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhoobleey waxaa ka arrimiyo maamulka Jubbland ee hoostago dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyey inuusan madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta imaan Magaalada Dhoobleey iyo meel u dhaw.

Haddaba waxaa kadib soo baxay war weyn oo ku noqday caqabad iyo fadeexad markii afhayeenka madaxweynaha KenyaManoah Esipisu uu saxaafadda kula hadlay Nairobi isagoo ka dhawaajiyey inuu Kenyatta booqasho lama filaan ah ku tagay Magaalada Dhoobley ee Soomaaliya.

Markii uu hadalkaas soo baxay ayaa waxaa Soomaaliya qabsatay is waydiinta su,aalo ku saabsan sababta keentay In Maamulka Jubbaland uu isku dayo inkiraadda intaas la eg ee sababtay inay inkiraan safar dhan oo uu madaxweyne ku imaaday Soomaaliya.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in Safarka Uhuru uu ku yimid Dhoobley inuu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn , dibna ay kala xumaastay waxayna Kenya iyo Jubblanad isku dayeen inay inkiraan Arrintaas.

Maamulka Jubbland Axmed Madoobe waxaa u fududeeyey inuu Kismaayo qabsado ka hor inta aan maamulkaaas lagu dhawaaqin dowladda Kenya, waxaana meelaha ugu muhiimsan maamulkiisa joogo ciidamo ka socdo Dowladda Kenya oo ka tirsan Midowga Africa waxaana arrintaas inkiraada ah loo sababeenayaa xiriirka fiican ee ka dhaxeeyo Jubblanad iyo Kenya.

Ceebta ku dhacday Jubbaland ayaa timaaday markii Uhura uu ka dhawaajiyey inuu halkaas safar ku tagay iyadoo markii hore ay ballanta aheyd in la qariyo, balse midaas way qarsoomi weysay markii sawiro iyo muuqaalo ku saabsan safarkaas lagu baahiyey wargeysyada ugu caansan adduunka.

Ilaa hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee uu Uhura u tagay halkaas balse waxaa la rumeysan yahay inuu booqasho ugu tagayey ciidamo ka tirsan dowladiisa oo halkaas ku sugan sidoo kalana wuxuu booqday dhaawacyo ka tirsan ciidamada Kenya oo yaal Isbitaal halkaas ku yaalay.

Safarka uu Uhura ku tagay Dhoobley ee fasax la’aanta ah waxaaba kasii daran Maamulka Jubbland oo isku dayayo inuu Soomaaliya uga hiiliyo Kenya taasoo ku noqotay ceeb iyo fadeexad wey, waxaana markii Farmaajo la doortay loo heystay in maamulka kaliya ee sida daacadda ah u taageersan inuu yahay Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa looga fadhiyaa inuu jawaab cad ka bixiyo haddii uu wax ka ogaa safarka Uhura iyo sababta keentay in maamulkiisa uu inkiro safarkaas shacidarada ah ee xiisadda ka dhex dhaliyey dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyey ee ka tirsan Maamul Goboleedyada dalka oo si sharci darro ah madaxweyne ku keenay deegaanada uu ka arrimiyo midaasna waxay dhaawac weyn ku tahay sharafta iyo karaamada maamulkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Kenya oo ka jawaabtay carada Villa Somalia ay ka qaaday socdaalka Kenyatta ee Dhoobley

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu booqasho kusoo gaaray Somalia, gaar ahaan Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose, ayaa waxaa arrintaasi ka hadashay Madaxtooyada Kenya.

Monoah Esipsu oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Kenya, ayaa sheegay in booqashada Kenyatta ee Dhoobley aysan micno kusoo kordhineynin Siyaasada Kenya kala dhexeysa Somalia.

Monoah Esipsu, waxa uu sheegay in Booqashada Kenyatta aysan marnaba dhaawici doonin xiriirka labada dal waxa uuna arrin caadi ah ku sheegay tagitaankiisa Dhoobley.

Monoah Esipsu, ayaa beeniyey inay Xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Kenya, kadib booqashaddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta shaly ku soo booqdy Saldhigga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose.

Monoah Esipsu, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Nairobi ayaa tilmaamay inuu socdaalkaasi caadi ahaa, inkastoo ay Dowladda Somalia ka carootay arrintaasi.

Sidoo kale, Mr Manoah Esipisu waxa uu beeniyey inuu Dagaal Diplomaasiyadeed kala dhexeeyo Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in carada Madaxtooyada Somalia ay tahay mid sii taagnaan karto maadaama booqashada Kenyatta ay aheyd mid gaaban.

Isagoo arrintaani ka hadlaayay ayuu yiri ”Booqashadda Madaxweynaha ee Ciiddankiisa waa wax caadi ah in l sameeeyo, Annagana saas ayaan samaynay. waxay u ahayd muhiim Madaxweynaha si u uTaageeradiisa u tusiyo Ciiddnkiisa ee ka shaqeynayo sugidda Ammanka ee dlkeenn”

Socdaalkiisa ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid uu uu taageero ugu muujiyo Ciiddankiisa oo ku sugnaa Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa aad uga carootay wargalin la’aanta socdaalka Uhurro Kenyatta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo go’aan 5 qodob ka kooban kasoo saaray doorashada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray go’aan ka kooban shan qodob oo ku aadan doorashada madaxweynaha Galmudug ee la filayo in dhowaan qabsoonto, sida ku cad warsaxaafadeed kasoo baxay.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka

(Muqdisho 19/03/2017) Raiisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Arimaha doorashada ee dhawaan looga dhawaaqay in ay ka dhici doonto Galmudg wuxuu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala layeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare , xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Ahlu sunna wal jamaaca.

Hadaba wuxuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya soo jeedinayaa;

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

—-DHAMMAAD—-

Sawirro: Yuhuuda oo Falastiin kusoo bandhigtay arrimo yaab leh

Istanbuul (Caasimada Online) – Shucuubta Yuhuudda ayaa u dabaaldegay maalinta ay ugu magacdareen “Purim” oo ah maalin laga bad-baadiyay Yuhuudda in la wada laayo.

Dabaaldeggan ayaa waxaa si weyn looga xusay magaalada Jerusalem ee Falastiin, waxa ayna dadka Yuhuuda soo bandhigeen Aflaam iyo Sawirro lagu aflagaadeynaayo Shacabka Falastiiniyiinta ah.

Yuhuuda waxa ay magaalada Jerusalem ka xanibeen dhammaan Shacbka Falastiin iyadoo Ciidamo aad u farabadan lagu daadiyay dhammaan guryaha ay degan yihiin Shacabka Falastiin si aysan u carqaladen amniga ay ku naaloonayeen Boqolaalka Yuhuuda ee dhiganaayay Munaasabada maalinta badbaadadooda.

Boqolaalka ragga ah ee ka qeybqaadanaayay Munaasabada ayaa isku muuqaal ekeysiiyay Falastiinta waxa uuna muuqaalkaasi u muuqday mid lagu aflagaadeynaayay diinta suuban iyo Sunadda.

Carruurta ayaa waxaa goobaha ay ka kala socdeen munaasabadaha lagu baraayay sida ay u toogan lahaayen haddii ay la kulmaan dadka Falastiiniyiinta ah, waxa ayna wateen Bastoolado iyo qoryaha ay ku cayaaran carruurta maalmaha munaasabada.

Waxa ay jilayeen Carruurta qaabka loo fuliyo dilalka iyagoo mid mid isugu tijaabinaayay qoryaha feega ah oo ay ku labisnaayen.

Waxaa ugu sii darneyd kadib markii goobta lagu soo bandhigay Aflaam lagu duraayay dadka muslimka ah, iyadoo Baadariyaasha Kaniisaduhuna ahaayen kuwo u sacaba tumaayay dadka jilaayay aflaamta aflagaadada ah.

Farmaajo iyo Jawaari oo isla qaatay baaqii Xasan Sheekh (Muxuu ahaa)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ugu danbeyntii hirgaliyay baaqii Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Baaqa Xasan Sheekh ayaa ahaa in Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia lagu hirgaliyo nidaam beeleedka iyadoo laga fogaanaayo waxyaabaha kala fogeynaaya Beelaha Soomaaliyeed.

Farmaajo iyo Jawaari ayaa maalmihii ugu danbeeyay isku Khilaafsanaa hanaanka lagu dhaqan galinaayo Liiska Golaha Wasiirada oo badi uu soo xulay Madaxweynaha Somalia, iyadoo Liiskaasi uu ka didsanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa doonaayay inuu la imaado Liiska Xubnaha dhowr beel uga mid noqon lahaa Golaha kuwaa oo u badnaa Siyaasiyiin si dhow ula shaqeeya isla markaana ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Farmaajo ayaa isna doonaayay in Xubnaha Golaha Wasiirada lagu xulo baahida Beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna ugu danbeyntii laalay Liiska uu soo xulay Jawaari.

Farmaajo ayaa ku socday hanaanka uu doonaayay Xasan Sheekh ee ah in lagu soo xulo Golaha Wasiirada, maadaama Farmaajo uu ka didsanaa in kacdoon uu kala kulmo Beelaha.

Khilaaf iyo Is qabqabsi maalmo qaatay kadib Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa isla gartay in Golaha lagu soo xulo qaab ka baxsan qaababkii hore, waxaana meesha laga saaray dhammaan Liiska dhaliyay muranka iyadoo Golaha laga soo dhex xulaayo Siyaasiyiin kale oo ku heeb ah isla kuwa la bedelay.

Dowlada cusub ee Somalia ayaa si KMG ah ugu sii shaqeyneysa Siyaasadii uu jideeyay Madaxweynihii hore ee Somalia, waxaana muuqaneysa in Farmaajo iyo Jawaari ay isla qaaten baaqa Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda ugu sareysa ee Qaranka ayaa isla fahmay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo ka hor inta aan la gaarin maalinta Khamiista ah, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu socdaal shaqo ku gaari doono magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo shaacisay tirada lacagtii ay Soomaaliya siiyeen tan iyo 2011

Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka dhawaajisay lacago ay sheegtay inay Dowladda Soomaaliya siisay tan iyo sanadkii 2011 markaas oo abaar ba’an ay ku dhufatay.

Mehmet Simsek oo ah Ra’isulwasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay inay Dowladda Turkiga tan Soomaaliya ku wareejisay ilaa Hal Bilyan oo Dollar tan iyo sannadkii 2011-kii, taasi oo uu xusay inay qeyb ka tahay Istaraatijiyadda Turkiga ee Somaaliya ka leedahay.

Shirka Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyayaasha Bangiyadda Dhexe ee 20-ka Dowladood ee Horumaray ee Kooxda G20 ugu dhamaaday magaalladda Baden-Baden ee dalka Jarmalka ayuu Ra’isulwasaare ku xigeenka kaga dhawaajiyey hadalkaas.

Mas’uulkaan ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda Soomaaliya siiyaan bil kasta lacag gaareyso ilaa Malaayiin Doolar taasoo uu sheegay inay ugu talagaleyn in dadka loogu qabto adeegyada ay ugu horreeyaan Amniga iyo horumarinta.

Mehmet Simsek ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee dowladaha G20 ay tahay inay markaan xoogga saaraan dowladaha Africa ee kaalmada u baahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in 100-ka sanno ee soo socda noqon doona Sannadihii Afrika.

Wuxuu sheegay in la badin doono safaaradaha ay Turkiga ku leedahay Africa oo gaarayo 39 waana mid kamid ah tallaabooyinka ay Turkiga ku muujineyso istaraatiijiyada ay ka leedahay Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]