25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Jawaari oo ka faa’iideysanaaya siyaasad yarida Farmaajo iyi Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kullamada Villa Somalia ku dhexmaraaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari.

Kullamada socda ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aad u adag isla markaana leysku mari la’ yahay sababo la xiriira in Guddoomiye Jawaari uu ka Siyaasad dheereenayo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Jawaari oo ka faa’iideysanaaya itaal yarida dhanka Siyaasada ka heysata Farmaajo iyo Kheyre ayaa isku dhex qasay dhammaan Jadwalka Golaha Wasiirada oo ay isla diyaariyeen labada Mas’uul ee dalka ugu sareeya.

Jawaari ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ku cadaadinaaya Liis gaara oo uu wato, waxaana la sheegay inay ka biya diidan yihiin Farmaajo iyo Kheyre taa oo sababtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qeyla dhaan kasoo saaran faragalinta uu Villa Somalia ka dhex wado Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa miisaan ku dhex leh qorshaha lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada, waxaana la tilmaamayaa inuu hakiyay dhowr Liis oo ay isla diyaariyeen Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Jawaari ayaa Heshiis gaara la galay Siyaasiyiin dhowr ah kuwaa oo la filaayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha ayaa awoodooda wiiqan tahay kadib markii ay kordheen Shaqsiyaadka faragalinta ku heysa xulista Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jubaland oo difaac yaab iyo been ah u sameysay xadgudubkii Kenyatta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa difaac yaab iyo been ah u sameeyey xadgudubkii uu madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ku sameeyey madaxbanaanida Soomaalida, kadib markii shalay uu booqday magaalada Dhoobley isaga oo aan soo wargelin dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Risaala oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Mr Kenyatta uu yimid degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamuud Sayid Aadan, wuxuu sheegay in madaxweynaha Kenyatta xitaa uusan imaan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, ayna been abuur tahay inuu yimid degmada Dhoobleey.

Wuxuu u sheegay warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan Kenya inaysan warar been abuur ah ka tabiyaan deegaanada maamulkooda uu ka taliyo ee Jubbaland, sida uu sheegay.

Madaxtooyadda Kenya ayaa shalay Gelinkii dambe si rasmi ah u shaacisay Booqashadii Madaxweynaha Kenya uu ku tagay Dhoobley  oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya madaxweynaha oo tahay xero ciidan iyo Teendhooyin ay ku jiraan ciidamada dhaawac ah ee u dhashay dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda kama aysan hadlin jiritaanka in madaxweynaha Kenya uu shalay tahay magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Danjire Ameeriko oo arrin lagu farxo ka sameeyey tuulo hoos tagta Balcad

Balcad (Caasimada Onlin) – Amb Mohamed Ali Nur Ameeriko oo ahaan jiray safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya dhawaana kamid ah Liiska Musharixiintii doorashadii Soomaaliya ka dhacday ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu u muujinayo dareenkiisa ku aadan dadka ay saameysay abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Amb. Ameerko ayaa booqasho ay ujeedkiisa aheyd gargaarka dadka dhibaateysan ku tagay Tuulada Walamoy oo ka tirsan Degmada Balacad ee Gobolka Shabeelada Dhexe isla markaasna uu ka arrimiyo maamulka Hirshabelle.

Ambaasadoorka ayaa halkaas ka sameeyey biyo dhaamis aad muhuiim u ahaa waxaana magaaladaas dagan ku dhawaad kun qoys oo u baahan gargaar raashin iyo biyo isugu jiro, wuxuuna ka dhawaajiyey inay halkaas ka jirto baahi iyo abaar daran loona baahan yahay in si deg deg ah ay u gaaraan hey’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya, haddii kale ay ka dhallan doonto xaalad bini’aadanimo oo halis ah.

Sidoo kale Ambasadoorka ayaa kormeer ku sameeyey Wabiga Shabeelle oo halkaas maro wuxuuna soo arkay dhibaastada ka jirto halkaas isagoo sheegay  inuu wabigga guray dadkana aysan heysan wax ku waraabsadaan beerahooda maadaama aan muddo la helin wax roob ah.

Ugu dambeyntii Ameeriko ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Xildhibaan Kaasim Ali Nuur, Xaaji Maxamed Makunji iyo Ugaas Maxamed weli oo uu sheegay inay kala qeyb qaateen howshaas isla markaasna ay fududeeyeen.

Booqashadaan ayaa imaaneyso XIlli Gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya ay ku dhufatay abaaro la mid ah middii sanadkii 2011 wadanka ka dhacday, waxaana hadda socdo dadaalo loogu doonayo in loogu gargaaro dadkaas dhibaatada heysato

Video: Curiga ilaaliya xafiiska R/W UK oo cunay dooligii dunida ugu caansanaa

0

London (Caasimada Online)-Dooligii ugu caansanaa dunida ee noloshiisa ku qaatay aqalka looga taliyo Britain ee Downing Streat ayaa shambay (mukulaal) lagu magacaabo Larry ku hor cunay halka laga galo xafiiska ra’iisul wasaaraha UK Theresa May ee Number 10.
Arrintaan oo si ay aad u buun buuniyeen saxaafadda Ingriiska ayaa baraha bulshada qabsatay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somalia: Wariye dhaawacmay, Xildhibaan dhintay iyo guddoomiye maxkamadeed oo iscasilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wariye lagu magacaabo Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ka tirsan Idaacadda Shabeele lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Qaar kamid ah saaxiibada uu la shaqeynayay Mutawakil ayaa sheegay in dhaawaciisa uu wanaagsan yahay, lana dhigay mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Wariyaha ayaa la kulmay israsaaseynta u dhaxeysa ciidamada wuxuuna kamid ahaa dad kale oo ku sugnaa goobta israsaaseynta ay ka dhaceysay.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhaawac soo gaaray uu u geeriyooday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland.

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagu xiray gaarigiisa oo dhacay magaalada Gaalkacyo, laakiin muddooyinkii u dambeeyay waxaa lagu daweeynayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxa uu ku dhaawacmay xildhibaanka ayaa bilowgii bishaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana xildhibaanka lagu xasuustaa inuu qeyb ka qaatay horumarinta waxbarashada deegaanada Mudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wararka kale ee aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in guddoomiyihii maxkamada magaalada Kismaayo uu iska casilay xilka uu ka hayay maxkamada Kismaayo.

Gudoomiyaha iscasilay ayaa waxa lagu magacaabaa  Sheekh Xasan Macalin Aadan, waxaana Sanadyadii lasoo dhaafay uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxtooyadda Jubbaland ayaa sheegay in Sababta uu isku casilay in ay tahay Mushaar la’aan soo wajahday.

Caasimada Online mar walbaa kala soco wararka kusoo kordhaa gayiga Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Dhageyso: Xildhibaan Hudda Axmed oo ka hadashay iney 3 nin isla guursatay (

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Hudda Axmed Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya inay isla guursatay seddex nin.

Arintaan ayaa layaab iyo fajac ku noqotay dad badan oo maqlay sheekada la xiriirta in xildhibaan Hudda ay isla guursatay seddex nin, iyadoo ay kala horeeyeen qaabka ay isku guursadeen.

Balse xildhibaan Hudda oo saxaafada la hadlay ayaa ugu weyn sheegtay in wararkaasi been abuur ay tahay, islamarkaana uu arinta ceebeynteeda uu ka dambeeyay boqorka beesha ay kasoo jeedo, sida ay hadalka u dhigtay.

Xildhibaan HUdda waxay sheegtay inay aad uga xumaatay in boqorka beesha ay kasoo jeedo uu faafiyo ceeb intaasi la eg, sida ay sheegtayna ay la xisaabtami doonto.

Sababta arintaasi ku qasbeysa ugaaskeeda ayay ku sheegtay inay tahay inuu doonayo in ceeb darteed kursiga looga tuuro kadibna uu dad kale ka gato kursiga, sida ay hadalka u dhigtay.

Xildhibaanad Hudda ayaa tilmaamtay iney marar badan isku dayday iney la hadasho Boqorka beesheeda laakiin uu diiday inu joojiyo ceebta iyo fadeexada uu ku hayo.

Ma jiro jawaab laga helayo dhanka Boqorka ay eedeyntaasi u jeedisay xildhibaan Hudda Axmed Cali.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo hal arrin uga dheereeyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu tirro kordhin ku sameeyay Xoghayeenada sida dhow ula shaqeeya, xili kuwii hore ay wali yihiin kuwa sii shaqeeya.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynaha uu min hal Xoghayeen ku daray kuwii hore u shaqeynaayay, waxaana la sheegayaa in arrintaasi ay dhalisay isku dhexyaac dhanka shaqada ah.

Xoghayeenada ayaa sidoo kale la sheegayaa inay hayaan howlo isku mid ah, halka xiliyada qaar ay dhacdo inay qabtaan shaqooyin isku mid ah, hadana uusan kala fadili karin Madaxweynaha.

Xoghayeenada sida dhow ula shaqeeya Madaxweynaha ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu ka dhexeeyo tartan xiliyada qaar sababikara isku dhexyaac dhanka shaqada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isbedel muuqda ku sameeyo dhammaan waaxyaha Villa Somalia, iyadoo saameynta ugu badan uu ku yeelan doono Xoghayeenada, Gacan yarayaasha iyo adeegayaasha gaarka ah ee Villa Somalia.

Geesta kale, Farmaajo ayaa dhinaca Xoghayeenada uga dheereeyay Xasan Sheekh oo aan xiligiisa laheyn Xoghayeeno intaa dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dareen intee la’eg ayey Villa Somalia ka muujisay xasuuqii Soomaalida Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba maalin un ka hor waxaa Xeebaha dalka Yemen ka dhacay xasuuq ba’an oo loo geystay Qaxooti Soomaaliyeed oo kusii jeeday dalka Yemen.

Xasuuqaani ayaa noqonaaya kii ugu adkaa oo soo mara Qaxooti Soomaaliyeed waxaana geystay diyaaradaha Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxaha Xuutiyiinta Yemen.

Xasuuqa ayaa waxaa laba maalin ka dib ka hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Labada mas’uul ayaa dareen gaara ka muujiyay Xasuuqa waxa ayna sheegen in xasuuqa uu ahaa mid aan loo meel dayin isla markaana lagu gumaaday Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaxootiga kusii jeeday Yemen.

Farmaajo iyo Kheyre waxa ay Dowladaha Sacuudiga, Yemen iyo Beesha caalamka ka dalbadeen in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa faray howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa dhowr jeer oo sii horeysay weerar cirka ah ku dishay boqolaal Qaxooti Soomaali ah kuwaa oo qaarkood ku jiray Dekadaha iyo Garoomada Yemen xili ay doonayeen inay ka baxsadaan Colaada.

Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga ayaa xasuuq ba’an ka geysata Xaafadaha ay Yemen ka degan yihiin Soomaalida, iyadoo aan jirin wax xisaabtan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog kusoo korortay kulankii Gaas iyo wasiirka arimaha dibada Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed laga soo saaray safarka madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas ee Ethiopia iyo Imaaraatka ayaa looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay madaxweyne, wuxuunau qornaa sida hoose:-

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta, halkaas oo u tegay hawlo shaqo oo la xiriira kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ayaa waxaa uu maanta soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dawladda Etihopia.

Madaxweynha Puntland ayaa markii uu soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopian waxaa garoonka diyaarada ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia mudane. Workneh Gebeyehu.

Soo dhawayn kadib ayaa madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Etiopa Mr. Workneh Gebeyehu waxay kulan gaara ku wada yeesheen qolka nashada marti sharafta ee garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport.

Kulankan gaara ee Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia wada yeesheen ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka Dawladda Puntland iyo Dawladda Ethiopia, xasiloonida iyo adkaynta nabadgelyada, ladagaalanka Argagaxisada iyo sidoo kale kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan.

Sidoo kale kulnaka ayaa waxaa  looga wada hadlay isbedelka doorashii ka dhacaday Soomaaliya iyo guud ahaanba siyaasada Soomaaliya iyo sidii hore loogu sii socon lahaa, soomaaliyana loo gaadhsiin lahaa heer wanaagsan oo looga gudbi karo caqabadaha ka jira amaanka iyo heerka nolosha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Ethiopia ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey doorka wanaagsan ee Puntland markasta ka qaadato ladagaalanka budhcad badeeda iyo kooxa argagaxisada ah, kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia xidhiidhka dhow ee ay markasta la leedahay Puntland, ayaa dhinaca kalena tilmaamay inay xiligani jiraan Abaaro iyo colaado soo noqnoqday oo ku baahay Soomaliya,  gaar’ahaana Puntland ay abaarahaasi ay ka geysteen macaluul iyo haraad xoogan oo dabar jaray dad iyo duunyoba, islamar’ahaantaana xaalufiyey deegaan ka dulka.

Ugu danbayn: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa inta uu kusugan yahay magaadala Addis Ababa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda sare ee Dawladda Ethiopia, IGAD, African Union, beesha caalamka iyo hay’adaha safalka ee xarumha ku leh Ethiopa.

–DHAMMAAD–

 

Guddoonka BF oo war kasoo saaray dib u dhacyada ku dhawaaqida wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa ku baaqay in si dhaqsi ah lagu soo dhiso Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somalia.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee BFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka doonaayo inay ka jawaab bixiyaan dib u dhacyada baahsan ee ku imaanaya ku dhawaaqida Golaha Wasiirada.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in leyskala soo gudbay xiliga loo qabtay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha inay kusoo magacaaban Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay Ra’isul wasaaraha si deg deg ah uga dalbanayaan inuu ku soo dhiso Xukuumada, waxa uuna cadeeyay in wakhti badan lagu darsaday mudada lagu ballamay.

Wuxuu sheegay in Xildhibaanada BFS ay aadi lahaayeen degaan doorashooyinkooda si ay ugu qeyb qaataan Howlaha gurmadka balse ay u xayiran yihiin in marka hore la ansixiyo Xukuumada.

Cawad waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la soo dadajiyo dhismaha Xukuumada isla markaana arrintaasi Guddoonka Baarlamaanka uu kala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.

Waxa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu ahmiyad gaara u arko in lasoo dadajiyo Golaha waxa uuna cadeeyay inay dayacan yihiin howlo farabadan oo ku xiran magacaabida Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale, Cawad ayaa ku baaqay in Golaha Wasiirada ee la magacaabi doono ay noqdaan kuwo ka tayo badan kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Villa Somalia oo aad uga carreysan booqashadii Kenyatta ee Dhoobley (Tallaabo la qaadi doono)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carreysan booqasho aan lagu war-gelin oo madaxweynaha Kenya uu shalay ku tagey degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay ilo-diblomaasiyeed u sheegeen Caasimada Online.

Socdaalkii shalay uu Kenyatta ku tagey Dhoobley ayuu ku booqday ciidamada Kenyan-ka ah ee halkaas jooga, hase yeeshee kuma soo war-gelin, lamana socodsiin madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo carro xooggan ka dhex abuurtay Villa Somalia, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay tallaabada Kenyatta u aragtay “xadgudub ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya” oo uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Kenya.

Diblomaasiyiin codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay ka fakareyso tallaabada ay qaadi lahayd, si ay uga jawaabto xadgudubka uu ku kacay Uhuru Kenyatta.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in gefka diblomaasiyeed ee Kenyatta uu halis geliyey socdaal la qorsheeyey in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu toddobaadka soo socdo ku tago dalka Kenya, kaasi oo iminka ay macquul tahay in laga laabto.

Tallaabada Kenyatta ayaa sii xumeyn doonta xiriirka marka horeba aan cagaha adag ku taagneyn ee dowladda cusub ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, ee caadada ka dhigtay faro-gelinta joogtada ah ee arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ethiopia oo shaacisay inay ka fiirsan doonto xiriirka dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa shaaca ka qaaday Dowlada Ethiopia ay ka fiirsan doonto Siyaasada kala dhexeysa Dowlada Somalia.

Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay u kala duwan tahay Dowladii hore ee Somalia iyo tan iminka ka arimisa Somalia waxa uuna ku celcelshay inay ka fiirsan doonaan.

Waxa uu sheegay in Dowlada Ethiopia ay xiriir dhow la leedahay Dowladaha deriska la ah, balse Dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Farmaajo ay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya waxa uuna meesha ka saaray in Ethiopia ay ka didsan tahay maamulka cusub.

”Waxaan dooneynaa in dowladaha geeska ay noqdaan kuwo ka mideysan Siyaasada, amaanka iyo xiriirka ma jirto cid gaara aan ku caburineyno arrimahaasi waxa aysa dan ugu jirtaa dowladaha geeska”

Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa Ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia ugu baaqay inay sii wataan howlahooda, waxa uuna tilmaamay inay kala qaadi doonaan Siyaasada iyo nabadeynta Africa.

Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa hadalkaani ka sheegay kullan gaar ah oo uu la qaatay qaar kamid ah Madaxda Urur gobaleedka IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Britain oo laaday qorshe uu Museveni la damacsanaa dowlada cusub ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa laaday go’aan uu Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni ku doonaayay in Somalia uu uga saaro Ciidamada ka jooga ee qeybta ka ah AMISOM.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Boris Johnson ayaa is hortaagay Go’aankaasi waxa uuna sheegay in Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM kusii nagaan doonaan gudaha Somalia ilaa iyo amar danbe.

Boris Johnson, ayaa sheegay inaan munaasib aheyn in xiligaani kala guurka ah Somalia laga saaro Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM, waxa uuna Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni ka dalbaday in la hakiyo go’aanka uu kula soo baxaayo Ciidamadiisa jooga Somalia.

Boris Johnson, waxa uu sheegay in Dowladiisa Britain ay garwaaqsan tahay in Go’aanka lagu saaraayo Ciidamada Ugandha ee AMISOM uusan aheyn mid ku xeeran dhaqaale xumi balse ay tahay mid lagu dibindaabinaayo Dowlada Cusub ee Somalia.

”Ugandha wey hakineysaa qorshaha lagu saaraayo Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM, Britain ma u dulqaadan doonto in xiligaani kala guurka ah Somalia laga saaro Ciidamada Ugandha oo ah kuwa ugu badan ee Somalia ku dhaqan”

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni, ayaa jaanrogay Siyaasadiisa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku goodiyay in Somalia uu ka sifeyn doono dhammaan Ciidamada AMISOM isla markaana dib ugu laaban doonaan dalalkooda.

Yoweri Kabuta Museveni ayaa aad uga didsan Siyaasada ay dheeleyso Dowlada Cusub ee Somalia, kadib markii uu waayay la tashiyadii ay la sameyn jirtay Dowladii uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Go’aanka Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kabuta Museveni ee uu fashiliyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Boris Johnson, ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu qalqal galin lahaa Amniga magaalada Muqdisho, si indhaha caalamka loo tuso in DFS ee uu hogaaminaayo Farmaajo aysan hanakarin Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Maxaa keenay dib-dhaca magacaabista golaha wasiirrada DF?

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre wuxuu codka kalsoonida ah ka helay Baarlamaanka Federaalka ah taariikhdu markay ahayd 01/03/2017, wuxuuna ballanqaaday inuu muddo todobaad gudihiis ah kusoo magacaabayo Golaha Wasiirrada laga sugayo, waxaa hadda u dhamaad ah usbuucii 3aad welina dadka Soomaaliyeed waxay sugayaan magacaabista Wasiirrada Federaalka.

Markaad raacraacdo qoraalla lagu soo daabaco Baraha Internet ka, ama aad dhagaysto Idaacadaha kala duwan ee maqalka iyo muuqaalkaba leh, waxaa lays waydiinayaa sababaha dib u dhigay magacaabista Wasiirrada, waxaad marar farabadan dheehanaysaa qoraallo tilmaamaya in laysku mari la’yahay awood-qaybsiga Golaha Wasiirrada, ama qabaa’ilka ha noqoto ama Dawlad goboleedyada ha noqotee, waxaa jira saluug dhinacyo badan ka imaanaya oo tilmaamaya in dad badan oo raalli ka ahayn qaabka wax u socdaan ay jiraan, warka dulucdiisu waxaa weeye: dhibaatada jirtaa waa qaabkii loo qaybsan lahaa Wasiirrada, reer hebel wasiirkee bay xaq u leeyihiin, hebelka kalena muxuu leeyahay?

Laga soo billaabo bilowgii qarannimada Soomaaliyeed 60 kii iyo wixii ka dambeeyeyna, awood-qaybsigu wuxuu ahaa culays marwalba soo foodsaarayay Dawladda Soomaaliya, wuxuuna meelihii ugu xumaa gaaray markii lagu heshiiyay 4.5 shirkii Carta ee lagu soo doortay Dawladdii uu Madaxweynaha ka noqday Dr. C/qaasim Salaad Xasan, taasoo lagu sharciyeeyey Dastuurina laga dhigay inay Soomaali qabiil wax ku qaybsato.

In awoodda la qaybsadaa oo si caddaalad ah loo qaybsadaa waa wax fiican, waxayna horseedi kartaa in cid walbaa ay xaqeeda hesho, metalaad ay ku kalsoontahayna ay yeelato, laakiin waxaa dhibaato noqday in lagu mashquulo sidii kuraasta loo kala qaadan lahaa, iyadoo aan lays waydiinayn waxa kuraasta lagu qabanayo amaba barnaanijka Dawladda, awood qaybsigu wuxuu noqday waxa keliya ee Dawladda lagu nacayo ama lagu soo dhawaynayo, la oran mayo: maxaa Dawladda uga qorsha ah: nolosha dadka, waxbarashadooda, caafimaadkooda, amnigooda, kobcinta dhaqaalahooda, sugidda xuduudahooda, siyaasadda dibadda oo ay ugu horrayso xiriirka Dawladda iyo Dawladaha deriska iyo sida loo qaabaynayo iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, laga fekeri mayo arrimahaas oo dhan, mana aha sida muuqata wax laga sugayo Farmaajo iyo Khayre, balse waxa laga sugayaa oo keliya waa: anaga Wasiir noocee ah buu nasiinayaa, haddii uusan Wasiir A na siinayn, muxuu kaloo noo ballan qaadayaa amaba nagu qancinayaa.

Waxaa ila habboon, in madaxda Dawladda aan kula xisaabtanno barnaamijka Dawladda iyo waxqabadkeeda ee aynaan marwalba indhaha ku hayn awood-qaybsi keliya, awoodda waxaan qabaa in ciddii u qalanta oo aqoon, khibrad iyo karti leh aan niraahno hanaloogu dhiibo cidduu doono ha ahaado, sababtoo ah qofkaas ayaa waxqaban kara, bulshadana qancin kara.

Ugu dambayntii, waxaa ii muuqda in waxaan lagu magacaabay “awood-qaybsigu” u yahay wax lagula dagaallamayo ummadda Soomaaliyeed, looguna talagalay inaysan ka fekerin waxqabad ee ay ka fekerto qofka booska imaanaya iyo qabiilkiisa, ciddii jago heshaana Madaxda waa ammaanaysaa waana soo dhawaynaysaa, laakiin ciddii wax waysaa caro iyo mucaaradnimo ayay bilaabaysaa, waa aragti dabageddisan, waa wax lala yaabao, waa arrinta dib inoo dhigtay oo meesha aan hadda joogno na dhigtay, waxaana muuqda inaan meesheennii taagannahay.

Gabagabadii, Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Alle ha u fududeeyo mas’uuliyaddooda ballaaran, laakiin haku talogalaan inaysan Soomaali oo dhan ku raalli gelin Karin awood-qaybsi, waxaan qabaa inay danta Dalka, Dadka iyo Diinta ay qadariyaan, sida maslaxaddu ku jirtana aysan cidna uga waaban si kasta oo ay u kharaartahay, faragelinta dhinacyada kala duwan ka imaanaysana ay dhagaha ka furaystaan, talada dalka ayagaa loo igmaday, marka ay talada rogrogaan inta mudan in lala tashadana la tashadaan go’aan geesinnimo leh haka qaataan magacaabista Wasiirrada iyo talada dalka oo dhan.
Sida khayrku ku jiro Alle haydin waafajiyo.

W/Q: Dr. Maxamed Cali Faarax.
Garowe, Puntland-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

8 dowladood oo ay isbedelayso khariidadooda 20 sano ee soo aaddan

Waxaa jira 8 dowaldood oo ay isbedelayso khariidadooda 20 sano ee soo aaddan khubaraduna ay saadaalinayaan iney biyo qariyaan ama kala qeybsanaan dhanka guduhu uu ku yimaaddo.

Dunida aan maanta ku noolnahay waa duni isbedbedel badan, inaan aragno dowlado qeybsamaya iyo xuduudo isbedel ku imanayaana wax aan dhici karin maaha, waxaase jirta dowlado la filayo iney isbedel weyn uu ku yimaaddo dhanka xuduudaheeda 20 sano ee soo aaddan, waana filasho un kaliya, taas kama dhigna magacyada dowladaha aan soo sheegi doonno iney hubaal tahay in wax waliba u dhiciyaan sida aan u sheegayno, laakiin marka aad sababaha aad eegto si weyn ay kuugu soo baxayso xaaladda filashada ee wakhtiga dhaw.

8-Spain

Dalka Spain waxaa haystay muddooyinkii dambe dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha ah, mushkuladahaasi dhaqaale waxay dalkaas ku bilowdeen sanadkii 2008, xilligaas oo ku beegnayd, wakhti dhibaatooyin dhaqaale ay ka dheceen dunida oo dhan.

Heerka daynta guduhu waxa uu gaaray 94% waxsoosaarka guud ee dalkaas, waana heer khatar ah, heerka shaqo la’aantuna waa mid aad u sarreysa, Laba gobol oo dalkaa ka tirsan ayaa doonaya iney xoriyadooda qaataan oo ay goonni ka noqdaa dalkaas intiisa kale, iyagoo aaminsan inaanaey Spanish ahayn, waa Labada gobol ee Catalonia iyo Basque.

Gobolka Catalonia ee ku yaalla galbeedka Spain waa halka ay ka dhisan tahay magaalada Barcelona oo ah magaalo dhaqaale, muslimiin badanina ay ku noolyihiin, waxay leeyihiin dad ku dhaqan luqad u gaar ah oo la yiraahdo Catalonia oo barbar socota luqadda Spanish-ka, gobolkan ayaa soo maray marxado kala duwan, xilli waxaa jirtay uu iskii u ahaa dowald madaxbaraan, xilli kale waxaa gumeysan jiray Faransiiska, waxaana la aaminsan yahay iney u badan tahay  ka go’aanka Spain inteeda kale.

Marka aan eegno gobolka Alpasc, waxa uu ku yaallaa waqooyiga dalka Spain, magaalooyin keeda ugu caansan waxaa ka mid a, Bilbao iyo San Sebastian, gobolkaas waa kan ugu sarreeya dhanka dakhliga qofka ee waxsoosaarka guud ee dalka Spain, dadka gobolkaa dagan waxay isku tilmaamaan iney yihiin dowlad gaar ah, waxayna ku hadlaan luqad la yiraado Basque.

7- Kuuriyada Waqooyi

Dadbadan waxay aaminsan yihiin in horumarka tiknoloojiyadeed ee Kuuriyada Waqooyi uu aad u liito, marka loo eego horumarka ka jira Kuuriyada Koonfureed, Ma haysato ilo dhaqaale oo dabiici ah oo u saamaxaya iney naftooda ku tiirsanaadaan muddo fog.

Waxaa la filay in go’doonka ay hadda ku jirtaa K/Waqooye ee dhanka caalamku ah aanuu u saamaxayn iney sii adkeysataan, waxaa dhici karta ayaa la leeyahay in kacdoon gudaha ah uu ka dhaco Kuuriyada Waqooyi oo meesha lagaga saaro xukumadda hadda dalkaa ka talisa, iyadoo ugu dambeyn taasi keeni doonto ayaa la tilmaamayaa iney la midoobaan Kuuriyada kale, oo ay noqdaan mid qura.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sameysantay kadib dagaalkii labaad ee dunida, waxaana la filayaa iney dhankaa kala mid noqdaan Jarmalkii Bari, iyadoo ay jirto xoogaa khilaafaad ah oo u dhaxeeya Labada Kuuriya ayaa hadana la saadaalinayaa iney markale dib u midoobi karaan.

6- Belgium

Waa dowlad ay ragaadiyeen khilaafaad dhanka gudaha ah oo ku saabsan kala duwanaashiyaha dhanka qowmiyadaha ah, dalkaasi waxa uu u qeybsan yahay Labo qowmiyadood oo kala ah Flanders iyo Wallonia, qowmiyadahaa ka ma dhexeeyaan waxbadan oo ay wadaagi karaan sida luqadda oo waxbadan isku soo dhaweysa, Wallonia -da waxay ku hadlaan luqadda Faransiiska, waxay doonayaan iney Faransiiska ku biiraan ama ay noqdaan dowlad goonni u taagan, Falanders-kuna waxay ku hadlaan Luqadda Dutch-ka oo waa Labo qowmiyadood oo sidaa u kala duwan.

Belgium oo markeedii hore ka go’day dalka Holland sanadkii 1830-kii waxay u muuqataa iney u qeybsameyso xilli dhawo Labo dowladood, oo kala ah Flanders iyo Wallonia.

5- Ciraaq

Laga soo bilaabo duullaankii Mareykanka ee dalkaas 2005, dowladda Ciraaq oo ka mid ahayd dowaladaha ugu awoodda badan bariga dhexe ayaa ka mid noqotay dowladaha ugu ammaanka liita dunida, kala qeybsanaanta dhanka mad’habka ah ee Shiico iyo Sunni, Daacish, Kurdiyiinta ciraaq, dhamaan waa sababo keeni kara in Ciraaq la qeybiyo oo saddex dowladood ay noqoto oo yaryar, waxaa la saadaalinayaa iney Ciraaq  noqoneyso Saddex dowladood oo kala ah;  dowaladd Sunni ah mid  Shiico ah iyo mid saddexaad oo Kurdi ah.

4- Libiya

Sida xaaladdu ahayd dalka Ciraaq aad ugama foga dhanka Liibiya, kadib geeridii Qaddaafi waxaa bilowday kala qeybsanaan dhanka qabaa’ilka ah, waxaa ku sii darsamay qolooyinka la yiraadho Dawaariqa, Daacish, Ansaar al-Sharee’a oo haysta qeybo kala duwan oo Libiya ah.

Libiya Taariikh ahaan waxay u qeybsaneyd saddex gobol oo kala ah: Tripoli, Barqa, Fizan, oo dhan qabaa’il u kala qeybasan, waddaniyadda dhanka qabiilka ayaa ka xoogbadan tan waddanka ee dadyowga Liibiya, waxaana dhici karta dhibaatooyinka Liibiya inaaney ka bixin iyadoo Saddex dowaldood u qeybsanta mooyaane.

  1. UK

UK waxay lahayd taariikh dheer oo isbedbedal dhanka xuduudaha ah, dowlado farabadanna horey ayay uga go’een boqortooyadii Ingiriiska, dhaqdhaqaayada goonni u goosadka ah ee ka jira Scotland, waxay u muuqdaan kuwo soo afjaraya UK midaysan, sida ay hadda u taallo amaba khariidadeedu tahay, sandkii 2014 ayaa afti guud oo Sctland laga qabtay 45% ay u codeeyeen gonni u goosad,  waxaase dhici karta in aqlabiyadda yar ee ka harsan ay helaan kooxda u ololeynaysay goonni u goosadka kabixitaankii Ingiriiska ee midowga Yurub kadib, waxaa kale oo soo raaca Ulster-ka Northern Ireland iyo xisbiga Qowmiga ah ee Wlesh oo doonaya goonni u goosad.

  1. Mareykanka

Waxaa la filayaa in gobollada 50 ka ah ee Mareykanka aaney sii ahaan doonin midow muddo dheer ee soo aaddan, kala duwanaashiyaha dhaqanka iyo saameyntii dagaalladdii sokeeye ee dalkaas wali waa taagan yihiin, waxaa gobolladaasi ku soo kordhaya dhaqdhaqaayo u ololeynaya goonni u goosad, waxaa ka mid ah, Alaska, Texas, California, kadib doorashadii madaxweyne Trump waxaa sii kordhay gobollada doonaya iney ka go’aan Mareykanka intiisa kale goonni isku taagna isku abaabulaya.

  1. Maldives

Waa dowlad yar oo ka kooban 1190 Jasiiradood, dadka daganna waxaa lagu qiyaasaa 400 kun oo qof, dadka dagan intooda badan waa Muslimiin, sanadkii waxa u dalxiis tagta 100 kun oo ruux oo dalxiisayaal ah, ayaa sanad walba halkaa booqda, marka la eego isbedbedalka dhanka cimillada iyo heerka biyaha oo kor u soo karacaya xilliba xilliga ka dambeeya, waxaa laga cabsiqabaa in Jasiirada Maldives ay biyo ku qariqmaan oo dhulkana ay ka tirtirmaan, xitii madaxda dalkaa qaarkood waxay ku fakareen iney dhul ka iibsadaan Koonfurta Asia si dadka dhankaa loogu raro inta aaney biyuhu wadaqarin jasiiradahaas.

Sawirro: Ceelashii iyo tuuladii la gubay ee Cadale iyo cabsi weli ka jirto

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya tuulooyin hoos taga degamda Cadale ayaa sheegay in halkaasi ay ka jiraan wali cabsi ah in mar walba dagaal dhici karo maadaama aan wali labadii beelood ee halkaasi ku dagaalamay aysan iskug imaan miiska wada hadalka si ay uga hadalaan arrimaha nadadaynta dhexdooda ah.

Odayaasha dhaqanka iyo duubabka beesha Mudulood ayaa dhawaan ku hoowlanaa in ay bilaabaan dhib u dhishiisiin dhex marta labada beelood ee walaalaha halka waraka qaar ay sheegayaan in ay jiraan shuruudo ay garab ka mid ah garbaha dagaalamay gaar ahaan dhanka tuulada Koogaar ku xireen wadahadalka.

Shuruudahaan aye caasimadda.com ka ogaatay in ay ka mid tahay in marka hore la fuiyo hishiisyo ay labadaasi beelood wada galeen sanadihii 1998 iyo 1999 kii dagaallo horay uga dhacay deegaanadaasi balse la sheegay in aan horay loo fulin hishisyadaas.

Sida la sheegay hishiishkii ugu danbeeyay ee 1999 kii ayaa waxaa goob jooga ka haa mas’uuliyiin sar sare iyo duubabka dhaqanka ka soo jeeda deegaanka kaasoo beelahaasi u kala xadeeynaaya dhulka ay ka wada dagaan Degamda Cadale.

Lama oga sida ay xaaladda noqon karto hadii aysan soo deg degin wada hadalada labadaaasi beelood maadaama ay mar walba dhici karaan iska hor imaadyo hor leh ama weeraro deegaanadii horay loogu dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo kala jabiyay xildhibaanadii kursi doonka ahaa (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kala jabshay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee doonaayay inay kamid noqdaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu kullan gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka isagoo ku kala jabshay aragtidii aheyd in qaarkood lagu biiriyo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xildhibaanada qaar ayaa Madaxweynaha Somalia ku taageeray in ilaa Seddex Xildhibaan lagu darro Golaha, halka qaarna ay ka biya diideen isla markaana soo jeediyeen in Xildhibaanada lagu daraayo Golaha la gaarsiiyo ilaa 8 Xildhibaan oo miisaan leh.

Xildhibaanada dalbaday in la kordhiyo tirada uga midnoqoneyso Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka dalbaday inuu dib ula laabto 3 Kursi ee Xildhibaanada laga siinaayo Golaha haddii aan la kordhineynin cadadka ay ku yeelanayaan Golaha.

Xildhibaanada Kursi doonka ayaa Madaxweynaha u sheegay inaanu khiimo u laheyn 3 Kursi sidaa darteed ay iyagu noqonayaan kuwo ku sabra wakhtiga isla markaana dib ula laabta Hamigooda ku aadan helida Kuraasbadan maadaama Xildhibaanada Golaha lagu daraayo ay yihiin kuwo kalsooni ka heysta reerkooda.

Sidoo kale, Xildhibaanada kale ee goobta ku sugnaa ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inaan la kordhin cadadka Xildhibaanada ku biiraaya Golaha, iyagoo sabab ka dhigay inay adag tahay in lala xisaabtamo Wasiir ka tirsan Baarlamaanka.

Waxa ay dhankooda kasoo jeediyeen inaan la dhibin Madaxweynaha isla markaana ay mudan tahay in Xildhibaanada ay qaatan go’aan dhammaantooda looga mamnuucaayo kamid noqoshada Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhex maquuraaya Jahwareer Siyaasadeed waxa uuna dhexda ugu jiraa Xildhibaano, Odayaal dhaqmeed, Siyaasiyiin iyo Ganacsato xil doon ah.

Lama saadaalinkaro halka uu ku biyo shuban doono Go’aanka Madaxweynaha maadaama uu xaalku yahay mid marba marka xigta kasii daraaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada BF oo u xayiran R/W Kheyre iyo xukuumaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in si deg deg ah loo dhisaa golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, maadaama lala daahay waqtigii la doonayay.

Mahad Cabdalle Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu ku dhaqsado soo magacaabida golaha wasiirada, maadaama maalmo ay kaga harsan tahay waqtiga loo qabtay.

Xildhibaanada baarlamaanka ayuu sheegay inay ka qeyb qaadan lahaayeen u gurmashada dadka ay abaaraha ay saameeyeen iyaga oo ku laaban lahaa deegaanada laga soo doortay balse ay u xayiran yihiin xukuumada cusub.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada ay dhowrayaan dhismaha golaha wasiirada kadibna ay ansixin doonaan haddii ay yihiin kuwo tayo wanaagsan leh, laakiin wuxuu sheegay inaysan hadda ka tagi karin magaalada Muqdisho.

Arinta ku aadan dadajinta magacaabidda golaha wasiirada ayuu sheegay inay kala hadleen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ay dhameysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: yaa Ra’iisul wasaaraha la qoraya golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dib u dhac uu ka muuqdo waqtiga madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday ra’iisul wasaaraha dalka inuu kuso dhiso xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya shaqsiyaad ra’iisul wasaaraha la diyaarinaya golaha wasiirada cusub.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in golaha wasiirada ay isla qorayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka iyo Shaqsi uu soo wakiishay Fahad Yaasiin oo la aamisan yahay inuu Shaqsi dowladda Soomaaliya si dadban u maamulaya.

Fahad Yaasiin oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa arinta qorista golaha wasiirada waxaa uu u wakiishay oo madaxtooyada Soomaaliya ku sugan nin lagu magacaabo Thaabit Cabdi.

Arinta qoritaanka golaha wasiirada ayaa sababtay in is fahamwaa badan uu ka dhasho, taasi oo qasabtay in dib u dhac uu ku yimaado waqti la filayay in lagu dhawaaqo golaha wasiirada xukuumada.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale la aamisan yahay inuu sabab u ahaa madaxweyne Xasan Sheikh in sanadkii 2012 ku guuleysto doorashadii dalka ka dhacday, xiligaasi oo Thaabit uu la doonayay inuu ka dhigo safiir, balse markii dambe la siiyay Qunsul.

Xubnaha ugu cad cad ee golaha wasiirada ayaa waxaa kamid Sheikh Aadan Madeer oo lala damacsan yahay wasiirka Maaliyada.

Thaabit Cabdi wasiirka arimaha gudaha
Fahad Yaasiin Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka
Cabdirizaaq Cumar wasiirka amniga
C/raxmaan Ceynte Wasiirka madaxtooyada
Ducaale, wasiirka ganacsiga
Wasiir Hadliye wasiirka arimaha dibada
Cali Yare wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xogtaan ayaa Caasimada Online waxay ka heshay ilo xog ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF, Masar iyo USA oo la ogaaday inay wax ka wadeyn heshiiskii Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey heshiiska lagu tilmaamay inuu halis ku noqon doono Soomaaliya ee loo saxiixay dowladda Imaaraadka Carabta si ay Saldhig Militari oo laga duqeeyo Xuutiyiinta uga sameysato Magaalada Berbera.

Haddaba waxaa horey idinkugu soo gudbinay inuu arrintaan wax badan ka ogow lacag laaluush ahna ku qaatay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, haddaba waxaa haddana soo baxdo in dowladdii soomaaliya ee hore ay raali ka aheyd arrintaan sidoo kale ay dowladda Mareekanka wax ka ogeyd.

Maxamed Bin Za’id Al-nahyaan oo ah dhaxal-sugaha Abuu-Dhabi ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka ayaa ka dhawaajiyey inay arrintaas kala tashteyn dowlada Soomaaliya, Masar iyo Mareekanka.

Imaaraadka ayaa ka dhawaajisay inay wadahadal ku aadan heshiiska Berbera la gashay dowladdii uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud, Masar iyo Mareekan si ay Berbera saldhig Militari uga dhigato.

Warbixintaan ayaa waxaa saakay qoray wargeyska caanka ah ee Al-Wadan ee kasoo baxa dalka Masar , wuxuuna sheegay in  la filayaa sida in ay wax badan ku soo kordhiso isku socodka ganacsiga caalamiga iyo in sidoo kale fulinta mashruucan in uu xoojiyo ammaanka marinka Baab-Al-mandab oo weliba si fudud halkaasi looga sameeyo saldhigyo militari.

Imaaraadka ayaa dhawan heshiiskaas la saxiixay Maamulka Somaliland, waxaana heshiiskaas ansixiyey Baarlaaanka Somaliland kadib markii ay isugu imaadeyn kulan gacanta la isugula tagay.

Waxaa dhawaan lasoo saaray warbixin muujineysay in Axmed Siilaanyo iyo Xisbigiisa ay qaateen lacag gaareyso ilaa 50 Malyan oo Dollar si ay heshiiskaas u fududeeyaan, halka Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu isna qaatay ilaa 35 Malyan oo Dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]