25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxay DF ka tiri xasuuqii Soomaalida Yemen, yaase ka danbeeyay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa goordhow ka hadashay xasuuqa maalinimadii shalay Qaxootiga Soomaalida loogu geystay Xeebta Xudeefiya ee dalka Yemen.

Jawaabta Dowlada Somalia ee ku aadan Xasuuqa ayaa timid 24-Saac ka dib markii diyaarado dagaal ay duqeeyn culus u geysteen Qaxooti Soomaali ah oo kusii jeeday dalka Sudan.

C/salaan Hadliye Cumar oo ah siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegay in Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebaha Yemen ay Mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay Aqoonsan tahay.

Hadliye ayaa sheegay in Xasuuqaasi wax laga weydiin doono Isbaheysiga uu Hogaaminaayo Sacuudiga waxa uuna tilmaamay inaanu jirin diyaarado kale oo duqeymo joogta ah ka geysta dalka Yemen.

”Aad ayaan uga xunahay Xasuuqa loo geystay Qaxootiga Soomaalida, waxaa ayaan darro ah in Gantaalo lala eegto shacab maati ah oo dalkooda uga cararay amni darro, waxaan Xasuuqaani kala xaajoon doonaa Isbaheysiga uu Hogaaminaayo Sacuudiga oo lahaa Duqeynta”

”Wax la aqbali karo ma ahan xadgudubkaasi, waxaana Mas’uul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”

Dowlada Sacuudiga ayaa beenisay inay ku lug leedahay Duqeynta lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaalida ee ka ambabixi lahaa Xeebta Xudeefiya ee dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay Huwanta Gen Axmed al-Assiri ayaa u sheegay wargeyska Arabnews ee ka soo baxa sucuudiga inay Diyaaradaha Sucuudigu aysan ku lug lahayn weerarkaasi, islamarkaana aysan ka dagaalamin goobta ay ka dhacday duqaynto

“ Huwantu lug kuma laha weerarkaasi, ma jiro howlgalo ay ka wadaan aagaas”.
Dowlada Sacuudiga oo isticmaasha Duuliyayaal Kiro ah ayaa inta badan duqeymo joogta ah ka geysata Goobaha ay ku noolyihiin shacabka Yemen iyo Ajaaniibta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Maxaa ka mid ahaa qodobada ay hadleen Farmaajo iyo Moussa Faki?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan horay u sheegnay waxaa magaalada Muqdisho booqasho aan la shaacin ku yimid Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Ra’isal wasaaraha Somalia.

Intaa kadib Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Somalia ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ammaanka iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ay ragaadisay.

Madaxweynaha waxa uu Guddoomiyaha ka dalbaday in kaalin muuqata ay ka qaatan Amniga waxa uuna sheegay in Dowladiisu ay go’aan satay in kaalinta koowad lasiiyo amniga.

Moussa Faki Mahamad ayaa soo dhaweeyay waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay laba jibaari doonaan hanaanka lagu adkeynaayo amniga.

Moussa Faki Mahamad waxa uu dhankiisa Madaxweynaha ka dalbaday inuu ka laabto go’aanka lagu dada jinaayo bixitaanka Ciidamada AMISOM maadaama amniga Somalia uusan cago wanaagsan ku taagneyn, inkastoo Madaxweynaha uusan ka jawaabin qodobkaasi.

Safarka Moussa Faki Mahamad ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo uu ku yimaado Somalia, tan iyo markii loo doortay Xilkaasi bishii January ee sannadkan.

Magacyada iyo halka ay kasoo kala jeedaan Soomaalidii lagu dhuftay gantaalka

Sanca (Caasimada Online) –  31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay xeebaha dalka Yeman, kuwaasi oo ay duqeysay diyaarad helicopter ah xili ay u socdaalayeen gudaha Yeman sida ay baahisay wakaalada wararka Reuters.

Dadkaan Soomaaliyeed oo haystay documentiyada hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka tageen xeebaha ay maamulaan xuutiyiinta, gaar ahaan Hodeidah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 80 qaxooti kale laga badbaadiyay markii duqeyntaasi ay ku dhacday doonta, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Soomaali.

Ilan hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo safaarada ay ku leedahay Yeman ma jirto. Sidoo kale, Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Dayuurada helicopterka ah ee duqeynta geysatay ayaa waxaa la aaminsan yahay iney leeyihiin isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo oo dagaal adag kula jira kooxda shiicada xuuthiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto.

Akhriso magacyada qaar ka mid ah dadkii duqeyntaas ku nafwaayay

1-Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2-Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3-Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4-Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5-Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin. 6-Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay.

7-Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8-Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9-Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.

10-Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaabood.

11-Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood.

12-Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13-Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14-Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15-Ibrahim Ahmed Sacadaale (Dhimasho).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin qiiro leh oo ku saabsan 26-jir indhaha aduunka kusoo jeediyay Soomaaliya

Baraha bulshada ayaa laga bilaabay Olole looga dalbanayo Turkish Airline iney caawiso dadka Soomaaliyee kuwaas oo qarka u saaran iney baahi iyo haraad u geeriyoodaan kadib markii ay abaaro ku dhufteen gobolo badan oo dalka ah.

Ololahaan loogu magac daray #TurkishAirlinesHelpSomalia wuxuu gilgilay barta twitter-ka wuxuuna noqday mid hirgala kaas oo taageero xitaa ka helay Actor-ka caanka ah ee Hollywoodka-ka Ben Stiller kaas oo doorkiisa ka ciyaaray sidii loo adkeyn lahaa ololahaan.

YAA KU FAKARAY OLOLAHA?

Ra’yigaan lagu caawin doono malaayiin Soomaali ah wuxuu kasoo maaxday 26-jir u dhashay dalka France oo la yiraahdo Jerome Jarre, wuxuu noqday mid ka mid ah dadka loogu hadal heynta badan yahay dunida.

Ben Stiller oo kasoo jawaabay muuqaalka Jarre wuxuu sheegay iney tahay fikrad waali ah sido kalana aan dhamaanteen caawin karno Somaliya sidii diyaar aan uga buuxin laheyn Cunno iyo Biyo.

Kerem Kınık oo ah madaxeynaha Bisha Cas qeybta Turkiga ayaa aad ugu amaanay Actor-ka inuu si weyn uga qeyb qaatay hawlaha samafalka ee loo fulinayo dadka ku dhibaateysan geeska Afrika.

Ololahaan Malaayiin qofood oo caan ah, Ajaanib iyo Soomaali ayaa aad u hadal qaaday wuxuuna noqday mid miradhala ugu dambeyntii.

MAXAA KU DHALIYAY JARRE FIKRADAAN:

Jeroma Jarre muuqaalkiisii ugu horeeyay ayuu wax walba ku cadeeyay wuxuuna qiray inuu aad uga qiirooday dhimashada Gabar 6-jir ah oo u geeriyootay (HARAAAD – OON) kadib markii ay hooyadeed ku wehlisay safar Biyo Raadin ah oo ku qaatay fogaan dhan 90 Mile – Jarre wuxuu muuqaalkaas fariin ugu gudbiyay Turkish Airline kana codsaday iney jawaab soo siiso.

YAA KU WEHLIYAY:

Jérôme Jarre waxaa ololahaan ku wehliyay oo kasii gacan siiyay sidii uu codka meel dheer u gaari lahaa Casey Neistat oo ah filim sameeye, sidoo kalana ah mid ka mid ah dadka caanka ah ee Youtune iyo Actor-ka caanka ah ee Ben Stiller.

TURKISH AIRLINE MAKA JAWAABTAY?

Haa’ Turkish Airline waa ka jawaabtay codsigii uu bilaabay Jarre ee aadka u qabsaday baraha bulshada waxeyna barteeda Twitter-ka ku xaqiijiyeen iney fulinayaan hawsha.

“Waan Jecelnahay Somalia – Waan Helnay Baaqii Duulimaad ee micnaha ku fadhiyay” Ayey bartooda kusoo qoreen taasoo ka dhigan iney aqbaleen.

TURKISH MAXEY QABAN DOONTAA?

Turkish Airline waxey sameyn doontaa hal safar oo ay raashin ku geyneyso Somalia waxaana lagu qiyaasay 60 Ton.

MAXAA XIGAY:

Waxa xigay in Jérôme Jarre, Juanpa Zurita, Casey Neistat iyo Stiller ay abuureen olole loogu magac daray (#LoveArmyForSomalia) iyagoo adeegsanaya GoFundMe. Hamiga ololahaan waa in 1 Malyan oo Doolar lagu aruuriyo 10-maalmood gudahood wuxuuna durba kor usii dhaafay $200,000 (Laba Boqol Kun).

WAA KUMA JEROME JARRE:

Jérôme Jarre waa 26-jir 2-dii June 1990-kii ku dhashay Magaalada Albertville ee dalka Faransiiska, balse hadda dagan dalka mareykanka gaar ahaan Los Angeles.

SHAQADIISA MAXEY TAHAY:

Waa Ka Qosliye [Shactiroole], sidoo kalana waa ganacsade, ahna shaqsiga afaraad ee ugu caansan aaladda bulshada ee VINE, sidoo kalana wuxuu noqday qofka ugu caansan Snapchat.

kadib markii uu ganacsiyo ka bilaabay China iyo Canada, Jarre wuxu bilaabay inuu muuqaalo galiyo Vine maalintii la sameeyay, kadib wuxuu ka tagay ganacsigiisa isagoo si weyn diirada u saaray Vine, May 2013 ayuu bilaabay inuu ka qeyb qaato helidda GrapeStory oo ah barnaamij wakiileed dhanka hibada ah oo lagu qabto shaqsiyaadka Vine Iyo Snapchat.

NOLOSHIISA GUDAHA:

Jarre waxaa soo korisay hooyadiis, isagoo 19-jir ah ayuu isaga tagay Kedge Business School  oo ah iskuul lagu barto ganacsiga, wuxuuna u guuray China isagoo halkaas ka bartay luqadda English-ka iyo Shiinaha.

China wuxuu ka bilaabay ganacsiyo fara badan, balse mid ka mid ah ayaa guuleystay kaas oo u sahlay inuu u duulo Toronto.

GUNAANAD:

Jérôme Jarre waxaan leenahay Mahadsanid – Waana mid ka mid ah dadka ugu weyn ee waqtigaan gacanta weyn siinaya Soomaalida dhibaateysan.

Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Nor

Sawirro: Sidee Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyay magaalada Istanbul?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo shalay galab gaaray dalka Turkiga ayaa mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Somalia iyo dowladda Turkiga  ay kusoo dhoweeyeen magaalada Istanbul.

Xildhibaan Xasan Sheekh oo shalay magaalada Muqdisho ka ambabaxay isaga iyo qaar ka tirsan qoyskiisa, ayaa lagu soo waramayaa in Xasan Sheekh uu mudo bilooyin ah ku sugnaan doono dalka Turkiga halkaasi oo qoyskiisa ay degan yihiin.

Xasan Sheekh ayaa gacan saar iyo xiriir xoogan kala dhaxeeyay intii uu madaxweynaha ahaa dowladda Turkiga, wuxuuna saaxiibo dhow uu la yahay ganacsato iyo xubno ka tirsan dowladda Turkiga.Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro + Video: Madaxweyne Geelle oo si xarago leh Addis Ababa ugu dejiyey diyaarad rakaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuutti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo nooca qaadka weyn ee Boing 787 ka dejiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.Diyaaraddaan oo ah mid ay dhawaan soo iibsatay shirkadda duulimaadka Ethiopian Airlines ayaa lagu casuumay Madaxweynaha Jabuuti, wuxuuna si parago leh ugu dejiyay garoonka diyaaraddaha Addis Ababa.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayey u dhacday toogashada garoonka Orly ee Paris

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Faransiiska, ayaa maanta hal nin ku dilay Garoonka Orly, oo ah Garoonka labaad ee ugu weyn Magaalada Paris ee Xarunta Faransiiska.

Toogashada ninkaasi ayaa timid kadib markii uu qoriga ka faramariijiyay mid ka mid ah ciidanka la dagaalanka argagixisada.

Maamulka Garoonka Orly, ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay Garoonkaasi, waxaana la joojiyay hawlihii shaqo ee Garoonka, iyadoona dibadda looga saaray rakaabkii ka dhoofaayay.

Duulimaadyadii soo caga-dhigtay garoonka ayaa lagu hakiyay barxadda garoonka iyo dadkii saarnaa, waxaana laga codsaday inay ku sugnaadaan diyaaradda inta baaristu ka dhammaanayso.

Maamulka, ayaa wuxuu dhacdadaan ku macneeyay mid aad u khatar ah, isla markaana ay iminka xaqiijinayan nabadgelyada Garoonkaasi.

Ciidamada miino baarista oo gaaray Garoonkan, ayaa waxay ka bilaabeen baaritaano lagu hubinayo in ninka la toogtay uu xiran yahay jaakadda walxaha qarxa ka samaysan iyo in kale.

Moussa Faki oo R/W Kheyre kala hadlay xulista golaha wasiirada cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia kala hadlay Golaha Wasiirada ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Moussa Faki, ayaa Ra’isul wasaaraha wax ka weydiiyay tirada Golaha Wasiirada, ku-xigeeno iyo Wasiiro Dowlayaasha, waxa uuna Kheyre sharaxaad ka bixiyay hanaanka uu kusoo dhisaayo Golihiisa iyo guud ahaan tirada ay ka kooban yihiin.

Moussa Faki ayaa Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu la imaado Xukuumad ka tayo roon kuwii hore waxa uuna ku taliyay in Xukuumadaani lagu soo dhiso aragti fog.

Moussa Faki, waxa uu sheegay inay sahlan tahay in xilal loo dhiibo shaqsiyaad balse ay adag tahay inaad kula xisaabtanto howsha maadaama shaqsi waliba aadan biliwga aqoon waxqabadkiisa.

Moussa Faki, waxa uu Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu soo dada jiyo Golaha Wasiirada waxa uuna ku celcelshay in Somalia ay u baahan tahay isbedel balse aysan dooneynin shaqsiyaad Somalia dib ugu celinaaya halkii hore.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu la imaan doono Golo taariikhi ah, waxa uuna cadeeyay in Xukuumadiisa ay ka tayo roonaan doonto kuwii hore.

Dhinaca kale, Moussa Faki iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku heshiiyay in la burburiyo musuqa, si looga gudbo dhaqaalaha dalka oo ku qulqulaaya jeebab kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Moussa Faki ”Waxaa maanta beenoobay xumaha laga faafin jiray Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan horayba u sheegnay waxaa goordhow magaalada Muqdisho kasoo dagay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki.

Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki, ayaa markii uu kasoo degay Garoonka Aadan Cadde kullan la qaatay madaxda dowlada federaalka Somalia.

Moussa Faki Mahamat waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka socday AMISOM.

Booqashada Guddoomiyaha ayaa ah mid loogu kuurgalayo xaaladda abaarta iyo saameynta ay yeelatey, hawgalka AMISOM iyo sidii AU ay uga qayb-qaadan lahayd gar-gaarka Soomaaliya.

Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki, oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay wararka sheegaya in Somalia ay daashatay colaado, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay ka dhismo qurxoon tahay dhowr dal oo uu ka jiro amni.

Moussa Faki ayaa yiri ”Waxaan maqli jiray ugama jeedo Somalia, waxaan arkaa Somalia oo ka muuqaal qurxoon wadamo farabadan waxaana ii muuqda Somalia oo Soomaalidii hore bedeleysa”

Waxa uu intaa ku daray ”Bilicda Somalia aad ayay u bidhaameysaa waxaan Dowladaha saaxiibada la’ ah Somalia ugu baaqayaa in laga dhabeeyo garab istaaga dhinacyada amniga iyo Abaarta, waan la socnaa in Somalia ay ka jiraan abaaro dhib farabadan geystay”

Midowga Afrika waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka badan 20 000 oo askeri, waxaana horey loo go’aamiyey in ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sanadka 2018 oo ay ka harsan tahay wax yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan oo Muqdisho imaanaya

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Dayip Erdogan uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Jariirad kasoo baxda dalka Turkiga ayaa shaacisay in madaxweyne Erdogan uu qorsheynayo inuu yimaado magaalada Muqdisho si uu kaga qeyb galo furitaanka mashaariic kale oo dowladdiisa ay ka hergelineyso dalka Soomaaliya.

Jariirada oo soo xiganeyso masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa sheegtay in xukuumada Ankara ay waddo qorshe ay magaalada Muqdisho bisha April kaga fureyso saldhiga ugu weyn ee Meletari, kaasi oo lagu tababarayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Saldhiga uu Turkiga ka dhisayo deegaanka Jazeera ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa ku baxaya lacag gaareyso 50 Milyan oo doolar, wuxuuna noqonayaa saldhiga Turkiga ku leeyahay dibbada midka ugu weyn.

Sida wararka ay sheegayaan safarta Erdogan ayaa la xariira sidii uu xariga kaga jari lahaa saldhigaasi lagu tababarayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaanse la ogeyn danta uu Turkiga ka leeyahay.

Abaanduulaha guud ee Ciidamada Turkiga ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo wafdiga soo raaci doona madaxweynaha Turkiga si ay kaga qeyb galaan xaflada furitaanka saldhiga Turkiga ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabadoonka Qowmiyada Eritrea ee Somalia oo Fariin qiiro leh u diray Farmaajo (Akhriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka hadlay Cadaalad falka iyo sinaanta Shacabka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia Nabadoon Fikak Ali Cumar.

Nabadoon Fikak Ali ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ay ka dalbanayaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalka waxa uuna Nabadoonka cadeeyay in dalkaani ay ku noolyihiin faracii 5aad.

Nabadoon Fikak Ali Cumar ayaa sheegay in Qowmiyada Eriteria ee Somalia ay dalka ku leeyihiin Hanti maguurto ah, isla markaana la xaqiray xuquuqdooda.

Nabadoon waxa uu tilmaamay in Dowladihii ka horeeyay Madaxweyne Farmaajo aysan ka jawaabin hadalada ay u marinayaan warbaahinta, waxa uuna ku baaqay in Dowladaani ay noqoto mid mudnaan siisa Qowmiyada Eriteria ee Somalia.

”Waxaan tabaneynaa cadaalad dari Somalia wey na dhaleen weyna noo dhaleen waxaan u baahanahay in la simo cadaalada oo Dowlada Somalia ay ka jawaabto dhambaalada aan hawada u marineyno”

”Dalkaani waxaan ku noolnahay faracii 5aad waxaana ku daganahay boqolaal qoys oo aan heysan xuquuq iyo gacaltooyo toona waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu nala simo kuwa xuquuqda lasiiyay”

Nabadoon Fikak Ali Cumar, waxa uu tilmaamay inay dhiigooda u hureen Somalia isla markaana ay ku waayen nolosha Lixdameeyo Saraakiil iyo Korneelo, hayeeshee aysan iminka heysan wax xushmad ah marka loo eego daryeel la’aan ka heysata Dowlada.

”Dowladii Siyaad Barre waxaan ku laheynay Saraakiil, Korneelo, Siyaasiyiin waxaan la sineynay kuwa kale waxaan garan la’ahay sababta looga jawaabi la’ yahay baaqeena miyaanan xushmad laheyn ama aan la maqal baaqeena”

Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ayaa ku qeyla dhaamiyay inaan muuqan xuquuqooda iyo kaalinta ay ku lahaayen Xoriyada Somalia.

FARIIN KU SOCTA MADAXWEYNE FARMAAJO

Anigoo ah Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia Fikak Cali Cumar waxaan ka dalbanayaa Madaxweynaha Somalia inaan la dhaawicin himiladeena isla markaana la xaqiijiyo xuquuqdeena.

Waxaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqayaa inuu soo celsho xuquuqda Boqolaal Qoys oo Qowmiyada Eriteria kuna dhaqan Somalia hadana aan heysan Xuquuq iyo Xushmad toona.

”Waxaan cadeynayaa in Dowlada kuraas laga siiyay Qowmiyado aan kaga soo horeynay dalka anaguna aan meel laga soo qaadin baaqeena, waxaan dalbanayaa in Madaxweynaha uu ka dhabeeyo Cadaalada uu nasiiyo waxa aan xaqa u leenahay”

”Wadankaani waxaan ku leenahay Hanti maguurto ah balse waxaan tabaynaa Xuquuqda aan ku leenahay awood qeybsiga maadaama Lixdameeyo Saraakiil iyo Korneelo aan ku weynay halgankii Qaranimada Somalia”

Waxaan ku baaqayaa in Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ay garwaaqsato Xuquuqda naga maqan oo aan wali loo helin dawo.

Ugu danbeyntii waxaan Madaxweynaha ka codsaneynaa inay la imaadan isbedel Siyaasadeed oo lagu soo celinaayo Cadaalada iyo Xuquuqda Umadda.

W.Q: Nuuradiin Maxamed Nuur (Farad)

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro cusub: kulamadii dhex maray Farmaajo iyo guddoomiyaha M/A

0

Sanca (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Faki oo maanta booqasho ku timid Muqdisho ayaa la kulmay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankaasi ay qeyb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan taliska howlgalka AMISOM iyo Dowladda Somalia.

Mouse Faki ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, madaxa howlgalka AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada, halkaasi oo madaxweyne Farmaajo uu kusoo dhoweeyay, waxaana shir mudo qaatay ugu wada hadleen xaaladda dalka Somalia iyo isbadalada ka dhacay, amniga iyo sidii midowga Afrika ugu qeyb qaadan lahaa gurmad lagu samatabixinayo dadka abaaraha halageeyeen.Guddoomiyaha midowga Afrika Mouse Fakt ayaa soo dhoweeyay isbadalada ka dhacay dalka, wuxuuna ballan qaaday in midowga afrika uu ka taageeri doono dowladda cusub dhinac fara badan oo dhanka amniga kow ka yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu mahad celiyay Mr. Mouse Faki booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna ku booriyay in ay xoojiyaan taageerada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed.Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay ka hor inta aysan soo degin wafdiga guddoomiyaha midowga afrika, waxaana xiran wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada, iyo dhammaan isgoysyada muhimka.Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiyaha Midowga Africa oo magaalada Muqdisho u yimid labo arin (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray guddoomiyaha midowga Africa ee dhawaan lagu doortay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Moussa Faki Mahamat guddoomiyaha midowga Africa ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo wakiilka AU ee Soomaaliya ayaa dhankooda tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxayna dhamaantood soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Midowga Africa.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Muqdisho u yimid labo arin oo kala ah xaaladaha guud ee abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga badali lahaa howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Wakiilka ayaa garoonka diyaaradaha kulan kooban kula qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana uu kadib kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii lagu doortay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaalidii ka badbaatay duqeyntii dalka Yemen oo xabsiga la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno dalka Yemen ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ay xabsiga dhigeen Dad Soomaali ah oo ka badbaaday duqeynka dhacday dalkaasi Yemen.

Inka badan 42 ruux ayaa ku dhimatay duqeyn ka dhacday dalka Yemen oo lala eegtay dooni ay saarnaayeen shacab Soomaaliyeed, waxaana jira dad kale oo dhaawacyo daran ay kasoo gaartay duqeynta.

Ilaa 7 ruux oo Soomaali ah oo la sheegay inay ka badbaadeen duqeynta ayaa la dhigay xabsi ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, lamana oga sababta xarigooda ka dambeysay.

Sidoo kale 7 ruux oo dhaawacyo daran ay soo gaareen ayaa la sheegay inay xaaladooda ay liidato ayna u baahan yihiin daweyn iyo xarumo caafimaad oo adeeg tayo leh laga heli karo.

Saleebaan Maxamed Cali oo ka mid ah Soomaalida deggan Dalka Yeman ayaa waxa uu sheegayaa inay xaalad adag ay ka jirto waddanka dad badana ay Tahriibinayaan Soomaalida waddankaasi kusugan.

Saleebaan wuxuu kaloo sheegay in Soomaalidii ka badbaaday gantaalka ay xireen ciidamada xuutiyiinta iyadoo ay baaritaano dheeri ah ku socdan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xulista Golaha Wasiirada oo Khilaafkii ugu adkaa ka dhex dhalisay Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha xulista Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, kadib markii ay soo ifbaxday kala aragti duwanaansho u dhexeysa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Somalia ayaa diiday in tirro yareen lagu sameeyo Golaha Wasiirada isla markaana Wasiirada la magacaabayo aan lagu soo darin Shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Siyaasad xumida, waxaana aragtidaasi ka hor imaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay inaan la adkeyn shuruudaha maadaama uu wakhtigu yahay mid ciriiri ah waxa uuna Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka dalbaday in shuruuda laga saaro Shaqsiyaadka laga reebayo Golaha ee Musuqa lagu helay.

Jawaari waxa uu sheegay inaanu suuragal noqon doonin in Golaha Wasiirada ay u dib dhacdo kala shaandheynta Siyaasiyiinta fiican iyo kuwa ku sifoobay Musuqa, waxaana la sheegayaa in arrintaani ay timid kadib markii Madaxweynaha uu diiday Shaqsi uu watay Jawaari oo kamid noqday Shaqsiyaadka Musuqay Hantida Qaranka.

Waxaa kala aragti duwanaantaasi barbar socda Muran kale oo ka dhashay Cadadka laga dhigaayo Golaha Wasiirada waxa ayna wararku sheegayaan in saacadihii u dambeeyay la isku hayay in Golaha Wasiirada laga dhigo 25 Wasiir, sida ay aheyd labadii Xukuumaddood ee u dambeeyay iyo in la kordhiyo oo laga dhigo 30 Wasiir.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa culeysyada ugu badan ee dhismaha Golihiisa Wasiirada kala kulmaya Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibadiisa oo doonaya in xubno ay wataan lagu soo daro Golaha Wasiirada.

Culeysyada uu la kulmaayo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah loolanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo wata shaqsiyaad kala duwan.

Sidoo kale, Muranka xoogiisa ayaa ah in Ra’isul wasaaraha lagu fara gelinayo inuu u madax banaanaado in beeshiisa inuu Wasiiro ka soo xulo, waxaana jira shaqsiyaad dhowr ah oo uu miiska soo saartay in laga diiday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa suuragal ah in ku dhawaaqida Golaha Wasiirada ay dib usii dhacdo haddii aan xal loo helin Khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Sacuudiga oo war kasoo saartay duqeyntii Soomaalida badan ku dhimatay

Sanca (Caasimada online)-Dowladdaa Sacuudiga ayaa war kasoo saartay duqeyn ka dhacday dalka Yemen oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed oo dooni saarnaa.

Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri oo ah Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in Weerarkaasi aysan geysan diyaaradahooda ,islamarkaana ay geysteen Xuutiyiinta.

Waxaa uu sheegay in goobta dadkaasi lagu dilay aysan Weeraro ka fulin Diyaaradaha Sucuudiga ,laakiin ay ku tuhun san yihiin in ay ka dambeeyeen Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen.

“Howsheena mahan midaasi aagaasi maba tagno mana duqeyno marka warku waa uu Cadyahay oo dadkaasi waxaa laayay Xuutiyiinta” ayuu yiri Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri.

Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dhankooda xusay in aysan haysanin diyaarado Gantaalo rida ,dadkaasi masaakiinta ah in ay laayeen Ciidamada Sucuudiga.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka.

Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay  ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay ka naxday falka lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaaliyeed.Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay baaritaan dheer ay ku sameyn doonto dhacdadaan Xanuunka badan.
Caasimada Online
Xafiiska YEMEN
[email protected]

 

Xog: Maxaa ka jira in Taliyayaasha NISA & Booliska ay Farmaajo u gudbiyeen warqad Is casilaad ah?

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Gen. Cabdullahi Gaafow Maxamuud iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ay warqad Is casilaad ah u gudbiyeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Taliyayaasha labada Hay’adood ayaa la sheegay in Madaxweynaha Somalia ay ka dalbadeen inuu akhbalo warqada Is casilaada, walow Madaxweynaha uusan wali ka jawaabin dalbka labada Taliye.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu labada Taliye ka dalbaday inay bixiyaan Xuquuqda Ciidamada Qaranka dhowrkii bil oo aysan bixin, wixii intaa ka danbeeya ay suuragal tahay inuu akhbalo dalabka Is casilaada.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in labada Taliye uu Is casilaadooda xujo uga dhigay in marka hore ay bixiyaan dhaqaalaha muddo 4 bil oo ah Xuquuqda Ciidamada ee leys daba mariyay.

Dalabka Is casilaada ayaa la xaqiijiyay inuu ka danbeeyay kadib markii labada Taliye ay la kulmeen cadaadis dhanka amaanka ah.

Dhinaca kale, waxaan la xaqiijin karin in Madaxweyne Farmaajo uu ka laaban doono go’aanka uu labada Taliye uga dalbaday bixinta xuquuqda la musuqay si loo aqbalo Is casilaadooda maadaama ay ku hingooben Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Malaysia oo ciidamo usoo direysa Somalia iyo hal ujeedo oo ay leeyihiin

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Dowladda Malaysia ayaa qayb yar oo kamid ah askarteeda waxay u diri-doontaa Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shicibka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta.
Wasiirka difaacada Malaysia ayaa tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay Riyaad, dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Hishammuddin  wuxuu yiri, “Go’aanka ah inaan ciidamo u dirno Soomaaliya wuxuu yimid markaan la kulmay raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.”
Wasiirku wuu sii hadlay, “Cumar wuxuu wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”
Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.
Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.
Waxaa hadalladiisa kaloo kamid ahaa, “Xubnaha u socdaalaya Soomaaliya waxay sidaan cunto iyo daawo, waxayna isticmaali doonaan diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130”.
Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.
Sidoo kale dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asiyaha dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya ayuu yiri wasiirka difaaca Malaysia.
W/D: Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway
[email protected]

Cali Khaliif oo ka baxay Buuhoodle iyo dal diyaarad qaas usoo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in xalay xili dambe uu magaaladaasi isaga baxay madaxweynaha maamulka Khaatum Cali Khaliif Galeyr oo maalmahaan ku sugnaa degmadaasi.

Lama oga sababaha ka dambeeya in Cali Khaliif uu isaga baxaa degmada Buuhoodle, balse muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa degmada ka taagnaa xiisad ka dhalatay safarkii uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Khaatumo uu kusoo jeedo magaalada Laascaano ee gobolka Sool, oo marar badan uu tagay, waxaana la sheegayaa in halkaasi uu u tagayo arimo la xiriira wadahadalka uu kula jiro Somaliland.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galeyr uu ku wajahan yahay magaalada Dubia ee dalka iski taga imaaraatka carabta halkaasi oo wadahadalkii u dambeeyay ay ku yeelanayaan Somaliland iyo Khaatumo.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in Laascaano ay tagi doonto diyaarad qaas ah oo madaxweyne Cali Khaliif ka qaadeysa degmadaasi, iyada oo geyn doonta dalka Imaaraatka Carabta.

Imaaraatka Carabta ayaa xiriir toos ah la sameynaya madaxda maamulada ka jira gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna doonayaa in maamul walbaa uu dantiisa gaar ah ka qabsadaa isagoo aan mareynin dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo qaabilay odayaal uu soo diray Boorsaani + Ujeedada

0

Kampala (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Sheekh Yuusud Xuseen Jimcaale “Boorsaani” oo dadaal badan iyo juhdi ku bixinaya sidii uu u xajisan lahaa kursiga uu ku fadhiyo ayaa abaabulay odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Mudullood.

Kullan maanta xarunta madaxtooyada ka dhacay ayaa madaxweyne Farmaajo uu kula shiray odayaasha beesha Mudullood, waxaana kullankaasi oo ahaa mid qado ah waxaa goob joog ka ahaa SH. Yuusuf Boorsaani oo odayaashaasi u geeyay madaxweynaha.

Wariyaha Caasimada.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in odayaashaasi ay madaxweynaha hordhigeen dalab ah in xilka guddoomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho la kala qaadin, isla markaana Sheekh Yuusuf loo dhaafo labadaasi xil ee is sacaran.

Odayaasha dhaqanka ee uu la shir tegay Sh. Yusuf oo dhaqaale ku bixiyay inay madalaan iyo balan qaad uu u sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Malaaq Cali Malaaq Showri, iyo odayaasha dhaqanka beelaha Moobleen Ismaan, iyo Ujeejeen.

Sida ay ku waramayaan xubno shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo aan ku qanacsaneyn soo jeedinta odayaasha uusoo abaabulay Boorsaani uu ka dhageystay codsigooda iyo dalabkooda, isagoo aan wax jawaab ah oo ay ku qanceen uusan bixin madaxweyne Farmaajo.

Sheikh Yuusuf Boorsaani ayaa lagu xusuustaa ololihii doorashadii inuu u ololeynayay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud isagoo dhaqaalihii ugu badnaa ee dhulalkii danta guud ee sida sharci darada uu u iibiyay ku bixiyay doorashooyinkii xildhibaanadii taageersanaa Xasan SHeekh iyo doorashadii 8-dii Febraayo ee guushu ku raacday madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sh. Yusuf Boorsaani ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyihii ugu masuq maasuqa badnaa ee soo mara gobolka Banaadir, isagoo si indo la’aan ah u xaluufiyay wixii dhul dowladdu laheyd ee bannaanaa kana iibiyay ganacsato ay ku shuraakoobeen dhul boobka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]