25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sideed arrin oo laga sugayo xukuumada cusub ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa xubnaha Golaha Wasiirada ka dalbaday inay u shaqeeyan si hufnaan leh, waxa uuna kaga digay inay saaxiib u noqdaan musuq iyo eex.

Wasiirada cusub ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan BFS, kuwaa oo isugu jira kuwo saaxiib la ah Madaxweynaha iyo kuwo qaabab kale kusoo galay liiska.

Wasiirada cusub ee Xukuumada Somalia ayaa waxaa horyaal caqabado badan iyo talaabooyin laga sugaayo fulintooda ansixinta kadib.

Howlaha ugu horeeya ee Wasiirada laga doonaayo inay qabtaan ayaa waxaa kamid ah:

1-In Xildhibaanada BFS ay weydiistaan kalsoonida.

2-Wax ka qabashadda iyo sameynta gurmad lagu qaboojinaayo abaaraha ka jira dalka.

3-Da jinta dajwalka shaqooyinka Wasaaradahooda.

4-Dib u geegista miisaaniyadda DFS ee sanadkii hore lagu celiyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Fargeetti.

5-Dib u eegida xaaladdaha amniga dalka iyo wanaajinta xiriirka maamul Gobolleedyadda dalka.

6-Ballan qaadida in ciidamada Soomaaliya iyo shaqaalaha dawlada mushaaraatkooda ay bixiyaan.

7-Dowladd aan xiriir la lahayn shacbigeeda, waxay lamid tahay caruur aanan xiriir la lahayn waalidkood, in ay sameeyaan Xafiiska Xiriirka Dadweynaha.

Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa sidoo kale laga doonayaa in kalsooni ay ka dhex abuuran Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo aan iminka u dhexeyn wanaag heer wanaagsan gaarsiisan.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa si siman u sheegay in Golaha Wasiirada ay fulin doonaan amarka loo soo jeediyo.

Waxa ay sheegen inay jiraan caqabado badan oo horyaal Wasiirada, balse waxa ay tilmaameen in caqabad waliba lagu jaan goyn doono sharciga.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirada cusub ee xukuumada Somalia ayaa la saadaalinayaa inay ku adkaan doonto fulinta dhammaan qodobada kor ku xusan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo magacaabay guddi cusub (Maxay qabanayaan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddi cusub oo ka shaqeynaya baritaanka waxyeeladii ka dhalatay qaraxii shalay ka dhacay agagaarka tiyaatarka qaranka.

Sababta ka dambeysay magacaabida gudigaasi ayuu ra’iisul wasaaraha ku sheegay inay tahay in la ogaado waxyeelada ka dhalatay qaraxa iyo shacabka dhibaatada soo gaartay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay booqday dadka ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay inay caafimaadaan isagoo ka tacsiyeeyay dadkii dhintay.

Qaraxii shalay ayaa sababay dhimashada inka  badan shan ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Qaraxaasi oo aad u xooganaa ayaa ah mid loo adeegsaday gaari homey ah oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso qabiilada ay ka soo kala jeedaan wasiiru dowlayaasha cusub

0

Muqdsiho Caasimada Online) – Caasimada online oo ah shabakad aad uga barateyn dabagalka xaqiiqoyinka ayaa soo ogaatay qabiilada ay kasoo kala jedaan wasiir dowlayaasha  uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kuwaas oo gaarayo ilaa 15 wasiir Wasiiru Dowle.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiska Wasiiru Dowle.  oo dhameystiran iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan oo ay idiin soo diyaarisay Shabakadda Caasimadda Online.

  1. Cabdulqaadir Macalin Nuur, Madaxtooyada, Hawiye, Abgaal, Waceysle
  2. Cabdullaahi Xaamuud Maxamed, Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Mirifle, Disow.
  3. Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, Wasaaradda Ganacsiga  iyo Warshadaha, Mirifle /Hiiraan
  4. Xildhibaan Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi, Wasaaradda Cadaaladda, Dir, Reer Aw Saciid.
  5. Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dir, Ciise
  6. Xildhibaan , Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasaaradda Maaliyadda, Majeerteen, Cali Saleebaan
  7. Cabdullaahi Faarax Wehliye, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta , Hawiye, Duduble
  8. Cabdulqaadir Axmed-Kheyre Cabdi, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Beesha Shanaad, Reer Aw Xasan
  9. Xildhibaan Xasan Macalin Xuseen, Wasaaradda Amniga Gudaha, Hawiye, Murusade.
  10. Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi, Wasaaradda Gadiidka cirka iyo dhulka , Hawiye, Shiiqaal.
  11. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare, Daarood, Harti, Awtable
  12. Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali, Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha, Isaaq, Habar Awal.
  13. Axmed Cabdi Kaariye, Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska , Hawiye, Habargidir, Saleebaan.
  14. Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur, Wasaarada Postada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Daarood, Dishiishe.
  15. Cabdixakiin Xasan Ashkir, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Daarood, Ogaadeyn, Makaahiil

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Intee la egtahay rajada laga qabo ansixinta golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa rajo wanaagsan laga muujinayaa ansixinta golaha wasiirada cusub oo dhawaan la filayo in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay u helaan codka kalsoonida.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in rajo wanaagsan ay qabaan golaha wasiirada, maadaama inta badan beelaha lagu qanciyay liiska golaha wasiirada beelo gaar ah oo tabashooyin qaba mooyee.

Sababta rajada ugu badan looga qabo ansixinta wasiirada ayaa ah inay ku dhex jiraan inka badan 40 xildhibaan oo baarlamaanka ka mid ah, kuwaasi oo saaxiibadood ku qancin kara inay codka kalsoonida siiyaan.

Wasiirka ka tirsan Galmudug ayaa dhankiisa sheegay inay soo dhaweynayaan liiska golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday baarlamaanka inay codka siiyaan wasiirada cusub.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa isla shalay soo dhaweeyay wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.

Wasiirada ayaa durba mucaarad kala kulmay xildhibaanada kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee ayuu u dhacay qaraxii shalay? + Iskarigii isku dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa Qarax aad u xoogan oo laga maqlay dhawaqiisa magaalada Muqdisho, waxaana loo adeegsaday Gaari Caasi (Homy) ah oo qaraxyo laga buuxiyay.

Waxay ahedy xili aan ka fogeyn casir liiqii, mar qura ayaa waxaa la maqlay dhawaqa qaraxa xoogan oo ka dhacay albaabka Tiyaatarka qaranka Soomaaliya, waxaana dad badan oo aan ka fogeyn goobta wax ay ka dhaceen la kulmeen naxdin iyo walbahaar.

Daqiiqado kooban oo la garan waayay halka ay wax ka jiraan ayaa marqura jawiga uu soo laabtay, waxaana la ogaaday waxa dhacay inay ahaayeen qarax gaari laga buuxiyay.

HALKUU Gaariga ka yimid ?

Gaariga oo Homey ahaa wuxuu kasoo laabtay wadada dhanka Xaawo Taako, wuxuuna isku dayay inuu maro  waddo aan gaadiidka dadweynaha loo ogleyn.

Wuxuu la wareegay dhagxaan wadada taalay, isagoo afka aadiyay dhanka iyo wadada Tiyaatarka hareer marta ee aada dhanka 15 May, balse waxaa ka hor istaagay mid kamid ah ciidamada dowladda.

Askariga ayaa wuxuu isku dayay in gaariga ka celiyo wadada, waxaana uu dhowr jeer siiyay digniin ku aadan inuu wadada ka leexdo, balse markii dambe ayuu dib kaga dagay.

Muxuu sameeyay wadadaha gaariga is qarxiyay ?

Wadaha gaariga qarxay wuxuu ka dhago adeegay hadalka askariga ee ahaa inuu gaariga joojiyo, wuxuuna muddo seddex jeer ah gaariga afkiisa ku dhiftay darbiga birta ay taalay, laakiin ma uusan qarxin seddexdaasi jeer.

Askariga goobta joogay ayaa markii dambe dareemay in gaariga uu ujeedo lahaa, wuxuuna dib kaga dagay gaariga isaga oo u yeeray askartii kale ee la joogay, balse markii ay diyaar garow galeen ayuu qaraxii dhacay.

Askariga diidanaa in gaariga uu gudbo goobta ayuu ku dhintay, laakiin saaxiibadii kale wey dhaawacmeen qaarkoodna wey dhinteen.

Kadib maxaa dhacay ?

Markii qaraxa uu dhacay qof kasta waxay baadi goob u gashay dadkii ay Muuq garaneysay, waxaana meesha dhan qabsaday rasaas ay ridayaan ciidamada gadaal ka yimid, kuwaasi oo dadka doonayay inay goobta ka fogaadaan.

Waxaa soo gaaray goobta masuuliyiin kala duwan, amaankana ma aheyn mid si weyn u adkeysan, oo waxaaba halis kale ahaan laheyd in gaari kale oo qarax uu ka buuxo lala soo galo.

Meydad badan ayaa laga daad gureeyay goobta, waxaana dadka waxyeelada ay gaartay kamid ahaa dad watay gaadiid oo qabar daar iska ahaa, kuna jiray safka baaritaanka gaadiidka goobta marayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso liiska wasiirada ay haweynka ka heleen xukuumada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada cusub, waxaana idiin soo liiska ay ka heleyn haweynka Soomaaliya.

Haweenka, ayaa lix Wasiir ka helay lix iyo labaatanka (26) Wasiir ee la magacaabay, iyadoo qaarkood loo magacaabay Wasaarado muhiim ah, sida Wasaaradaha Caafimaadka, Dekedaha iyo Ganacsiga.

Lixda Wasiir ee dumarka ah, ayaa lagu kala magacaabaa:-

Foosiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada
Maryan Aweys Jaamac, Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda
Khadra Axmed Ducaale, Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha

Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha
Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka
Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka

Sidoo kale Wasiir Kuxigeenada la magacaabay, ayaa laba keliya laga siiyay dumarka, waana tiro aad uga yar marka aad fiirso tirada laga siiyay Wasiirada.

Labada Wasiir Kuxigeenada ee haweenka ah, ayaa kala ah:-

Fahma Axmed Nuur, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha

Samra Ibraahim Cumar, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka

Haweenka wax xubno ahi lagama siinin shan iyo tobanka Wasiiru Dowlayaasha, ee uu ku soo dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Guud ahaan tirada Golaha Wasiirada ee la magacaabay oo dhan sideed iyo lixdan (68) xubnood, ayaa saddex iyo afartan (43) ka mida waxaa weeye Mudane-yaal ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano ka tirsan BF oo durba ka hor yimid wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa waxaa durba magacaabidaasi ka hor imaaday Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in BFS uusan ansixin doonin Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xildhibaanka oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, aan loo marin nidaam sax ah, waxa uuna tilmaamay inaan la ansixin doonin Golaha.

Xildhibaan Idiris waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uusan la tashan Xildhibaanada BFS, waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanada aysan meel marin doonin Wasiiro qaabkaasi lagu dhisay.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada kasoo horjeeda Golaha Wasiirada ay dhan yihiin 68 mudane oo aan meelmarin doonin Golaha.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Sababta ugu weyn oo ay kaga hor imaanayaan ansixinta ay tahay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay albaabada ka xirteen Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Wacbuudhan oo shuruud adag hordhigi doona Harti Abgaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankaan ayaa waxaa isku yimid beesha Wacbuudhab Abgaal jifooyinka ay ka kobben tahay kaasoo looga hadlaayay sidii hab nabadeed loogu dhamayn lahaa dagaal beeleedkii ka dhacay Degamda Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe kaaso u dhaxeeyay laba beelood oo walaalo ah wada dagana tuulooyin hoos yimaada Degmada Cadale.

Oday dhaqameedyadii goobta ka hadlay oo uu ka mid ahaa Nabadoon Xuseen Jilicoow ayaa sheegay in ay ka beel ahaan soo dhaweeynayaan talaaboo walba oo loo qaadi karo dhanka nabadda si mar kale looga hortago in dhiig kale ku daadato degmada Cadale.Nabadoonka ayaa sheegay in ay beel ahaan carabka ku adkeeynayaa in wixii Qiraallo iyo Qorraalba ah sida uu hadalka u dhiga oo ay labada jifoo ee dagaalamay horay ugu hishiiyeen in marka hore la fuliyo si markaas horay loogu sii dhaqaaqo in la dhameestiro wixii dhiman.

Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo ka mid ah nabadoonada ka soo jeeda tuulada Koogaar ee Cadale ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan in si banadeed looga hishiiyo dhibaatadii ka dhacday Cadale balse waxa uu hadlkaasi raaciyay in cidii labada garab fulin waysa hishiisyada la gaaray amaba la gaari doono in ay noqon doonto dimbiile loona baahnaan doono in wax laga qabto.Bil ka hor ayeey ahayd markii dagaallo soo noq noqday ay ka dhaceen Degamada Cadale kaasoo sababay in ay ku dhintaan dad ka badan toboneeyo halka ay kuwo kalana ku dhaawacmeen iyadoo mid ka mid ah tuulooyinka Cadale la qabadsiiyay dab taasina ay sababatay in ay ku bas ba’een dhamman guryihii ku yaalay tuuladaasi oo lagu qayaasay 500 oo guri.Maamulka Hirshabeele ayeey u muuqatay in uu ku fashilamay ka hortagista colaadiisa oo ahayd mid muddo soo jiitamaaysay ciidamo beeladyaduna ay muddo is horfadheen difaacyana isugu jireen balse uusan Maamulka Hirshabeele qaadin wax tilaabo muuqda ah ee lagu baajin karay dagaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dam-Jadiid, Ictisaam iyo Daljir oo rooso siyaasadeed la siiyey

DID oo aan u soo Gaabiyey Damjadiid, Ictisam iyo Daljir waxaa laga xaaqay saaxada ciyaaraha Siyaasada

Wareega kowaad waxaa ku haray Damjadiid oo Madaxweyne rabtay, wareega labaad daljiir oo isa siisay Prime minister Maadaama ay aminsanaayeen in rigooorada uu farmaajo dhaliyey ay iyagu salaxeen, kadib markii ay dhaawacyo xun u geysteen Damjadiid iyo Kabtankoodii hore ee Shiikh shariif, wareega ugu danbeeya waxaa ku haray Ictisaam oo aaminsanaa inay Farmaajo Sero B Ka soo Saareen Maadaama Farmaajo oo ciyaarihii 2012 uu Sero B u laabtay kadib markii uu dhaafi waayey 14 dhibcood.

Tababare farmaajo iyo kabtanka kooxda Kheyre ayaa kooxdooda gabi ahaanba Ka ilaaliyey xidigaha DID waxeyna Tarabuunka Ka fiirsanayaan qaab ciyaareedka ay u dheelayaan team-Ka shalay uu kheyre line up-Ka Ka dhigay,iyadoo taageerayaal badan ay Aminsanyihiin in lagu wareeray qaab

Ciyaaareedka DID oo ku dheela fanaando xayesiintooda ay ku badantahay taajiriinta carabta.

Kooxda Daljir oo la aminsanyahay inay rigoore iska dhaliyeen ayaa waxay dib u bilaabeen tababar xoogan si mar kale goormada ugu soo laabtaan.

Kooxda Damjadiid waxay la daalanyihiin ciyaarihii adkaa ee ay soo dheeleen 4 sano ee la soo dhaafay waxeyna hada ku jiraan fasax, iyagoo 100 ciyaaryahan ku leh kooxda uu maamulo jawaari, waxeyna kooxda baarlamaanka Ka soo iibsanayaan xidigo badan oo ku kacsan tababare farmaajo kadib markii laga saaaray shaxdii uu shalay kabatan kheyre sameeyey, iyagoo fursadaas ka faa’iidaysanaya ayey rabaan Damjadiid inay ciyaar adag la dheelaan inta uusan soo dhamaan xili ciyaareedka farmaajo ee 4 sano.

Kooxda Ictisaam ee uu kabtanka Ka yahay Fahad Yaasin ayna ku jiraan Cabdulqadir Cosoble iyo Daahir Mohamed Geele ayaa wali rajo Ka qabo in tababare farmaajo uu siiyo boosaska yaryar ee kooxda sida kooxda caafimaadk ee ciyaartoyda daweeya iyo kuwa tabarbaraha caawiya.

Waa kaftan is boorti siyaasadeed dhib ha u arkin.

Sawirka was Messi Neymar iyo Suarez waxaa la soo Gabiyaa (MSN) waa xili ay xanaaqasanyihin ciyaartana ay Ka fa dhiyaan.

Waxaa la mida (DID)

W/Q: Bile Gurxan 

Xog: Boorsaani oo xilkiisa ku weyn doona saadex arrin oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu xil ka qaadis ku sameyn doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Xil ka qaadista lagu sameynaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa daba socta Xil ka qaadis lagu sameeyay Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal ka hayay DFS, gaar ahaan kuwo ka howlgala Villa Somalia.

Boorsaani ayaa la sheegay in lagu bedeli doono shaqsi dhawaanahaani ay hadal heysay Warbaahinta, kadib markii la sheegay in Guddoomiyaha uu ku hingoobay Shaqooyinka maamulka.

Guddoomiye Boorsaani ayaa xilkiisa ku weyn doona Dacwooyin ka dhan ah oo buux dhaafiyay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Tallaabooyinka uu xilka ku weyn doono Boorsaani ayaa lagu sheegay inay kala yihiin:

1 – Ku tagri falka Hantida Qaranka ee kasoo xaroota Gobolka Banaadir iyo in dhaqaalaha Qaranka uu ku taageeray shaqsiyaad gaara.

2 – Boob baahsan uu maamulka ku hayo dhulka danta guud iyo kuwa sida gaarka ah ay u leeyihiin Shacbiga Soomaaliyeed.

3 – Xafiisyada Maamulka oo ay buux dhaafiyeen shaqsiyaad ku heeb ah oo hal dhinac u badan iyo Xuquuqda shaqaalaha maamulka oo aan la bixin muddo 5-bil ah.

Qorshaha xil ka qaadista loogu sameynaayo Boorsaani ayaa sidoo kale looga dan leeyahay in lagu kala qaado Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, waxaana labadaasi xil loo kala dhiibi doonaa labada mas’uul oo uu wato Madaxweyne Farmaajo.

Geesta kale, waxaa waayadaani soo ifbaxaayay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani uu ku mashquulay iibsashada dhulalka danta guud iyo kuwa shacabka iyadoo arrintaani laga muujiyay cabashooyin, waxa ayna talaabadaasi shaki galisay Qaranimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xilliga diinta Islaamka ay noqoneyso tan ugu dadka badan oo la shaaciyey

Mekkah (Caasimada Online) – Islaamku waa diinta keliya ee ka kobaca badan heerka kororka dadka adduunka, waxayna noqoneysaa diinta dunida ugu ballaaran marka la gaaro sanadka 2070, waa sida lagu sheegay baaritaan ay  sameeysay xarunta cilmibaariska “Pew” ee dalka Mareykanka.

Xarunta cilmibaarista “Pew” ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu cilmibaaris ku sameysay isbedellada Diimaha dunida iyo heerka koritaankooda, tirada muslimiinta dunida ayay ogaaday iney kordhayaan 73% inta u dhaxaysa sanadada 2010-2050, marka loo barbardhigo masiixiyadda oo sameynaysa kobacdhan 35%, waana tan labaad ee ugu kobaca badan, sida lagu sheegay warbixinta ay faafisay jariida The Telegraph ee ka soo baxda dalka Britain.

Iyadoo isla xilligaas 2010-2050 tirada dadka dunidu ay kordheyso in le’eg 37%.

Warbixinta ayaa lagu sheegay haddii heerka kororka Islaamku uu ku socdo qiyaastaas 2050, waxaa imaneysa marka la gaaro sanadka 2070 in dadyowga dunidu intooda badani ay noqonayaan muslimiin.

Dadka muslimiinta ah xilligaas waxay noqonayaan 10% dadka ku nool qaaradda Yurub.

Sandkii 2010, dunida waxaa la qiyaasay iney ku noolyihiin 1.6 Bilyan oo Muslimiin ah iyo 2.17 Bilyan oo Masiixi ah.

Sanadka 2050, tirada Muslimiinta waxaa la qiyaasayaa iney noqoneyso 2.76 Bilyan oo qof, halka tirada masiixiyiintuna noqoneyso 2.92 Bilyan oo qof, haddii qiyaasta kobaca diimaha uu kusocdo heerka cilmibaarista lagu ogaaday, sanadka 2070 tirada Muslimiinta dunida ku nool ayaa ka badaneysa tan masiixiyadda.

Warbixinta ayaa intaa sii raacisay sanadka 2050 in dadka diin la’aanta ah ayaa ka yaardoonta 13.2% iyadoo hadda lagu qiyaaso 16.4%, waxaan lagu sheegay in Yurub iyo waqooyiga Mareykanka ay dadkaasi ku sii badan doonaan.

Kobaca ayaa laga eegay heerka caruur dhalista oo ay ugu sarreeyaan Muslimiinta oo ah 3.1 canug ay dhalikarto haweenay kasta, halka hooyada Masiixiga ah lagu qiyaasay iney dhalikarto celceliska ah 2.7 canug haween kastaa.

Cilmibaarista ayaa lagu ogaaday sidoo kale, in diinta Islaamku tahay tan ugu da’yarta badan, marka loo eego diimaha kale, 34% da’doodu way ka yartahay 15, waa marka la barbardhigo heerka caalamiga ah oo dadka 15 ka yar dunida uu yahay 27% oo kaliya.

Diinta masiixig ah ayaa waxaa haysta in dadbadan oo haystaa ay ka sii baxayaan oo ay isku bedelayaan diin la’aan ama ay u digorognayaan diimo kale, waxaan la filayaa in 40 milyan oo qof iney qaataan Masiixiyadda, halka 106 milyan oo qof ay ka tagayaan si la mdi ah.

Cilmibaarista ayaa waxaa lagu soo koobay ra’yi uruurin laga sameeyay sanadkii hore qaaradda Yurub oo ku aaddan sida ay u arkaan dadka Muslimiinta ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay :” Dadbadan oo ka mid ah dalalka Hungary, Talyaaniga, Poland, Griigga ayaa sheegay inaaney si fiican u arkin dadka muslimiinta ah, laakiin aragtida taban wey sii yaraaneysaa marka aad eegto dalalka Faransiiska, Germany, Ingiriiska iyo meelo kale oo waqooyiga iyo galbeedka Europe ah”.

Waxay intaa ku sii dareen: “Dadka isku tiriyada midigta fog ayaa ah dadka u badan ee aragtida Taban ka haysta marka loo eego kuwo aaminsan aydaloojiyadda bidixda ah”.

Si kastaba, warbixinnada noocan oo kale ah iyo cilmibaarista xooggan leh ayaa muujinaya sida walwalka leh ee reer galbeedku isha ugu hayaan kobaca iyo heerka kororka dadka muslimiinta ah ee dunida kusii kordhaya.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Hantida madaxweynaha, r/wasaaraha iyo wasiirada cusub oo la tirakoobayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay Khudbad ka jeediyey munaasabaddii lagu soo magacaabayay golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in tirakoob lagu sameyn doono hantida ay leeyihiin wasiirada cusub haddii ay tahay guurto ama ma guurto intaba.

Kheyre oo arrimo badan ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddan ay tahay mid shaqo, islamarkaana lagu wada shaqeyn doono isla xisaabtan dhab ah.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in isla xisaabtanka uu ka bilaaban doono isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Hadaba hoos ka akhriso khudbadii ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka Akhriso Khudbadda:

Waxaan marka hore rabaa inaan ku bilaabo sida soo socota:-

Xukuumaddu waxay ka koobnaan doontaa 26 wasiir iyo Ra’iisul wasaare ku xigeen oo aan sababeyn  doono.

Shuruudaha lagu soo xulay oo laguna xisaabtami doono iyo qaabka ay u shaqeyn doonaan oo aan rabo iney shacabka Soomaaliyeed maqlaan waxay tahay sida soo socota.

Qofka wasiirka noqonaya waa in aaney da’diisa ka yaraan 30 sano, waa in aqoontiisa gaarsiisan tahay heer jaamacadeed, waa in uu Soomaali yahay, aaminsan yahayna midnimada iyo madaxbanaanida umadda Soomaaliyeed, waa in uu qibrad u leeyahay maamulka iyo maareynta ku aadan shaqada uu dalbanayo, waa inuu ku sifoobay dhaqan, anshax iyo asluub wanaag, laguna yaqaan karti iyo hufnaan, waa inuusan kamid ahayn xiriirna la lahayn ururada ku tilmaaman xagjirnimada, waa inuu ogolaado, saxiixana in la hubiyo taariikh nololeedkiisa iyo qibraddiisa kadib markii loo magacaabo wasiirnimada.

Waa inuu la jaanqaadi karo kana tarjumi karo isbedalka ku yimaada rabitaanka shacabka, waa inuu diyaar u yahay kana go’an tahay ku dhaqanka iyo muujinta dowlad wanaag, isla xisaabtan, daahfurnaanta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Waa inuu ogaalaadaa ama ay ogolaataa inuu buuxiyo shax la xiriirta caddeynta hantidiisa guurtada iyo midda ma guurtada ah kadib marka loo magacaabo xilka, kaasi oo laga bilaabi doono Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha si loo ogaado xoolaha aan leenahay maanta iyo haddii loo baahdo mustaqbalka markaan xilka ka tagno, taasina waxay tahay qof waliba oo kamid ah golaha wasiirada waxaa laga rabi doonaa shax noocaas ah.

Waxaa kaloo lagu soo dhoweyn doonaa haddii Ilaahay yiraahdo qof walba oo xukuumadda kamid noqda inuu ku shaqeyn doono barnaamij cusub ooo la bilaabay ka shaqeyntiisa, waa barnaamijka xukuumadda.

Waxaa kaloo laga saxiixi doonaa qoraal ku wajahan mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaarad walba, waxaa kaloo uu saxiixi doonaa wasiirka ama wasiiradda waajibaadka qarinta xogta iyo sirta qaranka, oo haddii ay cadaato in ay fashilantay ama ay bixiyeen sirta qaranka ay kalifi doonto iney ku waayaan shaqadooda, waxaa laga soo saxiixi doonaa wax la yiraahdo habraaca ansixinta sifada shaqo oo ah qaab cusub oo dalkaan looga shaqeyn doono.

Waxaa la eegi doonaa oo ay saxiixi doonaan nidaam isla xisaabtan shaqo oo cusub oo ah qaabka ay u shaqeeyaan, waxa laga rabo iney fuliyaan, bil walbana lagula xisaabtami doono, qofkii fulin waayana loo sheegi doono inuu waajibkiisa kasoo bixi waayay.

Sida aan marka hore sheegayna waxay caddeyn doonaan hantida ay leeyihiin, intaas ka sokow waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu bishaareeyo annagoo tixraaceyna isbedalkii ay codsadeen umadda Soomaaliyeed, aniga oo gudanaya waajibaadkyega Dastuurkiga ah qodobkiisa 97 farqadiisa 3-aad ee magacaabista golaha wasiirada, islamarkaana waafajinaya qodobka 98-aad, shuruudaha xubinnimada golaha wasiirada islamarkaana aan wada tashiyo ballaaran la sameeyay Madaxweynaha, xildhibaannada wadanka oo dhan, dumarka Soomaaliyeed, bulshada rayidka, dhallinyarada, culimada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaan idin horkeenay ama umadda Soomaaliyeed rabaa inaan horkeeno xukuumadda cusub.

Maadaama hadaba dalka uu marayo xaalad aad u adag oo abaaro ba’an ay jiraan, kana jiraan qeybo kamid ah dalka oo dadkii iyo duunyadiiba ay ku dhammaanayaan islamarkaasna aan horay u balanqaadey inaan arrimaha abaaraha xallintooda mudnaan gaar ah siinayo, waxaan ku faraxsannahay inaan idiin la wadaagno inaan sameynno wasaarad u gaar ah six al waara looga helo arrimahaasi, wasaaradaasi oo aan ugu magac darnay wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

Ugu horreyntii waxaan aad ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaaliyeed oo meel walboo ay joogaan usoo duceeyay madaxdooda nala garab istaagay, waxaan rabaa inaan u istaago shacabka Soomaaliyeed in dowladnimada ayka bilaabatay maantay, laakiin shaqadii ay dhiman tahay, waxaan rabaa inaan u ballanqaado qof walba oo la magacaabay oo xukuumadda kamid noqda in lala xisaabtami doono, loolana xisaabtami doono si hufan, waxaan kaloo idiin ballanqaadayaa inaan aniga iyo madaxweynaha nala xisaabtami doontaan oo annaguna aan ogolnahay in nala xisaabtamo.

Dalkani waxa uu marayaa meel u baahan in dadka Soomaaliyeed ay isku yimaadaan.

Xukuumad markii la dhisayo waxaa laga yaabaa in dad badan oo Soomaaliyeed oo hammigooda ahaa iney dalkooda iyaguba wax ka dhisaan iney rajeynayeen iney xukuumadda ka qeybqaataan.

Annaga oo hadaba fiirineyna xaaladda dalka uu ku jiro waxaan soo dhisnay xukuumad sida aan sheegay golaheeda wasiirada ay ka kooban yihiin 26 iyo Ra’iisul wasaare ku xigeen oo ah xukuumad loogu talogalay iney waajibkeeda shaqo gudan karto, si kale haddaan u dhigno xukuumad dad shaqadooda u gudan kara si hufan, sidaasi darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, culumo awdiinka, dhallinyarada, dumarka, siyaasiyiinta dalka usoo halgamay oo dhan, cid walba oo rabtay iney dalka wax u qabato oo aan xukuumaddu soo gelin waxaan iyagana u sheegayaa in albaabka wax lagu qaban lahaa u furan yahay, sidaasi daraadeed waxaan umadda Soomaaliyeed oo dhan ka codsanayaa iney fursad siiyaan xukuumaddan aan soo dhisnay, iskuna dayaan iney xukuumaddooda garab istaagaan.

Waxaan kaloo ku dhiirogelinaayaa ragga iyo dumarka Soomaaliyeed oo qeyb ka noqday xukuumaddan inuu bilowday isbedalkii ay codsadeen shacabka Soomaaliyeed iney naga daacad tahay inaan isbedalkaasi ka dhabeyno, inaan diyaar u nahay inaan dalkaan gaarsiinno meeshii umadda Soomaaliyeed ay xaqqa u lahaayeen, jiilka hadda jooga halkan ma aanay ku guuleysan iney u diyaariyaan jiilka ka dambeeya wixii ay xaqqa ugu lahaayeen, si hadaba aan waajibkeenna umadnimo isaga ridno, shaqadii aan dadka Soomaaliyeed oo da’da yar ugu gudbin lahayn waxa ay xaqqa noogu u lahaayeen maanta ayeey bilaabatay, cid walbo oo annaga naga mid ah oo fursad u heshayna waxaa laga rabaa ineysan fursaddaasi dayacin.

Waxaan mar Labaad ku celinayaa oo rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed hortiisa ka ballanqaado, idinkana aan idiin sheego, qaab dhaqameedkii loo shaqeyn jirey inuu isbedalay, waxaan rabaa inaad u diyaargarowdaan idinkuna, baarlamaanka ama golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan halkaan uga dirayaa baaq aan ku leeyahay aad ayaad ugu mahdsantihiin taageeradiina iyo inta hadda nagala joogta, dalkani waxa uu u baahan yahay xukuumad shaqeysa sida ugu dhaqsiyaha badan, sidaasi daraadeed aniga oo og iney gudan doonaan xilkooda, iyagana waxaan ka codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan noogala shaqeeyaan inaan ansixinno xukuumaddan.

Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed oo dhan waxaan ka codsanayaa inaaney noo soo hambalyeenin balse ay inoo soo duceeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Abwaanno boqolaal sano kadib, saadaalintoodii ay run noqotay

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga hadlayo filasho mustaqbal waxa dhici doona saadaalin dhanka cilmiga ah, waxaa inta badan aad caan ugu ahaa culumada ku takhasustay dhinacaa la saadaalinayo, laakiin waxaa jira abwaanno awooday, si nasiiba ha ugu hagaagto ama aragti fog ha yeeshaane, iney si sax ah uga warramaan waxyaabo ay fisheen, qaarkoodna boqolaal sanno ka dib uu cilmigu gaaray waxyaabihii ay ka sii warrameen.

Marka la eegayo suugaantii hore ee Soomaalida ayaa waxaad ku arkaysaa in Abwaanada Soomaaliyeed ay sii saadaaliyeen dhacdooyin farabadan oo markii dambe la arkay ishana laga qaaday, waxaan inta ootin ku taagan ku ahayd, aadna uga walwali jireeny kana gabyi jireen colaadda qabaa’ilka Soomaalida iyo heerka ay gaari karto haddii aan la is dabaqaban.

Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde waa kii ka gabyay qabyaaladda iyo colaadda Soomaali dhexdeeda ah, marka aad si gaar ah u eegto gabaygiisii ahaa “Dardaaran”, abwaanku waxwalba oo dardaaran ah wuu ku dhameeyay, waxa baydadkii gabayga ka mid ahaa;

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Gabaygan oo ahaa 1970-dii ayaa abwaanka xilligaa dadka gabaygiisa dhageystaa u arkayeen in xoogaa ka badbadis ah uu ku jiro, laakiin marka aad hadda eegto waxaa kuu muuqda sawirka dhabta ah ee gabaygaasi lahaa iyo sida u cabiray dhibaatada qabyaalladu keeni karto iyo inaan qeyrkeen ka haridoonno.

Hadaba duurxulka tusaalahan waxaan usoo qaadan sida dadka maskax maalka ah waligood usaadalin jireen mustaqbalka iyo halka ay noloshu u socoto.

Marka aan eegno suugaanyahannadii reer galbeedka ee labadii qarni ee tagay waxay intooda badan ku mashquulsanaayeen horumarka dhanka cilmiga iyo sida mustaqbalka horumarka aadanuhu u ekaan karo, waxaan idin soo gudbin doonnaa dhowr abwaan oo reergalbeed ah oo saadaaliyay waxyaabo badan oo agteenna caadi ka ah hadda,  laakiin xilligaa ay joogeen in la saadaaliyaa ay ahayd riyo si lagu gaaraa ay adag tahay.

  1. Credit Cards

Xilligan maanta la joogo Credit Cards-ka lacagta lagu qaato waxa uu kaalin muhiim ah kaga jiraa nolosheenna oo sida Mobillada lacagta lagu shubo oo kale ayay nolosha in badan oo dunida ka tirsan ugu xiran tahay, inta badan cidina lacag jeebka kuma qaadato amaba guriga kuma keydsato, waxa la soo saaray oo markii ugu horreysay la adeegsaday 1970 qarnigii hore, laakiin markii koowaad waxaa lagu sheegay riwaayaddii “Looking Backward” oo soo baxay sanadkii 1888 taas oo uu curiyay abwaan Edward Bellamy.

  1. Sameecadaha Dhagaha.

Sameecadaha dhagaha lagu dhageysto ma aaney jirin sanadkii 1953 markii uu qoray Ray Bradbury riwaayaddiisii caanka ahayd ee “Fahrenheit 451”, laakiin fikaradda sameecadaha dhagaha waxay soo shaacbaxday qarnigan 21aad, sidaa darteed waxa uu sii saadaaliyay in sameecado dhagaha waxlooga dhageystaa ay imna doonaan, iyadoo xilligaas wixii aad dooneyso inaad si gaar ah u dhageysataa ay adkeyd.

  1. Wicitaannada Muuqaalka ah.

Wicitaanka dhanka Video-ga ah ee maqal iyo muuqaalka ah fikraddiisu markii ugu horreysay waxay soo if baxday sanadkii 1964-tii, si tartiibtartiib ah ayaa loo hormariyay illaa xilligan qofka aad doonto si maqal iyo muuqaal ah ay kuu sahlan tahay meel kasta oo aad dunida ka joogto, laakiin Hugo Gernsback ayaa markii ugu horreysay fikaraddan kusoo bandhigay riwaayad la magacbaxday “+Ralph 124C 41”, taas oo la faafiyay sanadkii 1911.

  1. Dayaxa In La Tago

Jules Verne waxa uu ka mid ahaa abwaanadii dunida ugu caansanaa, waxa uu si weyn wax uga qoray waxyaabaha cilmiga laga filan karo mustaqbalka, sandkii 1865 ayuu qoray ruwaayad la magac baxday “Farriin Dhulka ka timid oo Dayaxana ku socota”, taas oo uu uga hadlayay in aadanuhu uu mar un gaari doono dayaxa.

Laakiin arrinkii uu Ruwaayadda ku dhigay waxaa la gaaray sanadkii 1969, waa muddo 100 sano ah ka dib ruwaayaddaas, waana xilligii Apollo 11 uu dayaxa ku kordagay.

  1. Kaamirooyinka Qarsoon

Abwaan la yiraahdo George Orwell  ayaa qoray sanadkii 1949-kii ruwaayad caan noqotay oo uu uga hadlayay waddooyinka iyo shacabka oo ah kuwo la ilaalinayo oo kaamarada qarsoon ay isha ku haysto, isla sanadkii 1949 ayaa la soo saaray kaamirooyinka qarsoon ee waddooyinka lagu ilaaliyo.

Sidaa si lamid ah waxaa jira waxyaabo badan oo lagu saadaaliyay  suugaanta oo abwaannadu ay qalinka u qaateen markii dambena sidoodii loo arkay oo riyadoodii rumowday.

Si kastaba, dunida aan joogno ayaa waxay ku tillaabsaneysaa horumar joogto ah iyadoo horumarku tiirarkiisa ay ka mid yihiin malada culumada oo caqligooda ku sawira sida mustaqbalka qurxoon iyo sida  ay wax u doonayaan, fikaraddaas oo ugu dambeyn isku bedesha wax la taaban karo oo la gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xarumahii maamulka Puntland oo hal arrin loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dhammaan Xafiisyada maamulka Puntland ee W/Magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo xiran.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xafiisyada loo xiray sababo la xiriira Ciidamo gadoodsan oo caado ka dhigtay inay hordhoobtan Xarumaha maamulka iyagoo shaqaalaha maamulka ku kala eryinaaya rasaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in shaqooyinka maamulka ay ka socon la’ yihiin Ciidamada maamulka oo mar waliba rasaas u adeegsada shaqaalaha iyagoo raadinaaya xuquuq.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa ee maamulka Puntland ka doonayaan inay xal u helaan Ciidamada sida joogtada ah sababta ugu noqda xirnaanshiyaha Xarumaha maamulka.

Ciidamada oo qeyqeyb u dhiga dibadbax ay ku raadinayaan xuquuqdooda ayaa la sheegay in si joogta ah ay u carqaladeeyan shaqooyinka maamulka.

Dhinaca kale, Deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca gadood ay sameynayaan ciidamada maamulka, taa oo caqabad ku noqotay shaqooyinka maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacaya Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Muqdisho in lagu qabto banaanbax lagu taageerayo liiska golaha wasiirada cusub oo uu shalay soo magacaabay ra’iisul wasaaraha dalka.

Banaanbaxaasi ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiin kala duwan, waxaana lagu taageerayaa dhismaha golaha wasiirada cusub ee shalay lagu dhawaaqay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in banaanbaxa uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka dhacayaa taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabad sugida iyo booliska dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka soo gala taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maadaama qorshaha uu yahay in madax kala duwan ay ka qeyb galaan.

Dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay isku soo aruuriyeen maamulada Degmooyinka ayaa la filayaa inay ka qayb galaan bannaanbaxaasi, goor dhaw la qorsheynaayo inuu ka biloowdo Daljirka Daahsoon.

Waa bannaanbixii ugu horeeyay ee taageero loogu muujinaayo Xukuumadda magacaaban ee weli sugeysa codka kalsoonida Baarlamaanka Federalka Somaliya.

Banaanbaxa wuxuu imaanayaa iyadoo xildhibaano qaar oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ay ka hor yimaadeen liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanada kasoo jeeda Koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Qabiilada ay ka soo kala jeedaan wasiirada cusub ee Somalia

0

Muqdsiho (caasimada Online) – Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada oo la sugayey muddo hal bil. Liiskaan ayaa waxaa kasoo muuqdaay shaqsiyaad magac weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Shaqsiyaad aan la fileyn inay liiskaan kamid ah noqon doonaan.

Waxaa kasoo muuqday Yuusuf Garaad Cumr oo noqday wasiirka Arrimaha DIbadda, Ducaale oo noqday Wasiirka Amniga Qaranka, Juca oo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha.

Halkaan hoose ka aqriso liiska Golaha wasiirada iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan:

1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen, Isaaq, Cidegale

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, ( Majeerteen , Ciise Maxmuud)

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hawiye, Habargidr, Ceyr

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda,  ( Godo-Biirse)

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka, Leelkasce

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga, Daarood, Warsangeli.

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha, Beesha Jareer Weyne, Shiidle.

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada, Baadi Cadde.

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka, Ogaadeyn, Cawilyahan

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Isaaq,  Habar Jecle., 11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga, (Yaxar)

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud, (Mirifle Hubeer)

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka, Beesha Shanaad, Reer Xamar.

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, Dir, Surre

15- C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, ( Dhulbahante)

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha, ( Abgaal , Harti , Obokar )

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Hawiye, Abgaal,  Wacbuudhan, Daa’uud.

18- C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga, ( Mirifle / Leysaan)

19-  Cabdiraxmaan  Daahir Cismaan, wasiirka wabarashads iyo tacliinta sare, Xawaadle

20) Dr. Iimaan C/llaahi Cali, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, (Hadamo)

21)  Xildhibaan Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dir, Biyamaal

22) Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha, Beesha Shanaad, Carab Saalax,

23) Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Gaaljecel.

24) Xil. Eng.  Cabdirashiid Maxamed Axmed , Wasiirka Macdanta iyo Batroolka , Gendershe

25) Xildhibaan Prof. Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, Digil, Jiido.

26) AVV. Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Cadaaladda, Garre.

27) Xildhibsan Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqad iyo Shaqaalaha, Isaaq, Habar Yoonis

Maxay Galmudug ka tiri magacaabista golaha wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhow ka hadlay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, kadib markii Ra’isul wasaaraha Xukuumada uu sheegay in Xubnaha Golaha uu kusoo xushay kalsooni.

Maamulka ayaa sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada ay noqon doonaan kuwa buuxiya kalsoonida lagu soo xulay waxa uuna maamulka tilmaamay inay dhowrayaan hanaanka ay ku shaqeyn doonaan Wasiirada la magacaabay.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay halkaan uga diraysaa hambalyo iyo bogaadin Wasiirada Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassaan Cali Kheyre uu soo xulay.

Xulashada Wasiirada cusub ayaa muujinaysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu si degan oo Soomaalinimo kujirto usoo doortay Wasiiro aqoon leh, laguna yaqaan karti iyo hufnaan.

Xulashadan waxaa kale oo ay muujinaysaa in madaxda Soomaalidu ay ka muuqato bisayl siyaasadeed oo dhiiri galinaysa in dhammaan lagawada qeyb qaato siyaasadda wadan qof walbana ay suuragal tahay inuu ku biiriyo aqoontiisaa iyo kartidiisa marka uu soo maro waqtigu.

Waxaa Baarlamaanka Soomaaliyeed ka rejeyneynaa in Wasiirada cusub la ansixiyo magacaabistooda si waqti uusan uga lumin ummadda Soomaaliyeed laguna dhiiri galiyo siday kaalin weyn uga qaadan lahaayeen inay wax kabadalaan xaaladda wadanku ku sugan yahay haatan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay Ilaahay uga baryeysaa Wasiirada cusub in ay u horseedaan ummadda Soomaaliyeed nabad, midnimo, horumar iyo cadaalad ay kaga baxaan dhibaatada iyo abaaraha hareeyey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro + Xog cusub: Weerarkii ismiidaaminta ee agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagau dhuftay Bar-koontorool oo ciidamada Dowladdu ay ku leeyihiin Isgooyska Xaawa-taako ee magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku geeriyoodeen 5 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tirro lagu sheegay 9 ruux oo goobta Qaraxa ku sugnaa.

Dadka qaraxa ku dhibaatoobay ayaa waxaa ku jira dumar iyo dhalinyaro. Dad badan ayaa dhintay, kuwo kalana way ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa shaeegay in gaariga qarax fuliyaya uu ahaa Caasi isla markaana uu aad ugu dhawaaday Koontoroolka ciidamada oo ku yaal dhinaca wadada aada Boondheere ee geesta ku heysa Golaha Murtida iyo Mada’daalada Qaranka.

Qaraxa ayaa sidoo kale bohol weyn ka qoday bartamaha laamiga ka soo horjeeda tiyaatarka, isagoo burbur xooggan u geystay gaadiid wadada marayay iyo dhismeyaasha halkaas ku dhow sida guriga hooyooyinka oo ay ka soo daateen muraayadihii daaqadaha.

Qaraxu wuxuu ku soo aadayaa, xilli duhurnimadii maanta uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya soo magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Dowladda cusub: Xukuumaddii ugu tayada iyo aqoonta badneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhabeeyey ballan-qaadyadii ay horey u sameeyeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay soo dhisi doonaan dowlad tayo leh oo ay shacabku leeyihiin.

Liiska wasiirada maanta la magacaabay, ayaa kadib baaritaan ay Caasimada Online sameysay waxaan ku ogaanay inay dhammaantood yihiin dad aqoon iyo karti leh, gudan karana xilka lagu aaminay.

Ilo ku dhow madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa labaduba xaqiijiyey in dhammaan wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha cusub uu midkiiba haysto ugu yaraan shahaadada bachelor, ama heerka koowaad ee jaamacadda.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee dhammaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay noqdaan kuwo lagu soo xulay aqoon, oo haysta shahaado jaamacadeed iyo karti shaqsiyeed.

Wasiirada dowladihii hore ayaa waxaa ka buuxi jiray shaqsiyaad lagu soo xulay saaxiibnimo, oo qaarkood aanay waxbarashadooda dhaafsiiisneyn heerka dugisga sare.

Dowladda cusub, ayaa waxa ay sidoo kale kaga duwan tahay dowlidihii hore in madaxweynaha uusan faro-gelin ku sameyn, ayada oo dhammaan wasiirada aanu ku jirin qof madaxweynaha ku dhow ama saaxiib la ah, balse lagu keenay karti iyo aqoon.

Waxaa muuqata in madaxweynaha uu ka dhabeynayo halku dhiggiisii ahaa “danta dalka iyo dadka” iyo diinta oo uu ku dhaartay.

Dowladda cusub ayaa la rajeynayaa inay gudato waajibaadka ka saaran shacabka, waxaana rajadu tahay in madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradaba isla dhameystaan afarta sano, haddii aanay dhicin waxyaabo keena is-beddel qasab ah sida geeri ama is-casilaad.

Mustaqbalka cusub ee Soomaaliya u ifaya ayaa si xowli ah ku socda, waxaana muuqata in aaminaadda shacabka ay siiyeen madaxweyne Farmaajo uu kasoo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro hordhac ah oo laga helay qaraxii tiyaatarka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxaa uu goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia, iyadoona qaraxan uu ka dhashay gaari caasi ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan, ayaa waxaa uu ku qarxay afaafka hore Xaruntii Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre, oo kaabiga ku haysa Aqalka Madaxtooyada.

Gaariga Ismiidaaminta lagu fuliyay ayaa ka imaaday dhanka Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Wadaha Gaariga uu Qaraxa Ismiidaaminta ah fuliyay kadib markii ay kusoo xoomeen Ciidamada Milliteriga ee Koontaroolka ku sugnaa.

Dad goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxaasi lagu soo aadiyay, xilli saxmad badan ay ka jirtay halkaasi, isla markaana ay ku sugnaayeen dad farabadan oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo Shacab oo ku sugnaa goobta baaritaanka.

Qaraxu wuxuu ku soo aadayaa, xilli duhurnimadii maanta uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya soo magacaabay Golihiisa Wasiirada.