27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Golaha ammaanka QM oo maanta ka shiraya laba arrin oo Somalia ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM uu shir uga furmo Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Shirkaani oo ah mid Khaasa ayaa waxaa looga hadlayaa Xaalladda Ammaanka iyo Macluusha ee Somalia iyo Xiisadda dalka South Sudan.

15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixino ka dhegeysan doonaan Xoghayaha Guud ee QM, António Manuel de Oliveira Guterres iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson.

Labadaani mas’uul ee warbixinada laga dhageysan doono ayaa kawarbixin doona Macluusha ay kusoo arkeen bishan March 7-dii iyo 15-da Muqdisho iyo Baydhabo.

Boris Johnson ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo Xaalladda Ammaanka iyo Macluusha ka jirta Somalia, wuxuu kaloo sharxi doona Doorka Dowladda Britain ee Arrimaha Ammaanka iyo dib-u-dhiska Somalia.

Dowladda Britain oo ka mid ah Dowladaha taageeradda ugu badan siiya Dowladda Federalka iyo Hawlgalka Somalia ayaa la filayaa inay bisha May ee soo socota qabanqaabiso Shirweyne Caalami oo looga hadli doono Taageeradda Dowladda Somalia ee Arrimaha Ammaanka iyo Adeegyadda Bulshadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Gabdhaha awoodda badan ee ay madaxweynayaashu dhaleen + Sawirro

Ivanka Trump – USA

Waxay xafiis u gaar ah ka furatay Aqalka Cad, Ivanka Trump waxay sii adkeysatay inay tahay awoodda ugu sareysa maamulka madaxweynaha dhowaan xilka la wareegay ee dalka Mareykanka Donald John Trump.

Haweeneydan oo ganacsato ah, oo aan lahayn jago iyo mushaar la garanayo, waxay ka mid tahay gabdhaha dowladaha awoodda ku leh ee ay dhaleen madaxweynayaal kala duwan.

Waxa ay leedahay ganacsiyo badan, waxaana jira dhar iyo alaabo badan oo magaceeda kusoo baxa, aadna loo iibsado.

Ka sokow magaca aabaheed, waa qof iskeed isugu filan, waxaana la rumeysan yahay inay tahay gabar aad u wanaagsan marka loo eego fikradaha qalafsan ee laga qabo aabaheed, oo dad badan afkiisa cadaawad uga sameystay.

Ololaha Qoyska Pakistan

Maryam Nawaz Sharif, oo 43 sano jir ah, waxaa dhalay ra’iisul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Waxay inta badan qeyb ka tahay hay’adaha gargaarka ka shaqeeya arrimaha qoyska. Maryam Nawaz waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaartay maamulka ololihii aabeheed dib loogu doortay, sanadkii 2013kii.

Hadda waxay ka shaqeysaa xisbigiisa oo loo yaqaanno xisbiga Muslimiinta Pakistan.

“Markasta waxay diiradda saartaa dareenka,” ayuu yiri Weriyaha BBC Urdu, Asif Farooqi, oo dhowr jeer la kulmay.

“Waxay si cad ugu muuqataa qof awood badan leh, haddiiba aanan loo diyaarineyn in ay siyaaasadda ka dhaxli doonto aabeheed”.

Sanadkii tagay, magaceeda wuxuu ka muuqday fadeexaddii lagu baahiyay warqadihii loo bixiyay Panama Papers.

Waxaa la sheegay in ayada iyo laba wiil oo la dhashay ay qeyb ka yihiin shirkado aan la aqoon iyo akoono bangi oo loo adeegsado hanti qaali ah oo ku taalla London.

Aabeheed, Nawaz Sharif wuxuu beeniyay eedaha oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyaan dad dano siyaasadeed ka leh.

Waxaa sidoo kale arrintaasi baaritaan ku sameysay maxkamadda sare ee Pakistan oo la filayo inay isbuucyo gudahood go’aan ku gaarto.

Qoob ka ciyaaarka – Russia

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu si adag u difaacay noloshiisa gaarkaa ah. Illaa dhawaan wax badan lagama garaneyn labadiisa gabdhood.

“Saraakiisha Ruushka waxay ka shakiyaan warbaahin kastaa oo daneyneysa arrimaha qoyska Putin,” ayuu yiri weriyaha BBC-da ee Ruushka Famil Ismailov.

Sanadkii 2015-kii, gabadhiisa yar, Yekaterina, waxay masrax ka soo muuqatay ka dibna waxaa qabatay isha dad badan.

Waxaa la soo bandhigay in ay ku nooleyd Moscow ayadoo adeegsaneysa magaca ah Katerina Tikhonova.

Markaasi ka dib waxay warbaahinta qaar soo bandhigeen in uu gabadhaasi guursaday nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Kirill Shamalov, oo uu dhalay mid ka mid ah saaxiibada Putin.

Lamaanahaas waxaa dhaqaalohooda lagu qiyaasay $2bn oo dollar, ayna ka shaqeeyaan maalgashiga shidaalka iyo warshadaha.

Hadda waxay jirtaa 30 sano, waxay hormuud ka tahay mashruuc si shaac ah loo maalgeliyo oo lagu magacaabo “hormarinta garaadka”.

Mashruucaasi waxay ka fulineysaa jaamacadda Moscow oo ay maamusho dowladda.

Waxaa la sheegaa in ay kor kala socoto qandaraasyo malaayiin dollar lagu bixinayo, waxaana lataliyayaal u ah dadka saaxiibada dhow la ah aabeheed.

Tikhonova waxay sidoo kale aad ugu wanaagsan tahay ciyaaraha qoob ka ciyaarka, waxayna lambarka shanaad ka gashay tartankii 2013kii lagu qabtay Switzerland.

Gabadha aadka loo jecelyahay – Turkey

Sumeyye Erdogan, oo 31 sano jir ah, waa gabadha ugu yar caruurta maadaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaana si weyn loogu arkaa inay tahay midda uu ugu jecelyahay.

“Aabeheed wuxuu u aarkaa in ay noloshiisa tahay,” ayuu yiri weriyaha BBC-da ee Turkiga Irem Koker.

Waxay wax ku baratay dalalka Mareykanka iyo Britain, waxayna ku taqasustay seyniska.

Waxay la taliye u ahaan jirtay aabeheed, xilligii uu hogaaminayay xsbiga AKP, sidoo kale waxay ku wehlisay safarro badan oo diblumaasiyadeed.

Sanadkii 2015-kii, waxaa jiray shaki ah in Sumeyye ay u tartanto kursi baarlamaan, balse maysan dhicin middaas.

Dhowaanahan waxay door aan muhiim ahayn ku leedahay kooxda u ololeysa xuquuqda dumarka Turkiga.

Sumeyye waxay weli sii wadaa hadalkeeda aan gabadka lahayn ee ay ku taageereyso aabeheed iyo dowladdiisa.

Haweeneyda ugu taajirsan Afrika – Angola

Isabel dos Santos, oo 43 sano jir ah, waa gabadha curadda u ah madaxweynaha dalka Angola, Jose Eduardo dos Santos, kaas oo dalkaasi maamulaya tan iyo 1979-kii.

Waxay madax ka tahay shirkadda shidaalka ee dowladda ee loo garanayo Sonangol.

Sanadkii 2013-kii, sida ay sheegtay shirkadda Forbesmagazine, waxay Isabel noqotay haweeneyda ugu taajirsan Afrika, dhaqaaleheeda waxaa lagu qiyaasay $3.2bn.

Waxay taqasuskeeda dhaqaalaha ku sameysay dalka Britain, waxay sidoo kale baratay isgaarsiinta iyo ganacsiga dayamonka.

Waxay noqotay haweeneyda ugu galaangalka badan ganacsiga dalka Angola.

Waxay sidoo kale maalgashiga danabka iyo shidaalka ka sameysatay dalka Boortoqiiska oo gumeystay Angola.

Dalkaasi Angola wuxuu ka mid yahay kuwa ugu musuqa badan dalalka caalamka, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay hay’adda la dagaallanka musuqa.

Ms Dos Santos waxay la kulmeysaa dhalleeceyn ah in lacagta ay hayso ama magaceeda uu ku qoran yahay uu leeyahay aabeheed.

Eedaasi waxaa si adag u beeniyay ayada iyo lataliyayaasheeda.

Madaxa shaqaalaha iyo xildhibaaan – Tajikistan

Ozoda Rahmon, oo 39 sano jir ah, waa gabadha Emomali Rahmon, oo ah madaxweynaha mudada dheer xilka hayay ee dalka Tajikistan.

Waxay ku taqasuska sharciga, shaqadeedana waxay ka bilowday diblumaasiyad, ka hor inteysan noqon ku xigeenka wasiirka arimaha dibadda, sanadkii 2009-kii.

Sanadkii 2016kii, aabeheed wuxuu ka dhigay madaxa maamulka madaxtooyada, sidoo kale waxay ku guuleysatay kursi ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka.

Ozoda waxaa guursaday Jamoliddin Nuraliyev, oo ah ku xigeenka koobaad ee maamulka bangiga dhexe ee Tajikistan.

Waxay dhashay shan caruur ah.

Keligeed maaha dadka ka mid ka ah qoyska Rahmon ee dowladda xil ka haya, walaalkeed ka weyn, Rustam, waa maayarka caasimadda Dushanbe.

Sidoo kale walaasheed ka yar, Rukhsona, waxay ka shaqeysaa wasaaradda arrimaaha dibadda.

Qoyska madaxweynaha wuxuu ka kooban yahay sagaal qof.

Qaraabada kale ayaa la sheegayaa in ay hayaa shaqooyiin sarsare, “si qoyska Rahmon ay uga dhigaan taajiriin iyo kuwa ugu dhaqdhaqaaqa badan dalka Tajikistan”.

Guddoomiye degmo oo sabab yaab leh xilka looga qaaday

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maamulka uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde, Xuseey Buulle.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Guddoomiyahaasi shaqo joojinta iyo xil ka qaadista ku muteystay caadeysiga Musuq Hanti, Musuq Raashiin iyo Dawo loogu tallo galay dadka deegaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka Dhanka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalle Inji, ayaa sheegaya in Xaseey Buulle, ay ku hayaan cadeymo ku aadan inuu lunsaday dhaqaale iyo Raashin gar gaar oo qorshuhu ahaa in lagu samata bixiyo dadka ku dhibaateysan Buulo Burde.

Axmed Cabdalle Inji, waxa uu sheegay in go’aankaani uu soo baxay kadib markii lasoo afmeeray baaritaan socday oo cadeymo loo helay.

Waxa uu shaaciyay in baaritaano dheeraad ah ay ku sameyn doonaan Gudoomiyaha Buulo burde Xaseey Buulle, isla markaana ay sharciga la tiigsan doonaan.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa xil Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis lagu sameynaayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka sababo la xiriira Musuq-maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Xog: CC oo dib ula midoobi doona qoyskiisa jahwareer siyaasadeed kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegaya in Sharmaarke uu dib ula midoobi doono qoyskiisa oo muddo dheer ay kala mashquulen.

Cumar C/rashiid Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia ayaa la sheegay inuu nasiin u aadi doono dalka Mareykanka oo ay ku dhaqan yihiin qoyskiisa si uu muddo kooban uga nasto Siyaasada Jahwareerka leh ee uu ku dhex jiray dhowrkii sano ee ugu danbeysay.

Cumar C/rashiid ayaa labadii sano ee ugu danbeysay ku dhex jiray Siyaasada Somalia waxaana xusid mudan inuu hayay howlaha ugu badan ee Qaranka, taa oo ku abuurtay nasiin la’aan ka dhalatay Siyaasada jahwareerka laheyd ee u dhexeysay Dowlada, Beelaha, Siyaasiyiinta iyo Dowladaha saaxiibada la’ahaa Somalia.

Cumar C/rashiid oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa deegaan ku noqon doona Magaalada Muqdisho maadaama uu qeyb ka yahay Xildhibaanada dalka, waxa uuna nasiino ka dib kusoo laaban doonaa Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa dalka Turkiga nasiino u gaaray Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo isna 4 sano ee lasoo dhaafay saaxiib u noqday nasiino la’aan kaga imaaday dhanka Siyaasada.

Dhinaca kale, Xasan ayaa iminka dib ula midoobay qoyskiisa ku sugan dalka Turkiga, waxaana la filayaa in Cumar C/rashiid uu isna galo Jawi nasiino leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Gaas oo ka hadlay sida uu u arko wasiirada cusub ee DF

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli gaas oo dib ugu soo laabtay Garoowe ayaa maanta saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Magaalada.

Madaxweynaha Puntland Gas ayaa ka hadla safaradii uu ku tagay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuu abaal weyn u hayaan Imaaraadka Carabta isagaa ka dhawaajiyey inay ka caawisay ciidamada Badda Puntland isla markaasna ay gacan ka geysteen sidii loo soo deyn lahaa markabkii dhawaan lagu qabsaday dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Itoobiya iyo Imaaraadka u tagay arrimo ku aadan mashaariic laga fulin doono dhulka uu ka arrimiyo maamulka Puntland .

Gaas ayaa la waydiiyey sida uu u arko xukuumadda cusub ee uu Shalay ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu sheegay inuu aad usoo dhaweynayo xukuumdda cusub ee la dhisay isla markaasna uu si dhaw ula shaqeyn doono, wuxuu kaloo sheegay inay sugayaan khereka ka imaan doono xukuumadda cusub.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Cabdiweli Gaas oo ka hadlay arrimo dhawr, wuxuuna xukuumadda cusub uga hadli doono gebagabada shirkiisa Jaraa’id, markaas oo ay saxaafadda wax ka waydiin doonto sida uu u arko.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Hadliye oo sifo aan laga fileyn ka bixiyey wasiirada cusub kuna sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia,Cabdisalam Hadliye Cumar ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya Golihii hore Wasiirada iyo Golaha cusub ee Xukuumada Somalia.

Hadliye ayaa sheegay inuu farqi u dhexeeyo labada Gole waxa uuna cadeeyay in Wasiiradii uu soo magacaabay Cumar C/rashiid ay ahaayen kuwo aan laheyn Siyaasad fog.

Hadliye wuxuu sheegay waxa kaliya ee xukuumadii hore uga duwan tahay Wasiirrada cusub inay tahay xaga tayada, asagoo marka soo qaatay doorka ay haweenka ku leeyihiin xukuumadda iyo dadka la magacaabay.

”Labada Xukuumadood waxaa tayo badan kuwa cusub waayo Xukuumadii Sharmaarke waxaa ku yaraa Haweenka halka Xukuumada Kheyre ay ku badan yihiin Haweenka”

”Farqiga u dhexeeya waxaa kamid ah in Xukuumada cusub ay u badan yihiin Wasiiro aragti fog u leh Siyaasada isla markaana lagu soo xulay aqoonta ay u leeyihiin Wasaaradaha loo magacaabay, waxaan sidaa darteed oranayaa waxaa tayo badan Wasiirada cusub”

Hadliye oo ah Siihayaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia ayaa tilmaamay in Wasiir waliba uu mari doono caqabado gaara waxa uuna sheegay inay adkaan doonto la qabsiga Howlaha.

Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doraad magacaabay gole Wasiirro oo ka kooban hal Ra’isul wasaare ku-xigeen oo loo magacaabay Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen, iyo 15 wasiiru dowle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay tahay ujeedada uu Kheyre maanta gurigiisa ugu tagay Imaamka Mudulood?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta booqasho ku tagay Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumada cusub iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali, ayaa kawada hadlay xaalada dalka iyo Golaha Wasiirada cusub.

Imaamka beesha Mudulood ayaa soo dhaweeyay magacaabida Golaha Wasiirada, waxa uuna sheegay in si dhow ula shaqeyn doono Dowlada.

Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha uu ugu hambalyeeyay guusha cusub oo ay ka gaaren magacaabida Golaha Wasiirada.

Imaamka ayaa sheegay inay quraan saaren Ra’isul wasaaaha, Wasiirada iyo Xildhibaanada, waxa uuna tilmaamay in quraan saarka uu ahaa mid loogu duceynaayay Dowlada cusub.

Sidoo kale, Imaamka ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha ay u cadeeyen in Beesha Mudulood ay taageersan tahay, waxa uuna ugu baaqay inaan la taaban xilalkii ay horay u heysteen Beesha Mudulood.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali, iyagoo si gaara uga wada hadlay arrimo dhowr ah.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kullan kan lamid ah la qaadan doona Imaamyada iyo Nabadoonada Beelaha Soomaaliyeed si ay uga wadahadlaan xaalada dalka iyo in la taageero Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey weerarka London iyo dhimashada oo mareysa…

London (Caasimada Online) – Afar qof ayaa ku dhimatay 10 kalana way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay bartamaha London oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa fal argagixiso.

Gaari ayaa si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xiray. hawenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaaray.

Qof ka soo dagay gaarigaaasi ayaa tooreey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.
Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan ‘war kaa ka duwan’.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Maxaa keenay in Uhuru Kenyatta uu maanta soo dhoweyn waayo Farmaajo?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sumcad la’aan iyo ceeb uga soo hoyatay soo dhaweyntii maanta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabddullahi Farmaajo loogu sameeyey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhaweeyey hogaamiyaha aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha dibadda Amina Maxamed iyo mas’uuliyiiin ka tirsan dowladda Kenya, midaaas oo lagu tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn shuruucda caalamka Maadaama la rabay madaxweynaha inuu soo dhaweeyo qof ku heer ah, iyadoo la filayey inuu Madaxweyne Uhuru Garoonka kusoo dhaweyn doono.

Midaas ma dhicin Madaxweynaha Kenya wuxuu muujiyey siyaasad xumada uu ka damacsan yahay dowladda Soomaaliya oo uu hoggaamiye Farmaajo, waxayna dadka falanqeeyo Siyaasadda ku tilmaameyn inay so dhaweynta noocaan camal ah ay ceyb iyo fadeexo ku noqon doonto Uhuru Kenyatta.

Midda aadka u wanaagsaneyd ayaa aheyd inuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyo maadaama qofka soo dagayo uu yahay qof ay isku heer yihiin oo ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Uhuru ayaa la sheegay inuusan si fiican ugu qanacsaneyn Maxamed Cabdullahi Farmaajo maadaama uu u arko inuu yahay shaqsi uusan ka heli karin danaha dowladda Kenya.

Colaadaan iyo Siyaasad khalafsanaantaan ayuu Uhuru soo bilaabay tan iyo markii uu Farmaajo dalka kasoo noqday Ra’isulwasaare markaas oo uu ku amray Hey’adaha caalamiga ah inay si deg deg ah uga soo guuraan Magaalada Nairobi isla markaasna ay ku shaqeeyaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si umadda Soomaaliyeed ay shaqo iyo Faa’ido uga helaan xafiisyadaas.

Waxaa waajib ku noqon doonto Uhuru inuu arrintaan raali gelin ka bixiyo haddii kale waxaa looma dhaqmi doono sida uu isaga sameeyey marka uu booqasho ku imaado Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxay Farmaajo iyo Uhuru uga hadleen kullankoodii koowaad?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii uu casuumaad labada maalin ah ka helay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyn kadib kullan khaas ah la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa ayna kawada hadleen xiriirka labada dal, Amniga, Abaaraha iyo Dhaqaalaha.

Uhuru Kenyatta ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u sheegay in Dowladiisa ay taageersan tahay is bedelka Siyaasadeed ee ka curtay Somalia waxa uuna tilmaamay inay la garab taagan yihiin ka qeybqaadashada Amniga, Xasiloonida iyo Abaaraha ka jira Somalia.

Uhuru Kenyatta waxa uu Farmaajo u sheegay inaanu jirin wax caqabad ah oo Dowladiisa ay u aragto isbedelka waxa uuna cadeeyay inay aad ugu faraxsan yihiin Siyaasada cusub ee ka hirgashay Somalia.

Kenyatta waxa uu sheegay inay laba jibaarayaan xiriirka kala dhexeeya Somalia, waxa uuna Farmaajo u sheegay inuu ku rajo weyn yahay in mar kale uu isu soo taago doorashada Kenya ee lagu dooran doono maamul cusub.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay Kenya ku dooneyso inay uga qeybqaadato nabadeynta Somalia, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu ka xoojin doono xiriirka.

Farmaajo ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay ka doonayaan inay wanaajiso la dhaqanka Dowlada iyo Soomaaliduba waxa uuna faramuuqay inay jiraan qodobo u baahan in laga wadahadlo balse ay si gaara u falanqeyn doonaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa casuumaada kadib maalinta Sabtida ah ka qeybqaadan doona Shir gaara oo Madaxda IGAD ay ku yeelan doonaan magaalada Nairobi kaa oo looga hadli doono xaalada Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya.

Ma cadda qodobada siga gaarka ah ay diirada u saari doonaan labada Mas’uul ee kala hogaamisa Somalia iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro cusub oo laga helay weerarka argagixiso ee baarlamanka Britain (Daawo)

London (Caasimada Online) – Qof baabuur wata ayaa jiiray dadweyne ku sugnaa banaanka xarunta baarlamanka Britain ee magaalada London, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 12 qof oo ku sugnaa.

Qof kale ayaa isna mindi ku weeraray sarkaal booliis ah, oo uu dhaawacay ka hor inta aan la toogan oo aysan dilin booliiska.

Dadka ku sugan gudaha baarlamanka ayaa loo sheegay inay joogaan oo aanay bixin. Xildhibaano ayaa sheegay inay maqleen saddex ama afar xabad oo dhacay.

Tifaftiraha dhinaca siyaasadda ee wargeyska The Independent ayaa soo tweet gareeyey “Waxaa jira dhwaq xooggan, qeylo iyo argagax. Kadib waxaa dhacay rasaas xooggan. Booliis hubeysan ayaa meel walba jooga”

Booliiska London ayaa sheegay in dhacdadan ay ula dhaqmayaan inay tahay ficil argagixiso illaa laga helo wax xaqiijin kara inaysan ahayn.

Waxaa hadda nasoo gaaray sawirada weerarka

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Arrin yaab leh oo ka dhacday Hargeysa : Macalin lagu xiray sababta uu u baxsaday magaca Siilanyo

Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Taraafikada ee magaalada Hargeysa waxa ku xiran Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka mid ah maamulka dugsiga Nuuradiin ee gaarka loo leeyahay .

Macallin Siilaanyo ayaa la soo xiray ka dib markii lagu eedeeyey inuu magaciisu u eegyahay magaca Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wwaxaana la ogaaday magaciisan ka dib markii macallin kale oo ka tirsan dugsiga oo baabuur watay ay lacag ku ganaaxeen ciidamada nabad-gelada waddooyinka ee Taraafikadu ka dibna uu macallin Siilaanyo ka codsaday inuu lacag ugu soo diro Zaad-ka sidaasina ay Taraafikadii ku arkeen magaca Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo .

Waxaana xusid mudan in lacagta Zaad-ku lagu diraa ay sheegto qofka oo afaran Taraafikada ayaa Macallin Siilaanyo ugu tagay dugsiga iyaga oo halkasi ka soo xiray.

Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin oo uu macalin iyo maamule ku xigeen ka ahaa ayaa ka hadlay xariga loo gaystay macalinkaasi oo ciidanka Nabadgalyadda wadooyinku ee loo yaqaan Taraafikada ay shalay xabsiga u taxaabeen, waxaana la sheegay in la waydiin doono sababta ku kaliftay inuu la baxo Magaca Siilaanyo oo kale.

Maamulaha iskuulka oo saxaafadda la hadlayey ayaa yiri: “Macalin kaliya muu ahayn ee maamule ku xigeenka dugsiyadda sare ee wiilasha ee dugsiga Nuuradiin ayuu ahaa waxaa magaciisa la yirhaahdaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana magaca Siilaanyo loo bixiyeey muddo dheer ka hor wakhtigii uu madaxweyne Siilaanyo uu ahaa gudoomiyihii jabhaddii SNM, jacayl la jecel yahay Siilaanyo ayaa loogu bixiyey markii saddexda magac ee hore isku eekaadeen ayaa naanaystan loo bixiyey”.

Arrintaan ayaa la yaab iyo fajac ku noqotay dadkas Somaliland iyagoo is waydiinayo sababta loo diidayo in la baxsado magaca Madaxweynaha oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Daawo sawirada sida madaxweye Farmaajo loogu soo dhaweeyey Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu  soo dhaweeyey Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo uu manta booqasho rasmi ah ku tagay.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Nairobi uga qeybgeli doono Shirka ay yeelanayaan madaxda IGAD kaasoo looga hadli doono qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku sugan.

Madaxweynaha ayaa Nairobi joogi doono muddo 3 maalin ah sida uu qorshaha yahay, waxaana sidoo kale la filayaa inuu halkaa kulamo iyo wadahadao kula yeesho madaweynaha Kenya  Uhura Kenyatta oo booqasho aan loo fasixin dhawaan ku tagay Dhoobley.

Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhaweeyey hogaamiyaha aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha dibadda Amina Maxamed iyo mas’uuliyiiin ka tirsan dowladda Kenya, waxaana loo xakeeyey madaxtooyada Kenya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha booqashada madaxweynaha ee Kenya waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allaah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Hailemariam oo 2 arrin uga faa’iideysanaya shirka Nairobi ee uu ka qeybgalayo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa isku diyaarinaaya inuu dib ula soo laabto kalsoonidii kala dhexeysay Dowlada Somalia burburtay tan iyo markii 8 Feb,2017 la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hailemariam Desalegn, ayaa dib usoo celinta kalsoonida kaga faa’iideysan doono Shirweynaha Khaaska ah ee Hoggaamiyayaasha Urur gobaleedka IGAD oo maalinta Sabtida ee soo socota ka furmi doona magaalladda Nairobi eexarunta dalka Kenya.

Hailemariam Desalegn, ayaa kullankiisa koowaad la qaadan doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo magaalada Nairobi kusii hormaray si muddo laba maalin ah uu ula shiro Madaxda Kenya oo casuumaad gaara u sameysay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, halka maalinta Sabtida ahna uu furmi doono shirka Urur gobaleedka IGAD.

Hailemariam Desalegn, ayaa waxaa dib usoo celinta xiriirka Somalia iyo Ethiopia ka caawin doona Madaxweynaha Kenya ee xilka kasii dagaaya oo qudhiisa aan xiriir wanaagsan kala dhexeyn Somalia, balse doonaaya inuu ka dhex shaqeeyo labada dal.

Hailemariam Desalegn, ayaa la kullanka Madaxweyne Farmaajo diirada ku saari doona 2 qodob oo kala ah:

1-In lasii ambaqaado xiriirka Somalia iyo Ethiopia iyadoo laga guulaayo Nabadeynta Somalia.

2-In Dowlada Ethiopia lasiiyo dhammaan tababarada Ciidamada Somalia, iyadoo la wareegi doonta Xarun lagu tababaro ciidamada oo dhawaan laga hirgaliyay duleedka Magaalada Baydhabo, isla markaana ciidamada doonaaya Tababarka lagala xiriiro Ethiopia.

Dowlada Ethiopia waxa ay garwaaqsan tahay in Madaxweynaha Somalia uu ku jiro qabweyni iyo naceybka Ethiopia, iyadoo taa ka duuleysaya ayaa ku hanweyntahay inay soo dhaweysato Madaxweynaha si ay usii ambaqaado ku tagrifalkeeda ku aadan Siyaasada Somalia iyo Carqaladeynta Amniga Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa qudhiisa ka meermeeraya in Dowladiisa ay buunbuuniso Siyaasada Ethiopia, inkastoo uu wadahadalkaasi u qaadan doono mid dhoola qosol ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Falanqeyn: Aqriso Shaqsiyaad weyn doono xilkooda kadib ansixinta golaha wasiirada iyo sababta keeneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya kuwaas oo ka koobnaa 72 xubnoo oo isugu jira Rag iyo Dumar qaarkood ay ku jiraan Baarlamaanka Soomaaliya .

Waxaa soo baxayo warar kala duwan oo la isla dhexmarayay oo ku aadan magacaabistagolaha wasiirada  iyo shaqsiyaad xilalkooda ku weyn kara kadib markii baarlamaanku uu Ansixiyo Wasiirada Cusub .

In rag xilal hayo ay xilkooda waayaan waxaa loo aanaynayaa Habkii lagu qeybiyay Golaha Wasiirada oo ahaa nidaamka awood qeybsiga qabiilada, waxaana la filayaa in hadii Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan wasiiradaan in rag badan hadda xilal haya inay xilkooda waayaan

Waxaa sahlan in mas’uul xil haya uu xilkiisa waayo hadii nin kale oo beeshiisa ah loo dhiibo xil iyadoo aysan macquul noqoneyn in laba isku beel ah ay xilal sare wada hayaan sida nidaamka awood qeybsiga qabiilada uu qabo .

Waxaa jira rag hadda xilkooda ku weynaya Meel marinta Baarlamaanka ee Xukumada Cusub, waxaana koow ka ah gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale maadama Eng : C/raxman Yariisoow oo beeshiisa ah wasiirka Warfaafinta laga dhigay .

Sidoo kale waxaa xilka wayn kara mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow, oo ay isku jufa yihiin Ra’isul wasaaraha dalka .

Hadaba halkaan Hoose ka Akhriso Ragga xilalkooda Nidaamka Awoodqeybsiga qabiilada iyo is badalka cusub ee Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre xilkooda ku weynaya.

1) Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo kuxigeenadiisa

2) Taliyaha Milatariga, Ku xigeenkiisa iyo Abaandulaha ciidanka xooga

3) Taliyaha Booliska

4) Taliyaha Hey’adda Nabadsugida

5) Gudoomiyaha Bankiga dhaxe

6) Gudoomiyaha Maxkamada Sare

7) Taliyaha Hugaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha,

8) Maareyaha Dekeda & Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheeko xanuun badan oo ku saabsan gabar 7 jir ahayd oo maanta Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sitra Cabdiwahaab Cawil Bootaan waxa ay ahayd gabadh 7 jir ah oo caqli iyo maskaxba rabbi ku galadaystay, waana da’da labaad ee qoyska reer Cabdiwahaab oo ka koobnaa 3 carruur ah ka hor Sitra.

Galinkii danbe ee maanta ayaa Sitra oo taagan gurigooda hortiisa xaafadda Buulo Xuubey waxa haleelay rasaas ay fureen rag ku labisan dharka ciidanka oo watay gaari dusha ka furan. Nasiib darro Sitra markii cusbitaalka la geeyay ayay naftu ka baxday.

Kooxdii dilkan arxandaradda ah gaysatay uma istaagin ilamaha yar ee ay dileen, waxayse iska sii wateen socodkooda, ayaga oo ugu dambeyn meesha ka baxsaday, mana jirto xitaa cid is-weydiineysa.

Cabdiwahaab iyo Hani oo ah labada waalid ee ay Sitra ka baxday si gaara ayaan ugu tacsiyeynaynaa, ILAAHAY samir ha idinka siiyo, qalbiyadiina ha qaboojiyo, badal khayr qabana ha idinku deeqo.

Waa mid ka mid ah sheekooyinka xanuunka badan ee ka taagan magaalada Muqdisho, oo dhowaanahan dilalka ay sii kordhayeen.

Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay raadiso ciidamdii falkan gaystay, kadibna cadaaladda hor-keento, islamarkaana jawaab buuxda iyo magdhow ay siiso qoyska gabadhan quruxda badneyd ay ka baxday.

Xigasho: RadioDalsan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo laga saaray Shir dhawaan Somalia loogu qaban doono magaalada…

Hargeysa (Caasimada Online)  –War goordhow kasoo yeeray Dowlada Britain ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uusan kamid noqon doonin maamulada Somalia ee lagu marti galiyay Shirka May ka furmaya Magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Britain waxa ay sheegtay in Somaliland ay ka weecaday dhammaan baaqyadii ay u direen, waxa ayna ku eedeysay inay ku fashilantay dimuqraadiyadda kadib markii maamulka uu noqday mid reero gaara ay heystaan.

Britain ayaa ku dooday in shirkaasi loogu tallo galay in ay ka qeybgasho Dowlada cusub ee Somalia sidaa darteedna Maamulka Somaliland aanu qeyb ka aheyn shirkaas maadaama ay qaban weysay doorashooyinka madaxtinimada oo loo ballan sanaa Bisha April.

Andrew Allen oo ah Danjire ku-xigeenka Britain ee Somalia kuna sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay ka weecatay waxa loogu yeero Dimuquraadiyada.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan u qalmin in wakhtigaani ay ka qeybgasho shirka ka furmaaya London ee looga hadlaayo arrimaha Somalia.

Shirka ayaa magaalada London ka furmi doona 11-ka May waxaana ka qeybgali doona Dowladda Somalia iyo dhowr dal oo reer galbeedka iyo African ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Akhriso: taariikh nololeedka Wasiiradda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)-Halkan waxaa idinku soo gudbineynaa taariikh nololeedka dhammaan wasiirrada xukuumadda Xasan Khayre, wasiirrdan oo ka kooban 27 waxaa lagu dhawaaqay galabtii Talaadada.

Sida aad ka akhrin doontaan taariikhda wasiirrada, intooda badan waxaa ay la haayeen hey’ado iyo NGO’s, qaar waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo isku jaamacad ka soo baxeen ama reer New York isla ahaayeen, koox waxaa ku jirta shaqaale ka ahaa hey’adda NRC, dad dalka Qatar muddo ku noolaa, shaqana ka soo qabtay iyo in kale oo isbadal doon-ka ku timid.

Waxaad ku arki doontaa, wasiirro aqoon leh balse shaqo aan shaqadooda aheyn loo dhiibay, gaar ahaan wasaarada ammaanka la xiriira, dhibaatada ugu badan ee wasiirrada qabsan doonta waa la qabsiga shaqada iyo shaqaalaha.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Wasiirrada Oo Dhameystiran:

Mahdi Axmed Guuleed /Khadar: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen , Waxa uu soo jeedaa Hargeysa, Xubin ayuu ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland 2009-kii, waxaa uu noqday la taliyaha sharciga ee guddida doorashooyinka Somaliland iyo Operation Director, Sidoo kale waxa uu hey’adda UNDP kala shaqeeyey sharciga/ Rule of law.

Dhanka waxbarashada, Sharciga ayuu ka bartay jaamacad Ethiopia ku taalla, isaga oo Master ka qaatay Oil Protection agreements, Waxa uu noqday madaxa kuliyadda sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Hadda waxa uu shahaada PHD ka diyaariyaa jaamacada UN ee Peace University Addis ababa/ Waana xildhibaan laga soo doortay Jubbaland, hada waxaa loo magaacabay ra’isul wasaare ku xigeen.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi: W. Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda, waa Dhul-bahante, waxaa uu Sheekh ku dhashay September 23-keedii, 1955-tii, waxaa dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhanka waxbarashada waxaa uu heystaa PhD xagga dhaqaalaha ah ee Jaamacadda George Mason University, Master-kana John Hopkins University, waxaa uu dhaqaalaha ka bartay Pace University in New York, waxaa uu heystaa shahaadada loo yaqaano Public Accountant (CPA).

Waa falanqeeye xagga dhaqaalaha, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay Bangiyada, 1989-2004-tii, waxaa uu ka shaqeynayey Bangoga Adduunka, waxaa uu maareeyay lacag ka badan Bank’s  $115 billion. Hadda waxaa loo doortay wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Dr. Maryan Qaasim Axmed: Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka: Waxaa ay dhalatay 1959, Waxaa ay ku dhalatay Baardheere., dhanka waxbrashada 1979-1983: Jaamacadda Umadda, Kuliyadda Daawada iyo Qaliinka. 1986: Siminar, Jarmalka ee Parlin Uviversity, Intii Holland ay joogtay, Waxaa uu dhigatay Katholic Universities Nijmegen, waxaa ay sidoo kale  2011-2012: Master in Public Health ka dhigatay Jaamacadda Warwick University, UK

Shaqada ay ka qabatay waxaa ka mid ah 1984-1986: Caawiye Macalin Jaamacadda Umadda, 198-1989: Dalka Yemen, Dhakhtar, Primary Health Care, Hey’ad Hollanad, Damaar.

November 18, 2010: Xukuumadii Ra’isul Wasaare Farmaajo, Maryan Qasim Ahmed waxaa loo magacaabay  wasiirka arrimaha haweenka iyo qoyska.

2012: Madaxda Xisbiga Tayo

November 4, 2012: Xukuumadii Ra’isul Wasaare Shirdoon waxaa Maryam Qasim loo Magacaabay  Minster of Social Developments

2016: Madaxa Fund Rising-ka ee Fursad Fund,, Waxaa ay Lataliye u tahay ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid arrimaha bulshada, Madax ka yahay tahay Carma, waxaa ay la shaqeysaa hey’ado ay ka mid yihiin UNICEF iyo WHO, Waxay kaloo Goodwil ambassador u tahay hey’ado badan, hadda ayaa loo magacaabay wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

Cabdi Faarax Siciid(Juxa): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta: Wuxuu ka soo jeedaa Garoowe Nugaal, Master ayuu ka qaatay culuumta saxaafadda jaamacad ku taalla jamhuuriyada Czech Republic. Waxa uu noqday mulkiilaha idaacadda Halgan oo ku taalla Ohio kana waranta arrimaha bulshada /Community Radio.

Mr. Juxa waxaa uu  noqday wasiirka waxbarashada Puntland 5 sanno oo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole xilka hayey . waxaanu mudadaasi suurogeliyey midaynta imtixaanaadka dugsiyada Puntland iyo midaynta manhajka waxbarasho.

Hay’adda UNOPS ayuu kala shaqeeyey arrimaha siyaasadda Puntland ka hor inta aan loo bixin magaca UNSOM, isaga oo hey’adda ka ahaa xiriiriyaha waxbarashada Soomaaliya iyo midawga Yurub

Waxa uu qoray Buugga lagu magacaabo QAB IYO QUURSI oo uu kaga hadlaayo arrimaaha takoorka bulshada dhexdeedu ay isku samayso, hadda waxaa loo doortay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka ah iyo dib u heshiisiinta.

Xil. Dr.Cabdiraxman Ducaale Beyle: Wasiirka Maaliyadda: Mr. Bayle, waxaa uu ka soo jeedaa Awdal,  intii u dhaxaysay 1955 ilaa 1956 ayuu ku dhashay degmada Gabiley oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Galbeed shahaadooyinka MBA iyo PHD ayuu ka diyaariyey jaamacadda WISCONIN ee dalka Maraykanka

Cabdiraxmaan Bayle, shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ahaa: waxaa uu noqday safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud,  waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad , Mr Beyle waxaa uu noqday guddoomiyaha doorashada guddoonka baarlamaanka 10aad iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, , hadda waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda.

Amb.Yuusuf-Garaad Cumar: WasiirkaArrimaha Dibadda: Waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1960-kii, waxaa uu ku hadlaa English, French iyo Somali,  mudadii u dhaxeysay 1992-2012-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray BBC, isaga oo 13 sano madax ka ahaa laanta afka Soomaaliga. Horay 1991-kii waxaa uu la shaqeeyay hey’adda laan-qeyra Cas halka uu weriye ka ahaa radio Muqdisho 1983-1990-kii.

Dhanka waxbrashadaL 2004 -2005, waxaa uu dhigtay Global Master of Arts Programme ee  Fletcher School of Law and Diplomacy at Tufts University.  Waxaa kaloo uu Bachelor of Arts ka dhigtay jaamacadda Somali National University ee magaalada Muqdisho.

2014-kii, wixii ka dambeeyay waxaa uu la taliye u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo sidoo kale hey’ado caalami ah la taliyey. sanadkii hore waxaa loo magacaabay safiirka Soomaliya ee UN, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Xil. Maryan Aweys Jaamac: Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, waxaa ay muddo ka shaqeyn jirtay hey’adda UNHCR, illaa markii dambe uu ra’isul wasaare Cabdiweli Gaas u magacaabay wasiirka haweenka iyo qoyska.

Baarlamaankii 9aad waxaa ay ku jirtay xubnaha firfircoon, iyaga oo madax ka noqotay guddiga  haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Aqoonteeda waa heer Jaamacadeed, waxaa ay ku hadashaa afar luqad oo ay ka mid yihiin Kiswahili iyo Ingiriiska, hadda waxaa loo magacaabay Dekedaha & Gaadiidka Badda.

Maxamed Cabdullahi Salaad: Wasiirka Gaadiidka Cirka& Dhulka

Xil .Sheekhnuur Maxamed Xasan: Wasiirka Xanaanada Xoolaha, waa Biyo-maal, waxaa uu dhashay 1981-dii, jir ku dhashay degmada Jamaame ee Jubbada hoose, waxbarada dugsiga waxa uu ku qaatay Jubbada Hoose iyo Muqdisho.

Noloshiisa badankeeda waxa uu ku qaatay dalka Qadar oo uu waxbarashada ka sii waday ilaa heer jaamacadeed waxaanu bartay cilmiga Engineering-ka, waa ganacsade suuqa Bakaaraha ku leh ganacsiyo soo lagu iibiyo qalabka Electronics-ka iyo waxybaaha la isku qurxiyo, qoyskiisu waxa uu deganyahay Muqdisho sida Hooyadii iyo Aabihii, waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay wasiirka xanaanada xoolaha.

Khadra Axmed Ducaale: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha: 2015- hadda: Waxaa ay la taliye ka aheyd wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, 2014-2015-kii, waxaa ay la taliye ka aheyd wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka iyada oo la shaqeysay hey’adaha  the African Union, European Union, UNHCR, UNDP, AMISOM iyo hey’ado kale, 2013-kii waxaa ay aheyd madaxa shaqaalaha xafiiska ra’isul wasaaraha, 2005-2012-kii waxaa ay ka shaqeyn jirtay CARNEGIE MELLON UNIVERSITY ee dalka Qadar.

Xagga aqoonta waxaa ay Master of Arts ka heystaa  International Education ee Jaamacadda New York, New York City, New York halka  Bachelor of Science  ka diyaarisay  Business Studies and Office Administration ee State University College of Buffalo, Buffalo, New York, hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Dr. Fawziya Abiikar Nuur: Wasiirka Caafimaadka & DaryeelkaBulshada, waxaa ay ka soo jeedaa gobolka Hiiraan, muddoo dheer waxaa ay deganeed oo ay heystaa dhalashada Talyaaniga, waxaa ay hadda la shaqeysaa qaramada midoobey xafiiska Nairobi halkaas oo lagu badalay shaqo uu seygeeda ka geeriyooday, waxaa ay caruurta yaryar ku heystaa oo ay ku nooshahay magaalada Nairobi.

Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow: Wasiirka Warfaafinta & Hanuuninta  Dadweynaha. Waa aqoonyahan heysta shahaadaha Masterka, mudadii 9sano ahayd ee ugu dambeysay waxa uu ka shaqeynayay dalka, xilal kala duwan ayuu dalka kasoo qabtay Wasiirka Lacagta, wasiirka warfaafinta, la taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo Afhayeenka madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Injineer Yariisow waxa uu ka mid ahaa qorbajoogga Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa dalka UK, waxa uu xubin firfircoon ka soo noqday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, isagoo muddo 10sano ahna dowladda hoose ee magaalada London uu kasoo shaqeeyay heer agaasinna uu ka gaaray, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha.

DeeqaYaasiin Xaaji Yuusuf: Wasiirka Haweenka & Xuquuqu lInsaanka, in ka badan 20 sanno ayey ku nooleed dalka Talyaaniga oo ay wax ku baratay, waxaa ay  aasaastay hey’adda IIDA oo ka shaqaysa arrimaha xuquuqda haweenka.

Doorashadii dalka ka dhacday waxaa ay ka mid aheyd guddiga doorashada dadban, waxay ahayd xubin guddoomiye ku-xigeenka guddida doorashooyinka dad badan ee heer federal.

Xil. Saciid Xuseen Ciid: Wasiirka Beeraha:  Saciid waxaa uu dhashay 1973-dii, waxaa PHD ka diyaariyay American International Open University ee Qaahira, India ayuu labo Master ka diyaariyay, shaqada waxaa ugu muhiimsanaa 2016 waxaa uu 2014-ahaa  wasiirka xanaada xoolaha, waxaa kaloo uu muddo ka shaqeeyey rugaha ganacsiga dalka sida Puntland, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay wasiirka Beeraha.

Eng. Cabdi Canshuur Xasan: Wasiirka Boostada,  Isgaarsiinta & Teknology-da , waxaa uu u dhashay Baadi Cadde, waxaa uu ku dhashay kalana soo jeedaa gobolka Hiiraan, Canshuur waxaa uu Master ka heystaa cilmiga Injineernimada, dowladdii Siyaad Barre isla cilmigaas ayuu ku shaqeeyay, 3-dii sano ee ugu dambeysay waxaa uu madax ka ahaa xarun NISA hoos tagto oo lagu dhaqangeliyo maleeshiyaadka, waxaa loo magacaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecknoljiyadda.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan: Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare, waxaa uu u dhashay Xawaadle, Buul-barde ayuu ku dhashay 1968-dii, waxaa Jaamacadda Oslo ka diyaariyay Xisaabaadka iyo Kimistariga, waxaa uu dibloma sare ka qaatey waxbarashada.

Muddadii ugu dambeysay waxaa uu ka shaqeeyay 2007: UNICEF, 2009-2011: NRC oo uu ka ahaa maamule xagga waxbarashada, 2011-2013-kii waxaa uu Dhadhaab kala shaqeyn jiray waxbarashada hey’adda UNHCR, 2013-2015: Waxaa uu wasaaradda waxbarashada la taliye kala ahaa dhanka waxbarashada, waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay Koonfurta Suudaan iyo Ciraaq oo uu kala shaqeyn jiray UNESCO iyo UNICEF, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda waxbarashada.

AVV. Xasan Xuseen Xaaji: Wasiirka Cadaaladda , waa abuukaate, u dhashay Dir, Dabarre, waxaa uu heystaa dhalasho UK ah, waxaa uu ka soo shaqeeyay guddiga dastuurka xilligii Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, ki simaha guddoomiyaha guddigaas ayuu noqday, hadda ayaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda.

Xil. Dr. Iiman Cabdullahi Cali: Wasiirka Awqaafta &ArrimahaDiinta: waxaa uu u dhashay beesha Hadame, waxaa uu heystaa dhalashada Canada, shahaadada Master ayuu ka diyaariyay maamulka iyo maareynta, muddo dheer oo uu qorbojoog ahaa mar dhaw ayuu dalka ku soo laabtay, Xildhibaan ayuu ka yahay golaha shacabka, waxaa kaloo hadda loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.

Cabdirashid Cabdullahi Maxamed: Wasiirka Gaashaandhigga , Waxaa uu ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, Noloshiisa inta waxaa lagu xusuustaa NGO’s-ka gobollada Bay iyo Bakool, hey’ado ay ka mid yihiin Care International, WFP iyo NRC ayuu sidoo kale la shaqeeyay, maamulka Koofur Galbeed ee Sharif Xasan ayaa 2015-kii u magacaabay guddoomiyaha gobolka Bay, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka gashaandhigga ee Soomaaliya.

Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji: Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, hadda waxaa loo magacaabay  wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.

Xil. Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed: Wasiirka Batroolka & Macdanta:  waa beesha Sheekhaal, Gandarshe, 1962-dii ayuu ku dhashay magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Waxbarashada, Jaamacadda umadda ayuu dhameeyay 1988-dii, isaga oo bartay Injineernimo,  waxaa uu caan ku ahaa qandaraasyada,  hey’ado ay ka mid yihiin Oxfam iyo kuwa kale ayuu ka shaqeeyay.

UNOSOM markii ay dalka joogtay waxaa uu ahaa Injineer la shaqeeya, maamulka Koofur galbeed ayaa u magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, 2015-kii, xukuumadii Cumar Cabdirashid Sharma’arke ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda ayaa loo magacaabay wasiirka Batroolka iyo Macdanta.

Xil. Maxamed Abuukar Islow(Ducaale): Wasiirka Amniga Gudaha , waa Abgaal, waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1969-kii, waxbarashada Master ayuu ka heystaa Computer science Jaamacadda Mid-Sweden, waa ciyaar yahan kubadda Koloyga ah, qaranka Soomaaliya ayuu u ciyaaray, ciyaaraha heerka koowaad ee Swedena sidoo kale, waa ganacsade, waxaa uu leeyahay shirkadda shidaalka Naitionwide, waxaa uu share ku leeyahay Hoteellada Naasahablood, 2011-kii waxaa uu xildhibaannimo ka badalay Hilowle Iimaam Maxamuud, wixii xilligaas ka dambeeyay waa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha

Xil. Khadiija Maxamed Diiriye: Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga: Khadiijo Diiriye oo ku dhalatay Muqdisho 2 April 1964-tii, waa hooyo leh 5 caruur ah, Jaamacadda Hope ayey 2014-kii ka qaadatey shahaadada koobaad ee Public Adminstration.

Khadiijo waxaa Xildhibaan noqotey dowladdii Carte 2000, waxaa ay xubin ka noqotey dhammaan baarlamaanndii xilligaas ka dambeeyay, iyaddoo guddiyo badan madax ka noqotey sida midka cilmi barista iyo guddiga xuquuqul insaanka, waxaa kaloo xilligaas wixii ka dambeeyay ay noqotey dhowr mar wasiiru dowlo ama wasiir ku xigeen, waxaa kaloo ay noqotey wasiirka horumarinta haweenka, wasiirka horumarinta reer miyiga, dhirta iyo daaqa, wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga iyo ugu dambeyntii wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka  shaqada iyo shaqaalaha,  waxaa uu  ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master waxa uu ku qaatay Hindiya ka dibna Canada ayuu ku noolaa

Waxaa uu ka  shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay’adda qaramada midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda waxaa loo doortay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha.

Prof. Saalim Caliyow Ibrow: Wasiirka Korontada iyo Biyaha , 2005-tii, waxaa uu noqday wasiirka maaliyadda iyo ra’isul wasaare ku xigeenka 3aad, xukuumaddii 2aad ee Cali Maxamed Geedi waxaa uu noqday  ra’isul wasaare ku xigeen iyo wasiirka xanaanada xoolaha. 2007-dii ayuu noqday sii hayaha xilka ra’isul wasaaraha Soomaaliya markii Geedi is casilay, isaga oo markii dambe xukuumadda Nuur cadde ka noqday wasiirka cadaaladda. Hadda waxaa loo doortay wasiirka korintada iyo biyaha.

Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil: Wasiirka Arrimaha Dastuurka, waa Abuukaate wax ku soo bartay dalka Canada, July 2011-November 2012-kii, waxaa uu ahaa wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

Waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 9aad, guddiga xuquuqul insaanka ayuu ka mid ahaa, waxaa uu ka mid ahaa mucaaradka dowladda Xasan Sheekh, hadda waxaa loo doortay Wasiirka Arrimaha Dastuurka.

Amb. Jamaal Maxamed Xasan:, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga& Horumarinta Dhaqaalaha, Waxaa uu ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, Waxaa shakhsi 2 sano ku jira siyaasadda.

Mr. Jamaal waxaa uu heystaa dhalashada Canada, isla dalkaas ayuu wax ku soo bartay, waxaa uu sidoo kale xiriirka caalamiga ah ka dhigtay jaamacadda Moi ee dalka Kenya.

Amb. Jamaal Maxamed Xasan:  shaqooyinkiisa waxaa ka mid ahaa in uu la taliye safaaradda Mareykanka ee Naibobi uga ahaa arrimaha Soomaaliya, waxaa uu noqday Aug 6, 2015-tii noqday safiirka Soomaaliya ee Kenya isaga oo badalay Maxamed Nuur Americo, hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga& Horumarinta Dhaqaalaha.

Xigasho: Goobjoog News

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan magacaabida Golaha Wasiirada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow kasoo baxday Dowladda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay Magacaabistii Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Warbixinta kasoo baxday Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan qaabka cadaalada leh ee loo qeybiyay Golaha Wasiirada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu Golaha u magacaabay hanaan ka duwan Xukuumadihii hore.

Waxaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo u muuqda isbedel doon, waxaana warbixinta lagu cadeeyay in Dowlada Mareykanka ay garab istaagi doonto Somalia.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay tahay magacaabistii uu sameyay Ra’isul wasaare Kheyre in ay tilaabo cad u tahay midnimada iyo sidoo kale hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay Gole Wasiiro oo uu sheegay inuu kusoo xushay karti iyo howl-karnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada ka soo horjeeda wasiirada oo sii kordhaya (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida ay u arkaan golaha wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada oo Muqdisho kulan deg deg ah ku yeeshay ayaa ka dhawaajiyey inay si weyn uga soo horjeedaan Golaha Wasiirada cusub waxayna ka dhawaajiyeen inay ka shaqeyn doonaan sidii cagta loo marin lahaa.

Xildhibaanada ayaa gaarayo ilaa 61 Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed ahna afhayeenka kooxda Xildhibaanada ah ee isku xiran ayaa ka dhawaajiyey inaan Digil iyo Mirifle la siin Wasiiradii ay u qalmeyn.

Wuxuu sheegay inaysan macquul aheyn inuu Kheyre Dhiso wasiiro gaarayo ilaa 70 Wasiir isla markaasna aan si wanaagsan beelaha loogu qeybin iyadoo la eegayo hab qeybsiga beeleed ee 4.5.

Xildhibaanada dhammaantood ayaa ah kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed waxayna eedeyn weyn dusha uga tuureyn madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iulwaasare Kheyre waxayna ku tillmaameyn inay yihiin kuwa aan sameyn wixii lagu balamay.

Waxaa la rumeysan yahay in gadoodkaan uu ka dambeeyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo wado ololo xooggan oo looga soo horjeedo wasiiradii shalay lagu dhawaaqay.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuusan ku qancin qaabka wax loo magacabaay kadib markii uu liiska wasiirada la waayey shaqsiyaad uu isaga watay oo uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya u gudbiyey.

Asbuucaa soo socda bilowgiisa ayaa la filayaa in wasiirada la horgeeyo xubnaha Baarlamaanka waxaana muuqato in culeys weyn uu saarmi doono sidii ay wasiirada u heli lahaayeen codka Baarlamaanka .

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Markii hore Ra’isulwasaare Kheyre siiyey dhammaan codadkii Xildhibaanadii kasoo qeybgalay kulankii kalsoonida loogu raadinaayey, balse markaan waxaa la filayaa inaysan wasiirada u fududaan doonin helista aqlabiyadda Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]