26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Jawaari oo kulamo ka dhan ah Farmaajo iyo Kheyre ka wada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo aan la wadaagnay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uusan ku calool fiyooben Magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xogta ayaa tibaaxeysa in Siyaasiyiinta uu Jawaari la doonaayay kamid noqoshada Golaha Wasiirada qaarkood lagu bedelay Shaqsiyaad uu watay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada aan xogta la wadaagnay ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu magaalada Muqdisho ka wado kullamo gaar gaara oo looga soo horjeedo meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Jawaari ayaa magaalada Muqdisho ku uruurinaaya Xildhibaano uu cadadkooda aad u sareeyo kuwaa oo uu qorshuhu yahay inay is hortaagan Golaha Wasiirada ee la filaayo in Baarlamaanka Somalia la horgeeyo 25/03/2017 oo ku beegan maalinta sabtida ah.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in wadahadal uu qabyo u yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana suuragal ah in mowqifka Jawaari uu isbedelo haddii uu ku qanco wixii kasoo baxa kullanka qabyada u ah Seddexda Mas’uul.

Magaalada ayaa waxaa ka socda kullamo u dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo isku uruursanaaya Hoteelada magaalada Muqdisho, iyadoo uu qorshahoodu yahay inay meelmarin Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka jira in Farmaajo lagu qasbay in garoonka Aadan Cadde la geeyo saraakiil Kenyan ah

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ahaa oo lagu heshiiyey qodobo badan yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Keyatta/

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in laba isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

“Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood”, ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa horay u ballan qaaday inay xayiraada duulimaadyada tooska ah qaadi doonto wixii ka billowdo bishii Desember ee sanadkii hore, balse taa ma dhicin, mana jirin wax sharraxaad ah oo laga bixiyay.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed ayaa bishii September ee sanadkii hore warfidiyeenada u sheegtay in la qaadi doono xayiraadaasi mar ay Muqdisho uga qeybgeleysay shirka IGAD.

Haddaba waxaa soo baxay durba warar sheegayo in kooxdiisa baaritaanka u qaabilsanaa dowladda Kenya baaritaanka diyaaradaha ka imaaday Soomaaliya ee fadhiyey Wajeer looso wareejin doono gudaha garoonka Muqdisho ay halkaas uga qabtaan shaqadii ay ka qaban jireyn Wajeer.

Wararkaas ayaa ah kuwa been abuur ah oo laga sameeyey hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed ee ahaa “Waa in meesha laga saaro joojinta diyaaradaha Muqdisho ka baxa ee Nairobi u socda kuwaasoo lagu hakiyo Wajeer balse waa in laga shaqeeyo ammaanka labada garoon Muqdisho iyo Jomo Kenyatta, ka hor inta aan arrintaasi la hirgelinin” .

Caasimadda Online ayaa la xiriirtay dad ku dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxayna noo xaqiijiyeen inuusan warkaas wax ka jiro oo uu hadalka Aamino ahaa in dowladda Soomaaliya ay sugto amniga garoonka Muqdisho isla markaasna ay si fiican usoo baarto diyaaradaha kasoo kacayo ee soo aadayo Nairobi, sidoo kalana si fiican loogu hubiyo garoonka Jomo Kenyatta.

Haddi arintaas ay dhacdo oo saraakiil ka socdo Kenya la geeyo garoonka Muqdisho si ay u baaraan diyaaradaha aadayo Nairobi, midaas waxay dhaawac weyn ku noqon doontaa jiritaanka iyo sumcadda Soomaaliya, sidoo kalana waxay muujineysaa inaysan Kenya kalsooni buuxda ku qabin dowladda Soomaaliya.

Marka laga hadlayo garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa muuqato in si weyn uu u adag yahay amaankiisa isla markaasna qof kasta oo soo gaalayo lagu sameeyo ilaa 5 baaritaan, mana u baahno in la keeno saraakiil ka socoto dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

C/llaahi Ciise Maxamuud: Horseedkii xoriyadda Somalia (Aqriso taariikhdiisa)

TAARIIKH NOLOLEEDKII HALGAME C/LLAAHI CIISE

Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii wadamadaasi iyo kifaaxii ay u soo galeen hanashada Madax banaanidooda,waxaa xusuus reebyadaasi ku tilmaaman muwaadiniintii naf iyo maalba u huray oo shucuubtooda ku hogaamiyay dariiqa guusha.

Shacbiga Soomaaliyeed wuxuu ka mid yahay umadaha dunida eek u tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd qarniyaal dhowr ah.

Geesiyaasha ku daabacan quluubta  Soomalida waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim Axmed Guray, Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, 13kii S.Y.L iyo  Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud.

Sidaa darted waxaan Qormadaan aan kaga hadlaynaa Tariikh Nololeedka iyo tan kaalintii hogaamineed ee uu halgankii Gobanimo doonka ku lahaa Md: C/llaahi Ciise Max’uud, maadaama maanta ay tahay Sanadguuradiisii 29aad eek a soo wareegtay geeridiisii oo ku beegnayd 24/3/1988dii

Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose, sanadkii 1922dii, AAabbihii isaga oo yar ayuu dhintay, waxaana soo korisay hooyadiis Mareero Diini Axmed , kadin Xamar ayay u soo wareegeen, halkaas oo uu ka bilaabay dugsiga Qur’aanka iyo waxbarashadiisii H/ Dhexe.

1938-kii, C/llaahi Ciise, isaga oo jira lix iyo toban sano, ayuu dhamaystay wabarashada,dugsiga sare ee Talyaaniga wuxuuna noqday maamule xafiis.

Dhamaadkii 1943-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee S.Y.C.

1944-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka furay Magaalada B/weyne laantii ugu horreysa ee S.Y.L

15-5-1947-kii, sanad-guuradii 4-aad ee S.Y.C,waxaa loo doortay xoghayaha Guud halgame C/llaahi Ciise Maxamuud.

QORSHIHIISII SIYAASADEED

Mudane C/llaahi Ciise si halganka loo dardargaliyo waxaa uu keenay qorshe siyaasadeed (Political program) magacii hore ee SYC waxa uu u beddelay S.Y.L (Somali Youth League) waxa uu soo saaray barnaamijkiisii siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob oo kala ahaa.

  1. In la raadiyo gobanimadii iyo xorriyaddii shanta Soomaaliyeed oo midaysan.
  2. In lala dagaalamo dhaqanka kala qaybinta ee qabyaaladda ku dhisan
  3. In laga hortago ciddii ka hortimaada danta Soomaaliyeed.
  4. In waxbarashada lagu baahiyo dalka lana dhiso aqoonta iyo waxqabadka dhalinyarada.
  5. In la qoro afka Soomaaliga.

1947-dii bishii November halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha dhexe ee S.Y.L ku gaareen in mudo 10 sano ah oo xornimo lagu gaarsiiyo koonfurta Soomaaliya taasi oo ay u soo bandhigeen guddigii ka kooban afartii quwadood ee markaas jiray (Four power commission) kuwaas oo dalka yimid 7-dii January 1948-kii

11-1-1948 halgame C/llaahi Ciise Maxamuud oo ku sugnaa Xarunta S.Y.L ayaa waxaa soo weeraray Xafiisyadii Xarunta S.Y.L Soomaalidii Pro- Talyaaniga ahaa,halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii Ha Noolaato oo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah 15 ruux oo Por-Tayaani iyo  Halgame Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako).

20-1-1948- mudane C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu qaabilay Four power commission wuxuu u gudbiyey qorshaha siyaasadeed ee S.Y.L oo ahaa in muddo 10 sano ah Soomaaliya xorriyaddeeda lagu gaarsiiyo ayna gaarsiiyaan guddi ka kooban Afartii dowladood eek u guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida ( Four Power Commission.)

31-10-1948 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud iyo  Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay u direen Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Trygve lie warqad (memo) ah oo ay ugu sheegeen in Soomaalida inteeda badan ay doonayaan in Soomaaliya oo midaysan ay xorriyadda gaarsiiyaan afartii quwadood ee markaas jiray

SHIRKII PARIS

Gumaysigii Ingiriiska wuxuu Qorsheeyay si C/llahi uu shirkaas uga baajiyo in safarka ka hor lagu mudo Talaal sun, balse S.Y.L waa ka warheleen dhagartaa cadowgu la maaganaa hogaamiyahooda waxaana  go’aan nafhurnimo ah qaatay oo C/llaahi Ciise iska dhigay mudane Maxamed Yuusuf Aadan (Muuro) oo Muuqaal ahaan ay isku ekaayeen islamarkaana C/llaahi ahaan loo talaalay in muddo ahna la xanuunsanaa talaalkaas awgiis.

28-10-1948dii wuxuu md: C/llaahi Ciise ka dhoofay dalka si uu uga qaybgalo shir ka dhacayay Baris gaar ahaan lexuss oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo 5tii ilaa lixdii may 1948 ku shiray London heshiiskaas oo la magac baxay “Sforza-Bevin plan oo Four Power Commission uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya..

30/10/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka degay Magaalada London waxaana soo dhaweeyay Ducaale Max’ed oo ahaa xoghayihii SYL ee Cardiff iyo Ibraahim Max’ed oo ahaa Madaxii S.Y.L. ee Liverpooll.

3/11/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu la kulmay Xoghayahii arrimahad dibadda ee dalka Ingiriiska.

Maarso 1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaas oo uu ka waday Diplomaasiyaddii uu xoriyadda Soomaaliya ugu raadinayay.

13/6/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxa uu SYL u soo diray qoraalkii caanka ahaa ee la magac baxay Appello ai Somali oo uu ugu sheegayey Guud ahaan Somaali Weyn,SYL iyo Beesha Caalamka qatarta uu wato qorshaha Sforza Bevin Plan, arrintaas oo misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay.

21/11/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu suurta gashay in Qaramada Midoobey soo saarto Go’aan Lambar 289(UN Resolution No 289)oo qeexayay in Koonfurta Soomaaliya xorriyadda lagu gaarsiiyo mudo toban sano ah Trusteeship islamarkaana uu maamulo Talyaaniga, iyadoo la dhinac dhigay Guddiga Qaramada Midoobay ka socday oo ka koobanaa dalalka Masar, Filibiin, Colombia oo ilaalinayay howlaha xoriyad gaarsiinta sida ay u socdaan.

18/10/1950-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu dacwad u qoray Qaramada Midoobey taasi oo uu ku eedeenayo maamulka AFIS oo ka leexday waajibaadkii loo xilsaaray, waxa uuna ka codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi Qaran (Consultative Council) oo awood leh, wuxuu kaloo Qaramada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco Ajnabiga ku soo qulqulaya gaar ahaan kuwa Talyaaniga ah.

1954-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guuleystay siyaasad ahaan in uu Qaramada Midoobey ku qanciyo in la is-barbarsuro calaamada Soomaaliya Qaramada Midoobey,iyo kan Talyaaniga

Xukuumaddii Daakhiliga:-

1956-1960-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, waxaana Dawladdaas lagu dhisay Sharci No=1 ee 7/5/1956-dii.

1959-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu mar labaad ku guuleystay xilka Ra’iisal Wasaaraha.

12/4/1960-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu saxiixay, isla markaana soo saaray wareegtadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Sareeye Guuto u dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariisto general  Da’uud Cabdule Xirsi.

Xilalkii uu qabtay Xornimada Kadib

1960-1964-dii  C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Wasiirka arrimaha dibadda.

1964-1967-dii C/llaahi Ciise waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka.

1967-1969-dii C/llaahi Ciise waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

1969-1973-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee kooxdii Militariga ahayd ay inqilaabeen lana xirxiray isagoo xabsiga ku jiray muddo afar sano ah.

1973-1984-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu ahaa danjiraha Somaaliya u fadhiya dalka Sweden, isla markaana wakiil ka ahaa dhammaan waddamada la isku yirahdo Scandinavia.

GEERIDIISII

24/3/1988-kii Allaha u naxariistee Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ku geeryooday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

29/3/1988-kii Halgame C/llaahi Ciise maydkiisa ayaa dalka la keenay isla maalintaasna waa la aasay, waxaa loo aasay si heer Qaran ah, iyada oo halgamaashii SYL dhamantood ay aaskiisii ka soo qaybgaleen intii markaa nooleyd waxaana qabrigiisa si wadajir ubux u dhigay Madaxwaynayaashii Soomaaliya Mudane Aadan C/lle Cismaan iyo Jaalle Max’ed Siyaad Barre waxaana Janaasada Marxuumka soo xaadiray dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan iyadoo mudo saddex maalmood ahna hoos loo dhigay calanka Soomaaliya, waxaana dalka oo dhan ka dhacay baroordiiq Qaran.

Xusidda Halgamayaashii Xornimada u soo dagaalamay waa Cashir Shacbiga Soomaaliyeed ka baran karo qiimaha ay ku fadhido xoriyadda iyo in aysan ku imaan si fudud, haddii la dayacana uu xaalku ku danbayn doono qoomamo iyo uurkutaallo sababi karta in Maandeeq ay ka dhacdo haadaan dheer oo ay adkaan doonto sidii looga soo saari lahaa.

W/D Abuukar Xaaji Gobdoon

Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacaaya magaalada Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay ku kulmaan Wasiirada arimaha dibeda Urur goboleedka IGAD.

Shirka Madaxdaani ayaa la filayaa in diirada lagu saari doono arrimaha khuseeya Soomaalida sida Abaaraha iyo Qaxootiga.

Dowladaha qeybta ka ah IGAD ayaa gabi ahaan ka qeybgali doona shirka waxaana lagu falanqeynayaa musiibooyinka heysta Soomaalida sida Qaxootiga iyo Abaarta sii daba dheeraatay.

Dowlada Somalia ayaa waxaa shirka maanta u matali doona Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Shirkaani ayaa hordhac u ah shir la filaayo in maalinta beri ah uu dhexmari doono Madaxda IGAD, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Somalia uu Khudbad ka jeedin doono halkaasi.

Dhinaca kale, Madaxda Dowladaha ka tirsan IGAD, ayaa la filayaa inay go’aan ka gaaran Abaaraha kusii faafaaya Somalia iyo Qaxootiga ku dayacan Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Daraasad: 10 sabab oo ay tahay in ragga madoow aysan u shukaansan dumarka caddaanka ah

Madowga iyo caddaanku waa ay isku milmayeen sannadihi ugu dambeeyey, sababtoo ah dumarka caddaanka ah ayaa soo dhoweysanayey ragga madoowga ah iyagoo xaasaskooda noqonaayey.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro heer sarre ah oo baaritaan dheer sameeyey ayaa daaha ka qaaday in aysan aheyn inay ragga madoow shukaansadaan, la haasaawaan ama guursadaan dumarka caddaanka ah. Waxana soo bandhigeen 10 sababood oo ay u cuskan karaan.

01 – Dumarka caddaanka ah inta badan waa ay ku dhibtoodaan America marka ay yihiin marwada nin madoow ah

02 – Dumarka caddaanka ah ma heystaan taageerada qoyskooda oo ka aqbalaya inay guursadaan nin midab ahaan ka duwan.

03 – Marka la yimaado dhanka furriinka, dumarka caddaanka ah wax walba ayey ka qaadan doonaan ninka madoowga ah, waxaana ku jira caruurtiisa

04 – Dumarka caddaanka ah waxay ula dhaqmaan eeygooda si ka wanaagsan sida ay ula dhaqmaan aadanaha.

05 – Iyadoo aan waxba laga soo qaadi doonin sida akhyaar aad u tahay, dumarka caddaanka ah markasta waa ay ka baqi doonaan ragga madoowga ah.

06 – Marka ay timaado dhanka waalidnimada, dumarka caddaanka ah ma ahan kuwo akhlaaq badan, waana kuwo inta badan wax walba dhalanteed u arka.

07 – Marka ay dareento inaad dembi yar ka gashay, dumarka caddaanka ah waxay si toos ah ula xiriiri doonaan booliska si qaladkaaga lagaaga abaalmariyo.

08 – Dumarka caddaanka ah markasta dhallintu waa ay qabataa, marka loo barbardhigo dumarka madoowga ah.

09 – Dumarka madoowga ah ma lahan dulqaad ay ugu adkeystaan dhaqaale xumada soo wajihi karta ragga madoowga ah, si sahal ah haddii loo dhaho marka aad guuleysato waa ku doonayaan balse marka aad guuldarreysato uma dulqaadan karaan.

10 – Waa maxay sababta aad u shukaansan karto gabar caddaan ah marka aad heli karto walaashaada madowga ah sida Nicki Minaj?

Daraasad: Maxay tahay sababta curadku uu uga qurxoonaado caruurta qoyska?

Glasgow (Caasimada Online) – Marka uu cunuga labaad kusoo biiro reer kasta, dareen ahaan waa ay adag tahay in la qoro wax walba oo maankooda ku meereysanaya hooyada iyo aabaha dhalay.

Si kastaba ha ahaatee, daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu markasta ama inta badan curadka reerku ka qurxoon yahay caruurta ka yar oo dhan.

Xitaa jaamacadda University of Edinburgh ee dalka Scotland ayaa daaha ka qaaday in curadku uusan ka qurux badneyn caruurta ka yar ee reerka oo dhan, balse uu sidoo kale ka faham badan yahay caruurta kale ee reerka (Higher IQ Test Score) marka uu hal sanno gaaro ayeyna xisaabtaani bilaabaneysaa.

Baareyaasha sameeyey daraasaddaan ayaa daaha ka qaaday in cunuga koowaad ee reerku uu inta badan ka faham sarreeyo caruurta kale ee isla reerkaas sidoo kalena uu xirfadaha fikirka uga wanaagsan yahay, waxaana ugu wacan daryeelka uu ka helo labadiisa waalid maadaama ay ku jiraan xilli hore oo noloshooda farxadda ku dhisan ah.

Maqaalkaan oo lagu daabacay majaladda Journal of Human Resources ayaana daaha ka qaadeysa in waalidiinta intooda badan aysan waxba ka bedeli karin arrintaan oo si dabiici ah u dhacda, xitaa haddii ay helaan mushaar badan iyo waxbarasho heer sarre ah goordambe oo noloshooda ah.

Kooxda baaritaankaan sameysay ayaa waxay kaashanayeen koox loogu magac daray Analysis Group iyo jaamacadda University of Sydney, halka ay sidoo kale macluumaad ka heleen US Children of the National Longitudinal Survey of Youth iyo US Bureau of Labour Statistics.

Daraasaddaan ayaa cabir wadareed ka qaaday in ka badan SHAN KUN oo caruur ah kuwaasoo curad u ah waalidkood isla markaana aan gaarin dhallinta 14aad, waxaana la ogaaday inay ka qurxoon yihiin, ka faham iyo fikir badan yihiin caruurta la dhalatay. Waxyaabaha lagu tijaabiyey waxaa ka mid ah akhriska iyo micneynta sawirka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Muuqaal: Burkiyeer ku yaal jarmalka oo laga helayo mas qoorta kuu masaajeenayo

Dresden (Caasimada Online) – Si adeegyada kala duwan ee caalamka la qabaanyo macmiil kala duwan loogu soo jiito adeeg gaar ah ayuu la imaaday burkiyeer/koofeer ama Hair Sallon ku yaalo dalka Jarmalka.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay burkiyeerkaan ku yaalo magaalada Dresden ee dalka Jarmalka inuu haayo adeeg u gaar ah oo uu macaamiil badan ku kasbaday.

Burkiyeerkaan ama koofeerkaan wuxuu hayaa adeeg cajiib badan oo ah in mas qoorta kuu masaajeenayo sidoo kalena murug hadii uu qoorta kaaga jiro kaa saarayo.

Maskaan nooca Python-ka ahaa la sheegay inuu isaga dhan murqo dhameestiran yahay wuxuuna sameenaa in macmiilka uu qoortiisa isku duub duubayo kadibna macmiilkii qoorta muruqyada kaga jiran ka saarayo si wacana kuugu masaajeenayo.

Maskaan waxaa la sheegay in dhirirkiisa uu yahay 161cm ama 1.61m sidoo kalena halkii masaajees ee uu hal macmiil u sameenayo ayaa waqti ahaan soconaayo 30-daqiiqo waxaana qofkaas laga qaadaa 35 Euro oo u dhiganto $37.74.

Falk Döhler oo ah madaxa saaloonka Haar Mode Team sidoo kalena iska leh koofeerkaan ayaa sheegay in adeegaan gaarka ah ay qabtaan todobaadki labo jeer sidoo kalena macaamiisha soo dalbanayaan ay aad u fara badan yihiin.

Sidoo kale Falk Dohler wuxuu sheegay in maskaan lagu magacaabo Monty sidoo kalena 90% jirkiisa murqo ka sameesan yihiin midaas oo si dabiici ah qofka qoorta ka xanuunsan u anfaceyso inuu masaajees u sameeyo.

Falk Dohler ayaa sheegay in fikradaan uusan isaga keenin balse marka hore dalka Koonfur Afrika kusoo arkay sidaasna uu gudaha Jarmalka kaga hirgaliyay inkastoo marka hore adeegaan laga cabsanaayay balse haatan wuxuu noqday mid caan ah oo hirgalay.

Fadlan hoos ka daawo maska lagu magacaabp Monty iyo sida uu macaamiisha masaajees dhanka qoorta ah ugu sameenayo:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Britain oo soo bandhigtay magaca ruuxii ka danbeeyay weerarka baarlamanka

London (Caasimada Online) – Booliska dalka Britain ayaa wali ku guda jira baaritaanka weerarkii lagu qaaday baarlamaanka dalkaasi oo ku yaal bartamaha magaalada London.

Booliska ayaa baaritaankii labadaa kusoo bandhigay magaca shaqsigii ka danbeeyay weerarka oo magaciisa lagu sheegay Khalid Masood.

Booliska ayaa sheegay in Khalid Masood uu yahay 52 jir isla markaana dhashay 25/12/1964, waxaana uu ku dhashay magaalada Kent.

Booliska ayaa sheegay in Khalid Masood uu waayadii u dambeysay degganaa West Midlands.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Khalid Masood uu fal-danbiyeedkii ugu horeeyay galay bishii November ee sanadka 1983.

Sidoo kale, Booliska gacanta ku haya baaritaanka ayaa sheegay in Khalid Masood sanadii 2003 lagu qabtay mindiyo uu u adeegsan lahaa weerar la fashiliyay.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay in Khalid Masood uusan horay ugu raad laheyn wax fal argagixiso ah, markii laga soo tago weerarkii shalay ka dhacay afafka hore ee Xarunta Baarlamaanka.

Dhanka kale warbaahinta ugu afka dheer ee dalka Britain oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa saaka baahiyay in weerarkaasi uu ku lug lahaa wadaadka lagu magacaabo Abu Izzadeen.

Abu Izzadeen, ayaa noqonaaya shaqsigii ugu horeeyay ee dusha laga saaray Tuhunka weerarkii ka dhacay afafka hore ee baarlamaanka Britain.

Booliska ayaa Wadaadkaasi ku khalday shaqsiga weerarka fuliyay ee lagu magacaabo Khalid Masood, kadib markii ay iska shabaheen muuqaalka iyo Garka oo ay u jartaan si isku mid ah.

Wadaadka ay Booliska ku khaldameen Sheekh Abu Izzadeen

Saacadaha musuq maasuqu xalaasha yahay: Hal ku dhiga wasiirada cusub ee Somalia 

Ma waxey kula tahay in Somalia ay ka baxday marxaladii Musuq maasuqa ? Hadii aad haa dhihi laheyd Gudoomiyaha Baarlamaanka ma laaluush la’aan ayaa lagu doortay, Farmaajo lacag isagoo aan bixin miyuu madaxweyne noqday, Kheyre ma qosol bilaa gacan ah ayuu kaga gudbay Baarlamaanka ..kuma dhiiran kartid inaad sadexdaba inkirto hadii aadan run diid aheyn sababtoo ah waxaan ognahay sida uu xildhibaan walba ku yimid meesha iyo qarashka kaga baxay kursiga “Wixii iga baxay aan ka ceensado” cashar la yiraahdo ayaa socda.

Xukuumada Qurba joogta u badan ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo ka kooban 68 xubnood ayaa la gil gilay saacadihi lasoo dhaafay markii xildhibaano raxan raxan u shiray ay ugu hanjabeen madasha Baarlamaanka Somalia.

In Baarlaanka Somalia uu goodiyo ma’ahan wax naadir ah ,laakiin waxaa is weydiin mudan maxaa dhici kara, mar walba waa wax la filayay inaan xukuumada loo soo dhoweynin sidii Ra’iisul wasaare Kheyre loo soo dhoweeyay ,mashxaradii Farmaajana nusqaan ayaa ku dhacay.

Dad badan ayaa qaba in xukuumadu aaney dhaafi doonin Baarlamaanka waana dhici karta laakiin waxaa ka badan inta aaminsan iney codka kalsoonida heli doonto waxaana ay dadkaas daliishanayaan labo arimood oo ah qabiil iyo lacag.

Ra’iisul wasaare Kheyre ma dhihi doono inta isugu yeero wasiiradiisa yaan lacag la siinin xildhibaanada careysan iyo yaan qaab qabiil loo qaabilin oo aan cod laga raadsan waase laga yaabaa inuu kula dar daarmo iney sidaas sameeyeen sababtoo ah lama hubo inuu isaguba lacag la’aan ku yimid booska.

Cabashada ugu badan ee xildhibaanada waxaa ay ku saleysan tahay hanaanka awood qeybsiga ee 4.5 halka ay qaarna diidan yihiin in xildhibaano ay ku biireen golaha wasiirada waxaase la garanaya sida loo dajiyo oo ah afbuuxis.

Wasiiro u badan qurbo joog, safiiro, shaqaale hore oo dowladeed iyo dalaaliin NGO ayuu faraha ugu jira mustaqbalka 12 milyan oo Soomaali ah xiligaan, ma kula tahay ineysan lacago ku bixin doonin sidii uu Baarlamanku uga fuqi lahaa si qaanadaha loo qurxiyo ?

Dadka aadka ula jaanqaadaya Dowladaan cusub waxaa ay sheegayaan 24-kii saac ee lasoo dhaafay in hotel-ada Muqdisho ay mashquul la noqdeen kulamo gaar gaar ah oo ay wasiirada cusub doonayaan in ay kaga gudbaan Baarlamaanka iyadoo ay jiraan balan qaadayo dhaqaale iyo gacan qabsi waxaana arintaa ay ku sheegeen wasiirada cusub qaarkood “Saacadaha Musuq maasuqu xalaasha yahay” madaama ay rabaan iney dadka ugu qudbeeyaan in aaney Dowladaan musuq sameyn doonin.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

Aqriso: Lixda qodob ee heshiiska Farmaajo iyo Uhuru + Sooyaal-ka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay xarunta madaxtooyada Kenya, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashi dhex-mara labada dhinac.

Madaxaweyne Maxamed Cabdullahi waxaa loo soo dhaweeyay si heer sare ah, waxaa la siiyay salaan sharaf, waxaa la tumay salaanta calanka labada dal, waxaa la riday 21 madfac oo lagu soo dhaweynayo, intaa waxaa dheeraa madaxweynaha Kenya ka sokow waxaa goobta joogay oo Rais Farmaajo soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Ruto, wasiirka arrimaha dibadda Amina Maxamed, , Joseph Nkaissery, Raychelle Omamo, James Macharia, Cleopa Mailu, Willy Bett, Mwangi Kiunjuri iyo Dan Kazungu

Shir Jaraa’id oo labada madaxweyne qabteen kulanka kadib, waxaa ay sheegeen sida labada dal muhiim ugu tahay in ay iska kaashaadaan arrimo badan oo ay ku jirto danta labada dal.

“Soomaaliya haddii ay hor-umarto Kenyana waa ay hor u mareysaa, Soomaaliya haddii ay nabad noqoto, Kenyana waa noqon, sidaa waxaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu codsaday in caqabada laga hor wareejiyo ganacasiga labada dhinac si loo gaaro hor-umar dhaqaale.

Dhankiisa Madaxweynaha Kenya waxaa uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay kalsooni dhex marta labada dal.

“Cid keligeed istaagi karta ma jirto, waa in aan wada kacno ama cid kasta ay keligii gooni u dhibtoodo, ” sidaa waxaa shirka jaraa’id ka sheegay Kenyatta isaga oo inta araaciyay in hor u mar iyo nabadgalyo  laga gaarayo haddii labada dal ay is taageeraan.

Kenyatta waxaa uu sidoo kale ballan-qaaday in dalkiisa uu sii wadi doono la dagaalanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyo in labada dal dhinacyo badan iska kaashadaan.

Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne, waxaa ka horreeyay kulan ay wada qaateen wafti heer wasiirro ah oo ka socday labada dal.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay ku jiraan nabad-galyada, ganacsiga, maalgeshiga, duulimaadka, beeraha, hor-u-marka, dalxiiska, kaluumeysiga, shaqada, isu socodka iyo qodobo kale.

Sida uu sheegay agaasimaha warfafainta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed, labada dhinac waxaa ay ku heshiiyeen:

  1. In Duulimaadka lagu baarayo Wajer la joojiyo, oo diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay toos u tagaan Nairobi. labo todobaad gudahood.
  2. In la furo isu socodka iyo ganacsiga xadka, gaar ahaan Dhoobley iyo Buulo-xaawo.
  3. In diblomaasiyiinta labad dhinac aan laga qaadin wax fiiso ah.
  4. In la howlgeliyo Joint Commission of Cooperation (JCC)kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.
  5. Kenyaanka waxaa ay tababari doonaan 200 macalin, 200 kalkaaliye iyo 100 qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda.
  6. Inta heshiiska aanu dhaqangelin, weliba labo todobaad gudahood, waxaa laga doonayaa mas’uuliyiinta labada dal ain ay hubiyaan ammaanka garoomada.

Heshiiska Kenya Iyo Soomaaliya September 2016:

September 4, 2016-kii,  labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta waxaa ay saxiixeen heshiis ay labada dal horay u galeen February 2016-ka. kaas oo saxiixa labada mas’uul ka dib la sheegay in uu shaqeyn doono, 7 bil kadib shirkaas, maanta ayaa lagu celiyay wixii maalintaas la sheegaty.

Sooyaalka Heshiisyada Soomaaliya iyo Kenya:

Bilowga Heshiiska:

Heshiiskan waxaa uu bilowday July 2015kii, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya Amina Mohamed ayaa February 1, 2016-kii waxaa ay Adis Ababa ku saxiixeen heshiis loogu magacdaray Joint Commission of Cooperation (JCC) kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.

Isla sanadkaasi bisha September 2016-kii, shir IGAD isugu timid Muqdisho, waxaa mar kale gooni u baxay Kenya iyo Soomaaliya, maalintaas waxaa la cosbooneysiiyay heshiiskii iyo Joint Commission of Cooperation (JCC) .

Heshiiskii September 2016-kii:

Qodobadda Heshiiskaas waxaa ugu muhiimsanaa:

In la fududeeyo Fiiasayaasha labada dal.

In Duulimaadyo toos ah loo sameeyo Muqdisho iyo Nairobi oo Wajer meesha laga saaro.

In KBC ama Kenya Commercial Bank Limited uu barach ka furto Muqdisho.

In la fududeeyo ganacsiga iyo isu gudubka xadka labada dal.

Arrinta qaadka ayaa aheyd mid cusub, taas oo aan la dhihi Karin waxaa ay ku jirtaa ama qeyb ka aheyd heshiiskii February.

Gunaanad:

Sida aad ka aragteen heshiiska labada dalka ma aha mid cusub, February 2016-kii waxaa la sheegay in la fulinayo, September isla sanadkaas waxaa la sheegay in labo bil gudahooda uu shaqeyn doono.

Heshiikan waxaa uu jiraa labo sano ugu yaraan, weli ma dhaqan-gelin, waxaana la isweydiinayaa sababta keeni karta in ay labada dal arrinkaas daacad ka noqdaan oo la fuliyo?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Kenyatta oo bilaabay u kala dab-qaadidda madaxweyne Farmaajo iyo Hailemariam

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal ka dhex bilaabay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Sida ilo wareedyo ay u sheegeen Caasimada Online, Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa Madaxweynaha Somalia kala hadlay wanaajinta xiriirka kala dhexeeya Ethiopia waxa uuna u sheegay in Kenya ay dooneyso inay wada kulmiso isaga iyo Hailemariam Desalegn si loo dhameystiro Siyaasadaha is diidan ee labada dal ka dhexeysa.

Uhurro Kenyatta ayaa Madaxweynaha Somalia ka codsaday inaanu sabab u noqon Mugdi soo kala dhexgala labada dal waxa uuna dhanka kale u xaqiijiyay in Ethiopia ay diyaar u tahay wada xaajood ay la gasho Somalia.

Kenyatta waxa uu tilmaamay in Somalia ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah howlgalada AMISOM, isla markaana ay muhiim tahay in lasii wado xiriirka Somalia kala dhexeeya Ethiopia.

Kenyatta ayaa Farmaajo u sheegay in xiriir yarida ka dhexeysa labada dal ay sabab u noqonkarto in Ethiopia ay qafiifiso howlgalada ay kawaday Somalia, wuxuuna soo jeediyay in laga wada xaajoodo Tashwiishka u dhexeeya labada dal.

Siyaasiyiin la socta Madaxweynaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu soo dhaweeyay codsiga Uhuru Keny, balse uu dhankiisa ka sheegay inaanu jirin arrin gaara oo ay ku kala fogaaden Ethiopia maadaama ay Dowladiisu tahay mid maalmo jirta.

Dowlada Ethiopia ayaa colaad u qaatay Dowlada Somalia tan iyo markii laga guuleystay Madaxweynihii hore ee Somalia, waxaana la rumeysan yahay in colaadaani ay soo ifbaxday kadib markii Madaxweynaha uu ka gaabsaday Casuumaad uga imaaday Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa maalinta Sabtida kuna beegan 25/03/2017 lagu wadaa inay isku arkaan magaalada Nairobi si ay xal uga gaaran mad madowga soo kala dhexgalay labada mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Norway oo danjiraheeda Turkiga ugu yeertay in 24 saac gudaheeda kusoo galo dalka

Istanbuul (Caasimada Online) – Dowlada Norway ayaa 24 gudaheeda ugu yeertay Danjiraha u fadhiya dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbuul.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay Wasaaradu ay si dhaqsi ah ugu yeertay Danjirihii u fadhiyay Istanbuul.

Wasaarada ayaa sheegtay in Danjiraha laga doonaayo in muddo 24saac gudaheeda Danjiraha looga baahan yahay inuu kusoo gaaro dalka Norway.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay in Norway ay la baxday Danjirihii ka joogay dalka Turkiga.

Arrintan ayaa timid, kadib, markii ay Koox ka tirsan Saraakiisha Milliteriga Turkishka ee saldhigooda ku yaallo dalka Norway diideen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.

Xiisada ayaa sii xoogeysatay kadib markii Dowladda Norway ay maalinimadii shalay u oggolaatay magangelyo-siyaasadeed oo ay ku joogi karaan dalkaasi.

Docda kale, Dowlada Turkiga wali ma aysan qaadin tallaabo looga jawaabayo go’aanka ay Dowlada Norway Turkiga kala baxday Danjiraheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
[email protected]

Uhuru iyo Farmaajo oo shaaciyey waqtiga duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi la billaabayo

Nairobi (Caasimada Online) – Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si toos ah loo bilaabi doonaa, sid auu shaaca ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay arrintaas isku raaceen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Kenyatta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Nairobi, ayaa isla gartay in diyaaradaha ka tagaya Muqdisho laga joojiyo inay sii maraan magaalada Wajeer ee dalka Kenya, taas beddelkeedna ay toos u gaaraan Nairobi.

Arrintan ayaa ku dhici doonta laba toddobaad gudahood, sida uu sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Waxaan madaxweyne kaga mahad-celinayaa ogolaanshahaaga in duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi ee tooska ah lagu billaabi laba toddobaad gudahood” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa waxaa horey isugu raacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kenyatta markii uu Muqdisho yimid bishii September ee sanadkii tagay, hase yeeshee waqtigii saddexda bil ee arrintaas loo qabtay kuma aysan dhicin, waxaana hadda kasoo wareegtay lix bilood.

Kenya ayaa sidoo kale ballan qaaday in dhammaan dadka hayska baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiga ee Kenya imanaya aan looga baahnaan doonin wax Visa ah.

Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in la furi doono xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaac Dhoobley oo muddo xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Heerka kuleylka Somalia oo maanta gaaray meel aad u sareyso yo liiska meelaha ugu kulul oo lasoo saaray

0

Maanta oo khamiis ah waxaa la shegeayaa in Cimilo ahaan Kuleel ka badan kuwii hore laga soo sheegayo Deegaanada Qaar Gobollada Soomaaliya.

Waxaa warbixin laga diyaariyey  Heer Kululka iyo Meesha uu gaaray taasi oo marwaxado dadka inay isticmaalaan iyo Mukeef ay ku qasbanaadeen.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARBIXINTA

Bu’aale oo ka tirsan Jubada Dhexe ayaa nqotay meesha ugu kulul Soomaaliya waana kuleel gaaray 39°C

Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gaduud ayaa iyana ah 38°C

Magaalada Beled weyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa Kuleel daran isna ka jiraa 38°C

Gaalkacyo oo ahaan jirtay meelaha ugu kulul Soomaaliya ayaa waxa maanta kululeelku gaaray 37°C

Boosaaso oo ah Magaalo Xeebeed ayaa iyaduna ah 36°C

Magaalada Baydhaba oo Darajo ahaan Temperature-ka gaaray 36°C

Magaalada Garowe ayaa iyaduna la mid ah Baydhabo 36°C

Caasimada Maamulka Hirshabelle Ee Jowhar Kuleelku waa 36°C

Magaalada Kismaayo waxa kuleelku maanta oo khamiis ah yahay 33°C

Muqdisho oo Caasimada Soomaaliya ah waxa kuleelku maanta yahay 31°C

Magaalada Marka Cadeey Ee Gobolka Sh/Hoose Kuleelku  waa 32°C

Hargeysa oo ah Caasimada Labaad Ee Soomaaliya Kuleelku waa 31°C

Magaalada Jig jiga Ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waa 29°C

Xaalka iyo Meesha uu Google ku qiimeeyey Dabeysha,Kuleelka iyo Warbixin uu diyaariyey

HOTTEST
Galkao
max 37 °C
Baidoa
max 34.3 °C
Baidoa
max 34.9 °C
Baidoa
max 35.4 °C
Baidoa
max 34.8 °C
Baidoa
max 35.5 °C
COLDEST
Hargeisa
min 21.1 °C
Hargeisa
min 21.3 °C
Hargeisa
min 20.0 °C
Hargeisa
min 21.1 °C
Hargeisa
min 21.1 °C
Hargeisa
min 20.9 °C
WETTEST
Hargeisa
2 mm
Hargeisa
4 mm
Hargeisa
8 mm
Hargeisa
8 mm
Hargeisa
13 mm
Hargeisa
24 mm
WINDIEST
Kismayu
33 km/h
Kismayu
32 km/h
Hargeisa
44 km/h
Hargeisa
42 km/h
Hargeisa
35 km/h
Mogadishu
33 km/h

W/D: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xog: 100 xildhibaan oo diiday wasiirada cusub iyo 3 koox oo isbaheystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay sii kordhayaan tirada xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee diidan golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay in ku dhowaad 100 xildhibaan ay saxiixeen liis lagu ururinayo xildhibaanada aan codkooda siin doonin golaha wasiirada oo ansixin ugu baahan baarlamanka.

Xildhibaanada diidan dowladda ayaa isugu jira saddex koox oo dano siyaasadeedyo kala duwan leh, balse isku biirsaday in dowladda aysan ka gudbin baarlamanka.

Koox ka mid ah xildhibaanada ayaa u mucaaradsan xukuumadda inaan wasiir laga dhigin, halka kooxda labaad ay dhaliilsan yihiin wasiirada la siiyey beeshooda ama aan beeshooda wasiirba la siin.

Waxaa sidoo kale ku jira koox xildhibaano ah ay gadaal ka riixayaan musharaxiinta isbeddel doonka oo dareemaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ballamo uga baxay, ayaga oo aan wax xilal ah laga siin dowladda.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa ku jira 42 xildhibaan oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal, kuwaasi oo la rumeysan yahay in dowladda loogu soo daray inay ka caawiyaan inay baralamanka ka gududbto.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in go’aankaas uu ahaa mid aan la mahdin una abuuray dowladda mucaaraddada xildhibaano ka badan kuwa la qanciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Booliska UK oo soo bandhigay wadaad lala xiriiriyey weerarkii London

London (Caasimada Online) – Sida aan warkeena ugu danbeynay ku sheegnay Booliska dalka Britain ayaa macluumaad hordhac ah ka bixiyay weerarkii shalay lala beegsaday xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada London.

Booliska waxa uu sheegay in weerarka ay ku dhimatay ilaa 5ruux, halka ilaa 40 kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah nin boolis ah oo lagu magacaabo Keith Palmer ”48-jir”

Wargeysyada dalka Britain waxa ay sheegen in Gaariga si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xiray, waxaana dhaawac ka dhashay weerarka gaariga ku dhintay haweenay uu markii hore soo gaaray dhaawac.

Waxa ay intaa ku dareen Wargeysyada in qof ka soo dagay gaarigaaasi uu tooreey ku weeraray askari Booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka.

Booliska Britain ayaa goordhow shaaciyay magaca Ruuxii ka danbeeyay weerarka oo ahaa wadaadka lagu magacaabo Abu Izzadeen.

Wadaadka lagu eedeeyay weerarka ee lagu magacaabo Abu Izzadeen, ayaa iminka ku jira Xabsi ku yaalla magaalada London, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi ay fuliyeen shaqsiyaad si gaara isaga ugu adeega.

Abu Izzadeen ayaa iminka u xiran tuhun la xiriira Argagixisanimo, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaani uu sii xoojiyay tuhunka wadaadka Abu Izzadeen.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeysa in wadaadka Abu Izzadeen ay ciidamada ku khaldeen sawirkan hoose oo ah ninka weerarka ka dambeeyay oo dhaawac ah islamarkaana u muuqaal eg “wadaadka” xabsiga ku jira, ee Abu Izzadeen.

Wasiirada uu Kheyre magacaabay oo hal caqabad kula kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xubnaha Xukuumada cusub ee Somalia ay la dhaqaaqi la’ yihiin gaadiid la’aan kasoo foodsaartay dhanka DFS.

Wasiirada cusub qaarkooda ayaa la sheegay inaanu heysan wax gaadiid ah, halka qaarna ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin dhowr maalin, kadib markii ay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ahaayen kuw ku noolaa dalka dibadiisa.

Seddex meelood labada meel iyo bar Wasiirada Xukuumada Kheyre ayaa deegaan ku ah Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inaanu wali ka dhex bixin hoteelka tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Gaadiidka loogu tallo galay Wasiirada ayaa waxaa wali heysta Wasiiradii hore ee aan xilka wareejin, halka gaadiidka kale ay yihiin kuwo xareysan oo aan wali la isticmaalin.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ayaa inta badan Wasiirada kula kulma Hoteelka Jazeera oo ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho bacdamaa aysan heysan wax gaadiid ah.

Dalka Somalia ayaa waxaa daashaday sharci darro waana dalka keliya ee Mas’uuliyiin loo magacaabo xilal iyagoo aan loo dajin qorsho ka hor inta aysan xilalka la wareegin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

”Kheyre waxaan ugu bishaareynayaa inaan ku celin doono Wasiirada leysku indha sarcaadinaayo”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa mar kale ka hadlay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xildhibaan Idiris ayaa sheegay inaan Golaha Wasiirada lagu soo xulin Cadaalad, Sinaan, Aqoon iyo Karti, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre ay kusoo celin doonaan Golaha uu magacaabay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Golahaasi aysan Xildhibaanada meelmarin doonin, waxa uuna ballanqaaday inay ku noqon doonaan caqabad lama gudbaan ah.

”Waan usii sheegayaa Ra’isul wasaaraha in Golihiisa aysan meelmarin doonin anagu Wasiiro uma naqaan kuwo lagu soo xulay karti la’aan, aqoon la’aan iyo Khibrad la’aan”

”Dadka uu ahmiyada siiyay Kheyre iyaga ha meelmariyaan Wasiirada anagu wey naga go’an tahay inaan dib ugu celino Wasiirada la horkeeni doono Xildhibaanada”

Xildhibaan Idiris Dhakhtar, ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada BFS ay laba jibaari doonaan la xisaabtanka Golaha Wasiirada waxa uuna mar kale ku celiyay in Wasiirada cusub aysan gudbi doonin.

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ugu baaqay inuu la imaado shax ay aqbali karaan Xildhibaanada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Booliska UK oo xogtii ugu horeysay ka bixiyey ninkii fuliyey weerarka London

London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa sheegay in weerarkii Arbacada ka dhacay buundada Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in ay garanayaan huwiyadda qofka weerrarka gaystay.

Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaari marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey askari boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Keith Palmer, oo 48 jir xaasle aabe ah.

Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Qofka weerrarka gaystay ayuusan boolisku weli magacaabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaad kala soctaa beelaha tartanka ugu jira hogaanka hay’adaha amniga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda tartan u dhexeeya Taliyayaal hore oo doonaaya in mar kale ay dib u qabtaan Hay’adaha amaanka Somalia.

Hay’adaha amaanka DFS Sida NISA, Booliska iyo Milliteriga ayaa waxaa loolanka ugu jira beelaha kala ah Murusade, Habar Gidir iyo Abgaal, waxaana shaqsiyaadka xilalkaasi doonaaya ku jira kuwo ku fashilmay Amniga Somalia, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somalia ayaa waxaa loolan ugu jira 3 Taliyayaal khibrad leh, waxaana kamid ah Sargaal Hore oo lagu magacaabo General Cali Xaashi Baraale oo Dawladii Siyaad Barre Xilal ciidan kasoo qabtay.

Gen. Cali Xaashi ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa dalka dibadiisa, waxaana la saadaalin karin waxqabadkiisa maadaama uusan shaqeyn dhowrkaani sano.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa waxaa ku loolameysa Laba beel oo kala ah Daarood iyo Abgaal, waxayna u badan tahay in la siiyo beesha Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan.

Sidoo kale Taliyaha Milliteriga ayaa waxaa u taagan Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cade” oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, waxa uuna xusul duub ugu jiraa qabashada xilkaasi.

Indha Cadde ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ahaa mid howlgab ah, waxaana xil uu qabto ugu danbeysay Dowladihii hore ee KMG ahaa.

Indha Cadde, ayaa waxaa wata Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana suuragal ah inuu kasoo dhexmuuqdo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka, walow Indha Cadde laga aaminsan yahay muuqaalo kale.

Xil ka qaadista iyo Magacaabida Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa dhaqan gali doonta dib usoo laabashada Madaxweynaha kadib, waxaana iminka socda diyaar garow kii ugu danbeeyay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka feejigan in xilalkaasi ay u magacaaban Taliyayaal horay usoo fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]