25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xiliga ay dhaceyso doorashada Galmudug oo la shaaciyay

Cadaado (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Baarlamaanka maamulka Galmudug uu wado diyaarinta Doorashada Hogaamiyaha cusub ee uu yeelan doono maamulka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ayaa maanta kulan ka yeeshay xiliga ay dhaceyso Doorashada, waxa ayna isla qaateen nidaamyo lagu dajinaayo Doorashada.

Kullanka Baarlamaanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xilliga ay dhaceyso Doorashada Hogaamiyaha Maamulka Galmudug iyo qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

Xildhibaanada ayaa isku khilaafay kullanka looga doodaayay xiliga Doorashada waxaana goobta ay ka dhaceysay Doorashada hareereeyay buuq iyo sawaxan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo kala dhexgalay is fahan’waa, oo ay ku heshiin waayeen xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa dhawaan maamulkasida KMG ah usii haya Galmudug ka dalbaday in maalmo la dib dhigo Doorashada maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Hal go’aan oo R/W Kheyre u furan haddii uu wasiiradiisa waayaan codka xildhibaanada!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa talaadadii lasoo dhaafay si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa wasiirada oo ka koobnaa 26 wasiir, hal Ra’isulwasaare ku xigeyn, 26 Wasiir ku xigeyn iyo 15 Wasiirul Dowle.

Haddaba waxaa durba bilaabatay mucaarad xooggan oo ka dhan ah golaha wasiirada iyadoo qaar ka tirsan wasiiradii la magacaabay ay si rasmi ah isaga casileyn xilalkii loo dhiibay kadib markii ay sheegeyn inaysan ku qanacsaneyn waxa loo magacaabay.

Haddaba ififaalada muuqato maahan mid si fudud looga gudbi karo seefta Xildhibaanada maadaama ay jiraan siyaasiyiin badan oo ka shaqeenayo sidii loo fashilin lahaa xukuumadda cusub ee lagu dhawaaqay.

Siyaasiyiinta ku kacsan xukuumadda cusub ee ololaha wado ayaa u badan kuwa ballanta looga baxay iyo kuwa waayey xilal ay codsadeyn, waxaana Muqdisho ka socdo shirar kala duwan oo looga soo horjeedo wasiirada cusub.

Haddaba haddii uu Xasan Cali Kheyre ku fashilmo inuu golihiisa wasiirada uga helo cod Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la isla dhex marayaa hal arrin oo furin inuu si deg deg ah u qaato si uusan mar kale codka Xildhibaanada u weyn.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in haddii uu Ra’isulwasaaraha ku fashilmo inuu Baarlamaanka ku qanciyo wasiiradiisa ay lagama maarmaan tahay inuu dhammaan XIldhibaanada ka saaro liiska si uu uga dago culeyska saaran.

Ra’isulwasaaraha oo markii horeaba xildhibaanada ku siiyey tiradaan badan ee wasiirada si uu uga helo codad badan ayaa la kulmay cadaadis iyo mucaaradka badan oo kaga imaanayo qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxaa ka dhex jiro loolan adag waxaana ka go’an inay qaadacaan wasiirada cusub maadaama laga dhex arkay xildhibaanada qaar halka qaar kalana laga waayey taasoo keentay inay qaadacaan xildhibaanada laga tagay, xisaatabana ku darso Xildhibaanada oo dhan wasiiro lagama dhigi karo waxayna midaas kuu sheegeysaa inay qasab tahay in dhammaantood liiska laga saaro.

Asbuucaan bilaabanayo ayaa laga warsugayaa sida uu xaalka noqon doono, iyo go’aanka uu qaadan doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre haddii uu waayo Kalsoonida Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre ma ka shalayn doonaa go’ankii uu xildhibaanada ugu dhigay wasiiro?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu siiyey inta badan golihiisa wasiirada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa inay midaas caqabad weyn ku noqon doonto, iyadoo lagu tilmaamay inay tahay arrin lagu fududaaday oo aan laga fiirsan.

Xasan Cali Kheyre ayaa gacantiisa ku raadsaday kuleel iyo hollac siyaasadeed kadib markii uu wasiirada ugu badan siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya iyadoo ay durba bilaabatay mucaarad xoggan oo ka dhalatay arrintan.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay sii kordhayaan tirada xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee diidan golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay in ku dhowaad 100 xildhibaan ay saxiixeen liis lagu ururinayo xildhibaanada aan codkooda siin doonin golaha wasiirada oo ansixin ugu baahan baarlamanka.

Xildhibaanada diidan dowladda ayaa isugu jira saddex koox oo dano siyaasadeedyo kala duwan leh, balse isku biirsaday in dowladda aysan ka gudbin baarlamanka.

Arrinta ugu weyn ee keentay Khilaafka ayaa lagu tilmaamay inay tahay loolan xooggan oo ka dhaxeeyo Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya oo aan ku qanacsaneyn in qaarkood laga dhigo wasiiro halka qaar kalana la qadiyo iyadoo aysan macquul aheyn in dhammaan Xildhibaanada laga dhigo Wasiiro.

Ujeedka ugu weyn ee uu Xasan Cali Kheyre wasiirada badan u siiyey Xildhibaanada ayaa ah inuu golihiisa wasiirada u helo codadka Xildhibaanada balse waxay arrinta noqotay mid ka duwan taas kadib markii ay ka xaqaaneyn Xildhibaano badan oo iyagana rabay inay wasiirada kasoo muuqdaan.

Marka la fiiriyo sida ay hadda xaaladda tahay iyo dhaqdhaqaaqyada ka socdo Muqdisho waxaa la saadaalinayaa in golaha wasiirada aysan helin doonin ansixinta Xildhibaanada ama waxaa laga yaabaa inay si dhib ah kaga gudbaan.

Haddii ay Xildhibaanada ansixin waayaan wasiirada cusub, go’aanka kaliya ee uu Xasan Cali Kheyre qaadan karo ayaa ah inuu liiska wasiirada oo dhan ka saaro Xildhibaanada oo dhan isla markaasna uu soo magacaabo wasiiro kale oo laga soo xulay meel ka baxsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in go’aankaas uu ahaa mid aan la mahdin una abuuray dowladda mucaaraddada xildhibaano ka badan kuwa la qanciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaa kasoo baxay kulamadii uu Kheyre la qaatay xildhibaanada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay kullamo gaargaar ah oo uu la qaadanaayo qaar kamid ah Xildhibaanada BFS.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada ku shirinaaya Hooyga uu Villa Somalia ka degan yahay, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dalbanaayo inay meelmariyaan Wasiirada cusub ee uu magacaabay.

Kheyre ayaa ilaa iyo hadda la kulmay Xildhibaano kor u dhaafaya 70 kuwaa oo la xaqiijiyay inay kalsooni u muujiyeen isla markaana ballanqaaday inay meelmarin doonaan Wasiirada.

Waxa uu ka dalbaday inay kasbadaan saaxiibada kula jira Baarlamaanka, waxa uuna xaqiijiyay inaanu jirin waddo ka munaasabsan qaabka loo magacaabay Golaha Wasiirada.

Wuxuu u cadeeyay in inta badan beelaha Soomaaliyeed ay aad usoo dhaweeyen isla markaana ku qanceen Wasaaradaha ay heleen, balse mushkiladu ay tahay mid ay ka taagan tahay dhanka Xildhibaano dhowr ah oo aan nasiib u yeelan inay helaan kuraas.

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa aad uga soo horjeeda Golaha Wasiirada ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul wasaaraha waxa ayna ku doodayaan inaan Wasiirada lagu dooran Aqoon iyo karti.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Gudoonka Baarlamaanka ayaa qeyb ka ah Xildhibaanada kasoo horjeeda Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhismaha xukuumadda R/W Kheyre: NRC intaan ka aheyn ilin ayaa ku taal

Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, waxaana soo maray madax kala gedisan,  waxay u muuqataa mid mariil ah oo maato badan Macluul , Muroga , Gaajo iyo Oon la haraadsansan yihiin Shacabkeeda muhanayana inay helaan madax aan maangaab aheyn oo meel sare iyo maqaam qeyn gaarsiin kara .

Hadda waxaa hogaanka dalka haya Hogaamiye shacabku ku hanweynayeen inay mar uun arkaan isagoo hogaaminaya , inkastoo ay heleen hadana wali hamuuntii madeyn , haraad badan bay qabanaan waxay sugayaan howsha uu qabto .

Wuxuu soo xushay Hogaameye kale oo ay wada hanan karaan shacabkaan himilada wanaagsan iyo hiigisga nolosha hanweyn ka qaba ee u hogaansan inay Halyeeyada dalka Xudhmad iyo wanaag sacan iyo niyad furnaan ugu mashqaxaraad .

Hogaanka dalka waxaa wadaagay Aqoonyahano , Siyaasiyiin iyo waxgarad , waxaana awooda dalka loo qeybiyay habka awood qeybsiga qabiilada oo ay Soomaalidu wax ku qeybsato , inakstoo beel waliba ay soo xulatay qofkii ay u aragtay inuu iyaga matali karo hadana waxaa jira dhaliilo dad badan ay qabaan .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo markii uu ku dhawaaqayay Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, wuxuu sheegay inuu yahay shaqsi aqoon yahan ah oo ay wada shaqeyn karaan 4ta sano ee soo socota .

Ra’isul wasaaraha wuxuu isna ku dhawaaqay wasiiro xukuumada cusub ka mid noqonaya inkastoo ragaas soo xulistooda ay ka wada qeyb qaateen hogamiyaasha dalka Xildhibaanada iyo hogaamiyaasha beelaha Soomaaliyeed.

Waxaa jira Amaan badan oo loo soo jeedinayo ragan Wasiirada ah ee xukuumada Cusub kasoo muuqday kuwaas oo u badan rag aqoonyahano ah oo dalka dibadiisa wax kusoo bartay qaarkoodna dalka ku waxbartay , waxaase ku  hoos lifaaqan tabashooyin laga qabo magacaabistooda oo ay siyaasiyiinta qaar muujinayaan .

Ra’isul wasaarah Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa la sheegayaa inay kasoo wada shaqeeyen hal Hey’ad taasi oo haatan lagu dhaliilayo mudane Kheyre inuu u xagliyay ragii asxaaba hore ay isla ahaayeen dhankooda .

Ra’isul wasaare XasanCali Kheyre ayaa Hey’ada norwegian refugee council, ee loo soo gaabiyo NRC , wuxuu mar kasoo noqday maamul , waxaana sidoo kale la sheegayaa in wasiiro gaaraya  2 ilaa 4 wasiir ay sidoo kale kasoo shaqeeyeen hey’ada .

Sidaas darteed waxaa la leeyahay NRC intaan ka ahayn Ilin  ayaa ku taal , waxaana taasi loola jeedaa tabasho ayay qabaan inta aan ka ahayn NRC, waxaana tusaale ku filan Xisbiga Daljir oo madaxweyne Farmaajo Siiyay codadka ugu badan ayaa ku qaday kasoo muuqashada wasiirada cusub waxaana ay qeyb ka yihiin dadka Ilin-ta  ay ku taal

W/Q Xuseen Nuur Maxamed Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

Muuqaal: Shariif Xasan iyo maamulkiisa oo soo saaray farriin muhiim ah oo ku socoto dadweynaha Koonfur Galbeed

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inuu u bilaaban doono asbuuc loogu magac daray (Todobaadka Koonfur Galbeed iyo dadkeeda) oo macnaheedu yahay asbuuca lala xisaabtami doono Maamulka Koonfur Galbeed iyo waxa u qabsoomay labadii sano oo ay jireyn.

Haddaba maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray muuqaal ka hadlayo farriin uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan u direyn shacabka Koonfur Galbeed iyagoo ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan kulankaas isla xisaabtanka iyo is aaminaada ah.

Kulankaas ayaa sida uu qorshahu yahay bilaaban doono Maalinta Axada ah oo ay taarikh ku beegan tahay 26 March 2017, waxaana kasoo qeyb geli doono dhammaan hey’adaha kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna halkaas dadweynaha su,aalo ku waydiin doonaa madaxda.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

YAABKA MUQDISHO: Maqaaxidii maanta la qarxiyay oo Caawa lagu shaahayo (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah uu ka dhacay Afafka hore ee Maqaaxida Banooda oo ku taalla inta u dhexeysa Taaladda Xaawa Taako iyo Daljirka daahsoon.

Qaraxa ayaa geystay Khasaaro kala duwan waxaana goobta ku kala cararay dhammaan dadkii ka agdhawaa Qaraxa, gaar ahaan dadkii ka cunteynaayay Maqaaxida Banooda oo mar sii horeysay la Qarxiyay.

Qaraxa kadib waxaa sida caadaduba aheyd goobta gaaray Ciidamada Dowlada iyo Gaadiidka Nadaafada ee Gobolka Banaadir kuwaa oo durbadiiba nadiifin ku bilaabay Goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa iyo Nadiifinta kadib waxaa Caawa dib loo furay Goobtii ay ku dhaawacmeen Shacabka, waxa ayna ishu qabaneysay dad aad u farabadan oo Maqaaxida Banooda u shaah doontay.

Waxyaabaha aadka loola yaabay ayaa waxaa kamid ahaa in Goob uu ka dhacay Qarax isla markaana uu ku daatay dhiig farabadan Caawa lagu caweeyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca Qaraxyo aad u xoogan oo lala eegto Goobaha lagu caweeyo, waxaana xusid mudan in Saacado kadib lagu shaqeeyo goobahaasi, iyadoo aan laga meerin dhiiga shacabkii ku nafwaayay ama ku dhaawacmay.

Sawirro: Xildhibaan sabab yaab leh looga mamnuucay dhammaan Diyaaradaha ee..

India (Caasimada Online)-Warbaahinta Caalamka ayaa qortay in Xildhibaan kasoo jeeda dalka Hindiya uu garaacay Shaqaale diyaaradeed kadib markii la sheegay inay is maandhaafen.

Xildhibaankaani oo lagu magacaabo Ravindra Gaikwad ayaa 25 jeer Shaqaalaha ku garaacay dacas, ka dib markii uu kursi ka waayay qaybta hore ee diyaaradda oo ka kuraas qaalisan qaybaha kale ee diyaaradda.

Xildhibaankaani ayaa falka kadib laga mamnuucay in uu raaco 5 diyaaradood oo waawayn, waxaana lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay shaqaalaha Diyaaradii uu ku qornaa.

Xildhibaan Ravindra Gaikwad, ayaa falkaani geystay xili uu ku safri lahaa diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Air India.

Maamulka Shirkada Air India ayaa durbadiiba Xildhibaanka ka gudbiyay Dacwad, waxaana lasoo saaray amar ah inaanu ku safri karin dhamaan duulimaadyada hoos yimaada iisutagg diiyaaradaha ee loo yaqaanno FIA.

Diyaaradaha laga mamnuucay Xildhibaan Ravindra Gaikwad, ayaa waxaa kamid ah Shirkadaha xubnaha ka ah FIA oo ay kamid yihiin IndiGo, Go Air, Spice Jet iyo Jet Airways.

Diyaaradaha laga mamnuucay ayaa dhammaantooda saameyn weyn ku yeeshay Xildhibaanka waxa ayna u kala gooshan Gobolada iyo Caalamka.

Geesta kale, war qoraal ah oo ka soo baxay FIA ayaa sidoo kale loogu baaqay booliska inay tllaabo ka qaadaan Mr Gaikwad.

Doon laga lahaa dalka Yemen oo lagu Afduubta Xeebaha Maamulka Puntland

Garoowe (Caasimada Online)-Kooxo ka tirsan Burcad-badeeda Somalia ayaa Afduubtay Dooni siday Alaabo oo kusoo jeeday Xeebaha Somalia.

Doonidaani ayaa la sheegay in laga lahaa dalka Yemen, waxa ayna Kooxdaasi ku Afduubteen Xeebaha degmada Eyl gobolka Nugaal.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Doonidaasi la afduubtay isla markaana lala soo aaday Xeebaha Puntland.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Doonida ay la socdeen ilaa 10 Shaqaale waxa ayna cadeeyen inay ku howlan yihiin gacan ku dhigida Doonida.

Waxa ay intaa kusii dareen Saraakiisha inay diyaariyeen Ciidamo aad u xoogan oo ujeedkooda uu yahay furashada Doonida.

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ay dhacdaan ka dhacday ayaa waxaa kusii jeeda ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Dhinaca kale, Burcad-badeedka geystay Afduubka Doonidaani ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 9 Burcad-badeed oo hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawirro: Mareykanka oo Gaadiid Casri ah ku wareejiyay Taliska AMISOM ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa Taliska Ciidamada AMISOM ee Somalia ku wareejisay Gaadiid nooca dagaalka ah oo lagu biirinaayo kuwa ay isticmaalan Ciidamada AMISOM.

Gaadiidkaani dagaalka oo casri ah ayaa lagu wareejiyay Taliska AMISOM ee Somalia, waxaana la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 16 gaari oo u badan nooca dul banaanka ah.

Gaadiidkaani ayaa waxaa lagu wareejiyay Taliyayaal iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxaana wareejiyay Saraakiil ay soo wakiilatay Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka.

Gaadiidkaani qaar ayaa waxaa ku xiran agab aysan isticmaalin Ciidamada AMISOM, kuwaa oo fashiliya Qaraxyada, waxaana la xaqiijiyay inaanu saameyn ku yeelan karin Qaraxyada.

Qalabka ku xiran ayaa la sheegay inuu hakinaayo Qarax waliba Nooca la aaso, Nooca rimuudka iyo Nooca lagu soo miidaamiyo gaadiidka ay Maleeshiyadu ku fuliso Qaraxyada.

Dowlada Mareykanka ayaa ah Dowlada Seddexaad ee garabka u ah Somalia marka laga soo tago Dowladaha Turkiga iyo Britain.

Sawirro: Ceynte oo Soomaaliya u matalay shirka madaxda IGAD uga furmaya Nairobi

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya si ay uga qeybgalaan shirka Berri IGAD uga furmayo Nairobi kaasoo loogu hadli doono Arrimo la xiriiro qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Kenya.

Haddaba waxaa maanta Nairobi ka dhacay kulano lagu diyaarinayey qodobada shirkaas looga hadli doono waxaana si rasmi ah Soomaaliya u matalay wasiirkii Qoysheynta iyo iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Ceynte.

Kulankaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan madaxdii berri ka qeybgeli laheyd shirka ka furmayo Nairobi, waxaana la sheegay inuu Soomaaliya u matali doono Ceynte kulankaas dhex mari doono wasiirada dowladaha IGAD.

Kulankaas ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo sida laga yeeli doono qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan Kenya maadaama ay dowladaas sheegtay inay dhibaato ku qabto isla markaasna ay jeceshahay in laga raro.

Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday inaan la xiri doonin Xerada dhadhaab oo ay ku jiraan Qaxooti badan oo Soomaali ah, waxaana la filayaa in shirkaas ay kasoo baxaan qodobo sheegayo in Kenya ay ogolaato inay qaxootiga sii heyso, maadaama ay iyadaba ka hesho Lacag badan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada shirkaas 

Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo xabsiga laga sii daayay

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray.

Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenka Mubarak Farid El Deeb ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uu haatan ku sugan yahay Mubarak guriga uu ku leeyahay Heliopolis oo ah degmo ku taal meel aan ka fogeyn madaxtooyadii uu muddo soddon sano ah ka maamulayay dalka Masar kadib markii laga saaray isbitaal ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin koofurta Qaahira halkaa oo lagu ilaalinayay.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

Sawirro: Khasaaro xoogan oo ka dhashay qaraxii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu duhurnimadii maanta ka dhacay Maqaaxida Banooda oo kasoo horjeeda Hoteel Nasa Hablood kuna taal inta u dhexeysa Daljirka dahsoon iyo Taalada Xaawa Taako.

Qaraxa ayaa lagu soo beegay xili ay aad u mashquul badneyd goobta waxa ayna ishu qabaneysay Gaariga Qarxay iyo gaadiid kale oo goobta ku gubtay.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay Shan ruux.

Hotelada iyo maqaayadaha ku yaallo goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa waxaa aad u isticmaala mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya.

Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay oo gubaneysa iyo khasaare xooggan oo jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa olol iyo qiic ka baxaaya Maqaaxida Banaado oo ku taalla inta u dhexeysa Daljirka daahsoon iyo Taalada Xaawo Taakow.

Ololka iyo qiica ka baxaaya Maqaaxida ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay Shidaal lagu hor iibinaayay Maqaaxida la ag dhigay Gaariga Qarxay.

Ciidamada Amaanka iyo Gaadiidka Gurmadka ee Ambalasta ayaan awoodin inay badbaadiyaan dadka dhaawaca ee ku dhex jira Maqaaxida iyo banaankeeda, waxaana ololeysa afafka hore ee Maqaaxida.

Waxaa hadda gaaray goobta gaadiidka dabdamiska oo doonaaya inay baqtiyaan ololka iyo qiica hareereeyay Maqaaxida iyo wadada hormarta.

Banaanka iyo Gudaha Maqaaxida ayaa waxaa hor tuban Meydad iyo dhaawacyo farabadan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa.

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxa, balse waxaa lasoo sheegayaa in xiliga Qaraxa ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo maqaayad la weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Hoteel Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Dhawaqa Qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo maagaalada ah waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari goobta la dhigay.

Gaariga Qaraxa ayaa la sheegay in la hordhigay Maqaaxida lagu magacaabo Banooda oo kasoo horjeeda Hoteel Nasa Hablood oo ku dhow eeryada taalada Xaawa Taakow ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan waxaana xiliga uu Qaraxa dhacaayay goobta ku sugnaa dad aad u farabadan oo ka qadeenaayay Maqaaxida.

Qaraxaani ayaa noqonaaya kii labaad oo lala eegta Maqaaxida, waxaana xusid mudan in Maqaaxidaasi ay ka cunteeyan Ciidamo iyo dad shacab ah.

Dhinaca kale, Goobta uu qaraxu ka dhacaya waxa ku yal Hoteelo aad ay u Isticmaalaan Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax loo adeegsaday gaari oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Guri ku yalla Xaafadda Saybiyaano ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah, waxaana iminka halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan Dowlada.

Lama xaqiijin karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa waxaana socda baaritaan xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live

Weerar lagu qaaday hoyga xildhibaan ka tirsan BF oo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar Bambaano lagu qaaday hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Macalin Cali Aadan Cadoow.

Xildhibaanka la weeraray ayaa degnaa Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho, waxaana la sheegayaa in Hooygiisa lagu weeraray ilaa laba Bam.

Maleeshiyaadka weerarka Bambaano geystay ayaa la sheegay inay la socdeen Moto Bajaaj, waxa ayna weerarka kadib ka baxsadeen goobta.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhaawac u badnaa oo soo gaaray dad ku sugnaa Hooyga Xildhibaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa Seddexdii bil ee ugu danbeysay marti galineysay Qaraxyo, Dilal iyo weeraro lagu qaadaayay Mas’uuliyiin iyo Dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayuu Kheyre u qaabilay Ndumiso Ntshinga iyo madaxdii la socotay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyr ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Afrika oo booqasho gaaban ku imaaday magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu qaabilay Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa Hogaaminaayay Madaxa ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga, waxa ayna kawada hadleen xaalada guud ee Somalia, gaar ahaan Amniga iyo Xasiloonida magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa aad u amaanay howlaha ay hayaan Milowga Africa, waxa uuna bogaadiyay howlahooda shaqe ay u joogan magaalada Muqdisho.

Booqashada uu wafdigan ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qaadan doonta muddo Sadex maalmood ah, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS, gaar ahaan Hay’adaha amaanka.

Waxaa kamid noqon doona howlaha ay Wafdigaani qaban doonaan mudada ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho booqashada Xarumaha Ciidamada AMISOM ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Arrin cusub: Ethiopia oo garoon diyaaradeed ka dhiseysa Somalia (Xagee?)

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Ethiopia ay dhiseyso Garoon iyo waddooyin ku yaalla deegaanada Puntland.

Gaas ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay kula heshiiyeen dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Gaas waxa uu tilmaamay in mashruuca labaad ee Ethiopia uu noqon doono dhismaha waddo laami ah oo isku xireysa Garoowe iyo Eyl.

Cabdiweli wuxuu sheegay labadan mashruc inay billaabanayaan bisha May ee sanadkan, waxa uuna sidoo kale ka gaabsaday baahida keentay in Ethiopia ay markii ugu horeysay sameyso dhismo Garoon.

Dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo iyo Wadada isku xireysa Garoowe iyo Eyl, ayuu sheegay in looga danbeyn doono Dowlada Ethiopia.

Dhinaca kale, Gaas ma usan sheegin haddii ay jirto wax kale oo mashaaricdan ay ku badalaneyso xukuumadda Addis Ababa.

Ethiopia horey loogama baran mashaaricda horumarinta ah, waxayna noqon doonan haddii la hirgeliyo kuwii ugu horreeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Awooda Xasan Sheekh oo wali laga dhex dareemayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili ay meesha ka baxday Dowladii uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in awooda Siyaasadeed ee Madaxweynihii hore ay ka dhex shaqeyneyso Xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Warar soo baxaaya ayaa tibaaxaaya in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowr Wasaaradood ku dhex leeyahay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, halka uu iminka ka heysto ballanqaadka dhowr ah oo ay kamid yihiin Taliyayaal Ciidan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu gorgortan kula galay ilaa 90 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia kuwaa oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin garabka uu Hogaaminaayo Xasan Sheekh.

Xildhibaanada uu Xasan Sheekh gorgortanka kula galay Madaxweynaha ayaa ah tirada uu ka helay codadka mudada lagu guda jiray Doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia ee dhacday 8 Feb, 2017.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa kamid ah Shaqsiyaadka uu watay Xasan Sheekh, waxaana sidoo kale jira ilaa 6 Wasaaradood oo lasiiyay Shaqsiyaad uu watay Xasan Sheekh, si Xildhibaanada uu Hogaaminaayo Codka kalsoonida usiiya Golaha Wasiirada Xukuumada cusub ee Somalia.

Sidoo kale, waxaa jira xilal gaara uu Xasan Sheekh ka dalbaday Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha kuwaa oo dhawaaan la filaayo inay kamid noqon doonaan xilalka la magacaabi doono.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada ka hor laga dareemaayay Colaad Siyaasadeed, waxaasa iminka muuqaneysa inay ku heshiiyeen Maslaxada dalka iyo Meelmarinta dhammaan howlaha Qaranka ee mari doona Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa horay u sheegay inuu ka feejigan yahay faragalin kaga imaada shaqsiyaad gaara iyo Dowladaha Shisheeye gaar ahaan kuwa dariska la ah Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]