25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Fariimo adag oo loo kala diray xildhibaanada Galmudug (Akhriso)

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Bisha fooda nagu soo heysa magaalada Cadaado ay ka dhacdo Doorashada Hogaamiyaha maamulka Galmudug.

Cali Gacal Casir oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Xildhibaanada Galmudug ee ka maqan deegaanada maamulka ugu baaqay inay kusoo xaroodan maalmo kooban gudahooda.

Cali Gacal Casir, ayaa Xildhibaanada ka maqan magaalada Cadaado ku wargaliyay in Galmudug ay galeyso xaalad adag, sidaa darteedna loo baahan yahay in Xildhibaanada ay kusoo xaroodan magaalada Cadaado.

Waxa uu Casir sheegay in ujeedka uu yahay in xili hore lasii diyaariyo Jadwalka Doorashada iyo Hanaanka la filaayo inay u dhacdo Doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Shalay isku raacay in 10 Bisha soo socota ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Doorashadaani ayaa noqoneysa tii labaad oo Xildhibaanada Galmudug ku doortaan Hogaamiye labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Aqriso: Liiska wadamada ay dadkooda ugu caajisan yihiin dunida oo lasoo saaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – waxaa lasoo saaray liiska wadamada dadkooda ay ugu caajisan yihiin adduunka waxaana kaalinta koowaad kasoo galay Malta oo la sheegay in 71.9% dadkooda ay yihiin kuwa caajis badan oo aan rabin shaqo.

Haddaba liiskaan oo dhameystiran halkaan hoose ka aqriso

Malta   71.9%

Swaziland  69.$

Saudi Arabia 68.8$

Serbia  68.3%

Argentina 68.3%

Micronesia  66.3%

Kuwait 64.5%

United Kingdom 63.3%

United Arab Emirates 62.5%

Malaysia 61.47%

Japan 60.02%

Dominican Republic 60%

Namibia 58.5%

Iraq 58.4%

Turkey 56%

Cyprus 55.4%

Italy 54.7%

Ireland 53.2%

South Africa 52.4%

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nin hooyadii ceejis ku dilay kadib markii ay amartay in uu saaladda subax masjidka kusoo dukado!

Qaahira (Caasimada Online) – Wiil dhalinyaro ah ayaa dilay Hooyadiis  oo ka codsatay inuu wayso qaato isla markaasna isku diyaariyo saaladda Subax Magaalada Suweys ee dhacdo Bariga Masar Subixii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Ninka u qaabilsan dowladda amniga Magaalada ayaa lasoo gaarsiiyey in la dilay haweeney 50 sano jir ah iyadoo lagu ceejiyey xaafadda Xayu Salaam waxaana meesha si deg dega ah usoo gaaray ciidamada Booliska.

Kadib falanqeyn badan waxaa cadaatay in hooyadaan ceeji lagu dilay weliba go, ay wadatay oo ka sameysnaa Xariir waxaana jirkeeda ka muuqday raadka Feer iyo Dharbaaxyo oo kaga yaalay wajigeeda iyo qeybo ka mid ah jirkeeda.

Laba gabdhood oo ay dhashay hooyada la dilay ayaa booliska u sheegay inuu dilka u geystay walaalkood oo lagu magacaabo Maxamed Sharafu-Diin Cabdi Al-Imaam oo 32 jir ah una shaqeyn jiray shirkadda Nasar ee shidaalka Iibiso.

Gabdhahaan ayaa ku sheegay sababta uu ninkaan hooyadiis u dilay inay aheyd markii uu ka dhex dhashay muran ku aadanaa saaladda Subax oo ay hooyada ka codsatay wiilkeeda inuu dukado oo uu masaajidka aado.

Ninkaan dilka geystay ayaa muran badan ka dib iyo qeelo weyso qaatay isla markaasna masaajidka aaday siday ay sheegtay Al-Carabiya net .

Markii uu ninkaan masaajidka kasoo laabtay ayaa waxaa mar kale isaga iyo hooyadiis ka dhex bilawday muran iyo qeeli taasoo keentay inuu maradii ay  waday ku ceejiyo isla markaasna uu ku bilaabo feer iyo haraati ilaa ay nafta ka baxday wuuna ka cararay meesha.

Baaritaan badan ka dib waxaa lasoo ogaaday in wiilkaan uu asbuuc ka hor galay shir gaari xilli uu socday wadada Suweys ee Qaahir, dhibaatadaas kadibna waxaa ku dhacay cuduro nafsaani ah taasoo keentay inuu markasta la doodo hooyadiis iyo  walaalihiis, Xanuunkaan ayaana u horseeday inuu markasta kiciyo mushkilad sidoo kalana uu ka xanaaqo wax aan dhib lahey.

Ugu dambeyntii booliska ayaa soo xiray ninkaan dilka geystay iyadoo laga soo qabtay meel u dhaw masaajidka Xamza Bin Cabdil Mudalib ee ku yaal xaafadda Sabaax, waxaana lagu wareejiyey xeer ilaaliyaasha oo baarayo arrintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Haweenay ninkeeda labada gacmood kaga gooyey dhalmo la’aan oo ugu dambeyntii wiil dhashay

Nairobi (Caasimadda Online)- Haweenay Kenyan ah oo magaceeda lagu sheegay Jackline Mwende ayaa ugu dambeyntii wiil dhashay xili ayadoo labadeeda gacmood uu ninkeeda kaga goo’yay inaysan ilmo dhaleyn!

21-kii July 2016 waxay u ahayd Jackline Mwende habeen aysan hilmaami doonin madaama ninkeedii Stephen Ngila uu labada gacmood ka jaray sidoo kalena si xun u jirdilay madaama ay in mudo ah wax caruur ah u dhali weesay!

Balse wixii Alle qadaro ayaa marwalbo dhacaan waxaa la sheegay in Jackline Mwende uur lahayd laakiin ogaal uma heyn markii ninkaan dhibaatada u geestay, kadib ayay uurkeeda ogaatay dhawaana hooyo ayay noqotay.

Dhibaatadii Jackline Mwende ninkeedii u geestay qof walbo ayaa ka dan qaday waana loo gurmaday ayadoo baxnaano fiican heshay sidoo kalena waxay heshay gacmo Plastic oo loo galiyay labadii gacmood ee ninkeedii ka jaray badal ahaa si ay kaal maati kaga dhigato.

Waxaa intaas u dheer in Jackline Mwende in guri dhameestiran la siiyay iyo Super Market yar oo camiran si ay nolol maalmeedkeeda kaga soo saarato.

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Jackline Mwende ay wiil dhashay 20-kii bishan Maarso waxayna ku dhashay Machakos Level 5 Hospital.

Jackline Mwende markii uu nikeeda dhibaatadan u geesanay ma uusan ogeyn inay wax uur ah leedahay wuxuuna labada gacmood kaga jaray inay ma dhaliis tahay!

Laakiin Alle ayaa Jackline Mwende ugu deeqay ubad haatana nolol ka wanaagsan midii shalay ayay ku jirtaa sidoo kalena ninkeeda wuu xiran yahay asigoo dambiile ah xukun sugaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Video + Sawirro: Mid ka mid ah beelaha ugu weyn Mudulood oo digniin u dirtay Kheyre iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta ay isku yimaadeen, Hoggaamiyayaasha dhqanka iyo dhammaan bulshada kale ee Besha Galmaax oo ka mid ah Beelaha Mudulood oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga hadlay habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee xukuumadda cusub ee magacaaban iyo masiirka Gobolka Banaadir oo loo tiriyo inay beeshaan degaan ahaan u leedahay.

Kulanka ka dib ayaa laga soo saaray baaq ku socday Madaxweynaha Dowladda Fedraalka  kaasi oo ay beeshu Ku sheegtay in Hoggaanka Gobolka Banaadir ay iyagu xaq u leeyihiin islamarkaana aanan la siyaasadeyn . Sidoo kale waxay ku sheegeen bayaankooda in lagu xaqiray saamiga qeybsiga ay ku leeyihin Xukuumada magacaaban .

Halkaan hoose ka aqrsiso bayaanka beesha ka soo baxay maanta

WAR SAXAAFADEED

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 ka Maarso 2017, waxaa magaalada Muqdisho shir weeyne wada tashi ah isugu yimid qaybaha ay ka koobantahay beesha Galmaax Yoonis kaasoo ay ka soo qaybgaleen odoyaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Haweenka, iyo Dhallinyarada ay leedahay beesha. Shirkaan ayaa ujeedkiisa ahaa ka wada tashi ay qaybahaasi ka wada tashanayeen arrimo khuseeyo beesha sida siyaasadda dalka iyo deegaanka ay guud ahaan beeshu degto ee Banaadir, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud.

Hadaba, Beesha Galmaax Yoonis

Kadib markii ay aragtay habkii loo soo dhisay Golaha Xukuumadda Cusub ee Ra’isu wasaare Xasan Cali Kheyre ee ku dhisan sad bursiga xileed iyo istixgalin la’aanta

Ka dib markii ay beesha garwaaqsatay baahida loo qabo in laga jawaabo arrimaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ee aan ku haboonayn beeshaan ama meel ka dhaca ku ah

Ka dib markii ay beeshu adorostay ama saadaalisay mustaqbalka siyaasadeed ee Gobolka Banaadir,

Waxa ay beeshu u soo saartay si wadajir ah warsaxaafadeedkaan ay qodobadiisa hoos ku qoranyihiin;

  1. Beeshu waxa ay aad uga xuntahay in madaxda Qaranka Dalka gaar ahaan Madaxweynaha Dalka ay ka fuli wayso balanqaadayadiisii hogaamineed uu uu horay u sameeyay sida in ay doowladiisa cadaaladda ka sahqayn doonoto iyo dib u hishiisiinta ka dib markii Ra’isul wasaarahiisa Kheyre uu xaqiray saamigii siyaasadeed oo ay beeshu ku lahaan lahayd golaha wasiirada cusub, sidaasi darteed waxa ay beeshu guud ahaan ka soo horjeesatay gaashaankana u daruurtay golaha cusub ee xukuumadda
  2. Waxa ay beeshu ugu baaqaysaa maamul goboleedyada dalka sida Hirshabeele iyo Koofurgalbeed in ay si deg deg ah meel u saaraan saamiyadii siyaasadeed iyo deegaanba ay beeshu ku leedahay maamuladaasi maadaama a jiraan tabashooyin ay ka qabto wax qaybsiga kuraasta ay beeshu ku lahaan lahayd maamuladaasi gaar ahaan goloyaasha Wasiirada
  3. Beeshu waxa ay si xooggan uga soo horjeedaa wax kama jiraana ku tilmamaysaa kulankii ka dhacay guriga Nabadoon Maxamed Yuusuf ee lagu sheegay in beesha Mudulood ku taageertay xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Kheyre, sidaas darteed waxa ay beeshu halkaan ka cadeeynaysaa in aan loo dhamayn kulankaasi aysan jirina in beeshu ay taageertay xukuumadda Kheyre taasina waxaa cadayn u ah in shirkaasi ay ka maqanaayeen duubakii dhaqanka ee deegaanka sida Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Malaaq Cali Malaaq Maxamed iyo Xildhibaanada Muduullod ee heer Qaran. Beeshu waxa ay sidoo kale canbaaraynaysaa hadalkii ka soo yeeray Nabadoon Maxamed Yuusuf ee uu ku sheegatay in uu yahay Boqorka Deegaanka taaso ah maqaamka dhaqameed ee uu leeyahay duubka Xamar iyo Xamar daye.
  4. Beeshu waxa ay ku adkaynaysaa ogaysiinaysaane madaxda dalka sida Madaxweyne Farmaajo in Kursiga guddoomiyanimo ee Gobolka Banaadir uusan noqon Karin mid saami siyaasadeed loogu xisaabtamo ee galaya tartan beelo balse uu yahay mid ku asataysan Deegaan oo ay kaliye xaq u leeyihiin dadka Deegaanka asalka u ah ee Beesha Galmaax si lamid ah gobolada kale ee dalka.
  5. Waxa ay beelwaynta Galmaax Yoonis mar kale ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya in ay u tixgaliyaan la tashina ka galiyaan arrimaha khseeya dhaqanka beesha Duubka Deegaanka ee ah Malaaq Cali Malaaq Maxamed iyo Duubaka kale ee Beesha

GUNAANAD

Beeshu sidii ay waligeedba ahaan jirtay, waxa ay ka hor balanqaadaysaa Doowladda iyo shacabka soomaaliyeedba in ay ka qayb tahay dadaal walba ee sharafkii dalka dib loogu soo celinayo kuna bixinaysaa wax walba ee lagu gaari karo.

WABILAAHI-TOOWFIIQ!

BEESHA GALMAAX YOONIS

Kulan albaabada u xiran yihiin oo caawa Villa Somalia uga socda Kheyre iyo Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Caawa halkaasi uu kullan khaasa uga socdo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha BFS Jawaari.

Kheyre iyo Jawaari ayaa si gaara uga wada hadlaaya warqad maanta kasoo baxday Xafiiskiisa oo lagu cadeeyay in 105 Xildhibaan ay aad u dhaliilsan yihiin Hanaanka awood qeybsiga Golaha Wasiirada.

Kullanka labada mas’uul ee Caawa ka socda Villa Somalia ayaa xal loogu raadinayaa warqada uu Jawaari usoo gudbiyay Ra’isul wasaare Kheyre.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa garwaaqsan in Jawaari uu kaalin weyn ku leeyahay xusul duubka loogu jiro hor istaaga Golaha Wasiirada, waxa uuna caawa juhdi ku bixinayaa in xal laga gaaro muranka ka taagan magacaabida Golaha Wasiirada.

Sidoo kale, kullanka labada mas’uul ayaa waxaa banaan joog ka ah Mas’uuliyiinta kale ee Villa Somalia ku sugan, waxa uuna qorshuhu yahay in Caawa xal laga gaaro muranka.

Si dhab ah looma ogaan karo waxa uu kusoo dhammaan doono kullanka waxaana la saadaalinayaa in kullankaani uusan lamid aheyn kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Heshiiskii ay gaareen Farmaajo iyo madaxda IGAD oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD ayaa isugu yimid shir gaar ah oo looga arrinsanayay sidii xal waara loogu heli lahaa qoxootiga Soomaaliyeed.

Shir-madaxeedkan gaarka ah ayaa jeedadiisu tahay in lagu xoojiyo lilaalinta xuquuqda qaxootiga, lagana wada hadlo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira guud ahaan gobolka, isla markaasna loo mideyn lahaa dadaallada beesha caalamka ee dhaqaalaha loogu uruurinayo dadka ay abaarahu saameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay madaxda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku yareyso sababaha keenay amni darrada iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya si ay u daboolaan baahiyaha taagan. “Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka.”

Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

“Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda.”

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacay in la qaato hab bulshada oo dhan ay ka qeyb qaadanayso taasoo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka nugul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladaha iyo shucuubta waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo dalka Yeman sida ay u martigaliyeen in ka badan hal milyan oo qaxooti Soomaali ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Maxay kawada hadleen Farmaajo iyo Yuweri Musaveni?

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay kullan Khaas ah magaalada Nairobi kula qaatay dhigiisa dalka Ugandha Ugandha Yuweri Musaveni.

Madaxweynaha Somalia iyo Dhigiisa Ugandha ayaa ku kulmay magaalada Nairobi oo ay uga qeybgalayeen Shirka Madaxda IGAD oo diirada lagu saaraayay Arrimaha Somalia.

Labada Madaxweyne ayaa si gaara uga wada hadlay Arrimaha Siyaasada, Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dalka, waxa uuna Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo dhigiisa warbixin kooban kasiiyay xaalada Somalia.

Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa Yuweri Musaveni ka dalbaday inuu xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Somalia, waxa uuna u cadeeyay inaanu jirin tashwiish ay Somalia ka muujineyso xiriirka gaarka ah ee Somalia kala dhexeeya Ugandha.

Yuweri Musaveni, ayaa dhigiisa Somalia u ballanqaaday inay meesha ka saari doonaan Tashwiishka muuqda waxa uuna ballanqaaday inuu laba jibaari doono xiriirka dhinacyada Siyaasada iyo Amniga.

Arrin cusub: Arag Jawaari oo warqad u diray Kheyre iyo wasiirada oo ay cabsi soo food saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan jawaari ayaa goordhow warqad u diray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiye Jawaari ayaa Warqadaasi Ra’isul wasaaraha uga dalbaday inuu dib ugu laabto Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu dhawaan magacaabay.

Jawaari waxa uu Kheyre ugu baaqay inuu ka faa’iideysto fursada Wasiirada uga harsan hortagooda Baarlamaanka Somalia, waxa uuna u cadeeyay inay kordheyso dhaliisha laga qabo hanaanka loo qeybiyay Kuraasta Golaha Wasiirada.

Jawaari ayaa sheegay inay soo gaartay Warqad ay ku qoran tahya Dacwad oo ay usoo gudbiyeen 104 xildhibaan kuwaa oo ku dhaliilay inuusan raacin habka awood qeybsiga ee 4.5.

Qoraalkaani waxa uu durba qalqal galiyay Wasiirada cusub ee dhawaan kamid noqday Liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Qoraalka uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka Ra’iisal wasaare Kheyre oo nuqul ka mid ah heshay Caasimada Online ayaa waxa ay u qorneyd:

Wasiirada cusub oo bilaabay fulinta arriintii uu Kheyre ku amray inay sameeyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan warbixinadii hore idinkugu soo gudbinay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa golaha wasiiradiisa cusub shalay amray inay Baarlamaanka ka raadsadaan kalsoonida, weliba si shaqsi shaqsi ah.

Haddaba Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia kana mid ah baarlamaanka ayaa bilaabay ololo ay kalsooni ku weydiisanayaan Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada qaar ayaa Xildhibaanada ku booqanaaya Hoteelada iyo guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, waxa uuna ujeedku yahay inay garab ka dhigtaan si ay u maraan baarlamaanka.

Wasiirada ayaa waxaa ololahaani ku dhiiri galiyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo isagu walaac ka qabo sida Wasiirada lagu marin lahaa baarlamaanka.

Kheyre ayaa Wasiirada ka tirsan BFS ku amray inay dhex gal ku sameeyan saaxiibadooda si ay u hirgasho magacaabidooda.

Wasiirada qaar ayaa waxaa hortaagan Xildhibaano is uruursaday oo ka tirsan BFS kuwaa oo waayay rajadii ay ka lahaayen Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase loo badinayaa in xal hoosaad laga gaari doono kacdoonka Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kusoo kordhay kuankii Villa Somalia uga socda Kheyre, wasiirada iyo xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka bilowday kulamo u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Kheyre, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada la horgeyn doono BFS.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu Wasiirada la kulansiinayo Xildhibaanada qaar, waxa ayna si wada jira uga dalbanayaan in la meelmariyo Golaha Wasiirada.

Kheyre ayaa Xildhibaanada usoo bandhigay inaysan muran iyo diidmo ka muujin Wasiirada laga doonaayo inay meelmariyaan waxa uuna meesha ka saaray in Wasiirada cusub ay ku jiraan kuwo uu kusoo xushay qabiil.

Nuqulada haddalka Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa ”Anigu Wasiirada kuma soocanin qabiil ama aqoon yari waxaan kusoo xushay howl-karnimo, waxaan doonayaa inaad meelmarisaan Wasiirada sababtoo ah lama joogo xiliga aan caqabad ku noqon laheyn horumarka”

”Waxaan idinka doonayaa Xildhibaano inaad ka fekertaan aayahay dalka iyo dadka, waxaan idiin ballanqaadayaa in Wasiiradaani ay noqon doonaan kuwo ka fog musuqa iyo howlgudasho la’aanta, si loo gaaro arrimahaasi waxaan dalbanayaa in la meelmariyo Wasiirada”

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa qeyb qeyb u qaabilaaya Xildhibaanada, waxaana lasoo sheegayaa in kulanka hadda socda uu ka duwan yahay kuwii hore, waxaana kulankaani madasha xaadir ku ah Wasiirada.

Kheyre waxa uu sidoo kale, Wasiirada qudhooda ku cadaadinayaa in isla goobta ay kula hadlaan Xildhibaanada si ay usii sahlanaato meelmarintooda.

Xildhibaanada ugu badan ee uu maanta la kulmaayo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u badan garabka Mucaaradka ku ah Wasiirada Cusub.

Geesta kale, waxaa hadda la saadalinayaa in Xildhibaanada mucaaradka ee la kulmaaya Kheyre ay ku qancayaan Wasiirada la horfadhiisiyay ka hor inta aysan isku arkin Xarunta BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Weerar lagu dilay mas’uul mid kalane lagu dhaawacay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la toogtay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow.

Xoghayaha ayaa waxaa toogasho ku dilay Kooxo ku hubeysnaa qoryo oo la socday Gaari waxaana la xaqiijiyay in goobta uu ku naf baxay Xoghayaha.

Kooxdaani ayaa waxa ay sidoo kale dhaawaceen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmadaaas, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas.

Axmed Cabdulle Afrax oo ah Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Xoghayaha ay geysteen Kooxo hubeysan oo la socday Gaari.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in kooxaha hubeysnaa ay sidoo kale dhaawaceen Guddoomiye Waaxeed, wuxuuna intaa ku daray inay baadi-goob ugu jiraan shaqsiyaadkii dilka u geystay Xoghayaha isla markaana dhaawacay Gudoomiye Waxeedka.

Xoghayaha iyo Guddoomiye Waaxeedka ayaa wada saarnaa hal gaari waxaana lagu horjaray Gaari kale, sidaasina lagu Rasaaseeyay.

Ciidamada Degmada iyo kuwo kale oo gurmad ah ayaa iminka baaritaan kawada Degmada waxaana xiran wadooyinka si loo qabto gaariga falka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Gudoomiyiha gudiga doorashada Galmudug oo si xun loo jir dilay

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya in gacanqaad uu maanta dhexmaray Xildhibaanada.

Dagaalka gacan ka hadalka ayaa yimid kadib markii ay isku khilaafen xildhibaanada xiliga doorashada la qabanayo.

Xildhibaanada ayaa inta uu kullanka socday u kala jabay laba garab waxaana la sheegay in qaarkood ay diideen xiliga Doorashada, qaarna ay ku baaqen in lasoo dadajiyo Doorashada.

Gacanqaadka ayaa xoogeystay kadib markii ay gacanta iskula tageen Gudoomiyiha Gudiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Geelle iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka.

Gudoomiyiha Gudiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Geelle, ayaa la sheegay in lagu dhex jir dilay Hoolka ay ku shir sanaayen Xildhibaanada.

Xildhibaan Geelle oo ah Gudoomiyiha Gudiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug, ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, kadib markii ay ku goobteen dhowr Xildhibaan.

Gudoomiyiha Gudiga Doorashada ayaa dhaawac laga gaarsiiyay wajiga, waxaana lagu garaacay feer iyo haraanti.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Hogaamiyihii hore C/kariin Guuleed uu Heshiis la galay Xildhibaano ka tirsan Galmudug, kuwaa oo fashilin doona Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Muxuu Farmaajo ka yiri wararka sheegaya inuu daneyn doono arrimaha qabiilka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya inuu dadka ku kala sooco qabiil.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inaanu jirin cid gaara oo uu kusoo dhaweysanaayo qabiil ama uu ku nacaayo, waxa uuna cadeeyay inuu yahay Madaxweyne Soomaaliyeed.

Farmaajo wuxuu sheegay inuusan jiri doonin ruux uu ku fogeynaayo qabiil, islamarkaana dadka Somaliyed ay yihiin kuwa u siman.

Farmaajo waxa uu soo hadal qaaday qaabkii lagu soo xulay Wasiirada cusub ee xukuumadda Kheyre, wuxuuna sheegay in wasiirada waxa ugu horreeyo ee uu u sheegay ay tahay ineysan qabiil matalin oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan xilka loo dhiibay.

”Arrinta qabiilka horay ayaan uga afeeftay waxaan Wasiirada kusoo xulay karti ee kuma aan xulin qabiil si gaara loogu roonaanayo, mana aqbali doono in Wasiir la magacaabay uu reerkiisa soo dhaweysto”

Waxa uu Madaxweynaha sheegay in shaqsi ahaan isaga aanu jiri doonin cid uu qabiil ku soo dhoweysto ama qabiil uu ku fogeeyo, wuxuuna sheegay inuu yahay madaxweyne Somaliyed oo aan qabiil lahayn, una dhaxeeya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Intaas oo wasiiro ah waan la hadlay waan la fariistay, waxaan u sheegay qabiil ma matalaan, qabiil qofkii rabo inuu ma talo waa inuu noqdo kaabo qabiil, haddii uu rabo inuu dowladdaan ka mid noqodo wuxuu matalaa wasaaradaasi, wuxuuna u matalaa umadda Soomaaliyeed”

”Qof dowladdaasi ku jira ama magac leh oo aan ogahay inuu umaddaasi shilin ka qaato waxaan idiin ballanqaadayaa ineysan dhici doonin, waxa aan ballanta ku qaaday oo dadku igu taageereen waxaa kamid ahayd cadaaladda, waxaan idiin sheegayaa anaa ugu horreeya oo madaxweynaha ah anigu qabiil ma lihi”

Farmaajo ayaa sheegay in shaqsiga wadaniga ah ama Soomaalida jecel uu mar waliba u yahay walaal waxa uuna meesha ka saaray inuu soo dhaweysan doono reer gaara.

Dhinaca kale, Shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda cusub ee hoggaanka uu u hayo Madaxweyne Farmaajo waxa ay ka sugayaan isbedallo dalka uu galo iyo horumar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Caddeyn: Caasimada Online oo heshay wada-sheekeysi taleefon oo xasaasi oo dhex maray Xasan Sheekh iyo xildhibaano

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynahihii Waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bilaabay olole ku aadan wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ku cad xog taleefon oo ay Caasimada Online heshay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiyiinta dhexdooda ka billaabay olole uu ku taageerayo wasiirada cusub ee Soomaaliya, wuxuuna siyaasiyiinta kula dardaarmay inaysan mucaaradin oo ay joojiyaan ololaha looga soo horjeedo wasiirada, kadib markii uu kula sheekeystay Whatsapp.

Sawiro laga qaaday wada-sheekeysigan oo dhab ah ayaa waxaa Caasimada Online soo gaarsiiyey xildhibaano ku jiray kooxda wada-sheekeysiga uu la yeeshay madaxweynaha, waxaana kadib ka xaqiijinay ku dhowaad 10 xildhibaan oo Caasimada Online u xaqiijiyey in wada-sheekeysigan uu dhacay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey wadaninimo isagoo xusay inaysan hadda Soomaaliya joogin xaalad la is mucaarado wasiiro lasoo magacaabayna la diido maadaama ay dalka ka jirto Abaaro iyo duruuf Bini’aadanimo.

Wuxuu sheegay in dowladda cusub ay horyaalaan shaqooyin badan loogana fadhiyo sidii ay dalka uga gudbin laheyd xaaladda adag oo uu ku jiro, ayna lagama maarmaan tahay in si deg deg ah loo ansixiyo wasiirada cusub.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga oo uu u tagay arrimo nasasho iyo sidii uu ula midoobi lahaa qoyskiisa oo halkaas ku sugan, wuxuuna hadaladaan kusoo qoray Group-ka uu ku leeyahay Whatsup-ka oo uu isaga ka yahay Admin.

Kooxda uu Xasan la hadlay ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan Wasiiro lasoo shaqeeyey iyo kuwa hadda ka tirsan Xuukumadda la magacaabay, xataa waxaa groupkaas ku jiro Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xasan ayaana hadalkaas soo dhigay qoraal aad qiiro u leh oo uu ku muujinayey inuusan dalka hadda u baahneyn fowdo iyo Khilaafna ayna qasab tahay in si deg deg ah dhibaatada abaaraha looga saaro, taasna wuxuu sheegay in lagu gaari karo taageerida xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Haddaba waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa caddeeymo muujinayo sida uu Xasan Shiikh u jecel yahay in umadda la badbaadiyo oo aan lagu mashquulin mucaaradnimo, waxayna caasimadda heshay sawiro laga soo qaaday Group-ka uu madaxweynaha admin-ka ama maamulaha ka yahay oo ay ku midoobeyn Siyaasiyiin badan, waxaana xusid mudan in Sidoo kale Faarax Cabdulqaadir uu halkaas kusoo qoray ereyo qiiro leh oo muujinayo inaysan Soomaaliya hadda u baahneyn Khilaaf.

FG: Waxaan qarinay taleefon lambarada xildhibaanada, si aan u dhowro xuquuqdooda ah in xogtooda gaarka ah iyo taleefonadooda aan bulshada la tusin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo Khudbad ka horjeedin doona Madaxda IGAD (Muxuu ka hadlaa?)

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya uu ka furmo shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaani ayaa waxa uu u dhaxeyn doonaa Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah IGAD, iyadoo looga hadli doono Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kamid ah mas’uuliyiinta shirka ka jeedin doona Khudbada waxa uuna diirada saarayaa Abaarta ka jirta Somalia iyo Qaxootiga Soomaalida ee ku dayacan dalalka qeybta ka ah IGAD.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha IGAD oo ay kamid yihiin:

1-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo marti galiyay.

2-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo)

3-Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni

4-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele

5-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn

6-Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Axmed ”Al-bashiir”

7-Madaxweynaha dalka South Sudan Salva Kiir

8-Xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka.

Shirkaani waxaa diirada lagu saari doonaa Shirkan Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay Khudbad ka horjeedin doona Madaxda IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xog: Imaaraadka Carabta oo ka shaleynaya fashilkii ay u horseeden 3 mas’uul

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wali la mooraal jabsan Guuldaridii ay u horseeden Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh, Ra’isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid iyo Safiirkooda u fadhiyay Somalia Axmed Cusmaan Al Xammadi.

Guuldarida Imaaraadka ay usoo hoyiyeen Seddexdaasi Mas’uul ayaa isugu jira dhinacyo kala duwan waxaana ugu cuslaa tan kasoo gaartay dhinacyada Dhaqaalaha iyo Siyaasada.

FASHILKA KOOWAAD

Fashilka Koowaad ee Imaaraadka ka raacay Somalia ayaa noqday kadib markii 26/4/2016 Safiirkooda Somalia Al-Cusmaan loo dhiibay Hogaaminta Doorashooyinka Somalia oo markii danbe lagu hingoobay.

Al-Cusmaan waxa uu Hogaaminta Doorashada u qaatay soo saarida Shaqsiyaadka ugu miisaanka culus Doorashada waxa uuna maciin biday Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo markaa ahaa Ra’isul wsaaaraha Somalia waxa ayna arrimaha Doorashooyinka isla daadihinayeen muddo hal bil iyo Bar, waxaana arrintaasi si wada jir ah ugu fashilmay Al-Cusmaan iyo Sharmaarke.

Is fahan’waa maalmo qaatay kadib waxaa kala irdhoobay Al-Cusmaan iyo Sharmaarke waxaana waxaana la laalay Cumar C/rashiid oo isagu kasoo bixiwaayay Shuruudaha la hordhigay oo fulinteeda la qorsheeyay inay dhacdo guushiisa Doorashada kadib.

FASHILKA LABAAD

Cumar C/rashiid oo lagu heystay arrimo ay kamid yihiin iibinta Badda Somalia ayaa ka meermeeray haddii uu guuleysto in Imaaraadka uu u fududeeyo Baahiyadooda gaarka ah, balse waxa uu ballanqaaday in miisaan Siyaasadeed ay ku yeelan doonaan Siyaasada Somalia.

Cumar C/rashiid waxa ay Imaaraadku kalsoonida kala laabteen kadib markii uu diiday saxiixa Warqad ay ku hardhan yihiin Qodobo dhowr ah oo fulinteeda ay Halis muuqato galin laheyd xornimada Somalia waxaana kamid ahaa:

1-In Dekada Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde lagu wareejiyo Imaaraadka.

2-In guud ahaan Mashaariicda Turkiga loo weeciyo dhanka Imaaraadka.

3-In Imaaraadka lasiiyo dhul baaxad weyn oo ay ka dhistaan Saldhigyo ay isticmaalan Diyaaradaha dagaalka.

4-In Tabaarada, Tayeynta Ciidamada iyo Qalabeyntooda looga danbeeyo Imaaraadka.

5-In la xiro Saldhiga Millitery ay Turkiga ka dhisaneyso Muqdisho, gaar ahaan eeryada Badda.

Cumar C/rashiid waxa uu si cad u diiday inuu saxiixo qodobada kor ku xusan waxaana sidaa ku kala tagay Dowlada Imaaraadka, gaar ahaan Al-Cusmaan oo xiligaa u xilsaarnaa dardar galinta Doorashada Somalia si ay u dhaqan gasho baahiyahooda Somalia.

FASHILKA SEDDEXAAD

Dowlada Imaaraadka oo ay u muuqatay in Al-Cusmaan uu ku fashilmay xoojinta Siyaasadeeda ayaa Heshiis la furtay Xasan Sheekh Maxamuud oo markaa ahaa Madaxweynaha Somalia, waxa uuna Xasan Sheekh muujiyay suuragalnimada in la dhaqan galiyo Qodobada kor ku xusan.

Xasan Sheekh iyo Imaaraadka ayaa waxaa mar kale ka dhex curtay Khilaaf, kadib markii uu diiday 2 qodob oo kala ah:

1-In Dekada Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde lagu wareejiyo Imaaraadka.

2-In guud ahaan Mashaariicda Turkiga loo weeciyo dhanka Imaaraadka.

Sababta uu Xasan Sheekh u diiday labadaasi qodob ayaa lagu sheegay in Dowlada Turkiga oo heysata Mashaariicdaasi ay dhaqaale xoogan oo dhanka Doorashada ah siineysay, waxaana Heshiiska Xasan Sheekh iyo Turkiga barbar socday dhul aad u weyn oo loo siiyay Hadiyad, iyadoo ay Dowlada Turkiga maslaxad Siyaasadeed u aragtay bixinta dhulkaasi ee dhisan.

Is jiid-jiid iyo Is fahan’waa muddo qaatay kadib waxa uu Xasan Sheekh Dowlada Imaaraadka u ogolaaday haddii uu guuleysto in lagu wareejiyo:

1-Mashaariicda guud ee dalka sida dhismooyinka, wax soo saarka iyo Arrimo kale.

2-In Somalia laga siiyo dhulal aad u weyn oo ay ka sameystaan Ganacsi iyo Beero.

3-In la hoosgeeyo Siyaasada Somalia, isla markaana Dowlada ay ku dhexyeeshaan Xubno inta ay doonaan ah.

4-In Imaaraadka lasiiyo dhul baaxad weyn oo ay ka dhistaan Saldhigyo ay isticmaalan Diyaaradaha dagaalka.

5-In Tabaarada, Tayeynta Ciidamada iyo Qalabeyntooda looga danbeeyo Imaaraadka.

Shakiga uu qabay Xasan Sheekh ayaa ahaa in Dowlada Imaaraadka ay ballanka uga baxdo isla markaana uu waayo Taageeradii uu ka helaayay Dowlada Turkiga oo la rumeysan yahay inay siisay dhaqaale Malaayiin ah.

XILIGA DOORASHADA

Dowlada Imaaraadka wixii ka danbeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta loolanka ku jiray waxa ay garwaaqsatay in Dhaqaalaha iyo Siyaasada ay ku bixisay Ololaha Doorashada uu noqday mid bacaad lagu lisay waxa ayna xaaladu ku noqotay Askari aan Layli dhibownimo soo marin oo loo dallacsiiyey Taliye Sare iyo Madaxa Hoggaaminta Difaaca.

GO’AANKA IMAARAADKA FASHILKA KADIB

Dowlada Imaaraadka waxa ay intaa kadib qaadatay Go’aan ah inay dib ula laabato dhaqaalihii dheeriga ahaa oo ay ugu tallo gashay in lagu bixiyo Xildhibaanadii taageeri lahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aankeeda waxaa intaa xigay in Somalia ay kala baxdo Safiirkeeda Fashilmay Axmed Cusmaan Al Xammadi oo haddii uu sii joogi lahaa Caqabado kala duwan kala kulmi lahaa Dowlada cusub oo uu kasoo horjeeday.

Si kastaba ha ahaatee, 06/03/2017 Warbaahinta Soomaalida ayaa baahisay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Warqad Dacwad ah u gudbiyay Dowlada Imaaraadka taa oo ka dhan aheyd Danjire Axmed Cusmaan Al Xammadi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ololihii wasiirada kalsoonida loogu raadinayey oo waji kale yeeshay iyo Kheyre oo arrin cusub keenay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo olole weyn oo codka kalsoonida loogu raadinayo golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Haddaba Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay qaab cusub oo uu wasiiradiisa codka kalsoonida ugu raadinayey isagoo farriin adag u diray dhammaan wasiiradii lasoo magcaabay, wuxuuna u sheegay qaab cusub oo la sameenayo.

Kheyre ayaa wasiirada u sheegay inay ka shaqeeyaan  shaqsi shaqsi inay codka kalsoonida uga raadsanaa baarlamaanka Soomaaliya, wuxuna tusaale u soo qaatay markii la magacaabay inuu dadaal adag u galay sidii uu codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka taasoo keentay inuu helo dhammaan codadka Xildhibaanadii soo xaadiray kulankaas lagu ansixinayey Magacaabistii Kheyre.

Kheyre ayaa kula dardaarmay wasiirada cusub inay dhexda u xirtaan sidii aan loogu fashilmi laheyn baarlamaanka hortooda si looga hortago in wasiiradaan la laalo midaas oo keeni karto in wasiirada qaar ay meesha ka baxaan ama dhammaantood.

Wasiirada ayaa ballan qaaday inay dadaalkooda ugu dambeeyo ku bixin doonaan sidii uu mid kasta u keeni lahaa xildhibaano badan si ay u helaan codad badan maadaama ay jiraan mucaarad badan oo ku kacsan.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo qorshooyin badan oo looga soo horjeedo wasiirada cusub lamana qiyaasi karo sida farrintaan cusub ee uu Kheyre u diray wasiirada wax uga badali karto mucaaradkaan xoogga badan ee laga dareemayo Hoteelada Muqdisho.

Haddii uu Kheyre ku fashilmo cod u helida wasiiradiisa cusub, waxay midaas keeni doontaa inuu Kheyre mar kale soo magacaabo wasiiro cusub waxaana markaas la filayaa inay meesha ka baxaan dhammaan Xildhibaanada kasoo muuqday wasiirada, iyadoo la ogyahay in mucaaradka ugu badan ee Kheyre heysto ay sabab u tahay Xildhibaanada uu wasiirada kusoo daray maadaama ay kaceyn Xildhibaanadii meesha iska waayey iyagoo door bidayo in meesha laga wada baxo maadaama aysan macquul aheyn in meesha laga soo wada muuqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano shirar iska soo horjeeda ku qaadanaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-  Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxaa ka socda kullamo kala duwan oo u dhexeeya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia kuwaa oo ka arinsanaaya Xukuumada Cusub ee Somalia.

Kullamada oo ka socda Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kala wada Xildhibaano kasoo horjeeda Xukuumada iyo kuwa taabacsan, waxaana kulamada lagu abuurayaa go’aan lagu diidaayo Xukuumada cusub.

Xildhibaanada qaar ayaa kulamada ka dhex muujinaaya go’aano ah inaan la ansixin Xukuumada cusub bacdamaa Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ay ballanka uga baxeen Xildhibaano ka shaqeeyay guushooda.

Xildhibaanada diidmada ka muujinaaya in la ansixiyo Golaha Wasiirada ayaa badi ka tirsan Xisbiga Daljir, waxa ayna xiligaani aad uga soo horjeedan Hanaanka lagu dhisay Golaha.

Xildhibaanada kale ayaa iyaguna muujinaaya inaan la hor istaagin Golaha Wasiirada isla markaana la meelmariyo, si ay usii wado howlaha qabyada u ah Dowlada Somalia Somalia.

Xildhibaanadaani oo badi xilal ka helay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa ku doodaaya inay mudan tahay in la dardar galiyo howlaha Dowlada isla markaana aan la hor istaagin Xukuumada Somalia.

Dhinaca kale, waxaa leys weydinayaa in Golaha Wasiirada ay mari doonaan Xildhibaanada iyo inay la kumi doonaan Caqabado ku aadan meelmarintooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]