25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Kulan lagu maja-xaabinayo Jawaari oo ka socda xarunta Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kullamo kala duwan oo u dhexeeya Ra’isul wasaare Kheyre iyo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Kullamada socda ayaa la soo warinayaa inay yihiin kuwo salka ku haya sida lagu kala badbaadin lahaa Golaha Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada uu horboodaayo Guddoomiye Jawaari.

Kullamada caawa ka socda Villa Somalia ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ka qeybqaadanayaan ilaa 47 Xildhibaan oo miisaan ku dhex leh Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanadaani iyo kuwo kale ayaa la safan Ra’isul wasaare Kheyre waxa ayna ku doodayaan in Masiirka Umadda Soomaaliyeed aanu u xanibmi doonin shaqsiyaad is biirsaday.

Kheyre iyo Xildhibaanada ku shirsan Villa Somalia ayaa kullankooda Caawa ku dajinaaya qorsho lagu badbaadin doono Golaha Wasiirada ee lagu soo xulay rabitaanka Beelaha iyo Karti.

Kullamada ka socda Villa Somalia ayaa waxaa sidoo kale ku biiraaya Xildhibaano hor leh kuwaa oo garab u ah Ra’isul wasaare Kheyre.

Guddoomiyaha baarlamaanka,Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay qoraal uu u diray Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuuna ugu baaqay in uu dib u eegis ku sameeyo gollihiisa wasiirada ka hor inta aan la hor keenin baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka jira in Ceynte loo wado safiirka Kenya mise ogtahay inay arintaasi ka hor imaan doonta hanaanka 4.5 ?

Muqdisho (Caasimada Online ) – Dowladda xididka ah ee madaxweyne Farmaajo ayaa qaab ahaan sii xumaaneysa iyadoo laga cabsi qabo in naas nuujin beeleedku uu sii xoogeysto.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre iney doonyaan in C/raxmaan Yuusuf Ceynte laga dhigo safiirka cusub ee Somalia u farisan doona wadanka Kenya.

Jamaal Xasan oo booskaan joogay ayaa ku biiray golaha wasiirada cusub ee Somalia halka Cabdi Ceynte oo wasiiradii hore ka mid ahaa uu hada noqday mid ka mid ah gacan yarayaasha Farmaajo.

Ilo muhiim ah ayaa sheegay in Farmaajo uu kala hadlay madaxweyne Uhuru Kenyatta arinta magacaabista C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo ay qaraabo yihiin Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa la sheegaya in arintaan aad loo kar karinaayo oo ay xitaa kulug leedahay xaaska madaxweyne Farmaajo.

Dood badan ayaa la filaya iney arintaan ka keento beesha Daarood , Shaqsiyaad lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in aaney aqbali doonin in Hawiye wada qaato labada safaaradood ee Kenya iyo Itoobiya oo ay dano badan oo siyaasadeed kala dhaxeyso Somalia.

Beesha Hawiye ayaa heysata safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Itoobiya , sidoo kale arintaan waxaa la filaya iney muran ka dhex dhaliso habka awood qeybsiga ee beesha Hawiye.

Hal nin oo haddii lagu soo daro wasiirada cusub uu Jawaari joojin doono diidmada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ayaa wado ololihii ugu weynaa oo uu ku doonayo in lagu kansalo golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Jawaari ayaa abuuray Xildhibaano badan oo ku kacsan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya kadib markii ay sheegeyn inuusan marin wadadii saxda aheyd ee lagu magacaabayey wasiirada isla markaasna waxay ku eedeeyeen inuusan u qeybin habka 4.5.

Haddaba Caasimada Online ayaa heshay xog xaqiiq ah oo muujineyso inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ku qanci doono wasiirada Kheyre haddii loo sameeyo hal arrin.

Jawaari ayaa ka hor inta aan la magacaabo golaha wasiirada ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kheyre inay liiska wasiirada ugu daraan hal shaqsi oo uu isaga wato balse midaas way iska indha tireyn iyagoo aan ku baraarugsaneyn awoodda uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku leeyahay Xildhibaanada dhexdooda midaas oo ay hadda arkayaan.

Jawaari ayaa ka codsaday labadaan Mas’uul inay Maxamed Aadan Fargeeti ku daraan golaha wasiirada isla markaasna la siiyo midkood wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ah laba wasaaradood oo aad muhiim u ah.

Balse arrintaas waxaa diiday madaxweynaha iyo Kheyre wuxuuna shir gaar ah oo ay yeesheen kusoo dhamaaday guuldaro kadib markii jawaari loo sheegay inaan ninkaas lagu soo dari karin wasiirada.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa sidaas kusoo magacaabay wasiiro uusan ku jirin Fargeeti oo uu watay Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo keentay inuu Jawaari bilaabo ololo aad u weyn oo uu ugasoo horjeedo in la ansixiyo wasiirada.

Jawaari ayaa 25 March 2017 Ra’isulwasaaraha Soomaaliya u diray waraaq digniin ah oo uu ugu sheegayo inuu ka fiirsado wasiirada cusub ama haddii kale uu guuldaro xanuun badan kala kulmi doono XIldhibaanada Soomaliya.

Haddaba dadka ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in haddii Jawaari loo sameeyo codsigiisa isla markaasna wasiir laga digo Fargeeto ay midaas keeni karto inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka joojiyo mucaaradnimda uu hadda wado sidaas ay macquul ku noqon karto in wasiirada la ansixiyo maadaama uu isaga awood buuxda ku leh leeyahay Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo hal arrin darteed u billaabay inuu wada-hadal la galo madaxda maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay meel xun mareyso xaaladda wasiirada cusub ee lasoo magacaabay ayuu Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre bilaabay ololo cusub oo waji kale leh si uu codka Kalsoonida ugu helo Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay inuu wadahadal la furo madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya si uu ugala hadlo arrimo ku aadan wasiirada cusub iyo qaabkii uu uga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan.

Caasimadda Online ayaa ogaatay inuu Ra;isulwasaaraha Soomaaliya wadahadal la furay ilaa hadda madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh.

Kheyre ayaa labadaan Mas’uul kala hadlay sidii ay uga caawin lahaayeen kalsooni u helidda goalaha wasiirada oo ay mucaaraden inta badan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ka dhawaajiyey inaysan ansixin doono wasiiradaan.

Wuxuu labadaan Mas’uul ka dalbaday inay si weyn uga shaqeeyaan sidii Xildhibaanada u matala Puntland iyo Koonfur Galbeed looga dhaadhacsiin lahaa inay taageeraan wasiirada, iyadoo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu badan ee kasoo horjeedo wasiirada.

Ilaa hadda lama xaqiijin haddii ay labada madaxweyne aqbaleyn codsiga uu usoo jeediyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhexda ka galay siyaasad muran badan ka dhalatay kadib markii ay beelaha Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta xisbiyada ku jiro ku qanci waayeen.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa qorsheenayo inuu xiriiro noocaan camal ah la sameeyo madaxwenaha Jubbland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble iyo madax ka tirsan Galmudug si uu iyagana uga codsado inay garabkiisa istaagaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waraaq u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya isagoo u sheegay inuu ka fiirsado wasiirada uu soo magacaabay maadaama ay jiraan Xildibaano badan oo ka hor yimaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arrin cusub: AMISOM oo laga megay Ari ay ku jiireen Muqdisho!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaadiid dagaal oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa maanta jiiray laba neef, xili ay marayeen agagaarka Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani ayaa la sheegay inay ka tirsanaayen AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Dalka Nigeria.

Ciidamadaani ayaa la socday laba Gaari nooca dagaalka ah, waxaana falka kadib qabtay Ciidamada Booliska qeybta Gaafmeet 5 oo ka tirsan Booliska Qaranka oo xiligaa ku sugnaa goobta.

Taliyaha Hogaanka Nabadgalyada Waddooyinka S/Guuto Cabdinaasir Macalin Maxamed, ayaa sheegay in la xiray Ciidamada falka geystay iyo labada gaari oo ay wateen waxa uuna sheegay in falka noocaani ah uu yahay mid soo laalaabtay.

Taliyaha ayaa sheegay in Saldhiga ay soo gaaren qoyskii lahaa labada neef ee Ari-ga ahaa waxa uuna tilmaamay inay dalbadeen in lasiiyo dhaqaalaha labada neef.

Taliyaha waxa uu sheegay in labada Ari midkood uu ahaa Irmaan, waxa uuna cadeeyay in qoyska ay ku adkeysteen in Ciidamada AMISOM looga qaado lacag mag ah.

Waxa uu tilmaamay in qiimaha labada neef ay qoyskii lahaa ku sheegen inay tahay $200 oo dollar, isagoo intaa ku daray inay bixiyeen lacagtaasi kadib markii Ciidamada falka geystay ay dhameystiri waayen lacagtii looga baahnaa.

Sidoo kale, Taliyaha waxa uu xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM ay keeneen $150 dollar, isagana uu ku daray $50 dollar ee harsanaa.

”AMISOM waxa ay caadeysatay falalka lagu jiiraayo dadka, xoolaha iyo Gaadiidka shacabka, waxaan ku baaqeynaa in gacanta lagu dhigo gaadiidka AMISOM ee falkaasi geysta”

Geesta kale, falkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Ciidamada AMISOM ay xasuuq u geysteen boqolaal shacab iyo gaadiid aad u farabadan oo dusha sare ay ka mareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

8 qodob oo yaab leh oo ay xildhibaannada BF ku diiddan yihiin xukuumadda Khayre

Xildhibaanno 105 ah oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sabtidii cabasho ka gudbiyay xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Khayre, kooxdan oo  diidan qaab dhismeedka xukuumadda la magacaabay ayaa mooshin u gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

In kasta oo ay aheyd in guddoomiyaha golaha shacabka uu dood ka furo cabashada Xildhibaannada, isla markaana la ogaado sababta xildhibaan walbo oo 105-taasi ka tirsan uu u diidan yahay xukuumadda la magacaabay hadana taasi ma dhicin, oo Jawaari waxaa uu warqad u boobsiiyay ra’isul wasaare Kharye isaga oo u sheegay cabashada ka taallo golaha shacabka, kulana taliyay in uu is badal sameeyo.

Hadaba Xildhibaannada qaar ayaan weydiinnay sababta ay ku diiddan yihiin xukuumadda la magacabay ee Xasan Kharye, iyaga oo aan dooneyn in magacyadooda la xuso ayaa nooga warramay sababta ku kalliftay in ay cabasho gudbiyaan, arrinta la yaabka leh, Xildhibaannada cabashada gudbiyay kama sinna sababaha ay ku diidan yihiin xukuumadda Khayre, waxaa kulmiyay oo keliya hadafka ah in xukuumadda isbadal lagu sameeyo.

Hadaba, 8-ddan Qodob, Waxaan Ku Soo Koobnay Sababaha Ay Xildhibaannada Ku Diidan Yihiin Xukuumadda Xasan Khayre:

(1): Maamul Goboleedyo Ayaa Xukuumadda Keenay: Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in liiska wasiirrada cusub lagala tashtay maamul goboleedyada dalka, oo weliba u badan yihiin magacyo ay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada raalli ka yihiin, lana soo shaqeeyay, oo lagu yaqaano in ay daacad u yihiin dadkaasi, Xildhibaanno ayaa arka in wasiirka uu yahay mid qaran, oo la doonayo in uu ka madax-bannaanaado maamul goboleedka.

(2): Xildhibaanno Ayaa Lagu Soo Daray: Qaar ka tirsan xildhibaannada cabashada keenay, waxaa ay ku doodayaan in ay qalad aheyd in Xildhibaanno lagu soo daro xukuumadda cusub, in kasta oo ay og yihiin in arrintaasi ay dastuuri tahay oo ra’isul wasaaraha meeshii rabo uu ka keeni karo, haddana waxaa ay ku adkeysanayaan in xukuumadda laga keeno dibadda golaha shacabka.

(3): 4.5 Ayaa Meel Looga Dhacay: Xildhibaannada qaar, waxaa ay leeyihiin waxaa meel looga dhacay nidaamka 4.5-ka iyo sida beelaha wax loogu qeybiyo wasaaradaha, sida beelo qaar oo laga wareejiyay wasaarrado lagu yaqaaney 16-kii sano ee ugu dambeysay. Arrintan 4.5-ka waa heshiis bulsho oo aan qorneen oo Soomaaliya lagu maamulayey wixii ka dambeeyay shirkii Carte 2000.

(4): Wasiirkan Nooma Qalmo: Xildhibaannada qaar, waxaa ay cabasho ka qabaan in wasiirka la siiyay aaney beeshooda u qalmin, iyaga oo doonaya in isbadal haddii uu dhaco la siiyo wasiir qiimo badan oo lagu faani karo, lagana helaayo anfacaad.

(5): Lama Dhisin Xukuumad Technoracy Ah: Xildhibaanno aqoon leh oo ku jira golaha shacabka waxaa ay ku doodayaan in xukuumadda la magacaabay ay towfiiq la’aan tahay, iyaga oo tusaale u soo qaadanaya in wasiirrada qaar loo dhiiban shaqo aan shaqadooda aheyn, waxaa ay kuu sheegayaan in wasiir hebel oo weriye ahaa aanan loo dhiibin warfaafinta, wasiir kale oo xoolaha ku taqasuyay  la marin habaabiyay oo isku dhex yaac ka jiro, iyaga oo soo jeedinaya in wasiir walbo loo dhiibo shaqo uu yaqaanno oo uu ku taqasusay, kuna soo bixi karo.

(6): Qaarkood Aqoon Ma Leh: Xildhibaanno aan la hadalnay waxaa ay ku leeyihiin ra’isul wasaaraha waxaa uu sheegay in uu dhisay xukuumadda aqoon-yahanno ah, laakin waxaa xukuumadda cusub waxaa ku jira dad aan heysan waxbarasho dusgi sare iyo qaar Yurub shaqooyin hoose ka hayey.

(7): Maxaa Gabdhaha Loogu Badiyay Beesha 5aad: Xildhibaanno beesha 5naad oo ah oo aan la hadalay waxaa ay sheegayaan in ay cabasho ka qabaan sababta shan(5) wasiir oo gabdho ah oo uu magacaabay ra’isul wasaare Khayre ay 3 ka mid ah ka soo jeedaan beesha 5naad.

(8): Wasiirradan Beesha Taageero Kama Heystaan:  Qaar ka tirsan xildhibaannada waxaa ay sheegayaan in wasiirka la magacaabay aaney taageero ka heysan beesha ay ka dhasheen, arrintaas oo laga sheegay ra’isul wasaare Khayre hortiisa kadib markii uu si wada jir ah ula kulmay wasiirrada iyo xildhibaannada golaha shacabka.

W/Q:  Cabdi Caziz Gurbiye

Arag sawir qosol badan: Jawaari oo isbaaro u dhigtay Kheyre iyo wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay faraha kasii baxeyso Colaad Siyaasadeedka u dhexeeya Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa arrinkaasi lagu cabiray Sawir gacmeed ka turjumaaya xaallada dhabta ah.

Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu cabiray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isbaaro u dhigtay Gaadiid lagu soo raray Wasiirada Xukuumada cusub ee Somalia.

Sawir gacmeedka ayaa waxaa lagu dul hardhay erayo kooban oo micno leh waxaana kamid ahaa ”Waxba igama galin xaalada ay ku jiraan dadka waxaan wataa laba Wasiir haddii aan waayo gaw iyo gash ma leh”

Waxaa sidoo kale lagu soo qaatay Sawirka Ra’isul wasaare Kheyre oo hogaaminaaya Golaha Wasiirada si loo meelmariyo.

Kheyre ayaa isna Sawirkiisa lagu hardhay erayo ah ”Mudane dadka aan bad baadino xaalad xun ayay ku jiraan iska daay qabyaalada”.

Sawirkaani xikmadeysan waxa uu ka turjumayaa Colaad Siyaasadeedka u dhexeeya Kheyre iyo Jawaari.

Aqalka sare ee Somalia oo soo faro-geliyey khilaafka ka taagan ansixinta golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socdo ololaha codka ansixinta iyo mid diidamada loogu raadinayo golaha wasiirada cusub iyadoo koox kasta ay kulamo gaar gaar ah la yeelaneyso kooxda ay howsha isla wadaan.

Haddaba waxaa markaan arintan ku aadan Khilaafka golaha wasiirada soo faragleiyey aqalka sare ee Soomaaliya oo ka hadlay sida looga gudbi karo xaaladda hadda geysato Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa jeediyey in xal waaro laga gaaro ansixinta golaha wasiirada, isagll dalbaday in la damiyo khilaafka iyo koox kooxeysiga lana fiiriyo danta umadda Soomaaliya

Wuxuu ku baaqay in xukuumadda cusub la siiyo fursad ay ku shaqeyso markaas kadib lala xisaabtamo haddii ay wax soo kordhin weysana markaas xilka laga qaado maadaama uu hadda dalku marayo xaalad adag oo bini’aadanimo.

Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in ay tahay wax laga fiican yahay diidmada laga horkeenayo xukuumadda la magacaabay iyadoo aan la arag wax qabadkeeda, loona baahan yahay in waqti iyo ansixin la siiyo wasiirada.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli ay wasiirada cusub ka taagan tahay xaalad halis ah oo ku socoto in wasiirada cusub lala noqdo amar loo diido codka kalsoonida, waxaana arrintaan inteeda badan wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

21-kii Bishaan ayaa lasoo magacaabaa 68 Wasiir kuwaasi oo la sheegay in durba ay wajaheen Culeys Siyaasadeed oo lagu diidan yahay ah.

Beelaha qaar ayaa waxa la sheegay inay iyaguna ka hor yimaadeen hab qeybsiga Qabaa’ilada loo siiyey Wasaaradaha Xukuumada ayna ku qancin sida Xasan Cali Kheyre wax ku bixiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Shariif Xasan oo war culus kasoo saaray golaha wasiirada cusub

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in deg deg loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo xildhibaano badan ay kasoo horjeesteen.

Shariif Xasan ayaa hadalkan maanta ka sheegay kulan dadweyne oo dadweynaha maamulka Koonfur Galbeed ay kula xisaabtamayeen dowladda, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar xooggan oo dad iyo duunyaba laysay, loona baahan yahay dowlad wax ka qabata, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in iminka la mucaarado dowladda cusub.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Golaha wasiirada cusub ayaa waxaa kasoo horjeeda xildhibaano kor u dhaafaya boqol, oo uu hormuud u yahay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu ka carreysan yahay in saaxiibadiisa aysan wasiiro helin, ayada oo wasiirada Digil iyo Mirifle badankood ay yihiin kuwo ku xiran Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana muuqda loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya labada nin.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in iminka uu wado olole uu xildhibaanada beeshiisa ee raacsan Jawaari ku kala furfurayo, si ay codka kalsoonida u siiyaan xukuumadda.

Goor si horeysay ayey Caasimada Online qortay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la xiriiray Shariif Xasan, kana codsaday inuu xildhibaanada maamulkiisa la hadlo.

halkaan dhageyso codka Shariif Xasan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano feel ugu jira hoyga Jawaari (Maxaa hadda ka socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Hooyga uu Villa Somalia ka degan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegaya in halkaasi ay iminka ku sugan yihiin Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaanada ku sugan Hooyga Jawaari ayaa la sheegay in halkaasi uu ku balamiyay Gud. Jawaari, waxaana lagala hadli doonaa arrinta ku xeeran Mooshinka ka dhanka ah Wasiirada.

Jawaari ayaa xildhibaanada kala hadli doona 2 arrin oo la sheegay inay kala yihiin:

1-Inaan lagu raali noqon Wasiirada lagu soo dhisay waxa uu ugu yeeray hoos iska taabatka, isagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwo aan sharci ahaan waxba ka jirin.

2-In isbedel lagu sameeyo 4 Wasaaradood oo uu sheegay in lagu qanciyay reero gaara oo aan u laheyn xuquuq.

Jawaari ayaa Xildhibaanadaani u ballamiyay in maanta ay mowqif cad ka qaatan Wasiirada la sheegay inaan la waafajin waxa uu qabo sharciga dalka.

Jawaari ayaa kulminta Xildhibaanada u kala qeybiyay laba garab, waxaana garabka labaad uu la kulmi doonaa Caawa.

Sidoo kale, kullanka Jawaari iyo Xildhibaanada ayaa waxaa barbar socda diiwaan galinta Xildhibaano hor leh oo aan kamid aheyn Liiska Xildhibaanada uu soo gudbiyay Jawaari.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa wada ololihiisa ugu danbeeyay waxaana suuragal ah in gudaha Asbuucaani mar kale lasoo bandhigo liiska iyo saxiixa Mooshin wadayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-waran: Puntland oo Ethiopia u fududeyneysa carqaladeynta dowladda Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Dowlada Ethiopia u horseedaya faragalinta ay ku heyso arrimaha Somalia, kadib kulan khaas ah oo magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas.

Safarkii ugu danbeeyay ee Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ku gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid salka ku haya Faragalin toos oo lagu sameeyo Arrimaha Somalia.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn , ayaa Puntland ku qanciyay Hub, Agab milliteri iyo in loo sameyn doono Mashaariic loo arko in waxtar ay u leedahay Puntland, waxa uuna Heshiiskaani iyo qancinta C/wali Gaas qeyb ka yahay fududeynta fargalainta Ethiopia.

Heshiiska ayaa waxaan waxba ka ogeyn dowladda federaalka ee Soomaaliya, waana qeyb ka mid ah dadaalka Ethiopia ee ku aadan inay qaska Soomaaliya u adeegsato maamul goboleedyada hoos-taga.

Gaas waxaa sidoo kale lagu abaalmariyay Dhaqaale xoogan oo lagu dhiiri galinaayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ethiopia ay ka danbeysay Heshiiska Dowlada Imaaraadka loogu wareejinaayo Dekadda Boosaaso.

Dowlada Ethiopia oo uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa Gabaad ka dhigan doonta Puntland waxa uuna qorshuhu yahay in Ethiopia ay si toosa u maamulato Deegaanada hoostaga Puntland, iyadoo halkaa ku leh Sirdoon ka diiwaan gishan maamulka Puntland.

Dadaalada ay Ethiopia ugu jirto kasbashada Puntland ayaa waxaa kamid ah in gudaha Puntland ay ka hirgaliso laba mashruuc oo hirgali doona bisha May ee sanadkan.

Mashruuca koowaad ayaa ah in Puntland loo dhisaayo Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, halka Mashruuca labaad uu yahay in la dhisaayo waddo laami ah oo isku xireysa Garoowe iyo Eyl, waana mashaariicdii ugu horeysay oo Ethiopia ay ka fuliso gudaha Somalia, waxaana laga damacsan yahay Mashaariicdaasi sida Ethiopia iyo Puntland ay u cuuryaamin lahaayen DFS.

Puntland ayaa dhinacyada Siyaasada iyo Sirdoonkaba kala shaqeysa Dowlada Ethiopia oo la rumeysan yahay inay tahay Dowlada koowaad oo cadow ku ah Hanaqaadka Somalia, waxa ayna tani xoojineysaa faragalinta ay Dowladaasi shisheeye ku heyso Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaan ku baraarug saneyn is kaashiga cusub ee ka dhex curtay Dowlada Ethiopia iyo Maamulka Puntland oo fududeynaaya dhabar jabinta Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xildhibaanada BF oo ku kala jabay golaha wasiirada iyo xildhibaano is muujiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan BFS ayaa ku kala jabay taageerida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu dhawaan magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre.

Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Golaha BFS ayaa sheegay inaanu jirin Xukuumad u dhigmeysa tan uu magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre.

Xil. Abdishakuur Mire, waxa uu sheegay inaanu waxba tareynin mucaaradka Xukuumada cusub waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin magacaabida.

Waxa uu sheegay in aragti ahaan uu qabo in xukuumadan hada la dhisay ay tahay midii ugu saxneyd ee la dhiso marka dhinac walba loo firiyo, waxa uuna carab dhabay in dhammaan beelaha laga simay dhanka awood qeybsiga.

Abdishakuur Mire oo ka jawaabayay qoraalki Jawaari u diray Ra´isal wasaare Kheyre ayaa sheegay in Jawaari uu wato aragti isaga uu leeyahay balse aysan aheyn sharci sida uu hadalka u yiri xildhibaanka .

Xildhibaanka oo ka mid ah xildhibaanada ka horyimid talo soo jeedinta iyo in lagu laabto dhismaha golaha ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano kallo badan ay ka soo horjeedaan, isla markaana ay meelmarin doonaan Xukuumada cusub.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Xildhibaanada BFS ee sida ba’an kaga soo horjeeda Xukuumada cusub ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda dib loogu laabto dhismaheeda.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar, waxa uu cadeeyay inaan la aqbali doonin inay shaqeyso Xukuumada cusub, waxa uuna ku tilmaamay mid aan xaq aheyn.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu soo magacaabay Wasiiro hareermarsan Awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Mudanayaasha kasoo horjeeda Wasiirada cusub badankood waxa ay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshe ka dhan ah Jawaari iyo xildhibaanada taabacsan oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan DFS ay wadaan abaabulka Banaanbaxyo looga soo horjeedo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ee dacwada ka keenay Xukuumada cusub.

Abaabulka Banaanbaxa ayaa waxaa qeyb ka ah Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in lagu diidan yahay faragalinta Gud. Jawaari uu ku hayo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Banaanbaxa ayaa waxaa loo diyaarinayaa shacab aad u farabadan oo kamid ah Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo muujin doona diidmadooda ku aadan faragalinta lagu hayo Xukuumada Kheyre.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka ee wada Mooshinka ka dhanka ah xukumada cusub ayaa sheegay in la abaabulayo banaanbaxyo la’isaga horkeenayo shacabka iyo baarlamaanka.

Xil. Dhaqtar waxaa uu shegay in 105 Xildhibaan oo ka tirsan BFS ay ka mideysan yihiin arinta Mooshinka ka dhanka ah xukuumada cusub, oo uu tilmaamay in loo soo magacaabay xukuumada qaab aan waafaqsaneen aragtida awood qeybsiga.

Geesta kale, waxa uu Xildhibaanka ka digay in DFS ay isticmaasho awooda Shacabka, waxa uuna ku baaqay in la dadajiyo isbedel ku sameynta Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Taliyaha Ilaalada Villa Somalia oo xilka laga xayuubiyay iyo taliye cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada ayaa waxaa loo magacaabay Col. Axmed Maxamed Afcadey oo horay u ahaa Taliyihii Madaxtooyada, xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ilaalada Villa Somalia ayaa ka tirsan Ciidamada Milliteriga, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Koofi casta, ee sida gaarka ah u ilaaliya Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Guddoomiyaha BFS iyo Xarunta Villa Somalia.

Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo ah Taliyaha xilka laga qaaday ayaa mar sii horeysay soo noqday Madaxa Paratocol-ka Madaxweynihii hore, waa nin ay aad isugu dhowaayeen Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa xil ka qaadis iyo magacaabid bilaabay tan iyo markii uu la wareegay xilka, waxaana wali socda isbedelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada garabka Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyey mooshinka Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Xil. Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga hadlay go’aanka Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ay ku qaadaceen meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Mahad Salaad oo kamid ah Garabka Xildhibaanada taabacsan Xasan Sheekh ee ka garab dheelaaya Farmaajo iyo Kheyre ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in shaqsiyaad dartooda loo caqabadeeyo Wasiirada cusub.

Mahad waxa uu sheegay in Guddoonka BF iyo Xildhibaanada ay dusha saaran doonaan mas’uuliyada wixii ka dhacay is hortaaga Wasiirada.

Xil. Mahad Salaad waxa uu Guddoonka iyo Xildhibaanada BFS ugu baaqay inaanu degdegin oo ay ka fiirsadaan talaabooyinka ay qaadayaan, waxa uuna ku taliyay in marka hore fursad lasiiyo Wasiirada.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo inaanu sabab u noqon dhibaato ku imaada dalka, isla markaana looga baahan yahay inay meelmariyaan Golaha.

Isagoo arrintaani ka hadlaayay ayuu yiri ”BFS waxaa ka codsanayaa inuu meel mariyo Xukuumaddan, oo uusan noqon mid diida, hadii ay taas dhacdo waxaa uu Baarlamanaka dusha saaranayaa fashilka ku yimaada dowladdaan”

”Waxaan kamid ahay Xildhibaanada aaminsan in la meelmariyo Wasiirada, waayo maba garanaayo sabab aan kaga soo horjeesto waayo ma aanan arag howshooda”

Dhinaca kale, Xildhibaanada BFS ayaa waxaa ololo lagu ansixinaayo Golaha Wasiirada ka dhex wada Xildhibaanada uu soo saaray Xasan Sheekh oo gaaraya 90 Xildhibaan kuwaa oo Heshiis la galay Farmaajo iyo Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Isbaheysiga xisbiyada oo war aan la fileyn kasoo saaray golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan khaasa oo ay isugu yimaadeen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasaddeed ee Somalia oo ay ku mideysan yihiin Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku kooban xasarada ka dhalatay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Dhinacyada kullanka isugu yimaaday ayaa soo jeediyay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu dib ugu laabto magacaabida Golaha Wasiirada.

Waxa ay sheegen in Wasiirada la magacaabay aysan aheyn kuwii ay sugayeen shacabka.

Waxa ay sheegen in dhismaha Golaha Wasiirada aan lagu jaangoyn hanaanka saami qeybsiga beelaha, isla markaana aanay Xukuumaddan ku imaan talo wadaag iyo tixgelin rabitaanka shacabka.

HOOS KA AKHRISO

Xog: Beelahee kasoo jeedaan xildhibaanada ugu badan ee kasoo horjeedo ansixinta wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo ololihii ugu weynaa ee looga soo horjeedo ansixinta Golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna hadda xaaladda mareysaa meel aad u xun oo laga yaabo in dib loogu laabto wasiirada.

Haddaba waxaa ilaa hadda la hubaai nay 135 Xildhibaan si rasmi ah uga soo horjeesteen wasiirada la magacaabay, waxaana idiin heynaa xildhibaanada ugu badan ee kasoo horjeedo maamul Goboleedka ay kasoo jeedaan.

Sida xogta aan ku heleyno Maamulka Koonfur Galbeed ayey kasoo jeedaan Xldhibaanada ugu badan ee kasoo horjeedo ansixinta golaha wasiirada cusub, waxaana la sheegayaa inuu arrintaas ka dambeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari ayaa la sheegay inay madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha u diideyn in liiska wasiirada loogu daro Fargeeto oo uu la doonayey in laga dhigo wasiirka Maaliyadda ama Wsiirka Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa kusoo xigo Xildhibaanada kasoo jeedo Maamulka Puntland oo ah xildhibaano dhawr ah, waxaana ka go’an sidii loo ridi lahaa wasiirada cusub haddii la horkeeno Baarlamaanka.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaxa aamin in gadoodkaan ay sameeyeen Xildhibaanada Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland ay ugu wacan tahay maadama ay qaadan waayeen in Beesha Hawiye la siiyo ilaa 6 Xildhibaan halka beelaha kale la siiyey 5 wasiir.

Waxay tilmaameyn inaan fasiraad dhab ah loo heyn sababta keentay in Beesha Hawiye la siiyo wasiir dheeri, taasina aysan macquul aheyn, waxayna ku baaqeyn xildhibaanadaas in wasiirada la waafajiyo habka 4.5 oo ay Soomaalida wax ku qeybsato hadda.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa go’aan cad oo ku aadan wasiirada uu soo magacaabay maadaama uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ugu baaqay inuu isbadal ku sameeyo, isagoo xusay inay soo gaareyn cabasho aad u badan oo ka timaaday Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ku maqan Safar xagga Nairobi ah isagoo ka qeybgalayo shirka Nairobi uga furmay madaxda IGAD kaasoo looga hadlayo arrimaha xaqootiga, waxaana la filayaa inu si deg deg ah kusoo gaaro Muqdisho maadaama uu dhamaaday shirkaas.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu soo farageliyo arrintaas isla markaasna uu kulan la qaato Ra’isulwasaaraha Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka si looga wadahadlo sidii looga gdubi lahaa xaalad adag ee soo wajahday wasiirada la magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo la siiyey 3-da wasaaradood ee go’aamin kara mustaqbalka Somaliya iyo halista ka dhalan karta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Liiska golaha wasiirada ee uu Ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu arkay arrin aysan dadka intooda badan ku baraarugsaneyn oo ah in maamul Goboleedka Puntland la siiyey seddex wasaaradood oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya taasoo ay ka dhallan karaa dhibaatooyin badan.

Seddexda wasaaradood ee Puntlad la siiyey ayaa waxay kala yihiin:

1 – Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo dib u heshiisnta oo loo dhiibay Cabdi Faarax Juxa, oo kasoo jeeda Ciise Maxamuud

2 – Wasaaradda Dastuurka waxaa la siiyey Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, oo beesha Leelkase u dhashay.

3- Wasaaradda Qorsheynta qaranka oo loo dhiibay waxa la siiyey Jmaal Maxamed Xasan oo Warsangeli Daarood ah.

Haddaba seddexdaas wasaaradood ee la siiyey Puntland waxaa hoos imaanaya:

–  Arrimaha Federaalka, oo wasaaradda arrimaha gudaha ay maamuli doonto.

– Tira koobka Shacabka, oo ay qaabilsan tahay wasaaradda qorsheynta.

– Dastuurka, oo wasaaradda dastuurka ay mas’uul ka tahay.

Dad badan oo ka faaloo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo halka ay ku dambeyn doonto ayaa ka dooday isla markaasna soo bandhigay halis weyn oo arrintaas ka dhallan karto, waxayna fikirkooda lasoo wadaageyn Caasimadda Online iyagoo soo jeediyey dhawr halis oo arrintaan ka imaan karto oo ay kamid yihiin kuwa soo socdo:

  • Waxaa ka dhallan karto in lasoo saaro tiro koob u eexan karo maamulka Puntland maadaama ay horey u qaadacday tiroboobkii ay horey u sameysay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud/
  • Maamulka Puntland ayaa laga warqabaa inay dhawr jeer si weyn uga soo horjeesteen dastuurka Soomaaliya isla markaasna ay qaadaceyn qodobo badan oo ku jiro, arrintaana waxay keeni kartaa in dastuurka uu u janjeersamo dhanka Puntland isla markaasna ay ku qoraan waxa ay ku qanacsan yihiin.
  • Sidoo kale arrinta ugu halisan ayaa ah inay keeni karto in Puntland loogu eexdo xuduudeynta Gobolada, gaar ahaan xuduudda muranka badan ka dhalatay ee u dhaxeyso Puntland iyo Maamulka dhawaan la dhisay ee Galmudug.

Hadal heynta ugu badan ayaa noqoto sababta keentay in seddexdaan wasaaradood oo go’aan karo mustaqbalka Soomaaliya gacanta loo geliyo Puntland, Ma wax isku aaday baa mise  waa Qorshe lasoo abaabulay.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lasoo xiriiray Caasimadda Online ayaa tilmaamay inaysan iyagu garaneyn sababta keentay in 3 wasiir oo mustaqbalka Soomaaliya ku xiran la siiyo hal maamul,  waxayna talo ahaan usoo jeediyeen in seddexdaas wasaaradood la kala siiyo Seddex Maamul Goboleed taasoo looga badbaadi karo caqabadaha ka dhallankaro arrintaan.

Xildhibaanada ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ka codsaday inuu go’aankaas ka fiirsado isla markaasna uu fiiriyo awood qeybsiga maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Imisa xildhibaan oo lid ku ah golaha wasiirada ayuu diyaarsaday Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si xooli ah Magaalada Muqdisho uga dhex wada ololo looga soo horjeedo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu dhawaan magacaabay R/W Kheyre.

Jawaari ayaa kullamo joogta ah hooygiisa kula qaadanaaya Xildhibaano ka tirsan BFS, kuwaa oo laga dhaadhicinaayo inay ka hor imaadan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ee la doonaayo in gudaha Asbuucaani la horgeeyo Baarlamaanka.

Jawaari ayaa Xildhibaanada u ifinaayo dhibaatada ay leedahay in Wasaaradaha ugu muhiimsan lasiiyo Beelo gaar ah, waxa uuna ku cadaadinayaa inay garab kusiiyan is hortaaga Wasiirada.

Warar hoose ayaa sheegaya in Jawaari uu iminka gacanta ku hayo Xildhibaano 135 oo loo diyaariyay diidmada meelmarinta Golaha Wasiirada.

Xildhibaanadaani ayaa la xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari ay u saxiixen Warqad dheer oo lagu muujinaayo tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda Golaha Wasiirada cusub.

Siyaasada Jawaari ayaa u muuqaneysa mid lagu cuuryaaminaayo Xukuumada Cusub ee Somalia, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in laga diiday laba ruux oo uu la doonaayay Wasaarado muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalin karin sida uu xaalku noqon doono marba haddii uu Khilaaf ka dhextaagan yahay Madaxda ugu sareysa dalka iyo Xildhibaanada BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Lixda ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga (Qeybtii 3-aad)

XILDHIBAANNADA ILMO XOOGSADE IYO HIIGSIGA DOORASHADA 2020.

Inta badan XILDHIBAANNADA ILMO XOOGSADE ee DFS ayay dad badan aaminsan yihiin in aysan ku buraarug saneyn ama laheen aqoon dheeri ah iyo khibrad ku aaddan Hiigsiga doorashada HAL NIN IYO HAL COD (one man one vote) ee 2020 sababa jira owgood. (Anshaxa qoraalka ayaa diidaya in la sii ifiyo). Ugu dambeynti waxaa la horkeeni doono golaha shacabka ee DFS si ay u ansixiyaan qodobka qaabka doorashada 2020.

QORSHAHA HAL NIN IYO HAL COD ayaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada soo jeedin doonaa  in lagu saleeyo degmooyinka iyo gobollada dalka ka jira ayadoo loo adeegsan doono mas’uuliyiinta wasaaradaha daatuurka, gudaha, qorsheynta, federaalka, dib u heshiisiinta iyo beesha caalamka oo awood u leh qaabka loo dhigaya qodobka hiigsiga doorashada 2020, halka ay ILMO XOOGSADE sugayaan doorasho ku saleysan tirinta tirada dadka iyo sida loo kala badan yahay.

Hirgelinta qodobka doorashada oo la filayo in lagu saleeyo degmooyinka ayaa si toos u saameyn doontaa maamulka GALMUDUG oo laga yaabo in loo aqoonsado Hal gobol iyo bar (Badh), laguna qasbo in ay ku biiraan HIRSHABEELLE ama PUNTLAND inkastoo dhul ahaan taageerayaasha Galmudug ka deggan yihiin 73% gobolka MUDUG.

Waxaa arrintaas dan u arki doona qaar badan oo ka tirsan dadka an hubeysneen ee loo bixiyay ILMO LOOMA OOYAAN oo laga yaabo in ay heli doonaan xubno ka yar xildhibaanadii ay ku heleen 4.5 ee DFS  marka ay noqoto Hal cod iyo Hal nin. (Anshaxa qoraalka ayaa diidaya in an sii ifiyo)

ILMO XOOGSADE IYO CAQABADAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA  AY KA TALIYAAN 

Wax isu quurid la’aanta, hoggaan xumada, iyo aragti fogaasha la’aanta ILMO XOOGSADE ayaa maamul goboleedyada ay ka taliyaan ka dhigtay fashal, fadhiid, isqabqabsi joogta ah iyo jahawareer an dhammaad lahayd oo ku habsatay maamulkadooda.

“Cadaado iyo Dhuusa mareeb iskama war qabaan, Gaalkacyo iyo Ceel buur iskama war qabaan, Haba sheegin Ceel dheer iyo Hobyo” ayuu igu yiri siyaasi u dhuun daloola gobolladaas”. “Waxaan aaminsanahay xadiisii ahaa arrin haddii ay galaan dad an ehel u ahayn yowmul qiyaamihi filo ayaa haysata ILMO XOOGSADE”, ayuu warkiisa raaciyay siyaasigaasi.

Dad badan ayaa aaminsan in sida kali ah ee maamulladaasi lagu xallin karo tahay in si dhab ah oo caddaalad ah loogu heshiiyo inta an maamul la dhisin ayadoo arrinta GALMUDUG lagu tilmaamay mid la mid ah SAC NINKII LAHAA SEYNTA UGA FADHIYO KICIDNA LAGA SUGAAYO.

Maamulka HIRSHABEELE ayaa qaba dhibaato ku filan balse ka dhib yar tan GALMUDUG, waxaana dhici karta in uu khilaaf badan soo wajaha haddii an loo helin kuwa ehel u ah maamul wanaagga, caddaalad iyo shacab la shaqeya maamulka.

MACAAMILKA ILMO XOOGSADE IYO ILMO CIIL QABE

ILMO CIIL QABE oo ah dad nabadda jecel balse ciil siyaasadeed qaba ayaa ah awoodda 2aad ee gobolka BANAADIR dhanka tirada dadka, ganacsiga iyo ciidanka dowladda.

ILMO CIIL QABE oo in badan oo ka mid ah u qaxay deegaanka ILMO XUKUN KU NOOL kadib 1991 kuna nabad galay ayaa la sheegayaa inaan loo ogoleyn in ay ka iibsadaan dhul ama guri gobolladaasi waxayna ka shaqeystaan ganacsi yar yar iyo shaqooyinka hoose, halka in ka yar 10km  dhanka Jasiira iyo Afgooye   ee  gobolka BANAADIR la sheegay in ay ka tirsan tahay gobolka Sh/Hoose la suray calanka dowlad goboleedkooda ayna joogaan ciidanka maamulkooda ayadoo calakaasi wax ka sureen siyaasiyiin ka tirsan ILMO XOOGSADE.

ILMO XOOGSADE oo dhinacyo badan deris kala ah ama dhex deggan ilmo CIIL QABBE ayay ku adag tahay in ay xiriir sare oo siyaasadeed la yeeshaan ILMO CIIL QABE.

Isku xernaanta ILMO CIIL QABE ayaa dowr muhiim ah ka qaadata siyaasadda Somaliya iyo tixgintooda. ILMO CIIL QABE ayaan la saadaalin karin in ay og yihiin iyo in kale mid danta u ah in ay tahay in lagu saleeyo degmooyin ama tirada dadka ee doorashada 2020 iyo weliba cidda danta u ah in ay xiriir dhow la yeeshaa.

ILMO XOOGSADE oo dad badan oo  wax garad badan ku booriyaan in dagaalka qoriga ku bedelaan dhanka siyaasadda ayaa laga yaabaa in  dhawaan looga adkaado dagaalka qoriga maadaama looga hormaray dhanka siyaasadda.

ILMO XOOGSADE WAA DHIBANAYAAL AAN IS OGEEN.

La soco qeybta dambe…
Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]