25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Exclusive: Farmaajo iyo Kheyre oo heshiis 20% la galay shirkadda SHS

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa heshiis la gaaray shirkadda qaliin-shubatada shacabka ka dhoofaya garoonka Muqdisho ee Sahal Hospitality Service (SHS), sida aan ku ogaanay baaritaan ay sameysay Caasimada Online.

Heshiiskan ayaa waxaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku qaadan doonaan 20% daqliga soo galay shirkadda, waxaana taa beddelkeed loo ogolaaday inay sii wadaan adeegga ay ka qabtaan garoonka Muqdisho ee lacagta looga qaado shacabka ka dhoofaya garoonka.

Shirkaddan ayaa waxaa lahaanshaheeda ku magacaaban nin la yiraahdo Jabriil Maxamuud, hase yeeshee waxaa wax ka leh rag ka tirsan kooxdii Damu-jadiid ee madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana xilal sare ka hayey dowladdii dhacday.

Waxay terminal ama hool weyn ku leedahay agagaarka KM4, halkaasi oo dadka dhoofaya ay ku baaraan saraakiil ka tirsan nabad-sugidda, kadibna basas waaweyn lagu geeyo garoonka, ayaga oo aan marin wax baaritaan kale ah.

Waxay dadka garoonka Muqdisho ka dhoofaya iyo kuwa soo degaya ka qaadaa lacag ka baxsan ticket-ka oo u dhaxeysa 6 illaa 11 dollar. Qofka gudaha ka dhoofaya, waxay ka qaaadaa $6 (Lix Dollar), halka qofka sita Ticket dibadda ah laga qaadayo $11 (kow iyo toban dollar).

Lacagtan ayaa u muuqan karta mid yar hase yeeshee, marka la eego lacagaha tirada badan ee siyaabaha kala duwan looga qaado dadka ka dhoofaya garoonka Muqdisho, waa culees aad u weyn oo shacabka saaran, balse faa’iido badan u ah shirkaddan.

Ugu yaraan haddaan kasoo qaadno kaliya in dadka ka dhoofa iyo kuwa kasoo dega Muqdisho ay bishii yihiin kaliya boqol kun qof, waxay taas macnaheedu yahay in shirkadda bil walba hesho lacag ku dhow hal milya oo dollar.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii ay soo shaac baxday in dowladda cusub ay qorsheyneyso inay ka wareejiso shirkadda adeegyada ay ka qabato garoonka, waxaana lagu gaaray kulan dhex maray ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda shirkadda, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si shaqsiyan ah ay isugu dhow yihiin qaar ka mid ah madaxda shirkaddan, maadaama uu saaxiibo badan ku leeyahay kooxda Damu-Jadiid.

Warar kale ayaa sheegaya in terminal-ka cusub ee shirkaddan oo aan weli si rasmi ah loo furin laga yaabo inuu furo madaxweyne Farmaajo, ama ra’iisul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erdoğan oo sii kordhiyey weerarada Holland, arrin xasaasi ahna shaaca ka qaaday

Turkiga dagaalkiisa xagga hadalka ee ku wajahan Holand ayaa kasii kululaanaya kuwii hore, kaddib markuu mudane Erdogan uu dowladda Holand ku eedeeyay inay gacan-libaax ku lahaayeen xasuuqii Bosnia ka dhacay sanadkii 1995,   gaar ahaan magaalada Srebrenica.
Ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee ka socday dalka Holand waqtigaas  ayaa ku guuldarraystay inay magangaliyaan dadkii Muslimiinta Bosnia ahaa oo waqtigaas ay xasuuqayeen ciidamada Serbia.
Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay wali muuqdaan dhibaatadii ay ku luglahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta Holand ee Bosnia ku sugnaa.
Raysalwasaaraha Holand Mark Rutte ayaa warfidiyaannada u sheegay in eedeyntaasi tahay been abuur.
Rutte wuxuu yiri, “Mr Erdogan wuxuu u muuqdaa qof sii xanaaqaya marba marka ka dambeysa waxaan ka codsanayaa inuu isdajiyo”.
Carada Turkiga waxay timid markii dowladda Holand ay laba wasiir oo Turkey ah u diiday inay waddankeeda galaan, si ay ula hadlaan dad Turkey ah oo deggen dalka Holand.
Taa baddalkeeda madaxda Turkidu waxay Holand ku eedeeyeen inay tahay  “Haraadigii Nazi” waxay kaloo Turkidu cagta u dhigeen inay soo dhawayn heer sare ah u sameeyaan safiirkii Holand oo markaas Ankara kusoo dagay, waxaa kaloo intaa u dheer inay booska ka saareen ixtiraamkii xagga diblomaasiyadda labada waddan.
Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in waddankiisu cunaqabatay xagga dhaqaalaha kusoo rogi doono Holand, taasoo uu ula jeedo inay canshuurta ku kordhin doonaan wixii waddanka Holand ka yimaada.
Xog-haynta arrimaha siyaasadda Yurub haweeneyda la yiraahdo Federica Mogherini ayaa ka codsatay Turkiga “Inay joojiyaan hadallada xad-dhaafka ah iyo ficillada sii murjin kara xaaladda”.  Hadalka xog-haynta ayaa u muuqda kuwa aan wax ka baddalin xaalka taagan.
Turkidu, hadalka xog-haynta waxay ku tilmaameen waxaan macno lahayn!
 
Maxay Holand u diiday in shicibka Turkidu dibad-baxaan?
Xurguftu waxay  timid markii laba wasiir oo Turki ah loo diiday inay waddanka Holand galaan, si ay ula hadlaan dad asalkoodu Turki yihiin oo ku nool dalka Holand.
Isu-soobaxa ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dadka loogu dhiirigalin lahaa inay taageeraan afti la doonayo inay dhacdo 16-ka April oo  sharciga dalka Turkiga waxlooga baddalo, taasoo awood dheeraad ah siinaysa madaxweynaha Erdogan.
Dowladda Holand ayaa go’aansatay inaysan dhicin arrintaas, waxayna ku sababaysay arrimo ammaan awgood.   Dad gaaraya 5.5 Milyan oo Turki ah ayaa ku nool Yurub, 400 oo kun oo kamid ah waxay ku noolyihiin dalka Holand.
Xasuuqii Srebrenica
Erdogan oo markii hore weerarka  afka wuxuu  u adeegsaday “Haraadigii Nazi”  haatan waa ka duwan tahay oo wuxuu bartilmaameedsanayaa halka dowlad waliba ka jilicsan tahay.
Mr Erdogan wuxuu cod dheer ku yiri,   “Holand iyo annaguba waan ognahay xasuuqii ka dhacay Srebrenica, waan la socnaa anshax xumadii iyo falalkii lagula kacay 8-kun oo qof oo Bosnia u dhashay”.
Sidee arrinkani ugu lug-yeelan karaa doorashada Holand.
Arrinkani wuxuu imaanayaa maalmo kahor iyadoo la isku diyaarinayo cod-bixin guud oo ay shacabka dalkaasi u dareeri doonaan, waxaana doorashada dalka hareeyay muhaajiriinta iyo waxay   ku tilmaamaan xagjirnimada Islaamka.
Xisbiga Cunsuriyiinta ee Freedom Part uuna madax u yahay ninka Islaam nacayka ku fogaaday Geert Wilders ayaa u muuqda mid ka faa’iidaya arrimahan ka dhex aloosan Holand iyo Turkey.
Arrintani ma noqon kartaa mid kusii faafta Yurubta kale?
Mudane Erdogan ayaa u digay waddamo kale oo uusan sheegin cawaaqib-xumo ay la kulmi karaan hadday ku dhaqaaqaan wixii Holand ay fashay.
Waddamada Yurub ayaa faaiido weyn ku qaba in Turkigu uusan kusoo siidayn malaayiin qaxooti ah oo uu dalkiisa ku hayo. Waxayna madaxda Turkidu soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Yurub lala galay ee muhaajiriinta.
Tan iyo sanadkii hore bishii   March waxaa laba jibaar hoos u dhacay muhaajiriintii gaari jirtay Giriiga tan iyo markii heshiis buuxa Turkiga lala galay.
Hadallada weerarka ah ee qayaxan ee kasoo baxaya madaxda Turkida waxay u muuqdaan kuwa farriin ah oo tilmaamaya in Turkigu uusan u baahnayn Yurub ee iyagu ay u baahan yihiin Turkiga.
W/Q: Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
[email protected]
 

Ciidamada Puntland oo kaabiga ku haya Markabkii dhawaan la afduubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa kaabiga ku haya markab dhawaan ay afduubteen kooxo burcad badeed ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Puntland iyo ciidamadda badda oo iskaashanaya ay ku jiraan baadi goobta markabka kooxaha burcad badeeda ay afduubteen.

Cali Shire Maxamuud guddomiyaha degmada Caluula ayaa qeyb ka ah ciidamada ku baxay markabka oo la sheegay in lagu heysto xeebaha degmadaasi.

Puntland ayaa ka qiirootay afduubta markabkaasi loo geystay balse marnaba sidan oo kale ugama aysan bixin dhibaatada loo geysto dhalinyarada kaluumeysanayo oo xitaa loo diiday inay biyahooda ka kaluumeystaan.

Inka badan 15 dhalinyaro Soomaali ah oo kaluumeysato ahaa ayaa la sheegay inay markabkaasi ku heystaan xeebaha degmada Caluula, waxayna ka caroodeen falka looga hortagay kaluumeysigooda.

Markabkan oo ka diiwaan-gishan Wadanka Emirate-ka Carabta, isla-markaana watay Calanka Sri Lanka, ayaan la garanayn waxa uu xaalkiisu ku dambeen doono.

Sanadihii u dambeeyay waxaa yaraa weerarada ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ethiopia oo xabsi dhigtay siyaasiyiin Soomaali ah + Magacyada

Goofgaduud(Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ay xabsi dhigeen Gudoomiyaha Degaaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay Xasan Xuseen Wardheer iyo Ku-xigeenkiisa cabdiqaadir Aadan Nageeye.

Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa la sheegay in lagala baxay Hooygooda kadib markii lagu eedeeyay inay Musuqeen Deeq loogu dhiibay dadka tabaaleysa ee deegaanka.

Mas’uul ka tirsan maamulka Deegaanka ayaa sheegay in labada Mas’uul loo xiray Musuqa Dawo loogu tallo galay in la gaarsiiyo dadka xanuunka ka qaaday abaarta iyo Carruurta ay daashatay Jadeecada ee ku nool Degaaanka Goof-gaduud.

Mas’uulkaani ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa loo qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo lagu qaadi doono Dacwadooda.

Isagoo ka hadlaayay xariga Mas’uuliyiintaasi ayuu yiri ”Waxaa jiray dacwado dhowr ah oo loo soo gudbiyay maamulka waxaa xigay in Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ay gaaren Hooygooda isla markaana kala baxeen si wax looga weydiiyo Musuqa ay ku kaceen”

Waxa uu tilmaamay in iminka uu socdo Baaritaan ku aadan Deeqaha ay lunsadeen Mas’uuliyiintaasi, waxa uuna carab dhabay in lagu helay Kiisas la xiriira Musuqa iyo Raashiin ay horay u musuqeen.

Xariga Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa imaanaya xili dhawaan ay Ciidamada Ethiopia xireen Mas’uul kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed kaa oo lagu eedeeyay Musuq la xiriira lacag iyo Raashiin loogu tallo galay dadka ay abaaruhu saameeyen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Mo-Farah oo si qiiro leh kaga hadlay xaalado adag oo ka jira Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada ONline) – Ororyahanka reer UK, asal ahaanna kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa si qiiro leh kaga hadlay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Orodka Sir Mohamed farah ayaa ka hadlay caruurta la ildaran nafaqo darada, wuxuuna bogaadiyay hay’adaha kala duwan ee ka qeyb qaadanaya dhibataada Soomaaliya ka taagan.

Muuqaal uu duubay Mo-Faarax ayaa lagu baahiyay warbaahinta waaweyn ee caalamka, waxaana uu diirada ku saarayay in dunida looga baahan yahay caawinaad iyo feejignaan dheeri ah.

“Waxaana Bixin doonaa Dhaqaalo badan oo loogu tala galay Carruurta ay Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya dadka dunida waxaana ugu baaqaya in ay feejignaadaan oo ay Muujiyaan dadaal badan” ayuu yiri Mo Faarax.

Maxamed Faarax ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu ku dhashay uuna dareemayo xanuunka ay leedahay dhibataada ka taagan dalkiisa Hooyo.
“Waxaan ku dhashay Soomaaliya waxaa qalbigeyga Xanuujinaaya dhibaatada haysata Qoyska Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Taliyaha militeriga oo aan wali dhag jalaq usiin amarkii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Millatariga DFS Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaan wali qaadin talaabo lagu daadgureynaayo Ciidamada Militeriga ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa dhawaan isla gartay in Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho oo ay ka geystaan dilal fool xun.

Taliyaha ciidanka Millatariga DFS Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulanka kadib shaaciyay in Taliska Ciidamada Militeriga uusan raali ka noqon doonin Ciidamo ka tirsan Taliska oo dhex socda magaalada.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Askarigii ka tirsan Militeriga ee lagu dhex arkaa magaalada Muqdisho uu meteysan doono ciqaab, balse waxaa muuqaneysa inaan wali laga dhabeyn amarka Madaxweynaha isla markaana Waddooyinka magaalada ay si caadi ah u dhex socdaan Ciidamada oo ku labisan dareeskooda.

Taliyaha waxa uu sidoo kale ku goodiyay in sharciga ay la tiigsan doonaan Ilaalada Hoteelada iyo kuwa Hay”adaha ee ku labisan dareeska Ciidamada Militeriga, inkastoo aysan ilaalada goobahaasi wali u hogaansamin amarka.

Sidoo kale, Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa si caadi ah u dhex maraaya Ciidamo ka tirsan Militeriga oo ilaalinaaya shaqsiyaad Ganacsato ah iyo kuwo caadi u dhex lugeynaaya kuwaa oo aan wali u hogaansamin amarka.

Taliyaha Ciidamada Xooga Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed oo amarka saarida Ciidamada la faray dhowr maalin ka hor ayaa u muuqanaaya mid ku hingoobay dhaqan galinta amarka Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ciidamada ugu badan ayaan u diiwaan gishneyn Dowlada Somalia kuwaa oo qab qabiil ula socda Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada waxa ayna taa suuragalisay in Ciidamada labisan aysan dhag jalaq usiin amarka Madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Bukaan sariir jiif ah oo nolosha ku gubay kalkaalisadii gacanta ku heysay dawadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Israel ayaa qoray warbixin ku aadan in Bukaan jiifa goob Caafimaad uu nolosha ku gubay Kalkaaliso si dhow ugu adeegeysay.

Dhacdadaani ayaa ka dhacday Isbitaal ku yaalla magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv, waxaana gubashada u geeriyootay Kalkaalisada.

Bukaanka ayaa la sheegay inuu ka cabanaayay dawo tayo yar oo lasiinaayay iyo addeega Kalkaalisada oo u muuqday mid ay ku jirtay hagar isla markaana yasi jirtay xiliyada uu dawada weydiisto.

Bukaanka oo dhammaan intaa ka careysnaa ayaa Kalkaalisada ku shubay shidaal waxa uuna qabadsiiyay dab, waxaana halkaa ku naf waayay Kalkaalisada

Falkaasi kadib waxaa Isbitaalka laga saaray Bukaanka oo loola cararay Goobo caafimaad oo ku yaalla duleedka magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv.

Shaqaalaha Caafimaadka dalka Israel ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin, kadib markii ay dowlada ka codsadeen in sharciga la mariyo Bukaanka falkaasi geystay.

Geesta kale, Bukaanka falkaasi geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust uuna qabay xanuunno dhanka dhimirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Halkuu ku dambeeyey wiilkii ku caan baxay (Farmaajo Ii geeya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulaahi Cismaan Daanyeerow oo ku caan baxay ereyga “Ar Farmaajo ii Geeya”  ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Daanyeerow wuxuu kasoo jeedaa qoys Danyar ah oo degen xaafad ku taala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ahaa ruux xoogiisa ku xamaasha oo reerkiisa biilka u dhiciya.

Inta aan ka aqaan sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ka shaqeynayay foor lagu dubo rootiga oo ku taala magaalada Muqdisho, wuxuuna mararka qaar aadi jiray beer uu leeyahay oo aabihii uu kaga dhintay.

Wuxuu mar qura noqday ruux caan ah habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, isagoo si kaftan ahaa habeenkaasi ku dhahayay “Ar Farmaajo ii geeya, Ma ii geysiinoo” iyo erayo kale.

Wararka la xiriir xaaladiisa ayaa sheegaya in dhawaan la filayo inuu ka shaqo bilaabo madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa ka harsan inuu maraa hanaanka shaqaaleysiinta.

Farmaajo ii Geeya oo la hadlay Caasimada Online, wuxuu sheegay in dhawaan uu filayo inuu shaqadaasi helo, haddana loo sameynayo ID uu kaga shaqeyn lahaa madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in rajadiisa ay tahay in xil sare loo magacaabo, laakiin ma lahan aqoon uu ku shaqeysan karo, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqoonyahan, Profosser udub dhexaad u ahaa bulshada Soomaaliyeed oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, aqoonyahan, Profosser lafdhabar iyo tiir u ahaa aqoonta iyo waxbarashada ka hana qaaday dalka Somalia, allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan Maxamed oo mudooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka.

Geerida Prof. Cali Xasan ayaa dad badan naxdin ku riday, waxaana bulshada ka baxay tiir iyo udub dhexaad bahda waxbarashada tebi doonto.

Allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa aqoonyahanadii kiciyay waxbarashada jaamacadaha maanta hormuudka ka ah dalka, wuxuu ahaa barre jaamacadeed oo bulshada hilmaami doonin.

Anigoo ku hadlaaya magaceyga Cali Muxiyaddiin Cali, kan qoyskeyga iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed, waxaan ugu tacsiyadeynayaa dhamaan qoyska reer Cali Xasan, gaar ahaan Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Eng. Afhad iyo goud ahaan bulshada Soomaaliyeed geerida ku timid Prof. Cali Xasan, waxaana alle ugu baryaa janatu fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana midigta ka siiyo.

Hadaba inyar oo ka mid ah shaqsiyadii Prof. Cali Xasan ayaa halkaan idiinkugu soo gudbinayaa, waxaa qoraalkaani kasoo qaatay barta Facebook ee Xasan Hundubey Jimcaale oo faallo yar ka bixinaya kumuu ahaa Prof. Cali Xasan.

Profosser Cali Xasan Maxamad: Aqoon Aamin!

Asaga oo Hormuud ah, ayuu haddana waxa uu arday ka ahaa qeybta taariikhda ee Jaamacadda Umadda.

Ardadii galaaska la fariisan jiray asaga oo Hormuud ah, waxa ay ii hubiyeen inaan ardada laga aqoon jirin.
Heerka Jaamacadda laba shahaado ayuu ka qaatay. Laba Diploma sare ayuu qaatay. Master iyo PHD.
Asaga oo leh degaan u gaar ah ayuu diiday in uu degaanadoodo, oo uu ardada soo dhex degay, Africa University oo Khartoum ku taala.

Waa nin ku raaxaysta ku dhex jirka ardada iyo goobaha waxbarashada.

Jaamacadda Muqdisho aqoon-yahankii kiciyay ee hawada geliyay ayuu ka mid yahay.

Waxaa u dhreer in uu aad u jecelyahay midnimada Soomaalia.
Waxa uu mar walba dhegaystayaashiisa ku booriyaa in waddan yar, ama dad yar uusan adduunka qiima weyn ka lahayn oo loo baahanyahay in Midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed lagu dadaalo lana adkeeyo.

Professor-ku waxa uu ka mid yahay dadka si dulqaad leh ugu dhabar adaygay waxabarshadiisa iyo weliba sii gudbinteeda, asaga oo ku gudbiya si qiirad iyo waddaninimo ka buuxdo oo aan qabow ahayn.

Asaga oo kale ayaa tiir u naqan kara dhismaha aqoonta waddanka iyo isku haynta bulshada. Iyo sidoo kale in la helo soomaali isku kalsoon, isku duuban, isna aaminsan.

Professor-ka asaga oo kale Alaha nagu badiyo. Waan qirsanahay kaalintiisa weyn ee uu bulshada ugu jiray.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho 
[email protected]

Xogo kusoo kordhay Markabkii ay afduubteen Burcad-badeeda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online )-Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay markab la sheegay in ay afduubteen koox burcad badeed ah, waxa ayna sheegeen in ay abaabulayaan ciidamo soo furta markabkaasi.

Gudoomiyaha degmada Caluula Cali Shire Maxamuud Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay isku diyaarineyso soo furashada Markabka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin burcad badeed, balse nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka markabka afduubtay ayaa isna saxaafadda u sheegay in ay yihiin kalluumeysato.

Markabka ay soo afduubeen kooxda hubaysan ayaa la geeyay meel u dhow xeebta Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland-Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay.

Sidoo kale, Markabka ayaa waxaa la socday Toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Sirilanka ayaa saaran markanka.

Lama oga waxa ay noqon doonto talaabada ay qaadi doonto Puntland maadaama Kooxaha afduubka geystay ay yihiin kuwo Hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixinta Ethiopia oo iska horgeyneysa Farmaajo, beelaha iyo musharaxiinta uu ka guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Caqabado kala duwan kala kulmi doono Musharaxiintii looga guuleystay Doorashada Somalia.

Warbixin ay soo saartay Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in Dowlada Ethiopia ay walaac xoogan ka muujineyso Caqabada ay Musharaxiinta laga guuleystay ku noqon doonaan Dowlada Farmaajo.

Warbixinta oo ka kooban 10 Bog ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia uu maciin biday misna wada shaqeyn la sameeyay Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa Warbixinta sidoo kale, lagu lafa-guray Magacaabista Kheyre, khibradiisa iyo Taageeradda uu ka helay Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ballanta uga baxay Musharaxiintii uu kaga guuleystay Doorashada, taa oo sababtay inay ka caroodan Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Musharaxiintaasi ay u muuqdaan Siyaasiyiin Mucaradsan Dowlada Madaxweyne Farmaajo ee aan wali dhisin Xukuumada Cusub, sida ay sheegtay Wada xaajoodka Cilmi-baaritsa Ethiopia.

Warbixinta oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Wakiilo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Abgaal booqdeen Dekedda Ceel-Maraan iyo garoonka dabeeciga ah ee Cisileey oo laga yaabo inay kaga biyo-diidsan yihiin Dekedda Muqdisho.

Booqashadaasi ayaa waxaa lagu sheegay mid muujinayso calaamad looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqii Doorashadda sida warbixinta lagu qoray.

Waxaa lagu muujiyay warbixinta Saluugga Beelaha ee Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Beelaha qaar u arkaan sidii guul-darro iyo in laga yaabo inay dib u eegaan Istaraatijiyeynta dhaqdhaqaaqooda Mustaqbalka.

Waxa ay warbixinta intaa ku dartay in dhibaato hor leh ay soo foodsaari doonto Dowlada Madaxweyne Farmaajo, waa haddii Beelaha ugu tunka weyn ay Kuraas fiican ka waayan Xukuumada Cusub ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre.

Warbixinta waxa ay shaki galisay in Madaxweyne Farmaajo uu maareynkaro Beelaha gadoodsan iyo sii wadista xiriirka uu la leeyahay Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Jubbaland oo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Qabaa’illadda daga maamulka Jubalanad.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintaani kasoo baxday Dowlada Ethiopia, gaar ahaan Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa u muuqata mid lagu carqaladeynaayo Dowlada Somalia, iyadoo laga horgeynaayo dhinacyada iminka ku mideysan Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Taliyaha milatariga oo u hanjabay ciidamadii reer Muqdisho iyo fadeexaddii qabsatay oo uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada milatariga Soomaaliya sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ka hadlay ciidamadii dhowaan gadoodka ka sameeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa gadoodka ku kacay kadib markii ay soo shaac baxday in taliyaha uu mushaharkii loogu tal-galay ciidamo gaaraya 3500 leexiyey, islamarkaana ku wareejiyey ciidamo ku sugan deegaanada Puntland.

Si kastaba, hadalka taliyaha uu maanta jeediyey ayaa layaab lahaa, kadib markii uu gebi ahaanba iska indha tiray inuu ka hadlo fadeexadda isaga hareesay, taa beddelkeedna uu eedda dusha uga tuuray ciidamada xuquuqdooda raadinayey.

Maxamed Aadan ayaa sheegay in ciidamo aan badneyn ay xiisadaasi kiciyeen, iminkana ay sharciga ay wajihi doonaan, inkasta oo xiqiiqdu ahayd in ciidamada gadooday ay dhammaayeen 3,500.

Waxa uu yiri “Waxaa arrintan ka dambeeyey ciidan yar oo aan badneyn, waa naqaan waxay ay yihiin iyo halka ay joogaan, tallaabo ayaana ka qaadi doonnaa”.

Waxa uu sidoo kale u hanjabay warbaahintii shaaca ka qaaday inuu mushaharkii ciidamada uu u leexiyey Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana weli ka hadal musuq maasuqa iyo xatooyada uu ku kacay taliyaha ciidamada milatariga, ayada oo ballanqaadkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in ciidamada aysan mushahar seegi doonin weli la sugayo in laga dhabeeyo.

Hoos ka dhageyso hadalka taliyaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Jaakado casri ah oo la shaqeynaya mobile-ka oo lasoo saaray + Qiimaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dunida ku talaabeyso Horumaro kala duwan ayaa waxaa iminka soo baxay Jaakad la shaqayneysa Mobilka gacanta.

Soo saarida Jaakadaani ayaa waxaa iska kaashaday Shirkadda Google & Shirkadda Levi’s ee soo saarta dharka kuwaa oo qiimo sareeya ku iibinaaya Jaakada.

Jaakada iyo Mobilka ayaa la sheegay inay ku wada shaqeynayaan hab cusub iyadoo Mobilka loo furaayo Bluetooth, halka Jaakaduna ay leedahay Bluetooth ku shaqeynaaya Jaakadda.

Jaakadaani ayaa waxaa iminka iibsashadeeda ku hormaray Madaxda Caalamka oo iyagu aan wakhti u heyn isticmaalka Mobilka.

Maamulayaasha Shirkadaha waxa ay sheegen in isticmaalka Jaakada uu yahay mid fudud haddii aad laba farood ku garaacdo waxay kuu shidaysaa wixii maqal ah ee Mobilka ku jira.

Maamulada Shirkadaha ayaa sidoo kale, sheegay in Qiimaha jaakadda uu iminka maraayo 350 dollar waxaana suuragal ah inuu sara kaco qiimaha haddii Jaakada ay hesho suuq galin fiican.

Maxkamad caddaaladda Europe oo gaartay go’aan ka dhan ah haweenka muslimiinta

Maxkamadda  Caddaaladda Midowga Europe ayaa sharci ka dhigtay in shirkaduhu ay ka mamnuuci karaan dumarka u shaqeeya inaysan xiran Qamaarka madaxa la saarto,
Waa kiiskii ugu horreeyay oo dumarka muslimiinta xuquuqdooda laga horyimaado inay ku shaqayn karaan xijaabka.
Maxkamadda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay goobaha shaqada ee Europe ay mamnuuc ka tahay in qofku uu soo xirto calaamado muuqda oo muujinaya Diin, Siyaasad iyo wax lamid ah.
Laba shaqaale oo haween ah oo ku kala sugan Belgium & France ayaa kiiskan makamadda ECJ keenay kaddib markay diideen inay qamaarka madaxda ka qaadaan.
Labada gabdhood middood waxay u shaqaynaysay shirkadda G4S taasoo sharciga shirkaddaas uu dhigayo in qofku uusan xiran karin calaamado diin muujinaya ama siyaasad ama falsafad kale.
Gabadha kale waxay ahayd lataliyaha dhinaca IT-ga waxaana loo sheegay inay qamaarka madaxa ka qaaddo waana diiday iyaduna.
Shirkadda G4S oo khilaafka arrinkan uu soo bilowday sanadii 2006 markii hore sharcigoodu kuma qornayn in shaqaaluhu uusan xiran karin calaamado muujinaya xisbi siyaasadeed, diin ama falsafad kale, laakiin sharciga shaqaalaha ayaa wax laga baddalay markay dumarka ka shaqeeya shirkadda bilaabeen inay xijaab xirtaan.
Inkastoo sharcigani uu saamayn doono dad badan maxkamaddu waxay tiri, “Go’aankani maaha mid lagu cunsuriyaynayo ama lagu bartilmaammeedsanayo Islaamka iyo diimaha kaleba”.
Gabadha shaqaalaha ah ee ku sugan France oo ah  injineerad xagga naqshadda ee shirkadda Micropole, ayaa laga codsaday inay joojiso xirashada xijaabka ama qamaarka, laakiin waa diiday inay dhigto qamaarka.
Maxkamaddu ayaa go’aanka kaddib waxay dib ugu celisay maxkamadda France si arrintan ay u meel mariso oo go’aanku uu yahay mid sax ah iyo dib u eegis in lagu sameeyo shuruudaha shaqada ee dalka France.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
[email protected]

Itoobiya oo hal shardi ku xirtay soo dhaweynta wasiirada cusub ee uu magacaabayo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – CDRC oo ah hey’ad bil kasta soo saarto joornaal ay kaga hadleyso baaritaano iy warbixino isla markaasna laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa qoraal dheer oo 10 bog ah kasoo saartay doorashadii Farmaajo, Magacaabista Ra’isulwasaate Kheyre, caqabadaha hor taagan iyo sida ay noqon doonaan wasiirada.

Haddaba markaan waxaan soo qaadaneynaa hal shardi oo ay Hey’adaan Itoobiyaanka ah ku xirtay soo dhaweynta golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Hey’adaan ayaa sheegtay in haddii la rabo in lagu wada qanco golaha wasiirada cusub ay lagama maarmaan tahay inuu Farmaajo si siman wasiirada ugu qeybiyo beelaha Soomaaliyeed isla markaasna uu qanciyo dhammaan.

CDR oo markasta qoraa kasoo saarto xaaladda Soomaaliya ayaa dhawaajisay inay muhiim tahay in Beesha Abgaal oo looga guuleystay doorashada lagu qanciyo golaha wasiirada sidoo kalana laga siiyo wasiiro muhiim ah.

Waxay sheegtay haddii aysan sidaas dhicin in dowladda cusub ay weyn doonto kalsoonida beelaha iyo codka xildhibaanada Soomaaliya oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’isulwasaare Kheyre.

Arrintaan ay ka hadashay dowladda Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu Kheyre ku guuleystay qancinta beelaha Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay xor uga dhigaan magacaabista wasiirada sidoo kalana ay soo dhaweeyaan shaqsiyaadka uu u garto inay yihiin kuwa mudan in lagu soo daro golihiisa wasiirada.

Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa aqbalay codsigii uu Kheyre usoo gudbiyey waxayna u ballan qaadeyn inay si fiican ula shaqeyn doonaan cid kasta oo uu xil u dhiibo.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aamisan in hadalka kasoo yeeray Itoobiya lagu doonayo in la isaga horkeeno beelaha Soomaaliyeed iyo dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabadoonkii todobaad oo goordhow lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo hubeysan ayaa goordhow toogasho ka geystay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxdaani toogashada fulisay ayaa ku hubeysnaa Bastoolado waxa ayna toogteen Nabadoon Axmed Ibraahim Tanaas isla markaana ka mid ahaa ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Dilka ayaa ka dhacay aga-gaarka Masjidka Cali-dheere ee gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in kooxihi dilka ka danbeyey ay baxsadeen.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay laba Maleeshiyo oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, waxa uuna sidoo kale Nabadoonka ahaa Ganacsade.

Majirto cid ka hadashay dilkaas oo waxyar ka hor ka dhacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho loogu geestay nabadoon Tanaas ,iyadoo kooxihii Dilayna ay ka baxsadeen Goobta

Tan iyo markii la doortay Farmaajo ayaa Muqdisho noqotay goob marti gelisa dilalka dadka aan waxba galab iyo kuwa aan siyaasad lug ku lateen, mana muuqata ficil dowladda cusub wax ugu qabaneyso falalkaan amaan daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso Liiska dhawr wasaaradood oo lagu soo kordhin doono golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in lasoo magacaabo golaha wasiirada, waxaana howshaas ku mashquulsan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa ku jiro wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu kusoo xulayo golaha wasiirada waxaana la filayaa inuu dhawaan saxaafadda usoo bandhigo.

Haddaba caasimadda Online ayaa heshay xog cusub oo muujineyso wasaarado cusub oo lagu soo daro doono golaha wasiirada cusub xilli la filayey inay aad u yaraadaan wasiirada xukuumadda Kheyre.

Xogtaan ayaa waxaan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga filayey inuu Ra’isulwasarahe Kheyre kala tashan doono in wasiirada lasoo koobo sidoo kalana laga dhigo mid la mid ah xukuumaddii tayo ee uu Ra;isulwasaaraha u ahaa Farmaajo.

Wasaaradaha cusub ee lasoo kordhiyey ayaa waxaa ugu dambeysay xiligii ay Soomaaliya ka jirtay dowladdii kumeel gaarka aheyd, kumana aysan jirin dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee dhawaan waqtigeeda dhamaaday.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso wasaaradaha la filayo in lagu soo daro golaha wasiirada ee uu Kheyre howsheeda wado:

Wasaaradda Bii’ada iyo ka hortagga musiibooyinka

Wasaaradda Hub dhigista iyo dhaqan celinta

Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo soo saartay digniin la xiriirka heshiiskii dekada Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray digniin la xiriirta inaan shirar ku saabsan heshiiska Berbera lagu qaban karin magaalada Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan aqbali doonin in shirar ka dhan ah arimaha heshiiska Berbera lagu qabtaa deegaanadeeda.

Qoraalka oo kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo qabata arimo ka dhan ah mashaariicda ka socdo Somaliland iyoheshiiskii Imaaraatka.

Hoos ka akhriso qoraalka

La-yaabka dunida: Haweeney aan laheyn xubinta taranka oo loo sameeyay: Video

Georgia (Caasimada Online)- Haweeney ku nool gobolka Georgia ee dalka Mareykanka oo ku dhalatay mucjiso rabbaani ah iyadoo aan laheyn xubinta taranka ayaa hadda rajeyneyso in ay noqoto qoys, kadib markii dhaqaatiirka ay u sameeyeen xubin taran iyo ilmo galeenka.

Haweeneydaan oo qaliin heer caalami ah lagu sameeyay ayaa hadda awoodo iney sameyso galmo iyo in ay wax dhali karto, rajadeeduna tahay inay qoys abuurto.

Devan Merck oo 23 jir ah ayaa markii ay dhalaneysay laheyn xubinta taranka ee naagaha, taasoo nolosheeda hoos u dhigtay, laakiin hadda rajadeeda wanaagsan tahay, waxaana qeybo ka mid ah jirkeeda looga abuuray xubinta taranka.

Xigasho: Soo gudbiyaha dhacdooyinka la-yaabka Warfaafiye.com 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Farmaajo oo Sheekh Shariif u magacaabi raba xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka mid ah saaxiibada ugu dhaw iyo hogaamiyaasha uu talada ka qaado Madaxweynaha la doortey Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in dhawaan loo magacaabo xil aad u culus.

Wararka laga helayo xarunta Villa Somalia ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiryo sidii uu Shariif Sheikh Axmed ugu qancin lahaa inuu kala shaqeeyo dhinacyada nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo hanaankii ay ummadda Soomaaliyeed isu cafin laheyd.

Ilo waareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in loo magacaabi doono Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka, qorshihii ku aadanaa magacaabistaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan meel gabagabo ah marayo.

Maalmaha soo socda ayaa la hadal hayaa inay suurgal tahay in magacaabistaasi la soo bandhigo, ujeeddada Sheikha loogu dhiibayo xilkaasi ayaa lagu macneeyay inay qeyb ka tahay sii adkeynta xiriirka ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Shiikha iyo hanaankii dar-dar iyo nolol cusub loo galin lahaa guddigaasi oo magac mooyee aan iminka waxqabad buuran laheyn.

Guddiga qaabilsan dhanka dib u heshiisiinta Qaranka ayaa iminka la filayaa in la balaariyo hawshiisa, waxaana la hadal hayaa in la siin doono awood dheeraad ah iyo dhaqaale aad u fara badan oo uu ku guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Shiikh Shariif Sheikh Axmed oo ahaa Madaxweynihi keenay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu Farmaajo la leeyahay xiriir ku dhisan is aaminaad, wada shaqeyn iyo isku kalsoonaan, dhawaan markii la doortey Madaxweyne Farmaajo waxa uu Sheikh Shariif balanqaaday inuu si hagar la’aan ah uu ula shaqeyn doono.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa loo saadaalinayaa inuu wax badan ku soo kordhin doono arimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya haddii uu si rasmi ah u aqbalo xilkaasi, horey ayuu Sheikh Shariiif u sameeyay Hay’ad Samafal oo la magac baxdey Samadoon Foundation taasi oo waxqabad la taaban karo ka sameysay adeegyadii ay u xil saarneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]