25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Warbixin buuxda: 84 qof oo Muqdisho lagu dilay hal bil, odoyaal iyo shacab la toogtay + Xaaladda oo kasii dareysa

Waxaa bishii la soo dhaafay aad u kordhay weerarrada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho marka la bar bar-bar dhigo January iyo doorashada madaxweyne Farmaajo ka hor, dhimashada waxaa ay korortay illaa 28.5% halka dhaawacana uu sare u kacay illaa 38.8%.

January 2017-ka, dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacay waxaan ka xusi karnaa: qarax ka dhacay bar kontorool oo u dhaw saldhigga AMISOM ee Xalane iyo Hotel Peace oo 10 ka badan ku dhinteen, qarax ka dhacay maqaahi ku taallo Tarabuunka oo 3 ku dhinteen iyo mid kale oo ka dhacay Hotel Dayax oo 28 ku dhinteen 51-na ku dhaawacmeen, inta kale

January, guud ahaan dadka Muqdisho lagu dilay waxaa ay gaarayeen 60 qof halka dhaawacana uu ahaa 57 qof, tiradan waxaa ay ka yar tahay wixii dhacay doorashada madaxweynaha.

Bishii January dadka la dilay waxaa ay u badnaayeen shacab ku geeriyooday qaraxyo, ma jirin hal Oday dhaqameed la dilay, NISA iyo hey’adaha ammaanka waxaa laga dilay 4 qof.

Bishii February, gaar ahaan doorashada madaxweyne madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib, waxaa kordhay qaraxyada iyo dilalka tooska ah, tusaale ahaan, doorashada Farmaajo kadib waxaa Muqdisho lagu dilay in ka badan 84 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 78 qof.

Muddadaas bisha ah,  in ka badan 38 qof waxaa lagu dilay qaab qorsheysan oo toos ayaa loo toogtay, waxaa kordhay dilka loo geystay oday dhaqameedka, oo in ka badan 5 oday dhaqameed ayaa hal bil gudaheed la dilay, waxaa intaa dheer saraakiil ka tirsan ciimada nabad-sugidda.

February 2017-kii,  wixii ka dambeeyay, waxaa dhacay dhowr qaraxo oo uu ku jiro Qarax ka dhacay Kaawo-godey oo ay ku dhinteen in ka bada 30 qof iyo qaraxyo kale oo kuwa maanta ugu dambeeyeen,  guud ahaan tirada shacabka ka dhimatay waa 67 qof

Si ka duwan January, bishii la soo dhaafay, waxaa la dilay illaa shan(5) Oday-dhaqameed, waxaa ka mid ahaa:  Nabadoon Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim iyo nabadoonno kal, waxaa kaloo la dhaawacay labo oday dhaqameed, Odoyaashan waxaa ay qeyb ka ahaayeen doorashadii dalka ka dhacday 5-tii bil ee la soo dhaafay.

Bishii tagtay, waxaa sidoo kale aad loo dilay ciidanka nabad sugidda ee dowladda illaa 12 qof ayaa ka dhimatay, inta badan waxaa ay ahaayeen dilal toos ah iyo qaraxyo gawaari.

Xilligan kala guurka ah, waxaa muuqata in ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay, dowladda waxaa ay leedahay ciidamo jooga magaalada min laan iyo gobolka Banaadir guud ahaan kuwaas oo isugu jira Booliis, Nabad Sugid iyo Militari, waxaa la sheegaa in xukuumaddii Cumar Cabdirashid ay aheyd in weli shaqeyso, sidaas ay tahay dilalka iyo qaraxyada waa ka soo dareen.

Dalka waxaa uu ku jiraa xilli kala guud ah iyo marnaan xagga siyaasadda ah, waxaa lagu mashquulsan yahay dhismaha xukuumad, isla xisaatanka ayaa aad u yar, su’aasha mar walbo jawaab u baahan waa: Aaway maamulka amnigii caasimadda? Maxaase isku xiray kala guurka xukuumadaha iyo amniga?  Yaase lagula xisaabtamaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faah-faahinta Oday 90 jir ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay oday 90 sano jir ah oo kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan ay bastoolado la dhaceen odayga 90 jirka ah ee ku sugnaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Waxaa odayga lagu magacaabayay Maxamed Axmed Saacid, waxaana kooxaha dilka geystay ay ka baxsadeen goobta ay falka dilka ka geysteen.

Waa dil ay aad uga yaabeen dhamaan dadka ku dhaqan degmada Dharkeylay ee gobolka Banaadir iyo guud ahaan caasimada Soomaaliya, maadaama odayga uu ahaa ruux da’ ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ku sugan magaalada ee wax kasoo dhisay maamul goboleedyada.

Maanta oo kaliya waxaa magaalada ka dhacay labo qarax, iyadoo shalay qarax lagu dhaawacay wariye ka tirsanaa TV Univeysal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Maxaad ka taqaan xaafadda Soomaalida aysan geli karin ee reer galbeedka ka dhisteen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismooyin gaagaaban oo laga dhisay xeyndaabka taliska AMISOM ee Xalane ayaa waxaa loogu magac daray Chelsea Village, taasoo ay degan yihiin shaqaalaha reer galbeedka iyo sirdoonkooda ee u jooga Somalia arrimo aan laga war cabin.

Xaafadda Chelsea ayaa guryaha ka dhisan ay yihiin kuwo gaagaaban oo laga sameeyay kunteenaro iyo alwaax, lehna adeeg walba, waxaana habeenkii lagu jiiftaa lacag ka badan $300.

https://www.youtube.com/watch?v=qPKdZrl_pm8

Sida lagu galo ayaa adag Chelsea Village, loomana ogola in ay galaan dadka Soomaalida xitaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Shirked caddaan ay leeyihiin ayaa mashruucaan ka hirgelisay gudaha xarunta AMISOM, waxaana suuragal ah in madaxda shacabka Soomaaliyeed madasha inaysan ka war qabin howsha ka socota Chelsea Village.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro & Xog cusub: Halkuu ka yimid Gaarigii fuliyay qaraxii maanta dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa ka dhacay afafka hore ee Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho xili boqolaal ruux ay ku sugnaayen maqaayado iyo goobo lagu shaaho oo ku dhagan Hoteelka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday wiil dhalinyaro ah ka imaaday waddo yar oo dhawaan laga sameeyay dhinaca Hoteelka, waxa ayna xaqiijiyeen in Gaariga ismiidaaminta lagu fuliyay uu ahaa nooca raaxada oo loo yaqaan Kaarib.

Gaariga oo ka imaaday dhanka Degmada Waaberi, ayaa la sheegay in qasdiga wadaha uu ahaa inuu ku jaro Hoteelka, hayeeshee uusan gaarin halkii uu qorshihiisa ahaa.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in wadaha gaariga ee ismiidaaminta fuliyay ay da’diisa u dhexeysay 20 ilaa 28 sano jir, waxa ayna intaa ku dareen in wiil dhalinyaro ah uu goobta Qaraxa ku dajiyay ka hor inta aysan dhicin ismiidaaminta.

Ciidamada amaanka ayaa Qaraxa kadib goobta ku qabtay nin da’diisa lagu qiyaasay 30 ilaa 40 kaa oo looga shakiyay inuu hagaayay wadaha gaariga ee ismiidaaminta fuliyay.

Ismiidaaminta ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 11 ruux oo shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo tiradooda lagu sheegay 14 ruux oo ay ku jiraan ilaalada Wasiirka Kaluumeysiga.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad sugida oo qaraxa kadib gaaray Hotelka Wehliye ayaa gurmad u fidiyay dadkii waxyeelada uu kasoo gaaray qaraxa, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dad la tuhmayo.

Waxa uu noqonayaa kii labaad ee maanta kaliya ka dhaca Muqdisho, waxaa saakay sidoo kale qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku dhaw warshada Nac naca oo ah xero ay degan yihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Keating oo ka shanqariyay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqeynta ay la sameyn doonaan Dowlada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay wada shaqeynta ay la sameyn doonaan Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Michael Keating, ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay isku waafaqeen in si hufan loola shaqeeyo Dowlada Somalia waxa uuna cadeeyay in wada shaqeynta la filaayo ay noqon doonto mid ka duwan kuwii hore.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay samata bixinta Somalia, waxa uuna amaanay sida Madaxweynaha Somalia uu durba u bilaabay howlaha Qaran ee DFS.

”Waxaan laba jibaari doonaa howlihii aan u joognay Somalia waxaa naga go’an inaan dhameystirno dhammaan howlaha qabyada noo ah si meesha looga saaro qabyada muuqata ee dhameystirka u baahan”

Michael Keating, ayaa cod dheer ku sheegay inay diyaar u yihiin in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha kala shaqeeyan sida lagu kobcin lahaa Siyaasada Xukuumada iyo dhammaan howlwadeenada Qaranka.

”Dowlada waxaan ka caawin doonaa dhan waliba si loo helo Siyaasad isku dheela tirsan oo ay ku shaqeyso Dowlada Cusub maadaama looga baahan yahay inay sii wado howlihii ay qabyeysay Dowladii hore”

Geesta kale, Michael Keating, ayaa ballanqaaday in Beesha Caalamka ay muujin doonto wada shaqeynta ay la leedaha Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dowladda oo ka hadashay Qaraxyada Muqdisho iyo Dadka loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay qaraxyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaasi ayaa midka ugu daran wuxuu sababay dhimashada dad badan oo shacab ahaa o ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd agagaarka hotel wehliye.

DOwladda waxay sheegtay in qaraxii maanta loo qabtay ruux da’diisa lagu qiyaasay 30 ilaa 35 sano jir, kaasi oo loo malaynayo inuu hagayay qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Sawirro Cusub: Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Hoteel Wehliye oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhaw ka dhacay Irida Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay weerarka lagu fuliyay.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Illaalada Hotelka iyo dad kale oo meesha ku sugnaa.

Hotelka Wehliye waxaa ku dhagan maqaayad dadka ay ka cunteeyaan, halkaasi Khasaare ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhashay.

Weerarka ayaa lala damacsanaa Wasiirka Kaluumeysiga KMG ee DFS Mr ceemoy oo xiligaasi uu gaarigiisa ka dhaqaaqay Hoteelka, inkastoo Wasiirka uu ka dagay gaariga waxyar ka hor inta uusan weerarka dhicin.

Ilaalada Wasiirka iyo Darawalkiisa ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka uu isagana ka badbaaday.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 11 ruux oo qaarkood u dhintay dhaawac looga qaaday goobta.

Dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu kor u dhaafaayo 14 sida laga soo xigtay Saraakiisha amaanka DFS ee goobta gaaray dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa badankooda ku sugnaa maqaayado lagu shaaho oo kasoo horjeeda Hoteelka.


Daawo sawirada qaraxii Hotel Wehliye ee khasaaraha geystay iyo meydadka oo jidka daadsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa sida aan horayba u sheegnay waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad farabadan oo ku sugnaa goobo dhowr ah oo lagu shaaho kuwaa oo ku yaalla afafka hore ee Hotel Wehliye.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, waxaana la sheegay in Khasaaraha dhisho uu kordhay.

Tirada dhimashada oo korortay ayaa la sheegayaa in iminka ay mareyso ilaa 8 ruux oo labo kamid ah ay ku dhinteen Isbitaal madiina, halka 6 kalana ay ku dhinteen goobta Qaraxa.

Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa iminka ku sugan goobta uu ka dhacay weerarka waxaana halkaasi laga daabulayaa dhaawacyo iyo Meydad.

Hotelka Wehliye waxaa ku dhagan maqaayad dadka ay ka cunteeyaan, halkaasi Khasaare ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Wararkii ugu dambeeyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Hoteel Wehliye

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa sida aan horayba u sheegnay waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad farabadan oo ku sugnaa goobo dhowr ah oo lagu shaaho kuwaa oo ku yaalla afafka hore ee Hotel Wehliye.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, waxaana la sheegay in Khasaaraha dhisho uu kordhay.

Tirada dhimashada oo korortay ayaa la sheegayaa in iminka ay mareyso ilaa 8 ruux oo labo kamid ah ay ku dhinteen Isbitaal madiina, halka 6 kalana ay ku dhinteen goobta Qaraxa.

Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa iminka ku sugan goobta uu ka dhacay weerarka waxaana halkaasi laga daabulayaa dhaawacyo iyo Meydad.

Hotelka Wehliye waxaa ku dhagan maqaayad dadka ay ka cunteeyaan, halkaasi Khasaare ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nin Xaaskiisa oo u dhashay 7 caruur ah ku gowracay Guriceel

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin uu xaaskiisa ku gowracay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa xaaskiisa ku gowracay degmada, waxaana la sheegayaa in loo malaynayo in madaxa looga jiro, walow aan la ogeyn sababta ka dambeysay arintan.

Ilaa Todobo caruur ah ayay u dhashay haweeneyda uu gowracay, iyadoo aysan jirin wax khilaaf ah oo muddooyinkaan dambe ka dhex taagnaa sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ehelada haweeneyda la gowracay ayaa sheegay in gabadhooda ay aheyd mid la tacaaleysay nolosha reerkooda, waxaana ay la yaabeen sida ay wax u dhaceen.

Ruuxa falka gowraca geystay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad halka xaaska uu gowracay magaceeda lagu sheegay Canab File.

Ciidamada maamulka Ahlu sunna ayaa qabtay ruuxa falkaasi ka dambeeyay, waxaan ala dhigay xabsiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka jiro inuu is casilay taliyihii ciidamada Xoogga ee leexiyey mushaarka Militariga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxday fadeexo ku aadan inuu Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya XDS S/Gaas Maxamed Aadan Axmed uu mushaarkii Ciidamada Militariga ku sugan Muqdisho u leexiyey kuwa kale oo joogo Puntland.

Warkaas ayaa banaanka imaaday kadib markii ay ciidamo ka tirsan Militariga ay banaanbaxyo ka sameeyeen Magaalada Muqdisho markaas oo ay xireyn jidadkii ugu muhiimsanaa iyagoo ka cabanayey mushaar la’aan.

Haddaba warkaas kadib waxaa soo baxay warar kale oo sheegayo inuu taliyaha iska casilay xilkii uu dowladda u hayey, waxaana arrintaas ka hadlay isla taliyaha oo ku tilmaamay inay tahay warar been abuur ah.

XDS S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa beeniyey inuu xilkiisa iska casilay inuu ku tilmaamay wararka sheegayo inuu leexiyey mushaarkii ciidamada Militariga kuwa been abuur ah oo lala xisaabsami doono ciddii faafisay.

Taliyaha ayaa sheegay in warkaas ay faafiyeen shaqsiyaad dano gaar ah leh oo aan fiirineyn midda qaranka sida uu hadalka u dhigay wuxuuna ka dhawaajiyey inaan sidaas la isaga hari doono oo la isla xisaabtami doono.

Taliyaha ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay mid raqiis ah oo aan lugo laheyn xilli uu u waramayey idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho, isagoo sheegay inay la yaab ku noqotay warkaas.

Taliyaha ciidamada Xoogga ayaa lagu eedeeyey inuu Puntland u leexiyey mushaarka ciidamada muddo 14 bilood ah waxaana soo baxay warar sheegayo inay arrintaas la ogeyd dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’isulwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

Mushaarka la leexiyey ayaa waxaa dhiibi jirtay dowladda Mareekanka oo ku dhawaad toban kun oo askari bil kasta dhiibto mushaarkooda waxayna ciidamadaas mushaar la’aan yihiin muddo 14 bilood ah laga soo bilaabao sanadkii 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax Xooggan oo loo adeegsaday Baabuur oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaaray xafiiska warqabadka Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu goor dhaw qarax weyn la dhacay Magaalada Muqdisho.

Sida wararka sheegayaan qaraxaan ayaa ka dhacay meel u dhaw warshadda Nacnac ee degmada Wadajir oo ay saldhig iyo xerooyin tababar ku leeyihiin ciidamada Xoogga kuwaas oo shalay banaan bax weyn ka sameeyey Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday baabuur walxaha qaraxa laga soo buuxiyey waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhawaaqa qaraxaan ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho welina ma jirto faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxday.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay goob Koontarool ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federalka Somaliya, waxaana isku qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Somaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamada dowladda ee goobtaasi Koontarool ah ku sugnaa.

Wararka waxa ay sheegayaan gaarigaan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay inuu ka yimid dhanka Gobolka Shabellaha hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay tahay hanjabaadda culus ee uu Erdogan u diray dowladda Netherland?

Ankara (Caasimada Online) –  Recep Tayyip Erdogan oo ah hoggaamiyaha geesiga ah ee ka taliyo dalka Turkiga ayaa ka hadlay tallaabadii ay qaaday dowladda Netherland  kadib markii laba wasiir oo ka tirsan dowladda Turkiga loo diiday inay qudbad u jeediyaan jaaliyada Turkiga ee ku nool dalka Netherland oo ku soo ururay qunsuliyada ku taal magaalada Rotterdam.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hanjabaad culus u diray dhigiisa Netherland wuxuu u sheegay inuu ka shanleyn doono arrintaas ay ku dhaqaaqeyn.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey in dhawaaca soo gaaray xiriirka dowladaha Turkiga iyo Netherland ay noqon doonto caqabad iyada qabsato taas ay ka qoomameyn doonto, wuxuuna hadalkaan imaaday markii   Netherland ay u diiday dalkeeda inay soo galaan labo wasiir oo Turkish ah.

Tallaabada ay qaaday Netherland ayey ku macneysay inay ka cabsatay inuu banaan-baxaas uu qalqal gelin karo amaanka dalkeeda maadaama ay soo dhawdahay doorashada la filay inay wadankaas ka dhacdo.

Dadweynaha isku soo baxay sameyn rabay ayaa doonayey inay muujiyaan taageerada ay u hayaan aftida loo qaadayo ballaarinta awoodda Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay wadamada reer Galbeed Islam Neceyb waxana uu ku baaqay in ururada caalamiga ay ku soo rogaan cunoqabatayn dalka Netherland.

“Waxaan u malaynayay in xilligii Nazigu uu dhamaaday, laakiin waan qaldanaa waayo Nazinimada waxa ay weli ka jirtaa wadamada reer galbeedka,”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Balse waxa uu Erdogan ammaanay dalka Faransiiska oo u oggolaaday muwaadiniinta reer Turkey in ay isku soo baxaan uuna qudbad u jeediyo Mr Cavusoglu.

Ra’iisal Wasaaraha Netherland Mark Rutte ayaa ka dalbaday Madaxweyne Erdogan inuu ka bixiyo cudurdaar isla barbardhigga uu ku sameeyay wadankiisa iyo Naziga.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Maxkamada Ciidamada oo xukuntay dadkii ka dambeeyay qaraxii Beerta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday ragii ka dambeeyay qaraxii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Dadka maanta la xukumay ayaa gaaraya ilaa iyo seddex ruux, waxaana horey loo dhageystay dacwada loo heystay dadkaasi oo 7 ruux gaarayay

Xukunada lagu riday seddexdaan ruux ayaa isugu jira dil toogasho iyo xabsi sanado badan ah, waxaana ay ku eedeysnaayeen qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Dadka la xukumay waxaa ku jira wadihii gaariga ku qarxay Suuqa beerta, oo la qabtay isla maalinkii uu dhacay qaraxa dadka badan ay ku dhinteen.

Ku dhawaad 35 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa ka dhacay Suuqa beerta ee degmada waaberi, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi kasii badan.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Seddex qodob oo sabab u aheyd gadoodkii ciidamada Meletariga ay sameeyeen (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka maqan xuquuqdooda aasaasiga ah oo ay lahaayeen, waxaana qaarkood bilooyin aysan arag mushaaraadkooda.

Saraakiisha ciidamada oo qaarkood aan la sheekeysanay ayaa sheegay in ciidamada meletariga ay ka gadoodeen seddex arin oo kala ah in mushaarkooda uu ka maqan yahay muddo ka badan hal sano.

Arinta labaad ee ay ka gadoodeen ayay ku sheegeen inay tahay amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed, kaasi oo ahaa in gabi ahaanba laga saaro magaalada Muqdisho oo dibada loo diro.

Waxay saraakiisha sheegeen inay qaadanayaan amarkaasi, balse ciidamada loo baahan yahay iney helaan dhamaan xuquuqda ka maqan kadibna ay ku qanci doonaan amarka madaxweynaha.

Arinta seddexaad ee ay ka banaan baxeen ayay ku sheegeen qaar kamid ah saraakiisha inay tahay inay doonayaan helitaanka gunnooyin iyo raashinkii ay lahaayeen ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo laga jaray sanado ka hor.

Sidoo kale waxay saraakiisha inoo sheegeen inay heystaan kalsooni ay ku banaanbixi karaan, ku gadoon karaan maadaama ay heystaan madaxweyne ka damqanaya, sida saraakiisha qaar ay inoo sheegeen.

Afartii sano ee madaxweynaha dalka uu ahaa Xasan Sheikh Maxamuud ma jirin gadood ciidamada ay sameynayeen, waxaana qaarkood aysan helin bilooyin mushaarka ay lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tallaabo noocee ah ayuu Farmaajo ka qaadi doonaa taliyaha xoogga ee leexiyey mushaarka Militariga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawan soo baxday Fadeexop ku aadan inuu taliyaha Ciidamada Xogga Soomaaliya Jeneral Maxamed Aadan Axmed musuq maasuqay Mushaarka ciidamada Militariga Soomaaliya muddo gaareyso ilaa 13 bilood.

Taliyaha ayaa mushaarkaas u wareejiyey guuto ka tirsan ciidamada Puntland waxaana lagu tilmaamay inay tahay qiyaano aad u weyn oo mudan in laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Waxay arrintaan so if baxday markii ciidamo ka tirsan Militariga ay banaanbaxyo waaweyn ka sameeyeen Magaalada Muqdisho iyagoo dalbanayey mushaarkooda oo ka maqan bilooyin badan.

Haddaba maadaama ay arrintaan soo baxday waxaa la is waydiinayaa tallaabada uu madaxweynaha ka qaadi karo Taliyaha xogga dalka oo arrintaan ku dhaqaaqay haddii si rasmi ah loo shaaciyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo horey ugu dhawaaqay inay dowladiisa si weyn ula dagaalami doonto  musuq maasuqa ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidamada Xoogga sidoo kalana lasoo taago maxkamad ku saleysan cadaalad si aysan mar kale u dhicin qiyaano noocaan camal ah.

Lama oga tallaabada ay ka qaadi doonaan arrintan dowladda Farmaajo, balse waxay   noqon doontaa mid lagu hubiyo daacadnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada musuqmaasuqa baahay ee madaxda ciidamada iyo kuwa rayidka ahna.

Haddii ay arintaan si dhab ah u cadaato waxaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hortaalo tijaabadii ugu horreysay oo ay mareyso dowladiisa waxayna noqon doontaa arrintaan mid saameyn weyn yeelato haddii aan wax laga qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Xiisad ka taagay guri ku dhow Villa Somalia iyo ciidan la isku urursaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad ka dhalatay guri ku ag dhow madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo lahaanshihiisa la isku haysto, ayaa laga cabsi qabaa inay isku beddesho iska horimaad dhaliya khasaare nafeed.

Xiisadan ayaa waxa ay timid kadib markii la isku qabsaday guriga oo ay laheed Allaha u naxariistee marxuumad Xaawo Cawaale Abti-doon (Xaawo Yareey) oo aheyd haweyneedii ugu horeesay ee Soomaaliyeed ee noqota xildhibaan.

Wararka ayaa sheegaya in la isku dayay in si sharci darro ah lagula wareego gurigaas, sida ay ku doodeen qaar ka mid ah ehelada marxuumada oo la hadlay idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan oo shegay inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka horayna u ahaa gudoomiyihii dagmada Hilwaa, ayaa ku dooday in gurigan ay leedahay marxuumad Xaawo Yareey, sidaas daraadeedna ay ka hortagayaan in lagala wareego ilmaha ay dhashay

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

[su_audio url=”http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2017/03/gaashaanle-sare-cumar-cabdulle-axmad-jacfaan.mp3?_=1″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo dib uga laabanaya go’aankii uu xildhibaanada uga mamnuucay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dib uga laabtay qorshihii ahaa in Golaha Wasiirada aan lagu soo darin Xildhibaanada ka tirsan labada Aqal ee BFS.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Wasiirada loogu biirinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii ay gadoodeen Xildhibaanadii codka siiyay.

Golaha Wasiirada ayaa la xaqiijiyay inay kamid noqon doonaan ilaa 6 Xildhibaan oo laga soo kala qaadan doono labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia kuwaa oo loo aqoonsaday inay buuxin karaan Sifaha lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa horay u go’aamiyay in Xildhibaanada labada Aqal ay ka soomi doonaan kamid noqoshada Golaha Wasiirada, inkastoo sababo jira darteed tirro Xildhibaano ah ay uga mid noqon doonaan Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada kamid noqon doona Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in Dowladihii hore ay kasoo qabteen xilal kala duwan kuwaa oo ay ku jiraan Xildhibaano horay usoo galay Musuq Hanti Qaran mudadii ay hayeen Xilka Wasiirnimo iyo ku-xigeen.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu xiligaani leh awooda ugu badan ee lagu soo magacaabaayo Golaha ayaa la kulmaaya cadaadis kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka ee dib loogu laabto gar goynta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalinkarin isbedelka ku imaankara Go’aanka Madaxweynaha ee lagu kordhinaayo Xildhibaanada kamid noqon doona Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xoghaynta Farmaajo: Weligey kama tanaasuli doono Somaliland-nimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghaynta Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka tanaasuli doonin fekerkeeda ku aadan jiritaanka Somaliland ee gooni isu taaga ah.

Nimco Ciise oo ah xoghaynta Madaxweyne Farmaajo oo asal ahaana ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa barteeda Facebook kusoo daabacday in shaqada ay heyso micnaheeda uusan aheyn inay ka tanaasushay fekerkeeda gooni isu taaga Somaliland.

Nimco Ciise, waxay sheegtay shaqada ay hayso inaysan bedelin ayna ku faraxsantahay inay tahay Somalilander, hayeeshee shaqadaani ay tahay mid ay ku gaareyso damaceeda Siyaasadeed.

Mid ka mid ah asxaabteeda oo commenti ka bixisay qoraalkaas ayaa ku tiri waxaa la mid tahay dadka ka shaqeeya Daarfuur ama Geneva waxayna si deg deg ah ugu jawaabtay “Waa sidaa huuno”

Xarumaha ugu muhiimsan ee dalka sida Villa Somalia ayaa waxaa u shaqa taga boqolaal ruux oo u adeegeysa Qaranka haddana aan aaminsaneyn Qaranimada Somalia kuwaa oo u hanqal taagaya in Somalia ay kala go’do cid walibana ay maamulato deegaankeeda.

Dadka qaar ayaa is weydiinaaya in Villa Somalia oo ah halka laga maamulo dalka ay haddana u shaqa tagaan shaqsiyaad aan ku qanacsaneyn midnimada Somalia.

Xafladdii lagu taageerayay R/W Kheyre ee London oo lagu kala tegi gaaray, Sabab?

0

London (Caasimada Online)– Xaflad lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Xasan Cali Kheyre oo jaaliyadda Soomaalida London habeenkii Sabtida ugu qabteen ayaa waxaa ka dhashay buuq sababi gaaray in lagu kala tago.

Buuqaasi ka dhashay furitaankii xafladda intii lagu guda jiray fikrad ay soo jeediyeen qaar ka mid ah dadka laga dhex yaqaan bulshada ee ku nool London, in dadkii kasoo qeybgalay xafladda oo gaarayay kun qof loo jeediyo codsi ahaa inay taageeraan dadka abaareysan ee gobolada Somalia ku ildaran.

Fikrada oo daba socotay in qof walba wixii uu markaas awoodo goobta ku bixiyo, hase ahaatee qaar ka mid ah guddigii qaban qaabada xafladda taageerada ra’iisul wasaare Kheyre ayaa is hortaagay oo diiday in goobta lagu aruuriyo wax lacag ah oo loogu deeqayo dadka ku abaareysan Somalia.

Arrintaasi oo dad badan ay ka caroodeen ayaa buuqii ka dhashay wuxuu ku sigtay in xafladda lagu kala tago.

Mid ka mid ah dadkii ku howlanaa taageeradi dadka abaareysan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay erayo kulul oo uu ku cambaareynayay kuna sheegay in 1000 qof oo xafladda timid laga hor istaagay inay sadaqo la baxaan si ay u taageeraan walaalahooda dhibaateysan.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]
London, UK,

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]