28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Farmaajo oo dib uga laabanaya go’aankii uu xildhibaanada uga mamnuucay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dib uga laabtay qorshihii ahaa in Golaha Wasiirada aan lagu soo darin Xildhibaanada ka tirsan labada Aqal ee BFS.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Wasiirada loogu biirinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii ay gadoodeen Xildhibaanadii codka siiyay.

Golaha Wasiirada ayaa la xaqiijiyay inay kamid noqon doonaan ilaa 6 Xildhibaan oo laga soo kala qaadan doono labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia kuwaa oo loo aqoonsaday inay buuxin karaan Sifaha lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa horay u go’aamiyay in Xildhibaanada labada Aqal ay ka soomi doonaan kamid noqoshada Golaha Wasiirada, inkastoo sababo jira darteed tirro Xildhibaano ah ay uga mid noqon doonaan Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada kamid noqon doona Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in Dowladihii hore ay kasoo qabteen xilal kala duwan kuwaa oo ay ku jiraan Xildhibaano horay usoo galay Musuq Hanti Qaran mudadii ay hayeen Xilka Wasiirnimo iyo ku-xigeen.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu xiligaani leh awooda ugu badan ee lagu soo magacaabaayo Golaha ayaa la kulmaaya cadaadis kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka ee dib loogu laabto gar goynta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalinkarin isbedelka ku imaankara Go’aanka Madaxweynaha ee lagu kordhinaayo Xildhibaanada kamid noqon doona Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xoghaynta Farmaajo: Weligey kama tanaasuli doono Somaliland-nimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghaynta Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka tanaasuli doonin fekerkeeda ku aadan jiritaanka Somaliland ee gooni isu taaga ah.

Nimco Ciise oo ah xoghaynta Madaxweyne Farmaajo oo asal ahaana ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa barteeda Facebook kusoo daabacday in shaqada ay heyso micnaheeda uusan aheyn inay ka tanaasushay fekerkeeda gooni isu taaga Somaliland.

Nimco Ciise, waxay sheegtay shaqada ay hayso inaysan bedelin ayna ku faraxsantahay inay tahay Somalilander, hayeeshee shaqadaani ay tahay mid ay ku gaareyso damaceeda Siyaasadeed.

Mid ka mid ah asxaabteeda oo commenti ka bixisay qoraalkaas ayaa ku tiri waxaa la mid tahay dadka ka shaqeeya Daarfuur ama Geneva waxayna si deg deg ah ugu jawaabtay “Waa sidaa huuno”

Xarumaha ugu muhiimsan ee dalka sida Villa Somalia ayaa waxaa u shaqa taga boqolaal ruux oo u adeegeysa Qaranka haddana aan aaminsaneyn Qaranimada Somalia kuwaa oo u hanqal taagaya in Somalia ay kala go’do cid walibana ay maamulato deegaankeeda.

Dadka qaar ayaa is weydiinaaya in Villa Somalia oo ah halka laga maamulo dalka ay haddana u shaqa tagaan shaqsiyaad aan ku qanacsaneyn midnimada Somalia.

Xafladdii lagu taageerayay R/W Kheyre ee London oo lagu kala tegi gaaray, Sabab?

0

London (Caasimada Online)– Xaflad lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Xasan Cali Kheyre oo jaaliyadda Soomaalida London habeenkii Sabtida ugu qabteen ayaa waxaa ka dhashay buuq sababi gaaray in lagu kala tago.

Buuqaasi ka dhashay furitaankii xafladda intii lagu guda jiray fikrad ay soo jeediyeen qaar ka mid ah dadka laga dhex yaqaan bulshada ee ku nool London, in dadkii kasoo qeybgalay xafladda oo gaarayay kun qof loo jeediyo codsi ahaa inay taageeraan dadka abaareysan ee gobolada Somalia ku ildaran.

Fikrada oo daba socotay in qof walba wixii uu markaas awoodo goobta ku bixiyo, hase ahaatee qaar ka mid ah guddigii qaban qaabada xafladda taageerada ra’iisul wasaare Kheyre ayaa is hortaagay oo diiday in goobta lagu aruuriyo wax lacag ah oo loogu deeqayo dadka ku abaareysan Somalia.

Arrintaasi oo dad badan ay ka caroodeen ayaa buuqii ka dhashay wuxuu ku sigtay in xafladda lagu kala tago.

Mid ka mid ah dadkii ku howlanaa taageeradi dadka abaareysan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay erayo kulul oo uu ku cambaareynayay kuna sheegay in 1000 qof oo xafladda timid laga hor istaagay inay sadaqo la baxaan si ay u taageeraan walaalahooda dhibaateysan.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]
London, UK,

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Ciidamada AMISOM oo dhacdo yaableh ka sameeyay xaafada Xamar-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in arin yaab leh ciidamada AMISOM ay ka geysteen xaafada Xamarjadiid.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in gaadiid saxaro waday ay ku daadiyeen xaafada xalay saqdii dhexe, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Saxarada oo aan la ogeyn halka ay ciidamada AMISOM ka keeneen ayaa badashay hawada xaafada, maadaama meelo badan oo xaafada kamid ah ay ku daadiyeen.

Waa dhacdo cusub oo ciidamada ay geysteen, waxaana la sheegayaa in xalay saqdii dhexe la maqlayay hugunka gaadiidka ay adeegsadaan ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa saaka ku waaberiistay saxaro badan oo xaafada daadsan, waxayna bilaabeen inay iska guraan sida dadka deegaanka warbaahinta Muqdisho ay u sheegeen.

Lama oga sababta, waxaase la qiyaasayaa in gaadiidka AMISOM ee saxarada waday iney cilad ku timid sidaasina xaafada dhan ay wada saxaro u noqotay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Doorashadii Farmaajo lagu doortay waxay aheyd kala bixii xaqqa iyo baadilka

Maxaa hadda looga fadhiyaa dowladda cusub ee ka hana qaaday dalka inkastoo uu shacbiga Soomaaliyeed uu si diiran u soo dhaweeyay hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliyeed, haddana weli far kama qodna xaaladdda dhabta  ah ee Soomaaliyeed, ilaa intee Madaxweynaha hadda talada haya uu wax ka qaban karaa?

Hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliya oo la doortay 8 Febraayo ee sannadkan, waxaa si diiran u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, arrintaasi waxay faxad gelisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo niyad jab ba’an heystay.

Haddaba, Xilka uu qaaday mudane Maxamed Cabdullaahi waa mid aad u culus oo aan ku dhamaan karin si fudud.

Waxay soo ahaataba waxaa shacabka Soomaaaliyeed u caddaatay in mudane Farmaajo uu yahay hoggaaamiye dhab ah oo u  hana qaaday dhammaan geeska Afrika.

Hoggaamiyaha nasiibka badan ee habeen dhaladka ah, waxuu dhashay waqti loo baahnaa, waxaa taa daliil cad u ah farxaddii oo ilaa iyo hadda aanan dhamaanin ee uu shacabka Soomaaliyeed weli la jalboonayo, kaddib markii ay qiyaaseen ishaarteenna hoggaamiye badbaadin karaa, kana badbaadin kara ammaan darrida caddaaklad darida iyo shaqo la’aanta dilootay.

Dabcan, mudane Farmaajo iskama imaanin, ilaah baa keenay macno la’aanna uma gelin tartanka ee waa ilhaamin xagga rabi nooga timid, wuxuuna muujiyay dadaalkiisa kama dambeysta ahaa, waxaana caddaatay in maalintaasi ahayd maalin ay kala baxeen xaqa iyo baadilka.

Ummadda Soomaaliyeed maxaa la gudboon: iyagoo in badan niyadda ku heysay  in mar uun uu dhalan doono hoggaamiyihii ka saari lahaa dhibaatrooyinka iyo ammaan darrida dhinac walba kaga timid, taasi macnaheedu ma ahan in markiiba ay wax waliba toosayaan, sida cunugga marka uu dhasho aanan looga fileynin inuu horay ka socda, waa xaqiiqo dhab ah in dalkaan uu u dhashay hoggaamiyihii Alle u dooray waqtiigii loogu talagalay, hoggaamiyihii loogu talagalay  in badan la sugayay.

Waa shaki la’aan in shacabka Soomaaliyeed, uu dhawaan ka bixi doono dhibaatooyinkii ku habsaday oo in dhawaalaba uu la kuf-kufayay in kastoo shacabka Soomaaliyeed ku dhisan yahay qabaail, uuna sabab u yahay waxa dib u dhac badan u keenay, waxaana laga sugayaa inuu ka baxo, aaminsannaanta qalafasan ee uu aaminay qabyaaladda, taasoo sababtay dib u dhac badan iyo is dil sabab u noqotay.

Shacabka Soomaaliyeed hadda maxuu sugayaa?

Tan waa kala bixii xaqa iyo baadilka hase ahaatee taariikhda ayaa waxay nagu xukumeysaa in aan runta isu sheegno, haddii aan dooneyno in geedi socodka nabadda la gaaro laguna dhaqmo waa in aan gacmaha isqabsannaa, dabcan Madaxweynaha qudhiisa waxaa u qorsheysan barnaamijyo badan uu dal iyo dibaddba uu dib ugu soo nooleynayo, waxaana u qorsheysan in uu muujiyo howl dhaxalgal  u ahaan doono shacabka Soomaaliyeed, intaasoo keliya ma ahan, waxa aad ugu muhimsan wax qabadkiisu kuna billaabi doonaa ammaan darrada caddaaladda oo la sugo, wuxuuna uu ku dadaali doonaa sidii uu u suuro gelin lahaa  degenaashaha shacbiga iyo sidii uu uga bixin lahaa abaaraha soo noq-noqday, kuwaasoo xitaa caalamka uu marar badan ka hadlay, waayo mar waxaan ka cabanaa abaaro, marna daadad xaaqa dadka iyo xoolaha.

Howlaha horyaallo, Madaxweynaha ma dhawa mana dheera, hase ahaatee kuwa u horreeya ee la doonayo inuu wax ka qabto inuu Ummadda ka dhiso xagga wacyiga iyo aqoonta iyo in shacabka Soomaaliyeed oo boqoljkiiba 80% uu manaafacsado nafaqada xoolaha ka timaada, waxayna ku nool yihiin deegaannada miyiga.

Hadda aan joogno imise abaar ayaa dhacday u dhimatay dad iyo xoolo ba? qeyla dhaanto weli waa taagan tahay, tillaabooyinka cadcad ee aan ku baarujineyno waxaa ka mid ah, mashaariicda xoolaha iyo degaannada ay ku nool yihiin, hadddii si dhab ah looga fikiro waxaa shaki la’aan horumari doona caafimaadkooda, waraabkooda iyo daaqoodaba. Waxaa kaloo fursado kuwaa ka sii weyn heli doonaa deegaannada gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi, waxaa lagama maarmaan ahaan doonta ka fikirka waraabkooda iyo naaxin tooda, si loo helo xoolo tadyadooda tartan la gelin karo.

Waa dhab markaasi inay ku soo biiri doonaan dhallin yaro u soo hanaqaaday iyo aqoon yahanno wax weyn ku kordhiya horumarinta iyo daryeelka caafimaadka xoolaha aan isweydiinnee aaway Wakaaladdii daaqa Qaranka hadda suura gal ma tahay in wax laga qabto?

Waxay wakaaladdaasi lagama maarmaan u tahay dhamaan xoolaleyda Soomaaliyeed waa in ay dowladda ku baraarugtaa dhowrista ugaarta oo si baahsan loo dayacay, waxayna door ka qaadataa haddii la badbaadiyo horumarka dalxiiska, ama taasoo sannooyin horay u dayacnayd, iyadoo dalxiisku uu ku dhisan yahay waxaana la huridoonin mudane Madaxweyne inaad ka saarto sharuucda looga hortegayo leynta ugaarta oo laga dhigtay mashruuc aan loo baahneyn.

Sidaa darteed, Madaxweyne Farmaajo waa Madaxweynaha JFS, waxaan ku tilmaami karnaa halyeey mudnaan gaaray una dhow in uu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed oo sannooyin badan soo dhaxdabaalanayay marka laga soo billaabo 1991.

W/Q:  Ciise Faarax.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Gaas oo guul ka gaaray culees muddooyinkaan dambe soo wajahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanada Puntland ayaa sheegaya in xal laga gaaray gadoodka ay maalmahaan sameynayeen ciidamada maamulkaasi.

Sida wararka aan ku heleyno waxaa xal laga gaaray ciidamada gadooday ee ku sugan koontaroolka koofureed ee magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Arintaan xalinta ciidamada gadooday waxaa ku mashquulsanaa odayaal dhaqameed iyo qaarka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Puntland.

C/raxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah waxgaradkii ka qeyb galay xalinta gadoodka ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in xal buuxa laga gaaray arimihii jiray.

“Odoyaasha, nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa muddo ka shaqeynayey arrintaasi, qeyb ay si dadban isku arkayeen taliyaha iyo waxgaradka kale iyo qeyb ay si toos ah isku arkayeen, arrintaasi waa la xalliyey, waxaa lagu xalliyay arrintii Puntland ay ku dhisneyd ee ahayd golaha sharci dejinta, fulinta iyo dhaqanka” ayuu yiri Nabadoon Samatar.

Nabadoon C/laahi Maxamed Jibriil oo isna kamid ahaa waxgaradkii xalinayey tabashada ciidamada Puntland ayaa sheegay in la dhammeeyey cabashadii ay qabeen ciidankii qabsaday Koontaroolka Koonfureed ee Garoowe, laguna qanciyey iney ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen.

“Xal baa laga gaaray ciidamadana xeryahoodii bay dib ugu laabteen, isku socodkii iyo howlihii kalena sidoodii waaye, ciidamadana waan ku qancinnay iney ka tagaan Koontaroolka Koofurta Garoowe” ayuu yiri Nabadoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Uganda: Fadeexad ay ku lug leeyihiin Soomaali oo lagu helay madax sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Uganda ayaa qeyla dhaan kasoo saartay isticmaalka Ajaaniibta farahabadan ee Baasaboorka Ugandha.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Wargeyska The Monitor u sheegay in Wasaaradu ay wado baaritaan la xiriira sifo sharci darro ah oo lagu bixiyo Baasaboorka Ugandha.

Sarkaalka ayaa sheegay inay Jiraan Saraakiil ka tirsan Booliska oo Shaqsiyaad Ajaaniib ah oo u badan Soomaali sifo sharci darro ah uga iibsada Baasaboorka Ugandha.

Waxa uu sheegay in Baasabooro aan cadadkooda la sheegi karin lagu bixiyay sifo sharci darro ah, kuwaa oo inta badan laga iibsaday Soomaalida ku dhaqan Ugandha.

Anthony Namara oo ah Taliyaha Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee dalkaasi, ayaa isna xaqiijiyay in Baasaboorada Ugandha ay isticmaalan Ajaaniib aan lasoo marin Wasaarada iyo dhinacyada qaabilsan Baasaboorada waxa uuna cadeeyay in Howsha Wasaarada ay faraha kula jiraan Saraakiil Boolis ah oo aan loo idman howshaasi.

Anthony Namara, waxa uu sheegay in iminka uu socdo baaritaan isla markaana gacanta lagu hayo Shaqsiyaad ka tirsan Booliska oo sifo sharci darro ah ku iibsada Baasaboorka.

Waxa uu intaa ku daray in baaritaanka socda ay qeyb ka noqon doonaan Qaxooti Soomaali ah oo iyagu lagu helay Baasaboorada Ugandha kuwaa oo si dhow u fangareynaayay Saraakiisha.

Taliyaha Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee dalkaasi, Anthony Namara waxa uu xusay in Qaxootiga baaritaanadda ku socdaan ku jiraan Somali, Eritrean, Burundian, Rwanda iyo kuwo u dhashay dalka Kongo.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in mudada ay socto baaritaanka aysan dalka ka bixin shaqsiyaadka uu ku fooraaro kiiska Musuqa iyo iibsashada Baasaboorka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre: Ma ahan in baarlamanka iyo dowladda ay isku milmaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha uu doonayo inuu wax ka qabto muddada uu hayo xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xukuumadiisa ay noqon doonto mid ka duwan xukumadihii dalka Soomaaliya soo maray, wuxuuna sheegay inuu diyaaru yahay isla xisaabtan dhab ah.

Isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu sheegay inay ka mideysan yihiin in dalka iyo dadka SOomaaliyeed loo shaqeeya oo aan laga shaqeysan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirada uu soo dhisayo ay noqon doonaan kuwo diyaar u noqda in lagula xisaabtamo musuq haddii ay sameeyaan.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay awoodaha iyo isku dhex yaaca ka dhex jira hay’addaha kala duwan ee dalka, wuxuuna tusaale usoo qaatay baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya shaqadooda tahay inay ku fakaraan subax walbaa sidii sharciyo adag oo meel mara ay ugu sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo qancin lahaa hay’addaha cadaalada dalka Soomaaliya, si looga gun gaaro musuq maasuqa dalka iyo sidii loo dhameyn lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Askari ka tirsan Amisom oo arrin yaab leh looga waday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska AMISOM ee Somalia ayaa musaafuriyay Askari u dhashay dalka Burundi oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kadib markii lagu soo oogay danbi sharci jabin ah.

Askarigaani oo lagu magacaabayay Niyonkuru Leon ayaa lagu eedeeyay inuu ka weecday Sharciga u degsan Taliska AMISOM, waxaana la sheegay in dacwadiisa ay tahay in magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray Gaari nooca raaxada ah isagoo aan wadan wax ilaalo ah.

Niyonkuru Leon ayaa loo musaafuriyay dalkiisa waxa ayna Saraakiisha AMISOM sheegen in iminka laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Bujumbura.

Gaspard Baratuza oo ah Afhayeenka Ciiddanka Burundi, ayaa sheegay in Askarigaasi uu jabiyay sharciga isla markaana lagu maxkamadeyn doono dalkiisa.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Askarigaasi xabsi la dhigi doono ka hor inta aan la maxkamadeyn, waxa uuna cadeeyay in marka hore uu halis galiyay naftiisa, marka xigtana uu ka weecday Sharciga.

Mr Gaspard Baratuza waxa uu intaasi ku daray inuu Askariga ogaa inay mamnuuc tahay in Askari keligiisa uu gaari ku kaxeeyo gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho sababo dhinaca Ammaanka.

Gaspard Baratuza, waxa uu intaa kusii daray inaysan Ciiddanka AMISOM iyo Ergadda Beesha Caalamka fasax u qabin inay keligooda gaari ku dhex wataan gudaha magaalladda Muqdisho.

Inta badan dadka ayaa aad ula yaaban go’aanka lagu maxkamadeynaayo Askarigaani maadaama inta badan magaalada Muqdisho ay tahay mid amni ah.

Lama oga talaabada ay Dowladaasi ka qaadi doonto Askarigaani la sheegay inuu ka weecday sharciga isla markaana halis galiyay Naftiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aabe iyo afar gabdhood uu dhalay oo hal jaamacad wada dhigta: Video

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Aabe Yusuf Aybakar  Shadoor oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa wuxuu jaamacad la dhigtaa afar gabdhood oo uu dhalay, mararka qaarna wada fadhiista hal fasal.

Yusuf Aybakar Shadoor ayaa waxbarashadiisii hore waxaa dhantaalay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay hase ahaatee seddax sano ka hor dib u bilaabay waxbarashadiisa, waxaana isla jaamacadda uu wax ka barto iyaguna dhigta afar gabdho uu dhalay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Cidda qaadatay mushaarka militariga oo la ogaaday iyo ceeb ka taagan Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa maanta magaalada Muqdisho gadood ka sameeyey ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugnaa xerada tababarka ee Warshadda Nacnaca.

Haddaba Caasimadda Online ayaa soo heshay xog muujineyso cidda qaadatay Mushaarka Ciidamada Militariga oo maqan ilaa 13 bilood.

Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa muujineyso inuu mushaarka ciidamada Militariga Musuqmaasuqay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Maxamed Aadan Axmed oo u wareejiyey maamulka Puntland.

Mushaarki loogu talagalay ciidamada Militaridga Muqdisho ku sugan ayaa waxaa bilooyinkaas dhan si sharci darro ah loo siin jiray guuto ka tirsan ciidamada Militariga Puntland

Taliyaha ayaa la sheegay inuu arrintaan soo bilaabay bilawgii sanadkii 2016 markaas oo uu si toos ah mushaarkii ciidamada Militariga ugu wareejiyey kuwa ka tirsan Maamulka Puntland waxayna arrintaan markii hore aheyd mid qarsoon oo aan laga warheyn.

Ciidamada ay mushaaraadka ka maqan yiin ayaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 3500 oo askari kuwaas oo isugu jiro : Ciidamada xerada Warshadda Nacnaca, ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia, Ciiidamada Cirka, Ciidamada Guutada 60-aad ee xoogga dalka. Iyo Ciidamada Badda.

Ciidamadaan noocyadooda kala duwan aan soo sheegnay waxay kamid ah yihiin ciidamo toban kun gaaraya oo ay mushaarkooda bixiso Dowladda Mareekanka waxaana la ogaaday in bilooyinkii ugu dambeysay la musuq-maasuqay.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo inay arrintaan wax ka ogaayeen Ra’isulwasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid iyo dowladdii Waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud maadaama ay soo bilaabatay musuq maasuqaan xilligii ay dadka ka talinayeen.

Ciidamada Warshadda Nacnaca ayaa ku dhiiraday inay maanta dareenkooda kusoo bandhigaan wadooyinka Muqdisho kadib markii ay u adkeysan waayeen baahidada ku qabatay xeradaas maadaama noocyada kale ee Ciidamada oo ay mushaarka ka maqan yihiin ay mararka qaar helaan dhac dhac kale oo aan aheyn mushaarkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ogaaday xaaladda dhabta ah ee heysato ciidamada Militariga waxaana dhawaan laga filayaxa go’aan deg deg ah oo ku sababsan arintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraadka oo durba qas ka abuuray dekedda Berbera (Maxaa maanta dhacay)?

Berbera (Caasimada Online) – Shaqaalaha Dekedda Berbara ee gobolka Saaxil ayaa maanta dhigay bannaanbax iyo shaqo joojin isku jira iyagoo ka cabanay caqabado ay sheegeen inay kasoo wajahday dhinaca nolosha.

Qaar kamid ah dadka gadooday oo lahadlay warbaahinta gudaha, ayaa xusay in shirkadda DPWorld oo 1-dii Bisha Saddexaad, la wareegtay maamulka dekeddaas ay cadaadis saartay shaqaalaha.

Waxay sheegeen in lagu amray inay ku shaqeeyaan mushahar yar, hadii kale la keeni doono ajaanib ku shaqaysa awaamiirta iyo rabitaanka shirkadda.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf ayaa sidoo kale laanta Afk-Soomaliga ee BBC-da u sheegay in shaqaalaha ay ka cabanayaan mushaharka shirkaddaasi.

Waxa uu nitaasi ku daray Jaamac Yuusuf in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

“Shaqaalaha waxaa lagu amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena kuwo ajaanib ah la keeenayo iyadoo shaqaalaha qaarkood la xir-xiray, rasaasna lagu riday” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf

Ilaa iyo hadda maamulka shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan.

Tallaabadan ayaa timid xilli shirkaddan casriyayn ku samaysay Dekedda kadib hishiis ay la gashay xukuumadda Somaliland inkastoo dadka gobolkaas kasoo horjeedeen.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
[email protected]

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa waxaa Caawa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo baro koontarool ku lahaa Xaafada Siinaay Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Qaraxyada lagu weeraray ayaa xiliga weerarka ku guda jiray shaqooyinkooda waxaana la sheegayaa in weerarkaasi uu ka dhacay khasaaro kala duwan.

Qaraxyada kadib Ciidamada Dowlada ayaa afarta jiho u furay rasaas farabadan oo qaarkood ay ku dhaceen dad shacab ah oo xiliga uu weerarka dhacaayay ku sugnaa goobta.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay inay arkayeen dad shacab ah oo ay ku dhaceen rasaas iyo kuwo Qaraxa uu kasoo gaaray firir, kuwaa oo iminka la dhigay goobaha caafimaad.

Maleeshiyaadkii weerarka geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen Labo dhalinyaro oo min hal Bam tuuray kuwaa oo weerarka kadib ka baxsaday goobta.

Ciidamada Amaanka ayaa hadda ku sugan goobta lagu weeraray Qaraxyada oo aheyd baro koontarool oo ku yaalla Xaafada Siinaay ee Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo baaqii ugu danbeeyay u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa goordhow ku dhawaaqay inay sii kordhayaan Abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan Gobolada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay garab boodaan Guddiga Abaaraha dalka oo uu sheegay inay dhexda ugu jiraan dhibaatada isa soo tareysa ee Abaaraha.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay jirto gaabis dhanka shacabka ah waxa uuna ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay waxtaraan walaalahooda oo xiligaani gurmad u baahan.

”Waxaan ku baaqayaa in shacabka Soomaaliyeed kuwooda ka caafimaad qaba abaaraha ay garab istaagan kuwa ay lasoo deristay abaarta waxaa lagu jiraa xiligii loo baahnaa in leys garab istaago”

Waxa uu ku taliyay in Hantidooda ay ugu gargaaran kuwa la liita baahida iyo haraadka waxa uuna xusay in dhankooda ay ka muujin doonaan garabka ugu weyn ilaa xad ah.

Madaxweynaha oo maanta kulan is weydaarsi ah la qaatay Guddiga abaaraha ayaa sheegay in macluusha taagan ay tahay mid kasii dareysa loona baahan yahay in leysku gargaaro cidba cida ay wax dhaanto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka oo isna kulanka ka hadlaayay ayaa sheegay Abaaraha soo noq noqday ay yihiin dambi anaga aan galnay, taana ay u sabab tahay badashada beenta qiyaanada iyo Musuq maasuqa.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Guddiga ayaa si wada jir ah ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab u noqdaan kuwa ay baahida heysato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Coldoon waan toogan lahaa haddii aan ahaan lahaa madaxweymanaha Somaliland, sidaas waxaa yiri…

Hargeysa (Caasimadda Online) – Feysal Cali Waraabe waa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland, waana siyaasiga ugu afka adag siyaasiyiinta Somaliland.

Feysal ayaa markii ka dhawaajiyey hadalkii ugu yaabka badnaa, isagoo ka dhawaajiyey inu toogan lahaa Wariye Coldoon haddii uu ahaan lahaa madaxweynaha Somiland.

Mar la waydiiyey dambiga uu galay Coldoon ayuu Waraabe ku jawaabay inuu u heesay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo intii uu joogay Magaalada Muqdisho.

Feysal ayaa sheegay in jiilka yar yar ee coldoon la faca ah inaysan waxba ka garaneyn dhibaatadii laga soo maray Somaliland, iyo dilkii loo geystay dadkii kasoo jeeday dhulka uu ka arrimiyo maamulka Somaliland intii ay jirtay dowladdii Siyaad Barre.

Feysal ayaa la waydiyey haddii ay saxaafadda Democracy tahay  iyo waxa keenayo in la xiro coldoon, wuxuuna ka dhawaajiyey inaan loo dulqaadan karin shaqsi kasta oo kasoo hor jeedo gooni isku taagga Somaliland.

Hadalkaan ayaa imaanayi xilli weli uu Coldoon u xiran yahay Maamulka Somaliland iyadoo aan laga warqabin xukunka uu maray inta uu la eg yahay, waxaana lagu heystaa booqashadii uu ku imaaday Muqdisho iyo taageeradii uu u sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Haddaba hadalka Feysal  ee yaabka badan halkaan hoose ka Daawo

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

 

Sargaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia oo goordhow lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Caawa la weeraray Sargaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Sargaalkaani ayaa lagu weeraray Xaafada Carafaad Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir xili uu watay gaari nooca raaxada ah.

Sargaalkaani oo lagu huwiyay rasaas farabadan waxaana la sheegayaa inuu iska caawiyay mudada ay ku soctay rasaasta.

Gaariga Sargaalkaani ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan waxaana la xaqiijiyay inaanu soo gaarin wax khasaaro ah, balse uu khasaaraha soo gaaray dad ku sugnaa eeryada.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas fara badan, oo la is dhaafsaday, taasina ay casbi ku abuurtay dadkii halkaasi ku sugnaa, maadaama qal qal xoogan uu soo wajahay.

Dhinaca kale, weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada gaar ahaan kuwa degmada oo rasaas ku furay Maleeshiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arooskii ugu yaabka badnaa : Nin isla guursaday Ardayad, Macalimadeeda, Maamulihii iyo kormeerihii iskuulka

Jeeddah (Caasimadda Online) – Wargeyska Caanka ah ee la yiraahdo Al Yamamah ee kasoo baxo dalka Sacuudiga ayaa maanta daabacay warbixin noqotay middii ugu yaabka badneyd sanadihii ugu dambeeyey aduunka taasoo keentay inay qabsato baraha bulshada ku sheekeysato ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wargeyska ayaa sheegay in kasoo jeedo dalka Sacuudiga oo 52 uu sameeyey arrin fajac ku noqotay dadka Sacuudiga iyo adduunka intiisa kale markii uu halmar isku guursday afar gabdhood oo kala ahaa Ardayad, Macalimadeedii, Maamulihii iskuulka oo gabar aheyd iyo kormeerihii guud ee iskuulka oo iyadana gabar aheyd.

Macalimad ka mid ah aheyd gabdhihii ka guursaday oo wareysi siisay wargeyskaan ayaa sheegtay inay arrintaan noqotay mid yaab badan oo ay iyaga xataa la yaabeen iska dhaaf dadka kale.

Gabadhaan oo ay ka muuqatay farxad iyo inay si fiican ugu qanacsan tahay arrintan uu ninkaan hal 52 jirka ah hal meel ku kulan siiyey ayaa sheegtay inay tahay arrin fiican maadaama dad ay arrin ka dhaxeysay haddana ku kulmay guur.

Gabadhaan ayaa wargeyska u sheegtay inay arooskooda kasoo qeyb galeyn dhammaan ardaydii iskuulka dhiganayey oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, waxayna dareensanaayeen ayey tiri inay arrintaan tahay mid caadi oo aan dhibaato laheyn.

Dhacdadaan yaabka badan ayaa ka dhacday Gobolka Jiizaan ee ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxayna muujineysaa in adduunka ay wax kasta ka dhici karaan maadaama uu hal meel isugu keenay dad horey isugu yaqaanay shaqooyin badan.

Qaabka uu guurkaan u dhacay ayaa lagu sheegay inuu marka hore ninka guursaday gabadha ardayada aheyd kadibna wuxuu gadaal ka guursaday si wadajir ah seddexda gabdhood ee kale , haddana waxay isku yihiin hal qoys oo ku wada nool gobolkaas.

Dadka xaafadda oo  ra’yigooda la wadaagay wargeyska ayaa sheegay inay arrintaan la yaab iyo lama filaan ku noqotay maadaama uu ninkaan yahay nin oday ah oo 52 jir, waxayna is waydiinayaan sida ay ugu suurtagashay inuu afartaan haweyn ee is taqaan uu isla guursado.

Inta badan adduunka way ka dhacdaa inuu nin isla guursaday hal afar haweyn oo aan isku shaqo aheyn balse midaan waxay u muuqataa mid ka duwan taas, waxayna arrintaan si weyn u qabsaday baraha bulshada ku sheekeeysato.

Wargeyska warbixintaan soo qoray ayaan soo gudbin magacyada afartaan haweyn iyo ninka isla guursaday, lamana yaqaan sababta keentay inuu sidaas sameeyo, sidoo kalana sida uu wargeyska sheegay way ka gaabsadeyn in sawir laga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

Farmaajo oo shaaciyay hirgalinta go’aan ay horay u shaaciyeen Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow ku dhawaaqay in maalinta talaadada ah la qaban doono munaasabad roob doon ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in munaasabadaasi looga danbeyn doono Culimada Soomaaliyeed waxa uuna tilmaamay in dalka ay kusii baaheyso abaarta loona baahan yahay in alle la weydiisto inuu ka dulqaado abaarta.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in munaasabadaasi ay tahay mid lagu qaban doono dhammaan Gobolada dalka waxa uuna ku baaqay in Umadda Soomaaliyeed ay caloosha isku furaan si uu alle u ajiibo dacwadooda.

Madaxweynaha Somalia ayaa codkiisa ku biiriyay Gudiga abaaraha iyo Culimada oo dhawaan ku dhawaaqay in la dhigaayo isu soo bax roob doon ah.

Go’aanka Madaxweynaha, Guddiga abaaraha iyo Culimada ayaa ah in alle loo gacan taagto waxa ayna dhinacyadaani sheegen inay rumeysan yihiin in abaarta ay dhammaan doonto haddii alle la weydiisto barwaaqo.

Dhinaca kale, maalinta Talaadada ah ayaa waxa isu soo baxan roobdoonka ah lagu qaban doonaa magaalooyika Soomaaliyeed si ilaahay loo baryo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]