25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Qorshaha doorashada ee maamullada oo bilaabanaya – Maxaa maanta dhacay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed.

Socdaalka xubnaha ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka iyo hay’adaha doorashooyinka ay ku dardar-gelinayaan howlaha doorashada dalka, taas oo haatan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ka socoto caasimadda, lagana bilaabi doono maamullada.

Ujeedka socdaalkan ayaa ahaa in si rasmi ah loo bilaabo diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee deegaannada hoos yimaada Koofur Galbeed. Tallaabadan ayuu guddiga sheegay inay muhiim u tahay in dadweynaha ku nool gobolladaas ay helaan fursad ay kaga qeyb qaataan doorashooyinka deegaanka ee la qorsheeyay.

Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Baydhabo ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo heer qaran ah, kaasoo lagu doonayo in doorashooyin deegaan lagu qabto dhammaan maamul-goboleedyada dalka.

Maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo SSC-Khaatumo ayaa isna lagu wadaa in dhowaan laga bilaabo howsha doorashooyinka qof iyo cod, xilli weli aan laga gaarin heshiis wada-ogol.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa door weyn ka qaadanaya hirgelinta nidaam doorasho oo hufan, iyadoo diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay tahay marxalad asaasi ah oo lagu xaqiijinayo matalaad dhab ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan codkooda.

Dhanka kale, isdiiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maraysa heer gebogebo ah. Qorshahan oo ah mid ballaaran ayaa la rabaa in si guud looga hirgeliyo dalka..

Waxaa la filayaa in marka la dhammeeyo diiwaan-gelinta gobolka Banaadir, la guda galo wejiga xiga ee doorashooyinka, taas oo ay ka mid noqon doonaan diyaarinta liisaska codbixiyeyaasha iyo qorsheynta maalinta doorashada.

R/Wasaare Xamza oo maanta magacaabay guddi cusub + Shaqada ay qabanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisuk Wasaare Xamza oo xoojinaya qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka ayaa magacaabay guddigan, oo loo igmaday qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.

Waxay si gaar ah uga shaqeyn doonaan guddiga inta lagu guda jiro munaasabadaha qaran xaqiijinta amniga iyo xiriirinta hey’adaha qaybta ku leh dabaal-degga Maalmaha Xorriyadda.

Guddigan ayaa ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa la filayaa maalmaha soo aadan ay yeeshaan kulamo looga hadlayo sidii ay u qeybsan lahaayeen howlaha shaqo ee horyaalla, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday, una suurtagasho xus qaran oo heer sare ah.

Tallaabada uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta wacyiga shacabka, xuska maalmaha qaran, iyo kor u qaadidda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xogta kulamo Xasan Sheekh uu la bilaabay mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo toos ah la bilaabay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay qaabilay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmo kahor kusoo laabtay dalka, kuna biiray dhaq-dhaqaaqyada culus ee ay wadaan mucaaradka.

Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay iyo dastuurka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeyo hoggaanka Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo haatan weji cusub yeeshay, kadib markii markii ay magaalada Muqdisho soo galeen mucaaradkii ugu badnaa.

Kulankan ayaa hordhac u ah wada-hadal toos ah oo la filayo inuu dhowaan u bilowdo dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo indhowaanahan la kulmayay cadaadis gudaha iyo dibadda ayaa haatan soo dabcay isaga oo beddalay mowqifkiisa, si wax looga qabto xiisadda taagan ee ka dhalatay hannaanka doorashada dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu aqbalay inuu la fariisto saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay wakiilada beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo waddamada saaxibada la ah Soomaaliya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in wakiiladu ay madaxweynaha la wadaageen in aan la aqbali karin hannaan doorasho ama xal siyaasadeed oo aan la isku raacsaneyn, maadaama hadda ay maqan yihiin laba maamul, mucaaradkana ay mar hore diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Jimcihii lasoo dhaafay siyaasiyiinta mucaaradka ay isugu tageen Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaaben wakiilada beesha caalamka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.

Xamza oo la xisaabataya wasiirrada, maantana tegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, hoggaaminta wax-ku-ool ka ah ee ay ka sameeyeen dhanka horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-habeynta kaabeyaasha shaqo ee wasaaradda.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in shaqadan ay ku timid dadaalka xukuuumadda ee ku aaddan dowlad wanaagga iyo hufnaanta adeegga bulshada loo hayo, iyada oo la xoojinayo hey’adaha dowladda, si ay u helaan xarumo shaqo oo u qalma.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tarjumaya dardar-gelinta habsami u socodka howlaha shaqo ee hey’adaha dowladda, isla xisaabtanka.

Sidoo kale wuxuu kormeerkan qeyb ka yahay kor joogteynta hanaanka kor u qaadista adeegyada dowladdu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo ballan-qaadyadii Xukuumadda Dan-Qaran ee xoojinta dowlad-dhiska.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xiisadda ka taagan Muqdisho oo saameyn ku yeelatay BF – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha magaalada Muqdisho ayaa haatan kasii dareyso, taas oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka oo intooda badan soo laabtay, si loo wajaho arrimaha doorashooyinka dalka.

Xiisadda ayaa saameyn ku yeelatay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu u baaqday kooram la’aan, sida auu shaaciyay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa qaylo dhaan soo saaray, wuxuuna tilmaamay inay joogto noqotay in xildhibaannadu iska maqnaadaan, ayna saameysay howlihii shaqo ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Xildhibaannada imaatinkooda ciriiri ayuu iska noqday afar saac markii la gaaray waxaa lagu daray hal saac markii lagu darayne waxaan rabnay xildhibaannadii inay yimaadaan mana imaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka usoo xiray kooram la’aan.

Sidoo kale wuxuu qiray in xildhibaannada iyaga oo joogo Muqdisho aysan soo xaadirin kulanka maanta, taas oo muujineyso inay ku milmeen siyaasadaha is diidan ee dalka.

Xildhibaannada ayaa kuwooda mucaaraadka ah waxay haatan qayb ka yihiin abaabulka culus ee socda iyo kulamada ka dhanka ah qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah.

“Dad kooramka buuxiyo magaaladaan waa joogaan laakiin waa laga fiican yahay in mar kasta kooramka uu baryo noqdo oo la’isku rafaado aad ayaan uga xumahay” ayuu raaciyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray guud ahaan xildhibaannada, wuxuuna ka codsaday inay soo xaadiraan kulanka Arbcada, maadaama la galayo fasaxa ciidda, xajna la aadayo.

Muqdisho ayaa haatan marti-gelineyso siyaasiyiintii ugu badnaa oo mucaarad ah, kuwaas oo ku kacsan madaxweyne Xasan waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh.

Xubnaha mucaaradka ayaa Jimcihii lasoo dhaafay isugu tegay Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaabeen wakiilada beesha caalamka oo ay kala hadlayaan xaaladda dalka.

Waxaa kale oo la filayaa inuu bilowdo wada-hadal u dhexeeyo saamileyda siyaasadda iyo Villa Soomaaliya, kaas oo uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan sii bilaabay la kulanka xubnaha mucaaradka, wuxuuna xalay qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhowaan kusoo laabtay Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.

Sawirro: Taliyaha Booliska oo maanta tegay xarunta SoDMA kadib fadeexaddii dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta tegay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), xilli ay taagan tahay fadeexad wayn oo ay lugaha hay’adda kadib gargaarkii ay dhowaan gaysay gobolka Hiiraan.

Taliye Asad Diyaano ayaa waxaa xarunta SoDMA kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adaasi Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay SoDMA labada mas’uul aaa ka wada-hadlay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo in Taliska Booliiska hay’adda ka saacido ilaalinta amniga goobaha gargaarka la geynayo.

Booqashadan deg-deg ah ee Taliyaha Booliska ayaa timid saacado uun kadib markii ay Hay’addu mid kamid ah fadeexadihii ugu waynaa ay kala kulantay gargaar ay gaysay Hiiraan oo uu haatan ka socdo halgan culus oo ay dadka deegaanka kula jiraan Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolkaas Muuse Salaad Wehliye oo ka carooday fadeexaddan ayaa tilmaamay mid aan ka tarjumeyn baahida dhabta ah ee ciidanka Macawiisleeyda. Waxa uu sheegay in gargaarkaasi uu ahaa dhowr kartoon oo aan ka turjumeyn doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab.

Muuse Salaad ayaa si gaar ah u muujiyay sida uu uga niyad-jabay qaabka ay Dowladda Federaalka iyo Hay’adda SoDMA ula dhaqmeen ciidanka Macawiisleyda, oo uu ku sifeeyay geesiyaal u huray naftooda difaaca dalka. Wuxuu sheegay in lagu gefay karaamadooda markii loo keenay gargaar yar oo aan la jaanqaadi karin waxqabadkooda.

Tan yaabka leh ayaa ah in gargaarkan saluuga laga muujiyay lagu soo qaaday laba diyaaradood, uuna ku baxay kharash illaa xad ka badan agabka lagu sheegay gargaarka. SODMA ayaa inta badan lagu eedeeya inay safka hore uga jirto hay’adaha uu musuqa biyo dhigay ee dowladda Soomaaliya.

“Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keento dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan maahan mid inaga suurta-galeyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, umana qalmaan in loo keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Salaad.

hinaca kale, shacabka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si weyn baraha bulshada uga muujiyay caro iyo niyad-jab ku saabsan gargaarkii SODMA ee Moqokori, iyagoo is-barbardhig ku sameeyay gargaarka ballaaran ee la gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe. Waxayna cadaalad-darro ku tilmaameen in Hiiraan oo dagaal culus ku jirta loo keeno kartoono kooban.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay sare u qaadeen hawl-galladooda gobolka Hiiraan, gaar ahaan xuduudda ay la wadaagto Sh/Dhexe, iyagoo guulo la taaban karo ka gaaray dagaallo ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno muhiim ah.

Madaxweyne Afwerki oo weerar culus ku qaaday Itoobiya

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa khudbaddii xuska maalinta madaxbannaanida si kulul ugu eedeeyay dowladda Itoobiya inay noqotay “wakiil” u adeega danaha quwadaha reer Galbeedka, isla markaana ay hurinayso colaadaha qowmiyadeed ee gudaha dalkaas. Hadalkan ayaa muujinaya heerkii ugu hooseeyay ee xiriirka sii xumaaday ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah ee Geeska Afrika.

Afwerki oo ka hadlayay magaalada Asmara xuska 33-sano guurada madaxbannaanida Eritrea, ayaa si toos ah u weeraray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, isagoo ku eedeeyay Addis Ababa in ay qaadatay mabda’a federaalka ee ku saleysan qowmiyadaha, taasoo uu ku tilmaamay inay Itoobiya gelisay “jahawareer iyo burbur.”

“Kala qaybsanaanta qowmiyadeed ayaa noqotay astaanta lagu garto siyaasadda Itoobiya,” ayuu yiri Afwerki, isagoo si gaar ah u tilmaamay fikradda “Orommuma” — oo ah aragti qaranimo oo lala xiriiriyo qowmiyadda Oromada — isagoo ku tilmaamay mid wiiqaysa xasilloonida dalka. “Ma matalayso shacabka Oromada si dhab ah, balse waxay hurisaa dabka kala qeybsanaanta ee dalka oo dhan.”

Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku sheegay “dagaal maskaxeed” oo lagu xakameynayo runta, lagu faafinayo warar been abuur ah, isla markaana lagu kicinayo colaado bulshooyinka dhexdooda ah. Wuxuu sheegay in xeeladahaan la adeegsanayo gudaha Itoobiya iyo sidoo kale lagu wajaho dowladda Eritrea.

“Falkii qarsoonaa iyo kuwa cad ee lagu waxyeellaynayo shacabka iyo dowladda Eritrea waa arrin si wanaagsan loo ogyahay,” ayuu yiri, inkasta oo uusan bixin faahfaahin.

Afwerki wuxuu si cad u muujiyay niyad-jab weyn oo ka dhashay burburka rajooyinkii ka dhashay heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee Itoobiya lala galay sanadkii 2018 — heshiiskii soo afjaray labaatankii sano ee colaadda, kaasoo abaalmarinta Nabadda ee Nobel u suurtageliyay Abiy.

Wuxuu sheegay in is-afgaradkaasi “si tartiib ah u libdhay” iyadoo ay sabab u yihiin isbeddelada siyaasadeed ee gudaha Itoobiya iyo xiriirka cusub ee dowladdaasi la sameysay quwado shisheeye.

“Shacabka Eritrea ka ma qoomamaynayaan taageeradii daacadda ahayd ee ay siiyeen isbeddelkii la filayay,” ayuu yiri, “inkasta oo dhacdooyinka ay u leexdeen jiho aan laga filaynin oo laga xumaado.”

Wuxuu sheegay in dad tiro badan oo Itoobiyaan ah ay hadda bilaabeen inay ka horyimaadaan dowladdooda, taasoo muujinaysa kacdoon bulsho iyo xaalad siyaasadeed oo kacsan oo ka jirta xadka labada dal.

Xifaaltan soo jireen ah oo salka ku haya dagaal iyo kalsooni-darro

Eritrea iyo Itoobiya waxay leeyihiin taariikh adag oo colaadeed. Eritrea waxay madax-bannaani ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993 kadib dagaal soddon sano socday.

Shan sano kadib, labada dal ayaa galay dagaal xuduudeed oo ba’an intii u dhaxeysay 1998 ilaa 2000, kaasoo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, isla markaana hakiyay xiriirka diblomaasiyadeed muddo ku dhow labaatan sano.

Heshiiskii nabadeed ee 2018 — oo markii hore loo arkayay isbeddel weyn — wuxuu dhaliyay waqti gaaban oo dib-u-heshiin ah. Si kastaba ha ahaatee, wada-shaqeyntii waxay burburtay kadib markii Itoobiya ay gashay qalalaaso gudaha ah, oo uu ugu darnaa dagaalkii Tigray ee u dhexeeyay 2020–2022, kaasoo ciidamada Eritrea ay la garab dagaalameen kuwa dowladda federaalka Itoobiya.

Inkasta oo labada dowladood ay si ku-meel-gaar ah isugu soo dhowaadeen xilligaas, haddana xiisado ayaa markale soo ifbaxay, iyadoo ay muuqato kala fogaansho sii kordhaysa oo ka dhex taagan saaxiibadii hore ee dagaalka.

Hadalka ugu dambeeyay ee Afwerki wuxuu xoojinayaa kalsooni-darrada sii kordhaysa, wuxuuna muujinayaa in uu bilow u noqon karo wejigii cusub ee xiisad siyaasadeed iyo colaadeed ee mid ka mid ah gobollada ugu kacsan Afrika.

Qaraxyo culus oo ka dhacay Sh/Dhexe + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa la geliyay guri uu deegaanka Xawaadley ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda, kaas oo lagu magacaabo Jeylaani Faroole, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal askari oo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sarkaalka la weeraray ayaa lasoo wariyay inuu ka bad-badaaday qaraxa, waana hogaamiyaha ciidamada deegaanka ee la baxay Afjar ee ka howlgala Xawaadley.

Sidoo kale, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo ku socdaalayay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu haleeyay mid kamid ah kolonyada ciidamada waxaana jira khasaare gaaray, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamadu ay qaraxa kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee ku sugan Buurane.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidamada la qarxiyay ee Burunti iyo sarkaalka kale ee lagu weeraray gurigiisa.

Weeraradan qaraxyada ah ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya, xilli haatan gobolkaasi ay ka socdaan dagaallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan dib u qabsatay deegaanno horay looga xoreeya oo dhaca maamul-goboleedka HirShabelle.

Sababta ay dowladda ugu calaameysay mucaaradka in ay soo riixayaan shisheeye

Marka dowladuhu ka cabsadaan guuldarro siyaasadeed, isbeddel ma raadiyaan ee waxay adeegsadaan xeelado kale oo dareenka bulshada lagu jeediyo. Arrintan ayaa hadda ka taagan Muqdisho, halkaas oo madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ay mucaaradka ku eedeeyeen inay wadaan qorshe siyaasadeed oo ay maalgeliso dowlad shisheeye.

Eedaymahan waxaa si gaar ah loogu jihaynayaa Imaaraadka Carabta, oo horay u ahaa saaxiib muhiim ah balse hadda loo sawirayo inuu yahay cadow siyaasadeed oo dowladda hadda jirta ka soo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee, lama soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa jiritaanka arrintan—ma jiro dokumenti la soo bandhigay, ma jirto lacag la xaqiijiyay in la bixiyay, sidoo kale xiriir toos ah oo lagu kalsoonaan karo lama hayo. Waxa jira oo keliya waa tuhun abuurid, hadallo siyaasadeed oo aan xaqiiqo lahayn iyo eedaymo loo adeegsaday dano siyaasadeed oo gaar ah.

Dowlad sheeganaysa inay ilaalinayso madaxbannaanida Soomaaliya, marka ay adeegsato eedaymo aan caddaymo lahayn, waxay muujinaysaa cabsi iyo tabardarro ay ka qabto mucaaradka. Arrimahani ma aha digniino mabda’ ku salaysan balse waa xeelado siyaasadeed oo lagu weecinayo dareenka bulshada.

Arrintan ma ahan faragelin shisheeye balse waa cadaadis siyaasadeed oo gudaha ka imanaya. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan siyaasiyiin hore xilal muhiim ah u soo qabtay, shaqaale dowladeed hore, iyo dhaqdhaqaaqayaal bulsho, ayaa hadda Muqdisho isugu yimid inay mideeyaan mowqifkooda.

Waqtiga ay soo baxeen mucaaradka Muqdisho ma aha mid ku yimid si kedis ah. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay hadda dhaaftay kala-barkii muddo-xileedkeeda, iyadoo dadweynaha Soomaaliyed uu sii yaraanayo dulqaadkii ay u hayeen xukuumadda.

Mucaaradku ma dalbanayaan kacdoon. Waxa ay dalbanayaan waa ka-qaybgal siyaasadeed, hufnaan maamul iyo qorshe cad oo lagu kalsoonaan karo oo lagu qabanayo doorashooyinka 2026-ka—arrimahan ayaanan ilaa hadda ka soo bixin dhanka dowladda Villa Somalia.

Halkii ay dowladda ka soo jawaabi lahayd baaqyada mucaaradka, waxay dooratay inay adeegsato xeelad soo jireen ah oo ah inay mucaaradka ku tilmaanto wakiillo shisheeye, cabsi abuurto, iyadoo adeegsanaysa dareenka waddaninimada. Balse xeeladahaas oo dhan way fashilmeen mar haddii aysan jirin wax xaqiiqo ah oo lagu tiirsan yahay.

Imaaraadka: Bartilmaameed sahlan

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanayay muddo ka badan sannad, gaar ahaan xilli dowladda Muqdisho ay si aad ah ugu sii tiirsanaanayso Turkiga iyo Qatar.

Imaaraadka, oo mar ahaa xulufo muhiim ah, ayaa hadda dowladda Muqdisho u muujisay sidii cadow faragelinaya arrimaha gudaha, inkasta oo uu weli sii wado taageerada bani’aadannimo iyo horumarinta dalka.

Xaqiiqdu waxay tahay in dhammaan dowladihii Soomaaliya soo maray, oo uu ku jiro maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, ay ku tiirsanaayeen taageero dibadeed. Taageero ciidan, mid dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeedba waxay ka yimaadaan dalalka kale, oo uu kamid yahay Imaaraadka Carabta.

Sababta taageerada shisheeye u noqoto mid dhib leh kaliya marka aysan soo marin Villa Soomaaliya, waxay caddaynaysaa inaysan arrintu ku xirnayn madaxbannaanida dalka ee ay tahay arrin la xiriirta awoodda siyaasadeed.

Xaqiiqada mucaaradka

Ka duwan waxa ay dowladdu sheegto, mucaaradkan hadda soo kordhaya ma aha mid shisheeye gadaal ka riixayo balse waa mid ay bulshada Soomaaliyeed taageero u tahay. Mucaaradku wuxuu matalayaa dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay riwaayadaha siyaasadeed, kuwaas oo doonaya isla xisaabtan dhab ah, maamul daadejin dhab ah, caddeyn ku saabsan nidaamka federaalka, iyo doorasho xor ah oo xalaal ah.

In dalabaadkan lagu tilmaamo kuwo shisheeye ay gadaal ka riixayaan, waxay ahayd mid been abuur ah oo halis ku ah nidaamka dimuqraadiyadda. Waxay dhaawacaysaa kalsoonida dadweynaha waxayna fariin cabsi leh u diraysaa shacabka: qof kasta oo mucaarad ah waa qaran dumis.

Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed waa kuwo waayo-arag ah, waxayna soo mareen sannado badan oo lagu soo maamulay marin-habaabin iyo colaad. Waxay si fudud u fahmi karaan dacaayadaha siyaasadeed marka ay arkaan.

Dowlad luminaysa kalsoonida dadweynaha

Marka dowladda federaalku ay mucaaradkeeda ku eedayso wax aan caddeyn loo hayn, waxay luminaysaa kalsoonida shacabka waxayna dhaawacaysaa sumcadda hay’adaha dowladda.

Dimuqraadiyad lama dhisi karo iyadoo mucaaradka la aamusinayo, cabsi la abuuro, qof kasta oo dhaliil keenaana lagu tilmaamayo inuu qaran dumis yahay. Haddii xukuumaddu rumaysan tahay inay taageero dadweyne haysato, waa inay soo dhaweeysaa tartanka siyaasadeed, ee ma aha inay ka dhigto dambi.

Haddii ay dowladda ka cabsanayso mucaaradka, waa inay isweydiiso sababta. Marka aad eedayso dad aan waxba galabsan, shacabka ayaa isweydiin doona waxaad qarinayso.

Gunaanad: Mustaqbalka Soomaaliya

Arrintan hadda taagan waa mid ka weyn siyaasadda kooxeed ama xisbiyo. Waa doorasho ay Soomaaliya ku kala dooranayso waddada dimoqraadiyadda furan iyo mid awood lagu haysto oo xiran.

Ololaha dacaayadda dowladda waa calaamad muujinaysa daciifnimo, ma aha mid awood lagu muujinayo. Dowladda way ogtahay inaysan guuleysan karin haddii loo tartamo waxqabad dhab ah, sidaa darteed ayay u adeegsanaysaa xeelado khaldan.

Mucaaradka waa inuu adkaystaa, shacabka Soomaaliyeedna waa inay feejignaadaan. Doorashada 2026 waxay noqon doontaa tijaabo dhab ah oo muujinaysa sida Villa Somalia u diyaar tahay inay dadweynaha fursad siiso inay go’aamiyaan mustaqbalkooda.

Mucaaradka waa inuu mar walba ka shaqeeyaa danta qaranka, waxaana hubaal ah in dacaayadaha dowladda aysan waxba ka beddeli karin xaqiiqada. Haddii mucaaradku midaysan yahay, shacabka Soomaaliduna feejigan yihiin, Soomaaliya waxay arki kartaa isbeddel dhab ah oo dimuqraadiyadeed.

Waqtigu wuu socda, hadallada marin-habaabinta ahina kama hortagi doonaan xaqiiqada soo socota.

Cabdiraxmaan Jeylaani Maxamed waa wariye ahna Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Arlaadi. Waxaad kala xiriiri kartaa barta X (Twitter): @JaylaaniJr.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Xogta wada-hadal maanta dhexmaray wasiirrada difaaca Soomaaliya iyo Masar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar.

Wada-hadalkan dhexmaray wasiirrada difaaca labada dal ayaa ku salaysnaa muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinaca amniga iyo difaaca.

Intii uu socday wada-hadalku, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Waxa ay sidoo kale diiradda saareen sidii loo sii kobcin lahaa kaalinta ciidamada Masar ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM, si ay u taageeraan nabad ilaalinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirradu waxay isla qaabeeyeen hindisayaal wadajir ah oo lagu horumarinayo tayada iyo xirfadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay u arkaan tababarka iyo tayeynta ciidamada mid muhiim u ah sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya.

Labada wasiir waxa ay si gaar ah u xuseen xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay muujiyeen in xiriirkaas qoto dheer uu yahay saldhig u ah dhammaan iskaashiga labada dhinac, si gaar ah marka ay timaaddo dhinacyada difaaca iyo nabadgelyada.

Wasiirka Difaaca Masar ayaa ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo muujiyay in Masar ay diyaar u tahay in ay xoojiso doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed. Waxayna noqonaysaa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu taageerayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habaynta hay’adaha amniga.

Wada-hadalkan ayaa lagu tilmaami karaa mid miro-dhal ah oo muujinaya isfahamka iyo ka go’naanta labada dal ee ku aaddan horumarinta iskaashiga milatari iyo guud ahaan xiriirka laba geesoodka ah. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan helidda taageero caalami ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar ballaaran.

Aqalka Cad oo war ka soo saaray muhaajiriinta la soo tarxiilay ee ku xayiran Jabuuti

Washington (Caasimada Online) – Duulimaad siday siddeed muhaajiriin ah oo toddobaadkan ka baxay gobolka Texas, laguna sheegay inuu ku wajahnaa dalka Koonfur Suudaan, ayaa hadda laba toddobaad hakad ku noqon doona dalka Jabuuti, si loo waafajiyo amar maxkamadeed, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt Khamiistii.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay qabatay, Leavitt waxay eedda dusha uga tuurtay Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Massachusetts, Brian Murphy, kaddib dhageysi ka dhacay maxkamadda Arbacadii, oo ku saabsanaa siddeed muwaadin oo ka kala yimid Myanmar, Laos, Vietnam, Cuba, Mexico iyo Koonfur Suudaan, kuwaas oo loo tarxiilay waddan saddexaad.

Qareennada difaacayay ayaa sheegay in diyaaradda lagu waday in ay tagto Koonfur Suudaan, hase yeeshee Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ayaa diiday inay xaqiijiso halka ay ku socotay.

Garsoore Murphy ayaa sheegay intii uu socday dhageysiga in maamulka Trump uu jebiyay amar hore oo maxkamadeed, kaas oo mamnuucayay in muwaadiniinta loo tarxiilo waddamo aan dalkooda ahayn iyaga oo aan la siin fursad ay ku muujiyaan cabsi ay ka qabaan jirdil ama silac, ama iyada oo aan si sax ah hore loogu wargelin.

Murphy wuxuu amar ku bixiyay in dadkaasi la siiyo qareen sharci ah iyo fursad ay ku muujiyaan cabashadooda. Waxa kale oo uu faray in la siiyo ugu yaraan 15 maalmood si ay dib ugu furaan dacwadooda socdaalka, ayna fursad ugu helaan inay ka hortagaan tarxiil kale haddii dowladda weli qorshaynayso inay u dirto waddan saddexaad.

Leavitt ayaa sheegtay in amarka Murphy uu yahay “isku day lagu doonayo in dambiilayaal sharci darro ah dib loogu soo celiyo gudaha Mareykanka.”

“Garsoore Murphy hadda wuxuu khasbayaa saraakiil federaal ah inay ku sugnaadaan Jabuuti muddo ka badan laba toddobaad, taasoo khatar ku ah xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka la leeyahay dalal badan oo caalamka ah, isla markaana khatar gelinaysa nolosha saraakiisha oo lagu khasbayo inay la joogaan dambiilayaal sharci darro ah – dilayaal, tuugo iyo kufsadeyaal,” ayay tiri Leavitt.

Leavitt, oo shaacisay magacyada iyo taariikhda dambiyada ee siddeedda qof ee duulimaadka saaran, ayaa amarka maxkamadda ku tilmaantay “faragelin ballaaran oo xadgudub ku ah awoodaha garsoorka.”

“Wuxuu doonayaa inuu maamulo siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka Mareykanka, taasoo ah mid aan caqli gal ahayn,” ayay tiri.

Garsoore Murphy ayaa sharaxay sida dhacdadani u dhacday, kadib fadhigii maxkamadeed ee xiran ee Arbaco la qabtay. Wuxuu sheegay in muhaajiriinta lagu wargeliyay halka loo waday fiidnimadii Isniinta, saacadaha shaqada ka dib. Subaxnimadii Talaadada, 9:35 subaxnimo waqtiga bartamaha Mareykanka (CT), ayay ka ambabaxeen xarunta ICE si loogu geeyo garoon diyaaradeed oo u dhow.

Murphy wuxuu sheegay in ay suurtagal noqon weyday in muwaadiniintaasi helaan waqti ay ku la xiriiraan qareen ama qoyskooda si ay uga hortagaan tarxiilka, maadaama wargelinta ay timid waqti aan macquul ahayn.

“Tallaabooyinka ay qaaday waaxda,” ayuu yiri Murphy, “si aan muran ku jirin ayay u jebinayaan amarka maxkamaddan.”

Maamulka HirShabeelle oo xiriirka u jaray SODMA kadib fadeexaddii shalay dhacday

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda Gargaarka Bani’aadannimo iyo Maareynta Masiibooyinka ee HirShabeelle ayaa si rasmi ah u shaacisay inay hakisay dhammaan wada-shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), iyadoo ku eedeysay in hay’addu ay si isdaba joog ah ugu guuldarreysatay gaarsiinta gargaarka iyo inay ka maqan tahay daahfurnaan ku filan.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay Axaddii ayay ku sheegtay in SODMA si khaldan u maamushay agabkii gargaarka, iyadoo tusaale ahaan u soo qaadatay dhacdo ka dhacday degmada Moqokori, halkaas oo la geeyay oo keliya kartoonno yar-yar oo dawo ah, inkasta oo hawlgalkaasi loogu talagalay inuu noqdo gargaar bani’aadannimo oo muhiim ah.

“Go’aankan waxa uu salka ku hayaa is-faham la’aan joogto ah, maamul-xumo ku saabsan gargaarka loogu talagalay shacabka HirShabeelle, iyo daahfurnaan la’aan ka jirta hannaanka maareynta gargaarka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Tallaabadan ayaa daba socota dhaleeceyn kulul oo uu horay u jeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, kaas oo hay’adda SODMA ku eedeeyay inay si liidata oo ceeb ah u gaarsiisay gargaar ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyada deegaanka ee Macawiisley ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guddoomiye Muuse ayaa horraantii ku dhaliilay SODMA inay u dirtay “dhowr kartoon oo raashin ah” laba diyaaradood oo gaaray furimaha dagaalka — arrin uu ku tilmaamay mid meel-ka-dhac ku ah naf-hurnimada iyo dadaalka ciidamada deegaanka.

Inkasta oo cabashooyinku isa soo tarayaan, haddana SODMA weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin hadallada kasoo yeeray guddoomiyaha Hiiraan iyo go’aanka wasaaradda Hirshabeelle.

Hakinta wada-shaqeynta ayaa iminka dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan sida ay iskula jaanqaadayaan hay’adaha masiibooyinka ee heer federaal iyo heer gobol, xilli ciidamada deegaanka ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Eritrean President warns of renewed rift with Ethiopia

ASMARA, Eritrea — In a fiery Independence Day address, Eritrean President Isaias Afwerki accused Ethiopia’s government of acting as a “surrogate” for Western powers and fueling ethnic conflict at home, marking a new low point in the increasingly fraught relations between the Horn of Africa neighbors.

Speaking in Asmara on the 33rd anniversary of Eritrea’s independence, Afwerki delivered a blistering critique of Prime Minister Abiy Ahmed’s administration, claiming that Addis Ababa has embraced an ideology of ethnic federalism that has plunged Ethiopia into “turmoil and destruction.”

“Ethnic polarization has become the defining feature of Ethiopian politics,” Afwerki declared, pointing to the ideology of “Orommuma” — a nationalist current associated with the Oromo ethnic group — as a destabilizing force. “It does not truly represent the Oromo people, but rather fans the flames of division across the country.”

The Eritrean president also condemned what he called a campaign of “psychological warfare” being used to suppress truth, spread misinformation, and incite inter-communal grievances. He alleged that these tactics were being wielded not only inside Ethiopia but also against the Eritrean state.

“Overt and covert acts of subversion against the people and government of Eritrea are well known to all,” he said, without providing specifics.

Afwerki expressed deep disappointment over the collapse of optimism that followed the historic 2018 peace agreement with Ethiopia — a deal that ended two decades of hostilities and helped earn Abiy the Nobel Peace Prize. That reconciliation, he said, has “dissipated” in the face of Ethiopia’s shifting internal politics and renewed alignment with external powers.

“The people of Eritrea do not regret the unwavering support they extended in hopes of reform,” he said, “even as events took an unexpected and unfortunate turn.”

Afwerki suggested that growing numbers of Ethiopians are now turning against their government, signaling internal dissent and a potentially volatile political climate across the border.

A rivalry rooted in war and mistrust

Eritrea and Ethiopia share a long and bitter history. Eritrea gained independence from Ethiopia in 1993 after a three-decade war. Five years later, the two nations fought a brutal border conflict from 1998 to 2000, which left tens of thousands dead and froze diplomatic relations for nearly 20 years.

The 2018 peace agreement — once hailed as a turning point — brought a brief period of rapprochement. However, that cooperation unraveled amid Ethiopia’s escalating internal conflicts, including the devastating war in Tigray (2020–2022), during which Eritrean troops fought alongside Ethiopian federal forces.

Although the two governments were briefly aligned during that conflict, tensions have resurfaced, with growing signs of estrangement between the former wartime allies.

Afwerki’s latest remarks underscore the deepening mistrust and point to a renewed chapter of hostility in one of Africa’s most volatile regions.

DEG DEG: Booliska oo soo qabtay nin oday ah oo dilay ciyaaryahan caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan horay kubadda Qaranka ugu soo cayaaray.

Dilkaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan aagga isgoyska Soobe, ninka dilay ayaa waardiye ka ahaa Hotel ku yaalla aaggaas.

Marxuum Cabdifitaax oo watay Mooto FEKON ayaa la sheegay in ninkaan oo Hotel waardiye ka ahaa ay ku murmeen isticmaalka wado hormarta.

Muran kadib, ninkaan odaga ah ayaa xabad ka daba riday Mootada Ciyaaryahan Cabdifitaax Carab oo sii gudbeysa, sidaas ayuuna ku dhintay.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.

Ehellada Marxuumka ayaa maanta diiday in la aaso Meydka oo caawa ku hoyanaya qaboojiyaha.

Mar hadii lasoo qabtay eedeysanaha waxaa lagu wadaa in berri Muqdisho lagu aaso meydka ciyaaryahan hore Cabdifitaax Carab.

Marxuumka oo ahaa wiil dhalinyar ayaa la sheegay in ifka uu kaga tegay shan gabdhood, waxaana maanta dilkiisa aad uga damqaday oo warbaahinta la hadlay bahda ciyaaraha iyo ehellada marxuumka.

Xog: Imaaraadka oo u yeeray Deni iyo Axmed Madoobe – Maxay kala hadlayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo casuumad ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saacadihii lasoo dhaafay isugu tegay magaalada Abu Dabai, halkaas oo hadda ay ka socdaan kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay uga sii gudbeen Imaaraadka Carabta oo looga yeeray, si loola wadaago ajandayaasha Imaaraadka fulinta uga baahan gudaha Soomaaliya.

Labadaas dowlad goboleed ayaa ku dhacsan dowladda federaalka, Imaaraadka ayaa isna faro-gelin qaawan ka wada gudaha Soomaaliya, taasi oo labada dhinac u sahleysa inay iska kaashadaan danaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya.

Waxaa horay Nairobi uga dhacay maalmihii lasoo dhaafay kulamo lagu heshiisiinayey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo siyaasadda ku kala tegay wixii ka dambeeyey dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, in kastoo aan la ogeyn natiijada kulamadaas iyo hadii ay heshiis rasmi ah ka gaareen labada hoggaamiye.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa si weyn uga xumaaday, garabna uga waayey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe khilaafkii ka dhex qarxay Xasan iyo Deni wixii ka dambeeyey doorashadii madaxda dowladda federaalka, inkastoo Axmed Madoobe uu dib kala dagaalay dowladda federaalka, hadana muddo ayuu saaraa Tareenka Xasan Sheekh, iyadoo uu fagaarayaasha ka maqan yahay Saciid Deni.

Imaaraadka ayaa caan ku ah in sanadka ugu dambeeya ee muddo xileed kasta ee madaxda dowladda federaalka ay gudaha dalka soo geliyaan dhaqaale badan, faro-gelin siyaasadeed oo toos ah iyo fulinta go’aano cuuryaaminaya dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa suurtagal ah in labadaas dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay isku waafaqaan qorshaha fulinta Imaaraadka ee loogu yeeray, taas oo khatar hor leh ku noqon karta dowladda federaalka iyo guud ahaan dalka.

Dowladda Federaalka oo dareensan khatarta Imaaraadka ayaa marar badan fagaarayaasha ka sheegtay inay jiraan dowlado iyo shaqsiyaad kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo iska kaashanaya arrimo xasaasi ah oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhankooda isugu yimid Muqdisho, kuwaas oo culeys soo saaray dowladda federaalka, kulamo iyo abaabul bulsho ayey ka bilaabeen caasimadda, iyagoo dowladda ku cadaadinaya inay kala tashato nooca doorasho ee dalka loo jiheynayo.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka shaqeyneysa inay dhigto gogoshii u uku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ajandeheedu yahay in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadda, doorashooyinka iyo mideynta awooda Soomaalida ee dagaalka argagixisada.

La-tashiyo bulsho ayey xukuumaddu Muqdisho ka bilowday, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay la kulanto siyaasiyiinta mucaaradka ah oo la weydiiyo sida ay wax u rabaan, kadibna ay go’aan ka soo saarto qaabka, goobta, goorta iyo martida ka qeyb geleysa gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muxuu yahay qorshaha uu James Swan la wadaagay DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howl-galka kala guurka ee kaalmaynta QM ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cabdi Cali.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee dhowaan loo magacaabay, isagoo muujiyay taageerrada iyo kalsoonida Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada-shaqeynta labada dhinac.

Intaas kaddib, wuxuu Wasiirka la wadaagay qorshayaasha xilliga kala guurka ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta dowlad wanaagga, doorashooyinka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad-celiyey Danjire Swan taageerrada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Qaramada Midoobay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Swan ayaa muddooyinkii dambe ku hawlanaa sidii la isugu keeni lahaa saamileyda siyaasadda, inkasta oo dadaalladan aysan weli kasoo bixin wax natiijo ah, haddana waxaa muuqata in beesha caalamka ay cadaadis horleh ku saareyso madaxweynaha Soomaaliya inuu la fariisto siyaasiyiinta mucaaradka.

Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka ‘oo ku kacay arrin yaab badan’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa lagu eedeeyay in ay si xoog ah qeybo kamid ah bulshada ugu qasbayaan inay isdiiwaan-geliyaan, si loo hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa eedeyntan u jeediyay guddiga doorashada, isagoo sheegay in diiwaan-gelinta lagu qasbayo Ardeyda iyo Macalimiinta Jaamacadaha, taasoo yaab leh maadaama aan muwaadinka lagu qasbi karin, ayna tahay ikhtiyaari, xitaa haddii mid sharci ah ay tahay isdiiwaan-gelinta.

“Waxaan canbaaraynaynaa falka gurracan ee uu guddiga halka dhinac ah ee doorashooyinka ku cadaadinayo Jaamacadaha Caasimada in ay qasab ku diiwaan geliyaan ardayda, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana. Isdiiwan-gelinta, codaynta iyo ka qaybqaadashada doorashooyinka waa xaq dastuuri ah oo ikhtiyaari ah ee ma aha jajuub iyo qasab.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Waxaan canbaaraynaynaa falka gurracan ee uu guddiga halka dhinac ah ee doorashooyinka ku cadaadinayo Jaamacadaha Caasimada in ay qasab ku diiwaan geliyaan ardayda, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda.

Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana.

Is diiwan gelinta, codaynta iyo ka qaybqaadashada doorashooyinka waa xaq dastuuri ah oo ikhtiyaari ah ee ma aha jajuub iyo qasab.

Ma jirto wax ay shacabka Soomaaliyeed maanta ka jeclaan lahaayeen in ay xaqooda dastuuriga ah adeegsadaan oo ay doortaan dadkii meteli lahaa, waxaase lagu hodi karin doorasho hal dhinac wato oo qasab iyo jajuub lagu meelmarinayo, taasoo natiijadeedu tahay qalalaase iyo xasilooni-darro siyaasadeed.

Waxaan ugu baaqaynaa maamulka jaamacadaha in ay ku adkaystaan mowqifkooda, shacabkana la wadaagaan falfal xumida Guddiga, iyagoo adeegsanaya isku soo baxyo nabadeed iyo warbaahinta baraha bulshada ee fududaynaysa is abaabulka dijitaalka ah (Digital Activism).

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay tuulada Galcad oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa dhexmaray ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab. Iska horimaadkan ayaa ka dhashay kadib markii ciidanka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dad shacab ah afduub ahaan ugu haystay gudaha tuulada Galcad.

Ciidamada ayaa weerarka u qaaday si ay u soo furtaan dadka shacabka ah ee ay afduubtay kooxda, iyadoo la haystayaasha lagu guuleystay in ay dib u helaan xorriyadooda.

Sarkaal ka tirsan Macawiisleyda oo hadlay ayaa sheegay in dadka shacabka ah lagu helay xaalad adag, balse ay ku guuleysteen inay si nabad ah kusoo furtaan. Wuxuu intaas ku daray in kooxda Al-Shabaab ay la kulantay jab xooggan intii uu socday howl-galkaasi.

“Waxaan helnay xogta in kooxdu ay afduub u haysteen dadka shacabka ah oo baadi u raadsaday deegaanka. Alle mahaddii, waan kusoo furanay dadkii ay haysteen iyadoo aan wax khasaare ah noo soo gaarin. Hadda tuulada Galcad annaga ayaa gacanta ku hayna,” ayuu yiri sarkaalkaasi oo la hadlay warbaahinta.

Sarkaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, islamarkaana ay weli wadaan howl-gallo baacsiga firxadka kooxdaas ee deegaanka ku dhuumaaleysanaya.

Dagaalka maanta dhacay ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ka dhaceen deegaanno ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kuwaas oo ay ka qeyb qaateen ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda.

Shirweyne xasaasi ah oo u furmay ururada siyaasadda iyo DF Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ballaaran oo u dhaxeeya ururrada siyaasadda ee diiwaan-gashan iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Shirka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga, dastuurka iyo doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.

Wasiirka Cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud oo furay kulanka wadatashiga ayaa sheegay in muddo dheer dalku tabayay nidaamka ururrada siyaasadda, balse xukuumadda Dan-Qaran ay si dhab ah ugu hawlan tahay dib u soo celinta nidaamkaas, iyadoo tallaabada ugu horreysa ka dhigatay dib-u-eegista dastuurka.

“Xukuumadda Dan-Qaran ee hadda jirta waxay si daacad ah ugu hawlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamka ku saleysan ururrada siyaasadeed. Maanta waxaan kusoo laabannay waddadii saxda ahayd oo muddo dheer aan ka maqneen.” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Prof. Cabdullahi Daacad oo isna ku hadlayay afka ururrada xisbiyada siyaasadeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay kulanka wadashiga ee xukuumadda iyo ururrada siyaasadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay taageersan yihiin gogosha qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo masiiri ah oo xoojinaysa midnimada iyo wada-tashiga siyaasadeed ee dalka.

Fadeexad: Hay’adda SODMA oo Hiiraan geysay gargaar si weyn looga carooday

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa si kulul u dhaliilay gargaar ay hay’adda SODMA geysay degmada Moqokori, kaas oo ahaa agab dhowr kartoon ah oo loogu tala-galay ciidamada Macawiisleyda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo ka carooday fadeexaddan ayaa tilmaamay mid aan ka tarjumeyn baahida dhabta ah ee ciidanka Macawiisleeyda. Waxa uu sheegay in gargaarkaasi uu ahaa dhowr kartoon oo aan ka turjumeyn doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiye Muuse ayaa si gaar ah u muujiyay sida uu uga niyad-jabay qaabka ay dowladda federaalka iyo hay’adda SODMA ula dhaqmeen ciidanka Macawiisleyda, oo uu ku sifeeyay geesiyaal u huray naftooda difaaca dalka. Wuxuu sheegay in lagu gefay karaamadooda markii loo keenay gargaar yar oo aan la jaanqaadi karin waxqabadkooda.

Tan yaabka leh ayaa ah in gargaarkan saluuga laga muujiyay lagu soo qaaday laba diyaaradood, uuna ku baxay kharash illaa xad ka badan agabka lagu sheegay gargaarka. SODMA ayaa inta badan lagu eedeeya inay safka hore uga jirto hay’adaha uu musuqa biyo dhigay ee dowladda Soomaaliya.

“Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keento dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan maahan mid inaga suurta-galeyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, umana qalmaan in loo keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Salaad.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda in ay si deg-deg ah ciidamada deegaanka loo soo gaarsiiyo taageero dhab ah oo la jaanqaadi karta baahida ciidanka Macawiisleeyda, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale, shacabka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si weyn baraha bulshada uga muujiyay caro iyo niyad-jab ku saabsan gargaarkii SODMA ee Moqokori, iyagoo is-barbardhig ku sameeyay gargaarka ballaaran ee la gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe. Waxayna cadaalad-darro ku tilmaameen in Hiiraan oo dagaal culus ku jirta loo keeno kartoono kooban.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay sare u qaadeen hawl-galladooda gobolka Hiiraan, gaar ahaan xuduudda ay la wadaagto Sh/Dhexe, iyagoo guulo la taaban karo ka gaaray dagaallo ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno muhiim ah.