25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Shirkadda LG iyo KOICA oo mashruuc nooc cusub ah ka hirgelinaya Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda LG Electronics, hay’adda gargaarka Kuuriyada Koonfureed ee KOICA iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa bilaabay iskaashi cusub oo lagu dhisayo xarun xirfado farsamo lagu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada korontada, qalabka elektaroonigga ah, teknoolajiyadda iyo dayactirka agabka guryaha.

Mashruucan ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Nabadda ee Elman Peace Centre, waxaana loogu talagalay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu siiyo tababarro la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada.

Heshiiska iskaashiga ayaa lagu saxiixay 15-kii May xarunta LG-KOICA Hope Vocational Training School ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo LG iyo KOICA ay muddo ka badan toban sano ka wadeen barnaamij tababar xirfadeed oo lagu tilmaamay mid guuleystay.

Barnaamijka cusub ee Soomaaliya ayaa laga soo dheegtay khibradda xarunta LG-KOICA ee Itoobiya, taas oo tan iyo 2014 tababartay boqolaal arday oo galay suuqa shaqada ama bilaabay ganacsiyo yaryar.

LG Electronics ayaa sheegtay inay Soomaaliya la wadaagi doonto manhajka tababarka, hannaanka maamulka xarunta, qalabka waxbarashada, habka qiimeynta, iyo taageerada shaqo-abuurka ee ardayda qalin-jabisa.

Sidoo kale, macallimiin Soomaaliyeed ayaa lagu tababari doonaa xarunta Addis Ababa, ka hor inta aysan kusoo laaban Muqdisho si ay u hoggaamiyaan casharrada iyo tababarrada farsamo ee ardayda Soomaaliyeed.

KOICA ayaa sheegtay in dufcadda koowaad ee barnaamijka lagu bilaabi doono 50 illaa 60 arday, kuwaas oo ay wax bari doonaan siddeed illaa toban macallin oo Soomaali ah oo qaata tababar shahaadaysan.

Dhalinyarada ka qalin-jabisa xarunta ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan dayactirka qalabka elektaroonigga ah, adeegyada farsamada, ICT-ga, ama inay helaan taageero ay ku bilaabaan ganacsiyo yaryar oo la xiriira xirfadaha ay barteen.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamij ballaaran oo ay KOICA iyo UNDP ka wadaan Soomaaliya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, kaas oo diiradda lagu saarayo nabad-dhisidda iyo ka hortagga xagjirnimada.

Hay’adaha mashruuca wada ayaa sheegay in shaqo la’aanta, faqriga iyo fursad la’aanta dhalinyarada ay kamid yihiin arrimaha sii xoojin kara nuglaanta bulshooyinka, gaar ahaan dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

Lionel Laurens, oo ah madaxa UNDP ee Soomaaliya, ayaa sheegay in iskaashigan uu isku xirayo tababar farsamo, doorka ganacsiga gaarka ah iyo nabad-dhisidda.

“Dhalinyarada Soomaaliya waa hantida ugu weyn ee dalka,” ayuu yiri Laurens, isaga oo intaas ku daray in fursado shaqo iyo xirfado tayo leh ay muhiim u yihiin nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Wankyu Park, oo ah madaxa xafiiska KOICA ee Kenya, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tusaale dhif ah oo muujinaya iskaashi ka dhexeeya hay’ad dowladeed oo Kuuriyaan ah, hay’ad Qaramada Midoobay ka tirsan iyo shirkad gaar loo leeyahay.

“Iskaashigan wuxuu dhalinyarada Soomaaliyeed siinayaa fursado dhab ah oo ay ku dhistaan awooddooda, wuxuuna gacan ka geysanayaa aasaaska nabad waarta,” ayuu yiri.

Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu Soomaaliya ka caawiyo dhismaha suuq adeeg oo ku saabsan qalabka elektaroonigga ah, agabka guryaha iyo adeegyada ICT-ga.

Mas’uul ka tirsan KOICA ayaa sheegay in xaruntan aysan kaliya dhalinyarada siin doonin xirfado iyo shaqo, balse ay sidoo kale Soomaaliya ka abuuri doonto saldhig farsamo oo Kuuriyaan ah, maadaama dalka ay ku yar yihiin xarumo rasmi ah oo lagu dayactiro agabka elektaroonigga ah ee Kuuriya laga keeno.

Mas’uulka ayaa sheegay in arrintan ay gacan ka geysan doonto kobcinta xirfadlayaasha Soomaaliyeed, abuurista nidaam adeeg oo casri ah, iyo ballaarinta qiimaha tiknoolajiyadda iyo sumcadda shirkadaha Kuuriya.

Seunghwan Yang, oo ah madaxa LG Electronics ee Itoobiya, ayaa sheegay in shirkaddu ay Soomaaliya la wadaagi doonto guusha ay ka gaartay Itoobiya.

“Anagoo Soomaaliya la wadaageyna khibraddii guuleysatay ee aan ka helnay in ka badan toban sano oo aan ka wadnay LG-KOICA Hope Vocational Training School ee Itoobiya, waxaan gudaneynaa mas’uuliyaddayada bulsho ee shirkad caalami ah,” ayuu yiri.

UNDP ayaa sheegtay in mashruucu uu dhalinyarada Soomaaliyeed siin doono waddo ay ku helaan xirfado, shaqooyin iyo fursado ganacsi, isla markaana uu xoojin doono dadaallada lagu dhisayo nabad iyo horumar waara.

Pakistan oo 8,000 askari, diyaarado dagaal iyo difaac cirka ah u dirtay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Pakistan ayaa Sacuudi Carabiya u dirtay 8,000 oo askari, guuto diyaarado dagaal ah iyo nidaam difaac cirka ah oo Shiinuhu sameeyey, iyadoo la fulinayo heshiis difaac oo labada dal kala saxiixdeen, sida ay qortay Reuters.

Dhaq-dhaqaaqan militari, oo billowday horraantii bishii Abriil, ayaa si weyn u kordhinaya joogitaanka ciidamada iyo qalabka dagaal ee Pakistan ku leedahay Sacuudiga, xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii xoogeysatay kadib dagaalka Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran.

Pakistan ayaa dirtay guuto ka kooban ku dhowaad 16 diyaaradood oo dagaal, kuwaas oo badankood ah nooca JF-17 oo ay Islamabad si wadajir ah ula sameyso Shiinaha. Waxay sidoo kale Sacuudiga geysay nidaamka difaaca cirka ee HQ-9, oo ka mid ah hubka casriga ah ee Shiinuhu soo saaro.

Joogitaanka nidaamkan Shiinaha laga keenay ayaa Sacuudiga ka dhigaya dal ay isku dhinac ka shaqeynayaan qalab difaac oo ay kala sameeyeen Shiinaha iyo Mareykanka. Riyadh horey waxay u haysatay nidaamyada difaaca cirka ee Patriot iyo THAAD, waxaana lagu tilmaamaa inay leedahay kaydka ugu weyn ee gantaallada Patriot ee dalalka Khaliijka.

Heshiiska difaac ee Pakistan iyo Sacuudiga ayaa la saxiixay bishii Sebtember 2025, kadib weerarkii Israel ay ku qaaday xubno ka tirsan Hamas oo ku sugnaa Doha, Qatar. Heshiiskaas ayaa dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arko weerar lagu qaaday labadaba.

Dagaalka Iran ayaa iftiimiyay muhiimadda heshiiskaas, gaar ahaan kadib markii Tehran ay kaga jawaabtay weerarka Mareykanka iyo Israel duqeymo ay ku qaadday dalal ku yaalla Khaliijka.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha iyo qorayaasha Sacuudiga ayaa toddobaadyadii hore ee dagaalka ku dooday in heshiiska Pakistan uu Riyadh gelinayo dalladda difaaca nukliyeerka ee Islamabad, maadaama Pakistan ay tahay dal Muslim ah oo haysta hubka nukliyeerka.

Hase yeeshee, saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Islamabad ay ka walaacday qaabka loo adeegsanayo hadalkaas, isla markaana ay arrinta kala hadashay Sacuudiga.

Dirista ciidamadan iyo hubkan ayaa muujineysa in Pakistan ay isku dayeyso inay si toos ah uga jawaabto walaaca amni ee Sacuudiga. Reuters ayaa sheegtay in heshiisku furayo suurtagalnimada in ilaa 80,000 oo askari oo Pakistani ah loo diro Sacuudiga si ay uga qeyb qaataan sugidda xuduudaha boqortooyada haddii xaaladdu sii xumaato.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in maraakiib dagaal oo Pakistani ah la geeyo Sacuudiga, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin in maraakiibtaas ay gaareen boqortooyada.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo marinno muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka ay wajahaan cadaadis militari. Marinka Hormuz ayaa ku jira xaalad cakiran oo ay saameeyeen xannibaado iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Iran iyo Mareykanka, halka xeebta Badda Cas ee Sacuudiga ay ku tiirsan tahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb, oo horey ay weerarro uga fuliyeen Xuutiyiinta Yemen.

Pakistan iyo Sacuudiga waxay leeyihiin xiriir amni oo soo jiray muddo dheer. Islamabad ayaa horey boqortooyada ugu dirtay tababarayaal militari iyo ciidamo, halka Riyadh ay muddo dheer Pakistan siineysay taageero dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.

Xiriirkaas ayaa hadda yeelanaya waji cusub, iyadoo Sacuudiga uu raadinayo dammaanad amni oo ballaaran xilli gobolka uu wajahayo dagaal, hanjabaado gantaallo iyo tartan saameyn oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

Pakistan ayaa sidoo kale door dhexdhexaadin ah ka ciyaartay dadaallo lagu qaboojinayay xiisadda Mareykanka iyo Iran bishii Abriil. Sacuudiga ayaa taageeray wada-hadalladaas, waxaana markii dambe Riyadh ay Islamabad siisay taageero dhaqaale, kadib markii Imaaraadka Carabta uu ka laabtay deyn dhan 3 bilyan oo dollar oo uu siin lahaa Pakistan.

Dhinaca kale, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay ballaarinta heshiiskooda amni si loogu daro Turkey, taas oo muujineysa in Riyadh ay dhiseyso shabakad difaac oo ka baxsan qaabkii ay muddo dheer ugu tiirsaneyd Mareykanka.

Warbixinno kale ayaa sheegay in Pakistan ay hub u dirtay maamulka bariga Libya ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar, iyadoo heshiiskaas ay maalgelisay Sacuudiga. Arrintaas ayaa muujineysa in Riyadh ay adeegsaneyso xiriirka Islamabad si ay saameyn ugu yeelato isku dheellitirka awoodda gobolka, gaar ahaan meelaha ay Imaaraadka Carabta saameyn xooggan ku leedahay.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa Pakistan ka dhigaya tiir muhiim ah oo ku jira istaraatiijiyadda amniga Sacuudiga, halka Sacuudiga uu u muuqdo inuu isku dayayo inuu yareeyo ku tiirsanaantiisa hal dhinac ah ee Mareykanka, isagoo isla waqtigaas xoojinaya xiriirka uu la leeyahay dalal Muslim ah oo leh awood militari oo muuqata.

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday Gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala beegsaday Al-Shabaab.

Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday inta u dhexeysa degmada Buuloburde iyo deegaanka Buq Aqable ayaa khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta oo ahayd bartilmaameed lagu beegsaday goobo ay gabaad ka dhigayaeen khawaarijta, gaar ahaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal sar sare, sida ay hadalka u dhigeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta gantaallada, iyadoo sidoo kale la burburiya xarumo ay lahayd kooxda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta, waxaana weli sii socda howlgallada ciidamada ee ku sugan aagga degmada Buuloburde.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay weli ka socdaan howlgallada, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Hiiraan oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo uu ugu horreeyo Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, iyada oo mala kala duwan oo dalka ah lagu beegsaday loogu gaystay khasaare xooggan.

DF oo bayaan kulul kasoo saaray tallaabada Somaliland ee Qudus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay qorshaha maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Qudus, tallaabadaas oo ay ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin isla markaana ka hor imaaneysa qawaaniinta caalamiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si cad loogu diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya, laguna sheegay inay ka hor imaaneyso go’aannada caalamiga ah iyo kuwa ururrada heer gobol.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Dowladda Federaalka ay mar kale xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray ‘safaarad’ magaalada Qudus,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadan aysan lahayn wax sharciyad ah ama saameyn sharciyeed toona, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo dhaawacaya mowqifka mideysan ee dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka ee ku aaddan magaalada Qudus.

Dowladda Federaalka ayaa xustay in magaalada Qudus ay leedahay xaalad sharci iyo siyaasadeed oo gaar ah, taas oo lagu saleeyay go’aannada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya arrinta Falastiin.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan shacabka Falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.

Hadalkan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imanaya xilli warbaahinta Israa’iil ay baahinayeen warar sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Israa’iil, islamarkaana ay safaarad ka furato magaalada Qudus.

Wasiir Fiqi “Mucaaradka gacmaha ayaa la idinka jabinayaa” + Qeyla dhaanta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Wasiir Fiqi hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay, balse wuxuu ka digay cid kasta oo maliishiyaad hubeysan soo kaxaysata in gacmaha la jabin doono cideey doonto ha ahaado.

“Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, walaa xoogga dalka, nabadsugid iyo boolis, haddii la idiin soo weerarayo af-xumadiina iyo dhaqan xumadiina mar hore la qaban lahaa, cid idiin soo socota ma jirto, laakiin maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Faqi.

“Hadalkaygii maanta waxaa uu tilmaamayay dhacdo laga soo gudbay oo kooxdani ay si bareer ah ku weerareen ayagoo hubaysan saldhigga Degmada Wardhiigley sanadkii hore bishii September, oo dawladdu aysan ka falcelin weerarkoodii, haddii laga falcelin lahaana uu xaalku intaas ka xumaan lahaa” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay mara habaabinta kooxaha mucaaradka ay ku hayaan bulshada, taasoo uu sheegay inay soo afjarantay 15-ka May oo ay mucaaradka ku baaqeen dibadbax ka dhan dowladda balse cid usoo baxda, dhaqal siisayna in ciyaalka xaafadaha ay ku maadeystaan.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay hanjabaad uu jeediyay wasiirka. Qoraal kasoo baxay Goluhu wuxuu ku sheegay in hadallada Wasiir Fiqi aysan u arkin kuwo shaqsiyeed, balse ay ka tarjumayaan sida ay hadalka u dhigeen qorshe siyaasadeed oo uu ku madalayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo lagu gambanayo amni iyo xasilooni.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa ciidamada qalabka sida in ay ilaaliyaan dastuurka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku milanka loolanka siyaasadeed isla markaana ay diidaan amar kasta oo sharci daro ah oo ka yimaada shaqsi mudo xileedkiisa dhamaaday” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.

Goluhu waxay sheegeen in Soomaaliya ay leedahay waaya aragnimo xanuun badan oo la xariirta hanjabaad, caburin iyo adeegsiga awood ciidan si dano siyaasadeed loogu gaaro, waxayna mas’uuliyada wixii ka dhasha ay u jeediyeen inuu leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiisadaha siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda ayaa meel adag maraysa, iyadoo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ay ku howlan yihiin xal u helida muranka siyaasadeed ee ka dhashay mudo xileedka dowladda oo ku ekaa 15-ka May.

Ururka Islaamka oo war culus kasoo saaray go’aanka Somaliland ee Qudus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Qudus, oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda rasmiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee quseeya xaaladda magaalada Qudus.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu dhaawacayo dadaallada lagu taageerayo xuquuqda shacabka Falastiin, kuwaas oo muddo dheer halgan kula jiray dowladda Israa’iil.

“Go’aanka uu maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ku doonayo inuu safaarad uga furto Qudus wuxuu xoojinayaa sheegashada Israa’iil ee dhulka Falastiin. Marna ma aqbali doonno tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa midnimada iyo madaxbannaanida Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaanka OIC.

Sidoo kale, ururka ayaa caddeeyay inuusan aqoonsan doonin wax tallaabo ah oo la xiriirta qorshahaas, isagoo xusay in arrimaha noocan oo kale ah ay si toos ah uga hor imanayaan mowqifka mideysan ee dunida Islaamka ee ku aaddan Falastiin iyo magaalada barakeysan ee Quddus.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Ururka Iskaashiga Islaamka uu garab taagan yahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu kasoo horjeedo tallaabo kasta oo la xiriirta gooni isu-taag ama wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalkan kasoo baxay OIC ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso inay xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la yeelato Israa’iil, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro Islaami ah.

Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheyneyso in dhankeeda ay safaarad ka furato magaalada caasimada ah ee Hargeysa, sida uu shaaciyay Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil.

Waxaa kale oo uu tallaabadaas ku tilmaamay calaamad muujineysa “saaxiibtinimo sii xoogeysaneysa, ixtiraam wadajir ah iyo iskaashi istaraatiiji ah” oo dhexmaraya labada dhinac.

Go’aanka ayaa yimid bilo kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa Israel ka dhigtay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ka tirsan ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland, oo tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland oo u safraya Israel si uu…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee June uu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil.

Safarka Cirro ayaa la sheegay inuu la xiriiro furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil.

Qorshahan ayaa yimid kadib markii Somaliland ay si rasmi ah ugu dhowaaqday inay safaarad ka furaneyso magaalada Qudus ee la haysto, taas oo ka dhigan inay magaaladaasi u aqoonsatay caasimadda Israa’iil.

Inkasta oo bulshada caalamka inteeda badan ay Quddus u arkaan magaalo barakeysan oo qeyb ka ah dhulka Falastiin, haddana Somaliland ayaa ku biirtay Mareykanka iyo dhowr dal oo yar-yar oo safaarado ku leh Qudus, halka dalalka kale ay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, maadaama Qudus loo aqoonsan yahay magaalo barakeysan iyo caasimadda Falastiin.

Safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in safaaradda Somaliland “laga furi doono Qudus”, isla markaana ay dhowaan billaabi doonto shaqadeeda. Waxa uu sidoo kale shaaciyay in Israa’iil ay safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, arrintaas oo uu ku tilmaamay bilowga xiriir diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Israa’iil ay dhowaan noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo tan iyo sanadkii 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah. Tallaabadan ayaa sare u qaaday xiriirka labada dhinac, iyadoo Hargeysa ay rajeyneyso inay hesho taageero siyaasadeed, maalgashi iyo iskaashi dhinacyada amniga iyo tiknoolajiyadda ah.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Muqdisho ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qorshaha safaaradda Qudus.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay qorshaha Somaliland ee furashada safaaradda Qudus, isaga oo sheegay inay noqon doonto safaaradda siddeedaad ee dal shisheeye ka furta magaaladaasi.

Si kastaba, tallaabada Somaliland ayaa abuurtay muran xooggan, maadaama dalalka intooda badan ay safaaradahooda ku leeyihiin magaalada Tel Aviv, kana fogaadan Qudus sababo la xiriira muranka taagan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Go’aankan ayaa sidoo kale la filayaa inuu Somaliland geliyo cadaadis diblomaasiyadeed oo uga yimaada dalalka Carabta iyo taageerayaasha qadiyadda Falastiin.

Muqdisho: Maxay siday diyaaradda xamuul ee maanta Istanbul ka timid?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad nooca xamuulka qaada ah, taasoo ka timid magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan garoonka.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus A330-343 ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa si ku-meel-gaar ah loo xadiday dhaq-dhaqaaqa qaar kamid ah adeegyada garoonka, taas oo dhalisay su’aallo ku saabsan nooca xamuulka ay sidday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya agabka ay diyaaraddu waday, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ku jiray. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xamuulka loo badinayo inuu ku wajahnaa saldhigga ciidamada Turkiga ee TURKSOM oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, markii laga dejiyay diyaaradda xamuulka ayaa lagu raray gaadiid gaar ah oo si deg-deg ah uga baxay gudaha garoonka, iyadoo aan loo oggolaan warbaahinta inay si dhow ula socoto howlaha dejinta.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ku leh saldhigga ugu weyn ee ay ku leedahay dibadda, kaasoo lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan milateriga iyo ciidamada gaarka ah.

Tan iyo markii la aas-aasay xarunta TURKSOM, Turkiga wuxuu si weyn uga qeyb qaatay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, isagoo bixiya tababaro, qalab iyo taageero dhinaca amniga ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii dambe gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo Ankara ay noqotay mid kamid ah saaxiibada ugu dhow ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana taageerta dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xamza iyo Cusmaan Dubbad oo yeeshay wada-hadalkii u horreeyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhowaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Safiirka cusub ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska iyo xasillinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay danjiraha cusub xilka loo soo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu si hufan u gudan doono waajibaadka loo igmaday.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay leeyihiin iskaashi qoto dheer oo ku dhisan walaaltinimo, derisnimo iyo dano wadaag.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee markale loo igmaday.

Soomaaliya oo koronto raqiis ah ka soo dhoofsaneysa Itoobiya – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay koronto uga soo dhoofsanayso dalka Itoobiya, taasi oo soo mari doonta seddex magaalo muhiimka ah ee xadka ku yaalla.

Wasiirka Tamarka iyo Kheyraadka biyaha C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay inay dowladdu rajo wanaagsan ka qabto in qorshahaani uu noqon doono mid Soomaaliya ay ku heli doonto koronto qiimaheedu hooseeyo oo noqon doona halkii kilowatt $5 cent, taas oo si weyn uga hoosaysa qiimaha korontada ee hadda laga bixiyo Soomaaliya.

Wasiir Bidhaan ayaa intaa raaciyay in koronta laga keenayo Itoobiya lasoo marsiin doono deegaanada xuduudaha Doolow, Wajaale, iyo Goldogob, isagoo qiray in mar hore la dhameeyay labo meelood oo korontada soo mareyso.

Bankiga Adduunka oo qorshahaan taageerayo wuxuu qirsan yahay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada qiimaha korontada ee ugu qaalisan qaaradda Afrika, iyadoo magaalooyinka qaar ay qiimuhu u dhaxeeyaan 60 ilaa 100 cent halkii kilowatt.

Dalka Itoobiya ayaa dhaliya wax ka badan 6,000 oo megawatt oo koronto ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya iyo xogta Bankiga Horumarinta Afrika, iyadoo inta badan tamartaas laga dhaliyo mashaariicda biyaha ee mashruuca biyo xireenka Weyn ee Itoobiya Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd).

Waddamada Geeska Afrika ayaa muddooyinkii dambe sii kordhiyey mashaariicda isku-xirka korontada gobolka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ballaariyo helitaanka korontada iyo in la dhimmo kharashka tamarta ee suuqyada isku xiran.

Tallaabadan ayaa ah dhabbo weyn oo loo qaaday dhanka xallinta koronto la’aanta baahsan ee ka jirta dalka iyo xoojinta iskaashiga gobolka iyo dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo helitaanka tamarta iyo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan ee Geeska Afrika.

Saciid Deni oo Mareykanka kala hadlay xaaladda kala guurka Soomaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kaas oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, iyadoo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, sida Amniga, Siyaasada iyo horumarinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda kala guurka ah ee uu dalku galay iyo doorka ay ku leedahay Puntland oo haatan kasoo horjeedo muddo kororsiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka.

Dhanka kale, Ku simaha safiirka Maraykanka oo kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyey hawlgalada ay ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray ciribtirka argagixisada.

Ugu dambeyn, wuxuu amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, isaga oo balan qaaday taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada adkeynta amniga, baahinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Si kastaba, Kulankan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalmo kahor ay fashilmeen wada-hadaladii dowladda iyo mucaaradka oo uu gar wadeen ka ahaa Mareykanka.

Jaamacadda Carabta oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha safaaradda Qudus

0

Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd oo bayaan culus soo saaray ayaa Somaliland uga digay in ay safaarad ka furato magaalada Qudus ee xoogga ay ku haysato Israa’iil, xilli xukuumadda Cirro ay ku dhawaaqday in safaarad ay ka furaneyso magaaladaas, taas oo ka dhigan inay u aqoonsatay caasimadda dowladda Israa’iil.

Abuu Geyd ayaa sidoo kale arrintan ku tilmaamay mid bar-madow ku noqon doonta maamulka Somaliland oo horay aqoonsi uga helay Israa’iil.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka digay khatarta ka dhallan karta faragelinta Israa’iil ay ku hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday maamulkaas.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay waajib tahay in aan lagu xadgudbin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in dalalka caalamka meel fog ay ka istaagaan farogelintaas, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheyneyso in dhankeeda ay safaarad ka furato magaalada caasimada ah ee Hargeysa, sida uu shaaciyay Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil.

Waxaa kale oo uu tallaabadaas ku tilmaamay calaamad muujineysa “saaxiibtinimo sii xoogeysaneysa, ixtiraam wadajir ah iyo iskaashi istaraatiiji ah” oo dhexmaraya labada dhinac.

Go’aanka ayaa yimid bilo kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa Israel ka dhigtay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ka tirsan ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland, oo tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah.

Xujeyda Soomaaliyeed oo ku banaan-baxay Mukhtaar Roobow kadib markii uu…

0

Makkah (Caasimada Onlinee) – Qaar kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku banaanbaxay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), iyaga oo cabasho ka muujinayo adeeg xumo iyo in la dayacay.

Muuqaal kooban oo si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinayo Xujeyda oo ku xoomaya gaariga wasiirka, iyadoo mid kamid ah uu isku dhigay baabuurka, taas oo keentay in Roobow uu soo dago, kadibna uu sidaas ku dhageysto cabashadooda.

Mid kamid ah Xujeyda oo kasoo muuqday Video-ga ayaa sheegay in la dajiyay goob ka fog Xajka, sidoo Kalena ay haysato gaadiid la’aan iyo cunto yari.

“Baahi ayaa na hayso baabuur aan raacno maleh Xaramka waa naga fogyahay,” ayuu yiri mid kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed oo ka hadlayay dhibaatada haysata.

Sidoo kale, Xaaji kale ayaa sheegay in Soomaalida ay ku dayac yihiin magaalooyinka Sacuudiga, halka muwaadiniinta dalal kale ay haystaan daryeel iyo basas gaar ah oo ay raacaan.

“Itoobiyaan 5 kun ayaa kasoo Xajisay bas ayay leeyihiin badar ayay leeyihiin, daawo ayay leeyihiin annaga maxaan ku waynay?” ayuu ku dooday muuwaadin kale oo Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa soo farogeliyay cabashadan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya oo ballan qaaday in si degdeg ah uu wax uga qaban doono arrintan, isaga oo sidoo kale tilmaamay inuu aad uga xun yahay xaaladda haysata Xujeyda Soomaaliyeed.

Inkastoo ay soo baxeen sanadkan dal-daloolo ku aadan dhibaatooyin ay wajahayaan Xujeyda Soomaaliyeed ayaa haddana doorka Dowlad Federaalka wuxuu yahay inay daryeesha Xujeyda, kana war qabto safarkood, maadaama ay yihiin kuwa dhaqaalaha ugu badan looga qaado bixitaankooda.

Saraakiishii ugu badneyd oo ku sii qulqulaya Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qulqulayo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo ka qayb-qaadanaya howlaha sugidda amniga ee magaaladaasi.

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, iyadoo garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ay kusoo dhaweeyeen Kaaliyaha Taliska Dhulka Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale oo ka tirsan qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga.

Ujeedka saraakiishan oo ka baxay Muqdisho ayaa ah inay kaalintooda ka qaataan xoojinta amniga magaalada oo lagu qabanayo doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, Janaraal Maadey Nuurey ayaa lagu wadaa inuu qayb ka noqdo kulamada ka socda magaalada ee looga hadlayo xasilinta iyo howlaha doorashooyinka, maadaama uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Baydhabo, waxaa haatan ku sugan ciidamo isugu jira qaybta Taliska 60-aad, Kumaandooska Gorgor iyo kuwo Booliis ah, iyada oo sidoo kale la kordhiyay goobaha hubinta gaadiidka ee gudaha iyo bannaanka magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa arrimaha Koonfur Galbeed, waxayna sidoo kale shalay taliyaha cusub ee guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka u magacowday Gaashaanle Dhexe Cabdulle Isaaq Ibraahim oo horay u ahaa taliyihii Booliska ee degmada Wanlaweyn.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii dhawaan  duleedka Baydhabo ay Al-Shabaab ku dileen ku-simihii taliyaha qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan & taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60 ee Xoogga Dalka  Soomaaliyeed Cali Caddow, kadib weerar dhabo gal ah oo si kadis ah ugu qabsaday halkaas.

Mucaaradka oo sheegay in Xasan Sheekh uu ciidamo cusub diyaarsaday + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulayo ciidamo cusub oo uu sheegay inuu u diyaarsaday inuu ku caburiyo mucaaradka kasoo horjeedo.

Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin kale oo u xareysan Xasan Sheekh, isla markaana uu doonaayo inuu soo saaro, si uu ugu adeegsado danihiisa siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ognahay in Xasan Sheekh uu wado abaabul ciidan wuxuu soo wadaa ciidan lagu tababaray gobollada dhexe, guutooyin cusub oo u xareysan inuu lasoo baxaayo ayaan ognahay kuwa TurkSom ugu xareysan inuu lasoo baxaayo ayaan ognahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ujeedkiisa waxaa waayay inuu dhiigeyna ku baneysto taas waa inay dadka ogaadaan, laakiin annaga ka tanaasuleyno Madaxweynihii ka horreyayna ciidan ugama aanan cabsanin asigana ciidan ugama cabsaneyno”.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa farriin u diray ciidamada qalabka sida, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhibaateyn dadka shacabka ah, sidoo kalena aysan qaadan amarrada madaxa joogta Villa Somalia.

“Ninka fadhiya Villa Somalia waa Madaxweynihii hore ha qaadanina amar la idin siinaayo inaad Ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateysaan waxaa la idin tababaray inaad Ummadda Soomaaliyeed difaacdaan ilaalisaan nabadda dalka dhowrtaan sharafta iyo karaamada shacabka”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo ku aadan eedda mucaaradka ee ku aadan ciidamadaas la sheegay inay abaabulayaan.

Si kastaba, mucaaradka ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha, iyaga oo iclaamiyay dibad-baxyo horleh oo 4-ta June ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo ay tilmaameen in todobaadyo socon doonaan.

Geesigii weerarka Masjidka San Diego oo qoyskiisa loo ururiyay 1.4 milyan dollar

San Diego (Caasimada Online) – In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyey qoyska Amin Abdullah, oo ahaa waardiyihii lagu dilay weerar Isniintii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, xilli uu isku dayayey inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa xaruntaas.

Amin Abdullah, oo ahaa aabbe dhalay siddeed carruur ah, ayaa ka mid ahaa saddex qof oo lagu dilay weerarka ka dhacay Islamic Center of San Diego, oo ah mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn gobolka San Diego.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay carruur badan ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka. Wararku waxay sheegayaan in Abdullah uu kaalin weyn ka qaatay in gudaha xarunta la xiro, islamarkaana carruurta iyo shaqaalaha la geliyo xaalad badbaado, ka hor inta aan la dilin.

Taliyaha booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa Amin Abdullah ku tilmaamay geesi ficilladiisu ay badbaadiyeen nolosha dad badan.

“Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen kuwo geesinnimo leh,” ayuu yiri Wahl oo shir jaraa’id ka hadlayay. “Shaki la’aan, maanta wuxuu badbaadiyay nafo badan.”

Booliska ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay weerarka geysteen, ka hor inta aan meydadkooda laga helin gaari u dhow goobta, iyadoo la rumeysan yahay inay is dileen. Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa baaraya in weerarku ahaa fal naceyb ku saleysan, kaddib markii la helay qoraallo ka dhan ah Muslimiinta.

Mas’uuliyiinta xarunta Islaamiga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ayaa sheegay in Amin Abdullah uu naftiisa u huray difaaca carruurta, macallimiinta iyo dadka cibaadada u joogay masaajidka.

Baraha bulshada Mareykanka ayaa si weyn loogu hadal hayaa geesinimada Abdullah, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen halyeey Muslim ah oo naftiisa ku waayey isagoo ilaalinaya dad aan is difaaci karin.

Lacag ururin online ah oo loo sameeyay qoyskiisa ayaa si degdeg ah u dhaaftay 1.7 milyan oo dollar, taasoo muujisay taageerada ballaaran ee bulshada Muslimiinta iyo shacabka Mareykanka ay u muujiyeen qoyskiisa.

Amin Abdullah ayaa ka tagay xaas iyo siddeed carruur ah. Dadkii yaqaanay ayaa ku sifeeyay nin deggan, naxariis badan oo si joogto ah ugu adeegayay dadka masaajidka yimaada.

Weerarka San Diego ayaa mar kale Mareykanka ka dhaliyay dood ku saabsan amniga goobaha cibaadada iyo khatarta sii kordheysa ee falalka naceybka ku saleysan, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Muslimiinta.

Mas’uuliyiinta gobolka California iyo magaalada San Diego ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo sheegay in goobaha cibaadada aysan marnaba noqon karin meel lagu beegsado dad aan waxba galabsan.

Laakiin bulshada Muslimiinta ee San Diego ayaa xilligan si gaar ah u xasuusaneysa Amin Abdullah, oo ay ku tilmaameen nin geesinimadiisu ka hortagtay masiibo intaas ka weyn.

Xog: Villa Somalia oo wadda qorshe lagu dooranayo guddoon cusub oo baarlaman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay billowday olole siyaasadeed oo ay ku dooneyso in Baarlamaanka Federaalka, oo mucaaradku ku tilmaamayo mid waqtigiisii dhammaaday, mar kale fadhi la isugu keeno.

Qorshaha Villa Somalia ayaa ah in tallaabadaas la qaado marka la soo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo la filayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, uu ku soo baxo doorashada ka dhaceysa Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay markaas kaddib diyaarin doonto fadhi uu yeesho Baarlamaanka Federaalka, si loo doorto guddoomiye cusub oo beddela Aadan Madoobe, haddii uu ku guuleysto hoggaanka Koonfur Galbeed.

Qorshaha ayaa dhigaya in doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka la guda galo muddo laba toddobaad gudahood ah kaddib marka la soo afjaro doorashada Baydhabo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka taagan sharciyadda hay’adaha federaalka, gaar ahaan muddada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddada Baarlamaanka Federaalka ay ku ekeyd 14 April 2026, sida ku cad dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee lagu soo doortay hay’adaha hadda jira. Waxay sidoo kale ku adkeysanayaan in muddada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku ekeyd 15 May 2026.

Dhinaca kale, dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in dastuurka cusub ee wax laga beddelay uu muddada hay’adaha dowladda ka dhigay shan sano, taasoo ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn karto illaa 15 May 2027.

Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay in muddada Baarlamaanka Federaalka, dowladda federaalka iyo xilka madaxweynenimada ay ku eg tahay May 2027, isagoo ku adkeystay in arrintaas aysan ahayn go’aan shaqsi ah balse ay ku saleysan tahay hannaanka dastuuriga ah ee dalka.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeeda aragtidaas, iyagoo ku tilmaamay muddo-kororsi sharci darro ah oo khatar gelinaya xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayay ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, iyagoo ku adkeystay in wixii ka dambeeyay 15 May uusan lahayn awood dastuuri ah oo uu ku sii hoggaamiyo dalka.

Dhanka kale, waxaa sii xoogeysanaya loollanka siyaasadeed ee ka dhex socda siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee doonaya inay buuxiyaan booska Aadan Madoobe ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haddii uu ku guuleysto doorashada Baydhabo.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Villa Somalia ay hore u diyaarsatay shaqsiga ay dooneyso inuu qabto xilka guddoomiyaha, taasoo ka dhigeysa doorashada soo socota mid qeyb ka ah dagaalka ballaaran ee siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Doorashada Koonfur Galbeed iyo buuxinta kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidaas ku noqday laba arrimood oo si toos ah ugu xiran muranka weyn ee ka taagan muddada dowladda, qorshaha doorashooyinka qaranka iyo mustaqbalka awood qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qalbi Dhagax oo si adag u naqdiyay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo dusha ka saaray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa naqdiyay wareysi uu bixiyay agaasimihii hore ee Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay isu bahaysteen afar koox oo uu ku sheegay “jilaa, doqon iyo shirqool,” balse uusan magac-dhabin cidda uu ula jeeday.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu door ku lahaa, wax badanna ka ogaa qabashadiisa. Wuxuu ku tilmaamay qof cuqdadaysan oo Soomaali u buga qaan-gaaray.

Wuxuu beeniyay in ay jirto lacag uu ka helay Fahad Yaasiin, kaas oo hore u sheegay inuu Hargeysa ugu diray $20,000. Qalbi Dhagax ayaa arrintaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoo sheegay in haddii lacagtaas la siin lahaa xilligaas ay urur ahaan baahi weyn u qabeen, maadaama ay ku jireen dagaal xornimo-doon ah.

Mar uu ka hadlayay kiiska Ikraan Tahliil, ayuu sheegay in Fahad Yaasiin uu isagu maleegay kiiskaas, isla markaana uu marin habaabiyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sheekooyin been abuur ah lagu qariyay kiiska Ikraan, laguna eedeeyay koox uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii hore ee Xasan Sheekh aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.

Sidoo kale, mar uu ka hadlayay booqasho uu xabsiga ugu tegay taliyihii Nabad-sugidda xilligii la dhiibayay, Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe,” ayuu sheegay in qorshaha uu markaas u socday uu ahaa amar ka yimid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo Sanbaloolshe ka dalbaday inuu soo ogaado halka uu ku dambeeyay, nolol iyo geeri.

“Sanbaloolshe wuu ii yimid. Wuxuu iigala hadlay saddex ilaa afar qodob. Wuxuu igu yiri, ‘Aniga madaxweynaha ayaa i soo diray. Madaxweynaha wuxuu igu yiri, war ninkii aan dhiibnay inuu nool yahay iyo inuu dhintay bal aan ogaanno, ee ka daba tag oo soo ogow. Qodobka labaad, waxaad soo weydiisaa ninka waxa uu nooga baahan yahay, dowlad Soomaaliyeed ahaan. Waxaana rabnaa inaad tilmaam naga siiso, bacdamaa aad muddo badan dagaal jabhadeed ku jirtay. Cadow khatar ah ayaa nala dagaallamaya, ee tilmaam naga sii sida ugu habboon,’” ayuu yiri Qalbi Dhagax, oo ka hadlayay hadalkii ay is-dhaafsadeen Cabdullaahi Sanbaloolshe, kaas oo uu ku tilmaamay nin runta ka hadla oo uusan been ku aqoon.

“Waxaan Sanbaloolshe weydiiyay sababta ay Itoobiya iigu dhiibeen, wuxuuna yiri, ‘Waan isku kaa badbaadinaynay.’ Intaas ayuu iigu soo koobay warka,” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Qalbi Dhagax ayaa intaas raaciyay in Farmaajo uu rabay inuu hadlo, shacabka Soomaaliyeedna u sheego inuu isagu isu dhiibay Itoobiya.

Ugu dambeyntii, Qalbi Dhagax oo wareysigiisa wax badan kaga hadlay, ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee teeramkii hore aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.

Wareysi uu dhawaan bixiyay Fahad Yaasiin ayaa dhaliyay falcelin, waxaana ka mid ah inuu soo hadlay Qalbi Dhagax, oo sheegay in Fahad uusan waxba ka ogeyn dhiibistii ay dowladdii Farmaajo u dhiibtay Itoobiya.

DF ‘oo u adeegsatay’ shirkad dibada ah si loo aamusiyo warbaahinta iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in warbaahinta madaxa-bannaan ay dacwo u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya weerarro online ah oo la sheegay in dowladda ay u wakiilatay shirkad dibadda ku taalla, taas oo si been abuur ah u sheegata xuquuqda wararka ay baahiyaan warbaahinta madaxa-bannaan.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadda CONVEY LLC, oo ka shaqeysa arrimaha suuq-geynta, lana sheegay in fadhigeedu yahay Talyaaniga, ay sheegatay xuquuqda muuqaalada lagu soo geliyo baraha Meta, gaar ahaan Facebook, kuwaas oo ay leeyihiin telefishinno iyo idaacado dhowr ah, si loo aamusiyo ama loo yareeyo wararka mucaaradka.

Ururka u dooda xuquuqda haweenka ka shaqeeya warbaahinta ee SOMWA ayaa qoraal uu soo saaray walaac weyn kaga muujiyay mowjado sii kordhaya oo weerarro online ah, kuwaas oo si habeysan loogu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada.

Weerarradan online-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo ka taagan Soomaaliya, halkaas oo suxufiyiinta iyo ururrada warbaahintu ay horayba ugu shaqeynayeen cadaadis daran, cagajugleyn iyo amni-darro.

Inkasta oo ay jiraan weerarro jireed, xarig, dhibaateyn iyo cagajugleyn maalinle ah oo ay la kulmaan suxufiyiinta warbaahinta madaxa-bannaan, haddana waxaa hadda soo baxay nooc cusub oo khatar ah oo lagu carqaladeynayo warbaahinta wax ku qorta baraha bulshada.

Sida ay wararku sheegayaan, dacwado badan oo warbaahinta ay u gudbisay shirkadda Meta ee Facebook ayaa hoos u dhigay saameynta shirkadda CONVEY LLC, oo sheeganeysay xuquuqda wararka iyo muuqaalada lagu daabaco bogagga Facebook ee idaacadaha iyo telefishinnada ka howlgala Muqdisho.

Xarumaha warbaahineed ee la kulmay weerarradan online-ka ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay awooddoodii ay wax ku daabici jireen ama ay ku gaari jireen dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku xiran baraha Meta, waxaa ka mid ah Shabelle TV, Universal TV iyo Dalsan TV.

Sidoo kale, weerarradan ayaa saameeyay suxufiyiin madax-bannaan iyo dadka saameynta ku leh internet-ka, kuwaas oo nuxurkoodii la sheegay in meesha laga saaray ama la xaddiday, sababo la xiriira ganaaxyo wadajir ah oo lagu soo rogay.

W/Q: Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online, London

Dowladda Holland oo amar adag kasoo saartay weerarada lala beegsado qaxootiga.

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah.

Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay deggen yihiin dad magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht, waxayna isku dayeen inay ka horjoogsadaan ciidanka dab-demiska inay damiyaan dabka. Si kastaba, dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii ayaa laga badbaadiyey.

Golaha Wasiirrada oo arrintan shir ka yeeshay ayaa u ballanqaaday dowladaha hoose kaalmo iyo xal gaar ah oo ku saabsan qaabilidda magangelyo-doonka, si loo adkeeyo ammaankooda, isagoo cambaareeyey rabshadaha ka dhanka ah xarumaha la weeraray.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Netherlands SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa war lagu farxo ku tilmaamay ballan-qaadka Ra’iisul Wasaare Rob Jetten, oo sheegay in la bixin doono xalal gaar ah, isla markaana la sameyn doono kooxo firfircoon oo la shaqeyn doona ururka dowladaha hoose ee Netherlands.

Abdikadir Ali Nuune ayaa guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka dalka ku cusub ee magangelyo-doonka ah kula taliyey inay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan xaaladda soo korortay iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha diidan qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan ee ay geysanayaan kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, isagoo sheegay inay yihiin falal xadkoodii dhaafay, isla markaana lala xisaabtami doono dadka ka dambeeya.

Rabshadihii ugu dambeeyay ee ay geysteen kooxaha cunsuriyiinta ah waxaa ka mid ah weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumaha magangelyo-doonka ee la qorsheeyay in laga furo magaalooyinka IJsselstein, Den Bosch, Apeldoorn iyo Loosdrecht.

Hay’adda Qaabilaadda Magangelyo-doonka ee COA ayaa dhankeeda sheegtay inay ka walaacsan tahay nolosha iyo badqabka shaqaalaheeda, maadaama kooxahan ay dab qabadsiinayaan xerooyinka loo qorsheeyay qaxootiga.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online