26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Tirada maraakiibta maray marinka Hormuz 24-kii saaac ee la soo dhaafay iyo Iran oo…

Tehran (Caasimada Online) – Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga marin-biyoodka Hormuz, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka Bariga Dhexe iyo walaaca laga qabo saameynta ay ku yeelan karto ganacsiga caalamiga ah.

IRGC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadeeda badda, oo kaashanaya ciidamada kale ee ammaanka Iran, ay 24-kii saac ee la soo dhaafay sugeen maritaanka ugu yaraan 35 markab oo ganacsi, kuwaas oo ay ku jiraan maraakiib shidaal siday, maraakiib konteenarro iyo noocyo kale oo ganacsi.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee IRGC ayaa lagu yiri: “Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka waxay abuureen marin-biyood ammaan ah oo loogu talagalay maraakiibta, si loo xaqiijiyo sii socoshada ganacsiga caalamiga ah iyo badqabka maraakiibta maraysa Hormuz.”

Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah goob istaraatiiji ah oo isku xirta Gacanka Faaris iyo Badweynta Hindiya, waxaana maalin kasta mara qayb weyn oo kamid ah shidaalka caalamka loo dhoofiyo suuqyada Aasiya, Yurub iyo Mareykanka. Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in qalalaase kasta oo ka dhaca halkaas uu saameyn weyn ku yeelan karo qiimaha shidaalka adduunka.

Dhanka kale, Hay’adda Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris ee Iran ayaa soo bandhigtay khariidad cusub oo lagu magacaabay “Aagga Kormeerka Maamulka Marin-biyoodka Hormuz,” taas oo muujineysa meelaha ay Iran sheegtay inay si dhow ula socon doonto dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Sida lagu sheegay ogeysiiska rasmiga ah, aaggan wuxuu ka bilaabanayaa xariiqda isku xirta Buurta Mubarak ee Iran iyo koonfurta Fujairah ee Imaaraadka Carabta dhinaca bari, ilaa xariiqda isku xirta dhammaadka Jasiiradda Qeshm ee Iran iyo Umm Al Quwain ee Imaaraadka dhinaca galbeed.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa sare u qaadaya walaaca laga qabo in Tehran ay kordhiso xakamaynta ay ku hayso marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.

Tallaabadan ayaa la sheegay in Iran ay uga dan leedahay inay dunida tusiso awooddeeda militari iyo saamaynta ay ku leedahay marin-biyoodka ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha kala dhexeeya reer Galbeedka.

Wargeyska The Guardian ee Britain ayaa tilmaamay in tallaabada Iran ay kusoo aaday xilli Mareykanka iyo xulafadiisu ay sare u qaadeen joogitaanka ciidamada badda ee gobolka, si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa tamarta qaada.

Si kastaba ha ahaatee, khilaaf kasta oo ka qarxa Hormuz ayaa si weyn u saameyn kara isku socodka shidaalka iyo badeecadaha caalamka, maadaama marin-biyoodkan uu muhiim u yahay dhaqaalaha adduunka.

TRUMP oo shaaciyay dalka xiga ee bartilmaameedka u ah Mareykanka kadib Iran

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa soo saaray hanjabaado cusub oo ku aaddan in tallaabo millateri laga qaado waddanka Cuba.

Rubio ayaa goor dambe oo Khamiistii ah u sheegay suxufiyiinta in Cuba ay sannado badan khatar ku ahayd amniga qaranka Mareykanka, sababo la xiriira xiriirka ay la leedahay dalalka Mareykanka kasoo horjeeda sida Ruushka iyo Shiinaha, halka Trump uu sheegay in ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynihii ugu dambeyn qaada tallaabadaas. Taas oo ka dhigan in dagaalkii Iran kadib uu Mareykanku u jeesan doono Cuba.

Maamulka Trump, oo uu safka hore kaga jiro Rubio oo asalkiisu yahay Kuubaan-Mareykan (Cuban-American) ayaa kordhinayay culeyska saaran jasiiraddan uu shuucigu hoggaamiyo, taas oo u muuqata isku day lagu doonayo in lagu sameeyo “isbeddel maamul”. Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah go’doomin dhinaca shidaalka ah oo dhaqaalaha Cuba qarka u saartay inuu burburo.

Dedaalladan ayaa dardar galay maalmihii u dambeeyay, iyadoo Mareykanku uu dacwad ku soo oogay madaxweynihii hore ee Cuba Raul Castro, isla markaana uu ciidamo millateri ku ururinayo badda Caribbean-ka.

Isagoo gaashaanka u daruuraya fikirka ah in ujeedadu tahay “qaran-dhisid”, Rubio ayaa u sheegay suxufiyiinta in arrintu ay quseyso “amniga qaranka”. Waxa uu intaas ku daray in kasta oo heshiis wada-xaajood lagu gaaro uu yahay “midka uu doorbidayo” Mareykanku, haddana rajada laga qabo waddada diblumaasiyadda ee Cuba ay “hooseyso”.

“Nidaamkooda dhaqaale ma shaqeeyo. Waa mid burbursan, mana lagu xallin karo nidaamka siyaasadeed ee hadda jira,” ayuu yiri Rubio.

“Sannado badan Cuba waxay caadeysatay inay waqti iibsato oo ay na daaliso,” ayuu sii raaciyay Rubio. “Ma awoodi doonaan inay na sugaan ama waqti iibsadaan. Aad ayaan uga dhabeynaynaa arrintan, diiraddana waan saaraynaa.”

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta in madaxweynayaashii Mareykanka ay muddo tobanaan sano ah ka fiirsanayeen inay faragelin ku sameeyaan Cuba, balse ay u muuqato in isagu uu noqon doono “kii fulin lahaa arrintaas”, isagoo raaciyay inuu “ku farxi doono” inuu sidaas sameeyo.

Isagoo arrintaas ka jawaabaya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa si kulul u cambaareeyay Rubio, isagoo ku tilmaamay inuu si been abuur ah Cuba ugu shaabadeeyay khatar.

“Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa mar kale been sheegaya si uu u huriyo daandaansi millateri oo sababi kara in la daadiyo dhiigga shacabka Cuba iyo kan Mareykanka,” ayuu yiri Rodriguez.

Xiisadda oo kor u kacday

Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay, Trump wuxuu Cuba saaray cunaqabateynno dhowr ah, isagoo hirgeliyay go’doomin dhinaca shidaalka ah, wuxuuna kormeeray isku-uruursi millateri oo ka socda gobolka.

Hanjabaadaha dib u soo cusboonaaday ee maalintii Khamiista ayaa yimid xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa labada dal.

Mareykanka ayaa Arbacadii dacwad ku soo oogay madaxweynihii hore ee Cuba Raul Castro, arrintaas oo lala xiriirinayo diyaarad la soo riday sanadkii 1996-kii.

Khamiistiina, waxaa la xiray Adys Lastres Morera oo la dhalatay sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda weyn ee Grupo de Administracion Empresarial SA (GAESA), taas oo uu maamulo millateriga Cuba, gacantana ku haysa qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha dalkaas.

Cunaqabateynno dheeraad ah ayaa la saaray dowladda Cuba usbuucii la soo dhaafay. Millateriga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in maraakiib dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada badda, oo uu ku jiro markab xambaara diyaaradaha dagaalka, ay Arbacadii gaareen badda Caribbean-ka si ay uga qayb qaataan dhoolatusyo badeed oo ay la sameynayaan dalalka saaxiibada la ah ee Latin America.

Rubio ayaa xusay in Cuba ay hore si horudhac ah u oggolaatay deeq lacageed oo dhan $100 milyan oo doolar, taas beddelkeedana laga doonayay inay isbeddello sameyso.

Balse waxa uu sheegay in aysan caddeyn in Mareykanku oggolaan doono shuruudaha Cuba, maadaama Washington ay ku adkeysaneyso in la hareermaro shirkadda uu millaterigu taageero ee GAESA.

Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in Trump iyo Rubio ay Cuba la maagan yihiin tallaabo la mid ah isbeddelkii maamul ee laga sameeyay Venezuela.

Madaxweynaha garabka bidix ee Venezuela Nicolas Maduro iyo xaaskiisa ayaa la afduubay bishii Janaayo kadib howlgal millateri, waxaana loo qaaday Mareykanka, halkaas oo Maduro lagu soo oogay dacwad la xiriirta “argagixisanimo iyo daroogo”.

Rubio ayaa ku adkeysanaya in Cuba ay khatar weyn oo dhinaca amniga qaranka ah ku tahay Mareykanka, sababo la xiriira xiriirka dhanka amniga iyo sirdoonka ee ay la leedahay Shiinaha iyo Ruushka.

Labadan dal ayaa dhankooda dhaleeceeyay culeyska uu Mareykanku saarayo jasiiraddan.

Shiinaha ayaa Jimcihii sheegay inuu “si adag u garab taagan yahay” Cuba, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu qaboojiyo xiisadda islamarkaana uu “joojiyo hanjabaadaha ku saleysan awoodda.”

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka Dmitry Peskov ayaa yiri: “Waxaan aaminsannahay in xaalad kasta ha noqotee, hababkan qarka u saaran gacan-ka-hadalka iyo rabshadaha aan marnaba loo adeegsan madaxda hore ama kuwa hadda xilka haya ee dalalka.”

DF oo sheegtay inay ka go’an tahay in si buuxda loo ciribtiro…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cudurka dabaysha (Polio), kaas oo muddo dheer dhibaato caafimaad ku hayay carruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay intii uu ka qeybgalayay shirka 64-aad ee Wasiirrada Caafimaadka dalalka Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka cudurka cVDPV2 ee ka jira gobolka Geeska Afrika.

Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinaca tallaalka carruurta iyo dadaallada lagu yareynayo tirada carruurta aan helin tallaalka muhiimka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoojisay nidaamyada dabagalka cudurrada, si loo ogaado xaaladaha cusub ee cudurka dabaysha loogana hortago faafitaankiisa.

Dhanka kale, wuxuu qiray inay jiraan caqabado adag oo hortaagan dadaallada caafimaad ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, helitaanka adeegyada caafimaadka iyo gaarsiinta tallaalka deegaannada ay adag tahay in la gaaro.

Wasiirka ayaa xusay in xaaladaha amni darrada iyo gaadiid la’aanta ka jirta qaar kamid ah gobollada dalka ay saameyn ku yeesheen ololayaasha tallaalka, balse dowladda ay sii waddo dadaallada lagu gaarsiinayo adeegyada caafimaad dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta wada-shaqeynta dalalka deriska ah iyo taageerada joogtada ah ee bahwadaagta caafimaadka, si loo xaqiijiyo mustaqbal ka xor ah cudurka dabaysha, loona ilaaliyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka gobolka.

Imaaraadka oo $6 milyan ku bixiyay in la qariyo fadeexada safiir Yousef al-Otaiba

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa in ka badan lix milyan oo dollar siisay shirkad Mareykan ah oo ka shaqeysa hagaajinta sumcadda internet-ka, si loo hoos geeyo warbixin dhaawac u geysatay safiirka Abu Dhabi u fadhiya Washington, Yousef al-Otaiba, sida ay qortay The New York Times.

Warbixinta ayaa sheegtay in Imaaraadka uu tan iyo July 2019 la shaqeynayay shirkadda Terakeet, oo fadhigeedu yahay magaalada Syracuse ee gobolka New York. Shirkadda ayaa loo xilsaaray in ay hagaajiso natiijooyinka Google-ka ee la xiriira dalxiiska Imaaraadka iyo sumcadda safiirkiisa Washington.

Yousef al-Otaiba, oo ahaa safiirka Imaaraadka ee Mareykanka tan iyo 2008, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta ugu saameynta badan Washington. Wuxuu muddo dheer door muhiim ah ku lahaa xiriirka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Mareykanka iyo Imaaraadka.

Arrinta muranka dhalisay ayaa ka bilaabatay maqaal ay The Intercept daabacday 2017, kaas oo cinwaan uga dhigay “nolosha qarsoon ee safiirka ugu awoodda badan Washington”. Maqaalkaas ayaa sheegayay in al-Otaiba uu xiriir la lahaa haween ka ganacsada galmada iyo dad lagu eedeeyay ka ganacsiga jinsiga.

Sida ay qortay The New York Times, maqaalkaas ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ugu horreeyay ee kasoo muuqday Google marka la raadiyo magaca safiirka, taas oo walaac ku abuurtay al-Otaiba iyo dowladda Imaaraadka.

Afar shaqaale hore oo ka tirsanaa Terakeet ayaa sheegay in shirkaddu sameysay qorshe ballaaran oo lagu riixayo maqaalka The Intercept, si uusan uga soo muuqan bogagga hore ee Google. Mid ka mid ah maamulayaasha akoonka shirkadda ayaa sida la sheegay muddo ka badan hal sano u guuray Washington, si uu si toos ah ula shaqeeyo safiirka, isla markaana loo yareeyo raad digital ah oo muujin kara faahfaahinta shaqada la qabanayay.

Terakeet ayaa u sameysay al-Otaiba bog gaar ah oo sumcaddiisa lagu xoojinayo. Shirkadda ayaa sidoo kale adeegsatay akoon qarsoon si wax looga beddelo boggiisa Wikipedia, iyadoo lagu daray xog wanaagsan oo ku saabsan doorkiisa diblomaasiyadeed.

Waxaa kale oo la qoray qoraallo ammaanaya hoggaamintiisa iyo saameyntiisa, kuwaas oo loo gudbiyay hay’ado uu xiriir la lahaa, sida Harvard Kennedy School, Milken Institute iyo Special Olympics. Qoraalladaas ayaa lagu xiray bogag kale oo si wanaagsan uga hadlayay Imaaraadka, taas oo gacan ka geysatay in natiijooyinkaas ay sare uga soo baxaan Google.

The New York Times ayaa sheegtay in xeeladdaasi ay si tartiib ah u shaqeysay. Sanadkii 2023, maqaalka The Intercept wuxuu u dhacay bogga labaad ee Google, halka maanta uu inta badan isticmaalayaasha uga muuqdo bogga shanaad.

Imaaraadka ayaa Terakeet siiyay in ka badan lix milyan oo dollar intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, sida ay muujinayaan diiwaannada sharciga Mareykanka ee Foreign Agents Registration Act, oo lagu diiwaangeliyo shirkadaha iyo shaqsiyaadka u shaqeeya dowlado shisheeye.

Al-Otaiba kama jawaabin su’aalaha The New York Times, marka laga reebo inuu xaqiijiyay in Terakeet ay shaqo u qabatay dowladda Imaaraadka.

Warbixinta The New York Times ayaa sidoo kale iftiimisay sida Terakeet ay ugu lug yeelatay dadaallo lagu maaraynayay sumcadda Kathryn Ruemmler, oo hore uga soo shaqeysay Aqalka Cad xilligii madaxweyne Barack Obama, kadibna noqotay madaxa sharciga ee Goldman Sachs.

Ruemmler ayaa wajahday cadaadis xooggan kadib markii dokumentiyo la xiriira Jeffrey Epstein ay muujiyeen xiriir dhow oo ay la lahayd maalqabeenka Mareykanka ah ee lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga galmada. Dokumentiyada ayaa muujiyay fariimo ay ugu yeereysay Epstein “Uncle Jeffrey”, iyo xiriir ka badan mid sharci oo keliya.

Terakeet ayaa isku dayday inay xakameyso dhaawaca sumcadeed ee Ruemmler, balse hawshaasi waxay noqotay mid aad u adag. Ugu dambeyntii, Ruemmler ayaa bishii February iska casishay xilkii madaxa sharciga ee Goldman Sachs, iyadoo la filayo inay shirkadda si rasmi ah uga tagto bisha June.

Mac Cummings, madaxa fulinta ee Terakeet, ayaa difaacay shaqada shirkaddiisa, isagoo sheegay in hay’aduhu ay xaq u leeyihiin inay iyagu sheegtaan sheekadooda, haddii kale ay dhinacyo kale iyo teknoolajiyada casriga ah u qaabeyn doonaan.

Kiiskan ayaa dib u furay dood ku saabsan awoodda shirkadaha sumcad-dhisidda ee Mareykanka, gaar ahaan sida dowlado iyo shirkado waaweyn ay malaayiin dollar ugu bixiyaan inay beddelaan waxa dadka ka arkaan internet-ka, ayna hoos u riixaan warbixinnada dhaawici kara sawirkooda siyaasadeed ama ganacsi.

Ciidamada DF oo duleedka Muqdisho kasoo qabtay hub iyo agabka qaraxyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ciidamada kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga gobolka iyo ciribtirka kooxaha hubeysan ee weli ka howlgala qeybo kamid ah Shabeellaha Hoose.

Dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay hub iyo agabyo kala duwan oo lagu qabtay howlgalka, kuwaas oo isugu jiray qoryaha AK-47, bastoolado, bambooyin iyo qalab loo adeegsado sameynta walxaha qarxa.

Hubkan ayaa waxaa warbaahinta usoo bandhigay ciidamada kumaandooska Danab, gaar ahaan cutubyada adeegsada gawaarida gaashaaman, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadanaya howl-gallada ka socda gobolka.

Muddooyinkii dambe waxaa gobolka Shabeellaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Danab iyo Gorgor, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimo iyo dhaqdhaqaaqyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay in howl-galladan ay saameyn xooggan ku yeesheen awooddii kooxda, isla markaana ay hoos u dhaceen weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadi jirtay xeryaha ciidamada dowladda iyo fariisimada muhiimka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo xustay in ciidamada qalabka sida ay guulo ka gaareen dagaallada iyo howlgallada ka socda gobollo kamid ah dalka.

Arrin halis ah oo aan lagu baraarugsaneyn oo ku soo korortay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin cabsi iyo walaac badan leh ayaa muddooyinkii dambe lagu arkayay magaalada Muqdisho, taasoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo injineerada ka shaqeeya dhismayaasha waaweyn ee magaalada.

Qaar ka mid ah shirkadaha iyo injineerada dhismaha ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa ee magaalada, iyagoo dadka ay guryaha u dhisayaan kula heshiiya in haanta bulaacadda, ama buusaneerka musqusha, aysan buuxsami doonin muddo u dhexeysa 10 ilaa 15 sano, halkii si caadi ah looga faarujin lahaa saddexdii biloodba mar ama xilli kasta oo ay buuxsanto.

Si taas loo sameeyo, injineerada qaarkood ayaa la sheegay inay haanta bulaacadda ku xiraan ceel ama god aad u qoto dheer, kaas oo loo qaabeeyo in wasakhda adag ee saxarada ay meel gaar ah ku harto, halka biyaha wasakhaysan iyo kaadidu ay si toos ah ugu qulqulaan god hoos u sii dhacaya oo mararka qaar gaaraya 100 ilaa 120 mitir.

Arrintan ayaa ah khatar caafimaad iyo mid deegaan oo weyn, gaar ahaan marka la eego in biyaha dhulka hoostiisa ay yihiin isha ugu weyn ee ay dadka Muqdisho ka helaan biyaha ay cabbaan ama isticmaalaan. Dadka aqoonta u leh caafimaadka dadweynaha iyo biyaha dhulka hoostiisa ayaa fahmi kara in dhaqankan uu horseedi karo in wasakhdu ku faafto dhulka hoostiisa, isla markaana ay gaarto ceelasha ay shacabka isticmaalaan.

Dhismayaasha dhaadheer ee magaalada ku soo kordhay ayaa si gaar ah loola xiriirinayaa dhaqankan. Qaar ka mid ah mulkiilayaasha iyo shirkadaha dhismaha ayaa la sheegay inay ka cararayaan kharashka joogtada ah ee ka baxaya faarujinta haamaha bulaacadda, iyagoo taas beddelkeeda doorbidaya hab khatar gelin kara caafimaadka bulshada iyo deegaanka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, baaris ay Caasimada Online sameysay ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee ku dhow xeebta ay wasakhda ka soo baxda haamaha bulaacadda si toos ah ugu shubaan badda. Arrintan ayaa la sheegay in lagu sameeyo tubooyin xooggan oo dhulka hoostiisa la mariyo, kuwaas oo wasakhda gaarsiiya xeebta iyo biyaha badda.

Waxaa muuqata in maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha u xilsaaran bulaacadaha, fayadhowrka iyo ilaalinta deegaanka aysan si buuxda ugu baraarugsaneyn khatartan. Ma jiro kormeer joogto ah oo muuqda, mana muuqato isla xisaabtan lagu hayo shirkadaha iyo dadka ku lugta leh dhismaha guryaha iyo daaraha magaalada.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991, Muqdisho ma aysan helin adeeg dowladeed oo nidaamsan oo si joogto ah u kormeera fayadhowrka, bulaacadaha, ceelasha iyo badqabka deegaanka. Taas beddelkeeda, qof walba wuxuu si gaar ah u fulsadaa adeegyo ay ahayd inay dowladda maamusho ama nidaamiso.

Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, arrintan waxay noqon kartaa khatar qarsoon oo saameyn ku yeelata caafimaadka kumannaan qof, gaar ahaan dadka ku tiirsan ceelasha biyaha ee magaalada Muqdisho.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London

Digniin amni oo loo diray Soomaalida ku nool Koonfur Afrika – Maxaa soo kordhay?

0

Cape Town (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo saartay digniin amni oo ay u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ku boorisay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah kadib weeraradii u dambeeyay ee ku salaysnaa naceybka shisheeyaha, kuwaas oo lagu beegsaday muwaadiniinta u dhashay Afrika iyo Aasiya ee ku sugan qaybo ka ka mid Koonfur Afrika.

Safaaradda ayaa ugu baaqday Soomaalida inay feejignaan muujiyaan, kana fogaadaan meelaha laga soo sheegay rabshadaha ama khataraha amniga, sidoo kale ay ka fogaadaan isu soo baxyada isu beddeli kara rabshado.

Waxa kale oo ay ku boorisay ganacsatada Soomaaliyeed inay tixgeliyaan inay xiraan meheradahooda ganacsi inta lagu jiro xilliyada ay taagan tahay xiisadda sare u kacday, si ay u badbaadiyaan naftooda iyo hantidooda. 

Digniintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay korortay mudaaharaadyada iyo weerarada ka dhanka ah muhaajiriinta ee ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla Koonfur Afrika, oo ay ku jiraan Johannesburg, Pretoria, iyo Durban.

Dadka bannaanbaxaya ee xisbiyada jinsi naceybka ayaa dalbaday in la dalkooda laga saaro muhaajiriinta sharci darada kusoo galay ee la wareegay horumarka ganacsiga.

Safaaradda Soomaaliya ayaa ku boorisay bulshada inay si dhow ula socdaan xaaladda xaafadahooda, ayna raacaan tilmaamaha hay’adaha amniga ee Koonfur Afrika. Waxay sidoo kale ku baaqday deganaan, isgarab-taag, iyo iskaashi dhex mara dadka deegaanka ah iyo Soomaalida.

Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadambaha iyo Shucuubta ayaa bishii Abriil muujiyay walaac weyn oo ku saabsan warbixinnada ku saabsan rabshadaha iyo hanjabaadaha ka dhanka ah muwaadiniinta waddamada kale ee Afrika ee ku sugan Koonfur Afrika.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyay weerarada, isagoo sheegay in fursad-doonayaal ay ka faa’ideysanayaan cabashooyinka bulshada si ay u huriyaan rabshadaha ka dhanka ah muhaajiriinta. Warqad furan oo uu soo saaray isniintii, wuxuu ku sheegay inaysan Koonfur Afrika meelna uga bannaanayn:

Rabshadaha socda ayaa cabsi weyn ku abuurtay bulshooyinka muhaajiriinta ah, iyadoo laga soo sheegay bililiqo iyo weeraro lagu qaaday dukaamada ay leeyihiin dadka ajaanibta ah. Dhowr waddan oo Afrikaan ah ayaa muujiyay walaac ku saabsan badbaadada muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa muddo dheer ka mid ahaa bulshooyinka ganacsatada ajnabiga ah ee sida ugu weyn ugu nugul rabshadaha ka dhaca xaafadaha isku raranta ah ee Koonfur Afrika, halkaas oo milkiilayaasha dukaamada ay la kulmeen dil, dhac, bililiqo, iyo weeraro  cunsurinimo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa horay u dalbaday iskaashi xooggan oo lala yeesho laamaha fulinta sharciga ee deegaanka si loo ilaaliyo muwaadiniinta iyo ganacsiyada Soomaaliyeed.

DF oo koronto raqiis ah ka soo dhoofinaysa Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku dhow inay dhammeystirto qorsheyaal ay koronto uga soo iibsaneyso dalka Itoobiya, tallaabo dowladda federaalka ay ku tilmaamayso mid wax weyn ka beddeli karta qiimaha korontada dalka, isla markaana xoojin karta isku xirnaanta dhaqaale ee Geeska Afrika.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka shaqeyneyso qorshe farsamo iyo sharci oo lagu suurta-gelinayo in koronto laga soo qaado shabakadda koronto ee Itoobiya, kadibna lagu xiro magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa arrintan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, isagoo caddeeyay in mashruucu marayo marxalad diyaar-garow ah, ayna qeyb ka tahay dadaalka lagu ballaarinayo helitaanka koronto jaban oo la isku halleyn karo.

Sida uu sheegay Bidhaan, korontada Itoobiya ayaa Soomaaliya uga soo geli doonta saddex marin oo muhiim ah: Doolow, Wajaale iyo Goldogob. Kadib marka ay korontadu soo gaarto goobahaas xuduudda ah, waxaa la qorsheynayaa in lagu xiro shabakado gudaha ah oo gaarsiin kara magaalooyinka iyo xarumaha ganacsiga.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu taageero ka helayo Bankiga Adduunka, isla markaana daraasado suurta-galnimo laga sameeyay laba ka mid ah goobaha loo qorsheeyay in korontadu ka soo gasho Soomaaliya.

Haddii uu hirgalo, qorshahan wuxuu Soomaaliya siin karaa fursad ay ku yareyso mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan ganacsiga, warshadaha yaryar, adeegyada bulshada iyo nolosha qoysaska: qiimaha korontada oo aad u sarreeya.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka Afrika ee korontadu ugu qaalisan tahay. Magaalooyin badan waxaa korontada bixiya shirkado gaar loo leeyahay oo ku tiirsan matoorro ku shaqeeya naafto, taasoo keentay qiime sare, adeeg aan mar walba degganeyn iyo kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya magaalooyinka.

Qiimaha ay bixiyaan macaamiisha magaalooyinka qaar ayaa lagu qiyaasaa 60 ilaa 100 senti halkii kilowatt-hour, halka meelaha qaar uu ka sii badan karo. Dowladda federaalka ayaa rajeyneysa in koronto laga keeno Itoobiya ay hoos u dhigi karto qiimahaas, iyadoo wasiir Bidhaan uu sheegay in bartilmaameedku yahay in korontadu gaarto heer ku dhow shan senti halkii kilowatt-hour.

Arrintaas, haddii ay dhabowdo, waxay si weyn u dhimi kartaa kharashaadka ganacsiyada yaryar, hoteellada, isbitaallada, iskuullada iyo qoysaska. Waxay sidoo kale fursad siin kartaa warshado iyo adeegyo cusub oo muddo dheer ka cabsanayay qiimaha tamarta ee Soomaaliya.

Qorshahan ayaa sidoo kale muujinaya sida Itoobiya ay u dooneyso inay u beddesho awooddeeda koronto-dhalin ilo dhaqaale oo gobolka oo dhan laga faa’iideysto. Itoobiya waxay sanadihii dambe si xooggan u maalgelisay tamarta biyaha, dabaysha iyo geothermal-ka, iyadoo mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee GERD uu noqday xarunta ugu weyn ee qorshaheeda tamareed.

Itoobiya ayaa koronto ka iibisa dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya iyo Sudan, waxayna hadda isku dayeysaa inay ballaariso suuqa ay korontadeeda u dhoofiso. Addis Ababa ayaa sheegtay in dakhliga ka soo xarooday iibka korontada uu noqday il dhaqaale oo muhiim ah, xilli ay Itoobiya raadineyso lacag adag iyo suuqyo cusub oo gobolka ah.

Mashruuca Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dalalka Geeska Afrika ay sii kordhinayaan isku xirnaanta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, waddooyinka, dekedaha iyo ganacsiga xuduudaha.

Si kastaba, hirgelinta qorshahan waxay u baahan doontaa heshiisyo farsamo, sharci iyo ganacsi oo cad, iyo sidoo kale kaabayaal lagu hubiyo in korontada xuduudda soo gaarta si ammaan ah oo joogto ah loogu gudbin karo gudaha Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya weli ma laha shabakad koronto qaran oo mideysan, taasoo ka dhigeysa in mashruuca noocan ah uu u baahdo isku dubbarid ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, maamul goboleedyada, shirkadaha korontada iyo hay’adaha maalgelinta.

Hase yeeshee, haddii qorshuhu ku dhammaado heshiis rasmi ah iyo dhisme kaabayaal shaqeeya, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ku gaarto koronto jaban, nadiif ah oo wax ka beddesha dhaqaalaha dalka.

Masar iyo Eritrea oo kala saxiixday heshiis lid ku ah Itoobiya iyo damaceeda badda

0

Asmara (Caasimada Online) – Masar iyo Eritrea ayaa magaalada Asmara ku saxiixday heshiis dhanka gaadiidka badda ah, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga Badda Cas, isu socodka ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee gobolka.

Heshiiska ayaa imaanaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo tartan istaraatiiji ah oo sii kordhaya, gaar ahaan xiisadaha la xiriira dadaalka Itoobiya ee helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas iyo muranka muddada dheer ka taagan Biyo-xireenka Weyn ee Renaissance (GERD).

Saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, xilli ay Asmara booqasho ku joogeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyo Wasiirka Gaadiidka, Kamel al-Wazir.

Sida uu dhigayo heshiiska, Masar iyo Eritrea waxay abuuri doonaan marin toos ah oo maraakiib xamuul ah, kaas oo isku xiri doona dekedaha labada dal ee Badda Cas. Ujeeddadu waa in la ballaariyo iskaashiga ganacsiga, la fududeeyo isu socodka badeecadaha, lana xoojiyo xiriirka loojistikada ee labada dal.

Labada dowladood ayaa sidoo kale sheegay in amniga iyo maamulka Badda Cas ay yihiin mas’uuliyad gaar ah oo saaran dowladaha xuduudda la leh marinka biyahaas. Mowqifkaas ayaa loo arkaa farriin siyaasadeed oo ku wajahan dalalka aan xeebta ku lahayn Badda Cas, gaar ahaan Itoobiya, oo muddooyinkii dambe si xooggan u muujisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed joogto ah.

Itoobiya, oo noqotay dal aan bad lahayn kaddib markii Eritrea ay xorriyadda qaadatay 1993, ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha dalalka deriska ah, gaar ahaan Djibouti. Bishii Janaayo 2024, Addis Ababa waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, kaas oo la sheegay inuu Itoobiya siinayo marin ay ku gaarto Badda Cas. Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Xiisaddaas ayaa Masar siisay fursad ay ku ballaariso doorkeeda Geeska Afrika, iyadoo Qaahira ay si cad u taageertay Soomaaliya, isla markaana ay xoojisay xiriirka ay la leedahay Eritrea. Masar ayaa sidoo kale khilaaf culus kala dhexeeyaa Itoobiya oo ku saabsan GERD, kaas oo Qaahira ay u aragto khatar ku wajahan amnigeeda biyaha, maadaama Masar ay si weyn ugu tiirsan tahay webiga Nile.

Iskaashiga cusub ee Masar iyo Eritrea ayaa sidaas darteed ka baxsan heshiis ganacsi oo keliya. Wuxuu qeyb ka yahay dib-u-habeyn siyaasadeed oo ka socota gobolka, halkaas oo Badda Cas, dekedaha, biyaha Nile iyo amniga Geeska Afrika ay noqdeen arrimo isku xiran.

Masar ayaa sidoo kale ballaarisay xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo kan ciidan ee Soomaaliya. Qaahira waxay dhistay qaab-dhismeed iskaashi saddex-geesood ah oo ay la leedahay Eritrea iyo Soomaaliya, kaas oo diiradda saaraya isku-dubbaridka arrimaha gobolka iyo xaddididda saameynta Itoobiya.

Heshiiska Asmara ayaa muujinaya in Masar iyo Eritrea ay doonayaan inay xoojiyaan joogitaankooda Badda Cas, xilli Itoobiya ay weli raadineyso marin badeed, Soomaaliya ay difaaceyso madax-bannaanideeda, halka muranka GERD uu weli yahay qodob weyn oo kala fogeynaya Qaahira iyo Addis Ababa.

NISA oo shaacisay xogta duqeymo culus oo lala beegsaday horjoogayaal Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howl-galladan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay NISA.

Hay’adda ayaa sheegtay in howl-galladaasi, oo duqeymo ahaa, lagu dilay 26 xubnood oo ay ku tilmaamtay “dhagarqabayaal,” isla markaana lagu burburiyay xarumo, gaadiid iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo gaadiidka, kuwaas oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in qaar kamid ah xubnaha la beegsaday ay ku jireen horjoogayaal iyo xubno ka tirsanaa waaxda dabagalka iyo baarista ee kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay dhibaateynta dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka gobolka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ee gobolka Hiiraan kuwaas oo lagu dilay 26 dhagarqabe.

Sidoo kale waxaa lagu burburiyay teendhooyin, guryo, xarumo keyd hub iyo gaadiid ay Khawaarijtu u adeegsanayeen abaabulka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Howl-galka koowaad oo ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ay Khawaarijtu ku abaabuleysay isgoyska Madaxya-weyn.

Weerarkaas waxaa lagu dilay 14 dhagarqabe, waxaana la gubay teendhooyin iyo gabbaadyo ay kooxdu u adeegsaneysay abaabulka iyo dhuumaaleysiga maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha.

Dhinca kale, howlgal ka dhacay deegaanka Mukayle waxaa lagu burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa waxa ay Khawaarijtu ugu yeeraan Mutaabacada ama dabagalka, kuwaas oo caan ku ahaa dhibaateada iyo baaritaannada sharci darrada ah ee lagu hayay shacabka isticmaalka waddada deegaankaas.

Howl-galkan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe oo uu ku jiray Horjooge Sadaam oo ahaa ku xigeenkii deegaanka Mukayle, waxaana lagu dhaawacay 16 kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka saddexaad, oo ka dhacay deegaanka Shaw, ayaa lagu burburiyay xarumihii keydka iyo cilad-bixinta hubka ee Khawaarijta, iyo gaari nooca Hoomeyda ah, waxaana isla goobtaas lagu dilay saddex farsamo-yaqaan oo ka tirsanaa kooxda.

DHAMMAAD

Lafta Gareen oo eedeyn culus u jeediyay Turkiga: Diyaaraddaha F16 ayey ku duqeeyeen…

0

Nairobi (Caasimada Online) – C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen), Madaxweynihii isaga cararay maamulkii Koonfur Galbeed ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan inay qeyb ka ahaayeen rabshadihii ka dhacay Baydhabo ee xilka looga tuuray isaga, isla markaana ay Xasan Sheekh ku taageereen mudo kororsi iyo in xilka sii haayo.

Lafta-gareen wuxuu si gaar ah u xusay in duulaankii lagu qabsaday Baydhabo in dadka shacabka ay ku waabiriisteen diyaaraddaha dagaalka F16 ee Turkiga oo dul heehaabayay hawada, isla markaana uu tilmaamay in ay duqeysay dad shacab ah oo ay ku dhinteen lix qof oo sedax ka mid ah ahaayeen aabo iyo labo caruur ah uu dhalay.

“Dowladda Turkiga waxaan ku eedeynaynaa waxaa ka mid ah in diyaaradahoodii in duulaan la inagu soo qaaday, xaqna uma laha in dad shacab ah oo masaakiin ah iyo ciidamadii dastuuriga ahaa ee Koonfur Galbeed inay ku handadaan diyaarad F16 ah oo la yiraahdo waa la idin duqeynayaa,” ayuu yiri C/casiis Laftagareen.

“Turkiga abaal ayaan uga haynaa inay dowladdihii Soomaaliya soo maray ay garab taagnaayeen xiliyo adag, weliba Soomaalida ayey taageeri jireen, laguma aqoon inay siyaasad taageeraan, laakiin hadda wax weyn ayaa iska badalay, waxay taageeraysaa Xasan Sheekh iyo maamulkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu sidoo kale uu carabka ku adkeeyay in Xasan Sheekh xilkiisa uu dhamaaday wixii hadda ka danbeeyana loogu yeeri karo madaxweynihii hore.

“Madaxweynaha waxaan kula talinayaa, Illaah baa wax bixiyee, waxaa laga yaabaa in lagu doortee, dadka heshiis la gal, shalayba adigoo aadan fileyn in lagu doorto ayaa lagu doortay, hadda weliba waa kasii jaanis fiican tahay, lacag badanna waa aruursatay, xildhibaanadana sida loola dhaqmo waad taqaan, waqti kale hasii bixinee dadka isugu yeer ee doorashada macquulka ah ee la qaban karo hala galo,” ayuu yiri Laftagareen.

Ugu dambeyntii Lafta-gareen wuxuu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in uu doorashada qabto, mudo kororsani macnihii ay si wanaagsan u yaqaanaan, qofkii ku dhaqaaqana uu ka dhaqlo naceyb bulsho iyo karaahiyo.

Puntland oo ku dhawaaqday inay dhamaatay sharciyadii DF, kana dalbatay caalamka in…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in maamulka Puntland uusan mar dambe aqoonsanayn dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War-murtiyeedka oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Faarax Cali Xirsi ayaa lagu sheegay in Puntland ay Madaxweyne Xasan Sheekh u aqoonsatay “madaxweyne hore,” isla markaana Dowladda Federaalka ay lumisay sharciyaddii lagu soo doortay.

“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu taageersan yahay, soona dhaweynayaa go’aankii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ka soo saaray magaalada Muqdisho 15-kii May 2026, kaas oo lagu caddeeyey in uu dhammaaday muddo-xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel xasaasi ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga yeesho wadatashi qaran oo ballaaran si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Puntland waxay ugu baaqday waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay isugu yimaadaan shir qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo jihada dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Puntland ayaa digniin u dirtay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo ka dalbatay inaysan heshiisyo cusub la gelin Dowladda Federaalka ee hadda jirta, maadaama ay sheegtay inay lumisay sharciyaddii dastuuriga ahayd.

Dhanka kale, Puntland ayaa cambaareysay xarigga iyo burburin dhul oo ay sheegtay in Dowladda Federaalka ka waddo magaalada Muqdisho, iyadoo tallaabooyinkaasi ku sheegtay kuwo sii hurin kara xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Xiisadaha siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda ayaa meel adag maraysa, iyadoo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ay ku howlan yihiin xal u helida muranka siyaasadeed ee ka dhashay mudo xileedka dowladda oo ku ekaa 15-ka May.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21-ka May 2026 shir ku yeeshay caasimadda Puntland ee Garowe. Shirka oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo baxay go’aanno masiiri ah oo lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, laguna caddeynayo mowqifka Dowladda Puntland ee ku aaddan sharciyadda hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, asaga oo ka duulaya qodobka 91-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddeynayaa in muddo-xileedkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu dhammaaday 15-kii May 2026.

Sidaas darteed, Dowladda Puntland waxay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsan tahay madaxweyne hore, uusan hayn sharciyad uu ugu sii adeegsado awoodda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu sidoo kale caddeynayaa in, si waafaqsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah qodobkiisa 60-aad, muddo-xileedkii Golaha Baarlamaanka uu dhammaaday 14-kii April 2026, sida darteedna ay dhammaatay sharciyaddii jiritaanka Golaha Baarlamaanka Labada Aqal ee Federaalka Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu taageersan yahay, soona dhaweynayaa go’aankii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ka soo saaray magaalada Muqdisho 15-kii May 2026, kaas oo lagu caddeeyey in uu dhammaaday muddo-xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu ka soo horjeedaa jajuubka iyo afduubka lagu hayo xayndaabka doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyadoo la hareer-marayo ku dhaqanka dastuuradooda.

Sidoo kale, guddiga farsamada ku jira hannaanka doorashada DXDF ah ma aha mid haysa sharciyad waafaqsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee heshiiska lagu yahay (2012), awood sharcina uma laha hirgelinta doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu u caddeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka ay galeen marxalad kala-guur ah (transitional period), ayna dhammaatay sharciyaddii ay ku metelayeen ummadda Soomaaliyeed.

Sida darteed, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa cid kasta oo ay quseyso inay wada-shaqeyn xaddidan la yeeshaan hay’adaha Dowladda Federaalka ah inta ay ka dhacayaan doorashada Golaha iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo heshiis lagu yahay.

Si gaar ah, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Puntland illaa inta laga helayo hay’ado Dowladda Federaalka ah oo haysta sharciyad heshiis lagu yahay.

Golaha Xukuumadda Puntland wuxuu cambaareynayaa cagajuglaynta, xarigga iyo barakicinta uu Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Haddaba, Dowladda Puntland waxay waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay ka qayb qaataan dadaallada lagu ilaalinayo dowladnimada curdanka ah oo waqti iyo dadaal badan la soo galiyey si dib loogu dhisilo.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu uga mahadcelinayaa saaxiibada beesha caalamka dadaallada aan kala go’a lahayn ee ay ku bixiyaan xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu dadweynaha Puntland ee ku nool gudaha iyo dibadda ugu baaqayaa inay gacmaha isqabsadaan xilligan adag ee ay meesha ka baxday sharciyaddii hay’adaha Dowladda Federaalka.

—Dhammaad—

Xildhibaan Macallimuu oo ku baaqay in tallaabo milatari laga qaado mucaaradka haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka dalka.

Macallimuu oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa u digay mucaaradka, isaga oo sheegay in laga hortegayo haddii ay lasoo baxaan ciidamo, isla markaana laga qaadayo tallaabo milari oo adag.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dhaqankan aysan kusii jiri karin Soomaaliya, maadaama ay muddo dheer kusoo jirtay qalalaase iyo dagaallo sokeeye.

“Mucaaradka haddii ay ciidan lasoo baxaan tallaabo milatari ayaa looga hortagayaa, sabab kale majirto”. ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed maalin kasta kuma jiri karaan adiga aaggaas tag, aniga waxaan tegaa Mirinaayo waxaa waa khaladaadkii lasoo maray”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan mucaaradka ay abaabulayaan dibadaxyo horleh oo bilaabanayo 4-ta bisha soo socota June ee 2026-ka.

Mucaaradka ayaa ku doodayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore oo lamid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo weli la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuutka kumeel gaarka ah.

Xog: Qoor-Qoor oo tallaabo culus qaadaya xilli DF ay…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa ku howlan inuu qaado tallaabo xasaasi ah oo sii kala fogeyn karta labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maanta kulan deg-deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, isaga oo kala hadli doono qorshihiisa, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeyo Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Qoor Qoor uu damacsan yahay in uu ku dhawaaqo guddiga doorashada Galmudug, waana tallaabo sii adkeyneysa xiisadda labada dhinac ee haaran kasii dareyso.

Haddii uu arrintan uu sameeyo Axmed Qoor Qoor wuxuu marayaa waddadii uu qaaday Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo doorasho deg-deg ah ku qabsaday Baydhabo, inkastoo markii ay dagaalka uga adkaatay Villa Somalia.

Horay Muqdisho iyo Dhuusamareeb ayaa u qaaday tallaabooyin iska soo horjeedo, iyada oo inta badan isbeddel lagu sameeyay taliyeyaashii ka howlgalayay deegaannada Galmudug, iyada oo dhankaas Qoor Qoor looga adkaaday, maadaama ay hadda shaqeynayaan taliyeyaashii ay magacowday dowladda.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa salka ku hayo arrimaha doorashooyinka Galmudug, iyadoo ay isku fahmi waayeen Qoor Qoor iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeeyaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac oo si dardarleh ku socdo.

Israa’iil oo Somaliland ku qasabtay gorgortan bahdil ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka Somaliland ee ah inay safaarad ka furato magaalada Qudus ma aha oo kaliya tallaabo diblomaasiyadeed, waa go’aan siyaasadeed oo xasaasi ah, kaas oo Hargeysa gelinaya muran ka weyn raadinta aqoonsiga ay muddo dheer ku jirtay.

Somaliland waxay tan iyo 1991 ku doodeysay inay tahay dal madax-bannaan, balse weli kama mid aha Qaramada Midoobay, mana helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah. Taageerayaasha Hargeysa waxay ku doodaan inay dhistay hay’ado dowladeed, doorashooyin iyo xasillooni siyaasadeed oo u qalma aqoonsi.

Laakiin furitaanka safaarad laga sameeyo Qudus wuxuu dooddaas gelinayaa waji cusub. Qudus waa mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan dunida Muslimka, waana xudunta khilaafka Israel iyo Falastiin.

Israel waxay Qudus u aqoonsan tahay caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay doonayaan in Bariga Qudus noqoto caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata. Dalalka caalamka badankood waxay weli safaaradahooda ku hayaan Tel Aviv ama agagaarkeeda, iyagoo ka fogaanaya inay si rasmi ah u aqoonsadaan sheegashada Israel ee magaaladaas.

Maxamed Ibraahim, oo ah falanqeeye ku sugan Muqdisho, kuna xeel dheer arrimaha Bariga Dhexe iyo dunida Islaamka, ayaa sheegay in tallaabada Somaliland aysan ahayn mid caadi ah.

“Somaliland marka ay safaarad ka furato Qudus, ma aha kaliya inay xafiis diblomaasiyadeed furaneyso,” ayuu yiri Ibraahim.

“Waxay si dhab ah u aqoonsaneysa Qudus inay tahay caasimadda Israel, arrin ay weli ka fogaadaan dalalka badankood sababtoo ah magaaladaas weli waa mid lagu muransan yahay.”

Qiimaha aqoonsiga

Ibraahim wuxuu sheegay in Somaliland ay u muuqato inay diyaar u tahay inay bixiso qiime siyaasadeed oo culus si ay u hesho aqoonsi caalami ah.

“Waa isku day ceeb ah oo aqoonsi lagu iibsanayo iyadoo laga gudbayo mid ka mid ah khadadka ugu xasaasisan ee siyaasadda iyo diinta ee dunida Muslimka,” ayuu yiri.

Hadalkiisa wuxuu taabanayaa su’aal ka weyn xiriirka Somaliland iyo Israel: intee in le’eg ayay Hargeysa diyaar u tahay inay u gasho go’doon cusub oo ay kala kulmi karto Soomaalida, Carabta iyo dunida Muslimka?

Dadka taageersan xiriirka Israel iyo Somaliland waxay ku doodaan in Hargeysa ay xaq u leedahay inay raadiso saaxiibo caalami ah, maalgashi, teknoolajiyad, iskaashi amni iyo marin diblomaasiyadeed oo cusub.

Laakiin dadka dhaliila waxay sheegayaan in Qudus aysan ahayn meel lagu raadsado aqoonsi siyaasadeed, sababtoo ah waxay xambaarsan tahay culays diimeed, taariikhi ah iyo mid caalami ah.

Qudus waxaa ku yaalla Masjidka Al-Aqsa, oo ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka. Magaalada waxay sidoo kale muhiim u tahay Yuhuudda iyo Kiristaanka, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah meelaha ugu murugsan siyaasadda caalamka.

Naceyb caalami ah

Sanadkii 1980, kadib markii Israel ay sharci ku sheegtay in Qudus ay tahay caasimaddeeda, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey Qaraarka 478, kaas oo dalalka ugu baaqay in aysan aqoonsan tallaabooyinka wax ka beddelaya xaaladda magaalada, isla markaana ay safaaradahooda kala baxaan Qudus.

Tan iyo markaas, inta badan dalalka caalamka waxay ka fogaadeen inay safaarado ka furtaan Qudus. Mareykanka ayaa safaaraddiisa halkaas u raray sanadkii 2018, xilligii madaxweyne Donald Trump, waxaana xigay dalal tiro yar.

Ibraahim wuxuu sheegay in Somaliland, oo aan weli haysan aqoonsi ballaaran, ay hadda qaadday tallaabo ay ka gaabsadeen dalal badan oo si buuxda loo aqoonsan yahay.

“Hargeysa kaliya safaarad uma furaneyso Israel; waxay la safaneysaa sheegashada Israel ee Qudus,” ayuu yiri.

“Tallaabadan xitaa dalal badan oo caalamka laga aqoonsan yahay way diideen inay qaadaan.”

Arrintaas ayaa Somaliland ka dhigi karta maamul raadinaya aqoonsi, balse isla waqtigaas isku xiraya mid ka mid ah go’aannada ugu muranka badan siyaasadda Bariga Dhexe.

Falanqeynta Ibraahim waxay sidoo kale iftiimineysaa culayska gudaha Soomaalida. Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan waxay muddo dheer taageero u muujiyeen qadiyadda Falastiin, gaar ahaan arrinta Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa.

Sidaas darteed, tallaabada Somaliland waxay dhalin kartaa dood ka baxsan muranka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Hargeysa. Waxay taaban kartaa dareen diimeed iyo mid qaran oo ku saabsan sida Soomaalidu u aragto Falastiin, Israel iyo Qudus.

“Tani waa gorgortan bahdil ah,” ayuu yiri Ibraahim. “Somaliland waxay cinwaan diblomaasiyadeed ku beddelaneysa mowqifkii siyaasadeed ee Soomaalida, Carabta iyo Muslimiinta.”

Somaliland waxay muddo dheer ku doodeysay in aqoonsi la’aantu ay tahay cadaalad-darro siyaasadeed. Laakiin go’aanka Qudus wuxuu dadka dhaliila siinayaa dood cusub: in Hargeysa ay diyaar u tahay inay jebiso mowqifyo waaweyn si ay u hesho aqoonsi.

Su’aal adag

Aqoonsiga Israel wuxuu Somaliland u noqon karaa guul diblomaasiyadeed oo muuqata, gaar ahaan haddii uu horseedo xiriir rasmi ah, iskaashi amni iyo dhaqaale, ama taageero siyaasadeed oo dheeraad ah.

Hase yeeshee, safaarad laga furo Qudus waxay keeni kartaa kharash siyaasadeed oo ka weyn faa’iidadaas. Waxay Somaliland ka fogeyn kartaa dalal Carbeed iyo Muslim ah oo weli u arka Qudus arrin aan gorgortan geli karin.

Waxay sidoo kale sii adkeyn kartaa xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo horey u diidday in dalal shisheeye Somaliland ula macaamilaan sidii dal madax-bannaan.

Ibraahim wuxuu sheegay in Somaliland hadda wajahdo su’aal aasaasi ah oo aan ku koobneyn aqoonsiga Israel.

“Arrintu hadda ma aha oo kaliya in Somaliland ay aqoonsi raadineyso,” ayuu yiri. “Waxay gashay muran aad uga weyn, kaas oo taabanaya Qudus, Falastiin iyo dareenka guud ee Muslimiinta.”

Su’aasha ugu weyn waxay noqoneysaa haddii guul diblomaasiyadeed oo Hargeysa ka hesho Israel ay u qalanto qiimaha ay ku bixin karto gudaha Soomaalida, dunida Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta.

Marka laga eego dhinacaas, safaaradda Qudus waxay Somaliland u noqon kartaa albaab ay ku hesho aqoonsi cusub. Laakiin waxay sidoo kale noqon kartaa tallaabo ka dhigta raadinta aqoonsigeeda mid ku xiran mid ka mid ah murannada ugu qoto dheer uguna xasaasisan caalamka.

Dowladda Masar oo digniin culus u dirtay Somaliland

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo saartay digniin toos ugu socota Somaliland, taas oo la xiriirta safaaradda ay qorsheyneyso inay ka furato magaalada Qudus oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda rasmiga ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay mid sharci darro ah oo ka hor imaanayso qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda Qudus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxay sheegtay inay si buuxda u diidan tahay isku day kasta oo lagu sharciyeynayo xaalad aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah, iyadoo carrabka ku adkeysay in bariga Qudus uu yahay dhul Falastiini ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Masar ay ixtiraameyso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo dhanka kale ka digtay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimayso qarannimada Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa iyaguna goor sii horreysay si adag u cambaareeyay qorshaha Somaliland uu ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Qudus, iyagoo sharci darro ku tilmaamay.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso inay xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la yeelato Israa’iil, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro Islaami ah.

Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheyneyso in dhankeeda ay safaarad ka furato magaalada caasimada ah ee Hargeysa, sida uu shaaciyay Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil.

Sawirro: Isbitaalka DALMAR oo ka qeyb galay bandhigga Kulmis ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaalka Takhasusiga ah ee Dalmar ayaa door muuqda ka qaatay Bandhigga Waxbarashada KULMIS, oo sannadkan ay soo qabanqaabiyeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. Bandhigga ayaa ahaa kulan ballaaran oo loogu talagalay dhiirrigelinta, jiheynta iyo wacyigelinta ardayda fasalka 12-aad ee isu diyaarinaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka.

Bandhiggan, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay boqollaal arday oo ka kala socday dugsiyada sare ee gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale goobta joogay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, jaamacado, isbitaallo, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka ayaa noqday madal ay ardaydu ka heleen xog muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalkooda waxbarasho iyo caafimaad.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah uga hadashay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Nuuro Mustaf Mukhtar, oo ku dhawaaqday in Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad uu si rasmi ah u bilaaban doono 20-ka bisha Juun ee soo socota. Waxay ardayda ku boorrisay inay muujiyaan dadaal, kalsooni iyo diyaar-garow wanaagsan si ay ugu guuleystaan himilooyinkooda waxbarasho.

Intii uu socday Bandhigga KULMIS, ardayda waxaa la siiyay talooyin wax ku ool ah, tusaalooyin iyo tacliimaad la xiriira habka ugu wanaagsan ee loogu diyaar-garoobi karo imtixaanka qaranka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda dadaalka, anshaxa, maamulka waqtiga, caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka jirka ee ardayga, maadaama guusha waxbarashadu aanay ku xirnayn akhris oo keliya, balse ay sidoo kale la xiriirto caafimaad iyo degganaansho guud.

Isbitaalka Dalmar ayaa bandhigga ku soo bandhigay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, iyadoo koox dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ah ay goobta ka sameeyeen baaritaanno kala duwan iyo la-talin caafimaad oo ay ka faa’iideysteen ardaydii ka qeyb gashay munaasabadda. Qaar ka mid ah ardayda ayaa halkaas looga baaray xaalado caafimaad oo kala duwan, halka kuwa u baahday baaritaanno dheeraad ah loo gudbiyay xarumaha isbitaalka.

Maamulka Isbitaalka Dalmar ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qiimo-dhimis gaaraysa 50% oo loo sameeyay adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin ardayda loo gudbiyay xarumaha isbitaalka.

Tallaabadan ayaa isbitaalka loogu ammaanay si weyn, maadaama ay fududeyn karto helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, xilli ardaydu ku jiraan marxalad muhiim ah oo waxbarasho.

Dhanka kale, maamulka Isbitaalka Dalmar iyo Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa munaasabadda ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Heshiiskan ayaa lagu sheegay mid kor loogu qaadayo caafimaadka ardayda, iyadoo la qorsheynayo booqashooyin joogto ah oo lagu tago dugsiyada si loo sameeyo baaritaanno caafimaad iyo wacyigelin ku saabsan ka hortagga cudurrada iyo daryeelka caafimaadka ardayda.

Guddoomiyaha Guud ee Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. Abdirisak Ahmed Dalmar, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ka qeybgalka Bandhigga KULMIS. Wuxuu tilmaamay in isbitaalku uu mas’uuliyad gaar ah iska saaray taageeridda ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isu diyaarinaya heerka jaamacadeed. Wuxuu xusay in xaaladaha caafimaad iyo duruufaha adag ee dalka ka jira ay muhiim ka dhigayaan in ardayda la siiyo daryeel caafimaad iyo wacyigelin ku filan, si ay awood ugu yeeshaan inay si wanaagsan wax u bartaan.

Qaar ka mid ah ardaydii booqatay xarunta uu Isbitaalka Dalmar ku lahaa bandhigga ayaa si weyn ugu mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee halkaas joogay. Waxay sheegeen inay heleen soo dhoweyn wanaagsan, baaritaanno muhiim ah iyo talooyin caafimaad oo faa’iido u leh noloshooda iyo waxbarashadooda.

Isbitaalka Dalmar, oo hore loogu yiqiin Al-Nuur Eye Hospital, ayaa ah mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu faca weyn Soomaaliya. Waxaa la aasaasay sannadkii 2002, xilli dalku ku jiray duruufo adag. Muddadii uu jiray ee 23-ka sano ahayd, isbitaalku wuxuu adeegyo caafimaad u fidiyay tobannaan kun oo qof, isagoo maanta noqday xarun caafimaad oo casri ah oo leh qeybaha bukaan-socodka, bukaan-jiifka, sheybaarka, raajada, sifeynta kelyaha, qalliinka guud, qalliinka indhaha, daryeelka degdegga ah, dhalmada iyo caafimaadka ilkaha.

Ka qeybgalka Bandhigga KULMIS ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee ay hay’adaha caafimaadku ku leeyihiin taageeridda waxbarashada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada oo ah laf-dhabarta mustaqbalka dalka.

Howlgal guri guri lagu gelayay oo laga fuliyay qeybo ka mid ah Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda federaalka ayaa xalay ilaa seddax xaafadood ka fuliyay howlgal guri guri ay ciidamadu u galayeen, iyadoo ujeedadu lagu sheegay in ay ku baarayaan hub sharci daro ah.

Sida ay ku warameen dadka deegaanka howlgalkaan oo laga fuliyay xaafaddaha Raadeerka iyo inta ku xeeran, dadka ayaa guryaha laga soo saaray si looga baaro hub, iyadoo aysan jirin hub rasmi ah oo laga helay guryihii la baaray.

Shalay ayaa degmada Dayniile waxaa ka dhacay shir ay ka qeyb galeen taliyeyaasha iyo saraakiisha Booliska, Nabad-sugidda NISA, iyo Boolis Milataari.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, C/raxmaan Macallin Xuseen ayaa ujeedada shirkaan ku sheegay in lagu adkeeynayay amniga caasimada, gaar ahaan degmada Dayniile maadaama la guda gelayo munaasabadaha waaweyn iyo maalmaha ciidaha si looga hortago falal amni darro iyo weerarro ay geystaan kooxaha nabad-diidka ah.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa degmada Dayniile ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka deegaanka iyo ciidamada booliska oo degmadaasi howlgal burburin ah ka waday, xiisadaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay bannaanbaxyo ay dadka deegaanka kaga soo horjeedeen howlaha burburinta dhulalka danta guud.

Soomaaliya oo wajahaysa halista cudurka Ebola

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka Ebola, inkastoo ilaa hadda aan la arkin hannaan rasmi ah oo lagu baarayo ama lagu diiwaan-gelinayo dadka ka imanaya waddamada uu cudurka ka dilaacay.

Garoomada diyaaradaha dalka, gaar ahaan kan Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa laga hirgelin xarumo ama baaritaanno adag oo lagu hubinayo xaaladda caafimaad ee rakaabka kasoo degaya duulimaadyada ka imanaya Uganda iyo dalalka kale ee laga helay kiisaska cudurkan.

Uganda oo xiriir dhow la leh Soomaaliya ayaa maalin kasta waxaa kasoo dega duulimaadyo rayid iyo kuwo militari, kuwaasi oo aan weli la marsiin habraacyo adag oo caafimaad, inkastoo WHO ay si joogto ah uga digeyso faafitaanka cudurka Ebola.

Sidoo kale, Uganda waxaa ku sugan xarumo muhiim u ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana dalka jooga kumannaan askari oo u dhashay Uganda, kuwaasi oo si joogto ah isaga kala goosha labada dal.

Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in dhaq-dhaqaaqa joogtada ah ee dadka iyo ciidamada uu sare u qaadi karo khatarta faafitaanka cudurrada halista ah, haddii aan la adkeyn kormeerka caafimaad ee xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha.

Cudurka Ebola ayaa ka mid ah cudurrada ugu halista badan ee faafa, waxaana sababa fayras si fudud ugu gudbi kara dadka marka uu xiriir dhow la yeesho qof qaba cudurka ama dheecaannada jirkiisa.

Astaamaha cudurka waxaa kamid ah qandho daran, madax-xanuun, daal joogto ah, murqo-xanuun, matag, shuban iyo dhiig-bax ka yimaada xubnaha jirka qaarkood, iyadoo xaaladaha daran ay sababi karaan dhimasho deg deg ah.

Hay’adda WHO ayaa bulshada ku boorisay inay si joogto ah uga shaqeeyaan nadaafadda gacmaha, kana fogaadaan taabashada dadka lagu arko calaamadaha cudurka, isla markaana qofkii isku arka astaamo la xiriira Ebola uu deg deg ula xiriiro xarumaha caafimaadka.

Dalal badan oo caalamka ah, oo uu Mareykanku ugu horreeyo ayaa sare u qaaday heeganka caafimaad ee garoomada diyaaradaha, si loo baaro dadka kasoo safraya dalalka uu cudurka ka jiro.

Dalalka Bariga Afrika ayaa leh isu socod furan oo qeyb ka ah isdhexgalka dhaqaale iyo bulshada ee gobolka, taasoo kordhin karta halista gudbinta cudurrada haddii aan la sameyn taxaddarro caafimaad oo adag.

Iyadoo ay sii kordhayaan digniinaha caalamiga ah ee ku saabsan Ebola, ayaa waxaa jira walaac laga qabo in Soomaaliya ay wajahdo khatar caafimaad haddii aan si deg deg ah loo qaadin tallaabooyin lagu xoojinayo baaritaanka, wacyigelinta iyo dabagalka dadka kasoo galaya dalka.

Shirkadda LG iyo KOICA oo mashruuc nooc cusub ah ka hirgelinaya Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda LG Electronics, hay’adda gargaarka Kuuriyada Koonfureed ee KOICA iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa bilaabay iskaashi cusub oo lagu dhisayo xarun xirfado farsamo lagu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada korontada, qalabka elektaroonigga ah, teknoolajiyadda iyo dayactirka agabka guryaha.

Mashruucan ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Nabadda ee Elman Peace Centre, waxaana loogu talagalay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu siiyo tababarro la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada.

Heshiiska iskaashiga ayaa lagu saxiixay 15-kii May xarunta LG-KOICA Hope Vocational Training School ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo LG iyo KOICA ay muddo ka badan toban sano ka wadeen barnaamij tababar xirfadeed oo lagu tilmaamay mid guuleystay.

Barnaamijka cusub ee Soomaaliya ayaa laga soo dheegtay khibradda xarunta LG-KOICA ee Itoobiya, taas oo tan iyo 2014 tababartay boqolaal arday oo galay suuqa shaqada ama bilaabay ganacsiyo yaryar.

LG Electronics ayaa sheegtay inay Soomaaliya la wadaagi doonto manhajka tababarka, hannaanka maamulka xarunta, qalabka waxbarashada, habka qiimeynta, iyo taageerada shaqo-abuurka ee ardayda qalin-jabisa.

Sidoo kale, macallimiin Soomaaliyeed ayaa lagu tababari doonaa xarunta Addis Ababa, ka hor inta aysan kusoo laaban Muqdisho si ay u hoggaamiyaan casharrada iyo tababarrada farsamo ee ardayda Soomaaliyeed.

KOICA ayaa sheegtay in dufcadda koowaad ee barnaamijka lagu bilaabi doono 50 illaa 60 arday, kuwaas oo ay wax bari doonaan siddeed illaa toban macallin oo Soomaali ah oo qaata tababar shahaadaysan.

Dhalinyarada ka qalin-jabisa xarunta ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan dayactirka qalabka elektaroonigga ah, adeegyada farsamada, ICT-ga, ama inay helaan taageero ay ku bilaabaan ganacsiyo yaryar oo la xiriira xirfadaha ay barteen.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamij ballaaran oo ay KOICA iyo UNDP ka wadaan Soomaaliya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, kaas oo diiradda lagu saarayo nabad-dhisidda iyo ka hortagga xagjirnimada.

Hay’adaha mashruuca wada ayaa sheegay in shaqo la’aanta, faqriga iyo fursad la’aanta dhalinyarada ay kamid yihiin arrimaha sii xoojin kara nuglaanta bulshooyinka, gaar ahaan dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

Lionel Laurens, oo ah madaxa UNDP ee Soomaaliya, ayaa sheegay in iskaashigan uu isku xirayo tababar farsamo, doorka ganacsiga gaarka ah iyo nabad-dhisidda.

“Dhalinyarada Soomaaliya waa hantida ugu weyn ee dalka,” ayuu yiri Laurens, isaga oo intaas ku daray in fursado shaqo iyo xirfado tayo leh ay muhiim u yihiin nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Wankyu Park, oo ah madaxa xafiiska KOICA ee Kenya, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tusaale dhif ah oo muujinaya iskaashi ka dhexeeya hay’ad dowladeed oo Kuuriyaan ah, hay’ad Qaramada Midoobay ka tirsan iyo shirkad gaar loo leeyahay.

“Iskaashigan wuxuu dhalinyarada Soomaaliyeed siinayaa fursado dhab ah oo ay ku dhistaan awooddooda, wuxuuna gacan ka geysanayaa aasaaska nabad waarta,” ayuu yiri.

Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu Soomaaliya ka caawiyo dhismaha suuq adeeg oo ku saabsan qalabka elektaroonigga ah, agabka guryaha iyo adeegyada ICT-ga.

Mas’uul ka tirsan KOICA ayaa sheegay in xaruntan aysan kaliya dhalinyarada siin doonin xirfado iyo shaqo, balse ay sidoo kale Soomaaliya ka abuuri doonto saldhig farsamo oo Kuuriyaan ah, maadaama dalka ay ku yar yihiin xarumo rasmi ah oo lagu dayactiro agabka elektaroonigga ah ee Kuuriya laga keeno.

Mas’uulka ayaa sheegay in arrintan ay gacan ka geysan doonto kobcinta xirfadlayaasha Soomaaliyeed, abuurista nidaam adeeg oo casri ah, iyo ballaarinta qiimaha tiknoolajiyadda iyo sumcadda shirkadaha Kuuriya.

Seunghwan Yang, oo ah madaxa LG Electronics ee Itoobiya, ayaa sheegay in shirkaddu ay Soomaaliya la wadaagi doonto guusha ay ka gaartay Itoobiya.

“Anagoo Soomaaliya la wadaageyna khibraddii guuleysatay ee aan ka helnay in ka badan toban sano oo aan ka wadnay LG-KOICA Hope Vocational Training School ee Itoobiya, waxaan gudaneynaa mas’uuliyaddayada bulsho ee shirkad caalami ah,” ayuu yiri.

UNDP ayaa sheegtay in mashruucu uu dhalinyarada Soomaaliyeed siin doono waddo ay ku helaan xirfado, shaqooyin iyo fursado ganacsi, isla markaana uu xoojin doono dadaallada lagu dhisayo nabad iyo horumar waara.