28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Mahad Salaad oo kulamo culus la yeeshay madaxda CIA iyo FBI-da Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo FBI.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Agaasimaha NISA ayaa kulamadaas ku soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, Mahad Maxamed Salaad ayaa booqday xarunta Ciidamada Howl-gallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg, oo ku taalla gobolka North Carolina, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Korneyl Benander, oo ah taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

Korneyl Benander ayaa la sheegay inuu hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay yeeshaan wada-hadal qoto dheer oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa howl-gallada socda.

Dhankiisa, Agaasimaha NISA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Iskaashigan ayaa la sheegay inuu horseeday guulo la taaban karo, oo ay ka mid yihiin howl-galladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta, kuwaas oo si weyn u wiiqay awooddooda.

CC Sharmaarke oo digniin adag kasoo saaray hoos u dhigista awoodda K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in hoos loo dhigay awoodii maamulkaas.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in awooddii maamulka Koonfur Galbeed loo rogay awood hoose oo si toos ah uga amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aanay jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in dowlad-goboleed lagu beddelo maamul KMG ah oo ka amar qaata dowladda dhexe, isagoo carrabka ku adkeeyay in nidaamka federaalka uu ku dhisan yahay awood qeybsiga dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

“Doorashooyin waa lagu qaban karaa iyadoo uu jiro maamul ku-meel-gaar ah oo heer dowlad-goboleed ah, balse su’aasha taagan waa haddii Dowladda Federaalka ay isku dayeyso inay dib u qorto jihada mustaqbalka nidaamka federaalka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore.

Wuxuu sidoo kale ka digay in tallaabo kasta oo loogu xadgudbo dastuurka dalka ay dib u celin karto horumarka siyaasadeed ee la gaaray, isla markaana ay dalka gelin karto qalalaase cusub oo dhinaca dowladnimada ah.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo xooggan oo ku saabsan go’aamada Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada qaarkood ay muujinayaan walaac ku saabsan ilaalinta nidaamka federaalka iyo madax-bannaanida dowlad-goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacaddii soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye KMG ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed, kaasi loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.

Taliyihii ciidamada dhulka Mareykanka oo la eryay, xilli uu xoogeystay dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Khamiistii xilka ka qaaday Jeneraal Randy George, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada lugta ee Mareykanka, tallaabadaas oo saraakiil milatari ay sheegeen inay muujinayso khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Hegseth iyo hoggaanka ciidanka.

Jeneraal George, oo xilkan loo magacaabay sanadkii 2023-kii, ayaa lagu ammaanay inuu ciidamada dhulka ka saaray mid ka mid ah dhibaatooyinkii ugu xumaa ee taariikhda soo wajaha dhanka qorista askarta cusub sanadkii 2024. Sidoo kale, wuxuu dhowaanahan waday qorshe uu ciidanka ugu dar-dargelinayo iibsashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jaban (drones) iyo hubka kale ee casriga ah ee haatan qaabeeyay dagaalka dalka Ukraine.

Saraakiisha ayaa xusay in xiisadda kala dhexeysa Hegseth aysan salka ku hayn khilaaf dhab ah oo la xiriira jihada ciidanka, balse ay ka dhalatay tabashooyin shaqsi ah oo muddo dheer soo jiitamayay oo Hegseth uu ka qabay ciidanka, is-qabqabsi dhanka shaqsiyaadka ah, iyo xiriirka xun ee kala dhexeeya Xoghayaha Ciidamada Dhulka, Daniel P. Driscoll.

Sanadkii la soo dhaafay, General George iyo Driscoll ayaa yeeshay xiriir wada-shaqayneed oo aad u adag.

Xudunta khilaafka

Bilihii la soo dhaafay, Hegseth ayaa sidoo kale ay isku dhaceen Jeneraal George iyo Driscoll, kadib markii Xoghayaha Difaaca uu go’aansaday inuu hor istaago dalacsiinta afar sarkaal oo loo waday darajada Jeneraal min hal xiddigle ah.

Afartan sarkaal oo uu bartilmaameedsaday Hegseth ayaa laba ka mid ah ay yihiin Madow, halka labada kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo ku jiray liis dalacsiin oo ka koobnaa 29 sarkaal oo kale, oo u badan rag caddaan ah.

Go’aankan naadirka ah ee Hegseth uu liiska uga saaray saraakiishan ayaa dhaliyay in saraakiil sare ay is-weydiiyaan in xubnahan lagu beegsaday jinsigooda ama midabkooda awgiis. Driscoll iyo George ayaa ganafka ku dhuftay dalabkii Hegseth ee ahaa in saraakiishaas laga saaro liiska dalacsiinta, iyagoo u daliishaday diiwaankooda shaqo ee tusaalaha mudan iyo waayo-aragnimadooda.

Laba asbuuc ka hor, Gen. George ayaa codsaday inuu la kulmo Hegseth si ay uga wada hadlaan saarista afarta sarkaal ee liiska, iyo aragtida Jeneraalka ee ah in Hegseth uu faragelin aan loo baahnayn ku hayo go’aamada shaqaalaha ciidanka guud ahaan. Balse Hegseth ayaa diiday inuu kala kulmo arrintaas.

Todobaadkii hore, Laura Loomer oo ah shaqsi caan ku ah faafinta afkaaraha shirqoolka (conspiracy theorist) ee garabka midigta-fog, aadna ugu dhow Hegseth iyo Madaxweyne Trump, ayaa baraha bulshada soo dhigtay in xoghayaha difaaca uu “si dhab ah uga fakarayo” xil ka qaadista Gen. George.

Loomer ayaa sidoo kale dhowr jeer weerartay Driscoll. Jeneraal George ayaa dhanka kale xiriir dhow la lahaa Lloyd J. Austin III, xoghayihii difaaca ee xilka uga horreeyay Hegseth oo ahaa Jeneraal afar xiddigle ah.

Xil ka qaadista Gen. George sokow, Hegseth wuxuu sidoo kale shaqada ka eryay saraakiil kale oo sare, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Gen. David M. Hodne: Oo bishii Oktoobar loo dalacsiiyay inuu hoggaamiyo Taliska Isbeddelka iyo Tababarka Ciidamada, oo ah xil muhiim ah oo afar xiddigle ah, diiraddana saara casriyeynta ciidanka.

Maj. Gen. William Green Jr.: Oo ah madaxa wadaaddada diinta ee ciidamada dhulka (Army’s top chaplain).

Waxaa la filayaa in Jeneraal George lagu beddelo Gen. Christopher LaNeve, oo hore u ahaa kaaliyaha sare ee milateriga u qaabilsan Hegseth ee Pentagon-ka.

Jeneraal George ayaa xil ka qaadistiisa ku ogaaday khadka taleefanka Khamiistii abaaro 4-tii galabnimo markii uu soo wacay Hegseth.

Saraakiisha sare ee ciidanka ayaa si caro iyo jahwareer leh uga falceliyay go’aankan, iyagoo ku tilmaamay dharbaaxadii ugu dambeysay ee ku dhacda ciidan dareemaya inuu go’doomin kala kulmayo Hegseth.

Sooyaalka Jeneraal George

Jeneraal George ayaa dhowr jeer kasoo shaqeeyay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, isagoo magac ku yeeshay inuu yahay hoggaamiye hal-abuur leh.

Afghanistan, wuxuu ciidamada ka saaray goobo fog-fog oo ay ka wadeen dagaallo dhiig badan ku daatay oo aan macno lahayn, isagoo xoogga saaray ilaalinta xarumaha shacabku ku badan yahay, wuxuuna sidoo kale beegsaday saraakiisha dowladda Afghanistan ee musuq-maasuqa ku kacayay ee shacabka dhibaataynayay.

Intii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, wuxuu bilaabay barnaamij loo yaqaan “isbeddelka furimaha” kaas oo kumannaan askari lagu riixay inay tijaabiyaan diyaaradaha drones-ka ee casriga ah, taatikooyin cusub, iyo nidaamyo lagu hago sirdoonka macmalka ah (AI).

Si uu u maalgeliyo isbedeladan, Gen. George wuxuu meesha ka saaray hub uusan u arkin inuu ka badbaadi karo goobaha dagaalka casriga ah, wuxuuna joojiyay taankiga fudud ee M-10 Booker oo in ka badan $1 Bilyan la geliyay, kadib markii la ogaaday in si fudud ay u burburin karto Drone qiimaheedu yahay $500.

Bedelkeeda wuxuu maalgeliyay gaadiidka fudud ee ISV ee xambaara ciidanka, isagoo sidoo kale dedejiyay horumarinta taankiga casriga ah ee M1E3 Abrams kaas oo loogu talagalay inuu noqdo mid ka xawaare badan kana fudud kuwii ka horreeyay.

 

 

Gorgor oo soo qabtay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah + Magaca iyo shaqadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor oo kaashanaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Salaad Cusmaan Macalin, oo 40 jir ah, waxaana laga soo qabtay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka laga helayo ciidamada ayaa sheegaya in ninkan uu ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ee qaabilsanaa basaasidda iyo qorsheynta weerarrada lagu qaado xeryaha iyo saldhigyada ciidamada dowladda.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qabashada ninkan ay ka dambeysay xog uruurin muddo socotay, isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa isku dubaridka weerarro lagu beegsan lahaa fariisimaha ciidamada iyo goobaha muhiimka ah.

Qabashadiisa ayaa lagu tilmaamay dhabar-jab ku yimid shabakadaha basaasidda ee kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka wada bariga gobolka Hiiraan ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Abaar Cano-weyn, oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu beegsaday gaari nooca Cabdi-bile ah oo ay wateen maleeshiyaadka, waxaana halkaasi lagu gubay gaarigii, laguna dilay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa, sida warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Kornayl Cali Cagey.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii fuliyay howlgalka ay si nabad ah ugu soo laabteen goobihii ay ka baxeen, kadib markii ay fuliyeen weerarka, isla markaana ay soo qaniimaysteen hubkii ay wateen maleeshiyaadka la dilay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii kordhaya ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada dhaca bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo joogto ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in howlgallada milatari ee socda ay ujeedkoodu yahay ciribtirka Al-Shabaab iyo dib u soo celinta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda, iyadoo ciidamada ay marar badan guulo ka sheegteen howlgallada ay ka fuliyaan gobollada dalka.

Jibriil oo Baydhaba uga dhawaaqay ballanqaad, shaaciyayna qorshihiisa K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay qorshihiisa, isagoo ballanqaaday in uusan jiri doonin beegsi gaar ah, uuna maamulka ka sameyn doono dib u heshiisiin dhab ah.

Jibriil oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in qorshihiisa koowaad uu yahay xasilinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo oo ah xarunta maamul-goboleedka, isagoo tilmaamay in amniga uu yahay saldhigga horumarka iyo dib u dhiska maamulka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu la shaqeyn doono dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo culimada, si loo helo maamul loo dhan yahay oo ka shaqeeya danta guud ee shacabka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha KMG ah ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta la siin doono dib u heshiisiinta bulshada, si loo xaliyo khilaafaadka jira loona abuuro jawi deganaansho iyo wada shaqeyn leh.

“Dib u heshiisiin dhab ah ayaan ka sameyn doonnaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, annagoo ilaalineyna amniga, mana jiri doonto cid si gaar ah loo beegsado,” ayuu yiri hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa faray shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed inay sii wadaan shaqadooda, isla markaana aysan hakad gelin bixinta adeegyada bulshada, maadaama isbeddelka hoggaanka uusan saameyn ku yeelan doonin howlaha socda.

Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in maamulka uu xoogga saari doono dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Jibriil Cabdirashiid oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka ayaa xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, ladib isagoo beddelaya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.

Si kastaba, magacaabista Jibriil ayaa waxaa si adag uga horyimid Golaha Mustaqbalka oo tallaabadan u arka jebin cad oo ka dhan ah Dastuurka Federaalka iyo kan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ah weerar toos ah oo lagu qaaday tiirarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

“Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu si cad u dhigaya in haddii Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo ama is casilo, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sidoo kale, Golaha ayaa ku baaqay in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho ka gedisa midda ay wado dowladda oo loo dhan yahay, oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana si buuxda ugu saleysan dastuurka maamul-goboleedka.

Golaha Mustaqbalka oo ka horyimid magacaabista DF, kuna baaqay in Koonfur Galbeed…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka ayaa si adag uga horyimid magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo ku baaqay in la qabto doorasho loo dhan yahay oo ka gedisan midda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xalay soo saaray digreeto uu Jibriil Cabdirashiid Xaaji ugu magacaabayo inuu noqdo hoggaamiye KMG ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed.

Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.

Golaha Mustaqbalka ayaa tallaabadan ku tilmaamay jebin cad oo ka dhan ah Dastuurka Federaalka iyo kan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ah weerar toos ah oo lagu qaaday tiirarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

“Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu si cad u dhigaya in haddii Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo ama is casilo, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sidoo kale, Golaha ayaa ku baaqay in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho loo dhan yahay, oo ay ku heshiinayaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana si buuxda ugu saleysan dastuurka dowlad-goboleedka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag uga soo horjeedaa maamulka ay Dowladda Federaalka u magacowday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, tallaabadan waa jebin cad oo ka dhan ah Dastuurka Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed, waana weerar toos ah oo lagu qaaday tiirarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu si cad u dhigaya in haddii Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo ama is casilo, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo.

Dhaqanka xarun-ka-taliska ah ee lagu maamulayo dowlad-goboleedyada leh hay’ado dastuur ah, iyadoo loo marayo amarro iyo digreetooyin, wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa Dastuurka, mabda’a awood-qaybsiga, iyo nidaamka federaalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqayaa in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho loo dhan yahay, oo ay ku heshiinayaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, islamarkaana si buuxda ugu saleysan dastuurka dowlad goboleedka.

Goluhu wuxuu ka digayaa in jihadani aysan ahayn oo keliya mid khaldan, balse ay tahay dib u noqosho dhaqankii kali talisnimo ee horseeday burburkii dowladnimada Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu mar kale caddeynayaa go’aankiisa uu ku difaacayo dastuurka iyo nidaamka federaalka ah, isagoo adeegsanaya dhammaan hababka sharci iyo kuwa nabadeed si uu uga hortago isku day kasta oo lagu burburinayo nidaamkaas ama lagu hirgelinayo xukun kelitalisnimo.

– Dhammaad –

Sababta DF ku qasabtay inay magacowdo hoggaamiyaha K/Galbeed oo la shaaciyay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe ayaa ka hadlay magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaasi oo xalay uu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Guddoomiyaha oo Baydhabo ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in magacaabistiisa ay ku qasbanaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii la waayay mas’uuliyiintii sharciga uu siinayay inay sii hoggaamiyaan maamulka.

“Nidaamka waxa uu ahaa sidii madaxweynihii ka horreeyay Cabdicasiis, markuu baxayay Shariif Xasan in Guddoomiyaha baarlamaanka haddii la waayo ku-xigeenkiisa, markii labadiiba la waayay waxay Dowladda Federaalka xaq u leedahay inay badbaadiso dowlad-goboleedkii xaalad adag galo, oo soo fara-geliso waana qodob dastuuri ah,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabada dowladda ay tahay mid maamulka looga badbaadinayay fawdo, isla markaana ay xaq dastuur ah u leedahay, ayna sidaas ku magacowday sii-haye.

“Dowladda Soomaaliya waxay u garatay in sii-haye la sameeyo oo howsha sii wada illaa doorasho laga gaarayo, ayadoo la shaqeynayo maamulkii hore u jiray ee xukuumaddii hore u dhisnayd,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in la sameyn doono guddiyo la shaqeeya hoggaanka KMG ah, isla markaana la guda geli doono dib-u-heshiisiinta. “Guddiyo noocyo kala duwan leh ayaa la sameyn doono, si deegaanka isku soo celintiisa ka shaqeeya.”

Ciidanka Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya kuwa taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Isniintii awood milatari kula wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda u diyaar-garobeysa sidii ay maamulka Koonfur Galbeed uga qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah midka ay isku seegeen Lafta-gareen, ayna si adag u diidan yihiin mucaaradka.

Itoobiya oo shaacisay isbeddel ku yimid siyaasadeeda SOOMAALIYA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sheegtay in ay joogsatay faragelinta Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed 8 sano ka hor, iyadoo qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho lagu sheegay in xiriirka labada dal uu udub dhexaad u yahay ilaalinta xasiloonida iyo kobcinta dhaqaalaha.

Bayaanka safaaradda ayaa xusay in sanad-guurada 8-aad ee xukuumadda Abiy Axmed ay muujinayso isbeddelka ku yimid xiriirka Geeska Afrika, isla markaana ay Itoobiya ka go’an tahay taageerida Soomaaliya si ay u hesho nabad iyo horumar waara.

“Sanad-guurada 8-aad ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay muujinaysaa isbeddelka ku yimid xiriirka Geeska Afrika, iyadoo la xoojiyay iskaashiga Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku qotoma is-dhexgal dhaqaale iyo xasilooni,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Itoobiya.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xilli dhowaan Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegtay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo hore looga arki jiray farogalinta siyaasadeed ee Itoobiya.

Arrimahan ayaa imanaya xilli mucaaradka Itoobiya ay sheegeen in Addis Ababa si tartiib tartiib ah u lumisay saameyntii ay ku lahayd Soomaaliya. Siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed ayaa, isagoo daba socda dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Baydhabo, sheegay in tan tahay “guuldarro diblomaasadeed oo kale” oo dowladda Itoobiya ay la kulantay.

Hadalka Jawar ayaa yimid kadib markii madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, uu is-casilay Isniintii, wax yar kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen, oo muddo dheer loo arkayay siyaasi si dhow ula jaanqaadi jiray Itoobiya, ayaa sidaas ku baneeyay xilka, taasoo noqotay dib u dhac weyn oo ku yimid saameyntii Addis Ababa ay ku lahayd maamulkaas.

Bayaan uu Talaadadii soo saaray, Jawar wuxuu ku dooday in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay si xeeladaysan uga adkaatay Lafta-gareen, isla markaana ay meesha ka saartay fikirkii ahaa in Itoobiya weli awood u leedahay inay difaacdo xulafadeeda gudaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Lafta-gareen uu maalmo ka hor intaan xaaladdu is-beddelin u safray Addis Ababa si uu ula tashado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isla markaana uu dib ugu laabtay Baydhaba isagoo wata kalsooni iyo ballanqaadyo.

Si kastaba, Jawar wuxuu xusay in ballanqaadyadaasi aysan waxba ka beddelin xaaladda, maadaama ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa magaalada aysan awoodin inay badbaadiyaan, sidaasna ay ku lumisay gacan ku hayntii ay muddo labaatan sano ah ku lahayd magaaladaas istiraatiijiga ah, isla markaana booskeeda ay si isa soo taraysa u buuxin karaan Masar iyo Turkiga.

Dhamaan dhacdooyinkan ayaa muujinaya sida xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu isku beddelay, iyadoo iskaashiga labada dal uu muhiim u yahay nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha, halka mucaaradka ay sii wadaan dhaliilaha ku saabsan guuldarrada diblomaasadeed ee Addis Ababa.

390 xildhibaan oo qof iyo cod kusoo baxay oo Muqdisho lagu dhaariyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka ee magaalada Muqdisho oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo tiradoodu gaareyso 390 mudane ayaa si rasmi ah loo dhaariyey, waxaana dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada kula dardaarmay inay si hufan oo cadaalad ah ugu adeegaan bulshada ay matalayaan.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey tallaabadan muhiimka ah.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha Deegaanka ee ku yimid doorasho qof iyo cod ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo dib u soo celinaysa nidaamka dowladnimo iyo matalaadda shacabka, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen doorashooyin noocan ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa munaasabadda ka sheegay in dhowaan ay soo saari doonaan jadwalka doorashooyinka deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo ah doorashooyin isku xiran oo lagu dooran doono golayaasha deegaanka degmooyinka iyo xubnaha Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, wuxuu xusay in guddiga doorashooyinka ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan matalaad dhab ah oo ay iyagu doortaan, taas oo xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Si kastaba, dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay tahay mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu hirgelinayo nidaamka dowladaha hoose ee dalka, iyadoo hanaanka doorasho ee ay ku soo baxeen xildhibaannada ay meel adag ka istaageen siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka oo ka hadlay magacaabista hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga horyimid magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaasi oo xalay uu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Cabdiraxmaan ayaa sharci darro iyo jebin dastuuri ah ku tilmaamay in xukuumaddu maamul u magacawdo dowlad-goboleed leh hay’ado dastuuri ah.

“Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu dhigayaa haddii Madaxweynuhu is casillo in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxweyne. Dawladda Federaalka meelna ugama bannaana in ay maamusho,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Warsame.

Arrinta Baydhabo ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa marxalad halis ah oo uu dalku galay, isla markaana bilow u ah awood urursi lagu burburinayo nidaamkii federaalka, sharcigana lagu hoos geynayo rabitaan shakhsiyadeed.

“Waa hordhaca damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in uu isku caana shubo doorasho uu natiijadeeda hubiyey, isagunu uu tartame iyo garsoore ka yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Hoos ka aqriso qoraalka Warsame oo dhameystiran:

Waa sharci darro si bareer ah loo jabiyey Dastuurka Federaalka iyo kan dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed in xukuumaddu maamul u magcawdo dawlad-goboleed leh hay’ado dastuuri ah.

Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu dhigayaa haddii Madaxweynuhu is casillo in muddo 30 maamlmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxweyne. Dawladda Federaalka meelna ugama bannaana in ay maamusho

Waa jiho cusub oo muujinaysa marxalad halis ah oo uu dalku galay. Waa bilowga awood urursi lagu burburinayo nidaamkii federaalka, sharcigana lagu hoos geynayo rabitaan shakhsiyadeed.

Waa hordhaca damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in uu isku caanashubo doorasho uu natiijadeeda hubiyey, isagunu uu tartame iyo garsoore ka yahay.

Waa hubaal in damacaas gurracani aanu hirgelaynin, balse uu si weyn u dhaawacayo dadaalladii sannado badan lagu bixinayey dibuheshiisiin, is’aaminaad iyo kalsooni dhis bulsho iyo geeddisocodkii dhutinayey ee dawlad dhiska dalka ee ku dhisnaa awood-qaybsi, xukun federaal, doorashooyin afartii sanno ah iyo nidaam baarlamaani ah.

Dhaqanka kelitalis oo ay wehliyaan eex, sedbursi, boob hanti dadweyne iyo kutagrifal awoodeed waa sabibihii horseeday burburkii dawladnimadii Soomaaliya.

Madaxweynaha dadka qaar ayaa qabyaalad iyo dano gaar ah ugu sacabbinaya, halka qaar kalana ay ka aamusan yihiin, hase yeeshee fitnada ka dhalan karta ficilladan gurracan cidna ka badbaadi mayso.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda, iskaashiga iyo horumarka dalka, waxa ayna kala yihiin.

1- Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed.

2- Siyaasadda-Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Howlgallada Ciidan iyo Colaadaha.

3- Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka

4- Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda.

5- Heshiiska Caalamiga ah ee ka Hortagga Falalka Sharci-darrada ah ee ka dhanka ah Bad-qabka Socdaalka Badda 2005 (Heshiiska SUA ee 20025).

6- Baratakoolka 1992 ee wax ka badalaya Heshiiska Caalamiga ah ee Masuuliyadda Madaniga ee wax-ka beddelka Wasakhowga Saliidda.

7- Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan Wadatashi Siyaasadeed.

8- Qaraarka Hirgalinta Hannaanka Tartanka Furan.

Sidoo kale, kulanka Golaha oo uu Guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo deegaanno hor leh maalmahan ka xoreeyay kooxaha Khawaarijta isla markaana dadaal ugu jira sidii ay uga sifayn lahaayeen guud ahaan dalka.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga XFS, ayaa Golaha warbixin ka siiyey dadaallada dowladda ay waddo ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo dhowaanna la qorshaynayo howlgallo lagaga sifaynayo deegaannada yar ee ay wali ku suganyihiin.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumaddu waxa ay bogaadiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo caasimadd KMG ee Baydhabo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada qalabka sida. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidanka qaranka sidii mas’uuliyadda iyo taxadarka ku jirey ee ay u maareeyeen hawlgalkii la isugu furey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Ugu dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexayso ee gobolka Awdal inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, iyadoo lagu dhiirigelinayo inay khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in ay qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye iyo xasillinta deegaanka.

Xukuumaddu waxa ay codsi u diraysaa hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka deegaanka, iyada oo ka sugaysa in ay u istaagaan deminta colaadda ayna xoojiyaan walaaltinnimada, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda.

Muungaab oo heshiisiiyay Cali Guudlaawe iyo Xaadoole + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa heshiis dhex-dhigay madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo uu ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo xooggan.

Muungaab aya labada mas’uul ku maamuusay casho sharaf uu ugu sameeyay hoygiisa, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HirShabelle.

Guddoomiyaha gobolka oo isugu dhigay gogosha ayaa ku guuleystay inuu soo afjaro khilaafka labada mas’uul oo isla gartay in laga wada shaqeeyo horumarka deegaanka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Inta uu socday kulankan waxay sidoo kale mas’uuliyiintu isla qaateen muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada hay’addaha dowladda, si loo hirgeliyo qorshayaal istiraatiiji ah oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo saldhig u noqda kobac dhaqaale, horumar bulsho iyo tayeyn adeeg oo la jaanqaadaya baahiyaha deegaanka, isla markaana xoojinaya nabadda, xasilloonida, kalsoonida dadweynaha iyo horumar waara oo loo dhan yahay

Sidoo kale waxa ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, sugidda nabadgelyada iyo horumarinta hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo dib-u-heshiisiin bulsho oo waarta, doorashooyinka la filayo ee qof iyo codka ah.

Horay Cali Guudlaawe iyo Xaadoole ayaa hawada isugu mariyay hadallo kul-kulul, wuxuuna khilaafkooda gaaray heer uu xidhibaanka ku dhawaaqo inuu isku sharraxo kursiga madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa marxalad kala guur ah, iyada oo la’isku diyaarinayo doorasho ka dhacda Jowhar, si loo soo doorto hoggaan cusub.

Waxaa kale oo intaas usii dheer xaalado adag oo ka dhashay howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli socda iyo kuwa bani’aadamo oo aad u adag.

DF oo howlgelisay markabkii ugu horreeyay oo qaatay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta u diiwaangelisay markabka “Guney” (IMO 8230417) oo qaatay Calanka Soomaaliya, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay burburkii dalka kadib ee markab lagu diiwaangeliyo Calanka Soomaaliya, taasoo astaan u ah dib-u-soo-nooleynta awoodda iyo sumcadda Calanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in arrintan ay ku timid kadib dhammaystirka dhammaan shuruucdii loo baahnaa in dal uu bixiyo Calan.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso milkiilayaasha maraakiibta iyo ganacsatada in ay ku diiwaan geliyaan maraakiibtooda Calanka Soomaaliyeed.

“Diiwaangelinta “Guney” waxay fursad cusub u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, wasaaradduna waxay soo dhaweyneysaa ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan fursaddaan cusub” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee dowladda Soomaaliya iyo siyaasadda guud ee xukuumadda Dan-Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP).

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay ku tallaabsaneysay horumarro waa wayn oo dhinaca ganacsiga iyo dhaqaaaha, taas oo ku timid isbeddelka ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijisay guullo wax ku ool ah.

Waxaa kale oo jirta in ganacsiga Soomaalida uu kusii fidayo gobolka iyo caalamka, kadib markii ay fursado cusub abuurtay dowadda dhexe.

Hogaamiyaha KMG ka ah ee K/Galbeed oo ka dagay Baydhaba + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka, isaga oo ka ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha ayaa waxaa wehlinayay mas’uuliyin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo iyana qayb ka ah socdaalka Baydhaba oo inta badan ay gaareen madaxda dalka.

Muuqaal uu baahiyay safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa waxaa ka muuqanayo iyaga oo diyaaraddda saaran isaga, hoggaamiye Jibriil iyo agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya oo ugu dambeyn gaaray magaalada Baydhaba.

Safarkan ayaa yimid saacado uun kadib markii xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye kumeelgaar ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Digreetadan oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.

Isbeddalkan wuxuu sidoo kale kusoo beegmay saacado uun kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ay Isniintii awood milatari kula wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa hadda u diyaar-garobeysa sidii ay Koonfur Galbeed uga qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah midka ay isku seegeen Lafta-gareen, ayna si adag u diidan yihiin mucaaradka.

Dagaal culus oo dhex-maray Xaadoole iyo maamulka degmada Warsheekh

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay aagga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay mas’uul ka tirsan maamulka degmada iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada, wuxuuna dhex-maray ciidamo uu watay gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Warsheekh Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay) iyo kuwa kale oo taabacsan Xildhibaan Xaadoole oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi.

Guddoomiye Jookaay oo la hadlay Shabelle Tv ayaa sheegay in 5 Tikniko ah uu kusoo weeraray Xaadoole, balse ma sheegin wax khasaare ah, isaga oo ku dooday in uu iska difaacay weerarka uu sheegay in lagu soo qaaday.

“Walaalow waxaa saaka ka dhacay Warsheekh waxaa soo weeraray Xildhibaan Xaadoole meel magaalada u jirta 8 kiilo mitir dad shacab ah oo goofahooda cabirahaayo ayaa i wacay anoo la joogo ayuu soo weeraray isaga oo 5 Tikniko ah wato, waana iska celinay haddana meeshii ayaan joogaa” ayuu yir Jookaay.

Waxaa kale oo kusii daray “Annaga waaa is-difaaceynaa dad guryahoodii iyo deegaankoodii lagu soo weeraray ayaa nahay oo la dulminaayo oo xildhibaan qaran uu rabo inuu annaga noo dowleeyo, mana ka aqbaleyno”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka oo uu ka codsaday inay ka qabato Xildhibaanka oo ku eedeeyay inuu dhibaato ka wado deegaanka

“Waxaan ugu baqayaa dowladda Soomaaliyeed inay naga qabato Xildhibaan Xaadoole oo Tikniko nagu soo weeraraayo oo raba dhulka dadka shacabka inuu dhaco walaalo intaas waayay” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay aagga degmad Warsheekh, kaas oo weli xiisaddiisa laga dareemayo halkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal ka dhacay aagga Warsheekh lagu dilay Muuse Xaadoole oo la dhashay xildhibaanka, waxayna u muuqataa in weli xiisadda ay sii socoto, isla markaana la’isku hayo dhul iyo arrimo maamul.

 

Saraakiishii ugu badneyd oo maanta gaartay Baydhaba + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray saraakiishii ugu badneyd ee ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Maxamed Maxamuud, waxaana sidoo kale qayb ka ah taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cabdullahi Cismaan, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale.

Sidoo kale, waxaa taliyeyaasha iyo wafdiga la socda Baydhaba kusoo dhaweeyay saraakiisha iyo mas’uuliyiina ku sugan magaaladaas oo ay Isniintii la wareegtay dowladda dhexe, kadib dagaal lagu qaaday maamulkii uu hoggaaminayay Lafta-gareen.

Waxaa qorshuhu yahay in madaxdan ay ku biiraan dhaq-dhaqaaqa ka socda magaaladaas oo la doonayo in maamul cusub loogu dhiso Koonfur Galbeed, iyada oo xalay ra’iisul wasaare Xamza hoggaamiye KMG ah u magacaabay maamulkaasi.

Shalay waxaa Baydhaba gaaray ciidamo horleh oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ammaanka guud ee magaalada, maadaama  dhawaan la filayo inuu gaaro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira u kuurgalidda xaaladda magaaladaasi, maadaama uu dhacay isbeddel wayn, uuna guuleystay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu la kulmi doono siyaasiinta garabkiisa ah ee kasoo jeedo deegaannada maamulkaas iyo qaybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono marxaladda kala guurka ah ee maamulka iyo sidii looga shaqeyn lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Baydhaba  si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laba maalin ka hor howlgal milatari ka fuliyay magaaladaas oo ah xarunta gobolka Baay.

Waa tan sababta uu Trump ugu waashay Soomaaliya

Maamulka Trump wuxuu hadda ku mashquulsan yahay dagaalka Iran. Hase yeeshee mar kasta oo dhif ah ee Donald Trump ka hadlo arrimaha Afrika, wuxuu inta badan soo hadal qaadaa Soomaaliya, marka uu sidaas samaynayana wuxuu adeegsadaa ereyo kooban oo had iyo jeer soo noqnoqda: argagixiso, muhaajiriin, dowlad fashilantay, khatar.

Soomaaliya, sida ay maskaxda siyaasadeed ee Washington u sawirato, waa meel cilad juqraafiyeed ku dhacday. Sida Iran oo kale, waa dal laga aaminsan yahay inuu soo saaro waxyaabo xun, sidaas darteedna loo baahan yahay in la duqeeyo ilaa uu ka soo saarayo wax ka yar kuwii hore.

Tani waxay ahayd siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya, qaabab kala duwan, muddo ka badan soddon sano. Mana shaqeyn. Marnaba ma shaqeyn. Sababta ay u shaqeyn weydayna ma aha wax qarsoon: ma maamuli kartid dal aadan isku hawlin inaad fahamto.

Si loo cadaalad sameeyo, Donald Trump kaligiis dambigan ma laha. Soomaaliya waxaa si khaldan u akhriyey siyaasad-dejiyeyaasha reer Galbeedka tan iyo horraantii sagaashamaadkii, markaas oo Mareykanku si fudud ugu dhacay Muqdisho isagoo wata kalsoonidii dabacsanayd ee dal ku guuleystay Dagaalkii Qaboobaa, isla markaana moodayay in dunida inteeda kale si toos ah u qaadan doonto fariintaas.

Waxa xigay, fadeexaddii Black Hawk Down, bixitaan qasan, iyo labaatankii sano ee duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dagaallada wakiillada, ma ahayn oo keliya fashil militari. Waxay ahaayeen fashil ka yimid hab-fikirka. Washington waxay mar walba is-weydiinaysay waxa laga yeelayo Soomaaliya, balse marna si dhab ah iskuma dayin inay fahamto Soomaalida.

Trump se jahligaas wuu sii xoojiyey. Halka maamulladii ka horreeyay ugu yaraan ay ilaalin jireen muuqaalka ah inay leeyihiin xisaab istiraatiiji ah, Aqalka Cad ee maanta wuxuu falanqayn ku beddelay buunbuunin iyo sawaxan. Aragtida Trump, Soomaaliya looma arko dal leh taariikh, dhaqan, xeer siyaasadeed iyo 17 milyan oo qof, balse waxaa loo arkaa dhibaato u baahan in laga takhaluso.

Tani wax weyn ayay kaaga sheegaysaa, ma aha oo keliya Soomaaliya, balse sidoo kale xadka uu leeyahay habka siyaasadda arrimaha dibadda ee ku dhisan maskaxda The Apprentice. Dareenka Trump, oo uu ku dabaqo wax kasta laga bilaabo wada-hadallada ganacsiga ilaa murannada xuduudaha, wuxuu yahay in awood muujintu tahay luuqadda caalamiga ah ee wax kasta lagu xalliyo. Xoog muuji, cadaadis saar, cawaaqib ku hanjab, dabadeed guuleyso.

Mararka qaar taasi way shaqayn kartaa. Laakiin Soomaaliya kama shaqeyso. Waligeedna kama shaqeyn. Qof kasta oo xataa labaatan daqiiqo gelinaya akhrinta taariikhda dalkaas wuu fahmi lahaa sababta.

Soomaalidu waxay leeyihiin taariikh si wanaagsan loo diiwaangeliyey oo la xiriirta faragelinta shisheeye. Waxaa gumeystay Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska, kuwaas oo dhammaantood ka tegay xuduudo si fudud oo aan damqasho lahayn u kala jaray dhulalkii qabiillada.

Waxaa laga dhigtay furin lagu loollamo xilligii Dagaalkii Qaboobaa. Waxay la kulmeen dagaal sokeeye oo ay beesha caalamku kasii dartay, maadaama ay marar badan taageertay dhinacyadii khaldanaa. Waxay sidoo kale indhahooda ku arkeen ciidamo uu Mareykanku tababaray oo uu maalgeliyey oo burbura, kala firxada, dhinacna u wareega si joogto ah, arrin ahayd inay mar hore dhaliso su’aalo culus oo ku saabsan tababarka iyo maalgelintaas.

Waxa intaas oo dhan ka dhalanaya dibadda waxaa laga yaabaa in loo arko bulsho jabtay oo sugaysa cid hagaajisa. Laakiin taasi runta aad bay uga fog tahay. Tani waa bulsho qarniyo badan soo dhisanaysay dareen aad u feejigan oo ka dhan ah in ajaanib amar ku bixiyaan. Dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalidu wuxuu si weyn u qiimeeyaa madax-bannaanida, sharafka qofka iyo isku-tiirsanaanta qabiilka, waana qiyam ay quwadaha dibaddu mar walba dhayalsadaan.

Dulliga iyo yasitaanku, xaaladdan dhexdeeda, waxay noqdaan xoog dadka abaabula. Siyaasad loo arko aflagaaddo, siyaasadda Mareykankuna marar badan sidaas ayay u muuqataa, waxay inta badan dhalisaa isla iska-caabbintii ay ahayd inay ka hortagto.

Mamnuucidii safarka ee Trump waxaa ka mid ahaa Soomaaliya. Barnaamijkiisa duqeymaha drone-yaduna wuu sii socday, mararna wuu sii xoogeystay. Hadalladiisa ku saabsan dalalka Afrika waxay diblomaasiyad ahaan la mid yihiin seeri maktabad dhexdeeda laga yeeriyey: qaylo badan, jahawareer abuuraysa, gebi ahaanna aan wax tar lahayn.

Midkoodna looma dejin aqoon muuqata oo ku saabsan waxa Soomaalidu rabto, waxa ay ka baqeyso, waxa ay qiimeyso, ama waxa taariikhdu bartay inay ka filan karaan quwadaha waaweyn ee hubka iyo niyad wanaagga wata.

Su’aasha waallida u eg, miyuu runtii waxba ka ogayn, waxay u badan tahay inay tahay su’aal hadal ahaan loo tuuray. Laakiin waxay tilmaamaysaa xaqiiqo jirta. Maamulka Trump si weyn ugama buuxaan dad aqoon qoto dheer u leh Soomaaliya. Inta la ogyahayna, ma aha maamul ku tiirsan khubaro taariikheed ama cilmiga bulshada ah marka uu dejinayo siyaasaddiisa Geeska Afrika. Wuxuu ku shaqeeyaa dareen guud, qiimeyn khataro, iyo aaminsanaanta ah in xoog ama hanjabaaddiisu ku filan tahay.

Kuma filna. Waligeedna kuma filnaan. Boqortooyadii Ingiriiska, inkastoo ay ahayd mid aad u naxariis daran, ugu yaraan waxay lahayd rag daraaseeya meelaha ay damacsan yihiin inay xukumaan. Waxay barteen afafka, diiwaangeliyeen dhaqannada, waxayna isku dayeen inay fahmaan xeerka gudaha ee bulshooyinka ay la macaamilayeen.

Aqoontaasi waxay ku jirtaa maktabadaha. Qarsoodi ma aha, mana adka in la helo. Waxa keliya ee ay u baahan tahay waa aaminsanaan ah in wax ka ogaanshaha meel ay ka faa’iido badan tahay inaan waxba laga ogayn.

Washington weli ma gaarin aaminsanaantaas. Xilliga Trumpna waxay u muuqataa inay uga sii fogaatay sidii hore.

Joseph Maina waa weriye madax-bannaan oo fadhigiisu yahay Naivasha, Kenya. 

Ciidanka Mareykanka oo rikoor cusub ka dhigay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyay ku dhowaad 50 duqeyn oo cirka ah, taasoo muujineysa koror weyn oo ku yimid howlgalada Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, xilli uu sare u qaaday weerarrada uu ku beegsanayo kooxaha hubeysan ee ka dagaallama dalka.

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa lagu qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, meel qiyaastii 80 mayl waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, sida AFRICOM ku sheegtay bayaan ay soo saartay Isniintii. Taliska ayaa sheegay in weerarkan uu tirada guud ee duqeymaha uu sanadkan ka fuliyay Soomaaliya ka dhigay 49, oo ku kooban saddexda bilood ee ugu horreysay oo keliya.

AFRICOM ayaa sheegtay inay howlgaladan si wadajir ah ula fulineyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida, iyadoo ujeedku yahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ay ku beegsan karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Taliska ma uusan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca diyaaradaha, cutubyada ama qalabka loo adeegsaday weerarka, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga howlgalka.

Duqeymahan sii kordhaya ayaa imanaya kadib sanadkii 2025, markaas oo AFRICOM ay Soomaaliya ka fulisay ku dhowaad 125 duqeyn. Tiradaas waxay ka badneyd rikoodhkii hore ee 63 weerar ee la diiwaangeliyay sanadkii 2019. Haatan, marka la eego bilaha ugu horreeya ee 2026, waxaa muuqata in xawaaraha duqeymaha uu kasii dheereynayo kii sanadkii hore.

Weerarrada AFRICOM ma ahan kuwo ku kooban hal aag. Waqooyiga Soomaaliya, talisku wuxuu si joogto ah u bartilmaameedsadaa maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan hareeraha buuraha Golis, halka Al-Shabaab ay weli ka hawlgasho qaybo badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka ah.

Al-Shabaab ayaa muddo dheer ahayd kooxda ugu xoogga badan ee hubeysan ee ka jirta Soomaaliya, halka garabka Daacish ee Soomaaliya, oo la sameeyay sanadkii 2015 kadib markii xubno ka goostay Al-Shabaab, uu isna sanadihii dambe soo jiitay dagaalyahanno ajaanib ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanado badan ka howlgalayay Soomaaliya, iyagoo siinayay ciidamada maxalliga ah tababar, talo ciidan iyo taageero dhinaca sirdoonka ah si ay ula dagaallamaan kooxaha mayalka adag.

Kororka xooggan ee duqeymaha sanadkii hore ayaa kusoo beegmay kadib markii Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu bixiyay amar siiyay taliyeyaasha AFRICOM awood dheeraad ah oo ay ku go’aansan karaan goorta la qaadayo weerarrada cirka.

Duqeymahan sii badanaya ayaa muujinaya in Washington ay weli Soomaaliya u aragto furin muhiim ah oo ka mid ah dagaalka ay kula jirto kooxaha jihaad-doonka ah. Si kastaba, waxay sidoo kale dib u kicineysaa dood ku saabsan baaxadda howlgalada Mareykanka, saameynta ay ku leeyihiin xaaladda amni ee dalka, iyo jihada istiraatiijiyadda Mareykanka ee Geeska Afrika.

Turkiga miyaa ka dambeeyey xil ka tuuristii Lafta-gareen?

Muqdisho (Caasimada Online) — Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey eedeymaha sheegaya in dowladda Turkiga ay abaabushay ridistii maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in Ankara ay ka dambeysay qalalaasahaas si ay ula wareegto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Diidmadan ayaa timid kadib is-casilaaddii Madaxweynihii maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo xilka ka degay xilli uu magaalada Baydhabo ka taagnaa is-qabqabsi siyaasadeed oo aad u xooggan. Dadka dhaliilsan dowladda ayaa isku dayay inay xiisaddan ku tilmaamaan howlgal shisheeye gadaal ka riixayo, beddelkii ay ka ahaan lahayd loolan awoodeed oo gudaha ah.

Laftagareen ayaa iscasilay maalintii Isniinta, isagoo u dhoofay dalka Kenya, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Baydhaba, taas oo soo afjartay xiisad todobaadyo qaadatay oo u dhaxeysay isaga iyo Muqdisho.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa eedeymahan ku tilmaamay kuwo been abuur ah, siyaasadadeysan, isla markaana aan wax sal iyo raad ah lahayn.

“Dowladda Turkiga oo ah saaxiib wanaagsan oo si weyn u caawisay Soomaaliya, shaqo kuma lahan arrimaha gudaha ee dalka, waxayna ixtiraamtaa madax-bannaanida Soomaaliya ee ku aaddan maamulida arrimaheeda,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in isbeddelka ka dhacay Baydhaba uu ahaa arrin Soomaaliyeed, oo ka dhalatay diidmada bulshada deegaanka ay ku diideen maamul muddo xileedkiisu dhammaaday, dowladda federaalkana ay soo dhex gashay kaliya si ay u “ilaaliso sarraynta sharciga.”

“Waxaa wanaagsan in mas’uuliyiinta qaar aysan isku khaldin loolanka siyaasadeed iyo been abuurka, marin-habaabinta, iyo aflagaadada loo geysanayo dal saaxiib dhow nala ah,” ayuu raaciyay sarkaalka.

‘Maamul gacan-ku-rimis ah’

Jawaabtan ayaa imaneysa kadib markii mas’uuliyiin hore uga tirsanaa Koonfur Galbeed iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Aqalka Sare ay ku eedeeyeen Ankara inay ka caawineyso Muqdisho dhismaha “maamul gacan-ku-rimis ah” si loo gurto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ee aan wali laga faa’iideysan.

Dadka dhaliila dowladda ayaa farta ku fiiqay in daabulidda ciidamada dowladda federaalka ee uu Turkiga tababaray la geeyay Baydhaba ay caddeyn u tahay saameynta Ankara ee isbeddelka awoodeed ee deegaankaas.

Turkiga ayaa ka mid ah isbaheysiga ugu muhiimsan ee Soomaaliya dhinaca amniga. Waxa uu Muqdisho ku leeyahay xarunta TURKSOM oo ah saldhigga milatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, halkaas oo uu ku tababaray cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kumaandooska Gorgor iyo booliska Haramcad, kuwaas oo labaduba door muuqda ka qaatay howlgallada amniga gudaha.

Falanqeeyayaasha ayaa si kastaba ha ahaatee sheegaya in iskaashiga milatari uusan iskiis uga dhignayn in Turkigu uu maamulayo howlgallada ciidamada.

Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in adeegsiga qalab ciidan oo asalkiisu ka yimid Turkiga ama ciidamo uu Turkigu tababaray aysan caddeyn u ahayn in Ankara ay hagtay go’aamadii siyaasadeed ama kuwii milatari ee laga qaatay Baydhaba.

“Dowlado badan ayaa si joogto ah u haysta ciidamo ay tababareen dalal shisheeye, waxayna adeegsadaan hub ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dibadda laga keenay,” ayuu yiri Axmed. “Su’aasha muhiimka ah ma ahan halka uu tababarka ama qalabka ka yimid, balse waa cida gaartay go’aanka lagu adeegsanayo.”

Ilaa hadda ma jirto wax caddeyn ah oo loo soo bandhigay bulshada oo muujinaya in Turkiga uu qorsheeyay, bixiyay amarka, ama uu hagay faragelintii dowladda federaalka ay ku sameysay Laftagareen.

Saameynta sii kordheysa

Turkiga ayaa si tartiib-tartiib ah u ballaariyay doorkiisa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, isagoo sii maraya maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, iskaashiga amniga, iyo sahanka shidaalka ee badda. Horraantii sanadkan 2024, labada dal ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo sii xoojiyay xiriirka dhow ee horey u jiray.

Iskaashigaas sii kordhaya ayaa abuuray walaac ay muujinayaan xubnaha mucaaradka, kuwaas oo ka cabsi qaba in ay dhacdo gacan-sarrayn shisheeye oo xad dhaaf ah.

Balse falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in qalalaasaha Baydhaba uu ugu horreyn salka ku hayo khilaafaadka Soomaaliya ee aan wali xalka loo helin ee ku saabsan awoodda federaalka, sharcinimada siyaasadeed, iyo xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo dowlad goboleedyada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in lagu tilmaamo Turkiga inuu yahay naqshadeeyaha qalalaasaha Baydhaba ay tahay isku day la doonayo in khilaaf dastuuri iyo mid siyaasadeed oo gudaha ah loo beddelo shirqool xambaarsan marin-habaabin juquraafi-siyaasadeed.

Iyadoo la qirayo danaha istaraatiijiyadeed ee sii kordhaya ee Ankara ay ka leedahay Soomaaliya, mas’uuliyiinta ayaa ku adkeystay in meesha laga saaro Laftagareen ay ahayd arrin gudaha Soomaaliya ka dhacday, balse aysan ahayn howlgal dibadda laga soo agaasimay.

Taliye Shub oo soo hadlay, sheegayna in Xasan uu awood uga qaatay gurigiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan (Shub) oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta.

Shub oo muddo toddobaad ah xabsi guri ugu jiray qorshaha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka damacsanaa Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu awooddii dowladnimo uga saaray gurigiisa.

“Guryaha anaa dhistay oo iska lahaa, haddana amar Xasan Sheekh ayaa uga guuray,” ayuu yiri Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, isagoo sheegay inuu yahay nin ku sifoobay beegsi qabiileysan iyo gumaadka beelo gaar ah.

“Waxyaabaha gumaadka ahaa ee qofkan qabiil hebel ma yahay dhihi jirtay, ileen booliska isla joognee ku samee dadka kula jooga ee magaca ila sheeganayo, waa dadka halkaan soo gaarsiiyay asluubta,” ayuu yiri.

Mahad ayaa iska fogeeyay inuu qaatay hanti ay lahayd asluubta, isagoo ku faanay inuu dhaqaale geliyay dhismaha ciidanka Asluubta, oo uu sheegay in dayac baahsan ka muuqday markii uu la wareegay.

“Waxaa qabtay umadda wey ogtahay, ninkii inecebna ogaansho kama rabi. Meel dheer in aan Asluubta geeyay oo wax badan qabtay waa la ogyahay,” ayuu yiri Taliye Shub.

Ugu dambeyntiina, wuxuu sheegay in sunaha dowladnimada ay tahay xil ka qaadista iyo magacaabista, isla markaana dib loogu magacaabi karo hoggaanka asluubta, taas oo uu sheegay in uusan wax badan ka odhanayn.

“Dowladda i bedeshay, shalay dowladda i geysay oo sluubta tag i tidhi, ka tag maalinta la dhihi lahaa-na wey horeysaa tii ayaa tan ah. In aan kusoo noqdo ayaa laga yaabaa, waa iska shaqo dowladeed, ma fara-gelinaayo,” ayuu yiri Mahad Shub.

Hoos ka daawo muuqaalka