28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Aadan Madoobe oo ka hadlay isbeddelka K/Galbeed kuna dhawaaqay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta goboka Baay ayaa ka hadlay isbeddelka siyaasadeed iyo midka maamul ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib markii meesha laga saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa marka hore u mahadceliyay dadka deegaanka ee sida diiran usoo dhaweeyay ciidamada, isaga oo sheegay inay muujiyeen dowladnimado jecel iyo rabitaankooda ku aadan inay la dhacsan yihiin qorshaha dowladda dhexe.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga Dalka ee qaaday howlgalkii guuleystay, isaga oo sheegay inay la socdeen marweliba xaaladooda.

“Waa maqalnay in meeshii Daynuunaay ay ahayd ay Shabaab jidka u galeen ciidanka oo isku dayay in socodka meesha ku banjariyaan taasina waa laga soo gudbay, dadkii loo soo socday markii ar arkeen dowladda ku talagalkeeda ciidamadii laftirkooda waa is gaabiyeen” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuu intaas kusii daray “Guud ahaan waan idin-mahadcelineynaa dadkii deegaanka loogu yimid iyo maamulkii hore dadkii ka midka ahaa farxadooda iyo niyad-wanaagooda waa ku mahadsan yihiin”.

Intaas kadib Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan sidii doorasho xalaal ah looga qaban lahaa Baydhaba, waxaana uu faray ciidanka in ammaanka ay adkeeyaan, isla markaana habeenkii la yareeyo dhaq-dhaqaaqa.

Ujeedka booqashada Aadan Madoobe ee Baydhaba ayaa la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, si looga tashado marxaladda kala guurka ah ee maamulka.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ah wafdigiisa xildhibaanno iyo wasiirro ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh iyo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow oo todobo sano kahor laga soo xiray magaaladaasi.

Si kastaba, Xaaladda Baydhaba ayaa haatan deggan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal milatari ka fulisay gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Bakool.

La wareegista magaaladan ayaan keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, uuna is casilo maaxweyne Lafta-gareen.

Saciid Deni oo isbeddel ku sameeyay xukuumaddiisa – Juxa iyo wasiiro kale oo la eryay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta wareegto soo saaray ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay xukuumaddiisa, isaga oo soo magacaabay xubno ka mid ah golihiisa wasiiraddda.

Wareegtada ayaa saameysay wasiiro waa wayn, sida wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab iyo xubno kale oo si weyn u difaaci jiray xukuumadda Deni

Wasiirrada la magacaabay ayaa kala ah:-

1.Abdirashiid Barkhadle Warsame Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta 2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta 3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 4. Barre Yuusuf Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada 6. Hodon Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska 7. Farxaan Cali Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta  8. Siciid Cali Jaamac Qorsheel  Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Daaqa 9. Caydaruus Axmed Faarax Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada  10. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 11. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi Wasiirka Wasaaradda Gargaarka 12. Cumar Cabdisamed Yuusuf Dhuux Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka 13. Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska .

Sidoo kale wasiir ku xigeenno cusub ayaa la magacaabay, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 15 xubnood, waxayna kala yihiin.

1.Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta 2. Cabdirisaaq Cali Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta 3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 4. Axmed Yaasiin Saalax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda 5. Maxamed Xasan Ibraahi Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 6. Musadaq Maxamed Musadaq Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Waxbarashada 7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Caafimaadka 8. Eng. Maxamed  Cali Ismaaciil Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Dekadaha 9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsad Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta  10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabd Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 11. Xasan Jaamac Ismaaciil Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa 12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha 13. Maxamed Siciid Saalax Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada 14. Axmed Siciid Qoloomb Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka 15. Riyaad Axmed Cali Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Gargaarka 16. Maxamuud Maxamed Daad Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

Dhanka kale, isla wareegtadan waxaa lagu magacaabay wasiiru dowleyaal cusub, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga, agaasimaha guud ee madaxtooyada, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo guddoomiyeyaasha gobollada maamul-goboleedka Puntland.

Hoos ka daawo:-

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaa sidoo kale qayb ka ah xildhibaanno iyo wasiirro ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh iyo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow oo todobo sano kahor laga soo xiray magaaladaasi.

Ujeedka wafdigan ayaa ah inay ka qayb-qaataan shirar la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, si looga tashado marxaladda kala guurka ah ee maamulka.

Sidoo kale, waxaa la dhisi doonaa maamul KMG ka ah, inta laga gaarayo doorashada, oo horseedi doonto madaxweyne iyo xukuumad cusub.

Xaaladda Baydhaba ayaa haatan deggan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal milatari ka fulisay gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Bakool.

La wareegista magaaladan ayaan keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, uuna is casilo maaxweyne Lafta-gareen.

Si kastaba, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay waxaana ka hor intii uusan u ambabixin dalka Kenya uu Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen u magacabaay inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha maamulkaas.

Dowladda oo go’aan cusub ka gaartay arrinta taliye Shub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dul qaaday ciidamadii ku haysay xabsi guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan (Shub).

Go’aanka dowladda ayaa imanaya kadib markii ay ku guuleysatay qorshihii maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana uu is-casilay Cabdicasiis Lafta-gareen oo uu madaxiisa u xirnaa.

Taliye Shub, oo sodog u ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa muddo toddobaad ah xabsi guri ugu jiray dowladda.

Mudadaas, Shub wuxuu ku sugnaa gudaha gurigiisa, iyadoo loo diiday inuu bannaanka u baxo ama uu la kulmo dad kale. Ciidamada ammaanka ayaa si toos ah ula wareegay mas’uuliyadda ilaalinta guriga, sidoo kale bixinta saadka iyo raashinka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo la xiriira taliyaha hore.

Tallaabadaas ayaa si adag loo cambaareeyay, iyadoo dowladda ka dhago adeygtay ka hadalka arrintaan, illaa ugu dambeyn ay ka dul qaaday ciidanka Taliye Shub kadib markii shalay ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Lafta-gareen ayaa baneeyay kursiga, isagoo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaana Ku-sime Madaxweyne ka ah maamulka Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen.

Si kastaba, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa hadda degan, iyadoo dowladda ay guda galeyso maamul u sameynta Koonfur Galbeed, iyadoo qorshuhu yahay in halkaas lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo si weyn uga soo horjeedaaan mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Itoobiya oo ku dhawaaqday saddex biyo-xireen oo cusub iyo Masar oo aad u careysan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku dhisayso saddex biyo-xireen oo cusub oo laga sameynayo webiga Blue Nile, arrintaas oo dhalisay caro xooggan oo ka taagan Masar, halkaas oo laga qabo cabsi ah in mashaariicdan ay sii kordhin doonaan biyo-yaraanta marka ay shaqo bilaabaan.

Addis Ababa ayaa horey u casuuntay shirkado leh khibrad la xaqiijiyay oo ku saabsan dhismaha biyo-xireennada inay soo gudbiyaan dalabyadooda qandaraas ee mashruucyadan cusub muddada soo socota.

Sida ay sheegtay dowladda Itoobiya, saddexdan biyo-xireen waxaa la dhisi doonaa muddo u dhexeysa afar illaa toddoba sano, waxaana la qorsheeyay inay dhammaantood si isku mar ah u bilaabaan howlgalka.

Mashruuc kasta wuxuu ku kacayaa $3.5 bilyan, iyadoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in saddexdan biyo-xireen ay xoojin doonaan awoodda biyaha iyo korontada dalka, isla markaana ay horumarin doonaan waaxda tamarta nadiifta ah, si waafaqsan qorshaha qaranka ee horumar dhaqaale oo waara.

Marka ay hawlgalaan, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in saddexdan mashruuc ay kordhin doonaan wax-soo-saarka korontada dalka boqolkiiba 20 illaa 25, ay hagaajin doonaan maaraynta biyaha Geeska Afrika, isla markaana ay kor u qaadi doonaan wax-soo-saarka warshadaha iyo beeraha.

Hase yeeshee, khubaro Masri ah ayaa ka digaya in isla mashaariicdan ay sii xumeyn doonaan dhibaatada biyo-yaraanta ee Masar, maadaama ay yareyn doonaan qulqulka biyaha Nile ee gaara dalalka hoose, taas oo sii hurin doonta xiisadda u dhexeysa Qaahira iyo Addis Ababa.

Cabbaas Sharaky, oo ah borofisar ku takhasusay khayraadka biyaha kana tirsan Jaamacadda Qaahira, ayaa ku tilmaamay qorshahan mid astaan u ah “isbeddel weyn” oo ku yimaada sida loo maamulayo biyaha Blue Nile.

“Biyo-xireennadan waxay si daran u kordhin doonaan biyo-yaraanta ka jirta Masar,” ayuu yiri Sharaky.

Isagoo la hadlayay warbaahinta The New Arab, wuxuu intaas ku daray in saddexdan biyo-xireen ee cusub ay si weyn u kordhin doonaan awoodda kaydinta biyaha ee Itoobiya, taas oo ugu dambeyn siin doonta dalkaas gacan ku hayn ballaaran oo ku saabsan sida biyaha Nile ugu qulqulayaan dalalka hoose.

“Marka laga soo tago inay yareynayaan biyaha webiga ee gaara Masar, saddexdan biyo-xireen waxay sidoo kale ka dhigi doonaan Biyo-xireenka Sare ee koonfurta Masar mid aan si buuxda koronto u dhalin karin,” ayuu yiri Sharaky.

“Taasina waxay horseedi doontaa hoos u dhac ku yimaada koronto-soo-saarka Masar iyo khasaare dhaqaale,” ayuu raaciyay.

Xilli aad u xasaasi ah

Masar horey ayay u ahayd dal ay biyo yari ka jirto, iyadoo saamigeeda sanadlaha ah ee biyaha Nile, oo ah isha ugu weyn ee biyaha macaan, uu daboolo keliya qayb ka mid ah baahideeda.

Qorshaha cusub ee Itoobiya ayaa imanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka kala dhexeeya Qaahira, iyadoo labada dhinac ay weli isku hayaan biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ah mashruuca koronto-dhalinta ee weyn ee Itoobiya ka sameysay Blue Nile.

GERD-ka, oo hadda shaqeynaya kadib in ka badan toban sano oo dhismo ah, ayaa xannibay xaddi badan oo biyo ah oo gaari lahaa Masar, taasoo khatar gelisay sahayda biyaha dalkaas, beerihiisa iyo hamigiisa horumarineed, waxayna dhalisay cambaareyn iyo eedeymo uga yimid Qaahira.

Masar, oo ku tiirsan webiga Nile boqolkiiba 98 baahideeda biyaha macaan, ayaa isku dayeysa inay la qabsato xaddidaadaha GERD-ku ku soo rogay biyaha webiga, iyadoo si weyn u maalgelisay sifeynta biyaha wasakhda ah, macaaneeynta biyaha badda, iyo xakameynta isticmaalka biyaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Masar waxay balaayiin dollar gelisay dhismaha xarumo sifeynaya biyaha wasakhda ah iyo kuwo biyaha badda ka dhigaya kuwo la cabbi karo, kuwaas oo laga hirgeliyay meelo kala duwan oo dalka ah.

Masar ayaa sidoo kale yareyneysa isticmaalka biyaha ee beeraha, iyadoo soo kordhineysa teknoolojiyado waraab oo casri ah, isla markaana dib u habeyn ku sameyneysa shabakadda kanaallada waraabka beeraha.

Khubaro ayaa sheegtay in tallaabooyinkaas ay qayb ahaan yareeyeen khasaaraha biyaha ka dhashay GERD, inkastoo baahida biyaha ee Masar ay sii kordheyso maadaama tirada dadka dalku ay si xawli ah u sii badaneyso.

“Tallaabooyinka ay dowladdu qaaday sanadihii la soo dhaafay waxay gacan ka geysteen dhimista saameynta biyo-xireenka,” ayuu The New Arab u sheegay khabiirka madaxa-bannaan ee biyaha Noureddine Abdelmonem.

Hase yeeshee, wuxuu walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay maarayn “hal dhinac ah” oo lagu sameeyo biyo-xireenka.

Sida uu sheegay, qaabkaas maamul wuxuu albaabka u furay sii-deyn aan la xakameynin oo lagu sameeyo biyaha webiga, taasoo dhibaatooyin ku keentay Masar iyo Suudaan, oo ay ku jiraan fatahaado iyo khasaare dhaqaale oo marar kala duwan dhacay sanadihii dhowaa.

Masar, oo sanad walba hesha 55.5 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah sida ku cad heshiiskii 1959, ayaa lumisay qiyaastii 38 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah intii la buuxinayay keydka GERD intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, sida ay sheegtay dowladda Masar.

Bishii Janaayo ee sanadkan, wasiirka waraabka iyo khayraadka biyaha ee Masar, Hani Sweillam, ayaa Itoobiya ka dalbaday magdhow ku saabsan khasaaraha biyahaas.

Wadahadallo aan miro dhalin

Xiisadda u dhexeysa Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan GERD waxay salka ku haysaa saameynta xooggan ee biyo-xireenka ku yeeshay biyaha Masar, waxa Masar ay ku tilmaamayso dhismaha hal dhinaca ah ee Itoobiya samaysay, buuxinta keydkiisa, iyo guul-darrada wadahadalladii labada dhinac ay ku gaari waayeen heshiis sharci oo ku saabsan habka loo maamulayo biyo-xireenka.

Ku dhowaad toban sano oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay Qaahira iyo Addis Ababa, kuwaas oo Khartoum ay sidoo kale qayb ka ahayd, wax natiijo ah ma dhalin, iyadoo Masar ay Itoobiya ku eedeysay inay waqtiga lumisay ilaa biyo-xireenku noqday xaqiiqo aan dib looga laaban karin.

Biyo-xireenkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay jiraan xiisado juqraafi-siyaasadeed oo adag oo u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa, iyadoo Masar ay Itoobiya ku eedeysay inay biyo-xireenka u adeegsaneyso kaar cadaadis oo ay ku kordhinayso saameynteeda gobolka, iyo aalad gorgortan oo ay ku raadineyso marin ay ku gaarto Badda Cas.

Masar ayaa si adag uga hortimid joogitaanka Itoobiya ee Badda Cas, iyadoo dadaalka Addis Ababa ay ku dooneyso inay saldhig badeed ka yeelato xeebaha Somaliland u aragto khatar toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda iyo marin-biyoodka Suweys.

Cabsida noocaas ah ayaa sii militareysay xiisadda ku saabsan GERD iyo damaca Itoobiya ee Badda Cas, iyadoo Masar ay ciidamo u dirtay Soomaaliya, isla markaana ay la gashay dalalka dariska la ah Itoobiya heshiisyo difaac wadajir ah iyo iskaashi militari.

Kormeerayaal ayaa sheegaya in heshiisyadan iyo is-afgaradyadan ay dhammaantood ujeedkoodu yahay waxa loo arko go’doomin Masar ay ku heyso Itoobiya, si loo xakameeyo hamigeeda Badda Cas loogana dhigo inay laba jeer ka fakarto ka hor inta aysan xannibin biyaha Nile ee gaara dalalka hoose.

Amani al-Taweel, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha Afrika kana tirsan golaha arrimaha dibadda ee Masar, ayaa sheegtay in Qaahira ay sare u qaadayso cadaadiska ay saareyso Itoobiya, iyada oo kordhineysa joogitaankeeda militari ee Geeska Afrika, isla markaana xoojinaysa xiriirrada ay la leedahay caasimadaha gobolka ee ku saabsan muranka biyo-xireenka Itoobiya iyo damaca Addis Ababa ee Badda Cas.

“Qaahira waxay labadan arrimood mowqifkeeda si cad ugu sheegtay Addis Ababa labadii sano ee la soo dhaafay,” ayay al-Taweel u sheegtay The New Arab.

“Sidaas darteed, Itoobiyaanku hadda si fiican ayay u ogyihiin jidka ay Masar mari doonto haddii danahaheeda aan si dhab ah loo tixgelin,” ayay raacisay.

Saddexdan biyo-xireen ee cusub, oo la sheegay in awooddooda wadajirka ah ay gaari doonto 5,700 megawatt, ayaa qayb ka ah waxa Itoobiya ku tilmaamayso qorshaheeda guud ee tamarta si looga faa’iideysto awoodda Blue Nile.

Addis Ababa waxay sidoo kale mashaariicdan ku qeexeysaa kuwo horumar qaran iyo yareynta saboolnimada lagu gaarayo, isla markaana kor loogu qaadayo tamarta nadiifta ah.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegaya in isla mashaariicdan ay sii adkeyn doonaan xaaladda Masar, iyagoo culeys dheeraad ah saaraya sahaydeeda biyaha, islamarkaana kordhinaya xiisadda kala dhexeysa dalkaas muddada soo socota.

“Masar marar badan ayay caddeysay inay kasoo horjeeddo dhismaha biyo-xireenno laga sameeyo webiga Nile iyadoo aan jirin heshiis sharci oo qasab ah,” ayuu yiri borofisar Sharaky.

“Laakiin dhibaatadu waxay tahay in Itoobiya ay webigan u aragto kheyraad qaran oo iyada u gaar ah, aragtidaas oo sii hurin doonta khilaafaadka kala dhexeeya dalalka kale ee ku yaalla wabiga Nile muddo dheer,” ayuu intaas ku daray.

DF Soomaaliya oo maamul cusub u magacowday gobolka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo maamul cusub loogu magacabaa gobolka Shabeellada Hoose.

Wareegtada wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdifitaax Sayid Axmed Cabdi loo magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellada Hoose, isaga oo xilkaas u qaban doona si ku-meel-gaar ah, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in magacaabistan ay timid kadib markii la qiimeeyay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka, isla markaana la arkay baahida loo qabo in la helo hoggaan maamul oo xoojiya maamulka iyo amniga gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, wareegtada wasaaradda ayaa lagu xusay in magacaabistan lagu saleeyay qodobka 43-aad ee sharciga gobollada iyo degmooyinka dalka ee Lr. 116, ee soo baxay 06/082013, kaasi oo awood u siinaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay maamul u magacowdo gobollada marka loo baahdo.

“Magacaabistan ayaa timid kadib markii la tixgeliyay baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka gobolka oo ah mid istiraatiiji ah, daris dhowna la ah caasimadda dalka ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya

Magacaabistan ayaa ku soo aaddeysa xilli saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa horey maamullo cusub ugu magacowday degmooyinka iyo gobollada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa in guddoomiyaha cusub ee Shabeellaha Hoose uu si degdeg ah ula wareego xilka, uuna guda-galo howsha u igmatay dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhaba iyo wafdi sare oo ku wajahan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ayaa maanta degan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib howlgal milatari oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helayay kuwa mucaaradka ee isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa awood milatari kula wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo, taas oo keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay ayaa ka hor intii uusan u ambabixin dalka Kenya waxa uu Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen u magacabaay inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in saraakiisha hay’adaha ammaanka ay haatan wadaan dadaallo lagu adkeynayo amniga, iyadoo kulan ay maanta yeesheen saraakiisha ammaanka, masuuliyiin heer federaal ah iyo maamulka gobolka diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Kulankaas ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo isku dayda inay fowdo iyo qalalaase ka abuurto Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo, si loo xaqiijiyo amniga, loona sugo kala dambeynta, xilli la filayo in isbeddel siyaasadeed oo ballaaran uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ciidanka Koofiya Gaduudka ee ilaaliya madaxda sare ee dalka ayaa gaaray Baydhabo, kuwaas oo sugaya ammaanka wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan magaaladaas.

Wafdigaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa la filayaa inay gaaraan Baydhabo, si ay uga qeyb qaataan shirar la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo deegaan-doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku wajahan Baydhabo, si ay uga arrinsadaan marxaladda kala guurka ah ee maamulka.

6 qodob oo jebiyay Lafta-gareen, horseedayna in DF si fudud ku qabsato Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda ula wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda oo markaas ka soo dhaqaaqay dhinaca Daynuunaay ayaa howlgal militari ku galay magaalada, iyaga oo qabsaday saldhigyo iyo xarumo muhiim ah, mana jirin difaac culus oo lagala hortagay markii ay gudaha u galeen Baydhabo.

Haddaba, su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ayaa ah sababta keentay in si fudud looga adkaado madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo muddo toddoba sano ah xukumayay maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana lahaa ciidan iyo maamul dhisan.

Caasimada Online oo si qoto dheer u daristay arrintan ayaa idiin soo gudbineysa 6 qodob oo door weyn ka qaatay isbeddelka degdegga ah ee ka dhacay Baydhabo.

Kala qeybsanaan bulsho

Kala qeybsanaan xooggan oo muddooyinkii dambe ka dhex jirtay shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa si weyn u wiiqday awooddii siyaasadeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu eedeeyay in uusan ku guuleysan mideynta bulshada iyo siyaasiyiinta, taas oo keentay in taageeradii uu haystay ay si weyn u yaraato.

Shalay, markii ay ciidamada dowladda gudaha u galeen Baydhabo, waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay shacab badan, taas oo muujineysa in isbeddel siyaasadeed ay qayb ka mid ah bulshada doonayeen. Dadka qaar ayaa caleemo qoyan ku soo dhaweeyay ciidamada, halka kuwo kalena ay muujinayeen taageero siyaasadeed oo cad.

Awoodda mucaaradka ee gudaha deegaanka

Mid ka mid ah arrimaha soo dedejiyay in laga adkaado hoggaanka Lafta-gareen ayaa ahaa in dagaalka ay qayb ka ahaayeen ciidamo maleeshiyaad ah oo taageersan siyaasiyiinta la safan Dowladda Federaalka, kuwaas oo si wanaagsan u yaqaannay deegaanka iyo gudaha magaalada.

Taageerada ciidamadan ayaa sahashay in ciidamada dowladda ay si degdeg ah ugu fidaan magaalada.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay hore ugu sugnaayeen deegaanno badan oo ku dhow Baydhabo, isla markaana ay door weyn ka qaateen jebinta difaacyadii yaraa ee yaallay waddooyinka soo gala magaalada. Tani waxay sahashay in ciidamada dowladda ay si fudud ku gaaraan bartamaha magaalada.

Qorshe la’aan difaac

Madaxweyne Lafta-gareen intii uu xukunka hayay ma uusan sameysan difaac ka fog magaalada Baydhabo, taas oo ah xeelad militari oo muhiim ah. Ciidamada dowladda ayaa maalin ka hor joogay Daynuunaay oo qiyaastii 30 KM u jirta Baydhabo, mana jirin difaac culus oo ka hor yimid intii ay ku sii jeedeen magaalada.

Falanqeeyayaal militari oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in haddii difaac adag laga sameyn lahaa deegaannada u dhexeeya Daynuunaay iyo Baydhabo, ay adkaan lahayd in ciidamada dowladda ay si degdeg ah ku gaaraan magaalada.

Tani waxay muujineysaa in maamulka Lafta-gareen uu ku guul-darreystay qorshe difaac oo istiraatiiji ah.

Taageerada cirka

Howlgalka dhulka ee ciidamada ayaa waxaa ku lamaanaa mid cirka ah, iyadoo la rumeysan yahay in Turkiga uu taageero militari siiyay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sii jeeday Baydhabo.

Intii uu socday howlgalka, diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka geystay goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab, taas oo sahashay in ciidamada ay si nabad ah ku dhaafaan deegaannadaas.

Tan ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee Turkiga si toos ah uga qayb qaato dagaal gudaha ah oo ka dhacaya magaalo ka tirsan Soomaaliya, taas oo muujineysa isbeddel cusub oo ku yimid siyaasadda arrimaha Soomaaliya.

Mowqifka Itoobiya ee xiisadda

Doorka Itoobiya ayaa kaalin weyn ka qaatay wixii shalay ka dhacay Baydhabo, maadaama ciidamo ka tirsan ay ku sugan yihiin magaalada. Itoobiya oo hore loogu tirin jiray dal si dhow ula shaqeeya maamulka Lafta-gareen ayaa markan muujisay dhexdhexaadnimo, iyada oo aan si toos ah uga qayb qaadan dagaalka.

Dhexdhexaadnimada Itoobiya ayaa la sheegay in ay dhabar jab weyn ku noqotay Lafta-gareen, maadaama uu hore ugu tiirsanaa taageerada ciidanka Itoobiya ee ku sugan Koonfur Galbeed.

Markii ay Itoobiya ka gaabsatay in ay dhinac la safato, waxaa si weyn u daciifay awooddii militari ee Lafta-gareen.

Muranka muddo-kororsi

Muranka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kororsi iyo doorasho la’aan lagu eedeeyay maamulka Lafta-gareen ayaa ka mid ah arrimaha soo dedejiyay guul-darrada hoggaankii maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ayaa muddooyinkii dambe ku eedeynayay Cabdicasiis Lafta-gareen inuu diiday in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Arrintan ayaa keentay cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, taas oo ugu dambeyn sababtay in siyaasiyiin badan iyo xildhibaanno ay ka hor yimaadaan maamulka Lafta-gareen, isla markaana taageeraan isbeddelka ka dhacay Baydhabo.

Isku soo wada duubo, isku darka kala qeybsanaanta siyaasadeed, taageerada maleeshiyaad deegaanka, istiraatiijiyad militari oo liidata, iyo doorarka dalal shisheeye ayaa la rumeysan yahay in ay sabab u noqdeen in si degdeg ah looga adkaado maamulka Lafta-gareen.

Si kastaba, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada xoogga dalka, iyadoo halkaasi ay gaari doonaan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo guda galo dhismaha maamulka cusub.

Daawo: R/W Xamza oo ku dhawaaqay in ay Koonfur Galbeed yeelanayso madax…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay la wareegista magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in Koonfur Galbeed ay cagta saartay waddada doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uusan jiri doonin aargoosi siyaasadeed, isla markaana aan cidna loo ogolaan doonin inay carqaladeyso ammaanka Baydhabo, oo haatan gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay yeelan doonaan madax aan lagu qasbin oo ay iyagu soo doortaan.

“Lama ogolaanayo, haba yaraatee wax qalalaase ah, kala aargoosi, qabyaaladayn iyo mushkilad kama dhici karto magaalada Baydhabo. Waxaana runtii dadka reer Koonfur Galbeed ugu bushaareynayaa inay yeelan doonaan madax aan lagu qasbin oo loo xulin, balse iyagu keensadaan oo doortaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale, wuxuu si cad u sheegay in aysan Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ka dhici doonin doorasho aan ahayn qof iyo cod, isagoo u quus gooyay siyaasiyiinta mucaaradka ee taageerada u muujiyay Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Waxaan uga digayaa cid kasta oo ku fikiraysa wax (doorasho qof iyo cod) ka duwan inaysan kusoo tala-gelin, meeshaas (Baydhabo) kama jiraan waxaas, kamana socon karaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa mucaaradka ee Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa shalay awood milatari kula wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen oo toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay, ayaa shalay intii uusan u duulin dalka Kenya u magacaabay Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiir Axmed oo ahaa wasiir si weyn ugu dhow Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hoggaaminaya Koonfur Galbeed illaa iyo inta xal kama dambeys ah laga helayo.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan guda galeysa maamul u sameynta Koonfur Galbeed, iyadoo qorshuhu yahay inay halkaas ka qabato doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo si weyn uga soo horjeedaan mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

War farxad leh oo ka cusub shidaal qodista Soomaaliya – Maxaa dhacaya bisha April?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa la filayaa inay dardar geliso howlaheeda baarista iyo qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya inta lagu jiro bisha April, taasoo ka dhigan wejigii ugu muhiimsanaa ee illaa hadda laga gaaro iskaashiga tamareed ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Howlgalka cusub ayaa la qorsheynayaa inuu billowdo dabayaaqada bishan April, markaas oo markabka qodista ee cusub ee lagu magacaabo Çağrı Bey uu ka howlgeli doono ceelka Curad-1 ee ku yaalla badda Soomaaliya. Ceelkan ayaa ka mid ah goobihii horey xogtooda juqraafiyeed u sahmiyey markabka cilmi-baarista seismic-ka ee Oruç Reis, kaasoo sanadkii hore ka shaqeeyey biyaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa Soomaaliya uga dhiga horumar cusub oo laga gaaray dadaallada lagu doonayo in dalka looga faa’iideeyo khayraadka shidaalka iyo gaaska ee ku jira baddeeda, kuwaas oo muddo dheer aan si dhab ah loo taaban sababo la xiriira amni darrada, caqabado farsamo iyo maalgelin la’aan.

Turkiga, dhankiisa, wuxuu arrintan u arkaa ballaarin rasmi ah oo uu ku sameynayo istaraatiijiyaddiisa tamareed, iyadoo markii ugu horreysay markab qodis oo Turkish ah laga howlgelinayo meel ka baxsan biyaha dalkaas. Ilaa hadda, howlgallada ugu waaweyn ee Ankara waxay inta badan ku koobnaayeen Badda Madow, halkaas oo ay ka wadday baaritaanno iyo qodis ballaaran oo lagu yareynayo ku tiirsanaanta shidaalka iyo gaaska dibadda laga soo dejiyo.

Markabka Çağrı Bey ayaa bishii February u ambabaxay Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu noqdo aaladda ugu weyn ee lagu tijaabinayo suurta-galnimada ganacsi ee keydka shidaal iyo gaas ee laga filayo aagagga horey loo sahmiyey. Tallaabadan ayaa sidoo kale xoojinaysa xiriirka sii qoto dheeraanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo iskaashiga tamarta uu hadda noqday tiir muhiim ah oo ka mid ah xiriirka labada dal.

Soomaaliya, haddii howlgalladan ay keenaan natiijo wax ku ool ah, waxay furi karaan fursad dhaqaale oo weyn oo dalka u horseedi karta maalgashi cusub, dakhli dheeraad ah iyo sare u qaadidda doorka ay ku leedahay khariidadda tamarta ee gobolka. Si kastaba, taasi waxay ku xirnaan doontaa waxa kasoo baxa qodista tijaabada ah ee hadda la bilaabayo.

Howlgalkan Soomaaliya ka dhacaya wuxuu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo Turkigu ku xoojinayo awooddiisa maraakiibta tamarta. Sanadkan gudihiisa, Ankara waxay kusoo dartay laba markab oo cusub oo qodis biyo-dheer ah, kuwaas oo kala ah Yıldırım iyo Çağrı Bey, taasoo ka dhigeysa in tirada maraakiibta qodista ee Turkigu ay gaarto lix.

Marka lagu daro maraakiibta sahminta seismic-ka, Turkiga ayaa hadda ka mid noqday dalalka ugu awoodda badan dunida dhinaca maraakiibta baarista iyo qodista tamarta badda. Dowladda Turkiga waxay sheegtay in kobacaas uu qeyb ka yahay qorshe ay ku dooneyso inay ku dhisto madax-bannaani tamareed oo weyn.

Inkasta oo Soomaaliya ay tahay wajiga cusub ee howlgalladan, haddana xudunta istaraatiijiyadda tamareed ee Turkiga weli waxay ku wareegsan tahay horumarinta keydka gaaska ee Sakarya ee Badda Madow. Halkaas ayaa sanadkii 2020 Turkigu ka sameeyey helitaankii ugu weynaa ee gaas dabiici ah taariikhdiisa, iyadoo la rumeysan yahay inuu keydkaasi gaarayo ku dhowaad 720 bilyan oo mitir kuyuubik.

Maraakiibta kale ee Turkiga sida Fatih, Yavuz, Kanuni iyo Abdülhamid Han ayaa weli sii wada howlgallada ka socda Badda Madow, halka maraakiibta sahminta sida Barbaros Hayreddin Paşa iyo Oruç Reis ay xogta juqraafiyeed ururiyaan ka hor inta aan qodis rasmi ah la bilaabin.

Doorka Oruç Reis ee Soomaaliya ayaa ahaa mid muhiim ah, maadaama xogta uu kasoo ururiyey badda Soomaaliya ay saldhig u noqotay wejigan cusub ee qodista. Taasi waxay ka dhigan tahay in howlgalka Curad-1 uusan ahayn mid ku billowday si kadis ah, balse uu yahay natiijada sahamin horudhac ah oo muddo socotay.

Bilaabashada qodista xeebaha Soomaaliya ayaa sidaas darteed noqon karta calaamad muujinaysa in iskaashiga Ankara iyo Muqdisho uu galay heer cusub oo ka baxsan dhinacyadii hore ee amniga, gargaarka iyo dhismaha hay’adaha.

Haddii natiijooyin muuqda kasoo baxaan, Soomaaliya waxay wajihi kartaa fursad cusub oo ku saabsan ka faa’iideysiga khayraadka ku jira baddeeda, halka Turkiguna uu sii ballaarinayo saameyntiisa tamareed ee ka baxsan xuduudihiisa.

Trump oo ka baxaya dagaalka Iiraan, kana quustay Hormuuz

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay la-taliyayaashiisa inuu diyaar u yahay inuu soo afjaro ololaha militari ee ka socda Iran, xitaa haddii marin-biyoodka Hormuz uu weli inta badan xiran yahay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka, waxaa sidaas ku warramay The Wall Street Journal.

Go’aankaas ayaa la rumeysan yahay inuu Iran u ogolaan karo inay sii haysato gacan-ku-heynta marin-biyoodkaasi, halka howlgalka adag ee dib loogu furayana dib loogu dhigayo waqti dambe.

Saraakiishaasi waxay sheegeen in maalmihii u dambeeyay Trump iyo kooxdiisu ay qiimeeyeen in hawlgal lagu jebiyo xanibaadda marin-biyoodka uu dagaalka ka dheereyn karo waqtiga uu madaxweynuhu u asteeyay, oo ahaa afar illaa lix toddobaad.

Sidaas darteed, Trump ayaa go’aansaday in Mareykanku diiradda saaro yoolalka ugu waaweyn ee hadda horyalla, oo ay ka mid yihiin wiiqidda awoodda ciidamada badda Iran iyo kaydkeeda gantaallada, kadibna la soo afjaro dagaalka socda iyadoo Tehran lagu cadaadinayo waddo diblomaasiyadeed si ay dib ugu fasaxdo isu socodka ganacsiga.

Haddii dadaalladaas fashilmaan, Washington waxay qorsheyneysaa inay xulafadeeda Yurub iyo dalalka Khaliijka ku riixdo inay hoggaanka u qabtaan howlgalka dib loogu furayo marinka Hormuz, sida ay sheegeen mas’uuliyiintaas. Waxay intaas ku dareen in weli ay jiraan xulashooyin militari oo madaxweynuhu qaadan karo, balse aysan haatan ahayn mudnaantiisa koowaad.

Bilihii la soo dhaafay, Trump ayaa hadallo kala duwan oo mararka qaar is khilaafaya ka jeediyay sida loo wajahayo arrinta Hormuz. Mararka qaar wuxuu ku hanjabay in la duqeyn doono kaabeyaasha tamarta ee rayidka haddii marinka aan dib loo furin muddo cayiman gudaheed. Marar kale, wuxuu yareeyay muhiimadda marinkaasi u leeyahay Mareykanka, isaga oo sheegay in xirnaanshihiisu uu dhibaato ku yahay dalal kale, ayna tahay iyaga waxa ay tahay inay xalliyaan.

Xirnaanshaha sii dheeraada ee marin-biyoodka Hormuz ayaa culays sii saaraya dhaqaalaha caalamka, isla markaana sare u qaadaya qiimaha shidaalka. Dalal badan, oo ay ku jiraan xulafada Mareykanka, ayaa wajahaya saameyn ka dhalatay hoos u dhaca tamartii si caadi ah uga gudbi jirtay marinkaasi. Waxaa sidoo kale dhibaato la kulmaya warshado ku tiirsan agab sida bacriminta beeraha iyo helium-ka loo isticmaalo sameynta chips-ka kombiyuutarada.

Falanqeeyayaal ayaa qaba in haddii aan si dhaqso leh loo soo celin marinnada ammaanka leh, Tehran ay sii wadi doonto inay halis geliso ganacsiga caalamka ilaa Mareykanka iyo xulafadiisu ay gaaraan heshiis ama ay si qasab ah ku soo afjaraan qalalaasaha.

Suzanne Maloney, oo ah khabiir ku takhasustay Iran kana tirsan hay’adda Brookings Institution ee Washington, ayaa ku tilmaantay “mas’uuliyad darro aad u weyn” in howlgalka militari la joojiyo iyadoo marinka Hormuz uusan weli furmin.

Inkasta oo Trump horey ugu hanjabay inuu dib u furi doono marinka, isaga iyo la-taliyayaashiisu waxay ku doodayaan in Hormuz uu aad uga muhiimsan yahay dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya marka loo eego Mareykanka, iyagoo sheegay inuusan ahayn marin muhiim u ah baahida tamareed ee Mareykanka.

Saraakiisha sare ee Washington ayaa toddobaadyo ku mashquulsanaa inay xulafada iyo saaxiibbada ku cadaadiyaan inay diyaariyaan wada-hadallo ama qorsheyaal amni si loo hubiyo in shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dunida ay mar kale si ammaan ah uga gudbi karaan marinka.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa Isniintii wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in Mareykanka ama koox dalal ah oo wadajir u shaqeynaya ay mustaqbalka galbin karaan maraakiibta shidaalka. Hase yeeshee, hadalkiisa lagama dheehan wax degdeg ah oo ku saabsan in marin-biyoodka isla markiiba dib loo furo.

“Suuqa waxaa ku filan sahay, waxaana maalin kasta sii badanaya maraakiibta gudbaya, iyadoo dalal gaar gaar ah ay si ku meel gaar ah heshiisyo ula galayaan nidaamka Iran,” ayuu yiri Bessent. “Laakiin mustaqbalka, Mareykanka ayaa dib u hanan doona gacan-ku-heynta marin-biyoodkan, waxaana jiri doona xorriyadda isu socodka badda, ha noqoto galbin Mareykan ah ama galbin caalami ah.”

Bishan gudaheeda, ku dhowaad 40 dal oo ay ku jiraan Britain, Faransiiska iyo Canada ayaa ballan qaaday inay “diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dadaallada ku habboon ee lagu xaqiijinayo marin ammaan ah oo laga helo Hormuz”.

Sida ay sheegtay Hay’adda Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka, qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka dunida ayaa mara marin-biyoodka Hormuz, halka sanadkii 2024 ay 84 boqolkiiba shidaalka cayriin iyo 83 boqolkiiba gaaska dareeraha ah ee marinkaasi laga dhoofiyay ay ku wajahnaayeen suuqyada Aasiya.

Xakameynta adag ee Iran ku haysato marin-biyoodka ayaa sare u qaaday qiimaha shidaalka, iyadoo qiimaha saliidda ee Mareykanka ay Isniintii ku xirmatay wax ka badan $100 fuustadii, waana markii ugu horreysay tan iyo 2022. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha maaliyadda ayaa xitaa saadaaliyay in qiimuhu gaari karo $200 fuustadii haddii dagaalku sii wado carqalad joogto ah oo ku timaada marin-biyoodka.

Trump oo damacsan qorshe bahdil weyn ku ah dalalka Carabta kadib dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu daneynayo inuu dalalka Carabta ugu yeero inay bixiyaan qeyb ka mid ah kharashka dagaalka Iran, xilli maamulka Washington uu sidoo kale sheegay in wada-hadallada Tehran ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ay weli socdaan, isla markaana ay si wanaagsan ku socdaan.

Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa hadalkan sheegtay xilli shir jaraa’id lagu weydiiyay in dalalka Carabta ay diyaar u noqon karaan inay ka qeyb qaataan maalgelinta dagaalka. Waxay sheegtay in inkasta oo aysan ka hormari karin waxa Trump si rasmi ah uga dhawaaqi doono, haddana ay tani tahay fikrad uu madaxweynuhu qabo.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay arrin uu madaxweynuhu aad u daneynayo inuu ugu yeero inay sameeyaan,” ayay tiri Leavitt. “Waa fikrad aan ogahay inuu qabo, waxaanan u maleynayaa inaad wax badan ka maqli doontaan mustaqbalka dhow.”

Leavitt ayaa sidoo kale sheegtay in hadallada Iran ay si fagaare ah u jeediso ay ka duwan yihiin fariimaha ay si hoose ugu gudbiso saraakiisha Mareykanka. Sida ay sheegtay, Tehran waxay si gaar ah ugu raacday qaar ka mid ah qodobada Washington, inkasta oo hadalladeeda dadweynaha ay weli yihiin kuwo adag.

“Inkastoo hadallada adag ee nidaamku si fagaare ah u jeedinayo iyo wararka khaldan ee la baahinayo, wada-hadalladu way socdaan, si fiicanna way u socdaan. Waxa si shaacsan loo sheegayo aad buu uga duwan yahay waxa si gaar ah naloola wadaagayo,” ayay tiri.

Hadalka Aqalka Cad ayaa yimid saacado kadib markii Trump uu markale uga digay Iran in haddii aysan furin marin-biyoodka Hormuz, la burburin doono xarumaheeda tamarta iyo ceelasha shidaalka. Digniintaas ayaa timid kadib markii Tehran ay soo jeedimaha nabadeed ee Mareykanka ku tilmaantay kuwo aan macquul ahayn, isla markaana ay gantaallo ku weerartay Israel.

Trump ayaa Axaddii sheegay in waxa uu ku tilmaamay “isbeddel nidaam” uu durba ka dhacay Iran, isaga oo ku andacooday in hoggaankii hore si weyn loo burburiyay, halka dadka hadda lala macaamilayo ay yihiin koox cusub oo ka duwan kuwii hore.

“Waxaan durba aragnay isbeddel nidaam, haddii aad eegto, sababtoo ah nidaamkii hore waa la baabi’iyay, waa la dumiyay, dhammaantood way dhinteen. Nidaamkii xigay intiisa badan waa dhintay. Kan saddexaadna, waxaan la macaamilaynaa dad ka duwan cid kasta oo hore loola macaamilay,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Aniga taas waxaan u arkaa isbeddel nidaam, run ahaantiina waxay ahaayeen kuwo aad u macquul ah.”

Si kastaba, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa muujiyay taxaddar ka badan kan Trump. Wareysi uu bixiyay Isniintii, ayuu ku sheegay in inkasta oo ay war wanaagsan noqon lahayd haddii Iran ay yeelato hoggaan cusub oo leh aragti ka macquulsan mustaqbalka, haddana Mareykanka ay tahay inuu isu diyaariyo suurta-galnimada in taasi aysan dhicin.

Markii Leavitt la weydiiyay sida Washington ay u hubin doonto in heshiis lala galo cid awood u leh inay dhaqan-geliso, waxay sheegtay in wax kasta oo Iran si hoose ugu ballanqaaddo Mareykanka la tijaabin doono, islamarkaana Tehran lala xisaabtami doono.

“Haddii aysan sidaas yeelin, madaxweynuhu horay ayuu u sheegay cawaaqibta militari ee nidaamka Iran uu wajihi doono haddii aysan ka dhabeyn hadallada aan si gaar ah uga maqlayno daaha gadaashiisa,” ayay tiri.

Hadalka cusub ee kasoo baxay Aqalka Cad ayaa muujinaya in maamulka Trump uu isku mar wado cadaadis militari iyo dadaal diblomaasiyadeed, balse soo jeedinta ah in dalalka Carabta laga qeybgeliyo kharashka dagaalka ayaa durba dhalin karta dood cusub oo ku saabsan cidda bixin doonta qiimaha colaaddan iyo sida ay taasi u saameyn karto xisaabta siyaasadeed ee gobolka.

Wasiir Jaamac oo shaaciyay marxaladda xigta xil ka tuurista Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Nuur Jaamac oo ka hadlay guusha siyaasadeed ee dowladda ka gaartay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si weyn usoo dhaweeyay in ciidamada xoogga la wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wasiirka oo kamid ahaa mas’uuliyiintii safka hore uga jiray dagaalka Cabdicasiis Lafta-gareen, horena u shaaciyay in Isniinta la weerarayo Baydhabo ayaa sheegay in maanta reer Koonfur Galbeed iska siibeen “tiitiinkii caqabadda ku ahaa dhammaan arrimaha dowlad-dhiska iyo horumarka bulshada. ”

“Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo go’aan geesinimo leh ka qaatay in shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed laga dulqaado dulmigii iyo caddaalad darridii muddada dheer lagu hayay,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa shaaciyay in wixii maanta ka dambeeya loo gudbayo dhismaha maamul dimoqraadi ah oo loo dhan yahay, taas oo ka dhigan in maamulka Koonfur Galbeed u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, oo ah hanaan uu si weyn ugu dhagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan shacabka ugu bushaareynayaa in aan cidna la dhibaateyn doonin; ciidan, siyaasi, shacab iyo ganacsade midna, aargoosina uusan jiri doonin. Halkii laga abuuri lahaa kala aargoosi, waxaan horseedi doonnaa midnimo, walaaltinimo, wadajir iyo isku duubni.”

Hoos ka aqriso qoraalka Wasiir Jaamac oo dhameystiran:

Bismillaah.

Marka ugu horreysa, waxaan u mahadcelinayaa Allah (SWT) oo nagu galladeystay nimcooyinkiisa, kana dhigay in maanta la gaaro guushan taariikhiga ah.

Waxaan sidoo kale mahad ballaaran u jeedinayaa madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo go’aan geesinimo leh ka qaatay in shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed laga dulqaado dulmigii iyo caddaalad darridii muddada dheer lagu hayay.

Mar kale, waxaan mahad gaar ah u haynaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo si geesinimo, naf-hurnimo iyo waddaniyad leh usoo afjaray khawaarijtii iyo kooxdii khawaarij-kalkaalka aheyd ee uu horjoogaha u ahaa Laftagareen; kuwaas oo muddo dheer dhib iyo cabsi ku hayay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa shacabka Koonfur Galbeed oo si dareen leh usoo dhaweeyey dowladdooda, maalin kastana ku taamayey in laga dulqaado dhibaatadii, dulmigii iyo caburintii lagu hayay.

Sidaan horay idiinku sheegay, maanta waxaan iska siibnay tiitiinkii naloo beeray ee caqabadda ku ahaa dhammaan arrimaha dowlad-dhiska iyo horumarka bulshada.

Wixii maanta ka dambeeya, waxaan u gudbaynaa dhismaha maamul dimoqraadi ah, loo dhan yahay, ku dhisan caddaalad, hufnaan iyo isla xisaabtan; maamul dhowra xuquuqda shacabka, dhiirrigeliya nabadda, hormariya adeegyada bulshada, fura fursadaha dhalinyarada, taageera ganacsiga, isla markaana ka fog dulmi, eex iyo musuqmaasuq.

Waxaan shacabka ugu bushaareynayaa in aan cidna la dhibaateyn doonin; ciidan, siyaasi, shacab iyo ganacsade midna, aargoosina uusan jiri doonin. Halkii laga abuuri lahaa kala aargoosi, waxaan horseedi doonnaa midnimo, walaaltinimo, wadajir iyo isku duubni.

Waxaan meesha ka saarnay nidaam dulmi waday, waxaana yimid nidaam cusub oo ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar.

DF oo war kasoo saartay guusha Baydhabo, una dhigtay si cajiib ah howl-galka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay guusha siyaasadeed ee ay ka gaartay hoggaankii Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in magaalada Baydhabo ay la wareegeen shacabka ka dhiidhiyay xad-gudubyada maamulkii hore.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida oo ka jawaabaya rabitaanka shacabka, ay qaadeen howl-galka maanta lagula wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Ciidamada Qalabka Sida oo mas’uuliyaddooda koowaad ay tahay ilaalinta, midnimada, xasiloonida iyo dowladnimada ayaa isla maanta gaarey magaalada Baydhabo iyagoo ka jawaabaya rabitaanka shacabka si ay u gutaan waajibaadka loo igmadey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay waxgaradka iyo shacabka reer Koonfur Galbeed ee sida diiran u soo dhoweeyay ciidamada qalabka sida, iyadoo ugu baaqday qeybaha kala duwan ee bulshada reer Koonfuur Galbeed, inay muujiyaan degganaan, midnimo iyo wadajir xilligan xasaasiga ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay u dhan yihiin shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfuur Galbeed, hase ahaatee waxaa nasiib darro ah in tallaabooyinkaasi wanaagsan uu ka hor yimid maamulkii hore ee KG oo ku kacay falal abuuray xiisado siyaasadeed.

Haddaba, shacabka reer Koonfur Galbeed oo ka dhiidhiyay xadgudubyada maamulkii hore ayaa ugu dambeyn maanta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Baydhabo oo ah Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Haddaba, Ciidamada Qalabka Sida oo mas’uuliyaddooda koowaad ay tahay ilaalinta, midnimada, xasiloonida iyo dowladnimada ayaa isla maanta gaarey magaalada Baydhabo iyagoo ka jawaabaya rabitaanka shacabka si ay u gutaan waajibaadka loo igmadey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa waxgaradka iyo shacabka reer Koonfur Galbeed ee sida diiran u soo dhoweeyay Ciidamada Qalabka Sida.

Waxay ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada reer Koonfuur Galbeed, inay muujiyaan degganaan, midnimo iyo wadajir, xilligan xasaasiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Koonfuur Galbeed sida ay uga go’an tahay Ilaalinta xasiloonida, bedqabka shacabka iyo hantidooda, isla markaana aysan jiri doonin falal beegsi iyo aargudasho ah.

====DHAMMAAD===

Lafta-gareen oo tiray qoraalkii is-casilaadda iyo Golaha Mustaqbalka oo ka hadlay dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo saacado ka hor shaaciyay inuu is-casilay ayaa hadda boggiisa Facebook ka tiray qoraalkii is-casilaadda, xilli uu haatan ku sugan yahay dalka Kenya, kadib markii uu galabta diyaarad ka raacay magaalada Baydhabo.

Tallaabadan ayaa durba waxaa ka dhashay hadal-hayn iyo su’aallo la xiriira go’aanka cusub ee Lafta-gareen, xilli uu maanta intii uusan u bixin magaalada Nairobi u magacaabay Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha.

Lafta-gareen oo markii hore isku haleynayay kooxaha mucaaradka Dowladda Federaalka oo u muujiyay garab istaag, ayaa maanta ka badin waayay cambaareyn markii uu dhacay dagaalka Baydhabo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag ugu cambaareeyay dagaalka Dowladda Federaalka ku qaaday magaalada Baydhabo.

Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu si deg-deg ah u joojiyo xiisadda dagaal, uuna dib ugu soo laabto wada-hadal siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka ku-meelgaarka ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyo dagaalka uu ku qaaday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yirii war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, golaha wuxuu si cad u muujiyay in mas’uuliyadda wixii ka dhasha dagaalka ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha iyo cid kasta oo ka qayb qaadata fulinta ama taageeridda tallaabooyinka sharci darrada ah, sida lagu sheegay qoraalka Golaha Mustaqbalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) wuxuu si adag u cambaaraynayaa dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qaaday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Goluhu wuxuu si cad u muujinayaa in masuuliyadda wixii ka dhasha dagaalkan, oo ay ku jiraan dhiig-daadasho, burbur hantiyeed, iyo xadgudubyo bani’aadantinimo oo sii xumaada in ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha iyo cid kasta oo ka qaybqaadata fulinta ama taageeridda tallaabooyinka sharci darrada ah.

Sida oo kale, Golaha wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in xadgudubyada ka dhasha dagaalkan ay sababi karaan falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadanka, kuwaas oo gaari kara heer dambiyo dagaal, isla markaana leh masuuliyad shaqsiyeed oo laga qaadi karo heer qaran iyo mid caalami ah.

Haddaba, iyadoo la tixgelinayo xaaladdan adag ee dalku marayo, sida abaaraha, dhaqaale xumada, iyo halisaha amni ee ka imanaya kooxaha argagixisada, waxa uu Goluhu ku baaqayaa:

1. In Madaxweyne Xasan Sheekh, si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyo dagaalka uu ku qaaday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed

2. In si buuxda loo ilaaliyo sharcabka rayidka ah, hantidooda iyo hay’adaha dawliga ah

3. In dib loogu laabto wadahadal siyaasadeed oo ku salaysan Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo dastuurka dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambayntii, Golaha wuxuu ku adkaynayaa Madaxweynaha in uu ka waantoobo tallaabo kasta oo hurin karta colaado sokeeye, isla markaana dib u dhiga geeddi-socodka dawlad-dhiska, midnimada qaranka, iyo xasiloonida dalka.

—Dhamaad—

Wasiir u dhowaa Lafta-gareen oo laga dhigay sii-hayaha madaxweynaha K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen oo ahaa wasiir si weyn ugu dhow Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa haatan noqonaya ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen oo todoba sanno kadib ku baxay sidii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay ayaa intii uusan u bixin dalka Kenya u magacaabay Wasiir Axmed inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha.

“Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30 March, 2026 waxaa uu Madaxweynaha DKGS u magacaabay M.ne Ahmed Mohammed Hussein ahna Wasiirka Maaliyadda in uu noqdo Ku-sima Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed,” ayuu Lafta-gareen ku yiri wareegto Madaxweyne oo uu soo saaray ka hor inta uusan ka dhoofan Baydhabo, balse goordhow la baahiyay.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Wasiir Axmed uu xilkaan sii haynayo illaa iyo xal kama dambeys ah laga helayo.

Lafta-gareen ayaa go’aankan u qaatay si uusan u dhicin firaaq dastuuri ah. “Markuu tixgeliyay xaaladda cakiran iyo qalalaasaha ka jiro deegaanka guud ahaan, iyo hubanti la’aanta ka jirta Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu saaray xeerkan madaxweyne ee ku saabsan ku-sime Madaxweyne.”

Cabdicasiis Lafta-gareen oo wajahay cadaadis militari iyo mid siyaasadeed xooggan oo kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii go’aansaday inuu baneeyo xilka maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Lafta-gareen ayaa maanta lagaga adkaaday magaalada Baydhabo, taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee uu ka arriminayay. Horey, ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ula wareegay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee maamulka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay markii hore dooneysay in Lafta-gareen la keeno Muqdisho, balse ugu dambeyn waxaa la isku raacay inuu u duulo Nairobi, isla markaana ay guda gasho maamul u sameynta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ay gaaraan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku dhawaaqay inuu is-casilay, kana dhoofay Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha maamulka, isagoo diyaarad ka raacay garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka tanaasulay dib-u-doorashadii uu maalmo ka hor ku qabsaday Baydhabo, kadib cadaadis militari iyo mid siyaasadeed oo xooggan oo kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ujeedo: Is-Casilaad: Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 March 2026 waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta-gareen oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo la filayo inuu ku sii nagaado, kadib markii uu gebi ahaanba lumiyay gacan ku haynta magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in bixitaanka Lafta-gareen uu yimid kadib wada-hadallo saacado qaatay oo u dhexeeyay isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo ugu dambeyn ku heshiiyay inuu si nabad ah ku wareejiyo maamulka.

Lafta-gareen ayaa maanta lagaga adkaaday magaalada Baydhabo, taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee uu ka arriminayay. Horey, ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ula wareegay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee maamulka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay markii hore dooneysay in Lafta-gareen la keeno Muqdisho, balse ugu dambeyn waxaa la isku raacay inuu u duulo Nairobi, isla markaana ay guda gasho maamul u sameynta Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay magacowdo hoggaan ku-meel-gaar ah oo maamula Koonfur Galbeed, iyadoo magaalada Baydhabo ay haatan si buuxda u maamulayaan ciidamada dowladda.

R/W Xamza oo magacaabay boosaskii ay baneeyeen wasiiradii la saftay Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu ku magacaabayo boosaskii ay hore iskaga casileen wasiirro ku-xigeenno la saftay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Xilalka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah saddex wasiir ku-xigeen, kuwaas oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaalla xukuumadda, isla markaana gudanaya waajibka dastuuriga ah iyo talada Madaxweynaha Soomaaliya, uu magacaabay wasiir ku-xigeennada cusub ee kala ah:

  1. Xasan Maxamed Cali ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  2. Nadiifa Aadam Isaaq ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
  3. Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa u rajeeyay xubnaha cusub inay xilalkooda u gutaan si hufnaan, karti iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana ay mudnaan siiyaan danta guud iyo horumarinta adeegyada ay Xukuumadda Dan-Qaran u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Magacaabistan ayaa imanaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay si buuxda ula wareegto gacan ku haynta Baydhabo, oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

Wasiirro ka tirsan Koonfur Galbeed oo isu soo dhiibay DF

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa isu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib dagaallo culus iyo isbeddel deg-deg ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubnahan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Isxaaq Fanax iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Nuur Siidow Baaba, kuwaas oo la sheegay inay la xiriireen saraakiisha Dowladda Federaalka, kadib markii ciidamadu la wareegeen qeybo badan oo kamid ah magaalada Baydhabo.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan mucaaradka ay si buuxda isugu fidiyeen inta badan xaafadaha magaalada, halka maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan golihiisa ay weli ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada, halkaas oo uu uga socdo shir ay uga arrinsanayaan xaaladda taagan.

Is-dhiibidda wasiirradan ayaa timid kadib cadaadis militari iyo mid siyaasadeed oo saarnaa maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale la sheegayo in xubno kale oo ka tirsan maamulka ay iyaguna qorsheynayaan inay isu dhiibaan Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa hore u xaqiijisay in ciidankeeda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib dagaal ay la galeen ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen laga saaray magaalada, isla markaana haatan ay socdaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Baydhabo.

Si kastaba, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda siyaasadeed iyo midda militari ee ka taagan magaaladaas.

Lafta-gareen iyo siyaasiyiin taabacsan oo shir uga socdo madaxtooyada Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta taabacsan ayaa haatan shir uga socda xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa imanaya xilli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhabo kadib dagaallo culus oo saacadihii u dambeeyay ka dhacay halkaas.

Qeybo muhiim ah oo kamid ah magaalada waxaa la wareegay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa la baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo haatan isku fidinaya inta badan gudaha magaalada, sida uu xaqiijiyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Saadaad Maxamed Nuur oo ku sugan gudaha Baydhabo.

Saacado ka hor ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ciidankeeda si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib dagaal ay la galeen ciidamada taabacsan madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen laga saaray magaalada, isla markaana haatan ay socdaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Baydhabo.

“Saraakiisha amniga ayaa ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka wadaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib markii magaalada laga saaray maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Federaalka.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay fureen waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo hore ay u go’doomisay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda siyaasadeed iyo midda militari ee ka taagan magaaladaas.