25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Cirro oo maanta sameeyey arrin cabsi xooggan muujineysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta si ka duwan sidii looga bartay hoggaamiyeyaashii ka horreeyay uga qeyb-galay munaasabadda 18-ka May oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Cirro oo khudbad u jeediyay shacabka ayaa la arkayay isagoo ka dhex muuqanaya muraayad gaashaaman oo xabbaddu karin. Muuqaalka munaasabadda ayaa muujinayay heer sare oo amni ah, iyadoo si weyn loo xaddiday dhaq-dhaqaaqa warbaahinta iyo shacabka ka qeyb-galayay dabaal-degga.

Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa loo asteeyay goobo cayiman oo aysan ka gudbi karin. Sidoo kale, goobta uu khudbadda ka jeedinayay Cirro waxaa ku hareeraysnaa ciidamo si gaar ah u sugayay ammaankiisa, kuwaas oo watay hub culus iyo gaadiid dagaal, halka sidoo kale la sameeyay xariiqyo amni oo looga hortagayay in shacabka ay u dhowaadaan mas’uuliyiinta sare.

Dadka ka qeyb-galay munaasabadda ayaa lagu amray inay joogaan meelo gaar ah oo loo asteeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaq kasta oo ka dhacayay fagaaraha xafladda.

Saraakiisha sida gaarka ah ugu xilsaaran ilaalinta madaxweynaha Somaliland ayaa iyaguna si weyn uga taxaddarayay in loo dhowaado Cirro, kaas oo hore loogu yaqiinay inuu si dhow ula falgalo shacabka marka uu ka qeyb-galayo munaasabadaha waaweyn.

Isbeddelka cusub ee lagu arkay hannaanka amniga Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadal-heyn badan dhaliyay, maadaama aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay adkeynta heerkan gaarsiisan ee dhinaca nabadgelyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa jirtay cabsi amni oo laga qabay in lagu beegsado dabaal-degga 18-ka May, maadaama dhawaan falal amni-darro, oo dilalku ka mid yihiin ay ka dhacayeen magaalada Hargeysa. Madaxtooyada iyo laamaha ammaanka ayaa ka hortagayay in madaxda sare ay noqdaan bartilmaameed furan.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay xiriir la sameysay Israa’iil, taas oo iyadu sheegtay inay maamulkan u aqoonsatay dal madax-bannaan, waana mid ka mid ah isbeddellada lagu sameeyay amniga madaxweyne Cirro.

DF iyo Turkiga oo yeeshay wada-hadal xasaasi ah, xilli DF ay sheegtay inay jiraan kooxo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş oo uu wehliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan iyo saraakiil sar-sare.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardar-gelinta howlaha socda, gaar ahaan tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyay doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib u dhiska ciidamada.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta Turkiga ee la-dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo guulaha wadajirka ah ee laga gaaray iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay jiraan kooxo cadow ku ah dowlad-dhiska Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay dhibsanayaan xiriirka sii xoogeysanaya iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxaa uu xusay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaadanayo xasillinta dalka iyo kor u qaadista awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

Yaxaaskii la dilay: Casharka qarsoon ee siyaasadda maanta iyo joogitaanka Xasan

Siyaasadda Soomaaliya maanta ma aha meel lagu tijaabiyo dareen iyo nacayb, balse waa meel u baahan go’aan miyir leh iyo aragti fog. Inkasta oo ay jiraan mucaarad si weyn uga soo horjeeda hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana waxaa muuqata in aysan lahayn qorshe midaysan oo ka baxsan hal shay oo ah in xilka laga tuuro madaxweynaha.

Taasi waxay dhalinaysaa su’aal halis ah: Ma dalka ayaa la badbaadinayaa, mise waxaa la furayaa albaab horseedi kara jahwareer siyaasadeed oo ka daran midka hadda jira? Si loo fahmo macnaha arrintan, aan dib ugu laabanno sheeko xambaarsan xikmad qoto dheer.

Beri ayaa waxaa jirtay tuulo ay ku noolaayeen beeraley iyo xoolo-dhaqato, kuwaas oo si weyn ugu tiirsanaa webi ay biyaha ka cabbaan, xoolahana ka waraabiyaan. Webigaas waxaa ku noolaa yaxaas aad u weyn oo mararka qaar dadka iyo xoolahaba cuni jiray. Cabsi joogto ah ayaa hareysay tuulada, noloshii caadiga ahaydna waxay gashay qalqal.

Markii dhibaatadu cirka isku shareertay, waxgaradkii tuulada ayaa shir isugu yimid si ay xal uga gaaraan. Qaar waxay soo jeediyeen in yaxaaska la dilo, halka qaar kalena ay ku doodeen in gebi ahaanba laga guuro tuulada. Intii dooddu socotay, waxaa halkaas joogay nin marti ah oo la oran jiray Baxaar Cali, kaas oo soo jeediyay aragti ka duwan kuwii kale. Wuxuu yiri:

“Ma ka fikirteen waxa ka dhalan kara haddii aad dishaan? Mararka qaar, hal khatar oo la yaqaan ayaa ka roon khataro badan oo aan la ogeyn.”

Ugu dambeyn, dadkii tuulada waxay isku raaceen xal dhexdhexaad ah: in yaxaaska maalin kasta loo qoondeeyo hal neef oo lo’ ah si uu uga haro dadka. Go’aankaas wuxuu keenay xasillooni, dadkiina waxay heleen nabad ay ku noolaadaan, inkasta oo ay bixiyeen qurbaan joogto ah.

Muddo kadib, dadkii waxay ka daaleen bixinta lo’da maalin kasta. Waxay mar kale isugu yimaadeen shir, iyaga oo go’aansaday in la dilo yaxaaska si ay uga baxaan culayskaas. Iyaga oo aan si qoto dheer uga fiirsan cawaaqibka, ayay tallaabadaas qaadeen, yaxaaskiina waa la dilay.

Laakiin wixii xigay ayaa noqday musiibo ka weyn tii hore. Muddo yar gudaheed, tuulada waxaa soo weeraray yaxaasyo badan oo aad uga halis badnaa kii hore. Waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u cunaan dadka iyo xoolaha. Khasaaro weyn ayaa dhacay, cabsi cusub oo ka daran tii hore ayaana timid. Dadkii tuulada waxay garteen khaladkooda, balse goor dambe ayay ahayd.

Ugu dambeyn, tuuladii waa laga guuray. Sheekadan waxay si cad u muujinaysaa in mararka qaar go’aan degdeg ah oo lagu doonayo xal sahlan uu keeni karo dhibaato ka weyn midda la xallinayay. Halista la yaqaan mararka qaar waxay ka fudud tahay mid aan la garanayn.

Marka loo soo celiyo xaaladda maanta, haddii aan la helin aragti midaysan iyo qorshe cad oo lagu maareeyo mustaqbalka dalka, waxaa dhici karta in meesha laga saaro hal hoggaan oo jira, balse ay soo baxaan hoggaanno badan oo aan la xakameyn karin, mid walbana dano gaar ah wata. Sidaas darteed, dood kasta oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed waa in ay ka weynaataa qof iyo nacayb, una gudubtaa qorshe iyo aragti midaysan.

Ugu dambeyn, casharka yaxaasku wuxuu ina barayaa in hoggaan jira, haddii la dhaliilo, mararka qaar uu bulshada ka badbaadin karo khataro ka weyn kuwa muuqda. Go’aannada siyaasadeedna waa in lagu saleeyaa faham qoto dheer, si looga fogaado khaladaad keeni kara cawaaqib aan laga soo kaban karin.

W/Q: Cabdiraxmaan Muxiyaddin Cali

Maxkamadda Sare ee dalka oo beenisay sheegashadii guddiga doorashada ee K/G

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in weli aan loo soo gudbin natiijada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacay Koonfur Galbeed, xilli guddiga doorashada uu shaaciyay inuu sugayo go’aanka Maxkamadda.

Warqadda kasoo baxday Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii Koonfur Galbeed oo loo soo gudbiyay, si ay go’aan uga gaarto, taas oo meesha ka saartay hadalka kasoo yeeray guddiga maamulaya doorashooyinka.

“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in illaa iyo hadda aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyay Maxkamadda Sare,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Goor sii horreysay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in dib loo dhigo doorashada Koonfur Galbeed, sababa la xiriira sugitaanka go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay ingudbiyay dacwad ku saabsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinkii dhacay, inkastoo ay maxkamaddu beenisay warkaasi.

“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in illaa iyo hadda,= aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Maxkamadda Sare,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “GMDQS wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga, hufnaanta iyo dhammeystirka habraacyada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka”.

Doorashada Koonfur Galbeed oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa ku loolamayo xisbiyo siyaasadeed, waxaana kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu u sharraxan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

DF waa in ay sharraxaad ka dalbataa xushmad-darradii safiirka EU ee madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ay Xasan Sheekh Maxamuud ugu xustay qoraalkeeda iyadoo aan adeegsan cinwaankiisa madaxweyne, wuxuu dhaliyay su’aalo culus oo ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda, xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Qoraalka ay daabacday ayay ku sheegtay in Xasan Sheekh uu uga warbixiyay aragtidiisa ku saabsan wada-hadalladii siyaasadeed ee dhowaan dhacay, isla markaana ay la hadashay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxay intaas ku dartay in labada dhinac ay weli u furan yihiin wada-hadal, isla markaana Soomaalidu ay iyagu go’aansan doonaan heshiiskooda siyaasadeed.

Farriintu waxay u muuqatay mid taageeraysa wada-hadal. Laakiin ka tagista cinwaanka madaxweyne ee Xasan Sheekh waxay ahayd arrin muuqata, maadaama ay ku soo beegantay xilli muran siyaasadeed uu ka taagan yahay muddo-xileedka madaxweynaha, dib-u-habeynta doorashooyinka iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ka timid safiir ku sugan Muqdisho, oo ku shaqeysa heshiisyo diblomaasiyadeed oo ay la leedahay dowladda Soomaaliya, isla markaana si joogto ah ula macaamisha dowladda federaalka iyo Villa Somalia.

Hab-maamuuska diblomaasiyadda

Ereyada diblomaasiyadda badanaa ma aha wax iska dhaca.

Cinwaannadu waxay leeyihiin miisaan siyaasadeed iyo mid dastuur, gaar ahaan dalalka jilicsan ee hadallada diblomaasiyiinta shisheeye si dhow looga akhriyo farriimo la xiriira aqoonsi, cadaadis ama dhex-dhexaadnimo.

Xasan Sheekh iyo Deni isku heer dastuur ma aha. Xasan Sheekh waa madaxa Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu gacanta ku hayaa hay’adaha federaalka ee Muqdisho, wuxuuna Soomaaliya ku metelaa fagaarayaasha caalamiga ah.

Deni waa madaxweynaha maamulka Puntland, oo ah dowlad goboleed federaal ah, sidoo kalena waa siyaasi miisaan ku leh khilaafka hadda taagan. Labadooduba muhiim ayay u yihiin xal siyaasadeed oo la gaaro. Laakiin ma hayaan laba xil oo isku heer ah.

Cinwaanka “Madaxweyne” ma aha sharaf shakhsi ah oo loo sameynayo Xasan Sheekh. Waa aqoonsiga xafiiska federaalka ee Soomaaliya ku maamusho arrimaheeda gudaha iyo xiriirkeeda caalamiga ah.

Safiir laga aqoonsan yahay Soomaaliya, Villa Somalia ulama macaamisho sidii hal dhinac oo ka mid ah kooxo is haya. Waxay ula macaamishaa sidii xarunta madaxtooyada federaalka iyo hay’adda uu ku dhisan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya.

Taasi kama hor istaageyso diblomaasiyiinta inay la hadlaan Puntland, mucaaradka ama daneeyayaasha kale. Laakiin xiriirkaas waa inuusan tirtirin farqiga hab-maamuus ee u dhexeeya madaxa qaranka iyo aktarrada kale ee siyaasadda.

Sharci iyo awood dhab ah

Xilka Xasan Sheekh wuxuu ku taagan yahay laba arrimood: sharciyad iyo awood dhab ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay isbeddello dastuuri ah oo muddada xilka hay’adaha federaalka ka dhigay shan sano halkii ay markii hore ahayd afar sano. Sida ku cad qaabkaas, muddada hay’adaha federaalka ee hadda jirta waxay soconeysaa illaa 2027.

Taas waxay Xasan Sheekh ka dhigeysaa madaxweyne ku jooga nidaamka sharci ee ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mucaaradka way diidi karaan aragtidaas. Puntland way ka hor imaan kartaa. Siyaasiyiintu way dood ka keeni karaan. Laakiin ma aha shaqada safiir shisheeye inay qoraal baraha bulshada ah ku go’aamiso sharciyadda hannaanka dastuuriga ah ee Soomaaliya.

Su’aashaas waxaa iska leh Soomaalida iyo hay’adaha Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh sidoo kale wuxuu weli awood ku leeyahay Villa Somalia. Wuxuu hoggaamiyaa dowladda federaalka, wuxuu qaabilaa danjirayaasha, wuxuu amraa hay’adaha federaalka, wuxuuna Soomaaliya ku metelaa kulamada caalamiga ah.

Sidaas darteed, waa madaxweyne sharci ahaan iyo awood ahaanba. Xaqiiqadaas waa inay ka muuqataa luuqadda diblomaasiyadda.

Isbeddel muuqda

Arrintu waxay sii xoogeysaneysaa marka la eego in Di Mauro ay horey u adeegsatay cinwaankaas.

Qoraal ay bishii February daabacday, waxay ku soo dhoweysay wada-hadallo siyaasadeed oo ay sheegtay inay ka billowdeen qado uu “martigeliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.” Kadib waxay si gaar ah u xustay Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ereyadaas waxay muujinayeen faham cad oo ku saabsan hab-maamuuska. Xasan Sheekh waxaa loo soo bandhigay madaxweynaha federaalka ee martigeliyay wada-hadallada, halka siyaasiyiinta kale loo muujiyay ka-qaybgalayaal.

Sidaas darteed, go’aankeeda dambe ee ah inay ka tagto cinwaanka madaxweyne si fudud looguma fasiri karo qoraal baraha bulshada ah oo iska dhacay.

Waxay dhacday kadib markii muranka muddo-xileedka uu noqday mid aad u kulul. Taas ayaa ereyadeeda siisay macne siyaasadeed oo aan horey u jirin.

Joogteynta diblomaasiyadda

Waxaa suuragal ah in Midowga Yurub uu doonayo inuu ka fogaado muuqaal ah inuu dhinac ka raacayo muranka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya. Laakiin dhex-dhexaadnimadu macnaheedu ma aha in la abuuro isbarbardhig khaldan.

Di Mauro waxay ka shaqeysaa Muqdisho. Waxay la kulantaa madaxda dowladda federaalka. Waxay tagtaa Villa Somalia. Shaqadeeda diblomaasiyadeed waxay ku suuragashaa maadaama dowladda Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, ay siisay booska ay ku shaqeyso.

Haddii Midowga Yurub uu dowladda federaalka u aqoonsan yahay heer uu kula shaqeynayo, kula xaajoonayo, kuna shaqeynayo oggolaanshaheeda, danjirihiisu waa inuu ixtiraamaa xafiiska ay dowladdaas ku metesho.

Tani macnaheedu ma aha in Midowga Yurub uu siyaasad ahaan taageero Xasan Sheekh. Waxay ka dhigan tahay in xiriirka diblomaasiyadeed uu ahaado mid isku xiran oo aan is burin.

Safiir ma adeegsan karto dowladda si ay ugu hesho marin diblomaasiyadeed, isla markaana si dadban madaxeeda ugu soo bandhigto hal dhinac oo ka mid ah kooxo is haya.

Dalbasho sharraxaad

Villa Somalia iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa inay arrintan u wajahaan sidii arrin hab-maamuus ah, ee aysan ka dhigin iska horimaad dadweyne.

Tallaabada ugu habboon waxay tahay in wafdiga Midowga Yurub laga dalbado sharraxaad rasmi ah oo ku saabsan in ka tagista cinwaanka madaxweyne ay ahayd qalad, qoraal aan si fiican loo miisaamin, ama isbeddel diblomaasiyadeed oo ula kac ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda sidoo kale waa inay xusuusisaa safaaradaha shisheeye in xiriirka ay la leeyihiin daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya uu waafaqsanaado kala sarreynta dastuuriga ah ee dowladda.

Taasi kama hor istaageyso safiirrada inay la kulmaan Deni, Axmed Madoobe, Shariif ama xubno kale oo mucaarad ah. Sidoo kale kama hor istaageyso inay taageeraan wada-hadal loo dhan yahay.

Laakiin safaaradaha Soomaaliya loo aqoonsan yahay waa inay kala saaraan madaxtooyada federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ama siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Midowga Yurub wuxuu xaq u leeyahay inuu dhiirrigeliyo wada-hadal, ka-qaybgal iyo heshiis siyaasadeed oo dimuqraadi ah. Laakiin waa inuusan taas ku sameyn hab wiiqaya hab-maamuuska dastuuriga ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya uma baahna diblomaasiyiin shisheeye oo u doorta hoggaamiyayaasheeda.

Sidoo kale uma baahna in la qariyo ama la khaldo xafiisyada ay ku dhisan tahay aqoonsiga dowladdeeda.

Salaad Cali Jeelle oo jawaab kulul siiyay Fahad + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Jabuuti, Amba. Salaad Cali Jeelle oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa jawaab siiyay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo dhawaan shaaciyay in lagu dili rabay dalkaas oo horay loogu xannibay, xilligii uu ka tirsanaa dowladdii Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in ujeedka loogu xayiray garoonka Jabuuti uu ahaa in la dilo, kadibna la tuuro maydkiisa, isaga oo shirqoolkaas ku eedeeyay Ra’iisul wasaare hore Maxamed Xuseen Roobe iyo dalal Carbeed oo uusan carab baabin.

“Markii leygu xannibaayay Jabuuti waxa ay ahayd mu aamarad uu hogaan u ahaa Ra’isul Wasaarihii xiligaas Maxamed Xuseen Rooble iyo Taliyihii Booliska Jabuuti ee markaas xilka haayay, waxaa amarka bixiya Rooble oo ka shaqeynaayay in ley khaarijiyo kadibna meedkeyga dalalkaas kale lagu tuuro, mashruucaanna waxaa qarash ku bixinaayay qolyo Carab ah, qorshaha ugu wayna waxa ay ahayd in aan Xamar imaanin, waxaana ley daba socday arintii Ikraan Tahliil,” ayuu yiri wareysiga ku yiri Fahad Yaasiin.

Danjire Salaad Cali Jeelle oo wax laga waydiiyay arrintaas ayaa beeniyay eedda Fahad Yaasiin, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti aysan ka suurtoobin dilka qof Soomaali ah.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Fahad uu xanaaq ka keenay hadalkaas, balse aysan waxba ka jirin, sida uu ku caddeeyay wareysiga uu bixiyay.

“Xanaaq ayaa ka keenay in Fahad Yaasin uu yiraahdo dowlada Jabuuti ayaa i dili rabtay, suuragalna ma aha in dowlada Jabuuti ay disho qof Soomaali ah,” ayuu yiri Danjire Salaad Cali Jeelle.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Lama dhihi karo waqti badan ayaa broblem-kaas jiray wax walba oo looga dan lahaana iyo ujeedada laga lahaaba inta aan laga sal gaarin ayaa la xaliyay”.

Ugu dambeyn, Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn u bogaadiyay dowladda iyo shacabka Jabuuti oo uu tilmaamay in mar walba ay ixtiraam u muujiyaan dowladda Soomaaliyeed, ayna yihiin walaal dhab oo la’isku halleyn karo.

Doorashada K/Galbeed oo la hakiyay iyo sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in la hakiyay doorashada guddoonka iyo mida madaxweynaha Koonfur Galbeed ee la filayay  inay dhacdo 18-ka May 2026.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo dhigo doorashada, sababa la xiriira in guddiga uu sugayo go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo gudbiyay dacwad ku saabsan ansixinta natiijooyinka doorashada.

Guddiga ayaa qoraalka ku caddeeyay in marka uu helo natiijada Maxkamadda ay sii wadi doonaan howlaha doorashooyinka, si loo dhammeystiro.

“Marka uu guddigu helo jawaabta Maxkamadda Sare, GMDQS wuxuu diyaar u yahay fulinta waajibaadka ku xusan qodobka 67aad, farqaddiisa 2aad ee sharciga doorashooyinka, gaar ahaan iclaaminta jadwalka dhaarinta xubnaha la doortay iyo sii guda gelidda howlaha doorashooyinka guddoonka Golaha iyo hoggaamiyaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu guddigu shaaciyay inay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo hufnaanta doorashada, si loogu kalsoonaado natiijada.

“GMDQS wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga, hufnaanta iyo dhammeystirka habraacyada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Doorashada Koonfur Galbeed oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa ku loolamayo xisbiyo siyaasadeed, waxaana kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu u sharraxan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Si kastaba ha’ahaatee, Hakinta doorashada guud ee Koonfur Galbeed ayaa imaaneysa xilli ay Soomaaliya wajahaysa xiisado siyaasadeed iyo muran la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka .

Screenshot

DF oo garab istaag wayn u muujisay Sacuudiga kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa si xooggan u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la qabtay, lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerarkaas ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay aad uga xun tahay isku deyga weerarka arbushaada ah ee la doonayay in laga fuliyo gudaha dalkaasi.

“Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageeradeeda dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, bayaanka ayaa intaas kusii daray in Dowladda Federaalka ay adkeyneyso in laga hortago weerarrada noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah, si loo wiiqo amniga iyo xasiloonida wadajirka ee gobolka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeyneysaa in weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira gobolka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan, sidoo kale la ixtiraamo sharciga caalamiga ah, iyada oo la xoojinayo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Maamullada degmooyinka Gobolka iyo hay’adaha amniga oo heegan la geliyay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa adkeeyay amniga magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah habeenkii loo howlgaliyay hay’adaha ammaanka ee u xilsaaran caasimada.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeeray demooyinka Yaashiid iyo Warta Nabadda ayaa sheegay inu ujeedka uu ahaa sugida amiga, isaga oo u mahadceliyay mas’uuliyiinta maamullada labada degmo iyo ciidanka amniga.

Yabooh ayaa shaaca ka qaaday in kormeerkiisa uu la xiriiray kulan dhawaan caasimada oo lagu go’aamiyay in heegan la geliyo hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, si ay uga hortagaan wax kasta oo liddi ku ah ammaanka.

“Caawa waxaan kormeer ku sameyneynay amniga Muqdisho waxaan soo marnay aniga iyo mas’uuliyiinta labada degmo iyo hay’adaha amniga degmada Yaaqshiid iyo degmada Warta Nabadda waxaan tegnay xaafadaha dhexdooda kormeerkan wuxuu ahaa mid ka dhashay habeen dhaweyd shir ay yeesheen hay’adaha ammaanka oo lagu soo saaray jadwal loogu talagalay in heegan la geliyo degmooyinka oo habeenkii ay shaqeeyaan ujeedadu waxaa waayay in dadka laga war qabo amnigoodana laga war qabo ,” ayu yiri Yabooh.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, maadaama ay bulshadu qayb ka tahay sugidda amniga caasimada.

“Bulshada waa la sheekeysanay aad iyo aad ayay u faraxsan yihiin waxayn ku faraxsan yihiin ammaanka magaalada Muqdisho iyo hormarka ka socda,” ayuu sii raaciyay.

Adekeynta amniga caasimada ayaa looga gol-leeyahay ka hortaga amni darrada iyo in la qalqaliyo xasiloonida haatan ka jirta dalka.

Cirro oo guul wayn ka sheegay xuska 18-ka May ee Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay sanad guurada 35-aad ee kasoo wareegatay aas aaskooda ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan horumarka ay ku tallaabsadeen.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa guul wayn oo ku aadan aqoonsiga ka sheegay munaasabadda, isaga oo ku faanay in xuska sanadkan uu kusoo aaday, iyada oo la aqoonsan yahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa farxad gaar ah innoo ah in maanta uu yahay xuskii koowaad ee aynu xuseyno 18-ka May, iyada oo aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsan yahay,” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay dal cusub oo usoo kordhay qowmiyadda Soomaaliyeed, ayna ka shaqeyn doonaan horumarka iyo qarannimadooda.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kasoo baxday dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal mas’uul ah, nabad ah, sharci iyo dimuquraadiyad ay ka jirto xuduudihiisana la yaqaano”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray Ururka Midowga Afrika, isaga oo uu ugu baaqay in ay iska daayaan dalalka iyo dowladana aan is qaadan kadin, sida uu ku dooday.

“Waxaan ugu baaqayaa dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in wax laga barto cawaaqib xumada ka dhalata isku tolida iyo isku qasbida dalal iyo dowlado aan is raaci karin,” ayuu kusii daray khudbaddiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay ay Somaliland ictiraaf uga heshay Israa’iil oo sidoo kale safiir usoo magacowday magaalada Hargeysa,].

Safiirkii hore ee Turkiga oo soo jeediyey 10 qodob oo xal u ah xiisadda Soomaaliya

Soomaaliya waxay gashay xilli siyaasadeed oo khatar ah, kana maran hubanti, kadib markii uu dhammaaday muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15-kii bishan May. Madaxweynaha ayaa ku doodaya in wax-ka-beddelkii lagu sameeyay dastuurka uu muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka ku kordhiyay ilaa shan sano, hase yeeshee, kooxaha mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadda ayaa si weyn uga horyimid fasiraaddaas.

Nasiib-darro, dalku wuxuu galay marxalad cusub oo aan la saadaalin karin cawaaqibkeeda, waxaana jirta baahi degdeg ah oo loo qabo in la helo wada-hadal, is-xakameyn iyo tanaasul, si looga baaqsado xasilooni-darro ama isku-dhac ka dhasha xaaladdan.

Anigoo niyadda ku haya inaan gacan ka gaysto xal nabadeed oo ay Soomaalidu hoggaamineyso, waxaan isku soo dubariday talo-soo-jeedintan soo socota oo ka kooban 10 qodob si looga fiirsado:

1- Dowladda Federaalka iyo saamileyda mucaaradku waa inay isku waafaqaan magacaabista Ra’iisul Wasaare madax-bannaan, kaas oo aan isku soo taagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha ee soo socota.

2- Ra’iisul Wasaaruhu waa inuu soo dhisaa xukuumad loo dhan yahay, taas oo loo xil-saarayo maareynta arrimaha dowladda iyo u diyaarinta dalka doorashooyin, iyadoo loo marayo wada-tashi siyaasadeed oo ballaaran iyo wadar-ogol.

3- Waa in la dhiso guddi doorasho oo madax-bannaan oo ay isku raacsan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee ugu waaweyn, si loogu diyaar-garoobo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo qabashada doorashooyin guud oo dalka ka dhaca.

4- Soomaaliya waa inay u guurtaa nidaamka doorasho toos ah ee qof iyo cod, iyadoo dhammaan diyaar-garowga dhinacyada siyaasadda, sharciga iyo amniga si wadajir ah la iskugu raacayo.

5- Waa in la dajiyo jadwal doorasho oo la isku raacsan yahay, laguna dhaqangeliyo hannaan daah-furan.

6- Kadib marka la soo geba-gebeeyo doorashooyinka baarlamaanka, Baarlamaanka Federaalka ee cusub waa inuu doortaa Madaxweynaha, iyadoo la raacayo geeddi-socodka dastuuriga ah.

7- Hay’adaha cusub ee la doortay waa inay sii wadaan shaqada dhameystirka iyo ansixinta dastuurka, iyagoo adeegsanaya wada-tashi qaran oo ballaaran iyo wadar-ogol.

8- Dhammaan dhinacyadu waa inay ka fogaadaan qaadashada go’aamo hal dhinac ah, hadallo xanaf leh oo kicin kara bulshada, ama dhaqdhaqaaq kasta oo kordhin kara xiisadda kana hor imaanaya xasiloonida qaranka.

9- Saaxiibada Soomaaliya iyo beesha caalamku waa inay dhiirigeliyaan wada-hadal, tanaasul, dhowrista nidaamka dastuuriga ah, iyo in la gaaro xal siyaasadeed oo nabdoon oo ay Soomaalidu leedahay.

10- Soomaaliya waxay labaatankii sano ee la soo dhaafay gaartay horumar muhiim ah, inkastoo ay jireen caqabado baaxad leh. Horumarkaas waa in lagu ilaaliyaa xikmad, tanaasul, iyo siyaasad loo dhan yahay.

W/Q: Dr. C. Kâni Torun
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Mareykanka oo Imaaraadka Carabta ku riixaya in ay qabsadaan Jasiiradda Lavan

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhiiragelinaya inay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Iiraan, ayna qabsato mid ka mid ah jasiiradaha istaraatiijiga ah ee Tehran ay ku leedahay Gacanka, sida uu baahiyay wargeyska The Telegraph.

Qaar ka mid ah shakhsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in Imaaraadku uu qabsado jasiiradda Lavan, taas oo horraantii bishii Abriil ay Imaaraadku ku garaaceen duqeymo qarsoodi ah, sida uu wargeyska u xaqiijiyay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa dhanka amniga ee maamulka Trump.

“Orda oo qabsada!” ayuu yiri sarkaalkan. “Waxay noqon doontaa ciidamo Imaaraati ah oo dhulka ka hawlgalaya beddelkii ay ahaan lahaayeen ciidamo Mareykan ah.”

Dhiirigelintan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan xoggo muujinaya sida uu Imaaraadku ugu milmayo dagaalkan 12-ka toddobaad socda, iyo xiriirka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Israa’iil.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dagaalka iyo duqeymaha culus ee Iiraan ay ku garaacayso dalkan Gacanka dhaca ay dedejinayaan isbeddel weyn oo ku yimaada loollanka awoodeed ee Bariga Dhexe, taas oo gobolka u kala qaybinaysa isbaheysiyo iska soo horjeeda.

Imaaraadka ayaa dusha u ritay khasaaraha ugu weyn ee aargoosiga Tehran tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku ay bilaabeen duqeymaha Iiraan dabayaaqadii bishii Febraayo. Wajahidda in ka badan 2,800 oo isugu jira gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), ayaa Imaaraadka u noqotay xaalad argagax leh oo lagu tilmaamay mid la mid ah “dhacdadii 11-kii September”, taas oo ku khasabtay boqortooyada inay dib u qiimeyso nidaamkeeda difaaca, isbaheysiyadeeda, iyo booska ay kaga jirto dunida.

Natiijada arrintan ka dhalatay ayaa noqotay in Imaaraadku uu sii laba-laabo xiriirka uu la leeyahay Mareykanka iyo Israa’iil, xilli uu wajahayo xiriir sii xumaanaya oo kala dhexeeya dalalka deriska ah, gaar ahaan Sacuudi Carabiya. Dagaalku wuxuu sii kala fogeeyay xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi, beddelkii uu isku soo dhaweyn lahaa dalalkan xafiiltama ee halista guud wajahaya. Sidoo kale, horraantii bishan May ayuu Imaaraadku go’aansaday inuu isaga baxo dalladda dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC oo uu Sacuudigu awoodda ku leeyahay.

“Mar kasta oo ay xaaladdani sii daba-dheeraato, waa mar kasta oo ay helaan waqti badan oo ay kaga fikiraan booskooda adduunka iyo kan ay ku leeyihiin Gacanka – waa kuma saaxiib, kumase ayaan ahayn,” ayay tiri Barbara Leaf, oo horay safiir uga ahayd Imaaraadka, kana warrantay wargeyska New York Times. “Waxay hadda wax walba u arkaan si aad u cad, in la yahay cadow ama saaxiib.”

Sida warbixinnadu xaqiijinayaan, Madaxweynaha Imaaraadka ayaa bilowgii dagaalka ka codsaday Sacuudiga iyo Qatar inay ku soo biiraan weerarro aargoosi ah oo laga qaado Iiraan, balse waa lagu gacan-seyray dalabkiisa.

Taas kadib, horraantii bishii Abriil, Imaaraadka ayaa si gooni ah u beegsaday bartilmaameedyo dhowr ah oo Iiraan leedahay oo ay ku jirto jasiiradda Lavan, in kastoo xukuumadda Abu Dhabi aysan weli si rasmi ah u qiran. Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tebisay in Sacuudigu isna dhankiisa uu duqeymo tiro badan ku qaaday Iiraan dabayaaqadii bishii Maarso.

Dhanka kale, xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil oo si rasmi ah loo caadiyeeyay sanadkii 2020-kii (Abraham Accords), ayaa si weyn u hanaqaaday intii uu dagaalku socday, xitaa iyadoo dalalka kale ee Gacanku ay cabsi darteed is-fogeeyeen. Waxaa soo baxday in Israa’iil ay Imaaraadka siisay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome si uu uga hortago duqeymaha Iiraan. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu booqasho qarsoodi ah ku tagay dalkaas bishii Maarso, uuna la soo gaaray “horumar wax-ku-ool ah”, in kastoo Abu Dhabi ay beenisay in booqashadaasi ay dhacday.

Kaddib xogahan is-daba-joogga ah, Iiraan ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday in Imaaraadku uu yahay “saaxiib firfircoon oo qayb ka ah daandaansigan, shakkina uusan ku jirin arrintaas.”

Imaaraadka ayaa dhankiisa si adag uga jawaabay, isagoo ku gacan-seyray wax uu ugu yeeray “isku-dayga Iiraan ay ku caddaynayso weerarradeeda argagixiso.” Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in dalkiisu xaq u leeyahay “dhammaan xuquuqdiisa madax-bannaanida, sharciga, diblomaasiyadda iyo milaterigaba, si uu u wajaho halis kasta, sheegasho ama fal kasta oo cadowtinimo.”

Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si caro leh uga falceliyay tallaabadii uu maanta qaaday safiirka cusub ee Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad, kaas oo tegay xarunta Villa Soomaaliya oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Safiirka ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha kadib munaabad ballaaran oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo sheegay in Danjire Dubbad looga baahnaa inuu sugo Madaxweynaha sharciga, isaga oo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud uu ka dhammaaday muddo xileedka.

“Safiirka walaalaha Djibouti, walaalkay Danjire Col. Cusmaan Dubbad, waxay aheyd in uu sugo Madaxweynaha sharciga ah ee soo socda. Xasan Sh waa madaxweynihii hore ee dalka, mana lahan awood sharci ah oo 15-ka May kaddib uu ku go’aamin karo xariiro dublamaasiyadeed, kuna qaadan karo go’aamo masiiri ah,’ ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dhammaan safiirradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay ixtiraamaan shuruucda dalka, gaar ahaan dastuurka kumeel gaarka ah.

“Dalalka saaxiibada ah iyo kuwa kalaba waa in ay ixtiraamaan dastuurka iyo dowladnimadeena,” ayuu kusii daray qoraalkiisa.

Si kastaba, Tallaabooyinkan uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay dhowr safiir oo kala duwan ayaa dhaawac ku ah mowqifka mucaaradka, gaar ahaan dooddooda ku aadan in Xasan Sheekh aan wixii ka dambeeya 15-ka May loo aqoonsan karin madaxweynaha xilka haya. Hase yeeshee, kulamadan ayaa wiiqaya dadaalkaas, maadaama ay muujinayaan in waddamo kamid ah kuwa ugu saameynta badan Soomaaliya aysan weli ka fogaan Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh oo weli sii wada kulamada uu la yeelanyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta  qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub, iyadoo lagu jiro xilli adag oo xasaasi ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ayaa isku afgartay in la sii wado iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, mashaariicda horumarined iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka uu Ururka Midowga Yurub doorka ka qaato mashaariicda horumarineed iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda mudnaanta u leh qaranka.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in ay ka go’an tahay sii wadista wada shaqaynta dhow iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, amniga, iyo dowlad-wanaagga Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo uu haatan wado Madaxweynaha Soomaaliya oo wajahaya marxalad siyaasadeed oo adag, maadaama ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray kooxaha mucaaradka oo haatan ku doodayo inuu dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa shalay qaabilay safiirka Turkiga Alper Aktaş, wuxuu sidoo kale maanta waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle

Tallaabooyinkan ayaa dhaawac ku ah mowqifka mucaaradka, gaar ahaan dooddooda ku aadan in Xasan Sheekh aan wixii ka dambeeya 15-ka May loo aqoonsan karin madaxweynaha xilka haya. Hase yeeshee, kulamadan ayaa wiiqaya dadaalkaas, maadaama ay muujinayaan in waddamo kamid ah kuwa ugu saameynta badan Soomaaliya aysan weli ka fogaan Villa Somalia.

Maxay yihiin heshiisyada waa wayn ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku meel-mariyay siyaasad qaran oo muhiim ah iyo heshiisyo lala soo galay dowladaha Sacuudiga iyo Turkiga oo kamid ah saaxibada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasadaha, heshiisyada iyo xeer-nidaamiyayaasha la ansixiyay ay muhiim u yihiin horumarka Qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna kala yihiin:-

1- Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya

2- Xeer-Nidaamiyaha Dib-u-Howlgalinta iyo Mideynta Hannaanka Ceymiska Bulshada ee Qaranka Soomaaliyeed

3- Heshiiska u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan dhiirrigalinta iyo ilaalinta is-dhaafsiga Maalgashiyada.

4- Cusboonaysiinta heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan Waxbarashada.

5- Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kae, Golaha Wasiiradda, ayaa isla maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Mudane Maxamed Rabiic Yuusuf oo noqonaya Safiir Ku-xigeenka Ergada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay in loo dalacsiiyo darajada Safiir, wuxuunna noqonayaa Safiirka labaad ee Soomaaliya u fadhiya halkaas.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii qof iyo codka ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo kaalintii ay ka qaadatay Warbaahinta Qaranka iyo warbixin la xiriirta wadahaladii laga galay arrimaha doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hormuudka ka ahaa.

Xasan oo farriin siyaasadeed u diray mucaaradka kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farriin culus oo siyaasadeed u diray xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladdiisa, kuwaas oo ku doodaya inuu ka dhamaaday muddo xileedkii 4-ta sano ahaa ee 15-ka May, 2026, haseyeeshee Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu ku egyahay marka la gaaro 15-ka May 202, sida uu dhigayo dastuurka cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Jabuuti Col. Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa sameeyay bandhig wayn, iyada oo Villa Somalia ay baahisay muuqaal qurux badan iyo munaasabad heerkeedu sarreeyo oo safiirka loogu sameeyay xarunta madaxtooyada.

Ujeedka munaasabadda ayaa ahaa mid uu madaxweynaha warqadaha aqoonsiga danjirenimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo dhawaan yimid Muqdisho.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhankiisa, Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Shalay ayuu sidoo kale madaxweynuhu qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş, iyadoo xilliga uu dhacay kulanka uu aha amid siyaasad ahaan muhiim ah. Türkiye ma aha dal xiriir caadi ah la leh Soomaaliya, waa mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Muqdisho, waxayna door weyn ku leedahay amniga, tababarka ciidamada, kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo, iskaashiga badda iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Tallaabooyinkan ayaa dhaawac ku ah mowqifka mucaaradka, gaar ahaan dooddooda ku aadan in Xasan Sheekh aan wixii ka dambeeya 15-ka May loo aqoonsan karin madaxweynaha xilka haya. Hase yeeshee, kulamadan ayaa wiiqaya dadaalkaas, maadaama ay muujinayaan in waddamo kamid ah kuwa ugu saameynta badan Soomaaliya aysan weli ka fogaan Villa Somalia.

Golaha Wasiirada DF oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah xilli mucaaradka ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa uga hadlay qorshaha hirgelinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo golaha ka-hor jeedisay qorshaha lagu hirgalinayo dastuurka, muddada iyo farsamada, ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay hirgelinta dastuurka dalka, kaasi oo qeexaya hubinta in dhammaan qodobada dastuurka la hirgaliyo muddada dastuurka ku cad ee ah inta u dhaxeysa sanadaha (2026-2029).

Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha la hor-keeni doono qaraar qeexaya shaqooyinka horu-tabinta leh ee Dastuurka ku jira ee 12-ka bilood ee soo socota la qabanayo, iyada oo loo eegayo duruufadaha uu dalka ku jiro, iyo baahiyaha loo qabo, waxaanna shaqooyinkaas ka mid ah guddiyo iyo hay’addo aad muhiim ugu ah socodsiinta shaqooyinka Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoomiyey, ayaa dhankiisa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii qof iyo codka ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo kaalintii ay ka qaadatay Warbaahinta Qaranka iyo warbixin la xiriirta wadahaladii laga galay arrimaha doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hormuudka ka ahaa.

Dhaqangalka dastuurka cusub ayaa saameynaya golaha, iyadoo wasiirrada ku jira Baarlamaanka labada xil ay hayaan mid uun ay dooran doonaan, waxaana noqday mudanihii ugu horreeyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim oo ka tanaasulay xubinimadiisii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo Jimcihii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu ku egyahay 15-ka May, 2027, sida uu dhigayo dastuurka cusub ee la ansixiyay.

Si kastaba, mucaaradka ayaa kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah iyo wax ka beddelka dastuurka, iyada oo todobaadkii hore ay fashilmeen wada-hadalladii labada dhinac uga socday xerada Xalane, isla markaana ay gar wadeenka ka ahayd beesha caalamka.

 

Somaliland oo fursad ka dhex aragtay khilaafka DF, dalab culusna u dirtay caalamka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo ka faa’iideysanaysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa dalab toos ah u dirtay wakiillada beesha caalamka.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah, iyadoo beesha caalamka u soo jeedisay inay dib u eegis ku sameyso siyaasadda ay kula dhaqmaan Soomaalida.

Maamulka ayaa si gaar ah u dalbaday in dalalka beesha caalamka ay aqoonsadaan Somaliland, oo iyadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, isla markaana dhawaan heshay aqoonsi uga yimid Israa’iil.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa Somaliland ku tilmaamay dal dimuqraadi ah, nabdoon, isla markaana door weyn ka qaadan kara amniga iyo deganaanshaha Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxa uu beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska ku booriyay inay dib u eegis ku sameeyaan siyaasaddooda ku aaddan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah oo ay ka mid yihiin muran sharciyeed, xasillooni darro iyo dagaal awood-ku-dirir siyaasadeed ah.

Dalabka Somaliland ayaa imanaya xilli ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka uga socday xerada Xalane, kuwaas oo dhex-dhexaadiyeyaal ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Inta badan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka xumaaday natiijo la’aanta wada-hadalladaas, iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, kadib markii ay dhinacyadu isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta laba marxaladood oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo mid bani’aadannimo oo ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qaybo kamid ah dalka, taas oo saameysay dadka iyo duunyada.

Soomaaliya oo noqotay dalka kaalinta koowaad ka galay qiimeynta adduunka ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta, sida ku cad tirakoobka midaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) laga soo bilaabo markii la daah-furay ilaa sannadka 2024.

Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay dalkii sameeyay horumarka ugu weyn dhammaan dalalkii la qiimeeyay muddadaas. Sida ku cad warbixinta ITU ee soo baxday bishan Maajo 2026, dhibcaha guud ee Soomaaliya ee tirakoobka xeer-nidaaminta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ayaa ka kacay 0.0 sannadkii 2007 ilaa 77.5% sannadkii 2024, taasoo ka dhigan koror dhan +77.5 dhibcood.

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee lagu xusay inay horumarka ugu badan ka sameeyeen dhanka dib-u-habeynta nidaaminta Isgaarsiinta.

Isbeddelkan waxaa horseeday dib-u-habeyno la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay hay’adda isgaarsiinta qaranka sannadkii 2018, iyadoo lagu dhisay sharciga isgaarsiinta qaranka.

Warbixinta raad-raaca jidaaminta ICT-da waa mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee ITU u adeegsato cabbirka heerka horumarka nidaamyada maamulka ICT-da ee 194 dal.

Horumarkan ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu daray heerka nidaaminta ee Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, kaas oo lagu tilmaamo heerka “kobcinta maalgashiga iyo helitaanka adeegyada.”

Maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa aqoonsigan ku tilmaamay mid ka tarjumaya dadaalladii Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa Isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

“In laga soo gudbo dhibco eber ah lana gaaro kaalinta dalalka ugu sareeya ee sare-u-kaca sameeyay adduunka waa tallaabo muhiim ah, balse mudnaanteennu weli waxay tahay xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada iyo adkaynta ilaalinta xuquuqda macaamiisha,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa tilmaamay in warbixintan ay marqaati u tahay dadaallada dowladda ee daneeyayaasha qeybaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, shirkadaha isgaarsiinta iyo saaxiibbada caalamiga ah ee sii wada taageerada isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 2019, hay’adda isgaarsiinta qaranka waxay dejisay isla markaana hirgelisay xeer-nidaamyo sharciyeed oo dhammaystiran, kuwaas oo lagu diyaariyay hannaan wadatashi oo daahfuran.

Sharciyaddan waxaa ka mid ah nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, xeer-nidaaminta isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, nidaamyada maaraynta hirarka iyo qorshaha qaran ee hirarka isgaarsiinta, habraacyada tayada adeegyada iyo ilaalinta macaamiisha, iyo sidoo kale nidaamyada lambaraynta iyo istiraatiijiyadaha horumarinta teknoolojiyadda cusub si loo helo kaabayaal waara oo la isku halleyn karo.

Wasiir Fiqi oo Saciid Deni ku eedeeyay qiyaano qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay hoggaamiyaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu sheegay inuu si cad ugu tuntay wax kasta oo astaan u ahaa midnimada umadda iyo dawladnimada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa Deni ku eedeeyay inuu la saftay shisheeyihii ay is-hayeen Soomaaliya, oo uu ula jeedo Imaaraadka iyo Itoobiya, isla markaana uu taageeray kala go’a dalka, taas oo qiyaano qaran ah.

“Deni wuxuu Soomaaliya kala saftay shisheeyihii la is qabtay, wuxuu taageeray kala go’a dalka, wuxuu gacan siiyay xasuuqa walaalaha Sudan ay cadowgu u geysanayaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Ninka xiriirka iyo wada shaqayntii waajibka ahayd yiri waan u jaray dowladda Soomaaliya, dowlado kale oo ajnabi ah oo dalkeena jiritaankiisa iyo midnimadiisa halis ku ahna xiriir toos ah la leh, muxuu inoo sheegayaa oo uu maantay la neef tuurayaa, oo isaga dhigayaa nin Soomaaliya har qabow u jiidaya.”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale Deni ku duray inuu iska dhigayo nin Soomaaliya u turaya, isagoo shisheeyaha kala shaqeynaya hagardaamadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran.

Siciid Deni hogaamiyaha Puntland afar sano ayuu lahaa xiriirka ayaan u jaray Dowladda Federaalka ah, wuxuu ku tuntay wax kasta oo astaan u ahaa midnimada umadda iyo dawladnimada Soomaaliya.

Wuxuu kala saftay shisheeyihii la is qabtay, wuxuu taageeray kala go’a dalka, wuxuu gacan siiyay xasuuqa walaalaha Sudan ay cadowgu u geysanayaan.

Ninka xiriirka iyo wada shaqayntii waajibka ahayd yiri waan u jaray dowladda Soomaaliya, dowlado kale oo ajnabi ah oo dalkeena jiritaankiisa iyo midnimadiisa halis ku ahna xiriir toos ah la leh, muxuu inoo sheegayaa oo uu maantay la neef tuurayaa, oo isaga dhigayaa nin Soomaaliya har qabow u jiidaya.

Ninka noocaas ah ayaa mustaqbalka Soomaaliya ka hadlaya, iskana dhigaya nin u naxaya dalka, inoo aqrinaya cashar wadaniyad ah.

Soomaaliya waxa ay ka koraysaa in ay sii ahaato dal jiritaankiisa iyo wadajirkiisa kuwa diidan ay taladiisa soo hawaystaan, shacabka Soomaaliyeedna waxay ka bislaadeen ku awkacsigii qabyaaladaysnaa.