25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Loolan xooggan oo loogu jiro xilkii uu baneeyay Xuseen Macallin – Yaa ugu cad cad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo baxaya loolan xooggan oo loo galay xilka uu baneeyay La-taliyihii amniga qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud.

Xubno dhowr ah ayaa xilkaan ku loomaya, iyadoo soo baxayaan warar sheegaya in musharrixiinta ugu cadcad ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, haatanna ah Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xuseen Macallin ayaa dhawaan iska casilay xilkaan, kadib markii uu warqadda is-casilaadda u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aanka Xuseen Macallin ayaa la sheegaya inuu yimid xilli uu jiray khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Madaxweynaha, taas oo sababtay in uu hoos u dhacdo wada-shaqeyntii labada dhinac ee arrimaha amniga qaranka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in markii hore Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dayay inuu ku qanciyo Xuseen in uu xilka sii hayo, balse ugu dambeyntii uu go’aansaday inuu shaqada ka tago. Xuseen ayaa xilkan hayay tan iyo bishii May 2022, markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan.

Xuseen Macallin oo ah walaalka Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallin, ayaa is-casilaaddiisa ku caddeeyay bartiisa X (ex-Twitter), taasoo si cad u muujisay inuu shaqada ka tagay.

Xuseen iyo miisaanka uu ku lahaa amniga qaranka

Xuseen Macallin waxaa lagu yaqaan khibrad ballaaran oo ku saabsan arrimaha amniga. Wuxuu soo maray xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • La-taliye Amni oo Madaxweyneyaashii hore
  • Xubin Golaha Amniga Qaranka
  • Xilal sare oo hay’adda NISA ah

Khibraddiisa dheer waxay ahayd sababta Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu doortay inuu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka 11 maalin kadib doorashadiisii.

Maxay ka dhigan tahay is-casilaadiisa?

Is-casilaadda Xuseen waxay calaamad u tahay xasillooni-darrada siyaasadeed ee ka dhex jirta Villa Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato hannaanka dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab, maadaama xilkan uu muhiim u yahay isku xirka hay’adaha amniga.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal xooggan oo dib uga qarxay degmada Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal goordhow dib uga qarxay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, iyada oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda aagga xerada UK oo uu ku sugan yahay Cabdirashiid Janan oo hoggaaminayo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi, kadib markii loo magacaabay taliyaha Nabadsugidda ee Jubaland, kadibna uu sidaas ku tegay Gedo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada gurmadyo ah oo ka kala yimid degmooyinka Doolow iyo Ceelwaaq ay gaareen degmada Beledxaawo, taas oo uu uga sii dareyso dagaalka haatan ka socda duleedka magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay intooda ka badan ka barakaceen xaafadahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaaka dib u qarxay.

Jubaland oo goor sii horreysay qoraal soo saartay ayaa dagaalka Beledxaawo ku eedeysay dowladda dhexe, waxayna sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda.

“Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka” ayay tiri Jubaland.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay gudaha degmada Doolow, kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Itoobiya, kadib markii ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada NISA, halkaas oo ay cagta mariyeen, kadibna ay gubeen xerada.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba waxay la wareegeen xerada, waxayna gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliya NISA ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula leeyihiin madaxda dalka Itoobiya, iyada oo wada-hadalladaas lagu soo qaaday arrinta gobolka Gedo.

Sababta kooxda Al-Shabaab ay awood ugu yeelatay in ay qabsato dhul cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn hoggaanka dowladda ugu dhaliilay inay ka weecatay hadafkii dagaalka Al-Shabaab.

Warsame ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab haatan fursadda siisay ay tahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dagaalka uga leexday dano shakhsi ah oo ku dhisan dastuur beddel, afduub doorasho, eex iyo musuq baahsan iyo xasillooni dari siyaasadeed.

“Sababta ugu wayn ee argagexisada fursadda siisay waa in aad ka weecatay hadafkii iyo mudnaantii dagaalka lagula jiray argagexisada Al-Shabaab oo ahaa ajande qaran oo lagu midaysnaa,” ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraal soo saaray maanta.

Sudoo kale waxa uu tilmaamay in dib u qabsashada Al-Shabaab ee degaannadii laga xoreeyey sanad iyo bar ka hor ay tahay dhabar jab qaran iyo khiyaano laga galay dhiigga shuhadadii naftooda u huray xoraynta dalkooda.

“Madaxweyne, isdaba qabo dhowrka bil ee kuu harsan oo la heshii dadkaada, jooji siyaasadda aargoosiga ku dhisan. Adiga iyo igaarkaaga Xamsa ka sabra dibirtii Axmad Madoobe, qaanuunka siyaasadda ka mid maaha in aad ku aargudato isla goobtii laguugu lagday,” ayuu yiri Warsame oo baaq u direy Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “La-heshii mucaaradkaada, iyo dowlad gobolleedyada kaa maqan, tamarta, hantida iyo awoodda aad ku bixinayso Gedo u weeci dagaalka argagexisada.”

Hoos ka aqriso qoraalka Warsame oo dhameystiran:

Maxaas waxaa la qabsaday maalinkii Moqokori la qabsaday, Moqokorina waxaa la qabsaday maalinki Aadan Yabaal la qabsaday.

Argagexisadu in ay dib u qabsadaan degaannadii laga xoreeyey sanad iyo bar ka hor, waa dhabar jab qaran iyo khiyaano laga galay dhiigga shuhadadii naftooda u huray xoraynta dalkooda.

Ka sokow dhiigga shuhadada, dagaalka waxa ku baxay hanti, tamar, waqti iyo taageero caalami ah. Guuldarrooyinka goobaha dagaalka waa mid laga kabsan karo, waxaanse laga kici karin hanjabka ku dhacay yididiiladii ay shacabku ka qabeen in ay argagexisada ka xaroobayaan.

Ruuxda dagaal, tamarta, iyo taageerada ay macawislayda reer Hiiraan isaga xoreeyeen heeryada gumaysiga argagexisada waxaa sal u ahaa iskutashi degaan, balse markii ay dowladda la wareegtay hoggaanka dagaalka, dadkii degaanka waxay isku halleeyeen dowladdooda, maantase dayacday.

Madaxweyne,

Sababta ugu wayn ee argagexisada fursadda siisay waa in aad ka weecatay hadafkii iyo mudnaantii dagaalka lagula jiray argagexisada Al-Shabaab oo ahaa ajande qaran oo lagu midaysnaa.

Waxaad ku leexday danaysi shakhsi ah oo ku dhisan dastuur beddel, afduub doorasho, eex iyo musuq baahsan, karti xumi maamul, xasarad abuurid iyo xasillooni dari siyaasadeed.

Madaxweyne,

Waxaad lumisay kalsoonidii shacabka iyo aaminaaddii ay ku qabeen dowladnimada, deriska iyo dowladaha kale ee aad ku sii cararayso indhaha ay ku eegayaan waa in aad tahay nin kaligii ah oo dantiisa ka hadla, dadkiisana ku metelin, muddo xileedkiisina gabaabsi yahay.

Madaxweyne,

Isdaba qabo dhowrka bil ee kuu harsan oo la heshii dadkaada, jooji siyaasadda aargoosiga ku dhisan. Adiga iyo igaarkaaga Xamsa ka sabra dibirtii Axmad Madoobe, qaanuunka siyaasadda ka mid maaha in aad ku aargudato isla goobtii laguugu lagday.

La heshii mucaaradkaada, iyo dowlad gobolleedyada kaa maqan, tamarta, hantida iyo awoodda aad ku bixinayso Gedo u weeci dagaalka argagexisada.

Waxaan kugu aqaan in aad tahay nin waaqici ah oo iswaal iyo qar iska tuur xal ka raadin ee ka feker in aad talada dalka si nabad ah ku wareejiso, dolowladdeennu way jilicsantahay ee ha u gaysan daqaro aysan ka kici karin.

Xusuusnow, xukunku waxba kuuma kordhiyo, kaamana dhimo, keliya wuxuu daaha ka qaadaa dunta qofnimadaada.

Sheekh Shariif oo shaaciyay inuu halis galay amniga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay qabsashadii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in halis ku tahay amniga qaranka.

Sheekh Shariif ayaa marka hore ka tacsiyeeyay askarta ku geeriyootay dagaalkaasi oo ugu dambeyn sababay in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawisleyda ay kasoo baxaan gudaha magaalada Maxaas oo muddo 13 sanno ahayd saldhig wayn oo laga hago dagaalka Shabaab.

Shariifka oo boggaadiyay dadaalka ciidamada isbaheysanaya ayaa haddana dhanka kale weeraray madaxda dowladda, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabiyeen doorkooda dagaalka.

“Waxaa bogaadin muddan naf-hurnimada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka ee gobolka Hiiraan oo si adag ula dagaalamaya argagixisada duullaanka ah ee caadeysatay daadiinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qabsashada degmada Maxaas ay ku timid dayac la sameeyay, ayna sidoo kale tahay halis taabaneysa amniga qaranka.

“Waxaa halkaas nooga muuqato masuuliyad darro culus oo ka imaaneyso dhinaca dowladda Federaalka iyadoo ay muuqato dayac iyo halis taabanayso amniga qaranka, isla-markaana madaxda dowladdu ay dhagaha ka xirteen talloyiinka muhiimka ah” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya si weyn loogu dhaleeceeyay qabsashada Maxaas iyo magaalooyinkii kale ee ka horreeyay ee ay la wareegeen Shabaab, taas oo niyad jab ku keeneyso niyadda ciidamada oo horay u keenay guullo waawayn.

Kooxda ayaa horay ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxda.

Si kastaba, la wareegitaanka degmada Maxaas oo 13 sano ahayd saldhig muhiim ah oo laga hago dagaalka ayaa muujineyso guul-darro kale oo soo gaartay ciidamada isbaheysanaya, maadaama ay ahayd degmo laga hoggaamiyo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada maamul-goboleedyada dariska ah ee HirShabelle iyo Galmudug.

 

Ciidamada ITOOBIYA oo ku biiray dagaalka Gedo kadibna gubay hubkii yaalay…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidamada Itoobiya ay toos ugu biireen dagaalka ka socda gobolkaasi ee u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku wada sugan halkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay la safteen ciidamada Daraawiishta Jubaland, iyaga oo xalay weeraray xero ciidamada NISA ay ku leeyihiin gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka ciidamada Itoobiya oo ahaa madaafiic ayaa la sheegay inay ku gubeen saanad ciidan oo ay lahayd Hay’adda NISA, isla markaana taalay gudaha xerada uu dagaalka ka dhacay, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay gebi ahaanba Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen xerada, gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dagaalkan waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, kadib markii dhinacyada ay is weydaarsadeen rasaas iyo madaafiic.

Waxaa kale oo weerakan ku dhaawacmay saraakiil ciidan oo ku sugnaa goobta, walow aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkan oo sii hurinayo xiisadda ka taagan gobolka, ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA, Mahad Salaad ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxda dalka Itoobiya.

Wada-hadallada ayaa waxaa lagu soo qaaday arrinta Gedo, iyada oo wafdiga Madaxweyne Xasan ay Abiy si gaar ah ugala hadleen qorshahooda ku aadan xaaladda gobolkaasi.

JUBALAND oo war culus ka soo saartay dagaalka sii xoogeysanaya ee Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan dagaalladii ugu dambeeyay ee xalay iyo shalay ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.

Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in dagaal xalay ka dhacay gudaha degmada Doolow ay soo qaadeen ciidamada Nabad-sugidda ee dowladda, isla markaana beegsaday xarumaha ciidamada Jubaland ee magaaladaasi, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale Jubaland ayaa tilmaamtay in weerarkan uu qayb ka yahay qorshaha Villa Somalia ‘ee ay xasilooni darrada uga abuureyso’ Ged, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale waxaa warsaxaafadeedka lagu soo qaaday dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo, iyada oo Jubaland ay sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeda, ayna ka dambeeyeen ciidanka dowladda ee ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in dagaalkaas uu ka dhashay burbur xooggan oo hantiyeed iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran;-

Muddo ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaas, iyadoo shakhsiga hoggaaminaya damacan gurracan oo aan ka tirsanayn CXD, diyaarad dagaal uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ku geeyay xerada UK xili inta badan garoomada diyaaradaha gobolka ay cunoqabateyn saaran tahay oo loo diiday dadka shacabka ah inay ka dhoofaan iyadoo aalad dagaal loo adeegsanayo awoodda maamulka hawada Soomaaliya.

Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka.

Dhanka kale, ciidamada nabadsugidda ee ka amar qaata eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ee fadhiigoodu yahay magaalada Doolow, ayaa xalay weerar gardarro ah ku qaaday xarumaha ciidamada Dowladda Jubaland ee magaaladaasi. Weerarkan wuxuu astaan u yahay damaca sii fidaya ee ah in la carqaladeeyo xasilloonida Jubaland, iyadoo la adeegsanayo awood ciidan oo sharci darro ah isla markaana colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanka.

Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta amniga shacabka, difaaca dhulka Jubaland, iyo ka hortagga dhammaan qorshayaasha gurracan ee ay wadaan taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarada uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday Jubaland waxay si toos ah u wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna carqaladeynayaan jihadii mideysnayd ee lagula dirirayey argagixisada. Jubaland waxay si weyn uga xun tahay in kooxda Khawaarijta ay la wareegto degmada Maxaas, taasoo muujinaysa halista ay leeyihiin khilaafaadka siyaasadeed ee lagu hagayo awood ciidan oo aan sharciyad lahayn halkii xoogga laga saari lahaa dagaalka Khawaarijta.

SHIINAHA oo digniintii ugu cusleyd u diray Somaliland kadib arrin ay ku dhaqaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay waxa ay ugu yeertay “isbahaysi” dhexmaray Somaliland iyo Taiwan, iyadoo ku adkaysanaysa “mabda’eeda hal China” isla markaana ka digtay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay “si bareer ah u xadgudbayaan” madax-bannaanideeda. Cambaarayntan ayaa si toos ah uga soo baxday afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, kaas oo ku nuuxnuuxsaday in “Taiwan ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha.”

War-saxaafadeedkan adag ayaa daba socda warar sheegaya in madaxa arrimaha dibadda ee Somaliland uu dhawaan heshiis “iskaashi dhanka ciidamada ilaalada xeebaha ah” la saxiixday Taiwan. Faahfaahinta heshiiskan la sheegay laguma xusin bayaanka safaaradda.

“Tallaabada maamulka goboleedka Somaliland waxay si bareer ah ugu xadgudubtay mabda’a hal China, waxayna dhaawacday madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Shiinaha,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha. “Dhinaca Shiinuhu si adag ayuu uga soo horjeedaa tallaabadan.”

Isagoo sii adkeynaya mowqifka soo jireenka ah ee Beijing, ayuu afhayeenku ku celiyay, “Waxaa jira hal Shiine oo keliya adduunka, Taiwan waa qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha, Dowladda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinahuna waa dowladda keliya ee sharciga ah ee matasha guud ahaan Shiinaha.”

Beijing waxay u aragtaa Taiwan, oo ah dimoqraadiyad iskeed isu maamusha, inay tahay gobol go’ay oo ay waajib tahay in mar uun dib loogu mideeyo dhulweynaha, haddii loo baahdana xoog lagu soo celiyo. Taiwan, oo si rasmi ah loogu yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha, waxay ku adkaysanaysaa inay tahay waddan madax-bannaan.

Sheegashada Shiinaha ee Taiwan

Bayaanka ayaa si ballaaran u soo xigtay tusaalooyin taariikhi ah si loogu nuuxnuuxsado sheegashada Shiinaha ee Taiwan. Wuxuu iftiimiyay “sannad-guuradii 80-aad ee guushii Dagaalkii Dadka Shiinaha ee iska caabinta gardarradii Japan iyo Dagaalkii Adduunka ee La-dagaallanka Faashiistaha,” iyo sidoo kale “sannad-guuradii 80-aad ee dib u soo ceshadka Taiwan.”

Afhayeenka safaaradda ayaa intaa ku daray, “Baaqii Qaahira ee 1943-kii iyo Bayaankii Potsdam ee 1945-kii waxay qayb muhiim ah ka ahaayeen nidaamkii caalamiga ahaa ee ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxayna sidoo kale dhanka sharciga ka xaqiijiyeen maqaamka Taiwan inay tahay dhul Shiineys ah oo aan laga goyn karin.”

Intaa waxaa dheer, bayaanka wuxuu tixraacay Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758, kaas oo la ansixiyay sannadkii 1971, kaas oo u aqoonsaday Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha inay tahay “wakiilka keliya ee sharciga ah ee Shiinaha u matala Qaramada Midoobay.”

Beijing waxay ku doodaysaa in qaraarkani uu diidayo abuurista “laba Shiine” ama “hal Shiine, hal Taiwan”, iyadoo ku adkaysanaysa inuu hoosta ka xariiqayo aqoonsiga beesha caalamka ee mabda’a “hal Shiine.”

Maqaamka Somaliland

Somaliland, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, waxay madax-bannaani ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. In kasta oo ay leedahay dowlad, lacag, iyo ciidan u gaar ah, haddana ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Isku daygeeda ah inay xiriir diblomaasiyadeed oo madax-bannaan la yeelato dhinacyada sida Taiwan, ayaa Beijing u aragtaa inay tahay caqabad toos ah oo ku wajahan wadajirkeeda dhuleed iyo jebin mabda’a “hal Shiine.”

“Somaliland waa qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya,” ayuu xaqiijiyay afhayeenka safaaradda Shiinaha, isagoo la jaan-qaadaya mowqifka guud ee beesha caalamka ee ah in Somaliland ay weli tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya. “Dhinaca Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa in Somaliland iyo maamulka Taiwan ay isku martigeliyaan xarumo ama ay yeeshaan nooc kasta oo isdhexgal rasmi ah, magac kasta ama marmarsiiyo kasta ha ku yimaadeene.”

Safaaraddu waxay hadalkeeda kusoo gabagabaysay digniin, iyadoo ku boorrisay “maamulka goboleedka Somaliland inay yeeshaan dareen dhab ah oo xaqiiqada ku qotoma ayna ka waantoobaan inay ka hor yimaadaan isbeddelka taariikhda, si ay uga badbaadaan cawaaqib xumo ay iyagu isku keenaan.” Luuqaddan adag waxay muujinaysaa suurtagalnimada cawaaqib diblomaasiyadeed ama mid dhaqaale haddii Somaliland ay sii waddo la macaamilkeeda Taiwan.

Khilaafkan diblomaasiyadeed wuxuu iftiiminayaa siyaasadda juqraafiyeed ee cakiran ee Geeska Afrika, oo quwadaha waaweyn ee caalamka, oo uu ku jiro Shiinuhu, ay si isa soo taraysa uga dhex muuqdaan. Shiinuhu wuxuu si weyn u ballaariyay saamayntiisa dhaqaale iyo istiraatiiji ee qaaradda Afrika, isagoo si joogto ah ugu ololeeya danihiisa asaasiga ah ee madax-bannaanida iyo mabda’a “hal China.” 

Puntland oo si yaab leh uga hadashay qabsashada Al-Shabaab ee degmada Maxaas

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan magaalada, taasoo keentay in Al-Shabaab si buuxda ula wareegto gacan ku haynteeda Axaddii shalay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa ku tilmaamay weerarka mid “waxuushnimo ah oo si toos ah u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka u taagan”. Puntland waxay sidoo kale tacsiyo tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku naf waayay weerarkaasi, iyadoo ammaanay halganka iyo geesinimada ciidamada ku sugnaa Maxaas.

Puntland waxay sidoo kale si gaar ah u bogaadisay doorka ay qaateen ciidamada deegaanka ee iska caabiyay weerarka, inkasta oo ugu dambeyn ay dib uga gurteen magaalada.

Maxaas oo gashay gacanta Al-Shabaab

Dagaalka ayaa bilaabmay gelinkii hore ee Axadda, waxaana uu xoogiisu ka dhacay bannaanka sare ee magaalada Maxaas, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxyo ismiidaamin ah laga maqlay duleedka magaalada, taasoo muujinaysa sida uu weerarku u ahaa mid abaabulan oo xooggan.

Dagaalka kaddib, wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si buuxda uga baxeen magaalada, taasoo sababtay in Al-Shabaab ay la wareegto degmada. Al-Shabaab ayaa si degdeg ah u shaacisay sheegashada la wareegidda magaalada, iyadoo baraha bulshada ku faafisay qoraal arrintaas lagu caddeeyay.

Illaa hadda, dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, taasoo sare u qaadaysa walbahaarka shacabka ku nool deegaanka iyo su’aalaha ku saabsan habsami-u-socodka amniga gobollada dhexe.

Caasimada Online ayaa sidoo kale xaqiijisay in dagaalkii Maxaas uu sababay khasaare culus, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, kuwaasoo ay ka mid tahay taliyaha Nabad-sugidda degmada Cadaado.

Xaaladda guud ee gobolka Hiiraan ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaanno dhowr ah oo hoos taga gobolka, si looga hortago weerarro dheeraad ah.

Baahida qorshe qaran oo wadajir ah

Puntland ayaa sheegtay in dhacdada Maxaas ay markale muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo helo qorshe mideysan oo looga hortago khatarta Al-Shabaab.

Bayaanka Puntland ayaa lagu yiri: “Xaaladda gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay u baahan tahay qorshe qaran oo wadajir ah, si looga hortago halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab.”

Puntland waxay sidoo kale muujisay welwel xooggan oo ay ka qabto kororka weerarada kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan isku dayadooda ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan deegaanno muhiim ah oo horey looga xoreeyay. Bayaanku wuxuu si gaar ah u xusay degmooyin sida Sabiib, Caanole iyo Moqokori – kuwaasoo hadda gacanta ugu jira kooxda.

Puntland waxay ugu dambeyn ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, iyadoo ka codsatay taageero muuqata oo dhinacyada amniga, sirdoonka iyo qalabka dagaalka ah.

Bayaan ku saabsanaa arrintan ayaa lagu yiri: “Si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamka ay si dhab ah u garab istaagto dadaallada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.”

La wareegidda Maxaas, oo muddo sanado ah ahayd saldhig muhiim ah oo dagaalka lagaga hagayo gobollada dhexe, ayaa loo arkaa in ay dhaawac weyn u geysatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladdan ayaa markale muujineysa in kooxda ay wali awood u leedahay weerarro istaraatiiji ah, haddii aan la helin istaraatiijiyad mideysan iyo taageero joogto ah oo qaran.

DF oo shaacisay tirada ciidanka ay dhistay iyo 23 saldhig oo ATMIS kala wareegtay

0

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo ka hadlay arrimaha dhismaha ciidanka qaranka.

Wasiirka ayaa hadal jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay dhistay 20,000 (Labaatan kun) oo askari oo cusub.

Waxa uu sidoo kale ku codsaday in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka ciidanka, daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka ka socda, kadib markii laga cafiyay deymihii caalamku kulahaa Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2035) iyo Hiigsiga 2060-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xusay in hadda uu jiro koror ku yimid maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isagoo tilmaamay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta ee Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in la maalgashado.

Markii uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo waxbarashada iyo caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bini’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa.

Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ay ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

Shirkaan oo socday inta u dhexeysay 27–28 Luulyo, waxaa martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.

Turkey oo shaaca ka qaaday hub cusub oo awoodiisa aad looga hadal hayo caalamka

Istanbul (Caasimada Online) – Dalka Turkiga ayaa qaaday tallaabo weyn oo uu ku casriyeynayo awooddiisa militari, isagoo Axaddii soo bandhigay laba bambaano oo cusub oo dalka gudihiisa lagu farsameeyay, kuwaas oo si weyn u kordhinaya awoodda Ciidanka Cirka ee Turkiga oo ku jira weji ballaaran oo dib-u-hubeeyn iyo casriyeyn ah.

Soo bandhigidda hubkan ayaa ka dhacday Carwada 17-aad ee Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF) 2025 oo ka socota magaalada Istanbul. Carwadan oo socota muddo lix maalmood ah ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caalamka, waxayna isku mar ka socotaa Xarunta Carwada Istanbul, Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk, iyo Dekedda Atakoy.

Bambada Koowaad: GAZAP

Midda koowaad ee hubkan cusub waa bambaanada GAZAP, taas oo lagu tilmaamay inay tahay bam caadi ah oo hawada laga tuuro tii ugu awoodda badneyd ee uu Turkigu abid soo saaro.

Waxaa horumarisay Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Turkiga, waxaana awooddeeda gaarka ah lagu sheegay inay mitirkiiba abuurto 10.16 qarax oo firdhisan. Sida uu sarkaal ka tirsan dowladda u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu, awooddan ayaa aad uga sarraysa bambaanooyinkii hore ee uu Ciidanka Cirka Turkigu adeegsan jiray, kuwaas oo rikoodhkoodu ahaa saddex qarax mitirkiiba.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray, “Xarunta Cilmibaarista waxay dib-u-habeyn ku samaysay walxaha qarxa iyo kuwa buuxinta,” isagoo xaqiijiyay in la dhameeyay dhammaan hannaankii shahaado-siinta iyo tijaabooyinka, bambaanadana ay hadda diyaar u tahay in lagu rakibo diyaaradaha dagaalka ee F-16 si loogu adeegsado hawlgallada.

Bambada Labaad: NEB-2 Ghost

Bambada labaad ee soo jiidatay indhaha caalamka ayaa ah NEB-2 Ghost, oo culeyskeedu yahay 970-kiiloogaraam (2,000-bound). Waa bam si gaar ah loogu talagalay burburinta dhufaysyada iyo dhismaha dhulka hoostiisa ku yaal (bunker-buster).

Ilo-wareed ka tirsan warshadaha difaaca ayaa ku tilmaamay NEB-2 inay tahay “bambaanada ugu wanaagsan nooceeda ee hadda la heli karo,” waxayna awood u leedahay inay dhex daloosho 7 mitir oo shub adkeysan ah.

Sarkaalka oo isbarbardhig ku sameeyay awooddeeda, wuxuu yiri: “Sida caadiga ah, gantaallada Maraykanku waxay dalooshaan 2.4 mitir oo shubka nooca C35 ah oo laga helo warshadaha tamarta Nukliyeerka. Balse NEB-2 waxay ka dusi kartaa 7 mitir oo ah shubka nooca C50, kaas oo saddex jeer ka adag kan warshadaha Nukliyeerka.”

Tijaabooyin naxdin leh oo lagu sameeyay ayaa muujiyay awooddeeda dhabta ah. Markii lagu tuuray jasiirad, waxay dhulka dhex gashay masaafo dhan 90 mitir, waxayna sababtay dhul go’ay, gaas daatay, iyo burbur dhagxaaneed oo gaaraya wareeg dhan 160 mitir. Waxaa intaas dheer, sarkaalku wuxuu sheegay, “Qaraxa oo caadiyan qaata 25 miliseken, ayaa loo dheereeyay 240 miliseken, taasoo ka dhigtay mid burburkeedu aad u ba’an yahay.”

Soo saarista labadan bambaano waxay awood istiraatiiji ah oo la taaban karo siinaysaa Ciidanka Cirka ee Turkiga. Awoodda ay u leedahay NEB-2 inay si qoto dheer u burburiso dhufaysyada dhulka hoostiisa ah waxay faa’iido weyn siinaysaa Turkiga, gaar ahaan gobol ay dhinacyo badan ku tiirsan yihiin dhufeysyada dhulka hoostiisa ah, si ay gabbaad uga dhigtaan, hubka ku kaydsadaan, kuna ilaashadaan isku-xirnaanta taliskooda.

Lafta-gareen oo tegay magaalo ay go’doomiyeen Al-Shabaab + Qorshaha

0

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaaada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Laftagareen oo diyaarad ka qaatay Baydhaba ayaa ka daga magaaladan oo ay ka jiraaan xaalado adag oo dhanka nolosha iyo amniga ah, sidoo kalena ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la xiriira saddex arrimood oo kala ah dardargelinta horumarinta adeegyada Bulshada, Nabadgalyada iyo Wadatashiga Shacabka ee ku aaddan qorsheyaasha horumarineed ee magaalada Xudur ee xarunta Bakool, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulkaasi.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada Bulshada, Nabadgalyada iyo Wadatashiga Shacabka ee ku aaddan Qorsheyaasha horumarineed ku gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Xudur, iyadoo ay halkaasi ku sugaayeen masuuliyiin heer Gobol ah, Saraakiil Ciidan, Odayaal Dhaqameed, Haween, iyo Dhalinyaro degmada” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale, Laftagareen inta uu joogo degmada Xudur wuxuu kulamo la yeelan doonaa masuuliyiinta gobolka, kuwa degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono qorshihiisa gaarka ah iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jiro halkaasi.

Waxaa kale oo Laftagareen booqan doonaa xarumaha ciidamada, isaga oo u kuurgeli doono xaaladda guud iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo marar badan tegay Xudur ayaa horay u sheegay in loo diyaar garoobay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana la dajiyay qorshihii lagu xoreyn lahaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Siyaasadda dagaalka ee wajiga labaad waa la diyaariyay, waana qorsheysan tahay, waana bilaaban doontaa taas waa sugeynaa” ayuu horay u yiri madaxweynuhu.

Xudur ayaa kamid ah magaalooyinka waa wayn ee koonfurta Soomaaliya ee ay halista ku hayaan argagixsada, maadaama ay ka hareereeyeen afarta jiho magaaladaasi, taas oo keentay in xaalad go’doon ah ay muddo ka badan 10 sano galaan dadka shacabka ah.

Kim Yo Jong: “Kuuriyada Koonfureed waxay sameysay xisaab isku dar aad u khaldan”

Pyongyang (Caasimada Online) – Kuuriyada Waqooyi wax dan ah kama leh siyaasad kasta ama hindise kasta oo dib-u-heshiisiin ah oo ka yimaada Kuuriyada Koonfureed, waxaa sidaas Isniintii sheegtay Kim Yo Jong, oo ah walaasha awoodda badan ee hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un, taasoo noqonaysa jawaabtii ugu horreysay ee laga bixiyo hindisayaasha nabadeed ee Madaxweynaha furfuran ee Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung.

Kim Yo Jong, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Waqooyi, loona arko inay ku hadasho afka hoggaamiyaha dalkaas, ayaa sheegtay in ballanqaadka Lee ee ku aaddan isbahaysiga amniga ee Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka uu muujinayo inuusan waxba kaga duwanayn madaxweynihii isaga ka horreeyay ee cadaawadda u hayay.

“Haddii Kuuriyada Koonfureed ay filayso inay ku beddesho dhammaan cawaaqibka (ficilladeeda) ereyo kooban oo dareen ku jiro, ma jiri karto xisaab taas ka khaldan,” ayay tiri Kim, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee KCNA.

Lee, oo xafiiska la wareegay 4-tii Juun kadib markii uu ku guuleystay doorasho degdeg ah oo la qabtay ka dib markii xilka laga qaaday Yoon Suk Yeol oo ahaa muxaafid mayal adag, kaasoo isku dayay inuu dalka geliyo sharci militari oo uu ku fashilmay, wuxuu ballanqaaday inuu hagaajin doono xiriirka Pyongyang, kaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sannado badan.

Tallaabooyin uu ugu talagalay inuu xiisadda ku dejiyo, Lee wuxuu joojiyay cod-baahiyeyaal laga sii deyn jiray dacaayado ka dhan ah Waqooyiga oo xadka laga gudbin jiray, wuxuuna mamnuucay warqado ay daadin jireen dadka u dooda arrimahaas, kuwaas oo ka careysiin jiray Pyongyang.

Kim, oo ah sarkaalka ka tirsan Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay yihiin oo kaliya ka noqosho falal ujeedo xun oo ay Kuuriyada Koonfureed samaysay, kuwaas oo aan marnaba habboonayn in la bilaabo.

“Si kale haddii loo dhigo, xitaa ma ahan wax qiimeyn istaahila,” ayay tiri.

“Waxaan mar kale caddaynaynaa mowqifkayaga rasmiga ah in siyaasad kasta oo Seoul lagu dejiyo ama hindise kasta oo la keeno, aynaan dan ka lahayn, oo aynaan la fariisan doonin Kuuriyada Koonfureed, oo aysan jirin wax laga wada hadlo.”

Waxa jiray rajo taxaddar leh oo ka taagnayd Koonfurta oo ah in Waqooyigu uu si togan uga jawaabi doono oo uu xitaa muujin karo rabitaan ah inuu dib u bilaabo wada-hadallada, gaar ahaan ka dib markii Pyongyang ay sidoo kale damisay cod-baahiyeyaashii dhankeeda, tallaabadaas oo Lee uu ku tilmaamay mid ka dheereysay sidii la filayay.

Si kastaba ha ahaatee, Lee, oo dowladdiisu ay ku jirto wada-xaajoodyo adag oo ay kula jirto Washington si looga fogaado canshuuro ciqaabeed oo uu Madaxweyne Donald Trump ugu hanjabay dhowr waddan oo ganacsi weyn la leh, wuxuu sheegay in isbahaysiga Maraykanku uu yahay tiirka udub-dhexaadka u ah diblomaasiyadda Kuuriyada Koonfureed.

“Dadaallo aan ka samayno dhinacyada siyaasadda, sugnaanta dhaqaalaha iyo dhaqanka, waxaan ku xoojin doonnaa isbahaysiga Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ee dhiigga lagu asteeyay,” ayuu yiri Lee isagoo ka hadlayay munaasabad Axaddii lagu xusayay sannad-guuradii xabbad-joojintii Dagaalkii Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale xustay sannad-guuradaas oo ay ugu yeerto maalinta guusha, iyadoo ay ka mid ahaayeen dhoolatus ka dhacay Pyongyang, inkastoo warbaahinta dowladda ay sheegtay inuu ahaa mid ka baaxad yar marka loo eego sannadihii hore qaarkood.

Labada Kuuriya, Maraykanka iyo Shiinaha, oo ahaa dhinacyadii ugu waaweynaa ee ku dagaallamay Dagaalkii Kuuriya ee 1950-53, ayaan ilaa hadda saxiixin heshiis nabadeed.

China warns Somaliland over Taiwan ties, reasserts claim

Mogadishu (Caasimada Online) – China has issued a stern condemnation against what it terms “collusion” between Somaliland and Taiwan, asserting its “one-China principle” and warning that such actions “blatantly violate” its sovereignty. The rebuke came directly from a spokesperson for the Chinese Embassy in Somalia, who emphasized that “Taiwan is an inalienable part of China’s territory.”

The strong statement follows reports that the head of external affairs for Somaliland, a self-declared independent state in the Horn of Africa, recently signed a “Coast Guard Cooperation Deal” with Taiwan. The specifics of this purported agreement were not detailed in the embassy’s statement.

“Somaliland’s regional authority’s action has blatantly violated the one-China principle and harmed China’s sovereignty, unity, and territorial integrity,” the Chinese embassy spokesperson declared. “The Chinese side is resolutely opposed to this action.”

Reaffirming Beijing’s long-held stance, the spokesperson reiterated, “There is but one China in the world, Taiwan is an inalienable part of China’s territory, and the Government of the People’s Republic of China is the sole legal government representing the whole of China.”

Beijing views Taiwan, a self-governing democracy, as a breakaway province that must eventually be reunited with the mainland, by force if necessary. Taiwan, officially the Republic of China, maintains that it is an independent country.

China’s Taiwan claim

The statement extensively cited historical precedents to underscore China’s claim over Taiwan. It highlighted the “80th anniversary of the victory of the Chinese People’s War of Resistance Against Japanese Aggression and of the World Anti-Fascist War,” as well as the “80th anniversary of the recovery of Taiwan.”

The embassy spokesperson further stated, “The 1943 Cairo Declaration and the 1945 Potsdam Proclamation formed an integral part of the post-WWII international order and also affirmed Taiwan’s status as China’s inalienable territory from a legal perspective.”

Moreover, the statement referenced United Nations General Assembly Resolution 2758, adopted in 1971, which recognized the People’s Republic of China as the “only legitimate representative of China to the United Nations.”

Beijing argues that this resolution disallows the creation of “two Chinas” or “one China, one Taiwan,” asserting it underscores the international community’s recognition of the “one-China” principle.

Somaliland’s status 

Somaliland, situated in northern Somalia, declared independence in 1991 following the collapse of Somalia’s central government. Despite possessing its own government, currency, and military, it lacks broad international recognition.

Its attempts to forge independent diplomatic ties, particularly with entities like Taiwan, are perceived by Beijing as a direct challenge to its territorial integrity and a breach of the “one-China” policy.

“Somaliland is a part of Somalia’s territory,” the Chinese embassy spokesperson affirmed, aligning with the international community’s general position that Somaliland remains an integral part of Somalia. “The Chinese side firmly opposes Somaliland and the Taiwan authority hosting each other’s institution or having any form of official interaction under any name or pretext.”

The embassy concluded with a warning, urging the “Somaliland regional authority to have a basic sense of reality and refrain from running against the historical trend, so as to free itself from self-inflicted consequences.” This strong language suggests potential diplomatic or economic repercussions if Somaliland continues its engagement with Taiwan.

This diplomatic dispute highlights the complex geopolitical dynamics in the Horn of Africa, where major international players, including China, are increasingly active. China has significantly expanded its economic and strategic presence across the African continent, consistently advocating for its core sovereign interests and the “one-China” principle.

Xasan iyo Mahad oo Addis Ababa ka wada qorshe ka dhan ah Jubaland iyo ciidamo soo…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa caawa, ilaa galabta soo gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka warheyn dhaq-dhaqaaqooda.

Sidoo kale masuuliyiinta Jubbaland ee ku sugnaa Beledxaawo oo maanta ka xeeladeystay dagaalkii ka dhacay degmadaas ayaa sugan magaaladda Mandheera ee dalka Kenya.

Beledxaawo, wali waxaa isku hor fadhiya labada ciidan ee dowladda federaalka iyo Jubbaland, iyadoo weliba lasoo sheegayo in ciidanka dowladda ay galabta horumar ka sameeyeen dagaalka ay doonayaan inay ku qabsadaan degmadaas.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la shiray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxaana la isku soo qaaday arrimaha gobolka Gedo.

Taliyaasha Sirdoonka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale iska arkay xaalada gobolkaas oo Itoobiya ay saameyn xasaasi ah ku leedahay.

Madaxweynaha Kenya oo isna galabta gaaray Addis Ababa Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay is arkaan madaxweyne Xasan Sheekh, si ajandahooda arrinta gobolka Gedo iyo Jubbaland oo dhan ay uga wadahadlaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa in taageerada Jubbaland ay ka heleyso Itoobiya iyo Kenya ay ka jarto, si go’doon dhab ah ay u geliso.

Dadaalladaan diblomaasiyadeed ee Jubbaland ka dhan ah waxaa barbar socda duulaan ay dowladdu ku qaaday gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka ay ka joogaan ciidamada taabacsan Axmed Madoobe oo Beledxaawo ay ugu horeyso.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ay markaan xiriirka ay la leeyihiin Kenya iyo Itoobiya uu ka sareeyo midka Muqdisho la leedahay labadaan wadan oo gobolka saamayn ku leh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in hadii “qof Soomaali ah uu u cararo wadan kale uu ka cararay walaalkiis oo cadaw ku ah” isagoo taas nasiib darro na heysata ku tilmaamay.

Sawirro: Booliska oo soo bandhigay dhallinyaro arrin yaab ka sameysay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay shaqsiyaad ku eedeysan inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaal been abuur ah, kuwaas oo dhamaantood ah wiilal dhallinyaro ah.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu yiri “Hay’adaha ammaanka Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedeysane oo ku lug lahaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo si been abuur ah u muujinayay askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaato wareejinaya.”

Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen ciidanka booliska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalku ahaa jiliin, si ula kac ah loo sameeyay.

Booliska ayaa sheegay in ujeeddada loo duubay muuqaalkaas ay ahayd sumcad-dil iyo marin habaabin ka dhan ah hay’adaha amniga.

“Shanta (5) eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta booliska, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Booliisku wuxuu intaas ku sii daray inuu uga digayo shacabka faafinta warar aan la hubin, si looga hortago dacaayado wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida shacabka.

Cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista ama faafinta muuqaallo noocaan ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

“Muwaadin waxii Cabasho ah, lasooxariir Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee 991 amma” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoralka ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska Soomaaliya.

Kheyre: Wixii maanta dhacay waa dayac, mas’uuliyad darro iyo qorsho xumo dowladeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo si adag uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Maxaas ayaa dowladda ku eedeeyay mas’uuliyad darro iyo inay gabtay kaalinteedii.

Kheyre ayaa ugu horeyntii waxa uu ka tacsiyeeyay geerida halyeeyadii Macawiisleyda beesha Xawaadle ee ku baxay dagaalkii maanta ka dhacay Maxaas. “Waxaan Alle ka baryayaa in uu jannada ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday dagaalka, una boogadhayo kuwii ku dhaawacmay,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray caawa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in maanta wixii dhacay ay aheyd dayac, masuuliyad-darro iyo qorsho xumo dowladeed, kaas oo horseeday in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto degmada Maxaas oo 12-kii sano ee la soo dhaafay ku jirtay gacanta dowladda.

“Waxaana ayaandarro ah in ay dowladdu macawiisleyda ku fiirsatay dagaalka oo ay ku kaliyoobeen la-dagaallanka argagaxisada, ayuu yiri Kheyre, isagoo dhanka kale bogaadiyay Macawiisleyda Xawaadle ee naftooda u huraya in ay dadkooda iyo deegaannadooda ka difaacaan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaana madaxda Dowladda Federaalka, Hirshabeelle, iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in deg-deg loogu gurmado, si wadajir ahna dalka looga xoreeyo argagaxisada.”

Kooxda Al-Shabaab ayey maanta u suurtagashay inay la wareegto gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay

Dagaalka oo xoogganaa ayaa ka dhacay banaanka kore ee magaalada, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna kadib kusii fiday qaybaha kale ee degmadaasi.

Intaas kadib, Xubnihii ugu badnaa ee kooxda ayaa xoogga soo saaray Maxaas, iyagoo adeegsanaya qaraxyo culus iyo ismiidaamin, taas oo markii dambe u suurta-galisay inay gudaha u galaan magaalada.

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre oo dhameystiran:

Waxaan qoysaskooda, shacabka gobolka Hiiraan, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida halyeeyadii macawiisleyda beesha Xawaadle ee ku shahiiday dagaalkii maanta ka dhacay degmada Maxaas.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu jannada ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday dagaalka, una boogadhayo kuwii ku dhaawacmay.

Waa dayac, masuuliyad-darro, iyo qorsho-xumo dowladeed in ay argagaxisadu maanta gacanta ku dhigaan degmada Maxaas oo 12-kii sano ee la soo dhaafay ku jirtay gacanta dowladda.

Waxaana ayaandarro ah in ay dowladdu macawiisleyda ku fiirsatay dagaalka oo ay ku kaliyoobeen la-dagaallanka argagaxisada.

Waxaan bogaadinayaa halyeeyada macawiisleyda beesha Xawaadle oo naftooda u huray in ay dadkooda iyo deegaannadooda ka difaacaan argagaxisada arxanka daran.

Waxaana madaxda Dowladda Federaalka, Hirshabeelle, iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in degdeg loogu gurmado, si wadajir ahna dalka looga xoreeyo argagaxisada ku soo duushay diinta, dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

DF Soomaaliya oo caddeysay xaqiiqada wada-hadallada Mareykanka iyo Shabaab

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in wadahadallo u socdaan Mareykanka iyo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa caddeeyay in wararkaasi aysan sal iyo raad toona lahayn, isagoo ku adkeystay in Mareykanka weli ku taagan yahay mowqifkiisii hore ee ku saabsan in Al-Shabaab tahay urur argagixiso ah oo halis ku ah gobolka.

Balcad ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta “Al-Araby al-Jadeed” intii uu ku sugnaa magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu ku tagay booqasho laba maalmood ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wararka ku saabsan wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Al-Shabaab ayaa soo shaac baxay maalmihii u dambeeyay, taas oo loo fasiray inay noqon karto isbeddel ku yimaada siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay la-taliye hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka, arrintan ayaa kordhisay suuragalnimada in xal wada-hadal lagu raadiyo kacdoonka muddo tobannaan sano ka jiray Geeska Afrika.

Maxaa ka dhalan kara haddii uu rumoobo?

Fikradda ah in maamulka Trump uu ka fiirsan karo wada-hadal lala yeesho Al-Shabaab ma ahan oo kaliya cinwaan xasaasi ah, waa isbeddel dhul-gariir siyaasadeed oo kale ah oo ku iman kara Geeska Afrika.

Arrintan, oo uu soo jeediyay la-taliye hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo lama filaan ah oo ka duwan siyaasaddii la-dagaallanka argagixisada ee Mareykanka ee ku dhowaad labaatanka sano jirsatay, taasoo dhalinaysa su’aalo deg-deg ah oo ku saabsan mustaqbalka mid ka mid ah colaadaha ugu muddada dheer adduunka.

Xamse Warfa, oo ahaa la-taliye sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda xilligii Madaxweyne Biden, ayaa muujiyay aragtidan cusub. Wareysi uu dhawaan bixiyay ayuu Warfa ku dooday in istiraatiijiyadda milatari kaliya ku tiirsan ee Mareykanku ay gaartay meeshii ugu dambaysay.

“Waxaa jira calaamado muujinaya in wadahadalladu ay hadda billaaban karaan,” ayuu yiri, isagoo tilmaamaya in xal siyaasadeed laga yaabo inuu yahay waddada kaliya ee suurtagalka ah ee loo mari karo xalka.

Hadalladiisa waxay si dadban u xusayaan dood-hoosaadyo horseedi kara bilawga dib-u-habayn weyn oo xagga siyaasadda ah, mid salka ku haysa garawshaha sii kordhaya ee ah in guul milatari oo kama dambays ah ay tahay mid aan la gaari karin.

Haddii isbeddelka noocan ahi uu rumoobo, wuxuu ku qasbi doonaa Washington inay dib uga fikirto qeexitaannadeeda guusha iyo guuldarrada ee ku aaddan waxa noqday dagaalka hoose ee ugu muddada dheer Mareykanka.

Laakiin waxaa weli taagan su’aalo muhiim ah: Wada-hadal lala yeesho Al-Shabaab run ahaantii ma yahay mid macquul ah? Sidee buu u ekaan karaa kulan noocaas ah? Halkee se ayuu kaga tagi doonaa dowladda Soomaaliya?

Al-Shabaab seizes strategic Somali town of Mahaas

Mahaas (Caasimada Online) – Al-Shabaab militants captured the strategic town of Mahaas in central Somalia on Sunday after intense fighting, forcing government troops and allied clan militias to withdraw in a significant blow to the government’s long-running offensive against the insurgents.

The fall of Mahaas, a critical command center in the Hiran region for over a decade, marks one of the most significant territorial gains for the al-Qaeda-linked group in years and signals a severe reversal for the Somali government and its allies.

Local sources told Caasimada Online that the attack began Sunday with a heavy assault on the town’s outskirts, near the border between the Hiran and Galgaduud regions. The battle, punctuated by several large suicide explosions, eventually pushed into the city itself.

“The fighting was very heavy… government forces and the local fighters have pulled out of the town,” a resident told reporters by phone.

The Somali government has not yet issued an official statement on the town’s capture. However, Al-Shabaab announced in a statement posted on its affiliated social media channels that its fighters were in “full control” of Mahaas.

The fighting resulted in heavy casualties on both sides, according to local reports. Among those confirmed killed was a senior security official, the commander of the National Intelligence and Security Agency (NISA) for the nearby city of Adado, who was participating in the battle.

A major strategic loss

The loss of Mahaas is a devastating symbolic and strategic defeat for the Somali government. For 13 years, the town served as a forward operating base and a crucial hub for planning and launching military operations against Al-Shabaab across the federal states of Hirshabelle and Galmudug.

Its strategic location made it the nerve center for coordinating the national army and the locally mobilized clan militias, known as the Macawisley. These militias, which rose against Al-Shabaab’s harsh rule and taxation, have been the cornerstone of the government’s counter-insurgency strategy since President Hassan Sheikh Mohamud declared “total war” on the group in 2022.

The presence of the NISA commander from Adado, a city in the neighboring Galmudug state, underscores the town’s importance as a cross-regional command post, making its fall a blow to the entire security architecture of central Somalia.

The government’s offensive initially saw rapid success, recapturing dozens of towns and large swathes of territory from Al-Shabaab throughout 2022 and 2023. The campaign, which combined federal forces with the organic Macawisley uprising, was hailed by international partners, including the United States, as the most effective push against the militants in over a decade.

However, the offensive has stalled mainly over the past year. Analysts and UN reports have highlighted logistical challenges, inadequate resources for government forces, and a waning momentum among the clan militias, allowing the resilient Al-Shabaab to regroup and begin retaking lost ground.

The capture of Mahaas is the culmination of a series of recent gains by the insurgents. Earlier this year, the group seized the town of Moqokori, also in the Hiran region, and has been steadily increasing its attacks on military bases and government-held towns.

The situation in Hiran remains tense, with reports of military movements in surrounding areas as forces loyal to the government potentially prepare for a counter-attack. But for now, the black flag of Al-Shabaab flies over a town that was once the heart of the resistance against them, posing a grave challenge to the future of Somalia’s fight for stability.

Somali President in Ethiopia for high-stakes talks

Addis Ababa (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Addis Ababa on Sunday for high-stakes talks with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, set against a backdrop of deeply fractured relations over a contentious port deal and simmering regional tensions.

While the Somali leader is officially in the Ethiopian capital to attend a United Nations food security summit, the bilateral meeting with his Ethiopian counterpart is poised to dominate the visit. The talks are expected to address the severe diplomatic fallout from Ethiopia’s January 2024 agreement with the breakaway region of Somaliland, a deal that Mogadishu views as a violation of its sovereignty.

The visit is the latest in a flurry of diplomatic activities by President Mohamud, who is navigating one of the most perilous moments for Horn of Africa stability in years. His arrival from Djibouti follows recent trips to Egypt and Turkey, key regional powers, as he seeks to shore up support for Somalia’s territorial integrity.

A deepening rift over sea access

Relations between Mogadishu and Addis Ababa plunged into crisis after Ethiopia signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, a territory that declared independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognized. The agreement would grant landlocked Ethiopia a 50-year lease on a 20-kilometer stretch of coastline for a naval base in return for potential future recognition of Somaliland’s statehood.

Somalia immediately denounced the deal as an “act of aggression” and has since engaged in a robust diplomatic campaign to isolate Ethiopia and nullify the agreement. Tensions were further highlighted recently when Somalia reportedly rejected participation in a proposed naval exercise that included Ethiopia, viewing it as another attempt by Addis Ababa to assert maritime ambitions.

The meeting between Mohamud and Abiy is the first of its kind in months and will be closely watched for any signs of a diplomatic breakthrough, although expectations for a resolution remain low.

Beyond the maritime dispute, the two leaders are expected to discuss the volatile security situation within Somalia, particularly in the strategic Gedo region. The area, which borders Ethiopia, has recently seen renewed clashes between forces of the federal government and the regional administration of Jubaland.

The presence of Ethiopian troops in Gedo is a further point of contention. While thousands of Ethiopian soldiers serve as part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which is mandated to help fight the al-Shabaab insurgency, others operate under a separate bilateral arrangement. Mogadishu has previously stated that all non-ATMIS Ethiopian forces must leave the country, a demand fueled by the MoU with Somaliland.

A flurry of diplomatic maneuvering

President Mohamud’s journey to Addis Ababa was preceded by a crucial stop in Djibouti, where he met with President Ismail Omar Guelleh. According to a statement from the Somali presidency, the two leaders discussed strengthening strategic ties in security and counter-terrorism. Mohamud also appealed for Djibouti’s assistance in addressing a severe drought in Somalia’s Awdal region, which lies on the border with Djibouti and Somaliland.

Humanitarian agencies, such as the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC), have warned that drought conditions are worsening across the region, leading to food insecurity and displacing communities.

The leaders in Djibouti affirmed that “the stability, unity, and progress of Somalia are the foundation for the peace and stability of the entire region,” a statement seen as an indirect message regarding the ongoing tensions in the region.

The official purpose of the Addis Ababa visit is the Second UN Food Systems Summit Stocktake (UNFSS+4), which will take place from July 27 to 29. The summit aims to review progress on achieving sustainable food systems.

However, for the Somali delegation, the diplomatic discussions on the sidelines are of paramount importance as they seek to navigate a complex web of geopolitical and internal challenges that threaten to destabilize the Horn of Africa.

Maxaa ka soo baxay kulanka taliyeyaasha sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Salaad, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Taliyaha Sirdoonka dalka Itoobiya, Ridwaan Xuseen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xoojinta wada-shaqeynta amni ee labada dal.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada hay’adood, si ay ugu wada shaqeeyaan sugidda amniga gobolka iyo ciribtirka khataraha kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab oo halis ku ah gobolka oo dhan.

Sidoo kale, waxay isla qaateen muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee labada dal, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Kulankan Addis Ababa ka dhacay ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dal ay ku doonayaan inay ku dhisaan iskaashi amni oo wax ku ool ah, iyadoo mudnaanta la siinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda nabadda gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo inta badan uu ka dhexeeyo xiriir diblomaasiyadeed aan fadhin, ayaa waxay labada dhinac iska kaashadaan arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab oo Addis Ababa khatar amni oo waxyeello u geysan karta.