25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Maxaa ka soo baxay kulanka taliyeyaasha sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Salaad, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Taliyaha Sirdoonka dalka Itoobiya, Ridwaan Xuseen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xoojinta wada-shaqeynta amni ee labada dal.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada hay’adood, si ay ugu wada shaqeeyaan sugidda amniga gobolka iyo ciribtirka khataraha kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab oo halis ku ah gobolka oo dhan.

Sidoo kale, waxay isla qaateen muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee labada dal, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Kulankan Addis Ababa ka dhacay ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dal ay ku doonayaan inay ku dhisaan iskaashi amni oo wax ku ool ah, iyadoo mudnaanta la siinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda nabadda gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo inta badan uu ka dhexeeyo xiriir diblomaasiyadeed aan fadhin, ayaa waxay labada dhinac iska kaashadaan arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab oo Addis Ababa khatar amni oo waxyeello u geysan karta.

Xogta dalabka Xasan Sheekh uu u gudbiyay Geelle ka hor safarkiisa Addis-Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan oo dhacay ka hor inta uusan Madaxweynaha Soomaaliya u safrin Itoobiya ayaa waxa uu Madaxweynaha Jabuuti kaga dalbaday in dowladdiisu ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal ee deegaannada Somaliland.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xoojiyay muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya.

Iskaashigan ayaa khuseeya dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Ugu dambeyntiina, labada Madaxweyne ayaa hoosta ka wada xariiqay in xasilloonida, midnimada, iyo horumarka Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Al-Shabaab oo gudaha u galay degmada MAXAAS

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolkaasi, kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay halkaasi.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa ka dhacay banaanka kore ee magaalada, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna kadib kusii fiday qaybaha kale ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnihii ugu badnaa ee Al-Shabaab ay xoogga soo saareen Maxaas, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlay qaraxyo culus oo ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Weerarka iyo dagaalka xigay kadib ayaa waxaa lasoo wariyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kasoo baxeen gudaha magaalada, waxaana sidaas ku galay maleeshiyada Al-Shabaab.

Kooxda oo qoraal soo saartay ayaa baraha bulshada ku baahisay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, balse ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa dagaalka maanta ka dhashay khasaare culus, iyada oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo uu kamid yahay taliyaha Nabad-sugidda ee degmada Cadaado, kaas oo qayb ka ahaa dagaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo culus laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka, si looga hortago weerarka Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horay ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxda.

Si kastaba, la wareegitaanka degmada Maxaas oo 13 sano ahayd saldhig muhiim ah oo laga hago dagaalka ayaa muujineyso guul-darro kale oo soo gaartay ciidamada isbaheysanaya, maadaama ay ahayd degmo laga hoggaamiyo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

Somalia denies rumors of secret US-Al-Shabaab talks

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government has forcefully denied persistent rumors that the United States is engaged in secret negotiations with the al-Qaeda-allied Al-Shabaab militant group, calling the speculation “baseless” amid a growing debate over the future of the long-running conflict.

A top Somali diplomat insisted that Washington’s policy remains firm in treating Al-Shabaab as a terrorist organization, pushing back against recent commentary from a former US official that has fueled talk of a potential, dramatic shift in American strategy in the Horn of Africa.

The official denial comes as Somalia’s government, with significant US military support, continues its protracted war against the insurgency that has destabilized the country for nearly two decades.

“These reports have no basis in reality,” said Ali Mohamed Omar, Somalia’s State Minister for Foreign Affairs. In an interview with the London-based newspaper Al-Araby Al-Jadeed while on a visit to Doha, Qatar, Omar stressed that “the United States still maintains its previous position that Al-Shabaab is a terrorist organization that poses a threat to the region.”

The rumors of a potential policy pivot were sparked by recent comments from Hamse Warfa, who served as a senior advisor on civilian security and human rights at the US Department of State during the Biden administration.

In a widely circulated analysis, Warfa argued that a purely military-focused strategy against Al-Shabaab had reached its limits and that a political solution may be the only viable path forward.

“There are signs that talks could begin now,” Warfa was quoted as saying, suggesting that back-channel discussions could be underway. He framed the idea of engagement, particularly under a potential future Trump administration, as a “political earthquake” that would upend nearly 20 years of American counter-terrorism policy in the region.

A ‘seismic shift’ in policy

Any direct engagement between Washington and Al-Shabaab would represent a seismic shift. The United States officially designated Al-Shabaab as a Foreign Terrorist Organization (FTO) in 2008.

Successive US administrations have relied on a combination of drone strikes, special forces operations, and funding for the Somali National Army and African Union peacekeepers to combat the group. The U.S. Africa Command (AFRICOM) maintains a consistent presence in Somalia to advise local forces and conduct airstrikes in support of “collective self-defense” against militants.

The speculation about talks touches a nerve for the Somali government, which would view any negotiations that sideline it as a profound betrayal and a threat to its sovereignty.

While President Hassan Sheikh Mohamud has previously stated his government could one day negotiate with Al-Shabaab, he has insisted on strict preconditions, including that the group must first renounce its extremist ideology and its affiliation with al-Qaeda—steps the group’s hardline leadership has consistently rejected.

The debate spurred by Warfa’s comments has raised fundamental questions about the future of one of the world’s most enduring conflicts. Proponents of dialogue argue that the military campaign has resulted in a costly stalemate, while opponents warn that negotiating with Al-Shabaab would legitimize a brutal insurgency responsible for tens of thousands of deaths.

It remains highly uncertain whether Al-Shabaab’s core leadership would even entertain credible negotiations or what concessions they might demand beyond their long-standing call for the complete withdrawal of all foreign forces from Somalia.

For now, Somalia’s public denial aims to quell a narrative that could undermine its partnership with Washington and embolden the insurgents. However, with the war against Al-Shabaab showing no clear end, the debate in policy circles over the merits of dialogue versus military force is likely to continue.

Daawo: Dabageed oo sheegay arrin dad badan ka yaabisay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka HirShabelle Mudane YuuSuf Axme Hagar (Dabageed) oo xalay khudbad dhab ka hadal ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay taariikhdiisa gaarka ee dhinaca waxbarashada, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan oo dad badan ka yaabisay.

Yuusuf Dabageed ayaa fagaaraha uu ka hadlayay ka sheegay in aanu waligiis wax soo baran, isla markaana aanu soo marin iskuul iyo jaamacad, haddane uu Alle u sahlay xilka uu maanta ka haayo HirShabelle iyo kuwii kale ee uu horay usoo qabtay.

“Qof aan wax baran oo dad madax u noqota ayaa dad wax ay ugu sheekeyso taqaan, anigu dugsi hoose, dhexe, sare iyo jaamacad ma qabo marka amar Ilaahey ayaa ku imid amar Ilaaheyna waa ku joogaa maslaxa kaleba ha jirto” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dhacdooyin qabsaday intii uu ku jiray dowladnimaa, isaga oo tusaale usoo qaatay shir caalami ah oo uu Xalane kaga qayb-galay, kaas oo ay goobjoog ahaayeen ajaaniib, isla markaana dhammaan madaxdii hadleysay ay ku khudbeeyeen Engilish, balse isaga marka lasoo gaaray uu ku hadlay luqadda Soomaaliga, maadaama aanu garaneyn luqad kale, kadibna ajaaniibtii kale loo sii tarjumay.

Sidoo kale Dabageed ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay waxbarasho la’aanta, maadaama ay isaga ku dhacday, wuxuuna farriin culus u diray dhalinyarada Soomaaliyeed.

“War hadda ayaad fursad haysatiin wax barta Ilaahey waxa uu idin dhiibo saad si fiican ugu maamushiin oo si fiican ugu hoggaamidiin, arrintaas dardaaran ayay iga tahay” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay saameynta ay leedahay balwadda, isaga oo sheegay inuu horay u isticmaali jiray Qaadka, uuna sabab u yahay waxbarasho la’aanta ku dhacday, isaga oo sidoo kale uga digay balwadda dhalinyarada maanta ku jirta da’da waxbarashada.

“Aniga Jaadka ayaan aad u cuni Jiray, Balwadda halyska dhaafo waa iga gigniin kuwa ila joogoow iyo kuwa maqan, Diktoorna waxaa laygu bixiyay dadkaa iga yaabay, nin aan wax baran oo hadana soo taagan” ayuu mar kae yiri Yuusuf Dabageed.

Dood xooggan oo hareysay shirweynaha dhismaha SSC – Maxaa la isku hayaa?

0

Laacaanood (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid xiritaanka shirweynihii ka socday magaalada Laascaanood ee dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo qorshuhu ahaa in maanta lasoo gabagabeeyo, sababo la xiriira dood weli ka taagan qaybsiga saamiga xubnaha baarlamaanka ee uu yeelanayo maamulka cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafka ugu xoogan uu ka taagan yahay qaybsiga 79 xildhibaan oo uu ka koobnaan doono baarlamaanka cusub, taas oo aan weli la’isku fahmin.

Sida qorshuhu ahaa shirka ayaa lagu waday in maanta lasoo gabagabeeyo, kaas oo inta badan is-faham looga gaaray dhismaha maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, oo ka kooban gobollada SSC iyo Maakhir, ayaa muujinaya is-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.

Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.

Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.

Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu heshiiyay in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono:

  • Madaxweyne
  • Madaxweyne ku-xigeen
  • Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
  • Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah

Si kastaba ha’ahaatee, Gobollada SSC iyo Maakhir waxay muddo dheer ahaayeen goob uu ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo milatari oo u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland.

Mareykanka oo walaacsan – Dagaalkii IRAN iyo Israel oo kashifay arrimo cabsi leh

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka wuxuu leeyahay toddobo nidaam oo difaaca gantaalaha ah oo noocoodu sarreeyo oo loo yaqaan Thaad. Intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee bishii Juun lala galay Iiraan, laba ka mid ah ayaa la geeyey Israa’iil—taasina kuma filnayn.

Sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, hawlwadeennada nidaamka Thaad, oo ka barbar shaqeynayay nidaamyada Israa’iil, waxay si xawli ah u baabbi’iyeen hubkoodii, iyagoo riday in ka badan 150 gantaal si ay u soo ridaan dufcadihii gantaalaha baalistigga ahaa ee Iiraan. Tiradaasi waxay ku dhowdahay rubuc ka mid ah dhammaan gantaalaha ka-hortagga ah ee abid uu iibsaday Pentagon-ka.

Baahidu waxay ahayd mid layaab leh oo heer ay gaartay in mar, Pentagon-ku uu ka fikiray qorshe uu gantaalaha ka-hortagga ah ee ay iibsatay Sacuudi Carabiya ugu weecinayo nidaamyada yaalla Israa’iil, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha. Wada-hadalladu waxay ahaayeen kuwo xasaasi ah, sababtoo ah magaalooyinka iyo xarumaha saliidda ee boqortooyada ayaa iyagana loo arkayay inay halis ku jiraan intii uu khilaafku socday.

Ma ahayn kaliya nidaamka Thaad. Maraykanku wuxuu sidoo kale si weyn u isticmaalay tiro badan oo ah gantaalaha ka-hortagga ee maraakiibta laga rido, Israa’iilna waxay si degdeg ah u dhameysay keydkii ay u haysay nidaamyadeeda. Tobannaan gantaal oo Iiraani ah ayaa si kastaba ka dusay difaaca.

In kasta oo saraakiisha Israa’iil ay ku ammaaneen nidaamyada Maraykanka inay badbaadiyeen nolosha kumannaan qof, haddana dagaalku wuxuu kashifay farqi walaac leh oo ku jira sahayda Maraykanka. Maraykanku wuxuu kaloo ogaaday habacsanaan ku jirta qaabka uu u adeegsado nidaamyadiisa ka-hortagga gantaalaha, wuxuuna hadda si dhow u eegayaa waxqabadka qaar ka mid ah gantaalaha ka-hortagga.

Qaar ka mid ah qorsheeyayaasha Pentagon-ka ayaa sheegaya in difaaca gantaalaha ee Maraykanka—oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo ciidamada iyo hantida Maraykanka weerarro bartilmaameed ah oo kaga yimaada Ruushka, Shiinaha ama Kuuriyada Waqooyi—uusan ku filnayn adduun ay gantaalaha baalistigga ah ee jaban ee tiro badan noqdeen hubka hawada ee ugu door roon.

Ciidanka Badda ee Maraykanku wuxuu gu’gan la dagaallamayay maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo gantaalaha ka dhigtay udub-dhexaadka hubkooda. Ukraine waxaa si isdaba-joog ah u duqeeyay Ruushka, kaasoo isticmaalaya gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn halkii uu halis gelin lahaa duuliyeyaashiisa. Shiinuhu wuxuu maalgashi culus ku sameeyay horumarinta gantaalaha wuxuuna si xawli ah u dhisayaa hub uu u isticmaali karo inuu Maraykanka ka hor istaago isku dhac kasta oo mustaqbalka ka dhasha Taiwan.

“Ugu dambayn waxaan ku baraarugaynaa baahida loo qabo soo iibsashada hub difaac oo aad u tiro badan,” ayuu yiri Tom Karako, oo ah agaasimaha Mashruuca Difaaca Gantaalaha ee Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadeed iyo Kuwa Caalamiga ah (CSIS).

Ku-xigeen Brad Cooper, oo dhowaan la wareegi doona hoggaanka Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), oo mas’uul ka ah hawlgallada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, ayaa bishii Juun u sheegay Koongareeska in saraakiishu ay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan dareen degdeg ah.

“Wax walba walaac ayaan ka qabaa, laakiin mid ka mid ah waxyaabaha welwelka igu haya ayaa ah hubka iyo tirada keydkeenna,” ayuu yiri Cooper.

Nidaam kasta oo Thaad ah—oo loo soo gaabiyo Terminal High Altitude Area Defense—wuxuu qaadi karaa 48 gantaal oo ka-hortag ah oo ku jira lix rukun, wuxuuna u baahan yahay ilaa 100 askari oo Maraykan ah si ay dib ugu buuxiyaan, u falanqeeyaan xogta, dayactir u sameeyaan, ayna u ridaan gantaalaha 24-ka saac.

“Inta aan ogahay Maraykanku weligii hore hal waddan uguma geyn laba nidaam oo Thaad ah,” ayuu yiri Dan Shapiro, oo maamulka Biden u qaabilsanaa siyaasadda Bariga Dhexe ee Pentagon-ka, haddana ah cilmi-baare sare oo ka tirsan golaha fikirka ee Atlantic Council. “Waa ka go’naan aan caadi ahayn oo teknoolajiyad iyo shaqaale Maraykan ah loogu talagalay amniga Israa’iil.”

Pentagon-ku wuxuu diray gurmad gantaallo ka-hortag ah intii uu dagaalku socday, laakiin sahaydu way yarayd.

Hal gantaal oo ka-hortagga ah ee Thaad wuxuu ku kacayaa qiyaastii $13 milyan oo doollar, sida ku cad dokumentiyada miisaaniyadda, Pentagon-kuna wuxuu iibsaday ilaa 650 xabo tan iyo 2010. Saraakiishu waxay codsadeen inay iibsadaan 37 xabo sannad-maaliyadeedka soo socda.

Shirkadda Lockheed Martin, oo sameysa nidaamyadan, waxay sheegtay inay sannadkan samayn karto ilaa 100 gantaal oo ka-hortag ah, ayna kala shaqaynayso dawladda sidii loo kordhin lahaa wax-soo-saarka dalabyada cusub.

Waxay u badan tahay inay qaadan doonto in ka badan sannad, ayna ku kici doonto inta u dhaxaysa $1.5 bilyan iyo $2 bilyan oo doollar si dib loogu buuxiyo gantaaladii Thaad ee la riday intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood, sida uu sheegay Wes Rumbaugh, oo ah cilmi-baare ka tirsan CSIS oo daraaseeya iibsiga gantaalaha ee Pentagon-ka iyo faahfaahinta miisaaniyadda.

Geynta ciidamada ee Bariga Dhexe waxay culeys saartay heeganka Maraykanka waxayna muujisay baahi sii kordheysa oo aan ku ekayn oo kaliya gantaalaha ka-hortagga, balse sidoo kale loo baahan yahay rukunnada gantaalaha laga rido oo dheeraad ah, sida ay sheegeen falanqeeyayaashu.

Saraakiisha ciidanka lugta ayaa sheegaya in xaaladda ugu habboon, laba nidaam oo Thaad ah ay tahay inay yaallaan Maraykanka halkii mid la geyn lahaa dibadda. Fikradan, hal nidaam ayaa hawlgal ku jira, mid kale wuxuu ku soo laabanayaa dayactir iyo casriyeyn, mid saddexaadna wuxuu ku jiraa tababar loogu diyaar garoobayo hawlgalka xiga.

Toddobada nidaam ee Thaad ee Maraykanku uu adeegsado, laba ayaa hadda ku sugan jiidda hore ee Israa’iil. Laba kale waxaa si joogto ah loogu ballanqaaday Guam iyo Kuuriyada Koonfureed, mid kalena waxaa la geeyey Sacuudi Carabiya, labana waxay yaallaan gudaha Maraykanka. Nidaam siddeedaad ayaa la farsameeyay laakiin weli si buuxda uma shaqeynayo.

Iyadoo shan ka mid ah toddobada nidaam ee Thaad ay hawlgal ku jiraan, Maraykanku wuxuu u badan yahay inuu la kulmi doono dhibaatooyin la xiriira nasasho la’aanta cutubyada oo aan helin waqti ku filan oo ay ku nastaan inta u dhaxaysa hawlgallada, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka lugta oo ka caawiya tababarka difaaca hawada.

Inkastoo Israa’iil ay leedahay nidaam difaac oo u gaar ah, oo casri ah, isla markaana ka kooban heerar kala duwan, sida nidaamyada Arrow, David’s Sling iyo Iron Dome, haddana dalku wuxuu ku sigtay in ay ka go’aan gantaalihiisa ka-hortagga, wuxuuna si taxaddar leh u maareynayay agabkiisa markii uu dagaalku dhammaanayay. Haddii Iiraan ay ridi lahayd dhowr dufcadood oo kale oo gantaallo waaweyn ah, Israa’iil waxaa ka dhammaan lahaa sahaydeeda gantaalaha heerka sare ah ee Arrow 3, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Maraykanka.

Milatariga Israa’iil wuxuu sheegay inuusan shaacin tirada gantaalaha ka-hortagga ama faahfaahinta hawlgallada ee la xiriira nidaamyadiisa difaaca hawada. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaa ku daray in “inta uu dagaalku socday, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ay haysteen agabkii lagama maarmaanka u ahaa inay ku difaacaan madax-bannaanidooda ayna ku ilaaliyaan shacabkooda.”

Markii uu dagaalku sii socday ee duqeymaha Iiraan ay sii wadeen, Maraykanku wuxuu si degdeg ah ugu diray maraakiibta burburiyeyaasha ah ee Ciidanka Badda, oo ku qalabaysan awoodda ay ku soo ridaan gantaalaha baalistigga, dhinaca Israa’iil, isagoo toddobo ka mid ah u diray bariga badda Mediterranean-ka iyo Badda Cas.

Inta badan maraakiibta burburiyeyaasha ah ee Maraykanka ee nooca Arleigh Burke-class waxay ku hubaysan yihiin noocyo kala duwan oo gantaalaha ka-hortagga ee Standard Missile, oo loo yaqaan SM-2, SM-3 iyo SM-6, kuwaas oo soo ridi kara gantaalaha baalistigga ah iyo khataraha kale ee hawada.

Maraakiibtaas dagaalku waxay iyaguna si walaac leh u isticmaaleen gantaalaha ka-hortagga, sida uu ku-simaha madaxa hawlgallada badda, Admiral James Kilby, ka sheegay Capitol Hill bishii Juun. Intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood, maraakiibtu waxay rideen ilaa 80 gantaal oo SM-3 ah oo ay kaga jawaabeen khatarihii Iiraan, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.

Gantaalaha SM-3, oo ay sameyso shirkadda qandaraasyada difaaca ee shirkadda RTX (Horey loogu yaqiin Raytheon Technologies), waxay ku kacaan inta u dhaxaysa $8 milyan iyo $25 milyan oo doollar iyadoo ku xiran nooca ay yihiin.

Sidoo kale waxaa Pentagon-ka ka jira walaac ah in gantaalaha SM-3, oo markii ugu horreysay dagaal lagu isticmaalay sannadkii hore, sidoo kale si looga hortago weerar Iiraan, aysan burburin bartilmaameedyo intii la filayay, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan wasaaradda difaaca.

Milatarigu wuxuu hadda si taxaddar leh u eegayaa riditaan kasta si uu si fiican u fahmo waxa dhacay. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda oo ku lug leh geeddi-socodkan ayaa sheegay inay goor hore tahay in la xukmiyo hawlgallada SM-3.

“Xogta tijaabada iyo hawlgalka ee laga helay isticmaalka dagaalka waxay si joogto ah u muujinaysaa in SM-3 ay yihiin gantaallo ka-hortag ah oo aad waxtar u leh, kuwaas oo muujiyay awoodda ay ku jabiyaan khataraha adag ee jawiyada ugu daran,” ayuu yiri afhayeen u hadlay RTX.

Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Badda oo ka soo shaqeeyay Bariga Dhexe ayaa sheegay in badmaaxiintu ay u badan tahay inay la kulmeen dhibaatooyin dhanka isku-dubbaridka ah, sababtoo ah Maraykanka iyo Israa’iil waxay si weyn ugu tiirsan yihiin isgaarsiinta codka si ay u kala saaraan nidaamka soo ridaya gantaalka cayiman. Jahwareerka dagaalka dhexdiisa, waxaa suurtogal ah in dhowr markab ay rideen gantaallo isku bartilmaameed ah.

Marka laga soo tago tobannaan madaxyada dagaalka ah, hawlwadeennadu waxay sidoo kale arki karaan burbur, ma-dhalaysyo iyo qaybaha gantaalaha oo hawada ku duulaya. In kasta oo badmaaxiinta lagu tababaray inay kala gartaan farqiga u dhexeeya, hawada sare ee dagaalka waxay ahayd mid aad u buux dhaaftay oo ay suuragal tahay inay ku dhibtoodeen inay aqoonsadaan bartilmaameedka saxda ah, sida ay sheegeen saraakiishu.

“In la gaaro dilal guul leh, iyo soo-riditaan wax ku ool ah wuxuu noqonayaa mid si weyn u sii adkaada marka ay tirada gantaalaha baalistigga ahi kordhaan,” ayuu yiri Tri Freed, oo ah madaxa injineerada ee waaxda difaaca hawada iyo gantaalaha ee Johns Hopkins Applied Physics Laboratory.

Iyadoo ay sii kordhinayso caqabadaha ka dhashay tirada badan ee gantaalaha weerarka ah, maraakiibta Maraykanka waxay ku qasbanaadeen inay aadaan dekedaha Mediterranean-ka ama Badda Cas ka dib markii ay rideen dhammaan gantaaladooda ka-hortagga, sababtoo ah Ciidanka Badda weli ma lahan hab la isku halleyn karo oo ay dib ugu shubtaan hubka iyagoo badda ku jira.

Dhibaatada ah in weelka gantaalka oo dhererkiisu yahay 30-cagood la geliyo tuubooyinka toosan ee ridada waxay ka dhigan tahay in badmaaxiintu aysan awoodin in markabku uu ruxmo inta lagu jiro dib-u-buuxinta—taas oo dhibaato weyn ku noqon karta Maraykanka haddii uu isku dhac la galo Shiinaha.

“Dib-u-buuxinta gantaalaha ee badda dhexdeeda waa hawl adag sababtoo ah culeyska iyo baaxadda weyn ee gantaalaha ku jira weelashooda,” ayuu yiri Freed.

Laakiin dhibaatada ugu weyn ayaa weli ah tirada. Karako, oo ah falanqeeyaha difaaca gantaalaha, ayaa sheegay in dagaalka iyo suurtagalnimada iska horimaadyo kale ay muujiyeen in Maraykanku u baahan yahay tiro aad u badan oo gantaallo ka-hortag ah oo dheeraad ah.

“Welwelka kale ee jira ayaa ah in Iiraaniyiintu ay mar kale sidan oo kale samayn doonaan,” ayuu yiri. “Anaguna ma awoodno inaan mar kale sidaas yeelno.”

Tallaabooyinka ay tahay in DF ay ku ciqaabto DENI kadib fallaaganimadii uu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Fallaaganimada bareerka ah ee Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qarka u saartay kala-daadasho. Goosashada awoodaha ee maamulkiisa ee ka hor imanaysa dastuurka iyo la wareegistiisii sharci-darrada ahayd ee Markab shixnad militari oo qaran leeyahay ma aha falal mucaaradnimo siyaasadeed — waa falal fallaagonimo ah.

Xaaladdan adag ee jiritaanka dawladnimada khatarta ku ah, Dawladda Federaalka Soomaaliya ma awooddo inay kaga jawaabto si caga-jiid ah. Si maamulka Deni loogu qasbo inuu ku soo laabto nidaamka dastuuriga ah — loogana hortago kala-goyn intan ka sii badan — waa in Dawladda Federaalku adeegsato istaraatiijiyad ballaaran oo cadaadis xooggan ku dhisan.

Falanqayntani waxay soo bandhigaysaa qorshe dhinacyo badan leh, oo ka ballaaran go’doomin oo keliya, kuna jiraan cunaqabataynno la beegsanayo shakhsiyaad gaar ah, go’doomin diblomaasiyadeed, iyo adkaynta maamulka buuxa ee dawladda dhexe ay ku leedahay kaabayaasha badda. Kuwani ma aha oo keliya tallaabooyin ciqaab ah; waa aaladaha lagama maarmaanka u ah dawlad sharci ah oo difaacaysa jiritaankeeda, kana hortagaysa maamul jabhadaynaya oo gefay.

Cunaqabataynno bartilmaameedsan

Fallaaganimadani ma aha kacdoon shacab. Waa xeelad awoodeed oo uu si qorshaysan u hoggaaminayo Deni iyo koox yar oo ka kooban siyaasiyiin iyo ganacsato awood leh oo taageera kuna macaasha gefkiisa. Sidaa darteed, jawaabtu waa inay noqotaa mid bartilmaameedsan — oo si toos ah loola dan leeyahay horseedayaasha dhibaatada.

Xayiraad hanti iyo mid safar: Dawladda Federaalku waa inay si degdeg ah u diyaarisaa liiska shakhsiyaadka — oo ay ku jiraan Madaxweyne Deni, xubnaha muhiimka ah ee golaha wasiirrada, saraakiisha amniga, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee ku lugta leh — si loogu soo rogo cunaqabataynno gaar ah.

Iyadoo la kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah sida Maraykanka, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, waa in dawladdu ka shaqaysaa sidii loo xayiri lahaa hantidooda dibedda iyo in lagu soo rogo xayiraad adag oo dhinaca socdaalka ah. Tani waxay go’doominaysaa hoggaanka Puntland, waxay ka jaraysaa helitaanka nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, waxayna xaddidaysaa dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed.

Liiska madow ee dhaqaalaha: Isla mar ahaantaana, Dawladda Federaalku waa inay la shaqaysaa hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si liiska madow loogu daro shirkadaha iyo hay’adaha fadhigoodu yahay Puntland ee lagu helo inay ku lug leeyihiin falal dastuuri-darro ah, oo ay ku jiraan kuwa ku lug leh ka ganacsiga hubka iyo burcad-badeednimada. Tallaabooyinkani waxay jarayaan isha dhaqaale ee quudinaysa gefka Deni.

Cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid sharci  

Hoggaanka Puntland wuxuu u dhaqmayaa sidii dawlad madax-bannaan oo kale (de facto state), isagoo si toos ah xiriir ula samaynaya dawlado shisheeye sida Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Dawladda Federaalku waa inay adeegsataa maqaamkeeda dawladnimo ee caalamku aqoonsan yahay si ay u burburiso dhalanteedkan diblomaasiyadeed una xoojiso go’doominta sharciyeed ee Puntland.

Ka faa’iidaysiga Golaha Ammaanka ee QM: Maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026), waxay haysataa fursad gaar ah oo ay ku caalamayn karto dhibaatadan. Dawladda Federaalku waa inay si rasmi ah uga codsato Golaha inuu cambaareeyo ficillada Puntland, iyadoo ku tilmaamaysa inay yihiin khatar ku ah nabadda iyo amniga. Waxay cuskan kartaa Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713 — ee ku saabsan Al-Shabaab — si ay ugu ololeyso in la xoojiyo kantaroolka federaalku ku leeyahay hubka iyo rasaasta u socota dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Marka ay Muqdisho soo bandhigto caddaymo muujinaya in fallaaganimada Puntland ay khatar gelinayso xasilloonida gobolka iyo in hubka la leexsanayo, waxay ku riixi kartaa qaraar dhammaan kaalmada amniga ee la siiyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka shuruud uga dhigaya kormeer toos ah oo DFS ay samayso.

Dacwad-qaadis dambi: Tallaabada sharciga waa in sidoo kale la xoojiyaa. Amarka xarigga ee loo jaray madaxweynaha Jubaland wuxuu abuurayaa tusaale cad. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waa inuu hadda ku oogo dacwado khiyaano qaran, kicin dadweyne, iyo burcad-badeednimo madaxweyne Deni iyo kooxdiisa soke, dacwadahaasna laga diiwaan-geliyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xitaa haddii fulintu aysan isla markiiba suurtagal ahayn, eedeymahani waxay si rasmi ah dembi uga dhigayaan fallaaganimada, waxay meesha ka saarayaan sharciyadda hoggaanka Puntland ee masraxa caalamiga ah, waxayna dhigayaan aasaas sharci ah oo lagula xisaabtami karo mustaqbalka.

Adkaynta maamulka madax-bannaani buuxda

Fallaaganimada Deni waxay salka ku haysaa fikirka ah in Puntland ay u shaqayn karto sidii dawlad madax-bannaan — oo maamusha dhulkeeda, dekeddeeda, iyo kaabayaasheeda. Fikirkaas waa in si go’aan adag leh loola dagaallamo.

Go’doon Badeed: Sida ku cad sharciga Soomaaliya iyo Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, Dawladda Federaalka oo keliya ayaa leh maamulka buuxa ee biyaha qaranka iyo Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ). Dawladda Federaalku waa inay ku dhawaaqdaa aag kantarool badeed oo ka baxsan xeebta Puntland, kaasoo ku qasbaya dhammaan maraakiibta ganacsiga inay oggolaadaan baaritaan ay ku sameeyaan Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

Markab kasta oo isku daya inuu ku soo xirto Boosaaso ama dekedo kale oo Puntland ku yaal iyadoon haysan ogolaansho federaal ah waa in la hor istaago. Tani ma joojin doonto oo keliya qulqulka sharci-darrada ah ee hubka, laakiin sidoo kale waxay carqaladayn doontaa ganacsiga taageera fallaagenimada Deni. Intaa waxaa dheer, Dawladda Federaalku waa inay ku dhawaaqdaa in dhammaan shatiyada kalluumaysiga iyo kheyraadka ee uu bixiyey maamulka Puntland ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo ka digaysa in hawl-wadeennada ajnabiga ah ee qandaraasyadaas gala ay wajihi doonaan tallaabo sharci ah.

Gunaanad: Qiimaha midnimada

Waddada cadaadiska way adag tahay. Laakiin waddada ficil la’aantu waxay horseeddaa burbur aan laga fursan karin. Fallaaganimada Madaxweyne Deni waa loolan toos ah oo lagu wajayo dawladnimada Soomaaliya — waana in lagaga hortago awoodda buuxda ee sharciga iyo madax-bannaanida dawladda.

Istaraatiijiyad dhammaystiran oo isku darsanaysa cunaqabataynno la beegsanayo iyo adkayn go’aan leh oo lagu soo celinayo awoodda federaalka ma aha oo kaliya lagama maarmaan — waa waddada keliya ee suurtogalka ah ee horay loogu socon karo. Soomaaliya ma awooddo inay ka laba-labayso. In hadda la gaabiyo waxay horseedaysaa kala-goyn qoto dheer waxayna awood siinaysaa kuwa doonaya ku noqoshada dagaal-oogannimo iyo sharci-la’aan.

Qiimaha midnimadu waa tallaabo go’aan leh. Waa in Dawladda Federaalku diyaar u ahaato inay bixiso qiimahaas.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Magaca, calanka iyo qaab dhismeedka maamulka ka soo baxaya shirka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar hordhac ah oo laga helayo shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, oo ka kooban gobollada SSC iyo Maakhir, ayaa muujinaya is-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.

Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.

Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.

Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu heshiiyay in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono:

  • Madaxweyne
  • Madaxweyne ku-xigeen
  • Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
  • Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah

Arrinta muranka dhalisay ayaa ah tirada xildhibaannada la soo magacaabi doono – iyadoo la isla meel dhigay tiro dhan 79 xildhibaan, balse weli ay taagan tahay dood culus oo ku saabsan cida mataleysa, saamiga beelaha, iyo habka loo xulayo.

Gobollada SSC iyo Maakhir waxay muddo dheer ahaayeen goob uu ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo milatari oo u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland.

Dagaallo culus ayaa qarxay 6-dii Febraayo 2023, kaddib markii Laascaanood uu gilgilay kacdoon shacabka ah oo ka dhashay dilal xiriir ah oo loo geysanayey odayaasha deegaanka. Waxay ahayd halkii lagu dhawaaqay maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo si cad loogu sheegay inuusan maamulkaasi ka tirsanayn Somaliland ama Puntland, balse uu hoos tagayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib dagaallo culus oo socday bilooyin badan, oo sababay dhimasho iyo barakac ballaaran, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay October 2023 si rasmi ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo sidii maamul hoosaad ku-meelgaar ah oo hoos taga federaalka.

Waxaa la rumeysan yahay in aqoonsigan uu ahaa mid xagal-daacinaya sheegashada Puntland iyo Somaliland ee gobolka, waxaana Puntland si cad u diiday aqoonsigaas, iyadoo sheegtay in SSC ay ka mid tahay deegaannadeeda.

Bishii April 2025 maamulka SSC-Khaatumo ayaa si buuxda loogu aqoonsaday dowlad goboleed rasmi ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

In kasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiis dhammeystiran, xogahan hordhaca ah waxay muujinayaan in dhismaha maamulka SSC-Khaatumo uu marayo marxalad cusub oo siyaasadeed. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo heshiis kama dambeys ah iyo liiska xubnaha maamulka.

Madax Al-Shabaab ah oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Intii uu socday howl-galka ayaa waxaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed, isla markaana kooxda dhexdeeda looga yaqaanay Mascuud.

Horjoogahan oo sidoo kale lala dilay ilaaladiisii ayaa wuxuu kooxda u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda qaraxyada lagu dhigo waddooyinka. Qaraxyada noocan ah ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa ciidanka dowladda iyo shacabka rayidka ah.

Ciidamadu waxay soo bandhigeen meydkiisa si bulshada deegaanka loogu muujiyo natiijada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Howl-galka ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaar ah ee kooxda Al-Shabaab lagu dagaalamayo, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, dagaalladan oo bilihii lasoo dhaafay gaabis ku yimid ayaa horseeday in kooxdu dib ula wareegto deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay degmada Moqokori oo illaa hadda ay gacanta ku hayso kooxda.

Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibbada caalamka, haddana weli ma muuqdo duullaan culus oo kooxda dib looga furanayo deegaannada ay qabsatay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Addis Ababa + Ujeedka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo kasoo kicitamay Jabuuti oo safarkiisa uu kasoo bilaabay ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa, waxaana halkaasi uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shirweynaha Qaramada Midoobey ee sugnaanta cuntada adduunka, kaas oo ay qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhexeyso maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.

Safarkaan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweynuhu ku tegay dalalka Masar iyo Turkiga, isaga oo hoggaamiyeyaasha dalalkaas kala soo hadlay xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda haatan kasoo cusboonaatay aagga Badda-cas.

Waxaa kale oo ay booqashadan kusoo aadeysaa, xilli dhowaan Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn oo ay ku jirto Itoobiya.

Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.







Puntland oo ciidamo hor leh gaysay gobolka Sanaag

0

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Puntland ay maanta ciidamo dheeraad ah gaysay gobolkaasi, kuwaas oo wata gaadiidka deegaalka, waxayna fariisimo cusub ka sameysteen degmooyinka Dhahar iyo Badhan.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay xoojin doonaan kuwii horay u joogay degmooyinkaasi, isla markaana ay sugi doonaan amniga guud ee gobolka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in haatan xaaad kacsanaan ah laga dareemayo aaggaasi, maadaama ay horay u joogeen ciidamo kale oo taabacsan kuwa maamulka SSC-Khaatumo, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal horleh ka qaraxo gobolka Sanaag.

Ujeedka Puntland ayaa ah inay ka hortegto dhaq-dhaqaaqa ciidamada SSC iyo kuwa Maakhir ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo horay ula dagaalamay ciidamadeeda ku sugan degmada Dhahar.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Sanaag ee ka dhalatay dhammeystirka maamul-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan loo fadhiyo magaalada Laascaanood.

Puntland ayaa ka carootay qaabka wax loo wado, maadaama goboka Sanaag loo qorsheeyay inuu ku biiro maamulka SSC, taas oo keentay xiisadda ka taagan gobolkaasi.

Si kastaba, shirka dhammeystirka dowlad-dhiska SSC-Khaatumo ayaa hadda ku dhow gabgabo, waxaanais-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.

Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.

Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.

Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay  in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono: Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah.

Muxuu salka ku hayaa dagaalka ka dhex-qarxay Thailand iyo Cambodia?

Baangkok (Caasimada Online) — Isku dhacyo hubeysan ayaa ka dhex qarxay dalalka Thailand iyo Cambodia, kuwaas oo ka dhacay aagag xuduudeed oo muddo dheer lagu muransanaa, kuwaasoo si degdeg ah u sii huriyey xiisado bilooyin socday.

Dagaalka ayaa isugu jiray is-weydaarsi rasaas ah, duqeymo madaafiic ah, iyo gantaallo, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo dhinaca Thailand ah iyo hal qof oo Cambodia u dhashay, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa uu sidoo kale dagaalku sababay in tobannaan kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda oo ku yaalla meel u dhow xuduudda. Dalka Thailand ayaa sidoo kale duqeymo dhinaca cirka ah la beegsaday Cambodia.

Waxa uu ahaa iska horimaadkii labaad ee hubeysan tan iyo markii askari reer Cambodia ah la toogtay bishii May, waana xaalad si weyn u sii cakirantay oo timid saacado kadib markii labada dal ay hoos u dhigeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo ka dambaysay qarax miino oo ay ku dhaawacmeen askar Thai ah.

Milatariga Thailand ayaa Jimcihii sheegay in isku dhacyo ay ka dhaceen goobo dhowr ah oo ku teedsan xuduudda, meel u dhow afar gobol oo Thailand ah.

Halkan ka akhriso waxa laga ogyahay muranka u dhexeeya labadan dal ee deriska ah ee ku yaal Koonfur-bari Aasiya.

Sida uu muranku ku bilowday

Muranku wuxuu soo shaac baxay bishii May kadib markii ciidamada hubeysan ee Thailand iyo Cambodia ay si kooban rasaas isugu weydaarsadeen aag xuduudeed yar oo lagu muransan yahay, kaas oo dal walba uu sheegto inuu leeyahay.

Labada dhinacba waxay sheegeen inay is-difaacayeen. Waxaa halkaas ku dhintay hal askari oo reer Cambodia ah.

In kasta oo labada dal ay markii dambe sheegeen inay ku heshiiyeen in xiisadda la dejiyo, haddana mas’uuliyiinta Cambodia iyo Thailand waxay sii wadeen inay hirgeliyaan ama ku hanjabaan tallaabooyin aan dagaal toos ah ahayn, taasoo xiisadda sii kicisay.

Thailand waxay xayiraado adag kusoo rogtay xuduudda ay la wadaagto Cambodia, kuwaasoo joojiyey ku dhowaad dhammaan isu-gudubka dadka marka laga reebo ardayda, bukaannada, iyo dadka kale ee leh baahiyaha asaasiga ah. Maalintii Khamiista, mas’uuliyiinta Thailand waxay ku dhawaaqeen inay gebi ahaanba xirayaan xuduudda.

Cambodia ayaa sidoo kale mamnuucday filimada iyo barnaamijyada TV-yada ee Thailand, waxay joojisay soo dejinta shidaalka, miraha, iyo qudaarta laga keeno Thailand, waxayna qaadacday qaar ka mid ah xiriirrada internet-ka caalamiga ah iyo korontada ay ka hesho dalka deriska la ah.

Fadeexad ka dhacay Thailand

Dareenka waddaninimada ee labada dhinac ayaa xaaladda sii huriyey.

Ra’iisul Wasaaraha Thailand, Paetongtarn Shinawatra, ayaa xafiiska laga joojiyey 1-dii Luulyo si baaritaan loogu sameeyo eedeymo la xiriira ku xadgudub anshaxa oo ku saabsan sida ay u maareysay muranka xuduudda, kadib markii la dusiyey wada-hadal taleefan oo ay la yeelatay hoggaamiye sare oo reer Cambodia ah.

Wada-hadalkaas oo dhacay bishii Juun, Paetongtarn waxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cambodia, Hun Sen, ugu yeertay “adeer,” waxayna dhaleecaysay hoggaanka milatariga Thailand, hadalladaas oo ay dadka dhaliilaa ku tilmaameen ixtiraam-darro ku ah madax-bannaanida qaranka.

Hun Sen waxaa xilka kala wareegay wiilkiisa Hun Manet sannadkii 2023-kii, laakiin weli saameyn ayuu leeyahay isagoo ah guddoomiyaha Aqalka Sare. Wuxuu saaxiib muddo dheer ah la ahaa aabbaheed, Thaksin Shinawatra, oo ahaa ra’iisul wasaare hore oo caan ah balse lagu kala qeybsanaa, laakiin xiriirkoodu wuxuu xumaaday muranka xuduudda dartiis.

Wada-hadalka la dusiyey wuxuu kiciyey caro ballaaran iyo dibadbaxyo. Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga Paetongtarn ee Pheu Thai ayaa sidoo kale daciifay markii xisbiga labaad ee ugu weyn isbahaysiga, Bhumjaithai Party, uu kala noqday taageeradiisii, isagoo sabab uga dhigay dabacsanaan loo arkay inay u muujisay dhinaca Cambodia.

Paetongtarn way ka cudurdaaratay, waxayna ku dooday in hadalladeedu ay ahaayeen xeelad gorgortan. Saaxiibkeed, Wasiirkii hore ee Difaaca, Phumtham Wechayachai, ayaa loo magacaabay ku-sime ra’iisul wasaare.

Sheegashooyinka xuduudda

Murannada xuduuduhu waa arrimo soo jireen ah oo sababay xiisado soo noqnoqda oo u dhexeeya labadan dal ee deriska ah. Thailand iyo Cambodia waxay wadaagaan xuduud dhuleed oo dhererkeedu ka badan yahay 800 oo kiiloomitir (500 mayl).

Sheegashooyinkan iska hor imanaya waxay inta badan salka ku hayaan khariidad la sawiray 1907-dii xilligii gumeysiga Faransiiska, taasoo loo isticmaalay in lagu kala saaro Cambodia iyo Thailand. Cambodia waxay khariidaddaas u isticmaalaysay tixraac ay ku sheeganayso dhul, halka Thailand ay ku doodayso in khariidaddu aysan sax ahayn.

Isku dhacyada ugu caansan uguna rabshadda badnaa waxay ka dhaceen agagaarka macbadka Preah Vihear oo jira 1,000 sano.

Sannadkii 1962-dii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) waxay lahaanshaha madax-bannaanida aagga macbadka u xukuntay Cambodia. Xukunkaas wuxuu noqday mid si weyn u carqaladeeya xiriirka labada dal.

Cambodia waxay dib ugu laabatay maxkamadda sannadkii 2011, kadib isku dhacyo dhowr ah oo dhex maray ciidankeeda iyo kuwa Thailand, kuwaasoo ay ku dhinteen ilaa 20 qof, kumanaan kalena ay ku barakaceen. Maxkamaddu waxay xukunkii u danbeeyay ee Cambodia ay guushu ku raacday dib u adkeysay sannadkii 2013-kii.

Cambodia waxay mar kale u laabatay maxkamadda caalamiga ah si loo xalliyo murannada xuduudda, laakiin Thailand way diiday awoodda sharci ee maxkamadda.

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Shabaab oo soo galay Afgooye

0

Afgooe (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fulisay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ay ku qabatay degmada Afgooye, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen halkaasi.

Labada xubnood mid kamid ah ayaa ah horjooge sare oo argagaxisada u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka kan kale uu ka tirsanaa amniyaatka kooxda, waxaana Hay’adda NISA sheegtay inuu ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada iyo inuu fuliyo dilal qorsheysan.

Hay’ada ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in soo qabashada raggan ay daba socotay diginin culus oo 20-kii bishaan ay soo saartay dowladda oo ku aadan uruurinta lacagaha baaddda ah iyo maalgeinta kooxaha argagixisada, taas oo dhan sharciga maaliyadda dalka.

“Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Waxaa kale oo ay hay’addu farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ka codsatay inay lasoo xiriraan, haddii ay arkaan wax liddi ku ah amniga amaba la kulmaan cadaadis uga imaanaya Al-Shabaab.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Khawaarijta halista ku ah amniga qaranka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maanta kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Hay’adda ayaa maalmihii u dambeeyay laba jibaartay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna inta ku beegsataa furimaha hore iyo magaalooyinkaa waawayn intaa.

Dagaal xooggan oo ka socda duleedka Maxaas iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo haatan ka socda bannaanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda aagga deegaanka Ceelgorof oo u dhexeeya degmooyinka Maxaas iyo Baxdo, waxaana soo qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ee ku sugan halkaas ayaa iska difaacay weerarka Al-Shabaab, waxayna dib u riixeen xubnaha weerarka soo qaaday, kadib dagaal qaraar oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay mar kale dib isku soo abaabuleen, isla markaana ay xoogga soo saareen dagaalka oo weli ka socda duleedka Maxaas, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dileen xubno Shabaab ah iyo saraakiil ku hoggaamineysay dagaalka, welina uu socda howlgalka ayna difaacayaan degmada.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana jiidda hore ee dagaalka gaaraya ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah, si u ay xoojiyaan ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab ee ku sugan Maxaas.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo Khaamiistii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen xubno ka tirsan argagixisada oo isku diyaarinayay deegaanka Ceelgorof oo hadda uu ka socdo dagaalka waxaana jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Degmada Maxaas oo maalmahan uu ka socday abaabul culus ayaa waxaa haatan xoogga soo saartay Khawaarijta, kadib markii ay dhowaan qabsatay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay muddo dheer ka hortaagnaayeen Macawiisleyda beesha Xawaadle.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HiShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

What The Economist got wrong on Somalia

For readers not steeped in Somali affairs, The Economist’s recent declaration that “Somalia’s state-building project is in tatters” would have sounded the alarm: a nation once again on the brink, battered by insurgents, political dysfunction, and diplomatic fatigue. It is a dramatic diagnosis. But it is also a flawed one that is outdated in its assumptions, narrow in its criteria, and far removed from the complex, evolving reality on the ground.

Somalia’s progress cannot and should not be measured solely through the prism of counterterrorism. That’s where The Economist places its emphasis, citing al-Shabab’s recent attacks and limited territorial gains as if they represent the entirety of the Somali state’s trajectory. But “state-building” encompasses far more than battlefield maps: it includes fiscal autonomy, institutional development, education, public finance, remittance integration, and the reemergence of civic life in a society recovering from three decades of collapse.

Indeed, by many of these broader metrics, Somalia is advancing quietly, but unmistakably. The World Bank, IMF, and UN agencies consistently recognize Somalia’s post-2020 progress. In December 2023, the IMF approved debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative, cutting external debt from over $5 billion to just under $600 million. This landmark opened the doors to concessional financing, budgetary support, and infrastructure investment, the tools that no failed state possesses. In its 2025 review, the IMF projected Somalia’s GDP growth at 3.7% and reaffirmed continued structural reform under the Extended Credit Facility.

Critically, The Economist fails to note what matters most: that Somalia now collects and manages its own domestic revenues across several federal member states, and that procurement systems, auditor general oversight, and central bank reform have progressed more in five years than in the prior 25 combined. These are not signs of tatters, rather, they are evidence of a state under reconstruction.

It’s also telling that The Economist invokes the withdrawal of foreign support as if it were a fresh blow to Somalia’s fortunes. The truth is that Western powers abandoned traditional “nation-building” years ago. The U.S. shifted toward offshore counterterrorism operations and diplomatic minimalism. The EU, fatigued by humanitarian dependency, has moved toward regional containment. In that vacuum, it is Somalis, not the donors, who are leading the state-building process. The Somali diaspora now sends home an estimated $2 billion annually, eclipsing the combined total of all foreign aid and investment. Remittances remained Somalia’s most reliable source of capital, sustaining households, funding education, and underwriting microenterprise.

And speaking of education: another transformation ignored in the article is the quiet intellectual revolution underway. Tens of thousands of Somali students now graduate annually from universities in Mogadishu, Hargeisa, Garowe, Baidoa, and Kismayo among other cities. Higher education may not yet match international benchmarks, but its existence would have been unthinkable two decades ago. The emergence of local academic institutions, alongside dozens of vocational training centers and civic organizations, signals a generational shift in capacity and expectation.

Even The Economist’s use of Puntland as a foil to the federal government is misleading. It references Puntland’s recent gains against Islamic State terror group in the Bari mountains, implying that the rest of Somalia has no stake in its outcome. In reality, Puntland’s successes and struggles are Somalia’s successes and struggles. The notion that political tensions between President Said Abdullahi Deni and President Hassan Sheikh Mohamud represent a national schism is both overstated and analytically lazy. Most Somalis are well aware that these rivalries are rooted in 2026 pre-election maneuvering, not in existential questions about the state’s coherence.

The claim that “state-building is in tatters” collapses under scrutiny. Is Somalia facing real challenges? Certainly. Al-Shabab remains a potent threat. Droughts, displacement, and food insecurity persist. Constitutional clarity between federal and regional powers remains elusive. But none of these problems are new, and none justify dismissing the hard-won, ongoing gains made by Somali society in the absence of consistent international commitment.

If anything, The Economist’s article reflects a broader failure of imagination within certain policy circles: a belief that unless a state is rebuilt from the top down, by foreign architects, it cannot be rebuilt at all. Somalia’s experience tells a different story. This is a state slowly being reassembled from the inside out, by its own people, on its own terms, with uneven progress but unmistakable momentum.

Far from being “in tatters,” Somalia is forging a distinctly Somali model of recovery. And for those paying close attention, that may be the most hopeful sign of all.

his article was originally published on The Horn Affairs

Soomaali si caro leh ugu jawaabtay wargeys sheegay in ‘Shabaab qabsanayaan’ Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dhowaan uu daabacay wargeyska The Economist oo ka hadleysay xaaladda Soomaaliya ayaa dhalisay caro ballaaran oo ka qaraxday baraha bulshada, gaar ahaan barta X, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid marin habaabin ah oo ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka.

Sheegashada warbixinta ee ah in Muqdisho ay “gacanta u galeyso” Al-Shabaab ayaa noqotay mid muran xooggan dhaliyay, taasoo muujisay sida dadka Soomaaliyeed ay uga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab.

Dadka Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaal gudaha ah ayaa si adag uga falceliyay maqaalka, iyagoo ku eedeeyay inuu ka maran yahay xog dhab ah, isla markaana uu iska indha tirayo horumarka laga gaaray amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxaa si weyn loo baahiyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya isbeddelka muuqda ee magaalada Muqdisho iyo kobaca ammaanka, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa sawirka mugdiga ah ee uu maqaalka sawiray.

Dad badan ayaa aaminsan in hadalkaasi uu yahay mid la buunbuuniyay oo hoos u dhigaya dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Hadallada sheegaya in Muqdisho ay ‘gacanta u galeyso’ Al-Shabaab waa marin habaabin, waxayna wax u dhimayaan adkaysiga shacabka Soomaaliyeed,” ayuu qoray mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

“Qofna ma yareynayo khatarta ay Al-Shabaab iyo xulafadooda ku hayaan Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, anigoo si dhow ula socday xaaladda dalka muddo 13 sano ah, waxaan aaminsanahay in ay tahay aragti khaldan in la saadaaliyo in kooxdaasi ay si buuxda u qabsan doonto Muqdisho. Taasi waa mid aan rumeysanahay inaysan dhici doonin — waxaana si kalsooni leh ugu dhaaran karaa arrintaas,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland oo ka falceliyay warbixinta.

Wuxuu intaas ku daray: The Economist waxay haysataa fursad ay ku soo bandhigi karaan falanqeyn qoto dheer oo dhab u milicsata xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya. Nasiib darro, warbixintooda waxay u muuqataa mid ka fog xaqiiqo sugan oo miisaaman.”

Falcelintan ayaa muujinaysa niyad-jab sii kordhaya oo ay qabaan Soomaalida marka ay arkaan sida ay warbaahinta caalamiga ah u tabiso arrimaha dalka, iyagoo aaminsan in si xad-dhaaf ah loo buunbuuniyo dagaallada, halka laga il-duufayo horumarka muuqda ee dalka ka socda.

Jubaland oo ku dhowaaqday in la hareereeyay Janan iyo ciidankiisa kadib dagaalkii…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay degmada Beledxaawo, xilli uu wareysi gaar ah siiyay Somali Cable TV. Wuxuu sheegay in degmada ay hareereeyeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamo uu hoggaaminayo.

Al-Qaadi ayaa guul weyn ku tilmaamay dagaalkii dhacay shalay, isagoo sheegay in haatan ciidamada Jubaland ay si buuxda u maamulayaan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin xerada UK, halkaas oo ay hareereeyeen ciidamada Darawiishta ee Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabdirashiid Janan iyo ciidamada la socda waxa ay ku sugan yihiin xerada UK, oo weliba geesaha ay ka taagan yihiin ciidamada dowladda Jubaland,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:“Haddii Alle idmo, waxaan ka qabaneynaa fidnada ay wadaan, si aysan bulshada Soomaaliyeed ee degmada joogta u dhibaateyn ama xabbad aysan magaalada gudaheeda ka dhicin.”

Dhanka kale, guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan Jubaland ay u goosteen dhanka dowladda federaalka, kaddib markii Janan uu maanta soo bandhigay ciidamo uu sheegay inay kasoo goosteen maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

“Walaalow, ciidan halkaas u goostay ma jiro. Waa been, waxay sameynayaan ciidamadooda ayay file gelinayaan, kadibna waxay leeyihiin way noo soo goosteen,” ayuu mar kale yiri Al-Qaadi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli weli ay taagan tahay xiisadda Beledxaawo, halkaas oo shalay mar kale ay ku dagaalameen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noqnoqotay, waxaana si gaar ah loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka, xilliyadaas oo dhinacyada isku haya awoodda gobolka ay si weyn ugu tartamaan kuraasta taalla Gedo si ay u helaan codadka xildhibaannada deegaankaasi.

Somalia considers pro-Turkey politician for top military role

Mogadishu (Caasimada Online)  – Somalia is weighing a major shakeup in its military leadership by considering a politician with close ties to Turkey as the next chief of its armed forces—a move that could strain already delicate relations with the United States.

Sources close to Villa Somalia, the presidential palace, say Abdulkadir Mohamed Nur—currently serving as Minister of Ports and Marine Transport—is the frontrunner to become the next Chief of Defence Forces of the Somali National Armed Forces (SNF).

This potential promotion marks a dramatic reversal just months after Nur was ousted from his post as Defence Minister—a decision widely seen as a nod to U.S. pressure over his strong security cooperation with Ankara.

If appointed, Nur would replace Major General Odawa Yusuf Raage, a U.S.-trained commander who has led the army since 2019 and is widely respected as a stabilizing force within the ranks. His departure would signal a notable shift in Somalia’s military leadership under President Hassan Sheikh Mohamud.

A controversial choice

Supporters point to Nur’s impressive resume as justification for his return to the top of the security establishment. He has previously served as Minister of Defence, Minister of Justice, and Deputy Director of the powerful National Intelligence and Security Agency (NISA). He also held a diplomatic role as First Secretary at Somalia’s embassy in Turkey.

But critics and security analysts warn that elevating a figure so closely aligned with a single foreign partner could compromise Somalia’s national interests and deepen existing political rifts.

At the core of U.S.-Turkey tensions is a landmark 10-year defense agreement signed between Somalia and Turkey in February 2024. Under the deal, Turkey is tasked with training and equipping Somalia’s navy to secure its extensive coastline, which is believed to contain vast oil and gas reserves.

That agreement quickly raised red flags in Washington. A senior Somali official, speaking to Middle East Eye on condition of anonymity, said U.S. officials had urged President Mohamud to sideline Nur.

According to the official, American concerns centered on: Nur’s perceived lack of cooperation with U.S. forces in Somalia, Turkish ambitions to build a potential “space base” for satellite and rocket programs, and Washington’s limited access to the details of the Somali-Turkish defense and energy agreements

The U.S. remains deeply involved in Somalia’s security through AFRICOM, its Africa Command, which conducts counter-terrorism operations against al-Shabaab and trains the elite Danab Brigade of the SNF.

Ankara’s enduring partnership

Meanwhile, Turkey has solidified its position as Somalia’s closest strategic ally. In addition to extensive humanitarian support, Ankara operates its largest overseas military base—Camp TURKSOM—just outside Mogadishu, where it has trained a substantial segment of the Somali armed forces.

Following Nur’s cabinet reassignment in March, a Turkish government official dismissed speculation of a falling-out, stressing that bilateral ties remained strong.

“This doesn’t change our relationship,” the official told Caasimada Online. “Our agreements with Mogadishu are built on institutional cooperation.”

This leadership decision comes at a pivotal moment for Somalia. The national army is engaged in a major offensive against al-Shabaab insurgents while preparing to assume full security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which is scheduled to exit by year’s end.

As President Mohamud weighs his options, he must now appoint a military chief capable of steering Somalia through this critical security handover—while balancing the competing interests of powerful allies that remain vital to the country’s fragile stability.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka dagay Jabuuti, una sii gudbaya Itoobiya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo sidoo kale usii gudbaya dalka Itoobiya oo ay ku gaari doono booqasho rasmi ah.

Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmi doono dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Gelle, ayna ka wada-hadli doonaan  xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Villada.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usii u gudbi doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku ballan yihiin ra’iisul Abiy Axmed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Abiy ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saari doono arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhexeyso maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.

Safarkaan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweynuhu ku tegay dalalka Masar iyo Turkiga, isaga oo hoggaamiyeyaasha dalalkaas kala soo hadlay xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda haatan kasoo cusboonaatay aagga Badda-cas.

Waxaa kale oo ay booqashadan kusoo aadeysaa, xilli dhowaan Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn oo ay ku jirto Itoobiya. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

Itoobiya oo kamid ah dalalka badda laheyn ayaa saaxiibada gobolka ku riixayso in ay qeyb ka noqoto dhoolatus la qorsheynayo inuu ka dhaco biyaha Soomaaliya. Dalabka Itoobiya ee tababarka la qorsheeyay ayaa si weyn uga yaabiyay Dowladda Federaalka, oo ayadu diiday.