25.2 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Cali Jeyte oo deg-deg ugu laabtay furimaha dagaalka kadib qabsashadii…

0

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, haatana ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inuu si deg-deg ah ugu laabtay furimaha dagaalka, kadib qabsashadii maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee degmada Moqokori.

Cali Jayte ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Maxaas, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo looga arrinsayo xaaladda kasoo korortay gobollka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulamada ayaa waxaa qayb ka ah mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, maamullada degmooyinka, saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana qorshuhuu yahay sidii dib loogu qaadi lahaa guluf ka dhan ah kooxaha Khawaarijta.

Mid kamid ah mas’uuiyiinta ku sugan degmada Maxaas oo la hadla warbaahinta ayaa sheegay in kulamadooda diiradda lag saaray sidii cadowga looga saari lahaa degmada Moqokori oo muddo laba habeen ah ay ku hoyanayaan maleeshiyaadka argagixisada.

“Degmada Maxaaseed waxaa ka socda abaabul la doonayo in dib loogu qabto degmada Moqokori nimanka cadowga kuma sii jiri doonaan degmadaas” ayuu yiri mas’uul sare oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqa ka socda Maxaas ee uu hoggaaminayo Cali Jayte Cismaan.

Abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, waxaana ugu dambeyn ay u gacan gashay cadowga.

Degmadan ayaa ah istiraatiiji muhiim ah, waxaana ay kulmisaa waddooyin waawayn oo isku xira Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sida uu sheegay  Taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay qabsashada Moqokori

Biix ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay kooxda u leedahay qabsashada Moqokori, isaga oo tilmaamay inay tahay degmadan ay muhiim u tahay labada dhinac, marka loo eego halka ay ku taallo, maadaama labada gobol ay ka socdaan dagaallo culus.

“Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, wadooyin badan baa ku kulma wado Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aada Aadan Yabaal, wado aada Xaawo Gadiid iyo Budbud, waddo dhanka hoose aada sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo qadiimi ah oo istaraatiijiyad muhiim.ah leh” ayuu yiri Jeneral Biixi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Al-Shabaab qabsashadooda Moqokori waxa uga muhiimsan sidii ay u jabin lahayeen qabka Macawiisleeyda oo ah beesha kaliya ee aduunka tustay in Shabaab lala dagaalami karo, runtii waxaan ku amaanaya beesha sida kartida ah ee mudada dhowrka sano ah u hortaagan yihiin Al-Shabaab oo ah Urur heer Caalami ah oo hub iyo dhaqaalo xoogan ka hela meelo kala duwan, iyagoo hal beel ah isaga difaacayaan, Macawiisleeyda beesha Xawaadlle bilad ayey mudanyihiin waana daraawiishtii qarnigaan”.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka oo isku diyaarinayo inay ku laabtaan Moqokori ay haatan ku sugan yihiin bannaanka magaaladaasi, iyagoo wada abaabulkii u dambeeyay ee ka dhanka ah Shabaab.

Madaxweynaha IIRAAN ‘oo ka bad-baaday isku day ay Israa’iil ku khaarajin laheyd

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa wareysi la sii daayay Isniintii ku sheegay in Israa’iil, oo bishii hore dagaal 12 maalmood qaatay la gashay Iiraan, ay isku dayday inay disho.

Hadalladan ayaa yimid wax ka yar bil ka dib markii Israa’iil ay 13-kii Juun bilowday duqeymo aan noocooda horay loo arag oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu dilay taliyeyaal sarsare oo ciidan iyo saynisyahanno dhinaca Nukliyeerka ah.

Weerarrada Israa’iil ayaa dhacay laba maalmood ka hor inta aanay Tehran iyo Washington isugu imaan wareeg cusub oo wada-hadallo Nukliyeer ah, taasoo hakad gelisay gorgortankii lagu doonayay in heshiis looga gaaro barnaamijka atoomikada ee Iiraan.

“Haa, way isku dayeen. Siyaabahaas ayay u dhaqmeen, laakiin way ku fashilmeen,” ayuu Pezeshkian u sheegay shaqsiga caanka ah ee warbaahinta Mareykanka, Tucker Carlson, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu aaminsan yahay in Israa’iil ay isku dayday inay disho.

“Ma ahayn Mareykanka kii ka dambeeyay isku-dayga dilkeyga. Waxay ahayd Israa’iil. Waxaan ku jiray kulan… waxay isku dayeen inay duqeeyaan aagga aan kulanka ku lahayn,” ayuu yiri sida ku cad tarjumaad laga soo xigtay hadalladiisa oo Afka Faarisiga ahaa, isagoo u muuqday inuu tixraacayo isku-day dil oo la sheegay inuu dhacay intii uu socday dagaalkii dhowaa.

Ugu yaraan 1,060 qof ayaa ku dhintay Iiraan intii uu socday iska horimaadka, sida ay sheegtay Hay’adda Shuhadada iyo Arrimaha Mujaahidiinta ee Iiraan (Iran’s Foundation of Martyrs and Veterans Affairs).

Weerarrada Israa’iil ayaa kiciyay weerarro aargoosi ah oo isugu jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, kuwaas oo 28 qof ku dilay gudaha Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

‘Dagaallo aan dhammaad lahayn’

Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Iiraan iyo Israa’iil, ayaa waxaa dhacday in Israa’iil oo kaashanaysa Mareykanka, ay weerarro ku qaadday xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee Fordo, Isfahan iyo Natanz.

Xabbad-joojin dhexmartay Iiraan iyo Israa’iil ayaa dhaqan gashay tan iyo 24-kii Juun.

16-kii Juun, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ma uusan meesha ka saarin qorshayaal lagu dili karo hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, isagoo sheegay inay taasi “soo afjari doonto iska horimaadka,” ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu diiday tallaabadaas.

Intii uu dagaalku socday, mas’uuliyiinta Iiraan waxay sidoo kale sheegeen in la fashiliyay shirqool ay Israa’iil ku doonaysay inay ku disho Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.

Wareysiga uu siiyay Carlson, Pezeshkian wuxuu ku eedeeyay Netanyahu inuu wato “ajandihiisa gaarka ah” ee ah “dagaallo aan dhammaad lahayn” oo ka dhaca Bariga Dhexe, wuxuuna ku boorriyay Mareykanka inaan lugta loo gelin arrintaas.

“Maamulka Mareykanku waa inuu ka fogaadaa inuu ku lug yeesho dagaal aan kii Mareykanka ahayn, ee ah dagaalka Netanyahu,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dalkiisu uusan “wax dhibaato ah ku qabin” dib-u-bilaabidda wada-hadallada Nukliyeerka, haddii dib loo soo celin karo kalsoonida labada dal.

“Ma aragno wax dhib ah oo ku jira inaan dib ugu laabanno wada-hadallada,” ayuu yiri madaxweynaha Iiraan.

“Shardi ayaa jira… oo ku xiran dib-u-bilaabista wada-hadallada. Sidee baan mar kale ku aamini karnaa Mareykanka?”

“Waan ku laabannay wada-hadalladii, haddaba sidee baan ku ogaan karnaa si hubaal ah in inta wada-hadalladu socdaan aan mar kale maamulka Israa’iil loo oggolaan doonin inuu na soo weeraro.”

Pezeshkian wuxuu intaa ku daray in Iiraan ay u furan tahay maalgashiga Mareykanka haddii cunaqabateynta saaran Tehran la qaado.

“Ma jirto wax xaddidaya ama ka hor istaagaya maalgashadayaasha Mareykanka inay yimaadaan Iiraan oo ay maalgashi ka sameeyaan Iiraan.”

Pezeshkian wuxuu sidoo kale ka digay in Mareykanku ay horyaallaan laba waddo oo uu kula macaamilo Iiraan iyo gobolka: nabad ama dagaal.

“Madaxweynaha Mareykanka, Mudane Trump, wuxuu awood u leeyahay inuu gobolka u horseedo nabad iyo mustaqbal ifaya oo uu Israa’iil meesheeda dhigo, ama uu galo god aan dhammaad lahayn ama dhiiqo, taasoo ah dagaal uu Netanyahu doonayo in Mareykanka ama madaxweynihiisa lagu lug-yeelo.”

ICC oo soo saartay waaran lagu soo xirayo Haibatullah Akhundzada iyo Haqqani

Kabul (Caasimada Online) – Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa Talaadadii soo saartay waaran lagu soo xirayo hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Taalibaan ee dalka Afghanistan, kuwaas oo loo haysto silcin ka dhan ah haweenka, oo ah dambi ka dhan ah aadanaha.

Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay jiraan “sababo macquul ah” oo loo malaynayo in Hoggaamiyaha Sare, Haibatullah Akhundzada, iyo garsooraha guud, Abdul Hakim Haqqani, “ay galeen… dambiga ka dhanka ah aadanaha ee ah silcin… ku salaysan jinsiga.”

“In kasta oo ay Taalibaan soo rogeen sharciyo iyo mamnuucisyo saameeyay guud ahaan dadweynaha, waxay si gaar ah u beegsadeen gabdhaha iyo haweenka sababo la xiriira jinsigooda, iyagoo ka xayuubiyay xuquuqdoodii iyo xorriyaadkoodii aasaasiga ahaa,” ayay tiri maxkamadda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dambiyada lagu eedeeyay la galay intii u dhaxaysay 15-kii Agoosto 2021, markaas oo ay Taalibaan la wareegeen awoodda, ayna sii socdeen ugu yaraan ilaa 20-kii Janaayo 2025.

Garsoorayaasha ICC waxay sheegeen in Taalibaan ay “si ba’an uga xayuubiyeen” gabdhaha iyo haweenka xuquuqdii ay u lahaayeen waxbarashada, nolol gaar ahaaneed, nolol qoys, iyo xorriyadda isu-socodka, hadalka, fikirka, damiirka iyo diinta.

“Intaa waxaa dheer, dad kale ayaa la beegsaday sababtoo ah muujinta dareennada galmada iyo/ama aqoonsiga jinsiga qaarkood ayaa loo arkay inay ka hor imaanayaan siyaasadda Taalibaan ee ku aaddan jinsiga.”

Goor dambe oo Talaadadii ah, mas’uuliyiinta Taalibaan ayaa ku gacan sayray waaranada soo xirista ee maxkamadda, iyagoo ku tilmaamay “waxba kama jiraan.”

“Ogeysiisyada noocan ah ee aan macnaha lahayn ma saameyn doonaan sida adag ee ay mas’uuliyiinta Taalibaan uga go’an tahay shareecada (Islaamka),” ayuu yiri afhayeenka Zabihullah Mujahid oo war-saxaafadeed soo saaray, isagoo intaa ku daray in dowladoodu aysan aqoonsanayn maxkamadda.

Maxkamadda ICC, oo fadhigeedu yahay The Hague, ayaa loo aasaasay inay xukun ka gaarto dambiyada ugu xun adduunka sida dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Ma laha ciidan boolis u gaar ah, waxayna ku tiirsan tahay dawladaha xubnaha ka ah si ay u fuliyaan waaranadeeda soo xirista—taasoo keentay natiijooyin isku dhaf ah.

Aragti ahaan, tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo lagu soo saaro waaran soo xirid oo ICC ah uusan u safri karin dal xubin ka ah maxkamadda, isagoo ka baqaya in la xiro.

Somalia vows no reversal on election, constitution plan

Mogadishu, Somalia  – Somalia’s federal government is pressing ahead with contentious constitutional and electoral reforms, telling international partners that the core tenets of its plan are non-negotiable despite escalating political tensions and urgent calls for broader consensus.

In a recent high-stakes meeting in Mogadishu, a senior ministerial committee informed diplomats from the C6+ group of international partners that while the government is open to “technical” discussions, it will not reverse course on the foundational changes already approved by parliament.

The government’s unyielding stance sets the stage for a deeper confrontation with a formidable opposition coalition and key regional states, which argue that the reforms are being pushed through without adequate dialogue, thereby threatening the nation’s fragile stability.

A high-level government team, including Interior Minister Ali Yusuf Ali Hoosh, Education Minister Farah Abdulkadir, and Justice Minister Hassan Macallin Mohamud, attended the meeting. They met with the C6+, an influential body of Somalia’s core international partners, which includes the United States, United Kingdom, European Union, and the United Nations, tasked with coordinating political engagement.

“The Federal Government of Somalia is committed to a state-building process based on dialogue, consensus, consultation, transparency, and broad public participation,” a government statement declared after the meeting.

However, sources confirm the ministers delivered a stark message: the path to a direct, one-person, one-vote election and the recently ratified amendments to the first four chapters of the provisional constitution are irreversible.

The international community has expressed significant reservations. According to sources present, the C6+ diplomats urged the Somali ministers to prioritize national unity by bringing dissenting federal member states, specifically Puntland and Jubaland, back into the fold.

The partners emphasized the importance of reaching a comprehensive political agreement on the country’s future governance model before proceeding with further constitutional work and preparations for the landmark universal suffrage elections, the first in over five decades.

This international pressure follows a similar meeting between the C6+ and the “Salvation Forum,” a new opposition alliance comprising prominent political figures. The opposition leaders, including former presidents and prime ministers, accused President Hassan Sheikh Mohamud of shunning “genuine dialogue” and unilaterally shaping the nation’s foundational laws.

The political crisis stems from sweeping changes to Somalia’s provisional constitution, which the federal parliament passed in March. The amendments, among other things, shift the country from a parliamentary system to a complete presidential system, giving the president the power to appoint and dismiss the prime minister without parliamentary approval.

These reforms prompted the semi-autonomous state of Puntland, a veteran federal member, to withdraw its recognition of the federal government, declaring it would operate independently until a national referendum validated the constitutional changes. Relations with Jubaland have also frayed, with the state accusing the central government of political interference and marginalization.

The government maintains that the reforms are essential for creating a stable and functional state after decades of civil war and clan-based politics. President Mohamud’s administration is championing a move away from the complex 4.5 clan-based power-sharing formula to a system of direct elections and a limited number of political parties.

Critics, however, fear that without a comprehensive consensus, these rapid changes could fracture the delicate federal structure and unravel years of state-building efforts.

In a sign of its increasingly assertive posture, the Somali government has recently informed the international community that it seeks to alter the dynamics of its engagement, stating that the C6+ forum is an “obsolete structure” and that future interactions must be conducted through formally recognized government institutions.

As the government delegation holds firm on its reform agenda, and with opposition and regional leaders digging in their heels, Somalia stands at a critical juncture. The calls from its international allies for inclusivity and dialogue now hang in the balance, with the nation’s political future dependent on whether its leaders can bridge the widening divide.

Somali forces hit Al-Shabaab river bases in night raid

MOGADISHU, Somalia – Somali special forces have destroyed several Al-Shabaab boats and key operational bases in an overnight raid in the country’s south, the government announced Tuesday, striking a blow to the militants’ logistical network in a strategic region.

The operation, carried out by the elite US-trained Danab “Lightning” Brigade, targeted insurgent positions in the village of Afgoye, located in the Lower Shabelle region, a volatile area on the outskirts of the capital, Mogadishu.

In a statement, the Federal Government of Somalia reported that its forces successfully dismantled four boats the Al-Qaeda-linked militants used to transport fighters and military supplies across the vital Shabelle River. The river is a critical lifeline and transport corridor that Al-Shabaab frequently exploits to evade government forces and stage attacks.

“The operation destroyed four boats that the Khawarij used to cross between riverine communities in the Shabelle regions to transport supplies and carry out destabilizing activities and surprise attacks,” the government statement read.

The operation underscores a persistent effort by Somali and international forces to disrupt Al-Shabaab’s operational capacity in a region crucial to both the country’s security and its economy.

Strategic blow to insurgent logistics

Beyond the destruction of the watercraft, the government said the raid also leveled key Al-Shabaab strongholds, including command posts and weapons caches.

“Key sites that the terrorists had in the area were destroyed, from which they used to organize attacks against the civilian population and local forces,” the statement continued. “Strategic locations that the Khawarij used for concealment and weapons storage were also targeted.”

The government did not release details on casualties. However, it framed the operation as a significant success in an ongoing, broader campaign to reclaim territory from the insurgents. Al-Shabaab, which controls swathes of rural southern and central Somalia, has not yet issued a comment on the government’s claims.

The Lower Shabelle region, a fertile agricultural belt that includes the strategic town of Afgoye, has long been a contested flashpoint. Its proximity to Mogadishu makes it a critical buffer zone, and control of its roads and river crossings are essential for securing the capital.

For years, Al-Shabaab has used the region as a staging ground for its devastating attacks on government, military, and civilian targets in Mogadishu. The group’s ability to move freely along the Shabelle River has been a persistent challenge for security forces.

This latest raid is part of an intensified offensive by the Somali National Army (SNA), often supported by local clan militias and African Union troops, aimed at degrading the militants’ capabilities ahead of a planned drawdown of international forces.

Elite forces and ideological warfare

The operation was spearheaded by the Danab Brigade, an elite commando force established and trained by the United States military. Considered the most effective unit within the SNA, the Danab Brigade is frequently deployed on high-stakes counter-terrorism missions that require precision and speed. Their involvement highlights the importance of the targets in the Baghdad village area.

The government’s statement consistently referred to the militants as “Khawarij,” an Arabic term meaning “deviants” or “those who have seceded.” The use of this term, which refers to an early extremist sect in Islamic history, is a key part of the government’s ideological campaign to discredit Al-Shabaab’s religious claims and strip them of legitimacy among the Somali population.

While government forces have celebrated a series of tactical victories in recent months, the conflict is far from over. Al-Shabaab has proven to be a resilient and adaptive insurgency, capable of withstanding major offensives and continuing to launch deadly attacks across the Horn of Africa nation.

The situation in Lower Shabelle remains tense, with security forces on high alert for potential retaliatory actions.

Isimada Warsangeli oo caddeeyey dhinaca ay raacsan yihiin Puntland iyo Khaatumo

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Isimmada dhaqanka gobollada Sanaag iyo Haylaan ee beesha Warsangeli ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay farriin ugu direen isimmada dhaqanka gobolka Sool ee beesha Dhulbahante iyo maamulka SSC Khaatumo.

Isimmada ayaa war-saxaafadeedkan ku caddeeyey in Puntland ay wax ka dhiseen, isla markaana aysan dooneyn inay wax ku darsadaan ama ku biiraan maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Qoraalka ay soo saareen Isimmada Warsangeli oo ka kooban lix qodob ayaa lagu sheegay:

1- In gobollada Sanaag iyo Haylaan ay kamid yihiin gobolladii lagu aas-aasay Puntland 1998-kii, mana jiraan wax isbeddelay. Dowladda Puntland waxaan ugu baaqeynaa inay ka shaqeyso horumarka iyo difaaca gobolladan.

2- Waxaan caddaynaynaa in uusan jirin shir-siyaasadeed oo beeshu yeelatay oo aan go’aanno ka soo saarnay.

3- Waxaan isimmada Khaatumo iyo maamulkooda u caddaynaynaa in aanay jirin cid wakiil ka ah Sanaag iyo Haylaan oo aan dirnay shirka Laascaanood, qaybna kama nihin wax kasta oo kasoo baxa.

4- Waxaan isimmada walaalaheen ee Siciid Harti ka dalbanaynaa inay raalli-gelin buuxda ka bixiyaan faragelinta beelaha Sanaag iyo Haylaan, taas oo waxyeello u geysan karta wada noolaanshaha bulshada.

5- Beesha caalamka waxaan u caddaynaynaa in uusan jirin shir aan yeelanay ama maamul-dhisid cusub oo aan cid la galnay ama la galeyno.

6- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay qabato waajibaadka loo doortay, kana fogaato isku dirka beelaha walaalaha iyo kuwa deriska ah.

Shan ka mid ah isimada dhaqanka gobolka Sanaag ayaa ku saxiixan war-saxaafadeedkan oo kusoo beegmaya xilli la qorsheynayo in magaalada Laascaanood lagu qabto shir lagu dhisayo maamulka SSC Khaatumo. Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in awoodda maamulkaas ay ka qeybgalaan beelaha Warsangeli, Dhulbahante iyo wixii la socda.

Ex-advisor: Trump may seek landmark talks with Al-Shabaab

Washington, D.C. – A former U.S. State Department advisor has suggested the Trump administration may be laying the groundwork for landmark talks with Al-Shabaab, signaling a potential, radical shift in U.S. policy toward the Al-Qaeda-affiliated group in Somalia.

The assertion comes amid a military stalemate in the long-running conflict. It aligns with President Donald Trump’s stated ambition to end “endless wars” through negotiation.

Hamza Warfa, who served as a senior advisor in the State Department under the Biden administration, told Universal Somali TV that the long-standing military-focused approach to defeating Al-Shabaab has reached its limit. He argued that the Trump administration could be preparing for direct or indirect dialogue with the insurgents.

“There are signs that talks could begin now,” said Warfa, a prominent Somali American figure. He stressed the urgent need for a political settlement. He criticized the heavy, ongoing investment in a military campaign that has failed to secure a decisive victory on the ground.

Currently, there has been no official comment from the White House, the State Department, or the Somali government regarding potential talks. Al-Shabaab has also not responded to the suggestion.

A major policy hurdle

Any engagement with Al-Shabaab would represent a dramatic reversal of long-standing U.S. policy. The United States officially designated Al-Shabaab a Foreign Terrorist Organization (FTO) in 2008, a status that legally prohibits providing “material support or resources” to the group, with negotiation often viewed as a form of engagement.

For years, the U.S. has conducted a counter-terrorism campaign in Somalia, primarily through drone strikes carried out by U.S. Africa Command (AFRICOM) and by providing funding and training for both the Somali National Army and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

However, Warfa, who plans to meet with Trump administration officials to advocate for formal peace talks, argues that this strategy is no longer sufficient. His comments reflect a growing sentiment among some analysts that the conflict, which has destabilized the Horn of Africa for nearly two decades, requires a political rather than a purely military solution.

The suggestion of dialogue comes as the Somali government’s major offensive against Al-Shabaab shows signs of stalling. Launched in 2022, the campaign initially saw significant success, with the Somali army and allied local clan militias, known as Macawiisley, liberating large territories.

Despite these earlier gains, Al-Shabaab has proven resilient. The group has regrouped and launched effective counter-offensives in 2025, retaking some towns and demonstrating its continued ability to contest control of large rural areas and launch deadly attacks across the country, according to reports from security analysts and the Combating Terrorism Center at West Point.

This grinding war of attrition, coupled with the scheduled drawdown of ATMIS forces, has created a precarious security situation, adding urgency to the search for alternative solutions.

A precedent in Afghanistan

While direct talks with a designated FTO would be controversial, it is not without precedent. The U.S. maintained a similar non-negotiation policy with the Taliban in Afghanistan for years before engaging in direct talks in Doha, Qatar. Those negotiations, initiated under the Trump administration, ultimately led to the 2020 agreement for the withdrawal of U.S. troops from Afghanistan.

Supporters of a new approach in Somalia could point to the Taliban talks as a model for engaging an entrenched insurgency to end a protracted conflict. President Trump has consistently voiced a preference for deal-making over long-term military deployments, a core tenet of his “America First” foreign policy.

As he stated during his first term and in subsequent campaigns, his goal is to extricate the United States from costly and seemingly unwinnable foreign conflicts. For now, the prospect of U.S.-Shabaab talks remains speculative. However, the public suggestion by a former government insider indicates that a once-unthinkable policy debate may be emerging from the shadows.

Somali forces mass to retake town captured by Al-Shabaab

Mogadishu, Somalia – Somali government forces and allied clan militias are mobilizing to retake a strategic town in the central Hiiraan region after it was captured by Al-Shabaab militants in a major assault, according to local sources and officials.

Tensions remained high in and around the town of Moqokori on Tuesday after fighters from the Al-Qaeda-linked group overran it following a complex attack that began with explosions. The capture represents a significant, if localized, setback for a sweeping government offensive that had pushed the militants out of large swathes of territory.

Communications to Moqokori and its surrounding areas have been completely severed, local sources confirmed, making it difficult to ascertain the number of casualties from the heavy fighting. Somali forces, alongside local “Macawiisley” militiamen, have reportedly regrouped nearby and are preparing a counter-offensive with reinforcements that have arrived in the area.

The fall of the town highlights the persistent threat posed by Al-Shabaab and its capacity to launch significant attacks despite being under sustained military pressure.

A strategic reversal

Al-Shabaab’s assault on Sunday targeted both Moqokori and the adjacent village of Gumarre, areas that government and local forces had recently secured. The attack is seen as a direct response to the town’s growing importance as a staging ground for recent government-led operations.

“Moqokori is an important district,” stated Mogadishu based analyst who talked to Caasimada Online. “It has been a center for major mobilization against Al-Shabaab, and recent operations planned from there had weakened the group, which led to it becoming a target.”

Located in the eastern part of the Hiiraan region, Moqokori lies on a key route connecting central Somalia to the coast. Its control is vital for managing supply lines and troop movements, making its loss a tactical blow to the government’s campaign in the region.

The Somali Federal Government, under President Hassan Sheikh Mohamud, declared an “all-out war” against Al-Shabaab in 2022. The first phase of the offensive, heavily reliant on the support of clan militias known as the Macawiisley, achieved notable success, liberating dozens of towns and villages, particularly in the states of Hirshabelle (where Hiiraan is located) and Galmudug.

The Macawiisley—a term referring to the traditional sarong worn by the fighters—represents a grassroots uprising against Al-Shabaab’s harsh rule and taxation, a movement the government has successfully leveraged. These local forces provide crucial intelligence and workforce, complementing the Somali National Army (SNA).

However, the offensive has faced challenges, including the onset of seasonal rains and the militants’ strategic retreats and counter-attacks. Analysts at organizations such as the International Crisis Group have noted that while the government has reclaimed territory, consolidating control and preventing militant resurgence remains a critical and challenging task. The attack on Moqokori underscores this vulnerability.

An enduring insurgency

Al-Shabaab has been waging a brutal insurgency against the Somali government for more than 15 years, seeking to impose its strict interpretation of Islamic law. Despite losing control of major cities like Mogadishu since 2011, the group remains a potent force in many rural parts of the country.

The militants frequently carry out deadly attacks against military, government, and civilian targets. Their ability to seize a town like Moqokori demonstrates their resilience and sophisticated operational planning, often employing a combination of guerrilla tactics, suicide bombings, and conventional assaults.

As government forces prepare to retake the town, the situation in Moqokori serves as a stark reminder of the volatile and dynamic nature of the conflict in Somalia. The success or failure of the impending counter-attack will be a crucial indicator of the current momentum in the long fight against Al-Shabaab.

Culimo ku sugan Daanta Galbeed oo ku dhowaaqaya Imaarad aqoonsan Israa’iil

Hebron (Caasimada Online) – Dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa si weyn isaga fogeeyey soo jeedin ay wadeen shan qof oo isku sheegay “sheekh” oo deegaanka ah, taasoo ku baaqeysay in xiriirka loo jaro Maamulka Falastiiniyiinta (PA) lana dhiso “Imaaradda Hebron” oo aqoonsanaysa dawladda Israel.

Carada ayaa ka dhalatay maqaal uu daabacay wargeyska Wall Street Journal oo sheegayay in “shan sheekh” oo ka soo jeeda Hebron ay warqad u direen Wasiirka Dhaqaalaha ee Israel, Nir Barkat, iyagoo ku taageeraya in Israel ay noqoto dawlad Yuhuudi ah, isla markaana soo jeediyay in ay dhistaan imaarad u gaar ah oo ay ku biiraan heshiisyada iskaashiga caadiga ah ee lala galo Israel.

Warqadda ayaa sidoo kale soo jeedisay in la sameeyo aag warshadeed oo ay wadaagaan Israel iyo Daanta Galbeed, waxayna ballanqaadday in “aan loo dulqaadan doonin” waxa loogu yeeray “argagixisada shaqaalaha Falastiiniyiinta.”

“In Israel loo aqbalo dawlad Yuhuudi ah waa tallaabo ka sii fog tii uu weligii qaaday Maamulka Falastiiniyiinta, waxayna meesha ka saaraysaa tobanaan sano oo diidmo ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta, hindisahan waxaa hormuud ka ahaa Wadee’ al-Jaabari, oo dadka deegaanka iyo hoggaanka siyaasadeed ee magaaladu ay sheegeen inaanay aqoon u lahayn, waxaana taageerayay “afar sheekh oo kale oo caan ka ah Hebron.”

Dadka deggan magaalada oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska weyn ee Jaabari, ayaa si wada jir ah u cambaareeyay soo jeedinta, iyagoo sheegay in qorayaasheedu aanay iyaga matalin.

Dhaqdhaqaaqe iyo saxafi fadhigiisu yahay Hebron, Issa Amro, ayaa sheegay in soo jeedinta iyo dadka ka dambeeyay ay yihiin “kuwa gebi ahaanba la been abuuray.”

“Waxa loogu yeero ‘Sheekhyada Hebron’ ee ku jira qoraalkan Wall Street Journal waa kuwo gebi ahaanba la iska sameeyay – shakhsiyaad aan la aqoon oo aan lahayn wax saameyn siyaasadeed ah, sumcad bulsho, xiriir qoys, iyo aqoonsi bulsho toona,” ayuu u sheegay Middle East Eye.

Wuxuu intaas ku daray, “Ma jiro warbaahin, qabiil, ama koox Falastiiniyiin ah oo aqoonsan, sababtoo ah si fudud uma jiraan iyagoo ah shakhsiyaad miisaan leh. Tani ma aha saxaafad – waa in la abuuro ‘hoggaamiyeyaal’ Falastiiniyiin ah si loo waafajiyo sheeko la been abuuray, halka dadka dhabta ah ee reer Hebron ay ku hoos jiraan gumaysi.”

Sidoo kale, shakhsiyaadka siyaasadeed ee deegaanka ayaa la yaab  ay ku noqotay warbixinta, iyagoo xusay in qorayaasha warqaddu aanay wax saameyn ah oo dhab ah ku lahayn magaalada, iyo in Jaabari uu dhab ahaantii ku nool yahay Qudus.

Qoyska Jaabari ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan qorshaha, iyagoo sheegay in “uusan sinaba u matalin mowqifka qoyskeena sharafta leh, mana ka tarjumayo rabitaanka xubnihiisa.”

“Qoyska Jaabari wuxuu weligiis ahaa – welina yahay – qayb ka mid ah halganka qaran ee Falastiin, isagoo si xaq ah ugu halgamaya xorriyad iyo madaxbannaani. Waxaan diidnay dhammaan isku dayada lagu doonayo in lagu caadiyeeyo gumaysiga ama la siiyo sharciyad.”

Qoyska ayaa u sheegay wargeyska Haaretz in Jaabari “lagu yaqaan xiriirka uu la leeyahay dadka deggaanka Yuhuudda ah iyo hay’adaha Israel, kuwaasoo ugu horreyn u adeega danihiisa shakhsi ahaaneed iyo kuwa ganacsi,” iyo in hindisihiisu uusan haysan “wax taageero dadweyne ah.”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Amro ku sheegay in warbixinta Wall Street Journal “aysan magacaabin ilo la xaqiijin karo, ayna iska indhatirayso qaab-dhismeedyada awoodeed ee la diiwaangeliyay,” taasoo ka dhigan “midkood saxaafad aad u liidata ama warbixin si bareer ah loo marin habaabiyay.”

“Xilli ay Hebron wajahayso caqabado dhab ah – laga soo bilaabo deegaameynta sii fidaysa ilaa xiritaannada militari – sheekadan mala’awaalka ahi waxay gef weyn ku tahay akhristayaasha iyo Falastiiniyiinta labadaba,” ayuu yiri.

 

Somaliland oo sabab yaab leh u tirisay qabsashada Moqokori

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si yaableh uga hadashay qabsashaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo shalay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa, wuxuuna sheegay inay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab iyo amniga dalka.

Axmed Yaasiin ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab kadib qabsashadii degmada Moqokori uu hadane rabo inuu ciidan geeyo gobolka Sanaag.

“Ninka ay Moqokori Shabaab ka qabsaneyso ee Muqdisho xasilin la’ ayaa Sanaag ciidan baa ka qori oo usoo dirayaa leh waa wax laa yaabo runtii oo laga xishoodo,” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxanu leenahay cawaaqibka waxa aad faraha kula jirto ka dhasha Xasanow cidi kula yeelan meyso, adiga ayaa qaadi doono”.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Dowladda Federaalka ay bixin la’dahay mushaaraadka ciidamada, isaga oo tusaale usoo qaatay ciidamadii dhowaan dibad-baxa ka dhigay gudaha magaalada Muqdisho ee gadoodka sameeyay.

“Dowladdiisa ma awoodo in ciidankeeda ay mushaarka siiso waxaad ka war qabtaan ciidamaduu uu qornaa in mushaar la’aan dartiis ay banaanbax uga sameynayeen Muqdisho gudaheeda oo koontarooladii xiranayaan,” ayuu yiri mar kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale, Axmed Yaasiin ayaa hanjabaad culus kasoo saaray qorshaha Villa Somalia ee ku aadan in gobolkaas lagu daro SSC oo haatan ah maamul ka tirsan dowladda dhexe, isaga oo sheegay inay u arkaan daan-daansi uu Xasan Sheekh kusoo qaaday bariga Somaliland.

“Waxaan rabaa in aan ka hadlo daan-daansiga, xasaradda iyo colaad hurinta oo uu Xasan Sheekh ka wado Madaxweynaha dowladda Xamar ka taliso bariga Somaliland, runtii waa wax laga xumaado nin Madaxweyne loo doortay oo dal mas’uul looga dhigay, oo intii mas’uulka looga dhigay ku fashilmay uu rabo inuu fidno ka abuuro Somaliland, isaga oo ciidamo usoo dirayo bariga Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin.

Ugu dambeyn, wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka iyo wax ka qabashada xaaladda Sanaag ay u taallo Somaliland, isla markaana go’aan looga gaari doono gogosha uu Madaxweyne Cirro dhigay magaalada Ceerigaabo, si nabad loogu soo dabaalo guud ahaan gobolkaasi.

Xogta doonyo hub u siday Al-Shabaab oo lagu burburiyay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay xalay ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Baqdaad oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu burburiyay illaa 4 doomood oo hub iyo saanad u waday Al-Shabaab, ayna u adeegsan jireen, si ay uga tallaabaan deegaannada dhaca jinka wabiga Shabelle.

Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in kooxda la weeraray ay abaabuleysay falal amni darro iyo weeraro qarsoodi ah, balse cagta la mariyay kadib markii laga war helay.

“Howlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen in ay isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, Si ay u gudbiyaan saanad, fuliyaanna falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo inta uu socday howlgalka lagu burburiyay goobo oo fariisimo ciidan ay ku jiraan oo Khawaarijta ay ku lahayd halkaas, kana soo abaabuli jireen weerarad qorsheysan.

“Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahaayeen deegaankaas, kuwaas oo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabbaad iyo kaydinta hubka” ayaa mar kale lagu yiri warka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo bxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shabeellaha Hooe ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayay howlgallo culus oo lagu jabiyay argagixisada,waxaana laga saaray deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas

Maxay ka dhigan tahay qabsashada Al-Shabaab ee degmada Moqokori?

0

Moqokori (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay qabsashada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay shalay u gacan gashay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Biix ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay kooxda u leedahay qabsashada Moqokori, isaga oo tilmaamay inay tahay degmadan mid istaraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku kulmaan waddooyin isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, wadooyin badan baa ku kulma wado Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aada Aadan Yabaal, wado aada Xaawo Gadiid iyo Budbud, waddo dhanka hoose aada sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo qadiimi ah oo istaraatiijiyad muhiim.ah leh” ayuu yiri Jeneral Biixi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qabsashada Al-Shabaab ee degmada Moqokori ay tahay mid dhabar jab weyn ku ah halganka dalka looga xoreynaayo Khawaarijta ee ka socda dalka, gaar ahaan dagaalka ay wadaan ciidamada Macawiisleyda ee gobolka Hiiraan.

Jeneraalka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Macawiisleyda Xawaadle ay muujiyeen karti iyo dadaal dheeri ah, ayna mudan yihiin abaal marin, isaga oo ku sifeeyay inay yihiin daraawiishtii qarnigaan.

“Al-Shabaab qabsashadooda Moqokori waxa uga muhiimsan sidii ay u jabin lahayeen qabka Macawiisleeyda oo ah beesha kaliya ee aduunka tustay in Shabaab lala dagaalami karo, runtii waxaan ku amaanaya beesha sida kartida ah ee mudada dhowrka sano ah u hortaagan yihiin Al-Shabaab oo ah Urur heer Caalami ah oo hub iyo dhaqaalo xoogan ka hela meelo kala duwan, iyagoo hal beel ah isaga difaacayaan, Macawiisleeyda beesha Xawaadlle bilad ayey mudanyihiin waana daraawiishtii qarnigaan” ayuu sii raaciyay Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan degmada Moqokori, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo labada dhinac

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ku sugan meel u dhaw Moqokori ayaa isku dayaya in ay dib u qabsadaan magaalada oo shalay gashay gacanta kooxda Al-Shabaab.

Isgaarsiinta guud ee magaalada iyo deegaannada hoos yimaada ayaa gebi ahaanba go’an kadib dagaalladii cuslaa ee halkaasi ka dhacay, sida ay illo deegaanka ah inoo xaqiijiyeen.

Si kataba, Dadaallada dib loogu qabsanayo magaalada ayaa ka socda meel aan ka fogeyn magaaladan istraatiijiga ah, halkaasi oo ciidamo gurmad ah ay gaareen.

Fiqi oo war ka soo saaray ciidamada la sheegay in dowladda ay gaysay Sanaag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, isaga oo beeniyay in Dowladda Federaalka ay ciidamo gaysay gobolkaasi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa meesha ka saaray eedeynta loo jeediyay dowladda dhexe ee ku aadan in ciidamo ay u daabushay gobolka Sanaag oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ku aadan sidii gobolkaasi loogu dari lahaa SSC-Khaatumo.

“Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in Dowladda Federaalka aysan burburineyn nidaamka federaalka dalka, balse ay dhiseyso, ayna haatan ku howlan tahay dhammeystirka SSC.

“Ismana qabato Xamar ayay dawladdu xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay, sidoo kale waxaan isqabanayn Dawladda Soomaaliya nidaamka Federaalka ah ayay cadow ku tahay oo burburinaysaa iyo in haddana lagu eedeeyo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa.”  ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay Nidaamka Federaalka ah waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah, hirgelintiisa iyo dhowristiisuna cid walba ay ku tahay waajib”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Villa Soomaaliya ay dhaq-dhaqaaq culus ka waddo gobolka Sanaag oo laga aaabulayo shir looga tashanayo aayaha gobolkaasi iyo sidii uu ugu biiri lahaa maamulka SSC oo ay aqoonsi buuxa siisay Dowladda Federaalka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.

Somaliland oo hanjabaad ka soo saartay abaabulka ay DF Soomaaliya ka wado gobolka…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaq culus ka bilowday Dowladda Federaalka oo ku howlan dhameystirka SSC-Khaatumo.

Axmed Yaasiin ayaa hanjabaad culus kasoo saaray qorshaha Villa Somalia ee ku aadan in gobolkaas lagu daro SSC oo haatan ah maamul ka tirsan dowladda dhexe, isaga oo sheegay inay u arkaan daan-daansi uu Xasan Sheekh kusoo qaaday bariga Somaliland.

“Waxaan rabaa in aan ka hadlo daan-daansiga, xasaradda iyo colaad hurinta oo uu Xasan Sheekh ka wado Madaxweynaha dowladda Xamar ka taliso bariga Somaliland, runtii waa wax laga xumaado nin Madaxweyne loo doortay oo dal mas’uul looga dhigay, oo intii mas’uulka looga dhigay ku fashilmay uu rabo inuu fidno ka abuuro Somaliland, isaga oo ciidamo usoo dirayo bariga Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in arrinta gobolka Sanaag ay u taalla Somaliland, isaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu faraha kala baxo arrinta gobolkaas, oo uu tilmaamay in aanu looga baahneyn colaad laga huriyo halkaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa inuu faraha kala baxo waxa aan loo dooran, loona diray ee uu faraha kula jiro Somaliland xuduudeeda iyadaa iska leh, wax uga banaan maanta in ninkaas oo halkaas ku qaado ma jiraan,” ayuu mar kale yiri Wasiir Axmed Yaasiin.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dowladdiisa ma awoodo in ciidankeeda ay mushaarka siiso waxaad ka war qabtaan ciidamaduu uu qornaa in mushaar la’aan dartiis ay banaanbax uga sameynayeen Muqdisho gudaheeda oo koontarooladii xiranayaan”.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedka ugu wayn ee Xasan Sheekh uu yahay inuu carqaladeeyo aqoonsiga Somaliland, balse aysan dhici doonin, isla markaana uu soo dhowyahay, ayna ku guuleysan doonaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in xalka iyo wax ka qabashada xaaladda Sanaag ay u taallo Somaliland, isla markaana go’aan looga gaari doono gogosha uu Madaxweyne Cirro dhigay magaalada Ceerigaabo, si nabad loogu soo dabaalo guud ahaan gobolkaasi.

“Magaalada Ceerigaabo iyo nabadeeda waa wax u yaala Somaaliland Madaxweyne Cirro gogoshii uu dhigay weli sidii ayay u taallaa 100% waxaa ka go’an in Sanaag oo dhan ay nabad kusoo noqoto oo Ceerigaab dadkii kusoo qaxay ay kusoo noqdaan,” ayuu ku daray.

WAARE oo madaxda DF u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle ahna Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare ayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabiyeen dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay ku mashquuleen arrimo aan micno lahayn xilligan.

Waare ayaa sheegay in dagaalka Shabaab uu haatan kusoo ururay hal deegaan oo keliya. Kooxda ayuu xusay inay hadda fursad u heshay inay dib isu abaabusho, ayna weerarro cusub qaaddo, halka dowladda ay ku mashquulsan tahay arrimo siyaasadeed.

“Maanta, Shabaab waxay ka yimaadeen meelo fog sida Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed si ay xooggooda ugu ururiyaan hal dagaal oo ka socda Moqokori, Hiiraan. Ma aanan arkin wax kale oo jiho firfircoon ah oo lagula dagaallamayo Shabaab,” ayuu Waare ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan si cad u muuqato in dagaalka Al-Shabaab uusan ahayn mudnaanta koowaad ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Uma muuqato in dalka intiisa kale uu ka jiro dagaal dhab ah oo lagula jiro Al-Shabaab, dadka intiisa kalena waxay u muuqdaan kuwo ka jeestay ama indhaha ka laabtay dhibka shacabka reer Hiiraan,” ayuu yiri Waare.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “mashquul siyaasadeed aan micno lahayn”, taas oo uu ku eedeeyay inay carqalad ku tahay dagaalka kooxda Al-Shabaab.

“Weli waan aaminsanahay inaan Shabaab ka adkaan karno, haddii aan joojinno mashquul siyaasadeedka, abuurista dhibaatooyinka yaryar iyo qalalaasaha macmalka ah, oo aan helno ujeeddo mideysan. Wax ka yar taasna waa isla meermeerkii Soomaalida ee caanka ahaa: ‘Ila Meereeyso’.”

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Moqokori – Yaa gacanta ku haya magaalada?

0

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Moqokori ee gobolkaasi, kadib dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ku sugan meel u dhaw Moqokori ayaa isku dayaya in ay dib u qabsadaan magaalada oo shalay gashay gacanta kooxda Al-Shabaab.

Isgaarsiinta guud ee magaalada iyo deegaannada hoos yimaada ayaa gebi ahaanba go’an kadib dagaalladii cuslaa ee halkaasi ka dhacay, sida ay illo deegaanka ah inoo xaqiijiyeen.

Dadaallada dib loogu qabsanayo magaalada ayaa ka socda meel aan ka fogeyn magaaladan istraatiijiga ah, halkaasi oo ciidamo gurmad ah ay gaareen.

Shalay ayey aheyd markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar isku dhafan oo qaraxyo ku jiraan ay ku qaadeen degmada iyo deegaanka Gumarre oo dhowaan uun ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda.

Dagaal culus kadib, kooxda Al-Shabaab ayey u suurtagashay inay gudaha u galaan magaalada, iyadoo haatan ay socdaan abaabul xooggan oo kooxda looga saarayo Moqokori.

Khasaaraha ka dhashay qarax iyo dagaalkii shalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada ayaa weli si rasmi loo xaqiijin, maadaama ay isgaarsiinta go’an tahay.

Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah, waxaana in muddo ah ka socday abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo muddooyinkii dambe laga qorsheeyay howl-gallo lagu naafeeyay kooxda, taas oo keentay bartilmaameed ka dhigato degmada.

Mareykanka ‘oo raadinaya’ wada-hadal uu la galo Shabaab

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa laga yaabaa inay si hoose wada-hadallo ula billowdo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo qayb ka ah isbeddel ku iman kara siyaasadda Washington ee ku aaddan Soomaaliya, sida uu shaaciyey la-taliye hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka.

Arrintan ayaa horseedi karta suurtagalnimada in xal laga gaaro colaadda muddada tobannaan sano ah ka taagnayd dalka Geeska Afrika, haddii Al-Shabaab ay soo dhoweyso in ay la hadasho Mareykanka

Xamza Warfa, oo horay u ahaa la-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (State Department), asal ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa u sheegay taleefishinka Universal Somali TV in xalka milateri uu gaaray meel gabagabo ah, isla markaana ay suuragal tahay in maamulka Trump uu durba u gogol-xaarayo sidii wada-hadal toos ah ama mid dadban loola furi lahaa kooxda.

“Waxaa jira calaamado muujinaya in wada-hadalladu ay durbaba billaaban karaan,” ayuu yiri Warfa, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xal siyaasadeed, wuxuuna dhaleeceeyay maalgashiga joogtada ah ee lagu bixiyo ololaha milateri, kaasoo aan keenin isbeddel muuqda oo dhulka ah.

Hadalladan ayaa imaanaya xilli ay sii kordheyso niyad-jabka ka jira dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ku aaddan dagaalka aan horumarka laga sameyn ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo weli maamula dhul ballaaran isla markaana fuliya weerarro joogto ah.

Warfa wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu la kulmo saraakiil ka tirsan maamulka Trump toddobaadyada soo socda si uu ugu riixo in la billaabo wada-hadallo nabadeed oo rasmi ah, kuwaasoo mudnaanta siinaya danaha Mareykanka, isla markaana Soomaalida siinaya rajo xasillooni kaddib sanado badan oo colaad ah.

Ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Mareykanka ama kuwa Soomaaliya oo ku aaddan arrintan. Dhanka kale, ururka Al-Shabaab ayaan isna weli ka jawaabin hadalladan.

Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad sheegayey in uu wada-hadal ku dhammeynayo dagaallada ka socda caalamka, sida kuwa u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, Israa’iil iyo Iiraan, iyo sidoo kale dagaalka ka socda Gaza, inkasta oo laba ka mid ah colaadahaas ay weli sii socdaan.

Xiisad iyo dagaal afka ah oo ka dhex-qarxay Lula iyo Trump

Rio de Janeiro (Brazil) (Caasimada Online) – Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Brazil ayaa Isniintii galay xiisad diblomaasiyadeed kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhaleeceeyay maxkamadeynta la xiriirta isku daygii afgambi ee xulafadiisa garabka midig, madaxweynihii hore Jair Bolsonaro.

Trump wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Brazil inay wadaan “UGAARSI SIYAASADEED” ka dhan ah hoggaamiyahan 70-jirka ah ee hadalka kulul, isagoo ku digay “FARAHA KA QAADA BOLSONARO.”

Hadalladiisa waxay kiciyeen jawaab degdeg ah oo kulul.

Madaxweynaha garabka bidix ee Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa iska indha tiray hab-maamuuskii diblomaasiyadeed wuxuuna si adag uga jawaabay “faragelinta” Trump, isagoo intaa ku daray in “qofna uusan ka sarreyn sharciga.”

Bolsonaro ayaa wajahaya maxkamad, isagoo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay “urur dambiilayaal ah” oo qorsheeyay afgambi uu xukunka ku sii joogi lahaa kadib guuldarradiisii doorashadii 2022.

Wuxuu wajihi karaa ilaa 40 sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga. Sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu. Qorshaha afgambi ee lagu eedeeyay wuxuu fashilmay taageero la’aan ka timid taliska sare ee ciidanka.

Kiiskan wuxuu soo xusuusinayaa dacwaddii lagu soo oogay Trump ee la xiriirtay weeraradii Janaayo 6, 2021, markaasoo taageerayaashiisu ay gudaha u galeen dhismaha Congress-ka Mareykanka si ay isugu dayaan inay natiijada doorashadii looga guuleystay ka hor-tagaan.

Trump ayaa dambigaas iska fogeeyay, waxaana kiiskii la laalay markii dib loo doortay madaxweyne – taasoo siisay xasaanad ka dhan ah in la maxkamadeeyo.

Sidoo kale, Bolsonaro ayaa ku adkeystay inuusan wax dambi ah lahayn, isagoo isku dayayay inuu abaabulo taageerayaashiisa isagoo dhigayay dibadbaxyo isdaba joog ah oo sii kala fogeeyay siyaasadda Brazil.

Saameynta ka dhalatay

Kiisaskan waxay isku soo dhoweeyeen qoysaska Trump iyo Bolsonaro, iyadoo wiilasha hoggaamiyihii hore ee Brazil ay si weyn ugu ololeynayeen in cunaqabatayn Mareykan ah lagu soo rogo garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare iyo in Trump uu arrintan ka hadlo.

Isku daygaas ayaa hadda u muuqda mid guuleystay, iyadoo aan la ogeyn cawaaqibka ka dhalan kara xiriirka u dhexeeya labada dhaqaale ee ugu waaweyn Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika.

Wiilka Bolsonaro, Eduardo, ayaa ammaanay qoraalka Trump wuxuuna sheegay “inaysan noqon doonin warkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Mareykanka mustaqbalka dhow.”

Trump ayaa si faahfaahsan uga hadlay kiiska qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuuna soo jeediyay in Bolsonaro yahay qofka ugu cadcad doorashada sanadka soo socda – inkastoo laga mamnuucay inuu tartamo sababtoo ah wuxuu faafiyay warar marin-habaabin ah oo ku saabsan nidaamka codbixinta.

“Sida adduunka oo kale, waxaan daawanayay iyagoo aan wax kale qabanayn oo aan ahayn inay beegsadaan maalin kasta, habeen kasta, bil kasta, iyo sannad kasta!” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

“Aniga 10 jibaar ayay igu dhacday,” ayuu yiri Trump. “Waxaan bartay Jair Bolsonaro, wuxuuna ahaa hoggaamiye adag, oo si dhab ah u jeclaa dalkiisa – Sidoo kale, wuxuu ahaa gorgortame adag oo dhanka GANACSIGA ah,” ayuu yiri Trump.

Sida Trump oo kale, Bolsonaro wuxuu sheeganayaa inuu yahay dhibbane cadaadis siyaasadeed.

Bolsonaro ayaa uga mahadceliyay Trump taageeradiisa iyo difaaciisa “nabadda, caddaaladda iyo xorriyadda” qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Hadallada Trump waxay ku soo beegmeen xilli uu Lula magaalada Rio de Janeiro ku martigelinayay wakiillo ka socday Shiinaha, Ruushka, Iran, iyo dalal kale oo shirka BRICS ka qayb galayay.

Hoggaamiyeyaashii shirka ka qaybgalay ayaa dhaleeceeyay canshuuraha Trump iyo duqeyntii uu la beegsaday Iran, taasoo kicisay carada madaxweynaha Mareykanka iyo hanjabaad ah inuu 10 boqolkiiba canshuur dheeraad ah saari doono waddan kasta oo xulufo la ah BRICS.

Calaamad muujinaysa sida uu u cakiran yahay xiriirka Mareykanka iyo Brazil, Lula wuxuu ku adkeystay in xubnaha BRICS ay yihiin dalal madax-bannaan oo aysan doonayn “imbaradoor.”

Iska hor-imaadyada Kenya oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay guud ahaan dalka Kenya, boqolaal kalena waa la xiray, intii ay socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo dhacay maalintii Isniinta, sida ay sheegeen koox u doodda xuquuqda aadanaha iyo booliska, waxaana wararku intaa ku darayaan in iska horimaadyo ay dhexmareen booliska iyo dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay duleedka caasimadda Nairobi.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa sidoo kale ku eedeeyay booliska inay la shaqeeyaan kooxo dambiilayaal ah, xilli ciidamo farabadan oo ammaanka ah la geeyay bartamaha magaalada Nairobi, taasoo keentay inay cidla ahaato ka hor mudaharaadyada sanadlaha ah ee lagu xusayo Maalinta Saba Saba.

Banaanbaxyadan oo magacoodu ka dhigan yahay “Toddobo Toddobo,” waxaa lagu xusaa 7-dii Luulyo, 1990-kii, markaasoo shacabka Kenya ay u kaceen inay dalbadaan in dib loogu soo celiyo nidaamka xisbiyada badan, kadib sanado badan oo uu xukun kaligii-talisnimo ah ku maamulayay madaxweynihii xilligaas, Daniel arap Moi.

War-saxaafadeed ka soo baxay, guddiga KNCHR wuxuu ku sheegay “inay diiwaan geliyeen toban qof oo dhimasho ah iyo sagaal iyo labaatan dhaawac ah” oo ka kala dhacay 17 gobol oo dalka ka tirsan, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah.

Dhanka kale, warbixin uu soo saaray Booliska Qaranka (NPS) gelinkii dambe ee Isniintii ayaa tirada dhimashada ku sheegay 11 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 52 askari oo boolis ah iyo 11 qof oo rayid ah.

Laga soo bilaabo duhurnimadii, wakaaladda wararka ee AFP waxay goobjoog ka ahayd iska horimaadyo goos-goos ah oo dhex marayay kooxo ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku furayay dad isku soo baxay oo tiro yar, iyadoo qaar ka mid ah dadweynihii isku soo baxay ay dhagxaan ku tuurayeen booliska, isla markaana ay ku kaceen bililiqo iyo burburin hantiyeed.

Dhallinyarada Kenya, oo ka niyad jabsan fadhiidnimada dhaqaale, musuq-maasuqa iyo tacaddiyada booliska, ayaa mar kale ka qayb galaya dibadbaxyo bishii hore isu beddelay bililiqo iyo rabshado, kuwaasoo sababay dhimashada tobanaan qof iyo burbur soo gaaray kumanaan ganacsi.

Dibadbaxayaashu waxay ku eedeeyaan mas’uuliyiinta inay bixiyaan lacag si ay u kireystaan kooxo hubaysan oo kharribayaal ah si ay u sumcad dilaan dhaq-dhaqaaqooda, halka ay dowladdu mudaharaadyadii bishii Juun ku tilmaantay “afgembi la isku dayay.”

‘Kooxo wejiga soo duubtay’

Isniintii, waddooyinka bartamaha magaalada Nairobi way xasilloonaayeen kadib markii boolisku ay jidadka waaweyn ku xireen baro-koontarool, iyagoo xaddidayay gelitaanka goobihii udub-dhexaadka u ahaa isu-soo-baxyadii hore.

Ganacsiyo badan ayaa xirnaa maalintaas oo dhan.

“Weligeey ma arag bartamaha magaalada oo sidan oo kale ah,” ayuu yiri Edmond Khayimba, oo ah 29 jir ka shaqeeya ilaalada, isagoo la hadlayay AFP.

In kasta oo bartamaha magaaladu uu cidla aheyd, haddana kooxo ayaa isugu soo baxay duleedyada magaalada galabnimadii, iyadoo weriyeyaal ka tirsan AFP ay goobjoog ka ahaayeen labo qof oo dhaawacmay, iyo sidoo kale bililiqo iyo burburin hantiyeed.

Dibadbaxayaal isugu soo baxay waddo weyn ayaa ay isku dhaceen boolis ka hor istaagayay inay soo galaan magaalada, waxaana dadkaas oo tiro yar ay ku dhawaaqayeen: “Ruto waa inuu tagaa,” oo ah hal-ku-dheg caan ah oo looga soo horjeedo Madaxweyne William Ruto, iyo “wantam,” oo macnaheedu yahay “hal xilli.”

Mar kale, wakaaladda AFP waxay aragtay bililiqo iyo burburin hantiyeed oo ka dhacaysay agagaarka.

War-saxaafadeedkeeda, guddiga KNCHR wuxuu ku xusay joogitaanka “kooxo dambiilayaal ah oo sitay hub aan casri ahayn, sida jeedallo, budad, baangado, warmo, qaansooyin iyo fallaaro” intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhacayay tiro gobollo ah, oo ay ku jirto Nairobi, halkaasoo “kooxahan wejiyada soo duubtay lagu arkay iyagoo ka garab shaqeynaya saraakiisha booliska.”

Faallo uu siiyay AFP, afhayeenka Booliska Qaranka (NPS), Michael Muchiri, ayaa sheegay in hadallada KNCHR ay “marar badan ka maran yihiin xaqiiqada.”

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ku celiyay in Booliska Qaranka (NPS) “uusan waligiis la shaqeyn doonin shakhsiyaad loogu yeero ‘daba-dhilifyo’ ama dambiilayaal,” isagoo adeegsanaya magaca loo yaqaan ragga hubaysan ee lacagta lagu siiyo inay carqaladeeyaan bannaanbaxyada.

Muchiri ayaa warbixin dambe ku sheegay in 567 qof lagu xiray intii ay dibadbaxyadu socdeen, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Kipchumba Murkomen, wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in dibadbaxyadii ugu dambeeyay “ay soo dhex galeen dambiilayaal doonayay inay abuuraan fowdo iyo burbur.”

Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu ku sheegay in joogitaanka saraakiisha boolisku uu “si weyn u yareeyay” bililiqada iyo rabshadaha, balse wuxuu ballanqaaday in dadkii ka dambeeyay “la baari doono lana maxkamadayn doono.”

– ‘Ruto waa inuu tagaa’ –

Baraha bulshada iyo rajada dhaqaale ee sii kordhaysa ayaa sii huriyay carada laga qabo sinnaan la’aanta ka jirta dalka, halkaasoo qiyaastii 80 boqolkiiba dadku ay ku xayiran yihiin shaqooyin aan rasmi ahayn oo mushahar yar.

Laakiin tallaabooyinka adag ee ay qaadeen booliska – ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo dhacay tan iyo bishii Juun ee sanadkii hore, halka tobanaan kalena si sharci-darro ah loo xiray – ayaa dad badan ka cabsi geliyay inay waddooyinka isugu soo baxaan.

“Wixii uu dalka u ballanqaaday, ma fulinayo,” ayuu yiri Onsomu.

Tan iyo markii la doortay 2022, Ruto wuxuu isbahaysi aan sal adkeyn la yeeshay hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn, Raila Odinga, taasoo meesha ka saartay inuu jiro musharrax cad oo kula tartami kara doorashada xigta ee 2027.

Laakiin tallaabo kasta oo rabshad wadata waxay sii hurisaa qalalaase hor leh, sida ay tiri dhaqdhaqaaqe Nerima Wako.

“Mar kasta oo dadku mudaharaad soo abaabulaan, dad badan baa la dilaa, taasina waxay sii hurinaysaa rabshadaha xiga,” ayay tiri.

Dibadbaxii hore ee dhacay 25-kii Juun – oo loogu talagalay in lagu xuso sannad-guuradii bannaanbaxyadii dhimashada badnaa ee dowladda looga soo horjeeday ee sanadkii hore – ayaa isu beddelay rabshado, waxaana ku dhintay 19 qof, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

MASAR oo safaaradeedi ka furaneysa Muqdisho kadib kulankii Qaahira ka dhacay

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaan dib uga furan doonta magaalada Muqdisho xarun safaaradeed, sida uu Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada madaxweyne oo shalay kulan miro-dhal ah ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxay tallaabadan muujinaysa mudnaanta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay isla qaateen in la dardar-geliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Heshiiskaas ayaa ku saabsan tababaridda iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, si ay uga adkaadaan kooxaha argagixisada ah, ugana hortagaan faragelin kasta oo gudaha ama dibadda ah

Soomaaliya iyo Masar ayaa kor u qaaday xiriirkooda diblumaasiyadeed, waxayna labada dhinac ay gaareen heshiisyo muhiim ah, iyadoo Qaahira ka qeyb qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, si looga hortago firaaq siyaasadeed oo Itoobiya ay isku dayi karto inay ka faa’iideysato, sida ay qabaan Masaarida.

Si kastaba, Masar ayaa haatan waxay dadaal badan ku bixinaysa sidii ay u ballaarin laheyd doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay Itoobiya horay u sheegan jirtay “inay tahay aag ay saameyn ku leedahay”.