25.1 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Iska hor-imaadyada Kenya oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay guud ahaan dalka Kenya, boqolaal kalena waa la xiray, intii ay socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo dhacay maalintii Isniinta, sida ay sheegeen koox u doodda xuquuqda aadanaha iyo booliska, waxaana wararku intaa ku darayaan in iska horimaadyo ay dhexmareen booliska iyo dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay duleedka caasimadda Nairobi.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa sidoo kale ku eedeeyay booliska inay la shaqeeyaan kooxo dambiilayaal ah, xilli ciidamo farabadan oo ammaanka ah la geeyay bartamaha magaalada Nairobi, taasoo keentay inay cidla ahaato ka hor mudaharaadyada sanadlaha ah ee lagu xusayo Maalinta Saba Saba.

Banaanbaxyadan oo magacoodu ka dhigan yahay “Toddobo Toddobo,” waxaa lagu xusaa 7-dii Luulyo, 1990-kii, markaasoo shacabka Kenya ay u kaceen inay dalbadaan in dib loogu soo celiyo nidaamka xisbiyada badan, kadib sanado badan oo uu xukun kaligii-talisnimo ah ku maamulayay madaxweynihii xilligaas, Daniel arap Moi.

War-saxaafadeed ka soo baxay, guddiga KNCHR wuxuu ku sheegay “inay diiwaan geliyeen toban qof oo dhimasho ah iyo sagaal iyo labaatan dhaawac ah” oo ka kala dhacay 17 gobol oo dalka ka tirsan, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah.

Dhanka kale, warbixin uu soo saaray Booliska Qaranka (NPS) gelinkii dambe ee Isniintii ayaa tirada dhimashada ku sheegay 11 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 52 askari oo boolis ah iyo 11 qof oo rayid ah.

Laga soo bilaabo duhurnimadii, wakaaladda wararka ee AFP waxay goobjoog ka ahayd iska horimaadyo goos-goos ah oo dhex marayay kooxo ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku furayay dad isku soo baxay oo tiro yar, iyadoo qaar ka mid ah dadweynihii isku soo baxay ay dhagxaan ku tuurayeen booliska, isla markaana ay ku kaceen bililiqo iyo burburin hantiyeed.

Dhallinyarada Kenya, oo ka niyad jabsan fadhiidnimada dhaqaale, musuq-maasuqa iyo tacaddiyada booliska, ayaa mar kale ka qayb galaya dibadbaxyo bishii hore isu beddelay bililiqo iyo rabshado, kuwaasoo sababay dhimashada tobanaan qof iyo burbur soo gaaray kumanaan ganacsi.

Dibadbaxayaashu waxay ku eedeeyaan mas’uuliyiinta inay bixiyaan lacag si ay u kireystaan kooxo hubaysan oo kharribayaal ah si ay u sumcad dilaan dhaq-dhaqaaqooda, halka ay dowladdu mudaharaadyadii bishii Juun ku tilmaantay “afgembi la isku dayay.”

‘Kooxo wejiga soo duubtay’

Isniintii, waddooyinka bartamaha magaalada Nairobi way xasilloonaayeen kadib markii boolisku ay jidadka waaweyn ku xireen baro-koontarool, iyagoo xaddidayay gelitaanka goobihii udub-dhexaadka u ahaa isu-soo-baxyadii hore.

Ganacsiyo badan ayaa xirnaa maalintaas oo dhan.

“Weligeey ma arag bartamaha magaalada oo sidan oo kale ah,” ayuu yiri Edmond Khayimba, oo ah 29 jir ka shaqeeya ilaalada, isagoo la hadlayay AFP.

In kasta oo bartamaha magaaladu uu cidla aheyd, haddana kooxo ayaa isugu soo baxay duleedyada magaalada galabnimadii, iyadoo weriyeyaal ka tirsan AFP ay goobjoog ka ahaayeen labo qof oo dhaawacmay, iyo sidoo kale bililiqo iyo burburin hantiyeed.

Dibadbaxayaal isugu soo baxay waddo weyn ayaa ay isku dhaceen boolis ka hor istaagayay inay soo galaan magaalada, waxaana dadkaas oo tiro yar ay ku dhawaaqayeen: “Ruto waa inuu tagaa,” oo ah hal-ku-dheg caan ah oo looga soo horjeedo Madaxweyne William Ruto, iyo “wantam,” oo macnaheedu yahay “hal xilli.”

Mar kale, wakaaladda AFP waxay aragtay bililiqo iyo burburin hantiyeed oo ka dhacaysay agagaarka.

War-saxaafadeedkeeda, guddiga KNCHR wuxuu ku xusay joogitaanka “kooxo dambiilayaal ah oo sitay hub aan casri ahayn, sida jeedallo, budad, baangado, warmo, qaansooyin iyo fallaaro” intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhacayay tiro gobollo ah, oo ay ku jirto Nairobi, halkaasoo “kooxahan wejiyada soo duubtay lagu arkay iyagoo ka garab shaqeynaya saraakiisha booliska.”

Faallo uu siiyay AFP, afhayeenka Booliska Qaranka (NPS), Michael Muchiri, ayaa sheegay in hadallada KNCHR ay “marar badan ka maran yihiin xaqiiqada.”

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ku celiyay in Booliska Qaranka (NPS) “uusan waligiis la shaqeyn doonin shakhsiyaad loogu yeero ‘daba-dhilifyo’ ama dambiilayaal,” isagoo adeegsanaya magaca loo yaqaan ragga hubaysan ee lacagta lagu siiyo inay carqaladeeyaan bannaanbaxyada.

Muchiri ayaa warbixin dambe ku sheegay in 567 qof lagu xiray intii ay dibadbaxyadu socdeen, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Kipchumba Murkomen, wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in dibadbaxyadii ugu dambeeyay “ay soo dhex galeen dambiilayaal doonayay inay abuuraan fowdo iyo burbur.”

Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu ku sheegay in joogitaanka saraakiisha boolisku uu “si weyn u yareeyay” bililiqada iyo rabshadaha, balse wuxuu ballanqaaday in dadkii ka dambeeyay “la baari doono lana maxkamadayn doono.”

– ‘Ruto waa inuu tagaa’ –

Baraha bulshada iyo rajada dhaqaale ee sii kordhaysa ayaa sii huriyay carada laga qabo sinnaan la’aanta ka jirta dalka, halkaasoo qiyaastii 80 boqolkiiba dadku ay ku xayiran yihiin shaqooyin aan rasmi ahayn oo mushahar yar.

Laakiin tallaabooyinka adag ee ay qaadeen booliska – ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo dhacay tan iyo bishii Juun ee sanadkii hore, halka tobanaan kalena si sharci-darro ah loo xiray – ayaa dad badan ka cabsi geliyay inay waddooyinka isugu soo baxaan.

“Wixii uu dalka u ballanqaaday, ma fulinayo,” ayuu yiri Onsomu.

Tan iyo markii la doortay 2022, Ruto wuxuu isbahaysi aan sal adkeyn la yeeshay hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn, Raila Odinga, taasoo meesha ka saartay inuu jiro musharrax cad oo kula tartami kara doorashada xigta ee 2027.

Laakiin tallaabo kasta oo rabshad wadata waxay sii hurisaa qalalaase hor leh, sida ay tiri dhaqdhaqaaqe Nerima Wako.

“Mar kasta oo dadku mudaharaad soo abaabulaan, dad badan baa la dilaa, taasina waxay sii hurinaysaa rabshadaha xiga,” ayay tiri.

Dibadbaxii hore ee dhacay 25-kii Juun – oo loogu talagalay in lagu xuso sannad-guuradii bannaanbaxyadii dhimashada badnaa ee dowladda looga soo horjeeday ee sanadkii hore – ayaa isu beddelay rabshado, waxaana ku dhintay 19 qof, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

MASAR oo safaaradeedi ka furaneysa Muqdisho kadib kulankii Qaahira ka dhacay

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaan dib uga furan doonta magaalada Muqdisho xarun safaaradeed, sida uu Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada madaxweyne oo shalay kulan miro-dhal ah ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxay tallaabadan muujinaysa mudnaanta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay isla qaateen in la dardar-geliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Heshiiskaas ayaa ku saabsan tababaridda iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, si ay uga adkaadaan kooxaha argagixisada ah, ugana hortagaan faragelin kasta oo gudaha ama dibadda ah

Soomaaliya iyo Masar ayaa kor u qaaday xiriirkooda diblumaasiyadeed, waxayna labada dhinac ay gaareen heshiisyo muhiim ah, iyadoo Qaahira ka qeyb qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, si looga hortago firaaq siyaasadeed oo Itoobiya ay isku dayi karto inay ka faa’iideysato, sida ay qabaan Masaarida.

Si kastaba, Masar ayaa haatan waxay dadaal badan ku bixinaysa sidii ay u ballaarin laheyd doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay Itoobiya horay u sheegan jirtay “inay tahay aag ay saameyn ku leedahay”.

Faah-faahinta duqeymo culus oo Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Mareykanka (AFRICOM) ayaa duqeymo ka fuliyay deegaanno ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday Daacish, sida uu xaqiijiyay talisku.

Duqeyntan oo ay AFRICOM iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaal-yahanno ka tirsan ururka Daacish, iyadoo halkaas khasaare lagu gaarsiiyay.

“Duqeyntani waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AFRICOM in laga hortago khatarta Daacish, isla markaasna ay sii wadi doonaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM.

Taliska ayaa intaas ku daray in la xaqiijiyay in duqeynta aan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka rayidka ah ee ku nool goobaha la duqeeyay.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa shregay in duqeymahan si gaar ah loogu beegsaday saraakiil sar-sare oo uu ku jiro ku-xigeenka Amiirka guud ee Daacish, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay buuraleyda Calmiskaad.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah wajigii ugu dambeeyay ee gulufka Daacish, iyadoo Puntland ay sheegtay in iskaashiga ay la leedahay ciidamada Mareykanka uu yahay mid miro-dhal ah, oo laga gaaray guulo dhanka dagaalka ah.

Si kastaba, howl-galladan wadajirka ah ayaa muujinaya kordhinta duqeymaha iskaashi ee Mareykanka uu ka wado gudaha dalka, kuwaas oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Mareykanka oo kooxda HTS ka saaray liiska argagixisada

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay liiska “ururada argagixisada shisheeye” ka saarayso kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo ah koox mar lala xiriirin jiray Al-Qaacida, kuna guulaysatay inay xukunka ka tuurto dowladdii Suuriya bishii Diseembar.

“Anigoo raacaya ballanqaadkii Madaxweyne (Donald) Trump ee 13-kii Maajo ee ahaa in cunaqabataynta laga qaado Suuriya, waxaan halkan kaga dhawaaqayaa qorshahayga ah inaan ka noqdo aqoonsigii Urur Argagixiso Shisheeye (FTO) ee Jabhat al-Nusra, oo hadda loo yaqaan Hay’at Tahrir al-Sham (HTS),” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo hadalkaas ku sheegay war-saxaafadeed.

Isbahaysi hubaysan oo uu hoggaaminayo hoggaamiyaha HTS, Axmed al-Sharca, ayaa sanadkii hore xukunka ka tuuray madaxweynihii Suuriya ee xilligaas, Bashar al-Assad, isagoo soo afjaray nus qarni xukun arxan-darro ahaa oo ay qoyskiisu dalkaas ka talinayeen.

Al-Sharca ayaa la wareegay xilka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, taasoo ah tallaabo si taxaddar leh looga soo dhoweeyay Washington, Yurub iyo meelo kale, iyadoo cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Israel ay doonayso inay xiriir la samaysato dowladda cusub.

Tallaabadan Washington waxay si rasmi ah u dhaqan geli doontaa maalinta Talaadada, waxayna daba socotaa kadib markii Madaxweyne Trump uu toddobaadkii hore si rasmi ah u laalay cunaqabatayntii dalkiisu ku soo rogay Suuriya.

“Tallaabada berri waxay ka dambaysay kala diristii lagu dhawaaqay ee HTS iyo ballanqaadka dowladda Suuriya ee ah inay la dagaallanto argagixisada nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Rubio.

HTS waxaa hore loo oran jiray Jabhat Al-Nusra, waxayna horey u ahayd laanta Al-Qaacida ee Suuriya, balse waxay xiriirka u jartay kooxdaas jihaadiga ah sanadkii 2016-kii, waxayna isku dayday inay beddesho wejigeeda.

Laga soo bilaabo 2017, HTS waxay sheegatay inay maamusho qaybo badan oo ka tirsan gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, waxaana ay halkaas ka hirgelisay maamul rayid ah, iyadoo lagu eedeeyay tacaddiyo arxan-darro ah oo ka dhan ah kuwii ku dhiirraday inay ka horyimaadaan.

Bishii Janaayo, kadib markii ay rideen taliskii Assad, mas’uuliyiinta cusub waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dhammaan kooxihii hubaysnaa, iyadoo qaar ka mid ah kooxahaas, oo ay ku jirto HTS, lagu daray hay’ado ay ka mid yihiin ciidanka booliska cusub ee dalka.

Trump wuxuu bishii Maajo qaaday inta badan cunaqabatayntii saarnayd Suuriya, isagoo ka jawaabaya codsiyo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo Turkiga oo ahaa in laga caawiyo sidii dalkaas dagaalladu burburiyeen loogu soo celin lahaa dhaqaalaha adduunka.

Mareykanka ayaa horey u meesha ka saaray lacagtii dulsaarnayd madaxa al-Sharaa kadib markii uu xukunka la wareegay.

– Dib ula falgalka caalamiga ah –

Jimcihii, Suuriya waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso Mareykanka dib-u-hirgelinta heshiiskii kala-baxa ee 1974-kii ee ay la gashay Israel.

Mareykanka iyo dalalka Yurub ayaa si isdaba joog ah ugu dhaqaaqayay inay dib xiriir ula yeeshaan Suuriya tan iyo markii uu al-Sharaa la wareegay xilka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyadoo Britain ay Sabtidii dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed kadib in ka badan toban sano oo uu go’naa.

Sidoo kale, Britain waxay cunaqabataynta ka qaadday wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga ee Suuriya, iyo sidoo kale kooxo warbaahineed oo kala duwan, hay’ado sirdoon, iyo qaybo ka mid ah dhaqaalaha.

Taliskii Assad waxaa xukunka ka tuuray, kadib dagaal sokeeye oo socday in ka badan 13 sano, kacdoon fallaago ah oo uu hoggaaminayay al-Sharaa.

Kacdoonkaas wuxuu billowday sannadkii 2011 kadib dibadbaxyo looga soo horjeeday xukunkii arxan-darrada ahaa ee qoyska Assad, kuwaasoo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqii Guga Carabta.

Taageerada caalamiga ah ee sii kordhaysa ayaa imaanaysa xilli hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya ay isku dayayaan inay dib u dhisaan dalka oo ay dib u soo nooleeyaan dhaqaalihiisii meesha ka baxay, kuwaasoo ay labadaba burburiyeen colaadda iyo cunaqabataynaha adag.

Laga soo bilaabo jihaadi la doon-doonayay ilaa uu noqday hoggaamiye ay soo dhoweeyaan madaxda adduunka, madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee al-Sharca wuxuu soo maray isbeddel cajiib ah muddo lix bilood gudahood ah.

Wuxuu hadda hoggaaminayaa dowlad ku jirta muddo kala-guur ah oo shan sano ah, taasoo hoos timaadda dastuur ku-meel-gaar ah oo ay khubarada iyo kooxaha xuquuqda aadanuhu sheegeen inuu awoodda oo dhan gacantiisa geliyay.

Al-Sisi oo wacad ku maray inuu hor-istaagi doono arrinta ay Itoobiya damacsan tahay

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa wacad ku martay inay hor istaagi doonto isku dayga Itoobiya ay ku doonayso inay marrin uga hesho Badda Cas, waxayna sheegtay inay dardar gelin doonto tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya, taasoo qayb ka ah iskaashi dhinaca amniga ah oo sii ballaaranaya.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi oo shir jaraa’id qabtay kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Qaahira “aysan u dulqaadan doonin tallaabooyin halis gelinaya madax-bannaanida Soomaaliya ama amniga marinka Badda Cas,” oo ah marin biyood ay isticmaalaan qiyaastii 10 boqolkiiba ganacsiga adduunka.

Digniintan ayaa daba socota heshiis is-afgarad ah oo ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo 2024, kaasoo Addis Ababa siinaya saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi, kuna beddelanaysa aqoonsi suuragal ah oo la siiyo gobolka gooni-u-goosadka ah. Muqdisho ayaa ku tilmaantay heshiiskaas mid sharci-darro ah; halka Masar ay sheegtay inuu halis gelinayo xasilloonida marinnada maraakiibta ee quudiya Kanaalka Suweys.

Sida ku cad heshiis difaac oo la saxiixday bishii Agoosto 2024, Masar waxay tababar iyo hubayn siinaysay cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee la dagaallamaya kooxda Al-Shabaab. El-Sisi wuxuu sheegay in barnaamijkaas la dardar gelin doono, ciidamada Masarna ay ku biiri doonaan howlgalka xasillinta ee soo socda ee Midowga Afrika marka la helo dhaqaale caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay ballanqaadkaas, isagoo ku dooday in “ciidan Soomaaliyeed oo xooggan uu albaabada ka xirayo faragelin kasta oo dibadda ah.”

In kasta oo aysan wax bad ah lahayn tan iyo markii ay Eritrea ka go’day sanadkii 1993, haddana Itoobiya waxay raadinaysay inay hesho marrin badeed oo toos ah si ay u dhinto kharashka dhoofinta badeecadaha ee 120-ka milyan ee muwaadin ee dalkeeda. Hamigaas ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay markii horeba jireen xiisado kala dhexeeyay Qaahira oo ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee webiga Niil.

El-Sisi iyo Xasan Sheekh waxay sheegeen inay ballaarin doonaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga, kalluumeysiga, iyo tamarta, iyagoo amniga ka dhigaya udub-dhexaadka xiriirkooda. Labada hoggaamiye waxay qorsheynayaan inay olole ka dhex bilaabaan dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika si ay u diidaan heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, shirarka ururradan ee la filayo dhammaadka sanadkan.

Loolanka Itoobiya ee ay ku doonayso dekedda badeed waa kii ugu dambeeyay ee silsilado awood-muujin ah oo gobolka ka socda. Dalka Jabuuti ayaa hadda gacanta ku haya in ka badan 90 boqolkiiba badeecadaha ay Itoobiya soo dejiso. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay weli ku jiraan ilaalo ay sameeyaan ciidamo badeed caalami ah oo la dagaallama burcad-badeedda iyo ilaalinta socodka shidaalka ee ku wajahan Yurub iyo Aasiya.

Masar iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir qarniyo soo jireen ah oo dhinacyada dhaqanka iyo diinta ah. Qaahira waxay martigelisaa kumanaan arday Soomaaliyeed ah, waxayna muddo dheer bixinaysay deeqo waxbarasho iyo tababarro saraakiil ah – xiriirkaas oo labada hoggaamiye ay sheegeen inay rajeynayaan inay u ballaariyaan “iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh.”

Daawo: Deni oo si kulul uga hadlay xiisadda Sanaag iyo dhismaha SSC-Khaatumo

Qardho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, isagoo si adag uga hadlay xiisadda ka taagan gobolka Sanaag iyo wararka sheegaya in dowladda federaalka ay qorsheynayso inay ciidamo geyso halkaas.

Deni ayaa si weyn uga digay tallaabadaas, wuxuuna dowladda federaalka u diray digniin culus. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dagaalkii Moqokori, isagoo sheegay in ciidamada qaranka ay dayacan yihiin, meel kasta oo ay tagaan ay isaga firxanayaan. Wuxuu sidoo kale xusay dagaalkii Raaskambooni iyo saameyntii taban ee ka dhalatay duullaankii dowladda federaalka ku qaaday Jubbaland.

“Waa nasiib darro in iyadoo maanta Al-Shabaab la wareegeen deegaanka Moqokori, ay dowladdu leedahay waxaan ciidamo u dirayaa Sanaag. Horay ayaan u ogeyn weerarkii Raaskambooni iyo musiibadii ka dhalatay. Ciidamada qaranka inta gacmaha taageen ayey dal kale iska dhiibeen. Looguma dulqaadan karo dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay duullaan ku tahay ciidamada Puntland, isagoo sheegay in ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan dagaalka ka dhacay deegaanka Calmiskaad.

“Waxay sheegtaan door aanay ku lahayn dagaalka. Xitaa warbaahinta iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka waxay si toos ah u marin habaabinayaan dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in ay caado ka dhigatay kala fogeynta dadka Soomaaliyeed, wuxuuna fariin u diray mucaaradka ku jira siyaasadda dalka.

“Iska dhaafa shirarka madhaleysiga ah ee aad wadaan iyo danaha gaarka ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay samatabixin. Puntland waxaa ka go’an inay difaacato dalkeeda iyo deegaankeeda. Cid kasta oo soo haweysata waxay wajihi doontaa cawaaqibkeeda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hoos ka daawo

Ciidamada DF oo dib ula wareegay Moqokori, Deni iyo Rooble oo ka hadlay dagaalka

Moqokori (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa caawa dib ula wareegay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaal culus oo maanta ka dhacay ay Al-Shabaab u suurtagashay inay qabsadaan.

Ciidamo badan ayaa la sheegay in lagu waayey geeri iyo nolol intii uu maanta socday dagaalka Moqokori, kooxda ayaa maanta duhurkii gudaha u gashay magaalada, iyagoo ku galay dagaal muddo socday oo qaraxyo ku bilowday waaberigii hore ee saakay.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble masuuliyiin uu ku jiro ayaa ka hadlay dagaalka Moqokori, isagoo dowladda ugu baaqay inay u soo jeesato dagaalka, iskana dhaafto siyaasadaha kale.

“Waxaan Madaxda Dawladda federaalka ugu baaqayaa in ay la yimaadaan Qorshe wax looga badalayo xaaladda Dagaalka iyo habaca ku yimid howlihii la dagaalanka khawaarijta. Dowladdu waa in ay mudnaanta koowaad ka dhigataa la dagaallanka argagixisada, halkii ay ku mashquuli lahayd arrimo kale oo siyaasad ahaan loo xallin karo,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa ciidamada ku bogaadiyey is difaacii ay maanta ka sameeyeen Moqokori, “Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen Ciidamada Qalabka sida iyo Macaawiisleyda reer Hiiraan oo dagaal adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka hadashay dagaalka Moqokori, isagoo dowladda ku dhaliilay in dagaalkii argagixisada uu uga muhiimsanaaday dagaalka Puntland iyo Jubbaland, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Waa nasiib darro in iyadoo maanta Al-Shabaab la wareegeen deegaanka  Moqokori, ay dowladdu leedahay waxaan ciidamo u dirayaa Sanaag, horay waxaan u ogeyn weerarkii Raaskambooni iyo musiibadii ka dhalatay, ciidamada Qaranka inta gacmaha taageen ayey dal kale iska dhiibeen, waxaan looguma dul qaadan karo dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh,” ayuu yiri Saciid Deni.

Villa Somalia oo shaacisay arrimaha lagu gaaray kulanka Xasan iyo Al-Sisi + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar, Cabdulfataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardar-galinta isku xirka labada shacab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa Madaxweynaha u sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari.

Villa Somalia ayaa shaacisay in labada madaxweyne ay isla qaateen in la dardar-geliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Al-Sisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahad-celiyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo ku dhacay dabinka Masar iyo Al-Sisi oo u hanjabay Abiy

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi oo maanta shir jaraa’id wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay qorshaha uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ku doonayo inuu ku helo badda.

Al-Sisi oo u muuqda mid u hanjabaya Abiy ayaa caddeeyay in Masar aysan marnaba ogolaan doonin in Itoobiya ay saameyn ku yeelato biyaha Badda Cas. Sisi ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Qaahira ee heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masar ay diyaar u tahay inay ballaariso doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay Itoobiya horay u sheegan jirtay “inay tahay aag ay saameyn ku leedahay”.

Labada madaxweyne ayaa diiradda saaray sidii loo xaqiijin lahaa amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika, iyadoo Al-Sisi uu adkeeyay sida Masar ay u garab taagan tahay dadaalka Soomaaliya ee dib u dhiska dowladnimada, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta midnimada dhuleed.

“Labada dowladood waxay hadda wadaan dadaal lagu dhisayo iskaashi istiraatiiji ah, kaasoo daboolaya dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo difaaca,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi.

Si kastaba, is-afgaradka Somaliland ee uu maanta soo hadal qaaday Al-Sisi ayaa hore muran badan u dhaliyay, xiisad hor lehna galiyay gobolka, inkastoo markii dambe ay heshiis ka gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, si dib loogu soo celiyo cilaaqaadka labada dal oo markaasi go’ay.

Dib usoo celinta xiisadda heshiiskii Itoobiya ayaa u muuqata in Madaxweyne Al-Sisi uu ku xoqanayo kaarka Soomaaliya, oo haatan uu rabo inay qeyb ka noqoto isbaheysi ka dhan ah Itoobiya oo ay isku hayaan biyo-xireenka Wabiga Nile ee Addis Ababa ay dhameystirtay buuxintiisa.

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta u tegay ciidamada dagaalka ku jira

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagay Ciidamada Gurmad Qaran ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland iyo sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Danab.

Ciidamadan isgarabsanaya ayaa maalmihii u dambeeyay howl-gallo guulo waaweyn laga gaaray ka fulinayay qeybo badan oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Howl-galladaasi ayaa lagu naafeeyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagu burburiyay saldhigyo iyo qorshayaal khatar ku ahaa nabadda iyo amniga shacabka Jubbaland, sida uu sheegay maamulka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, dadaalka naf-hurnimada ah iyo masuuliyadda culus ee ay ciidanku u hayaan difaaca dalka.

Madoobe ayaa intaas ku daray in guulaha laga gaaray howl-gallada ay farxad iyo yididiilo u horseedeen shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, wuxuu xoojiyay muhiimadda in la sii dardar-geliyo howl-gallada ilaa laga ciribtirayo kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah dalka iyo dadka.

Maalmihii u damabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa kordhiyay howl-gallada ka socda ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo weli ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Shaqsiyaad ka soo jeeda K/Galbeed oo laga sii daayay xabsiga Gaalkacyo kadib markii…

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Shaqsiyaad kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa laga sii daayay xabsiga magaalada Gaalkacyo, kadib dadaallo guuleystay oo ay iska kaashadeen waxgarad ka soo jeeda deegaamada Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo maamulka gobolka Mudug.

Shaqsiyaadkan oo shalay dib u helay xorriyadooda ayaa Gaalkacyo ugu xirnaa magta marxuum Cabdulfataax Ismaaciil Xaashi oo la dilay sannadkii 2006-dii.

Labada dhinac ehelladooda ayaa ku heshiiyay kala qaadashada mag lagu qiimeeyey $40,000 (afartan kun oo dollar) oo ah magta AUN Cabdulfataax, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali.

Guddoomiyah ayaa uga mahad-celiyey xildhibaano iyo waxgarad ka shaqeeyey sidii loo bixin lahaa magtaasi oo labaatan kun oo ka mid ah uu bixiyay maamulka Puntland.

“Waxaa qoyska Cabdulfataax lagu wareejiyey sodon kun, oo labaatan kamid ah ay bixisay dowladda Puntland,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Sheekh Cali (Jifi-jabsade).

Waxa uu intaas kusii daray “Inta dhimana waqti ayey qabsadeen, waxaan uga mahad-celinayaa qolyaha reer Muduga ah ee wax gaareen in aysan aanaysan ee ay sharciga u soo dacwoodeen.”

Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Moqokori iyo Al-Shabaab oo…

0

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Moqokori ee gobolkaasi, kadib markii ay saaka qarax is-miidaamin ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad shacab ah uu xigay dagaal toos ah oo magaalada ka qarxay, kadib markii ay duulaan culus kusoo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo haatan la dagaalamaya ciidamada Macawiisleyda ee Beesha Xawaadle iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugan halkaas.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda ay weerar isku dhafan oo qarayo ku jiraan ay ku qaaday degmada iyo deegaanka Gumarre oo dhowaan uun ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda.

Al-Shabaab ayaa dubo guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxaana baraha bulshada ay ku baahisay in dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen degmada Moqokori iyo nawaaxigeeda.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan xaaladda, balse waxa ay tilmaameen in weli uu socda dagaalka.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo sii xoojineyso daalka ka socda degmada iyo duleedkeeda oo ay indhowaanahan ay ka socdeen abaabullo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee ku sugan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka qaraxa ah iyo dagaalka xigay, waxaana haatan socda gurmad deg-deg ah oo loo fidinayo dadka ay waxyeellada soo gaartay.

Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah oo saldhig u ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana in muddo ah ka socda abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo muddooyinkii ambe laga qorsheeyay howlgallo lagu naafeeyay argagixisada.

Kooxda ayaa hadda u muuqata inay qaraxa kala gol-leedahay inay isaga yareyso culeyska ay wajaheyso, maadaama howlgalladii ugu dambeeyay jab culus lagu gaarsiiyay.

Sidaan oo kale waxay marar badan qaraxyo ismiidaamin ah Al-Shabaab uga fuliyeen magaalada Beledweyne oo iyana laga abaabulay howlgallo culus oo guuleystay.

Puntland oo ku dhawaaqday is-difaacid ka dhan ah Villa Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntand ayaa ku dhowaaqay is-difaacid ka dhan ah Villa Somalia, kadib markii xiisad culus oo u dhexeysa labada dhinac ay kasoo cusboonaata qaybo kamid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa sheegay in ka hortagi doonaan cid kasta oo qalalaase ka wadda Sanaag, gaar ahaan farogelin uu sheegay in dowladda dhexe ay ka waddo gobolaas oo hoostaga maamulka Puntland.

Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa sidoo kale tilmaamay in mas’uuliyadda ay saaran tahay Puntland, ayna sugi doonaan amniga guud ee gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan la aqbali kain isku dhacyo ka dhaca gobolka iyo xaalad laga abuuro deegaanka, taas oo waxyeeleyn karto dadka shacabka ah.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay ku howlantahay wax ka qabashada xaaladda taagan, si xasilooni loogu soo dabaalo gobolka, loona sugo amniga.

“Waxaan la aqbali karin farogelinta gurracan iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ay ka waddo gobolka Sanaag, waxaa naga go’an sugidda amniga gobolka oo ah mas’uuliyadda Dowladda Puntland saaran, in badana qabsoonatay inta kalena aan dhammeystiri doono” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Puntland ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ku sugan gobolka Sanaaq, si ay uga hortagaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo la filayo inay maanta gaaraan magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool, si ay halkaas uga sii dardargeliyaan abaabulka culus ee ay waddo Dowladdu.

Puntland ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah gaysay gobolka, si ay xoojiyaan ciidamadeed horay u joogay halkaasi, taas oo sii kicisay xiisadda culus ee ka taagan halkaasi.

Waxaa kale oo jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Villa Soomaaliya iyo Puntland, maadaama uu xoogeynayo loollanka u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo horay isugu haya arimaha siyaasadda, gaar ahaan dastuurka & doorashooyinka.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.

Xog: Masar oo Xasan ku cadaadineysa arrin xasaasi ah iyo jawaab u qorsheysan Abiy

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay safar ku tegay dalka Masar, safarkaasi oo jadwalkiisa ay heshay Caasimada Online. Waa markii shanaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqdo dalkaas tan iyo markii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May, 2022.

Safarkan ayaa la xiriira loollan juqraafi-siyaasadeed oo ka aloosan gobolka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ka faa’iidaysiga biyaha Webiga Niilka iyo Badda Cas, kuwaas oo Itoobiya ay si toos ah uga dhex muuqato.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa safar kasta ku tilmaamta in uu la xiriiray iskaashi labada dal ah, halka Madaxtooyada Masar ay inta badan safarrada Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsan cinwaanno siyaasadeed oo u gaar ah.

Ilaa hadda lama soo sheegin isbeddal muuqda oo ku yimid xiriirka labada dal ama iskaashigooda, mana jirto taageero muuqata oo Masar si toos ah ugu fidisay Soomaaliya, marka laga reebo hub iyo gaadiid kooban oo aan si cad midna uga hadlin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Madaxweynaha ee maanta ayaa yimid kadib cadaadis uga yimid dhanka Masar, waxaana la sheegay in Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi uu si weyn u doonayo in Soomaaliya ay ka qaybgasho shir madaxeed saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Madaxweynayaasha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya, ka hor bisha September.

Masar ayaa doonaysa in shirkaasi uu noqdo madal ay saddexda dal isku mowqif uga noqdaan arrimaha la xiriira wabiga Niilka iyo Badda Cas, taas oo fariin cad u noqon karta Itoobiya — xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu qorshaynayo in uu daahfuro biyo-xireenka Abaay.

Abiy Axmed ayaa casuumado u diray madaxda gobolka si ay uga qaybgalaan munaasabadda xarig-jarka biyo-xireenka Abaay, waxaana la rumeysan yahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka mid yahay madaxda la casuumay — hase yeeshee waqtigan uu ku sugan yahay Qaahira.

Loollanka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa hadda u gudbay heer goboleed, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkaasi uu ku faafo dalal kale, taasoo suurtagal ka dhigaysa in gacan-qaad siyaasadeed ama milateri uu ka dhaco Geeska Afrika.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Caasimada Online in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarkiisa u adeegsan doono xeelad cudur-daar siyaasadeed, iyadoo la qorsheynayo in uu booqdo caasimado dhowr ah si uu qolo kasta ugu muujiyo qanaaco iyo dheellitirka mowqifkiisa.

Go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dib u soo nooleynta isbahaysigii saddex geesoodka ahaa ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya — ha noqdo oggolaansho ama diidmo — waxaa saameyn weyn ku yeelan doona sida Itoobiya uga falceliso tallaabadaasi.

Ilo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Abiy Axmed uu si weyn uga fiirsanayo casuumaad rasmi ah oo uu u diro Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo weli aan booqan dalka Itoobiya.

Safar uu qorsheeyay Cirro oo uu ku tagi lahaa Addis Ababa ayaa la sheegay in uu dib u dhacay kadib culays uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Tallaabada xigta ee Itoobiya qaadi doonto ayaa si dhab ah loo ogaan doonaa marka uu soo dhammaado safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda ku joogo Qaahira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wajahaya imtixaan diblomaasiyadeed oo culus, isagoo dhexda uga jira loollan siyaasadeed oo ay ku gorgortamayaan dalal aan u oggolayn inuu yeesho “ilajir” ama “igajir” oo dhex dhexaad ah.

Taageero cusub oo Somalia ay heleyso oo lagu dhowaaqay

0

Kampala (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa adkeeyay taageeradiisa Soomaaliya, isagoo shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah oo lagu daray sanduuqa kaydka xaaladaha degdegga ah, taas oo lagu taageerayo hawlgalka AUSSOM.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), oo kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya iyo hawlgalka cusub, ayaa caddeeyay ka-go’naanshihiisa taageerada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta.

Goluhu wuxuu shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah, taasoo wadarta guud ee la heli karo sanadkan 2025 ka dhigeysa $20 milyan, si loogu taageero hawlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo saaxiibada kale inay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo loogu talagalay AUSSOM, si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wado hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Goluhu wuxuu muujiyay walaac ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay ciidamada ammaanka inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada, iyagoo helaya taageero joogto ah oo ka timaada saaxiibada caalamka.

Dhinaca kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland, inay qayb ka noqdaan hannaan wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo uu dowladda federaalka ku ammaanay dadaallada ay ku doonayso dardar-gelinta ajendayaasheeda qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika ayaa toddobaadyada soo socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbin doona warbixin dhameystiran oo la xiriirta saldhigyada cusub ee AUSSOM, saadka, iyo baahiyaha duulimaadyada.

HirShabelle oo eedda ka leexisay Cali Guudlaawe kadib doorashadii Balcad

Jowhar (Caasimada Online) – Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Balcad ayaa shalay dhalisay muran siyaasadeed cusub, kaasi oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle.

Doorashada shalay ka dhacday Balcad ayaa eedeeda waxaa dusha loo saaray Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe, isagoo lagu eedeeyay inuu ka leexday hanaankii doorasho iyo shuruucdii uu wax ka saxiixay.

Habka doorashada ayaa ku saleysnaa nidaamka doorashada dadban ee Soomaaliya, oo ah in xildhibaannada golaha deegaanka ay soo doortaan qabaa’ilka dega degmadaas, iyadoo kadibna xildhibaanadaas ay sii doortaan guddoomiyaha golaha ahna kan degmada.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa doorashada Duqa Balcad ku tilmaamay mid “gef iyo jebin ku ah” heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Cali Balcad ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xilligeedii dhammaatay, xilli dalku isku diyaarinayo inuu ka guuro hanaankaas.

Eedeynta Balcad kadib, Maamulka HirShabelle oo arrintaan ka hadlay ayaa eedda ka duway Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo uu maamulka sheegay in doorashooyinka dowladaha hoose ay go’aankooda leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa sheegay in mas’uuliyadda doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay shaqo u taalla Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee HirShabelle, isla markaana ay iyagu go’aan ka gaaraan.

“Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Dowladda Hirshabelle,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda HirShabelle.

Si kastaba, doorashadan ayaa imaaneysa xilli ay toddobaadyada soo socda uu qorshuhu ahaa in maamulka HirShabelle ka bilaabato diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, ayse weli diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

ELON MUSK oo aas-aasay xisbi siyaasadeed cusub iyo Trump oo bixiyey jawaab adag

Washington (Caasimada Online) – Madaxa shirkadda Tesla, Elon Musk, ayaa maalintii Sabtida sheegay inuu aasaasay xisbi siyaasadeed cusub oo uu ugu magac daray America Party, kaddib markii uu dib u soo cusboonaaday khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Trump.

“Marka la eego saami ah saddex meelood laba meel, waxaad dooneysaan xisbi siyaasadeed oo cusub, waana heli doontaan!,” ayuu Musk ku soo qoray bartiisa X, oo ah bar bulsho oo uu isagu leeyahay. “Maanta, waxaa la aasaasay Xisbiga America Party si la idiinku soo celiyo xorriyaddiina.”

Musk iyo la-taliyeyaashiisa midkoodna weli ma uusan gudbin wax waraaqo ah oo ku aaddan Guddiga Doorashooyinka ee Federaalka (Federal Election Commission) oo muujinaya aasaaska urur siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo “America Party.” Magaca xisbigan wuxuu la mid yahay kan guddi-hoosaad siyaasadeed oo uu ka caawiyay in la yagleelo, kaasoo lagu magacaabo America PAC. Sida ku cad diiwaannada la shaaciyay, Musk wuxuu ku bixiyay lacag ku dhow $300 milyan sanadkii 2024 si uu u taageero Trump iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada uu Musk qaaday ee uu ku dhisayo xisbi saddexaad oo suurtagal ah ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee uu bilyaneerkan kaga hor imanayo Trump, kaddib markii uu ahaa mid ka mid ah taageerayaashiisa ugu weyn. In kasta oo aanu jirin musharrax xisbi saddexaad ka socda oo weligii madaxweyne noqday, haddana waxay u dhaqmi karaan sidii cod-jabiyeyaal oo ay codadka ka weeciyaan labada xisbi ee waaweyn.

Mar la weydiiyay Trump arrinta ku saabsan aasaasidda xisbi saddexaad ee Musk, wuxuu Axaddii sheegay in ay taasi keeni doonto oo kaliya jahwareer. “Wuu ku madadaalan karaa, laakiin waxaan u arkaa wax lagu qoslo,” ayuu yiri.

Trump wuxuu sheegay in Musk uusan ku faraxsaneyn sababtoo ah sharcigan, oo uu Trump saxiixay Jimcihii, ayaa meesha ka saaraya kabidda dhaqaale ee tamarta cagaaran ee loogu talagalay baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla. Madaxweynaha wuxuu ugu hanjabay inuu kala laaban doono bilyannada dollar ee ay shirkadaha Tesla iyo SpaceX ka helaan qandaraasyada iyo kabidda dhaqaale ee dowladda, isagoo uga jawaabaya dhaleeceynta Musk.

Trump wuxuu sidoo kale faallooyin uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay inay ahayd wax “aan habboonayn” in xulafada Musk ee Jared Isaacman loo magacaabo maamulaha NASA, marka la eego ganacsiga uu Musk la leeyahay hay’adda hawada sare. Bishii December, Trump wuxuu Isaacman, oo ah bilyaneer duuliye hawada sare ah oo gaar loo leeyahay, u magacaabay inuu hoggaamiyo NASA, laakiin wuxuu magacaabistaas kala laabtay 31-kii May, ka hor codka ansixintiisa ee Senate-ka iyo iyadoo aan wax sabab ah la bixin.

Trump, oo aan weli ku dhawaaqin musharrax cusub oo loo magacaabayo NASA, wuxuu maalintii Axadda xaqiijiyay warbixinnada warbaahinta ee sheegayay inuusan raalli ka ahayn taageeradii hore ee Isaacman uu siin jiray siyaasiyiinta Dimuqraadiga.

“Waxaan sidoo kale u arkayay wax aan habboonayn in saaxiib aad ugu dhow Elon, oo ku jira Ganacsiga Hawada Sare, uu maamulo NASA, xilli ay NASA qayb weyn ka tahay nolosha shirkadaha Elon,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social. “Waajibkeyga Koowaad waa inaan difaaco Dadweynaha Mareykanka!”

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, oo Axaddii ka hadlayay barnaamijka “State of the Union” ee telefishanka CNN, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in guddiyada maamulka ee shirkadaha uu Musk maamulo aysan ku farxi doonin go’aanka bilyaneerkan ee ah inuu aasaaso xisbi saddexaad. Musk waa madaxa fulinta ee shirkadda baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla iyo sidoo kale shirkadda SpaceX, oo ah shirkad farsamada hawada sare ku takhasustay oo uu isagu aasaasay.

“Waxaan qiyaasayaa in guddiyadaas maamulka aysan jeclaysan ogeysiiskaas shalay soo baxay, ayna ku dhiirigelin doonaan inuu diiradda saaro hawlihiisa ganacsi, ee uusan ku mashquulin kuwa siyaasadeed,” ayuu yiri Bessent.

Dagaalka dib u soo cusboonaaday ee u dhexeeya Trump iyo Musk wuxuu billowday markii xildhibaannada Jamhuuriga ee fadhigoodu yahay Capitol Hill ay billaabeen inay ku dhowaadaan meel marinta hindise-sharciyeedka weyn ee misaaniyadda ee uu Trump waday, kaasoo ay ku jirtay in canshuur-dhimis badan oo uu sameeyay sanadkii 2017 laga dhigo mid joogto ah.

Musk ayaa markii hore ka soo horjeeday hindise-sharciyeedkaas. Laakiin, markii uu sharcigu marayay Golaha Senate-ka, wuxuu billaabay inuu cadaadis saaro Jamhuuriga si ay uga hor yimaadaan, isagoo ku hanjabay inuu taageeri doono loollan lagula galo doorashooyinka isreeb-reebka ee xubnaha u codeeya sharcigaas.

“Xubin kasta oo ka tirsan Congress-ka oo ku ol’oleeyay dhimista kharashaadka dowladda, kaddibna isla markiiba u codeeyay kororka deynta ee ugu weyn taariikhda waa inuu ceeb la foorarsado madaxiisa!,” ayuu Musk ku soo qoray bartiisa X maalintii Isniinta. “Wayna ku guuldarreysan doonaan doorashada isreeb-reebka ee sanadka soo socda, taasina waxay noqon doontaa waxa ugu dambeeya ee aan dhulkan ka qabto intaan noolahay.”

Trump ayaa jawaab celin kulul ka bixiyay, isagoo tilmaamay inuu adeegsan karo Waaxda Hufnaanta Dowladda (Department of Government Efficiency – DOGE) oo uu suurtagal tahay inuu beegsado qandaraasyada dowladda ee shirkadaha Musk. Musk wuxuu aasaasay, sidoo kalena ka caawiyay hirgelinta DOGE xilli uu ka shaqeynayay Aqalka Cad isagoo ahaa la-taliye sare oo aad ugu dhow Trump.

“Ma jiri doonaan wax gantaallo ah oo la sii daayo, dayax-gacmeedyo, ama wax soo saar baabuur oo koronto ku shaqeeya, dalkeenuna wuxuu badbaadin lahaa HANTI BADAN. Waxaa laga yaabaa inaan u baahannahay in DOGE ay si fiican oo qoto dheer u eegto arrintan? LACAG BADAN OO LA BADBAADIN KARO!!!” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa Truth Social maalintii Talaadada.

In kasta oo ay jireen hanjabaadaha Musk, haddana hindise-sharciyeedka miisaaniyadda ayaa markii dambe ka gudbay labada aqal ee Golaha Wakiillada iyo Senate-ka, waxaana madaxweynuhu saxiixay si uu u noqdo sharci maalintii 4-ta Luuliyo. Kaliya shan xubnood oo Jamhuuri ah oo ka kala socday labada aqal ee Congress-ka ayaa ka codeeyay sharcigaas.

Aasaasidda xisbiga cusub ee Musk ayaa keentay in xulafada Trump ay ku dhiirigeliyaan guddiga maamulka ee Tesla inay xakameeyaan isaga.

Ganacsade James Fishback, oo xulafo la ah Trump, isla markaana si weyn u taageersan Musk, ayaa si weyn uga soo horjeestay aasaasidda xisbi cusub ee bilyaneerkan. Fishback wuxuu Sabtidii bartiisa X ku soo qoray warqad uu u diray Robyn Denholm, oo ah guddoomiyaha guddiga maamulka ee Tesla. Warqadda ayaa ku dhiirigelineysa guddiga inay la kulmaan Musk si ay ugala hadlaan haddii himilooyinkiisa ku aaddan aasaasidda xisbi cusub ay “la jaanqaadi karaan waajibaadkiisa waqtiga buuxa ah ee uu u hayo Tesla isagoo ah Maamulaha Guud.” Fishback wuxuu sidoo kale warqaddiisa ku ogeysiiyay Denholm in shirkaddiisa maalgashiga ee Azoria ay dib u dhigtay qorshe ay ku dooneysay inay ku liis gareyso sanduuq maalgashi oo Tesla ah sababo la xiriira diiradda uu Musk saarayo xisbigiisa cusub.

Dan Ives, oo ah falanqeeye muddo dheer ka faalloonayay arrimaha Tesla oo ka tirsan shirkadda maareynta maalka ee Wedbush Securities, ayaa sheegay in guddiga maamulka laga yaabo inay ku qasbanaadaan inay soo farageliyaan si ay ugala hadlaan Musk doorkiisa Tesla.

“Haddii Musk uu waqti sii kordhaya ku bixiyo dadaalka baaxadda leh ee lagu aasaasayo xisbi siyaasadeed cusub si loogu diyaar garoobo doorashooyinka xilliga dhexe, guddiga maamulka waa inay ugu yaraan la yeeshaan dood Musk [oo ku saabsan] waxa u danaynaya Tesla,” ayuu Ives u qoray wargeyska The Wall Street Journal.

Xog: Madaxweyne Xasan iyo R/W Xamza oo ansixiyey hub la geeyo Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ansixiyay in hub iyo saanad militari la geeyo magaalada Laascaanood Jimcihii, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan.

Tallaabadaas ayaa halis u ah inay sii qoto dheerayso xiisadda kala dhaxaysa maamul-goboleedka Puntland, oo si xooggan uga soo horjeeda in la taageero SSC-Khaatumo, islamarkaana weli diidan jiritaanka maamulkaas.

Hubkan la diray ayaa ku soo beegmay ka hor shir Laascaanood lagu qabanayo oo loogu talagalay in si rasmi ah loogu dhiso maamulka “Khaatumo” oo taageero ka helaya dowladda dhexe—hindisahan oo ah mid siyaasad ahaan xasaasi u ah gobol ay horayba uga jireen is-qabqabsi dhuleed iyo loolan beeleed.

Mas’uuliyiinta deegaanka ee Puntland ayaa hor istaagay kulan gaar ah oo uu soo abaabulay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasoo soo gaaray deegaanka Ceelbuh isagoo wata ciidamo ilaalo ah, kuna damacsanaa inuu ergooyin uga sii qaado shirka Laascaanood. Tallaabadaas ayaa loo arkay mid liddi ku ah saamaynta ay dowladda dhexe ku yeelanayso gobolka.

Saraakiisha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Muqdisho inay hurinayso xasilooni-darrada iyo inay hub geysay deegaanka iyadoon la tashan maamullada maxalliga ah—arrintaas oo ku sheegeen “mid noqon karta ku xadgudub dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo dammaanad qaadaya mabaadi’da federaalka iyo awood-qaybsiga ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.”

“Tallaabada kali-taliska ah ee ay qaadday dowladda dhexe waxay wiiqaysaa awooddeena gobolka, waxayna khatar gelinaysaa isku-dheelitirnaanta jilicsan ee ka jirta waqooyiga Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Puntland, oo codsaday in aan la magacaabin.

Horumarkan ayaa sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oognayd Muqdisho iyo Puntland, taasoo bilihii la soo dhaafay si isa soo taraysa isaga fogeynaysay dowladda dhexe, khilaafkaas oo salka ku haya is-maandhaaf la xiriira dib-u-habeynta dastuurka, habraacyada doorashooyinka, iyo maamulka kheyraadka.

Dowladda dhexe ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrinta ku saabsan hubka la geeyay iyo taageerada ay u hayso hindisaha Khaatumo.

Ciidanka Puntland ee Sanaag oo heegan buuxa la geliyay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xiisad culus laga dareemayo gobolkaasi, taas oo u dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Puntland ay haatan heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ku sugan gobolka, si ay uga hortagaan abaabul culus iyo qorshe ay Villa Soomaaliya ka waddo halkaasi, si Sanaag loogu daro dhismeystirka SSC-Khaatumo.

Dadka ayaa innoo sheegay in sidoo kale ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka y degmooyinka Dhahar, Xingalool iyo Ceelbuh, si ay u xoojiaan kuwii horay u joogay halkaasi.

Sidoo kale ciidamada Puntland ee lagu diyaariyay Sanaag ayaa la sheegay in qorshahooda uu yahay in ay is hortaag ku sameeyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo la filayo inay maanta gaaraan magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool, si ay halkaas uga sii dardargeliyaan abaabulka culus ee ay Dowladdu ka waddo gobolkaasi.

Wafdigan culus ee ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kaas oo kasoo jeedo deegaanka, waxaana qorshihiisu yahay inuu dhaqaajiyo abaabulka ka socda Sanaag.

Dhinaca kale, wararka laga helayo gobolka ayaa intaasi kusii daraya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la safan Villa Soomaaliya uu xalay isaga baxay deegaanka Ceelbuh, kadib markii ay la hadleen ciidanka Puntland ee ku sugan aaggaasi, wuxuuna aaday dhanka magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wada-hadal dhexmaray isaga iyo saraakiisha ciidamada, kadibna la’isku afgartay in isaga iyo ciidamadiisa ay ka baxaan deegaanka, si looga hortago isku dhac hubeysan oo ka dhaca halkaasi.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Villa Soomaaliya iyo Puntland, maadaama uu xoogeynayo loollanka u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo horay isugu haya arimaha siyaasadda, gaar ahaan dastuurka & doorashooyinka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.

Xog: Is-beddel ku yimid qorshihii ay ciidamada Masar ku iman lahaayeen Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib-u-dhac ayaa ku yimid oggolaanshaha iyo imaatinka ciidamada Masar ee Soomaaliya, taasi oo sababtay firaaq weyn oo ku yimid qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Arrintan ayaa khasabtay in ciidamada Burundi ay sii joogaan dalka muddo ka badan intii markii hore qorshuhu ahaa.

Sababtoo ah dib-u-dhacan, ciidamada Burundi oo qorshuhu ahaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bishii Juun, ayaa hadda sii joogi doona ugu yaraan lix bilood oo kale si ay gacan uga geystaan buuxinta baahida ciidan ee ka dhalatay la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Go’aankan ayaa waxaa gaaray Khamiistii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), oo ah hay’adda go’aannada ka gaarta arrimaha amniga qaaradda.

Kal-fadhigiisii 1287-aad, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda, Jeje Odongo, wuxuu ku soo gabagabeeyay in joogitaanka ciidamada milatariga iyo booliska ee goobta ay muhiim u tahay jihada istiraatiijiyadeed ee howlgalka iyo ka adkaanshaha al-Shabaab.

“Golaha Nabadda iyo Ammaanka wuxuu go’aaminayaa in dhammaan ciidamada milatariga iyo booliska ee Aussom ee hadda ku sugan aagga howlgalka, oo ay ku jiraan kuwa bixitaankooda la hakiyay 30-kii Juun 2025 sababo hawlgal awgood, ay xaq u yeeshaan taageerada saadka ee UNSOS, muddo aan ka badnayn lix (6) bilood, inta laga dhammaystirayo geeynta dhammaan ciidamada dalalka ku jira Aussom (TCCs),” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka fadhiga.

Qorshaha asalka ahaa wuxuu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Burundi ka dib khilaaf weyn oo dhexmaray Gitega iyo Muqdisho dhammaadkii sannadkii hore, kaasoo salka ku hayay tirada ciidamada loo qoondeeyay Burundi ee habka cusub ee amniga ka dib markii uu dhammaaday howlgalkii Atmis 31-kii Diseembar, 2024.

Imaatinka ciidamada Masar ayaa markii hore ka dhashay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Qaahira ay garab siisay Muqdisho. Waxaa qorshuhu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyey khilaafkooda, waxaana Muqdisho ay ogolaatay sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka.

Ma cadda haddii dib-u-dhacyada hareeyey imaatinka ciidamada Masar ay la xiriiraan go’aankaas, ama haddii ay tahay arrin ku kooban farsamo oo keliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan Qaahira, waxaan suurta-gal ah in kulamada uu la yeelanayo madaxda Masar laga helo war cad oo ku saabsan arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, habraacyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee lagu geynayo ciidamada Masar ayaa jiitamay, taasoo lagama maarmaan ka dhigtay in Burundi lagu sii hayo howlgalka, oo ay weheliyaan cutubyo boolis ah oo ka socda Ghana iyo Sierra Leone, kuwaasoo sidoo kale qorshuhu ahaa inay baxaan. Golaha ayaa caddeeyay in ciidamada Masar la geyn karo oo keliya marka tiro la mid ah ciidamada Burundi ay ka baxaan Soomaaliya si loo ilaaliyo saqafka tirada guud ee loo oggol yahay howlgalka.

Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa inta badan sii haystay ciidamadii ku jiray howlgalkii hore ee ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) marxaladdii hore ee kala-guurka ilaa 30-ka Juun.

Iyadoo Midowga Afrika uu la tacaalayo farqiga dhaqaale ee ka dhashay bixitaanka deeq-bixiyeyaasha, haddana wuxuu hadda wajahayaa khatarta amni ee joogtada ah ee Al-Shabaab iyo culeys dhaqaale oo ka culus. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa faray ergooyinka inay la xiriiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (United Kingdom) iyo saaxiibbada kale si loo qabanqaabiyo shir loogu ururinayo kheyraadka howlgalka, kaasoo u baahan $166.5 milyan sannadkii.

Toddobaadkan, si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub wuxuu u sheegay wargeyska The EastAfrican: “Ma hayno wax kale oo aan ku darno marxaladdan” isagoo tixraacaya xaaladda ka dhalatay ka dib markii Midowga Afrika uu ku guuldareystay inuu helo maalgelin uu ka helo nidaamka Qaramada Midoobay, taasoo dabooli lahayd boqolkiiba 75 miisaaniyadda howlgalka. Si taas wax looga qabto, kulankii wasiirrada waxaa lagu go’aamiyay in la labanlaabo Sanduuqa Keydka Dhibaatooyinka ee Midowga Afrika (Crisis Reserve Facility) oo la gaarsiiyo $20 milyan sannadka 2025.

Go’aankan lagu sii haynayo ciidamada Burundi ayaa yimid ka dib markii al-Shabaab ay dib ula wareegeen dhulal ay ka mid tahay saldhigga Biyo Cadale oo ay hore u joogeen ciidamada Burundi, taasoo muujineysa in awood-dhismaha ciidamada Soomaaliya aysan u xoogganeyn sidii ay Muqdisho sheegtay.

Shir degdeg ah oo lagu qabtay Entebbe 25-kii Abriil, 2025, ayaa lagu ansixiyay codsi ah 8,000 oo askari oo dheeri ah si loo xoojiyo Aussom, waxaana lagu meel mariyay Fikradda Hawlgallada (Conops). Iyadoo 3,000 oo askari oo Burundi ah ay horay ugu sugan yihiin Soomaaliya, Midowga Afrika wuxuu raadinayaa 5,000 oo askari oo dheeri ah si wax looga qabto baahiyaha hawlgal ee sii kordhaya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu oggolaaday qayb milatari oo Aussom ah oo ka kooban 12,626 askari laga bilaabo 1-da Jannaayo ilaa 30-ka Juun, 2025, taasoo hoos ugu dhacaysa 11,146 askari laga bilaabo Luulyo ilaa Diseembar. Qorshaha Hawlgallada (Conops) wuxuu qeexayaa ka-bixitaan marxalado ah oo horseedaya bixitaan buuxa bisha Diseembar 2029.

Inta la sugayo bixitaanka qorsheysan ee Burundi iyo dib-u-soo-celinta Itoobiya, tirada ciidamada ee lagu heshiiyay bishii Febraayo waxay Uganda u qoondaysay 4,500 oo askari, Itoobiya 2,500, Djibouti 1,520, Kenya 1,410 iyo Masar 1,091.