27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Madaxweynaha Azerbaijan oo dhaqan-galiyey heshiiskii DIFAACA ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa Isniintii si rasmi ah u ansixiyay heshiis muhiim ah oo iskaashi ah oo dhexmaray dowladda Azerbaijan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya muhiimadda sii kordheysa ee xiriirka labada dal, wuxuuna xoojinayaa iskaashi dhow oo ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dowladood.

Qoraalka rasmiga ah ee heshiiskan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya wada shaqeynta dhanka difaaca iyo warshadaha milateriga. Waa heshiis muujinaya tallaabo istiraatiji ah oo labada dhinac ah, kaas oo kor u qaadaya xiriirka milateri, una gogol xaaraya iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh.

Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa ka dhacday magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, 12-kii Febraayo 2025. Halkaas oo ay isugu yimaadeen madax sare oo ka kala socday labada dal, kuna muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

Labada dowladood ayaa caddeeyay diyaar garowgooda ku aaddan xoojinta xiriirka milateri, iyagoo si gaar ah u xusay tababarada iyo qalabeynta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa kor u qaadeysa dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa Soomaaliya u oggolaanaya in ay ka faa’iideysato waayo-aragnimada iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee milateri ee Azerbaijan. Dhinaca kale, Azerbaijan ayaa fursad u helaysa inay xiriir istiraatiji ah ka yeesho gobolka geeska Afrika, taasoo ka dhigan fursado cusub oo ganacsi iyo saaxiibtinimo siyaasadeed.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto horumarinta awoodda ciidanka qalabka sida iyo ilaalinta amniga qaranka. Heshiiskan ayaa noqon karaa mid gacan ka geysta himilooyinka amni iyo horumar ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale sii adkaynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Midowga Afrika + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay ku simaha wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kareem Adebay, kaas oo maanta ugu tegay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

Ugu horreyn Ra’iisul wasaare Xamza oo ka hadlay kulanka ayaa ugu hambalyeeyay Mr. Kareem magacaabistiisa Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay ku guuleysiga xilka loo igamaday.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qadarinayso iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo kaalinta Midowga Afrika uu kaga jiro taageerada geeddi-socodka nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dowladnimada.

Dhankiisa, ku simaha wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiran, wuxuuna ballanqaaday in wadashaqeyn dhow uu la yeelan doono hey’adaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ku celiyay sida Midowga Afrika ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u gaarto himiladeeda.

Kulankan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana uu xaalad dhaqaale wajahayo howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, taas oo khatar galineyso sii jiritaanka howlgalka.

Sida laga warqabo, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo dhammeeyo kahor 30-ka June. Si kastaba, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelinta oo hor taagan hirgelinta qorshahaasi.

Qaraar uu horay u meel-mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda la wadaago si istiraatijiyadeysan oo u dhexeysa Midowga Afrika iyo QM.

Israel oo yaaban xilli Donald Trump uu dhabarka xajiyey

Tel Aviv (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muujiyay adkaysi, inkastoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu safarkiisa Bariga Dhexe ka reebay Tel Aviv toddobaadkan — tallaabo sii kordhisay shaki hore uga jiray mudnaanta Israa’iil ee siyaasadda Washington.

Axaddii, dhowr maalmood kadib markii uu ku dhawaaqay ballaarinta howlgalka milatari ee Gaza, xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Maraykanku uu siiyay warbixin ku saabsan heshiis lagu sii deynayo Edan Alexander, muwaadin Mareykan-Israa’iili ah oo ay haysteen Xamaas, kadib wadahadallo dhex maray Washington iyo Xamaas oo aan Israa’iil qayb ka ahayn.

Trump, oo safarkiisa ku tagaya Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa sidoo kale Israa’iil ku abuuray walaac markii uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Mareykanku joojinayo duqeymaha uu ku hayo Xuutiyiinta Yemen, maalmo yar kadib markii gantaal ay Xuutiyiintu rideen uu ku qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.

Itamar Eichner, wariyaha arrimaha dibadda ee Ynet, ayaa qoray: “Fariinta gobolka loo diray waxay ahayd mid cad: Israa’iil mar dambe ma ahan mudnaanta koowaad ee Mareykanka,” taasoo muujisay dareenka guud ee saxaafadda Israa’iil.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in go’aanka Trump ee ku saabsan Xuutiyiinta uu ahaa “fadeexad,” isla markaana uu madaxweynuhu “mararka qaar Israa’iil faa’iido u yahay, mararka qaarna dhib.”

Inkasta oo xiriirka rasmiga ah ee labada dal uu weli xooggan yahay, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa qiray in mararka qaarkood ay si lama filaan ah ula kulmaan go’aanada Trump, iyagoo sheegay in arrimaha Gaza la isla ogaa, balse arrimo kale ay si kedis ah uga dhaceen.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Netanyahu, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in ay jirto “jahwareer” gudaha maamulka Trump, oo wax walba ku xirnaanayaan go’aannada uu madaxweynuhu gaaro waqti kasta. Mararka qaar arrintu Israa’iil ayay u fiicantahay, mararka qaarna ma aha, ayuu yiri.

Go’aanka la xiriira Xuutiyiinta — oo aan horey Israa’iil lagala tashan — wuxuu sii xoojiyay welwelka Israa’iil ee ku saabsan wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran, kuwaasoo wiiqi kara hanjabaadda milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.

Cabsi kale ayaa soo korortay markii Reuters ay soo warisay in Maraykanku uu ka laabtay shuruuddii ahayd in Sacuudi Carabiya ay caadiyeeyso xiriirka Israa’iil si ay horay u socodaan wada-xaajoodka iskaashiga nukliyeerka rayidka ah.

“Is-kaashi waan samaynaynaa, balse taasi macnaheedu ma aha in aan 100% arrin walba isku waafaqsan nahay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, Axaddii. “Maraykanku waa dawlad madax bannaan; Israa’iilna sidoo kale. Si kastaba, waxaan leenahay mowqifyo badan oo isku dhow marka loo eego dowladihii hore.”

Bishii Maarso, ergayga Trump ee u qaabilsan arrimaha la-haysteyaasha, Adam Boehler, ayaa kulamo “aad waxtar u leh” la yeeshay Xamaas, kulamo uu Xamaas ku tilmaamay kuwo Israa’iil laga hareer maray, iyadoo diiradda la saarayo sii deynta Edan Alexander.

Toddobaadkii hore, safiirka Mareykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa beeniyay in Trump uu ka fogaanayo Israa’iil. Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu mar walba ahaa mid “bir adag” ah oo “sidaas weli yahay.”

“Madaxweynuhu wuxuu mar walba muujiyay taageero joogto ah iyo iskaashi dhow, mana jiro wax muujinaya in arrintaasi isbedelayso,” ayuu yiri Huckabee.

“Jahwareer”

Israa’iil, inkasta oo ay shacabka u muujisay farxad ku aaddan sii deynta suurtagalka ah ee Alexander, haddana Netanyahu iyo xukuumaddiisa ayaa wajahaya cadaadis gudaha ah, iyadoo shacabka badankoodu rumeysan yihiin in mudnaanta labada dal ay hadda kala duwan tahay.

“Ma jiro hoggaan muuqda hadda,” ayuu yiri Jack Gottlieb, oday hawlgab ah oo ku nool Tel Aviv. Wuxuu intaas ku daray in “shaki la’aan” heshiiska la gaaray iyadoo Netanyahu la hareer maray, ayna muuqato in Mareykanka iyo Israa’iil ay hadda leeyihiin ajende kala duwan.

“Xilligan, qof walba wuxuu u taagan yahay naftiisa,” ayuu Gottlieb yiri.

Netanyahu ma lahayn ikhtiyaar uu ku diido go’aanka la xiriira Xuutiyiinta, oo si cad u muujiyay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ku hayaan Israa’iil kadib markii ay mar kale rideen gantaal dhowr maalmood kadib.

Tan iyo markii ay Israa’iil xornimada qaadatay 1948, waxay si weyn ugu tiirsaneyd taageerada milatari iyo tan diblomaasiyadeed ee Mareykanka. Haddii uu dareenka Mareykanka hoos u dhaco xilli Israa’iil ay wajahdo cadaadis caalami ah oo ka dhashay dagaalka Gaza, waxay noqon doontaa dharbaaxo culus.

Go’aanka looga laabtay shuruuddii ahayd in Sacuudi Carabiya la cadaadiyo si ay xiriir u caadiyeeyso xiriirka Israa’iil — taasoo Riyadh ku xirtay in Israa’iil qaado tallaabooyin ku wajahan heshiis lala gaaro Falastiiniyiinta — wuxuu hoosta ka xariiqay sida arrintaasi u dhaawacday sumcadda caalamiga ah ee Israa’iil.

In Sacuudi Carabiya lagu daro Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn — labaduba oo horey u caadiyeeyay xiriirka Israa’iil intii lagu jiray Heshiisyadii Abraham ee xilligii hore ee Trump — ayaa ahayd yool weyn oo Netanyahu rabo inuu gaaro, hase yeeshee hadda muuqata in uu dib u dhacay muddo aan la cayimin.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa dhaleeceyn culus kala kulmay Israa’iil kadib markii uu joojiyay dhoofinta hub culus oo loo adeegsaday Gaza, isla markaana cunaqabateyn saaray xagjiriinta Israa’iiliyiinta ee Daanta Galbeed.

Si ka duwan, Trump intii uu xilka hayay, wuxuu dunida ka hortagay isagoo u raray safaaradda Mareykanka magaalada Qudus oo Israa’iil u aragto caasimaddeeda, wuxuuna aqoonsaday qabsashada Israa’iil ee Buuraleyda Golan ee ay qabsatay dagaalkii 1967.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa hore u qiray in ay ogyihiin halista ay la kulmaan madaxweyne sida Trump oo kale ah, oo mararka qaar si lama filaan ah uga leexda xulufadiisa taariikhiga ah.

“Laakiin ikhtiyaar kale oo naga xigo ma jiro,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta.

Trump oo shaaciyey mowqifkiisa hadiyada ay Qatar siineyso ee muranka dhalisay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii si caro leh u diiday walaacyada anshaxa ee ku saabsan qorshihiisa ah inuu aqbalo diyaaraddii ay Qatar ugu deeqday inuu u isticmaalo safarradiisa madaxweynenimo, isagoo sheegay in ay “nacasnimo” noqon lahayd in hadiyaddaas la diido.

“Waa talaabo sharaf leh,” ayuu Trump, oo 78 jir ah, u sheegay saxaafadda isagoo jooga Aqalka Cad, xilli la weydiiyay in dawladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka ay wax beddel ahaan uga filanayso.

“Anigu ma noqon doono qof diida fursad noocaas ah. Waxaan noqon lahaa nacas haddii aan iraahdo, ‘Maya, diyaaraddan qaali ah oo bilaashka ah ma rabno.’”

Qoyska boqortooyada Qatar ayaa soo bandhigay diyaaradda raaxada ee 747-8 Jumbo Jet, iyadoo Trump uu weli sugayo keenista labo diyaaradood oo cusub oo Boeing ay ugu talagashay safarrada madaxweyne.

Hase yeeshee, tallaabadan waxay dhalisay su’aalo waaweyn oo la xiriira dastuurka, anshaxa, iyo ammaanka — gaar ahaan isticmaalka diyaarado ay siiyeen dowlad shisheeye oo loogu talagalay safarrada ugu muhiimsan ee madaxweynaha.

Dastuurka Mareykanka ayaa mamnuucaya in masuul dowladeed uu aqbalo hadiyado “ka yimaada Boqor, Amiir, ama Dowlad shisheeye,” sida ku cad Qodobka loo yaqaan Emoluments Clause.

Trump ayaa si caro leh uga jawaabay markii la weydiiyay haddii uu isticmaali doono diyaaraddaas si gaar ah marka uu xilka ka dego.

“Waa inaad ka xishootaa su’aashaas,” ayuu u sheegay wariye. “Waa diyaaraddoodii bilaash ahayd. Waxaan oran lahaa maya, maya, maya, ha ina siinina — waxaan rabaa inaan idiinka iibsado $1 bilyan ama $400 milyan ama wixii ay tahay. Ama waxaan dhihi lahaa, aad ayaad u mahadsantihiin.”

Trump wuxuu intaas ku daray in diyaaradda loo wareejin doono maktabaddiisa madaxweynenimada ee mustaqbalka, sida maktabadda Ronald Reagan oo sidoo kale taallo diyaarad hore oo Air Force One ahayd.

– Daah-furnaan buuxda –

Trump iyo Aqalka Cad waxay sidoo kale sheegeen in diyaaradda Qatar ay si rasmi ah loogu wareejin doono Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, si meesha looga saaro muranka sharciyeed.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in maamulka uu arrintan ku maamuli doono “daah-furnaan buuxda.”

“Dowladda Qatar si deeqsinimo leh ayay u soo bandhigtay inay diyaaraddan ku wareejiso Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka,” ayay Leavitt u sheegtay Fox News. “Faah-faahinta sharciyeed ee arrintaas wali waa la diyaarinayaa.”

“Hadaba, wax hadiyad ah oo loo sameeyo dowladda waxaa lagu fuliyaa si waafaqsan sharciga, waxaana naga go’an daahfurnaan buuxda, taasoo aan sii wadi doonno,” ayay raacisay.

Markii la weydiiyay haddii ay jirto cabsi ah in Qatar ay wax beddel ahaan dalbato, Leavitt waxay ku jawaabtay: “Maya, gebi ahaanba maya, sababtoo ah waxay yaqaaniin Madaxweyne Trump in uu mar walba danta shacabka Mareykanka ka horumariyo.”

Dowladda Qatar ayaa si degdeg ah ugu jawaabtay muranka, iyadoo sheegtay in diyaaradda aysan ahayn hadiyad rasmi ah.

“Wareejinta suuragalka ah ee diyaaradda si ku-meelgaar ah loogu isticmaalo Air Force One waxa ay hadda ka socotaa wadahadallo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar iyo tan Mareykanka,” ayuu yiri Ali Al-Ansari, oo ah ataashaha warfaafinta ee safaaradda Qatar ee Washington.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si degdeg ah u cambaareeyay qorshahan.

“Madaxweyne aqbala hadiyad sidan oo kale ah oo qiimaheedu gaarayo $400 milyan oo ka timaadda dowlad shisheeye wuxuu abuuraa khilaaf daneyn cad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen afar xildhibaan oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka.

Senatorrada Cory Booker, Brian Schatz, Chris Coons, iyo Chris Murphy ayaa sidoo kale ku adkeystay in arrintani “keeni karto khatar amni qaran, fure u noqon karto saameyn shisheeye, islamarkaana dhaawici karto kalsoonida shacabka ee dowladda.”

Trump ayaa muddo dheer ka cawday diyaaradaha Air Force One ee hadda jira — labo diyaaradood oo ah nooca Boeing 747-200B, oo adeegaya tan iyo 1990-kii xilligii Madaxweyne George H.W. Bush.

Horaantii sanadkan, Trump ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay “raadinayso beddel” Boeing, kadib markii uu dib u dhac ku yimid keenista diyaaradaha cusub ee 747-8.

Miiska qaxwada ee Xafiiska Oval Office, Trump wuxuu dul saaray moodelka diyaaradda cusub ee Air Force One, oo uu midab u xushay casaan, caddaan iyo buluug, isagoo halkaas kula kulma hoggaamiyeyaasha caalamka.

Trump wuxuu horey u lahaa diyaaraddiisa gaarka ah ee “Trump Force One,” taas oo uu ugu adeegsan jiray safarradiisii ololaha doorashada 2024.

Sawirro: Xisbiga Xasan oo lagu dhawaaqayo caawa – Maxaa ka socda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madaxda saddex dowlad goboleed ayaa caawa looga dhawaaqayaa magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu shaacinayo Xisbigaan ayaa caawa ka socda Hoolka Sahal, waxaana goobta jooga dhamaan xubnaha xisbiga oo la hadli doona taageerayaashooda oo goobta soo buux dhaafiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Guddoomiyaha, ahna Musharaxa JSP, iyadoo uu yeelanayo illaa afar Guddoomiye ku xigeen oo lagu salleeyay saami qeybsiga dhanka beelaha ee 4.5.

Dhismaha Xisbigaan ayaa soo maray todobaadyo si adag la isugu hayay qaab dhismeedka hoggaanka xisbiga, balse ugu dambeyntii waxaa laga gaaray gaaray heshiis rasmi ah.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Xisbigan uu yahay mid isku qaatay dhammaan awooddii dowladda dhexe iyo tan dowlad goboleedyada ka dhisan koonfurta dalka.

Sidoo kale, waxaa meesha ka baxaya kalsoonida lagu qabi karo siyaasad loo dhan yahay oo ka timaada madaxda ku mideysan xisbigaan.

Dad badan ayaa is waydiinaya sida uu Xisbigu ku socon karo, maadaama uu yahay isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ku mideysan ay yihiin kuwo damacoodu yahay xukun dheereysi.

Dowlad goboleedyada ku jira xisbigaan waxaa u dhamaaday muddo xileedkooda, halka madaxda dowladda federaalka uu u haray hal sano oo kaliya.

Sikastaba caawa waxaa lagu dhawaaqayaa xisbigaan weyn ee gacanta ku haya awoodda dowladda federaalka iyo seddax kamid ah dowlad goboleedyada, waxaana munaasabadda khudbado ka jeedi doona dhamaan xubnaha muhiimka ah ee Xisbiga.

Axmed Madoobe oo ku jees-jeesay xisbiga uu dhisayo Xasan Sheekh

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo ee dhismihiisu uu socdo, isagoo wax lala yaalbo ku tilmaamay, sida uu u dhaqmaayo Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhaqanka madaxda dowlad goboleedyada ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle uu soo xusuusinayo ‘xisbigii Hanti-wadaagga, Kacaanka Soomaaliyeed.’

“Dowladii Kacaanka waxay aheyd dowlad xoog badan, madaxweynihii iyo dhamaan madaxdii kale ayaa galay xisbigii Kacaanka, waxaa jiray golihii sare, waayaabe maanta waxaasi intey ka jiraan, dowladaan halkey ka talisaa? Xisbiga maanta la dhisayo halkee ka talinayaa?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaray jiritaanka Golaha Wadatashiga Qaranka, isagoo yiri “War miiska wada-hadlka hala isugu yimaado, wax NCC la yiraahdo ma jiraan, inta ka maqana waa la ogyahay, Soomaali ha isku imaato, ha tashato oo shirweyne hala iskugu yimaado.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xitaa dhismihii xisbiga ay isku heystaan, “Anigaa hoggaaminaya iyo noo qeybi loo joojin maayee ayey isku heystaan, halkey taallaa dowladnimada maanta xisbiga loo sameysanayo? Wiilasha hadda jooga ee wasiirrada ah lama socdaan wixii lasoo maray,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in barnaamijkaan uu dhulka iska dhigo, “Madaxweynow wixii soconayaa dadka loo sheegaa, Soomaaliya kalama xoog badna, ma aragteen intii  Soomaali is dileysay qabiil laga adkaaday?” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in Jubbaland ay diyaar u tahay hadii la isugu imaanayo gogol ay ku wadahadleyso umadda Soomaaliyeed, isagoo beesha caalamka iyo siyaasiyiinta ugu baaqay in Xasan Sheekh ay gacnaha qabtaan inta dhiig kale uusan daadin oo talada dhulka la dhigo.

“Nasiib darrada Xasan Sheekh heysata waxaad ka arkeysaan in aysan is laheyn waxa uu ka shaqeynayo iyo waxa uu dadka u sheegayo, war madaxweynow dib isku dhageyso, haku qaatumo seegin tan ee talada dhulka dhig, isku keen dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo

Daawo: Dab culus oo caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa caawa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo dadaal dheer kadib hadda lagu guuleystay in la demiyo.

Dabkaas ayaa ka kacay qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha, waxaana ku basbeelay dhowr dukaan ooh anti badan ay taallay.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta la hadlay goordhow markii lagu guuleystay deminta dabkaas.

Wxuuu sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan geysan dab ka kacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha, isla markaana lagu guuleystay in la demiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey inay basbeeleen dhowr tukaan oo hal qeyb iskula yaallay, isla markaana ay ku dadaaleen in dabku uusan ku faafin qeybaha kale ee suuqa.

“Ilaah ayaa ku mahadsan wax khasaare nafeed ah ma geysan dabkaan, laakiin hanti ayaa ku baaba’day, ilaa dhowr tukaan ayaa gubatay, ugu dambeyn dabkii waa ka adkaanay, ilaahey ayaa nagu guuleeyey,” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey shirkadda Hormuud oo sida uu sheegay gurmad deg deg ah u dirtay goobta, kuna guuleysatay deminta dabkaas.

Hoos ka daawo

DF oo Mareykanka la kaashatay weerar culus oo gudaha Puntland ay ka fulisay

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah, ujeedkiisuna ahaa burburinta koox ka tirsan Khawaarijta Daacish ay mar kale ka fulisay gobolka Bari ee Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay dowladdu la kaashatay fulinta howlgalkaas oo lagu beegsaday dhaqdhaqaaqyada kooxda.

Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70 KM koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay in howlgalku uu weli socdo, isla markaana la uruurinayo macluumaadka ku saabsan khasaaraha gaaray cadowga.

Sidoo kale, waxaa weli socda dhameystirka hadafka guud ee howlgalka, kaasi oo ah taageeridda hawlgallada Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku howlan ciribtirka Khawaarijta Daacish.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatar ku ah dalka iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer ooh ore sheegtay in Mareykanka ay la kaashatay fulinta howlgallo duqeymo ah oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Puntland, halkaas oo ciidamada Puntland ay ka wadaan howlgal culus.

Puntland ayaa dhankeeda dafirtay kaalinta dowladda federaalka, waxayna sheegteen dhowr jeer in fulinta duqeymaha Mareykanka ay iyagu codsadeen oo dowladda federaalka aysan wax kaalin ah ku laheyn.

 

DF oo wakiilada caalamka uga adkeysatay arrin ay diidan yihiin mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in hadafka xukuumadda uu yahay doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka, isagoo xusay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda. “Tobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil,” ayuu yiri Xamza.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababbaro ciidamo Booliis ah, la horumariyo iskuullada iyo in la caawiyo beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah.”

Mudane Xamza waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay shirkii ugu dambeeyay ee 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

“Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan balse waxa aan ognahay in dimuqraadiyaddu ay mudan tahay,” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in hadafka dowladdu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka dhici doonta dhammaan gobollada dalka.

Waxa uu intaas raaciyay in aanay jiri doonin doorasho dadban, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa imanaya xilli ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen hannaanka doorashada qof iyo cod, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saarayso madaxda sare ee dalka in la gaaro doorasho wadar-oggol, taas oo weli ay ka gows adeygayso.

Salaadiinta Somaliland iyo SSC oo kulmay, si wadajir ahna ugu baaqay hal arrin

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku kulmay xaflad caleemo-saar ah oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay si wadajir ah ugu jeediyeen baaq nabadeed oo ku wajahan labada dhinac ee uu khilaafku ka dhaxeeyo.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo oo kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ugu baaqay inuu ka shaqeeyo nabadda.

Garaadku wuxuu si qoto dheer u muujiyey in wax kasta lagu xallin karo wada-hadal iyo isu-tanaasul. “Suldaan Daa’uudow, gurigaaga uma socdee, kaalay Soomaali u caddee in aadan gurigayga u socon. Waan kala nabad-galaynaa,” ayuu yiri Garaad Cali.

Dhiniciisa, Suldaan Daa’uud ayaa si degan uga jawaabay baaqa nabadeed ee ka yimid Garaadka, isaga oo sheegay in uusan marnaba doonayn in dhiig Soomaaliyeed uu ku daato colaado dhexdooda ah. “Waxaan halkan ka caddeynayaa in aanan guri dad Soomaaliyeed ku nool yahay ku socon. Garaad, aynu dadkeenna midaysanno,” ayuu yiri Suldaanka.

Labada hoggaan dhaqameed ayaa meesha isku gacan qaaday, taas oo astaan u ahayd is-faham, iyagoo midba midka kale u ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada lagu horumarinayo nabadda. Waxa kale oo ay iska cafiyeen hadallo iyo eedo horey ay iskugu mariyeen warbaahinta ama dadweynaha hortooda.

Inkasta oo kulankoodu uu ahaa mid aan rasmi ahayn, haddana wuxuu xambaarsanaa farriin culus oo rajo leh. Is-dhexgalka noocan ah ayaa tusaale u noqon kara sida dhaqanka Soomaaliyeed ee salka ku haya is-xushmeynta iyo wada-hadalku uu fure ugu noqon karo xal u helidda khilaafaadka jira.

Colaadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa weli si buuxda loo xallin, balse is-afgaradka bilowga ah ee ka muuqday kulankan ayaa noqon kara tallaabo hore loo qaaday. Haddii hoggaamiyeyaasha dhaqanku ay sii wadaan wada-hadallada iyo isu-soo dhowaanshaha, waxaa suuragal ah in xal waara la gaaro mustaqbalka dhow.

Shariif Sheekh oo Muqdisho u gaystay saddex dhaawac oo weli ay ka kabsan la’dahay

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu Gobolka Banaadir u gaystay dhaawacyo siyaasadeed oo ay ilaa maanta ka soo waaqsan la’dahay. Isaga ayaana horseeday seddax caqabadood oo maanta ku horgudban horumarka dadka iyo deegaanka Muqdisho. 

Madaxweyne Shariif waxaa la doortay Gobolka Banaadir oo leh gole deegaan oo 69 xubnood ah. Golahaas oo ku-meel-gaar ahaa waxaa dhisay Raysulwasaare Nuur Cadde, Rabbi ha u naxariistee. Waxaa la dhaariyay 23kii Nofeembar 2008, waxayna isla maalinkaas guddoomiye u doorteen Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).

Nasiibxumo, Madaxweyne Shariif ayaa 6dii November 6, 2009 wuxuu kala diray Golihii Deegaanka ee shaqeynayay muddo sanad ah. Wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune). 16 sano ka dib, sidii ayuu Madaxweyne kasta wareegto ugu magacaabaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo Gobolku ilaa maanta ma leh gole deegaan oo ka shaqeeya horumarinta Caasimadda. 

Dowladdii Madaxweyne Shariif waxay sidoo kale Muqdisho ku naafeysay dhaawac dastuuri ah oo caqabad ku noqday maqaamka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Muqdisho, oo waxaa qodobka 9ᵃᵃᵈ Dastuurka lagu xusay in maqaamka Muqdisho go’aan looga gaari doono dib-u-eegista dastuurka, ayna labada aqal ee Baarlamaanku ka soo saari doonaan sharci gaar ah. 14 sano ka dib, Muqdisho waxaa wali ku xiran siriqdii iyo wareerisadii ay ku xirtay dowladdii Madaxweyne Shariif.

Dhanka kale, Dowladdii Madaxwene Shariif ayaa jaangoysay in dakhliga ka soo xaroodo Muqdisho 15% kaliya laga siiyo Gobolka Banaadir. 16 sano ka dib, Muqdisho waxay wali ku gowracan tahay cadkii quureed ee uu u gooyay Madaxweyne Shariif, waxayna ilaa maanta ka qaajeysan tahay canshuuraha nus bilyanka ku dhow ee sanad kasta laga soo xareeyo dekadda, garoonka, iyo suuqyada Xamar.

Fahamxumo iyo niyadxumo tii ay ka ahaydba, dowladdii Madaxweyne Shariif waxay dadka iyo deegaanka Muqdisho ku dhufatay dhaawacyo naafeeyay oo ay ilaa maanta ka soo kaban la’dahay. Waa taariikh baal madoow ugu qoran diiwaankiisa siyaasadeed, waana in lagula xisaabtamo, oo madal kasta lagu waydiiyo.

W/Q: Xuseen Sabriye 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF oo shaacisay tirada Shabaabka lagu dilay howlgal guuleystay oo ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka deegaanka ee ka howlgala degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Jowle.

Howl-galkaan ayey dowladdu sheegtay in lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaatooyin xooggan ku hayay dadka deegaanka. Ciidanku waxay si toos ah u beegsadeen xubnahan, waxaana la xaqiijiyay geeridooda iyadoo la soo bandhigay meydadkooda.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere, Casayr Ibraahim Mataan, ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay si waafaqsan qorshaha la diyaariyay, wuxuuna xusay in ciidanku ay si heegan ah ugu jiraan sugidda amniga deegaanka. Waxa uu intaas ku daray in tallaabooyinkaan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya gobolka.

Dadka reer guuraaga ah ee ku sugan aagga deegaanka Jowle ayaa door muuqda ka qaatay howlgalka. Waxay la wadaageen ciidanka xog muhiim ah oo ku saabsan joogitaanka kooxda ee deegaanka, taas oo suuragelisay in howlgalka uu guuleysto. Tani waxay muujineysaa sida iskaashi buuxa uga dhexeeyo shacabka iyo ciidanka deegaanka.

Ciidanka deegaanka ayaa si joogto ah u fulinaya howlgallo lagu xaqiijinayo nabadda, iyadoo la bartilmaameedsanayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan miyiga iyo deegaannada hoos yimaada Xarardheere. Waxaa la rumeysan yahay in guulaha laga gaarayo howl-galladan ay qeyb ka yihiin kalsoonida iyo taageerada ay dadka deegaanka siiyaan ciidanka.

Si kastaba, maamulka degmada Xarardheere iyo shacabka deegaanka ayaa ku adkeysanaya in la sii wado dadaallada lagula jiro Shabaabka. Waxaa la tilmaamay in wada shaqeynta shacabka iyo ciidanku ay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka Mudug, iyadoo la ballan-qaaday in cadowga nabadda laga sifeyn doono dhammaan deegaannada gobolka.

Guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Turkey iyo Erdogan

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniinta maant ah ku dhawaaqay inuu is-burburiyey, isagoo sheegay inuu soo afjaray halgankii hubeysnaa ee uu kula jiray dowladda Turkiga, taasoo dhammaatay kadib afartan sano oo kacdoon dhiig badan ku daatay.

Ururka PKK, oo uu aasaasay Abdullah Ocalan dabayaaqadii 1970-meeyadii, ayaa qaatay hub sannadkii 1984, halkaas oo uu ka bilaabay weerarro ka dhan ah dowladda Turkiga kuwaas oo sababay in ka badan 40,000 oo dhimasho ah.

“Shirkii 12-aad ee PKK wuxuu go’aamiyey in la burburiyo qaab-dhismeedka ururka lana joojiyo halgankii hubeysnaa,” ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee u ololeysa Kurdish-ka, ANF.

Tallaabadan ayaa si diirran waxaa u soo dhoweeyey xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah,” balse xusay in habraaca loo “kormeerayo si dhow” oo joogto ah.

Go’aanka taariikhiga ah ayaa yimid kadib baaq uu Ocalan bishii 27-ka Febraayo ka diray xabsiga Imrali ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo 1999, kuna booriyey dagaalyahanadiisa inay hubka dhigaan oo ay ururka kala diraan.

Ocalan waxa uu sidoo kale ku booriyey PKK inay qabato shir si rasmi ah loogu ansixiyo go’aanka, kaasoo toddobaadkii hore ka dhacay buuraleyda Kandil ee Ciraaq, halkaas oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin.

Hoggaamiyaha PKK ayaa halkaas ku gaadhay “go’aanno taariikhi ah oo quseeya hawlaha ururka,” sida ay warisay ANF Jimcihii.

“Arrintani ma ahan dhammaad, balse waa bilow cusub,” ayuu yiri Duran Kalkan, oo ka tirsan guddiga fulinta ee PKK, isagoo la hadlayay ergadii shirka, sida uu baahiyey wakaaladda Mezopotamya ee u ololeysa Kurdish-ka.

Afhayeenka AKP, Omer Celik, ayaa sheegay in haddii go’aanka “si dhab ah loo hirgeliyo oo dhammaan dhinacyadiisa la dhaqan-geliyo,” ay furi doonto waqti cusub oo hor leh.

– ‘Guul weyn oo u soo hoyatay Erdogan’ –

“Go’aanka PKK ee ah inay is-burburiso oo ay hubka dhigto kadib baaqii Imrali waa tallaabo weyn oo loo qaaday Turkiga aan argagixiso lahayn,” ayuu yiri Celik.

“Fulinta buuxda ee go’aanka is-burburinta iyo hub dhigista… waxay noqon doontaa isbeddel taariikhi ah,” ayuu raaciyey, isagoo markale carabka ku adkeeyey in dowladda si dhow ula socon doonto habka loo fuliyo.

Bayaankan ayaa soo afjaray dadaallo socday toddoba bilood oo lagu doonayey in dib loo furo wadahadalladii hakadku ku yimid, kuwaas oo dib u billowday bishii Oktoobar markii Ankara ay si lama filaan ah u fidisay laan nabadeed oo loo diray Ocalan.

“Haddii PKK si rasmi ah ugu dhawaaqdo is-burburin oo si nabad ah u dhammeystirto geeddi-socodka, iyada oo aysan dhicin wax carqalad ah, taasi waxay noqon doontaa guul weyn oo u soo hoyata Erdogan,” ayay tiri Gonul Tol oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Washington, una warrantay AFP.

Waxay sheegtay in isku dayga dib-u-heshiisiinta Kurdiyiinta uu si dhow ula xirnaa xaaladda siyaasadeed ee gudaha, xilli dhowr bilood ka hor AKP ay guuldarro kala kulantay doorashooyinka.

Falanqeeyayaal ayaa qaba in heshiis lala gaaro Kurdiyiinta uu Erdogan u suuragelin karo inuu wax ka beddelo dastuurka, muddo dheerna xafiiska sii joogo, halkaas oo uu sidoo kale kala jabin karo iskaashiga ka dhaxeeya xisbiyada mucaaradka ee taageera Kurdish-ka iyo inta kale.

“Ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa furitaanka Ocalan mar walba waxay ahayd in la xoojiyo awoodda Erdogan. Haddii geeddi-socodkani guuleysto, wuxuu u galayaa doorashada 2028 isagoo ah musharrax aad u xooggan oo mucaaradkuna yahay mid kala daadsan,” ayay tiri Tol.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad jeediyay dhammaadkii usbuuca ayaa si dadban u muujiyay in is-burburinta PKK la shaacin doono, isagoo sheegay, “Waxaan si ad-adag ugu sii soconaa waddada ah in aan gaarno Turkiga ka madax-bannaan argagixisada.”

PKK, oo ay Ankara, Washington iyo Brussels u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa dagaal hubeysan kula jiray dowladda Turkiga tan iyo 1984.

Ujeeddadii asalka ahayd ee PKK waxay ahayd in la dhiso dal madax-bannaan oo ay ku midoobaan Kurdiyiinta, kuwaas oo ka dhigan ku dhowaad 20% shacabka Turkiga ee gaaraya 85 milyan. 

Kulankii BF oo dib u furmay maanta – Maxaa ka cusub xiisadii ka dhalatay mooshinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka baarlamaanta ayaa maanta dib u furmay, kadib baaqasho ku timid laba shir oo hore, sababo la xiriira kooram la’aan dhacday.

Kulanka maanta ayaa ku furmay jawi daggan, waxayna u muuqataa inay qabowday xiisaddii ka taagneyd baarlamaanka ee u dhexeysa guddoomiyaha iyo xildhibaannada, taas oo salka ku heysay mooshin xilka ay wadeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Waxaa maanta golaha la horgeeyay heshiis lagu dhisayo Urur Goboleedka IGAD, waxaana golaha hortagay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo heshiiska u akhriyay mudanayaasha baarlamaanka.

Sidoo kale, xildhibaannada aya wasiirka su’aallo ka waydiiyay heshiiskan iyo faa’iidada ugu jirta dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo kamid ah xubnihii ka hadlay kulanka ayaa taageeray heshiiska, wuxuuna soo jeediyay inuu muhiim u yahay Soomaaliya, ayna haboon tahay in deg-deg loo ansixiyo.

“Waxaan joogay aasaaskii Urur Goboleedka IGAD waxaan soo jeedinayaa in wasiirka loo fududeeyo oo la ansixiyo heshiiska lagu dhisayo Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD)” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaam Dhabancad.

Dhankeeda Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo horay xilal muhiim ah oo gobolka ah u tartantay ayaa ka hortimid qorshaha dowladda ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo guud ahaan heshiiska maanta la horgeeyay mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed yaan been loo sheegin qof kasta oo is sharaxo oo aysan dowladdan u baahnayn warqad ayaa ka dambaysa oo ay ku ceebaynayso” ayay iyaduna tiri Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir.

Doodda ayaa weli sii socota, waxayna xildhibaannadu aragtiyo kala duwan ka bixinayaan heshiiskan oo ka yimid xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda.

130 qof iyo gaadiid badan oo lagu afduubtay Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahhinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dad shacab ah iyo gaadiid ay la socdeen oo Axaddii lagu afduubtay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan.

Gaadiidkan oo ka baxay Muqdisho ayaa lasoo wariyay inay kusii jeedeen magaalada Gaalkacyo balse waxaa lagu afduubtay aagga Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaga guddiga gaadiidka u safra degmada Gaalkacyo Maxamed Daahir Cirbeere oo wareysi siiyay Shabelel Tv ayaa sheegay in gaadiidka la afduubtay ay gaarayaan illaa 7 baabuur, ayna la socdeen dad gaaraya illaa 130 qof oo rakaab ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka iyo shacabka la afduubtay la geeyay aagga deegaanka Nuur Dugle, halkaas oo ay ku haystaan maleeshiyaadkii afduubtay.

“Baabuurtii maanta Xamar ka baxday dhammaantood si qabiiliyan ah oo oo cad ayaa ciidamada shaar dowladeed wata waxay ka qabsadeen meel u dhexeysa Wargaadhi iyo Cad-cadey, ka bacdina 7 baabuur ayay afduubteen, dadkii iyo baabuurtiina waxa ay geeyeen meel Nuur Dugle u dhow” ayuu wareysiga ku yiri Maxamed Daahir Cirbeere.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gawaarida la afduubtay waxaa saaran dad gaaraya illaa 130 qof oo ilmo, waayeello iyo dad xanuunsan ay ku jiraan”.

Maxamed Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in afduubkan uu yahay mid aargudasho ah, isla markaana uu la xariiro afduub kale oo horay uga dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u digay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda HirShabelle oo uu ugu baaqay in dadkaasi lasoo badbaadiyo, ayna ku baxaan xaaladda soo korortay.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan kasoo kordhay colaado horle, waxaana ugu dambeysay shalay oo deegaan hoostaga degmada Cadale lagu dilay laba nin oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale,

Labada nin ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxa uu u shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay isku dayo dhowr ah, waxayna ciidamo gaysay gobolka, si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada, balse ma joogsan, waxaana weli halkoodii ah xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaannada maamulka HirShabelle.

Jubaland iyo Puntland oo kala jeestay iyo isbaheysi cusub oo lagu guuleysan la’yahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horraantii toddobaadkan soo jeediyay qabsoomidda shir qaran “oo badbaado loogu raadinayo” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo xasarado siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Afar sano kahor, Madaxweyne Deni ayaa qabtay shir lagu diidanaa muddo kordhintii Baarlamaanka Federaalka uu 2021 u sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkan waxa uu horseeday dhismaha “Isbaheysiga Badbaado Qaran,” oo ugu dambeyn ku guuleystay in xilka laga tuuro Madaxweyne Farmaajo 15-kii May 2022. Qaabka doorasho ee xilligaa la adeegsaday waxa markii hore soo jeediyay Madaxweyne Deni, oo olole isbeddel-doon ah ku tartamay, balse uu doorashadii kaga adkaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intii ay socotay doorashadii 2022, wadahadallo dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo xildhibaanno iyo senatarro kasoo jeeda Jubbaland ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u wiiqeen fursaddii Deni. Waxa intaa dheer, xildhibaan ka tirsan Jubbaland, Xamza Cabdi Barre, oo door muhiim ah ka qaatay wadahadalladaas, ayaa markii dambe loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taasoo sababtay xumaan hor leh oo soo kala dhexgashay Puntland iyo Jubbaland.

Sannadkii 2023, Puntland ayaa si rasmi ah u jartay xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka, halka Jubbaland ay sii wadatay taageerada Muqdisho, inkastoo uu jiray muran ku saabsan doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

Xiisadda u dhaxaysa Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa sii kacday dabayaaqadii 2024, markii Madaxweyne Axmed Madoobe uu si adag uga hor yimid hindise federaal oo loogu talagalay kordhinta muddo-xileedyada dowlad-goboleedyada, taasoo uu u arkayay mid carqaladeynaysa qorshihiisa uu ugu tartamayay muddo xileedkiisa saddexaad ee Jubbaland.

Puntland iyo Jubbaland labaduba waxay ka baaqdeen ka qeybgalka shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee Muqdisho, halkaas oo uu ka dhacay isbeddel muhiim ah oo siyaasadeed: Dowladda Federaalka ayaa aqoonsatay maamulka cusub ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo (SSCK). Maamulkan cusub wuxuu gacanta ku hayaa deegaano horey ay u sheegan jireen Puntland iyo Somaliland, maamul sheegtay gooni-u-goosadnimada.

Caqabadaha hor-taagan isbaheysi cusub

Inkastoo Puntland iyo Jubbaland ay wadaagaan tabashooyin ay ka qabaan Villa Somalia, haddana caqabado waaweyn ayaa hortaagan in ay mar kale sameeyaan isbaheysi siyaasadeed oo mideysan, sidii ay sameeyeen 2021-kii. Dhaqaale xumo ayaa sidoo kale qayb ka qaadatay: taageerada miisaaniyadeed ee maamulladooda waxa lagu xiraa ka qeybgalka barnaamijyada federaal-dhisidda ee Dowladda Federaalka.

Dastuurkii Puntland ee 1998-kii hadda waa mid rasmi ahaan burburay, kadib markii la aqoonsaday maamulka SSC-Khaatumo, oo loo xil saaray inuu soo xulo xildhibaannada iyo senatarada qaabka doorashada ee soo socda. Puntland ayaa markii hore, 2023-kii, aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, xilli uusan weli helin xubinnimada rasmiga ah ee federaalka.

Tan iyo doorashadii Soomaaliya ee 2022, madaxweynayaasha Deni iyo Axmed Madoobe ma aysan xallin khilaafaadkooda siyaasadeed. Qaraar dhawaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha u xil saaray inay soo jeediso xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo khilaafka Jubbaland. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya weli ma aqoonsana doorashadii madaxtinimada Jubbaland ee 2024.

Inkasta oo beesha caalamku ku boorrisay Puntland iyo Jubbaland inay ka qeybgalaan shirka GWQ, haddana labaduba way ka gaabsadeen. Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa arka ka qeybgalka shirarka GWQ inuu fure u yahay dib-u-bilaabista wadahadallada siyaasadeed.

Khaladaadka mabda’a ee Puntland iyo Jubbaland

Xagga arrimaha dastuurka, Jubbaland waxay taageertay isbeddelada la damacsan yahay in lagu sameeyo Dastuurka Federaalka, halka Puntland si adag uga soo horjeedo. Puntland waxay sidoo kale dalbatay in laga saaro xildhibaanada iyo senatarada Somaliland geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, ilaa Somaliland si rasmi ah uga tanaasusho sheegashadeeda madax-bannaanida. Jubbaland, dhankeeda, ma aragto wax dhibaato ah oo ka imanaya matalaadda Somaliland ee Muqdisho.

Kala duwanaanshiyaha aasaasiga ah ee u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland waxa uu ka miisaan culus yahay danaha ay wadaagaan, taasoo Villa Somalia u saamaxaysa inay ka faa’iidaysato kala-jabka mucaaradka.

Qatar oo Trump siineysa hadiyaddii ugu qaalisneyd iyo su’aalo sharci oo ka taagan

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu aqbalo diyaarad raaxo ah oo nooca Boeing ah oo ay siiyeen qoyska boqortooyada Qatar si uu ugu adeegsado Air Force One, isla markaana uu ku sii duulo kadib markii uu xafiiska baneeyo, inkastoo ay jiraan sharciyo adag oo mamnuucaya hadiyadaha madaxda Maraykanka.

ABC News, oo ugu horreyn daabacday warkan, ayaa diyaarada ku tilmaantay “qalcad duuleysa,” iyadoo sheegtay in Boeing 747-8 ay noqon karto hadiyadda ugu qaalisan ee abid soo gaarta dowladda Maraykanka.

Dastuurka Maraykanka ayaa mamnuucaya in mas’uuliyiinta dowladda ay aqbalaan hadiyado “ka imanaya boqor, amiir ama dowlad shisheeye,” iyadoo qodobkaasi loo yaqaan emoluments clause.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa qorsheynaya inuu sharciyada ka leexdo isagoo diyaarada u wareejinaya maktabadda madaxweynenimada marka uu xilka ka dago.

Qorshahan ayaa lagu dhawaaqi doonaa inta lagu guda jiro safarkiisa toddobaadkan uu ku tagayo saddex waddan oo Bariga Dhexe ah, oo ay Qatar ka mid tahay, sida ay weriyeen ABC iyo The New York Times.

Aqbalaadda hadiyadda ayaa dhalisay su’aalo adag oo dhinaca anshaxa ah, iyadoo u muuqata inay jebineyso xeerarka la dagaallama musuq-maasuqa dowladda.

Si kastaba, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Caddaaladda ayaa rumeysan in hadiyaddan sharci ahaan ay waafaqsan tahay, maadaama aysan la xiriirin wax adeeg ama abaal marin gaar ah, taasoo ay ku doodayaan in aysan noqon laaluush, sida ay u sheegeen ilo xog ogaal u ah ABC.

Sidoo kale, waxay ku andacoonayaan in aysan dastuuri ahaan jabinaynin, maadaama diyaarada marka hore loo wareejinayo Ciidanka Cirka Maraykanka (US Air Force) ka hor inta aan loo gudbin maktabadda madaxweynaha, taasoo la micno ah inaan la siineyn qof shaqsi ah.

Aqalka Cad ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa faallo la xiriirta arrintan.

Guddiga Qaranka ee xisbiga Dimoqraadiga (DNC) ayaa sheegay in tallaabadan ay caddeyn u tahay sida Trump ugu adeegsanayo Aqalka Cad danihiisa dhaqaale ee gaarka ah.

“Inta qoysaska shaqeeya ay la tacaalayaan sicir barar iyo dukaamada oo madhan, Trump weli waxa uu xoogga saarayaa inuu isagu naftiisa iyo maalqabeenadiisa gaarka ah uu dhaqaale ku helo,” ayaa lagu yiri email ay DNC u dirtay taageerayaasheeda.

Warbixinnada ayaa sheegay in Trump uu bishii Febraayo ku dhex socdaalay diyaarada ay leedahay Qatar xilli ay taagneyd garoonka Palm Beach International Airport.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa muddo dheer muujinayay sida uu uga niyad jabsan yahay diyaaradaha madaxweynaha ee Air Force One – oo ah laba diyaaradood oo si gaar ah loo habeynay ee nooca Boeing 747-200B.

Bishii hore, Trump waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay “eegayso ikhtiyaarro kale” kadib dib u dhac ku yimid keenista laba diyaarad oo cusub oo Boeing ah.

Boeing ayaa 2018-kii heshiis la saxiixday dowladda Maraykanka si ay u keento laba diyaaradood oo nooca 747-8 ah dhammaadka 2024, qiimahooduna ahaa $3.9 bilyan — si loogu adeegto cidda markaas Aqalka Cad joogta.

Si kastaba ha ahaatee, shirkad hoose oo la shaqaynaysay Boeing ayaa xirmatay, cudurka safmarka ah ee coronavirus-na waxa uu carqaladeeyay wax-soo-saarka, taasoo keentay in keenista diyaaradaha dib loo dhigo illaa 2027 iyo 2028.

Inkastoo diyaarada ay Qatar u hibeynayso Trump la sheegay inay ka weyn tahay 10 sano, khubaro ayaa sheegay in diyaaradda cusub ee Boeing 747-8 ay qiimaheedu u dhexeeyo $400 milyan.

Sidoo kale, diyaaradda waxa khasab ku ah in si gaar ah loo qalabeeyo si ay u noqoto Air Force One.

Faah-faahin: Qarax ka dhacay Afgooye + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmada Afgooye uu ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa gudaha degmadaasi.

Qarax oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale, qaraxa kadib ayaa waxaa howlgallo sameeyay ciidamada ammaanka, kuwaas oo baaritaanno ugu dhaqaaqay xaafado ka tirsan magaalada Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay maqleen dhawaqa qaraxa oo xooganaa, balse waxa ay tilmaameen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qarax ah.

Afgooye ayaa waxaa haatan ka dhacaya falal liddi ku ah ammaanka, iyada oo habeen hore lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo horay uga shaqeyn jiray isbitaalka Digfeer.

Dilkaas iyo qaraxa xalay dhacay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya Afgooye.

Shabaab ayaa weli ku xooggan gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna beegsadana fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolkaas oo ay ku qaadaan weeraro toos ah.

Sawirro: Shir lagu qiimeynayo Somalia oo ka furmay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shir muhiim ah oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta  dalka Kenya, kaas oo lagu qiimeyo Soomaaliya iyo dhaqaalaheeda.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Waxaa goobjoog ah shirka wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubno kala duwan oo ka kooban xafiisyada madaxweynaha, ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha iyo hay’adaha kala ah maaliyadda, qorsheynta, batroolka, Bangiga Dhexe, hay’adda warbixinnada maaliyadda, hay’adda istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska xisaabiyaha guud.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa intiisa lagu qiimeyn doonaan wixii u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, wuxuuna socon doonaan muddo 4 cisho oo xiriir ah.

Waxaa kale oo la eegi doonaan qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa faah-faahin dheeeri ah ka bixiyay dadaalka dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Biixi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay guullo waa wayn ka gaartay horumarinta maaliyadda, isla markaana la xaqiijiyay natiijo wax ku ool ah.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dayn cafinta kadib ay Soomaaliya u furantay dhabo cusub, ayna sugayaan in dalka uu ku tallaabsado maalgashiyo waawayn oo caalami ah, kaas oo ay ka faa’iidsan doonaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay xaqiijiSay guullo waawayn, sida in laga cafiyay dayntii lagu lahaa, ka qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee QM.

Xamas oo qaaday tallaabo ay ku kasbaneyso Mareykanka

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa sheegtay inay sii deyn doonto askari Maraykan-Israa’iili ah oo lagu haysto Gaza, iyadoo shaacisay inay wadahadallo toos ah kula jirto Maraykanka si loo gaaro xabbad-joojin ka hirgasha dhulka dagaalladu halakeeyeen.

“Askari Israa’iili ah, Edan Alexander, oo wata laba dhalasho, Maraykan iyo Israa’iili ah, ayaa la sii deyn doonaa, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin iyo dib-u-furista marinada gargaarka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda Xamaas.

Qoyska Alexander, oo 21 jir ah, ayaa sheegay in loo sheegay in la filayo in la sii daayo “maalmaha soo socda.”

Bayaanka ay soo saareen ururka Families and Missing Families Forum, oo u dooda qoysaska la haysteyaasha, ayaa lagu sheegay in qoysku “si joogto ah ula xiriirayo maamulka Maraykanka” si ay uga wada hadlaan sii deynta la filayo.

Hore, laba sarkaal oo Xamaas ah ayaa u sheegay AFP in wadahadallo ka socda caasimadda Qatar ee Doha ay la leeyihiin Maraykanka, ayna jirto “horumar” la taaban karo.

Dhanka kale, weerarrada Israa’iil ayaa socday, iyadoo hay’adda gurmadka madaniga ee Gaza ay sheegtay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay Axaddii, oo ay ku jiraan afar carruur ah.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka hadlayay wadahadallada ayaa sheegay in “horumar laga sameeyay… gaar ahaan gelitaanka gargaarka Gaza” iyo suurtagalnimada is-weydaarsiga la haysteyaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israa’iil xiran.

Sarkaal kale ayaa sidoo kale xaqiijiyay horumar la xiriira “xabbad-joojin laga hirgaliyo Gaza.”

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa ballanqaadday inay dagaalka sii wadi doonto inkastoo wadahadallo socdaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in “wada-hadallo kasta oo mustaqbalka dhaca ay ku jiri doonaan xilli dagaal socdo,” iyadoo la fulinayo “dhammaan yoolalka dagaalka.”

Xamaas ayaa haysata 58 la hayste oo lagu qafaashay weerarkii October 7, 2023, oo sababay dagaalka, kuwaas oo 34 ka mid ah ay Israa’iil sheegtay inay dhinteen.

Maamulka Gaza kadib dagaalka

Israa’iil ayaa soo afjartay xabbad-joojin labo bilood socotay oo dhammaatay 18-kii Maarso, kadibna waxay billowday duullaan weyn oo ka dhan ah Gaza, iyadoo si weyn u kordhisay duqeymaha.

Sidoo kale, Israa’iil waxay gebi ahaanba jartay gargaarkii la gaarsiin jiray Gaza, iyadoo sheegtay in ay cadaadis saaraysay Xamaas si ay u sii deyso la haysteyaasha.

Wadahadallo dadban oo dhex maray Xamaas iyo Israa’iil, oo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar, iyo Maraykanka, ayaa socday tan iyo bilowgii dagaalka, hase yeeshee wali ma aysan keenin xabbad-joojin rasmi ah.

Maraykanka oo muddo dheer diiday inuu si toos ah ula xiriirto Xamaas — oo uu u aqoonsan yahay urur argagixiso — ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah ula xiriiray bishii Maarso.

Xamaas ayaa wali ku adkaysaneysa in heshiis kasta lagu soo afjaro dagaalka, iyadoo 18-kii April diiday soo-jeedin Israa’iil oo ku saabsan xabbad-joojin 45 maalmood ah iyo is-weydaarsi la haystayaal iyo maxaabiis.

Bayaanka Axaddii, Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay “si degdeg ah u bilowdo wadahadallo qoto-dheer” oo horseedi kara heshiis lagu soo afjaro dagaalka, Gaza-na loogu dhiibo maamul madax-bannaan oo khubaro hogaaminayaan.

“Tani waxay xaqiijin doontaa xasillooni muddo sanado badan ah, oo la socda dib-u-dhiska Gaza iyo soo afjarista cunaqabataynta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Horaantii bishan, Israa’iil waxay ansixisay qorshayaal lagu ballaarinayo weerarrada Gaza, iyadoo saraakiishu ka hadleen suuragalnimada joogitaan muddo dheer ah oo Israa’iil ku yeelato gudaha Gaza.

Qorshaha gargaarka

Inkasta oo wadahadalladu socdaan, dagaalka Gaza wali wuu kasii darayaa.

Afhayeenka hay’adda gurmadka madaniga, Mahmud Bassal, ayaa u sheegay AFP in diyaaradaha Israa’iil ay beegsadeen saddex teendho oo ay deganaayeen dad barakacayaal ah magaalada Khan Yunis.

Muuqaal ay duubtay AFP ayaa muujiyay samatabbixiyeyaal ka shaqeynaya mugdiga, iyagoo goobta ka daadgureynaya ilmo dhaawacmay iyo laba meyd ah, mid lagu duuduubay bac cad, midna buste.

Duqeyn kale oo ka dhacday Khan Yunis ayaa sidoo kale dishay saddex qof, halka qof kale lagu dilay magaalada Gaza, sida uu sheegay Bassal.

Militariga Israa’iil kama aysan hadlin dhacdooyinka gaarka ah, balse waxay sheegeen in ciidamadooda cirka ay duqeeyeen “in ka badan 50 bartilmaameed oo argagixiso” tan iyo Sabtidii.

Inkastoo wadahadallada xabbad-joojinta aysan miro dhalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa Axaddii “si buuxda” u taageeray qorshe Maraykanku soo jeediyay oo lagu soo celinayo gargaarka Gaza, halkaasoo xayiraad buuxda saarnayd tan iyo 2-dii Maarso.

Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in Gaza aysan ka jirin xaalad bini’aadannimo oo degdeg ah, inkastoo hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ay ka digayaan musiibo soo socota, iyadoo Israa’iil ku eedeysay Xamaas in ay la wareegto gargaarka soo gala.

Jimcihii, safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa shaaciyay qorshe ay hoggaamin doonto hay’ad cusub oo ay taageerayaan militariga Israa’iil iyo shirkado amni gaar loo leeyahay, si ay u maamusho qeybinta gargaarka Gaza.

Qorshahan ayaa dhaliil xooggan ka helay caalamka, iyadoo UNRWA — hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta — ay sheegtay in “aysan suurtagal ahayn” in laga beddelo doorkeeda Gaza.

Weerarkii Xamaas ee 2023 ee koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada 1,218 qof, intooda badan rayid, sida ay sheegtay tirakoob ay sameysay AFP oo ku saleysan xogaha rasmiga ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa Axaddii sheegtay in ugu yaraan 2,720 qof lagu dilay tan iyo markii Israa’iil dib u billowday ololaheeda, taasoo tirada guud ee dhimashada dagaalka tan iyo bilowgiisa ka dhigaysa 52,829.