27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daacish oo kusoo laabatay deegaano hore looga saaray iyo Puntland oo tallaab qaaday

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaanno horay looga saaray Daacish, kana tirsan gobolkaasi, gaar ahaan aagga Calmiskaad mar kale dib loogu arkay kooxda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni.

Maleeshiyada kooxda ayaa si dhuumaaleysi ah kusoo galay agagaarka togga Jacayl oo ay horay howlgallo culus kula wareegeen ciidamada difaaca ee maamulka Puntland.

Saraakiisha bixiyay xogtan ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha kooxda Daacish ee deegaannadaas kusoo laabteen, iyagoo gabbaad ka dhiganaya dadka reer guuraaga ah ee kusoo guryo noqday goobihii horay looga saaray kooxda ee buuraha gobolka Bari.

Dhinaca kale, Puntland oo arrintan ka war-heshay ayaa isla markii qaaday tallaabo deg-deg ah, iyada oo kaashaneyso saaxibada caalamiga ah, waxayna si wadajir ah u fuliyeen howlgal culus.

Howlgalka oo ay duqeymo barbar socdeen ayaa lasoo wariyay in xalay, illaa saaka laga fuliyay deegaannada lagu arkay maleeshiyada kooxda Daacish, iyada oo lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Deegaannada ay howlgallada iyo duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah Gacan Cad, Shilalay, Suradka, Aroorka Daylaan oo dhammaan ka agdhaw Ceelasha Dhaban-caddo iyo Il, halkaas oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen argagixisada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgallada iyo duqeymaha ka dhacay halkaasi.

Shalay ayay aheyd markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in iyada oo kaashaneyso Mareykanka ay duqeyn culus ay ku beegsaday kooxda Daacish, taas oo ka dhacday qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in xubno badan oo Daacish ah lagu laayay, laguna dhaawacay kuwa kale.

“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Daacish ayaa weli dhaq-dhaqaaq ka wadda buuraha Calmiskaad, waxayna ahayd dhowaan markii laga hortegay weerar is-miidaamin ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, iyada oo dhammaan la dilay xubnaha soo qaaday.

Qarax culus oo ciidamada Itoobiya lagula beegsaday duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah loola eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay bannaanka magaalada, waxaana kasoo gaaray khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino uu haleelay mid kamid ah kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ku dhintay laba askari, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

Sidoo kale waxaa burbur xooggan uu soo gaaray baabuurka la qarxiyay ee ay wateen ciidamada Itoobiya ee lagu weeraray duleedka Baydhaba, kuwaas oo markii dambe isaga dhaqaaqay meesha.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha Itoobiya ee fariisinka ku leh magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Dhinaca kale, looxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay khasaare xoogleh ku gaarsiiyay ciidamada Itoobiya, howlgalkana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Ammaanka Baydhaba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid deggan, waxaase inta badan weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan deegaannada hoos yimaada magaaladaas oo ay halis ku hayaan Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay weerar culus kusoo qaadeen deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa si weyn loogu jabiyay weerarkaasi, iyada oo looga dilay xubno badan oo kadib maydadkooda la geeyay Baydhaba oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Israel oo wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Iran kadib weerarkii Tel Aviv

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh, ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay si adag uga aargoosan doonto haddii Mareykanka ama Israa’iil ay weerar ku qaadaan.

Hadalka Nasirzadeh ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku hanjabay in dalkiisu uu ka aargudan doono Iran, kadib markii kooxda Xuutiyiinta — oo ay taageerto Tehran — ay gantaal ku dhufatay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.

“Haddii dagaalka ay bilaabaan Mareykanka ama nidaamka Sahayuuniyadda (Isra’iil), Iran waxay beegsan doontaa danahooda, saldhigyadooda, iyo ciidamadooda — meel kasta oo ay joogaan iyo wakhti kasta oo ay u aragto inay ku habboon tahay,” ayuu Nasirzadeh ka yiri teleefishinka qaranka Iran.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay garab taagan tahay Iran ayaa Axaddii gantaal ku ridday agagaarka garoonka Ben Gurion, taasoo noqotay weerarkii ugu dambeeyay ee taxane ahaa. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay tallaabadaas u qaadeen si ay u muujiyaan midnimo ay la garab taagan yihiin shacabka Falastiin ee Gaza.

“Xuutiyiintu waxay weeraradooda ka wadaan Iran. Israa’iil waxay ka jawaabi doontaa weerarka lagu bartilmaameedsaday garoonkeena ugu weyn — iyo sidoo kale, wakhti iyo goob aanu dooranno — kuwa Iran u ah abaabulayaasha argagixisada,” ayuu Netanyahu ku qoray barta X (hore Twitter).

Nasirzadeh, oo raacaya mowqifka rasmiga ah ee Tehran, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay si madax-bannaan u fuliyaan weerarada, islamarkaana aysan amarrada si toos ah uga helin Iran.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraraysay Israa’iil, iyagoo taageero u muujinaya dagaalyahannada Xamaas. Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo 15-kii Maarso duqeymo ku beegsanaysay saldhigyada Xuutiyiinta ee Yemen, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ballan qaaday in Iran lala xisaabtami doono haddii kooxdan ay fuliso weerarro.

Nasirzadeh wuxuu sidoo kale sheegay in Iran aysan “wax nacayb ah u qabin dalalka dariska la ah,” balse haddii la weeraro, saldhigyada Mareykanka ee gobolka ku yaal ay noqon doonaan bartilmaameedyo ay Iran toos u beegsan doonto.

Hadalka wasiirka ayaa yimid iyadoo Iran Axaddii soo bandhigtay gantaal cusub oo lagu magacaabo “Qassem Bassir,” kaasoo leh awood gaaritaan oo dhan 1,200 km (750 mayl), sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda Iran.

PUNTALND oo dad usoo qabatay dilalkii Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Puntland, gaar ahaa qaybtooda gobolka Nugaal oo xalay howlgal culus ka sameeyay gudaha magaalada Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dilal shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Dilka oo loo gaystay laba nin oo uu mid kamid ah ahaa waardiye ayaa si gaar ah uga dhacay bannaanka hore Hoteel ku yaalla Garooowe, iyada oo dilka ay gaysteen dabley hubeysan oo kadib ka baxsaday goobta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi loo soo xiray laba qof, kuwaas oo loo gudbiyay xarunta C.I.D, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah

“Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Puntland.

Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka ” Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa laga soo saari doonaa marka la dhammeeyo hawlaha baarista”.

Sidoo kale taliska Booliska ayaa farriin u dira shacabka Garoowe, wuxuuna ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka” ayaa lasii raaciyay.

Falalka dilka ah ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe, kuwaas oo marar badan soo wajahday dhacdooyin la xiriira amni-darro.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan qaaday tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto dhacdooyinka dilalka ah ee soo kordhay ee ka dhacaya magaalooyinka maamulkaasi.

Somalia finds major offshore oil reserves in Turkish survey

MOGADISHU, Somalia — Somalia is approaching the final stages of its first-ever offshore oil exploration, conducted in partnership with Turkey, with early results pointing to potentially significant oil discoveries.

Two of the three wells drilled in Somali waters have been completed, and initial results, according to sources familiar with the exploration, indicate the presence of commercially viable oil. A third well remains under assessment, and the entire exploration phase is expected to wrap up by August 2025.

Preliminary estimates suggest that the two completed wells could contain up to 10 billion barrels of extractable oil. Laboratory analysis in Turkey will confirm the volume and quality of the reserves.

Turkey-Somalia energy pact

The exploration stems from a landmark energy cooperation agreement signed on March 7, 2024, in Istanbul by Somalia’s then-Petroleum Minister Abdirizak Omar Mohamed and Turkish Energy Minister Alparslan Bayraktar.

The deal grants the Turkish Petroleum Corporation (TPAO) rights to explore and develop hydrocarbon resources off Somalia’s coast.

Under the agreement, Turkey enjoys preferential terms. According to official documents, Ankara can claim up to 90% of the extracted petroleum as “cost recovery,” enabling it to recoup expenses before profit-sharing begins.

Turkey is also exempt from standard payments such as signature bonuses and administrative fees, and it retains exclusive rights to export its share of production at global market rates.

President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the deal as a milestone in Somalia’s development.

“This marks the first time in our history that Somalia is officially exploring its oil and gas potential,” he said. “With Turkey’s support, Somalia is on course to transform its economy and global standing.”

Officials in Mogadishu view the energy sector as a crucial pillar for economic growth, employment, and infrastructure development. However, analysts and civil society groups have voiced concerns over the agreement’s generous terms for Turkey and Somalia’s limited immediate financial return.

Ali Omar, Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs, described the deal as a gateway to broader economic opportunities. He noted that the current exploration covers only three of the 216 offshore blocks believed to contain hydrocarbons, leaving room for future expansion.

Turkey Expands Influence in the HoA

Turkey’s deepening involvement in Somalia goes beyond energy. The two nations have forged close ties over the past decade through development, education, and defense partnerships.

Turkey operates its most extensive overseas military base in Mogadishu, opened in 2017, and has invested in hospitals, roads, and schools nationwide.

The growing partnership positions Turkey as a key player in the Horn of Africa, a region of strategic importance due to its location along critical maritime trade routes.

Analysts say Ankara’s influence could shape regional dynamics, especially amid Somalia’s tense relations with neighboring Ethiopia over the breakaway region of Somaliland.

Once exploration activities conclude and lab results confirm the reserves, Somalia plans to enter the production phase by late 2025. The government aims to leverage energy revenues to rebuild the war-torn nation’s economy while ensuring transparency and equitable benefit-sharing.

If successful, the project could mark a turning point for Somalia, positioning it as a new entrant in the East African energy landscape — and a test case for how fragile states manage newfound natural wealth.

Daawo: Xildhibaan Dhabancad oo ku taliyey in lala heshiiyo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ku taliyey in wadahadal lala furo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu ka soo gaaray dhaawac uu weli ka soo kabsa la’yahay, balse nimanku ay yihiin wiilal Soomaaliyeed.

Xildhibaan Dhabancad ayaa ku dhaawacmay deegaanka Laasgacamey oo u dhow magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo qarax lagu weeraray isaga, Qoor Qoor iyo Cabdi Qeybdiid, waxaana ayaga dhan ka soo gaaray dhaawacyo fudud.

“Dad badan ayaa yiraahda Al-Shabaab waxaa hoggaamiya xubno ajanebi ah, meelo badana ajanebiga waa lagu arkay, laakiin waxaan qabaa hadii kuwa talinaya ay Soomaali yihiin in loo yeero oo wadahadal lala furo, kuwa ajanebiga ah waa in la dilo, laakiin kuwa Soomaalida ah waxaan jeclaan lahaa in Ilaahey soo hanuuniyo oo la wadahadlo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle ayaa la weydiiyey sida uu u arko fashilka dowladda ka heysta dagaalka Al-Shabaab iyo deegaanada muhiimka ah ee dib ay u qabsadeen.

“Waxaan maqlayaa in dadka qaar ay deegaanadoodii uga soo carareen cadowga, kuwa Kalena weli waa hortaagan yihiin oo waa la dagaalamayaan, laakiin waxaan qabaa in siyaasad ay soo dhexgashay dagaalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Xildhibaan Dhabancad ayaa sheegay inuu maqlay in dadka qaar ay diidan yihiin dowladda, isla markaana ay door bideen inay Shabaab-ka wax la farsameystaan oo la noolaadaan, sida uu hadalkiis u dhigay.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa wareysigaan uga hadlay dhul boobkii ay maalmo ka kor ku eedeeyeen dowladda federaalka iyo shaqada baarlamaanka oo kulamadii ugu dambeeyey uu buuq hareeyey.

Hoos ka daawo

Daawo: Ciid oo sheegay in laga ganacsado dagaalka, laguna fiirsaday reer Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey in dagaalka Al-Shabaab laga ganacsado, taasina ay cadowga u fududeysay inay dib u qabsadaan dhul muhiim ah.

Xildhibaanka ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay sababta ganacsatada qaadka ay u joogaan furimaha dagaalka iyo sababta saraakiisha aan loogu xisaabin jabka ciidamada.

“Dagaalka waxaa cuuryaaminaya siyaasadda, maxaa nin qaadka ka ganacsada dhex geeyey ciidanka iyo furimaha dagaalka, muxuu ku soo kordhinayaa?” ayuu yiri.

Xildhibaan Ciid ayaa sheegay in Shabaab aysan wax tiro ah ku soo kordhin, balse ay ka faa’iideysteen dayaca iyo maamul xumada dowladda, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii ay kula wareegeen Aadan-yabaal.

“Wiilal baahan oo kaba la’aan socda ayaa ciidankeenii u jebinaya si aysan u qalmin, tusaale Aadan-yabaal iyagoo inta gees ah ka soo degay ayaa loo gurma waayey ciidankii joogay, awood yari kama ahan dowladda ee waa dayac jira,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in goobihii lagu jebiyey ciidamada qaranka ay maanta difaac uga jiraan Ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan, oo maalin ka hor halkaas ku laayey Khawaarijtii soo weerartay.

“Anigu waxaan qabaa jabka ciidamadeena soo gaaray laga soo bilaabo Cawsweyne, in dad loo dilo, dad loo xiro, dad shaqada looga eryo, dadna loo maxkamadeeyo, madax, saraakiil ama wasiir waa in la helaa qof qaata masuuliyadda jabka dhacaya,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa beeniyey in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay si gaar ah u taageerto macawiisleyda reer Hiiraan.

“Dadka reer Hiiraan waa lagu hagraday dagaalka, xitaa Madaxweynuhu wuxuu naga diiday in ciidanka macawiisleyda ah uu noo qarameeyo, wax kale oo la siiyo ma jiraan, ilaa hadda dadka Kalena ee Shabaab hortaagan waa ayaga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid.

Hoos ka daawo wareysiga oo dheer

Farriimo xasaasi ah: Maamulka Xamarweyne oo ka cabanaya takoor, boob iyo eex

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Maamulka Gobalka Banaadir Cisman Muriidi Cali ayaa madaxda gobalka ku eedeyay takoor, faquuqid iyo cadaalad darro ay kula kaceen degmada Xamarweyne.

Mashruuc uu bixiyey Bangiga Adduunka oo dhismaha waddooyinka degmada Xamarweyne ahaa ayaa loo leexiyay degmada Dayniile, halkaas oo maanta laga dhagax dhigay laami cusub.

Caasimada Online, waxay heshay farriimo cabasho ah oo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne uu ku qoray Group WhatsApp ay ku wadajiraan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Xamarweyne ayaa arrintaas toos ugu eedeeyey waaxda howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, balse waxaa u jawaabay guddoomiye ku xigeenka waaxdaas oo u sheegay in amarka lagu leexiyey mashruucaas uu iyaga ka sareeyo.

Isla qoraalkaas Guddoomiye Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir wuxuu Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ku amray in uu raali gelin bixiyo, isagoo sheegay in mashruucaas ay Dayniile u leexiyeen madax ka sarreysa iyaga.

Eedeynta waaxda howlaha guud ayaa toos ugu socota  Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo bulshada reer Xamarweyne dhaafiyey mashruucii ay ka heleen dhismaha laamiyada Muqdisho.

Mashruuca uu duqa Muqdisho ka dhax dhigay Dayniile waxaa soo diyaariyay Guddoomiye Madaale, waxaana loo diyaariyay degmada Xamarweyne, wuxuu qorshuhu ahaa in lagu dhiso ilaa 4 waddo, balse waxaa loo weeciyay Dayniile.

Maamul xumada ka jirta Gobalka Banaadir ayaa gaartay ilaa heer ay masuuliyiinta gobolka isugu jawaabaan Group-yada shaqada iyo in loo hanjabo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo raali gelin lagu qasbayo, iyadoo mashruuc muhiim u ahaa degmadiisa laga dhacay.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa qoraalkiisa cabashada ah ku sheegay inuu u dacwoonayo madaxda sare ee dalka, isla markaana uusan aqbali doonin waxa dhacay, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku sharaxay muhiimada ay degmadiisa wadadaasi u laheyd.

Hoos ka eeg farriimaha la isku dhaafsaday Group-yada maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyihii u hanjabay mucaaradka oo mar kale soo hadlay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaran, Faarax Cadaani oo galabta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa mar kale ka hadlay khudbad carro xooggan dhaliyay oo uu maanta jeediyay, isaga oo bixiyay raallgelin buuxda.

Guddoomiye Cadaani ayaa goor sii horreysay si toos ah weerar ugu qaaday xubnaha mucaaradka, isaga oo amar ku bixiyay in lagu weeraryo guryahooda, taas oo abuurtay xasaasiyad wayn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu goor sii horeysay yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Intaas kadib guddoomiyaha oo mar kale soo hadlay ayaa raalligelin rasmi ah ka bixiyay hadalkiisa, wuxuuna ka cudur daartay khaladka maanta ka dhacay.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo oo maanta waddo xarig jar ah oo khudbad aan ka jeediyay oo si kale loo dhigay waxaan caddeynaa haddii ay khaladaad ahayd inaan raalligelin ka bixiyo dhammaan wax allaale iyo wixii dhib loo arkay” ayuu yiri Cadaani.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Cid aan ula jeeday ma jirto cid gooni aan u dulminaayana ma jirto waxaan mar labaad iyo mar saddexaad leeyahay in hadalkaas oo dhibka loo arkay inaan raalligeli ka bixshay”.

Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.

Xog: Beesha Caalamka oo maamullada qaar ku cadaadineyso imaanshaha shirka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa si gaar ah cadaadis ugu haysa qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, uguna qayb-galaan shirka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Dadaallada socda ayaa waxaa hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda maamulada, si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, kuwaas oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, iyada oo meeshii uu ka baxay xiriirkii kala dhexeeyay Dowadda federaalka.

Sidoo kale dadaallada Beesha Caalamka ayaa waxaa qayb ka ah xal u helidda xiisadda taagan, si looga gudbo khilaafaadka hareeyay doorashooyinka dalka ee 2026.

Dhankooda siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyaguna si weyn u diiday qorshaha madaxda dowladda ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah oo haatan diiwaanlgelintooda ay ka socoto magaalada Muqdisho, taas oo lasoo gabagabeynayo dhammaadka Juun, 2025.

Si kastaba ha’ahaatee berri oo ay ku beegan tahay 5-ta May ayaa qorshuhuu yahay inuu Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana markii ugu horreysay ka qayb-galay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo shalay soo gaaray caasimada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka haatan loo ballansan yahay oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

DF iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay Puntland + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in duqeyn ay iska kaashadeen iyada iyo Mareykanka ay ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus ka dhan ah kooxda Daacish.

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in la gaarsiiyay jab culus.

Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu intaasi ku dartay in xubno badan lagu laayay, laguna dhaawacay weerarka cirka ah ee ka dhacay buuraha gobolka Bari ee Puntland.

“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka boggaadiyay iskaashiga milatari ee haatan kala dhexeeya Mareykanka, iyada oo ballan qaaday inay sii ballaarin doonto, si ay usii socdaan howlgallada wadajirka ah ee ay ugu qaadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa iskaashigan, waxayna xaqiijinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka adkaano argagixisada” ayaa mar kale lagu yiri.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun, kadib markii shalay ciidamada Puntland ay ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda Daacish ku qaaday fariisimo ay ku leeyihiin aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa qaarkood waxa ay isku qarxiyeen bannaanka xerada, halka kuwii kale ay toogteen ciidamada, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay Daraawiishta Puntland.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Horay sidaan oo kale Puntland ayaa uga hortegtay weerar is-miidaamin ah oo ay soo abaabushay kooxda Daacish, kaas oo ay la damacsaneyd ciidamadii la wareegay  Togga Miraale, waxaana la fashiliyay weerarkaas,, iyada oo la laayay xubnihii abaabulayay/

Daawo: Guddoomiye degmo oo amar ku bixiyey in la weeraro mucaaradka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo maanta hadal kulul jeediyay ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Faarax Cadaani ayaa shacabka degmada Kaaraan faray inay beegsadaan dadka mucaaradka ah ee degmadaas ku sugan, isaga oo kula taliyay inay tallaabo ka qaadaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka ay u fasaxan yihiin inay weeraraan oo ay guryaha ugu daataan, ama ay kusoo xiraan saldhigga degmada.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Caddaani.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Degmada Kaaraan nin dowladda mucaaradaayo oo been sheegaayo haddii uu deganaado mas’uuliyadda idinka ayaa qaadaayo shacabka,”.

Dhinaca kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la diido diiwaan-gelinta ka socda degmooyinka gobolka oo uu xusay inay tahay fursad muhiim ah oo awoodda loogu soo celinayo shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan dadka berri hoggaaminaya.

Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.

Maxay Xuutiyiinta maanta ka sameeyeen Israel, maxaase ka dhacay garoonka Tel Aviv?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Gantaal Axadda maanta ah ku dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ugu weyn Israel, Ben Gurion, ayaa sababay dhaawaca lix qof, hakiyay duulimaadyadii, isla markaana sameeyay god ballaaran — weerar ay sheegteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

Milatariga Israel ayaa sheegay in la sameeyay “isku dayo dhowr ah” oo lagu doonayay in hawada lagu qabto gantaalka laga soo riday Yemen — weerar naadir ah oo fallaagada Xuutiyiintu ku suurtagaleen inay ka gudbaan difaacyada cirka ee Israel.

Muuqaal uu baahiyay booliiska Israel ayaa muujinaya saraakiil taagan agagaarka god qoto dheer oo gadaal ay ka muuqata taallada kantaroolka. Ma jirto wax khasaare ah oo la soo wariyay oo gaaray dhismayaasha ama jidadka diyaaradaha ee garoonka.

Booliisku waxay xaqiijiyeen in “gantaal uu ku dhacay” garoonka Ben Gurion, oo ah xarunta ugu weyn ee duulimaadyada caalamiga ah ee Israel.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta joogay ayaa sheegay in gantaalku ku dhacay meel u dhow baarkinka Terminal 3 — qeybta ugu weyn ee garoonka — iyadoo godka uu ka sameeyay uusan ka fogayn hal kiiloomitir (0.6 mayl) dhanka dhabbaha diyaaradaha.

“Tusaale ahaan, waxaad arkeysaa goobtan gadaal naga xigta: godkan balaaran ayaa halkan ka sameysmay, wuxuuna gaarayaa tobanaan mitir ballac iyo qoto ah,” ayuu yiri taliyaha booliska bartamaha Israel, Yair Hezroni, oo ka muuqday muuqaal ay baahiyeen ciidamadiisa.

Weli lama caddeyn in saameynta uu sababay gantaalka la riday ama mid difaac ah oo lagu qabtay.

Weerarka waxaa sheegtay Xuutiyiinta Yemen, kuwaasoo ku andacoonaya inay taageerayaan shacabka Falastiin ee ku hooban dagaalka Gaza.

“Guutada gantaalka ee ciidamada Yemen waxay fuliyeen howlgal milatari oo lagu beegsaday garoonka Ben Gurion, waxaana loo adeegsaday gantaal xawaare sare leh,” ayaa lagu yiri bayaan ay Xuutiyiintu soo saareen.

Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom ee Israel ayaa sheegtay inay daweysay ugu yaraan lix qof oo qaba dhaawacyo fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah.

Weriye AFP ah oo ku sugnaa gudaha garoonka xilligii weerarka ayaa sheegay inuu maqlay “dhawaq aad u culus” abbaaro 9:35 subaxnimo (0635 GMT), isagoo xusay in “gilgilashada ay ahayd mid aad u xooggan.”

“Saraakiisha ammaanka ayaa isla markiiba amray boqolaal rakaab ah in ay galaan meelaha gabbaadka, kuwa qaarna waxay u hoydeen godad dhulka hoostiisa ah,” ayuu intaas ku daray.

“Rakaab badan ayaa hadda sugaaya duulimaadyo, halka kuwo kale ay raadinayaan diyaarado kale oo ay ka dhoofaan.”

Duulimaad Air India ah oo soo socday ayaa loo weeciyay Abu Dhabi, sida uu AFP u sheegay sarkaal garoonka ka tirsan.

Qof rakaab ah ayaa sheegay in weerarku, oo dhacay wax yar kadib markii qaybo ka mid ah dalka laga maqlay digniin duqeyn, uu sababay argagax.

“Waa wax laga xumaado in la yiraahdo tan iyo 7-dii Oktoobar waan la qabsannay arrimahan,” ayuu yiri rakaabkaasi oo codsaday in aan la magacaabin, isagoo xusaya weerarkii Xamaas ee 2023 oo sababay dagaalka Gaza.

“Gantaal kasta wuu iman karaa mar kasta, noloshana si ku meel gaar ah ayay u istaagtaa. Maanta garoonka waxaa ka dhacay argagax, anigana waan baqay, maxaa yeelay qaraxu aad buu u xooganaa.”

Ballanqaad aargoosi

Maamulka garoomada Israel ayaa sheegay in “duulimaadyadii dib u bilaabmeen” garoonka Ben Gurion wax yar kadib markii ay hakad galeen.

“Garoonku wuu furan yahay wuuna shaqeynayaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda duulista hawada Israel.

Wasiirka difaaca Israel, Israel Katz, ayaa hanjabay in ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarka: “Qof kasta oo na weerara, annaguna toddoba laab ayaan ugu jawaabi doonaa.”

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran, kuwaas oo maamula qaybo badan oo dalkaas ka mid ah, ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraray Israel iyo maraakiibta maraysa Badda Cas tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyagoo sheegay in weeraradoodu yihiin mid ay ugu hiilinayaan shacabka Falastiin.

Sabtidii, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay fuliyeen weerarkoodii saddexaad oo gantaal ah laba maalmood gudahood.

Inta badan gantaallada ay Xuutiyiintu rideen tan iyo bilowgii dagaalka Gaza waxaa qabtay difaacyada cirka ee Israel.

Xuutiyiinta ayaa hakiyay weerarradoodii intii lagu jiray xabbad-joojintii laba bilood ahayd ee dhawaan laga gaaray Gaza.

Hase yeeshee bishii Maarso ayay ku hanjabeen inay dib u bilaabi doonaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah, iyagoo ku sababeeyay xannibaadda Israel ay ku hayso gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Arrintaasi waxay keentay in milateriga Mareykanka uu bilaabo weerarro joogto ah oo la beegsado fallaagada Yemen laga bilaabo 15-kii Maarso, si loo joojiyo khatarta ay ku hayaan gaadiidka badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta waxay bilaabmeen xilligii madaxweyne Joe Biden, balse si aad ah ayay u kordheen markii Donald Trump xilka la wareegay.

Tan iyo bishii Maarso, Mareykanka ayaa sheegay inuu beegsaday in ka badan 1,000 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Yemen.

SSC-Khaatumo oo u quus goysay Puntland, si adagna ugu jawaabtay Saciid Deni

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo muujiyay in Puntland ay ka xun tahay xiriirka dhow ee u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka SSC ayaa si cad u sheegay in mowqifkooda siyaasadeed uusan ku xirnayn ra’yiga Puntland.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa carabka ku dhuftay in maamulka SSC aanu u baahnayn in uu Puntland kala tashado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe.

Waxa uu xusay in labada dhinacba ay si madax-bannaan ula macaamili karaan dowladda Federaalka, taas oo aan waxba ka beddelayn sharcinimada iyo madax-bannaanida go’aannadooda.

Najiib Barkhadle ayaa si adag u dhaliilay Puntland isagoo xusay in aysan wax wadatashi ah la samayn SSC markii ay xiriir la sameysay maamul gooni u goosad ah, oo ula jeedo Somaliland.

Sidoo kale wuxuu su’aal geliyay sababta SSC looga filan karo inay Puntland kala tashato xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka, iyadoo Puntland lafteedu tallaabooyin aan lala oggolayn qaaday.

Wasiirku waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka SSC-Khaatumo uu marar badan isku dayay inuu wada-hadal iyo xiriir la yeesho Puntland, hase yeeshee aysan wax jawaab ah ka helin dhanka maamulkaas, gaar ahaan Madaxweynaha Puntland.

Isagoo arrinta sii faah-faahinaya, Wasiir Najiib ayaa sheegay in SSC aysan cidna uga baahnayn oggolaansho marka ay tahay difaaca danahooda siyaasadeed. Waxa uu xusay in SSC si cad u fahamsan tahay in taladooda u taallo iyaga, ayna tahay mid aan lala sugin go’aamada maamul kale.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in SSC ay dantooda siyaasadeed iyo tan dadkooda ku arkeen in ay xiriir toos ah la yeeshaan dowladda federaalka. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada SSC ee ay ku doonayaan in codkooda laga maqlo heerka qaranka, lagana qayb-geliyo arrimaha siyaasadda dalka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina adkeeyay in SSC ay ku howlan tahay sidii kuraasta deegaanadooda loogu soo dooran lahaa gudaha maamulaan, halkii laga geysan lahaa gobollo kale. Tallaabadan ayaa ah mid ay maamulka SSC ku doonayaan in ay xaqiijiyaan matalaad dhab ah oo salka ku haysa rabitaanka shacabka deegaanka.

Xasan oo go’aan adag ku wargeliyay madaxa AUSSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula yeeshay Wakiilka KMG ah ee howl-galka Midowga Afrika (AUSSOM), Adebayo Kareem ayaa caddeeyay in marnaba la aqbali karin xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida dalka.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaalanka kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee AUSSOM, isagoo muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho howlgalka Midowga Afrika. Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in iskaashi dhab ah oo lala yeesho AUSSOM uu yahay furaha guusha dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Intii uu socday kulanka, labada masuul waxay si qoto dheer uga wada-hadleen xaaladda amniga dalka, gaar ahaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlgalka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo taageerada AUSSOM si amniga dalka loo adkeeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Adebayo Kareem waxay si isku mid ah u muujiyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, isfaham buuxa iyo is-ixtiraam ku saleysan xiriirka labada dhinac.

Dhankiisa, Wakiilka AUSSOM, Adebayo Kareem, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed sida diirran ee loogu soo dhaweeyay dalka. Waxa uu ballan-qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto garab istaagga dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay in ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalka ka eriday wakiilkii hore ee AUSSOM, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax-bannaanida Soomaaliya. Tallaabadaas ayaa u muuqatay mid ay dowladda uga dan lahayd in ay muujiso in wada-shaqeynta caalamiga ah ay ku saleysan tahay is-ixtiraam iyo mas’uuliyad wadaag.

Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ayaa weli ah mid muhiim u ah xasilinta dalka, xilli uu marxalad xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Faah-faahinta toogasho dilal maanta ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo lagu khaarajiyay laba qof oo rayid ah, kuwaas oo lagu toogtay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in labada qof ay toogteen dabley hubeysan, xilli ay ku sugnaayeen xarun ganacsi oo ku dhow xarunta maamulka gobolka. Weerarka ayaa dhacay si lama filaan ah, iyadoo dadka deegaanka uu argagax ku dhacay.

Dableyda falka geystay ayaa la tilmaamayaa inay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, ka hor intii aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka. Lama oga weli cidda rasmiga ah ee ka dambeysa falkaasi dilka ah.

Ciidamada booliiska gobolka Nugaal ayaa durba bilaabay baaritaanno ku aaddan sida uu falku u dhacay iyo sababta ka dambeysay. Wararka hordhaca ah ma sheegin in la hayo dad loo qabtay falkaas, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dhammeystiran.

Falalka noocan oo kale ah ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe, kuwaas oo marar badan soo wajahday dhacdooyin la xiriira amni-darro.

Maamulka gobolka iyo laamaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dilkan, marka laga reebo wararka sheegaya inay socdaan howlgallo lagu raadinayo dambiilayaasha dilka geystay si loogu soo gacan geliyo cadaaladda.

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha dhacdadan, kala soco Caasimada Online.

Maxaa diyaaradaha dagaalka TURKEY iyo ISRAEL ku dhex-maray hawada Suuriya?

Dimishiq (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa habeenimadii Jimcaha la soo dhaafay la sheegay inay fuliyeen faragelin elektaroonik ah iyo hawlgallo xannibaad isgaarsiineed, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan diyaaradaha Israa’iil ee ka hawlgala hawada Suuriya, xilli uu socday weerar cirka ah oo ballaaran.

Tallaabadan naadirka ah ayaa ku soo beegantay iyadoo diyaaradaha Israa’iil ay duqeymo ka fuliyeen goobo dhowr ah, oo ay ku jiraan gobollada Hama iyo Dimishiq, taasoo si weyn dib ugu soo celisay su’aalaha ku saabsan ku xad-gudubka joogtada ah ee madaxbannaanida Suuriya.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya, SANA, ayaa sheegtay in hal qof rayid ah lagu dilay weerarrada Israa’iil ka geysatay duleedka Harasta iyo magaalada al-Tall ee u dhow caasimadda Dimishiq, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo dad shacab ah soo gaaray.

Hay’adda Warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay faragelinta Turkiga, iyagoo ku waramay in “diyaarado Turkiga ah ay dirayeen digniino elektaroonik ah isla markaana ay joojinayeen isgaarsiinta diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil si ay uga baxaan hawada Suuriya.”

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si isa soo taraysa u muujinayay caro ku saabsan howlgallada sii ballaaranaya ee Israa’iil ka waddo gudaha Suuriya, kuwaasoo Ankara ay u aragto inay khatar ku yihiin danaha dalkeeda iyo xasilloonida gobolka.

Laba maalmood uun ka hor, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ugu baaqday Israa’iil inay joojiso weerarrada cirka ah, iyadoo sheegtay in “xilligan xasaasiga ah ee ay Suuriya marayso ay muhiim tahay in beesha caalamka ay gacan ka geysato nabadeynta iyo xasilinta dalkaasi.”

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu daray, “Israa’iil waa in ay joojisaa weerarrada cirka ah ee wiiqaya dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya.”

Sida ay sheegtay Al Jazeera, ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in helikobtar ciidan oo Israa’iili leedahay ay si kooban ugu degtay magaalada Suweyda, inkastoo aan la shaacin ujeeddada safarkaas degdega ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa markii dambe ku dhawaaqay inay beegsadeen saldhigyo gantaalaha difaaca cirka ah iyo nidaamyada gantaallada dhulka-ka-cirka, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo difaaco shacabka Dowladda Israa’iil.”

Weerarkii ugu siyaasadeynta badnaa ayaa dhacay maalintii ka horreysay weerarada kale, meel u dhow qasriga madaxtooyada ee Dimishiq. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa weerarkaas ku tilmaamay “digniin siyaasadeed” oo loo diray dowladda Suuriya, iyagoo ku hanjabay in aysan aqbali doonin wax ciidamo ah oo la keeno koonfurta Dimishiq ama hanjabaado loo geysto qowmiyadda Druze.

Israa’iil ayaa isku dayaysa inay isu muujiso “ilaaliyaha” qowmiyadda Druze ee Suuriya, iyadoo ku andacooneysa in faragelinteedu ay la xiriirto difaacidda beeshaas.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan bulshada Druze ee Suuriya ayaa iska fogeeyay xiriirka Israa’iil, iyadoo Jimcihii duqeyn ka dhacday gobolka Suweyda lagu dilay afar qof oo ka tirsan beeshaas.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa rumeysan in Israa’iil ay isku dayeyso inay sii wiiqdo Suuriya iyadoo hurinaysa khilaafaadka isir-siyaasadeed ee jira. Israa’iil ayaa si cad u muujisay damaceeda ku aaddan kala qeybinta dalka Suuriya iyadoo loo eegayo qowmiyado iyo mad-habo.

Si kastaba, hoggaamiyeyaasha beesha Druze ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaal ay ku caddeynayaan daacadnimadooda Suuriya mideysan, iyagoo si cad u diiday baaqyada ku saabsan gooni-isu-taagga ama kala go’a dalka.

Xilliga dhacdooyinkan ayaa si weyn muhiim u ahaa, maadaama xiisado isir-diyaarsan ay ka dillaaceen xaafado ay ku badan yihiin beesha Druze ee magaalada Dimishiq, kadib markii lasoo faafiyay cod lagu eedeeyay nin ka tirsan beeshaas inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKH).

Inkasta oo codkaasi la tuhunsan yahay inuu yahay been-abuur, haddana wuxuu horseeday dagaallo hubeysan oo dhexmaray maleeshiyaad Sunni ah iyo kuwa Druze ah, gaar ahaan xaafadaha Ashrafieh Sahnaya iyo Jaramana, iyadoo dowladda Suuriya ay ku howlan tahay dejinta xaaladda.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa isu muujiyay inuu yahay xulafada muhiimka ah ee dowladda Suuriya, isagoo shaaciyay inuu xiiseynayo inuu ciidan iyo difaac cirka ah geeyo xarumo istaraatijiyadeed sida saldhigyada T4 iyo Hama, kuwaasoo horey ugu jiray bartilmaameedyada duqeymaha Israa’iil.

Dhinaca Israa’iil, joogitaanka sii kordhaya ee Turkiga ayaa loo arkaa mid halis toos ah ku ah ololaha ay muddo dheer ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda dhuleed iyo siyaasadeed ee gudaha Suuriya, tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad.

Trump oo eryey la-taliyahiisa amniga qaranka kadib shirqool uu si sir ula maleegay dal kale

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday la-taliyihiisii amniga qaranka, Michael Waltz, kadib markii si tartiib tartiib ah uu u korayay khilaaf la xiriiray aragtiyaha siyaasadeed iyo cabsi laga muujiyay qaabkiisa madax-bannaan ee go’aan qaadashada.

Inkasta oo sababta ugu dambeysa ee xil ka qaadistu ay ahayd markii uu bishii Maarso weriye ku daray Group Signal App ah oo xasaasi ah, haddana ilo-wareedyo ku dhow Aqalka Cad ayaa sheegay in mowqifkiisa dagaal-doonnimo – gaar ahaan arrimaha Iran – iyo isku dhacyadiisa joogtada ah ee saraakiisha sare ay gacan weyn ka gaysteen go’aankaasi.

Waltz, oo horey uga tirsanaa cutubka khaaska ah ee ciidamada Mareykanka (Green Berets), ayaa si isa soo taraysa u khilaafayay aragtida Trump ee ku dhisan ka fogaanshaha faragelinta dibadda.

Khilaafku wuxuu sii xoogaystay kadib kulan bishii Febraayo uu Trump la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, halkaas oo Waltz lagu eedeeyay inuu si buuxda ula saftay Netanyahu oo u ololeynayay weerar milatari oo ka dhan ah Iran. Trump ayaa la sheegay inuu si weyn uga carooday markii uu ogaaday in Waltz uu si qarsoodi ah ula shaqeynayay Israa’iil iyadoo aysan jirin qorshe diblomaasiyadeed oo qeexan.

Xiisadda gudaha Aqalka Cad ayaa cirka isku shareertay iyadoo Madaxa Shaqaalaha Susie Wiles iyo saraakiil kale ay bilaabeen iney u arkaan Waltz inuusan la jaanqaadi karin ajandaha madaxweynaha.

Inkastoo Madaxweyne ku xigeen JD Vance uu isku dayay inuu difaaco Waltz – isagoo geeyay safar uu ku tagay Greenland isla markaana la kulansiiyay siyaasiyiin ra’yigiisa la wadaaga – haddana xaaladdiisu ma aysan xasilloonayn.

Dhacdadii Signal oo jebisay xeerarka isgaarsiinta ayaa u muuqatay tii ugu dambeysay ee kalsoonida wiiqday, inkasta oo mas’uuliyiin qaar ay ku doodayaan in barnaamijka Signal loo isticmaalayay wada-hadallo aan sir ahayn.

Xilkaas kadib, Madaxweyne Trump wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio u magacaabay la-taliye ku-meel-gaar ah oo dhanka amniga qaranka ah. In kastoo Rubio uu kasoo jeedo garabka Jamhuuriga ee dhaqanka leh sida Waltz, haddana wuxuu muujiyay diyaar u ahaansho inuu la jaanqaado jihada cusub ee siyaasadeed ee Trump.

Magacaabistiisa ku-meel-gaarka ah ayaa loo arkaa mid muujinaysa in muhiimaddii Golaha Amniga Qaranka (NSC) ay sii yaraanayso, iyadoo Trump uu doorbidayo daacadnimo shaqsiyeed iyo isfahan toos ah halkii uu ka raaci lahaa nidaamka hay’adaha iyo wada-tashi ballaaran.

Trump ayaa si kastaba ha ahaatee u magacaabay Waltz inuu noqdo danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, tallaabo sii haynaysa xil dowladeed laakiin ka fogaynaysa go’aan qaadashada siyaasadda arrimaha dibadda ee Aqalka Cad.

Tani waxay sidoo kale calaamad u tahay isbeddelka baaxadda leh ee uu Trump qorsheynayo inuu ku sameeyo xukuumaddiisa labaad – isagoo beddelaya saraakiil khibrad dheer u leh hay’adaha dowladda kuna beddelaya kuwa daacad u ah aragtidiisa, gaar ahaan marka laga hadlayo siyaasadda dibadda.

Go’aankan ayaa sidoo kale ka tarjumaya shakiga sii kordhaya ee uu Trump ka qabo doorka hay’adeed ee Golaha Amniga Qaranka. Mas’uuliyiin badan ayaa hadda u arka NSC inuu ka leexday doorkiisii ahaa xarunta go’aan qaadashada siyaasadda arrimaha dibadda, islamarkaana uu noqday aalad si toos ah ugu adeega madaxweynaha.

Qaabkii hore ee khubaro madaxbannaan ay hoggaamin jireen siyaasadda dibadda ayaa laga yaabaa inuusan ka shaqeyn doonin maamulka Trump, maadaama go’aamada muhiimka ah lagu ururinayo madaxweynaha laftiisa.

Inkasta oo markii hore loo arkayay in Waltz uu yahay doorasho la yaab leh sababo la xiriira mowqifkiisa dagaal-doonnimo, haddana wuxuu ahaa mid si buuxda u taageersanaa Trump, kana shaqeynayay sidii uu u fulin lahaa awaamiirta madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, aragtidiisa adag ee ka dhanka ah Ruushka iyo Iran marar badan ayay is khilaafeen istiraatiijiyadda xasilloon ee Trump uu doorbidayay. Tusaale ahaan, Trump wuxuu ku tiirsanaa saaxiibkiisa dhow Steve Witkoff si uu u wado wada-xaajoodyo qarsoodi ah oo la xiriira Tehran iyo Moscow.

Ugu dambeyn, ilo ku dhow Trump ayaa sheegay in go’aanka shaqo ka qaadista Waltz uu ahaa mid uu si shaqsi ah u gaaray madaxweynuhu, maadaama uu si isa soo taraysa u noqday la-taliyihiisa ugu sarreeya. Inkasta oo talooyin laga heli karo saraakiil kale, sarkaal sare ayaa sheegay: “Marka ay noqoto go’aanada waaweyn ee shaqaalaha, isagaa go’aamiya.”

Shaqo ka qaadista Waltz, isbeddelka hoggaamineed, iyo suurtagalnimada hoos u dhigidda kaalinta Golaha Amniga Qaranka waxay muujinayaan jihada cusub ee Trump – mid ku dhisan daacadnimo, ururinta go’aamada hal meel, iyo kalsooni buuxda oo uu ku qabo aragtidiisa shaqsiyeed, halkii laga adeegi lahaa habraacyadii maamulka ama aragtiyo kala duwan oo gudihiisa ah.

Dacwadda VOA iyo Trump: Maxaa soo kordhay kadib aamusiin laba bilood ah?

Washington (Caasimada Online) – Warbaahinta ay maalgeliso dowladda Mareykanka, Voice of America (VOA), oo muddo laba bilood ah xaalad hubanti la’aan ah ku jirtay, ayaa wajahaysa jahawareer sharciyeed kadib isbeddelkii ugu dambeeyay ee ka dhacay maxkamadda rafcaanka.

Shaqaalaha VOA ayaa is diyaarinayay inay toddobaadkan shaqooyinka dib ugu laabtaan, kadib markii ay horraantii April guul ku-meel-gaar ah ka gaareen dacwad ay ka gudbiyeen maamulka Trump. Hase yeeshee, qorshahaas hadda wuxuu u muuqdaa mid hakad galay.

VOA iyo warbaahinno kale oo ay hoos tagto US Agency for Global Media (USAGM) ayaa si rasmi ah u xirmay tan iyo markii maamulka Trump uu bishii Maarso soo saaray amar madaxtinimo oo lagu kala dirayay USAGM — hay’addaas oo maamusha maalgelinta warbaahinta u adeegta dimuqraadiyadda iyo ka hortagga borobogaandada caalamiga ah, sida Radio Free Europe/Radio Liberty, Radio Free Asia iyo Middle East Broadcasting Networks.

Markii inta badan shabakadahaas ay dacwo ka gudbiyeen, Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee D.C. Royce Lamberth ayaa April bixiyay amar horudhac ah oo ka dhan ah Aqalka Cad, isaga oo amarkii Trump ku tilmaamay “mid sharci-darro ah” oo laga yaabo inuu dhaafay awoodda madaxweynaha.

Go’aankaasi wuxuu u muuqday guul u soo hoyatay VOA. Agaasimaha hay’adda, Michael Abramowitz, oo ka mid ah dadkii dacwadda waday, ayaa shaqaalaha u diray email Jimcihii fiidkii, isagoo sheegay in USAGM ay dib u furayso akoonnadii shaqaalaha isla markaana lagu diyaarinayo dib ugu laabashada xafiisyada si tartiib tartiib ah.

Laakiin Sabtidii, saddex garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka ee D.C. ayaa bixiyay amar hakad ah oo joojinaya go’aankii April.

Go’aanka, oo ay laba garsoore oggolaadeen halka mid diiday, ayaa sheegay in dowladda ay u badan tahay inay ku guuleysan doonto rafcaanka, isla markaana garsooraha maxkamadda hoose uusan lahayn awood uu kaga hor istaago fulinta amarka madaxweynaha ee la xiriira shaqaalaynta iyo bixinta deeqaha.

Ma cadda in VOA ay si rasmi ah u joojisay qorshihii shaqaalaha lagu soo celin lahaa, iyadoo Sabtidii gelinkii dambe shaqaalaha hay’adda ay sugayeen amar rasmi ah oo dowladda ka yimaada.

“Waxaan ogayn bilowgii horeba in tani ay noqon doonto geeddi-socod dheer,” ayay tiri Patsy Widakuswara, madaxa VOA ee Aqalka Cad iyo mid ka mid ah dadka dacwadda gudbiyay.

“Wariyeyaashu waxay rabaan oo kaliya inay ku laabtaan newsroom-ka, si ay u gaarsiiyaan warar dhab ah, dhexdhexaad ah, una hoggaansan dastuurka, dadweynaha caalamka ee nagu tiirsan.”

Steve Herman, madaxa wararka qaranka ee VOA, ayaa isna yiri: “Saddex tallaabo hore u qaad, hal tallaabo gadaal u laabo. Waan ogayn in dagaalkani uu noqon doono mid dheer.”

Go’aanka hakinta waxaa ansixiyay laba garsoore oo uu magacaabay Trump: Neomi Rao iyo Gregory Katsas. Garsoore Cornelia Pillard, oo uu magacaabay Madaxweyne Obama, ayaa ka biyo diiday go’aanka, iyadoo sheegtay in VOA iyo warbaahinta kale ee ka hortimid amarka Trump ay wajahayaan “khasaaro culus oo aan la soo celin karin haddii aan la helin xeer ilaalin sharci ah.”

Waxay intaas sii raacisay: “Ujeeddada hakadku waa in lagu hayo xaaladdu sida ay tahay inta dacwadda si buuxda loo dhageysanayo.

Balse hakadkani wuxuu ka hor imaanayaa arrintaas, wuxuuna VOA si buuxda uga aamusinayaa mustaqbalka dhow, wuxuuna meesha ka saarayaa awoodda Radio Free Asia iyo Middle East Broadcasting Networks ee ah inay si buuxda dacwaddooda u gaarsiiyaan heer dhammaad.”

Radio Free Asia ayaa horey u shaacisay in ay shaqo ka joojin ballaaran sameysay isla markaana ay xirto adeegyo badan oo ay ku lahayd qaaradda Aasiya, kadib markii ay waayeen maalgelintii dowladda.

USAGM kama aysan jawaabin codsi warbaahineed oo la xiriira arrintan, hase yeeshee Kari Lake, la-taliye sare oo hay’adda ka tirsan, ayaa barta X (Twitter) ku qoray in go’aanka maxkamadda rafcaanku uu yahay “guul weyn oo u soo hoyatay Madaxweyne Trump iyo Qodobka II ee Dastuurka Mareykanka,” oo qeexaya awoodaha madaxweynaha.

Waxay intaas ku dartay: “Waxaa cadaatay in garsooraha maxkamadda hoose uusan si toos ah u maamuli doonin hay’adda, sida uu u muuqday inuu doonayay.”

Wasaarad ka tirsan Puntland oo wajahaysa dhaqaale xumo aad u baahsan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo lagu falanqeeyay xaaladda waxbarashada Puntland, gaar ahaan caqabadaha dhaqaale ee haysta nidaamka waxbarasho.

Shirkan ayaa si qoto dheer diiradda u saaray baahida loo qabo in wax laga beddelo hannaanka maalgelinta, si wax looga qabto dib-u-dhaca muuqda ee haysta waxbarashada, taasoo sabab u ah dhaqaale la’aanta baahsan ee la wajahayo.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo bah-wadaagta kala shaqeeya horumarinta waxbarashada ayaa ku heshiiyay in la hirgeliyo Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada, kaasoo lagu doonayo in lagu taageero horumarinta adeegyada waxbarasho ee hadda wajahaya caqabado dhaqaale.

Inkasta oo uu jiro heshiiskaas, haddana mas’uuliyiinta shirka kama aysan caddeyn cidda bixin doonta dhaqaalaha lagu shubi doono sanduuqa cusub, iyo sida loo xaqiijin doono in maalgelintaasi gaarto meelaha ugu habboon. Tani waxay keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo suurtagalnimada hirgelinta sanduuqa iyo waxtarkiisa mustaqbalka dhow.

Warbixinta kasoo baxday shirka ayaa sidoo kale muujisay baahida loo qabo in si gaar ah loo horumariyo dugsiyada sare ee farsamada gacanta, kuwaasoo muhiim u ah dhismaha xirfadlayaal iyo in dhalinyarada lagu haggo suuqyada shaqada. Waxay ahayd arrin si weyn uga doodeen dhammaan ka-qaybgalayaashu.

Dhinaca kale, shirku wuxuu xusay muhiimadda waxbarashada dadka waaweyn iyo xarumaha xirfadaha sida koronto, dhisme, iyo farsamooyin kale, iyadoo la isla gartay in kor loo qaado waxbarashada xirfadeed maadaama ay tahay dariiqa ugu dhow ee looga hortagi karo tahriibka iyo rajo-beelka dhalinyarada.

Gaba-gabadii, shirkan ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo dib-u-habeyn dhaqaale iyo mid nidaam ah, si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada Puntland oo haatan wajahaya dib-u-dhac ballaaran.