27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Shabaab soo qaaday weerar 3 jiho ah oo lagu laayey Hiiraan – Muxuu ahaa qorshahooda?

Moqokori (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qorsheysay inay cagta-mariyaan macawiisleyda reer Hiiraan, balse waxay kala kulmeen jabkii ugu culsaa ee waayahaan soo gaara, waxaana seddax goobood lagu soo bandhigay meydadka Al-Shabaab oo tirabeel ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta jilibka u dhigay weerarro ay Al-Shabaab ka soo qaadeen seddax jiho oo gobolka Hiiraan ah, waxaana guuleystay Ciidamada Xoogga iyo xaq u dirirka deegaanka.

Waxaa lasoo bandhigay meydadka ku dhowaad 30 Shabaab ah oo ajaanib ay ku jiraan, sidoo kale waxaa muuqaalada laga soo duubay lagu dhex arkayaa horjoogayaal madaxda laga gooyey.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo looga hortegay weerar ay Shabaab ka soo abaabuleen degmada Aadan-yabaal oo gacantooda ku jirta.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in Khawaarijta ay ka dileen ku dhowaad 30 Shabaab ah oo meydadkooda ay dul istaageen, iyagoo kasoo furtay hub iyo saanadihii kale ee ciidanka ee ay ku soo weerar tageen.

Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale oo SNTV la hadlay ayaa yiri.  “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”

Meydad kale iyo dhaawacyo tiro beel ah ayaa la sheegay in Shabaab ay horay u qaateen, kadib markii dhamac aysan filaneyn ay kala kulmeen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanayey.

Taliyaha Guutada 21-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gashaanle Maxamed Cali Hilowle ayaa yiri, “Khawaarij tababar maleh, waxaana ka dhignay kuwa aan dilno iyo kuwa aan nolasha ku qabanay cadowgii maanta nagu soo duulay”.

Sawirro: Caananuug oo laga raali geliyey ‘aflagaadadii’ guddoomiye Aadan Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan raali-gelin ah ayaa galabta Muqdisho loogu sameeyey Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka lagu aflagaadeeyey.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiibo dhow la ah mucaaradkana ay iskala tirsan yihiin Xildhibaan Caananuug ayaa ka xaalmariyey aflagaadadii uu u geystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankii ugu dambeeyey ee Arbacadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo buuq iyo gacan qaad ku soo dhamaaday ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe ku dhex caayey xildhibaanada qaar.

Inkastoo dhowr xildhibaan oo mucaarad ah, buuqa iyo xasilooni daradana bilaabay uu mid mid u caayey Aadan Madoobe, hadana Xildhibaan Caananuug ayaa ugu daraa, wuxuuna yiri “Naga fariiso waxaa tahay Jiis daalane.”

XIldhibaan Caananuug waxaa qarax ay gaarigiisa ugu xireen lug uga jaray Khawaarijta, wuxuuna ku suntan yahay halgan iyo dhabar adeyg dalkaan looga xoreeyey Khawaarijta oo muddo dheer soo socday.

Wuxuu kamid yahay saaxiibada madaxweynihii hore Sheekh Shariif, wuxuuna xili ku jira ragg ay Shabaab ugu neceb yihiin, ilaa heer ay gaareen inay gaarigiisa qarax ugu xiraan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa aad loogu dhaliilay hadalkiisii ka dhanka ahaa xildhibaankaan dhibanaha u noqday beegsiga Al-Shabaab ee dalka ka socda, taasi oo mudan in mar kasta looga garaabo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa galabta Xildhibaan Caananuug dusha ka saaray Go’ shaal ah, kaas oo ka turjumaya in habdhaqanka raali gelinta Soomaalida.

Dhamaan Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa isugu yimid kulanka raali-gelinta xildhibaan Caananuug, waxayna soo qaateen ulaha Baakoorta ah ee dadka lugaha la’ ay cuskadaan.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan muhiim ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Hararta.

Deegaankan ayaa ku yaalla xuduudda u dhaxeysa degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waana meel istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay ka dhaceen iska hor-imaadyo.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo fiidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku beegsanayaan goobaha ay Shabaabku isku aruursadaan. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, waxaa laga adkaaday kooxdii halkaasi ku sugneyd.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkaasi, halka in ka badan 10 qori ay ciidamada deegaanka gacanta ku dhigeen.

Ciidamada deegaanka ayaa si buuxda u fashiliyey dhagartii ay maleegayeen Shabaabka, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyo ciidamada dowladda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu adkeynayo amniga gobolka.

Aagga uu howlgalka ka dhacay waxaa hadda si buuxda ugu sugan ciidamada deegaanka, kuwaas oo bilaabay baacsiga xubnaha firxadka ah ee ka tirsanaa kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan joojin doonin hawl-gallada inta laga saarayo guud ahaan gobolka.

Howl-galkan guuleystay ayaa sare u qaadaya kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda ciidamada deegaanka, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa si weyn u taageeraya ciidamada, iyadoo loo arko tiir muhiim u ah dagaalka socda.

Madaxweyne Guudlaawe oo eryay wasiiro dhowr ah xilli ay xaalad adag taagan tahay

0

Johwar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa muddo kooban gudaheed xilka ka qaaday xubno dhowr ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada maamulkaasi.

Wareegtooyin ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday lix mas’uul oo kala ah: Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-Dowlaha Dastuurka, Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha, iyo Wasiiru-Dowlaha Tamarta iyo Biyaha.

Isla markiiba waxaa la magacaabay shaqsiyaad cusub oo lagu beddelay xilalkaasi, kuwaasoo la filayo inay si deg-deg ah ula wareegaan shaqada.

Madaxtooyadu waxay ku sheegtay in isbeddelkan lagu doonayo dardargelinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista isla xisaabtanka hay’adaha maamulka.

Si kastaba, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay xil-ka-qaadista wasiirrada, balse ilo wareedyo hoose ayaa tilmaamaya in shir dhowaan uu guddoomiyay Madaxweyne Guudlaawe lagu adkeeyay in golaha wasiirradu muujiyaan waxqabad dhab ah.

Xogtan ayaa imaanaysa xilli ay jireen dhaleeceyn xoogan oo bulshada qaar ay ku muujinayeen baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya in maamulka uu ka gaabiyay horumarinta adeegyada dadweynaha, halkii xoogga la saari lahaa horumar muuqda, taas beddelkeed lagu mashquulay magacaabis iyo xil-wareejin joogto ah.

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu maamulka Hirshabeelle wajahayo xaalad dagaal oo adag, isla markaana kooxa Al-Shabaab ay dhawaan qabsatay deegaanno hoos yimaada maamulka oo hore looga xoreeyay.

KOOFI oo ka digay halis soo food leh kadib hab-dhaqanka gurracan ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isla markaana haatan ah musharrax madaxweyne ee Galmudug, ayaa digniin culus kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Koofi oo soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?” ayaa wuxuu ku muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda taagan, isagoo ka digay halista ka dhalan karta tallaabooyinkii u dambeeyay ee qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

“Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada,” ayuu yiri Koofi.

Wuxuu si cad u cambaareeyey ficillada ay dowladdu ku caburinayo xorriyadda hadalka iyo wada-tashiga, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay door muuqda ka qaataan dib u furidda gogosha wada-hadalka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?

Sedax madal oo dalka muhiim u aheyd ayey u muuqataa in laba Albaabada loo xirey, midna albaabka laga xirtey. Waa Baarlamaanka, Golihii wada tashiga iyo warbaahinta.

Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada.

Sharciga oo aan la ilaalineyn, Xildhibaanada lagu jirdilayo gudaha xaafiisyadooda, ciidamada ka buuxsamaya fadhiga golaha B, iyo jirdilka wariyeyaasha waxay astaan u yihiin aragtida kalitalisnimada, mana ahan mid ka soconeysa Soomaaliya ee waqti ayey inaga qqadeysaa.

Waxaan canbaareynayaa talaabooyinkaas gurracan ee halista noo jiidayaa waxaana ka digayaa natiijada aan la mahdin doonin ee ka dhalan karta.

Waxaan weli rajo ka qabaa in cagligu soo noqdo oo lagu soo laabto dariiqa wadahadalka iyo is qancinta, madacxda dowladda dhexe ayeyna saarantahey masuuliyadda ugu weyn ee fududeynta, ballaaringa iyo dhiiragelinta goglaha wadahadalada.

“Haddaan is qancin wayno waa naloo qorayaa”

Xildhibaano Mareykan ah oo u hanjabay Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa warqad rasmi ah u diray Safiirka Soomaaliya ee Washington, Daahir Xasan Cabdi, iyagoo uga dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aanka ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.

Labada xildhibaan, Tom Tiffany iyo Andy Ogles, ayaa muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan tallaabada ay Soomaaliya ku joojisay isticmaalka baasaboorka Taiwan, iyagoo sheegay in arrintani u muuqato mid ka dhalatay cadaadis uga yimid Dowladda Shiinaha.

Waxay si cad uga digeen in go’aankaasi uu horseedi karo cawaaqib xun oo saameeya dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, gaar ahaan kuwa haysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah ee TPS.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay suurtagal tahay in dadkaasi dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo laga laabanayo ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay.

Sidoo kale, waxay xuseen in Mareykanku uu qaadi karo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin joojinta fiisayaasha Soomaaliya, mamnuucidda baasaboorrada Soomaaliya in lagu galo Mareykanka, iyo hakinta gargaarka mustaqbalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Si jawaab ah, Taiwan ayaa xannibaad saartay muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo laga mamnuucay inay u safraan Taiwan wixii ka dambeeya xayiraaddaas.

Dowladda Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweysay mamnuucidda baasaboorka Taiwan ee ay qaaday Soomaaliya, taasoo sida muuqata si weyn uga careysiisay Mareykanka oo haatan is-hayaan Shiinaha, si weyn u garab taagan Taiwan.

James Swan oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan nooca doorasho ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bilaabay socdaallo rasmi ah oo uu ku marayo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo xal u raadinaya is-mari waaga ka taagan doorashada dalka.

Ujeeddada safaradan ayaa ah inuu madaxda maamul goboleedyada uga dhaadhiciyo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Swan ayaa safarkiisa ka bilaabay Galmudug, halkaas oo uu Talaadadii kulan kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye. Arbacadiina wuxuu gaaray Koonfur Galbeed, isagoo la kulmay Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Intii uu socday wadahadalka, danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la gaaro doorasho heshiis lagu yahay, iyo in la helo wada-hadal qaran oo mideeya dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu si gaar ah u muujiyay muhiimadda midnimo iyo wadahadal loo dhan yahay oo dhex mara hoggaamiyeyaasha dalka.

Danjire Swan ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan sii wado safarkiisa isagoo tegi doona Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa la filayaa inuu booqdo magaalada Garowe maalmaha Sabtida ama Axadda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si uu uga wada hadlo ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergaygu wuxuu sidoo kale caddeeyay in beesha caalamka ay taageersan tahay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan qabashada madal qaran oo mideysa aragtida Soomaaliyeed, lagana hortago khataraha ay kooxaha xagjirka ahi ku hayaan dalka.

Somalia explains Taiwan Passport ban: It crossed red line

MOGADISHU, Somalia – Somalia and Taiwan have imposed reciprocal travel bans on each other’s citizens, Somali officials said Wednesday, in a sharp escalation of a diplomatic dispute linked to Taiwan’s expanding engagement with Somaliland—a self-declared republic in northern Somalia.

The Somali government announced the measure days before Taiwan’s foreign minister was scheduled to visit Somaliland, intensifying a standoff over sovereignty and international recognition in the Horn of Africa.

Ahmed Moalim Fiqi, Somalia’s former foreign minister who was in office when the decision was made, told the Associated Press that Taiwan’s decision to open “unauthorized offices” on Somali territory prompted the move, calling it a “blatant violation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.”

“These offices were established without the federal government’s consent and contradict Somalia’s long-standing policy of protecting its unity and independence, Fiqi said. “This unacceptable action undermines diplomatic norms and state legitimacy.”

Taiwan-Somaliland relations

The travel bans mark a setback for Taiwan’s strategy to expand its African diplomatic presence. Since 2020, Taiwan has cultivated ties with Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognized by any UN member state.

Despite the lack of formal recognition, Taiwan and Somaliland have exchanged representative offices and signed cooperation agreements in health, education, and infrastructure areas. These moves have angered Mogadishu, which views them as an affront to Somali sovereignty.

Somaliland’s foreign minister, Abdirahman Dahir Adan, condemned the Somali government’s decision, calling it “regrettable and “dangerous. Speaking to The New York Times by phone, Addan added, “Airspace and travel controls should not be used as political weapons.”

A senior Somaliland official, who requested anonymity due to the sensitivity of the issue, confirmed that the travel ban was imposed just five days ahead of Taiwanese Foreign Minister Lin Chia-lung’s anticipated visit to Hargeisa, Somaliland’s capital.

The now-postponed trip to Somaliland was part of Minister Lin’s broader tour of Africa, which last week included a visit to Eswatini—the only African nation that officially recognizes Taiwan.

The Somali government reportedly viewed the planned visit to Somaliland as a provocative act that could strengthen the region’s push for international recognition. Sources familiar with the matter told Caasimada Online that Somalia considered the timing of the visit “strategic and politically sensitive.”

Beijing, which claims Taiwan as part of its territory and opposes any form of official engagement with it, has consistently pressured governments around the world to isolate the island diplomatically. Somalia maintains a “One China policy and does not recognize Taiwan as an independent state.

Wider regional implications

This is not Somalia’s first time using travel restrictions to assert its territorial claims. In 2024, the federal government denied entry to an Ethiopian delegation amid growing tensions over a controversial port agreement between Ethiopia and Somaliland.

That deal, signed in January 2024, granted Ethiopia access to the Red Sea via Somaliland’s Berbera Port. Mogadishu condemned the agreement as a breach of Somalia’s sovereignty, further straining relations with Addis Ababa.

While Somaliland operates with its own institutions and government, Somalia continues to assert its authority over the region and rejects any international recognition of its independence.

SOMALILAND oo si yaab leh uga jawaabtay xayiraada DF ee baasaboorka Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay go’aanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan, iyada oo arrintaasi ku sheegtay mid aan sharciyad ku fadhiyin isla markaana farogelin ku ah arrimaha gudaha Somaliland.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si cad uga soo horjeedo xayiraaddaas, taas oo dhacday 22-kii Abriil 2025. Sidoo kale, waxa lagu adkeeyay in Soomaaliya aysan wax awood ah ku lahayn maamulka hawada Somaliland, maadaama ay Somaliland si madax-bannaan u maamusho hawadeeda.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka iyo nabad ku wada noolaanshaha, iyadoo lagu tilmaamay isku day siyaasadeed oo lagu faragelinayo madax-bannaanida Somaliland.

“Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan waxa uu ku dhisan yahay is-ixtiraam iyo mabaadi’da xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu caddeeyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Isku day kasta oo lagu diiddan yahay dookha siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhanka siyaasadda arrimaha dibadda, lama aqbali karo.”

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Taiwan ayaa sidoo kale tallaabo la mid ah qaaday, iyadoo mamnuucday dadka wata baasaboorka Soomaaliya inay soo galaan dhulkeeda.

Shiinaha ayaa si weyn u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo u arkay inuu muujinayo in Soomaaliya ay garab taagan tahay siyaasadda midnimada Shiinaha.

Xiriirka sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sii xoojinaya cadaadiska ay labada dhinac saarayaan cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan, taas oo ay u arkaan mid khatar ku ah midnimadooda siyaasadeed iyo madax-bannaanidooda.

Isbahaysiga Barsan oo Deni ku cadaadinaya tallaabo culus oo la xiriirta SSC-Khaatumo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dalladda siyaasadeed ee Barsan, oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobollada Bari iyo Sanaag, ayaa cadaadis siyaasadeed hor leh soo saaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Barsan ayaa madaxweyne Deni ka dalbanaya inuu si cad uga hadlo sida beelaha Puntland loogu qeybin doono 17-ka xildhibaan ee hadda magaca SSC-Khaatumo ku jooga Baarlamaanka Puntland.

Madaxda dhaqanka ee ka tirsan Barsan waxay xusuusinayaan Deni in sanadkii 2023 ay si buuxda u taageereen mowqifkii ay madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo ku diideen in xildhibaanno ay magaca SSC ku matalaan uga mid noqdaan baarlamaanka cusub, taasoo keentay in la buriyo qorshihii Saciid Deni uu ku doonayay doorasho qof iyo cod ah oo uu ku wajahay Puntland, taasoo aan taageero buuxda ka helin beelaha iyo saamileyda siyaasadeed.

Deni ayaa xilligaas u hoggaansamay baaqii madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha aragtida kala duwan ee ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland iyo hanaankii ay u dhaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan marka laga reebo Garoowe iyo degmooyin kale oo gobolka Nugaal ka tirsan.

Haddase, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuna metela gobolka Bari ayaa sheegay inaysan jirin sabab sharci ah ama siyaasadeed oo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo ay ugu sii jiri karaan Baarlamaanka Puntland, maadaama maamulka SSC uu helay aqoonsi rasmi ah oo federaal ah.

Xildhibaankan oo codsaday in magaciisa la carabaabin ayaa sidoo kale xusay in aanay suurtagal ahayn in wasiirro ka soo jeeda SSC ay sii hayaan xilal ka mid ah golaha wasiirrada Puntland.

Dalladda Barsan waxay arrintan u aragtaa fursad siyaasadeed oo lagu dhammayn karo nidaamka seddex beelood ee ku kooban qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, taasoo muddo dheer salka u ahayd cabashooyinka beelaha kale ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa inuu qaado tallaabooyin muuqda oo dhanka metelaadda siyaasadeed ah si loo helo nidaam loo dhan yahay.

Beelaha aan horey u haysan matalaad siyaasadeed gudaha Puntland ayaa la filayaa inay heli doonaan kuraas iyo xilal marka la gaaro isbeddel rasmi ah oo lagu tirtiro xubinnimada 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo, taasoo suuragal ka dhigeysa dib-u-dhiska awood qeybsiga siyaasadeed ee Puntland.

Isbeddelka la filayo wuxuu noqon karaa mid saameyn weyn ku yeesha mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan marka la eego sida beelaha iyo awoodaha kala duwan ee maamulka ay ugu kala aragti duwan yihiin arrinta SSC-Khaatumo, dastuurka Puntland, iyo jihada doorashooyinka mustaqbalka.

Imaaraadka oo sheegay inuu qabtay hub loo waday…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay garoon diyaaradeed ku qabteen malaayiin rasaas oo si sharci-darro ah loogu waday ciidamada Suudaan, balse militariga Suudaan ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid gebi ahaanba been abuur ah.

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka inuu hub siiyo Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox sida militariga u tababaran oo ay colaadda sokeeye ee labo sano jirsatay ku loollamayaan. Eedeymahan, oo horey ay u xaqiijiyeen khubarada Qaramada Midoobay, ayaa mar kale la baarayaa.

Imaaraadka Carabta ayaa si cad u beeniyay dhammaan eedeymahaas.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka (WAM) ayaa sheegtay in “ku dhowaad shan milyan oo xabbadood oo ah nooca 7.54 x 62 mm ee Goryunov” laga helay diyaarad gaar loo leeyahay oo ku sugnayd garoon diyaaradeed, iyadoo la xiray dhowr qof oo lala xiriirinayo arrintaas.

WAM waxay intaas ku dartay in shirqoolka keenista hubka ay ku lug lahaayeen dad ay ka mid yihiin taliyihii hore ee sirdoonka Suudaan, Salah Gosh, oo Mareykanka uu cunaqabatayn kusoo rogay sanadkii 2023, sababo la xiriira carqaladeynta geeddi-socodkii dimuqraadiyadda Suudaan.

“Eedeysanayaasha waxaa la qabtay xilli baaritaan lagu samaynayay xabbado saarnaa diyaarad gaar ah oo ku jirtay mid ka mid ah garoomada dalka,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday WAM, iyadoo aan la shaacin magaca garoonka, jidkii ay diyaaraddu soo martay, ama magacyada dadka la xiray.

WAM ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiska guud ee la tuhunsan yahay oo lagu qiyaasay malaayiin doollar, uu ka koobnaa “qoryaha Kalashnikov, xabbado, qoryo waaweyn iyo bam gacmeedyo,” waxaana lagu qariyay magaca heshiis sonkor lagu soo dhoofinayo oo la sheegay inuu ku dhacay is-afgarad lala yeeshay Kornayl Othman al-Zubeir oo ka tirsan ciidamada Suudaan.

Reuters ma aysan awoodin inay la xiriirto Salah Gosh iyo Othman al-Zubeir si ay uga jawaabaan eedeymaha loo jeediyay.

Ciidamada Suudaan ayaa warbixintaas si cad u diiday, iyagoo sheegay inay marar hore gacanta ku dhigeen hub ay sheegeen inuu kasoo galay Imaaraadka.

“Markii dowladda Suudaan ay muujisay kaalinta ay Imaaraadku ku leeyihiin dambiyada ay RSF u geystaan shacabka, iyadoo si toos ah u taageeraysa maleeshiyaadkan, haddana Imaaraadka wuxuu isku dayayaa inuu indhaha shacabka ka jeediyo xaqiiqda isagoo sameynaya eedeymo been abuur ah,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka, Sarreeye Guuto Nabil Cabdalla oo la hadlay Reuters.

Suudaan ayaa sidoo kale dacwad u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), iyadoo ku eedaysay Imaaraadka inuu gacan ka siiyay RSF inay xasuuq ka geystaan Galbeedka Darfur — eedeymo Imaaraadka uu si adag u beeniyay. Maxkamaddu waxay la filayaa inay Isniinta soo socota go’aan horudhac ah ka gaarto dacwaddaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada Suudaan weli isticmaalayaan bankiyada Imaaraadka si ay u maamulaan dhaqaalahooda, inkastoo xiriirka labada dal uu meel xasaasi ah marayo. Lama hayo warar hore oo muujinaya in hub Imaaraadka laga soo dhoofiyay.

Dagaalka Suudaan oo ka dhashay loollan awoodeed oo u dhexeeya ciidamada iyo RSF, ayaa sababay burbur baahsan, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, in ka badan 13 milyan oo kalena ay barakaceen.

Inkasta oo ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen inta badan caasimadda Khartuum iyo bartamaha dalka, haddana dagaallo culus ayaa weli ka socda Waqooyiga Darfur. Bishii April, weerar ay RSF ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Zamzam — oo duruufo adag iyo macaluul haysato — ayaa sababay barakaca boqollaal kun oo qof.

Dad u dhashay KOONFUR KUURIYA oo ku afduuban Soomaaliya oo soo hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sagaal bilood kadib afduubkii labo muwaadin oo u dhashay Koonfur Kuuriya, muuqaal cusub ayaa Axaddii, April 28, lagu baahiyay internet-ka, kaasoo muujinaya labada qof oo wali nool balse ku sugan xaalad cabsi leh gudaha Soomaaliya.

Muuqaalkan oo soconaya saddex daqiiqo ayaa lagu arkayaa samafale David Ian Lee iyo sodohdiis Hiwi Sokk Cheon, kuwaasoo la afduubtay 12-kii Agoosto 2024 iyadoo rag hubeysan ay ka kaxeysteen gurigooda ku yaalla tuulada Odda ee u dhow xuduudda Kenya iyo Itoobiya.

Lee, oo si cad u muujinaya walaac iyo daal nafsi ah, ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Kuuriya in ay si degdeg ah u farageliso si loo badbaadiyo isaga iyo Cheon.

“Maalmuhu aad bay u dheeraadeen, waxaana wajahnaa cabsi joogto ah iyo hubanti la’aan. Waxaan ku jirnaa xaalad halis ah oo aan difaac lahayn. Waxaan nahay dad aan waxba galabsan oo lagu dhex riday dagaal aanu waxba ka ogeyn,” ayuu yiri Lee, iyadoo Cheon ay fadhido dhinaciisa, wajigeedana laga dareemayo baqdin aad u weyn.

Lee ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Fadlan ha naga tegin. Ha sugin in xaaladdu kasii darto. Waxaan idinka codsaneynaa inaad si dhaqso leh u dhaqaaqdaan oo aad noo soo celisaan si nabad ah. Si aad ah ayaan uga walaacsanahay amnigeenna iyo badqabkeenna.”

Mas’uuliyiinta ammaanka Kenya ayaa aaminsan in muuqaalka, oo la tuhunsan yahay in ay baahiyeen kooxda Al-Shabaab, uu ujeedkiisu yahay cadaadis saaridda dowladda Koonfur Kuuriya si ay ula furto wadahadal.

Afduubkan ayaa horseeday baaritaan weyn oo iskaashi ah sanadkii hore, taasoo keentay in la xiro siddeed eedeysane, oo ay ku jiraan lix Itoobiyaan ah. Eedeysanayaashan ayaa wali xiran, iyadoo baaritaannada weli socdaan.

Safaaradda Koonfur Kuuriya ee magaalada Nairobi weli ma aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan fiidiyowga la baahiyay.

Dhinaca kale, saraakiisha Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay roondooyinka ammaanka ee ka socda xadka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira dhaq-dhaqaaqa kooxaha hubeysan ee ka tallaabaya xuduudda.

 

Fiqi oo shaaciyey sababta ka dambeysay go’aankii DF ee ka dhanka ahaa Taiwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Taiwan ayaa is dhaafsaday xayiraado socdaal oo ay saareen muwaadiniinta labada dhinac, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed Arbacadii. Talaabadan ayaa ka dhalatay khilaaf diblomaasiyadeed oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aqoonsiga Taiwan ay siisay Somaliland, oo ah gobolka ka tirsan Soomaaliya oo isku dayaya inuu ka go’o dalka intiisa kale.

Axmed Macallin Fiqi, oo markii uu go’aanka soo baxay ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabadan kadib markii Taiwan ay “furatay xafiisyo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka,” taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ku xadgudub madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Fiqi wuxuu intaas ku daray in xafiisyadaas aysan ahayn kuwo la ansixiyay oo ay ka hor imaanayaan siyaasadda Soomaaliya ee ku saleysan ilaalinta midnimada dhulka iyo madax-bannaanida qaranka. “Waa tallaabo aan la aqbali karin, waxayna dhaawaceysaa xiriirrada caalamiga ah iyo xurmada dowladnimo,” ayuu yiri.

Xayiraadda socdaalka ayaa dhabar jab ku ah xiriirka Taiwan la damacsaneyd inay la yeelato waddamada Bariga Afrika, iyadoo marar badan ay isku dayday inay xoojiso xiriirka gobolka, gaar ahaan Somaliland oo horey u sheegtay inay tahay dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”

“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.

Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah.

Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.

Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Maxaa iska beddelay xiriirka Somaliland iyo Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa isdhaafsaday 26 maxbuus, iyaga oo aan cid saddexaad ku lug lahayn, arrintaasoo muujinaysa isbeddel ku yimid xiriirka labada dhinac, kuwaas oo horey ay u dhexmareen khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay isdhaafsigaas, isagoo sheegay in “berri ay ka muhiimsan tahay shalay,” taasoo muujinaysa baahida loo qabo in laga gudbo khilaafyadii hore loona jeesto mustaqbal iskaashi.

Wasiir Juxa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in labada maamul iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo ka faa’iidaysiga fursadaha horumarineed ee gobolka ka jira.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in isku soo dhowaanshahan uu la xiriiro dareen wadaag ah oo ka dhashay aqoonsigii dowladda federaalka ah siisay maamulka SSC-Khaatumo, taasoo dhalisay caro labadaba ka soo yeertay Puntland iyo Somaliland.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka isdhaafsiga maxaabiista mid ka tarjumaya isbahaysi siyaasadeed oo cusub, kaasoo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka soo socda iyo saami qeybsiga awoodda siyaasadeed ee heer federaal.

Aqoonsiga SSC-Khaatumo ayaa sababay hoos u dhac ku yimid saamiga siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan tirada xildhibaannada beelaha waqooyi, taasoo keeni karta in Puntland raadiso isbahaysi cusub oo ay la sameyso xildhibaannada laga soo doorto gobollada waqooyi ee doorashadooda lagu qabto Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la rumeysan yahay inuu weli xiiseynayo inuu ka qeyb galo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, isagoo horey ugu jiray musharraxiintii ugu sarreysay ee wareegga labaad gaadhay doorashadii 2022.

Wasiir Fiqi: Waxaan joojin doonaa dhaqanka ah in xildhibaano ama wasiiro ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaciyay in uu dib eegis dhameystiran ku sameyn doono habka dalacsiinta ciidamada qalabka sida, si meesha looga saaro eexda iyo saameynta qabiilka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la doonayo nidaam cadaalad ku dhisan oo lagu hago sare u qaadista darajooyinka ciidamada, taas oo uu sheegay in ay ka shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Macalim Fiqi, oo maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ayaa caddeeyay in dalacsiinta dambe ee ciidamada aysan noqon doonin kuwo lagu saleeyo waji aqoon ama qaraabo kiil, balse ay noqon doonaan kuwa lagu saleynayo mudnaan shaqo iyo aqoon ciidanimo. Tani, ayuu sheegay, ay qeyb ka tahay dadaallada lagu hagaajinayo tayada iyo sumcadda ciidamada qaranka.

“Waxaan joojin doonaa dhaqanka ah in Xildhibaano ama Wasiiro ay u tagaan Madaxweynaha si ay ugu codsadaan in askari qabiil ahaan ay u yaqaanaan loo dalacsiiyo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in ciddii isku dayda inay carqaladeyso shaqada Wasaaradda lala xisaabtami doono, iyadoo loo marayo hannaan sharci ah oo cad.

Wasiirka cusub ayaa sidoo kale ka hadlay baahiyaha aas-aasiga ah ee ciidamada, isagoo xusay in cunto tayo leh, shidaal joogto ah iyo adeegyada loojistikada ay yihiin waxyaabaha uu mudnaanta siin doono. Wuxuu sheegay in ciidamada ay heli doonaan agabkooda meel kasta oo ay joogaan, si ay shaqadooda u gutaan iyagoo hufan.

Fiqi oo horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kan Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay inuu khibraddiisa kaga faa’iideyn doono sidii uu isbedel muuqda ugu sameyn lahaa Wasaaradda Gaashaandhigga. Wuxuu ballan-qaaday inuu xoojin doono xiriirka u dhexeeya hoggaanka ciidanka iyo wasaaradda.

Wasiirka ayaa muujiyay in la jooggo waqtigii la hagaajin lahaa kalsoonida shacabka ee ku aaddan ciidamada qaranka, isagoo carabka ku dhuftay in ciidamada la horumarin doono si ay u noqdaan kuwo matala qaran mid ah, kana madax bannaan saameyn kasta oo qabiil ku saleysan.

Xog: Odowaa oo tallaabo culus ka qaaday ciidan iyo saraakiil ka soo cararay dagaalkii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray go’aan hadda kadib badbaado u noqon kara ciidanka xoogga, waxaana lasoo xiray ciidan ka cararay dagaalka Al-Shabaab.

Cutubyo ka tirsan guutada 18-aad ee Gorgor ee ciidanka xoogga dalka ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la reysteeyey qaar kamid ah saraakiishii guutadaas.

Ciidanka Muqdisho looga yeeray ee lagu xiray Gaashaandhigga ayaa ka soo cararay dagaalkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu laayey ciidamadii deegaanka oo aad u dagaalamay.

Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo hoggaamiya guutadaas ayaa marar badan lagu eedeeyey maamul xumo iyo bitiyari dagaal, guutada 18-aad ee Gorgor, mar waxay ahayeen ciidanka ugu awooda badan xoogga dalka, balse hadda waxaa heysa maamul xumo daran oo sababtay in lasoo xiro.

Xasan Ciraaqi ayaa la sheegay in maalintaas uusan joogin goobta dagaalka, balse saraakiishii ka hooseysay ayaa ku guul dareysatay in ciidanka ay dagaal geliyaan, waxaana dhamaantood looga yeeray Muqdisho, kadibna waa la reysteeyey.

Tallabada uu qaaday Taliyaha Xoogga ayaa loo arkaa mid badbaado u noqon karta ciidanka oo maalmihii dambe dagaalami diiday, taasi oo fududeysay in Shabaab ay laayaan ciidanka, markii ay ka cararaan difaacooda.

Qorshaha cusub ee Jeneraal Odawaa ayaa dalka ka badbaadi kara inay Shabaab qabsadaan, maadaama ciidamada oo aan dagaalameyn ay sababtay in kooxdu qabsato dhul aad u balaaran oo mar hore laga xoreeyey.

Qaar kamid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga dagaamay Wargaadhi, waxaana la xiray dhamaan ciidamadii qaranka ee dagaalkaas ka soo cararay.

Arrinta xasaasiga ah ee DF kaga hortagtay mamnuucista baasaboorka Taiwan – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah u mamnuucday in dalka ay soo galaan, ka baxaan, ama dhex-maraan dadka wata baasaboorka Taiwan. Tallaabadan ayaa dowladda Taiwan ku tilmaantay mid ka dhalatay cadaadis sii kordhaya oo uga imaanaya Shiinaha.

Warqad nuqul ka mid ah ay heshay The New York Times ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay ku sababeeysay go’aankeeda in uu la jaanqaadayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758.

Qaraarkaas oo la ansixiyay 1971 ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha inay tahay dowladda keliya ee matasha Shiinaha. Inkasta oo uusan si toos ah u xusin madax-bannaanida Taiwan, haddana Beijing ayaa muddo dheer ku doodeysay in qaraarku siinayo xukun buuxa oo ay ku leedahay jasiiradda Taiwan.

Warqadda, oo taariikhdeedu tahay April 22, waxay sidoo kale cambaareysay furitaanka xafiiska Taiwan ee magaalada Hargeysa—caasimadda Somaliland—iyadoo ku tilmaantay “ku-xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.”

Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay “si degdeg ah” dib uga laabato go’aanka, waxayna sidoo kale ku dhiirrigelisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya ama Somaliland ilaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in safiirka wasiir Lin uu baaqday.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”

“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.

Dowladda Shiinaha ayaa si buuxda u soo dhaweysay go’aanka Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ku sheegay in tallaabadaasi ahayd “go’aan sharci ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Mr. Guo wuxuu sidoo kale xusay in Taiwan ay tahay “qayb aan laga goyn karin” Shiinaha.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi warcelin ah oo ay u dirtay Caasimada Online.

Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Khubarada gobolka ayaa sheegay in go’aankaasi uu xoojinayo xiisadaha sii kordhaya, isla markaana uu mid caalami ah ka dhigayo muranka muddada dheer u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

“Mamnuucidda waxay arrinta Soomaaliya iyo Somaliland gelinaysaa jawi cusub oo ah khilaaf juqraafi-siyaasadeed caalami ah,” ayuu yiri Moustafa Ahmad, khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Taiwan ee Geeska Afrika. 

Wasiirkii ugu muddada yaraa wasaaradda difaaca oo maanta xilka wareejiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo hadda ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, kaddib markii uu hayay muddo 24 maalmood ah.

Wareegto uu todobaadkaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isku shaandhayn uu sameeyey waxa ay sababtay in xilkii laga qaado Mr. Jibriil, isaga oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad. Isku shaandheyntaas ayaa sababtay in xilka Wasiirka Gaashaandhigga laga qaado Jibriil, laguna beddelo Axmed Macalim Fiqi.

Jibriil Cabdirashiid ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga la wareegay 6-dii April 2025, isagoo xilkaas kala wareegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirkii muddada ugu dheer soo hoggaamiyay Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Wasiir Fiqi oo si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sheegay inay u bilaabatay hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, isagoo tilmaamay muhiimada wasaaradda difaaca oo ah mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay.

Hoos ka aqriso qoraal uu xil-wareejinta kadib soo saaray Fiqi:

Waxaan si rasmi ah ula wareegay maantay xilka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga – JFS oo uu igu wareejiyey walaalkay wasiirkii hore ahna Raysulwasaare ku xigeenka 2aad Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji, goob joogna uu ka ahaa Raysulwasaare ku xigeenka Md.Salah Jamac.

Waxaa noo bilowdey hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, wasaaradda Difaacuna waa mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay, waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa.

Waxaan xoogga saaraynaa dirirta iyo jabinta Khawaarijta qooqan, xoojinta tayada iyo dhismaha ciidankeena iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca.

Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta waxaan ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ay ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira Loo garab istaagi lahaa, si ay u noqdaan kuwo ku filnaada la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka.

Waxaan mahadcelin gaar ah u dirayaa saaxiibada Soomaaliya ee nala garab taagan taakulada iyo sidii dalka looga baabi’in lahaa Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin cajiib ah u direy…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray dhambaal u direy shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Madxweyne Xasan Sheekh ayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed, oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 1-da May 2025.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu intaas kusii daray “Waxaan ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo, wuxuuna Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.

Daawo: Qeybdiid oo dacwo ka ah Xasan Sheekh xilli barakacin lagu sameeyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey wax uu ugu yeeray dhul-boobka ka socda caasimadda.

Dhul-boobkan, oo uu ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay inuu u fulinayo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

“Macallin Mahdi ayaan u tagnay si aan dadka loo barakicin, laakin wuxuu nagu yiri: ‘Mar haddii waraaq ka timaaddo Madaxweyne Xasan Sheekh, wax la joojinayo ma jiro,’” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid.

Senatorka ayaa sheegay in dhul-boobka ka socda magaalada Muqdisho uu saameeyey dhammaan bulshada, isagoo ka sheekeeyey boosas laga kireeyey qoyskiisa oo markii dambena awood dowladeed looga saaray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ka mid tahay sharci-darrada ka jirta dalka, ayna madaxda sare ee dalka — oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh — sida ay rabaan ka yeelaan.

“Aniga hore ayaan u arkay in sida aad ku noolaan karto, ku nooloow waaye,” ayuu yiri Senator Qeybdiid, oo sheegay in inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh uusan joogsaneen dhul-boobku.

Senatorka ayaa quus ka muujiyey hab-dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyey inuu ku tumanayo sharciga. “Maadaama dowladdii Soomaaliyeed aysan lahayn Maxkamad Dastuuri ah oo sharci loo raaco, waxaa dastuur u noqday in madaxweynuhu wixii uu rabo fuliyo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka