Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xowli ah uga socda ololayaal ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo u kala jabay laba garab, iyadoo ay qolo walba doonayso inay ku adkaato fadhiga baarlamaanku uu kaga doodi doono Todobaadkan Mooshinkii laga keenay Saacid.
Xildhibaano taageersan Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa wada ololayaal ay ku doonayaan inay ku meel-mariyaan Mooshinkii Maalmo ka hor ay ka geeyeen Ra’iisul Wasaaraha, halka Xildhibaanada Taageersan Saacid ay iyaguna dadaal ugu jiraan sidii ay mooshinkaas uu ku noqon lahaa mid fashilma.
“Ololayaal iska soo horjeeda ayaa socda, runtii lama dhihi karo hebel ayaa ku adkaan kara dooda, laakiin ololayaashu way socdaan waana kuwo aad u isugu dhow” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia.
Mudanahan ayaa intaas ku daray in Xildhibaanada uu loolanku u dhexeeyo ay yihiin kuwo isku fikir ah, balse aan hayb isku raacin, isagoo xusay inay dhici karto in Xukuumada Kalsoonida loo diido iyo inay hesho.
“Hoteelada Muqdisho waxaa ka socda ololayaal, xildhibaanada kala qaybsan dhinac walba wuxuu iibsanayaa xildhibaanada aan ku fikirka ahayn si uu ugu helo cod qorshahooda ku aadan dooda Mooshinka” ayuu xildhibaanka Caasimada Online la hadlay uu sheegay.
Xildhibaano ka badan 160 ayaa Khamiistii ka horeysay tii shalay waxay Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon kaasoo lagu doonayo in kalsoonida lagala laabto si madaxweynuhu uu Ra’iisul Wasaare cusub u soo magacaabo.
Mooshinkan ayaa waxaa lagu wadaa in berri oo sabti ah laga doodo iyadoo lagu wado in Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisu ay hortagaan Golaha Baarlamaanka Somalia.
Kulan hoosaad ayaa dhowr maalmood ka hor Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, inkastoo aan la ogeyn wixii ay dhinacyadu kawada hadleen.
Madaxweynaha Somalia ayaa wada dadaal uu ku doonayo in Saacid uu xilka ka dago, kadib khilaaf xoogan oo isaga iyo Saacid soo dhexgalay, balse taas waxay u eg-tahay mid ku adkaan doonta Madaxweyne Xasan Shiikh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]