25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Shir deg-deg ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay shir deg-deg ah oo uu maamulka gobolka Banaadir isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka qabsoomay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta laamaha amniga iyo bulshada Soomaaliyeed.

Inta uu shirka socday waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay guddoomiyeyaasha iyo saraakiisha qeybta bartamaha ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha ka hadlay goobta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay iyo sidii loogu guuleystay amniga bishii Ramadan iyo maalmaha Ciidul Fidriga.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ku ballamay in la xoojiyo howlgallada socda, si looga hortego dhagar kasta oo ay soo maleegi karaan Al-Shabaab.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal ammaan darri sida weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan, walow aysan ahayn sidii hore, maadaama la sameeya isbeddel amni.

Shacabka ku dhaqan caasimada ayaa haatan dareemaya deganaasho, waxaana suurageliyay qorshha cusub ee dowladda iyo kaamirooyinka lagu xiray waddooyinka

Sheekh jooga Muqdisho oo qarsan waayey taageerada Al-Shabaab oo afka furtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wadaad caan ah ayaa farriin yaab leh u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo toos u taageeraya kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab, wadaadkaan ayaa sheegaya in Xasan Sheekh u uku qaldan yahay dagaalka uu kula jiro Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Axmed Rooble ayaa lagu magacaabaa wadaadkaan, Caasimada Online waxay raadisay macluumaadkiisa, waxaan ogaanay inuu maamulo masjid ku yaalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan wuxuu si bareer ah oo aan ganbasho laheyn iyadoo Muuqaal laga duubayo uu u leeyahay “Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa ay ku qaldan yihiin inay Al-Shabaab la dagalamaan oo dhiigooda baneystaan.”

Sidoo kale wadaadkaan ayaa weerar afka ah ku qaaday culimada Soomaaliyeed ee fatwootay in dagaalka Al-Shabaab uu yahay jihaad xaq ah, wuxuuna culimada ku tilmaamay “kuwo gaalada u shaqeynaya.”

Sidoo kale wadaadkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeynaya inuu hub iyo diyaarado dagaal ka soo qaatay dowlado shisheeye oo ‘gaalo ah’ isla markaana uu kula dagaalamay kooxda Al-Shabaab oo “dhiigooda uusan banaaneyn in la daadiyo” sida uu qabo Cabdiraxmaan Axmed Rooble.

Marnaba wadaadkaan sooma hadal qaadin dagaalka iyo qaraxyada ay dadka Soomaaliyeed ee shacabka ah ay Shabaab ku leynayaan, taas bedelkeedana wuxuu dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ku dhaliilayaa beegsiga ay ku hayaan kooxahaan Khawaarijta ah.

Hadaba ninka sidaas u hadlaya wuxuu joogaa Muqdisho, wuxuu sheeganayaa Sheekh weyn oo caalim ah, wuxuuna maamulaa Masjid ay Jameeco badan ku xiran tahay oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada ammaanka weli sooma qaban ninkaas xagjirnimada ku dhex-faafinaya Muqdisho, isagoo ku dhex nool dhul ay maamusho dowladdu, gaar ahaan degmada Heliwaa, hadalka wadaadkaas ayaa si weyn uga yaabiyey dadka, waxaana la is weydiinayaa sababta uu ugu dhiiraday kalmadaha noocaas ah ee Khawaarijta u uku taageerayo.

 

IRAN oo weerar baaxad leh ku qaaday ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Militariga Israel ayaa sheegay in, in ka badan 100 oo drone ah illaa hadda lasoo diray. Sidoo kale saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay rumeysan yihiin in diyaaradaha ay gaarayaan 400-500. 

Diyaaradahaas ayaa saacado qaadan doona inay soo gaaraan Israel. Si kastaba, gantaallada ballistic-ga iyo kuruuska ayaa la filayaa inay deg deg kusoo gaaraan Israel.

Sidoo kale, kooxda Xizbullah ee Lubnaan, oo ah koox ku xiran Iran, ayaa sheegtay inay gantaallo ku weerartay buuraha Golan Heights ee dalka Syria oo ay xoog ku haysato Israel.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradaha drone-ka ismiidaaminta ee loo yaqaan Shahad oo dul maraya Ciraq.

Militariga Israel ayaa sheegay in difaacooda hawada ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan diyaaradaha. Dalalka Lubnaan iyo Ciraq ayaa xiray hawadooda. Sidoo kale dhammaan howlgalladii garoomada diyaaradaha Israel ayaa la joojiyey.

Ilo-wareedyo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Boqortooyada Jordan ay soo ridi doonto diyaarad kasta oo drone ah oo kusoo xadgudubta hawadeeda.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.

Caasimada Online kala soco wixii kusoo kordha wararkan, Inshaa Allah.

Booliska oo digniin 3-aad u diray qoysas diiday inay baneeyaan dhulka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale dalbaday in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka xigta degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay si cadbu diideen inay ka guuraan.

Waa markii 3-aad oo booliska Soomaaliya uu dirayo digniin noocaan ah, si looga guuro dhulkii u ahaan jiray xerada gaadiidka Dabdamiska, halkaas oo in ka badan 30 sano deegaan u aheyd dad shacab ah.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuu mar saddexaad ku wargelinayaa dadka degan xerada dabdamiska booliska, inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay, waa inay ka guuraan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sida ku cad qoraalkaan booliska Soomaaliya ayaa waqti kale u qabtay qoysaska degan xerada Dabdemiska Booliska, waxaana ugu dambeyn laga doonayaa inay ka guuraan 20-ka bishaan.

Waa toddobaad kale, waxaana qoraalkaan lagu cadeeyey in halkaas laga dhisi doono xero buuxisa baahida loo qabo dabdemiska oo baahi weyn ay u qabaan dadka reer Muqdisho.

“Qof kasta oo degan xeradaas waxaan ku wargelineynaa inay muqadas tahay baneynta xerada dabdemiska ciidanka booliska Soomaaliyeed, ugu dambeyn 20-ka Abriil, si loo dhiso xarunta dabdemiska booliska oo bulshadu baahi weyn u qabto,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Qoraalka booliska Soomaaliya ka soo baxay waa kii 3-aad, waxayna reeraha degan xeradaas si cad u diideen inay ka guuraan dhulkaas ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano oo dowladnimada Soomaaliya ay burbursaneed.

Qoysaska degan xeradii hore ee dabdemiska booliska Soomaaliya ee ka biyo diiday inay ka guuraan ayaa u badan beesha Sacad ee Habargidir, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan hadii dowladdu isku daydo inay xoog ku barakiciso qoysaska degan Ex ‘Xero Dabdemis.’

Bilo ka hor booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa loo diray halkaas si ay u barakiciyaan reeraha degan, balse qorshahaasi wuxuu fashilmay markii ciidankii la diray ay dileen askari boolis ah oo ka dhashay Beesha Sacad, kaas oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood xaafadaas laga cabo.

Guud ahaan siyaasiyiinta beesha Habargidir ayaa dilkaas kadib goobta tegay, waxaa Seybiyaano ilaa Banaadir is qabsaday banaanbax wayn oo dadka halkaas degan ay dhigeen, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay ku soo duushay qabiil gaar ah.

Hoos ka eeg warqadda booliska

Sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wada-hadalladii Xasan iyo Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu shaaciyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday wadahadallo uu magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada, balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey, sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wahadallada Xasan iyo Shariif?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ay kula kaceen labada madaxweyne ee ka dhacay Nairobi.

Axmed Gaashaan “In la’is fahmi waayo xattaa waa natiijo ka fiican xalka oo keeneysa kala adkaasho Mudane Madaxweyne hore isa soo adkeey”.

Maxamed Gaadaco “Warqaddaas nuxur wayn ee siyaasadeed kuma jiro madaxweyne”.

Daa’uud Yare “Adiga wax aan shaqadaada ahayn maxa ku daba dhigay dalkan madaxweyne ayuu leeyahay, waxaana madax ka ah madaxweyne Xasan”

Saciid Cabdi Budul “Mahadsanid madaxweyne Shariif sheikh Axmed Oday Qaran oo dalka iyo dadka lexjeclo badan ka qaba ayaad ugu suntan tahay shacabka Soomaaliyeed!”.

Farxaan Cismaan “Madaxweynuhu in siyaasiyiin baagamuudo ah uu waqtiga ku lumiyo ayaaba qalad ah oo 4-tiisa sano lala maamulo”.

Axmed Maxamed Cismaan “Madaxweynuhu markii hore ayuuba ku qaldanaa inuu adi kula kulmo”.

Weerar dad badan lagu laayay oo ka dhacay Australia

Sydney (Caasimada Online) – Booliiska Australia ayaa sheegay in ay toogteen nin weerar toorrey loo adeegsaday ku qaaday lix qof oo ku sugnaa suuq weyn oo ku yaalla magaalada Sydney. Ninka ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay xeebta Bondi, sida ay boolisku sheegeen, iyadoo weerarkaasi uu sababay in boqolaal qof ay goobta ka cararaan.

Ninka weerarka qaaday ayaa waxaa toogtay askari booliis ah kadib markii uu weeraray dad wax ka iibsanayay xarunta mashquulka badan ee Westfield Bondi, sida ay booliisku ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Shan ka mid ah lixda qof ee la dilay ayaa ahaa dumar, halka siddeed qof oo uu ku jiro ilmo sagaal bilood jir ahna loo qaaday cusbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray weerarka mindida ama tooreyda loo adeegsaday, sida ay shir jaraa’id ka sheegtay Taliyaha Bilayska New South Wales Karen Webb.

Webb ayaa sheegtay in booliisku aysan hadda wali aaminsanayn in weerarku uu la xiriiro fal argagixisonimo.

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya ujeedka uu ninkan u qaaday weerarka.

“Waa fal rabshadeed aad u xun oo si aan kala sooc lahayn loogu bar-tilmaameedsaday dad aan waxba galabsan oo adeeganayay,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id.

“Caawa quluubta dhammaan dadka Australiyaanka ah waxa ay la jiraan dhibanayaasha ficilladan xun-xun.”

Australia waxa ay leedahay sharciyada ugu adag adduunka ee dhinaca hubka iyo middiyaha, waxaana dhif iyo naadir ka ah weerarada la midka ah kan maanta dalkaasi ka dhacay.

REUTERS + VOA

FIQI oo la wareegay xilka loo magacaabay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa waxaa xilkan ku wareejiyey Sii-hayaha ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad), kadib markii xilkaas loo magacaabay todobaadkii hore.

Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Mmadaxweynaha yo ra’iisul wasaaraha oo isaga u gartay inuu xilkan cusub qabto, wuxuu horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu xoojin doono kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, sida uu ku shaaciyay khiudbadiisa.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Xil wareejinta kadib Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulammo kala duwan la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.

Magacaabista wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kusoo aaday, xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin u baahan yihiin danno badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamkaba.

Soomaaliya ayaa xilligan la daalac dhaceyso arrimo diblumaasiyadeed oo waa weyn, sida xiisadda ka dhalatayay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Diyaarad Drone ah oo lagu qabtay howlgal maanta ka dhacay magaalada…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan labadii habeen ee lasoo dhaafay lagu arkayay aagga Dhuusamareeb, balse ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo ka wadda halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen in diyaaraddan laga shakiyay, kadibna ay u howlageen sidii loo qaban lahaa, xalayna gacanta lagu dhigay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka inta ay wadeen howlgalka ay gacanta kusoo dhigeen nin ajnabi ah oo laga shakiyay, kaas oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Ciidamadu ma shaacin halka ay halka uu kasoo jeedo ninka la qabtay, balse waxaa ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku lahaayn laamaha amniga ee Galmudug.

Howlgalkan guuleystay ee ka dhacay Galmudug ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdeen howlgallo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Addis Ababa + Khasaaraha

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay israsaaseyn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka maanta ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka.

Dhacdadan ayaa Jimcihi ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

Itoobiya ayaa waxaa bilihii dambe ka dhacayay falal ammaan darri oo halis ku ah amniga dalkaas, waxaana usii dheer isku dhacdyada dowladda iyo kooxaha kale ee mucaaradka.

Tuhunka ka dhashay kulankii XASAN Sheekh iyo William RUTO oo sii xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulankii ay todobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Ruto ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxaa isa soo taraya tuhunka laga muujinayo kulankaasi oo la sheegay in lagu soo qaaday arrimo ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

War ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.

Intaas kadib dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in aan laga wada xoojin arrimo ku saabsan xiisadda badda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.

Dhinaca kale waxaa haatan sii xoogeysanaya shakiga ka dhashay arrintan oo si weyn loogu falanqeynayo baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana ka falceliyay siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa su’aal ka keenay in madaxweynuhu keli ku noqdo kulankaasi, haddii laga wada-hadlay amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Haddii sida la sheegay kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay dhiggiisa Kenya looga hadlay iskaashi amni iyo la dagallaan argagexiso, maxay u wehlin waayeen wasiirradii, madaxdii hay’adaha amniga iyo hawlwadeenkii diblomaasiyadda oo safiirkii dalka ugu horreeyo?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma iskashi amni ayuu madaxweynuhu kaligii ka hadlayey, mise cid kale uu aamino ayuu waayey?”.

Ugu dambeyn wuxuu ku taliyay in arrintan si faahfaahsan loola wadaago shacabka Soomaaliyeed, si ay u ogaadaan xogta kulanka ay yeesheen labada madaxweyne.

“In shacabka Soomaaliyeed si daahfuran oo daacadnimo leh loogu warbixiyo ayaa ka habboon in la soo saaro qoraallo midig iyo bidix u socda oo lagu beeninayo waxa ay Wakaaladaha wararka kulanka ka qoreen” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

DF oo shaacisay hal mid oo Itoobiya ay ka aqbaleyso iyo mid aysan abid aqbali doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya saldhig ciidamada badda ah uga dhisayso Somaliland, balse ay ka fakari doonto inay u ogolaato dekad ganacsi, haddii laga wadahadalo. 

Itoobiya, oo aan bad lahayn, ayaa bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigaya in laga kireeyo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, taas beddelkeedna ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan. 

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, oo xadgudub ku ah madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

Si loo qaboojiyo xiisadda, Kenya oo la tashaneysa Jabuuti, ayaa soo jeedisay heshiis badeed sharciyeynaya sida dalalka gobolka ee aan badda lahayn ay ku heli karaan dekado loo marayo heshiis ganacsi, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah. 

Kahor inta aan laga wada-hadlin helitaanka dekad laga heshiiyo, Itoobiya waa inay marka hore nasakhdaa heshiiska Somaliland, waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Balcad. 

“Soomaaliya weligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan,” ayuu yiri Cali Balcad. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay gelitaanka heshiis ganacsi badeed si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badda.”

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho hindisayaasha haddii ay waafaqayaan danaha dalka oo ah “in la ilaaliyo madax-banaanideena, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa diiday inuu ka hadlo warka cusub ee kasoo baxay Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo war kasoo saaray wada-hadalladii uu la yeeshay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay wadahadallo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 

Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayey, xogtaas oo ay xalay idinla wadaagtay Caasimada Online. Wuxuu sidoo kale sheegay in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif.

WAR-SAXAAFADEED

Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad.

Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga Odiyaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay kuwaasoo kala ah seddexda arrimood ee hoos kuxusan:  

1. Arimaha Dastuurka
2. Arimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Dalka
3. Khilaafka DFS iyo Dowlad Goboleedka Puntland

Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Mar kale, waxaan u mahad-celinayaa Waxgaradkii iyo Ganacsatadii dadaalka iyo dhaqaalahaba ku bixiyey in xal laga gaaro khilaafaadka jira.

MAHADSANIDIIN

Daawo: Wasiirka cusub ee amniga oo shaaciyay goorta lasoo afjarayo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee amnuga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 64-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab aysan lahayn awood sidaas u wayn, isla markaana ay hadda kusoo uruureen inay argagaxiyaan oo kaliya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la xaqiijiyay in nimanka aysan lahayn tabar iyo xoog oo waxoodu ay yihiin argagixisanimo iyo boor isku qarin” ayuu khudbaddiisa ku yiri Wasiir Fartaag.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bishan April bisheeda kale ee sanadka soo socda 2025-ka dalka oo dhan laga wada sifeyn doono kooxda Al-Shabaab, sida u hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa lagu jiraa munaasabadda xuska ee aas aaska ciidamada Xoogga dalka, waxaan filayaa in bishaan April bisheeda kale in la gaaro iyada oo dalka Soomaaliya oo dhan laga wada nadiifiyey kooxda Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha.

Waxaa kale oo uu tusaale usoo qaatay guulaha haatan laga gaaray howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle oo uu sheegay in lagu jebiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Galmudug iyo HirShabelle waxaan rajeynayaa in bilaha soo socda laga wayn doono Al-Shabaab, kadibna waxaa loo soo jeesan doonaa Koonfur Galbeed iyo Jubbaland” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kooxda kordhisay weerarada ay ja fulineyso gudaha dalka, waxayna dib u qabsatay deegaano ay kasoo baxeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

IRAN oo gacanta ku dhigtay markab xiriir la leh ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada maraakiibta.

Wakaaladda IRNA ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormuz ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.

Markabka Aries ayaa khadka maraakiibta caalamiga ah ee MSC uu ka kireysatay shirkadda Gortal Shipping, oo xiriir la leh Zodiac Maritime, sida ay Zodiac ku sheegtay bayaan ay soo saartay, waxayna intaa ku dartay in MSC ay mas’uul ka tahay dhammaan howlaha markabka.

Zodiac ayaa waxaa qayb ahaan iska leh ganacsade Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eyal Ofer.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoobar, iyadoo Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay marar badan isku dhaceen kooxaha taabacsan Iran ee ku sugan Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto duqaymo looga shakisan yahay in ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq 1-dii April, weerarkaasi oo ay ku dhinteen toddoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo ay ku jireen laba taliyeye oo sar-sare.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu filayo in Iiraan ay waqti dhow weerareyso Israa’iil, isagoo uga digay Tehraan in ay weerarkaasi fuliso.

Afhayeenka milatariga Israa’iil, Rear Admiral Daniel Hagari, ayaa yiri “Iiraan waxa ay qaadi doontaa cawaaqibka ka dhasha doorashadeeda in ay sii kordhiso xaaladdan”, mar uu ka jawaabayay warbixinnada la xiriira qabashada MSC Aries.

Talaadadii ayaa madaxa ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka, Alireza Tangsiri, waxa uu sheegay in ay xiri karaan marin biyoodka Hormuz haddii loo arko lagama maarmaan.

Waxa uu sheegay in Iiraan ay khatar u aragtay joogitaanka Israa’iil ee Imaaraadka Carabta, oo Israa’iil xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay sannadkii 2020-kii, taasi oo qayb ka ahayd “Heshiiska Ibraahim” ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ayaa carqaladeeysay ganacsiga caalamiga ah iyadoo muddo bilo ah weeraro ku qaadaysay maraakiibta mara Badda Cas, waxayna sheegtay in ay beegsanayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil si ay uga aargudato ololaha Israa’iil ee Gaza.

REUTERS

Faah-faahinta dagaal ka qarxay Buurhakaba

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal maanta dib uga qarxay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagnayd xiisad xoogan oo saameyn ku yeelatay dhaqaaqa guud ee degmadaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo wariyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay qaybo kamid ah magaalada, kuwaas oo saaka isku dhacay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintauy ugu yaraan hal qof oo ahayd haweeneyd kamid ah dadka deegaanka, waxaana dhaawacyo soo gaareen dad kale.

Ma cadda sababta dhalisay dagaalka dhex maray maleeshiyaadkan oo horay sidaan oo kale ugu dagaalamay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro hadal kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi, basle waxaa bilowday dagaallo lagu qaboojinayo xiisaddaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku sugan magaalada, kuwaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku kala qaadaan maleeshiyaadka diriray.

Magaalooyin badan oo dhaca Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xiisado dagaal, waxaana kamid ah Wanlawalweyn oo ay maanta ku dagaalameen maleeshiyaad beeleed, waxaana ka horreeyay dagaal kale oo isna shalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe.

Diblumaasi muddo 40 sano ah jaajuusayay Mareykanka oo 15 sano lagu xakumay

Washington (Caasimada Online) – Diblumaasi hore oo Mareykan ah ayaa Jimcihi lagu xakumay 15 oo xarig ah, kaddib marki uu qirtay inuu jaajuus u ahaa Dowladda Cuba.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa kiiska diblamaasigaasi hore ku tilmaantay, mid ka mid ah jaajuusnimadi ugu heerka-sarreysay uguna waqtiga dheereyd ee lagu sameeyo Dowladda Mareykanka.

Victor Manuel Rocha, oo soo noqday Safiirka Mareykanka ee dalka Bolivia inti u dhaxeysay sannadihi 2000 ilaa 2002-di, ayaa qirtay laba eedeyn oo mid ay aheyd inuu si sharci darro ah wakiil ugu noqday dowlad kale. Bishi December ayaa dacwadi ugu horreysay lagu oogay.

Rocha, oo 73 jir ah, ayaa si qarsoodi ah u taageeray Xisbiga Shuuciga ah ee ka arrimiya Cuba isla markaana mukhaabaraadka dalkaasi ka caawiyay inuu siiyo xogo liddi ku ahaa Dowladda Mareykanka muddo ka badan 40 sannadood.

Dacwad oogaha Dowladda Mareykanka ayaa sheegay, in muddadaasi ay ku jirtay 20 sanno oo uu ahaa sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Qareennada Rocha ayaanan wali bixin faah-faahin ku aadan xakunka lagu riday.

VOA

Kulankii Xasan iyo Shariif oo fashilmay iyo qodobada uu Shariif ku dhegay – Xog

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.  Worshaha ugu weyn ee safarkaas wuxuu ahaa in Xasan Sheekh uu wadahadal la yeesho madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxayna xog cusub ka helnay kulankii labada masuul xalay dhexmaray.

Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay shirkooda qeyb ka noqdaan waxgaradka beesha Mudullood, balse qorshahaas waxaa bedelay Xasan Sheekh oo beesha ka codsaday in isaga iyo Shariif ay isaga dhex-baxaan, si tabashada Shariifka loo xaliyo.

Sheekh Shariif oo markii hore rabay in waxgaradka Mudullood ay goobjoog ahaadaan kulanka uu la yeelanayo Madaxweyne Xasan, maadaama uu qabo tabasho ah in dhowr mar uu balamo uga baxay ayaa markii dambe aqbalay go’aanka maxaxweynaha oo ahaa in labadoodu ay yeeshaan shir albaabadu u xiranyihiin.

Xasan Sheekh ayaa gooni ula kulmay masuuliyiintii Mudullood ee la qorsheeyey inay Shariif iyo isaga dhex dhexaadiyaan, waxaana la sheegay inuu ka codsaday inay ka dhex baxaan, sidaasna ay uga qanceen, intaas kadibna waxaa dhacay kulankii Xasan iyo Shariif.

Sida ilo xog ogaal ah ay Caasimada Online u xaqiijiyeen shirkii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo socday muddo saacad ka badan ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, dooda ugu weyn ee miiska saaran ayaa aheyd sidii looga wadahadli lahaa arrimaha dastuurka.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu ku dooday in wadahadalka isaga iyo Xasan Sheekh uu noqdo mid danguud ah, loogana wadahadlo dhammaan tabashooyinka dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan dowladda iyo hoggaamiyo Xasan Sheekh, si gaar ah arrinta socota ee wax ka bedelka dastuurka.

Xasan Sheekh ayaa isna ku dooday inay ka wadahadlaan danaha gaarka ah ee Sheekh Shariif iyo waxa uu dowladda Xasan Sheekh ka rabo, iyadoo wixii danguud ah loo deynayo baarlamaanka iyo dowladda oo ku dadaalaya in wax kasta oo tabasho ah ay hoos u fiiriyaan.

Intaas kadib, Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu la yimid xujo adag oo aheyd in la sameeyo dowlad wadaag oo xubno laga siiyo dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, balse madaxweynaha ayaa taas diiday wuxuuna hor dhigay Shariifka inuu hoos ugu daadego waxa uu sida gaarka ah uga tabanayo dowladiisa.

Sheekh Shariif ayaa isna ku adkeystay in Xasan Sheekh uu xaliyo qodobada qaar ee dastuurka, doorashada, xisbiyada, dowlad wadaag oo xubnaha mucaaradka ah ee xisbiga Shariifka ay xilal ka helaan dowladda Xasan Sheekh iyo qodobo kale oo danguud ah oo miiska uu soo saaray Sheekh Shariif, balse Xasan Sheekh oo intaas oo dhan diiday ayaa isku dayey in si gaar ah oo nafsiyan ah uu Sheekh Shariif u qanciyo, laakiin taasi ay suurtageli weysay.

Sidaas ayuu ku fashilmay oo natiijo la’aan ayuu ku soo dhamaaday kulankii dheeraa ee Nairobi ay ku yeesheen Xasan iyo Shariif, balse waxaa socda isku dayo kale oo tabashooyinka Sheekh Shariif lagu xalinayo, si wadahadaladu u sii socdaan, waxaana Nairobi jooga xubnihii ugu muhiimsanaa beelaha Mudullood oo doonaya inay labada Madaxweyne u kala dabqaadaan.

Xog: Dagaal ka dhashay arrin yaab leh oo mar kale ka qarxay BARAAWE + Khasaaraha

0

Baraawe (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo geystay khsaare nafeed iyo barakac ay sameysay bulshada ku nool magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka ee jooga Baraawe iyo ciidan ka tirsan daraawiishta K/Galbeed.

Inta la xaqiijiyey saddex askari io dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay Qaad la sheegay in askar ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka dhaceen haweenka magaaladaas ku nool ee ka ganacsada Jaadka.

Intaas kadib waxaa soo gurmaday askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo u hiilinaya hablaha qaadka laga dhacay, waxaana bilowday dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawacyo sababay.

Waa markii labaad oo dagaal culus uu Baraawe ku dhexmarayo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta K/Galbeed, waxayna askartaasi isku yihiin cadow, iyadoo aysan jirin sabab gaar ah oo ay isku colaadiyaan.

Ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa degan xarunta madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe, halka Militeriga dowladda federaalka uu dhowr jiho ka degan yahay magaalada.

Xiisad colaadeed ayaa caawa laga dareemayaa Baraawe, waxaana wali is hor fadhiya ciidamadii dagaalamay, mana jirto cid kala dhex gashay, waxaa xusid mudan in magaaladaas ay joogaan ciidamo ka tirsan ATMIS.

War cusub: Maxaa ka jira in Xasan Sheekh iyo Ruto ay ka xaajoodeen arrimaha badda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wafaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo sheegayey in laga wada xaajooday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysa.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay shalay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in Soomaaliya aysan marna aqbaleyn qorshaha Itoobiya ay saldhig ciidamo kaga dhisaneyso Somalialnd, ayna ka fiirasnayaan in la siiyo dekad ganacsi, hadii taas laga hadlo.

Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter) kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa bilowgii bishii Janaayo la gashay Somailland heshiis la sheegay in 20 KM ay kaga kireysaneyso xeebta iyo dhul ay saldhig ciidan ka sameysayo Itoobiya, damacaasna waxaa si weyn uga gilgilatay umadda Soomaaliyeed.

Reuters ayaa shalay qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta u direy ciidanka?

0

Mugdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u direy ciidanka, isaga oo ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda sannad guurada 64-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cuna-qabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha ciidamada xoogga dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda.

Waxa uuna bogaadiyey naf-hurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.

Ciiidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, xilli ay xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada, sida uu maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna maanta dhankiisa farriin u direy ciidanka ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo difaacaya qarankooda.