25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Muqdisho: Xogta koontooyin ganacsi oo la xayiray oo baarisna lagu hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku hayo Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS).

Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in koontooyin ganacsi loo adeegsaday diiwaan-gelintooda shati been abuur ah. Mana shaacin xafiiska inta akoon ee magaca ururkan ku furan ee la xayiray.

“Somali Journalists Syndicate ayaa waxaa loo haysta fal-danbiyeedyada ku cusan qodobada: 372, 378, 452/3 ee xeerka ciqaabta Soomaaliya iyo qodobada 8-aad, f-1aad, qod. 16-aad f-1aad, qod. 26-aad ee sharciga Saxaafadda xeer lr. 26, ee soo baxay 2020,” sida lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta Koontooyinkan ganacsi, ayada oo maxkamadda soo saartay amar fatashaad iyo xayiraad.

“Maxkamadda oo ka jawaabaysa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa ay soo saartay amar Fatashaad iyo Xayiraad waafaqsan qodobada 53,54,55 XHCS,” ayaa markale lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Xeer ilaalinta ayaa ugu dambeyntiina shaacisay in marka uu soo idlaado baaritaanka ay maxkamadda u gudbin doonto eed waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS.

Xeer ilaalinta ma shaacin macluumaad dheeri ah oo la xiriira koontooyinka ganacsi ee baarista ku hayso iyo halka ay ka furnaayeen, marka laga imaado magaca ku furnaa iyo in lagu diiwaan-geliyay shati been abuur ah.

Hogaamiye goboleedka xiga ee Xasan Sheekh kahor iman kara kadib DENI (Afar qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda gacanta uguma jiro maamul goboleedka ugu faca weyn maamullada ka jira dalka.

Sababta khilaafka Puntland iyo Villa Somalia waxay noqon kartaa mid lagu kala aragti duwan yahay, balse natiijadu waa in uusan Xasan Sheekh maanta haysan Puntland. Maqnaashaheedu waa culeys siyaasi ah, gadoodkooda cusubna wuxuu sii kala dhantaalaya wadajirka dalka, balse waxaa dhinaca kale hadda ka imaanaya culeys cusub.

Markan waa Jubbaland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiye Axmed Madoobe uu ka fikirayo inuu ka bayro nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kala tagan oo saan-saantiisa muuqato waxaa dhiiri-gelinaya afar arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. Damaca dib u doorashada

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxa uu doonayaa inuu markale noqdo hoggaamiyaha maamulkaasi. Sharciyan Axmed Madoobe markale isma sharaxi karo oo dastuurka maamulka ayaa u diidaya, laakiin hadda waxa uu diyaarinaya inuu qodobka xanibaya musharaxnimadiisa inuu beddelo oo uu ka dhigo inuu markale tartami karo ama in la tiro tirada xadidan ee qofka la dooran karo.

Villa Somalia dhankeeda ma rabto inuu Axmed Madoobe halkaas sii joogo waqti fog, balse weli aragti cad kama lahan cidda ay ku beddelayaan iyo sida ay u beddeli karaan.

Axmed Madoobe taas waa fahamsan yahay waxaana la sheegayaa inuu isku diyaarinayo inuu iskiis u qabsado hanaan doorasho oo gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka cararaya inay maamullada aadan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celin karta teendhadii Afisyoone.

In madaxda maamullada doorasho la’aan joogaana iyaga ayay halis ku tahaya, mana muuqato dhabo ay ku qaban karaan doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteed waxay ku qasban yihiin inay xal la yimaadan.

Axmed Madoobe waa midka koowaad ee la filayo inuu tallaabo qaado, waana meesha ay ku kala tagi karaan isaga iyo Xasan Sheekh. Asbuucyada soo aadan ayaa la filayaa inuu isbeddel dastuur ku dhaqaaqo Axmed Madoobe.

2. Qorshaha Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay maalmahan dambe si weyn ugu dhex jirto maamullada ka jira Soomaaliya, iyada oo ku cadaadinaysa inay kusoo xirmaan Addis Ababa. Tan iyo markii uu bur-buray taliskii TPLF ee Itoobiya waxaa hoos u dhacday fara-gelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Laakiin hadda nidaamka Abiy Axmed ayaa raba inuu dhaqankaas dib usoo celiyo, si uu cadaadiska ugu badiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobkan waa mid kamid ah waxyaabaha dhiiri-gelinaya Axmed Madoobe maadaama uu heli karo darbi siyaasadeed.

3. Garabka Imaaraadka

Qodobka kale ee Axmed Madoobe ku dhiiri-gelinaya inuu ka baxo safka Xasan Sheekh waa kabka uu waayahan ka helo dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la sheego inay waayahan dambe si dhow u taakuleyso maamulka Jubbaland iyada oo aan waxba usoo marin dowladda dhexe.

4. Xubnaha Axmed Madoobe kasoo horjeeda ee la midoobay Xasan Sheekh

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aruursaneysa dadka diidan siyaasadda Axmed Madoobe, waxaana halkaas laga fahmaya sida uu Xasan Sheekh waqti badan u gelinayn inuu qanciyo Axmed Madoobe.

Ama sida kale waa farriin kooban oo ku sheegaysa inay labada nin sii kala tagayaan. Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh lumiyo maamul goboleed labaad waxay kordhin doonta culeyska maanta haysta waxayna wiiqi doonta riyooyinkiisa doorashada 2026.

Sawirro: Sidee ayey maanta u dhacday xil-wareejinta wasaaradda amniga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha XJFS Saalax Jaamac ayaa maanta xilalka uu kula wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag iyo ku-simihii wasaaradda Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iisul wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda amnigu ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas darteedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.

Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hay’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, xildhibaanno, agaasimaha hay’adda NISA, taliyaha ciidanka booliska, agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda.

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, waxayna magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Turkiga oo xayiraad dhanka Fiisaha ah ku soo rogay dalal ay SOOMAALIYA ku jirto

Istanbul (Caasimada Online) – laga billaabo maanta oo April ay tahay 15, 2024, waxay dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa sharci culus oo lagu soo rogay dhoofayaasha transit-ka ku ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay sharciga cusub, si looga hortago muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sii qulqulaya dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan xuduudaha Maraykanka.

Shabakadda wararka ee visaguide.world ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday ubucda waddan transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee caalamka.

Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee transit-ka ku sii maraya garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha elektoroonikada ee transit-ka garoonka .

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga elektoroonikada ee fiisaha transit-ka ee garoonka (E-HTV), si loogu dabaqo sharciga fiisaha transit-ka ee garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-keeda.

Tallaabadan ayaa imanaysa ayada oo sii kordhayso tirada muhaajiriinta sharci-darrada ee gaaraya Waqooyiga Amerika, ayada oo Soomaali badan ay ka mid yihiin dadkaas.

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay geerida Gaarane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsanaa Fannaaniinta Gobolka Banaadir oo gelinkii dambe ee Axaddii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad ayaa war cusub kasoo saaray geerida wiilkooda.

Maydka marxuumka oo la geeyay isbitaalka Madiina ayaan maanta ka aasin, ayada oo dib loo dhigay, kadib dalab ka yimid ehelladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ehelladu ay wada tashi kadib ay isku raaceen in beri la aaso marxuumka, sababtana ay tahay inay doonayaan inay ogaadaan sida uu shilka u dhacay.

Gaarane ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana la dhintay wiil kale oo la socday, kaas oo ahaa madaxa caafimaadka ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Maxamed Jaamac (Qaarey) oo kamid ah Fannaaniinta Muqdisho ayaa isbitaalka kula hadlay Wariyeyaasha, wuxuuna sheegay in markii horaba uu xaalad adag ku noolaa marxuumka.

“Abshir Gaarane hadda ayuu geeriyooday, laakiin isaga waxa uu ahaa nin waa hore dhintay oo iska socday ,haddalladiisa waxaa kamid ahaa cakuye aduunyoy maxaad i ciishay” ayuu yiri Fannaan Maxamed Jaamac (Qaarey) oo ka hadlay geerida ku timid Abshir Gaarane.

Wiilkaan dhalinyarada ahaa waxaa aduunka ku dulmiyey kooxdii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee magaaada Muqdisho oo horay loogu xiray.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Allaha u naxariistee Abshir ayaa maalmihii u dambeeyay ka howlgalayay mid kamid ah isbitaallada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa dadka isticmaala baraha bulshada.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay isku uruursaneyeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe ee shalay ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde.

Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Wareertire oo u dhaxeeya degmada Buuloburde iyo deegaanka Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay Al-Shabaab ka dileenm 5 xubnood, iyaguna uu ka dhintay hal ruux.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn habeen kahor ka dhacday isla agagaarka degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Xog: Waxa uu salka ku hayo dagaalka magaalada Baraawe iyo ciidamada isku haya

0

Baraawe (Caasimada Online) – Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laba maalin kahor ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo u dhex maray ciidamo ka tirsan millitariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa ka billowday qaad la sheegay “in qayb kamida ciidamada ay dheceen halka kuwa kalana ay ka fal celiyeen”, taas oo keentay in ilaa gudaha magaalada la isla galo, sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Xaafadaha magaalada ayaa si weyn looga maqlayay hubka ay ciidamadu isku adeegsanayeen iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo wax ku noqday.

Qaadka la sheegay in ay dhaceen mid kamida labada garab ee ciidamada ee uu dagaalku dhex maray ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo uu usoo degay.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Baraawe. Ismaaciil Cabdullahai Jaadane, oo ku sugan magaalada yaa sheegay in xaalku haatan degan yahay.

“Magaalada Baraawe waxaa ka dhacday shaqaaqo, hase yeeshee hadda waa ay xasilloontahay, waxaa jiray ciidamo ku dhaqaaqay fal burcadnimo iyagiina hadda waala xiray,” ayuu yiri.

“Waxa ay isku dayeen in ay dhac u geystaan qaad uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed, waxaa ku baxay ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta oo wada shaqeynaya, haddana waa lasoo qabtay raggii falka ku kacay oo wey xiranyihiin,” ayuu yiri Gudoomiye Ismaaciil Jaadane.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan jirin isku dhac kala qabiyay ciidamada millitariga ah iyo kuwa Daraawiishta, hase yeeshee ciidamada ka tirsan daraawiishta ee falkan ku kacay awgeed ay si guud uga wada hortageen qaybaha kale ee ciidamada millitariga iyo daraawiishtaba.

Guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad shacab ah iyo ciidamada labada dhinacba oo wax ku noqday isku dhaca, balse uusan xaqiijin karin tiradu inta ay la egtahay.

Baraawe ayey dhowr mar horay uga soo dheceen iska hor imaadyo hubaysan oo ciidamada dhexmaray. Mar walaba ayaa waxaa kala duwanaa waxa salka u ahaa gacan qaadka.

“Waa run in ay Baraawe badanaa ka dhacaan shaqaaqooyin laakiin muhiimaddu waa kahor tagga – waa guul in aan xallinay waliba xilli hore,” ayuu raaciyay hadalkiisa Ismaaciil.

Dagaal degmada ka dhacay bartamihii bishii June ee sanadkii tagay – 2023-kii, oo dhex-maray ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta ayaa ahaa mid khasaare sababay oo maalmo socday.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa jirtay hadal heyn iyo xiisad u dhaxaysa ciidamadaan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe?

Ciidmada milatariga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay Al-Shabaab magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo amniga guud gacanta ku hayay. Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-Galbeed, ayaa ah kuwa billowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay ballaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhabo.

Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha baraawe sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray iyagoo aan dib loo soo celin.

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, ku-xigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamada daraawiishta ee ka Koonfur Galbeed oo labada u muuqda in ay ku loollamayaan gacan ku heynta degmada.

Isha: BBC

Wararkii ugu dambeeyay dabka ka kacay dooxada DALSAN ee Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli uu sii fidayo dab xoogan oo Axaddii ka ka kacay dooxada deegaanka Dalsan oo hoostaga degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.

Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa loo badinayaa inuu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa, maadaama Soomaaliya uu haatan ka jiro kuleyl aad u daran.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu qabsaday dhul doog ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana isaga barakacay qoysaskii deganaa goobtaasi

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Dhinaca kale Puntland oo sameysay dadaallo dheeraad ah ayaa ku guuleysatay in la damiyo dabkaasi, waxaana la magacaabay guddi soo baara, sida uu dabka u kacay.

Kaymaha uu dabka qabsaday ayaa si weyn u gubtay, waxaana xaaladda uga sii daray markii ay sii qarxeen macdan ku jiray kamyamahaasi, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay musiibo, maadaama uu dabka iskiis u kacay, loona sababeynayo isbeddelka ku yimid guud ahaan cimilada Soomaaliya oo aad u kulul.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa mararka qaar lagu arkaa deegaanada Puntland, gaar ahaan goobaha kaymaha oo ay u dhow yihiin buuraha oo horay sidaan oo kale uu dab uga kacay.

Dagaalka ka socda SUDAN oo maanta sanad jirsaday

Khartoum (Caasimada Online) – Sannad ayaa maanta u buuxsantay marki uu billowday gulufka colaadeed ee ka aloosan dalka Sudan, kaas oo u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysan ee RSF.

Xalay oo kale, bartamihi bishi April ee sannadki 2013-ki ayuu qarxay dagaalka sokeeye ee uu dhiigga badani ku daatay. Tan iyo markaasi boqollaal qof ayaa ku dhintay, boqollaal kun oo qofna waa ay ku barakaceen ama u qaxeen dalka dibaddiisa.

Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa keenay abaar aad u daran, iyada oo ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha gargaarka ee caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ayaa ka digay macluul ay suuragal tahay in dad aad u tiro badan u dhintaan bilaha soo socda.

Isu-duwaha xafiiska arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay, Justin Brady ayaa sheegay in bilaha foodda nagu soo hayo ay dhici karto in dalka Sudan ay macluul iyo gaajo ugu dhintaan tobnaan ama boqlaal kun oo qof, haddii aysan bulshada caalamka si deg deg ah ugu gurman Sudan.

Ilaa 3.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseeyso 5 jir ayaa la ildaran nafaqo darro aad u xun, waxaa ku jira carruur gaareyso 710,000 oo xaalkoodu uu halis yahay sida ay xaqiijisay laanta caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

QM waxay kaloo sheegtay in dad gaaraya 5 milyan oo ruux oo ku nool Sudan ay hal tallaabo u jiraaan in ay galaan macluul. Laakin guud ahaan warbixinta ayaa sheegaya in ku dhawaad 18 milyan oo reer Sudan ah ay cunto la’aan yihiin.

DF Soomaaliya oo mowqif lama filaan ah ka qaadatay xiisadda IRAN iyo ISRAEL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ka soo saartay xiisadda Iran iyo Israa’iil, iyadoo ugu baaqday dhinacyada imay joojiyaan xiisadda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan. Xasiloonida iyo xiisadahan kor u kacaya waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay dhex-dhaxaadnimo, waxayna inta badan meel dhexe ka istaagtaa xiisadaha bariga dhexe, balse Iran iyo Israa’iil midna xiriir lama lahan dowladda Soomaaliya.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay, iyagoo aan gaarin halkii loola dan lahaa ee gudaha Israa’iil.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarkii xalay ay ku qaaday Israa’iil uu jawaab u ahaa weerar Israa’iil ay ku qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ay ku leedahay dalka Siiriya bilowgii bishaan.

Markaan waxaa la sugayaa go’aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay Iran ay ku ekeysay Israa’iil, guud ahaan dalalka gobolka Bariga Dhexe waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, waxayna Iran ka codsadeen in tallaabo dambe aysan qaadin.

“Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta” ayaa lagu yiri hanjabaad cusub oo maanta ka soo yeertay Iran.

Dhankeeda Israa’iil mar hore ayay wacad ku martay inay jawaab adag bixi doonto, waxaana suurtagal ah inay dhacdo falcelin ka timaada dhanka Israa’iil, maadaama dowladda hadda ka talisa lagu tilmaamo tii ugu go’aanka adkeed taariikhda maamulka Yahuuda.

Abshir Gaarane Axmed oo geeriyooday iyo hadalkiisii u dambeeyey ee saameynta leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariisto Abshir Gaarane Axmed oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, galabta ayuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen Balcad.

Abshir Gaarane ayaa galabta inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaas, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey rajiimkii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Sida ay Caasiamda Online u sheegeen dhalinyaradii ka badbaaday shilkaas Abshir Gaarane waxaa isbitaal ku yaalla Muqdisho la keenay isagoo dhaawac ah oo caadi u hadlaya.

Ugu dambeyntii Naqaska ayaa ku dhegay sidaas ayuuna ku geeriyooday, Abshir wuxuu mudooyinkii dambe ka howlgelayey mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Abshir Gaarane uu gal ka furtay maxkamadaha dalka, si uu cadaalad ugu raadiyo tacadiyadii awooda dowladda loogu geystay.

Israel ma waxay qorsheysay weerar jawaab u ah kii Iran?

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay, iyagoo aan gaarin halkii loola dan lahaa ee gudaha Israa’iil.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarkii xalay ay ku qaaday Israa’iil uu jawaab u ahaa weerar Israa’iil ay ku qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ay ku leedahay dalka Siiriya bilowgii bishaan.

Markaan waxaa la sugayaa go’aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay Iran ay ku ekeysay Israa’iil, guud ahaan dalalka gobolka Bariga Dhexe waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, waxayna Iran ka codsadeen in tallaabo dambe aysan qaadin.

“Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta” ayaa lagu yiri hanjabaad cusub oo maanta ka soo yeertay Iran.

Dhankeeda Israa’iil mar hore ayay wacad ku martay inay jawaab adag bixi doonto, waxaana suurtagal ah inay dhacdo falcelin ka timaada dhanka Israa’iil, maadaama dowladda hadda ka talisa lagu tilmaamo tii ugu go’aanka adkeed taariikhda maamulka Yahuuda.

Waxaa maamulka hadda ka taliya Israa’iil lagu xusuustaa jawaabtii uu ka bixiyey weerarkii Xamaas ee marinka Gaza, falcelin ku bilaabatay saacado gudahood ayaa lix bilood ka socota Gaza,  wuxuuna caalamku ku guul-dareystay inuu xakameeyo Israa’iil oo toos u beegsaneynsa rayidka Falastiin.

Quburada caalamka ee falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxay qabaan in ‘Golaha dagaalka ee Israa’iil’ aysan jawaab la’aan uga hari doonin weerarka tooska ah ee Iran ay geysatay xalay.

Israa’iil waxaa laga yaabaa in ay qaado weeraro aargudasho ah oo xiriir ah, kuwaas oo si taxadar leh loo qorsheeyay, lana isticmaalayo gantaalada ridada dheer, kuwaas oo lala beegsanyo oo kaliya, saldhigyada xalay laga soo tuuray madaafiicda ee Iran.

Daawo: Danab cusub oo tababar adag loo soo xiray iyo waajibaad culus oo la siiyey

0

Balidoogle (Caasimada Online) – Dufcadii 10-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar loogu soo xiray dugsiga tababarrada ciidanka Dana bee Xasan Tuure oo ku yaalla saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha kumaandooska Danab ayaa ka soo qeyb galay xafladda lagu soo xiray tababarka ay qaateen ciidamadaas.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goobjoog ahaa xafladii tababarka loogu soo xiray ciidankaan cusub ee Danab loo tababaray.

Wasiirka Difaaca Qaranka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbad ka jeediyey xaladda tababarka loogu soo xiray ciidanka cusub ee Danab ayaa ku war-geliyey askartaan cusub inay isku diyaariyaan furimaha dagaalka oo dhawaan loo daabuli doono, si ay ula dagaalamaan argagixisada.

Wasiirka ayaa ciidankaan u sheegay in rajo weyn laga qabo inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, sidoo kale wasiirka ayaa u mahad celiyey dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay dhismaha ciidanka Danab oo ah qeybta ugu awooda badan xoogga dalka.

“Walaalkeen Xasan Tuure oo dugsigaan loogu magac daray hadafkiisii inaad ka dhabeysaan ayaan rabnaa oo dalkaan aad cadowga ka xoreysaan, waxaad ka howlgeli doontaan dhul aadnaan waligiin tegin, waxaa la idinka doonayaa inaad si wanaagsan ula dhaqantaan dadka aad cadwoga ka xoreyneysaan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in dalkaan aysan nololi ka jirin inta Khawaarij ay joogto, isagoo ciidankaan ku dhiirigeliyey inay la yimaadaan dardar cusub, si wax weyn looga bedelo furimaha dagaalka.

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa goobjoog ahaa xafladaan, hadal kooban ayuu halkaas ka jeediyey wuxuuna ciidankaan ku dhiirigeliyey inay u diyaar garoobaan dagaalka ay ku jiraan dufcadihii iyaga ka horeeyey ee ka baxay dugsigaan Xasan Tuure ee Balidoogle ku yaalla.

Hoos ka daawo wasiirka iyo taliyaha:

DF oo war kasoo saartay cabasho ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin isa soo tarayay oo ka taagan magaalada Muqdisho.

Beeralayda caasimada ayaa dhawaan cabasho xooggan ka muujiyay ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ganacsatada uga cudur daaray culeyska ay kala kulmaan soo gelinta khudaarta ee caasimada ayaa waxa uu ciidamada ka dalbaday in loo fududeeyo baarista kala duwan ay maraan baabuurta sida khudaarta, si looga baaqsado khasaaraha ay ka cawdeen ganacsatada, maadaama ay ku jiraan dalagyo aan muddo badan ooli karin banaanka.

“Beeraleyda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahay inay caawiso beeraleyda, in ay u sameyso waxkasta oo dhiiri-galin u noqonayo sidii wax soo saarkoodu u fiicnaan lahaa, masuuliyadaas ayaa u taaganahay,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Waxa uu intaas kusii daray “Ganacsatada iyo beeraleyda dhankooda waa inay u dulqaatan ciidanka har iyo habeen u taagan sugida amniga caasimada, si looga hortago dhagaraha argagixisada. Ciidankuna waa inay u fududeeyaan, iyada oo lagu xad-gudbeen habka sugida amniga.”

Dhawaan ayay ahayad markii ganacsatada caasimada, gaar ahaan kuwa khudaarta ay cabasho xooggan ka muujiyeen ciidanka ku sugan baraha lagu baaro gadiidka, taasi oo ay sheegeen in muddo lagu hayo halkaasi, islamarkana ay inta badan ka halabaan dalagyadii ay beeraha kasoo gureen.

Arrintan ayuu khasaare horleh kasoo gaaray ganacsatada, waxayna hadda wasaaradda beeraha iyo waraabka ay ballan-qaaday inay si dhow ugala shaqeyn doonto fududeynta sidii dalagyadooda ay u gaarsiin lahaayeen suuqyada caasimada, maadaama ay kaalin weyn ku leeyihiin wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha IRAN oo war culus soo saaray kadib weerarkii ay ku qaadeen Israel

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Axadda maanta ah ka digay aargudasho “aan laga fiirsan” oo Israel ay ka sameysyo weerarkii xalay ay Tehran ku qaaday ee isugu jiray gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka.

Iran ayaa markii ugu horeysay abid weerar toos ah ku qaaday Israel, ayada oo uu kasii daray dagaalka daahsoon ee mudada dheer u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal kale.

Tehran ayaa marar badan ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Israel kadib weerarkii dhimashada badnaa ee 1-dii April lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq, waxayna Washington ka digaysay maalmihii la soo dhaafay in jawaabtu ay dhowdahay.

Jawaabta ayaa timid habeenkii Sabtida markii Iran ay dirtay in ka badan 300 oo diyaarado drone iyo gantaallo ah oo ku wajahan Israel, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 12 qof, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Balse inta badan dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa dhexda laga qabtay ka hor inta aysan gaarin Israel, ayada oo gacan laga helayo Mareykanka, Urdun iyo xulafo kale.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in boqolkiiba 99 gantaalada la soo riday la qabtay, isagoo sheegay in “weerarka Iran la fashiliyey”.

Inkasta oo 170 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 30 gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles la soo riday ka hor intii aanay Israel soo gaarin, haddana qaar ka mid ah 110-ka gantaal ee ballistic-ga ayaa ku dhacay Israel, sida ay sheegeen ciidanka Israel.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah gabar 12 sano jir ah oo ku sugneyd meel u dhow magaalada Arad ee koonfurta Israel, taasi oo ku jirta xaalad degdeg ah, sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee la geeyay.

Madaxweynaha Iran Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “in haddii maamulka Sahyuuniyadda (Israel) ama taageerayaasheeda ay muujiyaan hab-dhaqan aan ka fiirsi lahayn, ay heli doonaan jawaab adag oo ka sii xoog badan tii hore.”

Dalal badan ayaa cambaareeyay weerarka, islamarkaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo Axad ah uu yeesho kulan deg deg ah oo ay kaga hadlayaan wax loogu yeeray “xaalad si aad ah uga sii dartay.”

Weerarkan ayaa sidoo kale yimid iyadoo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xabad joojin looga gaaro dagaalka Gaza uu u muuqdo mid wiiqmay, waxaana Israel ay ku eedeysay Xamaas inay diiday hindise xabbad joojin ah.

Sawirro: Wasiirada cusub ee DF oo maanta la dhaariyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto uguna adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada cusub ee maanta la dhaariyay ayaa waxaa lagu magacaabay wareegto toddobaad kahor kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wareegtadaas ayaa sidoo kale waxaa markaas lagu soo dhammeystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaana, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Si kastaba, magacaabista xubnahan ayaa timid xilli ay Villa Soomaaliya ku guuleysatay wax ka beddelka dastuurka, ayna sidoo kale taagan tahay xiisad u dhaxeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qodobada sababay fashilka kulankii XASAN Sheekh iyo SHARIIF Sheekh Ahmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulankii habeenkii Jimcaha magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Labada madaxweyne oo isku dheri ah waxaa kulankooda soo agaasimay ganacsato iyo odayaal dhaqan oo ku heyb ah, waxa uuna kulanka ka dhacay guriga mid kamid ah ganacsatadii gogosha dhigtay.

Waxaa soo koobeyna xogtii kulanka iyo waxyaabihii keenay in la ismari waayay, inaga oo soo xiganeyna jawaabaha ay bixiyeen waxgaradkii, ganacsatadii iyo dhinacyadii kala duwana ee kulanka ka qeyb-galay ama sida dhow ula socday.

Markii koowaad furitaan iyo xog wareysi soddan daqiiqo qaatay kadib madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu codsaday in labadooda la iskaga dhex baxo oo gaar u wada-hadlaan, isaga oo muujiyay inay isfahmi karaan.

Kulan laba saacadood ka badan qaatay oo labada nin dhexmaray ayaa mira-dhali waayay, ganacsatadii iyo dadkii kulankaasi la socday ayaa waxay soo gudbiyeen mowduucyada adkeeyay kulanka.

Mid waa inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka laabto howsha dastuurka, siyaasadda laga heshiiyo, tabashada Puntland la xaliyo. Xasan Sheekh wuxuu qodobbadaasi uga dooday sida la sheegay in hadda dib looga laaban karin meesha la marayo, wuxuuna codsaday inuu Shariifka halkiisa kala qabsado, oo macnaheedu yahay in aan dastuurka laga laaban karin.

Arrinta Puntland wuxuu ku sheegay wax Saciid Deni ku eeg, wuxuuse dabacsanaan ka muujiyay in siyaasadda dhulka la dhigo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo la sheegay inuu ku adkeystay qabashada doorasho qof iyo cod, Shariif Sheekh Ahmed oo isaguna taas diidaneyd ayaa waxa uu dalbaday in iyada laftigeeda la isla ogolaado, oo ay u baahan tahay faham wadareed.

Mowduuca kale ee sida weyn loogu riiqmay waa awood qeybsi siyaasadeed.

Illaha aan xogtan kasoo xiganey waxa ay sheegeen in Shariif Sheekh Axmed uu dalbaday in Xasan Sheekh wax ka siiyo dowladnimada.

Middaan dambe Xasan Sheekh waxaa la sheegay inuu uga dooday in wax la wada yeesho inay ka horeyso in kalsoonida labada dhinac la soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa ka caga jiiday dooddaha qaran ee ka imaanaya dhanka Shariifka, balse si guud madaxweyne Xasan waa u dhago-nugla inuu dhageysto dooddaha la xiriira wax qeybsiga, si hoos loogu dhigo cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo xukunkiisa.

Odayaashii labada dhinac u kala dab-qaadayay ayaa waxay la kulmeen labada dhinac kahor inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh ka dhoofin magaalada Nairobi. Waxa uuna madaxweynaha u sheegay inay adkaatay in isaga iyo Shariifka isfahman, waxaana ku taliyay in kulanka kale la iskugu yimaado Muqdisho, talladan uu markaan ganacsatada iyo odayaasha wax ka siin doono, laakiin ma uusan sheegin waqtiga kulanka labaad.

Maadaama uusan madaxweyne Xasan Sheekh sheegin waqtiga labaad ee la is arki doono, dhinaca Shariifka waxay fahmeen inuu Xasan Sheekh waqtiga iibsanayo oo uu rabo inuu mudadaasi dhaqaajiyo sharciga axsaabta iyo midka doorashada.

Waxa uuna Shariifka habeen hore soo saaray qoraal uu ku xaqiijiyay inay guul-darro kusoo dhamaadeen wada-hadalladii isaga iyo Xasan Sheekh ee ay garwadeenka ka ahaayeen waxgaradka iyo ganacsatada beeshooda.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka gantaallo ee IRAN ay xalay ku qaaday ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa xalay xilli dambe oo Sabtidii ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil.

Ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay soo rideen qaybo badan oo kamid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

Imisa ayey madax furasho uga qaateen burcadda Soomaalida markabka MV Abdullah?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay sii daayeen Markabka MV Abdullah oo maalmihii lasoo dhaafay ay u haysteen afduub ahaan.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo gaareysa illaa 5 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in lacagta madax furashada ah burcad badeedda looga soo tuuray diyaarad Helikobter ah, kadibna ay sidaas kusii daayeen markabka.

Sidoo kale waxaa lasii daayay, iyaga oo bad qaba shaqaalihii la socday markabkan oo gaaraya illaa 23 nin oo bad maaxiyiin ah.

Kooxda burcad badeedda ayaa kadib markii ay qaateen lacagta madax furashada ah waxa ay qaarkood u carareen dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay kusoo qabanayaan burcadda.

Markabka MV Abdullah ayaa xilliga la afduubanayay dhuxul u siday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana kooxaha burcad badeedda ay gacanta ku dhigeen 12-kii March ee sanadkan 2024-ka.

Dhacdadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay oo burcad-badeedda Soomaalida ay lacag madax furasho ah ku qaataan tan iyo 2012-kii.

Waxaa sidoo kale falkan ka horreeyay howlgal kale oo ay dhawaan ciidamada badda Hindiya kusoo bad-baadiyeen Markabka MV Ruen oo gacanta u galay burcad badeedda, kuwaas oo nolosha lagu qabtay, kadibna la geeyay dalka Hindiya oo ay haatan ka bilaabatay maxkamadeyntooda.

DUQEYN lala beegsaday goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Duqeyntan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanayaa ciidamada Xoogga dalka ayaa si gaar aha uga dhacday duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegay in weerarkan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab isku uruursaayeen oo ku yaalla deegaanka Jicibow oo qiyaastii 20 KM u jira degmadaais, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kooxda kasoo saaray duqeyntaas.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen gantaallada ay ridayeen diyaaradaha, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha kasoo gaaray Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen maleeshiyaad iyo hoggaamiyeyaal ku sugnaa goobta la duqeeyay, balse ma shaacin tirada rasmiga ah iyo magacyada xubnaha lagu dilay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jicibow, isla markaana gaadiid iyo hub laga gubay, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab.