25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay xoogaga Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen aagga degmada Balcad oo qiyaastii 35 kiilo mitiri u jirta caasimada dalka.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Furdug ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen duleedka Balcad.

Qaasim Furdug ayaa xusay in haatan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaannada hoos yimaada degmada, loona baahan yahay in laga hortego.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha yimid aaggaas ay ka yimaadeen dhinaca Shabeelaha Hoose, ayna doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah HirShabelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ee soo gaaray duleeda Muqdisho, gaar ahaan Balcad ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay isticmaalayaan diyaarado Drones ah oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka codsaday inay dadajiso howlgallo looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Balcad, maadaama ay soo korortay xiisad cusub.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday ku qaaday gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaase dib u celiyay oo dagala kala hortegay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sawirro: DF oo si weyn u maamuustay wiil Soomaaliya u soo hooyey guul cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir.

Tartanka uu ku soo baxay Cabdullahi ayaa ahaa Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22-kii Maarso 2024-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga ah.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin” ayuu yiri Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda, sida uu sheegay Saalax.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqayad shaqo-abuurka ee caalamka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.”

Sucuudiga oo sheegay in caalamka uu ku guul-daraystay xalka dagaalka Gaza

Riyaad (Caasimada Online) – Sucuudiga iyo Pakistan ayaa si wadajira ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza, iyada oo Sucuudiguna uu soo jeediyey in xaaladda gobolka la dejiyo, isaga oo aan soo hadal qaadin weerarkii Iran ay ku qaaday Israa’iil.

Wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudiga Faisal bin Farxan al-Sucuud oo hoggaaminayey wefti heersare ah, ayaa Isniintii ku tegey magaalada Islamabad, safar laba maalmood qaadanaya, kaas oo ay ku indha-indhaynayeen, fursadaha maalgashi ee ka jiri kara Pakistan.

Wasiirada arrimaha debedda ee Pakistan iyo Sucuudiga oo shir jaraa’id oo wada jira qabtay, ka dib markii uu soo idlaaday safarkoodu, ayaa Al-Sucuud wuxuu ku baaqay in la soo afjaro dagaalka ka socda Qaza, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay heerka ay marayso dhimashada shacabka Falastiin.

“Xaaladdani maaha wax la aqbali karo. Tani waxay inna tusaysaa, sida uu u guuldaraystay nidaamkii caalamiga ahaa. waa in haatan la gaadhaan heshiis xabbad joojin ah oo degdeg ah” ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudigu.

Wasiirka ayaa sheegay, in xaqiiqadu ay tahay, inaanu nidaamka caalamiga ahi ku dhisnayn masuuliyaddii ay ahayd inuu qaato, isaga oo intaas ku daray, “waa inaan intaas wax ka badan samaynaa, si aan u joojino dilka”.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza, ciidamada Israa’iil ayaa dagaalka Qaza ku dilay in ka badan 33,000 oo Falastiiniyiin ah. Dagaalka ayaa bilawday, ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil ee ay ku dishay ku dhowaad 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, iyaga oo qafaashay illaa 250 kale.

Xog: Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ay isku hor fadhiyaan Somaliland iyo SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ilaa saddex deegaan oo dhaca xuduuda maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa caawa laga dareemayaa colaad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu qarxo.

Labada dhinac ayaa waxay ciidamo cusub keeneen goobaha qaar ee ay isku hor fadhiyeen markii horaba, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka ku nool deegaanada dhaca xuduuda labada maamul.

Deegaanka Buqdharkayn oo ay horay dagaalo culus ay uga dheceen ayaa ka mid ah meelaha lagu daabulay ciidamada cusub, deegaankaas ayaa 180 KM u jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo fadhi u ah maamulka SSC.

Waa deegaan muhiim ah oo dhaca inta u dhaxeysa Burco iyo Laascaanood, halkaas waxaa isku hor fadhiya ciidammo ka socda labada dhinac, waxaana suurtagal ah inay fooda is daraan waqti kasta.

Inkastoo deegaanada ciidamada Somaliland lasoo dhoobay ay wax badan ka fogyihiin caasimada SSC ee Laascaanood, hadana ciidanka Khaatumo ayaa fogaaday ina diyaar garoobay weerar uga yimaada dhanka Somaliland.

Goobaha caawa laga sareemayo saansaanta colaadeed ayaa horay u ahaa saldhigyadii ciidamada Somaliland, ka hor dagaalkii ay la galeen shacabka SSC, dagaalkaas oo burbur xooggan gaarsiiyey magaalada Laascaanood, balse markii dambe looga awood badiyey ciidamada Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda, isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.

Dhanka Somaliland ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan diyaar garow ay ku tagayaan deegaanada Khaatumo ee ay horay uga talin jireen, balse khubarada ciidanka waxay qabaan in roobka bilaabanaya ee xilliga Guga uu baaji karo colaad halkaas ka dhacda toddobaadyadaan.

Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidammo dhalinyaro ah oo muuqaallo ay iska duubayaan ku sheegaya in ay dagaal diyaar u yihiin, colaada u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ka bilaabatay Laascaanood, balse magaaladaasi waa caasimadda maamul aqoonsi ku meel gaar ah ka helay dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo dhabarjab ku noqotay Somaliland.

Daawo: Fiqi oo Puntland iyo Somaliland u cadeeyey 3 arrin oo awood aysan u laheyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Puntland iyo Somaliland, isagoo u cadeeyey awoodooda dastuuriga ah, isla markaana muujiyey in culeys badan oo ka saari doono arrimaha dibadda.

Fiqi ayaa hadal ka jeediyey madal uu galabta xilka wasiirka arrimaha gudaha kula wareejiyey wasiirka cusub Cali Xoosh oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadda Xoosh uu wajahayo imtixaan adag, maadaama maamulkiisii Puntland uu maqan yahay, isla markaana uu diidan yahay in dowladda dhexe uu la shaqeeyo.

“Wasiir Xooshoow Puntland lama taataaban jirin sidii Somaliland Islaanka iyo akhyaar kale baa meel kuu fadhiya, waxaa laga yaaba inaad is leysaan waxbaa qoorta kugu jira” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay intii uu joogay xilka wasaaradda arrimaha gudaha in caqabadii ugu weyneed ay ka soo wajahday aqoonsigii SSC Khaatumo, balse uu aaminsan yahay in arrintaas ay guul taariikhi ah ka gaareen, maadaama halkaas laga dhisay maamul ku meel gaar ah.

Fiqi ayaa sheegay in dowlad goboleedyada qaar ay ku doodayaan in dastuurkii KMG ahaa ay heystaan, balse isagii xitaa ay ku xad-gudbaan oo xiriiro caalami ah ay sameystaan, taas oo aan la ogolaa doonin sida uu ku hanjabay.

“Awooda arrimaha dibadda ee dalkaan waxaa ka masuul ah dowladda federaal, nin intuu tago heshiis lama soo gali karo wadan dibadda ah, hadii dastuurkii hore lagu dhaqmayo, qodobka 54–aad ayaa dowladda federaalka siinaya awooda maamulka arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo jinsiyadda iy socdaalka,” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa xusid mudan in Puntland iyo Somaliland oo garab maray dowladda federaalka ay heshiisyo lasoo galeen dowladda Itoobiya, taas oo weli dowladda federaalka Soomaaliya mareyn ka rabta, maadaama ay dhabarjebin weyn ku tahay.

Fiqi oo nin ad adag ah ayaa hadda noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana sugeysa maareynta siyaasad qalafsan oo Soomaaliya kala dhaxeysay wadamo ay ugu horeyso Itoobiya, intaas waxaa dheer in Soomaaliya ay tahay wadan tabar yar uu u baahan is xakameyn iyo cayaaridda diblomaasiyad heerkeedu sareeyo.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo shir ku wada casuumay DENI iyo madax goboleedyada kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shir gaar ah ku casuumay dhammaan madaxda goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirkan oo ah midka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah madaxweynaha Puntland, Saciid Deni oo haatan khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo dhawaan xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo magaalada Muqdisho ka dhcii doono inta u dhexeeysa 20 illaa 21-ka April ee sanadkan.

“Mudanayaal madaxweynayaal salaan diirran ka dib waxaa sharaf ii ah inaan idinku casuumo in aad kasoo qaybgashaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dhici doona Muqdisho inta u dhexeeysa 20 illaa 21-ka April”ayaa lagu yiri qoraalka casuumaadda ah.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in shirka looga hadli doono arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Shirkan waxaa looga hadli doonaan arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka” ayaa lagu yiri warqadda.

Shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana uu kasii daray khilaafka siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay diideen xubnaha mucaaradka iyo maamulka Puntland.

Maamullada kale oo markii hore taageersanaa qorshaha Villa Soomaaliya ayaa dhankooda gaabsaday wixii ka dambeeyay markii la ansixiyay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Faah-faahinta dil argagax leh oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo maanta laba qof oo shacab ahaa loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile, halkaas oo lagu laba marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiuur Sandheere oo loo yaqiinay (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahu Cismaan Shidane, waxaana dilay nin kale oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cismaan Geelle oo goobta isaga baxday.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Dayniile oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dilka labada ruux, wuxuuna sheegay inay tageen goonta uu ka dhacay.

“Maanta waxaa halkan ka dhacay shil, waxaana lagu dilay laba marxuum Allaha u naxariisto, haddii aan maamulka nahay aad ayaan uga xunahay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falkan argagaxa leh uu ka dhashay muranka dhul dhaxaltooyo ah oo ay isku haysteen labad nin ee la dilay iyo ninka wax dilay.

Waxaa kale oo uu xusay in maamulka iyo laamaha amniga ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo ay ku baadi goobayaan eedeysanaha oo goobta ka baxsaday, kadib dhacdada.

“Wuxuu dilka ka dhashay muranka dhul dhaxaltooyo ah oo maalmahanba taagnaa nin ka tirsan dhaxaltooyada oo hub haystay ninkaas ayaa waxa uu sameeyay fal argagax leh, wuxuuna dilay laba qof oo shacab ah, waana ku daba jirnaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka jira murano la xiriira dhulalka, waxaana badanaa ka dhasha isku dhacyo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Afar qodob oo halis ku ah Soomaaliya oo laga digay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee haatan lagu jiro, maadaama uu jiraan is mariwaa siyaasadeed iyo dhibaayooyin kale.

Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa kusoo koobay 4 qodob oo uu ka digay in xilligan lagu dhaqaaqo, kuwaas oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin Soomaaliya.

Afarta qodob ayuu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ku kala sheegay  1- Soomaalidu uma baahna hal ruux maskaxdiisa oo keli ah, 2- Soomaaliya uma baahna in ay awoodda xarun ka talis loo sameeyo, 3-3-Soomaaliya uma baahna in xasarad qabiil lagu kala fogeeyo, 4-4- Soomaalidu uma baahna musuq-maasuq.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

1- Soomaalidu uma baahna hal ruux maskaxdiisa oo keli ah, sababtoo ah waxay caqabad ku tahay geeddi-socodka go’aan gaaris sax ah.

Waxay meesha ka saaraysaa aragtiyada kala duwan, waxay ka indho saabaysaa qiimaynta saxda ah iyo waaqaca dhabta ah iyo in mudnaanta la siiyo halkii ku haboonaynd.

2- Soomaaliya uma baahna in ay awoodda xarun ka talis loo sameeyo, sababtoo ah waxay halis ku tahay heshiiska dalka isku haya, sida federaalka, awood qeybsiga, hannaanka wadar-oggolka ah ee loo dhan yahay iyo doorashada afartii sano mar ah.

Xarun dhexe ka talintu waxay keenaysaa xasillooni-darro siyaasadeed oo dhantaalaysa isku dheelitirka awoodda beelaha, waxay xoojinaysaa tartanka taban ee awoodda iyo khayraadka, waxayna kala fogaynaysaa dawladda dhexe iyo gobollada.

3-Soomaaliya uma baahna in xasarad qabiil lagu kala fogeeyo, maadaama siyaasaddeedu ay weli u nugushahay qabiilka oo dhalin karta kalsooni-darro iyo is aaminaad la’aan. Haddii ay qabiillada qaarkood dareemaan in laga sadbursaday awood qaybsiga, kheyraadka iyo dakhliga, waxay fursad u abuuraysaa siyaasiga sida gurracan qabiilka ku abaabula, kuna andacooda in uu raadinayo awood iyo mudnaanta beesha.

Siyaasadda haybta ku dhisan waxay dhaawacaysaa wadajir iyo midnimada dalka, waxayna naga weecinaysaa qadiyadaha lafdhabarka u ah dawlad-dhisidda iyo geeddi-socodka nabadda.

4- Soomaalidu uma baahna musuq-maasuq, maadaama uu asal ahaan wiiqayo dadaallada nabadda iyo dowlad-dhiska. Musuq-maasuqa iyo hab-dhaqanka boobka ah ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta dowladdu waxay meesha ka saarayaan sharciyada hay’adaha dowladda, waxayna wiiqaysaa awoodda dawladda ee ah in ay hesho taageerada shacabka ee ka dhanka ah kooxaha aragagexisada ah.

Ma aha in hay’adaha dawlada laga dhigto aalad fududeysa musuqmaasuqa, ilaalisa danaha siyaasiinta awooda haysta, ee waa in ay noqdaan kuwa shacabka si caddaalad, sinnaan iyo hufnaan leh ugu adeega.

Turkiga oo dib u bilaabayo tababarkii ciidanka Haramcad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa xiriirka dibadda ee ciidanka Booliska dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay taliye ku xigeenka Boolisla, Janaraal Zakiya Xuseen Axmed.

Sarkaalkan oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa, wuxuuna sheegay inuu yimid dardargelinta wada shaqeynta labada Boolis.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Turkiga ay si deg deg ah dib ugu bilaabi doonto tababarkii ay siin jirtay ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan waxaan bilaabeynaa tababarkii aan siin jirnau ciidanka Haramcad, waxaan rajeyneynaa inaaan dhawaan bilaawno” ayuu yiri madaxa xiriirka dibadda ee ciidanka Booliiska dalka Turkiga.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Madaxweynaha Turkiga uu si gaar ah u garab taagan yahay Soomaaliya, si ay uga gudubto marxaladda adag ee ay wakaheyso.

Safarka sarkaalkan ay soo dirtay dowladda Turkiga ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto xaqiijinta amniga Muqdisho iyo guud ahaan sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Turkiga ayaa kamid ah dowlahadaha waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhis ciidamada qalabka sida ee dalka.

Xog: Maamullada ay DF la gashay dagaalka dhaqaale iyo maamulka ku faa’iiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal dhaqaale oo wayn ku qaaday qaar kamid ah maamullada dalka, gaar ahaan kuwa ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, sida Puntland iyo Somaliland oo hadda xiisaddoodu ay gaartay meeshii ugi xumayd.

Dowladda dhexe ayaa qaaday tallaabo ay ku beegsatay labadan maamul, waxayna ka jartay miisaaniyaddii ay ku kabi jirtay Garoowe iyo Hargeysa, sida uu shaaciyay Aqoonyahan Guuleed Wiliq oo ah falanqeeye ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha dalka.

Guuleed Wiliq oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay hoos u dhigtay lacagihii ay siin jirtay labadaas maamul, sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan kala dhexeeya.

Waxa uu tilmaamay in sanadkii hore Puntland la siiyay 20 milyan, balse hadda kabka ahaan loo siiyay 6 milyan oo kaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacaga loo kordhiyay Jubbaland iyo Banaadir oo iyagu lasiiyay lacago ka badan kuwii ay qaateen sanadkii hore.

“Lacagihii kabka ahaa ee lasiin jiray Puntland iyo Somaliland hoos ayaa loo dhigay Jubaland iyo Gobolka Banadirna waa loo kordhiyay” ayuu yiri Aqoonyahanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sanadkan Puntland waxaa la siiyay 6 milyan, Jubbaland waxaa la siiyay 17 milyan, Banaadrna waxaa la siiyay 28 milyan”.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Somaliland la siiyay sanadkan 28 kun oo kaliya, taas oo ka dhigan in 100% laga jaray kabkii ay helin jirtay dowladda dhexe.

“Somaliland waxaa u maleysaa in 100% laga jaray waxaa la siiyay 28 kun oo kaliya halkii sanadkii hore ay qaadatay 13 milyan ” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday in dowladda federaalka ay wajaheyso culeys wayn oo ku aadan dhaqaale yari, uuna usii dheer yahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya dhaqaale xumo ayaa hayso, dagaalka Al-Shabaabna waa ku jirtaa waxyaalahaas ayaa dhacay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuleed Wiliq.

Yaa adkaaday ATMIS iyo Al-Shabaab, kadib dagaalkii qaraaraa ee JANAALE?

0

Janaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Janaale.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay, wuxuuna mid kasta ka sheegtay guullo waa wayn.

Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkan ay ku gubtay gaadiid, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiysay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada ATMIS iyo Al-Shabaab, waxaase goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda wuxuu ahaa mid Buulo-mareer oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Xog: Mucaaradka oo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Xasan Sheekh ka bilaabay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxay marwalba ahaan jirtay halka uu ka bilowdo abaabulka ka dhanka ah nidaamka waqtigaasi jira ee Soomaaliya.

Si gaar ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ee 2012, 2017 iyo 2022 waxaa isbeddelka laga jiheeyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay badi deegaan ku yihiin siyaasiyiinta xil sugayaasha ah ee Soomaaliya.

Toddobaadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir beeleed siyaasadeed uga qeyb-galay Nairobi. Xubno mucaarad ah oo markii hore ka ganbanayay inay Nairobi shaqo ka bilaaban ayaa hadda laga soo xigtay inuu madaxweynaha siiyay fursad ay dibadda uga bilaabi karaan shirar iyo abaabul ka dhan ah nidaamkiisa.

Sabtidii waxaa Nairobi ku shiray Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dr Cabdinaasir Cabdulle iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali. Kulankan oo Shariifka uu dalbaday ayaa ahaa mid uu xubnaha kaga warsiinayay wixii uu kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii ay isku arkeen Nairobi.

Xubnaha kulanka fadhiyay qaar ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Shariif ka qarin in doodda labada nin ku jiray awood qeybsiga siyaasadda, laakiin wixii ugu muhiimsana oo ay ka dooddeen wuxu ku tilmaamay xaalka siyaasadeed ee dalka, si gaar ah; in la iska kaashado amniga, laga heshiiyo dastuurka iyo doorashooyinka, la xaliyo tabashooyinka Puntland, fikir mideysana lagu wajaho culeyska ka imaanaya dhanka Itoobiya.

Dhamaan arrimahaasi ayay isla fahmi waayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Mucaaradka ku kulmay magaalada Nairobi waxay ka sinaayeen in Xasan Sheekh la joojiyo oo aan la aqbali karin halka uu madaxweynaha dalka kusii wado, oo ay qaar sheegeen inay ku dhamaan doonto inuu dalka kala tago.

Dhinacyada Nairobi ku shiray waxay isku soo hadal qaadeen qaabka loo dhigi karo mucaaradnimada, qaar ayaa soo jeediyay in guud ahaan mucaaradka arrintaan u midoobaan oo xitaa Farmaajo iyo dhinacyo kale lagu soo daro, balse xubnaha qaar ayaa taas ka cago jiiday waxayna soo jeediyeen in qolo walba gaarkeeda ula timaado hal abuur mucaaradnimo oo ay Xasan Sheekh kula dirirto, iyaga oo ka gadoodsan inay Farmaajo ku saf noqdaan.

Sida aan xogta ku helnay go’aan buuxa lama gaarin, balse waxaa lagu balamay in kulamada lasii wado. Sidoo kale in lala hadlo wakiiladda beesha caalamka oo la dareensiiyo sida aanay Soomaalida iskugu raacsaneyn halka uu Xasan Sheekh wax ku wado ayay diyaarinayaan mucaaradka qaar.

Waxaa kale oo la filayaa inuu dhawaan magaalada Nairobi yimaado hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isna si weyn u diidan hanaanka uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna kulan weyn oo dhinacyada mucaaradka ah ayaa la filayaa inuu dhaco.

Madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda duri karin in mucaaradkiisa shirar, dooddo iyo diidmaba kusoo bandhigaan dalal shisheeye kadib markii uu isagu dhawaan aqbalay, kana qeyb-galay gogol ay beeshiisu dhigtay magaalada Nairobi.

Kulamada mucaaradka ayaa imaanaya, iyada oo bisha soo aadan ee May ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano, waxaana caado ahaan jirtay in labada sano ee ugu dambeysa muddo xileedka madaxweyne kasta oo fadhiya Villa Somalia in lagula dhago isteerinka haddii uu isku dayo inuu dalka u jiheeyo dhinac aan heshiis lagu aheyn.

Sawirro: Xogta shir xasaasi ah oo u dhaxeeya DF, IMF iyo Bankiga Adduunka oo furmay

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ka qeyb-galaya shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Bankinga Adduunka oo ka qabsoomi doona Washington, kaasi oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Kahor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga wasiirka Maaliyadda waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah agaasimaha sare ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka mira-dhalinta hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.

Heshiiska difaac Soomaaliya iyo Turkiga oo halis wajahaya – Maxaa hadda soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale isku dayeysa inay xal u hesho xiisada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horey waxay Kenya iskugu deyday inay xal gaaraan wufuud laba dhinac ah oo ay iskugu keentay Nairobi. Laakiin sidan aan horey u baahinay kulankaasi waa lagu kala booday, kadib markii ay Itoobiya diiday in nuqulka koowaad lagu cadeeyo inay ka laabteen is-afgaradkii ay la galeen Somailand.

Markale Kenya waxay hal abuurtay qorshe cusub oo ay dalalka gobolka ku wadaagayaan kheyraadka baddaha, iyada oo meesha laga saarayo arrimaha ciidamada, lana dhowrayo madax-banaanida dal walba.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii la kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto. Wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahinta gobolkaba waxay sheegeen in madaxweynaha Soomaaliya lala wadaagay soo jeedintan cusub, iyada oo sida la sheegay ay Kenya ka talo gelisay Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loogu baaqay inay arrintaan kasoo fikiraan, markaas kadibna waxaa la qorsheynaya in kulan guud uu dhaco oo ay markii koowaad isa soo hor fariistan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan, markaas oo ay Soomaaliya si weyn uga hortimid is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Qorshaha Kenya ay wado waxa uu dhinaca kale imaanaya, iyada oo dhawaan dowladda Soomaaliya aya heshiis baddeed la gashay dowladda Turkiga.

Dadka ka faallooda arrimaha Bariga Afrika waxa ay sheegayaan in dalalka gobolka ay walaac ka dareemayaan heshiiska ay Soomaaliya la gasho Turkiga iyo saameynta dalalka ka baxsan Afrika ay ku yeelanayaan gobolka.

Waxa kale oo suurta-gal ah inay arrintaan ku lug leeyihiin dalal reer Galbeed ah oo doonaya in Soomaaliya ay dib uga gurato heshiiska ay la gashay Ankara.

Inkasta oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay beenisay in mowduucan laga wada-hadlay, haddana Soomaaliya ma inkirsana inay Kenya waayahan ku mashquulsaneyd in xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay xaliso.

Madaxweyne William Ruto ayaa u muuqda mid raadinaya inuu noqdo hoggaamiyaha gobolka, sidoo kale wuxuu dhamaadka bisha May ee sanadkaan booqasho rasmi ah ku tegaya Aqalka Cad ee Mareykanka, isagoo la kulmaya madaxweyne Joe Biden.

Waxa sida muuqatana uu raajicinaya Ruto inuu halkaasi la tego fikrad ka weyn waxa ka dhaxeeya Mareykanka iyo Kenya.

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uma badna inay hadda heegan u yihiin inay dib uga laabtan heshiiska aan weli la arag waxa ku qoran ee lala galay Turkiga. Laakiin dhinaca kale lama dhayalsan karo fikrad ay ku mideysan yihiin dalalka gobolka.

In si ganacsi ah ay dalalka u kala faa’iideystaan ma lahan cadaadis badan, laakiin Soomaaliya waxaa kusoo laabanaya ma ku jirta marxalad ay ku geli karto heshiis noocaas ah, iyada oo aan laheyn ciidan ku filan amniga baddaheeda, dalkana ay qeyb kamid ah argagixiso haysato, si weyna ay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iskugu khilaafsan yihiin kheyraad wadaaga.

Waxaa hadda la sugaya jawaabaha iyo tallaabooyinka soo aadan ee labada dhinac, iyada oo laga yaabo inay qorshahaan si weyn ugu farxi doonaan dalalka aan baddaha laheyn ee ku jira urur-goboleedka IGAD sida; Itoobiya, Uganda iyo South Sudan.

Militariga Soomaaliya oo wajahaya 4 dhibaato oo waa weyn – Maxaa loo dayacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar (4) dhibaato oo ay wajahayaan ciidanka xoogga dalka iyo niyad jab xoogleh oo ay wajahayaan ciidamadu – Maxaa sababay indhaha in laga daboosho arrimahaan?.

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ku jira dagaal daba-dheeraaday oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo qaatay sanado badan. Shaki kuma jiro in Milateriga Soomaaliya oo heysta taageero caalami ah iyo mid gudaha ah ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen kooxda Al-shabaab, loogana qabsaday magaalooyin waa weyn oo ay muddo dheer gacanta ku heysay kooxdu.

Laakiin waxaa dhankooda soo gaaray khasaare culus, waana mid kamid ah dabeecadaha dagaalka lagu yaqaano.

Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa afar dhibaato oo ay wajahayaan Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo ah kuwii ugu mudnaa ilaalintooda iyo tayeentooda, waxaana dhibaatooyinkaas ay banaanka keeni doonaan dadka masuulka ka ah niyad jabka ciidanka ku dhacay.

Afarta qodob ee aan kusoo qaadan doono Warbixintaan oo sababay niyad jabka iyo xaaladda quusta ah oo ay ku jiraan xoogga dalka ayaa kala ah;

1) Dagaalka oo daba dheeraaday

Markasta oo uu daba-dheeraado dagaal ay ku jirto dowlad ama koox waxa uu sabab u noqdaa in lagu daalo dagaalka iyo in uu kordho khasaaraha, waxaana jira dhacdooyin badan oo aan waxba laga baran, sidoo kalena aan cidna loo ciqaabin, kuwaas oo lagu waayay dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-shabaab.

Dowladda waxay dagaalkaas ku weysay saraakiil badan oo muhiim ahaa iyo ciidan, mana jirto hal qof oo loo ciqaabay waxay taasi keentay in Saraakiishii aqoonyahaanka ahaa ee ciidanka soo galay is weydiiyaan waxa keenaya isla xisaabtan la’aanta ah, si gaar ah waxay wali qaadan la’yihiin weeraradii lagu dilay Saaxiibadood Shataqeey, Shaah-Macabe, Xasan Tuurre, Suulnuug, Liibaan Golcad, Farxaan Qaroole iyo qaar kaloo badan.

2) Dalacsiin la’aan

Milateriga Soomaaliya oo la dalacsiiyo inta la ogyahay Taariikhda waxaa ugu dambeysay sanadkii 2013-2014-kii, marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiishii hogaaminaysay howladii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho, laguna weeraray madaxdii hore ee dalka ee uu ku jiro Xasan Sheekh oo markaas mucaarad ahaa.

2016 illaa 2024 Ciidanka waxaa aad u soo galay dhalinyaradii Jaamacadaha ka baxay, laakiin nasiib darro waxaa ku dhacay in dhalinyaradii kulliyadaha Leyli-saraakiisha ee wadamada Turkiga, Uganda iyo Sudan kasoo baxay oo Ciidanka wax tari lahaa ay waayeen dalaacaad, maadaama markii horaba aysan heli jirin dhaqaale ku filan.

Sidoo kale waxaa istaagay ama yaraaday koorsooyinkii loo aadi jiray Mareykanka, Turkiga, Talyaaniga iyo wadamo kale oo muhiim ah, taas oo saraakiisha dhalinyarada ah waqti nasiino iyo koorsooyin wax kororsi ah u aheyd, isla markaana ay kaga nasan jireen dagaalada daba dheeraaday ee dalka ka socda.

Markii la joojiyay fursadihii waxbarasho ee taliska uga baxsan lahaayeena, dalacaadna aysan jirin dagaal waqti dheer ahna ay galeen, dhaqaale ku filana aysan haysan waxa ay hada badi iska aadeen Kenya, Uganda, Ruwanda, Ethopia iyo Turkiga waa dadkii wax tari lahaa xoogga dalka oo aan laga faa’ideysan.

3) Xilalkii ugu muhiimsanaa oo siyaasiyiin la siiyay

Xilalkii nacfiga iyo waxtarka lahaa sida, hoggaanada iyo colalka waa weyn, qaab siyaasi ah ayaa loo qeybsaday, waana meesha labaad ee Talisku uu aad uga liito, tusaala ahaan hoggaanada Taliska waxa ay ka shaqeeyaan maamulka, dhismaha ciidanka, dejinta siyaasadda maamulka ciidanka, hormarinta ciidanka iyo guud ahaan qaabeynta Militeriga, laakiin hadda waa meelaha uu Taliska ka dumay ee u baahan badbaadinta.

4) Dhaqaala ku filan oo aan la siinin

Sida la ogyahay Ciidamada Soomaaliya ma qaataan mushaar ku filan ama u dhow ku filnaansho, sidoo kale dowladu ma awoodo in ay daboosho baahida ciidanka, laakiin qodobkaan kuma eedeysna dowladdu, maadaama ay tabarteedu liidato, ciidamada Soomaaliya waxay qaateen go’aan ay adagtahay in ay qaataan in badan oo kamid ah muwaadiniinta dalkaan, kaas oo ah in ay gunno yar ugu shaqeeyaan dalka, isuna dhigaan qaraxa iyo gumaca rasaasta Al-shabaab, iyadoo qaarkood ay yihiin Jaamiciyiin heli kara shaqooyin ka qabow tan ciidanka, hadana ma helin dalacsiin iyo kawar qabkii ay ka mudnaayeen madaxda Qaranka.

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska waxay Militeriga kaga roon-yihiin in ay helaan dalacsiin iyo in aysan ku sugneyn sida Milateriga furimaha dagaalka, kana maqnaanin sanado qoysaskooda, inkastoo waqtiyada qaar ay qeyb ka yihiin dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Hadaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ciidanka xoogga dalka ma badbaadin doonaa si ay u sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dalkana uu u helo amaan iyo kala-dambeyn? Maxaase hor taagan in la dalacsiiyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed?.

Mareykanka oo hal arrin uga digay Israel xilli ay dooneyso in ay ka jawaabto weerarkii Iran

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, islamarkaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto.

Soo jeedinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay inay qaadayso tallaabo aargudasho oo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iran ku qaaday dalkeeda.

“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo iyo in aan ilaalino danahayaga gobolka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Mr. Blinken ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la kulmayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ciraaq Maxammed Cali Tamim.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada ee dagaalka, taasi oo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.

Waxaa isa soo taraya cabsida la xiriirta in weerarkii jawaab-celinta ahaa ee Iran inuu albaabka u furo dagaal ballaaran oo dhex-mara Israa’iil iyo Iran, islamarkaana ku baaha gobolka oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in Mareykanku ka qayb qaadanayn weerar kasta oo rogaal celin ah oo ka dhan ah Iran.

ISRAEL oo qaadeysa tallaabo ay uga aargudaneyso IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.

Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka bixin doonaan”.

Wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.

Milateriga Israa’iil faahfaahin badan kama bixinin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil inuu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isaga oo sheegay in guul-darrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa isna Isniintii sheegay in Israa’iil ay haatan joogto boos ka xoog badan kii ay maalmo ka hor joogtay.

Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Daawo: Puntland oo jawaab adag ka bixisay fatwadii Cali Wajiis iyo qorshaha Xasan

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda federaalka ay wax uga bedeleyso dastuurka dalka iyo hadalkii Sheekh Cali Wajiis ee ahaa in dowladda federaalka ay weerari karto maamul goboleedkii amaradeeda diida.

Wasiirka ayaa su’aal geliyey wax la isku weerarayo hadiiba la bedelay dastuurkii heshiiska lahu ahaa, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu gaaray go’aan isaga u gaar ah oo danta umadda Soomaaliyeed aysan ku jirin.

Sidoo kale, wasiir Maxamuud ayaa sheegay in culimada Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ay ka jawaabeen hadalkii Sheekh Cali Wajiis, isla markaana ay Puntland cadeyneyso in fadwada Shiiqaas ay ka digeyso, dagaal ay la gasho dowladda federaalkana aysan diyaar u aheyn Puntland.

“Xarigii dadkaan Soomaaliyeed isku hayey wuxuu ahaa dastuurka, hadii isagii la jebiyey dowladnimo ma jirto, wax dambena lama qeybsan karo, hadii xukun la adeecayo Sheekh Cali Wajiis wuxuu adeeci lahaa kii Maxamed Siyaad Barre oo adeegyada bulshada oo dhan ay dowladu bixin jirtay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa culimada uga digay inay dadka iyo dowladda fidno iyo dagaal sokeeye ku hagaan, “Qolo gaar ah halagu duulo waa fidno aan ka digeyno,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yiri doorashaan qabanayaa, doorashada yaa loo qabanayaa? Ma dadka Muqdisho jooga ee guryaha ay dhaceen ku nool ayaa doorasho loo qabanayaa?” Ayuu yiri.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku taliyey in horta maqaamka Muqdisho laga wadahadlo inta aan laga tashan nooca doorashada la qabanayo, “Muqdisho maxay noqoneysaa ma caasimad dowlad goboleed, mise caasiamdda umadda Soomaaliyeed, taas ayaa u baahan in la qeexo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo 3 saldhig militeri isku maray, qorshe dagaalna iclaamiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saldhigyadaas ay ka amba-baxayaan cutubyo ciidan ah oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa ciidamada uga warbixiyey filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gacan lagu ciribtirayo argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda.

Madaxweynaha ayaa qiray in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ay soo bandhigeen nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

KENYA oo ka fiirsaneysa heshiis ay la gashay Ethiopia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dooneysa inay dib uga gor-gortanto heshiis dhinaca tamarta ah oo ay horay ula gashqy Itoobiya.

Isku-deygan ayaa imanaya ka gadaal markii ay Addis Ababa ku guul-sarreysatay in ay buuxiso shuruudihii lagu heshiiyay.

Heshiiskan oo labada dal dhex-maray bishii July 2022-kii ayaa dhigayey in Itoobiya ay Kenya ka iibiso koronto muddo ku siman 25 sano, balse durba waxaa soo wajahday caqabado u saamixi waayey soo saarista tamar ku filan in ay koronto u dhoofiso dibadda.

Middaan ayay walaac ka muujisay Kenya, ayada oo hay’adda waddankaasi u qaabilsan tamarta iyo shidaalka ee EPRA, xilli qalalaasaha dhanka tamarta ee ka jira Itoobiya in uu Nairobi ku hayo hubanti la’aan, sida ay sheegtay ERPA.

Arrintaan ayaa kalifeysa in ay dib ugu laabato Kenya miiska wada-hadalka, si gor-gortan cusub uga gasho heshiiskan.

“Itoobiya waxay ku guul-darreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso sababta ugu wacan gaabiska ku yimid fulinta heshiiska ay wada galeen, taas oo Kenya ku ah halis aan la dhayalsan karin,” ayuu yiri Daniel Kiptoo, oo ah madaxa hay’adda EPRA oo la hadlay wargeyska The East African.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la dhayalsan karin halista ku gadaaman heshiiskan, wallow aysan Itoobiya weli si rasmi ah gacanta uga taagin hirgelinta heshiiska koronto.