25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Tirada dadka Somaliland ‘oo gaartay 6.2 Milyan’ + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka degan Somaliland ay haatan gaartay illaa 6.2 Milyan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhammeystiran oo muhiim ah.

Shirkan oo uu guddoomiyeay madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, ayada oo laga soosaaray 4 qodob oo lagu xusay war kasoo baxay shirka.

“Tirada dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Wasiirada Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ay kamid yihiin  sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan iyo qorshayaasha kale ee muhiimka ah.

Halkan hoose ka akhriso: 

𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃.

Hargeysa-18-04-2024-()-Fadhigii 127aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorsheyaasha guud ee qaranka ee dhinaca maaliyadda, amniga iyo shilalka gaadiidka ee marba marka ka danbaysa sii badanaya.

Ugu horayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo xog-waran golaha ka siiyey xaaladda amniga ee dalka iyo midda geeskaba iyo diyaar garawga Xuska Sannad Guurada 34aad ee dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-May oo gudaha iyo dibeddaba ay ka socdaan abaabul xooggan oo la xidhidha qadiyadaha madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Maxamed Habbane iyo Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) waxaanay dhammaantood golaha warbixin guud ka siiyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan wasaaradahaasi iyo qorsheyaasha sannadkan lagu jiro u degsan.

Dhinaca kale, goluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-

  1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.
  2. Goluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.
  3. Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.
  4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.

ALLAA MAHAD LEH.

Sawirro: Ciidanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Yurub oo dhoolatus ka sameeyay badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano (ATALANTA) ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus wayn uga sameeyay xeebaha Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe lagu arkayay burcad badeed.

Labada ciidan ayaa si mideysan Layli ugu qaatay Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee dalka Spain ee jooga gudaha biyaha Soomaaliya.

Ujeedka Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka  burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maagelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Sidoo kale Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Dhaq-dhaqaaqan waxaa  hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Gaashaanle sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo mar kale ay soo rogaal celiyaan kooxaha burcad badeedda oo todobaadkan 5 milyan oo dollar madax furasho uga qaateen Marka MV Abdullah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku haysteen xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubkan markabkan waxaa ka horreeyay markab kale oo lagu magacaabo MV Ruen oo isna laga badbaadiyay burcad badeeda, kadib markii ay nolosha ku qabteen kooxdii afduubayaasha ahaa ciidanka badda Hindiya oo ugu dambeyn ka dajiyay dalka Hindiya.

Local hero Oscar champions environmental preservation in Somalia

In the slowly progressing nation of Somalia, a dedicated Osman Yusuf Osman known affectionately as Oscar by those closest to him is spearheading vital initiatives aimed at safeguarding the country’s environment. His unwavering commitment to enhancing the wellbeing of his homeland shines through his focused efforts on environmental security and the preservation of Somalia’s stunning natural beauty. 

Oscar’s journey into environmental advocacy began with his profound connection to the landscapes of Somalia, which he believes are an integral part of the nation’s heritage and future prosperity. This deep-seated passion has driven him to launch and lead numerous projects that address critical ecological issues, from deforestation and water scarcity to wildlife protection. 

Among his notable initiatives is the Oscars Green Somalia campaign, which mobilizes local communities to participate in tree planting activities and clean-up events aimed at combating pollution and restoring natural habitats. This program not only beautifies the environment but also educates residents about the importance of ecological stewardship and sustainable practices. 

“Oscar’s passion for our environment isn’t just inspiring, it’s transformative,” says Amina, a school teacher and volunteer in the Green Somalia campaign. “Through his efforts, he has brought our community together for a cause that is crucial for our survival and well-being.”

Oscar’s influence extends beyond grassroots movements; he collaborates with national environmental agencies and international conservation groups to secure funding and support for larger-scale projects. His persuasive advocacy has led to the implementation of stricter pollution controls and the development of renewable energy resources in several regions of Somalia.

The effectiveness of Oscar’s initiatives is evident in the tangible improvements in local biodiversity and the increased awareness of environmental issues among the Somali population. Testimonials from community members highlight the visible changes in their surroundings and the pride they take in contributing to these efforts. 

“I never thought I would see such a change in my lifetime,” shares Mohamed, a local farmer whose land will benefit from improved irrigation and soil conservation techniques developed through one of Oscar’s programs. “Our children will inherit a land that is healthier and more bountiful than we ever imagined possible.” 

Oscar’s work also addresses the socioeconomic aspects of environmental degradation. By introducing eco-friendly agricultural practices and supporting sustainable tourism, he helps create jobs and provide stable income sources for families, thereby reinforcing the link between environmental health and economic prosperity. 

As Somalia continues to face environmental challenges, including the impacts of climate change and resource depletion, Oscar’s forward-thinking initiatives offer a beacon of hope. His holistic approach not only mitigates immediate ecological threats but also lays the groundwork for long-term sustainability.

Residents and friends of Oscar remain deeply grateful for his tireless dedication and infectious enthusiasm. “He has taught us that each of us has a role to play in protecting our environment,” reflects Layla, a local business owner involved in the initiatives. “We love Oscar not just for what he does, but for inspiring us to act.” 

Oscar’s commitment to environmental security in Somalia is a poignant example of how individual leadership can ignite collective action and drive significant change. His story resonates as a powerful call to action for environmental stewardship, reminding us all of the critical role we play in shaping the future of our planet.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Facelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay xalay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay tijaabisay hub waa wayn oo si xoogan looga dareemay xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kahor tijaabada hubkan ayaa waxaa ogeysiis soo saaray laamaha amniga oo wargeliyay shacabka inuu jiro hub loo ridayo si tijaabo ah, ayna u dul qaataan dhawaqa hubkaasi.

“Ciidamada Amnigu waxa ay ogaysiinayaan Shacabka Caasimadda in uu jiridoono tijaabo hub, sidaas awgeed haddii aad maqashaan dhawaqa hubkaas wax dhib ah majiraan” ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Hubkan oo xalay si weyn looga dareemay gudaha caasimada ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid cusub oo ay soo iibsatay dowladda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarnayd, taas oo u sahleysa inay soo iibsato hub waa wayn.

Haddaba sidee looga faceliyay tallaabada ay qaaday DF Soomaaliya?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, iyaga oo ka falcelinaya hubka xalay lagu tijaabiyay magaalada Muqdisho.

Axmed Naaji Cabdalle ayaa yiri “Banaanka magaalada maa lagu soo tijaabiyo maxaa shacabka loo argagax galinaa?.

Fanaanada Xamdi Bilan oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa iyaduna si kaftan leh ugu jawaabtay “Sheeko bal dhanka degmada Hodan iyo dagmada Heliwaa ka ilaliya.”

Maslax Maxamed oo kamid ah dhalinyarada istcimaala baraha bulshada ayaa yiri “Qolo in lagu tijabiyo u baahan ayaaba jirtaa maa lala aado?”.

Maryan Maxamed Xuseen “Meeqo saac ayaa la tijaabinaa si dadku u fahmaan in tijaabadii hubka ee SNTV noo shegay tahay”.

Nuuradiin Xaaji ayaa ka mahadceliyay wargelinta ay soo saartay dowladda wuxuuna yiri “Waad mahadsantihin in aad noo shegtaan”.

Qalanjo Siman waxay iyaduna tiri “War Khawaarij ha lagu soo baroobeeyo yaana lagu dul ridin hubkaas is maqal ma jiraa?”.

Sawirro: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay saddex heshiis oo lala galay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay saddex heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiiska koowaad ee ay golaha meel-mariyeen ayaa ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, kaas oo kor loogu qaadayo xiriirka labada waddan oo ka wada tirsan ururka ganacsiga ee bariga Afrika.

Sidoo kale heshiiska labaad ayaa dhigaya wareejinta Maxaabiista Xukuman ee ku xiran xabsiyada dalka Tansaaniya, kaas oo fursad siinayo muwaadiniinta ku xiran dalkaas oo dib loogu soo celinayo gudaha Soomaaliya.

Heshiiska saddaxaad Iskaashiga Dalxiiska, si ay labada dal isku dhaafsadaan booqashooyin iyo safarro dalxiis oo muhiim ah.

Intaasi kqei Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka islaashiga dibadda ah, waxayna dalal waa wayn lasoo gashay heshiis muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka

Dagaal culus oo mar kale ka qarxay Qoryooley + Sawirro

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu maanta ka dhacay xaafada Buulo Siidow, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Sawirro laga soo qaaday bartamaha Qoryooley ayaa muujinaya degmada oo haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.

Ilo deegaanka ah Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu weli socdo, isla markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cakiran tahay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo marar badan kusoo laa laabtay aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisadda ka taagan Qoryooley oo u dhexeyso labada beelood ayaa todobaadii u dambeeyay ka taagnayd magaalada, waxaana fashilmay dadaallo lagu xalinayay labada dhinac.

Marka laga tego Qoryooley, waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, waxaase faro-gelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ciidan gaysay degmooyinkaasi.

Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulka, waxaa iyadana ka jirta xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan magaaladaasi.

Xog: Deni oo qorshe cusub u tagaya Kenya kadib dagaalkii uu la galay Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar gaar ah ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa hadda ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa mudada uu ku sugan yahay Nairobi la kulmi doona qaar kamid ah safiirada dalalka taageera arrimaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya barnaamijyada gargaarka iyo hormarinta.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo qorsheysnaa maalintii Talaadada ayaa baaqdey kadib markii roobab xooggan ay ka da’een Dubai, taas oo saameysay duulimaadyada diyaaradaha.

Xog ku dhaw safarka Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegaysa in uu kulan gaar ah la qaadan doona madax ka socota dowladda Maraykanka oo ku sugan Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan xaaladda isbeddelka leh ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha burcadbadeeda, argagixsada iyo xiisadda ka taagan badda cas, waxaana hadda ay u muuqataa mid wax ka beddalaysa siyaasadeedi Geeska Afrika ee 12 sano ee la soo dhaafey.

Kulanka Deni iyo Maraykanka ayaa looga hadli doonaa iskaashiga Puntland iyo Maraykanka ee arrimaha amniga iyo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Nairoobi kuwaas oo diyaarinaya kulamada Madaxweynaha.

Puntland ayaa beesha caalamka ka dooneysa in loola dhaqmo hab gaar ah maadaama xiriirka u jartay Dowladda Federaaka, kadib markii ay ku eedeysey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurkii ku xadgudbay.

Maamulka ayaa shalay diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.

Midowga Yurub oo Soomaaliya u ansixiyey $100 milyan ka badan iyo waxa lagu qabanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero dowladda federaalka iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale qaaday tallaab ku aadan horumarinta amniga Soomaaliya, wuxuuna ansixiyay malaayiin doollar oo ku baxaysa amniga dalka.

Midowga Yurub ayaa haatan Soomaaliya u ansixiyay $74.4 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan gudaha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qarash gareyn doonaa wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo la filayo inay Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sanadkan 2024.

Waxaa kale oo jirtay lacag kale oo gaareysa $42.5 milyan oo uu Midowga Yurub ku taageeri doono ciidamada Xoogga dalka, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Taageeradan dhaqaale ee ay dalalka Yurub ku bixinayaan Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doonto amniga dalka, maadaama la dhisayo ciidan Soomaali ah oo beddalaya ATMIS.

Waxaa haatan dowladda federaalka ay waddaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda amniga, maadaama uu si tartiib ah ku bilowday qorshaha bixista ATMIS oo horay ciidamada Xoogga dalka ugu wareejisay xarumo iyo saldhigyo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa dhowaan la qorsheynayaa in 4,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan howlgalka ATMIS laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha soo socota June.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa taageera dhaqaale oo weyn ku bixiya howgalka ATMIS, isaga oo horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.

Wararkii ugu dambeeyey ee Somaliland iyo Khaatuumo oo qarka u saaran dagaal cusub

Laascaanood (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada SSC-Khaatumo ayaa sheegay in qorshaha qaar ka mid ah ciidammada taageerayay xoogagga SSC dib ugu noqdeen Mudug ay tahay mid la isla ogaa, markii loo baahdana ay soo noqon karaan.

“Ciidammad SSC-Khaatuml way ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wayna uga mahadcelinayaan ciidammada sida xaqa ah ugu soo gurmaday intii ciidammada Somaliland oo u abaabulan hab beeleed ay duqeynayeen Laascaanood,” ayuu yiri sarkaalka sare ee SSC-Khaatumo oo ku sugan duleedka deegaanka Oog.

“Haddii ciidamada beelaha maamulka Somaliland taageersan ay weerar soo qaadaan dagaalku wuu ka duwaananaan doonaa kii socday sanad kahor. Wuxuu noqon doonaa mid ka socon doona soohdin beeleed dheer,” ayuu yiri.

Sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Somaliland aysan waxba ka dheefi doonin colaad cusub, ayada oo bilihii ugu dhowaa ay xaaladduu deganeyd.

“SSC-Khaatumo iyo ciidammada taageerayay weerar kuma qaadin dhulka beelaha Isaaqa. Colaad cusub macne cusub bay yeelanaysaa. Waxaannu u arki doonnaa gardarro dhiigeenna iyo hantideenna lagu bannaysanayo,” ayuu yiri.

 Maamulka Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey dhaq-dhaqaaq xooggan ka wadey jiidaha ciidamadu isku hor fadhiyaan ee degmada Oog oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood. 

Somaliland ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo ay sheegtey in tababar u soo xirtay keenteay furimaha la isku horfadhiyo, sidoo kale gaadiid dagaal oo dheeraad ah ayaa la keenay aagaas.

Wararku waxay sheegayaan in Somaliland dooneyso in ay dagaal dib ugu soo qaadeyso gobolka Sool oo laga saarey bishii Agoosto ee sanadkii hore, ka hor maalinta ay sida weyn u xusaan ee 18 May.

Ilaa saddex deegaan ayaa ciidamo dheeraad ah la keenay sida ay sheegayaan dadka deegaanka, waxaana kamid ah Buqdharkeyn iyo Oog.

Sawirro: Koonfur Galbeed oo hub kasoo furatay Shabaab

0

Berdaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka weerar culus uu ka dhacay duleedka degmada Berdaale ee gobolkaasi, kaas oo ay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Weerarkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen tuulada Taflow oo 28 KM u jirta degmada Berdaale ee gobolka Baay.

War kasoo baxay Koonfur Galbeed oo lagu baahiyay Telefishinka maamulkaasi ayaa lagu sheegay in howlgalka oo guuleystay lagu dilay 9 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hub iyo rasaas ay ciidamada deegaanka kusoo furteen weerarka ay saaka ku qaadeen kooxda Al-Shabaab

“Degmada Bereaale Ee Gobolka Bay Taariikhda:18/4/2024 Xarun ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciidanka Xaq udirirka Deeganka weerar ay kuqaadeen waxaa laga soo furtey 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada Daacad u ahaa” ayaa lahu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in ciidamada qaaday howlgalka oo gurmad ahaan u baxay ay nabad qabaan, welina ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi

“Ciidamada Xaq udirirka ah ayaa hada gurmad uga baxay Degmada Berdaale Wayna Nabad qabaan Ciidanka” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay Koonfur Galbeed.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay xilligan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya labada dhinac.

DEG DEG: Diyaarad milateri oo ku bur-burtay Kenya iyo taliyihii ciidanka oo…

0

Nairobi (Caasimada Online) – War soo baxay goordhoweyd ayaa sheegaya in diyaarad milateri oo nooca qumaatiga u kaca ah ay ku bur-burtay dalka Kenya wax yar uun kaddib markii ay kacday.

Telefishanka Citizen ayaa soo weriyay in Taliyaha Milateriga Kenya Janaraal Francis Ogolla uu saarnaa diyaaradda dhacday.

Sidoo kale warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in ay saarnayeen diyaaradda illaa siddeed ruux oo kale, taasi oo ku bur-burtay galbeedka waddankaasi.

Warar is-khilaafsan ayaa illaa hadda kasoo baxaya xaaladda Madaxa Milateriga, waxaana qaarkood ay tibaaxayaan inuu si xun u dhaawacmay loona qaadey Nairobi, halka qaar kalena ay soo warinayaan in uu geeriyooday.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in war rasmi ah ay dowladda ka soo saari doonto shilka diyaaraddeed.

Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha kala Caasimada Online.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo qaabilay wiil guul taariikhi ah u soo hooyey Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jaamac Maxamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jaamac Maxamed sida uu u matalay dalkiisa.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guusha uu Cabdullahi gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22kii Maarso 2024.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ayuu yiri Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuurka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay. Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sawirro: Soomaaliya oo tusaale cajiib ah u noqotay wadamada soo koraya kadib markii…

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo Ku Xigeenkiisa, isagoo ku sugan dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faahfaahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika.

Shirkaas ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

 

Weriye Xuseen Cabdulle oo shaaciyey hadalladii dhex-maray isaga iyo Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu kaga warbixinayo xarig ay u geysatay hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qoraalkaan intiisa badan wuxuu ku soo bandhigay magacyada masuuliyiin ka qeyb qaatay siideyntiisa, isagoo sheegay inuu xiraa muddo 24-saac ah.

Sidoo kale, Weriye Xuseen Cabdulle wuxuu soo bandhigay wadahadal kooban oo dhex maray isaga iyo Agaasimaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe, ka hor inta aan la xirin.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo wada jeeda beesha Abgaal ayuu sheegay inay ka qeyb qaateen soo deyntiisa, isagoo balan-qaaday in uusan aamusi doonin oo xaqiiqada uu soo tebi doono.

Xuseen Cabdulle ayaa ka mid ah Weriyaasha ugu caansan magaalada Muqdisho, wuxuu leeyahay warbaahin gaar ah, wuxuuna soo tebiyaa dhacdooyinka xasaasiga ah ee dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Xuseen:

MAHADCELIN

Axmdlh waan helay Xorriyadeyda, kadib 24 saac oo aan afduubnaa!

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo amarkiisa leygu daayay, Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, Xildhibaan Xasan Cabdinuur, Xildhibaan Macalimuu, Sheekh Soomow iyo dhamaan madaxdii ka qeyb qaadatay in aan Xorriyadeyda helo.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa waalid, walaal, ehel iyo asxaabta saxaafadda oo dedaal badan ku bixiyay in aan Xorriyadeyda helo la’aantoodna aysan waxba suurta geli laheyn.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee isoo wacay waxaan ka raali gelinayaa in aanan u wada jawaabi karin, waana uga mahadcelinayaa niyad wanaagooda iyo garab istaagooda, laakiin qof kasta halkaan ayaa uga mahadcelinayaa 100%

Anigoo tixgelinaya codsiga dadkii isoo daayay waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa “Saxaafadda Soomaaliya waxay saaran tahay gaari BUS ah oo Miineysan, rimoodkii lagu qarxin lahaana uu gacanta ku haayo nin kale!”

Wabillaahi Towfiiq.

Soomaaliya oo Nabad ah insha Allaah.

 

DF oo markii ugu horreysay yeelaneysa ciidan ka maran…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadkii hoggaamiye kooxeedyada lagala wareegay ayaa gabaabsi kusii ah kamid ahaanshaha ciidanka dowladda Soomaaliya, tani waa farriin togan maadaama ay gacan ku dhiiglayaal u badnaayeen.

Sidoo kale balwadaha maanka dooriya ayaa si weyn dib ugu dhigay waxqabadkii laga filaayay askartii loo tababaray dowladda Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna dhinaca kale dhaxalsiisay inay isla askarta shacabka ku dhibaateeyaan awooddii loo dhiibay, iyaga oo raadinaya lacago ay ku iibsadaan jaad iyo waxyaabo kale oo qofka maskaxdiisa dhinaca taban u jiida.

Intii uu socday qorshihii wejigii hore ee la-dagaalanka argagixisada ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha la ogaado waxaa kamid ahaa in argagixisada ay soo weerarto ciidanka saacadaha ay ogaadan inay jaadka ka kaceen.

Waxaa kale oo jira farriimo hore oo sheegayay in argagixisada laftigeeda ay dhowr jeer ka shaqeysay in askarta kasoo horjeeda jaad loo geeyo, si ay dagaalka iyo difaacaba uga mashquulaan kadibna ay weerar ugu qaadan.

Dhowr weerar oo gaadmo ahaa oo ay argagixisada ku qaaday ciidanka xoogga dalka sanadkii hore ee 2023 waxaa sabab u ahaa ku mashquulida ay askarta ku mashquushay jaadka.

Laakiin markan waxaa jirta farriin weyn oo wax ku ool ah, ciidan uu hadda tababar u socdo oo la rabo inay ka qeyb qaatan la-dagaalanka argagixisada ayaa noqday ciidankii koowaad ee loo qoro dowladda Soomaaliya oo shuruudaha xulista ay ku jirto in uusan askariga laheyn wax balwadaha maanka dooriya kamid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dorraad la hadlay ciidankaas loo carbinayo dagaalka ee ka nadiifka ah balwadaha maanka dooriya waxa uu sheegay in qofkii ciidanka ku dhex jira ee la arko isagoo balwad wada inuu yahay nin u adeegaya argagixisada, wuxuuna madaxweynaha ku baaqay in qofkaas la qabto.

Waxaa kale oo madaxweynaha uu sheegay in askarigii la arko isagoo balwad isticmaalayo inuu iskaga tagi doono ciidankan cusub, maadaama markii hore lagu soo xulay in aysan balwad laheyn.

“Ciidanka waxa jabiya ama dila ayay balwada kamid tahay, nin balwad la wareegaya ciidanka dhexdiisa Shabaab ayuu u adeegaya waa cadow ee qabo. Waa hubaa in idinka la idin soo aadeynin oo waa kuwaasi kuwii balwada maaha ayaa hubaa maalinka howl-gashaan Insha allah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ma ka tanaasulay dastuurka la ansixiyay kadib tallaabada uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casuumad u direy dhammaan madaxda goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, si ay uga soo qeyb-galaan shir xasaasi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah midka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni oo si weyn isku hayaan Xasan Sheekh, kan Jubbaland, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo magaalada Muqdisho ka dhici doono inta u dhaxeysa 20 illaa 21-ka April ee sanadkan.

“Shirkan waxaa looga hadli doonaan arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda casuumadda.

Haddaba, madaxweyne Xasan ma ka tanaasulay dastuurka la meel-mariyay dhawaan?

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa dhawaan baarlamaanka marsaday wax ka beddelka dastuurka, oo ay si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wax ka beddelka dastuurka ee meel-marka noqday ayaa ah afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, oo ay ku jiraan qodobo xasaasi ah sida; doorashooyinka iyo haykalka dowladnimada.

Dastuurka la ansixiyay oo uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”.

Warqadda casuumad ee madaxweyne Xasan uu xalay u direy madaxda dowlad-goboleedyada ayaa waxa loogu yeeray “madaxweyneyaaal” halka uu dastuurka dhawaan la meel-mariyay uu dhigayo in la dhaho “hoggaamiyeyaal”.

Fallanqeeyayaasha qaar ayaa qaba in tallaabadan ay muujineyso dabac xagga madaxweynaha oo la xiriirta dastuurka la ansixiyay, xilli uu jiro guux dhanka madaxda maamullada oo iyadna la xiriirta qodobbada qaar ee dastuurka.

Halka kuwa kale ay qabaan in dastuurka la meel-mariyay uu dhaqan-gal noqon doono muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh kadib, sidaas darteedna uu madaxweynaha ugu qoray warqadda casuumadda “madaxweynayaal” ragga xukuma maamullada.

Si kastaba, hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa muddo fog u qorneyd inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka dhawaan maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye.

Dastuurka maray baarlamaanka oo mucaaradad xooggan wajahaya ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, halka ay Puntland aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinacyadan oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub, ayaa sidoo kale waxay shaki geliyeen dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, uuna saxiixay madaxweynaha.

Erdogan oo war culus kasoo saaray xiisada Bariga Dhexe

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay masuul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

Erdogan ayaa hadalkaan sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada.

“Israa’iil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysa” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurta-gal tahay ilaa iyo inta “arxan-darrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israa’iil ay ku qaaday safaaradda Iran, kaasi oo aargudasho uu u ahaa weerarkii gantaallo ee Iran ku qaaday Israa’iil.

Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, ayada oo Israa’iil ay dhankeeda sheegtay inay soo rideen qaybo badan oo kamid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, kahor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa horey u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, kadib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawl-galka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya QM ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51-aad ee axdiga QM inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”.

Si kastaba, dhinacyada ayaa loogu baaqay inay is-xakameeyan, islamarkaana aysan uga sii darin colaadda ka taagan bariga dhexe, oo walaac xooggan laga qabo kadib xiisadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iran.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta guddoomiyay shir amni oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka amniga gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxa ka qayb-galay ra’iisul wasaaraha, wasiirada gaashaandhigga iyo amniga gudaha, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay dardar-galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho, oo bilihii dambe isbeddel dhanka amniga uu ka hana-qaaday.

Kulanka oo markii ugu horreysay looga yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha amniga ayaa waxay kulankaan kusoo bandhigeen qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa ku ballamay in lasii laba jibaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda oo haatan ah mid deggan.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir laga dareemayay xasilooni amni, ayada oo meesha ay ka baxeen inta badan falalkii amni darro ee argagixisada joogta uga fulin jirtay caasimadda, taasi oo ku timid qorshaha amni ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dalka ka wadda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Xogta shirka uu iclaamiyay Xasan iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay iclaamiyay qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran, xilli uu waayahan ka cago jiidayay kadib markii qabashadiisa dalbadeen madaxda Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sababta ay u dalbadeen shirkan waa gadood ay madaxda maamullada ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay isbeddeladii ugu dambeysay ee arrimaha dastuurka.

Afar qodob oo aanay waxba ka ogeyn madaxda afarta maamul goboleed ee waayahan la socday Villa Somalia ayuu madaxweynaha go’aan keligiis ah ku beddelay saacadihii ugu dambeeyay inta aan baarlamaanka la marin afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay hanjabaadaha Villa Somalia kasoo gaaraya dhanka madaxda maamullada, kuwaasi oo la xaqiijiyay inay ku goodiyeen in haddii madaxweynaha kasii cago jiido iclaaminta shirka Golaha Wadatashiga Qaran inay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeynayaan sida ay uga soo horjeedan wax ka beddelkii madaxweynaha ku dhaqaaqay ee arrimaha dastuurka.

Balse Villa Somalia oo deg deg uga hortegaysa war-murtiyeedka ay damacsanaayeen madaxda maamullada ayaa xalay ku dhawaaqday shir dhacaya 20 illaa 21 bishaan, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa diirada lagu saari doona arrimaha dastuurka, maadaama ay madaxda maamullada qodobkaas gadood badan ka qabaan.

Madaxtooyada ayaa la filayaa inay ku darsato arrinta la-dagaalanka argagixisada, halka ay madaxda maamullada diyaarinayaan inay miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala heshiiyo halka siyaasad ahaan looga dhaqaaqayo meesha maanta la taagan yahay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa muddo xileedkii ka dhamaaday waxayna hadda ku shaqeynayaan muddo kororsigii la siiyay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay. Marka laga reebo Cali Guudlaawe oo isaga muddo kororsi la siinin iyo Saciid Deni oo dib loo doortay.

Iyada oo ay muuqato in aan doorasho qof iyo cod ah laga qaban karin afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland bilaha soo aadan, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiya inuu madaxda maamullada kala heshiiyo jihada suurta-galka ah, sidoo kalena uu ku qanciyo go’aankii uu keligiis ku beddelay afar arrimood oo ay isaga iyo madaxda maamulladani horey uga heshiiyeen.

Shirka soo socda waa mid aad xasaasi u ah. Afarta arrimood ee la beddelay, iyada oo aan wax talo ah laga siinin maamulladii waayahan la safnaa madaxweyne Xasan Sheekh waxay kala yihiin;

1. Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen

Waxaa la isku ogaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dastuurka ku qoray ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo, arrintaasi cidna kalama tashan.

2. Guddiga doorashada

Guddiga doorashada waxaa la isku ogaa 15 qof oo ay min laba xubnood ka imaanayaan maamul goboleed walba, balse hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood waxayna dhamaantood ka imaanayaan xukuumadda federaalka ah.

3. Tirada xisbiyada

Waxaa la isku ogaa in xisbiyada laga dhigo laba xisbi, balse wuxuu keligiis go’aansaday madaxweynaha inuu ka dhigo saddex xisbi.

4. Madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal

Midda afaraadna waa in madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal oo laga tiro dastuurka inay madaxweyneyaal yihiin. Iyadana cidna talo lagama weydiin.

Afartaas arrimood ayay madaxda maamulladu gadood badan ka qabaan marka laga hadlayo dastuurka, balse waxaa uga sii muhiimsan in lagala heshiiyo hanaanka doorashooyinkooda soo aadan, taas oo ah arrin culeys badan saari doonta madaxweyne Xasan Sheekh.

Khaatumo oo ka carootay tallaabadii madaxweyne Xasan

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay.

“In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?” ayuu yiri  Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

Dhinaca kale waxaa isla arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay sababta looga tegay SSC-Khaatumo.

Maxamed Aar oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Maamul si sharci ah u jira baa maamul lagu sheegi karaa, lkn jufo kastaa hadday maamul sheegato waa wareer”.

Faysal Caaqil ” SSC iyo Puntland waa inay shir qabsadaan kadibna midoobaan, mamullada kale iyaga ka saamayn badnaan doona”.

Maxamed Jaamac “Laascoonood waa Somaliand, haddii la waasho iyo haddii la dagaalamo wax suuragal ahayn yaan lagu daalin”.

Marka laga tego carada SSC ee shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan, waxaana iyadana iska diiday Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.