26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Sababta uu u baaqday shirkii XASAN SHEEKH iyo madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Wadatashiga Qaran ee NCC oo lagu ballansanaa inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa arrimo farsamo awgeed u baaqday, sida uu xalay shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay mad-madow iyo kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

Arrintaan waxay ka dhigan tahay in markii ugu horeysay ay labo waddo kala qaadeen Villa Somalia iyo afartii dowlad goboleed ee raacsanaa, maadaama Puntland ay horay xiriirka ugu jartay Villa Somalia.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay qorsheynayaan inay ka hor-yimaadaan isku dayga Villa Somalia ay ku dooneyso inay muddo kororsi hor leh ugu sameyso.

Shirkaan waxaa horay u iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna qorshuhu ahaa in maanta oo Sabti ah 20-ka Abriil uu Muqdisho ka furmo, balse taasi ma dhicin, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee shirka loo baajiyey.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faahfaahin kale lagama bixin arrimahaas.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Daawo: Hooyo caruurteeda ku gowracday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib hooyo ay ku gowracday wiil iyo gabar ay dhashay, kuwaas oo maanta lagu aasay degmadaasi.

Carruurta ayaa da’ahaan kala ahaa 4 jir iyo 3 jir, sida ay sheegeen ehelllada iyo dadkii dariska la ahaa qoyska.

Hooyada falkan gaysatay ayaa la sheegay in qabtay xanuun dhanka dhimirka ah, ayna daawo u socotay, sida aanu kasoo xiganay ehellada.

Mid kamid dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle Tv ayaa ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay inay aad uga argagaxeen dhacdadaasi.

“Meeshaan waxaa ka dhacday qadar xanuun badan ilmo yaryar oo isla dhashay ayaa hooyadood gowracday gabdhadha waa xanuunsanayd” ayay tiri gabar kamid ah dariska.

Sidoo kale waxa ay siui raacisay “Uur ku taallo ayay nagu reebtay hooyo labadeeda canug gowracday wax-yar ma’ahan xalay ayay dhacday hal saac”

Dhankeeda Hooyo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in haweeneydan ay horayu gubtay carruurta, isla markaana marka ay hadda bogsadeen ay gowracday

“Ilmahan bil kahir ayay gubtay marka Soonkii ayay soo raysteen 4 jir iyo 2 iyo 3 jir ayay kala ahaayeen” ayay iyaduna tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Falkan xanuunka badan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada, maadaama uu yahay fal aad looga naxo.

Dilka carruurtan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka argagaxa leh ee asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Daawo: Maxaa iska bedelay go’aanka shacabka degan xaafadda Dab-damiska?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir ayaa maanta deggan, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhexeysay dadka deegaanka iyo Booliska oo doonayay inuu ka raro halkaasi.

Amarka kasoo dowladda ayaa ku ekaa maanta oo ah 20 April, si loo raro shacabka, balse dib ayaa loo dhigay illaa amar dambe, kadib dadaallo uu sameeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye (Qoor Qoor) oo ku baxayt xiisaddaas, si loo qabojiyo.

Qoor Qoor oo la hadlay shacabka ayaa sheegay in aan maanta la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xaaladda xaafadda Dab-damiska ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah noloshooda u watay shacabka deggan halkaasi, ayada oo meesha ay ka baxday xiisaddii la filayay inay dhacdo, sababo la xiriira isbeddaka ku yimid fulinta amarkii dowladda dhexe.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dareenkooda iyo waxa isbeddelay, kadib dib u dhigidsa barakacintooda, waxayna sheegeen in go’aankoodii uu weli sidiisii yahay, ayna ka guuri doonin dhulka Dab-damiska ee magaalada Muqdisho.

Oday kamid ah dadka deegaanka ayaa ku dooday in aysan heysan dhul kale iyo wax ku guuraan, ayna ku dhimanayaan guryahooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga dad masaakiin ah ayaa nahay waxba ma haysano hal mooto ma kireysan karno inaan ku dhimano oo ku baaba’no ayaa danteena ku jirtaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale odey kale oo kamid ah shacabka degan halkan ayaa sheegay inay isku dhaarsadeen in aysan ka guurin xaafadda, illaa ay qorshe u sameyneyso dowladda.

“Shacabka meeshaan deggan haddii aan nahay waan isku dhaarsanay inaanu hal qof ka guurin xaafadda ha yimaadaan ama yeysan imaan” ayuu yiri oday kale.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga dad qaxooti ah ayaa nahay mana naqaano meel aan u guurno”.

Soomaaliya oo diiday baaq kasoo baxay dalalka G7 oo ku aadan xiisadda ITOOBIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay baaq kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa wada-hadal laga galo xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya. 

Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”

“Waxaan walaac ka muujineyaa heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ee lagu dhawaaqay Janaayo 2024. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in xaaladda ay sii xumaato, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada gobolka, Midowga Afrika iyo iyada oo loo marayo xiriiro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri qoraalka G7.  

Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya sheegtay inay soo dhoweyneyso adkeyntooda ku aadan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Soomaaliya. Si kastaba, waxay meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya. 

“Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadal lala galo Itoobiya ayaa ah mid aan suurta-gal ahayn illaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a faragelinta la’aanta ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. 

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo la saxiixay 1-dii Janaayo ayey Hargeysa waxay Addis-Ababa ku siisay dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo ku bedeleneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Itoobiya. 

Is-afgaradka oo qorshuhu ahaa in heshiis rasmi ah loogu beddelo muddo bil gudaheed ah ayaan illaa hadda dhaqaaqin ayada oo laga joogo ku dhowaad afar bilood, waxaana muuqata cago-jiid dhanka Itoobiya ah, oo la kulantay cadaadis caalami ah.

Sidee looga falceliyay dib u dhaca ku yimid shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhacay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu todobaadkii hore Iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dib u dhaca ku timid shirka ayaa waxaa lagu sheegay arrimo farsamo awgeed u baaqday, sida uu xalay shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay mad-madow iyo kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

Haddaba sidee looga falceliyay dib u dhaca shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Barqash “Meeshaas waxaa iga muuqato kalsooni xumo siyaasadeed dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada mala kala shakiyay?”.

Rooble Sharxaaye “Shir ay ka maqan yihiin labadii maamul ee maamulada dalka ka jira ugu awooda badnaa wax u soo kordhinayo ma jirto Puntland iyo SSC-khaatumo”.

Shaafi Cabdi Cali “Markii la idin imaan waayey kadib miyaad dib u dhigteen?”.

Mahad Hilowle “Shirka waxa uu ubaaqday waxaa weeye madaxda oo diidayn ka qeybgal shirka.

Zakariye Daahir “Shirka aan SSC-khaatumo iyo Puntland aysan ka soo qayb galayn inuusan soconayn waan ogaa”.

 

WASIIR BIIXI oo shaaciyey xogta arrimo uu kala hadlay dowladaha ugu weyn caalamka

0

𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 (Caasimada Online) –  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲:- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Beathe Tvinnereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hannanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qeyb qaateen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa.

𝐔𝐊:- dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska  Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer.

Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyo maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageeradeeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawaan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol ah.

𝐈𝐌𝐅: Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Sideeda Sano ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka.

Siyaasiyiinta Sacad oo xilli adag Gaalkacyo aaday iyo Qoor Qoor oo qaatay kaalintoodii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cakiran ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo korortay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdisho, kadib markii booliska Soomaaliya oo markii 3-aad digniin kama dambeys ah siiyey qoysaska degan dhulkii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhankooda qoysaska degan dhulka boolisku dalbaday in laga guuro ayaa ku adkeystay in aysan guuri doonin, waxayna cadeeyeen inay dagaalami doonaan, hadii loo adeegsado awood dowladeed.

Intaas kadib arrinta waxaa ku soo baxay masuuliyiinta dowladda ku metesha beesha Habargidir, balse waxaa dhibcihii ugu badnaa galabta uruursaday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Qoysaska degan dhulka la isku heysto waxay u badan yihiin beesha Sacad, waqtigii loo qabtay inay ku guuraan wuxuu ku egyahay berri oo bisha Abriil ay 20 tahay, halka siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ku metesha beesha Sacad ay caawa dhamaantood joogaan magaalada Gaalkacyo.

Qoor Qoor oo Muqdisho jooga ayaa galabta baxay oo tegay degmada Hodan, halkaas wuxuu kula kulmay odayaasha dhaqanka ee beesha laga dalbaday inay ka guuraan dhulka dabdemiska.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo la jooga odayaasha dhaqanka ee beesha Habargidir oo diidan inay dhulkaas ka guuraan, wuxuu sheegay in berri aysan dhici doonin waxa la filayo oo booliska iyo wasaaradda amniga uu la hadli doono.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi ay ku kalsoonyihiin, kuwaas oo uu ula tegi doono madaxda qaranka, si loo xaliyo xiisadda ka taagan dhulkaas, wuxuuna si buuxda u balan-qaaday in berri aan la kici doonin qoysaska degan halkaas.

Taani waxay Qoor Qoor u noqotay dhibco siyaasadeed, maadaama siyaasiyiintii dadkaas ku meteleysay dowladda federaalka, sida Fiqi, Cabdi Qeybdiid, Dhabancad, Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo xubno kale ay iska xaadiriyeen Gaalkacyo, halkii ay ku bixi lahaayeen xalinta xiisadaan.

Saan-saan colaadeed ayaa maanta laga dareemayey isgoyska Banaadir, Seybiyaano ilaa beerta Qaad, maadaama dowladdu ay ku adkeysatay in xoog looga rari doono berri qoysaska degan dhulkii dabdemiska, halka qoysaska degan halkaas oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay hubkooda la soo baxeen, iyagoo si cad u sheegay inay dagaalami doonaan hadii lasoo weeraro.

DF oo baajisay shirkii uu Xasan Sheekh isugu yeeray madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu baaqday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu balansanaa inuu Muqdisho ka furmo berri oo Sabti ah 20-ka Abriil.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu berri u baaqday arrimo farsamo.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ilaa hadda dowladda ma shaacin sababta loo baajiyey shirkaas iyo halka ay howshu iska qaban la’dahay, sidoo kale markii hore si weyn looma baahin oo Pageska xafiisyada dowladda laguma baahin warqadii lagu iclaamiyey shirkaan.

Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa sii kala fogaanaya, waxaana suurtagal ah in sababta shirkaan uu u qabsoomi waayey ay taasi ugu horeyso.

Inkastoo Saciid Deni lagu bilaabay warqadii lagu casuumay madaxda gobollada, hadana waxaa si buuxda loo saadaalinayey in Muqdisho uusan imaa doonin, maadaama ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh, tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la soo werinayaa inay qabaan cabasho la xiriirta dastuurka, kuwaas oo qaarkood ka cagajiiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu iclaamiyey Xasan Sheekh, inkastoo madaxda qaar ay Muqdisho joogaan, sida Axmed Qoor Qoor.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Daawo: Qoor Qoor oo qaaday tallaabo kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka.

Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah.

“Berri waa dii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas.

Qoysaska degan halkaas uu u badan beesha Sacad ayaa si cad u diiday amarkaas, iyagoo ku goodiyey inay dagaalami doonaan, ciidamo hubeysan ayaa lagu arkayaa aagga Seybiyaano, waxaana beri ka go’an inay booliska la dagaalamaan.

Hoos ka daawo hadalka Qoor Qoor

Puntland oo caalamka ‘ula macaamileysa si gaar ah’

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa durba billowday gaar ula macaamilka caalamka, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqday inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka.

Puntland ayaa markaas madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Maamulka Garoowe oo go’aankaasi ka duulaya ayaa waxay magaalada Nairobi uga qeyb-gashay shir u dhaxeeya Puntland iyo beesha caalamka, kaasi oo heer wasiir ah.

Kulankan oo uu shir-guddoomiyey wasiirka qorsheynta Puntland Daa’uud Maxamed Cumar ayaa qeyb ka ah macaamilka gaarka ah ee Puntland ay sida tooska ah ula yeelaneyso caalamka.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta, iyadoo wafdigu la wadaagay beesha caalamka buuga qorshaha dowladda, ayada oo shirku kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka Puntland.

Wakiillada beesha caalamka ka socday ee shirka ka qeyb-galay ayaa waxaa kamid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland, Netherlands iyo SSF.

Halka dhinaca maamulka Puntland uu kulanka uga qeyb-galay wasiirka beeraha, wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada, wasiirka kalluumeysiga, agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo xubno kamid ah guddiga ganacsiga Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland iyo dowladda federaalka oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan u dhaxeeyay ayaa dhawaan sii kala furtay kadib markii maamulka uu meel adag iska taagtay wax ka beddelka dastuurka ee meel-marka noqday.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Thaabit oo saddex arrin midkood kula taliyay dowladda inay ku xaliso xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka taagan xaruntii hore ee Dab-demiska ee magaalada Muqdisho.

Dhulkan oo ay amartay dowladda in laga guuro ayaa waxay adka degan qaarkood si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka ah ee degan dhulkaasi maalinta berri ah ee Sabtida.

Thaabit Cabdi ayaa dowladda usoo jeediyay in aysan qasab uga rarin dhulkaasi shacabka degan, isaggoo ku taliyay in xiisadda taagan lagu dayo saddex arrin midkood, si xal-waara loo helo.

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit;

Haddii dhulka dantaguud dowladdu leedahay, dowladnimaduna soo shacabku ma lahan?

Hay’addaha kala duwan ee Dowladda dhul danguud ah wey u baahan karaan si loogu adeego shacabka balse waxaa loo maraa nidaam madani amma rayit ah si xal-waara loo helo oo ah sida soo socota:

1. In isla dhulka dantaguud loogu baahday laga cabiro dhul loo isticmaalo dantaguud dadkana lagu deegaameeyo dhulka kale ee soo hara. Sow Boolisku ma ahan saaxiibka iyo ilaaliyaha shacabka?.

2. Haddii uusan dhulka qaybsami karin, in dhul kale shacabka meesha dagan lagu deegaameeyo.

3. Haddii la waayo labbada xal ee 1 & 2 in shacabka meesha dagan la siiyo magdhaw maangal ah si shacabka aysan isla magaaladoodii la-barakiciyayaal ugu noqon.

Waxaan rabaa inaan si dareen leh u xusuusiyo madaxdka dalka dhaqaale xumida guud ee caalamka ka jirta, haddana shacabkeena badankii waxay maanta la daalaa-dhacayaan dhaqaalo xumi aad u daran, kuleylka bisha April-na u sii dheer tahay ee aan ahmiyad weyn siinno bad-qabka iyo daryeelka shacabkeena.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

DENI oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka kala dhaxeeya Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo kahor waxay u badan tahay in aad ogeyn in Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay ku kala maqan yihiin dano gaar ah oo siyaasadeed, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu kursigii ra’iisul wasaaraha la aaday jiho uusan fileynin Saciid Deni.

Sidoo kalena Saciid Deni laga qadiyay mirihii dagaalkii lala galay Farmaajo oo ah xukunka iyo xoolaha ay maanta haystaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa. Laakiin maanta xaalku halkii ma joogo.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku guuleystay inuu reer Puntland si buuxda ugu qanciyo in dagaalka Xasan Sheekh uu yahay mid uu deegaanka iyo beesha halkaa degan kula jiro. Waxay u muuqata inay tani si weyn ugu shaqeyso Saciid Deni, waxaana ku caddeynaya laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday oo ay dhamaan ku raaceen ama aanay ku diidin hor-weynta siyaasadeed ee Puntland.

Iyada oo horey loo ogaa sida uu Saciid Deni xilligii doorashadiisa u sariftay colaadda kala dhaxeysa Xasan Sheekh, taas oo u goysay inuu dib ugu soo laabto kursiga, haddana sida ay hor-weynta siyaasadeed ee Puntland u taageereen ama aanay u diidin laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday waxay caddeysay in Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh ku guuleystay inuu ka dhigo mid ay reer Puntland u dhan yihiin.

1. Heshiiskii Puntland iyo dowladda Itoobiya

Iyada oo uu taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in Puntland oo ah maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu Itoobiya heshiis ula galo sida dowlad madax-banaan waxay aheyd arrin ka yaabisay inta badan bulshada Soomaalida, laakiin reer Puntland si weyn ayay badankood tallaabadaasi ugu taageereen maamulka Saciid Deni.

Waxaa la sugaayay jawaabta ay arrintaasi ka bixin doonaan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland oo ay ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi iyo ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland, balse waxaa yaab aheyd in aanay qofna tallaabadaasi ku khilaafin Saciid Deni.

2. Go’aanka udhaqanka sida dowlad madax-banaan

Midda labaad waa go’aanka Saciid Deni ku sheegay inay usii dhaqmayaan sida dowlad madax-banaan oo ay kalsoonidiina kala laabteen dowladda federaalka. Isna ma yeelan diidmo badan oo madaxdii hore ee Puntland iyo guud ahaan siyaasiyiinta waaweyn ee deegaankaasina kuma khilaafin Saciid Deni.

Marka la eego sida ay labadaasi arrin uga aamuseen ama u taageereen siyaasiyiinta iyo shacabka reer Puntland waxa ugu fudud ee lagala dhex bixi karo waa in Saciid Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh u beddelay mid ay la qabaan dhamaan reer Puntland oo ay arrintu tahay dagaal reer Puntland iyo Xasan Sheekh u dhaxeeya.

Inuu Saciid Deni middaasi ku guuleysto dowladda federaalka ayaa sababteeda qeyb ku leh, taas oo ayadu isku mashquulin inay reer Puntland kale soo dhaweysato marka Saciid Deni laga reebo oo ay dowladnimadana ka siiso wax u qalma miisaanka ay dadka deegaanadaasi ku leeyihiin dowladda dhexe.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni inuu kasoo gudbay marxaladdii loo arkayay inay isaga iyo Xasan Sheekh gaar isku hayaan waxay u tahay wax weyn. Halka Xasan Sheekh ay culeys ku tahay in loo arko nin diidan deegaan gaar ah, wax badan ayayna ka haleyn kartaa diiwaankiisa iyo shaqooyinka horyaalla maanta oo ay ugu horreyso isku haynta dalka iyo mideynta doorashooyinka.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Xiisad ka taagan Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal iyo dagaal isku rogto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro.

Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka maalinta Sabtida ah oo uu ku eg’yahay mudada loo qabtay inay uga guuraaan dhulkaasi.

Dowladda ayaa ku doodeysa in dhulkaas oo markii hore uu lahaa Booliska Soomaaliyeed loo baahday, islamarkaana laga dhisayo xarun Dab-demis oo casri ah, balse dadka qaar ayaa muujinaya tuhunka in shaqsiyaad gaar ah loo gacan gelinayo dhulkaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xiisaddan ayaa sheegay in lagama maarman tahay in shacabka loo xaqiijiyo in dan-guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin dhulkaasi, sida dhacday dhulalka la deriska ee hawlaha guud iyo xanaannada xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.

“Waxaa kaloo la xusuustaa in dad danyar ah laga kiciyey dhulka jayga loo bixiyey ee u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in dan guud lagu qabanayo, laakiin taa beddelkeeda siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato loo qaybiyey. Ugu yaraan dadkii laga kiciyey dhul kale ayey xiligaas dawladdu siisay,” ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka

Dhulka danta guud waa hanti qaran oo ay dowladdu leedahay. Hantidaa qaarkeed waxaa deggan dad danyar ah, qaar waa burbursanyihiin, qaar kalana dowladda ayaa iibisay iyadoo aan u marin hab sharci ah.

Iibinta dhulka dowladda wuxuu leeyahay marin sharci ah oo loo maro oo ka bilaabata in la caddeeyo in wasaaraddii, hay’addii ama wakaaladdii lahayd ay ka maarantay, islamarkaana aysan jirin mid kale oo dawladda ah oo u baahan, in wasaaradda maaliyadda ay qiimayso dhulka, ka dibna tartan furan ku iibgayso, lacagta lagu iibiyana ay koontada dawladda ku dhacdo, ka dibna hanti dhowrka uu ka saaro diiwanka hantida qaranka.

Inta la ogyahay qofkii ay Madaxtooyada rabto ayaa qiimihii la doono looga iibiyaa, wasaarada maaliyada ma qiimayso, mana iibiso, lacagtana koontada dawladda kuma dhacdo, diiwanka hantida qarankana lagama saaro.

Dadka shacabka ee ka cabanaya in xoog looga saarayo xarunta Dab-demiska, iyadoo la sheegay in ay dawladda u baahan tahay, waxaa lagama maarmaan ah in loo xaaqijiyo in dan guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin, sida dhacday dhulalka la deriska ee Hawlaha Guud iyo Xanaannada Xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.

Waxaa kaloo la xusuustaa in dad danyar ah laga kiciyey dhulka jayga loo bixiyey ee u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in dan guud lagu qabanayo, laakiin taa beddelkeeda siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato loo qaybiyey. Ugu yaraan dadkii laga kiciyey dhul kale ayey xiligaas dawladdu siisay.

Waxaa haddaba lagama maarmaan ah in laga dhaadhiciyo waxay kaga duwan yihiin dadka la midka ah ee dhulkii dawladda ee ay deganaayeen laga iibiyey iyo sababta ay dawladdu dhulalka kale ee danyarta la midka ah deggan yihiin looga saaraynin.

Waxaa iyaga laga yeelaynin in ay hanti dawladeed haystaan iyo in ay qabiil eed saaran oo dhiilo aan meesha oolin abuuraan, bulsho aan eed lahayna dusha ka saaraan ama ay madaxda dawladda aflagaadeeyaan.

Waxaan u soo jeedinayaa madaxda dawladda in ay la yimaadaan dhaqan lagu aamino, siyaasad mid ah oo ku aaddan dhulka dawladda ee ay dadka danyarta ahi deggan yihiin, marin sharci ah u maraan dhulka danta guud ee la iibinayo, wadahadal iyo waanwaanna lagu dhammeeyo ismaandhaafka ka tagaan Dab-demiska. Waxaan diyaar ula nahay in aan gacan ka siino arrinkaas.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Mareykanka iyo UK oo ku dhawaaqay tallaabo culus oo ka dhan ah IRAN kadib markii…

New York (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay cuna-qabatayno cusub ku soo rogayaan Iran, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda kala dhaxeysa Israel.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cuna-qabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawl-galaan ururada gacan-saarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cuna-qabataynta Mareykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

Xiisadda Israel iyo Iran ayaa mareysa meel xasaasi ah, ayada oo Israel ay weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran.

Israel ayaa horey uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab deg-deg ah oo adag.

Inkasta oo dhinacyada loogu baaqay inay is-xakameeyan, islamarkaana aysan uga sii darin colaadda ka taagan bariga dhexe, waxaana hadda isa soo taraya walaac xooggan oo laga qabo xiisaddan ka dhex aloosan Israel iyo Iran.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Qodobada halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya ay la gashay Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiiska iskaashiga militari ee lala galay Imaaraadka Carabta bishii February 2023, caro xooggan ayaa ka dillaacday Muqdisho.

Xildhibaanada qaar ayaa shaaciyey in heshiiska uu ka hor-imanayo madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Heshiiska waxaa ku jiray qodobo muhiim u ah Soomaaliya, aadna ay ugu baahan tahay sida tababarka ciidamada, mushahar siintooda iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirada ayaa deg deg u ansixiyey heshiiska, waxaana Imaaraadka Carabta ay Muqdisho kusoo celiyeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayey Uganda, ayaga oo bixinaya mushaharkooda, si ay u sugaan amniga caasimadda.

Bil kadib militariga Imaaraadka ayaa billaabay inay saldhig cusub oo ay ayaga maamulaan ka dhisaan maamulka Jubaland.

Ayada oo ay jiraan arrimahan, xildhibaanada qaar ayaa rumeysan in heshiiska uu xadkiisa ka baxay.

Haddaba maxay yihiin qodobada halista loo arkay ee ku jira heshiiska?

Heshiiska oo ay aragtay Caasimada Online, ayaa Imaaraadka Carabta sharciyad u siinaya “inay howlgallo militari iyo amni, oo ay ku jiraan dhul, bad iyo cir ka fulin karaan Soomaaliya, haddii ay u arkaan kuwa loo baahan yahay, si ay u ciribtiraan unugyada argagixisada.

Heshiiska ayaa sidoo kale Abu Dhabi “u ogolaanaya inay isticmaasho” dhulka Soomaaliya. 

Imaaraadku “waxa uu xaq u leeyahay in uu isticmaalo dekedaha dhulka, dekedaha badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” kana samaysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato, ayaa ku qoran heshiiska.

Qodobka ugu culus, muranka badanna dhaliyey ayaa si kastaba ah, in heshiiska uu xasaanad buuxda siinayo militariga Imaaraadka, taasi oo dad badan ka caraysiisay.

“Dhammaan dadka ku hoos shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah dacwad kasta oo caalami, sharci ama maamul ah, gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu qoray heshiiska.

Waxa uu intaas ku darayaa “Shaqsiyaadka ku hoos shaqynaya heshiiskan laguma soo oogi karo hab-raac heer qaran ama caalami ah ama dacwad ama xukun ku dabaqid ayaga ka dhan ah,” gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro dhaqan-gelinta heshiiska.

Heshiiska ayan weli la horgeyn baarlamanka, waxaana hadda xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh aysan sidaas damacsaneyn.

Waxaa sidoo kale jirta in Soomaaliya ay heshiis militari oo kale oo kan la mid ah ay la gashay Turkiga, kaasi oo durba la dhaqan-geliyey kadib markii ay meel mariyeen golaha wasiirada, baarlamanka, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha.

Xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa hadda sii xumaanaya, waxayna u muuqataa inay labada dhinac kala tagayaan.

Saraakiisha Imaaraatka Carabta ayaa horaantii bishan u sheegay dowladda federaalka in ay joojinayaan lacag dhan 5 milyan oo dollar oo ay ku taageeri jireen qaar ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Imaaraadku waxay joojiyeen lacagihii ay siin jireen shan guuto oo ku sugan meelo ka baxsan Muqdisho, ayaga oo hadda bixiya kaliya taageerada dhaqaale ee laba guuto oo xasilinaya caasimadda iyo hal guuto gaar ah, oo loo xil saaray ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Xog: DF oo deegaan fog ka soo qabatay Shiikhii taageeray Shabaab ee weeraray Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo xirtay Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Rooble oo laga soo qabtay degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud, kadib markii jeediyey khudbad uu ugu hiilinayo Khawaarijta Al-Shabaab, muuqaalka Shiiqaan ayaa baraha bulshada qabsaday maalmihii lasoo dhaafay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muddo 3 maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Dhuusamareeb, baaritaan kadibna waxaa loo soo gudbiyey Muqdisho.

Hey’adda NISA ayuu hadda u xiran yahay Sheekh Cabdiraxmaan oo cadeystay taageeradiisa Al-Shabaab, waxaana ku socda baaritaan culus, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka sirdoonka ah.

Wadaadkan ayaa la geeyay xarun hey’adda Nabad sugidu ku leedahay Muqdisho, waxaana wax laga waydiinayaa hadalo ku jirey muxaadaro uu dhawaan kaga soo horjeestay dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta.

Wadaadkan oo sida muuqata ku adag afkaarta xagjirka ah ayaa maalmaha soo socda wajahaya Maxkamad, waxaana saraakiisha gacanta ku haya kiiskiisa aan kasoo xiganey in uu si cad u diidey, ka laabashada hadaladii qalafsanaa ee horay uu u yiri.

Dowladda ayaa muddo baadi goobeysay Sheekh Cabdiraxmaan, markii hore waa la marin habaabiyey hey’adaha ammaanka waxaana loo sheegay in masjidka uu muxaadaradaas ka jeediyey uu ku yaallo degmada Heliwaa ee Muqdisho, balse xaqiiqadu sidaas ma aheyn.

Ugu dambeyn waxaa Sheekh Cabdiraxmaan laga soo qabtay magaalo Garoon la dhaho oo 40 KM bari ka xigta caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, habeeno uu halkaas ku xiraa kadibna waxaa loo soo gudbiyey Muqdisho.

Sheekh Cabdiraxmaan oo la dhashay wadaadkii caanka ahaa ee dhintay Sheekh Boqol-Soon ayaa la sheegay inay biyo dhigatay afkaarta xagjirnimada waana sababta keentay in loo soo dhaadhiciyo baaritaanka adag ee NISA.

Shiiqaan ayaa si cad madaxweyne Xasan Sheekh ugu dhaliilay dagaalka uu ku qaaday Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhiiga nimankaas uusan banaaneyn, sidoo kale ciidamada dowladda ayuu ku tilmaamay kuwo aan ‘jihaad ku jirin oo xaq darro ku dhimanaya’ taas oo hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Maxaa ka dhaxeeya dekedda cusub ee laga dhisayo Lughaya iyo is-afgaradkii Itoobiya?

Hargeysa (Caasimada Online) — Xukuumadsa Somaliland ayaa qaadday tallaabo ay sheegtay in dekad ay kaga dhiseyso magaalada qadiimiga ah ee Lughaya ee gobolka Awdal, iyadoo horey uu u jiray tuhun ah in halkaa ay tahay goobta laga kireeyay Itoobiya.

Kulan ku saabsanaa dhismaha dekaddaan ayaa magaalada Boorama ku dhex maray madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ganacsato iyo odayaasha gobolka.

Shirkaas waxaa laga sheegay in xukuumaddu bixisay lacag dhan hal malyan oo doolar oo dekadda lagu dhisayo, isla markaana loo dhiibay madaxweyne hore Riyaale.

Kulanka ganacsatada iyo odayashaan ayaa laga filayaa inay dhaqaale ay ku daraan kan xukuumaddu ay bixisay, haddii taa dhici kari waydana xukuumaddu waxay sheegtay in iyadu ay dhameystiri doonto.

Balse lama shaacin xilliga sida rasmiga uu dhismaha dekaddu u billaaban doono, marka laga tago in hadda la shaaciyay dhaqaalihii ugu horreeyay oo lagu bilaabayo.

Sidoo kale, lama shaacin tirada rasmiga ee dhaqaalaha ay ku kici karto dhismaha dekedan.

Wasiirka xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland Cabdi Naasir Buuni ayaa sheegay in aaney jirin wax ka dhiman bilaabashada dhismaha, marka laga eego halka ay hadda wax marayaan iyo dedaallada socda.

“Wax harayba ma jirto waxa adduunka ugu daran waa dhaqaale dhaqaale-na xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa bixisay waxa haray waa farsamo,” ayuu yiri wasiir Buun.

Wuxuu muujiyay wasiirku in dhismaha dekkaddu dhaqso u bilaabanayo marka hadalkiisa, maadama warka dhismaha uu muddo taagnaa.

Sanadkii 2017-kii markii madaxweyne Muuse Biixi uu raadinayay xukunka uu hadda hayo ayaa waxyaabihii kooxdiisii ay ku ololeynaysay waxaa ka mid ahaa dhismaha dekaddan, waxaana tillaabada ay hadda qaaday ay imaaneysaa xilli doorashdii kale ay soo dhowdahay.

Xiriir miyaa ka dhaxeeya dekaddii laga kireeyay Itoobiya iyo tan Lughaya laga dhisayo?

Dad badan sida ay la socdaan horraantii sanadkaan Itoobiya iyo Somaliland waxaa dhex maray is-afgarad ku saabsanaa in Itoobiya laga kireeynayo dekad ay wax kala soo degto iyo saldhig ciidan oo badda cas ku yaalla, hase yeeshee si cad looma shaacin halka dekadaasi noqonayso, labada dhinac midkoodna ma cayimin goobta ay gayiga kaga taal.

Balse waxaa jiray tuhunno ku gedaaman arriintaa kadib markii Ridwan Xuseen, oo markii xiisaddaan taagneed ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo wareysi gaar ah siinayaya bishii jannaayo ee sanadkaan warbaahinta dowladda ee EBC uu ku sheegay “in goobta ay Somaliland heshiiska kula gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal,”.

Ridwan ayaa difaacay xilligaa go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi calami ah, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo dekado lagu horumarinayo.”

Waxaase hadda wasiirka xiriirka goleyaasha iyo arimaha dastuurka ee Somaliland Cabdi Naasir Buuni, uu BBC-da u sheegay in u qalab-qaadashada dhimaha dekadda Lughaya ee Somaliland iyo arrintaa aanu wax xiriir ah ka dhaxeyn.

“Wax xiriir ah ma jiro, iminka waa dekad horumar hadda waxa la dhisayo, dekaddu markey dhisantana wax kasta oo dekadi qabato ayaa looga faa’iideysan doonaa,” ayuu yiri wasiir Buuni.

Maxaan ka naqaannaa Lughaya?

Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taalla waqooyi galbeed ee gobolka Awdal, waxaana maamula Somaliland, waxayna 50 km koonfurta kaga beegantahay dekedda Jabuuti, halka 200 km-na ay dhanka waqooyiga ka xigto magaalada Berbera.

Lughaya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn gobolka Awdal, iyadoo Shacabka degganna ay u badanyihiin dad xoolo dhaqato ah oo sidoo kalena ah, kalluumeysato.

Tirada dadka ku nool Lughaya waxaa lagu qiyaaso 75,000 oo qof.Waa deegaan muhiim ah marka la eego halka ay ku taallo.

Deegaannada hoos-yimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le’eg tahay ilaa 10,421 kiiloo mitir oo ay dhaqan yihiin dad lagu sheegay tiradooda ilaa 182,706 oo qof.

BBC

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

ISRAEL oo weerar gantaallo ku qaaday IRAN (Faah-fahain)

Washington (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Warbixinnada shabakadaha ABC, CBS iyo NPR ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalaha Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa VOA u sheegay in uusan wax hadal ah “xilligan” ka bixin karin wararka warbaahinta Mareykanka, saacad kadib markii ay soo baxeen wararka.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in difaaca cirka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hawl galiyay hawada sare ee dhowr gobol.

IRNA iyo wakaaladda wararka dowladda ee Fars, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo xigatay ilo wareed aan la magacaabin, iyagoo sheegay in qarax uu ka dhacay gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Israa’iil ayaa uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab degdeg ah oo adag.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? 

Dagaal dib uga dhex qarxay Tigrayga iyo Amxaarada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dagaal ayaa ka dhacay mid ka mid ah deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya gobollada Tigray iyo Amxaarada ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Waa rabshaddii ugu horreysay oo dhacda tan iyo markii heshiis nabadeed, ay kala saxiixdeen labada dhinac dabayaaqadii sanadkii 2022, heshiiskaas soo afjaray mid ka mid ah iskahorimaadyadii ugu xumaa ee dhawaanahaan ka dhacay Afrika.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa degmada Raya Alaama oo ay labada gobol kala sheeganayaan. Deegaankan ayaa hoos taga koonfurta gobolka Tigray ka hor inta uusan dagaalku dhicin sanadka 2020 balse waxa uu soo galay gacanta ciidamada Amxaarada.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, iska hor imaadyada ayaa billowday sabtidii, waxayna socdeen maalmo kadibna ciidamada Tigrayga ayaa gudaha u galay magaalooyinka iyo tuulooyinka degmada.

Labada hoggaamiye ee Tigrayga iyo Amxaarada ayaa isla markiiba isweydaarsaday eedeymo ku saabsan cidda hurisay rabshadaha. Hadda, ma jiraan calaamado muujinaya in dagaalku qaboobay.

Maxaa keenay khilaafka?

Sheegashada dhuleed ee aagagga xuduudka u dhexeeya gobollada Tigrayga iyo Amxaarada ayaa jirtay muddo tobannaan sano ah.

Dhulka aan ka hadleyno waa aagga galbeedka Tigray, oo loo yaqaan Wolkayit kana tirsan gobolka Axmaarada, iyo Koonfurta Tigray gaarahaan deegaanka Raya oo xadka ku yaalla.

Balse deegaannadaan ayaa gacanta ugu jiray maamulladii Tigray tan iyo horraantii 1990-meeyadii, markii Itoobiya ay hirgelisay qaab-dhismeedka federaalka ku saleysan,iyadoo xilligaas la sameeyay labada gobo lee hadda dirirtu dhexmarayso.

Mas’uuliyiinta Amxaarada ayaa ku andacoonaya in deegaanadaas ay iyagu leeyihiin waxayna eeda dusha uga tuureen kooxda TPLF, oo ah koox siyaasadeed oo ka talinaysay gobolkaas ilaa dabayaaqadii 2010-kii.

Sannadkii 2020-kii, markii uu dagaal ku dhex maray dawladda federaalka iyo ciidamada Tigrayga, ciidamada Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamayey ciidanka federaalka. Ciidamada Amxaarada ayaa la wareegay deegaanadii lagu muransanaa waxayna ka sameysteen dhismayaal maamul.

Ka dib laba sano oo dagaallo lagu hoobtay ay dhaceen, heshiis nabadeed ayaa lagu gaaray dalka Koonfur Afrika bishii Noofambar 2022-kii.

Inkastoo heshiiskaasi la gaaray haddana arrinta ku saabsan cidda maamulaysa deegaannada lagu muransan yahay ayaa ahayd mid aan xal loo helin.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Amxaarada xad-gudubyo waaweyn oo ay ka mid yihiin in ay si xoog ah u barakiciyeen boqolaal kun oo qawmiyadda Tigrayga ka tirsan gaar ahaan galbeedka Tigray.

Jawaabta dowladda

Maamulka magaalada Addis Ababa ee xarunta federaalka ayaan weli ka hadlin iska horimaadyadan u dambeeyay.

Balse waxa ay dhawaan shaaciyeen in la qorsheynayo in ciidamadu ay sii maamulaan deegaanadaasi inta xal laga gaarayo. Horey waxay u sheegeen in ay soo celin doonaan dadka Tigrayga ah ee barakacay, aftina laga qaadi doono.

Todobaadkan, General Tadesse Werede, oo taliye u ahaa ciidamada Tigrayga, haddana ah ku xigeenka madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, ayaa u sheegay wariyaasha gudaha in maamulkiisu uu gaaray heshiis lagu kala dirayo hay’adaha dawladda ee degaannada lagu muransan yahay.

Dowladda Federaalka ma aysan xaqiijin mana beenin hadalkiisa.

Arbacadii shalay, maamulka gobolka Amxaarada iyo laanta xisbiga talada haya ee gobolka, ee ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa soo saaray bayaan si adag u qoran oo ay ku eedeeyeen ciidamada Tigrayga inay “si buuxda u jebiyeen” heshiiskii nabadeed ee hore loo gaaray isla markaana ay duullaan qaadeen.

Dhiniciisa, madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa ku tilmaamay in rabshadahaan ay ka dambeyaan dad “cadow ku ah nabadda”.

Maxaa xiga?

Isku dhacyada Itoobiya ayaa ah kuwo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonaan.

Sannad iyo bar ka dib markii heshiis nabadeed la gaaray, xaalka dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, wuxuu weli u muuqdaa mid nabaddiisu aaney cago badan ku taagneyn.

In kasta oo ay xasillooni yari ka jirto gobolka Tigray ee dagaalladu naafeeyeen, haddana rabshadaha soo cusboonaaday ayaa loo arkaa kuwo meesha ka saari kara nabadda aan xooganeyn.

Gobolka Amxaarada ayaa maleeshiyaadka deegaanku waxa ay kula dagaalamayeen ciidanka dowladda tan iyo bishii Agoosto, waxaana guud ahaan gobolku uu kujiro xaalad deg deg ah oo intiisa badan internedka ayaa xitaa ka maqan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Tigrayga ay dhiiri galin karaan dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka.

Dagaallada horey uga dhacay gobollada Tigray iyo Amxaarada ayaa waxaa ku dhintay dad badan malaayiinna way ku barakaceen, iyadoo hay’adaha xquuqul insaankuna xaaladda ku tilmaameen mid halis ah oo su’aal gelinrta mustaqbalka dadka rayidka ah.

 Isha: BBC

DF Soomaaliya oo war culus ka soo saartay geerida taliyihii ciidamada difaaca Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggeeda Kenya uga tacsiyeysay geerida Taliyihii Ciidamada Kenya oo galabta ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa tacsi u dirtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, Ciidanka Difaaca Kenya, Dowladda iyo Shacabkeeda, kadib geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya Lt. General Francis Ogolla.

Sidoo kale, xogta ay heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in dowladda Soomaaliya ay sii balaarineyso tacsida oo xitaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu war ka soo saaro geerida Taliyihii ciidamada difaaca Kenya.

Taliyaha ayaa saaraa diyaarad milateri oo nooca qumaatiga u kaca ah, taas oo ku bur-burtay hawada dalka Kenya, wax yar uun kadib markii ay kacday.

8 qof oo saraakiil iyo askar isugu jirtay ayaa Taliyaha kula geeriyootay shilkaas, diyaaradda ayaa ku bur-burtay galbeedka dalka Kenya.

Taliyaha ayaa isbitaal loo qaaday isagoo haawacmay daran qaba, balse wax yar kadib waa uu geeriyooday, sida ay tebisay warbaahinta dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah, isagoo isku dayey inuu qariyo xaqiiqada geerida Taliyaha.

Dowladda Kenya ilaa hadda war rasmi ah kama soo saarin geerida Taliyihii ciidamada difaaca qaranka Kenya oo ku dhintay shilka diyaaraddeed, balse waxaa lagu wadaa in saacadaha na soo aadan uu ka soo baxay war dhameystiran.