28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Masar iyo Turkiey oo gaaray go’aan ay badda Soomaaliya uga difaacayaan ITOOBIYA

0

Ankara (Caasiamda Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, kuwaas oo qeyb ay ka aheyd sidii labada dalka ay door ugu yeelan lahaayeen xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaan go’aansanay inaan kordhino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan si wadajir ah uga wada hadalnay dhibaatada cusub ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan mida khatar ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Wasiirka arriamaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ka go’antahay ilaalinta madaxbananida dhuleeda ee Soomaaliya, sidaas si lamid ahna ay ugu go’antahay dhiggiisa Shoukry oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, “Waxaan is weydaarsanay tallaabooyinka la qaadi karo, si looga hortago in khilaafka siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika uu isu beddelo colaad,” ayuu yiri Fidan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay ka wada shaqaynayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan, “Waxaan xoojineynaa kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac ee Masar iyo Turkiga, si aan u horumarino xiriirka iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri.

Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqeynaya sidii xal waara loogu heli lahaa colaada sokeeye ee ka qaraxday dalka Suudaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

Fidan ayaa sheegay in arrimaha Liibiya, Suudaan, Soomaaliya, iyo Itoobiya ay yihiin meelaha muhiimka ah ee iskaashiga Ankara iyo Qaahira, isagoo intaas ku dartay in labada wasiir arrimo dibadeed ay doonayaan inay si joogto ah uga hadlaan arrimahaan.

Wadahadalkooda waqtiga ugu badan waxay ku dejiyeen qorshihii lagu joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, saameynta uu gobolka ku yeelan karo, hannaanka wada xaajoodka ee socda, iyo qorsheyaasha xal loogu raadinayo, si loo soo celiyo nabadii luntay ee Sudan.

Muqdisho: Dowladnimada ma ahan duruufta jirta uga sii dar

Dad Soomaali ah, oo Yurub qaxooti ku ah, oo degan guryo dowladdeed oo ay dowlad ajinabi ah ka bixiso kiro, koranto, caafimaad iyo cunto ayaa waxey internet-ka la fadhiyan dad danyar ah, oo sidooda oo kale aan kiro awooddin, iney dhahaan xoog halooga saaro meesha ay ku hoydaan.

Dadkaas maxay dareemi lahaayeen hadii muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalalka ay qaxootiga ku yihiin ay dhihi lahaayeen dadkan ajinabiga ah guryaha xoog halooga saaro, kabka cuntadana halaga jaro. Dabcan xaalad xun ayaad gali laheydeen kadibna muuqaalo baroor iyo baryo ah ayaad soo duubi laheydeen.

Dadka Soomaaliya jooga, gaar ahaan Muqdisho canshuur ayey siiyan Dowladda, sidaas oo ay tahayna Dowladda kama helaan caafimaad, amni, waxbarasho, shaqo, koranto iyo biyo.

Marka nus boos ay Dowlad hanti-wadaag ah markii horaba shacabka xoog uga qaadatay in maanta la yiraahdo danyartu kuma noolan karan sax ma’ahan.

Isla Dowladda falkaas ku kaceysa canshuur ayey ka rabta bil walba, isla dadkaas ay barakicineyso, hadii ay Bajaaj wataan iyo hadii ay Yaanyo iibiyan-ba.

Dadka ka hadlaya arrinta Dab-Damiska iyo guud ahaan dhulalka kale ee danyartu degantahay waxaan ugu baaqi lahaa iney is weydiiyan sidii ay jeclaan lahaayeen in loola dhaqmo hadii ay ka mid ahaan lahaayeen dadkaas danyarta ah ee guryahaas degan ee aan kirana awoodin.

Dowladdu dhulal badan oo bannaan ayey wali heli kartaa, oo shaqo Dowladdeed lagu qaban karo hadii aanan loo socon hadaf kale.

Sidoo kale isla dadkan ayey Dowladdu deegaameyn uga sameyn karta meel kale, madaama ay masuuliyadda koowaad ee dowladnimadu tahay u adeeggida shacabka. Laakiin xoog, xabad iyo cagaf ma’ahan luuqad uu adeegsan karo hoggaamiye suuban oo la doortay.

Dowladnimadu daruuftii jirtay uga sii dar ma’ahan.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Somaliland oo si caro leh uga jawaabtay bayaanka dalalka G7 ee heshiiska badda

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay bayaan kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Somaliland ayaa ka carootay in loogu yeero “gobol ka tirsan Soomaaliya,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

“Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-bannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meelmariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.”

Bayaanka ay ka gubatay Somaliland ayaa waxa si wada-jir ah u soo saaray Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka, waxayna ugu baaqeen Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay iyadna ku gacan sayrtay baaqa kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, iyada oo meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya.

Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland uga jawaabta bayaanka dalalka G7;

Markaba horeba waxa xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay “inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.”

Waa dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin dawladaha G7 oo si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu ahaa mid aan sharciyad ku sallaysnayn oo uu meesha ka baxay markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya.

In lagu tilmaamo “Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya” iyo in magacyo la iska abuurto,la iskuna dayo in la tirtiro taariikhddu ma beddeli karto xaqiiqda iyo waaqiga dhabta ah.”

Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-bannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meel-mariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.

Waana wax lagu dawakho in la arko dalalka G7 oo sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyaddu ay go’aansadaan inay dayacaan xaqiiqada dimuqraadiyadda dhabta ah iyo deganaanshaha Somaliland.

Qarannimada Somaliland waa lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.

Ugu dambeyn waxaan xaqiijineyna dalalka G7 inay la socdaan gardarooyinka isa soo taraya ee Soomaaliya iyo iskudayga hoggaankeedu wadaa ay dib u soo istaadhi karto colaadii hore u dhex taalay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mid cusub oo ay ka abuurto mandaqada dawladda taagta daran ee Muqdisho.

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda EAC oo Muqdisho soo gaaray iyo Xamza oo qaabilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka urur-goboleedka EAC ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deg-deg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la fal-galka Soomaaliya ee suuqa Bariga Afrika.

“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada urur-goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.

Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhowaad afar billood kadib waxay si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Ku biirista rasmiga ah ee EAC ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahna. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.

Xogta saraakiil ay DF u direyso dalka dibaddiisa + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dibaddiisa u direysa saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska.

Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira booliska.

Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan, sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.

“Waa in aad ka soo faa’iideysataan aqoonta la idin soo siinayo, taasi oo la rabo in aad uga faa’iideysaan saaxiibadiina kale,” ayuu sidoo kale yiri Taliye Sulub Axmed Firin.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska ciidamada kala duwan ee dalka.

Si kastaba, Ciidamada Soomaaliya ayaa xilligaan ku jira dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo banaanka heerka awoodeed ee ciidankeenna, waxayna dowladda Xasan Sheekh qorsheynaysa in gulufkan kooxda looga xoreeyo guud ahaan dalka.

MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirta go’aankii shalay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto madaxweyne ku soo saaray cayimaadda muddada qabsoomidda doorashooyinka, kadib xal laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Shalay ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Somaliland ay ku dhawaaqeen xilliga la qabanayo doorashada guud ee maamulka, taasi oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo midda xisbiyada ayaa deegaannada Somaliland waxay ka dhici doonta 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno ee 2024-ka.

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ku tartami doono kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala aha Wadani, Kulmiye iyo Ucid, halka doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-geli doonaan saddexda xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha

Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Puntland oo raali-gelin ka bixisay u gefkii Sheekh Umal

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo mar kale hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis.

Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida uu horay u shaaciyay.

Dirir ayaa haatan raalli-gelin buuxda siiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed oo aad ‘u dhibsaday eedeynta uu jeediyay wasiirka.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Sheekh Umal uu yahay caalim wayn, wuxuuna kula taliyay inuu beddelo fikirkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Arrinta dooda dhalisay ayaa ah in Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis ay ‘ku taliyeen’ in lagu duulo Puntland, taas oo uu dib ka beeniyay Sheekh Umal oo mar kale soo hadlay.

“Sheekha waa ka raali gelinayaa arintaa in aanu oran Puntland halugu duulo waa caalim soomaaliyeed waa shiikheenii waa shiikh Soomaaliyeed laakiinse qowlkiisa qadiimka ah ha ku bedelo qowl jadiida” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland.

Raali-gelinta wasiirka ayaa haatan soo gabagabeyneysa hadal heyntii qabsatay baraha bulshada, kadib dagaalka ka dhex qarxay Wasiir Maxamuud Cayiid Dirir iyo Sheekh Umal.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan khilaaf siyaasadeed oo wayn wuxuu kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.

Daacishta Soomaaliya oo sheegtay inay weerar ku dishay Shabaab-kii u badnaa

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dagaallo ay bishii Ramadaan ay Al-Shabaab kula gashay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Daacish ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannadeeda ay weeraro culus ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayna ka dileen in ka badan illaa 50 xubnood.

Qoraal lagu shaaciyay majaladda caalamiga ah ee Al-Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu sheegay in hwolgalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab.

Sidoo kale majaladda ayaa qortay in kooxda Daacish ay la wareegtay deegaannada lagu dagaalamay oo ku yaalla  buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Waxaa kale warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Al-Shabaab hub iyo rasaas looga soo furtay weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Daacish.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay Daacish sheegtay inay ku gaarsiisay khasaare culus, hubna ay uga soo furatay.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku dagaalamay deegaannada ay sida qarsoodiga ah ku joogaan ee buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Itoobiya oo hadal hanjabaad iyo jees-jees ah kasoo saartay heshiiska badda Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta is-afagaradkii ay la gashay Somaliland, islamarkaana carada dowladda federaalka ee arrintan ku aadan ay tahay wax aan dhaafsiisneyn dib u dhaca ku-meel gaar ah.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Abdulaziz Ahmed Adem, oo ah la-taliyaha sare ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISS), sidoo kalena la-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxa uu hadalkan ka jeediyey shir ku saabsanaa amniga gobolka Geeska Afrika oo uu soo abaabulay Machadka Arrimaha Dibedda, kaasi oo ka dhacay Skylight Hotel Addis-Ababa, 19-kii April.

Abdulaziz ayaa ku dooday in helitaanka Itoobiya ee marin badeed ay sahli karto kobaca wadajirka ah ee Itoobiya, iyo Soomaaliya oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir.

Abdulaziz waxa uu ku tilmaamay diidmada Muqdisho ee heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland inay tahay “dib u dhac,” isagoo ku macneeyey isku day ay dowladda federaalka ku weecineyso caqabadaha siyaasadeed ee ka haysta gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto heshiiska, oo qeyb ka ah sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka.

“Itoobiya waxay soo dhawaynaysaa dadka ka socda dhammaan dalalka deriska ah, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa u muhiim labada waddanba inay u midoobaan kooxaha argagixisada loo aqoonsaday sida Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa dadka tahriibiya. Haddii aan si wadajir ah u shaqeyno, waan horumari karnaa oo aan ka gudbi karnaa caqabadaha, intii aan ka hortagi lahayn heshiis aan la joojin karin,” ayuu yiri Abdulaziz.

Waxa uu ugu baaqay dalalka gobolka inay ahmiyadda siiyaan iskaashiga iyo barwaaqada, wuxuuna dib u xaqiijiyey in Itoobiya ay ka go’an tahay nabadda iyo wada-shaqeynta dalalka deriska la ah.

Abdulaziiz waxa uu xusay kaalmaynta milatari ee Itoobiya ay ka geysatay dadaallada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo Soomaaliya.

Wuxuu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay halis ku keeni karto Itoobiya iyo sidoo kale gobolka oo dhan.

“Ciidankeenu wuxuu Soomaaliya u sameeyey naf-hurnimo la taaban karo, haddii ay ahaan lahayd xudduudaheeda iyo nabadda. Waxaa naga go’an inaan horumarino xiriir nabadeed oo aan la yeelanno deriska, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno dadaallo dheeraad ah oo ku aaddan yoolkan. Waa lama huraan in iyaga iyo kuwa kaleba ay ogaadaan sida aan ugu heellan nahay arrimahan,” ayuu yiri.

Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.

Abiy Axmed ayaa horay u carrabka ugu adkeeyay in Itoobiya ay muhiim u tahay inay hesho marin badeed, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda ka taagan Geeska Afrika.

Cabdiraxmaan Tuur, Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib iyo Muqdisho 1994-kii

Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement).

Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu  biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka  taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute.

Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale).

Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin?  2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha.

© Puntland Post, 2024

Nin walaalkiis ka yar si arxan darro ah ugu dilay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo ay dadka deegaanka si wayn uga argagaxeen.

Dhacdada ayaa timid, kadib markii wiil kamid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah u dilay walaalkiis ka yar, taas oo ka dhacday xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaake Muuse Saxanjadiid, halka eedeysanaha dilka gaystay isna lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Labada nin ayaa ahaa walaalo, isku hooyo iyo isku aabe ah, waxaana soo kala dhex-galay muran sababay gacan ka hadal, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in eedeysanaha uu canaanayay marxuumka, kadibna uu soo qaatay bir, taas oo sababtay geerida Sharmaarke.

“Dilka ma ahayn ula kac, canaan ayuu ka dhashay, canaantii ayaa fogaatay kadibna birta wax lagu qodo ayuu afka jug uga siiyay, gudaha ayayna u gashay, sidaas ayuu ku dhintay marxuumka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la wareystay.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in labada wiil uu aabahood dhowaan geeriyooday, isla markaana uu falkan dhacay, ayada oo weli ay aasaay saaran tahay hooyadood.

Laamaha ammaanka magaalada Beledweyne ayaa haatan wada baaris dheeraad ah oo ku aadan falkaasi iyo soo qabashada eedeysanaha, si sharciga loo horgeeyo.

Dilkan argagaxa leh ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka la yaabka leh ee asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay qaybo badan oo kamid ah dalka, waxaana u dambeysay shalay oo hooyo ka xanuunsan dhimirka ay laba carrruur ah oo ay dhashay ku gowracday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Rafcaanka oo maanta bilowday dhageysiga kiiska SAYID CALI Macallin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah guda gashay dhageysiga dacwadda culus ee loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Waxaa hoolka maxkamadda ku sugan saraakiil ka socota xeer ilaalinta ee soo oogtay dacwadda, qareenada difaacaya eedeysanaha, ehellada labada dhinac iyo dadwyene kale.

Ugu horreyn waxaa fadhiga maxkamadda ka hadlay Saciid Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir oo sharraxaadd ka bixiyay dhageysiga kiiskan xasaasiga ah oo ah mid isha lagu wado hayo.

“Fadhiga maanta waxa uu ku saabsan yahay rafcaan uu soo qaatay eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud, kaas oo uu kasoo qaatay xukun ay Maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo saartay kiiska Luul Cabdicasiis oo ay ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Intaas kadib maxkamadda ayaa u yeertay eedeysane Sayid-Cali oo goobjoo ah, wuxuuna ka hadlay sababta uu usoo qaatay rafcaanka, isaga oo ku oodday inuu dhibane yahay, isla markaana uusan gaysan dilka xaaskiisa.

“Sababta aan rafcaanka usoo qaatay mudane guddoomiye ayaa waxa ay tahay in anoo dhibane ah la’igu sheegay nin dilaa ah, waana layga been abuurtay” ayuu ku dooday.

Bil kahor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali, kadib markii ay caddeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayid-Cali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.

Wararki ugu danbeeyay ee Gaza iyo Daanta Galbeed

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Rafah ee Marinka Gaza.

Duqeyntan oo qeyb ka ah weerarka ay Israil ku heyso magaalada go’doonsan ee Gaza muddo 7 bilood ah, ayay saraakiisha caafimaadka isbitaalka al-Najjar sheegeen, in dadka dhintay ay ku jireen Abdilfatah Subxi Ridwan iyo xaaskiisa Najla Axmed Cuweydah iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo abtigood.

Wararka kale ee naga soo gaaray dhulka la heysto Daanta Galbeed ayaa sheegaya, in Sabtidi shalay ay ciidamada Isra’il dileen ilaa 14 Falastiiniyiin ah, kaddib marki ay weerareen kaamka Nur Shams.

Ciidamada Israil ayaa saacadihii hore ee jimcaha billaabay duullaan ballaaran oo ay ku qaadeen aagga Nur Shams, oo u dhow magaalada Tulkarm ee Falastiiniyiinta, waxaana ilaa xalay la maqlayay rasaas ay is weydaarsanayeen ciidanka Israil iyo dagaalyahanno hubeysan oo Falastiiniyiin ah.

Guutada Dulkaram oo ay ku mideysanyihiin kooxo dhowr ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in ciidankooda ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Isra’il shalay.

Eeriyada iska hor imaadyadu ka dhaceen ee Nur Shams ayaa hooy u ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo halkaasi daganaa tan iyo dagaalki 1948-di, markaas oo aheyd xilligi la abuuray Dowladda Israil.

Daanta Galbeed oo qariirad ah u qaabeysan sida killida oo kale, ayaa ku fadhiya dhul dherirkiisu dhan yahay 100 km iyo 50 km oo ballac ah, waana xuddunta colaadda Isra’il iyo Falastiin tan iyo marki ay Isra’il halkaasi xoog kula wareegtay dagaalki Bariga Dhexe ee sannadki 1967.

Eeriyada iska hor imaadyadu ka dhaceen ee Nur Shams ayaa hooy u ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo halkaasi daganaa tan iyo dagaalki 1948-di, markaas oo aheyd xilligi la abuuray Dowladda Israil.

Daanta Galbeed oo qariirad ah u qaabeysan sida killida oo kale, ayaa ku fadhiya dhul dherirkiisu dhan yahay 100 km iyo 50 km oo ballac ah, waana xuddunta colaadda Isra’il iyo Falastiin tan iyo marki ay Isra’il halkaasi xoog kula wareegtay dagaalki Bariga Dhexe ee sannadki 1967.

Türkiye eyes deep-sea oil drilling off Somalia coast in 2025

Mogadishu (Caasimada Online) – Türkiye hopes to conduct a deep-sea oil drilling operation off the Somali coast in 2025, the country’s energy minister said on Friday.

This development comes shortly after the two nations agreed to extend their cooperation by signing an oil and natural gas cooperation deal last month.

This development marks a significant milestone in strengthening ties between Türkiye and Somalia, which have been bolstered by a defense deal signed earlier this year.

Türkiye and Somalia signed a deal on offshore oil and natural gas cooperation earlier in March, further solidifying their bilateral relations.

“With this agreement, we will carry out joint activities to bring Somalia’s resources to the Somali people. We aim to strengthen Türkiye’s presence in the Horn of Africa with new collaborations in the energy field,” Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar said on social media platform X, formerly known as Twitter.

The deal is part of a broader effort to strengthen economic and defense ties between the two nations.

In February, Türkiye signed a defense and economic cooperation agreement with Somalia, including maritime security support provisions to help the African country defend its territorial waters.

Türkiye has also invested heavily in Somalia’s education, infrastructure, and health sectors and provided extensive humanitarian aid.

Offshore oil and natural gas cooperation

The deal includes transportation, distribution, refining, sales, and services operations for oil and other products from land and sea projects.

“There is a place on the Somali seaside we consider may have oil reserves. We will start seismic work. We want to do deep sea drilling in 2025,” Bayraktar said in an interview on private broadcaster NTV.

The agreement marks a significant step forward in the region’s exploration and production of oil and natural gas resources.

Somalia has long been believed to have substantial oil reserves. However, exploration efforts have been hindered by political instability and security concerns.

“Oil and natural gas exploration offshore from Somalia, which looks more like oil for now, will start very soon in the areas we have identified. We will maybe send our seismic (exploration) vessel there in the first phase,” he said separately in a panel without elaborating.

Bayraktar’s comments suggest that Türkiye is keen to move forward with exploration efforts in the region and is confident in the potential for oil reserves off the Somali coast.

Türkiye’s energy agenda

In addition to the Somali project, Bayraktar evaluated Türkiye’s energy agenda, including oil production in the Gabar field in Şırnak province, which has recently exceeded 40,000 barrels of daily output.

“Turkish Petroleum was producing 33,000 barrels of oil at the beginning of 2016. Today, only Gabar has exceeded 40,000 barrels of daily production. We aim to elevate Gabar’s daily production to 100,000 barrels by the end of the year. Intensive work continues in this regard,” Bayraktar said.

Moreover, he highlighted the economic contribution of the oil field. He said that in today’s terms, once daily production reaches 100,000, it corresponds to $3 billion in value that stays within the country.

He also said they have a very ambitious exploration program for 2024, with plans to drill 140 wells throughout the year.

The development of the oil field in Gabar is significant for Türkiye’s energy security and economic growth. The project is expected to generate significant revenue for the country and create new jobs in the energy sector.

Türkiye’s ambitious exploration program for 2024 is also a testament to the country’s commitment to increasing its energy production and reducing its dependence on foreign oil.

The program includes plans to drill 140 wells throughout the year, which will help to increase Türkiye’s oil production and reduce its trade deficit.

Iraq-Türkiye pipeline

The minister also touched upon the shutdown of the Iraq-Türkiye oil pipeline, which is still stuck in limbo nearly a year after the halt of oil deliveries.

“The Iraq-Türkiye Pipeline is a reflection of our neighborly relationship with Iraq, dating back to the 1970s. It is an important project for the region and the world oil market … We always kept the section of the line within our borders in working order,” he said.

The Kirkuk-Ceyhan pipeline has been offline since March 2023, when Ankara halted flows following an arbitration ruling by the International Chamber of Commerce (ICC).

The ICC ordered Ankara to pay Baghdad damages of $1.5 billion over what it said were unauthorized exports by Iraq’s Kurdistan Regional Government (KRG) between 2014 and 2018.

Maxkamadda oo war cusub ka soo saartay kiiska Sayidcali ninkii xaaskiisa gubay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa berri oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in berri uu Sayidcali hor keeno maxkamadda.

Maxkamadda ayaa furmi doonta 9:00AM, waxaana sidoo kale taliyaha booliska degmada Xamarweyne laga dalbaday in maxkamadeynta kadib uu Sayidcali ku celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Bil ka hor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayidcali, kadib markii ay cadeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayidcali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.

Hoos ka eeg warqadda

Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo isku soo dhiibay dowladda + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 8-Xubnood oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kooxdaan ayaa isku soo dhiibtay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada ka soo hartay fikirka guracan ee Khawaarijta, kuwaas oo iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed.

Sidoo kale deegaanada Galmudug iyo Jubbaland ayey iska soo dhiibeen xubno badan oo muddo ka barbar dagaalamayey argagixisada, kadib markii ay u adkeysa waayeen nolosha adage e duurka ku heysata kooxda.

Horjooge Hanad oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka ee ku sugan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ninkaas ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka, isagoo ku wargeliyey inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, isla markaana uu diyaar u yahay inuu isku dhiibo dowladda.

Hanad, ayaa sheegay in muddo ka badan 7 sano uu ka tirsan Khawaarijta, balse hadda uu adkeysan waayey nolosha sii xumaaneysa ee Khawaarijta ku heysata duurka fog oo ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ay ku baacsanayaan.

Inkastoo deegaanada qaar ay ka socdaan howlgallo culus, sida Jubbaland, hadana waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dagaalo culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaami doono.

Xasan Sheekh ayaa mar kale u guuraya Dhuusamareeb, si dagaalka uu halkaas uga hoggaamiyo, loona soo afjaro Shabaab-ka jooga Galmudug, kooxda ayaa weli ku harsan deegaanada fog ee bariga Galmudug oo degmada Ceelbuur ay ugu weyn tahay.

Halis ku wajahan Somaliland oo laga digay – Maxay tahay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan cabsi xoogan oo laga qabo roobab daadad wata oo ka da’ay deegaanada maamulkaasi.

Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda la saadaalinayo in roobabkaasi ka da’aan guud ahaan deegaanada Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in roobabkaasi ay gaysan karaan waxyeelooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bubur, maadaama ay wataan daadad xoogan

Farriintan oo wargelin ahaan loogu diray shacabka ayaa waxaa looga codsaday inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah.

“WARGELIN :- Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo ,  Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba ina ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah” ayaa lagu yiri farriinta.

Sidoo kale Somaliland ayaa fartay darawallada gaadiidleyda inay muujiyaan feejignaan, ayna yareeyaan xawaaraha ay ku socdaan.

“Waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan roobabkan oo ay horay digniin uga soo sartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qarana ee SoDMA.

Kulan agaasimaha xiriirka dadweynaha baarlamanka Galmudug iyo bulshada rayidka

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Macruuf Xaaji, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ee Galmudug. Kulankan ayaa ahaa mid uu Mudane Macruuf ujeedkiisu ahaa inuu bulshada la wadaago warbixin ku saabsan shaqada wanaagsan ee baarlamaanka iyo in uu dhagaysto aragtiyadooda iyo talooyinkooda.

Mudane Macruuf ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay howlaha muhiimka ah ee baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug uu qabtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dejinta sharciyo cusub, kormeerka iyo dabagalka hay’adaha dawladda, iyo taageerada horumarinta adeegyada bulshada. Waxaa uu si gaar ah ugu nuuxnuuxsaday sida baarlamaanku uga go’an tahay in uu si hufan oo cadaalad ah u matalo danaha shacabka Galmudug.

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa fursad uu Mudane Macruuf kaga dhagaystay bulshada rayidka cabashooyinkooda, fikradahooda, iyo talooyinkooda la xiriira sidii loo horumarin lahaa maamulka iyo adeegyada bulshada. Bulshada ayaa soo bandhigtay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo is fahamka u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada rayidka.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay muhiimka u tahay in madaxda dowlad goboleedku ay xiriir dhow la yeeshaan bulshada, si loo xaqiijiyo in go’aamada iyo siyaasadaha la dejinayo ay ka turjumayaan baahiyaha dhabta ah ee dadka. Waxaa kale oo ay tani tahay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida hufnaanta iyo isla xisaabtanka ay door muhiim ah ugu leeyihiin maamulka iyo maamul wanaagga.

Ugu dambeyn, kulanka Mudane Macruuf iyo bulshada rayidka ayaa lagu tilmaami karaa mid guul leh oo horseedi kara horumar iyo isfahan dheeraad ah oo dhexmara shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xilliga Turkiga uu bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan qodista shidaalka Soomaaliya oo ay heshiis dowladdu kula gashay dowladda Turkiga.

Carabey ayaa xaqiijiyay war kasoo baxay dowladda Turkiga oo ay ku sheegtay in labada dal ay isku raaceen in shidaal qodista la bilaabayo sanadka soo socda ee 2025.

Agaasimaha ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska shidaal ee ay gaareen Muqdisho iyo Ankara ay qayb ka tahay qodista shidaalka, balse ay ka horeyso baaris, kadibna ay ku xigto qodista oo la guda galayo sanadka soo socda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in magaalooyinka ugu horreeya ee laga bilaabayo ay noqon doono Baraawe iyo Hobyo oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

“Sax waaye, heshiiska ayay qeyb ka tahay. Waa inay baaraan kadibna ay sameeyaan shidaal qodista,waxaana laga bilaabaya xeebaha Baraawe iyo Hobyo” ayuu yiri Carabey.

Dhankiisa Wasiirka Tamarta dalka Turkiga oo lagu magacaabo  Alparslan Bayraktar ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu sanadka 2025-ka ay bilaabaneyso howsha qodista shidaalka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay ka faa’ideysato khayraadka ee Alle ku maneystay, waxaana heshiis ay kula gashay dowladda Turkiga.

Horay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa u galay heshiis difaac, kadib xadgudubkii Itoobiya ee madax bannaanida Soomaaliya, ee ka dhashay heshiiska badda ee Addis Ababa.

Maydka nin iyo xaaskiisii hore oo laga dhex helay gaari aan xabaddu karin + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mayadka laba qof oo kala ahaa nin iyo xaasikiisii hore ayaa maanta laga helay xero ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta.

Maydadka labadan qof oo la la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa laga dhex helay gaari nooca aan xabadda karin oo yaallay xero gaadiid lagu xareeyo oo ku taallo halkaas.

Abuukar Yuusuf ayaa sidoo kale ahaa darawalka Maxamed Zubeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda sababta keentay geerida labada qof.

Aabe Cabdulqaadir Cabdulle oo dhalay marxuumadda ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhiisa, haddana loo soo sheegay maydkeeda, wuxuuna tilmaamay in ninka ay isla geeriyoodeen uu ahaa saygeedii hore oo ay kala tageen laba sano kahor.

“Halkan waxaa ka dhacday gabarteeda oo dhimatay oo muddo saddex maalmood ah raadinayay ayaa la’ii soo sheegay, gabadha iyo wiilka mar hore ayay kala tageen laba sano kahor ayay kala maqan yihiin” ayuu yiri aabaha dhalay gabadha geeriyootay.

Sidoo kale wiil la dhashay marxuum Abuukar Yuusuf oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hadda socdo baaritaan, ayna cadaalad ka dalbanayaan dowladda dhexe.

“Dhacdada ayaa naloo soo sheegay, waana imaanay hadda booliska iyo C.I.D ayaa imaaday baarista ayaana socota” ayuu isna yiri wiil la dhashay marxuumka.

Dhacddan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkan dambe ka dhacayay gudaha caasimada, waxaana u dmabeysay dilka laba carruur ah oo ay maanta hooyadood oo dhimirka ka xanuunsan ay ku gowracday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.