26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Yuu u xayirnaa qaadka Kenya ee Soomaaliya taga maalmihii lasoo dhaafay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Qaadka Kenya ee Soomaaliya taga ee loo yaqaano Miirooga ayaa shalay ka degay garoonka Muqdisho kadib maalmo uu hakad ku jiray.

Xayiraadda qaadka ee maalmihii lasoo dhaafay ayaa warar dheeraad ah kasoo baxayaan, ayada oo ganacsatada ka shaqeysata qaadka Miirooga qaarkood ay sheegeen inay ka dambeysay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo kamid ah dadka ka shaqeysta qaadka ayaa sheegay in qaadka ay lacago dheeraad ah ku soo rogteen koox uu ku sheegay “magafayaasha qaadka,” kuwaasi oo macaash aan caadi aheyn ka sameeya qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya.

Kooxdan ayuu sheegay inay yihiin kudlad isku xiriirsan, islamarkaana lacagta ay ka qaatan qaadka Miirooga ay ugu dhacdo akoonno gaar ah, waana lacago dheeri ah oo ka baxsan canshuurta, sida uu sheegay Cabdiwaaxid Barre oo kamid ah dadka ka shaqeysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda illaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Cabdiwaaxid Barre oo la hadlay BBC.

Lacagta ay ganacsatada ka cabanayaan ayaa dhan 4.5 dollar oo laga qaado kiilo kasta oo ah qaadka Miiroowga ee loo dhoofiyo Muqdisho.

Isku soo wada duubo, qaadka Miirooga oo maalmo xayirnaa ayaa shalay markii uu ka degay magaalada Muqdisho waxaa lagu kala iibsanayay qiimo aad uga sarreeya midkii hore, taasi oo cabasho xooggan laga muujiyay.

Xogta heshiis dhanka badda oo Ruto uu hordhigay Xasan oo la xiriira xiisadda Itoobiya

Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD.

Ujeedka Kenya ee heshiiskan ayaa lagu sheegay si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa 1-dii January is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

Is-afgaradkan ayaa keenay in Soomaaliya ay si adag uga jawaabto.

Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

“Waxaan sii wadeynaa in aan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto “helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay darsayaan hindisahaasi, islamarkaana madaxdooda laga codsaday inay ka wada-hadlaan kulanka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla.

Sing’oei waxa uu sheegay in waqtigu uu muhiimad gaar ah u lahaa, maadaama Al-Shabaab ay u adeegsan jireen khilaafkan inay dowladda Soomaaliya ku tilmaamaan mid aan awood u lahayn ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.

XOG: XASAN Sheekh iyo Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah uga bilowday Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online shir wada-tashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la-dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, sida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka dastuurka ayaa jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta diidan qorshihiisa dastuurka, waxaana ugu horeeya Sheekh Shariif oo xalay uu kulan gaar ah la yeeshay.

Madaxweynaha ayaa shalay tegay Nairobi, wuxuuna halkaas kula kulmay madaxda ugu sareysa dalka Kenya, safarka Xasan Sheekh ayaa labo geesood ah, wuxuuna ku qotomaa xiisada kala dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shirar gaar ah oo madaxda Kenya uu la yeelanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Bilan: Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadal-haynta ka dhalisay Sweden?

Stockholm (Caasimada Online) – Bilan Cusmaan oo ku nool dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshada gaar ahaanna dalkaas, ka dib hadal uu sheegay nin isaguna dalkaas kasoo jeeda.

Gabadhan oo wariye ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ka ol’oleysa arrimaha islaam nacaybka iyo kooxaha midigta fog ee dalkaas iyada oo qortay maqaallo badan oo ay kaga hadlayso arrimahaas.

Nin sida la sheegay isaguna wariye ah dalkaasna u dhashay ayey is barteen kaas oo Bilan qudheedu sheegtay in ay laba sano xiriir la lahayd, balse wuxuu sheegay in uu soo bandhigi doono caddeymo muujinaya “waxa dhabta ah ee Islaamku yahay”, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta internet-ka.

Arrintan ayaa hadal hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida ee qurba joogta.

Eadaymaha uu usoo jeediyay Bilan ninkan oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ka mid ah in ay bahisay xogta ilwareed loo baahnaa in la qariyo.

“Duubis sir ah waxay ugu yaraan Bilan Cusmaan muujisay xogta ilwareedka Expo ee dhaqdhaqaaqa taageersan Sweden”, tan oo ah ayuu yiri “dembi lagu mutaysan karo xabsi”.

Hadalka ninka ka dib, Bilan ayaa barteeda Twitter soo dhigtay qoraal taxane ah oo ay isku difaacayso kagana jawaabayso waxa uu sheegay ninkaasi.

“Qaarkiin waad arakteen baan u maleynayaa in ay socoto dhaleeceyn aan raad lahayn oo aniga igu saabsan oo ka socoto baraha bulshada. Waxaa dhaleeceyntaas iyo eedeyntaas xun u ololeynaya mid cunsuriyiinta midigta xagjirka ah ka tirsan, waa isla ninkii abaabulay in la gubo Qur’aanka Kariimka laba sano ka hor, waxaan xiriir la lahaa labo sano, taas oo aan ahayn sir oo ay ogaayeen inta badan dadka aan isnaqaanay, saaxiibaday iyo qoyskayga iyo weliba dadkii aan wada shaqeyneyney dhamaantood way ogaayeen xiriirkaas” ayey ku bilowday qoraalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee Bilan waxay sheegtay nooca xiriirka ee ay la lahayd ninkan in uu ahaa mid saxafinimo ee uusan ahayn mid jacayl.

Waxay sheegtay in ay baaritaan ku samaynaysay kooxaha midigta fog ee ninkani ka tirsan yahay sidaas darteedna uu ka mid ahaa dad ay xiriir la samaysay isla markaana ay “xoogaa naxariis ah” u muujisay si ay u dhex gasho.

Waa tuma Bilan Cusmaan?

Bilan waxay magaalada Goteborg ee dalka Sweden ugu dhalatay waalidiin ka yimid Soomaaliya. Waxay ahayd bare sare oo maaddada kimistariga dhigi jirtay iyo dhaqdhaqaaqe, waxayna ku soo barbaartay magaalada Partille.

Awoowgeed oo dhalay aabbaheed, oo lagu magacaabo Nuur Cusmaan, wuxuu ahaa gabyaa. Waxay saxaafadda ka baratay dugsiga saree e Bona Folk.

Bilan waxa ay wax ku qori jirtay sannadihii 2018 iyo 2019 wargeysyada Svenska Dagbladet iyo Expressen. Waxay sidoo kale maqllo ra’yi ah u qortay daabacado kale oo Iswidhish ah, oo ay ku jirto majaladda Opulens.

Muddo siddeed sano ah oo ka bilaabmaysa 2013, shaqadeeda aasaasiga ahi waxay ahayd bare socdaal oo ah aasaaska bandhigga ka hortagga cunsuriyadda. Kadib waxa ay ku biirtay ururka Ibn Rushd Study Association.

Intii ay ku jirtay saxaafadda waxay maqaallo badan ka qortay cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka, waxaana ka mid ah maqaal ay ciwaan uga dhigta ‘Hadda waxay si lama filaan ah u noqotay in laga hadlo Islaam-nacaybka”.

Sannadkii 2013, Bilan waxa ay ka mid ahayd shan saxiixeyaal warqad furan oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet oo ku boorinaysay haweenka Muslimiinta ah ee Sweden in ay xijaabtaan kadib haweeney uur leh oo uu nin ka soo horjeeday xijaabka Stockholm ku weeraray. Waxay markaas sheegtay in kooxdu ay doonayso in xijaabku caadi ka noqdo Sweden.

Iyada oo ka jawaabaysa dilkii George Floyd iyo dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee Maraykanka, Bilan Cusmaan waxay sheegtay in ay rabtay “in ay bilowdo wadahadal ku saabsan caddaannimada” gudaha Sweden.

Waxay ka hadashaa xagjirnimada garabka midig waxaana lagu eedeeyay xagjirnimada garabka bidix; horraantii 2024 qoraal Facebook ah oo ay ku muujisay xanaaqa dadka cadaanka ah ayaa horseeday dhaleeceyn.

Sannadkii 2014 Bilan Cusmaan waxa ay ahayd qofka helay abaalmarinta sannadlaha ah ee ELSA ee Guddiga Iswiidhishka ee ka hortagga nacaybka, kaas oo la siiyo “shakhsiyaadka ama kooxaha, kuwaas oo u isticmaalaya warbaahinta bulshada ama siyaabo kale, ka hortagga nacaybka”.

Sannadkii 2020 waxay ahayd mid ka mid ah afar musharax oo u sharaxanaa abaal marinta “Xiddigta soo kacaysa” ee Ururka Daabacadaha Joornaalka Iswidhan.

Si kastaba ha ahatee mowduucyada ay Bilan ka hadasho ayaa asal ahaan ah kuwa ay muran ku xeeran yihiin iyada oo waayadii u dambeeyay ay sare usii kacayeen kooxaha midigta fog ee qaar ka mid ah dalalka Yurub oo ay Sweden ku jirto.

Isha: BBC

Xiisadda IRAN iyo ISRAEL oo kasii dareysa – Maxaa cusub?

London (Caasimada Online) – Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa ku booriyay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilmaameedsaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.

Weerarkaas ayaa lagu dilay Jeneral daraja sare ka hayay ciidanka qalabka sida ee Iran iyo lix kale oo dhammaantood ahaa saraakiil ka tirsan millatariga Iran.

Israa’iil weli ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka, laakin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad uu Arbacadi jeediyay ku yiri: “Israel waa in la ciqaabaa waana ay noqon doontaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay in ay waxyeeleyn doonaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeelleyso.

Diyaaradda Lufthansa ee dalka Jarmalka, oo kamid ah laba diyaaradood oo laga leeyahay Galbeedka oo tagi jiray Tehran, ayaa kordhisay hakad ay gelisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda Iran.

Ruushka ayaa isna uga digay muwaadiniintiisa in ay u safraan Israa’iil, Lubnaan iyo dhulka Falastiin.

Wasiirrada arrimaha dibadda Jarmalka, Ruushka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan islamarkaana aysan gobolka u horseedin colaad hor leh.

Mareykanka ayaa isna sheegay in qaboojinta xiisadda taagan uu kala hadlay dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Sacuudiga.

Dowladda oo war culus ka soo saartay dagaal maanta Al-Shabaab lagu laayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal lagu laayey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Baarsanguuni oo hoos taga degmada Jamaame.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war ay ku sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta ay kooxda la galeen dagaal lagu dilay 27 Shabaab ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in nolosha lagu qabtay ugu yaraan shan Khawaarij ah, kuwaas oo qaarkood dhaawac yihiin.

“Ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Khawaarijtu ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.”

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga Khawaarijta ah ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka, sida lagu sheegay warka dowladda.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta XFS ayaa ugu dambeyntii lagu yiri “Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baarsanguuni, balse ayagii ayaa lagu laayey halkaas, waxaana la soo bandhigay meydadkooda.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka XASAN Sheekh iyo William RUTO ee Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku tegay dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan diirada ku saareen arrimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, daris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Kenya Mr. Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kaasi oo wejigiisa koowaad laga gaaray guullo wax ku ool, inkasta oo gaabis uu ku yimid bilihii dambe.

Ruto ayaa waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu cirib-tirayo argagaxisada gobolka, oo sidoo kale khatar ku ah waddanka uu ka taliyo oo mararka qaar ay ka geystaan falal amni darro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isaga oo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo, maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Al-Shabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa oo meydkiisa la helay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa.

Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii tagtay lagu sii daayey damaanad kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo.

41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF Lemi Gemechu.

“Waxaa kadib muddo kooban loo kaxeeyey xarun dadka lagu hayo oo ku taal magaalada,” ayuu yiri Lemi.

“Qoyksa Bate ayaa xaqiijiyey in meydkiisa laga helay waddo ku taalla meel lagu magacaabo Melissa, dhacda duleedka magaalada Meki,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la toogtay.

Meydka ayaa waxaa la helay subaxii Arbacada, ayuu yiri, wuxuuna intaas raaciyey inaysan sheegi karin in ciidamada xiray Bate ay ka tirsanaayeen ciidamada federaalka ama kuwa dowladda gobolka.

Weli ma jiro war kasoo baxay dowladda federaalka, hase yeeshee mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay inaan la aqbali karin isku dayga loogu eedeynayo “khaarajinta” Bate.

“Maamulka Gobolka Oromia waxa uu si adag u cambaareynayaa dilka Bate Urgessa, kaas oo ay fuliyeen qolo aan haybtooda la aqoonsan,” ayuu maamulka ku yiri boggooda rasmiga ah ee Facebook.

Ururka OLF, oo isu arka inii yahay codka shacabka Oromada, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ka war heleen geerida ayna tahay “xanuun iyo murugo aad u daran”.

“Dilka aan loo meel dayin ee sharci-darrada ah ee ka dhanka ah kuwa ugu firfircoon siyaasadda iyo dhaqanka Oromada waa fal qorsheysan oo mas’uuliyad-darro ah oo lagu aamusinayo Oromada, soona socday sannado iyo tobaneeyo sano,” ayuu yiri OLF.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) — oo ah guddi madax-banaan kuna xiran dowladda — ayaa Arbacadii ugu baaqay dowladda dhexe iyo tan gobolka inay “baaritaan deg deg iyo dhex-dhexaad ah oo buuxa” ku sameeyaan dilka Bate.

“La xisaabtama dambiilayaasha,” ayuu madaxa EHRC Daniel Bekele ku qoray barta X, ee hore loogu yaqiin Twitter.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale samaysay codsiyo taas la mid ah.

PUNTLAND oo war culus kasoo saartay xiisadda kala dhaxeysa DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe aya ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe.

Ilyaas Lugatoor ayaa mar kale ku celiyay in Puntland aysan aqbali doonin wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay horay u ansixiyeen xildhibaannada labada Gole.

“Haddii la beddelo wixii heshiis lagu ahaa waxa ay keeneysaa, Soomaali inay kala tegto, markii ay arrintaas soo baxday Puntland waxa ay qaadatay in aysan ictiraaf siin dastuurkaas la beddelay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku dhaliilay inuu kala qaybinayo Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka bixin Soomaaliya, balse ay la shaqeyn doonaan cid kasta oo daneysan dastuurkii lagu heshyay 2012-kii.

“Waxaan shacabka u caddeyneynaa in Puntland ay kamid tahay Soomaaliya, aynan ka bixi doonin, waxaan la shaqeyn doonaa cid kasta oo aaminsan dastuurkii 2012” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay ay Puntland u diiday wax ka beddelka dastuurka, isla markaana sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowladda dhexe.

Kadib tallaabadaas ayaa waxaa kasii daray xiisadda labada dhinac oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxayna dowladdu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Puntland oo ay ugu dambeysay xiridda qunsuliyadda ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Garoowe.

Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ku dhaweeyay dhiggiisa William Ruto.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wada-hadallo ka bilaabi doonaan isaga iyo madaxweynaha waddanka Kenya.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu casuumaad hal maalin ka helay dhiggiisa dalkaasi, si ay uga xog wareystaan xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka socdaalkan uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ganacsiga ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, maadaama ay Kenya qayb ka tahay dagaalkaas.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashooyin kala duwan ugu bixiyay dalka Kenya, halkaas oo marar badan tegay, isaga oo wada-hadallo lasoo yeeshay madaxda dalkaasi.

Safarkan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoonbiya oo gobolka laga dareemay, taas oo ka dhalatay heshiiska badda.

Kenya waxa ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgallada deegaanada Jubbaland oo ay ka fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay madaxtooyada HirShabelle – Yaa isku haya?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada HirShabelle, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada maamulkaas oo ku dagaalamay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadka dhex-maray ciidamadaas, waxaana jira dhaawacyo kale oo soo gaaray askarta dagaalantay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay waxyeelo soo gaartay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa aagga Madaxooyada ee lagu dagaalamay, halkaas oo weli laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Wararka ayaa intaasi ku daray in haatan ay socdaan dadaallo dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta HirShabelle oo ku baxay xiisaddaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda saree e HirShabelle oo ku aadan shaqaqaada ka dhacday halkaas oo si weyn looga dareemay magaalada Jowhar.

Horay sidaan oo kale waxaa aagga Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ugu dagaalamay ciidamada HirShabelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, wallow mar dambe la xalliyay xiisaddooda.

Jowhar waxaa sidoo kale mararka qaar ka dhaca falal amaan darri oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay gaystaan xubnaha kooxda Al-Shabaab iyo kuwa kale oo ay gaystaan maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

Muqdisho oo gashay xalad amni oo culus iyo dhagxaan lagu jaray goobo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay muujisay feejignaan weyn, si looga hortago in weerarro argagixiso ay ka dhacaan caasimadda.

Ciidamada ammaanka ee Booliska iyo Nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyey tiradooda, waxaana si gaar ah loo adkeeyey ammaanka dhowr goobood ay ay ka mid yihiin Hoteelada ku yaalla xeebta Liido, aagga garoonka Aadan Cadde, xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyo goobo kale oo laga cabsi qabo inay weerarro ka dhacaan.

Xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mid ah goobaha laga digayo inay Shabaab weeraraan, waxaa lagu wareejiyey dhagaxaan iyo juwaano ciid ah, sidoo kale waxaa la kordhiyey ciidamada ilaaliya wasaaradda.

Sidoo kale cabsida amni ee saacadihii lasoo dhaafay ay gashay Muqdisho ayaa sababtay inay dalka ka joogsadaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, kadib markii ay soo baxday digniintii dowladda Mareykanka.

Aagga madaxtooyada Soomaaliya waa halka ugu daran oo si aan horay loo arkin loo adkeeyey amniga, hadana habeen hore waxaa lagu garaacay Hoobiye la garan waayey halka laga soo riday, waxaana caasimadda Muqdisho ka jirta feejignaan amni tii ugu sareysay ee waayahaan la arko.

Sidoo kale, ilaalada safaaradaha ku yaalla xarunta Xalane ayaa aad loo adkeeyey, si looga hortago weerarrada argagixiso ee laga digayo, maadaama Xalane ilaa aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loo badinayo digniinaha soo baxaya.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii hotel SYL waxay Muqdisho gashay xaalad amni iyo feejignaan aan horay loo arag oo ciidamada amniga ay bilaabeen, waxaana adkaaday isku socodka magaalada.

Meelaha qaar waxaa la soo dhigay dhagaxaan looga hortegayo weerarrada dhici kara, irdaha laga galo garoonka Aadan Cadde qaarkood ayaa lagu jaray dhagaxaan cusub, iyadoo la kordhiyey ciidamadii horay uga howlgeli jiray.

Sidoo kale ciidamada Boolis-militeri ee suga amniga Caasimadda ayaa qaarkood loo saaray banaanka magaalada, si daafaha magaalada ay ugu ugaarsadaan argagixisada weeraradooda laga baqayo, waana tallaabo cuuryaamisay qorshayaashii halista ahaa ee weerarrada Al-Shabaab.

Weerar ay damacsanayd Al-Shabaab oo laga hortegay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerar ay damacsanaayeen Al-Shabaab laga hortegay, kadib howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka Kismaayo.

Al-Shabaabka weerarka qaaday ayaa beegsaday saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka, qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaase dagaal culus kala hortegay ciidamada huwanta ee ka howlgalay deegaankaasi.

Taliyaha ciidamada dhulka, Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay in la fashiliyay weerarka.

“Weerarkaas ilaahbaa ku mahadsan waa laga hortegay, xogtiisana waa la hayay dhirbaaxo xoog leh ayaa ciidamadu ay ku dhufteen, waana lagu jebiyay” ayuu yiri Janaraal Dayax.

Sidoo kale taliyaha ayaa  xaqiijiyay in goobta lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

“In ka badan 20 maleeshiyaad ah ayaa maydkooda meesha yaallaa, waxaana laga furtay hub iyo saanad ciidan” ayuu mar kale yiri taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka.

Dayax Cabdi Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in nolosha lagu qabtay maxaabiis kale oo dhaawacyo ah iyo saanad ciidan oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa laga hayaa maxaabiis dhaawacyo ah oo ay meesha uga carareen marka khasaaraha cadowga gaaray sidaas ayuu ahaa” ayuu kusii daray taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana jiro dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Maxay ciidamada cusub ee Soomaaliya ay dalbatay uga duwan yihiin kuwa ATMIS?

0

MUQDISHO (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa aqbalay, soona dhoweeyey codsi ay gudbisatay dowladda Soomaaliya oo ahaa in la helo ciidamo caalami ah oo beddela kuwa howlgalka ATMIS.

Dowladda Federaalka ayaa si gaar ah Midowga Afrikac uga dalbatay inuu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo shaqada kala wareegi doona howlgalka ATMIS marka lasoo gabagabeeyo bisha December ee sanadkan 2024-ka.

Haddaba maxay ciidamadan uga duwan yihiin kuwa ATMIS?

Aqoonyahan Axmed Kaboole oo ka falanqooda arrimaha amniga ee gobolka ayaa wareysi uu siiyay VOA uga hadlay arrimaha ciidamada, wuxuuna shaaciyay inay ka duwan tihiin kuwa howlgalka ATMIS.

Axmed Kaboole ayaa sheegay ciidamadan la filayo in la keeno Soomaaliya ay ka tiro yar yihiin kuwa baxaya ee ATMIS, ayna ilaalin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

“Tiro ahaan marka la fiiriyo way ka yar yihiin ciidanka ATMIS, waxayna noqon doonaan ciidamo garab siiya ciidamada federaalka ee Soomaaliya ha noqoto inay tababar siiyaan ama xarumaha muhiimka ah ee dowladda in ay sii waardiyeyaan” ayuu wareysigan ku yiri Falanqeeye Axmed Kaboole.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamadan ay caawin doonaan kuwa dowladda federaalka, isla markaana ay siin doonaan tababar iyo taageero joogta ah.

“Howlgalkooda wuxuu noqonaaa caawinaad, ayada oo la dhisayo Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay taageero u siiyaan” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dhowro xerooyin oo ay banneeyeen ciidamada howlgalka ATIMIS oo dhammaadka sanadkan ka bixin doona dalka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray saraakiisha haweenka ah ee ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la qaatay caawa qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay haweenka uu qaabilay ee saraakiisha ah sida nafhurnimada leh oo ay ugu taagan yihiin difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haweenka kula dardaarmay in fursadda ay heystaan ay ku ilaaliyaan gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku tilmaamay halyeeyo laf-dhabar u ah dowladnimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa haweenka ku jira saraakiisha ciidamada qaranka ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka.

Si gaar ah wuxuu uga codsaday inay badiyaan dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada, si loogu midoobo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ciidamada Soomaaliya oo ku jira jihaad Khawaarij la dagaalan ah iyo xaalado adag oo isugu jira halista argagixisada iyo duruufaha dhaqaale ee heysta dowladooda, waxaa ku jira haween badan oo dhexda u xirtay inay naftooda u huraan gobanimada dalkooda.

In madaxweyne Xasan Sheekh uu gaar qaabilo haweenka ku jira ciidamada qaranka waa tallaabo muhiim ah uu dhiirigelin u noqoneysa geesiyaashaan halgankii hooyonimo ku daray halgan nafhurnimo oo jihaad ah.

Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas oo duqeyn lagu dilay

Gaza (Caasimada Online)Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Gaza.

Israel ayaa sheegtay in saddexda wiil ee ay bartilmaameedsadeen ay ka tirsanaayeen garabka hubaysan ee Xamaas.

Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale lagu dilay illaa afar ilmo oo kale oo uu Ismaaciil Haniyah awoowe u yahay, kuwaas oo la socday saddexda wiil ee uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ku nool dalka Qatar, ayaa warkani soo gaadhay xilli uu booqanayey, qaar ka mida dadka ku dhaawacmay dagaalka Qaza, kuwaas oo la keenay cusbitaalka Dooxa.

Hoggaamiyaha sare ee Xamaas oo la hadlay telefiishanka Al Jazeera ayaa xaqiijiyey geerida ku timi ubadkiisa, isaga oo sheegay inay wiilashiisa shahiideen iyaga oo difaacaya magaalada Qudus iyo masjidka barakaysan ee al Aqsa.

Wiilasha Ismaaciil Haniyah ayaa noqonaya, dadka ugu magaca sarreeyey ee ay Israa’iil la xidhiidhinayso Xamaas ee lagu dilay dagaalka socda muddada lixda bilooda.

Israa’iil ayaa sheegtay in mid ka mid inamada uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas inuu ahaa taliye, halka labada kale ay ahaayeen askar.

Illaa haatan ma cadda sida weerarkani u saamaynayo dedaalada la doonayo in heshiis xabbad joojineed lagaga gaadho dagaalka Qaza, kaas oo ay ka odayaynayaan dhexdhexaadiyayaal caalami ahi.

Somalia: Current regime’s support for democracy

The current regime under the leadership of the President Dr Hassan Sheikh Mohamud has been in the process of promoting democracy in Somalia. President Dr Hassan Sheikh Mohamud has been keen to put in place universal election one person and one vote through right process based on the system and principles of democracy and hence the need to reform electoral regulation to ensure free and fair election. The claims by Guardian author in their recent article that scrapping its power-sharing system and handing the president increased controls threatens to destabilize the fragile country is MISGUIDED. This is because the author of Guardian did not understand the changes made in the constitution; Somalia moved from the parliamentary system to the presidential system. President Dr Hassan Sheikh Mohamud power given by the constitution is based on the presidential system. The author should know what to write, and the editor should check it. This imprudence may result liability. President is in control of one arm of government while the other arms of government remain independent to hold the executive accountable.

In addition, the Guardian author argues that the amendments transfer the power from lawmakers, and grant the president increased control over appointments to the electoral commission, taking away input from federal states this is also FALSE. This is because the amendments are meant to increase inclusivity and accountability in the government since the lawmakers and head of Federal Member States will be involved in vetting and approval of anyone appointed by the President. The author and the editor remain negligent because they should wait until the two houses approve the parliamentary chapter and the executive branch which includes the president and his powers, the prime minister and his powers. This indicates the inaccurate facts reported by the author, and the editor’s failure to fact check in order to comply with the professional ethics of journalism.

Further, the quoted argument of Afyare A. Elmi, a research professor at the City University of Mogadishu by the Guardian article author that a large chunk of the country is missing in the amendment process and the constitution is built for south-central Somalia is also FALSE. This is because the amendment process has been very inclusive with all the states and regions engaged in the process through their representatives. This has ensured that every region and state in Somalia has contributed to the constitutional amendments. This guarantees transparency in governance and empowers democratic institutions like the Parliament, grassroots governments, and the Judiciary. The only state, Puntland, which has refused to be in the consultation has MPs and Senators who were included and voted. The only viable reason that made Puntland refuse was personal and selfish interests of the Puntland president Mr. Deni.

Furthermore, the claim by some Somali intellectuals that, AL-shabaab should be consulted in constitutional amendments of Somalia is ridiculous and threatens the peace and stability achieved so far. How on earth would Somalia consult the group, an international terrorist organisation that contributed to its instability in the process of constitutional review? These kinds of remarks and arguments by Somali critics will derail from the path of development that has been set by the current regime.

Contrary to the Guardian article arguments, the Somali Constitution lays a foundation for legal and political framework, sets out the procedures and responsibilities for its amendment. The stakeholders are outlined in the Article 132, 133, 134 and 135 of the constitution of Somalia. These articles define who has the power to propose and enact amendments. Amendment of the Somali constitution can be done by:

  • The legislative branch of the Federal Parliament including both the House of the People and the Upper House of Parliament represents the people’s will and has the authority to propose and debate constitutional amendments.
  • The Executive Branch which includes the President, the Prime minister and the Cabinet of Ministers may also have roles in the amendment process, either through proposing amendments or ratifying them after parliamentary approval.

Further, the process for amending the Constitution of Somalia follows the following steps:

  • Initiation of Amendment (Article 133) which is initiated by at least one-third of the members of either the House of the People or the Upper House.
  • Review by the Oversight Committee (Article 133) which is done by Oversight Committee on the Review and Implementation of the Constitution.
  • Debate and Approval in Parliament (Article 134) follows after the Federal Parliament debates the proposed amendment after the Oversight Committee’s review where a two-thirds majority in each house is required for approval.
  • Presidential Assent (Article 134) which serves as a final check and balance in the amendment process.
  • Public Referendum (Article 135) is done where certain amendments necessitate a public referendum.
  • Constitutional Assemblies in Somalia are formed through clan leaders from across the country. Due to the security situation in the country with Al-Shabaab, the referendum is hard to be conducted in Somalia and thus constitutional assemblies represents the entire population of Somali.

In conclusion, the arguments in the Guardian article are false, unfounded and lacks any evidence. In fact, this is a mere speculation by a journalist who wants Somalia to remain divided and unstable. Failure by journalists and Somali academics to get executive positions in the current regime under President Dr Hassan Sheikh has made them to sponsor media speculations to paint a bad picture of the progress made so far. Contrary to arguments by the Guardian article author, the constitutional amendments are meant to give the people of Somalia more power and not the President. It’s the people who will elect both the parliament and the president and deputy president to ensure legitimacy of the elections. As recommended by some MPs the vice-president position has been replaced with a Prime Minister position to be appointed and dismissed by the President.

Contrary to previous concerns, the atmosphere in Somalia is gradually shifting towards one of resilience and determination. Communities are coming together to address grievances through dialogue and legal avenues, fostering a culture of reconciliation and inclusivity. International support for Somalia’s constitutional journey is also on the rise. This solidarity underscores the belief that a robust constitution is fundamental to Somalia’s long-term stability and prosperity.

Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
Abdullahiyabarow.blogspot.com
@Siigaale1

Mahad Salaad oo ka hadlay halkii ay ka soo bilaabatay saaxibtinimadiisa Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu munaasabaddii xil wareejinta ee taliyaha xilka ka dagay ee Hay’adda NISA iyo kan cusub uu ka sheegay in uu aad u mahdiyay shaqada hay’adda labadii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka dagay, Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu qabtay, balse wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Mahad ay yihiin saaxiibbo muddo is garanayay oo soo wada maray halgan nololeed.

“Xan ma ahan horta, aniga saaxiibkeey waaye” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo khudbanayay isaga oo dhoola caddeyna. “Dhawr iyo toban sano ayaan isla soo noolayn oo isla soo joognay. Nin aan bartay, ku kalsoonaaday, oo aan aqaano ayuu ahaa”.

Waxa uu intaas ku daray sababta uu shaqada Nabad Sugidda Soomaaliya uu ugu dhiibay inay tahay kalsoonida weyn ee uu ku qabo.

Haddaba sidee isku barteen Xasan iyo Mahad

Mahad Maxamed Salaad oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay saaxiibo yihiin muddo 13 sano ah.

Markii ugu horeysay ayuu sheegay in kulmeen horaantii waqtigii la aasaasay xibsi siyaasaadeed oo lagu magacaabi jiray DPD, kaas oo uu aasaasayaashiisa ka mid ahaa madaxweyne Xasan Sheekh.

Mahad ayaa sheegay in xisbigaas uu qayb ka noqday ka dib markii ay soo dhaweeyeen xubnihii xisbigaas, isaga oo noqday gudoomiyaha xafiiska Qaahira ee xisbiga.

Waqtigaas wixii ka dambeeyay Mahad waxa uu sheegay in uu ka mid noqday afartii xildhibaan ee ugu horeysay ee ka soo baxay xisbiga, isaga oo codkiisa xildhibaanimo siiyay madaxweyne Xasan oo xilligaas aan caan ka ahayn saaxada siyaasadda ee Soomaaliya.

Mahad ayaa sheegay “In odayaasha reerka uu ku matalay kursiga xildhibaanka ay u soo jeediyeen in uu codka siiyo musharrax markaas caan ahaa balse uu ku adkeystay in codkiisa uu siiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waligeey qof aan isaga ahayn uma codeyn” ayuu yiri Mahad oo ka hadlayay sida uu daacad ugu ahaa saaxiibkiis Xasan.

Xubnaha xisbiga ee xilligaas ayaa waxa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha haatan Xamse Cabdi Barre, Xildhibaan Aamino Maxamed oo sanadkii 2022 kii ku geeriyootay qarax ka dhacay Baladweyne iyo Mahad Salaad.

Waxa uu sheegay Mahad in waligiis isaga iyo madaxweyne xasan Sheekh aysan isku qaban afkaar iyo si shaqsi ah midna intii ay is garanayeen.

Sanadkii 2017 kii, markii doorashada madaxweynenimo looga adkaaday madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in uu ahaa qofka ugu dhaw ee la joogay ee aan marnaba ka tagin, sidoo kale markii uu noqday madaxweynaha ayuu sheegay in sidaas oo kale uu yahay qof aad ugu dhaw.

“Siyaasad kaliya ma ahan ee xitaa shaqsiyan waan is fahanaa,” ayuu yiri Mahad.

“Laba nin oo hadii nololi ay jirto in ay wada noolaadaan diyaar u ah, hadii nafta in la isku huro ay timaadana aan kala hagaranayn ayaan nahay” ayuu yiri Mahad.

“Isagaa ka tagay Xilka”

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyada oo dhawaan la hadal hayay in madaxweynaha iyo taliyaha nabad sugidda uu is fahmi waa soo kala dhexgalay.

Iscasilaadiisa ayaa dadka qaar waxay ku micneeyeen in ay tahay mid lagu qasbay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka sheegay munaasabadda xil wareejinta in Mahad uu isagu doortay in uu isaga tago shaqada agaasimaha hay’adda, si uu u raadsado jagooyin kale oo uu ku taamayo.

“Isagaa rabitaankiisa ku tagay oo aduunyo iyo hawlo kale usii socde ee meeshaan meel laga neceb yahay ama lagu dhaliilay ma ahayn,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xigasho: BBC

Waa kuma siyaasiga Oromada ah ee la dilay ee meydkiisana laga helay…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sarkaalka siyaasadda u qaabilsan jabhadda Oromada ee OLF, Bate Urgessa ayey wararku sheegayaan in la dilay, ka dibna meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Meki.

Saaxib ninkaas aad ugu dhawaa oo codsasday in aan magaciisa la sheegin sababo amni dartood ayaa sheegay in Urgessa lagu dilay gurigiisa magaalada Meki ee bariga aagga Shewa ee gobolka Oromia habeen barki 1dii bishan April.

Inkastoo aan la hayn xog la xiriirta dilka sarkaalkaas ka tirsanaa jabhadda xoraynta Oromada, misna sarkaalka u qaabilsan xiriirka dadweynaha, Lemi Gamechu, wuxuu bartiisa Facebook ku qoray “ma rumaysan karo waxa igu dhacay”.

Bate Urgessa waxaa la xiray bishii Febraayo, waxaana la si daayey ka dib markii uu laba usbuuc xirnaa, ayadoo lagu sii daayey damaanad 100,000 oo Birr ah.

Mid ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in Bate Urgessa la dilay ka dib marki si khasab looga soo saaray hotel uu ka deganaa magaalada Meki, ayadoo meydkiisana lagu tuuray waddada dhinaceeda.

Wuxuu intaa ku daray inuusan garanayn cidda ka dambaysay dilka siyaasigaas, ayna adag tahay in xog dheeraad ah la helo sababo la xiriira isgaarsiinta oo magaaladaas ka go’an.

Ismaamulka Oromia iyo xukuumadda Federaalka kama aysan hadlin dilka siyaasigaas, madaxa guddiga xuquuqda aadanaha ee Itoobiyana wuxuu ku baaqay baaritaan madax banaan in lagu sameeyo dilka siyaasigaas.

Qof kale oo saaxib la ahaa ayaa isna BBC u sheegay in uu siyaasigaas u safray beer uu ku lahaa Keki, wuxuuna intaa ku daray in ninkaas oo ahaa aabaha afar carruur ah qoyskiisa la wargeliyey, ka dibna xubno qoyska ka tirsan ay aadeen magaalada meydkiisa laga helay.

Kumuu ahaa Bate Urgessa

Bate Urgessa wuxuu ahaa siyaasi dhowr goor loo xiray sababo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed. Dhowr todobaad ka hor ayaa isagoo la jooga suxufi Faransiis ah lagu xiray magaalada Caasimadda ee Addis Ababa.

Xilligaas ayuu suxufiga ugu warramayey hotel ku yaalla caasimadda, waxaase la sii daayey laba todobaad kadib.

Xukuumaddu waxay sheegtay in suxufiga oo wax ku qora majalladda “Africa Intelligence” iyo sarkaalkaas OLF ka tirsan labadaba la xiray “sababtoo ah waxay la shaqaynayeen Fano iyo OLF Shene si dagaallo loo huriyo”.

Hore ayaa Bate loo xiray sababo la xiriira xilka sare ee uu hayey iyo dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ee OLF.

Waxaa la xusuustaa in sanooyin sii horreeyey lagu xiray magaalada gobolka Oromada ku taalla ee Burayu, halkaasoo uu muddo dheer ku xirnaa.

Markii la sii daayey Bate Urgessa waxaa ku dhacay xanuuno uu xarigga ka qaaday, ka dib markii uu cuntada ka soomay muddo maalmo ah, isagoo sheegay in xuquuqdiisa aadanaha aan la ixtiraamin oo si xun loola dhaqmay.

Dadaallo ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto booliska magaalada Meki, kuwaasoo la xiriira dilka siyaasigaas ayaan guulaysan sababo la xiriira isgaarsiinta telefoonka oo go’an.

Sidoo kale, isku day ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto xisbiga Oromo Freedom Front ayaan suurto gelin.

Isha: BBC

Madaxweyne XASAN oo maanta qaaday tallaabo si weyn loo bogaadiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farxadda munaasabadda Ciidul-fidriga la qaatay qaar kamid ah caruurta halyeeyadii ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ciidamada qalabka sida, ee naftooda u huray difaaca dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoran yihiin Baal dahabi ah.

“Dowladdoodu marnaba hilmaami mayso ubadka iyo ehelladooda sharafta badan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka shuhadada sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta, isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruurtan.

Tallaabadan ayaa madaxweynaha si weyn loogu bogaadiyay, maadaama uu kaalintii aabe-nimo u buuxiyay caruurtii ay ka geeriyoodeen geesiyaasheennii difaaca dalka u shahiiday.

“Waa tallaabo aanan garaneeyn wax aan wanaaggeeda ku tilmaamo. Maanta waxaad muujisay inaad tahay hoggaamiye,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Yare oo kamid ah siyaasiyiinta bogaadiyay tallaabada uu maanta qaaday madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Mudane madaxweyne hal kalmad baan anigu ku oranayaa taas oo ah “Mahadsanid madaxweyne.”