27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dadkii u badnaa oo ku dhintay Markab ku degay Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa ku degey xeebaha dalka Djibouti, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo baaxad leh.

Shilkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mid ahaa dadkii markabka qalibmay saarnaa.

Markabkaas ayaa ka baxay dalka Djibouti, isagoo u socday dalka Yemen oo deris la ah Jabuuti, wax yar kadib markii uu shiraacday ayuu shilkaan dhacay.

Jabuuti waa marinka ugu weyn oo ay sii maraan muhaajiriinta ka tegeya dalalka Geeska Afrika ee doonaya inay gaaraan wadamada Khaliijka.

Marinkaan Jabuuti ilaa Yemen ee badda Cas ayaa ah mid aad u halis badan oo muhajiriinta isticmaalaya ay la kulmaan tacadiyo badan iyo shilal halis ah.

Tan ugu daran waa in lacago badan laga qaado, la afduubo, xabsiyo la dhigo ama si khasab ah loogu shaqaysto.

Hadii ay ka gudbaan Yemen iyo halista badda Cas, waxaa hadana ku adkaatay inay gudaha u galaan wadamadii ay u hayaameen ee Khaliijka oo Sacuudigu uu ugu horeeyo.

Tacadiga ay kala kulmaan marinka Yemen hadii ay naftooda kala badbaadaan waxaa muhaajiriinta ka baxda geeska Afrika oo Itoobiyaanka iyo Eritreyaan u badan ay la kulmaan tacadi kale oo inay ka gudbaan ay adag tahay.

Aqriso: 10 waxyaabood oo Muslimiinta laga doonayo inay sameeyaan Ciidul-Fitriga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidul-Fitri ayaa loo dabaal-degaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal, waxaana loo dabaal degaa sidoo kale dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah tan ugu barakeysan taariikhda bilaha Islaamka.

Muslimiinta dunida ayaa iyagoo aad u faraxsan u dabaal-dega bishan. Waxay Muslimiintu bishan kusoo dhoweeyaan xirashada dhar cusub, karinta cunnooyin macaan, iyo la kulanka asxaabta iyo qaraabada.

Muslimiinta ayaa ku bilaaba maalintooda akhrinta Takbiirta oo lasii wadayo kahor salaadda Ciidda.

Dalalka Islaamka oo Soomaaliya ka mid tahay, Takbiirta waxaa laga sii daayaa idaacadaha iyo telefishinnada sidoo kale. Takbiirtu waa aqoonsashada weynaanta Alle.

Inkastoo meelo badan laga ciidayo, haddana Muslimiinta qaar ayaa laga yaabaa inay xoogaa ka daahaan Ciidda iyadoo ay ku xiran tahay halka ay joogaan. Dadka qaar ayaa soomay maalin kadib markii inta badan Muslimiintu ay soomeen, waxayna u badan tahay inay maalin kale uga dambeeyaan Ciidda.

Caadiyan, waa xilli ay isugu yimaadaan qoysaska iyo saaxiibbada ayna isku rajeeyaan “Ciid Mubaarak” waxayna wadaagaan cunno, is dhaafsadaan haddiyado waxayna sidoo kale bixiyaan sadaqo.

Mala isku raacay Ciiddan?

Ciidul Fidriga ayaa ku beegan maalinta koowaad ee bisha tobnaad ee Shawaal oo maanta ay u tahay inta badan dalalka Islaamka ee dunida, laakiin Islaamka dhexdiisa waxaa ka taagan dood ku saabsan goorta ay tan dhab tahay.

Halka qaarna ay raacaan jadwalka Dayaxa ee la dejiyay qaarna ay isticmaalaan indho-indheynta xiddigiska si ay ugu dhawaaqaan bisha curashadeeda, inta badan muslimiintu waxay calaamadeeyaan bil cusub kaliya ka dib markii bil dhalatay oo cusub dhab ahaan loogu arko cirka.

Tan waxaa sida caadiga ah sameeya mas’uuliyiin ka tirsan mas’uuliyiinta Islaamka, halkii ay ka ahaan lahaayeen shakhsiyaadka eegaya cirka.

Lama hubo tirada dalalka Islaamka ee aan maanta ciidin, balse waxaa jira dalal ay ka mid tahay Hindiya oo aan qeybo badan oo ka mid ah laga ciidin.

Haddaba maxaa laga doonayaa Muslimiinta?

Ciiddu waa muhiim sababtoo ah waxay ka dambeysaa Ramadaan – bisha soonka markaasoo Muslimiintu ay iska daayaan wax cunidda, cabidda, sigaarka iyo arrimo kale xilliga maalintii.

Bishan ayaa loo markaa xilli uu qofku is xisaabinayo, naftiisa hagaajinayo, is xakameynayo uuna Alle u dhowaanayo.

Bal aynu eegno, 10 waxyaabood oo culimadu ay kula talinayaan Muslimiinta inay sameeyaan maanta oo kale.

  • Ku bilow inaad wax cunto ama cabto kahor inta aadan salaadda aadin
  • Alle u mahad-celi adiga oo cunno wanaagsan qoyska u diyaarinaya si ay u cunaan kahor inta aysan salaadda Ciidda soo tukan.
  • Hubi in Zakatul-Fitriga la bixiyay haddii aan hore loo bixin kahor Ciidda.
  • Qubeyska iyo nadaafadda oo lagu dadaalo.
  • Xiro dhar cusub amaba nadiif ah sidoo kalena is carfi (ragga).
  • Aad masjidka adiga iyo qoyskaagaba – oo carruurtu ka mid yihiin, rag iyo dumarba sidoo kale.
  • Tirada Takbiirta inta lagu guda jiro masjidka waa in la sii wadaa ilaa Imaamku uu goobta imaanayo bilaabayana salaadda.
  • Waxaa la jecel yahay in la dhegeysto khudbada Sheekha kadib salaadda marka la tukado.
  • Waa sunno in la beddesho waddada – taasinaa waa, in qofku uu jid kale maro oo ka duwan tii uu ugu yimid masjidka si dadka dunidu ay u arkaan Muslimiinta oo Ciidda u dabaal-degaya.
  • Kadib marka aad kasoo baxdo masjidka, adiga, asxaabtaada iyo qoyskaaguba isla wadaaga farxadda Ciidda.

Isha: BBC

Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay 4 qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dheer oo Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Ilaalinta madaxbanaanida dalka, dagaalka Khawaarijta iyo hambalyada munaasabadda ciida uu uga hadlay.

Hambalyada ciidda ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku bilaabay hadalkiisa, “Waan hubaa in dalka, diinta ay u soo duceeyeen dadka Soomaaliyeed ee soo cibaadeystay bishii barakeysneed ee Ramadaan, Allaha noo aqbalo ducadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Intaas kadib madaxweynaha ayaa galay ka warbixinta xaaladda guud ee dalka, isagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inuu ka tago dhaxal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed ay ku xusuusa doonaan.

Dagaalka Khawaarijta, wuxuu sheegay madaxweynuhu in dowladda Soomaaliyeed ay awooda isugu geystay kana dhabey doonto in kooxdaas saaxada laga tirtiro, “Dadka Soomaaliyeed dagaal meel ka dhacay ayey ciidankii ku jabeen yeysan ku niyad jebin, dagaalku guul iyo jab waa leeyahay, waxaana guuleysa doonaa,” ayuu yiri.

Dhanka siyaasadda, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in siyaasad qaloocatay ay halkaan dhigtay Soomaalida, isla markaana uu ku howlan yahay sidii loo toosin lahaa oo loogu cag dhigi lahaa siyaasadda Soomaaliya, iyadoo qorshahaas saldhig looga dhigayo dastuurka dalka.

“Inaan guuleysano waxay u baahan tahay dhiiranaan, hadaan ku jirno hebel waxaan ma ogola, waxaba ma qabsa kareyno, talo iyo dood siyaasadeed ayey maanta noo joogtaa, aan wada hadalno waxna ku heshiino ayaan maanta mareynaa waana heer fiican oo aan soo gaarnay, waana ka sii hor mareynaa insha allaah,” ayuu Xasan Sheekh hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyin, isagoo dadka Soomaaliyeed ka balan qaaday mar kale uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo dastuurka dalka uu waajib ka dhigayo.

“Afarta cutub ee dastuurka la ansixiyey dabar adag ayey naga furtay. Yaan la is wareerinin dalkaan doorasho qof iyo cod waxaan aheyn kama dhici doonto. Anigoo Xasan Sheekh ah ayaa balan qaaday dadku ha diyaar garoobaan, hadii aan xunahay ha iska kaana hor wareejiyeen, qofkii ay ku qanacsan yihiina ha doorteen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhowr iyo labaatan daqiiqo ah jeediyey.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu Mahad Salaad uga tegay xilka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta Mahad Salaad uu uga tagay xilkii Agaasimaha NISA, wuxuuna xaqiijiyey in Mahad rabitaankiisa ku baxay.

Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey in Mahad Salaad uu radinayo xil kale oo kan ka sareeya, isagoo cadeeyey in kalsooni badan uu ku qabo, muddo dheerna uu saaxiib la ahaa.

“Mahad Salaad waa saaxiibkey taas xan maaha, dhowr iyo toban sano ayaan isla soo nooleyn, isla soo joognay, nimaan bartay ku kalsoonaaday, aqaanay ayuu ahaa, walina waa aqaan, waana ku kalsoonahay, halkaan kalsoonidaas ku yimid, maantana asigaa rabitaankiisa uga tagay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xan iyo warar aan run aheyn ay magaalada ku jireen maalmahaan, balse wuxuu sheegay in Mahad Salaad u uku baxay rabitaankiisa, iyadoo laga jecelyahay NISA.

“Mahad howlo kale iyo adduunyo kale oo weyn ayaa u sii socdee, meeshaan meel laga neceb yahay oo laga dhaliilo ma aheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Cabdullahi Sanbaloolshe uu isna ku kalsoon yahay, “Sideedaba hey’adaani waa mid kalsooni ku dhisan, Cabdullaahi Sanbaloolshe waa sida Mahad oo kale waa nin saaxiibkey ah oo aan aqaano,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajo badan ka qaba in Sanbaloolshe uu sii hormari doono howlaha hey’adda NISA, “Cabdullahi Maxamed Cali waxaan ku rajo weynahay in wixii Mahad qabyo u ahaa uu sii dhameystiri doono,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad iyo Agaasimaha cusub Sanbaloolshe.

Hoos ka daawo

Daawo: Mahad Salaad oo ka hadlay ka tegitaankiisa NISA, shaaciyeyna 10 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka ugu wareejiyay taliyaha lasoo magacaabay Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan mudo xileedkiisii NISA ee labada sano ahaa.

Mahad Salaad oo xilkan soo hayay tan iyo 26-kii May ee sanadkii 2022-kii, ayaa ku faanay inuu wax badan ka qabtay Hay’adda NISA, uuna ku guuleystay inuu sharci u sameeyo. hay’addan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee dalka.

Isaga oo ka hadlayay waxa ay uga dhigan tahay xil wareejintiisa ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, wuxuuna tilmaamay inuu Sanabloolshe ku wareejinayo NISA oo dhammeystiran.

“Waxaan qirayaa in Sanbaloolshe uu iga nasiib badan yahay maadama aanan helin anigu xilwareejin, sharci iyo kooxo shaqo oo la yaqaano” ayuu yiri Taliye Mahad Salaad.

Sidoo kale waxa uu sii raaciyay “Kusoo dhawaaw Mudane Nisa sharci leh, isla markaana ka maran ku takarifal awoodeed iyo dano siyaasadeed”.

Intaas kadib Mahad Salaad ayaa soo bandhigay 10 qodob oo uu ku soo koobay wax-qabadkiisa, muddadii uu taliyaha ka ahaa Hay’adda Nabad-sugidda, kuwaas kala ah:-

Qodobkaad wuxuu ku sheegay 1-Inuu ku guuleystay inay shacri yeelato hay’adda NISA, 2-Inuu dib u habeyn ku sameeyay dhismaha hay’adda 3-xoojinta amniga iyo xogaha sirdoon ee dalka 4-Ballaarinta ciidamada NISA kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon 5-Kordhinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab 6-Sameynta xafiiska Garmaqalka dadweynaha 7- Joojinta lacagaha badda ee Al-Shabaab 8-Horumarinta Tiknolojiyadda 8-Dhismayaasha xarumaha hay’adda 9-Wada shaqeynta hay’adda iyo hay’ada kale ee dowladda 10- La macaamilka hay’adaha sirdoonada ee dariska iyo kuwa caalamka.

Isbeddelka lagu sameeyay hoggaanka sare ee hay’adda NISA ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah iyo mid kale oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliand & Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyey ee howlgallada Muqdisho iyo rag lagu soo qabtay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay maanta ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Booliska, kuwa Xasilinta iyo Nabad Sugidda ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye Abshir Kaaraan iyo saraakiisha amniga.

Ciidamada ayaa gudaha u galayay guryaha ku yaalla xaafadaha Faanoole, Wajeer ito Buulo Maxaay oo ka wada tirsan degmada Kaaraan, halkaas oo lagu soo qabtay dad badan.

Inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo qoryo ku dhex watay degmada, kuwaas oo ku labisnaa dhar shicib ah, waxaana lagu xiray saldhigga.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo xiray saddex nin oo la socday Mooto Bajaaj, isla markaana waday xashiis, gaar ahaan Calaq iyo Xashiis, sida ay sheegeen laamaha amnigu.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, ayna wadi doonaan maalmaha soo socda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah oo uu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada ay haatan gudaha caasimada ka wadaan ciidamada ammaanka oo laba jibaaray sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xilka u kala wareejiyay Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore ee hay’adda , Mudane Mahad Maxamed Salaad, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee NISA Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha iyo askarta Nabad-sugidda inay si dhow ula shaqeeyaan agaasimaha cusub, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe),

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Intaas kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Isbeddelka hoggaanka sare ee hay’adda NISA ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah iyo mid kale oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliand & Itoobiya.

Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho oo gebi ahaan istaagay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha caalamiga ah ee imaan jiray caasimada ay joojiyeen gebi ahaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tegi jireen garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaha waa weyn ee duulimaadyadooda joojiyay waxaa kamid ah Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo keeni lahaa rakaab, kuwa kalena qaadi lahaa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in sababta ay u baaqdeen diyaaradahan ay tahay, kadib digniintii kasoo baxday Mareykanka oo shaaciyay inay jirto halis wayn oo amniga, ayna suuragal tahay in garoonka iyo meelo kale la weerari karo.

Dhanka kale ma cadda in iyana ay soo dagi doono diyaaradda shirkadda Itoobiya oo iyana kamid ah duulimaadyada maanta la filayay inay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

“Diyaaradaha Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa dib u dhigay maanta duulimaadkooda Muqdisho, ayada oo weli aysan kala caddeyn shirkadda Itoobiya oo jadwalkeeda uu dhagan yahay” ayaanu kasoo xiganay mid kamid ah ilo wareedyo ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan hakadka ku yimid duulimaadyada caalamiga ee garoonka Aadan Cadde iyo cabsida laga qabo weerarada argagixiso oo ay ka digtay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka.

Digniintan soo baxday kadib ayaa si weyn feejigaan looga dareemay Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka caasimada iyo meelaha u dhow garoonka Aadan Cadde.

5-ta qodob ee Mahad Salaad uu xaqiijiyay ee Sanbaloolshe uga baahan laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA maanta waxay geli doonta marxalad cusub.

Waxaa xilka wareejin doona Mahad Maxamed Salaad oo hay’addaan joogay tan iyo 26-kii May ee 2022. Waxaa beddelaya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo markii saddexaad kusoo laabtay kursigaan.

Madaxda sare ee dowladda federaalka ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan munaasabadda xil-wareejinta.

Mahada Salaad ayaa wareejinaya hay’ad ay bulshada qireyso inay wax badan ka qabatay ammaanka caasimada. Warbixintana waxaa kusoo koobeyna shan qodob oo Mahad Salaad uu xaqiijiyay Sanbaloolshe uga baahan adkeyn iyo ilaalin.

1. NISA oo siyaasad ku jirin

Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku guuleystay inuu gacmihiisa ka dhowro inuu awoodda hay’adda u adeegsado siyaasiyiinta ama sida kale inay hay’adda siyaasad ka shaqeyso, taasna waxaa laga faa’iiday in amniga diirada la saaro.

Madaxdii hore ee hay’addan waxay caan ku ahaayeen inay waqtiga ugu badan geliyaan siyaasad, taas oo sababi jirtay inuu amniga dayacmo.

Agaasimaha cusub ee NISA waxaa hortaalla inuu qodobkaan xafido, si uusan amniga uga hoos marin halka uu maanta joogo.

2. NISA la nool shacabka

Ciidanka dharcadka ah ee magaalada Muqdisho iyo gobollada ku sugan oo markii Mahad yimid dhowr boqol ahaa, maanta waxaa la sheega inay dhowr kun yihiin.

Waxay joogaan guud ahaan degmooyinka caasimadda iyo gobollada qaar, waxayna waxtar u noqdeen hoos u dhaca ku yimid dilalkii tooska ahaa ee argagixisada ka geysan jirtay caasimadda, waxay abuureen kalsooni bulsho iyo in dadweynaha aaminaan in fal-dambiyeed walba loo heli karo jawaab waqtiyeysan.

Sanbaloolshe waxaa laga sugayaa inuu ciidankan sii tayeeyo oo uu ku biiriyo hal abuur cusub.

3. Kaamirooyinka lagu nastay ee Muqdisho

Asbuucan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay xukuntay taliye degmo oo loo haysto dilka ganacsade reer Muqdisho ahaa. In kiiskan la helo waxaa sahlay kaamirooyinka amni ee nabad-sugidda ku xirtay guud ahaan caasimadda.

Waxaa loo arkaa mid kamid ah waxyaabaha lagu nastay ee laga faa’iiday nidaamkii NISA ee Mahad Salaad.

Taliyaha cusub waxay uga baahan yihiin ilaalin, casriyeyn iyo ku shaqeyn joogto, si faa’iidadeeda usii socoto.

4. NISA iyada laga nabad-galo

Hay’addan waxaa sanadihii hore shacabka kala kulmi jireen dhib badan, waxaana lagu eedeyn jiray afduubyo iyo inay leedahay xabsiyo qarsoon oo laaluush looga qaato shacabka.

Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku guuleystay inuu soo afjaro gefafkii ciidanka hay’adda kula kici jireen shacabka. Waxaana Sanbaloolshe hortaalla inuu taas xafido, oo aanay hay’adda dib ugu laaban dhibaateyntii shacabka.

5. Amniga caasimadda

Midda shanaad ee ugu dambeysa uguna muhiimsan waa amniga caasimadda. Mahad Salaad keliya ma wareejin doono NISA ee wuxuu kale uu wareejin doona caasimad wax badan ka amni badan intii hore, bulshaduna ay taas qiran tahay.

Waxaana agaasimaha cusub ee Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe xujo ku ah amniga ma kasii fiicnaan doona halka uu maanta joogo mise waa ka hoos mari doona.

Turkey oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ISRAEL

Ankara (Caasimada Online)Turkey ayaa sheegtay inay xayiraado ganacsi ku soo rogi doonto Israel laga billaabo Talaadada maanta ah, sababo la xiriira dagaalka Gaza.

Xayiraadahaas ayaa waxaa ku jira badeecooyin kala duwan oo dalkaas uu u dhoofiyo Israel, oo ay ka mid yihiin shamiintada, birta iyo qalabka dhismaha.

Tallaabooyinkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii Turkiga uu sheegay in Israel ay xannibtay isku day ay ku doonaysay inay gargaar ugu daadiso Gaza.

“Go’aankan waxa uu sii jiri doonaa illaa ay Israel ku dhawaaqdo xabbad-joojin degdeg ah oo ay ogolaato in gargaar bini’aadannimo oo ku filan oo aan kala go’ lahayn la geeyo Gaza,” ayay wasaaradda ganacsiga ku sheegtay qoraal lagu daabacay baraha bulshada.

Qoraalka ayaa waxaa ku lifaaqnaa liiska 54 badeeco oo dhoofintooda la xanibay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa Isniintii wacad ku maray aargudasho ka dhan ah Israel kadib markii ay ka xanibtay ciidamada cirka Tukrey inay gargaar dusha sare uga soo ridaan Gaza.

Tallaabooyinka xayiraadaha ayaa waxaa ansixiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu sheegay Fidan.

“Waan sii wadi doonnaa taageeradeena ilaa dhiigga ku daadanaya Gaza uu joogsado, walaalaheen Falastiinna ay gaaraan dowlad xor ah oo Falastiin ah oo caasimaddeeda ay tahay Bariga Quddus,” ayuu Erdogan ku yiri farriin uu Talaadadii diray oo la xiriirta munaasabadda Ciidul-fidriga.

Dhinaca kale, Israel ayaa wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Israel, ayada oo ku eedeysay “inay si hal dhinac ah u jebisay heshiisyada ganacsi ee ay la gashay Israel.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Israel Katz ayaa si xooggan ugu cambaareeyey madaxweyne Erdogan go’aankan.

“Erdogan waxa uu u huray danta dhaqaale ee dadka Turkiga Xamas darteed,” ayuu Katz ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

“Israel iskuma dhiibi doonto rabshado iyo baad…waxayna ka qaadi doontaa Turkiga tallaabooyin la mid ah kuwa ay qaaday, oo wax u dhimaya dhaqaalaha Turkiga.”

Israel iyo Turkey oo mar xulufo ahaa ayaa lahaa xiriir aan fadhin 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Labada dal ayaa si buuxda dib ugu soo celiyey xiriirkooda diblomaasiyadeed 202-kii, hase yeeshee wixii ka dambeeyey markii uu qarxay dagaalka Gaza October 2023, xiriirka ayaa aad u xumaaday.

AFP + VOA

Xogta hoobiyeyaal xalay lagu weeraray aagga Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay saqdii dhexe Muqdisho xaafado kamid ah waxaa laga maqlay madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir iyo aagga Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

Dadka Muqdisho oo u diyaar-garoobayay xalay maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan Ramaadaan ayaa waxay maqleen dhawaaqa jug culus oo ku dhaceysay isla Muqdisho meelo kamid ah.

Madaafiicda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhaceen degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, dhabarka dambe ee Madaxtooyada xaafado ku teedsan, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkan.

Wararka laga helayo ayaa intaas kusii daraya inay jiraan khasaare dhaawacyo, inkasta oo illaa hadda aan la ogeyn khasaare dhimasho oo ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

Madaafiicdan ayaa saraakiisha amniga tuhmayaan in laga soo tuuray xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana durba billowday baadi-goobka dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Weerarkan ayaa imanaya xilli uu Mareykanka baahiyay digniin amni oo la xiriira weeraro qaraxyo ah iyo dagaalo toos ah oo ka dhaca hoteelo, xarumo dowladeed iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.

Weli majiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’ddaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo la xiriira dhacdadaan iyo digniinaha amni darro ee soo baxaya.

Sidee Muqdisho loogu dilay Nabadoon laf dhuun-gashay ku noqday Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay inay dishay kooxda Al-Shabaab.

Isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afurin ayaa lagu dilay xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilay marxuumka.

Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii laga soo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u ahaa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu xalay ku geeriyooday.

Ninkaan ayaa ka mid ahaa odayaashii gobolka Shabeellada Hoose ka bilaabay dagaalka Khawaarijta, wuxuu ahaa nin ay aad u neceb yihiin, Awdheegle waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horeeyey ee dagaalka culus ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Hoggaanka bulshada Shabaab-ka neceb ee ku nool degmada Awdheegle ayuu ahaa ninkaan xalay lagu dilay Muqdisho, waana nabadoonkii labaad oo Muqdisho lagu dilay habeenkii labaad oo xiriir ah, nabadoon kale ayaa habeen hore lagu dilay xaafadda CC ee degmada Deyniile.

Sidoo kale Nabadoon Gaabow Buule wuxuu ka mid ahaa odayaashii soo xulay ergooyinkii soo doortay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Awdheegle waxay ka mid tahay degmooyinka ay dadka ku nool ugu necebyihiin kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, marar badan ayey isku dayeen inay dib u qabsadaan, balse uma noqon, wuxuuna nabadoonka xalay la dilay laf-dhuun gashay ku ahaa kooxdaas.

Labo nin oo Bastoolado ku hubeysan ayaa dishay Nabadoon Gaabow, xili uu ku sii jeeday xaafad uu ka afuri lahaa, laakiin waxay toogteen isagoo Sooman maalintii 29-aad, halkaas ayuu ku geeriyooday, iyaguna waa baxsadeen.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo maanta ku qaaday xero ku taalla…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay maanta dagaalyahanada Shabaab ku qaadeen aagga magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel Raamo oo hoosta magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Kenya oo weerarka kadib la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabka soo weeraray, ayna dib u celiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay in jab xoogan ay gaarsiiyay ciidanka Kenya, sidoo kale ay xerad aku gubtay gaadiid dagaal.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana haatan howlgallo ay ka socdaan aagga lagu dagaalamayo, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii weerarka qaaday.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Weeraradan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, gaar ahaan gaadiidka isaga kala gooshaya deegaanada u dhow xadka dheer ee lada waddan.

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ma kala furteen kadib tallaabada uu qaaday Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Axadii laga dhigay wasiirka amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Fartaag ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta ay sida weyn isku khilaafsan yihiin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Intii uu kursigan raadinayay koox ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Axmed Madoobe aad iskugu dhow yihiin ayaa isku dayey inay Fartaag dhaafiyaan kursiga, iyaga oo waday qof kale laakiin wuxuu ballan sugan ka haystay dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kooxda taabacsan Axmed Madoobe ee ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ku adkaatay inay Fartaag dhaafiyaan kursiga.

Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanad iyo barkii ugu dambeysay waxa uu dagaal siyaasadeed kula jiray Axmed Madoobe, wuxuu si weyn u kiciyay reer Gedo, wuxuu sheegay in la joogo waqtigii la badali lahaa maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Labada nin oo markii hore aad iskugu dhawaa ayaa mar dhexe isa-seegay, waxaana ugu wacan qanaaco la’aanta sii baaheysa ee reer Gedo ka qabaan nidaamka Axmed Madoobe.

In madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Fartaag ka dhigo wasiirka amniga gudaha waxay ka dhigan tahay inuu xushay mid kamid ah siyaasiyiinta reer Jubbaland ee aaminsan in Axmed Madoobe la bixiyo waqtigan.

Iyada oo ay jiraan warar sheegaya inuu Axmed Madoobe ka gadoodsan yahay qaabkii uu madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay nuqulkii ugu dambeeyay ee afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka, ayaa haddana tani sii xoojineysa mad-madowga bilowga ah ee labada dhinac.

Madaxda maamullada qaar, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale la hadal hayaa inay wada-xaajood hoose kula jiraan dowladda Itoobiya, xilli ay Addis Ababa dhawaan heshiis la gashay maamulka Puntland.

Magacaabista Fartaag ayaa la aaminsan yahay inay sii xoojin karto kala aragti duwanaanta soo ifbaxeysa ee Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogaha dheeraadka ah ee la xiriira maamulka Jubbaland waxay sheegayaan in Axmed Madoobe ka fikirayo inuu qaado tallaabooyin ku saabsan dib u doorashadiisa marka uu kasoo laabto Cumrada, xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aanay weli cadeynin mowqifkeeda ku aadan arrimaha doorashooyinka maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo jira qorshe ay wadaan madaxda maamullada qaar oo ah inuu madaxweyne Xasan Sheekh qabto shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyada oo ujeedkooda yahay inay Xasan Sheekh ka dhameystaan dib u doorasho farsamaysan oo aan waafaqsaneyn dastuurkii dhawaan la ansixiyay ama muddo kororsi cusub, kaas oo isna sharci darro kale ah.

Lixdanka cisho ee soo aadan waxaa si weyn loo eegayaa halka uu saldhigto cilaaqaadka aan cagaha badan ku taagneyn ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

DF oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa lagu dilay duqeyn culus oo ka dhacday…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 dagal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug.

Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaan u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, sida ay sheegtay dowladda.

Warbaahinta dawladda federaalka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in hawl-galkaan ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab.

Howl-galkan ay sheegtay dowladda inay ku dishay Shabaabka badan ayaa imanaya ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda ay sheegatay inay dishay in ka badan 80 ka tirsan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Xubnahaas ayaa markaas la sheegay in lagu dilay hawl-gallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool.

Si kastaba, Xarardheere ayaa toddobaadyadii tegay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.

Shabaab ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore laga xoreeyay, kaasi oo u muuqda isku-day fashilmay, maadaama uu dhawaan halkaasi tegay madaxweyne Xasan Sheekh, dibna looga bilaabay dar-darta gulufka uu gaabiska ku yimid bilihii dambe.

Booliska oo laba jibaaraya howlaha amni ee caasimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa laba jibaaraya howl-gallada amni ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xalay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska kala qeyb galay afur wadareed, kaasi oo looga hadlay ammaanka caasimadda.

Ujeedka afur wadareedka ayaa diirada lagu saaray dhiirri-gelinta ciidanka iyo in la laba jibbaaro howlaha shaqo ee horyaalla ciidanka, maaddaama ay nagu soo food leedahay maalmaha farxadda Ciida.

Taliye Firin oo afurka kadib halkaasi kula hadlay ciidanka ayaa faray in la dardar-geliyo howlaha shaqo ee horyaalla iyo sidii sare loogu qaadi lahaa arrimaha amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda oo muddooyinkii dambe laga dareemayay degganaan.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa xalay u kuur-galay sida uu u socdo howl-galka yareynta saxmadda ee Ciidanka Taraafikada, isaggoo boggaadiyay howsha adag ee Taraafikada ay ka qabteen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho oo bilihii dambe ka reysatay falalkii amni darro ee tiro beelka ahaa ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxay xilligaan ciidanka dadaal badan ku bixinayaan sidii loo sii laba jibaari lahaa howl-gallada amni ee caasimada, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

ISRAEL oo dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah

Lubnan (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Isniintii inay fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan.

Waxay intaas ku dartay inay howl-galkaas ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbullah, ee sida weyn isku hayaan.

Israa’iil ayaa ku eedaysay sarkaalka ay dileen oo ay ku magcaabeen Cali Axmed Xassin, inuu ka tirsanaa ciidamada lagu magacaabo Radwan, isaga oo weeraro kala duwan ka fuliyey woqooyiga Israa’iil.

Ururka Xisbullah ayaa shaaciyey dhimashada mid ka mida saraakiishooda oo isla magacan wata, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan may bixinin.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale shregay in weerar ku dileen laba qof oo kale.

Weerarada dhinaca xuduuda ee u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ayaa soo noqnoqonayey tan iyo lixdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu socday dagaalka Qaza.

Xog: Dowladda Soomaaliya oo codsatay in loo soo diro ciidamo cusub oo caalami ah

Muqdisho (Casimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Midowga Afrika u gudbisay codsi ay ku dalbaneyso ciidamo caalamiga ah, kuwaas oo muhiim ay tahay in la helo wixii ka dambeeya bisha December ee sannadkan.

Codsigaan ayaa la xiriira ciidamo caalami ah oo howlgalka kala wareega ciidamada ATMIS oo qorshuhu yahay in howlgalkooda lasoo geba-gebeeyo bisha December ee sanadkaan 2024-ka.

Ciidamada ATMIS ayaa dhamaadka sanadkaan dalka ka baxaya, waxayna dowladda Soomaaliya cadeysay in weli ay u sii baahan tahay ciidamo caalami ah.

Dowladda ayaa Midowga Afrika ka codsatay inay la wareegto howlgal caalami ah, si loo helo ciidamo bedela ATMIS, howlgalkaas ayaa bilaabanaya 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2025-ka.

Ciidamadaas ayaa la qorsheynayaa inay dalka ka sii howlgalaan muddo hal sano ah, sida ay horay u shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegeen in kulamo ay yeesheen 26-kii bishii Maarso iyo 3-dii bishaan Abriil ay dowladda Soomaaliya xog ka siiyeen halka uu marayo qorshaha howlgalka cusub ee Soomaaliya markii uu dhamaado sanadkaan 2024-ka.

Qaraar uu ansixiyey golaha ammaanka ee Qaramada Mudoobey ayaa horay loogu ogolaaday qorshahaan, waxaana hoosta laga xariiqay in la ilaashado guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Golaha ammaanka ee QM iyo Midowga Afrika ayaa balan qaaday inay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, sida dhismaha ciidamada xoogga Soomaaliya, si loo helo ciidamo awood u yeesha inay amniga dalka kala wareegaan Midowga Afrika.

Waa howlgalkii 3-aad oo caalami ah oo la qorsheynayo inuu ka howlgalo Soomaaliya, howlgalka xiligan shaqeynaya ee ATMIS ayaa xilka kala wareegay howlgalkii AMISOM bishii Maarso ee sanadkii 2022-kii.

Howlgalka AMISOM ayaa soo bilowday bishii Maarso ee sanadkii 2007-dii, dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Uganda ayaa qeyb ka ah howlgalka hadda socda ee ATMIS.

Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo socda garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digtay weeraro maalinta Talaadada ee berri ah ka dhici kara garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay in lasoo saaray heerka darajada afaraad ee digniinta socdaalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ah (“ha safrin”) ee Soomaaliya, sababo la xiriira dembiyada, argagixisanimada, kacdoonka shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo budhcad-badeednimada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee Soomaaliya.”

Safaaradda ayaa sheegtay in argagixisada ay fulin karaan weeraro ay ku beegsanayaan garoomada diyaaradaha, dekadaha, baraha kontorool, dhismayaasha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, iyo goobaha ay ku badan yihiin Reer Galbeedka, dowladda, militariga iyo kolonyada baabuurta.

“Hababka weerarrada waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xaddidnayn, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, shakhsiyaadka weerarada tooska ah fuliya, iyo madaafiicda,” ayey tiri safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ayaa u sheegtay muwaadiniinta Mareykanka inay awood kooban un u leedahay inay u gurmato shacabkeeda ku sugan Soomaaliya, sidaas darteedna ay kula talineyso inaysan dalka usoo safrin.

Waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.

Muxuu Sanbaloolshe kusoo arkay xarunta NISA? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta tegay xarumaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Agaasimaha cusub ee NISA ayaa maanta soo kormeeray xarumaha hay’adda, iyada oo la fillayo in maalinta berri uu si rasmi ah xilka ula wareego.

Agaasimaha xilka ka degaya Mahad Salaad ayaa agaasimaha cusub soo tusiyay xarumaha kala duwan ee hay’adda ay leedahay oo qaarkood ka socday howl maalmeedka sugidda amniga.

Sidoo kale waxay u kuur-galeen shaqooyinka ka socda xarumaha hay’adda, iyaga oo la kulmay saraakiisha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee hay’adda.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalinta berri ah la qorsheynayo inay dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo agaasimaha cusub ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Golaha Wasiirada ayaa 4-tii bishaan ansixiyay magacaabista Sanbaloolshe oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka, ayada oo magacaabistiisa ku timid soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi uu meel-mariyay Golaha.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiir, xildhibaan, danjire iyo agaasimaha hay’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.