25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Labada qodob ee ugu culus heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa shalay gaaray heshiis cusub oo ka kooban dhowr qodob, waxaana si gaar ah u dul istaagi doona labada qodob ee ugu culus heshiiskaan.

Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudiga ku jira ayaa ah; difaaca iyo amniga, ayada oo dowladda Boqortooyada Sacuudiga ay garab istaag u muujisay howl-gallada dowladda ay dalka kaga xoreynayso argagixisada.

Sacuudiga ayaa ugu baaqay beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, kaasi oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo.

Sidoo kale Sacuudiga waxa uu soo dhaweeyay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cuna-qabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaasi oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

Qodobka labaad ee asna aadka muhiimka u ah ee ku jira heshiiskan ayaa ah “taageerada Sacuudiga ee madax-bannaanida Soomaaliya,” xilli ay meel xasaasiya mareyso xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sacuudiga ayaa caddeeyay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay maamulka Soomaaliland.

Heshiis beenaadka Somaliland iyo Itoobiya ayuu Sacuudiga ku tilmaamay inuu caqabad ku yahy daris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xilligaan wajaheysa waqti adag oo gudaheeda ah oo aan la inkiri karin, ayada oo ay ku furan yihiin furimo dhowr ah oo uu kamid yahay dagaalka kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah.

Maamulka SSC-Khaatumo oo qofkii ugu horreeyay ku toogtay Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo ay dhowaan ku ridday Mowliid Maxamed Jaamac, kaas oo lagu helay dil uu horay uga gaystay gudaha deegaanada SSC-Khaatumo.

Maxkamada ayaa ninkan ku heshay inuu 24-kii bishii hore Laascaanood ku dilay marxuum Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka SSC Khaatumo.

Goobta lagu toogtay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda, maamulka degmada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne la’isugu geeyay halkaasi.

Maxkamadda ayaa labo maalin ka hor Mowliid ku ridday xukun dil ah, waxaana maanta Isniin ah laga oofiyay xadkii qisaasta marxuum Maxamed Cali Muuse.

Ehellada sarkaalka horay loo diray oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday maxkamadda oo ay sheegeen inay ka heleen cadaalad.

Dilkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay SSC fuliso, tan iyo markii ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Laascaanood ay kula dagaalantay Somaliland.

Tani ayaa qayb ka ah hana qaadka maamulka deegaanka oo muddo ka badan sanad dagaal adag wajahaya, kadib weeraro uga imaanayay dhinaca milariga Somaliland.

DF oo soo saartay digniin ku socota maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed ku qoran Luqadda Engilishka ayaa digniin culus oo kama dambeys ah u dirtay maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku haya khayraadka dhex ceegaaga baddeenna.

Warqaddan oo kasoo baxay wasaaradda kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa toos loogu socod siiyay dhammaan shirkada kalluumeysiga iyo milkiilayaasha maraakiibta, iyada oo lagu amaray in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga kalluumeysiga dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in tallaabo adag ay ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya ee soo xadgdubta,

Jebinta xeerkan ayaa keenaya ganaax, xarig iyo la wareegidda kalluunka ay xeebaha dalka ka qabsadaan maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariimada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka dalka.

Waxaa kale oo ay wasaaradda ku boorisay shirkadaha kalluumaysiga iyo mulkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga kalluumaysiga.

Tallaabadan ay qaaday dowladda, gaar ahaan digniinta kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga ayaa kusoo aadeyso, xilli dhaq-dhaqaaq aad u wayn laga dareemay xeebaha dalka oo ay mar kale kasoo cusboonaaday burcad badeeda oo bilaabay weeraro horleh.

Abshir Huruuse oo saddex qodob kasoo saaray magacaabista Axmed Macallin FIQI

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay magacaabista Axmed Macalin Fiqi oo uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Huruuse ayaa ugu horreyntii farriin hambalyo ah u diray wasiir Fiqi oo ay iskula jireen golaha wasiirada ee xukuumadda haatan jirta ee DanQaran.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyaynayaa wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta loo magacaabay Mudane Wasiir Axmed Macallin Fiqi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Intaasi kadib wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa saddex qodob kasoo saaray magacaabista wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo in loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda.

Qodobka koowaad wuxuu ku sheegay inuu kalsoonyahay, uuna halkeeda kasii wadi karo shaqada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Waxaan ku kalsoonahay in uu halkoodii ka sii wadi doono kana mira dhalin doono dadaaladii horey u socdey iyo dhammaan hawlaha Wasaaradda ee u qareemidda siyaasadda arrimaha dibedda dalkeenna ee ku dhisan is ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo diblomaasiyadda isu dheelitiran” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa.

Abshir Huruuse ayaa arrinta labaad ku sheegay inuu u rajeynayo guul, isaga oo ballan-qaaday inuu ula shaqeyn doono, si hagar la’aa ah.

“Waxaan wasiirka cusub u rajeynayaa guul, waxaanna ula shaqayn doonaa si hagar la’aan ah. Insha Allah” ayuu kusii daray qoraalkiisa

Ugu dambeyn wuxuu qabta saddexaad ee qoraalkiisa ugu duceeyay wasiir Fiqi, wuxuuna alle uga baryay inuu ku asturo xilka loo magacaabay, uuna fududeeyo shaqada hortaallo.

Huruuse ayaa horay xilkan isaga casilay, wuxuuna kadib Garoowe uga qayb-galay doorashadii Puntland oo uu kusoo guul darreystay, maadaama mar kale xilka madaxweynaha ee maamul goboleedkaas dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.

Puntland ma waxay noqotay Jamhuuriyadda Puntland?

9-kii Janaayo 2023, maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inuu u dhaqmayo sida dal madax-banaan oo kale. 

Qoraalkii xilligaas kasoo baxay Garoowe, oo dad badan ka yaabiyey balse ay dhayalsadeen, wuxuu maamulka Saciid Deni ku yiri. “Sida ku cad dastuurka ku-meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.” 

Si kastaba marna lama fileyn tallaabada uu sanad iyo saddex bil kadib ku dhaqaaqi doono maamulka Saciid Deni, iyo halka ay gaarsiin doonto carada uu u qabo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. 

5-tii April 2024, maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay taariikhda si cad ugu dhaqmay sida dal madax-banaan oo kale.

Saciid Deni waxa uu go’aansaday in carada uu qabo dowladda federaalka ee Soomaaliya darteed uu ka baxo xeendaabka Soomaalinimada, lana safto cadowga Itoobiya. 

Bayaanka ay Puntland soo saartay, wuxuu ka yaabiyey Soomaali badan, waxaana ku jira qeybo badan oo Puntland ay isugu ekeysiisay inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. 

Puntland ayaa tiri “Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan- dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada.” 

Hadalkaas waxa uu maamulka Saciid Deni ku caddeeyey in aanay waxba ka gelin xadgudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

Sababtoo ah, sidee Puntland xiriir iyo iskaashi ula yeelan kartaa dal go’aansaday inuu boobo qeybo ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, haddii aanay Puntland isku arkin inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya

Puntland waxay ku dooday in carada ay ka qaaday wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya dartiis, ay garab uga raadsatay Itoobiya, ayada oo tiri “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Su’aashu waxay tahay, isku haynta umadda Soomaaliyeed iyo difaaca qarannimada, ma waxay mas’uuliyad ka saaran yahay kaliya dowladda federaalka iyo Muqdisho?

Arrinta kale ee la-yaabka leh ayaa ah; in Puntland ay ku macnaysay go’aanka lagu eryey safiirka Itoobiya laguna xiray qunsuliyadaha Itoobiya, “in uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya.”

Haddii sababta loo eryey safiirka Itoobiya, loona xiray qunsuliyadaha, ay tahay heshiiska badda ee Abiy Ahmed uu la galay Muuse Biixi, maxay tahay cadaawadda iyo hagardaameynta ay Puntland sheegtay in lala daba-joogo shacabka Puntland?

Tallaabada Puntland ay qaaday waxay mar kale furaysaa dood ay da badan qabaan oo ah in ilaalinta midnimada iyo Soomaaliya ay noqotay mid ay mas’uuliyad ka saaran tahay oo kaliya beelaha dega Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Maxay mar walba inta kale marka ay Soomaalida dhexdeeda is-qabtaan ugu ordaan Itoobiya iyo Kenya? 

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

Qorshe ay damacsaneyd Al-Shabaab oo laga hortegay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday meel 40 KM u jirta degmada Xarardheere oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala eegtay saldhigyo ku yaalla halkaasi, isla markaana uu jiro khasaare la gaarsiiyay kooxda.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaas looga hortegay weerar ay Al-Shabaab ay doonayeen inay ku qaadaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay halkaasi ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in la burburiyay gaadiid iyo xarumo ay kooxda ku lahayd goobaha la duqeeyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socdat dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada huwanta iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaano ku yaalla gobolkaasi.

Waa kuma Axmed Macallin Fiqi – Siyaasiga xilalka badan kasoo qabtay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shalay magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah Axmed macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo horena xilal kala duwan hore usoo qabtay.

Waxa uu hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, bishii August sanadkii 2022 loo magacaabay.

Bishii Oktoobar sanadkii 2021 ayuu iska casilay xilkii Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug, isagoo dhaliilo xilligaas u jeedinayay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Haddaba waa kuma Axmed Macallin Fiqi?

Sannadkii 1971-kii ayuu Axmed ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga Hoose/Dhexe iyo sare waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Kaddib markii uu dhammeystay labo sano oo adeegga militariga ah, wuxuu sannadkii 1988 ku biiray jaamacadda Umadda oo uu ka baranayay cilmiga sharciga. Hase ahaatee markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu waxbarashadiisa ka soo dhameystiray dalka Suudaan.

Markii uu ka soo laabtay waxbarashada dibadda, oo sidoo kale ay qayb ka ahayd jaamacad uu u aaday Malaysia, waxa uu Soomaaliya ka noqday bare.

Wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta saameynta ku leh Soomaaliya ee wax ku soo bartay Suudaan. Fiqi waxa uu dalka Suudaan wax ka baranayay intii u dhaxeysay sannadihii 1992 ilaa 1998.

Doorka siyaasadda

Xildhibaan Axmed Macallim Fiqi waxa uu xirfaddiisa siyaasadeed soo billaabay xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah ay qabsadeen qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana la sheegaa in uu saaxiib dhow la ahaa guddoomiyihii maxaakiimta ee xilligaas, Shariir Sheekh Axmed.

Sannadkii 2011, waxa uu ka mid noqday xubnaha loo doortay baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu siyaasaddiisa sare uga sii qaaday.

Intii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, Fiqi waxa uu noqday danjiraha Soomaaliya ee dalka Suudaan. Xilka Safiirka waxa uu hayay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2011.

2015, waxa uu qayb ka ahaa aasaaskii xisbiga Daljir oo ay ku mideysnaayeen isaga, Shariif Sheekh iyo siyaasiyiin kale. Xisbigan waxa uu 2015 ilaa 2018, ka ahaa Xog-hayaha guud.

Agaasimaha hay’adda NISA

Axmed Macallin Fiqi wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu saameynta badnaa ee soo maray hoggaanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya.

Intii u dhaxeysay bishii May ee sannadkii 2011 ilaa bishii March ee 2013, ayuu ahaa agaasimaha guud ee hay’adda NISA oo ah mid awood badan.

Xilkaas markii uu qabanayay waxaa madaxweyne ahaa Shariif Sheekh Axmed, markii uu shaqada ka tagayayna waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu shaqo weyn ka soo qabtay NISA uuna dhidibbo adag u taagay.

Isku daygii madaxweynaha Galmudug

Intii ay socotay doorashadii 2016 ka dhacday Soomaaliya waxa uu ka ahaa musharraxa xilka madaxweynaha ee maamulka Galmudug oo ka mid ahaa shanta dowlad goboleed ee ka Soomaaliya.

Waxaase tartankii kaga guuleystay Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxayna natiijadu ahayd mid ay codadkii isu dhawaayeen.

Bishii November ee sannadkii 2016, ayaa mar kale loo doortay inuu xubin ka noqdo Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxa uu golaha ka soo galay deegaan baarlamaaneedka Cadaado ee ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

2018, xisbigiisa Daljir waxay isbahaysi la sameysteen xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna si wadajir ah ugu dhawaaqeen xisbiga nabadda iyo Horumarka oo ay daah fureen bishii October ee isla sannadkaas.

Wasiirka amniga ee Galmudug

Dad badan wuxuu kaga yaabsaday go’aankii uu ku noqday Wasiirka Amniga gudaha ee maamul goboleedka Galmudug, kaddib markii uu madaxweynaha noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Bishii April ee sannadkii 2020 ayuu xilkaas kala wareegay Saadaq Sheekh Yuusuf.

Intii uu xilkaas hayay waxa uu sidoo kale maamulka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland kala shaqeynayay howlaha la xiriira nabadda iyo sugidda amniga

7-dii bishan October, sannadkii 2021, ayuu boggiisa Facebook ku shaaciyay “in uu warqad is casilaad ah u gudbiyay madaxweyne Qoorqoor”, kaddib markii sida uu sheegay ay isku fahmi waayeen xallinta xiisadda colaadeed ee ka taagneyd Galmudug.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Isha: BBC Somali

Mareykanka oo $17.5 Milyan magdhow u siinaya haween xijaabka laga siibay

New York (Caasimada Online) – Booliiska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lacag dhan $17.5 milyan ku bixinaya dacwad ay so gudbiyeen labo haween Muslimiin ah oo lagu qasbay inay xijaabka siibaan mar ay sawirro ka qaadayeen booliiska laga shakisan yahay.

Dacwaddan oo ku muddeysneyd 2018 ayaa lagu sheegay in xoriyadda diimeed ee Jamila Clark iyo Ariwa Aziz meel looga dhacay, sidoo kalena arrimahooda u gaarka ah loo dhacay.

Sida laga soo xigtay qareennada, in ka badan 3,600 oo qof ayaa laga yaabaa inay helaan lacagta sida la qorsheeyay.

Siyaasadda booliiska ayaa oggolaatay in sawir lagu galo xijaabka afar sano kahor. Maamulka Magaalada New York City ayaa sheegay in kiiskan uu albaabka u furay in isbeddel toos ah la sameeyo.

Heshiiska magdhowga, ayaa si kastaba, waxaa qasab ah inuu ansixiyo xeer ilaaliyaha federaalka oo kiiskan ku daba jiray.

Sida laga soo xigtay dokumentiga maxkamadda, Ms. Clark ayaa oysay, iyadoo sheegtay inay dooneysay inay xijaab xirato waxayna ka codsatay booliiska inay gashato xijaabkeeda mar ay sawir ka qaadayeen.

“Markii ay igu qasbeen inaan xijaabka iska siibo, waxaan dareemay qaawani. Ma hubo haddii erayadu ay qiyaasi karaan sida aan u dareemay in meel la iiga dhacay,” ayay ku tiri war ay soo saartay Jimcihii.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan qeybteyda ka qaatay caddaalad u keenidda kumannaan reer New York ah.

“Heshiiskan wuxuu caddeynayaa inaan saxanaa sanadahaas oo dhan markii aan lahaa waa khalad inaan xijaabkeyga u siibo si sawir la iiga qaado,” ayay tiri.

Qareennada haweenka ayaa ku dooday in booliiska lagu qasbo inay xijaabkooda dhigaan marka ay sawir ka qaadayaan eedeysanayaasha ku sugan xarunta booliiska ay meel uga dhacayso xoriyaddooda diimeed iyo xitaa xuquuqdooda.

War uu helay wargeyska New York Times, ayaa waxaa lagu sheegay in waaxda caddaaladda ee magaalada ay sheegtay in heshiiskan uu “si taxadar leh isugu dheellitirayo xushmadda ay waaxdu u heyso arrimaha diinta ee aadka loo rumeysan yahay iyadoo muhiim ay tahay xoojinta sharciga loo baahan yahay marka sawir la qaadayo”.

“Cahdigan wuxuu u adeegayaa danaha dhammaan.”

Lacagta ayaa la filayaa in loo kala qeybiyo kumannaan dacwad soo gudbiyay kuwaasoo la xiray intii u dhaxeysay March 2014 ilaa August 2021. Qareennada ayaa sheegay in shakhsiyaadka ay heli karaan ugu badnaan $7,000 ilaa $13,000.

Golaha Xiriirka Islaamiga ah ee Mareykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu weyn Mareykanka ee u ololeysa arrimaha Muslimiinta, ayaa ammaanay haweenka, iyagoo sheegay in isbeddelka uu saameyn doono haweenka diimaha kale heysta ee sidoo kale xirta maro-diimeedka madaxa lagu xirto.

“Waxaan mahad u direynaa haweenka Muslimiinta ah ee sida geesinnimada leh ugu adkeystay tan, iyagoo sababay isbeddel siyaasadeed oo ay ka faa’iidi karaan kuwo badan oo si isku mid ah waajibaad diini ay u tahay,” ayuu yiri madaxa CAIR ee New York, Afaf Nasher.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Isha BBC

Daawo: Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta gaaray heshiis cusub oo dhowr qodob ka kooban, kaas oo quseeya dhinayada difaaca, gaar ahaan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, iskaashiga ganacsi, maalgashiga tooska ah, la dagaalanka argagixisada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu horeyn bayaanka laga soo saaray shirkii madaxda Sacuudiga uu la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu adkeeyey madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sacuudiga ayaa qiray inuu gef iyo dhibaatada uu xambaarsan yahay heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Sacuudiga ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis beenaadkaas uu caqabad ku yahay deris wanaagga iyo xasiloonida gobolka.

Arrimaha Difaaca iyo Amniga

Dowladda Sacuudiga waxay muujisay inay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreyneyso argagixisada, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in ciidamada xoogga Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo laga gaaray guulo muuqda oo muhiim ah.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa soo dhaweysay qaraarkii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, kaas oo wax badan ka tari doona in dowladda Soomaaliya ay ka adkaato argagixisada.

Arrimaha Maalgashiga iyo Ganacsiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa adkeeyey kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, qeyraadka badda, dekedaha iyo isku socodka bulshada. Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa hoosta ka xariiray in koror badan uu ku yimid is dhaafsiga ganacsiga.

Arrimaha Tamarta, Shidaalka iyo Is-bedelka Cimillada

Labada dowladood ayaa isku afgartay inay iskaashi dhow ka yeeshaan arrimahaas, waxayna dowladda Soomaaliya ku amaantay Sacuudiga doorka hoggaamineed oo ay ka qaadaneyso isku dheelitirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aadan Bariga Dhexe oo cagaar ah, si loo wajaho saameynta is bedelka cimillada.

Ugu dambeyntii Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aadan arrimaha tamarta, korontada, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta, tiknoolajiyadda, waxbarashada, cayaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Hoos ka daawo

Maxaad ka ogtahay malaayiin dollar ee Soomaaliya la siiyay kadib dayn-cafinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatah sanduuqa caalamiga ee horumarinta beeraha, kaasi oo Soomaaliya lagu siinayo lacag dhan $31.22 Milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa loogu tala-galay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga, ayada oo la marsiin doono barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP).

Tallaabadan ayaa ku timid isbeddelka hanaanka dowliga ee Soomaaliya iyo deyntii dhawaan dalka laga cafiyay, sida uu sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Soomaaliya waxaa u furmay maal-gashiga iyo mashaariicdii horumarinta kadib dayntii dalka laga cafiyey. IFAD waxay dalka dib ugu howl-galaysaa burburkii dalka ka dib,, taas oo ka shaqaysa horumarinta beeraha,” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo la hadlay BBC.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan malaayiinta doolar ku kacaya lagu hagaajinayo nolosha beeralayda, islamarkaana laga caawinayo dabeecadaha isbeddelka cimilada iyo adkaysigooda.

“Hadda lacagta waxaa la hayaa 11 milyan oo dollar oo haya’adda IFAD, marka intaas ayaa mashruuca lagu bilaabayaa qaybtiisa hore,” ayuu yiri Wasiir Maareeye, oo sidoo kale sheegay in lacagta kale ku soo dhamaan doonto muddo 8 sano oo qorshaha mashruucani socon doono.

Dhulka beeraha ku haboon ee Soomaaliya ayaa heli doona mudnaanta mashruuca gaar ahaan maamullada HirShabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, sida uu Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Si kastaba, mashruucan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay IFAD si toos ah uga maal-geliso Soomaaliya, tan iyo markii dalka laga cafiyey deymihii balaayiinta dollar ahaa ee muddo dheer lagu lahaa Soomaaliya, wuxuuna imaanaya xilli dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixineyso kor u kaca dhaqaale iyo dakhli ee gudaha dalka, oo sanadkaan kor u kac sameeyay.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Xasan, Farmaajo iyo Geedi oo digniin ugu filan Deni kahor inta uusan ku xiran Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo doorashadii ugu dambeysay ee Soomaaliya ee heer federaal ka galay kaalinta 3-aad, haatanna aan qarsanin damaciisa doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa markaan u xalwanaaya cilaaqaadka dowladda Itoobiya, halkaas oo ay hore siyaasiyiin badan oo Soomaali ah ugu lumiyeen fursadihii ay haysteen.

Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo markii hore ahaa mid labadooda u eeg ayaa hadda u muuqda inuu intii hore ka ballaartay. Laakiin dhinaca aan la inkiri karin waa inuu weli Saciid Deni ku mashquulsan yahay inuu helo cid la qaada damaciisa Villa Somalia.

Haddaba, Itoobiya ma tahay cidda ay Saciid Deni uga badin karto marka laga reebo inuu Xasan Sheekh ku xanuujin karo marxaladdan taagan?

Aan dib ugu laabano dhowr siyaasi oo Itoobiya ay fursadoodii dishay, waxaana kamid ah;

1. CALI MAXAMED GEEDI

Ra’iisul wasaarihii dowladdii kumeel-gaarka aheyd ee Soomaaliya ayaa gacantiisa midig ka dhigtay dowladda Itoobiya, wuxuuna hore u fuliyay welina ku faana inuu ahaa mid kamid ah raggii sababay inay ciidanka Itoobiya markii ugu horreysay tagaan caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay kumanaan ruux oo shacab ah ku dileen.

Inkasta oo ay dadka caasimada ugu dambeyn Itoobiyaankii ka adkaadeen, haddana Cali Maxamed Geedi dib dambe saaxada siyaasadda waa usoo fuuli waayay, waxaana loo sababeeya naceybka gudaha ee Soomaalida nuuca ay tahayba u qaada siyaasiga caashaqa Itoobiya ama isku daya inuu iyaga u shaqeeya.

2. Madaxweyne XASAN SHEEKH

Doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 2017 waxay kusoo aaday iyada oo Itoobiya ay xilligaasi tahay saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh. Addis Ababa waxay waqtigaasi olole badan ugu jirtay in Xasan Sheekh uu kusoo laabto xafiiska.

Laakiin Soomaalida waxay dooratay Farmaajo oo markaas loo arkayay siyaasiga Soomaaliga ah ee ugu fog dhanka Itoobiya.

3. FARMAAJO

Qofka saddexaad ee kaga filan khasaaraha siyaasadeed ee laga dhaxlo ku milanka Itoobiya waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wixii ka dambeeyay 2018 madaxweyne Farmaajo ayaa isku dhiibay Itoobiya, taas oo markii koowaadba dhulka gelisay shacbiyadiisi gudaha, si gaar ah dadkii markii hore ku raacay inuu yahay siyaasi ka fog dowladda Itoobiya, oo illaa hadda xoog ku haysata dhul iyo dad Soomaaliyeed.

Doorashadii 2022 waxay kusoo aaday iyada oo Farmaajo uu weli baalka ku wato dowladda Itoobiya, mucaaradkiisuna taas ayay ololihiisa ku darsadeen kursigana uga qaateen.

Diiwaanka aan la qarin karin ee siyaasadda Soomaaliya ku xusan waa in dadka Soomaalida aanay marnaba jaceyl iyo niyad wanaag siinin siyaasiyiinta jeebka u gala dowladda Soomaaliya.

Xitaa waxaa xusid mudan in ololaha doorashada Soomaaliya ay marwalba mowduuc ka tahay in laga fogaado siyaasiyiinta ay wadato dowladda Itoobiya, maadaama aanay Soomaalida marna iloobin dadka iyo dhulka ka maqan iyo weliba damaca cusub ee Itoobiya.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni oo weli rejo badan ka qaba inuu noqon karo madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda kusii socda dhabahaasi ay Cali Geedi, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ku waayeen xilal, xurmad iyo xiisihii shacabka intaba.

Dad badan ayaa aaminsan inuu weli Saciid Deni heli karo inuu dagaalka Xasan Sheekh si kala u qaabeeyo isaga oo aan Soomaalida usoo raacin Itoobiya, tiiyo oo weliba waqtigani ka qaraar yahay kii raggaasi kale khasaariyay, waxaana laga wada dharagsan yahay sida ay labada waddan iyo labada shacab usii kala fogaadeen.

Majiro siyaasi Soomaali ah oo ay weli ugu badisay la jirka Itoobiya.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Xogta howlgal Al-Shabaab looga dilay horjooge + Magaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Hanti-wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ciidanka kumaandooska Danab ayaa lagu dilay afar xubnood oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Zubeyr.

Ninkaan ayaa ahaa madaxa amniga ee kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka ayaa sidoo kale waxaa lagu bur-buriyay fariisimahii kooxda ku laheyd deegaanka Hanti-wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dagaalka socda looga dilay horjoogayaal sare, ayada oo horraantii sanadkaan un howl-gal dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howl-gallada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhac ku yimid gulufka ka dhanka ah kooxda.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Xogta qorshaha socda ee Mareykanka, Qatar iyo Masar ee dagaalka Xamaas iyo Israel

Qaahira (Caasimada Online) – Ergey wada-xaajood ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar Sabtidii, iyada oo la filayo inuu halkaas ka furmo kulan wada-hadalo la xiriira dagaalka Xamaas iyo Israa’iil.

Wada-hadalladan ayaa u daaran sidii loo gaari lahaa heshiis xabbad-joojineed oo lagu soo afjaro dagaalka socda muddada lixda bilood ah, islamarkaana loo sii dayn lahaa la-haystayaasha kala duwan.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns ayaa isaguna gaaray magaalada Qaahira, sidoo kale wufuudda soo gaadhay magaalada Qaahira waxaa ku jira Wasiirka arrimaha debedda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Cabdiraxmaan al-Thani iyo wefti ka socda Israa’iil, sida ay baahisay warbaahinta al-Qahera ee laga leeyahay dalka Masar.

Xamaas ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Qaahira u diri doonto guddoomiye ku xigeenka Qaza Khalil al-Hayya.

Xamaas ayaa markale ku celisay dalabkooda, oo ay ugu horreeyaan, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo dhamaystiran iyo in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan marinka Qaza.

Afhayeenka golaha amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu waraaqo u kala diray madaxweynaha Masar Cabdel Fattax al-Sissi iyo amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Xammad al-Thani, isaga oo ku boorriyey inay ka keenaan dhinaca Xamaas inay u hoggaansami doonaan heshiiska.

Biden ayaa sidoo kale u sheegay Netanyahu inuu awood dheeri ah siiyo ergada ku metelaya wadahadalada Qaahira, si loo gaadho heshiis xabbad-joojineed, sida ugu dhakhsaha badan, kaasoo ogolaanaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo marinka Qaza.

Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday marinka Qaza ayaa loo arkaa inuu yahay, mid ka mida dagaalladii ugu khasaaraha badnaa uguna dhimashada badnaa qarnigan 21-aad.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Sidee ayaa looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday R/W Xamza Cabdi Barre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib wareegto uu maanta soo saaray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa waxa uu ku magacaabay wasiiro cusub oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.

Xamza oo soo dhammeystiray wasaarado muddo banaanaa ayaa magacaabay illaa 4 wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo ay kamid yihiin:-

Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrmaha dibadda Soomaaliya, waxaana xilkii uu hayay ee wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Xoosh. Sidoo kale Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha, halka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame isna loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha Soomaaliya.

Maxamed Aadan Macallin ayaa isaguna loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay waiiru dowlaha wasaaradda bay’ada iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya.

Sidee looga falceliyay tallaabadan uu maanta qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya?

Cabdikariin Barre oo kamid ah dadka isticmaalaha baraha bulshada ayaa yiri “Arrimaha dibada nin adag baa loodhiiibay hambalyo Kabiirka”.

Kabayare Cabdifitaax “Hambalyo shaqo wacan kuwii dalka wax u qabta Allaha idinka dhigo o aaun tugo noqon”.

Yuusuf Cabdullahi “Marka danaha siyaasadeed laga hormariyo danaha uu dalka leeyahay waa sidaan cml”.

Jimcaale Cadde “Waa Ra’iisul wasaare u taagan dalkiisa iyo dadkiisa shaqo wanaagsan adiga iyo golahaga wasiiradaba Well Done”.

Naciimo Ibraahim “Haddii Axmed Macallin Fiqi arrimo dibad loo dhibay waa ahaanay”.

Cabdirisaaq Salaad “Waanu soo dhowaynaynaa wasiirada cusub ee mudane R/wasaare Xamze Cabdi Barre magacaabay”.

Asad Bashiir “Maxey soo kordhinayaan marka hala magacaabee?”.

Yuusuf Xuseen Nuur “Isbuuca kahor aan ogeen shekada magacaabista dowlad aan sir lehayn”.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Ra’iisul Wasaare Xamza oo magacaabay wasiirro cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto ayaa magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu soo dhammeystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaanaa, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Xamza ayaa soo magacaabay illaa 4 wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo ay kamid yihiin:-

Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrmaha dibadda Soomaaliya, waxaana xilkii uu hayay ee wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Xoosh.

Sidoo kale Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha, halka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame isna loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha Soomaaliya.

Maxamed Aadan Macallin ayaa isaguna loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay waiiru dowlaha wasaaradda bay’ada iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya.

“Wareegtadan waxa ay dhaqan-geleysaa marka uu saxiixo ra’iisul wasaaraha, XJfS Mudane Xamza Cabdi Barre, waxaana lagu soo saari doonaan faafiinta rasmiga ah ee JFS”ayaa lagu yiri qoraalka.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday, xilli ay Villa Soomaaliya ku guuleysatay wax ka beddelka dastuurka, ayna sidoo kale taagan tahay xiisad u dhexeyso dalalka Soomaaliya & Itoobiya.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

 

Xasan Sheekh oo Maxamed Bin Salmaan ka helay ballan-qaad la xiriira xiisadda Itoobiya

0

Riyaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku suga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Dhaxal-sugaha dalkaasi, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen heshiiska sharci darrada ah ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, arrimaha dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga, difaaca iyo amniga madax bannaanida Soomaaliya.

Intaas kadib Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dhankeeda soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay haatan is hayaan Itoobiya oo kusoo xadgdubtay baddeenna.

Sacuudiga ayaa tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo waddanka Sacuudiga u tegay Cimro ayaa isaga oo ku sugan Masaajidka Xaramka ugu soo duceeyay shacabka Soomaaliyeed  amni, nabad iyo horumar.

Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkan ku whelinaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka ganacsiga iyo masuuliyiin kale.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida wayn u taageero Soomaaliya, waxayna dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo waa wayn.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Sida uu noqon doono habka awood qeybsiga 4.5 kadib anisixinta qodobada dasuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyey wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer aan la qabyo tirin. Waxaa taas dhinac socday in Soomaaliya ay ku dhaqmaysay nidaam awood qaybsi, oo ku salaysan afar beelood iyo bar.

Qodobbada dastuurka ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah doorashada madaxweynaha oo ay shacabka toos u soo dooran doonaan, iyo in madaxweynuhu uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha isagoo aan baarlamaanka soo marsiin, iyo in seddex xisbi ay dalka ka jiri doonaan, waxaana sida muuqata ay taasi saamayn ku yeelan doontaa nidaamkii xildhibaannada sida tooska ah ay qabaa’ilku u soo xuli jireen.

Sidoo kale waxay shacabku soo dooran doonaan hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka dawlad goboleedka, golaha wakiillada dawlad goboleedka, iyo golaha deegaanka, duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa, iyo dawladaha hoose.

Hanaanka 4.5 ayaa la soo billaabay sannadkii 2000, markii ay madaxda Soomaalidu isugu tageen dalka Jabuuti, si loo helo “Xal” ay qabaa’ilku isaga dhex arkaan haykalka siyaasadeed ee dalka ee awoodda lagu qaybsanayo.

Dadka siyaasadda indha-indheeya way ku kala argti duwan yihiin in isbeddelka dastuurka uu saamaynayo nidaamka awood qaybsiga, iyo guud ahaan mustaqbalka hanaanka qabaa’ilku awoodda ku qaybsanayeen dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey.

Haddaba dastuurka dhawaan loo codeeyey sidee u saamaynayaa hanaankii awood qaybsiga ee 4.5.

“Nidaamka 4.5 waa nala fogaaday, waxaa markiisii hore loogu tala galay inuu muddo gaaban shaqeeyo, faa’iido iyo khasaarena waa watay. Marka ugu horreysay waxaa lagu soo dhisay dawladnimada, qabaa’ilka qaarkoodna waa ka faa’iideen oo wax aysan weligood arag ayey ku heleen, qaarna dadka ayey la sinmeen, dadna dareen ayey galisay oo waxaa la dareensiiyey in ay dadka kale ka xuquuq yar yihiin,” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Saamaynta ugu weyn ee dastuurka uu awood qaybsiga ku yeelan doono ayuu kutilmaamay Qalimow dhinaca doorashada oo baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka doorasho lagu soo geli doono.

“Maadaama ay dadweynuhu soo dooran doonaan murashaxiinta, waa in guddiga doorashada uu cayimo xuduuddo iyo deegaan doorashooyin, ayna shuruudaha doorashada xildhibaanka ku saleeyaan tirada dadka ku nool deegaan doorashada iyo baaxadda dhulka deegaan doorashada, waayo meelaha qaar dad badan ayaa ku nool, qaarna dad yar, suurtogalna maaha in isku si loola macaamilo meel ay ku nool yihiin 1,000 qof iyo meel ay ku nool yihiin 100,000 oo qof,” ayuu sii raaciyey Qalimow. Nidaamkaas wuxuu meesha ka saarayaa sida muuqata soo xulista odayaasha qabaa’ilka ay soo xuli jireen xildhibaannada Baarlamaanka.

Dhinaca nidaamka xisbiyada ee dastuurku dhigayo marka la eego ayaa isna ka mid ah arrimaha cusub ee sii fogeynaya awood qaybsiga qabaa’ilka.

“Haddaan caalamka kale eegno, siyaasadda waxaa isku haya mucaarad iyo muxaafad, Soomaaliyana lama yaabayno in xisbiyada aan talada haynin ay xisbiga talada haya u shirkoobaan, ama u xisbiga talada haya mid ka mid ah labada xisbi ee kale soo jiito, inay laba is raacdana la yaab ma lahaanayso,” ayuu sii raaciyey Qalimow oo ku tilmaamay in nidaamkaas xisbiyada uu meesha ka saari doono awood qaybsiga qabiilka ku dhisnaa.

Dhinac kale marka laga fiiriyo, Qalimow iyo siyaasiyiin kale waxay rumaysan yihiin in aan qabiilkii weli laga wada guurin.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer soo ahaa xildhibaan baarlamaan oo lagu soo xuli jiray 4.5 wuxuu weli aaminsan yahay in siyaasadda qabiilka ku dhisan ay sii jiri doonto, oo hadda uun ay sii xoogaysatay.

Wuxuu sheegay in beelaha uu ka soo jeedo ay yihiin kuwo ku dhib qabay nidaamka 4.5, wuxuuna intaa ku daray in marka laga yimaado dastuurka qoran ay beelaha “waaweyn” qaadan doonaan xubnaha muhiimka ah “madaxweyne reerki qaadan jiray ayaa qaadanaya, ra’iisul wasaare reerkii qaadan jiray ayaa qaadanaya, golaha wasiirradana sidaas ayaa loo qaybinayaa. Magaca uun baa la beddelay mooyee qaab dhismeedka iyo heykalka waxba iskama beddelin,” ayuu yiri Prof. Dhalxa.

“Qabiilka waa ku sii dhex jiri doonaa siyaasadda Soomaaliya. Dalalka Soomaaliya jaarka la ah ee madaxda tooska loo s doorto ama dalalka Afrikaanka ah badankood weli waxaa siyaasadooda xoog badan ku leh miisaanka qabiilka. Qabiilka ma dhamaanayo laakin saamayntiisa ayaa la yarayn karaa,” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow.

Wuxuu u arkaa tani inay tahay talaabadii ugu horreysay ee meesha ka saaraysa in qabiilku uu siyaasiga soo doorto “Waxay dhaamaysaa in oday dhaqameed uu wax soo doorto, waxayna abuuraysaa fursad ay dadku ku helayaan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay wax dooran karaan, lana soo dooran karo, waana billow fiican,” ayuu yiri Qalimow. 

Isha: BBC Somali

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Somaliland oo si yaab leh uga xeeladeysatay xariga fanaan reer Jigjiga ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay askar maalintii shalay aheyd soo xirtay fanaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare).

Xariga fanaanka oo gadood xooggan uu ka dhashay ayay ciidamada amaanka Somaliland ay sheegeen in lasii daayey, ayaga oo shaaciyay inay xabsiga dhigeen 4 askari oo qeyb ka ahaa soo xirista fanaanka.

Askarta la xiray ayaa la sheegay in loo haysto dambi sharci jabin ah, ayada oo qaar kamid ah hobolada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xariga Maxamed Yare ay maanta sheegeen in raali-gelin laga siiyay wixii dhacay.

Waxay sheegeen in askarta xirtay fanaanka aysan ku socon amar ka sareeya ama waaran maxkamadeed, taasi oo u muuqata in laamaha amaanka Somaliland uu ka xeeladeystay xariga fanaanka oo gadood xooggan ka abuuray Hargeysa.

“Waxaanu sheeganaynaa in nala xaal mariyay oo waliba raggiina noo xidhan yihiin, sharciga ayaana naloo marinayaa, sharci kumay socon, madaxdoodana amar kamay haysan, way soo dhamaatay Maxamedna wakaa bannaanka jooga, nimankii kalena sharci ayay noogu xidhan yihiin,” ayuu yiri Fanaan Maxamed Bakaal Cirro.

Sidoo kale fanaanka la xiray oo isna warbaahinta la hadlay kadib markii sii deyntiisa ayaa wuxuu u mahad-celiyay fanaaniinta reer Hargaysa ee garab istaaga u muujiyay iyo taliyaha sirdoonka oo uu sheegay in uu ka hawl-galay sii dayntiisa.

“Nidaamka dhacay wuxuu ahaa nidaam uu khalad yari ku jiro, ciidankana qaar qaldan iyo qaar kaleba way ku jiraan, wixii khaldanaana waa la saxay, wax wayn oo la sii buun buuniyaana meeshaba ma yaalo,” ayuu yiri Maxamed Yare.

Si kastaba, xariga fanaanka ayaa waxaa ka dhashay gadood xooggan kadib markii fanaaniinta reer Hargeysa ay qeylo dhaan kasoo saareen, waxaana xarigiisa lala xiriirinayay sirdoonka Somaliland oo sida muuqata ka xeeladeystay.

Cali Wajiis: “Waa banaan tahay in DF ay weerarto madax goboleedkii ka amar diida”

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis ayaa si cajiib ah uga hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, isagoo tusaaleyn ka bixiyey waxa uu muteysanayo maamulkii ka hor yimaada amarrada dowladda dhexe.

Sheekh Cali ayaa sheegay in wadankaan loo dhaariyey oo dadka Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ay doorteen madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku taliyey in looga dambeeyo xukunka dalka.

“Hoggaanka umadda Soomaaliyeed ee sharciga ah waa Dr. Xasan Sheekh, cid ka hor imaa karta ma jirto, maamul goboleed, baarlamaan iyo xukuumad wax diidi kara amarkiisa ma jiraan, federaalku waa nidaamyada dowliga ah ee ugu casrisan caalamka, laakiin sida hadda aan u dhaqmeyno maaha federaal,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka, ugu horeyn wuxuu ka digay in khilaafkaas la qabiileeyo, sidoo kale wuxuu Sheekh Cali ku taliyey in qof kasta dembiga uu geysto lagu xisaabo oo dad kale aan la garaafeyn.

“Maamul goboleedkii diida amarka dowladda, waxay xaq u leedahay dowladda dhexe inay weerarto oo awood adeegsato, soona xirto ninka ugu sareeya ee amar diidada sameynaya, dalkana kala jaraya,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu sheegay in federaal la qabyaaladeeyey ay ku dhaqanto Soomaalidu, isagoo bogaadiyey qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda ku saxaayo waxyaabihii ka qaldanaa dastuurka dalka.

“Puntland ayaa maalmahaan la hadal hayaa, dadka reer Puntland waa kuwa ugu wadanisan, uguna dowlad aqoon iyo kala dambeyn badan Soomaalida, marka dembi hal qof leeyahay umad dhan looma saari karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa caan ku ah in mar kasta uu taageero madaxweynaha xukunka jooga, sidoo kale hadalkiisaan wuxuu ku soo aaday iyadoo Puntland ay sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda federaalka.

Hoos ka daawo

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay ninkii dilay Cabdixakiin Fiqi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi ayaa waxaa lagu toogtay bartamaha Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Puntland.

Falka dilka ah kadib ciidamada oo sameeyay howlgal deg deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihii ka dambeeyay falkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Bashiira Maxamed.

“Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in soo qabashada eedeysanaha ay soo gacan geliyeen ehelladiisa, ayna u mahadceliyaan maadaama ay la shaqeeyeen ciidanka amniga.

“Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo gacan ka siiyay soo qabashadiisa isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta, sharciguna uu kawayn yahay cidkasta” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Puntland aya sidoo kale farriin u dirtay shacabka waxayna ka codsatay inay la shaqeeeyaan laamaha amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah amniga.

“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, inkastoo ay dadaallo sameeyaam ciidamada ammaanka ee ku sugan magaaladaasi.