25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Puntland oo xoog adeegsi ku hanjabtay

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ciidankooda ku guuleysteen go’doominta koox burcad badeed ah oo afduub ku haysata markab ganacsi.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ay ku lee dahay Garowe, ayaa lagu sheegay in markabkaasi laga curyaamiyay inay sahay uga timaado dhinaca xeebta degmada Garacad oo ah halka lagu haysto.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri :- Kaddib markii hey’adaha amniga Puntland ay heleen war ah in shaqaalihii markabkaasi dib la isugu soo celiyay ayaa Ciidamada Badda Puntland weerareen markabkaasi 10-ka December 2012, iyadoo xabado la iswaydaarsaday kadibna burcad badeedii shaqaalihii u afduubnaa ay la galeen qeybta hoose ee markabkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa markabkaasi ka xayiray inuu wax sahay ah ka helo dhanka xeebta. Subaxnimadii 11 December 2012 ayaa koox burcad badeed ah oo siday sahay isugu jirta hub iyo rasaas ay soo weerareen Ciidamada Puntland oo ku sugan xeebta. Isku dhacaasi hubaysan waxaa ku geeriyooday saddex ka mid ah burcadii soo weerartay Ciidamada Dowladda, waxaana gacanta lagu dhigay saddex kale oo ka mid ah isla kooxdaasi. Hubka la qabtay ayaa ka kooban 5 qori AK-47, 1 qori BKM, iyo kumanaan rasaas ah.

Tan iyo intii howlgalkani socday ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Puntland ka dhaawacmay afar-askari. Dowladda Puntland ayaa amaan iyo boogaadin u jeedinaysa Ciidamada Dowladda oo u taagan difaaca jiritaanka Puntland.

Markabka MV Iceberg 1 ayaa waxaa madax furasho loogu haystay in ka badan 2-sano iyo 9-bilood, iyadoo shaqaalihii markabkaasi qaarna la dilay qaarna si xun loo jirdilay.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona howlgalkani tan iyo inta laga soo furanayo markabkaan iyo shaqaalaha ku dhibaataysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

Shariif Xasan oo si wayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho + Qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horrey labo jeer u soo qabtay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shariif Xasan oo tan iyo markii la doortay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bishii September uu dalka ka tagay ayaa ku maqnaa sarafo dibedda ah.

Wasiiro, wasiiro hore, Xildhibaanno, odayaal, haween iyo saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ku soo daggay 2-dii duhurnimo ee maanta, waxana markii uu ka soo dagay garoonka uu mid-mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay, kaddibna waxa lagu qaaday baabuur la ii sheegay in uu isaga lee yahay, laakin la mid ah baabuurta madaxda dalka lagu galbiyo.

Waxa loo qaaday guriga uu ka dagan-yahay nawaaxiga Villa Somalia, waxana uu markii dambe sheegay in uusan saxaafadda al hadli karin maadama uu daalan yahay, sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiil isaga soo dhaweeyay.

Immaashiyaha Shariif Xasan Sheekh Aadan saaka si wayn ayaa looga hadal hayay magaalada Muqdisho, waxana garoonka sii tagay dad u badan taageerayaashiisa.

Waxa la ii sheegay inuu isla berri aadi doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo la sheegay in uu kaga dhawaaqi doono maamul gobaleed lamagac baxay (KOONFUR GALBEED).

Shariif Xasan Sheekh Aadan waa siyaasi si wayn u yaqaana siyaasadda Soomaaliya, mana la ogo wax yaabaha uu u yimid magaalada Muqdisho.

Kama qaybgalin fadhiyada baarlamaanka, isaga iyo ra’iisal wasaarihii hore Cabdiweli Maxamed Cali oo isna ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wenger: Laga yaabee inaan Messi lasoo saxiixdo Janaayo.

Tababaraha Faransiiska ah ayaa kooxdiisa Gunners ku heysta ciyaartoydii abid ugu xumaa, ka dib markii ay kooxda ka dhisan waqooyiga London ku bilaabatay Premier League xilli ciyaareedkii ugu xumaa Capital One Cup ayeyna uga soo hareen gacmaha kooxda ciyaarta Horyaalka labaad Bradford City.

62-jiraan ayaa bedelkeeda koobab badan u qaaday kooxda Emirates balse dhowaanahaan koob uma soo xareyn.

Wenger ayaa ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee Jimcada: “Waxaan heysan jiray koox cajiib ah waxayna keenayeen natiijooyin fiican, I aamina. Waxaan koobab ku qaadnay ciyaartoy ka liita kuwaan.

“Dabcan ciyaartoydaan damiirkii aan laga miiray. Waxaad u maleysaa inaysan waxba ka quseyn kooxda guryahooda ayey aadeen ka dib guul darradii Bradford miyey ciyareen kulan cajiib ah? Iyaga ayey quseysaa.”

Wenger ayaa markaas ka dib sheegay war ay dad badani ku qosleen mar wax laga weydiiyey inuu suuqa kasoo iibsan karo ciyaartoy magac ku leh kubada cagta wuxuu ku jawaabay. “Ma waxaad ugu yeereysaa inaan saxiixyo waa weyn sameyno.

“Waxaan soo iibsan doonaa bisha Janaayo Lionel Messi waadna la fajici doontaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Madaxweynaha Real Perez: Casillas waa halyeey.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa aaminsan in goolhaye Iker Casillas uu yahay mid ka mid ah kabtanadii ugu fiicnaa ee kooxda soo mara.

Goolhayaha heerka caalami ee dalka Spain ayaa 472 kulan u saftay kooxda ka dhisan caasimada Spain isagoo xirfadiisa ku bilaabay 1999kii, wuxuuna ka caawiyey inay hantaan shan Horyaal oo La Liga iyo laba Champions League.

“Iker Casillas waa halyeey Real Madrid iyo Spain ah, mid ka mid ah kabtanadii kooxda ugu fiicnaa taariikhdeeda,” ayuu Perez u sheegay AS.

“Taas wuxuu ku muujiyey guulaha uu ka gaaray Ispoortiga, wuxuuna kooxda gaarsin karaa guulo kale.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

David Silva: Mancini ma lahan eeda inaan kasoo harnay UCL.

Xidiga kooxda Manchester City David Silva ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa inuusan Roberto Mancini eed ku laheyn kasoo haritaankoodii Champions League balse ay iyagu isku eedeeyaan.

Tababare Roberto Mancini ayaa eedo badan u imaanayeen ka dib markii ay kooxdu sanadii labaad oo isku xigta wareega Group-yada kaga soo hartay Koobka Kooxaha Yurub, laakiin Silva ayaa difaacay.

“Dhamaanteen waa inaan qaadnaa masuuliyada wixii dhacay xilli ciyaareedkaan. Qaabkii aan u ciyaarnay Champions League. Waa inaan qaadnaa eediisa,” ayuu qirtay Silva.

“Ma aan ku bilaaban si fiican Champions League taas ayaana sabab noo aheyd. Hadii aysan dhacdeen, saacadaan ma aadan eedeyseen tababaraha.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xavi oo ku dhow inuu xirfadiisa kusoo afjaro Barcelona.

Xavi ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa kusoo afmeero Barcelona isagoo kubad sameeeyahaani kooxda u saxiixi doona heshiis cusub oo uu kula sii joogayo ilaa 2016.

32-jirkaan ayaa kasoo qalin jabiyey Akadeemiga La Masia wuxuuna wax ka badan 700 oo kulan u saftay Catalan, isagoo kula guuleystay wax walba oo koox lala qaado 21 sano oo uu xirnaa maaliyada kooxda Barcelona yaryar iyo waa weyn intaba.

Waxaa doonayaa inuu qandaraaska u dheereeyo Bareclona xilli uu kobaha isaga siibi doono Camp Nou.

“Kooxdaan aad ayaan ugu qanacsanahay keliya waxaan ka fikirayaa waa inaan qandaraas cusub saxiixo,” ayuu Xavi u sheegay saxaafada. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in qandaraaska aan isku af garanay.

“Waxaan doonayaa inaan sii wato riyadeda ah inaan xirfadeyda kusoo gunaanado halkaan waxayna u egtahay inay rumowday. Ma garanaayo in isbuuca soo aadan lagu dhawaaqi doono heshiiska ilaa 2016ka ah.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Joachim Low: Jose Mourinho kama bedelaayo Real Madrid.

Tababaraha xulka Germany Joachim Low ayaa dhowaanahaan la sheegayey inuu yahay ninka Jose Mourinho ka bedelaya shaqada tababarenimo ee Real Madrid.

Tababaraha ayaanse qarin inay wax ka badan laba sano ka hartay qandaraaskiisa uuna ilaa 2014 sii hor kici doono xulka die Mannschaft.

Markii wax laga weydiiyey wararka xanta ah ee soo jeedinaaya inuu ‘Special One’ ka bedelayo los Blancos, Low ayaa sheegay inaysan wararkaas waxba ka jirin.

“Mar ay noqoto, waxaa laga yaabaa inaan ku laabto inaan koox tababare u noqdo. Laakiin hada maahan. Sida muuqata waxaan ahay tababare qaran, tanina waxay I siisay kalsooni intii lagu jiray sedaxdii sano ee u dambeysay,” ayuu 52-jiraakin u sheegay Sport 1.

“Ima quseeyaan wararkaas xanta ah. Keliya waa soo jeedin, Jose wuxuu Real kula jiraa qandaraas dhan ilaa 2016. Ana waxaan qandaraas ilaa 2014 ah kula jiraa Jarmalka,” ayuu Low ku yiri ZDF.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rafael Benitez: Chelsea way ku guuleysan kartaa CWC iyo EPL.

Rafa Benitez  ayaa aaminsan inay Chelsea dhamaadka isbuucaan noqoneyso Horyaalka Aduunka, sidoo kale wuxuu qabaa inay Chelsea bisha May gacanta kusoo dhigi karto Premier League.

Chelsea, ayaa Koobka Kooxaha Aduunka Axada ku wajaheysa kooxda Brazil ka dhisan Corinthians, waxayna 16 dhibcood ka dambeyn karaan hugaamiyeyaasha Manchester United marka ay kasoo laabtaan Japan iyagoo kulankooda xiga wajahaya Aston Villa.

Laakiin Benitez ayaa qaba inay kooxda Stamford Bridge wax walba bedeli karto sidii ay samesay 2010kii markaasoo ay United Horyaalka ka xayuubsadeen.

“Waan kugu raacsanahay inay United iyo City yihiin kooxo aan laga adkaan Karin waana kuwa ugu cadcad horyaalka,” ayuu yiri Benitez.

“Laakiin, hadii aad guuleysato laba ama sedax kulan oo xiriir ah markaas kalsooni ayaa kusoo geleysa.

“Kulanka aan wajaheyno Corinthians wuxuu noqon doonaa mid muhim inoo ah. Hadii aan ciyaarno kubad fiican kalsooni badan ayaa nasoo geli doonta. Tayada aan ku leenahay garoonka dhexdiisa, kooxdaan waxayba ku guuleysa kartaa horyaalka si gaar ahaaneed.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rodgers: Liverpool waa inay ku dhameysataa kaalinta labaad.

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inay kooxdiisu booska labaad kala baxdo Manchester City bedelkii ay Reds u dagaalmi laheyd kaalinta afaraad.

Ka dib bilowgoodii xumaa ee qarnigaan, Reds ayaa haatan afar dhibcood ka dambeysa kooxda ay isku magaalada yihiin Everton oo ku jirta kaalinta afaraad.

“Qorshoheenu waa dhanka bidix, midig iyo dhexda,” ayuu yiri Tababarihii hore ee Swansea.

”Markii aad tahay koox leh qaabka Liverpool ka dib waa inaad wax fiican sameysaa.

“Aniga ahaan dareenkeyga waa inaan kor isku qaadno. Waxaan 11 dhibcood ka dambeynaa kaalinta labaad waxaana u baahanahay kaalintaas sida ugu dhaqsaha badan, taasna waxaan fursad u heysanaa daqiiqad walba.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Qoys reer Muqdisho ah iyo Qoysika Madaxweyne C/llahi Yuusuf AUN oo is heysta + DF oo lagu eedeeyay eexasho

Muran dhuleed ayaa ka dhex oogan qoys degan magaalada Muqdisho iyo qoyska allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa la xiriirta dhul ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee magaalada Muqdisho, oo qoys Soomaaliyeed ay ku nool yihiin, balse qoyska madaxweyne Yuusuf ay sheegteen lahaanshaha dhulkaas, sida qoyska iminka degan oo laga saaray dhulkaas ay inoo sheegeen.

Nooma suurta galin inaan la xiriirno qoyska Madaxweyne Yuusuf, waana soo dhoweyneynaa haddii ay arrintan nagala soo xiriiraan, hase yeeshe qoyska kale ayaa xiriir nala soo sameeyay.

Waxaa xafiiska shabakadda Caasimada Online ee magaalada Nairobi lasoo gaarsiiyay qoraal cabasho ah oo ku aaddan, guryaha ay burburisay Dowladda Somalia, oo dhulkaas ka dhisnaa.

Guryaha la bur buriyay ayay dowladda ku sheegtay in laga dhistay dhul uu lahaa madaxweynihii hore ee Somalia, C/llaahi Yuusuf Axmed, oo ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka cabashada ah ayaa u qornaa sidan:-

Annagoo ah qoyska reer Nuur Yalaxow, waxaan halkaan kaga cabaneynaa arrin dhacday shalay oo ay fuliyeen, dad ika tirsan mas’uuliyiin dowladda Somalia, oo uu ugu horeeyo afhayeenka Police-ka Muqdisho Cabdullahi Xasan Bariise.

Bariise ayaa arrintan ku qirtay hadal uu siiyay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, isaga oo ku andacoonayo in uu cagta mariyey dhul laga heystay madaxweynihii hore ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf.

Arintaan ayaa waxey la xiriirtaa dhul ku yaala xaafada Buulo Xuubey oo dad shacbi ah lee yihiin kuna noolaayeen dad shacab ah, hase yeeshee dadka in ay ka socdaan dowlada isku sheegaya, ayaa waxey ku andacoonayaan in dhulkaan uu lee yahay Cabdulaahi Yuusuf oo ahaan jiray Madaxweynihii Somalia, balse xoog looga heystay, sida ay yiraahdeen.

Waxaa is weydiin mudan yaa dhici karo qof madaxweyne ah oo Muqdisho muddo ka talinaayey? Ma kula tahay in qof shacbi ah sidaa sameyn karo?

Waxa aan rabnaa in hadii Cabdulaahi Yuusuf qoyskiisa ay heystaan documentigii dhulka ay la imaadaan, oo ay u soo maraan wasaaradda garsoorka oo aysan u soo marin wasiirro dhuuni qaate ah oo aan shaqo ku laheyn habka cadaaladda oo un u dhuun daloolo laaluush iyo dhaca umadda soomaaliyeed ee aan awoodda lahyn.

Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in aanan ka hareyn dhulkaan oo aan u heysano documentigii aan ku gadaney oo aan diyaarna u nahay in aan la marno sidii cadaaladda qabto, intii ka danbeysa dhibka dhaceyna lala xisaabtami doono oo aysan jiri doonin in leys dhaco ama awood dowladeed lagu dhaco hanti shacab leeyahay.

Waxaa cad in aysan wax cadaalad ah jirin dhac iyo laaluushna ay ku lugo leeyhiin arrintaan, iyadoo la wada ogyahay, islamarkaana aysan ahayn sida loo sheegay.

Xaqa wuu cadaan doonaa insha allaah.
Waxaa qoray: Maryan Nuur Yalaxow, email: [email protected]

KALA GEEYE-CUQDAD AABAHEED! (Sheeko Siyaasadeed taxane ah Q.2)

Qaybtii 2aad. Halkan ka arag qeybti 1-aad

Muuqaal 2aad 

Waxaa isu imaanaaya Mulki iyo Hodan oo ah laba gabdhood oo howl kar ah, isla markaana ay ku weeyn tahay soomaali nimada, intii uu afrika ku maqnaa (Kala geeye- Cuqdad aabaheed) koox dhalinyaro aqoon yahano ay kamid yihiin hablahaan ayaa waxeey meel isugu keeneen oo mideeyeen, dhamaan Soomaalida magaaladaan dagan oo aan waligood hal cod yeelan, waxeeyna go,aansadeen in ay yeeshaan midnimo xaga wax wada barida ubadka, wacyi galinta bulshada, meel uga soo wada jeesiga caqabadaha ku iman kara shacabka soomaaliyeed iyo Ayagoo gacan kaliya ah in ay ka qayb qaataan doorashooyinka xisbiyada ka dhisan magaalada iyo wadankaba, kulan kan waxaa wal wal muujisay. Hodan oo uu adeer u yahay (Kala geeye- Cuqdad aabaheed) waxaa dhex martay sheekadaan.

Mulki:- ii waran abaayo caafimaadkaaga ka waran?.

Hodan:- abaayo aad iyo aad ayaan u ladnahay, adiga xaaladaada ka waran?.

Mulki:- aniga caafimaadkeeyga waa sareeyaa, habeen walbana waxaan ka seexan la ahay farxad, maa daama aan helay arintaan waligeey ku hamin jiray.maantana soomaalida degan magaaladeenan ay yihiin ul iyo diirkeed

Hodan:- aniga farxadaas waan qabay laakiin mar qura ayeey isu badashay welwel iyo shaki.

Mulki:- maxaad ka wadaa ma annagaad naga shakiday?

Hodan:- maya ee soo ma,ogid in uu adeerkeey kala geeye soo laabtay!?

Mulki:- oo haduu soo laabtayna waaban tabaayay markii hore oday naga maqan ayuu ahaa wax badan ayuuba nala qaban lahaa.

somalia mogadishuHodan:-  ( weji murugeysan iyo madax gilgilid yar ka dib) Naa adeerkeey kala geeye ma taqaanide wax badan baa kuugu laaban, ma is weeydiisay intuu magaaladaan joogay maxeey soomaali meel isugu imaan weeyday, mida kale hadaan Kuu sir waramo awoowgeey intuu dhalay iyo inteey sii dhaleen waa boql iyo sodon, laba isa salaanta malaha, waxaana ka danbeeya adeerkeey (kala geeye) ee na keen waan daahnay anigaa warbixin dheer ku siin doona.

Mulki:- Walaaley waaban yaabanahaye waa maxay mucjisadan aad sheegeyso, adeerkaa ma sidan buu ahaa? War illeyn tanoo kale, waaba Nin weynoo oday ahe maxaa helay?!.

Muuqaalka sadexaad

Waxaa ku kulmaaya oday kala geeye- Cuqdad aabaheed, saaxiibkiis igu akhri iyo oday muumin waxaana dhex mareeysa dood furan oo kalamaan ah.

Muumin:- maanta waa inaad warbixin naga sii saa wadankii iyo waxaad kala soo kulantay, dawlada cusub, xaallada nabadgalyada iyo rajada bulshada sideey aheeyd.

Kala geeye:- Hadaan warbixin kaa siiyo wadankii waa cadaw ku dhacyoo tuugo kuu ciidamisay, wax is dhaama labada dhinac soomaan arag, hadaan kaaga warbixiyo dawladda waa (NGO)  iyo ganacsato dantooda  ma,ogiye wax laga sugaayo malaha, nabadna sooma arag iyo wax sheegaayo waa gacantaada ku gabo. Waxa I gaaray hadaad ogaan lahayd anigoo qadeeynaayo ayaa wiil yar  buufin uu ku ciyaarayay ka qarxay, markaasaan intaan naxay             Suuxay sadex cishaan isbitaalka jiifay, waa bahala galeen, rajo danboo aadis ma, laha hadaan rajada bulshada kuu soo koobana cidina uma maqna ceelna uma qodna, alle unbeey sugaayaan.

Muumin:-  kala geeyoow horta adiga oo muxaafid ah waligey ku ma arag wanaag inaad sheegtana kaaga ma baran, mida labaad Soomaaliya maalin walbo ayaa la tagaa lagana soo noqdaa, adiga mooyee wax balaayo sheegayana ma              aanaan arag ee xumahan adiga unbaa watee, waxaan ku oran lahaa oday baa tahaye towba dheh oo ha noqonin oday baas abuur ah waadba tahaye!.

Kala geeye:- ( kkkkkkkk) war niyahahoow maan gaabnidaa oo dareen xumidaa soow ma,ogid in wadankii ay la wareegeen, koox  la magac baxday (daam jadiid) oo aaneey waxba u ogoleeyn cid aan ayaga aheeyn, adigana aaneey meelna kaaga banaaneen

Muumin: – Anigu cuqdadaas marna ima galeeyso waxaan u fakaraa soomaalinimo,madaxweeynaha, ra,isal wasaaraha, Gudoomiyaha baarlamaanka, golaha wasiirada, xildhibaanada iyo dhamaan umada soomaaliyeed waa wada Walaaladeey, mana ka fakaraayo oo uma dagaalamaayo hebel maxaa wax looga dhigi waayay waxaana isku xisbi nahay ninkii danta umada daryeela.

Kala geeye: – war heedhe ninyahow sidee wax kaa yihiin, ma umadda dantii siyaasadeed ee damu-jadiid loo qeybiyay  ururadii,i kalna laga qadiyay baa daryeel ka heleeysaa, war hooy waad indha xiran tahaye bal indhaha fur.

Muumin: – Wacade duulal marqaansan baa ku dul saaran ee nin yahow umadda ha isku dirin hana kala dirin ee deji waallidan aad la duul duuleyso.

Kala geeye: – mar walba muxaafid baa tahay, waxaadna ka shaqeeysaa midnimo, bulshada dhexdeedana anigaa kaa qiimi badan, ogoow hana daalin……La soco qeybta 3-aad

W/Q: Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur    

[email protected]

Afeef: Argtida sheekadan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Sawirro iyo Warbixin: Xasuuq aad u xun oo ka dhacay dalka Mareykanka

Ugu yaraan 27 qof oo ay ku jiraan 20 carruur ah, ayaa lagu dilay weerar nin hubeysan uu kusoo qaaday iskuul dugsi hoose ah oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalka Mareykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ninka falkan geystay oo isna ku dhintay iskuulka Sandy Hook Elementary magaciisa ku sheegtay Adam Lanza oo 24 jir ahaa, kana soo jeeday gobolka New Jersey.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jiray qofka falkan geystay hooyadiis oo iskuulka macallin ka ahayd.

Booliiska ayaa tirada dhimahsada u kala saaray 29 caruur ah, 6 qof oo dad waa weyn ah iyo dilaaga. Maamulihii Iskuulka Dawn Hochsprung, ayaa ku jirtay dadka geeriyooday.

Mashaqadan ayaa dhacday abaare 9:30 subaxnimo ee Jimcadan maanta.

Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh oo jooga dalka Mareykanka, waxa uu lee yahay murugadii maanta ee xasuuqa caruurra, waxa ay sare usii qaadi doontaa dooda ka taagan America ee ah in la mamnuuco qoryaha sida daran dooriga u dhaca.

Waxaa hoos loo dhigay calankii Mareykanka ee ka taagnaa aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka ee magaalda Washington DC.

Qof iskuulka joogay ayaa CNN-ka u sheegay inuu tiriyay dhawaqyada ilaa 100 xabbo oo uu riday qofkii toogashada geystay.

Dhacdadii maanta ka dhacday magaalada Newtown ee gobolka Connecticut, waa toogashadii labaad ee ugu xumeyd ee soo marta dalka Mareykanka, kadib dhacdadii Virginia Tech ee sanaddii 2007 ka dhacday gobolka Virginia oo ay ku dhinteen 32 qof.

Sidoo kale Dhacdadii Jimcihii maanta waxa ay noqon doontaa toogashadii saddexaad oo baaxad weyn oo ka dhacday gudaha Mareykanka sanadkan 2012 oo kaliya.

Farxad: Hooyo wiilkeedii nolol ugu timid
Farxad: Hooyo wiilkeedii nolol ugu timid
Waalid canugoodii geeriyooday oo tiiraanyeysan
Waalid canugoodii geeriyooday oo tiiraanyeysan
Aabe gabadhiisii nolol loogu dhiibay
Aabe gabadhiisii nolol loogu dhiibay
Caruur Iskuulka laga soo saaray ayagoo bad qaba
Caruur Iskuulka laga soo saaray ayagoo bad qaba
Ciidamada oo ilaalo ka ah dadkii bad baaday
Ciidamada oo ilaalo ka ah dadkii bad baaday
Ciidamada gaarka u tababaran oo la geeyay goobta
Ciidamada gaarka u tababaran oo la geeyay goobta

 

DEG DEG : Mid ka mid ah wasiir ku-xigeenadii la magacaabay oo is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho mid ka mid ah wasiir ku-xigeenadii shaley uu magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Abuukar Xasan Cali oo loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka jaraa’id ee uu qabtay ku sheegay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay shaley.

Wuxuu ku sabaabeeyay is-casilaadiiisa, kaddib markii uu la tashaday wax-garad iyo aqoonyahano ka soo jeeda beeshiisa, kuwaaasoo ku wargaliyay in xilka loo maagaabay isaga uusan u qalmin sida uu hadalka u dhigay.

“Kaddib kulamo aan la yeeshay wax-garadka iyo odayaasha beesha aan ka dhashay ee dal iyo dibadba jooga waxaan go’aan ku gaaray in aan beesha u qaadin wax aysan u-qalmin, sidaa darteed waxa maanta oo  Jimca ah, taarikhdana ay ku beegan tahay 14/12/2012-ka inaan iska casilay xilkaas, isla markaana waxa barrito warqaddeyda istiqaalada u-geyn doonaa ra’iisal wasaaraha.” ayuu yiri Abuukar Xasan Cali.

Waa wasiir ku-xigeenkii ugu horreeyay ee shaaciyay in uu iska casilay xilka loo magaacabay, manna jirto wax war ah oo xukuumadda ka soo baxday oo ku aadan is-casilaada wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya.

Shaley ayey ahayd markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu soo dhameestiray xukuumaddiisa, waxana uu magacaabay, shan wasiiru-dowle iyo 20-wasiiir kux-geeno.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhawaan soo dhisay xukuumad tira yer oo ka kooban illaa 10-wasiir, laakin wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku-xigeenada ayaa ah kuwa aad u badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Alla Dowladnimo Macaanaa Daawo Awooda Ciidamadeenii Qalabka Sida.

0

Jimco Wanaagsan Aqristayaasha Sharafta lahoow waxaan maanta oo jimcaha idiin soo xulnay sida Caadiga ah Qeybteynii Muuqaalada ee aan idiinla wadaagi jirnay Muuqaal ku saabsan Awoodii Ciidamadeena Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Bariisameedkii.

Aqristoow Daawo Muuqaalkaan waa Awooda Ciidamadii aan la haan jirnay Beri Balse maanta aanan heysan awoodaasi, waxaana jacelahay Maanta oo Jimca ah in aan nasiinadeena ku daawano Muuqaalkaan aan idiin kaga soo xulay Qeybteena Muuqaalada ah ee Daawo24.com.

“Alla Dowladnimo Macaanaa Daawo Awooda Ciidamadeenii Qalabka Sida.”

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

 

Rafa Benitez oo la dhacsan inuu Guardiola ka bedelo Chelsea.

Tababaraha KMG ah ee Cheksea Rafa Benitez ayaa ku faraxsan in shaqadiisa loo dhiibo Pep Guardiola – laakiin waa keliya ka dib markuu ku guuleysto koobabkiisii ugu horeeyey ee Chelsea.

Tababarihii hore ee Liverpool ayaa shaqadaan loo dhiibay ka dib markii Stamford Bridge laga ceyriyey Robert Di Matteo wuxuuna la wareegay bishii November, laakiin tababaraha reer Spain ayaa cadaadis uga imaanayey taageerayaasha kooxda, kuwaasoo aan ku qanacsaneyn sababtii uu Roman Abramovich u ceyriyey Di Matteo.

Isagoo la hadlaayey BBC ka hor kulanka Axada Koobka Kooxaha Aduunka uu la ciyaarayo kooxda Brazil ka socota Corinthians, Benitez ayaa yiri: “Guardiola wuxuu heystaa Rikoor Fantastik ah. Hadii uu yimaado aana ku guuleysano koobab badan, aad ayaan ugu farxi lahaa.”

Guardiola, ayaa afar sano soo leylinaayey Barcelona ka hor inta uusan ka tegin dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna sanad nasiino ah ka qaadanayaa kubada cagta isagoo haatan ku sugan New York.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.

Arsenal oo Man Utd ku qabsatay saxiixa Kevin Strootman.

Manchester United iyo Arsenal ayaa dagaal ugu jira soo xero gelinta xidiga kooxda PSV Eindhoven ee lagu qiimeeyo 17 milyan ee ginni Kevin Strootman, sida uu qoray wargeyska The Sun.

22-jirkaan qadka dhexe ee reer Holland ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah da’yarta qadka dhexe ugu wanaagsan ee kubada cagta dalka Netherlands wuxuuna si aad ah banaanka ugu soo baxay labadii sano ee u dambeysay.

Xidigaan ayaan wax qarsoodi ah ka dhigin dareenkiisa ku aadan inuu ka ciyaaro Horyaal ka xamaasad sareeya midka dalkiisa.

Rajadiisa ayaana ah inuu bisha soo aadan marka uu suuqu furmo uu ku biiro koox sare. AC Milan, Liverpool iyo Tottenham ayaa sidoo kale xidigaan isha ku haaya, laakiin United iyo Arsenal ayaa hugaaminaya loolanka saxiixiisa.

Wakiilka United u indha-indheeya Yurub Martin Ferguson iyo dhigiisa Arsenal Steve Rowley ayaa labadoodu xidigaan soo daawaday waxaana lagu niinasaa ‘Mark van Bommel-ka cusub’.

Ilo sare oo ka tirsan kooxda PSV ayaa daaha ka qaaday: “Ma ahan wax qarsoodi ah inuu Janaayo kooxda ka tegi doono. Su’aashu keliya waa halkee ayuu ku jeedaa?

“Waxay u egtahay inuu u socda midkood Manchester United ama Arsenal, labadooda ayaa aad isha ugu haaya.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Mogadishu.

Chelsea oo qeyb ka noqotay hardanka loogu jiro Walcott.

Chelsea ayaa si kedis ah ugu biirtay xiisaha loo qabo xidiga kooxda Arsenal Theo Walcott, sida uu qorayo wargeyska The Sun.

Tabanaraha kooxda Blues Rafa Benitez ayaa kalsooni ku qaba inuu helo xidigaan lagu qiimeeyo 15 milyan ee ginni, wuxuuna doonayaa inuu ninka garabka ka ciyaara keeno kooxda ay xafiiltmaan kooxdiisa haatan ee Gunners.

Liverpool ayaa xidigaan muddo dheer ku raad joogtay halka ay labada koox ee gobolka Manchester si aad ah isha ugu hayeen.

Laakiin Chelsea ayaa u dirtay sarkaal soo indha-indheeya Walcott, waxayna doonayaan inay inta badan u isticmaalaan weerarka dhexe, halkaas oo ah meesha oo jecelyahay inuu ka ciyaaro xidiga heerka caalami ee dalka England.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea Benitez ayaa bisha soo aadan lacago cadaan ah u isticmaali doona suuqa kala iibsiga.

Wuxuuna Walcott ku qiimeeyaa xidig aad u sareeya kasoo uu doonayo inuu weerarka ku taageero Fernando Torres.

Weeraryahanka, ayaa diiday inuu kooxdiisa Gunners qandaraaska u cusbooneysiiyo uuna isbuucii ka qaato 80 kun oo ginni, wuxuuna kooxda ka tegi xagaaga soo aadan marka uu qandaraaskiisu dhamaado.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Mogadishu.

Lampard oo ku socda wadadii uu kaga tegi lahaa Chelsea.

Frank Lampard ayaa ka cabsi qaba inuu xilli ciyaareedkaani yahay kiisii ugu dambeeyey ee uu xirto maaliyada Chelsea, wuxuuna xidigaani ku jiraa qandarakaasii ugu dambeyey keliya lix bilood ayaana ka harsan.

Lampard ayaa doonaya inuu sii dheereeyo 12kii sano ee uu joogay Stamford Bridge, laakiin ulama muuqato inay sidaas wax u dhacayaan, iyadoo uu bisha soo aadan la wada xaajoon karo koox ajnabi ah.

Waxaa lala xiriirinaayey Los Angeles Galaxy, Paris Saint-Germain iyo kooxo kale oo ka dhisan Ruushka iyo Shiinaha laakiin wuxuu kaloo sheegay inuu door bidi karo inuu sii joogo Barclays Premier League.

“Ma noqon karto sanadkeygii iigu dambeeyey abid EPL,” ayuu yiri Lampard oo Chelsea kaga soo biiray West Ham 11 milyan oo ginni 2001. “Waxay iila muuqataa inay tahay xilli ciyaareedkeygii iigu dambeeyey, waxaan ahay qof weyn oo garan kara sida ay wax u dhacayaan.”

Markii wax laga weydiiyey wadahadal ku saabsan qandaraaskiisa, wuxuu ku daray: “Ma jiraan wax la qorsheeyey inta aan ogahay. Ma jiraan wadahadalo socda oo ku saabsan in qandaraaska la ii dheereeyo. Wax walba kooxda ayey ka go’aan. Waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah. Sida cad waqti aad u fiican ayaan halkaan kusoo qaatay.”

Markii uu Lampard kursiga keydka kasoo kacay kulankii shalay ay kooxdiisu guusha ka gaartay Monterrey ayaa waxaa sacab iyo sawaxan is qabsaday garoonka, maadaama aad xidigaan looga jecelyahay kooxda.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Mogadishu.

Abramovich oo mushaar badan kusoo xero gelinaya Falcao.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa isku diyaarinaya inuu Radamel Falcao ka dhigo xidiga ugu mushaarka badan kooxdiisa Chelsea, wuxuuna weeraryahankaan jeebka ugu shubi doonaa 10 milyan oo ginni sanad walba, hadii uu yimaado Stamford Bridge.

Weeraryahanka qaranka Colombia, ayaa ah ninka koowaad ee suuqa kala iibsiga diirada ugu saaran Chelsea, Bilyuuneerka Ruushka u dhashay ayaana doonaya inuu weeraryahanka Koonfur America ka dhigo weeraryahan kale oo magac leh ee uu keeno Galbeedka London.

Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa dalka Ingiriiska Sportsmail ayaa ogaaday inay Blues 26-jirkaan ku dalban doonto heshiis ah inuu 200 kun oo ginni isbuucii ka qaato kooxda, si ay uga soo afduubtaan kooxaha doonaya.

Weeraryahanka haatan kooxda ku sugan Fernando Torres, ayaa ah ninka kooxda ugu mushaarka badan wuxuuna isbuucii ka qaataa 175 kun oo ginni.

Dhanka kale, xidiga 16-jirka ah ee Chelsea Connor Hunte oo ay horay u dooneysay Man United ayaa ku dhow inuu kooxdiisa Blues heshiis cusub oo waqti dheer ah la galo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Mogadishu.

DEG DEG : Qarax Ismiidaamin ah oo gordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa goordhow qarax loo adeegsaday baabuur uu ka dhacay waddada ugu mashquulka badan Muqdisho ee Makah Al-Mukaramah.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay tira intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin wariyaal gaaray gooobta uu qaraxa ka dhacay.

Baabuurka qaraxa loo adeegsaday ayaa waxa uu ahaa Kaarib, waxana la sheegay in lala damacsanaa kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo xilligaas  mararay guriga Shaqaalaha.

Qaraxa oo si wayn looga maqlay magaalada Muqdisho, ayaa markii uu dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Kolanmyadii ay wateen Ciidamada AMSIOM ayaa ka badbaaday qaraxa, waxana uu qaraxa haleelay gawaari kale oo ay la socdeen dad rayid ah.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online