25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Soomaalidii ugu tirada badneyd oo lagu xir xiray xaafadda Islii

Lix boqol  oo ruux oo lagu eedeynayo inay kulug lahaayeen qaraxii Xaafada Islii ee dadka Soomaalida ay dagaan ayaa la sheegay in dowlada Kenya ay gacanta ku soo dhigtay.

Gudoomiyaha Gobolka Nairobi oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in Lex Boqol oo qof ay qaraxyadaas u qabteen oo ay ku jiraan Soomaali.

Waxa ku jira dadka gacanta lagu dhigay dad haysta Kaararka Qaxootiga dib ayaana loogu celin doonaan xeryaha qaxootiga halka kuwa kalana la baari doono.

Sidoo kale waxaa ay Ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen sida uu sheegayo gudoomiyaha sadax ruux oo watay Bam iyo Waxyaabo qarxo oo ay la rabeen  inay gudaha la galaan.

Dhinaca kale ciidamadii ugu badnaa ayaa loo dhoobay Magaalada Nairobi oo ay ku soo bateen falalka amaandarida.

Cesare Prandelli oo amaan kala dul dhacay Francesco Totti.

Tababaraha xulka Talyaaniga Cesare Prandelli  ayaa amaan kala dul dhacay Francesco Totti  wuxuuna ku sheegay mid tusaale ah da’yarka dalka Italy.

Macalinka Azzurri  ayaa ka hadlaayey markii uu Totti dhaliyey goolkiisii 221aad ee Serie A, iyadoo Kabtanka Rome uu laba gool ka dhaliyey kooxda Fiorentina.

“Nasiib ayaan u lahaa inaan tababar la qaatay bilo kooban aana arkay daacadnimadiisa. Wuxuu tusaale u yahay Jiilka haatan wuxuuna Rikooro ku jebinayaa Rome, iyadoo ay da’du heyso,” ayuu yiri Prandelli.

“Totti waa horyaal dhab ah wuxuuna ahaa mid lagu daysado. Sidoo kale waa ciyaaryahan weyn.”

Totti ayaa kasoo baxay Akadeemiga kooxda Rome wuxuuna xirfadiisa oo dhan usoo ciyaaray kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku baaqay wada hada lala galo ONLF

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Heila Marian Dieseling ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho jabhada ONLF ee dagaalka kala soo horjeeda.

Heila Marian Dieseling Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Jabhada ONLF ee Ogdania.

Wuxuu hadalkiisa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu intaa ku daray in si meesha looga saaro dagaalada udhaxeeya ONLF iyo Ethiopia muhiim inay tahay in wadahadal la galo.

Dieseling Wuxuu farta ku fiiqay  inay wanaagsan tahay in wax waliba wada hadal lagu dhameeyo si meesha looga saaro dagaalka islamarkaana lawada sugayo natiijada wada hadalka wixii kasoo baxa.

Dowlada Itoobiya iyo ONLF ayaa la ogyahay inay marar badan ay isku farasaareen kilinka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

David Luiz oo doonaya inuu noqdo Kabtanka kooxda Chelsea.

David Luiz ayaa doonaya inuu kooxda Chelsea ku hugaamiyo Koobka Kooxaha Aduunka, wuxuuna ku taamayaa inuu mar uun noqdo Kabtanka kooxda Blues.

Luiz ayaa sidoo kale aaminsan in ciilkii kooxdiisu kasoo qaaday Champions League dartiis ay u qaadi doonaan FIFA Club World Cup, tiiyoo ay Horyaalka Premier League Toban dhibcood ka dambeeyaan hugaamiyeyaasha United.
“Markii ay kusoo mareen waqtiyo xun adigoo ah koox weyn, waxaad u baahan tahay inaad xoog yeelato,” ayuu yiri.

“Waan ogahay shaqsiyadeyda inaan noqon doono hugaamiye caadi ah: Kabtan ayaan ka ahaa Banfica anigoo 21 jir ah, waxaan kabtan ka noqday xulkeyga Brazil, marka waan garanayaa, Hugaamiyeyaasha kooxda sanado badan ayey halkaan joogeen, Waxaan u baahanahay inaan masuuliyad qaado aana isku dayo inaan caawiyo jiilka da’yarka ah ee kooxda. Ciyaartoyda sida Eden Hazard, waxay leeyihiin tayo la yaab leh, laakiin waa qof u baahan taageero. Hada dhow ayuu yimid Premier League, sida Oscar iyo ciyaartooy kale oo dhowr ah, ama Ramires, oo inta badan xishooda. Waxaan u baahanahay inaan caawiyo iyaga.

“Horaan waxaan dhihi jiray garbaheydu waa sida shimbirta marka waan qaadi karaa masuuliyad dheeraad ah. Waana jeclahay. Waan doonayaa. Waxaan door bidayaa inaan caawiyo asxaabteyda kale.”

Man Utd oo Liverpool iyo Man City ka afduubaneysa saxiixa Walcott.

Manchester United ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo xidiga kooxda Arsenal Theo Walcott, waxayna dooneysaa inay xidigaan ka daba geyso Robin van Persie oo kooxda Old Trafford bishii August kaga soo biiray gegeda Emirates.

Sir Alex Ferguson ayaa isha ku haya inuu soo kaxeysto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee xulka England, kaasoo uu qandraaskiisa Gunners dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargeyska Sportsmail ayaa fahamsan inuu Walcott ka tegi karo Arsenal, hadii uu boos joogta ah ka helaayo Kooxda Red Devils.

Walcott ayaa diiday inuu kooxdiisa shan sano oo qandaraas ah u saxiixo uuna isbuucii ka qaato 75 kun oo ginni, halka aysan wadahadalo fool-ka-fool ah wax natiijo ah kasoo saarin isaga iyo kooxdu ilaa 28dii August. Horaan ayuuna sheegay inuu kooxda sii joogayo laakiin uu doonayo in mushaarkiisa la gaarsiiyo 100 kun oo ginni.

Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xidigaan xiiseynaayey, laakiin United ayaa noqon karta kooxda uu doorto inuu ku biiro xilli ay hugaanka u heyso Barclays Premier League.

Si la mid ah, Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa Janaayo doonaya inuu lasoo wareego ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Man United Nani, kaasoo uu fursad ugu heli karo heshiiska Walcott.

Liverpool oo Sturridge iyo Ince ku dooneysa 18 milyan oo ginni.

Liverpool ayaa 18 milyan oo ginni Janaayo kula soo wareegi doonta weeraryahano xoog badan ka dib markii ay wadaladalo talaabo qaaday oo heshiis ah la fureen Daniel Sturridge iyo Thomas Ince.

Brendan Rodgers ayaa rajeynaya inuu gacanta kusoo dhigo xidigahaan sanadka cusub horaantiisa waxaana hada doorka koowaad ee diirada u saaran ah labadaan weeraryahan.

Weeraryahanka kooxda Chelsea Sturridge ayaa rajeynayaa inay Liverpool ku qiimeyso 12 milyan oo ginni, halka weeraryahanka Blackpool Ince ay dib ugu soo ceshan doonaan 6 milyan oo ginni ka dib markii uu 18 bilood ka hor ka dhaqaaqay Anfield markaasoo lagu gatay 250 kun oo ginni.

Rodgers ayaa sheegay bishii lasoo dhaafay inuu isha ku haayo xidigahaan oo uu u arko kuwo uu weerarka isaga dhiso Ince ayaa 20 jir halka Sturridge uu 23 jir yahay. Wuxuuna tababarihii hore ee Swensea jeclaan lahaa saxiixa Walcott laakiin wuxuu doonayaa xagaaga soo aadan.

XOG: Qorshaha maamul goboleed ka kooban 3 gobol oo ka socda Ethiopia

Siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ku sugan dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ka socdo qorshaha dhismaha maamul Goboleedka South West State (Maamul goboleedka Koonfur Galbeed).

Maamul goboleedkan ayaa ka koobnaan doona saddex gobol oo kale ah, Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ayaa magaalda Godey kula shirsan saraakiil Ethiopia ah oo ku gacan siinaya dhismaha maamulkan, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Dadka hormuudka u ah maamulkan wxaaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Sheikh Adan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Wada hadallada u socda Ethiopia iyo Saraakisha Beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ah kuwa hor dhac oo lagu gorfeynayo qaabka uu u dhismayo maamulka ka hor inta aan si rasmi ah loogu fariisan shirka dhismaha maamulka.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in sababaha Ethiopia ay ugu lug leedahay mamaulkan ay ka mid yihiin, ayada oo laga raadinayo awood milatari iyo mid siyaasadeed, maadama Ethiopia ay mar walba saaxib dhow la ahayd beelahaas.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanak Somalia Shariif Xasan Sheikh Adan ayaa isna la sheegay inuu wado dhismaha maamul goboleed laga unkayo gobolladaas, inkasta oo aysan caddeyn in labada maamul ay isku qorshe yihiin iyo inay laba dhinac u kala jeedaan.

Hadaad mooday in Yurub raaxo taal, Daawo dhibka heysta Soomaalidan

Somali magangaliyo doon ah oo ku sugna Xeryaha qaxootiga Wadanka Holland ayaa  bananka la soo dhigay ka dib marki wasaarada cadaalada Wadanka Holland ay so xirtay  Falasha dad badan oo Magangaliyo doon ah.

Dadkaan dhibaatada ugu weyn ee  haysta waa  ayago anan haysan  qalab ay iskuga difaacan  qabowga xad dhaafka ah ee ka dhacaya  Wadanka Holland,

Dadkaan loma ogola in ay shaqaystaan  Dowladana ma siiso wax lacag ah oo ay ku nooladan   waxyabaha  aadka loga xumaado ee dadkaan ku dhacaya ayaa waxaa ka mid ah ayago laga burburiyay  tendhoyin ay ka dhisteen Bariga Magaalada Amsterdam isla markana  Habsiga lagu wada guray inkasto 5 sac ka dib  la soo daayay.

Dadkaan uma gudbi karaan Wadamada Kale ee Yurup sababto ah waxaamarkiba laga helaya faraha Wadanka Holland  waxaana sida shariga ah  dib logu soo celinaya Wadanka Holland.

Arinta kale ee la yabka leh ayaa ah  Barlamanka Wadanka Holland oo usbuci lasoo dhafay u fadhistay labo moshiin oo kala ah in Xayawaanada dibad joog ah la geeyo meel ay ku nooladan  inta qabowgu dhamanayo  iyo In Qoxootiga Somalida ah ee Bananka yaala  lagu celiyo Kamamka Qaxootiga ee horay loga soo saray Madaama u dhacayo Qabow daran.

Barlamanka  Holland ayaa waxaa uu ansixiyay in Xayawaanada dibad jogta ah laga soo xareeyo  Qabowga iyo Barafka dhacaya halka uu diidmo ugu codeeyay in Somalida Bananka Taala lagu celiyo xeryihii horay loga soo saray .

Arinkaan ayaa waxaa uu noqday hadal haynta ugu weyn wadanka Holland usbuci anu soo dhafnay  waxaana  caro ka mujityay Go,anka barlamanka Muslimiinta ku nool Wadanka Holland oo u badan Marocan iyo Turki.

Somalidu waxaay tirahda  Meel hoo u bahan  hadal wax kama taro hadi aad tahay qof somali ah amaba Muslim ah kana  damqanaya  dayaca  haysta  dadkaan Somalida ah waxaad ugu soo hagaajin karta  wixi awoodada ah .

Xawaaladaha Somalida  adigo ku soo qoraya

Horn Cable Tv Holland
Tel: 31684020868

Lacagahaas waxaa  dadkaan garsiinaya Tv ga Calamiga ah ee Horn Cable tv waxana uu ka soo duubi doona  Film cadaynayaa lacag walba iyo qofka soo diray iyo sida lo gudonsiyay dadka ku dhibaataysan  Amsterdam Holland.

Halkan ka daawo

Horn Cable TV Holland

Tel: 31684020868

 

RVP oo iska maslaxeeyey Weeraryahanada Man United.

Robin van Persie ayaa hadiiba xoreystay booskiisa weerarka oo ay usoo iibsatay Manchester United, laakiin wuxuu qabaa inuusan kaligi ku aheyn weerarka isagoo jecel inuu la ciyaaro jaalkiisa.

Xidiga heerka caalami ee dalka Holland ayaa 11 jeer shabaqa soo taabtay xilli ciyaareedkaan Barclays Premier League.
Laakiin 29-jirkaan ayaa sheegay inuu weli wax ka barayaao da’yarta ay isku kooxda yihiin Javier Hernandez iyo Danny Welbeck.

Markii la weydiiyey casharka uu ka bartay, Van Persie ayaa yiri: “Inaan ka barto ayaan rabaa, waan ka baran karaa wax fiican sidoo kale.

“Tusaale ahaan, waan jeclahay xamaasada Chicharito. Waan jeclahay sida uu u ciyaaro iyo sida uu tababarka u qaato wuxuuna ku guuleystaa garoonka ka dib tababarka.

“Isbuucyo badan ka hor sidaan ka badan uma uusan ciyaareyn, laakiin wuxuu GYM-ka ku qabanaayey shaqo dheeraad ah waana tusaale uu ku daydo qof walba.

“Danny, isna waa sidoo kale. Booskaan inta badan ma ciyaaro waqtigaan laakiin wuu u baahan yahay wuxuuna u shaqeeyaa si adag.

“Sidaas darteed marka aad heysato afar Weeraryahan oo heer sare ah, way kugu adkaaneysaa inaad kala doorato.

“Qofwalba diyaar ayuu yahay dhamaanteen waxaan nahay wadajir waxaana u baahanahay booskeena.”

Boosaaso: Urur siyaasadeed kale oo looga dhawaaqay Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari waxa shaley looga dhawaaqay urur siyaasadeed kale, kaasoo ka mid noqon doona ururada siyaasadda ee ka dhisan Puntland.

Xaladda loogu dhawaaqay ururkan ayaa wax aka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxgarad, culimaa’uddiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.

Ururkan oo ay ku mideesan yihiin aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada maamulka Puntland, waxa loo bixiyay MIDNIMO.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Midninmo Dr. Saadiq Eenow ayaa munaasabada ka sheegay   hadafka loo sameeyay ururkan in uu yahay ka shaqeenta horrumarka iyo nabadgelyada deegaannada maamulka Puntland.

‘’Wax hub ah inaan wax lagu xalin ayaan ku baaqeynaa ,nidaamkan dad wada dhashey ayaa dhistey ,ninkii qori maanta qaata oo wiil nooga dila waxaan la tiigsaneynaa maxkamad meel kasta uu dunida ka tago’’.ayuu yiri Saadiq Eenow..

Waa urur siyaasadeedkii afaraad ee Puntland looga dhawaaqo, iyadoona ururada siyaasadda ee laga dhisay Puntland uu ka mid yahay urur uu lee yahay madaxweyne Faroole oo lagu magacaabo HORSEED.

Si kastaba, Madaxweyne Faroole ayaa hadda doonaya in uu halsano oo kale ku darsado xilkiisa, taasoo ay diidan yihiin siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Puntland, waxana laga cabsi qabaa in Puntland ay ka dhacaan qalalaaso siyaasadeed haddii uu ku adkeesto madaxweynaha in uu halsano oo kale uu ka darsado xilka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Fannaanin caan ah oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa shaley magaalada Muqdisho soo gaaray fannaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” Cabdixakiin Ciise Geedi Fara-yare iyo Xasan Cujeyr Cajami, kuwaasoo in ka badan 20-sano ka maqnaa waddanka.

Fannaaniintan ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaasoo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku soo dhaweeyeen iyo dad yow kale.

Dadkii soo dhaweeyay waxa kamid ahaa guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan  iyo Fanaanniin ay ku jiraan Bar-baarta Gaashaaman.

Markii la soo dhaweeyay ayaa waxa ay la hadleen saxaafadda, iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dib ugu soo laabtaan muddo badan kaddib.

Fannaanka caanka ah ee Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isagoona ugu baaqay Fannaaninta kale ee ku nool dalka dibadiisa in ay dib ugu soo laabtan wadankooda.

Magaalada Muqdisho tan iyo sannadkan sii dhammaanaya 2012-ka waxa immaanayay fannaaniin badan iyo dad qurba joog ah oo in mudda ah ka maqnaa dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Laba Wasiir oo maanta su’aalo adag kala kulmay Baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay su’aallo weydiiyeen labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiiradda maanta su’aallaha ay weydiiyeen xildhibaannada ayaa kala ahaa ra’iisal wasaar ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan  iyo wasiirka gaashandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Kulankii maanta oo shir guddoominaayay  afhayeenka afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay  in ajandaha baarlamaanka ee maanta uu yahay  mid su’aallo lagu  weydiinayay wasiirrada arrimaha dibadda iyo Gaashaandhiga.

Markii kulanka uu furmay ayaa ugu horreynna  waxa ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibada ay weydiiyeen xildhibaannada labo su’aal oo kala ahaa maxaa kalifay in la kireeyo rugta safaaradda Soomaaliya ee talyaaniga? Maxuusa yahay sababta  kireynta xarunta safaradda Soomaaliya ee Rooma?

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay raali galin ka bixinayaan arrintaasi inkasta oo aanan si cad loo ogeyn waxyaabahaas balse ay jiraan gudi loo xilsaaray hantida dowladda ee jirta dalka dibadiisa.

“Anniga waa ay iga horreysay arrintaas, laakin anniga ra’iisal wasaaraha waxa naga go’an in aan hantida Soomaaliya la soo celiyo meel kasta oo ay taallo” ayey tiri wasiiradda.

Waxa intaas kaddib isna su’aallo la weydiiyay wasiirka gaashandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji fiqi waxa la weydiiyay seddax su’aal oo kala ahaa:- maxaa kalifay in maxkamadda ciidammada ay xuraydiisa ka qaado muwaadin wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ka tirsan idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah? waa maxay mowqifka xukuumadda ee ku aadan xariga wariyahaasi? goorme ayaana xuriyadiisa loo soo celinayaa?

Wasiirka ayaa yiri” In wariyaha uu sii daayay warbixin taas oo ka hadleysay in maxkamadda ay dishay nin aanan loo qaban qareen balse mas’uuliyiin ka socoto BBC-da ay yimaadeen Muqdisho ayna ka bixiyeen raaligalin balse haatan dib loogu celiyay xoriyadiisi.

Labadan wasiir ayaa shaley loo ballan sanaa in su’aallo ay weydiiyaan xubnaha baarlamanka, laakin shaqo ay jireen ayaa loo baajiyay.

Ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wariyaha BBC-da Muqdisho uu xor yahay isla  markaana laga siiyay xabsiga dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Arsenal oo Janaayo dooneysa Nani iyo Mohamed Diame.

Arsenal ayaa qorsheyneysa inay Janaayo lasoo wareegto xidiga kooxda Manchester United garabka uga ciyaara Nani, sida uu qoray Daily Mail.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaan kulan horyaalka ah kusoo bilaaban tan iyo bishii November ka dib markii uu Alex Ferguson ka diiday inuu heshiiska kooxda u dheereeyo, iyadoo uu qadaraaskiisu dhacayo 2014.

26-jirkaan ayaa ku dhowaa inuu ku biiro kooxda Ruushka ah Zenit St Petersburg Janaayo ka hor inta uusan kooxda kala doodin wax ku saabsan mushaar kordhin.

Waxaana xidigaan laga saaray calendar-ka kooxda ee sanadka soo aadan taas oo sii qastay xaalkiisa aan awalba salka dhulka ku heyn.

Dhanka kale, Arsene Wenger ayaa sidoo kale isha ku haaya xidiga qadka dhexe ee kooxda West Ham United Mohamed Diame, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 3.5 milyan oo ginni.

Manchester City oo uusan iib ka aheyn Mario Balotelli.

Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa meesha ka saaray inuu iibinaayo Mario Balotelli, inkastoo loogu baaqay inuu kor isku qaado weeraryahankaan.

Mancini ayaa bedel ku sameeyey xidigaan daqiiqadii 51aad kulankii Manchester Derby, laakiin xidigaan ayaa u muuqday mid ka xanaaqay bedelka lagu sameeyey.

Balotelli ayaa lala xiriirinaayey inuu amaah kula biiro kooxda ka dhisan dalkiisa Talyaaniga AC Milan.

Si kastaba, waxay u muuqataa inuu Mancini isku diyaarinayo inuu weeraryahankaan fursad kale siiyo, sida laga soo xigtay Daily Mail.

“Waxaan sugeynaa waqtiga ku haboon ee aan ka faa’iideysaneyno tayadiisa. Taas ayaa ah sababta uusan iib u aheyn,” ayuu yiri tababaraha reer Talyaani.

Arsene Wenger oo amaan kala dul dhacay Lionel Messi.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan inuu xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi uu yahay mid dadka amakaag ku sameeya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa dhaliyey goolashiisii 85aad iyo 86aad ee sanadkaan, wuxuuna dhaafay Rikoorkii Gerd Muller ee sanadii 1972dii uu ku dhaliyey 85 gool, tababaraha Faransiiska ah ayaana afka labadiis amaan kala dul dhacay 25-jirkaan.

“Hambalyo Messi. Hada wuxuu noqday mid dadka ka yaabiya. Waxa uu sameynayo waa wax aan la rumeysan Karin,” ayuu u sheegay Website-ka kooxdiisa Arsenal.

“Waxaan u maleynayaa waa ciyaaryahanka keliya ee hal sano dhalin kara 86 gool, hadii aad u maleyso inaad ciyaartay sigaal bilood iyo bar, waa wax deg deg ah inaad bishiiba 10 gool dhaliso. Marka ay bilaabato bishu, markaas waxaad ogaaneysaa inuu dhalinaayo 10 gool, mana ahan wax xun.”

Messi ayaa kordhin kara goolashiisa ka hor inta uusan sanadku dhamaan, iyadoo kooxdiisa Blaugrana ay ciyaareyso afar kulan ka hor inta uusan bilaaban sanadka 2013.

DAAWO VIDEO: Dhismaha Istanbul-Bazaar ee laga sameynayo Muqdisho

Mustafa Erkan, oo ah ganacsade u dhashay dalka Turkiga ayaa sida dad badan ay la socdaan waxa uu wadaa qorshaha dhisme xarun ganacsi oo laga sameynayo magaalada Muqdisho, ee caasimada Somalia, taasi oo loogu magac dara Istanbul Bazaar.

Waa xarrun ay wax kasta u dhan yihiin, kasoo bilow Hotel, Suuq illaa iyi Banki, waxaana dhismaheeda ku kici doona 15 milyan oo dollar.

Waxa ay tani qeyb ka tahay dib usoo nooleynta rajadii Somalia ee uu Turkiga wado iyo maal gashi ujeedkiisu yahay in labada dal ay ka faa’iideystaan.

Waxaan halkan idin kugu soo bandhigeynaa filim kooban oo ku saabsan dhismahaas iyo habka uu u shaqeyn doono, balse ku billaabanaya warbixin ku saasban muhiimada iyo taariikha Somalia.

Daawo

Maxkamadda oo lawareegtay Natiijadii doorashada deeganka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) Labo cisho ka hor markii rabshado dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen ka dhaceen magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland,ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada golaha deeganka Ciise Yuusuf Xamari wuxuu sheegay in natiijada degmada Hargeysa lagu wareejiyay maxkamadda.

Wuxuu sheegay markii ururada siyaasadda iyo axsaabta ka dhisan Somaliland ay diideen in dib loo tiriyo doorashadii ka dhacday magaalada Hargeysa, waxan go’aan ku gaarnay in natiijada doorashada aan ku wareejino maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex, ayuu yiri

“Guddiga doorashada wuxuu dadweynaha Somaliland ogeysiinayaa in doorashadii golaha deeganka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si-waafaqsan sharciga doorashooyinka golayaasha deeganka, iyagoona goob joogn ka ahaayeen wakiiladda xisbiyada iyo goobjoogayaal caalami ah iyo gudaha”

Ciise-Xamari-Guddoomiyaha-Komishanka-Doorashooyinka-Qaranka-Somaliland
Ciise-Xamari-Guddoomiyaha-Komishanka-Doorashooyinka-Qaranka-Somaliland

Wuxuu sii hadlay “Komishanka doorashooyinka qaranka wuxuu maanta oo taarikhda tahay 10-ka bishan December 2012-ka go’aasaday in loo gudbiyo natiijada doorashada  degmada Hargeysa maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, markii uu komishanka dib u eegis ku sameeyay natiijada doorashadda, isla markaana hufid ku sameeyay natiijada xogta goobihii codbineed ee Farowayne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimada Hargeysa, kaddib markii xisbiyada iyo ururadda siyaasadda ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay , waxa uu ku saleeyay natiijada goobaha ay isla saxeen howlwadeenada kamishanka heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda…..

Maxkamadda gobalka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ee ka soo baxa xisbiyadda iyo ururadda, xisbiyadda iyo musharixiinta.

Ugu dambeyn guddiga doorashada maamulka Somaliland ayaa yiri “Komishanku waxay kulla talinayaan axsaabta musharrixiinta iyo dadwaynaha Somaliland in guulihii laga soo hoyay doorashayoonkii golayaasha deeganka ay ka marag kaceen goobjoogayaashii caalamiga ahaa  iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa, Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ee ay ku caano-maashay, sumacadda weyna ay adduunka kaga yeelatay in la dhowro.”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Somalia oo ku geeriyooday London

London (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisteen waxa xaley magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble.

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid eheladiisa marxuum Xaaji Cismaan ayaa muddooyinkii dambe ku xannuusanayay isbitaal ku yaalla London.

Wuxuu ahaa marxuumka wasiirkii maaliyadda ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii isna geeriyooday Aaden Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) wuxuu kaloo ahaa siyaasi caan ka ah Soomaaliya isagoo soo qabqabtay xilal kala duwan.

Xaaji Cismaan Axmed Rooble ayaa ahaa ganacsade caan, wuxuu madax u ahaa  rugta ganacsiga Soomaaliyeed isagoo aan wax xil ah ka qaban dowladii milatariga ee uu hoggaaminaayay Maxamed Siyaad Barre, waxana uu in mudda ah ku noolaa waddanka Ingiriiska.

Si kastaba, Meydka marxuumka ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si halkaas aas qaran loogu sameeyo.

Sida ay lee yihiin ilmaha uu dhalay Xaaji Cismaan ayaa ku dhintay da’da 92-jirka, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1919-kii, isla markaana waxa ifka kaga tagay 37 carruur ah oo isaga uu dhalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Maxaad ka taqaan Uur qaadista galmo la’aanta “Artificial Insemination”?

Mar walba abuurka ilmaha Illaah ayaa ku shaqo leh, oo isaga kaliya ayay u gaar tahay, hase yeeshee waxaa halkan uga hadleynaa marxaladda haweeneyda ay ku uur qaadeyso gacanta ama gacan ku rimiska “Artificial Insemination”

Gacan ku rimiska ama waxa loo yaqaano “Artificial Insemination” waa haweenka oo xawada iyo ugxanta oo la isku bacrimiyo galmo la’aan.

Waxaa la soo qaadaa manida isagoo fresh ah ama qallajisan (barafaysan) kadibne minka haweenka ayaa lagu tallaalaa.

Inta manida aan lagu ridin haweenta waxaa lala socdaa meertada caadada si markii ugxanta loo soo saaro haweentane diyaar u noqoto in ay uur qaadi karto loogu rido manida iyadoo la adeegsanayo silingo ama tubo loogu talo galay.

Manida waxaa la dhex dhigi karaa dhowr meel oo kala ah: Siilka, Farraatiga, Minka ama Tubooyinkaba.

Arrin aad loogu farxay oo maanta ka dhacday Muqdisho “Sawiro”

0

Arin aan horay loo maqal loona arag hal mar oo sidaan oo kale ah ayaa maanta dadka reer Muqdisho ku sheekeysanayaan taas oo ah in Markii ugu horeeysay Saddexda Mas’uul ee Dalka Marwooyinkooda ay Maanta Deeq Raashin iyo Lacag ah gaarsiiyeen Isbitaalka Martiini.

Marwooyinka Madaxda Dalka ayaa maanta mar qura gaaray isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Naafada Xooga Dalka ee ku dhaawacmay Dagaalkii 1977.

Hadaba Aqristoow Daawo Sawiradaan Kadibna Fikradaada ka bixi qeybta Commentiga