25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wasiiradii lagu dhagnaa oo aan soo Xaadirin maanta. “Sababta Aqri”

Waxaa Maanta dib u dhacay kalfadhigii loo balansanaa ee Baarlamanka ay ku hor imaan lahayeen Labo Wasiir oo kala ah Wasiirka Arimaha dibada iyo Wasiirka gaashaandhiga.

Maanta oo taariiqda ay ku beegantahay tobonka bisha ayay baarlamanka Soomaaliyeed waxaa ay  horay u codsadeen in Baarlamanka la horkeeno labada Wasiir kuwaas oo aan maanta soo xaadirin kulanka.

Wasiirka Arimaha dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo maanta aan imaan xarunta golaha shacabka  waxaana lagu haystaa sababtii ay u iibisay safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga.

Baarlamanka waxaa kale oo ay ku dhagan yihiin wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi oo isagana lagu haysto sababtii Wariyihii Bbc-da ay u xirtay maxkamada ciidamada Qalabka Sida iyo sababta wariyaha loo gayn waayay Maxkamada rayidka.

Laakiin Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari ayaa cudur daaray labada wasiir waxaana markale uu ugu baaqay inay horyimaadaan baarlamanka si loo waydiiyo su’aalo.

Daawo Video: Taknooljiyad cusub oo ciidamada Mareykanka ka dhigeysa kuwa aan la arki karin.

Haddii sida hadda ay wax u socdaan ay usoo geba geboobaan, ciidamada Mareykanka waxa ay qorsheeyeen inaysan jirin doonin cid dagaal kaga soo horjeesata oo kaga adkaata.

Milatariga Maryekanka, waxa ay qarash badan ku bixiyeen taknoolijiyad cusub oo ka dhigi doonta ciidamda kuwa aysan arki karin cadowga dagaalka kaga soo horjeeda.

Shirkado dhinaca taknoolajiyadda ka shaqeeya, ayaa barnaamijkan ku qaatay lacag badan oo soo saaray dhar ciidanka Mareykanka marka ay xirtaan ka dhigaya kuwa aysan indhu qaban.

Waxaa ku xiran qalab kaamiro ah oo dhinacyadooda u kala fidiniya iftiin u eg goobta ay markaas joogaan, kaasi oo indhaha kuwa kasoo horjeeda tusaya kaliya goob maran oo cidna aysan joogin.

Weriyaha CNN-ka uu qaabilsan waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee The Pentagon Chris Lawrence ayaa warbixin ka diyaariyaya arrintan ee daawo.

Oscar: Chelsea waxay dooneysaa inay ku guuleysato CWC.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa aaminsan inay kooxdiisu ku baahi goyn karto Koobka Kooxaha aduunka kaasoo ah koob ay doonayaan inay geeyaan Stamford Bridge.

Blues ayaa wareega afar dhamaadka la ciyaari doonta kooxda Mexico Monterrey iyadoo midkood Finalka ku qaabi doona kooxda soo baxda Al Ahly ama Corinthians , waxaana kama dambeysta lagu ciyaari doonaa Garoonka caalamiga ahYokohama.

“Chelsea waa kasoo dhamaatay koobka Yurub waxaana dooneynayaa inaan halkaan wax wanaagsan ku sameyno,” ayuu 21-jirkaani u sheegay World Soccer Digest.

“Waxaan isku deyeynaa inaan ku guuleysano tartanka sanadkaan. Koob walba muhim ayuu u yahay Chelsea. Hadii aan ku guuleysano, waxay na siineysaa kalsooni badan inta ka harsan xilli ciyaareedka.”

Nigel de Jong oo garoomada ka maqnaan doona lix bilood.

Nigel de Jong ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray lugta kulankii ay Milan 4-2 ku dubatay Torino Axadii.

Kubad burburiyahaan heerka caalami ee dalka Holland ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 22-aad, markii tijaabo caafimaad uu maray goor dambe ayaana la ogaaday inuu dhaawac waqti dheer ah soo gaaray.

“AC Milan waxay xaqiijineysaa intii lagu jiray kulankii u dhexeeyey Torino iyo AC Milan, inuu Nigel de Jong dhaawac kasoo gaaray lugtiisa bidix,” ayaa lagu qoray Website-ka Milan.

De Jong ayaa xagaagii Milan kaga soo biiray kooxda Manchester City waxaana lagu soo iibsaday 4.5 milyan oo euro wuxuu u saftay 15 kulan xilli uu hal gool u dhaliyey Rossanerri.

Andrea Stramaccioni oo dib u weeraray Tababaraha Juve Conte.

Tababaraha kooxda Inter Andrea Stramaccioni ayaa cadeeyey in hadii uu Antonio Conte yahay ‘Special One’,  uu markaas isna yahay ‘Normal One’, iyadoo kooxdiisu ay guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Napoli Axadii.

Goolal ka kala yimid Fredy Guarin iyo Diego Milito ayaa u fududeeyey Nerazzurri inay kaalinta labaad ka gashi Serie A, inkastoo uu Edinson Cavani gool usoo celiyey kooxda San Paolo.

Ka dib ciyaarta, Stramaccioni ayaa u jawaabay tababaraha Bianconeri kaasoo isku sheegay mid gaar ah, wuxuuna ku jawaabay: “Hadii uu Conte dareemayo inuu yahay ‘Special One’ markaas  ana waxaa ahay ‘Normal One’.”

Inter ayaa kaalinta labaad kaga jirta Serie A waxanya leedahay 34 dhibcood iyagoo afar dhibcood oo keliya ka dambeeya Juventus.

Henry oo ku dhow inuu markiisii sedaxaad kusoo laabto Arsenal.

Thierry Henry ayaa qarka u saaran inuu markiisii sedaxaad kusoo laabto kooxda Arsenal kulanka ay FA Cup wajahayaan kooxda Swansea 6da Janaayo.

Gunners ayaa wadahal kula jirtay New York Red Bulls sidii ay amaah ugu soo qaadan laheyd Henry waxayna bilowdeen shan maalin ka hor, sida uu qoray Daily Mail.

Tababare Arsene Wenger ayaa rajo ka qaba inuu Henry u safto kooxdiisa wareega sedaxaad ee FA Cup.

Heshiiska waa la isku afgartay laakiin labada koox ayaa weli wadahadal ku jira iyadoo laga doodayo in amaahda la dheereeyo.

Wegner ayaa doonaya inuu Henry oo 35 jir ah, amaah ku heysto inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan laakiin kooxda MLS ayaan dooneyn inay weeraryahankeeda lumiso xilliga uu bilaabanayo Horyaalka Mareynkanku.

Red Bulls ayaana door bidi laheyd inay weeraryahankooda helaan bilowga xilli ciyaareeddkan inta lagu jiro March.

Weeraryahanka qaranka Holland Klaas-Jan Huntelaar ayaa ah nin kale oo diirada u saaran tababaraha Faransiiska ah, halka uu si aad ah u doonayo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.

Chelsea oo qarka u saaran inay 8 milyan kusoo wareegto Markovic.

Chelsea ayaa ku dhow inay ugu dambeyn 8 milyan oo ginni kula soo saxiixato  18-jirka qaranka Serbia Lazar Markovic, sida uu qoray Daily Mail.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa door muuqda ka ciyaarayey xulkiisa wuxuuna bishii lasoo dhaafay gool ka dhaliyey xulka Chile ciyaar saxiibtinimo.

Sidoo kale wuxuu lix gool 12 kulan u dhaliyey kooxdiisa, Partizan Belgrade, xilli ciyaareedkaan.

Liverpool, Arsenal iyo Inter Milan ayaa dhamaandood wada xaajood kula jiray Partizan, iyadoo ay xidigaan ku rabto 14 milyan oo ginni. Si kastaba, Chelsea ayaa ah halka uu door bidayo xidigaani.

Chelsea ayaa sidoo kale wadahadalo isbuucaan la yeelan ciyaartoyda diirada u saaran inta ay joogto dalka Japan.

Weeraryahanka Bayer Leverkusen Andre Schurrle, mishiinka goolasha Atletico Madrid Radamel Falcao, xidiga Real Madrid Gonzalo Higuain iyo weeraryahank Newcastle Demba Ba ayaa ah kuwa ay dhamaantood dooneyso Blues.

Messi: Iniesta ayaa u qalma inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

Lionel Messi ayaa aaminsan inuu saxiibkiisa Andres Iniesta u qalmo ku guuleysiga Ballon d’Or ka dib markii ay Barcelona 2-1 ku garaacday kooxda Betis axadii.

Weeraryahanka ayaa labada gool isagu u dhaliyey kooxdiisa kulankii ay wajaheen Andalusians wuxuuna sidaas ku noqday gool dhaliyaha ugu sareeya hal sano isagoo dhaliyey goolkiisii 86-aad, wuxuuna jebiyey Rikoorkii Gerd Muller ee ahaa 85 gool oo hal sano ah.

Si kastaba, Messi ayaa amaanay saaxiibkiisa ee ay isku kooxda yihiin Blaugrana kaasoo caawiye ka ahaa labadiisii goo lee Betis.

“Maskaxdeyda kama bixin in Ballon d’Or la siiyi Andres,” ayuu yiri 25-jirkaani. “Wuxuu u qalmaa sababtuna waa sida uu u ciyaaro iyo waxay ay asxaabtiisa kooxdu sameeyaan.”

Halkaan hoose ka daawo 86-dii ee uu sanadkaan dhaliyey Lionel Messi.
[youtube http://www.youtube.com/watch?v=GQN0jeX07eo]

Jaaliyada Balcad ee Holland oo Soo dhaweysay lawareegida Jowhar.

0

Waxgaradka, dhalinyarada iyo Haweynka Ka soo jeeda Degamda Balacad ee gobolka Sh/dhexe oo ku nool wadanka Nederlands ,ayaa siweyn u soo dhawey Guushii ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ka soo Hooyeen Gobolka Sh/dhexe gaar ahaan Magaala Madaxda Gobolkaasi ee Jowhar.

C/kariim Xuseen oo ku hadlay Magaca Jaaliyada Balcad ee wadanka Nederlands, ayaa waxaa uu sheegay in Ciimadada Xooga Dalka iyo Kuwa AMISOM ay ugu hanbalyey nayaan Guulihii is daba jooga ahaa ee ay ka gaareen Gobolk Sh/dhexe .

C/kariim Xuseen oo Magaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee Balcad ee wadanka Holland ku hadlayey ,ayaa waxaa uu sheegay in loo bahanyahay in Ciimada Dowlada Soomaaliyeed ay san niyad jabin oo ay sii wadaan Howlahooda ay u gu adeegayaan Shacbka Somaaliyeed.

C/kariim ayaa hanbalyada uu u diray Ciidamda Xooga Dalka Soomaaliyeed ka sakoow waxaa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Sh/dhexe in laga dulqaado Shacabka reer Balcada Ciidmada Duldhooban oo loo kaxeeyo Goobaha Shaabaka laga saaray Lana Geeyo Balacad Booliska iyo Ciidamada Nabad sugida si loo sugo Amaanka Shacabka.

“ Shacbka Balcad waa Shacab Nabadeed oo aan Rabin Dagaal iyo Fowdo waxaana maalmahaan Balcad ka jiray isqabqabsi u dhaxeeya Maamulka Balcad iyo Kan Gobolka taasina waa wax aan wanaagsaneyn oo loo baahanyahay in laga digtoonaado Ciidamda Meshaa joogana Laga rarao” ayuu Yiri C.kariim Xuseen.

Ugudanbeytii Waxgaradka,Haweynka iyo Dhalinyarda Reer Balcad ee Holland ,ayaa waxaa ay ku baaqeen in dadka Reer Balcad laga taageero dhankasta gaar ahaan Dhanka Tacabka beeraha si ay wax u soo saartaan madaama ay san heysanin Tasiilaad kii ku haboona wax soo saarka..

Raddin Shubbaha: Islamku ma amro liwaadka (Difaaca Nebiga NNKH)

Qormadani waxay daba taal qormooyin taxane ahaa oo lagu raddinayay shubahaatka lagu marin habaabiyey makasta iyo caamada ummaddeenna Soomaaliyeed, waana duullaan mudan in cilmi iyo caqli looga hor tagaa oo kirishtaha uu nagu soo qaaday, si uu u fasahaadiya dadkeenna aanan dhigaalka waligood marin dhawaq uun mooyaane. Qormadani waa taxanaha silsiladdii lixaad ee aynu ku raddineyna nin magaciisa ku sheegay Hassan Colhaye, oo siduu sheegtay ka laabtay diinta Islaamka, su’aalo badan oo shubbaha ahina inoo soo gudbiyey.

Ma mudneyn inaan u jawaabno hadduuna ahaan lahayn qof jaahil ah oo dhanka caqliga iyo cilmigaba ka arradan. Taas ayaana inagu qasabtay inaanan waxba ka hagran oo aan u hiillina, si lacalla ay dhacda inuu Ilaahay hanuuniya oo ka badbaadiya cadaabta uu kusii jeeda.

Qodobka aynu maanta raddineyna ayaa ah qoraal uu inoosoo direy oo runtii u muuqday aflagaaddo, laakiin afka waala qurxiyaaye waan yara qurxiyey ciwaanka. Aad baan ula yaabay waxa uu ina weydiinaya markaan arkay, laakiin waxaan weydiiyey halka uu waxani ka keenay. Waxaan islahaa malaa wuu xishoon doonaa oo waxba jawaab kuma siin doono, maadama aan hubo in Islaamku waxani sal iyo raad aanay ku lahayn. Laakiin shaqsigu waaba mid ii dhinnaa asagoo kale weligey intaan noolaa. Waa noole ku indha adag jahligiisa oo xishood la’aan maanta heerkii ugu xumaa soo bandhigey. Wuu soo qoray maraajiic uu leeyahay halkan ayaan kasoo xigtay waxaas oo dhan. Sida uu leeyahay waa aayado Quraan ah, iyo axaadiis waxa uu sheegaya inuu ka soo xigtay oo daliil ahaan uu wata.Arrinta uu inoosoo qorey waxay ahayd, ”Muxammad (NNKH) wuxuu sheegay in Jannada lagu helaya liwaad jinsi (qaniisnimo)!!. Sidee buu qofkaasi nebi ku noqon karaa? Diintanse sidee bay diin xaq ah u noqon kartaa”?

Waa kan halka aan kasoo xigtay,

Q52:24; Q56:17-18; Q76:19; Q78:31-34; Q37:48; Q44:54; Q52:17-20; Q56:36-37; Q55:56-58; Q55:72-77; Q56:36-38; Q44:54; Q37:40; Q52:17; Q52:21; Q55:46; Q55:62; Q56:13; Q56:33; Q78:31; Q76:19; SB (Sahih Bukhari)6:402; SB4:544; Al-Tirmizi Buugga 2aad, b 35-40; Al-Tirmizi Buugga 2aad, 2562; 2536; Ibn Majah 5:4337
Si fiican u eeg maraajiicda aan kasoo xigtay, weliba caqliga isticmaal, Muxammad (NNKH) marna ma noqon karo nebi Alle”? ayuu yiri.
________________________
Runtii kula yaabi mahaya annigu Colhayow!!, laakiin waan hubbaa umaddii aqrisa waxyaabaha aad lasoo shirtagtay oo shubbaha ah inay kula yaabi doonto. Adiguse isla yaabi weyday, saa maxaa yeelay qofkii cilmi iyo caqli leh ayaa isla yaabo. Halkan marka aad soo bandhigtay halka aad leedahay waan kasoo  xigtay kuma aadan ekaan cilmiga aad kusoo xigataye, adigoo saan tiranaya oo isla quman yaa  waxaad tiri caqliga isticmaal. Aan mid kuweydiiyee siidee buu caqligaada adiga kuu siiyey in wax aanan jirin aad sooqorto?Waxaad tiri Q52:24, bimacnaa suuradda 52d aayadda 24 ayaa sheegeysa in Jannada lagu samayn doono liwaad (galmo qaniiseed).Aayadda kujirta suuradda 52d (suuradda Ad- Duur) ee 24d ma oranaysa in liwaad jinsi lagu samayn doono Jannada. Balse aayaddu waa tan waxay oranaysaaQuraan 52: 24d ‘‘Waxaa u adeegi (ahlu Jannaha) wiilal aad mooddo jowhar la dhowray”.

Haddii wiil uu kuu adeego, ma waxay ka dhigan tahay in liwaad uu yaal halkaas? Ka warranse xertii Ciise u adeegi jirtay ee amarradiisa fulin jirtay ee Baybalku uu xusay? Iyagu ma waxay sameyn jireen liwaad?Ka warran Daa’uud kii u shaqeyn jirey Saa’uul (Daaluut)? Ma wuxuu samayn jirey liwaad? Muuse wuxuu adeega u ahaa una shaqeyn jirey Yetroon kii reer Midyaan muddo 8 ilaa 10 sano ah. Isagu ma wuxuu samayn jirey liwaad jinsi?Yacquub abtigii Laabaan in ku dhaw 20 sano miyaanu u shaqeyn jirey oo kadib uu ku darin labadiisii gabdhood Liyaa iyo Raaxiil. Aqri Genises kitaabka kowaad ee Baybalka qisada markuu Yacquub ka baxsaday walaalkiis Ciisow si aanu u dilin.Caqliga aad kaasha i tiri waa kaa xaqiiqada beentaada bannaanka keenaya kuguna fadeexeynaya. Adigu miyaadan aqoonba u lahayn aqrinta, mise sidii aan horey usoo sheegey dhawaq uun baad soo maqashay, numberradana sida looqora waalagu soo baray?

Q52: 24d, ma oranaysa waxa aad sheegtay iyo wax u dhaw, balse waxay sheegeysaa adeegid oo keliya. Dunidana maanta waala isu adeegaa.Aayadda labaad ee aad tiri waan soo daliishaday waxay daba taal tan hadda waana tan sida ay kitaabka ugu taalQuraanka 56: 17d- 18d. Waa suuradda 56d (Al Waaqicah) aayadaha 17 illaa 18. Waxay oranayaan sidan

Al Waaqicah: 17- 18 ”Waxay la dhex wareegi wiilal waari koobab iyo kidhliyo iyo weelal uu ka buuxo macmacaan socda”. 

Isku yara khajal’ee, ma halkan baa waxaad uga jeeddaa liwaad? Maxaa ku heley oo ma caqliga iyo araggay kaa siibeen? Mise balaa ku asiibtay, oo dhoohnaan baad u saaxiib tahay? Waan hubaa inaadan weligaa aayaddaasi aqrinin, laakiin number warqad laguugu dhigey ayaad diinta uga baxday iyo been laguu sheegey. Jaahillimada caqli yari baa kuu dheer, wixii lagaaga duceeyaba waxaa yar inaad caqli ku badbaadda. Lakiin naxariista iyo raxmadda Alle waa suurto gal inaad uga badbaadda dariiqa aad kusocota oo aad kunoqoto diintaada naxariista iyo wanaagga badan. Caqlise lagaama fisho inaad wax ku qaadato haddiiba sidan aad tahay.

Aayaddahan labada ahi waxayba caddeynayaan wixii ay ilmaha la wareegayeen oo ah weelal iyo kidhliya ay macmacaan kujiraan.

Maqaayadaha waddamada aynu ku noollahay sow kama shaqeeyaan wiilal? Ma waxay ka dhigan tahay in lagu sameeyo liwaad? Waa suurtowdaa waddamadan in laga hela dad liwaadka sameeya, maadaama ay reer galbeedku dhigteen shuruuc u fasaxaysa liwaadka. Laakiin Islaamku wuxuu qabaa qofkii fala liwaad iyo kii lagu falaba in la dilo, ka warran arrinkaasi? Halka Masiixiyadda ay liwaadku ogalaaneysa Islaamku ma ogolo, wuxuuna ku xukminayaa in la dila qofka sidaasi sameeya.

Aayaddaha xiga aayadda saddexaad ee aad soo qortay waa aayadda 19d ee suuradda 76d.Suuradda 76d (Al Insaan): 19 ”Waxaa u adeegi wiilal waari oo aad mooddo haddaad aragto jowhar la saydhay (bimacnaa waa qurqurxoonyahiin)”.

Yuusuf asagoo ahaa shaqsigii ugu quruxda badnaa oo quruxdii koonka badhkeed la siiyey, sow kama shaqeyn jirin gurigii boqorka ee Masar Qitfiir ina Ruuxiib. Baybalku miyaadan weligaa aqrinin? Ma wuxuu samayn jirey liwaad, mise lagu samayn jirey? Xukun xumidaa oo caqli yaridaa?

Aayadahanse ma wax aanan adeegid ahayn bay ka sheekeynayaan sida marti qaad oo kale. Haddii maantayto laguu soo martiya oo cunnooyin kala nooc nooc ah aad martidaada u diyaariso, wiilashaaduna waad u lebbiseysaa sidii horey loogu yaqaannay maahe si kale si aanay martidaada kuugu fadeexeyn, oo qurux baad ka dhigeysaa tintana waad u feedheysaa (shanleyn), dabeetana waxaad ku oranaysaa ordayoo adeer u geeya qaxwada/shaaha, bunka, keek-ga, sokorta. Weydii adeer maxaan kuu keenaa dheh!! iyo eraya lamid ah. Waa dhacdaa in badan xaaladdan xilliyada martida. Marka taasi ma waxay kadhigan tahay in gurigaada lagu sameeyo fal liwaad? Meeyay caqligaadi?

Aayadaha xiga ee aad leedahay waan soo daliishaday waa aayadaha 31d illaa 34d ee suuradda 78d. Waana sidan sida ay u qoran yahiin

Quraanka 78 (An Naba): 31d- 34d ”Kuwa Eebbe ka dhowrsada waxay leeyahiin liibaanid. Beera iyo cinabyana wey heli doonaan. Waxayna guursan doonaan haween da’yar oo isla eg. Waxayna heli cabbid wanaagsan”.

Dhoohane ma halkaan ayaad uga jeeddaa hal erey oo tilmaamaya liwaad, mise xataa waxaad uga jeeddaa niman niman kale lagu lamaanaya? Maxaa ku heley dhoohane, sow aayaduhu ma tilmaamayaan in ahlu Jannuhu yahiin kuwa liibaanay, ee ka badbaadaya dhibaatada, Allena u guurin doono gabdha isku da’ ah oo dhalinyar, oo qurxoon?

Waxa aad sheegeysaa oo idil iyo aayadaha aad soo daliishanaysa, waan hubaa inaad warqad xun oo lagugu sirey aad kasoo minguurineysa, adigoonan waxba aqoon u lahayn, weligaana aanan arag aayadahan dhankaad u hadashay maahee, dhan kale oo kasoo horjeeda u hadlaya.

Ma is dareemeysid xataa, Ilaahay wuxuu kugu fadeexeynayaa aayadaha aad is tiraahda ayaga soo daliisha oo Islaamka wax uga sheeg. War hooy ha ku daalin, diinta Islaamka waa diin dahiran oo Ilaahay dhamaystirey, masaaniiddeeda sharciga iyo kitaabkeeda Quraanka, waa wax aanan nusqaan haba yaraatee lahayn. Kuwii adiga kaa horreeyey oo cilmiga sayniska, kan xisaabta, kan diimaha, kan Towraadda, kan Injiilka, kan luuqadaha iyo Geology-ga iwm yaqaanay, baa inta ku wareeray inay wax ka sheegaan diintan dahirsan iyo inay Islaamku duraan aakhirkii wada Islaamaya, oo qiraya xaqnimada Muxammad (NNKH), macadallaah iska daa adigoonan haba yaraatee waxba dhigin waxba akhrinin, oo youtube iyo warqad lagu soo siiyey ku kadsoomay, kadibna intaa aanan ku harine isla sii quman, oo ismoodsiinaya beentii laguu sheegay inay wax ka jiraan.

Qalbigaaga ayaa kuu sheegaya maalintii aad ka baxday Islaamka iyo maanta sida aad tahay, sidaas haddii aad kudhimataana cadaab olal badan ayaa kuu dambeyn doonto, haddaadan ka toobad keenin inta aad haysata fursadda nolasha. Ma ahan wax la iska oranaya xaqiiqadaasi, laakiin caddeymaha Muxammad (NNKH) uu la yimid ayaa kuu caddeynaya taas, oo cid dafiri kartaahi aanay jirin maanta.

Wax waliba oo aan aniga kuusoo qoro marjac iyo dib unoqosho ayay leeyahiin, laakiin waxa aad adiga iisoo qorta waa hadal ra’yi ah (oo weliba shubbaha ah) ama, marjac khaldan oo ka hor imanaya waxa aad oranaysa oo asaga kuu jawaabaya intaanan aniga kuu jawaabin. Taana waxaa usabab ah, maba aqrineysid waxa aad marjac ahaan usoo qaadanaysid. Waxaanay taasi caddeyneysaa heerka aad maanta baadida iyo jahliga ka joogta iyo meesha aad cidla ciirsiga taagan tahay. Nafta intayse kugu jirtaad moog tahay naarta Alle ee xanuunka badan, haddaadan toobad keenin.

Aayadda xigta ee aad soo daliishatay waa aayadda 48d ee suuradda 37d (As- Saafaat). Waxayna oranaysaa sidan

Quraanka 37 (As-Saafat): 48d  ”Agtoodana waxaa ahaan doono haween dhowrsoon oo indha waaweyn”.

Waa su’aale goormay haweenka dhowrsoon oo la guursadaahi ay noqotay liwaad (qaniisnimo/nin nin utago)?Aayadda xigtee aad soo daliishatay 54d ee suuradda 44d (Ad- Dukhaan). Waxay oranaysaa sida tan
Quraanka 44 (Ad- Dukhaan): 54d ”Sidaas oo kale waxaa u sugnaaday haween indho waaweyn (xuurulceyn)”.

Ma xuurulceyn la siinaya ehlu Jannaha darteed ayaad diinta Islaamka uga baxday? Oo ma haweenkaad neceb tahay adiga? Sidaas hadday tahay liwaadkaba waa xaggaaga? Saa waa wax aad adiga soo iqtiraacatay oo aanan diinta sal kulahayn. Laasim wax walbood sheegta haddii halka aad ku sheegtay aanay ku sugneen inaad adigu waxaasi tahay waa khasab. Ma ahan inaan aniga ku oranaya waad tahay, laakiin waa qaacidda caddaaladeed oo tilmaamaysa wax walbood qof ku tuhunta haddaanu ahayn oo beri yahay in adiga ay waxaasi kugu soo laabtaan, maadama ay maskaxdaadu waxaasi suureysatay, markaan qaacidadaasi raacnana adigaa istiriye aniga kuma oran.

Aayadda kalee aad usoo daliishatay Jannada inay taal liwaad waa aayadaha 17 illaa 20 ee suuradda 52. Ma aqaan mar kale waxa aad suuraddan ugu soo celisay oo aadan markii hore ee aad xustay iyada aanad u xusin aayadahan. Waa suuradda Ad- Duur. Waxay aayadahani oranayaan aad soo daliishatay

Quraanka 52 (Ad- Duur) 17- 20d ”Kuwa Ilaahay ka dhowrsada (ka cabsada ee caabbuda amarradiisana fuliya) waxay gelin doonaan Jannooyin iyo nimco. Iyagoo ku raaxaysanaya waxa uu Rabbigoodu siiyey, Ilaahayna wuxuu ka dhowray caddibaadda Jaxiimada. (Waxaa lagu oran doonaa) Cabba adinkoo shifeysan camalkiinnii dartiisa. Idinkoo ku dangiiga sariira la safay, waxaanuna (Ilaahay uu) u guurin doonaa haween Jannaad (Xuurulceynta)”.

Wagar!!, tacliiq uma baahno halkan, saa aayadahan ayaaba ku xukminaya adiga iyo waxa aad sheegtayba. Qaanuunka caddaaladda haddii lagugu xukmin lahaa daldalaad baad mudnaan lahayd, waayo waxaa ceeb iyo been abuur kuugu filan marka aad kitaabka Ilaahay wax beena ka sheegta oo aad foolxumadaada haddana aayadda aad soo daliishata ay tiraahda wax caksi ku ah waxa aad sheegeysay. Waayo aayaddani waxay sheegtay in dumar xuurul ceyn ah lasiin doono ragga ahlu Jannaha ah. Taasoo kasoo horjeedda falkii foosha xumaa ee caqligaaga liita uu suureystay ama laguu soo aqriyey.

Aayadaha kaloo idil waa lamid waxa aad soo daliishatay, waxaanna ku amrayaa inaad adiga wada aqrisa mar kale, ma filaya aniga inaad adigu marna caqligaada dartiis adigoo kaashana aad khajili doonto marka aad dib isugu laabato, laakiin towfiiqda Alle darteed laga yaabaa inaad ku hanuunto oo Raxmadda Rabbi ay qalbigaadu taabato. Waa kuwan aayadaha kalee aad soo daliishatay oo dhan. Anigaa kuu fududeynaya mar kale si aad u aqrisato, ayagoo weliba turjumaad Af Soomaali ah. Bal kasoo saar waxa qurunka ee ay maskaxdaadu sawiratay halkan. Mar kalena ogoow!! in fadeexad ay tan kuugu filan tahay markii aayadihii aad soo daliishatay ay ku xukmiyaan iyagoo kasoo horjeeda wixii aad sheegeysay ama aad usoo daliishatay.

Q56: 36- 37 (Al Waaqicah: 36-37d): Waxaana ka dhigi iyaga (hunna- yacni dumarka xuurulceynta ah) kuwa aanan la taaban. Oo ay is jecel yahiin (raggooda).

Q55: 56- 58 (Al Raxmaan: 56- 58d.): Jannooyinka iyo firaashka waxaa kusugan haween indhawaaweyn oo dhowrsoon, oo uuna taaban hortood jinni iyo insi midna.

Q55: 72- 77d (Al Raxmaan: 72- 77d): Waa haween indho cad oo gurigooda jooga. Nicmooyinka Eebbe tee baad beenineysaan? Waa haween uusan horay u taaban insi iyo jinni midna. Nicmooyinka Eebbe tee baad beenineysaan? Waxay ehlu Jannaha ku dangiigsan barkimo cagaaran iyo gogal qurux badan. Nicmooyinka Eebbe tee baad beenineysaan.

56: 37: 40 (As- Saafaat: 40): Addoomada san ee Eebbe xumaan ma arkaan.

Q52: 17 (Al Dhuur: 17): Kuwa Ilaahay ka dhowrsaday waxay geli Jannooyin iyo nimco.

Q55: 46 (Al Raxmaan: 46): Qofkii ka cabsada Alle hor istaaggiisa wuxuu mudan doonaa labo Janno.

Q55: 62 (Al Raxmaan: 62): Waxay heli doonaan labadaasi Janno kasokow kuwo kale.

Q52: 21 (Al Dhuur: 21): Kuwii xaqa rumeeyay ee carruurtooduna ay iimaanka ku raacday, waxaanu haleeshiin doonnaa carruurtoodii derejo iyo naxariis, camalkooduna waxba kama nusqaamin doonna, qof welibana wixii uu kasbada uun baa u xidhnaan doono rahmad ahaan.

Q56: 13 (Al Waaqicah: 13): Waana koox kamid ah kuwii hore (kuwa lasoo dhaweyn doono Jannada).

Q56: 33 (Al Waaqicah: 33): (Waxay heli doonaan ahlu Jannaha biyo socda iyo faakiha) aanan la goyn doonin abad oo aanan la reebeynin.

Dhanka kale waxaad soo daliishatay axaadiis aanan jirin oo bug ah, iyana waxaan immika kutusi doonnaa hadduu Eebbe idmo caqliyaridaada iyo sida laguu maanhabaabiyey ee aadan fahamsanayn, garasho lagu fahmana lagaa arraday.

Waxaad tiri SB/ 6: 402 ayaa sidaasi oranaya, laakiin saxiixa Al Bukhaari maba ku yaal juska lixaad numberka aad soo sheegtay. Sidoo kale Tirmidi iyo Ibn Maajah iyo numberrada aad soo xustay adigaa lagaa rabaa inaad soo minguurisa siday ugu qoran yahiin haddiiba ay jiraan.

Intaas kadib kaalay ogow waxa uu Islaamka ka yiri liwaadka!!.

Abuu Hureerah waxaa laga soo weriyey in Nebiga Alle (NNKH) uu yiri ”Qofkii fala camalkii reer Luud (liwaadka) iyo kan lagu falayba waa mid lacnadan”, ”saddex goor”. Werin kale waxay leedahay ”Dila kan lagu fala iyo kii falaba”.

Sidoo kale waxaa ka sugnaaday nebiga (NNKH) inuu yiri ”Hala rajmiya kan fala iyo kan lagu falaba”. Labada werinna isma khilaafayaan, waayo rajmintu waa nooc kamid ah dilka.

Sidoo kale Ilaahay oo inooga qisoonaya falkii qoomka Luud lagu halaagay iyo foolxumada camalkaasi wuxuu yiri


قال الله عز وجل:
( العالمين )ولوطا إذ قال لقومه أتأتون الفاحشة ما سبقكم بها من أحد من    
(80:الأعراف )  

”Luudna xus markii uu ku yiri qoomkiisii, ma waxaad la imanaysaan faxisha aanay jirin cid idinkaga hormartay oo kamid ah dadkii caalamka”? Al Acraaf: 80d
Sidoo kale Eebbe isagoo inooga warramaya siduu u dhaleeceeyey falka ay sameeyeen dadkaas iyo fool xumadiisa, wuxuu yiri

”بل أنتم قوم عادون”
 (166 :الشعراء)
”Mayee!! adinka waxaad tihiin qoom xadgudbay!!”. Al Shucaraa: 166dSidoo kale isagoo foolxumada iyo fisqiga falkaasi dadkii sameeyay la hadlaya oo xumaantooda u sheegaya  wuxuu Alle yiri
”بل أنتم قوم مسرفون”
(81:الأعراف)

Isagoo Eebbe innaga inooga warramaya wixii ay sameeyeen iyo siday ahaayeen, si aan jidkooda u marin wuxuu yiri
(إنهم كانوا قوم سوء فاسقين)
(74:الأنبياء)”Iyagu (kuwii falkaas sameeyay) waxay ahaayeen qoom xumaanlayaal ah oo faasiqiina”. Al Anbiyaa: 74d.Wuxuu intaa kadib inooga warramayaa ciqaabtii uu falkaasi foosha xun kasbay, wuxuu Alle asagoo arrinkaasi inooga qisoonaya yiri

)فانظر كيف كان عاقبة المجرمين  
(84:الأعراف)

”Bal eeg siday noqotay cidhibtiii mujrimiinta”. Al Acraaf: 84d.
Culima badan oo Islaam ah ayaa ka hadashay arrinkaas, aayada badan iyo axaadiis dhowr ahna waa lagu xusay, ciqaab ayuuna mutaa camalkaasi Islaamka agtiisa. Waana wax aanan ka suurtoobin qof bini Aadam ah oo caafimaad qaba, oo Islaam ah, oo qalbiga aanan ka jirraneen.Aan mid ku weydiiyee maxaa waddamada reer galbeedka looga dhigay liwaadka mid caadi ah? Maxaa loogu sameeyay meelo ay isku mehersan karaan ragga? Haddii liwaadka aad u arkaysa foolxumo iyo wax xun, maxaa keenay in waddamada masiixiyiinta (reer galbeedka iyo qaar kamida Afrika sida South Afrikka) looga dhigey mid ah ka tahay is guursashada ragga free (xor)?Taas ayaa kuu kala caddeyneysa akhlaaqda Islaamka iyo masiixiyadda, ama aan dhahee diin waliba iyo Islaamka.Islaamku waa diin dahiran waana diin ka sarreysa diimaha oo dhami, waana diintii samawiga ahayd ee ugu dambeysay diimaha Ilaahay uu soo dejiyey.Intaa kadib, kitaabka Baybalka dib ugu laabo…  Muxuu ka yiri liwaadka? Kaalay wax ka ogoow!!.
Boqor Saa’uul ayaa gabadhiisa siinaya Daa’uud yaradna kama uu rabo, laakiin waa inuu reer Falastiin u tagaa oo raggooda in xubinta kasoo jara u keenaa Saa’uul. Daa’uud baa baxaya asagoo arrinkaasi ku faraxsan oo 200 nin kasoo jaraya dabadeedna u geynaya boqorkii oo siinaya haddiyad ahaan wixii uu ka dalbaday markii hore. Markaasaa Daa’uud la siinayaa gabadhii boqorka Miikaal oo sidaasi uu ku noqonayaa wiilkii boqorka soddoga u ahaa. Waakan Baybalka oo qisadaasi foosha xun ee Saa’uul uu ku dalbanaya dhakarta ragga kaaga warramaya…. Subxanallaah!! Samu’el I/ Samu’eelka Kowaad 18: 25d- 27d  

25. Markaasaa Saa’uul wuxuu yidhi, Sidan Daa’uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa’uul wuxuu damcay inuu Daa’uud u gacangeliyo reer Falastiin.

26. Oo addoommadiisiina markay Daa’uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa’uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan;

27. markaasaa Daa’uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa’uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa’uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa’uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.

Ma Daa’uud oo nebi Ilaahay ahaa baa inta u taga ragga reer Falastiin cowradooda feydaya asagoo weliba arrinkaasi ku faraxsan, oo ka jaraya 200 oo nin dhakartooda, dabadeedna u haddiyeynaya boqorka oo siinaya? Subxanallaah!!. Haddii uu Daa’uud sidaasi falay muxuu ku kasbaday martabadda lagu weyneeya maanta ee Baybalka dhexdiisa, loona yiraahdaa waa Nebi Ilaahay? Muxuuse boqor Saa’uul falkaasi u amray, kuna dalbaday in loo keeno dhakartooda ragga reer Falastiin?Kee baa nebi ah Muxammadka (NNKH) la yimid kitaab oranaya ragga ahlu Jannuhu waxay heli doonaan dumar xuurulcayn ah ee aad ku dhaleeceyneysa, iyo Daa’uudka aad leedahay waa nebi ee 200 nin dhakartooda inta feyday asagoo weliba faraxsan inta soo jaray soo qaaday u geeyay boqor Saa’uul? Haddii Daa’uudka sidaa falay aad aaminsan tahay inuu ahaa nebi Ilaahay, sow nebi Muxammad (NNKH) ma noqonaya nebigii ugu akhlaaqda badnaa nebiyada oo dhan?

Subxanallaah!! way ka hufan yahiin nebiyadii Alle waxa aad ku sheegteen. Daa’uud Ilaahay Quraanka wuu ku sharfay.

Wuxuu Ilaahay magaca Daa’uud ku xusay 16 mar, marwelibana waa mar uu Ilaahay amaanaaya, halka Baybalka inta meel ee Daa’uud lagu xusayba ay tahay xilli la oranay wuxuu jeclaaday wiilkii la oran jirey Yoonataan, xilli la oranaya Rabbigaa u carooday, xilli la oranay niman cowradooduu feyday oo uu soo jaray, xilli la oranaya dad buu xasuuqay, mar uu ka sineystay jaariyad u joogtay, xilli la oranaya gabadh aad u yar oo bikro ah ayaa xabadka loogu seexin jiray intaanu dhiman si uu diirimaad kulul u helo. Amuurtaas oo idil Baybalka ayay ku taal. Laakiin bal kaalay eeg inta aayadood ee Quraanka Ilaahay magaciisa ku xusay iyo siduu u  amaanay.

{فَهَزَمُوهُمْ بِإِذْنِ اللَّهِ وَقَتَلَ دَاوُودُ جَالُوتَ وَآتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَهُ مِمَّا يَشَاءُ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُمْ بِبَعْضٍ لَفَسَدَتِ الْأَرْضُ وَلَكِنَّ اللَّهَ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْعَالَمِينَ} [البقرة : 251]


{إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَى نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِنْ بَعْدِهِ وَأَوْحَيْنَا إِلَى إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَعِيسَى وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَارُونَ وَسُلَيْمَانَ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا} [النساء : 163]

{لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ذَلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ} [المائدة : 78]

{وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ كُلًّا هَدَيْنَا وَنُوحًا هَدَيْنَا مِنْ قَبْلُ وَمِنْ ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَى وَهَارُونَ وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ} [الأنعام : 84]

{وَرَبُّكَ أَعْلَمُ بِمَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَقَدْ فَضَّلْنَا بَعْضَ النَّبِيِّينَ عَلَى بَعْضٍ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا} [الإسراء : 55]

{وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ} [الأنبياء : 78]

{فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ وَكُنَّا فَاعِلِينَ} [الأنبياء : 79]

{وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ عِلْمًا وَقَالَا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي فَضَّلَنَا عَلَى كَثِيرٍ مِنْ عِبَادِهِ الْمُؤْمِنِينَ} [النمل : 15]

{وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنْطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِنْ كُلِّ شَيْءٍ إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ} [النمل : 16]

{وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ وَالطَّيْرَ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ} [سبأ : 10]

{يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِنْ مَحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَاسِيَاتٍ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا وَقَلِيلٌ مِنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ} [سبأ : 13]

{اصْبِرْ عَلَى مَا يَقُولُونَ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُودَ ذَا الْأَيْدِ إِنَّهُ أَوَّابٌ} [ص : 17]

{إِذْ دَخَلُوا عَلَى دَاوُودَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ قَالُوا لَا تَخَفْ خَصْمَانِ بَغَى بَعْضُنَا عَلَى بَعْضٍ فَاحْكُمْ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَاهْدِنَا إِلَى سَوَاءِ الصِّرَاطِ} [ص : 22]
{قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَى نِعَاجِهِ وَإِنَّ كَثِيرًا مِنَ الْخُلَطَاءِ لَيَبْغِي بَعْضُهُمْ عَلَى بَعْضٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَقَلِيلٌ مَا هُمْ وَظَنَّ دَاوُودُ أَنَّمَا
فَتَنَّاهُ فَاسْتَغْفَرَ رَبَّهُ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ} [ص : 24]
{يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُمْ بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَى فَيُضِلَّكَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ} [ص :
26]
{وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ نِعْمَ الْعَبْدُ إِنَّهُ أَوَّابٌ} [ص : 30].
Wax dibadda yaal (dhakarta dibadda ayay taal) oo nin intay galaan nijaaseyn kara malahan wuxuu doonaba ha noqdaan, laakiin ninkaas wax kasoo baxay hadday isla isaga galaan waa nijaas. Bimacnaa dhakarta nin kale ee banaanka taal nin kale ma nijaaseyn karta hadday gasha. Waa kan Baybalka oo arrintaasi kuu qeexaya bal eeg.
Mark/ Markoos 7: 15d

15. Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn kara, laakiin waxa isagaka soo baxa kuwaasaa waxa nijaaseeya.Waxa isaga kasoo baxa ayaa isaga nijaaseyn kara, bimacnaa matagga, kaadida iyo saxarada, laakiin wax kale oo banaanka yaal oo nin kale kasoo baxay haddii asaga la dhex geliya ma nijaaseynayaan. Subxanallaah!!

Waa yaab iyo amakaag!! bal is xukumi, isuna eeg Islaamka iyo Masiixiyadda. Waxaad kusocotaa dariiq khaldan, oo naar kusii jeeda ee ka waantow oo intaad nooshay xaqa ulaabo. Ilaahay xaqa ha kuu celiya xaggiisa hana kaa badbaadiya naarta holaca badan.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.

Saddex (3) nooc oo ay u kala baxaan ragga xaasaska qaba (Kala baro)

1- Nin la aaminay: Yacni waa nin hadii farta afka loo galiyyo qaniinyo iska daayee aan bishinta saarreyn! waa sida Baarri, gabadhii ka soo hor baxda ama tii baacsata jidka ayuu u banneeyaa wuxuu qalbiga iska leeyahay “aaminadii ha dhaawicin”.

Mar ALLA marka qorraxdu dhacdo ayu u sida digaagi dhankii guriga jiro usoo carraabaa. haweenka ay qabaan ragga caynkan ah waa yaqaanan oo kama shakiyaan… waa aamin oo kalsooni badan ayaa xagiisa jirta, waliba isagoo bac hadiyad ama adeeg dadaaminaya ayuu guriga ilinka ka soo gallaa.

Hadii telefoon uu ku hadlo lama yiraahdo “oo yaad la hadleysay…?”, hadii uu e-mail ama lap top ku fooraro, inta garabka la qabsado oo madaxa garka meesha ugu hooseysa la saaro isha laguma xado oo lama eego in e-mailka ama Internet-ka uu ugu jiro hasaawe hablood.Gabadha ninkaasi u dhaxda kalsooni ay isku qabto, haweenku marka ay ka sheekaysanayaan innan rag mid ka mid ah oo gabar silic iyo saxariir baday oo mid cusub ka raacey, iyadu cidada (cijida) ayay hoos isugu jabisaa, markaasi ayay tiraahdaa “Walee hebelka guriga ii jooga ragg ma dhaafsado ALLA kii ragg ahaa muxuu kala duwan yahay”.2- Nin la dhaariyey: Yacni marbuu inta xiniinya is biday oo sida gabdhaha loola sheekeysto ama loo shukaansado jelleecay. Laakiin nasiib xumo Inta la ogaadaybaa la qabtay xooggaanna la gil-gilay.
Dhaarbuu inta xaabiyey ayuu kibaatka qur’aanka dusha ka marey, isgaoo ku calaalaya “macaaney waxaasi waxba kama jiraan, ma aniggaa naag kale fiirin kara, ALLA maxay been kuu sheegeen”, isagoo dhidid ka da’ayo oo niyada iska leh reerkan iyo caruurta ha dayacin, ayna u sii dheer tahay masuuliyad uu isa saarayo ayuu haddana ku celiyey “Xabiibti run haddaan kuu sheego damac dumar iguma jiro ee ilmaha aan wada korsanno adigunna iga daa kalar qabsiga oo isku xishood..!!!.

Laakiin nasiib xumo sidaasi loogama harine inta kitaab la soo qabtey ayaa lagu yiri “hadii aad daacad tahay oo warka lagaa sheegayo aannu jirrin, ii dhaaro”.

Macalinkii geesaha ayuu fiiriyey, wuxuu yiri.. “maxaan kuugu dhaartaa”…?, Macalimadii neef ayaa ka soo fuqdey, waxayna niyada iska tiri …Yessss “maanta ayay ii gashay” waxay si fudud u tiri “Iidhaarro inaadan naag ila guursan doonin.

Xariifkii filimkii uu tigidka u goostey “The END” oo far waa weyn ayaa u soo qorantey, wuxuuna xuf ka siiyey kibaatkii waliba wuxuu yiri “Waxaan ku dhaarranayaa inaan guursan doonin inta wajigan quruxda badan” {inta gacanta dhabanka gabadhii ka saarey}“inta ay subax kasta sariirteenna ka soo toosayso”.

Ninkaasi halkaasi ayuu ku noqdey nin dhaarsan, gees iyo gees ma fiiriyo, wuxuuna is leeyahay “armuu kitaabkii aad liqdey ku qabtaa”.

3- Nin laga quustay: Kani waa raggeedii, ragganimo ayuu meel dhigtey sida asxaab badan aamisan yihiin in uu yahay nin raggeedii ah. Bishii ugu horreysayba ee uu guursadey naaga kale raadinteed buu ku jirey. Ninkani waa damac badan yahay garbasaar ama gambo madax saaran oo kasta oo uu arko dhugmo dheer ayuu ku egaa. Gabadhii agtiisa martanna isha ayuu ku xadaa had iyo goor isaga iyo dumar wax uunbaa ka dhaxeeya oo makala dhamaadaan.

Ninkani waa farsamo yaqaan sare, wuxuu ku dheeraayaa habka loo soo xero galiyo hablaha xaaskiisu waxaa sida qoraxdu u soo baxdo aroor kasta loogu keenaa: {WAR DEG DEG AH}: “hebel ayaa guri heblaayo lagu sheegay, gaarigiisa heblaayo ayaa saarneyd iyo hadalo kale o oo baddan oo ay ehel iyo daris la noqotey.

Ninkani xaaskiisa habeenkii markii uu u yimaado hadii uu shaati cad sito rooseetada (lipstick-ga) ka buuxda waxaa la is oran karaa gabar aroos ah miyuu Bulkiyeer ahaan ugu shaqeeyey, catarka iyo baruunka ka soo baxayanna waxaa la is leeyahay dukaan udugga lagu gado ayuu 48 saac ku hoyday.

Xaaskiiisu su’aallo waydiin way ka daashay sida wariye barnaamij dood ah qabta 24-kii saacba waxay waydiisaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin “Shaatigaaga kulligeetigga waxa ka guduudan ee ka buuxa maxay yihiin”….Xiligan intee ka socotaa…telefoonkaaga maxaa ku dhacay….guriga heblaayo maxaad ka qabanaysay, codka dumar ee aad la hadlayso muxuu yahay…?…iyo kuwa kale oo badan..!!!..mar marka qaar iyadoo og arimo fara badan waxay su’aalahan u waydiinaysaa si ay qalbigeedda u qaboojis ah oo ay isaga dabcinayso ciilka iyo caradda…ogow su’aalaha qaarkood si hoose ayey u waydiinaysaa oo caro iyo xanaaq uma quurto oo waxay ka baqaysaa in uu furka tuurto.. waliba iyadoo casho u diyaarinaysa.

Laakiin Ninkan xaniinyaha badan sida asxaab badan aamisan yihiin gurri dumis wuxuu u jiraa intii uu ka hindhiso masaafo la’eg, caruur hadii uu dhaleyna rag kale ayuu badaa inay adeer u noqdaan ama ay dayacmaan sababta furiinka…hadii kale xaajiyada uu qabo ayaa isku qaboojisa “ISKA SAMIR OO ISKA DULQAADO OO YAANAY KAA DAYACMIN CARUURTAADA”!

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

Wasiirka Warfaafinta: Idaacad ruqsad la’aan kama shaqayn karto Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlaayay xaflad lagu wareejinaayay wasaaradiisa qalab idaacad oo ay soo dhiibtay QM ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan ka shaqayn ka rin idaacad aan ruqsad heesan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wariyaasha lala socon doono wax yaabaha ay ka sheegaan idaacadaha oo aaney jiri doonin idaacad waxa ay rabto hawada ka sheegta.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay diyaarisay shuruucda warbaahinta, dhowaanna ay soo bandhigi doonaan.

Wasiir Ciil mooge ayaa ugu dambeen ugu baaqay milkiileyaasha idaacadaha ku yaalla Muqdisho inay dhowraan shruucda warbaahinta isla markaana lagu dhaqmo.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxa ka howlgala in ka badan 20-idaacaddood kuwaasoo ah FM-yo ay si gaar u lee yihiin shaqsiyaad u badan ganacsato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Boqorada Gaalkacyo {Warbixin}

NAIROBI (Caasimada Online) Markii dagaalka sokeeye ka dilaacay Soomaaliya sannadkii 1991-dii Xaawo Aadan Maxamed waxa ay ka mid ahayd dadkii qoxootiga ee u soo cararay dalka Kenya.

Waxa ay soo gashay safar khatar badan, iyadoo doonni ka soo raacday dekedda Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, waxana ay u soo socotay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Afar maalmood ayaa  badda ay ku soo jirtay, iyadoo doonnida ay la socotay qarka u saarneed in ay qalibmato.

Waxa ay caan ku ahayd magaca “Maama Xaawa”ama “ Boqorada Gaalkacyo” kaddib markii ay magaalada ku nooleed, waxa ay ka baaqsatay in cabsi uga tagto shaqada ay ka haysay magaalada.

Waa 63-jir “Wax yeello gooni ah ayaa xasuustaa” ayey u sheegtay shabakadda Trustlaw mar ay dhacdoon yinkaas uga warbixisay toddobaadkii horre magaalada  Nairobi, ee dalka Kenya.

Waxa ay markii ugu horreysay ka hadashay meel dad weyne badan joogeen kaddib markii sannadkan abaal marinta hey’adda UNHCR ay siisay taasoo lagu magacaabo “Nansen Award”

Weli waxaa saameen ku leh dhibka ay soo maartay, waana taas waxa keenay in ay u olaleeyso dumarka dhibaateesan ee Soomaalida ah.
                          “Maxay dareentaa marka uu ilmo yer ooyo”?

“Dagaalka waa ku dhib yahay qof walba… laakin dumar ayuu si weyn u sameeyay,”ayay tiri Maama Xaawa, taasoo wax ku baratay xilligii dowladda Soomaaliya iyadoo jirtay 15-sano sannadkii 1970-kii illaa 1980-kii.

Yaa u orda ilmaha waa dumarka maxaa yeelay waxa ay u raadisaa cunno, taas ayaa la mid ah marka ilmaha uu ooyo in hooyada ay maqasho” ayey tiri.

Maaama Xaawo Maxamed ayaa ka heshay magangalyo waddanka Cannada, halkaasoo ay qoxooti ah ku gashay, waxana ay shaqo ka heshay arrimaha bulshadda.laakin goordambe ayey ku soo laabatay Soomaaliya, waxana iyada dumar kale go’aansadeen in ay wax u qabtaan haweenka.

Sannadkii 1995, waxay ku soo labatay magaalada Kismaayo, waxana ay aas-aastay xarun wax lagu baro dumarka oo lagu magacaabo “Juba Women’s Education Centre” xaruntan waxa loogu talagalay in wax lagu baro dumarka si kor loogu qaado aqoontooda, maadama dumarka Soomaaliya ku nool 70% ay yihiin kuwa aan waxna akhirin waxna qorin.

“Xaalladda dumarka iyo gabdhaha kaliye waxa wax lagu badali karaa aqoonta,”ayey tiri Maama Xaawa .

Sannadkii 2011 ayaa baaritaan ay sameesay shabakadda  TrustLaw waxa ay heshay in Soomaaliya ay ka mid tahay meesha shannaad ee adduunka dumarka aysan awood u helin wax-barashadda.

“Dhaqankeena aad ayuu ugu ciqaabay arrintaas dumarka”iyadoo intaas ku dartay in dhaqanka la badali karo.”

Waxa ay aaminsantahay in dumarka iyo gabdhaha wax bartay ay awood u yeelan karaan siddii ay wax uga badali lahaayeen xaalladda dhibka badan ee lagu jiro.

                   Mar kale ayaa laga burburiyay yoolkii ay lahayd.

Rag hubeysan ayaa dhacay qalabkii ay ku shaqeyneysay Maama Xaawa, markii kooxo qabqablayaal ah ay ku dagaameen magaalada Kismaayo sannadkiio 1999-kii, waxana ay u carartay waddanka Kenya, laakin mar dambe ayey soo aaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Waxa ay ka dhistay magaalada xarunta waxbarashadda, nabadda iyo horrumarka Gaalkacyo  oo loo soo gaabiyo (GECPD).

Tan iyo markii ay albaabada u furtay,  xarunta GECPD waxay caawusay in ka badan  215,000 oo ah dadka soo barakacay iyo dhibanayaal ku soo wax yeeloobay colaadaha ka jira Soomaaliya.

Xaruntan waxay Iskuul lacag la’aan siiyay gabdhaha ee wax qorin, kuwaasoo fasalo la siiyay, sidoo kale koosooyin wax-barasho ayaa la siiyay.

Tan iyo markii Maama Xaawo timid magaalada Gaalkacyo, tirade gabdhaha helay waxbrashada ee ku nool magaalada waxa ay korartay 7% taasoo u dhigan 40 percent.

 Xigasho : TrustLaw

Waxa Tarjumay Bahda Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

DEG DEG: Dad lagu dilay Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa goordhow waxay labo qof ku toogteen magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay weerrarkaas oo ka dhacay goob dukaan ah oo ku taalla bartamaha magaalada Gaarisa.

Labada qof ee la toogtay ayaa la sheegay in uu ku jiro askari bilays, oo goobta joogay.

Kooxii dilka geestay ayaa durba ka baxsaday goobta, waxana isla markii soo gaaray meesha ciidamo bilays ah oo howlgalo ka sameeyay.

Xaalladda magaalada Gaarisa ayaa la soo sheegayaa in ay caawa kacsantahay, waxana dadka ay ku kala carareen guryahooda sida ay sheegayana dadka goobjoogayaasha ah.

Labo toddobaad ka hor ayaa magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya waxa dab la qabadsiiyay suuqa ugu weyn magaalada ee SUUQ MUGDI, oo hanti badan uu ku gubtay.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Manchester United oo 3-2 ku qaarajisay deriskooda Man City.

Manchester United ayaa ka talaabsatay kooxda ay deriska yihiin ee Manchester City kulankii loogu magaca daray Derbiga Gobolka Manchester. Waxayna dhabarka u saarisay guul darro 3-2 ah.

Weyne Rooneey ayaa ahaa geesiga qeybta hore ee ciyaarta markii uu laba gool United hugaanka ugu dhiibay daqiiqadihii 16 iyo 29 sidaas ayaana lagu kala nastay qeybta hore ee ciyaarta.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa halkeedii kasii socday ciyaarta weerarka iyo weerar celiska ku dhisneyd.

Yaya Touré ayaana gool usoo celiyey Sky Blue inta uusan daqiiqadii 86aad u barbareyn Pablo Zabaleta, waxayna ciyaartu noqotay mid sawaxan badan wixii intaas ka dambeeyey.

Taageerayaasha City ayaana doonayey inay helaan goolka guusha, laakiin waxaa qalad meel u dhow diilinta ganaaxa ku galay Carlos Tevez, laad xor ah ayaana lagu abaal mariyey Red Devils, Robin van Persie ayaana gool u sarifay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.


Wasiirka Maaliyadda oo faah-faahiyay heshiis uu la soo saxiixday Denmark.

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka Maaliyada, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Wasiirka ayaa ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha u raacay dalka Turkiga, wasiirka ayaa safarkiisa Turkiga ka dib soo maray magaalada Nairobi isagoona halkaas kulama kula soo qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dalka Denmark u fadhiya Kenya waxayna labada dowladood kala saxiisdeen heshii is faham ah, waxaaan dowlada Denmark ugu deeqday dalka Soomaaliya Shan Milyan oo doolar ( 5,000,000) lacagtaas oo dowladda Soomaaliya ku bixinayso adeegyada bulshada.

Kadib booqashadii uu ku soo kala bixiyey  dalalka Turkiga iyo Kenya ayaa wasiirku ku soo guryo noqday dalka. Waxaana  garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan, Wasiirka ayaa warfidiyeenada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha isagoona ka warbixiyay safarkiisa.

“ Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta dalka dib ugu soo laabto, Waxaan ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha u raacay dalka Turkiga, booqashadii turkiga kadib waxaan shaqo gaar ah u soo maray dalka Kenya” ayuu yiri wasiirku

Ugu danbayntii Wasiirka Maliyadda ayaa noqday wasiirka ugu shaqada badan golaha wasiiradda oo jiray in ka yar mudo bil ah wuxuuna qaaday talaabooyin kala duwan oo shacabku aad u soo dhaweeyeen. Waxaana ka mid ahaa joojintii lacagihii kala duwanaa oo lagu qaadi jiray Dekeda dhexdeeda iyo isagoo ku amray shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inaysan wax lacag ah ka qaadi karin Ex-Kontrool Afgooyo ka hor intaan la qaadin Isbaaradaas.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub

Mogadishu (Caasimada Online) War saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyadda Somalia oo nuqul ka mid ah ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa lagu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu maanta oo Axad ah la kulmay wafdi ka socda midowga Yurub.

War-saxaafadeedka ay u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socday Midowga Yurub (EU).

Wafdigaas waxaa hogaaminayay Ambassador Alex Rondos oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimmaha Soomaaliya, waxaana ku wehliyay saraakil sar sare oo ka tirsan EU.

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigaas ugu warbixiyay safaradiisii ugu danbeeyay kuwaas uu ku sheegay gogol xaar looguna diyaar garoobayay xiriir dhaqaale iyo mid ku aadan xaga amniga iyo hormarinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in hada Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato beesha caalamka iyo qaasatan dalalka deriska la ah. Madaxweynaha ayaa ugu mahad celiyay EU, sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan dowladda Somaaliya

EU ayaa soo dhaweeyay horumarka hada ka jira Soomaaliya iyo dadaalada ay dowladda ku dooneyso dib usoo celinta, iyo amniga.

– Dhamaad –

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Chelsea oo qarka u saaran inay lasoo wareegto Higuain & Falcao.

Chelseaayaa raadineysa inay weeraryahanka kale kooxda kusoo darto iyadoo Radamel Falcao iyo Gonzalo Higuain ay yihiin kuwa ugu cadcad.

Caawiyaha milkiile Roman Abramovich, Marina Granovskaia, ayaa u duulay Madrid si uu kooxaha ka dhisan caasimada Spain ugula soo hadlo inay ciyaartoydaan ka qaadan karaan bisha Janaayo, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Weeraryahanka Atletico Madrid iyo qaranka Colombian Falcao ayaa ah ninka koowaad ee diirada u saaran Blues waxaana lagu qiimeeyaa 48 milyan oo ginni.

Wargeyska Sunday Telegraph aya qoraaya inuu weeraryahanka xulka Argentina Higuain, oo u ciyaara kooxda ay xafiiltamaan Atletico ee Real Madrid, uu yahay qorshaha kale ee Chelsea.

Real ayaa xiiseyneysa saxiixa Falcao hadii uu u dhaqaaqo weeraryahanka Colombia kooxda Jose Mourinho, Higuain ayaa noqon kara qorshaha ugu haboon ee kooxda galbeedka London.

Weeraryahankaan, oo 25 jir noqonaya berri, ayaan mar walba aheyn dooqa koowaad ee Mourinho, Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo ayaana looga door bidaa inay garoonka kusoo bilowdaan.

Waayadaan wuxuu ku maqnaa dhaawac feysha ah, Chelsea ayaana u baahan weeraryahan kale iyadoo haatan heysata keliya laba weeraryahan, waana Fernando Torres iyo Daniel Sturridge.

Weeraryahanka xulka Spain ayaa soo dhameystay 12-kiisii saacadood ee uusan dhalin gool Premier League ah, wuxuuna kusoo afjaray kulankii shalay ay kooxdiisu dubatay Sunderland oo uu laba gool ka dhaliyey.

Dhan kale, Sturridge ayaa dhaawacyo a tacaalayey iyadoo lala xiriirinayo inuu ka tago Stamford Bridge, Liverpool ayaana macquul ah inuu u wareego.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Man United oo Arsenal iyo Spurs kaga adkaaneysa saxiixa Zaha.

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa 10 milyan oo ginni kusoo qaadan kara ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha, oo 20 jir ah, isagoo doonaya in marka uu Janaayo lasoo wreego uu dib amah ugu siiyo kooxdiisaSelhurstPark. 

Palace ayaa dhegeysaneysa dalabyada saxda ah ee u imaanaya Zaha hadii aysan kusoo bxin tartanka ay ugu soo laabaneyso Premier League.

United ayaa heshiisyo dhowr ah 2010kii ay kooxo isku afgarteen markii ay 8 milyan Chris Smalling kaga soo qaateen Fulham waxayna u ogolaadeen inuu inta xilli ciyaareedkaas ka dhimaneyd usii ciyaaro kooxda Craven Cottage ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin Old Trafford. 

United, Arsenal iyo Spurs ayaa si dhow isjha ugu haaya ciyaaryahankaan kaasoo ka dhexe muuqday ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 20ka sano ee xulka England.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Arsena oo 10 milyan ku dooneysa xidiga Bayern Munich Gustavo.

Arsene Wenger ayaa ku daray ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Bayern Munich Luis Gustavo liiska uu bisha soo aadan ka doonayo suuqa kala iibsiga, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Wenger ayaa hada u baahan inuu kooxdiisa ka dhiso qadka dhexe, ka dib markii uu si  xun ku bilowday xilli ciyaareedkaan. Wuxuuna si aad ah u doonayaa 25-jirkaan qadka dhexe Gustavo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa xulkiisa u ciyaaray laba jeer wuxuuna 12 milyan oo ginni Hoffenheim kaga soo dhaqaaqay kooxda Bayern Munich.

Laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu garoonka kusoo bilowdo inta badan wuxuu doonayaa inuu meel kale u baqoolo.

Isaga iyo tababaraha kooxda Bayern Jupp Heynckes ayaa marar badan is af fahmi waa dhex maray, waxaana hada u gacan haatinaaya tababare Wenger.

Wenger ayaa xidigaan ku darsaday ciyaartoyda uu suuqa ka doonayo bisha Janaayo hadii ay kooxdiisu ka yeesho inuu kaga qaato aduun dhan 10 milyan oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.