26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

FAALLO: HOGGAAN HABBOON IYO HOGGAAMIYE HUBBAN !!!!!!

Hore waxaan u qormay qormo ahayd: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” oo aan ku cabbiray in inta dagaal iyo dirir ka qaybqaadatay aan talo iyo xil naloogu dhiibin, isla sidoo kale aan xil naloogu dhiibin inta musuq iyo is daba marin samaysay. Qormadii xigtayna waxay ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” oo aan ku xarriiqay in aan kuwii xilka hore u soo qabtay aan dib loo soo celin. Haddaba qormadan gunaanadka u ah halbeeggaa, ayaan ku qeexi doonaa HOGGAAN la’aan inaan dhibkan laga baxayn, ee aqris wanaagsan.

Arar

“Muran dawlad noqon waa
Madax noo samayn waa
Manhaj gaara noo diid
Hiddihii mudnaa iyo
In la mooso Dhaqankii
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”       

Waxaan la isku diiddanayn, in MOORYAANKU yahay QASADE dhib uun ka shaqeeya. Labadii meel isugu timaad MOORYAANKA inay isla Nacladaan ma ahane, isagama hor yimaadaan. JIRRUGU inuu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dawlad Soomaaliyeed, xasilooni iyo ammaan in la helo ayaan isku raacsannahay, balse, sidaa ma ahan, ee bal aqriste, waxyar qoraalka hoos u sii raac, aad ogaatide.

Sida labadan qodob la isugu waafaqsan yahay, ayaa waxaa jirta qodob liddi ku ah oo aan soo bandhigayo, anoon meel dheer ka doonayn, oo isla DAYDAYGII tusaale u soo qaadan doona. Haddaan MOORYAAN lahayn HORJOOGE ku haga xumaantaa iyo QOLO ku taageerta miyaa JIRRI dhalan lahaa? Haba dhashee, miyuu dhibkan gaysan lahaa? Ha gaystee, miyuu sii joogtayn lahaa? Haba sii joogteeyee, miyuu noqon lahaa lama taabtaan aan la hurin? Illeen wixii baddalkiisa gali lahaa ayaa meesha ka maqane, oo maxay yihiin? Waa midda aan ku faaqidi doona qormada, ee bal aqriska ha joojin.

Maamul iyo Hoggaan

“Inaan Mayrax diirnoo

Haruub Maraq la’aadoo

Makaabiga la gooyoo

Maamuuska laga tago

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”    

MAAMUL waa: “Hagidda iyo hirgalinta qorshe xilli dhaw ama xilli fog la tiigsanayo”. Dabcan, qorshe maalimeedkuna yahay yoolka koowaad, illeen haddaan iyada la fulin inta kale inay dhaqangalaan waa: CALAACAL TIMA KA SOO BAXAANE! Sida awgeed, maamulkii wanaagsanaadaa, wuxuu helay HOGGAAN, oo haddaa HOGGAANNA muxuu yahay?

HOGGAAMINTU waa: “Unugga isku xira koox, qolo, qayb isku shaqo ah ama dan wadaag ah” sidoo kale, waxaan marna laga maarmin in aan sheego HOGGAAMIYAHA, oo ah unugga aan xusnay qofka gunaddiisa leh. Haddaba HOGGAAMIYE waa: “Qof loo xilsaaray ama isu xilqaamay hagaajinta iyo meelmarinta qorshe nololeedka Aadanaha”. Wuxuu leeyahay meel uu higsanayo, hadaf uu tiigsanayo, ujeeddo uu bartilmaameedsanayo oo ah: Dajinta qorshooyin la xiriira aayaha dambe iyo mustaqbalka foodda inagu soo haya, saadaasha, sahaminta iyo odoroska yool aan hummaaggiisu muuqan, illeen; qorshe la’aani waa nolol la’aane.

In kasta oo casrigan qaab nololeedka dadku aad u hormartay, ay jiraan shuruudo badan oo hoggaanka, hoggaaminta iyo hoggaamiyahaba lagu xiro, haddana, kuwaa iyo kuwa dib ka imaan kara ama kuwo laga gudbayba sida loo nool yahay awgeed, waxaa biyo kama dhibcaan ah, in hoggaamiyaha aan GACAN LAGU SAMAYN, SANDUUQ DOORASHANA laga soo dhex bixin, ee ay tahay ABUURIS iyo BAXAALLI hore, amase DHALSHO iyo GEELADAAQ u gaar ah, oo dabcan ay wehliso WAAYO ARAGNIMO iyo KHIBRAD nololeed, bal murtidan dhuux: “Dadku waa : Madax ku Cirroole [Waayeel] Maan ku Cirroole [Waayo arag] iyo Mijo ku Cirroole [Dalmar/Dhulmareen]”.

Dhibka Soomaalida la degay ee isugu jira faragalinta shisheeye, shisheeye kalkaalka, qabyaaladda iyo dhimaalka dhaqanka, si kale haddaan u dhaho: lagdanka gudaha iyo loollanka dibadda ka sokow, waxaa jira arrin muhim ah, oo aan wali lagu baraarugin, haddaan taa xalkeeda la helinna aan xalka Soomaaliya soo degdegayn, haddii uusan qar dheer iyo haadaan ka sii dhicin. Arrinta lagu baraarugi waayey waxay tahay: HOGGAAMIYE u qalma inuu Soomaliya hoggaansho, ama ugu yaraan leh astaan hoggaamiye.

Hoggaamin habboon

“Maarayn xumaataa

 Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!

Maqaar saarka joogiyo

Madaxtooyo aan jirin

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”      

Murti dhaxalgal ah oo Soomaaliyeed baa tiraa: “Xukun waxaa kaa qaada: GAR QALLOOCAN, GACAN LAABAN iyo GUDDOON JILICSAN” guddoon jilicsan loogama jeedo inaad dadka ku amar ku taaglayso ama aad kali taliye noqoto! Balse, waxaa looga jeedaa inaadan noqon in go’aan jilicsan ee inta go’aan qaata haddana ka laabta.

Saddaxda qodob ee murtida ku jira, midba si baa loo hirgalshay, walise ma dhicin in mid qura ama dhammaantood sida murtidu u sheegayso loo hirgaliyey, iyadoon la xadgudbin ama lagu talaxtagin. Marka waxaan dhihi lahaa xal raadinta Soomaaliya ha lagu daro HOGGAAMIYE RAADIN, macnaheeda ma ahan in la MACMALI karo, balse, in HOGGAANKA ruuxa qabanayo nala ka eego, si aan mar walba u dhicin: “Jugjug meeshaada joog”.

Inta aysan ila durgin qormadu, ayaan jeclaan lahaa inaan duljoogsado dhawr qodob oo muhim u ah HOGGAAMIYAHA, si HOGGAANKU u noqdo wax ku ool miradhala, waxayna yihiin:

  • Isku kalsoonaan.
  • Qorshayn qoran.
  • Go’aan qayaxan.
  • Aragti qeexan
  • Barashada xallinta dhibaatooyinka
  • Dhimrin & Dhimirqab

Bal anagoo ka duulayna qodobbadan dhawrka ah, maxay aqriste kula tahay inay ku sifaysan yihiin madaxdii hoggaanka dalka soo qabatay iyo kuwa iminka hayaba? Waxaad ogaataa sida ay u muqan yihiin qodobbadani, waxaa u maqnaan doonaa in aan helno maamul iyo dawlad, magac wuu jiraa, wuuna jiri doona, balse, marna lagama yaabo in laga gudbo JIRRI iyo jaafaa liq.

Aqriste, haddaan aragti iyo qodob kugu badshay, aan kuu daadajiyo waaqica iyo xaalka dhabta ah ee jira. Astaamahan waxaan ku dabaqi doonnaa madaxda joogta, illeen kuwii tagay ee qaarkood dhulka ka hooseeyaan [GEERIYOODEEN] nooma jawaabi karaan, qaarka WALI dhulka kor joogana [NOOL] maba oga ama maba garan karaan wixii dhacay, siday u dheceen iyo waxa keenay ama sababaye! Maxaa yeelay hadduu intaa ogyihiin sida xaalku ku dhammaaday kuma idlaadeen, ee waxayu ku dadaali lahaayeen inay wax badalaan, si loo helo xal degdeg ah iyo xasillooni waarta.

Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, dadka qaar waxay u ahayd maalmo ISBADAL, haddana, ma sheegi karaan waxa isbadalay, iska daa inay garanayaane! Illeen wixii la garanayaa la sheegaaye, haddana, bal aan la gurinno, si aan naloo dhihin waxaad tihiin dawlad diid iyo qaran dumis! [QASWADE] Oo ayaamahan Moodo iska noqotay, oo sida muuqata badashay eragii ahaa: KACAAN DIID ama TAWRAD DIID!

Madaxdan waxaan ku eegaynaa qodobbada kala ah: ARAGTI QEEXAN, QORSHAYN QORAN IYO GO’AAN CAD. Weydiinta ugu weyni waa: marka aan eego arrimo badan oo Waddanka ka jira, sida: AMMAANKA CAASIMADDA, CIIDANKA KENYA, XAALADDA JUBBOOYINKA, DIB U DEJINTA QAXOOTIGA IQB, Qodobbadan iyo kuwa kale, maxay ka qabteen madaxdan? Ma la yimaadeen aragti qeexan? Ma laga helay qorshe qoran? Ma qaateen go’aan cad? Waxaan filaa warcelinnadu inay wada noqonayaan MAYA, oo haddaa, xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay?.

Iyagoo ka gaabshay qodobbadan iyo kuwa la midka ah ee nolol maalmeedka aan ka maqnaanin karin ayey dhankii qalcoonaa u fekereen, illeen miyir fayoobi haddii la waayo waxaa imanaysa maan guran, maskax gurracan iyo mayal adayg aan majare iyo meel loo raaco lahayn.

“Maamul aan hoggaan qabin
Majarihii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”   

Dayaca jira, dumarka iyo weeyaalka meel walba daadsan, Agoonta iyo cirroolaha aan aagaan iyo agab midna haysan, Muqdisho oo noqotay Magaalo Qaxooti dhexda, dhinac iyo dhan walba ka deggan yihiin ayaa Baarlamaanka lagu sheegu in 70% ay yihiin AQOON YAHAN badalay QABQABLAYAASHII lana gaaray xilligii ISBADALKA waxay doonayaan inay u codeeyaan inay MUSHAAR u qaataan bil walba SHAN KUN DOLLAR 5.000$.

Midda marag ma doontada ah waxay tahay in xubnaha Baarlamaanka ay kala yihiin; GANACSATO, qaarkood ay u soo dagaan Maraakiib iyo Doomo, oo haddaa ma wuxuu u baahan yihiin lacagtaa? Qaar kale, waxay madax ka yihiin ama la shaqeeyaan hay’ado maxalli iyo dawli ah, oo iyaguna ma waxay u baahan yihiin lacagtaa? Waxaa kaloo jira mudanayaal deegaankooda rasmiga ahi yihiin dalal shisheeye, oo haddaa miyuusan is dabbari karin? Kaba muhimsane, maxay ku mutaysteen lacagtaa, iyagoon wali hal mooshin oo nuxur leh ansixin? Anigu ma garan.

Madaxdii ka tirsanayd dawladdii hore, Madaxweynuhu wuxuu bil walba qaadanayey mushaar dhan BOQOL KUN OO DOLLAR, halka Wasiirka koowaad qaadanayey TODOBAATAN KUN DOLLAR, Guddoomiyaha Baarlamaankuna qaadanayey SIDDEETAN KUN DOLLAR, Ra’iisul Wasaaruhuna qaadanayey TODOBAANTAN KUN OO DOLLAR, waaba iga su’aale; fadeexo arrinkan ka weyn yaa arkay?. Hore waan u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxaa lagama maarmaan ah in la caddeeyo lana xaddido Mushaarka Madaxda Dawladda, sidoo kale, waxaa damiir la’aan ah, nin asaguba Xamar Qaxooti ku ah inuu iska qaato lacag uusan mudnayn? Oo maxaan uga jeedaa? Bal aan jilciyo.

“Madaxdoonka waashee

Marras aan u diirayn

Maato aan u jixinjixin

Maangaabka urursada

Moogahaan wax dhaadayn

Inuu naga dhex muuqdoo

Mabda’eena dumiyaa

Isu taago madaxnimo

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan
!”  

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI” mudane walba, wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaado, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaado? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.

Midda kaba muhimsan baa ah, horta xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa afar iyo bar oo ka dhigan beelee.

Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Aqriste, ha is dhihin HOGGAAMIYE ayaad noo waddaye, maxaad Baarlamaan mushaarkooda u gashay? Waxaan kuu sheegayaa in; qof walba HOGGAAMIYE ka yahay meesha uu AGAASIMO, sidaa awgeed, baan u arkay inay tahay muhim xusidda arrintan, waliba aan ku daro xalkeeda oo saxan, dhanka qaraar iyo dhanka qummanba, illeen waxaa habboon inaan marna runta laga gabbane.

“Inta miririflaysee

Loo dhiibin Maqalee

Mirif loogu imanayn

Mood xoolo nooliyo

Maksab lagu ogaynee

Miraaqyada holcaaya

Inaan madax ka dhiganaa

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”       

Dhammaad. 

W/D: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

MAXAA KEENA AF-QURUNKA?

Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno “Halitosis” waa xaalad qofku ka soo saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso, kaasoo ku baab’a naadiifinta ilkaha.

Af-qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da’dooda, noocooda iyo xaaladooda dhaqaalaba, intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.

Badanaa niyad jabkaan waxay ka dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keensanayso in ay ka go’aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keeno af-qurunka?

Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
– Infekshan ama caabuq ku dhaca jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
– Qooman
– Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada “suppurative lung diseases)
– Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida “urea”)
– Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
– Cudur ku dhaca dhiigga
– Sonkorowga
– Xamiitada oo jirata
– Kaankaro
– Cillaad dheefshiid
– Cunnooyinka qaar

Caafimaad darro ka timid ilkaha
– Bolol ilkaha ah
– Ciridka oo jirran
– Infekshan ilkaha ah ama carun
– Kaankarada ilkaha
– Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
– Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
– Xasaasiyada cabburka keento
– Bakteeriyda hawo la’aanta oo ku badato afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno af-qurunka waxay ka timaadaa bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta af-qurunka

Si loo ogaado waxa keenay af-qurunka waa in la helo lana baaro haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa wayaabaha kale ee keeni karo af-qurunka.
Sidaa darteed waxaa u baahantahay marka ugu horreyso inaad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qurunka

Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayso inta aadan jiifan iyo markiii aad ka soo kacdaba.

Hadii aad iksu aragto caalamada kale ee la socdo af-qurunka la socodsii dhakhtarkaaga.

Af-qurunku ceeb ma ahan waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xirna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid.

Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaanji xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba’o una yeesho calyo.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Furriinka:- “Saddex Dalqo” oo hal mar ah ma waxay la mid tahay “HAL”?

Waxaan rabaaa inaan si faah san uga hadlo furiinka saddexda dalqo ee marka nin ragga ah uu xaaskiisa furay hal amr uu ku dhowaaqaya, haddana uu ku andacoonayo in kaliya ay hal dalqo dhaceyso.

هل الطلاق الثلاث بلفط واحد يقع ثلاث او واحدا

قذهب جمهور الصحابة والتابعين وائمة المذاهب الاربع الي انه يقع ثلاثا 

Waxay qabaan saxaabada Jamhuurtooda iyo taabiciinta iyo afarta mad-haboodba in ruuxii sadex dalqo halmar ku dhawaaqo in ay sadexdaba dhacayaan, waxayna daliishadeen:-

ما روي ان رحلا جاء الي ابن عباس فقال له انه طلق امرأته ثلاثا قال مجاهد فسكت ابن عباس حتي ظننت انه رادها اليه ثم قال يطلق احدكم فيركب الحموفة ثم يقول يابن عباس وان الله تعالي يقول ومن يتق الله يجعل له مخرجا ، وانك لم تتق الله فلم اجد لك مخرجا عصيت ربك وبانت منك امرأتك 

Xadiiskaan,  waxaa laga wariyay Cabdullahi Ibnu Cabaas, wuxuuna macnihiisu yahay sida:- (Nin ayaa u yimid Ibnu Cabaas, wuxuna ku yiri “naagtayda ayaan sadex ku furay”, Inbu Cabaas waa ka aamusay,  Mujaahid wuxu yiri ‘waxaan u maleyay inuu u celin rabo naagtisa isaga, markaasuu Ibnu Cabaas yiri ‘Axadkin wuu furay markaasu leeyahay Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaasow, Allaahna wuxuu lee yahay ‘ruuxii Allaah ka cabsada wuxuu u yeelaa makaanu bixid’, adigane Allaah kama baqin, ma kuu helaayo meel aad ka baxdo, rabbi ayaad ku caasisay, naagtadane way kaa baa’inowday, macnaha dalqoyinka waad iska dhameysay, riwaayo kale oo Ibnu Cabaas, waxay lee dahay:- 

ان السائل قال له اني طلفت زوجتي مائة بطليقة فقال له اما ثلاث فقد حرمت عليك زوجتك واما سبع وتسعون فقد اتخذت بها آيات الله هزؤا

 Oo macnaheedu yahay”

(Nin su’aalaaya, ayaa Ibnu Cabaas ku yiri “Aniga nagteyda ayaan ku furay boqol dalqadood” Ibnu Cabaas ayaa ku yiri ‘Sadddex nagtaada ayaa kaaga baantay 97-ka kalena aayadaha Allaah ayaa uga sameysatay jees jees’, Xaddiisan ninkii doon wuxuu ka baari karaa kutubta

احكام القرآن للجصاص, تفسير اآيات الاحكام للصابون. 

Culimada islaamka,  waxay kale oo dalishadaan Ijmaaci saxaabada markii uu Cumar Ibnu Khadaab arkay dadki iinay fududaysteen furitaanki, wuxuu amar ku bixiyay in ruuxii saddex dalqo hal mar ku furaa xaaskiisa inuusan dib ugu noqon karin, saxabaadi oo dhanna  way ku raaceen, mid ka horyimidne ma jiro, sidaas ayay waxay ku noqotay اجماع الصحابه, xittaa afarta madhab way ku wafaqsan yihiin, waaxa kaliya oo qilaafkeenay Ibu Tiimiya, waxana la yiraahdaa mas’aladaha uu ku qaldamay Ibu Timiya waxay gaarayaan dhawr iyo toban mas’alo.

Sidaa darteed waxaan daka muslimka ah ugu baaqeynaa inay raacaan dariiqi saxaabada, waxana la ogaaday in haddi saddex dalqo lagu furo oo leysku celsho inayna mardambe isqilaafaynin oo shaydaanku uu rabo Zino joogto ah, marki horane asaga isku diraayay marki ay dalqadi dhamaatayna wuxuu rabaa in ay xaaraan iskula joogaan ee halaga digtoonado wixiu su’aal ahna waa la isoo weydiin karaa, adinka oo igu soo diraya cinwaanka webka Caasimada ee [email protected],

Ibu Timiya wuxuu daliishadaa Axaadistaan:-

 عن ابن عباس انه قال كان الطلاق علي عهد رسول الله ص.ع.س وابي بكر وسنتين من خلافة عمر طلاق الثلاث واحدة

Xadiskaan wuxuu lee yahay:-

“Dalaaqa waqtiga Nebiga NNKH iyo waqtigii Abubakar iyo 2 sano Cumar Waqtigisa ah, dalaaqa saddexda, waxaa la xisaabay hal”, Xadirkaan waxa looga jawaaba oo ay culimadi yiraahdeen:-

 قال ابن عبد البر رواية طاؤس وهم وغلط لم يعرج احد هن فقهاء الامصار بالحجاز وشام والعراق والمشرق والمغرب

Ibnu Cabdul Bar, wuxuu yiri riwaayada Daa’uus waa wahmi iyo qalad lama hayo mid fuqahada magaaloyinka Xijaas iyo Shaam iyo Ciraaq iyo Mashriq iyo maqrib nin ku raacay Daa’uus.

Alaah ayaa og

W/D: Sheikh Cali Maxamed Nuur 

Wasaarada Maaliyada oo ka digtay canshuur qaadista Dakada Muqdisho

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inaan la qaadi Karin Lacag aysan ogayn Wasaarada Maaliyada.

Wasiirka Wasaarada maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in wasaarada maaliyada lacag aysan ogeen la qaadi karin.

Wuxuu Tusaala ahaan uu u soo qaatay lacagta laga qaado Dakada Magaalada Muqdisho oo lagu qaato canshuur cududeeda ay aad u badan tahay.

Wasiirka ayaa Sheegay in howshaan Canshuur qaadista ay Masuuliyad ka saaran tahay Wasaarada Maaliyada Cidii kale oo lagu arkaana talaabo ayaa laga qaadaa ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyada ayaa wuxuu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid adag oo kasoo baxay wasaarada maaliyada loona baahan yahay in loo dhaqan geliyo sidii loo dhaqan geliyay Go’aankii ahaa isbaaro qaadista.

Shirka Jigjiga: Dhaqan Liinbaxay mise Dhimir dhalan Rogan

Cabdi Gorod wuxuu ahaa Gabayaa midho culus Gayiga Soomaali Galbeed “Ogaden” idayl ahaantiina magac iyo maamuus wayn ku leh.  Isaga oo la fakaloolsan hadba xaajo aan Oday ka soo gaadh ahayn (Xaajo-Ugub), ayaa maskaxda Gabayaagan waxaa ka soomaxay xigmad guun ah Gayiga Soomaalida na aad ugu baahday.  Waxaa kamid ahaatuducyadan hoos ku xusan sida: 

“Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban, Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii hore e. Gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay.

Waxaa suurowda in aad igu raacdo maskaxda meerisyadan  ka soo biqleen in  xigmad Rabbaani ah ceegaagto hadaysan karkaar jabis ku dhawayn. Kasokow arrigtidaas, waxaa barbar ool midan ku teedsan ah gadaha curdoon ee  Gabayaaga fajac iyo maskax maroojinta ku riday. Dan-u- hadalkay, waxaa jeerkan  igu soo deg degay in aan iswaydiiyo Shirka Jigjiga ee karaamo beelka ah tollow haddii Abwaan Cabdi Gorod noolaan lahaa muxuu ku tilmaami lahaa mar haddii adduunkiisa caanka ku ahaa baxnaanada dhaqanka wanaagsan iyo jacaylka Gole wanaag fadhiisiga maskaxdiisu sidaas u fikirtay markay la soo gudboonaato arrin damiirkiisu diiday!

Qawadka aan u hayay habka nololeed, mida dhaqanka-dhaqaale, kan Maamul iyo hagardaamooyinka daashaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Itoobiya Gumaysato, waxaa baryahan ii koomaalay illaa xadiga baahsan ee dhaqan dumiska ah ee ka soocday labaddii todobaad ee ugu danbeeyay Bishan November Magaalada Jigjiga.

Cindiga Soomaalidii hore Dhaqanku muunad himo sare leh oo aan saxar ku duula loo ogolayn ayuu ahaa. Haybada iyo Sharaftu waxay sooyaalkii Soomaalidii hore kaga tiilay bu’da wadnaha waxay na qaadan jirtay doorka ugu dhumucda roon. Mohasho kale, cindiga Soomaalida Dhaqanku wuxuu ahaa aallad ay ku faantamaan baxnaadiisa kagana haasaawaan goobaha camiran sida Kabdhoodka, Goleyaasha iyo goobaha barbaartu ka jiibanayso ciyaar dhaqameedka iyo Geedaha weegaaran ee xaajo loo hoos huluushay.  Quruxda, kartida iyo Raas wanaaga Reer ama Beel Soomaaliyeed lagu sheego wuxuu si gaar ah u tibaaxay jiray sooyaalka dhaqanka Beeshaas. Meel ka dhaca ka wayn ma jirin haddii Beel lagu tilmaamo “Gun ama Inan Gumeed”. In la isku xansado ha ii dabranaatee haddii Gun baad tahay lagu Xariiro qof kamid ah Beel Soomaaliyeed wuxuu qaadashada ereygan ka xigi jiray in uu si xarago leh ugu deg dego geerida qofka weedhaas la taarto.

Hal abuurka Soomaalidu waxay si gaar ah u tibaaxaan haddiiba dubaakhooda ay ka helaan Jimo-tuurasho ama faantan in ay ku soo halqabsadaan Awowyada uu tirsado iyo sifooyinkii dhaqan wanaag ee lagu yiqiinay si Awowyadaas sharfoon iyo Gabayaaga hal kaalin looga xadhig siiyo.  Qisada la soo daristay garan maayo laakiin tuducyo uu ku muujinayo sharaft iy meeqaamka ay gaar u lahaayeen isaga oo muujinay Gabayaagii waynaa ee Maxamuud Cali Beenaley waxaa laga hayaa meeriskan caanka Soomaali ka dhex noqday.

Uma baran bahdey iyo inaan, bi’iyo Daaroode – Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye– Burmadaha halkii aan la dhaco laga banjoogow”

Kasokow in uu muujiyay nin karmeed nimada gaarka ee Rabbi ku manaystay, sidoo kale Abwaanku wuxuu inoo sheegayaa in Beesha uu la halmaalo iyana yihiin kuwo aan la mahadin haddiiba lagu soo gafo arrimaha u gaarka ah ee Beeshu daajisato. 

Dhaqan Liinbaxay:

Huga iyo karaamada ugu soo jiidashada badan ee abid Aadame ku xaragoon karo waxaa lagu tilmaami in uu yahay ‘Xishoodka’. Haddaba, arradku waa noocyo badan yahay hoyga, huga, hantida, maanka/dhimirka, dhasha iyo sida wakhtigan casrigu ina barayo Dalka iyo nidaamka Dawliga ba waa laga arradaa. Intaas oo arradka abtir u ah waxaa iila gurucan midka Aadamuhu kaga duwan yahay mawaashida marka laga arrado, ‘Xishoodka’. Nebi Muxamed NNKH wuxuu Furqaan inoogu sheegay in Arradka Xishoodku yahay Aafada ugu wayn ee noole soo wajahi karta islamarkaasna ku xabaasi karta in uu sameeyo wax kasta oo uu dubaakhisa ka helo ama naftu damacdo. Isaga oo tilmaan mugleh ka bixinaya Arradka Xishoodka wuxuu yidhi “Idaa Lam Tastaxyi Isnac maa shi’ta” Haddii aadan xishoonayn samee waxkasta oo aad rabto. 

Go’aankii iyo Ficilku kaa Guuray:

–          “Idinkana wakhtigu waa idin hoday wadar ahaantiine, in wareer ku dhacay loo malee waliba qaarkiine, waalaad ka doorteen xilkaad weheshanayseene. Waxba kama gashaan Dawladnimo waddina maysaane, waayahakan hawshana leh Rag baa idiin wakiila ah, waa idinka waayee-shanyahay Wiilka noo yariye. Wajigaad hesheen iyo xurmada la idin wayneeye, Xafiisyada aad walam leedihiin een anagu waynay wanaag kuma jiree waa amuur laga was-waasaaye.” Cismaan Yuusuf.

Arrin laga wis-wiso Af-kana laga wareejiyo sida Abwaan Cismaan Yuusuf ula fakaloolay xaajadii wakhtigaas soo food-saartay ee sababka u ahayd meerisyada sare waxay ahayd Shirkii Jigjiga todobaadkii hore ka socday. Waxaa lagu macneeyay in shirku ahaa “Wadatashiga shacabka iyo Dowlada Deegaanka Soomaalida”. Waxaa si gaar ah loogu martiqaaday shirkaas dad u badnaa Haween, Dhalaan, Qurbajoog iyo sida lagu sheegay ‘Dhibaneyaal’. Dhinaca kale si caad la’aan waxaa Shirka u dhexboodayay, Sh. Ibraahim Dheer, Gudoomiyihii UWSLF iyo Doolaal Aadan Dhagoole, oo ahaa nin waligiiba mansab ka dhexraadin jiray kililka & Tigreegaba kuna kashifmay maamulki C//llaahi Maxamed Sacdi oo uu kamid ahaa. Intaas waxaa dheer, mar Doolaal waxaa lagu xariiri jiray inuu Tigreega jeclaa balse Tigreegu aysan jeclayn marar badan hongoowsiiyay Doolaal.

Dib u milicsi kooban, Sanadkii 2010 ayaa waxaa lagu xasuustaa in Sh. Ibraahim Dheere iyo ururkii magacyada badan soo maray  balse ku danbeeyay UWSLF in ay heshiis lagu macneeyay “Isdhiib Dabargo’ laga dhexlay”  la galeen Dawlada Itoobiya. Dhinaca kale, Mudo ku siman 12 sano ayaa waxaa Magaalada Jigjiga saqdhexe ka xamaan urursaday haleel darana uga toobiyaha Imaaraadka Carabta cagta u saaray Doolaal Aadan Dhagoole.

Su’aasha marka muhiimka ah ee soo xaadiraysa marka koowaad ayaa waxay tahay, Sh. Ibraahim Dheere iyo Doolaal Aadan Dhagoole oo hindisaha iyo taabogalinta Shirka Jigjiga door laxaadleh ka qaatay si saxar la’aan ah na uga dhexmuuqday muuqaalada laga soo tabinayay miyaysan wajigabax Diineed iyo Dhaqankoodii oo Liinbaxay ku ahayn in lagu kor dareeriyo bahdilaad guud ee jifooyinka ay u nasab sheegtaan gaar, guud ahaana Dadka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira xukunka macangaga ah ee Itoobiya? Dhaqanka suuban ee Islaamka iyo damiirka wanaagsan ee lexejeclaysan miyuusan saluug qaro-wayn ka qabin bahddilaada noocan oo kale loo soo maleegay? Karaamadii iyo sharafkii umadi la shir-tagi jirtay dhaawac intee dhan ayuuse ka dhex muuqashada labadan nin ku yahay?

‘Karis xun Iyana ku la’. Haaneedka Dhariga haddii laga badsho Dumarka qaditaanka Maatada iyo Mudankeeda ka sokow,  Qudheeda waxaa la soo darsaya darxumo ay sabab u tahay. Doolaal Aadan Dhagoole iyo dhigiisa Sh. Ibraahim Dheere waxay u muuqdaan in go’aankii Rag iyo ficilkii ka guuray marba hadday bahdilaad jadwalaysan damiirkoodu xamilay in uu dhagaysto ama sooba hindisay.

–          “Arrad Waa Dan, Uskagse Waa Doqonimo

In aad waydo maro bilicsan oo aad ku laafyooto waa dan waase duli yo doqonimo haddaad hugaaga dhaqan waydo. Sidaas waxaa lamid ah, doorbidka in lala noolaan karo Gumaysiga Itoobiya oo aan inaba wax xeerin ah dhaqan u lahayn waana dulinimada ugu wayn ee noole qaato wakhtigan Casriga ah.  Midaas waxaa Budo-caydhiin ku daray, damiirka ogolaaday bahdilaada dhaqanka iyo Beelaha ee ka soomaaxay garaad Doolaal iyo Sh. Dheere.

Caqliga fayow wuxuu ina siinayaa in nooluhu afkaarta iyo wadiiqada guusha loo maro ku kala aragti gadisnaan karo. Sidaas  oo micnaheedu yahay Doolaal iyo Sh. Ibraahim Dheere way ka aragti duwanan karaan ururka ONLF. Hase ahaate, liinbaxa dhaqanka iyo bahdilaada Soomaali Galbeed waa Doqonimo qaan-gaadhay in la qaato lana qaayibo islamrkaasna lagu fasilo in ay tahay masiibo la halmaasha faltanka ka socdo Dhulkaas. 

Tixraac Togan:

–           “Adduunyadu maanta maaha, aqoonina maalin maaha. Ninkii imtaxaan ku raga hadduu samro uu adkaysto Rabbina ka illoowa maaha”. Hadraawi.

Dunida maanta waxaa lagu sheegaa in ay tahay Carro-edagayn (Globalization) ka duwan midi doraad. Sidan oo ka dhigan in Adduunkii noqday mid hal Massale ku fadhiya. Ciqaab iyo Gabood fal loo gaysto Aadamaha  ama Dhaqankiisa meel saraynta sharciga ay ka sayid-calays doonitaanka shakhsigu, waxaa nasiib loo helay in meelo kale laga furo saraynta sharciga. Tusaale, dadka Reer Rwanda, DR Congo iyo Central Africa Republic Gabood falkii ku habsaday 1990s, Dhibaneyaashii maalintaas waxay xaq u haleen in ay ‘Tixraac Togan’ ka helaan wixii fool xumo ahaa ee loo gaystay. Halka kuwii gabood falka gaystay xaar mas Cadaalada Caalamiga baafin ugu jirto noqdeen. Haddaba, waxaa hubanti ah in Doolaal Aadan Dhagoole iyo Sh.Ibraahim Dheere oo iska lahaa fikirka curinta Shirka Jigjiga maalin maalmaha kamid Jiilka soo socdaa ka fikiri doono sidii ay ula tiigsan lahaayeen cadaalada iyaga oo ku sifayn doono soo hindisida Gabood fal-dhaqmeed. 

Dhimirka dhalan Rogan

–          “Dadnimada Hoggeedana Dibadaad ka Huridaa”.  Hadraawi

Beerlaydu wakhti Roobaadka waxay sameeyaan ‘Carro Rog’ si saracu u maashoobo. Marxaladan waxay qayb muhiim ah ka tahay bacarimiska Beerta iyo taabogalinta saraca laga sugayo in uu madashaas ka oo biqlo. Sidaas si lamid ah Dawlad ama nidaamka Dawligu wuxuu awooda saaraa gedgediska dhimirka si loo gaadho maxsuul ka hadafkiisu ku dhisan yahay. Haddaba, Dhulka Soomaali Galbeed waxaa marag looga ahaa dhalan rog badan oo ay isku dayeen Gumaysteyaashii hore sida Haileselase iyo Mingiestu Hailemariam. Isku dayadaas hore, Gumaystuhu waxbadan oo uga soo naaso cadaaday majirin marka laga reebo in Soomaali Galbeed “Ogaden” wali ku jirto gacanta Gumaysiga. 

Dabci waa Ma Guuraan:

Wadciga Soomaali Galbeed maxaa kalkan ‘Hal Dheeri” ku ah? Inta aanan farta ku fiiqin sidaan dubaakhayga ka helay in ay ‘Hal Dheeri’ ku tahay, waxaan jeclaystay in aan mudmudo fahanka nolosha iyo muuqaalka qofku ka haysto iyo siday isugu xidhan yihiin ficilka nooluhu.

Fahanka nolosha waxaa qaabeeya abuurka dabiciga ah. Baadhka uga dalooshama Aadamaha sida caadada u intiisa  badan waa qabatimaa had iyo jeer. Hayaan dheer oo nololeed kadib haddii uu wakhtiga wanaajiyo Aadamaha waxaa hubanti ah in dabcigii asalka ahaa wali maguuraan yahay. Dabci waa maguuraan siduu hadal duq hore yidhi e. Jeerkasta oo tuur iyo golxob isu yeesho waa mid aan la sugayn in aad ku guulaysato in aad dundumo carro ka maydho. Dabcigaas ma guuraha waxaa ku sifoobay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ‘Iley”. Fagaare ka caytan iyo in Beelaha qaar lagu sheego in ay yihiin ‘Nasab dhiman’ waxay intuba la kowsatay Iley markii uu fadhiistay haaneedka Soomaali Galbeed. Beelo iyo ashkhaas magac iyo maamuus badan ku dhex lahaan jiray dadka Soomaali Galbeed maanta waxay dhibaneyaal u yihiin Madaxweyne Iley.  Waxay cadho iyo ciil la galuuban yihiin goob aysan waxbadan ka qaban karin. Waxayse u toog hayaan jeerkay isu togto ee ay kaalinkooda helaan si jaraaxayntii Madaxweyne Iley u gaystay Beeshaas ay ula faltamaan.

Haddaba, dhumucda hadalka iyo nuxurka aan muhmalku saarayn miyuusan tibaaxayn in Madaxweyne Iley haaneedka kaliya oo uu halaloobin yaqaan tahay Aflaagada, Bahdilaada iyo Beelo lagu sheego in ay ‘Nasab dhiman yihiin’. Dhirmir dhalan rogan miyaa mise dhaqan uu eersaday baa jira?. Waxaan u malowaynahay in halka Beerlayda Carro roga ka isticmaasho Madaxweyne Iley laba arrimodd isu koomaashay; Dhimir Rogan iyo hanaqaakiisii oo ku anqaratay aflagaado, cargaagtan iyo cayntan aan cilmiyaysnayn.

Ugu danbayntii, waxaa marag ma doon ah Madaxweyne Iley nolosha baadhka uga banaan ee uu  si hagar la’aan ah xirfad yahanka ugu noqonday inay tahay habka loo maleego jaraaxaynta Nasabka Beelaha Soomaali Galbeed. Sida Qaadka, Daroogada iyo Maandooriyeyaasha kale loo qabatimo Madaxweyne Iley wuxuu u qabatimay “Xishood Arradan” seeskiisuna ku teedsan yahay aflagaado iyo durqumitaan joogto ah. Sidaas waa caado lagu bartay Madaxweyne Iley waxaase muuqata haatan in sidii dabkii  oo kale u hulaaqday aflagaadadii iyo cargaagtankii lagu yiqiinay Madaxweynaha oo uu haatan qabadsiiyay Doolaal  Aadan iyo Sh. Ibraahim Dheere oo isku magacaabi jiray in ay meeqaam sare ka dhex joogaan bulshaweynta Soomaalui Galbeed.

W/Q: Bashiir Mahad

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Warbixin Murugo leh: Dumarka ku nool xerooyinka qaxooti ee Muqdisho oo kufsi nolol looga dhigay.

Rabshadaha lala beegsado dumarka Soomaaliyeed ayaa sii kordhaya, siiba dhacdooyinka kufsiga ah ee lagula kaco dadka barakacayasha ah (IDPs) ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku barakacsan, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa leh.

Munaasaddii Qaramada Midoobay ee Maalinta Caalamiga ah ee Cidhib-tirka Rabshadaha Dumarka ka dhanka ah ee la qabtay Nofeembar 25-keedii, ayay dhaqdhaqaaqayaashu ku baaqeen in la kordhiyo dadaalka loogu jiro in laga hortago rabshadaha dumarka Soomaaliyeed lala beegsado.

“Dumarka Soomaaliyeed ayay ku dhacdaa noocyo badan oo rabshado ah oo ay ka mid yihiin gudniinka, guurka khasabka ah iyo garaacista qoyska dhexdiisa ah, balse kufsiga ayaa wali ah ficilka ugu dhibka badan oo ay dumarku la kulmaan,” ayay tidhi Sahra Maxamed oo ka mid ah Xarunta Horumarinta Dumarka Soomaaliyeed. “Waxaan diiwaan galinay 126 kiis oo kufsi ama kufsi isku-day ah afartii bilood oo la soo dhaafay kaliya korodhkan waynina wuxuu yahay mid walwal dhaliyay.”

Waxay sheegtay in tirada dhabta ah ee kufsiga uu intaas ka sii badnaan karo sababta oo ah dulmanayaasha inta badan ma sheegaan dambiga loo gaystay. “Waxaa jira kiisas badan oo aan la soo sheegin sababta oo ah dulmanayaashu waxay dareemayaan in ay ceeb ku tahay in ay ka hadlaan wixii ku dhacay sababta oo ah waxay ka baqayaan in kufsigu uu ceeb u soo jiido,” ayay tiri. “Waxay tani ka timid bulshada Soomaaliyeed oo ah mid aad u dhawrsan oo kufsiga u aragta in uu yahay ceeb dumarka daba soconaysa noloshooda oo dhan.”

Xarunta Horumarinta Dumarka Soomaaliyeed waxay qaban qaabisay shir laba bari soday oo ay ka soo qayb galeen qaybo kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah oo Muqdisho lagu qabtay Nofeembar 25-teedii si loo kordhiyo ogaalka xuquuqda dumarka loogana hadlo noocyada kala duwan ee rabshadaha jirdilka iyo kufsiga ah ee lagula kaco dumarka.

Dumarka xeryaha dadka wadanka gudahooda ku barakacay ayaa si gooni ah loo dulmaa.

“Dambiyada kufsiga iyo xoog muquuninta kufsiga lagu doonayo oo lagula kaco dumarka ku nool xeryaha qaxootiga ee Muqdisho ayaa kor u kacay,” Maxamed ayaa tidhi. “Tani waxaa loo baahan yahay in ay ka hor tagaan dawladda iyo dhamaan kooxaha dhaqdhaqaaqa si loo hakiyo cudurkan sii beermaya.”

Dulmanayaasha la kufsaday intooda badan waxay ku nool yihiin xeryo IDP oo dayacan oo banaankoodu uusan inta badan lahayn albaabyo ama dhismayaal kale oo celin kara qofkii rabshad damacsan.

Sababtan darteed, ayay Samiira Cabdullahi, oo madax u ah Xerada Soomaliyeed ee Dhawrista Dulmanayaasha la Kufsaday, waxay tidhi dumarka dulman ee la kufsaday intooda badan waxay ku nool yihiin xeryaha. “Boqolkiiba sagaashan iyo shan dhacdooyinkan waxay ka dhaceen xeryaha IDP markay kuwa wax kufsanaya habeenkii weeraraan, iyaga oo qori ku qabta, dumarkana ugu dhaarta in ay dilayaan haddii ay u yeeli waayaan siday rabaan,” ayay sheegtay.

Cabdullahi waxay sheegtay in xeryaha IDP-da ee Muqdisho ku yaal aan la ilaalinin — marka laga reebo xerada Badbaado oo ay maamusho dawladda Soomaaliya iyo xerada Jazeera oo ay maamusho Laanqeerta Cas ee Turkiga.

“Ka hortagga dhibaatan laguma samayn karo hal-kudhegyo iyo hadal kaliya,” ayay tidhi. “Waxaan ugu baaqaynaa dawladda cusub in ay tallaabooyin degdeg ah qaado si ay u ilaaliso dadka barakacsan.”

Sheeko shakhsiyeed ku saabsan kufsi ka dhacay xero Muqdisho ku taal.

“Dumarka IDP-da ma dareemaan amni, sababta oo ah ma jirto cid ka badbaadinaysa weerarka tuugada iyo shakhsiyaadka hubaysan,” ayay tidhi Farxiya Axmed, oo ah 43 jir hooyo u ah saddex gabdhood oo dhalinyar kuna nool xerada Kulmis ee degmada Hodan ee Muqdisho.

“Dhawr usbuuc ka hor, gabdhahayga mid ka mid ah oo jirta 17 sano ayay kufsadeen niman hubaysan,” ayay tiri. “Gabadhu waxay aaday dukaan dhow si ay u soo iibiso saliid wax lagu kariyo intii ay sii socotayna waxaa jidka u galay saddex nin oo hubaysan kuwaas oo qori ku qabtay una jiitay dhisme cidlo ah halkaas oo ay ku kufsadeen.”

“Gabadhu waxay isku dayday in ay qaylido si ay caawinaad u hesho, balse nimankii hubaysnaa waxay ku garaaceen qoryohooda dabadooda wayna haraatiyeeyeen,” ayay tidhi. “Markii ay kufsadeen ka dib, waxay ugu caga jugleeyeen in ay dilayaan haddii ay cid u seegto wixii dhacay.”

In kasta oo aysan dumarka inta badan ka hadlin kufsiga iyaga oo ka baqaya ka hortagga bulshada, Axmed waxay sheegtay in ay muhiim tahay in ay la wadaagto sheekada gabadheeda si ay wacyi galin u samayso oo looga hortago in ay ku dhacdo dumar kale.

“Gabadhaydu wali way didsan tahay sababta oo ah kufsigan kooxeed wuxuu saameeyey maskaxdeeda iyo jidhkeedaba,” ayay tidhi.

La xisaabtan la’aanta oo dumarka halis galinaysa.

Malyuun Sheekh Xayder, oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka madaxna u ah Xarunta Qiimeynta iyo Horumarka, waxay sheegtay in dumarka Soomaaliyeed lagu kalifo dulmiyo kala duwan oo ay ku jiraan gudniinka, guurka khasabka ah, muquuniska kufsiga lagu doonayo, kufsiga iyo garaacista qoyska dhexdiisa ah.

Waxay sheegtay in la xisaabtan la’aantu ay siyaadinayso weerarada dumarka IDP-da loo gaysto sababta oo ah dambiilayaashu waxay ogyihiin in ay dambi gaysan karaan iyaga oon la ciqaabin. “Xaqiiqdii, dambiilayaasha intooda badan looma ciqaabo dambigooda taasina waa mid nasiib xumo ah,” ayay ku warrantay  “Dambiilayaasha waa in la ciqaabaa.”

Xaydar waxay soo dhowaysay booska u taagan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo digniin adag ku siiyay ciidamada xoogga Soomaaliya in ay ilaaliyaan amniga shacabka. “Askarigii dila qof kale waa la dilayaa,” ayuu Maxamuud yidhi Axaddii. “Askarigii qof kufsadana waa la dilayaa.”

“Dambiileyaasha waa in sharciga la hor keenaa oo lagu ciqaabaa sida uu sharcigu qabo sababta oo ah gabdhaha Soomaaliyeed in ay sharaf dhacaan ma ahan iyada oo ay kuwa kufsiga gaysta xor yihiin oo ay ka badbaadeen sharciga,” Xaydar ayaa tidhi.

 

Isha: Sabahi

XASUUSTA XILKASKII LA XASUUQAY.

Sadex Sano ka hor Maanta oo kale Muqdisho waxaa ka dhacay dhacdooyinkii waayaha tii ugu xanuunka badneyn, waxaana mar qura munaasbad farxad iyo tamashle ku bilaabatay lagu afjaray biliyo dhiig iyo xinjira durduraya ah.

Goobta waa Hotelka Shaamow, maalinka khamiis buu ahaa, munaasbadda Xafalad qalin jabin bay aheyd, ka qeybgalayaashana waxa ahaayeen Arday, Waaliidiin, dhaqaatiir, macalimiin, Wasiiro arimaha bulshada ka shaqeynayay, wariyayaal xog doon ahaa dareenkuna mid farxadeed buu ahaa.

Wxaan go’aansanay in la xusuusato shaqsiyaadkii qiimaha badnaa ee dhimashad iyo dhaawaca kala kulmay dhacdadaasi.

Inkastoo qadarta halkeeda tahay hadana waxaa goobta ka dhacay arin lama filaan noqday, kaasoo ahaa markii hoolkii oo dhan ay is qabsaday mar qura uura madow, xanjiro dhiig, taahaa dhaawaca, iyo qeylada dadka naxdinta lama filaanka ah ay ku habsatay.

Falkaasi lama filaanka noqday wuxuu galaaftay nolasha dad ka badan 30 ruux oo isugu jiray dhaqaatiir, Aqoonyahano, Wariyayaal, Arday iyo wasiiro ka tirsanaa dowladda KMG ah oo goobta u tagay in ardayda qalin jabisay ay la wadaagaan farxadda Munaasabadaasi.

Waa xaqiiq in si siman looga wada uurxumaaday dhibatada dhacday, balse waxaa xusid mudan in wasiiradii dowladda ee goobta ku dhintay ay ahaayeen kuwii ugu dhaq dhaqaaqa roonaa ee ay ku jirtay wadaniyada iyo dowlad jaceylka, sida Ibraahim Xassan Caddow oo iminka Arday uu deeq waxbarasho siiyay ay ku suganyihiin Dalal kala duwan, Axmed C/llaahi Waayeel oo ka mid ahaa aas-aasayaashii waxbarashada nidaamiga ah ee Soomaaliya, Qamar Aadan Cali oo aheyd Dhaqtarad mar walba u taagneed badbaadinta bulshada.

Sheekada layaabka leh ayaa waxa ay tahay in aanay laamaha Ammaanka ee dowlada wali soo bandhigin xog buuxda oo la xiriirta qaabkii uu qaraxaasi u abaabulnaa iyadoo ay jiraan tuhuno in shaqsiyaad caan ah ay abaabulka qaraxaasi wax ka ogaayeen, waxaana la tuhmayaa in dadkii falkaasi fuliyay ay ahaayeen kuwa diidan horumarka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta gaar ahaan Muqdisho

Intii dhimatay dharaartaas rabbi naxariistii Janno haka waraabiyo, waxaana iminka iyagoo caafimaad qaba ku nool dalka iyo qeyba ka mid ah Dalalka dariska ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo qaar xubnahooda qaaliga ah ay ku waayeen.

Inkastoo Soomaalida meel walba oo ay joogta si weyn uga xanuunsatay dhacdaasi, ayaa hadana waxaa xusid mudan in Haweenku ay ahaayeen kuwii ugu uurka nuglaa ee dhacdadaasi ka madax gilgilay iyadoona dibad baxyo, ka dhigay wadooyinka Muqdisho maalin kadib xiligii ay dhacday dhacdadada uur ku taalada dhalisay.

Ururka Haweenka Nabadda iyo dib u heshiisiinta Hanad ayaa qeyb ka ahaa haweenkii arinkaasi ka dhiidhiyay, waxaana Muqdisho kula kulanay gudoomiyaha ururkaasi Ruqiya Cali Cabdi oo aan wax ka weydiinay dareenka Haweenka ee dhacdadaasi.

“Waxaan aad uga xanuunsanayaa in aan xusuusto maalinkaas wixii dhacay, waayo fal murug iyo uur ku taalo huwan ayuu ahaa falkaasi” sidaa waxaa tiri Ruqiya cali cabdi.

ENG-Siidow Xasan Mahdi oo ah gudoomiyaha Hey’adda Xuquuada Aadanah ee Walaweyn ayaan wax ka weydiinay ogaalka ay xaquuqul insaanka ee la xiriira sanad kadib dhacdadaasi .

“Xaqiiqan wax badan lagama ogaan, laakiin waxaa suurta gal ah in sanadaha soo socda la helo xog dhab ah, waayo baaritaanka kiis waa mid culeyskiisa leh, hadana wixii ka dhacay Shaamow waxay ahaayeen wax aan caadi aheyn” sidaa waxaa yiri Eng Siidow.

Sida Alle uu ku sheegay Qur’aankiisa naf walbaa mowdka way dhadhamineysaa, saacadna loogama darayo nafna xiligii uu alle ugu tala galay, waxaa xusid mudan in dhacdadaasi layaabka laheyd  dadkii goobjooga ka ahaa qaarkood oo wararkii ugu horeeyay ee la helay ay tilmaamayaan in ay dhinteen ay maanta noolyihiin.

Dr Cismaan Max’ud Dufle xiligii qaraxa uu dhacayay waxa uu saarnaa Masraxa, isagoona markaasi waday qubadii loogu talagalay, iyadoona codbaahiyaha xiligaasi Dr-ka uu ku wareejiyay Alle ha u naxariistee Dr-Max’ed Aadan Warsame Shahiid oo ka mid ahaa dadkii goobta ku dhintay.

Dr-Dufle waxaan kula kulanay magaalada Muqdisho, isala markaana waxaan wax ka weydiinay xusuustiisi maalinkaas ee la xiriirtay Waxa dhacay.

“Duulaankii maskaxda, ayaan ku sifeyn karaa wixii ka dhacay Hotel Shaamow, waayo ma aheyn wax caadi ah, waxaa dhintay arday, dhaqaatiir, macalimiin, waalidiin, iyo marti sharaf kale, ma ahan waxaan aragnay 20-kii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Dr Dufle.

Pro Max’ed Cumar Dalxa, waxa uu ahaa xiligii ay dhacadaasi dhaceysay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dowladda KMG ah, waxaana uu ku suganaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaan su’aalnay aragti ahaan sifaha uu siin lahaa wixii maalinkaasi dhacay.

“Waxaan ku fasiri lahaa Ayaamul Busi, ama maalin baas waayo waxaa la xasuuqay dadkii howlkarka ahaa ee shaqada iyo wadaniyada ay daacadda ka aheyn, ilaahay nooma soo celiyo maalinkaas oo kale” ayuu yiri Dalxa.

Sanad kadib qaraxii shaamow ee Ardayda Qalinjabineysay,wali ma hakan howlihii waxbarashada ee Jaamacadda banaadir, waxaana iminka ay jaamacadda ku talaabsatay horumar Balaaran iyadoona macalimiinta  iyo maamulka Jaamacadda ay dhexda u xirteen ka mira dhalinta hankooda.

Waxaa ka aflaxay Jaamacadda Baandir oo shahaadada Bachlore-ka ka qaatay sanad kadib dhacadadaasi arday guud ahaan tiradooda ay gaareyso 78 Arday, kuwaa ka kala ahaa ah 38 Dhaqtar, 5 Injineer oo dhinaca dhismaha ah, 15 Macalin iyo 20 kuliyadda Computer Science-ka.

Waxaana sidoo kale Jaamacadda lagu soo kordhiyay kuliyad cusub taasoo ah sharciga iyo qanuunka, sidoo kale waxaa la dhameestiray oo lagu howl bilaabay dhimso ay jaamacdda leedahay kaasoo howshiisa horay ay u socotay.

W/D: KON

Man City oo qarka u saaran inay Chelsea kaga adkaato Deulofeu.

Manchester City ayaa dooneysa inay da’yar kooxda Barcelona Gerard Deulofeu saxiixiisa kaga adkaato kooxda Chelsea.

City ayaa xidigaan ka afduubaneysa Chelsea, 18-jirkaan ayaana lagu qiimeeyaa 8.1 milyan oo ginni kaasoo qandaraaskiisa lagu brburin karo.

Tan iyo markii ay Blues ceyrisay Roberto Di Matteo, Chelseaa yaa xidigaan kaga dambeysay City waxaana la fahamsan yahay inay Sky Blue xidigaan u diyaarineyso mushaar laba jibaar ah.

Deulofeu ayaa kasoo baxay Akadeemiga Barca waxaana lagu sheegaa inuu yahay Messi-ga Spain.

Qandaraaska uu kula jiro Barca wuxuu dhacayaa June 2017. inkastoo ay wadahadalo qaali ah u dhexeeyaan wakiilka ciyaaryahanka iyo kooxda.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Arsenal iyo Tottenham oo Man Utd kula biiray xiisaha Strootman.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda PSV Kevin Strootman ayaa si diiran usoo jiitay kooxihii doonayey kulankii sabtidii ay kooxdiisu la ciyaartay Ajax.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa waxaa daawanaayey wakiilka Arsenal wax u indha-indheeya Steve Rowley iyo wakiil kale oo ka socda Manchester United.

Sidoo kale sarkaal ka socda Tottenham ayaa ku sugnaa Amsterdam Arena kulankii ayAjax3-1 ku garaacday PSV.

22-jirkaan ayaa ciyaaray 15 kulan oo heer caalami ah, waxaana lagu qiimeyaa mid ka mid ah xidigaha qadka dhexe ee Yurub ugu fiican.

Kooxaha Premier League ayaana bilaabay inay xod xotaan xidigaan lagu qiimeeyo 20 milyan oo ginni.

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa xidiga ay isku wadanka yihiin Strootman ee Klass-Jan Huntelaar, kaasoo 10 gool xilli ciyaareedkaan u dhaliyey Schalke.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ferguson: Mourinho ayaa iga bedeli kara Manchester United.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa rumeysan inuu Jose Mourinho ka bedeli karo shaqadiisa Manchester United.

Isbuucyo ka hor ayey labadaan nin shah ku wada cabeen Lowry Hotel oo ku yaala magaalada Manchester, halkaas oo ay Real Madrid u joogtay inay kulan Champions League ah kula ciyaarto Manchester City.

Tababaraha reer Portugal ayaan qarshan fikirkiisa ah inuu mar kale ku laabto HoryaalkaEngland, markii la weydiiyey Fergie hadii uu Mourinho ka bedeli karo United wuxuu ku jawaabay: “Sida cad wuxuu tababare ka noqon karaa meel walba.

“Marna kuma fekerin in nin aan ciyaarin kubada inuu noqon karo tababare sare, laakiin hadana waa inaad fiirisaa dabeecadiisa. Waxuu leeyahay dabeecad xoogan oo buuxinaya booskaas.

“Waxaan xusuustaa shirkiisii jaraa’id ee ugu horeysay [ee Chelsea], waxaana ku fekerayay Alla muxuu isla qobweyn yahay. Waxa uu ciyaartoyda ku dhahayay ‘Fiiriya, waxaan ahay Special One’, ma ahan inay guul darro nasoo gaarto.

“IsagooEnglandyimid islamarkaana ah nin da’ yar ayuu hadana leeyahay waxaan ahay Special One! Laakiin waxey ciyaartoyda ka dhaadhicisay hadalkaas inay horyaalka ku guuleysanayaan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Benitez: Chelsea hiilo ayey uga baahan tahay Shakhtar Donetsk.

Tababaraha kooxda Chelsea  Rafael Benitez ayaa u sheegay kooxda Shakhtar Donetsk inay kordhiso tayadeeda kulanka ay Arbacada Champions League ku wajahayan Juventus, waana kulankii Blues usoo bixin lahaa Koobka Kooxaha Yurub ama ka reebi lahaa tartanka.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayey qasab ku tahay inay garaacdo Nordsjaelland ayna kooxda heysata Horyaalka Talyaaniga u rajeyso inay guul darro kasoo gaarto Ukraine si ay ugu soo baxaan wareega 16ka Uefa Champions League.

Laakiin, inkastoo kooxda Mircea Lucescu ay horaan jaratay Tikidhkeeda wareega 16ka, Benitez ayaa dareensan inay Shakhtar weli u baahan tahay inay kor u qaado kulankeeda ugu dambeeye ee Group-ka.

Wuxuu u sheegay Sky Sports: “Waan ognahay inay bareejo tahay wax aan noo fiicneyn laakiin wax fiican ayaa ah inay Shakhtar heysato ciyaartooy badan oo aad u fiican qof walbana wuxuu ka hadlayaa iyaga, sidaas darteed inta kale ee hartay waa inay tusaan inay yihiin ciyaartooy fiican.

”Markii aad ogtahay in kooxaha ugu sareeya Yurub ama caalamka ay ku daawanayaan ka dib waa inaad soo bandhigtaa. Sida cad Juve guul ayey halkaas u aadi doontaa laakiin Shakhtar waxay u baahan doontaa inay tusto heerka ay yihiin.

“Inaad ku dhameysato kaalinta labaad aadna la ciyaarto kooxda ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub way adkaan doontaa, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inay isku dayi doonaan inay guul gaaraan.”

Hadii ay Chelsea ku harto wareega Group-ka waxay noqoneysaa kooxdii ugu horeysay ee iyadoo koobkan difaacaneysa ku harta marxaladan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Chelsea oo Janaayo 70 milyan ku dooneysa Cavani iyo Hamsik.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa mar kale Napoli ka doonaya labada ciyaaryahan oo ay ku duusho Edinson Cavani iyo Marek Hamsik kuwaas oo ay ka go’an tahay inuu keeno Stamford Bridge, sida uu qoray wargeyska Cough offside.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto weeraryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay Edinson Cavani iyo kubad sameeye Marek Hamsik iyadoo ay Blues dooneyso inay dib u dhis isku sameyso maadaama ay xaalad xun ku jirtay lixdii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Waxaana ay xilka ka qaaday tababareheedii Roberto Di Matteo iyadoo u magacaawday Rafa Benitez kaasoo aan guul gaarin sedaxdiisii kulan ee ugu horeysay.

Agaasimaha farsamada Michael Emanelo iyo Benitez ayaa ka dooday macquul ahaanshiyaha Janaayo diirada lagu saarayo labadaan ciyaaryahan,  Abramovich ayaana horaan dalab ugu diray, laakiin waxaa la ogyahay inay taasi ka biyo diiday kooxda San Paolo oo aan dooneynin inay iibiso labada xidig ee halbowlaha u ah.

Abramovich ayaa arka in kooxdiisa Toban dhibcood looga hugaaminayo Premier League halka ay Champions League talaabo u jirto inay ka harto, waxaana lasoo sheegayaa inuu mar kale ka gocanaayo go’aankii uu ku ceyriyey Di Matteo.

Sidaas darteed wuxuu isha ku hayaa inuu tageerayaasha kooxda heshiisyo sare ku qanciyo bisha Janaayo marka uu suuqu furmo, iyadoo markaan lasoo sheegayo in seefta maalqabeenka reer Ruush ay saaran tahay ninka reer Spian Fernando Torres.

Edinson Cavani oo muddo dheer lala xiriirinaayey Chelsea ayey bedelkiisa u raadsanayaan oo diirada u saaran, iyadoo uu xiisahaani bilowday labo sano ka hor, 26-jirkaan ayaa 83 gool Napoli u dhaliyey 112 kulan.

Chelsea ayaana rabta inay xidigaan lasoo iibsato Injineerka quudiya Hamsik iyadoo labadooda ku dooneysa 70 milyan oo ginni una dhiganta 86 milyan oo euro, milkiilaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaana laga warqabaa inuusan lacagtaan indhaha ka daboolan doonin.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

25+25+25 = 75 | Qisada Noloshaada!

Saddex wiil ayaa usafray wadan aad ufog, waxayna dageen guri aad udheer oo kakooban 75dabaq, waxayna dageen dabaqa usareeya ee 75naad. Waardiyihii Daarta ayaa usharxay nidaamka dagenaanta guriga, wuxuuna kuyiri; halkan waxaa kajira nidaam kaduwan, kan kajira wadamadiina.

Wiishka Daarta lagu fuulo 10.00 habeenimo ayuu otomatik isuxiraa, waxaana laga xukumaa meel fog oo haduu mar isxiro cid furi kartaa majirto!. Marka waa inaad soo dheel-mataan kahor 10.00 habeen-nimo, wuxuuna kacodsaday inay warkaas si fiican ufahmaan, waxayna u-adkeeyeen inay fahmeen.

Habeenkii 1aad way soo dheelmadeen 10. kahor, laakiin habeenkii 2aad bay tamashlayntii la dheeraatay, waxayna yimideen iyagoo aad u ordaya 10. iyo 5daqiiqo, albaabkiina jaa waa xirmay. Halkii bayna oohin iyo qaylo ka dhaqaaqeen, waxayna weceen qofkasta oo ay umaleeyeen inuu Daarta ufuri karo, laakiin faaiido la´aan. Markay quusteena waxay ku heshiiyeen inay Daarta kafuullaan jaranjarta ilaa iyo dabaqa 75aad, waxayna ku heshiiyeen inuu mid waliba uga sheekeeyo Qiso dheer oo xiisa badan oo soconaysa inta ay fuulayaan 25dabaq, siay isu hilmaan-siiyaan Daalka iyo jilba xanuunka.

  • Kii 1aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin marqaan badan, oo qosol idinku dilaya ilaa aad is illowdaan, oydaan Daalba xasuusanin!. Wuuna u sheekeeyay ilaa ay Qossol kudhiman gaareen, waalina ku dhawaadeen, Daarta oo dhana laga maqlay qossolkooda iyo qayladooda ilaa ay ka-gaareen dabaqaii 25aad.
  • Kii 2aad wuxuu yiri anu mahayo sheekooyin lagu waasho, balse waxaan idiin hayaa dhacdooyin run iyo xaqiiqo ubadan, oo taa-banaya nolosha dhabta ah iyo dhacdooyinka waayaha. Maxaa lagud-boon qofka raba inuu Guul iyo horumara gaaro, ama wax fiican samaysto iwm. Wuuna u sheekeeyay isagoo siiyay tusaalooyin, waanooyin iyo dhacdooyin fara-badan, ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 50aad.
  • Kii 3aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin ka samaysan dhib xanuun iyo wareer, maxaayeelay waad soo maqasheen sheekoo-yinkii qosolka iyo madadaalada, kuwii dhabta iyo xaqiiqada intaba. Marka ani waxaad iga sugtaanba waa sheekooyinkii xanuunka iyo dhibka. Labadii kalana waxay dheheen; Soodaa maxaayeelay waxaaban rabnaa inaan gaarro Gurigeenii inagoo naga-batay Daalka iyo fikirku, kadibna aan dhakhso seexano! Wuuna uga sheekeeyay ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 75aad, iyagoo Daal la dhiman raba. Wuxuuna kusoo dhameeyay; qisadan aadka unaxdinta badan;

INAAN FURIHII GURIGA KUSOO ILOWNAY WAARDIYIHII DABAQA 1AAD JOOGAY, EE AAN FURAHA WIISHKA KA RABNAY! SADDEXDIINA WAA LA MIYIR DABOOLAY, WAXAYNA KU SIGTEEN INAY NAXDIN LA DHINTAAN!

Qisadu waa mid xanuun badan, oo laga naxo balse waxay kusaabsan-tahay xaqiiqada nolosha Bani aadamka ee caadiga ah. Oo hadaan uqaybino nolosha qofka 3qaybood waxay noqonaysaa 25+25+25=75, intaasina waa cumriga sare ee qofka caadiga ahi uu gaari karo. Oo Rasuulkeenii (scw) wuxuu inoo sheegay umadiisa cumri dhexaad-keedu inuu yahay inta udhaxaysa 60 iyo 70, in yarina ay halkaa dhafi karto.

Hadaba maxay kala-yihiin sadexda qaybood? Waxaa badan in dadku ay; 25sano ee dhalin yaranimada ku nool yihiin; nolol ubadan ciyaar, qosol, fikir la´aan, madadaalo iwm. Waana wakhtiga uu qofku ugu xoog bad-yahay, ugu firifircoon yahay, haduu dhinaca khayrka ujeedsadana uu wax badan qabsan karo. 25sano ee xigta inta badan waxaa lagu mashquulaa noloshii dhabta ahayd; Shaqo raadin, Guur raadin, reer samayn, ilmo dhalid iyo korin, waa wakhtiga tabcashada iyo dhibka  nolosha lagu mashquulo.

25sano ee xigtana waxaa bilaabata dhibaatada caafimaadka;  xanuun badan, tabar darro badan, daawo qaadasho farabadan iyo in da´da laysku noco oo shaqada loo-diido qofka ay Da´diisu 50sano kor udhaaftay. Dhinaca kalana Ilmihii dhibkooda ayaa sii bata, mid shaqo la´aan ah, oo Biil u bahan, mid guur ubaahan, mid lasoo furay, mid wax haleeyay oo ubaahan in dhib laga-badbaadiyo iwm. Waxaana bilaabata inuu qofku ukala wareego Isbitaalada isagoo ladagaa-lamaya xanuuno badan oo soo weeraraya.

Waana waqtiga uu qofka Caqligiisu dhamays-tirmo, xaqiiqada noloshana sixeel dheer udareemo, aadna uu ubadiyo shalaytada iyo maxaan waxaa uqabsan waayay, maxaan sidaa usamayn waayay, maxaan waxaa uqalday iwm?

Qisada waxaa udanbaysay uguna xanuun badnayd inuu dhalinta kii udanbeeyay yiri waxaan hoos kusoo ilownay furihii Guriga! Taasi maxay kadhigan-tahay?  Jawaabtu way sahlan-tahay, oo dadka badan-koodu markay da´yarta yihiin waxay iloobaan ama dhinac maraan Diinta Rabbi (swt) qaada-shadeeda, ku dhaqankeeda, wax u qabadkeeda, u Jihaadkeeda.

Taasina waxay lamid tahay qof kasoo tagay Furihii uu Gurigiisa/ Qabrigiisa ku gali lahaa, raalli ahaan-shaha Rabbina (swt) ku mudan lahaa uu kasoo dhumay, goobtiina yimid isagoo fara maran oo aan fure haysanin.  Waxaana dhab ah qofkaasi inuu lakul-mayo xanuun, dhib, ceeb iyo naxdin iyo shlayto fara-badan.

Taasina waxay naxasuusin kartaa; Xadiiskii uu Nabigu (scw) inoo sheegay in maalinta Qiyaamada ay jiraan 7tilmaamood oo dadka wataa ay harsan doonaan hooska Rabbi (swt) waxaana kamid ah, qof dhalin yar oo kusoo barbaaray Alle (swt) kacabsi, Iimaan iyo khayr, oo aan soo marin waqtigii waalida, madadaala, haw-raaca, Diin ka-fogaanta iyo qiimaha arintaasi leedahay.


Dr. Axmad Cabdulahi – Editor of society, health and education policy for Keydmedia[email protected]

Hooyda ugu yar iyo hooyada ugu weyn taariikhda inta la ogyahay + Sawirro

Hooyada lagu magacabo Lina Vanessa Medina ayaa waxa ay ku dhalatay September 27, 1939-kii xaafada Antacancha degmada Ticrapo ee dalka Peru,waxa ayna hooyo noqotay May 14, 1945 xilligaas oo ay ku dhashay magaalada Lima iyada oo jirta 5-sano iyo 7-bilood.

Waxa ay dhashay wiil waxaana loo bixiyay Gerardo, Qoyska Medina oo xlligii ay foolaneysay ku fikirsanaa in ay qabto cudurka tumor ,ayaa u qaady isbital iyaga oo lagu war geliyay gabadhoodu in ay dhaleysao arintaa oo fajaciso ku noqotay.

Hasa yeeshee gabadha abaheed ayaa loo xiray sababtaasi darted waxaana looga shakiyay in uu isagu gabadhha uurka u yeelay, waana lasoo daayay markii lagu waayay cadeyn iyada oo lagaran waayay gabadha cunugga waxa kadhalay inkasta oo shakiga ugu weyn laga qabay aabaha iyo wiil iyada ladhashay oo waalnaa.

Dhanka kale Haweenyda ugu da’da weyn ee hooyo nototay ayaa iyana waxaa lagu sheegay Omkari Panwar oo 70-sano jir ah taas oo dalka India ku dhashay wiil iyo gabar bishii November 2008-dii.

Inkasta oo haweneydaan aysan heysan shahaado cadeyneysa xilliga ay dhalatay waxa ay sheegatay in 1957-ay jirtay sagaal sano.

Sawirada Omkari

 

Shirqool halaag badan geysan lahaa oo lagu fashiliyay Dekedda Kismaayo.

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shirqool halaag badan geysan lahaa lagu fashiliyay dekedda magaaladaasi.

Gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa galab dhicii lagu qabtay albaabka hore ee dekedda, xilli la doonayay in gudaha loo geliyo dekedda.

Gaariga ayaa waxaa ku rarnaa dhuxul la doonayay in la dhoofiyo, hase yeeshee dhinacyada ayaa waxaa looga soo qariyay miinooyin tira badan, si dekedda loogu dhex qarxiyo.

Saraakiisha ciidamada Soomaalida ee jooga dekedda ayaa sheegaya in dad aysan magacaabin ay kusoo wargeliyaan arrintan, sidaas darteedna ay albaabka ku sugayeen gaariga, maadaama aysan garaneyn midka uu ahaa, xilli gawaari badan dekedda ay galeysay.

Raggii la socda gaariga ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana miinooyinkii laga dejiyay gaariga, ayada oo uusan wax dhib ah dhicin.

Hagbad siyaasadeedka Baarlamanka.

Hagbad, shaloongo ama ayuuto magaca aad doontaba ugu yeer waa un lacag ururtay oo leysku darsaday isla markaana iyada oo kuusan uu hal qof qaato, taas oo aan cid kale kala dhaxeyne uu danihiisa gaarka ah un ku fushado door wareegeedana ay inta badan dumarku xeer wadaag ku yihiin, waxaase iminka soo muuqanaya dhaqan aan ugu magac dari karno hagbadda ama ayuutada mudanayaasha gaar ahaan xildhbaannada qurba juugta ah qaarkood!.

Tooshku wuxuu ifinayaa xildhibaannada lagu soo xulay qaab beeleedka ee aan ku imaanin codka shacabka, hab dhismeedkoodu inuu ahaa yididiilo cusub oo rajo wanaagsan laga filayay, laakin hab dhaqan koodu waa damac aan qarannimo marnaba hiil u noqoneynin oo toosin iyo in laga saxo aan sinaba looga maarmeyn.

Sababtu maxey tahay?.

Dal burbur iyo dhibaato 22 sana ah ka soo kacay bey kudladdani nasiib u yeelatay in ay xilbaanno u noqdaan, iyaga oo ay tiradoodu tahay 275mudane oo ah tiro aad u badan oo culeys ku ah shacab aan ka badneyn 10milyan. Haddaba halkii laga filayay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay samir iyo waddan jacayl ku shaqeeyaan, ayey afka kala furteen, waxeyna codsadeen in xildhibaan kasta uu bil waliba mushahar ahaan u qaato ( $ 2000 )oo doollar, taas oo bil kasta noqoneysa ( $ 550,000 ) oo doollar, lacagtaas oo ah nus malyuun iyo dheeraad canshuurtii dalka ah isku duub ahaanna sanadkiiba noqoneysa adduun dhan ( $ 6,600,000 ) lix malyan iyo lix boqol oo kun oo doollar.

Su’aashu waxey tahay muwaadinka soomaaliyeedow lacagta intaa le’eg dalkaaga bil waliba ma ka go’i kartaa, iyada oo ay maatida soomaaliyeed baahi la daalaa dhacayaan, iyo iyada oo uu weli dalku burbur la il daran yahay dib u dhiskiisa iyo dib u soo nooleyntiisuna aanay weli fari ka qodneyn?, haddaba marka si kale loo eego fikirkaasi sow uma muuqdo ” in la i doorto danbaa iigu jirtay?”.

Xildhibaannada qurba joogta ah qaarkood waxey sameeyaan ama ay qaatan fasax iyo maqnaasho dhowr bilood ah, iyaga oo marka ay dalka dib ugu soo laabtaanna qaata lacago fara badan oo u ururay, taas oo la mid noqoneysa hagbaddii ururtay ama ayuutadii la keydsaday, qaarkoodna waxaaba laga yaabaa ineysan sanad dalka dib ugu soo laaban oo ay howlahoodii iyo ganacsigoodii iska sii wataan, iyaga oo ku tashanaya la xisaabtan la’aanta jirta waase fal u qaab eg “xor baan u ahay xoola qaadashada”.

Ugu danbeystii xikmad baa oraneysa ” mukulaasha ama bisadda, wax korkeeda taabto waxey ugu neceb tahay biyo, wax ay cuntana waxey ugu jeceshahay mallaayga ama kalluunka”, su’aashu waxey tahay haddii ay biyo neceb tahay sidee bey kalluun ku heleysaa?, waa su’aal is weydiin mudan oo u dhiganta haddii aad xil gudashada neceb tahay sidee baad xildhibaan ku tahay?.

Aaan ka guurno qabiilka aan u guurno qarannimo. Aan baranno xalaasha aan ka tagno xaaraanta. Aan qaadanno nabadda aan ka gudubno colaadda. Aan ku dhaqanno caddaaladda aan ka tagno dulmiga. Yaanan ku mashquulin dhaqaale urursi ee aan eegno danta ummadda. Aan gudanno waajibaadka xilka aan illowno mas’uuliyad xumida.

W/Q: Fanaan Bashiir Cali Xuseen.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga u saxiixan.

Isku aadka wareega sedaxaad koobka FA Cup oo la sameeyey.

Kooxda heysa Koobka Chelsea ayaa u safri doonta Southampton ka dib iyadoo la sameeyey isku aadka wareega sedaxaad ee koobka FA Cup.

Manchester United ayaa Upson Park kula ciyaari doonta kooxda West Ham, halka Arsenal ay qoorta u geli doonto kooxdii shalay Emirates ku xasuuqday ee Swansea.

Queens Park Rangers ayaa gurigeeda ku qaabili doonta kooxdaWest Brom. Iyadoo Liverpool ay sugi doonto midkood Lincoln ama Mansfield kuwaas oo ciyaara horyaalka shanaad ee Ingiriiska, kooxda heysata Barclays Premier League Manchester City ayaa Etihad Stadium kusoo dhoweyn doonta Watford.

Tottenham ayaa booqan doonta kooxdii 1987 koobkaan ku garaacday ee Coventry.

Isku aadka wareega Sedaxaad ee FA Cup waa sidaan:

CrystalPalace v Stoke

Brighton v Newcastle

Tottenham v Coventry

Wigan v Bournemouth

Fulham v Blackpool

Aston Villa v Ipswich

Charlton v Huddersfield

Barrow/Macclesfield v Cardiff

Barnsley v Burnley

ManchesterCity v Watford

Swansea v Arsenal

Leicester v Burton

Millwall v Preston

Cheltenham/Hereford v Everton

Derby v Tranmere

Crawley v Reading

Aldershot v Rotherham/Notts County

Middlesbroughv Harrogate/Hastings

Accrington/Oxford v Sheffield United

Southampton v  Chelsea

QPR v West Brom

Peterboroughv Norwich

Lincoln/Mansfield v Liverpool

Bolton v Sunderland

NottinghamForest v Oldham

West Ham v Manchester United

Hull v Alfreton/Leyton Orient

Blackburn vBristolCity

Leeds v Birmingham

Bury/Southend v Bradford/Brentford

Lutonv Wolves

SheffieldWednesday v MK Dons

Kulamadaan waxaa la ciyaari doonaa 6da ilaa 5ta Janaayo.

 

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsigu hada ma furna laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararka xanta ah ee maanta la isla dhex maraayo suuqa kala iibsiga.

Xanta tooska ah:

Tababaraha cusub ee QPR Harry Redknapp ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo 31-jirka Liverpool u ciyaara Joe Cole marka uu Janaayo suuqu furmo, wuxuuna weydiiyey Reds 5.5 milyan inuu qandaraaskiisa ku burburiyo (Daily Star)

Kooxda heysata Horyalka Talyaaniga ee Juventus ayaa ka fikireysa inay Janaayo dalab u dirto 34-jirka qadka dhexe uga ciyaara Chelsea Frank Lampard keliya todobo bilood ayaana ka hartay qandaraaskiisaStamfordBridge(Metro)

Kubad sameeyaha Inter Milan Wesley Sneijder oo 28 jir ah, ayaa wadada ugu jira inuu six or ah uga tago kooxdiisa waxaana doonaya kooxo dhowr ah oo ka ciyaara Premier League (Sunday Mirror )

David Beckham ayaa soo dhoweyn lahaa hadii lagu daro kooxda Monaco, sida laga soo xigtay macalinka kooxda Faransiiska ah Claudio Ranieri kaasoo soo leyliyey Chelsea (Sky Sports )

Anzhi Makhachkala ayaa isku diyaarineysa inay dalab u dirto 28-jirka weerarka uga ciyaara Chelsea Fernando Torres (The People)

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa qarka u saaran inuu dalab u diro weeraryahanka 27-jirka weerarka uga ciyaaraLyoniyo France Bafetimbi Gomis (The Sun)

Tottenham ayaa Celtic ka xayuubsan karta da’yarka xulka Poland Arkaduisz Milik,kaasoo 10 gool u dhaliyey xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Gornik Zabreze (Sunday Mail)

Tababaraha kooxda Chelsea Rafael Benitez ayaa ka fikiraya inaysan kooxda uu haatan heysto aysan ku filneyn marka lagu daro qaab ciyaareedka weerarka ee Fernando Torres wuxuuna dalaban karaa ciyaartoy kale (Sunday Express )

Xanta aan tooska aheyn:

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho, oo ay kooxdiisa xalay 2-0 ku garaacday AtleticoMadrid, ayaa daydayan kara koox kale oouu ka shaqo bilaabo sida laga soo xigtay tababaraha Manchester City Roberto Mancini (Sunday Mirror)

 

Isbaaradii ugu waynayd oo lagu qaaday amarka madaxweynaha.

Fulinta Amarkii Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay Wali ka socotaa Magalada Muqdisho iyadoo maanta la qaaday isbaaradii ugu waynayd ee duleedka Muqdisho dadka xaqooda lagu banaysan jiray.

Isgooska Ex-controol Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga qaaday isbaaro taalay taasna waxaa ay muujisay in Madaxwaynaha dalka Amarkiisa uu shaqaynayo.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay inay Maanta Isbaaradaii ugu waynayd ay qaadeen Guud ahaana ay soo gaba gabay doonaan Isbaarooyinka yaala Gobolada iyo Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Ex-control Axmed yare oo warbaahinta kula hadlay Ex Control Afgooye ayaa wuxuu sheegay in qaadista isbaarada ay ka dambeysay kadib howlgal ay halkaasi saakay waaberigii ay ka sameeyeen ciidanka

Wuxuu sheegay Afhayeenka In Amarka Madaxwaynaha ay  u her geliyeen Sidii looga Tala galay Maadama Amar ka sareeya aysan jirin ayuu yiri.

25-kii bishan ayay Ahayd Markii Madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la qaado Isbaarooyinka Sharcidarada ee yaala Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga oo qarax ka bad baaday.

Wararka ka Imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax lagu weeraraay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Qaraxyada oo ah labo ayaa kan hore waxaa uu ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo ciidamada Amisom  lagu bartilmaameedsaday.

Dad kusugan Afgooye aya sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Buundada Afgooye xaafadaheeda kala barta wallow aan wali la xaqiijin qasaaraha.

Dhinaca kale Qaraxa ayaa lagu qaaday wafdi uu hogaaminayay wasiirka Arimaha gudaha oo todobaadkan wada howlo socdaal ah oo uu ku kala bixinayo Gobolada dalka.

Qaraxa ayaa wasiirka iyo wafdigiisa ay ka dhacay deegaanka Buufow ee hoostaga degmada Marka maadama uu wafdiga halkaas uu ku sii jeeday.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Marka ayaa sheegay inaysan jirin waxyeelo soo gaartay Wafdiga.