30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Beesha Habargidir oo la kulantay R/W C/Weli, kana diidayna qorshe uu rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa sidaan xog hoose ku helayno habeenkii xalay aheyd wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda beesha Habar-gedir ee dagaalka ku qabsatay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararka aan ku helayno ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xildhibaanada Habargidir kula kulmay xarunta madaxtooyada, waxaana ujeedada ugu weyna ay aheyd isagoo kala hadlayay xiisadaha dhanka dagaalka ee u dhaxeeya Biimaal iyo Habargidir oo ka taagan Shabeelaha Hoose.

War hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka uu ka dambeeyay kadib markii ay beeshaasi waxgaradkeeda kasoo horjeesteen in maleeshiyadooda laga saaro deegaanka Nambar Konton iyo degmada Marko oo dagaal ay kaga qabsadeen beesha Biimaal.

“Qorshaha ah inaad maleeshiyadeena oo ah dadka ka saarto Marka, marnaba kaama yeeleyno” ayay u sheegeen Cabdi Weli

Wuxuu dalbaday ra’iisul wasaraha in xildhibaanada matalaysa beesha Habargidir ay kala shaqeeyaan xukuumadiisa sidii xal looga keeni lahaa dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararka kale ee aan helayno ay sheegayaan ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay dhinacyada beesha Biimaal, wuxuuna si lamid ah uuka dalbaday in laga wada shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa xiisada Shabeelaha Hoose.

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa waxay qaarkood Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ku dhaliileen inaanu dhex dhexaad ka ahayn dagaalka u dhaxeeya beelaha isku haaya Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
[email protected]

XOG:- Talyaaniga oo ka carreysan DFS iyo wafti looga yeeray ROMA, Sabab?

Roma (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Saacid iyo wefdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin saraakiil qeybaha booliska ka tirsan ayaa gaaray magaalada Roma ee waddanka Talyaaniga.

Xubno wefdiga ka tirsan ayaa laga soo xigtay in ay Talyaaniga u yimaadeen casuumaad ay ka heleen taliska ciidamada booliska Talyaaniga, oo aan la dhacsaneyn hab dhaqanka ciidamada Soomaalida.

Waxaa labadda dhinac ay ka wada hadlayaan sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa qalabeynta ciidamada Karibiyeerka.
Gaanshaanle sare Cabdul Waaxid Xuseen oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida Torino, lana socday socdaalka wefdiga ayaa sheegay in ay sii lumeyso kalsoonida dowladda Talyaaniga ay ku qabtay booliska Soomaaliya, maadaama sannadihii u dambeeyey ay jireen dad lagu sheegay in ay yihiin askar iyo saraakii la doonayey in tababar dhanka ciidanka ah ay ku qaateen Talyaaniga oo qaab dhuumasho ah kaga baxay Talyaaniga, iyaga oo aan dhammeysan tababarkii ay u yimaadeen.

Sarkaalkan wuxuu kaloo uu sheegay in dowladda Talyaanigu qudheedu aysan daacad ka aheyn gargaarida ciidamada Soomaaliya, ayna u baahan tahay masúuliyiin si dhab ah arrintaasi kala hadla.

“Sannadkii hore dowladda Talyaaniga waxey ku deeqda in 4 qofood oo Soomaali ah ay geli karaan Akamadeeyada ciidamada Modena oo ah akadeemiyadda ugu caansan dalka Talyaaniga oo askarigii ka soo baxa uu meel sare ka gaarayo ciidamada. 4-tii qofood ee loo soo xulay iyaga oo aan billaabin ayeey isaga carareen Talyaaniga. saraakiisha sarsare Talyaaniga ee is lahaa tababara ciidamada Soomaaliya dhacdadaas foosha xun aad ayey u niyad jabisay” ayuu yiri Cabdul Waaxid.

Wuxuu intaa ku daray in dowladda Talyaaniga hadda ay madax ka tahay qorshaha tababarka lagu siinayo ciidamada Soomaaliya, oo halkii horay ay tababarka ugu soo qaadan jireen Uganda, hadda Soomaaliya ay ku qaataan, loona xilsaaray Talyaaniga.

Gaanshaanl sare C/Waaxid wuxuu ugu baaqay wefdiga Taliyaha in aysan la mid noqdon wefdiyadii hore ee Italia yimid, kaddibna taageeradii dowladda Talyaaniga u fidisay ummadda Soomaaliyeed siyaabo aan munaasib aheyn u isticmaalay.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
[email protected]

Imaamka beelaha H/Gidir oo waftigii ay dirtay DF Somalia weerar ku qaaday

Muqdisho(Caasimada Online)- Imaamka beesha Habargidir Imaan Cabdulaahi Khaliif Rooble ayaa si kulul u dhaliilay wafdiga dowlada Soomaaliya ay u dirtay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Imaamka ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ay soo jeediyeen qorshe ah in maleeshiyada Beesha Habargidir laga saaro deegaanadii ay qabsadeen taasina aysan qaadaneynin.

Wuxuu sheegay in taasi ay tahay mid aysan ku soconeynin waxgaradka Habargidir, wuxuuna qiray inay horseedeyso gumaad kale oo ay la kulmaan shacabka beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Mumin qof labo jeer lagama qaniino, hadda ka hor ayaa nala dhahay maleeshiyadiina celiya markaas ayaa nala gumaaday oo tuulooyin la gubay, mana ka yeelayno wafdiga dowlada ka socda”sidaasi ayu yiri Imaamka.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Marko oo kasoo jeeda beesha Biimaal ee dagaalka kula jira dhinaca kale ayaa sheegay in marnaba uusan la kulmeynin wafdiga dowlada ka socda.

“Mala kulmayo wafdiga dowlada maxaa yeelay waxaa la barakiciyay dadkii aan matalayay, xafiiskeygii ayaa xoog lagu qabsaday, marnaba ma yeelaayi inaan la kulmo”sidaasi ayuu dhankiisa saxaafada u sheegay gudoomiyaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisada ka taagan degmada Marko iyo deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u muuqata mid ay adagtahay in xal buuxa laga gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

GAAS oo dagaal ugu hanjabay S/LAND

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay tallaabadii ciidamada maamulka Somaliland ay ku galeen magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Isagoo saxaafadda kula hadlaayay Boosaaso ayuu sheegay mudane Gaas in aysan marnaba ka gorgortami doonin in Somaliland ay qabsato dhul ay lee dahay Puntland wuxuuna intaas ku daray in ay diyaar la yihiin siddii ay isaga difaaci lahaayeen Somaliland.

“Ma yeeleyno in dowladda Somaliland ay ku xadgudubto dhul ay lee dahay Somaliland waxaana aan ka codsaneynaa ciidamadooda in ay kala baxaan halkaas” ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay oo kale in Taleex ay ka mid tahay deegannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland. Isagoona intaas ku dara in Puntland ay diyaar u tahay in dagaal ku soo ceshato dhulka ay qabsadeen maamulka Somaliland.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan ciidanka Somaliland ay galeen magaalada Taleex oo uu ka dhisan yahay maamulka Khaatumo State.

Waa markii labaad oo ciidanka maamulka Somaliland ay galaan Taleex tan iyo sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha amaanka ee suuqa Xamarweyne  Cismaan Baynoos oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in hal ruux uu ku dhintay qaraxa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo ciyaal ah, sida uu sheegay taliyaha.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aadan wuxuu ahaa, waxaase wararka ay sheegayan in qaraxa uu ahaa miino dhulka ku aasneyd, iyadoo dadka qaarkii ay sheegayaan waxyaabo ciyaalka ay ku ciyaarayeen.

Labada ciyaalka ah ee dhaawacantay ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa, waxaana lagu qaatay mooto dhug dhugley oo lagu gaarsiiyay xarun caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la sheegayaa inay sameynayaan baaritaano ay amaanka ku xaqiijinayaan.

Lama oga dadka ka dambeeya qaraxaasi saaka ka dhacay agagaarka suuqa bacadlaha ee degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamada DFS oo qaaday tallaabo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka meletariga dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay howlgalo ay ku qaadeen isbaarooyin badan oo yaalay wadada isku xirta gobolka Shabeelaha Hoose, Dhexe iyo Banaadir.

Generaal Maxamed Maxamuud Qaafow, taliyaha ciidamada meletariga qeybta 12 April oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku guuleysteen ciidamadooda lana qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaalay goboladaasi.

Taliya ayaa ciidamo dowlada ka tirsan iyo kuwo isku ekeysiinaya ku tilmaamay dhamaan dadka dhigtay isbaarooyinka yaala afarta wado ee ka baxda magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya.

WUxuu sidoo kale sheegay in qorshaha isbaarooyinka lagu qaaday ay ka dambeysay kadib markii ay bateen cabashooyinka kasoo yeerayay shacabka Soomaaliyeed ee ku sufraya wadooyinkaasi.

“Afarta wado ee ka baxdo Muqdisho waxaa la maqli jiray inay dad hobeysan oo isbaarooyin inay yaalaan, laakiin arintaasi waan ku guuleysanay waana wada qaadnay isbaarooyinkaasi, waxaana wasaarada maaliyada ay suurto u ah inay canshuur qaadaan” sidaasi ayuu yiri Generaal Qaafow.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa digniin u jeediyay dadka ku howlan inay isbarooyin soo dhigtaan afarta waddo ee soo gasha kala baxdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Garaad yarida & gefka Axmad Samatar

Axmad I. Samatar wuxuu Xamar yimid asagoo yaaban oo aan weligii arag magaalo weyn, kana yimid tuulo aad uga dambeysa woqooyiga intiisa kale. Markaasaa laga siiyay shaqo Radio Muqdihso, kaddibna loo diray BBC London si uu tababar u soo qaato, waana heshiiski ka dhexeeyay Somaliya iyo BBC…wuxuu ku sugnaa iyo siduu  u noolaa waa naqaanaa, laakin asagu ma oga in ay jiraan dad qiimeyn kara caqliyaddiisa, heerka aqoontiisa, hab dhaqankiisa (and his cheap  personal quality and behaviour).  Wuxuu ka mid yahay dadka xumaanta wax ku raadsada iyo inuu cid kale u gefo si qolada uu wax ka rabo (Somaliland) ay u arkaan qof fiican oo aqoonyahan ah kuna xaragooda xumaanta iyo cayda Xamar. He is good in collecting enemies.

Noloshi aad Xamar ku heysatay meel kale ood ka heli karto adduunka kuma taallo, laakin ma dareensanid oo waxaa kuu muuqda sidi laguu bahdelay markaad doonatay jagu uusan weligii ku riyoon dadka noocaaga oo kale ah..Reer Xamar waxay qabaan maah-maah dheheysa (CITINTAADA CUNAA CAYDAADA YAQAAN)…Ahmed Samatar waa nin isagu is-arkay laakin aysan dadku arag..xikmadda carabiga waxay ahaydمن يرى نفسه قبل أن يره الناس لم يره الناسreer woqooyi waa yaqaaniin waxa aad tahay, fikradda lagaa qabana marna isbeddeli meyso, waayoo waxaa tahay xaasaid aan cidna u oggoleyn nabad iyo barwaaqo. Dulqaadka Xamar xaduu leeyahay, waxaana soo socda xilli ay Xamar xaaqi doonto xaasidka oo dhan sida adiga iyo Galleyr iyo kuwa kale oo badan. Xamar wuxuu mathalaa Somali oo dhan.

Waxaa jirtay sheeko laga soo weriyay Imaam Shaafici, Ilaahey raalli ha ka noqdee, isaga ardaydiisi qaarkood oo malin wada socda ayey la kulmeen dad Sheikha salaamay weydiiyayna xaaladiisi..markaasuu ku

Cabaaday uu yiri dhibaato badan ayaa na heysata oo dhinacya  badan ah, ha ahaato xagga caafimaadka, xagga nolosha iyo xag walba, waana iska adkeysaneynaa..ardadi iyagoo yaabaan ayaa haddana dad kale ka hor yimideen Sheikha oo iyaguna xaaladda weydiiyay, markaasuu u shegay arrin lagu farxo oo yiri aad iyo aad ayaan u fiican nahay wax dhibaato ahna ma qabno Alxamdu Lillaah.

Aradadi Sheekha iyagoo yaabaan ayey sheekha weydiiyeen oo dheheen kuwi horena dhibaato ayaad u sheegtay, kuwanna wanaag kheyr iyo nicmah ayaad u sheegtay…Sheekh sidee wax u jiraan?..Jawaabti waxay naqatay qoladi hore waa dad xaasid nagu ah oo ku farxaya dhibaatada na heysata, laakin qoladan dambe waa dad jecel wanaageena, waxaana qola waliba u sheegnay wax ay ku farxaan. Samatar wuxuu rabaa inuu ka farxiyo Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed oo isu bogaadiya dhibka Xamar ka dhaca.

Ninbaa jiray beri lahaa ey iyo dameer..wuxuu mar kasta la cayaaraa eyga..dameerki ayaa ka maseyray oo isaguna jecleystay inuu la cayaaro ninkan, markaasuu ninkii oo fadhiya uu lugihi hore korka ka saaray. Ninki wuxuu ku sigtay inuu dhinto..intuu soo istaagay ow dameerki dilay..Samatar waxaan uga baqaa inay dilaan kuwa uu raadinayo aqoonsiga iyo jeceylkooda.

Waa nasiib darro weyn in Samatar lagu sheego aqoonyahan, waayo aqoonto waxay leedahay tilmaan ama definition oo ah( EDUCATION IS CHANGE IN BEHAVIOUR0)..aqoontu ma ahan shahaado la qaato ee waa dhaqan hufan, garaad iyo aragti dheer ood ka arki karto cimilada(environment) kugu xeendaabay…Waxa erayada afkiisa ka soo baxaya uma qiyaasna halka ay gaari karaan iyo cawaaqibta ka dhalan karta. Waxaa jirta xikmad carabi ah oo dheheysa لسان العاقل وراء قلبه وقلب الجاهل وراء لسانهoo micnaheedu yahaycarrabka caaqilka wuxuu ka dambeeyaa caqligiisa, caqliga dabbaalkana wuxuu ka dambeeyaa carrabkiisa oo isaga oon fikirin ayuu afka furtaa.  Qoraalkan loolama jeedo in qof lagu aflagaadeeyo ee waa tusaale dad badan wax u kordhin kara, kuwaas oo ah dadka dhuuxa qoraalka oo aan fiirin qofka qoray..Samatarow ku duceyso inta soo socota:

اللهم انى أسالك علما نا فعا ورزقا طيبا وعملا متقبلا    

Waxaa laga yaabaa inuu Ilaahey kugu hanuuniyo meesha kheyrka ku jiro, saaxibadaana ku waani inay joojiyaan cadaawada ay u qabaan Xamar iyo dowladda ka jirta, waana tubta toosan oo lagu wadaagi karo wada noolaashada danta ugu jirto Somali oo dhan.

W/Q: Axmad Calasow               

[email protected]

Warbixin: Madaxda DF SOMAALIYA iyo shaqaaleynta ina-adeereysan ee DFS

Il-duufsi siyaasadeed, galti maamul Xukuumadeed iyo turunturooyin kale ayaa laga dareemayey dhamaan Xukuumadihii dalka soo maray tan iyo burburkii Dowladnimo ee bilowgii sannadkii 1991-kii.

Habacsanaanta iyo marnaanshihii Nidaamkii Dowladnimo Kacaankii Oktobar kadib, waxa uu Masraxii Dowladnimo iska noqday mid jaantaa rogan ah, Waxaana magacaabista Mas’uulka istaahila Xilka Qaranka lagala tashan jirey oo soo gudbin jirey dad aan ehel u ahayn Nidaamka Dowladnimo.

In Kaabo qabiilka ama Gacan-yarayaashiisa soo magacaabaan Mas’uulka Beelaha wakiilka uga noqonayo Xilka Qaranka ayaana loo markhaati yahay qaabkii loo soo mari jirey magacaabistiisa, oo haddii lagu gacan sayrana la isku habar wacan jirey, difaacyo iyo soohdimo-beeleedyo loo kala oodan jirey.

Waa Taariikh ma-doonto in Geeljire, Dareewal Tekniko, Kaabo Mooryaan, Bagaashle, Shidaal-gade iyo Ganacsade dhiigga dadka malabsaday loo magacaabi jirey xilalka min Wasiir ilaa Agaasime Xafiiseed ama Taliye Ciiddan.

Gar iyo Gar-darro ha ku yimaadeen, waxaa dadkaasi la magacaaba ku sii hoos noolaan jirey oo ilaa iyo haatan raadadkooda sii muuqdaan in nidaam Hayb-soocan lagu soo xulo Shaqaalaha uu Mas’uul kasta madaxda ka yahay.

Wasiir kasta ama Mas’uul kasta waxaa Xoghayntiisa ilaa shaqaalaha hoose intaba wada yihiin kuwo ku hayb tirsada, laga yaabee inay ku jiraan dadka uu ka shaqaaleysiiyo Hay’adda uu madaxda ka yahay carruur uu dhalay ama uu Waalid iyo xigto yihiin.

Ku-salaynta Nidaamka Beeleed ayaana udub-dhexaad u noqotay habowga haysta Madaxda Dowladda Federalka oo iyuagu weli dhiiggii Maamul-beeleedyadda ku sii dambeeyo.

Galti-siyaasadeedka taagan ayaa mararka qaarkooda waxaa la arkaa inay Mas’uuliyiinta aqooninba waxa Xilka loogu magacaabay iyo Tubta Shaqo ee loo jeexay iyo waxay ugu tuntaan Sharciga, isla markaana u illaabaan inay ka dhabeeyaan Dhaartii uu maray markii xilkaasi loo dhiibayey.

Markaynu eegno Masraxa Maamulka ee xilligan, waxaa naadir ku ah inuu Wasiir ka danqado darxumidda taagan, gaar ahaan sidii loo soo nooleyn lahaa Astaamihii Qaranimadda.

Sababaha ugu nugul ee taasi horseeday ayaa la oran karaa inaysan ahayn Waddaniyiin, maadaama uu Wasiir kasta uu wato hal Baasaboor Ajnabi ama in ka badan, taasi oo laga dareemi karo inay dalalka kale ee ay Dhalashadda ka haystaan u nugul yihiin.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in culayska la saaro sidii Mas’uuliyiinta sare loogu carbin lahaa Qiimaha Waddaniyadda iyo Xuquuqda dhabta ee lagu leeyahay, mana aha in Mas’uul aan Waddani ahayn lagu naas-nuujiyo xil uusan garasho u lahayn.

Mana ah Nidaam Dowladnimo in Xafiisyadda Wasiiradda ka wada hawl-galaan dad khaas ah oo ay isku hayb yihiin, waxaana loo baahan yahay in la saxo, lana qiimeeyo caddaaladda Muwaadiniinta kale ee Xuquuqdooda lagu tumanayo.

Si kastaba ha ahaatee, in wax la saxo waa muhiim, guuxa dadweynahana waxay ka turjumaan hadba marxalladda lagu jiro, waxaana Xukuumadda la gudboon in la xagal toosiyo qalaadaadka nidaamka ehelnimadda ku dhisan, lagana gudbo Dabeecadaha farta lagu fiiqayo ee ka muuqdo inta badan Xafiisyadda Madaxda Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

BEESHA CAALAMKA oo war cad kasoo qabsashada Somaliland ee TALEEX

Taleex (Caasimada Online) – Wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa hadlay tallaabadii ciidamada Somaliland ay ku galeen magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Wuxuu ugu baaqay in ay degdeg uga soo baxaan isla markaana labada dhinac waa Khaatumo iyo Somaliland ay joojiyaan wax kasta oo hurin kara colaad ka dilaacda gobalkaas, isagoona hadalkiisa intaas ku daray in loo turo shacabka ku nool goobaha collaadaha ay ka taagan yihiin.

Wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ku xun yihiin colaadda ka taagan Taleex oo ay isku heestaan maamulada Somaliland iyo Khaatumo.

Hadalka danjiraha gaar ah ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo seddax maalin ka hor ciidamada Somaliland ay dib u galeen magaalada Taleex, waxaana magaalada la rabay in uu dhawaan ka furmo shir ay lee yihiin salaadiin iyo mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo State.

Waa markii labaad oo sannadkan ciidamada maamulka Somaliland ay galaan magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Taleex ay ka mid tahay dhulka ay ka arrimiyaan balse arrintaas waxaa ka soo horjeeda maamulka kale ee Khaatumo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Cabdi Weli Gaas oo madaxda CARABTA kala soo hadlaya arrimo xasaasi ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah ka dhoofay magaalada Garoowe isagoona ku sii jeeda dalka Imaaraadka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Wafdiga madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu socdaalkiisa la xiriiro marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dowladda Imaaraadka carabta, isagoona intaas ku daray in muddo shan cisho ay maqnaan doonaan isaga iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha ay kala hadli doonaan isaga iyo madaxda Khaliijka wuxuu sheegay in ay kamid yihiin xiriirka u dhexeeya labada dhinac iyo Puntland laga caawiyo dib u dhiska iyo ammaanka deegannada ay ka arrimiyaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo markii uu xafiiska qabtay horaantii sannadkan wuxuu socdaalo badan ku tahay dhowr waddan oo ku yaalla gobalka oo ay ka mid tahay dalka Yemen.

Puntland ayaa ka mid ah deegannada nabdoon ee ku yaalla Soomaaliya, waxaana ay hadda dooneysaa in si madax banaan ula macaamisha beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Xog cusub oo ku saabsan Heshiisiinta beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

Muqdisho(Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa manta markale gaaray degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, six al buuxa ay kaga keenaan dhibaatada ka taagan degmada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Wafdigaasi waxaa hogaaminayay wasiirka wasaarada gaashaandhiga iyo amniga qaranka Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, waxaana kamid ah wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gudiga dib uhishiisiinta qaranka Soomaaliya Ismaaciil Macalin Muuse.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wafdigasi ay kusoo dhaweeyeen degmada Marka ee gobolka SHabeelaha Hoose, iyadoo ujeedada ay tahay dhameynta khilaafka dhanka beelaha ah ee ka taagan gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga dowlada Soomaaliya ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya eek u sugan degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay la kulmayaan dhamaan waxgaradka labada dhinac ee dhawaanahaan ku dagaalamayay gobolkaasi, si ay usoo afjaraan xiisadaha dhanka qabaa’ilka ee ka jira gobolka SHabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan dhameynta xiisadaha ka taagan degmadaasi iyo dhamaan deegaanada hoostaga ee ay ku dagaalamayaan beelaha Habar-gedir iyo Biimaal.

Wafdigaasi ayaa degmada Marko ku tagay duulimaadka dhanka cirka iyo safar dhanka dhulka ah sida uu sheegay gudoomiye Siidii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Warbixin: Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo(caasimada Online) – Kadib markii manta qarax uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa halkaasi laga sameeyay baaritaano dheeri ah oo amaankalagu xaqiijinayo.

Hal ruux oo kamid ah askarta maamulka Puntland ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhacay xaafada Garsoor ee dhanka Puntland, iyadoo sidoo kale la sheegay in ruux rayid ah uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamada ayaa qaraxa ka dib waxay baaritaano ka sameeyeen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in dad badan lagu qabqabtay.

Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaanan wali ka hadlin howlgalkii ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyo dadkii ay kusoo qabqabteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ku dhawaad 10 dhalinyaro ah ay kaxeysteen ciidamada maamulka Puntland, iyadooay ku jireen arday iskuulo waxbarasho ka dhigta magaaladaasi.

“Hal askari ayaa dhintay hal kalana wuu dhaawacmay, waana dhaawac daran, baaritaano ayaa socda , xaalada way wanaagsan tahay laakiin dhalinyaro ayay xer xereen”. Sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemay xaalad amaan oo wanagasan, iyadoo ciidamada labada maamul ee ka arimaha magaaladaasi ay sameynayeen howlgalo wadajir ah.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

 

XOG cusub oo maamulka Puntland la xiriirisay dagaal beeleedyadi gobolka..

Guri-ceel (Caasimada Online) – Culumaa’udiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda Balanbale & Guriceel ayaa ku soo baxay dirirtii dhexmartay 10-ka June maleeshiyooyin hubeysan oo dhinacyadaas ka soo kala jeeda, waxaana iska horimaadyasaasi oo ka dhacay degmada Balanbale duleedkeeda ay galaafteen nolosha 11 qofood.

Waxgaradka Guriceel & Balanbale waxey ku guuleysteen in xabadda la joojiyo, maleeshiyooyinkana la kala qaado, markaa kaddibna laga wada-hadlo qasaaraha & sidii looga xaali lahaa wixii labadda dhinac kala gaaray.

Waxaa jira waxgarad Guriceel ka soo jeeda oo eeda dagaaladaasi dusha ka saaray maamulka Puntland, waxaana dadka fikradaasi qaba ka mid ah C/qaadir Saxaradiid, wuxuuna sheegay in weerarada ka dhacay Galguduud ay siyaasadi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in ay jiraan raadad ay ku cadahay in hubka la isku gumaaday uu ka yimid dhanka Puntland, lana soo mariyey beelo deegaanka ah.

Saxaradiid wuxuu sheegay in Puntland mar walba ay dhaqaale ku bixiso in ay colaad ka dhex huriso Gobolada dhexe, si ay dhaxasho aqoonsiga beesha caalamka.

“Waxaan ognahay in dhaqaalaha Puntland ka soo xerooda 30% (Soddon boqolkiiba) loogu talogalay kala furfurida & isku dirka beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolada dhexe. Waxaan u maleynayaa in Puntland mar haddii shirqooladaasi lagu fahmay in dhaqaalaha intaas la’ eg ay u weecin doonto dhinaca horumarka deegaanadooda” ayuu yiri Saxaradiid.

Saxaradiid wuxuu kaloo uu sheegay in ay ka war heleen in Puntland ay dhaqaale & hub ku bixisay colaada Galguduud, iyada oo ka dabaaqtameysa in maleeshiyooyinka qabsaday Sh/hoose ay ku garab siiyaan Barre Hiiraale dib u qabsashada Kismaayo.

“Puntland ujeedadoodu waxey tahay in ay isku diraan beelaha Balanbale & Guriceel, waxaana jirta cabsi ay ka qabto inay isku xirmaan maleeshiyooyinka qabsaday Marko (Sh/hoose) iyo maleeshiyada Col. Barre Hiiraale ee ku sugan Goobweyn” ayuu yiri Saxaradiid, wuxuuna tilmaamay in Guriceel & Balanbale beelo wada degan oo isku daaq & raas ah ay qalad tahay in la isku soofeeyo, iyada oo ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga hortago weerar iman doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso Nicholas Kay: Xasan Sheikh & C/Weli waxay ku kala bixi doonaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo waryesi siiyey idacaada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadalay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Kay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in uu khilaafkaasi jiro, hase yeeshee loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wada shaqeeyaan.

Kay ayaa madaxda Soomaaliya ka codsaday in ay xaliyaan madmadowga yar yar ee u dhaxeeya, taasina ay tahay waxa dalka uu u baahan yahay.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac mar walba ay jirto hab fudud oo lagu xalin karo, waaxaana taas uu ku sheegay dastuurka dalka.

“Xasan Sheikh iyo Cabdi Weli waxay ku kala bixi doonaan dastuurka, waana shaqada baarlamanka in labada dhinac ay ku kala saaraan dastuurka” ayuu yiri Kay.

Halkan ka dhageyso Nicholas Kay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xaqiiqda dagaalka gobolka SH/HOOSE ee inta badan dadka aysan ka warhayn

Marka (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa dagaalo ay ka dhaceen deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose, waxaana ciidamo iska soo horjeeda oo ku labisnaa dresska ciidamada dowladda oo qaab beeleed u abaabulan ay ku hardameen gacan ku heynta deegaanada u dhaxeeya No 50 ilaa iyo magaalada xarunta u ah gobolka ee Marka.

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay dagaalada kuna baaqday in si deg deg ah loo joojiyo. Waxayna ay bilowday dadaal lagu nabadeeynayo dhinacyada dagaalamay.

Dadaalkaasi waxaa hormuud ka ah guddi gaar oo ay dowladdu u xilsaartay oo ay  hogaaminayaan wasiirada Arimaha Gudaha iyo gaashaadhigga

Colaadan oo salka ku heysa muran ku saabsan lahaanshaha dhul beereedyo ayaa waxay abuurtay cabsi laga qabo in mar kale Somaliya ay ku soo xoogeystaan dagaalada ku saleysan qabiilka xilli dowladda ay hardan ugu jirto hirgelinta hanaanka Federalka iyo higsiga doorasho Somalia ka qabsoonta sanadka 2016ka.

Hadaba maxuu salka ku hayaa dagaalkan, maxay tahay xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka, ee inta badan dadka aysan ka warhayn, maxaase xal looga gaari la’ayahay oo ay muddo la soo jiitamayeen.

Idaacadda VOA, ayaa arrintaas ka diyaarisay barnaamij muhiim ah, oo dad xog ogaal ah ay ka qeyb galeen. 

Halka hoose ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran.

Muungaab oo shaaciyey qorshe cusub oo TURKIGA uu ka damacsan yahay dib u dhiska Xamar oo la keeni doono..

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa dhowaan kasoo laabtay socdaal qaatay muddo asbuuc ah oo uu ka tagay dalka Turkiga.

Iminka, oo uu ku sugan yahay Muqdisho, ayaa Muungaab uu sheegay in ay wadaan qorshayaal lagu horumarinayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho sida dhismaha xaruumaha danta guud, oo Turkiga fulin doono.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay intii uu ku sugnaa dhawaan dalka Turkiga in uu kala soo hadlay arrimahani mas’uuliyiinta dowladda Turkiga iyo hey’adaha dalkaasi laga leeyahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen fulinta mashaariicyo loogu talo galay magaalada Muqdisho.

“Waxaan walaalaha Turkiga ay inoo ballanqaadeen in ay nagala shaqeynayaan horumarinta gobolka Banaadir, waxaana ka sugeynaa dhawaan in ay noo keenaan gaadiidka loogu talo galay nadaafadda iyo dabdamisyo ka qeyb qaadanaya daminta marka uu dab ka kaco xaafadaha Muqdisho” Ayuu yiri Muungaab oo la hadlay idaacadda Dowladda.

Horey ayay Dowladda Turkiga Muqdisho uga fulisay mashaariicyo loogu talo galay horumarinta caasimada, iyadoo noo dhistay qaar ka mid ah laamiyada loogu isticmaalka badan haddana ay ku howlantahay dhismaha laamiyada kale ee harsan taa oo wax badan ka badashay bilicda caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Daawo: Muuqaalka Wiilkii yaraa ee ka soo dhacay dabaqa 11-aad mudo kadib

0

Wiil yar oo Soomaali ah laguna magacaabo Muuse Dayib oo dhawaan kasoo dhacay dabaq aad u dheer qeybtiisa 11 ayaa maanta lagu soo bandhigay Minnesota.

Hooyada dhashay wiilkan yar oo lagu magacaabo Faadumo Cabdullaahi ayaa sheegtay in naxdin ay ka dambeyso farxad, taasi oo ay ula jeeday inay maanta indhaheedu ku aragto inankeeda yar ee Muuse oo cayaarayo.

Hooyadaan dhashay Muuse ayaa sheegtay in marki uu wiilkeeda yar kasoo dhacayay dabaqa 11-ka biyaano ay ka maqneyd guriga, iyadoo sheegtay inay hoos jirtay nala daawo muuqalakaani oo ah mid lagu farxo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Dowlado la sheegay inay kaalin ku lee yihiin dagaallada ka socda Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Keynaan oo horrey u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay dhinacyo badan ku lug lee yihiin.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in dagaalladaas ay ku lug lee yihiin dowladda Kenya iyo Itoobiya.

“Waxaan rabaa in aan sheego in dowladdaha Kenya iyo Itoobiya ay ka dambeeyaan dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose waana arrin nasiib darro ah” ayuu yiri Xasan Keynaan.

Wuxuuu shjeegay oo kale in dagaallada ay markii horre ku billowdeen qaab qabaa’il balse hadda ay u muuqdaan kuwa beelo badan iyo dalal badan ay ku lug lee yihiin sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka siyaasigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaallo qaab qabaa’il u abaabulan ay ka socdan gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, xaaladda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa maalintii seddaxaad deggan in kastoo weli labada maleeshiyo ay is hor fadhiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wafdi wasiiro ah oo gaaray Sh/Hoose

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdiga oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga ahna wasiirka arrimaha ammaanka Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, waxaa kaloo wafdiga ka mid ah guddoomiyaha gudaha dib u heshiisiinta.

Wafdiga ayaa markii ay tageen magaalada waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta gobalka iyo odayaal dhaqameedyo waxaana ay kala hadleen siddii loo damin lahaa colaada ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxay kaloo kulamo la lee yihiin saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Marka.

Mas’uuliyiinta gobalka ayaa sheegay in wafdiga ay sidoo kale la kulmi doonaan odayaal iyo wax garad ka soo jeeda maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Magaalada Marka waxaa toddobaadkii hore tagay wafdii uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaah gudaha iyo arrimaha fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre in kastoo safarkii ay ku tageen Marka uu ahaa mid guul darestay.

Waa wafdigii labaad oo muddo toddobaad ah taga magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose adaxda dowladda.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya aaney xal u helin dagaallada ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose kaasoo geestay khasaaro dhimmasho iyo dhaawac iyo dad badan ay ku barakaceen.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso Axmed Diiriye: Hawiye ayaa 80% degan gobolka Shabellada Hoose, ha lagu farxo ama ha laga naxo

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka la waregay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin Ciidamada Maamulka Shabelle State.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamadaasi ay yihiin kuwa Xaqiijinaya Ammaanka Goobaha ay Qabsadeen sida uu sheegtay Axmed Diiriye, ayna habboon tahay in ayaga loo daayo maamulka magaalada.

Axmed Diiriye, ayaa sheegay in gobolka Sh/Hoose ay 80% dadka degan ay yihiin beelaha Hawiye, ayagana ay xaq u lee yihiini inay maamulaan gobolka.

“Xaqiida ayaa ah in gobolka dadka ugu badan ay yihiin Hawiye, ciddii doonta ha ku faraxdo ama ciddii doonta ha ka naxdo” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in haddii ay xaqii tahay in sheegashada Biyo-Maal ee ah inay gobolka ayaga u badan yihiin looga baahan yahay inay difaacdaan.

“Ma jirto cid deegaan ay u badan tahay laga saari karo, haddii Biyo-Maal gobolka u badan yahay ha difaacdaan” ayuu yiri.

Halkan ka dhageyso Nabaddoon Axmed Diiriye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]