30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dhageyso Axmed Diiriye: Hawiye ayaa 80% degan gobolka Shabellada Hoose, ha lagu farxo ama ha laga naxo

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka la waregay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin Ciidamada Maamulka Shabelle State.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamadaasi ay yihiin kuwa Xaqiijinaya Ammaanka Goobaha ay Qabsadeen sida uu sheegtay Axmed Diiriye, ayna habboon tahay in ayaga loo daayo maamulka magaalada.

Axmed Diiriye, ayaa sheegay in gobolka Sh/Hoose ay 80% dadka degan ay yihiin beelaha Hawiye, ayagana ay xaq u lee yihiini inay maamulaan gobolka.

“Xaqiida ayaa ah in gobolka dadka ugu badan ay yihiin Hawiye, ciddii doonta ha ku faraxdo ama ciddii doonta ha ka naxdo” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in haddii ay xaqii tahay in sheegashada Biyo-Maal ee ah inay gobolka ayaga u badan yihiin looga baahan yahay inay difaacdaan.

“Ma jirto cid deegaan ay u badan tahay laga saari karo, haddii Biyo-Maal gobolka u badan yahay ha difaacdaan” ayuu yiri.

Halkan ka dhageyso Nabaddoon Axmed Diiriye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku gacan seeray qorshaha DFS ee Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta shirk u yeeshay xildhibaanno iyo siyaasiyiin sheegtay inay ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo si degdeg ah ugu baaqay in la joojiyo dagaall beeleedyada ka socda gobalkaas.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin qaabka dowladda u dooneyso in ay ku joojiso dagaallada.

“Marnaba ma raacsanin sida ay DF u wajaheyso xaalka gobolka iyo qorshaheeda ku aadan nabadeyntiisa” ayay yiraahdeen.

Waxay ku baaqeen dowladda in ay ka saarto maleeshiyaadka qabsaday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose, iyagoona intaas ku daray in dawooyin iyo gargaar la gaarsiiyo dadka ku wax yeeloobay dagaallada.

Waxaa kaloo ay sheegeen in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ku lug lee yihiin gacan seddaxaad kuwaasoo doonaya in gobalka uu ka billowdo dagaallo sokeeye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho oo hubka aad loo iibsanayo islamarkaana uu cirka iska shareeray

Sare u ballaaran, ayaa waxa uu toddobaadkaan ku yimid qiimaha la kala siisto hubka, ee suuqyada qarsoon ee Magaalada Muqdisho, xilli xiisad beeleed ka oogan tahay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Suuqyada sida dhuumaaleysiga leh hubka loogu kala iibsado, ayaa waxaa si weyn looga iibsanayaa qoriga AK47, dhuumaha suuga, dhashiikaha, shilkaha iyo noocyada kale ee hubka.

Qoriga AK47, ayaa waxa uu qiimihiisa uu xilligaan Magaalada Muqdisho ka jooggaa in ka badan kun dollarka Mareykanka ah ($1,000), iyadoo toddobaadkii hore lagu kala iibsanaayay qiimo u dhaxeeyo 500 ilaa 600 oo dollarka Mareykanka ah.

Rasaasta qoriga AK47, ayaa waxay xilligaan Magaalada Muqdisho ka mareysaa in ka badan laba dollar, iyadoo toddobaad ka hor la kala siisanaayay nus dollar.

Wixii ka dambeeyay Sabtidii, ayaa si xowli leh hubka loogu kala iibsanaayay suuqyada aan Sharciga ahayn ee hubka lagu kala iibsado ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay is hubeynayaan beeluhu.

Isbedelka ku yimid qiimaha hubka ee suuqyada madow, ayaa waxaa lala xiriirinayaa dagaal beeleedyada labada toddobaad ka hor ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Beeluhu waxay u muuqdaan kuwo aan kalsooni badan ku qabin Dowladda Federalka ee Somaliya, markii ay ka gaabisay wax ka qabashada dagaalada uu dhiigga badani ku daatay ee weli Shabeellaha Hoose ka taagan.

Dowladda Soomaaliya oo laga doonaayay inay si sax ah ugu kala dab qaado shacabkeeda, ayaa waxaa lagu dhaliilayaa inay indhaha ka qabsatay waxa uu ku bilowday dagaalada, kuna soo baraarugtay uun qabsashadii Magaalada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Salaad Cali Jeelle: DF Somalia ayaa ka dambeyso dagaalka gobolka Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka dambeeso dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayuu sheegay in dagaallada ku dhexmaraya gobalka xal loo heli karo balse dowladda dhexe aaney rabin in ay wax ka qababto.

Wuxuu kaloo dowladda ku eedeeyay in la kala safatay maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Hadalka siyaasiga Salaad Calu Jeelle ayaa ku biiraya eedeemo dowladda loo jeediyay oo ku aadan in ay ka gaabisan wax ka qabsashada dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa soo lab laabtay waxaana dowladda ay marar badan sheegtay in wax ka qaban doonto balse arrintaas ma muuqato.

Si kastaba,dowladda ayaa guddi u saartay daminta dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose oo dad badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaan ka garanay cajaladdii cusbeyd ee uu Xasan Dahir Aweys soo duubay?

Bisha Maajo ama waxa afka Ingiriisiga lagu yeero May, 15keedii, 1943dii, oo hadda laga joogo 71 sano ku dhawaad, wadanka  Soomaaliya waxaa laga suubiyay naadi ay leeyihiin dhalinyarada, oo loogu magacdaray SYC, ama naadiga dhalinyarada Soomaaliyeed. Ururkaan aakhirkii wuxuu isku badalay SYL, Leegada ama isbahaysiga dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sheekh Xassan Dahir Aways, hogaamiyihii ururka Xibul Islaam, oo cajalad dhalinyarada Soomaaliyeed u soo diray, 15ka bisha Maajo, amin loo dabaal dagaayay halgankii dhalinyarada Soomaaliyeed ee isxilqaantay.

Sheekh Xassan wuxuu sheegay dhalinyaradaan in labo arin oo waawayn ay qabteen.

Midda kowaad, in dalkii gumaysiga ay ka saareen; midda labaadna inay qabyaaladda la dagaalameen, oy isku soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, oo siduu sheegay lala kala qoqobay.

Sheekh Xassan wuxuu sheegay xuriyaddii ay keeneen inay dhinayd, oo wax ka maqnaayeen. Sharciga iyo qaawaaniinta u dagsan wadanka, tusaale ahaan, ma ahayn kuwo waafaqsan Diinta Islaamka, ee waxay ahaayeen kuwii uu ka tagay gumaysiga.

Bil xaqiiqatan Sheekha saas warka uma dhigin, ee wuxuu dhahay sharcigii Islaamka lama hirgalin, asagoo ka soo qaadaaya kii wadanka ka jiray inuu waafaqsanayn shareecada Islaamka.

Bacdi wuxuu sheegay in dad isku xilqaameen in wadanka laga hirgaliyo shareecada Islaamka, dadkaasna so jeedintoodii looga baxay kajan.

Khaladkaan ah in laga soo qaado shuruucda wadanka Soomaaliya inay waafaqsanayn shareecada Islaamka waa mid wadaada Salafiyada qaarkood ay sameeyaan. Marka aan u jawaabo.

Axdigii ama dastuurkii Jamhuuriyadda Somaaliya ee 1960kii, qodobkiisa koowaad, faqradiisa saddexaad waxaa ku cad diinta wadanka inay tahay Diinta Islaamka. Bacdi, sidii gadaal dambaba looga faahfaahiyay, ma jiri karin sharci ama xeer ka hor imaankara kan diinta Islaamka. Sidaas darteed, shuruucda wadanka u dagsan waxay ahaayeen kuwo waafaqsan shareecada diinta Islaamka.

Qofkii dhaha ma waafaqsnayn, caddayn aa laga rabaa.

Xiligii askarta wadanka ka talinaysay tusaale waa loo heli karaa sharci ka hor imaanaayay diinta Islaamka, xeerka qoyska, laakiin xiligii dowladihii shacabka ahaa wali lama caddayn qawaaniin wadanka u dagsan oo ka hor imaanaysay tan diinta Islaamka.

Hadday jiraana Sheekh Xassan ma sheegin, hadduu sheegayna caddayn uma keenin.

Xassan Dahir waxaa ka hoos baxday wadanka inuu xal gacanta ku haayay barigaas, waagii dowladaha shicibka, ama waxa loogu yeero afka qalaad dowlidhii shibilka, kasoo la dhihi karo waa isdoorashada iyo in talada dadka dhex taalay, sida Diinta Islaamka qabto, kuna cad aayadda ama astada 38aad, ee suuradda ama cutubka Shura, ama wada tashiga, ee 42aad; madaxda wadanka waxay ku imaanaayeen rabitaanka shicibka ama iraadada shicibka Soomaalida, waana ku tagaayeen, ma jirin khasab.

Marka xukunka tartan aa loogu jiray, taladana waa la wada gorfaynaayay.

Marka aad ay u adkayd in la khaldamo, waayo meesha loo badanyahay aa la aadaayay, wootada ama codaynta aa arintaan kalifaysay, qof walba wuxuu fiirinaa meesha loo badanyahay, bacdina wa halkaas aad, si uu cod u helo. Diinta Islaamka waxay qabtaa caddaalo darro inay noqon karin meesha Ummadda Muslimiinta ay isku raacaan.

Si kale u dhig, ma dhici karin sidii dhacday xiligii Siyaad Barre, in dalka la galiyo dagaal aan si fiican looga doodin, dood lagu raftay lama galin arimihii dagaalkii 77, bacdi waa lagu rafaaday.

Waa jirtay masuq maasuq xiliyadii dowladahii shibilka ahaa, laakiin waxay ahayd arin marka la odoroso la xalin karay.

Waa labo daran mid dooro, masuqmaasuq Iyo kiligii talis ama koox talis yaa daran?

Marka waxa la rabo waa shacab talis, talada waxay dhex taalaa shacabka, siday qabto astada 38aad cutubka 42aad.

Gabogabo, markii la odorosay Soomaalida waxay isku haysato waa la ogaaday waxay isku haystaan: xukun, yaa dalkaan taladiisa ka soconaysaa? Waa taas midd la isku haysto.

Haddii marka qolo ama qof gacanta talada ummadda ku dhigo, filo caddaalo darro, sidii tii dhacday xiligii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii qabiilada ku dhisnaa ee ka dambeeyay.

Xalka marka waxaa waaye waxaa talinaaya dadkoo dhan, talada dadka ay dhex taalaa, siday qabto astada ama aayadda 38aad, ee cutubka 42aad, ee Shuraa, ama wadatashiga.

Sidaas darteed, ay dadka qaarkiis ugu wardiyaan dadka haloo daayo haka tashadeen aayahooda.

Axmed Godane iyo inta la socota waxay ku andacoodaan inay Islaam wax ku xukumaan, haddana Xassan waa la joogi waayay, sababtana waxaa waaye xukunka wuxuu gacanta ugu jiraa qof ama koox, dhibka waa kaas, bacdi waxay suubinaayaan waxay istusaan, bacdina khaladaad tiro badan ay galaaayaan, sababo la xiriira talada oy ku kaliyoobeen.

Haddii laakiin talada ummadda dhex taalo siday qabto shareecada Islaamka, kuna cad aayadda 38aad ee cutubka 42aad, uma badna in khaladaad waawayn la galo, oo saamayn ku yeesha masiirka ama aayaha umadda.

W/Q: Samatalis Xussayn Xayle
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo Sawirrada: Turkiga oo mar kale wax weyn u qabanaya reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya dowladda Turkiga ayaa  howlo dayactir  ah ka wadada wadooyinka magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Dayactir ballaaran ayaa maalmahan ka socda isgoska Sanca ee degmada Kaaraan, halkaasi oo Burbur xoogan uu ka jiray.

Xiriiriyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Istanbuul Injineer Calasow ayaa warbaahinta u sheegay in howllahan dhismaha ay qeyb ka tahay mashaariicda dalka dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho.

Halkan ka arag sawirrada dhismaha waddada

dayactir-wado-1dayactir-wado-2dayactir-wado-3dayactir-wado-4dayactir-wado-5dayactir-wado-7dayactir-wado-8

 

Wafdi ka socda DF Soomaaliya iyo QM oo maanta tagay magaalada Xudur

Xuddur (Caasimada Online) – Magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool waxaa maanta oo Jimco ah tagay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wafdiga ayaa markii ay magaalada tageen waxay booqdeen goobo muhiim ah oo uu ku jirro Isbitaalka magaalada oo muddo badan burbursan.

Wafdiga waxay sheegeen in magaalada ay u yimaadeen siddii ay ugu kuurgali lahaayeen xaallada nolasha ee ka taagan Xuddur oo in ka badan labo bilood go’doonsan.

Waxay ballan qaadeen in ay si degdeg ah wax uga qaban doonaan dhibaatooyinka ka taagan Xudur.

Imaatinka wafdiga gaaray Xuddur ayaa ku soo beegmaya ayadoo gobalka Bakool ay ku wajahan tahay gargaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyo magaalada gobalkaas.

Dhinaca kale, kolanyadii ugu horreeyay ee gargaar sida ayaa markii ugu horeeyay muddooyin bilooyin ah maanta gaaray degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Guddoomiyaha gobalka Bakool, Maxamed Cabdi Tall ayaa VOA-da u sheegay in gargaarkan loogu talagalay degmooyinka Xuddur iyo Waajid.

Wuxuu sheegay in gargaarkan ay u badan yihiin bariis iyo Sonkor waxaana loogu talagalay ayuu yiri dasdka rayidka ah ee ku nool gobalkaas.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ku koobay gargaarka Waajid iyo Xuddur wuxuu sheegay in gargaarka hadda ay soo dirtay dowladda Soomaaliya ay ku kooban yihiin degmooyinkaas.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Socdaalkii taariikhda galay ee uu Ibnu BATTUUTA ku tagay MUQDISHO

Socdkii Ibnu Batuuta 1325-1354

Qaybta Kowaad

Soo gaaritaanka Muqdishow

Ibnu Battuuta [-1] oo ahaa Dal-mareen ku caanbaxay socdaal dheer ee uu ku maray, meelo badan oo ka mid ah Caalamkii Hore ama dunidii la yaqiinay waayihii Casriga Dhexe, (Periodi Medievali), isagoo in ka dhaw sodon sano ku bixiyay socdaalkaas, kuna tagay magaalooyin taariikhi ah ee Dunidii watigaas

Socdaalka Ibnu Battuuta oo ahaa Qarnigii 7aad ee Hijriyada, kuna beegan kii 13aad ee Milaadiga, ayuu Ibnu Battuuta ku qoray Kitaabkiisa Socdaalka Ibnu Batuuta ee loo yaqaano: Tuxfatul Al-anthaar fii Garaa’ib Al-amsaar wa Cajaa’ib Al-asfaar

Kitaabka (Socdaalka Ibnu Battuuta) oo lagu tarjuma luqado badan, ayaa nusqadda, (Script) aan guud ahaan kasoo qaaday (Documnet)-ga qoraalkan, waxaa soo saaray, hor-dhacna u sameeyay Cabdulhaadi Al-taazi oo xubin ka ah Akadeemiyada Boqortooyada Marooko; kitaabka oo la daabacay sanadkii 1417-H, 1997; waxaa kale oo aan dhinaca tarjumada, gaar ahaan eryayda, ka faa’iideystay nusqad ka mid ah qaybaha Afka Talyaaniga loo badala, si gaar ah kan, Ross E. Dunn, Gli Straordinari Viaggi di Ibn Battuta.

ibnu battuutaWaxaan tarjumay inta ku saabsan socdaalkiisa Muqdishow, anigoo hab ahaan raacay, inta badan, tarjumada dhinaca macnaha; kuna dadaalay in erayada muhiimka u ah aan sidooda u dhaafo, xariiqna hoosta ka mariyo si aan, dhamaadka qoraalka, macnahooda u sheego

Waxaan u sameeyayama dhawr cinwaan, (Subtitles, sottotitoli) oo aan kasoo saaray qoraalka, hayeeshee kan ku saabsan maqaamka ama sharafta Suldaanka Muqdishu uu horey u jiray

Ibnu Batuuta oo ka hor, inta uusan gaarin Moqdishow soo maray wadamo badan ayaa dhulka, waqti danbe, loo bixiyay Soomaaliya kasoo dagay magaalada taariikhiga ah ee Saylac, ka dibna u shiraacday dhinca Muqdishow.

Ibnu Batuuta oo buuggiisa, guud ahaan, u qoray qaab ah ka waramid sheeko tilmaam ah, (Descriptive narration) waxuu hadalkiisa ku bilaabay:

Waxaan u baxnay, (Markabkii uu ku yimid Saylac iyo dadkii saarnaa), safar dhinaca badda, oo muddu shan iyo toban habeen ah ka dib aan soo gaarnay Maqdasho [-2] (Sidaas ayaa magaca magaalada loogu dhawaaqi jiray).

Waa magaalo aad u balaaran oo dadkeedu leeyihiin ama dhaqdaan geel badan. Waxay maalin walba gawracaan boqol neef oo geel ah. Waxaa kale oo ay leeyihiin ari aad u badan; waa dad ganacsato ah oo, jir ahaan, xoog badan. Waxaa Maqdasho lagu sameeyaa dhar, farsamo ahaan, magaceeda lala xiriiriyo oo ay magaaladu caan ku tahay; dharkaas, oo wax la mid ah uusan jirin, ayaa loo suuq geeyaa Masar iyo wadamo kale

Waxaa caadada dadka degan magaalada Maqdasho ka mid ah, in haddii uu markab kusoo xirto marsada ay doomo yaryar usoo diraan halka markabku joogo. Waxaa doomaha saaran dhalinyaro mid waliba uu gacmaha ku sido saxan, ama xeero daboolan oo ay cunto ku jirto; wiil kasta oo dhalinyarada ka tirsan waxuu cuntada siinayaa nin ka mid ah ragga markabka la socda, oo ah ganacsato u timid Maqdasho hawlo beecmushtar, islamarkaana waxuu ogeysiinayaa in ninka uu siiyay cuntada reerkooda marti u yahay.

Waxaa jira rag ganacsato ah oo markabka la socda, magaaladana dhawr jeer oo hore yimid; raggaas kuma raagaan markabka dushiisa; waxay ku degaan halkii ay doonaan madaama magaalada ay ku leeyihiin dad macaamil ganacsi iyo aqoon kala dhexeyso

Marka leys dhaafsanayo badeecada ama iibku uu dhacyo, waa in ganacsatada labada dhinac ay joogaan goobta. Sidoo kale, ganacsatada reer Maqdasho ma aqbalaan in badeecadood qiimo raqiis ah lagu qaato!

Dhalinyarada markii ay soo fuuleyn dusha markabka, ayaa nin ila socday oo musaafirka ka mid ah u sheegay inaan, anigu, aheyn ganacsade, hayeeshee ah nin faqiih [-3]ah ama caalim. Dhalinyarada kii ugu soo horeeyay ayaa ku dhawaaqay: “Ninkaan waxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.” Markaas ayaa nin qaadiga la xiriira arrinteyda si gaar ah loogu sheegay; kaasoo ka dib ii kexeeyay dhinaca xeebta isagoo ay dhinaca ka socodaan koox arday ah.

taariikhiKa dib markii aan soo degay, oo aan salaantana kala qaadnay Qaadiga iyo daka la jooga ayuu Qaadigu igu yiri, “Bismilaahi, waxaan soo salaamaynaa Sheykha” -Waxaan ku yiri: “Sheykhu yuu yahay?”  -Waxuu iigu jawaabay, “Waa Suldaanka”

Xaakimka ama suldaanka, ayaa, sida wadamo badan oo kale, ay reer Maqdasho iyaguna ugu yeeraan naynaasta ah ‘Sheykh’

Qaadiga waxaan weydiistay, ka hor inta aanan booqan Suldaanka in marka hore aan dego. Waxuu iigu jawaabay: “Waxaa dhaqan ah, in haddii uu yimaado nin faqiih ah ama shariif ah iyo qof saalax ah, (Diin wanaagsan), inuusan magaalada ku degin ilaa uu la kulmo Suldaanka” -Sidaas ayaan Qaadiga iyo raggii la joogay ugu raacay guriga Suldaanka

Suldaanka oo magaciisu yahay Abukar Sheykh Cumar, (Abu-bakar ibnu Sheykh Cumar), assal ahaana, kasoo jeeda Barbar, (Waaa magac loo aqoon jiray Soomaalida), ayaa afka Maqdashiga, (Afka Soomaaliga) ka sokow, waxuu yaqaan amd ku hadla Afka Carbiga. Waxaa caado u ah ama uu yeelaa haddii uu markab soo xirto, inuu markabka usoo diro qof soo ogaata ama hubida dalka markabku ka yimid, cidda iska leh, naaquudaha, (Kabtanka) wada, inta uu markabku la egyahay ama qaadkiisu yahay, badeecadda saaran iyo gancsatada la socota; markaas ka dib, ayuu Suldaanku go’aamiyaa ogolaashaha marti-galinta ama diidmo ah in masaafiriintu kasoo degin markabka!

Aniga iyo Qaadig, oo magaca loogu yeero yahay Ibnu Al-Burhaan, assal ahaana u dhashay Massar, ayaa markii aan gaarnay guriga Suldaanka waxaa noo soo baxay, oo na qaabilay wiilal dhalinyaro ah oo salaamay Qaadiga; islamarkiibana Qaadigu faray dhalinyarada inay, Amiinka [-4], ku war galiyaan in ninkan ila socda (Ibnu Batuuta) ka yimid dhanka Xijjaas.

Waqti yar ka dib, ayuu nagu soo noqday wiil ka mid ah dhalinyaradii fariinta qaaday. Waxaa loo soo dhiibay saxan ay ka buuxdo caleynta la cuno ee, Awraaqu tanbuul [-5]) iyo filfil. Waxuu isiiyay toban caaleemood, waxaa kale uu isiiyay xoogaa filfil ah. Qaadiga iyo ardayda xerta ah, iyagana, waxuu siiyay intii saxanka ku hartay. Waxaa kale aw inoo keenay weel uu ku jiro sharbeed ama cabitaanka loo yaqaano Biyo-wardiga, (Maa-ul wardi Al-Dimishiqi), biyahaas ayuu wiilkia aniga iyo Qaadiga noo shubay.

Markii aan wax cunay ayaa Qaadiga loo sheegay in Suldaanku soo amray in ninka soctada ah la dajiyo guriga (Daarul dalabah); oo ah guri aad ugu dhaw daarta Suldaanku deganyahay, waxaana loo diyaariyay ama loogu talo galay ardayda magaalada aan howga ku laheyn. Runtii, waa guri si wanaagsan loo firaashay oo wax kasta oo martidu u baahato laga helo!

[-1] Ibnu batuuta waxuu u dhashay dalka Marooko ama Al Magrib, waxuu kasoo jeedaa dadka Barberka ah. Magaciisa oo buuxa waa: Abuu Cabdallah Muxamed ibnu Cabdallah Al-luwaa’i Adanjji. Waxaa laysku raacsanyahay inuu ahaa dal-mareenka ugu weyn taariikhda

[-2] Maqdasho, ama Maq-da-sho: magaca magaalada Muqdishow sidaas ayaa loogu dhawaaqi jiray.

[-3] Faqiih: waa qof faham iyo ogaal qoto dheer u leh Qur’aanka Kariimka iyo Sunada Nabiga (CSW).

[-4] Amiinka: waxuu noqon karaa xog-hayahay ama ilaaliyaha Sheykha

[-5] Awraaqu tanbuul: waa caleen loo cuno inay hamuunta ama hungiriga qofka furto. Cunta guud ka hor ayaa la cunaa. Caleentaas, (Betel leaves), waxaa laga cunaa wadamada Aasiya iyo meelo kale

haileLa soco qaybta labaad ee Ibnu Batuuta & Muqdishow

Maamuus & marti-galin 

Tarjume: Xassan Xayle [[email protected]]

Shir looga hadlay tacadiyada galmada oo lagu soo gabagabeenaayo London

London (Caasimada Online)-Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa maanta oo Jimco ah lagu soo gabagabeenaayo shir looga hadlaayay tacadiyada dhinaca galmada ee ka dhacay caalamka gaar ahaan dalalka soo koraya iyo kuwa collaadaha ay ka taagan yihiin.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen dad caan ah, ayaa lagu soo badhigay dhibaatada lagu hayo dumarka ku nool caalamka gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Dadka shirka ka qeybgalay waxaa ka mid ah fannaanada caanka ah ee Jeneva Lopes iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay xog-hayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Haig.

Shirka siddoo kale waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha u doodda xuquuqda dumarka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee ay ka dhacaan tacadiyada loo geesto dumarka, waxaana jira dumar badan oo la kufsaday.

Inta badan shirka waxaa si weyn looga hadlay bal in wax laga qabto dhibataada loo geesto dumarka iyo in dumarka dhibaatada loo geestay ay ka hadli karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Goorma ayaa kugu dambeysay suuqa ugu weyn kalluunka ee Xamar?

0

Muuqii Muqdishoiyo Sidii uu ahaan jiray berigii Bariisamadka oo dib u soo noqonaya taasoo aan ula jeedo Muqdisho waxii lagu yaqaanay ee kheyraadka ugu horeeya oo dib loo helay.

Waxaan dib idiin xusuusineynaa suuqa ugu weyn ee magaalada Muqdisho, si aad u aragtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Awoodda cusub ee Ciraq: Kooxda ISIS oo ku wajahan magaalada BAGDAAD

Dalka Ciraaq wararka ka imaanaya waxay tilmaamayaan in kooxda islaamiga ah ee ISIS ay sii waday dagaalka ay ugu jirto in ay la wareegto caasimada dalkaas ee Baqdaad.

Waxaa la tilmaamayaa in lagu hakiyey kooxdan magaallada Samarraa oo ilaa laba sacadood u jirta magaalada Baqdaad.

Waxay kooxdan horay u soo qabsatay magaalooyinka Muusul iyo Tikrit. Waxa sidoo kale lagu soo waramayaa in caasimada labaad ee dalka ee Muusil ay dadka ka qaxayaan.

Waa koox sunni ah oo jihaad doon ah oo alqaacida ka goa’day oo la sheegayo in la asaasay sannad ka hor.

Waxay kooxdan wacad ku martay in ay xukuumad islaami ah ku samayn doonto waddamada Ciraaq, Suuriya iyo waddamada deriska la ah.

Waxay sidoo kale aad ay ugu xoog badanyihiin waqooyiga dalka Iraaq, halkaas oo ay xittaa dad islaam ah oo reer galbeedka oo ay ka mid yihiin dad British ah ay u dagaalamayaan kooxdan.

ISIS waa ay sii xoogaysanaysay shantii bil ee la soo dhaafay kaddib markii ay la wareegtay magaalada Fallujah.

Balse damacooda iyo hadafka ay leeyihiin intaas waa uu ka ballaaranyahay oo waxay kooxdani doonaysaa in ay samayso maamul ku salaysan khilaafo islaami ah oo ka taliya waddamada carabta, ayna maamulkaasi gaarsiiyaan Israel iyo waqooyiga afrika.

hoggaamiyaha kooxdan oo la yiraahdo Abu Bakar al baqdaadi waxa loo arkaa on uu yahay nin caqli badan oo xeelad badan oo ku soo gubtay dagaalka tan iyo markii uu ku biiray kacdoonka wixii ka dambeeyey markii maraykanka uu ku duulay Iraaq 10 sanno ka hor.

Dadka walaaca ka muujiyey dhaqdhaqaaqa kooxdan waxa ka mid ah xoghayihii hore ee QM Kofi Annaan oo sheegay in uu hadda ka hor ka digay in haddii xal loo heli waayo mushkilada Suuriya, in dhibaatada ay ku fidi doonto gobolka intiisa kale.

Hasayeeshe iyadoo waxaa oo dhan ay dhacayaan oo ay kooxdan la wareegtay caasimaadda labaad ee Ciraaq, ayaa waxa la yaab ah in aanay weli jirin cid reer galbeed ah oo hadal hayso in faragelin militari lagu sameeyo Ciraaq ama Suuriya toona.

Britain ayaa arrintaasi meesha ka saartay Maraykanka waxa uu ugu baaqay militariga Ciraaq in uu wax ka qabto xaaladda taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Qaahira

[email protected]

Maamulka SOMALILAND oo sameeyey wacad adag oo ku saabsan TALEEX

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyay qabsashada ay qabsadeen magaalada Taleex ee gobalka Sool, waxaana ay wacad ku mareen inaysan ka bixi doonin.

Afhayeenka ciidamada millitariga maamulka Somaliland Korneel Cismaan ayaa sheegay in u jeedka ay utageen magaalada uu yahay siddii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uul ka tirsan maamulka u shaqeeya QM.

Wuxuu sheegay in labadaas nin ay magaalada ka wadeen dhibaatooyin ah in ay iska hor keenaan umadda ku dhaqan magaalada.

Wuxuu sheegay oo kale in ciidamada ay u tageen magaalada siddii ay u soo qaban lahaayeen labadaas nin balse ay xaley magaalada ka baxsadeen isagoona intaas ku daray in ku raad joogaan.

Wuxuu sheegay in Taleex ay ka mid tahay dhulka uu ka arrimiyo Somaliland.

Mar la weydiiyay in wax iska hor imaad ah uu magaalada ka dhacay markii ay ciidamada galeen wuxuu tilmaamay in magaalada lagu soo dhaweeyay oo ay kula kulmeen odayaal iyo dadweyne fara badan oo soo dhaweeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Daawo SAWIRRADA: Shirka NEW DEAL oo maanta dib uga furmay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa saaka furay shirkii saddexaad ee Higsiga Cusub ( New Deal) waxaan shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday Qorshaha sannadka 2014-ka ee Soomaaliya iyo dadaalka ay muujisay Xukuumaddu.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay samaynayso dadaal wax looga qabanayo tacadiyada haweenka iyo dadka laga tira badanyahay si loo gaaro Soomaaliya oo nabad ah.

“Shaki kuma jiro in aan u baahanahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha dalka ragaadiyay, aana u hiigsan lahayn horumar, bulshadeenana u daryeeli lahayn . Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan samayno qorshayaal cad-cad oo arrintaas lagu wajahayo si taageeradoodu u noqoto mid wax tar leh.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka iyo dowladdu ay diyaar yihiin in dalka dib loo dhiso, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan fursado shaqo, waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya.

Ugu dambayntii, aad ayaay u soo dhaweeyeen qorshaha dawladda dhamaan deeq-bixiyeyaashii ka soo qeyb-galay munaasabada maanta. Waxaana si rasmi ah loo gudo galay qeybtii saddexaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada shaqaynayaa dawladda Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo wadamada deeq-bixiyeyaasha ah.

new deal 1new deal 2new deal 3new deal4new deal 5

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee Taleex oo gacanta Maamulka Somaliland gashay iyo Khaatumo oo faarujisay magaalada

Taleex (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Taleex gobalka Sool ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay.

Magaalada ayaa maanta barqadii waxaa galay ciidamo ka socda maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in ay dageen goobo muhiim ah.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in ergooyinkii ku shiraayay magaalada ee ka socday Khaatumo ay kala carareen oo ay magaalada ka baxsadeen.

Taliyaha ciidamada maamulka Somaliland oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in ujeedka ay u galeen magaalada ay tahay sida ay u kala ceyrin lahaayeen odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shireysa Taleex ee ka soo jeeda Khaatumo, isagoona intaas ku daray in Taleex ay ka mid tahay dhulka maamulka Somaliland uu ka arrimiyo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Khaatumo oo ku aadan tallaadabada ciidamada Somaliland ay ku galeen Taleex.

Waa markii labaad oo ciidamada Somaliland ay tagaan degmada Taleex sannadkan gudahiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanno raba in xilka laga qaado wasiir u shaqeeya hal beel oo kaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa  ka hadlay shirkii  maalgashiga ee dorraad (10 June, 2014) ka dhacay Stockholm Sweden, waxaana xildhibaankan oo u waramayey Shabakadda Yoobsannews.com uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya aaney wax wefdi ah u dirin shirkaas, balse uu si shaqsiga ah kaga qeybgalay wasiirka qorsheynta Siciid C/llaahi Daani.

Xildhibaan Xassan C/qaadir wuxuu tilmaamay  in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan qorshe lagaga codsanayo Wasiir C/llaahi Daani inuu baarlamaanka horyimaado, si wax looga weydiiyo in isaga oo aan wax ruqsad ah ka qabin R/wasaaraha inuu shirkaasi tegay iyo  haddii isaga & R/wasaaruhu ay isla ogaayeen.

“Baarlamaanku wuxuu doonayaa inuu helo jawaabta ah; Wasiirka ka qeybgalay shirka Sweden ma Puntland buu wakiil ka ahaa mise dowladda.?” Ayuu yiri Xildhibaan Xassan.

Xildhibaan Xassan wuxuu intaa ku daray in sababaha ay dowladdu u qaadacday shirkaasi in ey aheyd dowladda Sweden oo garab martay dowladda Soomaaliya, halkii ay dowladdu wax ku yeelan laheyd tallada ka soo qeybgalayaasha kulankaas in wasaaradda arrimaha dibedda Sweden casuuntay xubno ka kala socday maamulada Puntland & Jubba-land, tillaabadaasi waxeey dowladdu u aragtay in aysan suurtagal noqorin karin in ay la fadhiisato maamulo dowladda dhexe ka mid ah.

“Wasiir Danni xukuumadda ma dirsan, haddii uu shirka tegayna  waxey aheyd inuu yiraa waxaa shirka ka maqan qeybta ugu muhiimsan ee ganacsatada oo ah Muqdisho” ayuu yiri Xassan.

Xildhibaanno Xassan, qoddobada uu ka hadlay waxaa kale oo ka mid ah; isku shaandheyn maalmahan la hadal hayey in lagu sameynayo Golaha Wasiiradda Xukuumadda waxaana uu yiri:

“Ilaa hadda ma jirto caddeyn rasmi ah oo arrintaasi isku shaandheynta la xiriirta, haddiise ey dhacdo isku shaandheyn qofka ugu horreeya ee ey saameyso waa inuu noqdaa wasiir Daani oo raba in halkii uu Qaranka u shaqeyn lahaa inuu qabiilkiisa u shaqeeyo, haddii cid la bedelaayo waa in isaga ha ugu horreeyo, ha la joojiyo dadka aan dambiga laheyn ee lagu galgalanaayo dadka beddelka u baahan waa ninkaas oo kale”.

Xildhibaan Xassan wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya haddii shaqadeedii lagu qabsado in taas micnaheedu tahay in dowladdu tahay magac u yaal un.

“Puntland waa Gobol ka mid ah Soomaaliya; waxaana baarlamaanka iyo xukuumadda ugu jira xildhibaanno iyo wasiiro, waxey xaq u leedahay in ay gudahooda ismaamuleen, siyaasadda dalka lagu hagayo waxaa ka masúul ah dowladda dhexe. Maxey tahay wafdigan la leeyahay waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Puntland ee diyaaradda inta qaata waddamo dibedda ah la kulmaya, ee dhahaya waxaan kala hadleynaa xiriirka naga dhexeeya ? Maxey ka wadahadli karaan beel ka mid ah beelaha Soomaaliya iyo dowlad shisheeye.? Maxaa dowladnimada loogu ciyaarayaa.?  Maxeyse Madaxweynaha, R/wasaaraha & Guddoomiyaha baarlamaanka uga aamusan yihiin waxna uga qaban laýihiin gacan dhaafkaasi.?  Haddii dastuurku qorayo Maamul goboleed kasta wuxuu xaq u leeyahay in dalal dibedda ah inuu keligiis la tacaamuli karo isaga oo aan dowladda dhexe soo marin, dastuurku hadduu sidaa qorayo ha na loo sheego.? Haddii kale baarlamaanku waa inuu farta ku fiiqaa waxa Puntland ay sameyneyso in aysan aheyn wax sharciyad ku fadhiya” ayuu yiri Xildhibaan Xassan C/qaadir, wuxuuna intaa ku daray;

“Dowladdu waa in Puntland ay ula dhaqantaa Puntland si la mid ah Gobolada kale, dadka Puntland degan kama Soomaalisana dad kale ee Soomaaliyeed. Dowladda & Puntland haddii ay siman yihiin ha inoo sheegto, maalin walba wafdi caalami ah ayaan la shirnay ayuu leeyahay Gaas, fadeexada ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ku dhacday waxey aheyd Somaliland oo sheegata in ay Soomaaliya ka go’day, cid aqoonsatayna aaney jirin ayaa qaadacay shirka Sweden oo tiri maamul goboleed qabiil lama fadhiisan karno, dowladdii soomaaliya oo dhan ka wakiilka aheydna waxaad wadatay beel oo tiri halkaas inoo fadhiiso xilkaaga ayaan sarifaneynaa, waa qaladkii 2-aad muddo bil gudahood ah, annaga nin Soomaaliya u shaqeynaya ayaan rabnaa nin beel u shaqeynaya ma rabno” ayuu yiri Xildhibaan Xassan C/qaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muqdisho oo ay xildhibaan beeleedyo ku habsadeen + Dhibka dastuurka DF

Xildhibaanada Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Waxaa ay ka kooban yihiin 275 xildhibaan waxeyna kasoo jeedaan beelaha Soomaaliyeed oo lagu sheego 4 beelood iyo Bar. Xildhibaanada Soomaaliya kuma imaanin sida xildhibaanada caalamku ku yimaadan oo ah doorasho laga soo doorto deegaan gaar ah, Xildhibaanada Soomaaliya waxaa ay ku yimideen qabiil oo ay metelaan.

Jahwareerka Xildhibaanadani ku hayaan qaranimada Soomaaliya waxaa weeye xildhibaanadani ma matalaan Maamulada Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba, sidaas oo ay tahayna Xildhibaanadaan iyo Xukuumaduba Waa Federaal oo Dhamaan Soomaaliya qabaa’ilkeeda degan gobolada kala duwan ee Soomaaliya ayay ka kooban yihiin, haddana Mushaarkooda iyo Miisaaniyadooda waxaa ay ka timaadaa oo kaliya Magaalada Muqdisho.

Adduunka Waxaa ka jira oraahda caanka ah ee ku saabsan xaga cadaalada “No Taxation without representation” oo micnaheedu yahay ‘Canshuur maya hadii aan Matalaadi jirin dadka canshuurta laga qaadayo”. Arrinta cajiibka ah waxaa weeye Dadka Muqdisho oo canshuurta laga qaado ganacsigooda iyo shaqooyinkooda matalaada Dawladda Federaalka ee saldhigeedu yahay Xamar waxaa ay kala mid yihiin Dadka kasoo jeeda Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Xildhibaanadaan iyo xubnaha Xukuumada ee Dulsaaran Muqdisho go,aan kuma laha shirkad dhisaysa Dekedaha ama Garoomada Boosaaso, Hargaysa, Berbera, Kismaayo, sidoo kale Deeqaha lasiinayo Maamuladaas lagalama tashado, haddana waxaa muuqanaysa in Xildhibaanadaani qaar badan oo kamid ah ayba Muqdisho u joogaan in caasimada Dalka ka ilaaliyaan horumarka.

Xildhibaanadani ma ahan kuwo abaal leh, Ma ahan kuwo qaranimo gaarsiinaya Soomaaliya, Waxaa uun ay ka shaqeeyaan in dalku uusan degin, Xildhibaanadani sooma saaraan sharciyo dalka gaarsiinaya Sinaan, midnimo iyo Cadaalad, inta badan waxaa ay ku qanacsan yihiin in Xamar u dawladeeyaan, Horumarka ka ilaaliyaan.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya ma ahan mid Soomaali samaysatay, Dastuurkaani Soomaaliya isaga ayaa ugu filan in Soomaaliya aysan ebidkeed noqon qaran la mid ah dalalka Caalamka, Dastuurka ayaa ah mid u diyaarsan in Madaxda Soomaaliya khilaaf joogto ah ku jiraan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha awoodahoodu kalama cada, madaxweynaha la doortay ninka uu u magacaabo Ra’iisul wasaaraha awoodahoodu kalama cada, taasi waa mid ka mid ah qorshayaasha loo sii diyaariyey Soomaaliya si aysan hore ugu dhaqaaqin.

Dawladaha xubnaha ka noqonaya waxa dastuurku ugu yeero federaalka Soomaaliya sida ay u wada shaqeynayaan ma cadda, Dastuurka kuma qorna, qaabka ah 2 Gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara dawlad xubin ka ah federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna ah caqabad kamid ah caqabadaha loo dhigay qaranimada Soomaaliya.

Maamulka Puntland ee Dawladu aqoonsan tahay ayna doonayaan in Dawlado sidaa ah loo dhiso Soomaaliya ayaan Soomaaliya kala mideysneyn Dastuurka, ciidanka, canshuurta, Garsoorka. Wuxuu leeyahay inta dawladda Soomaaliya leedahay, Xildhibaanada iyo Dastuurka jahwareerka ah ayaa hortaagan qaranimada Soomaaliya.

Inkastoo Dastuurka Federaalka ku qoran tahay in qofka Soomaaliga ah xaq u leeyahay inuu ku noolaado, ka shaqeysto, Xil ka qabto, xisbi xubin ka noqdo meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah haddana Maamulka Puntland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo ka badan 200 kun oo qof oo ka tegay Koofurta Soomaaliya, dadkaasi xuquuq kuma laha Puntland lamid ah Beelaha sida gaarka ah isku siiyey Puntland, sidaas oo ay tahayna Beelaha sida gaarka ah isku siiyey Puntland ee Majeerteen, Dhulmahante, Warsangeli iyo Leelkase dadka kasoo jeeda Markii ay yimaadaan Koofurta Soomaaliya sida Muqdisho iyo Kismaayo waxaa ay la xuquuq yihiin dadka goboladaan degan oo aan iyagu xuquuq ku lahayn Puntland. Somaliland iyadana waa sidoo kale, inkastoo Somaliland sheegato in Somalia ka mid aheyn, haddana qabaa’ilka dega Somaliland waxaa ay kamid yihiin baarlamanka iyo xukuumadda.

Dhibka ugu badan oo uu dalku ka degi la yahay ayaa ka imaanaya Xildhibaanada qab’iilka metela oo Muqdisho ku habsaday iyo dastuurka loogu talo galay inuu nabada ka ilaaliyo Soomaaliya oo in wax laga bedelaa aadka loo adkeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

FAARAX C/QAADIR miyaa na qiyaamay mise C/Weli Gaas baa been sheegaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Federaalka Faarax C/qaadir wuxuu dhowaan ku dhawaaqay in la magacaabay Guddi qubaro ah oo 5 xubnood ka kooban, loona xil saaray dib u eegista dastuurka, isaga oo guddigaasina ku tilmaamay inuu yahay Guddi madax-bannaan.

Si kastaba, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas oo dhowaan hadlay isna wuxuu sheegay in Caasho Geelle Yuusuf oo xubin ka ah Guddigaasi in Puntland ay u meteleyso Guddiga.

Qaar ka mid ah bulshada waxey isweydiisanayaan cidda ay warkooda rumeysan karaan Wasiirka dastuurka & Madaxweynaha Puntland iyo sababaha mar walba qaar ka mid ah maamulada hoostaga dowladda dhexe ay isula dhiririyaan dowladda.

“ C/weli Gaas wuxuu yiri gabadhaas annaga ayey wakiil naga tahay, wasiirka dastuurku waxa isna waxa uu sheegay in Guddigaasi uu yahay guddi madax-bannaan, iyada haddii ay ka wakiil tahay reerkaas, 4-ta kale yeey ka wakiil yihiin Dowladda waxaan ka codsananeynaa in ay inoo caddeyso ciddii aan warkooda qaadan laheyn iyaga & C/weli Gaas.? ” Sidaas waxaa yiri C/llaahi Yariisow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida.

Yariisow wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dad badan oo rumeysan in uu jiro isku dhex yaac u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul beeleedyada Soomaalida, taasina mid dhaawaceysa hannaanka dowladnimo.

“Waxaa nasiib darro ah in Puntland oo ah maamul ay sameysteen beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay mar walba ku qabsadaan dowladda dhexe shaqadeedii, taasina waxey ka mid tahay dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweyne Xasan Shiikh” ayuu yiri Yariisow.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in haddii ay run tahay in Caasho Geelle ay wakiil ka tahay belaha Puntland, taasi oo ay u badan tahay inay run tahay, maadaama Cabdi Weli Gaas ku qanasan yahay, in markaas Faarax Cabdulqaadir uu qiyaannay beelaha kale iyo maamulada kale ee dalka, oo cid u matasha guddiga aanu ugu jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha Habar-Gidir oo diiday qorshe uu KAY ka damacsan yahay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, wax-garadka iyo aqoonyahanada Beesha Habargidir, ayaa waxay maanta kulan ballaaran ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyagoona ka shiray xiisada ka oogan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka waxaa si kulul looga dhaliilay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Nicholas Kay, kaasoo lagu eedeeyay inaanu dhex dhexaad ka ahayn xiisada ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay kaloo lagu eedeeyay in uu xusulduub ugu jiro, sidii Gobolka Shabeellaha Hoose loogu dari lahaa Gobolada Baay iyo Bakool, laakiin aynaan taasi aqbali doonin Beesha Habargidir, sida ay sheegeen.

Maxamuud Daahir Faarax (Qooleey), ayaa wuxuu dhaliil kulul u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo uu ku eedeeyay in dagaalada Gobolka Shabeellaha Hoose uu ka hadlay mar dambe.

Wuxuu sheegay inaanu Ra’iisal Wasaaruhu ka hadlin intii Gobolka Shabeellaha Hoose mid mid loogu dilaayay dadka Beesha Habargidir, iyadoo uu ku soo baraarugay markii maleeshiyada Habargidir ay la wareegeen, halkii laga soo abaabulaayay dilalka ka dhanka ah dadka Habargidir, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Beesha Habargidir ay u muuqato sida aanu Ra’iisal Wasaaruhu dhex dhexaad kaga ahayn arrimaha Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana uu gabay’ kaalintii Qaranimo, sida uu sheegay.

Qooleey wuxuu Wasiirka 1-aad ee Xukuumada uu ugu yeeray in uu dhex dhexaad ka noqdo beelaha isku haaya Gobolka Shabeellaha Hoose, haddii kalana uu si guud kaga gaabsado, intii ay xalka iyagu isla gaarayaan.

Dhanka kale Imaamka Beesha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif oo kulanka ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inuu cambaareynaayo in madaxa leesku geliyo beelaha Biimaal iyo Habargidir.

Imaamka wuxuu sheegay in dadku ay yihiin kuwo wada dhashay oo xasilooni ku wada joogay Gobolka, laakiin ay muskhiladu ka dhalatay markii ay dad cadow ah dhib u arkayn, inay xasilooni ku wada noollaadaan beelahaasi, sida uu yiri.

Ugu dambeen Imaamku wuxuu ku baaqay inay wada hadlaan labada beelood, si xal rasmi ah ay kaga gaaraan dagaalada soo noq noqday ee muddooyinkaan dambe ku dhex maraayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

C/WELI oo Ethiopia ka dalbaday arrin uu og yahay inaysan yeeleyn + Sawirro

Adddis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shalay magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Dessalegn, isaga oo ka codsaday arrin ay caddahay in Ethiopia aysan marnaba Somalia u ogoleyn.

Cabdi Weli ayaa Ethiopia ka dalbaday inay dib u dhis ku sameyso islamarkaana tayeyso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo horey ula dagaalamay Ethiopia.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Hailemariam Dessalegn uga mahad celiyay wax isaga uu u arko taageerada uu dalka Itoobiya mar walba la garab taagan yahay dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay ciidamada Itoobiya kaga jiraan AMISOM.

Cabdiweli Sheikh Axmed wuxuu dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sidii uu dalka Itoobiya u kordhin lahaa taageerada uu ka siiyo Soomaaliya dhanka ciidamada. Wuxuu Mudane Hailemariam Dessalegn ballan qaaday inuu dalkiisu gacan ka geysan doono sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya loo tayeeyn lahaa oo uu hub iyo rasaas u iibsan lahaa.

Si kastaba dad badan ayaa aaminsan in Ethiopia aysan marnaba dooneyn inay aragto ciidan Soomaaliyeed oo qaran oo awood leh, waxaana nasiib darro ah in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay taageero noocaas ah ka dalbadaan Ethiopia.

Cabdi Weli “Waxaa dalka Itoobiya nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen ciidamada AMISOM oo ay ku dareen ciidan badan. Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo walaalo ah oo aan kala maarmin.”

Dhiniciisa, Hailemariam Dessalegn wuxuu yiri: “Itoobiya iyo Soomaaliya waa isku dan. Itoobiya waxaa danteedu ku jirtaa inay Soomaaliya xasiloon tahay, waxaana dalkeenna ka go’an inaan dadaal walba ku bixinno sidii Soomaaliya aan uga taageeri lahayn inay gaarto guulaha ay higsaneeyso. Waxaan ciidanka Soomaaliya ka taageeri doonnaa inay helaan hubka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalaan cadowga labadeenna dalba halista ku ah.”

10111213

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]