28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

TVga Horn Cable oo dagaal ka dhan ah beelaha Hawiye si toos ah u billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Saalax Galgacal oo ah Wariyaha HCTV ee gobolka Sh/hoose ayaa u bedelay TV-gii caalamiga ahaa ee HCTV TV mid qabiil. Saalax Galgacal ayaa horey usii raacay mid kamid ah Maliishiyo Beeleedkii Dagaalku ku dhex maray Magaalada Marka.

Saalax Galgacal ayaa ku hadlaya afka mid kamid ah beelihii maliishiyaadkoodu dagaalada ku dhex mareen deegaano kala duwan ee Degmada Marka, Wariyaha TV-ga Saalax ayaa maliishiyaadka labada Beelood mid ku sheega ciidamada deegaanka halka uu beesha kale maliishiyaadkooda ku sheego maliishiyo ku labisan dariiska ciidamada oo kusoo duulay Degmada.

Wariyahan Saalax Galgacal ayaa isagu inaba ka hadlin dilalkii ugaarsiga qabiil ahaa ee Maliishiyaadka Yariisoow iyo Waafoow ka wadeen degmada Marka kahor inta aan Maliishiyaadka Beesha ugaarsiga lagu haayey ka saarin Degmada Marka.

TV-gii Caalamiga ahaa ee Horn Cable TV ayaa noqday mid baahiya warar 80% ku saabsan Dagaaladii ka dhacay degmada Marka, wararka uu baahinayo TV-ga ayaa gebi ahaanba ah mid lagu taageerayo Beel kamid ah beelihii ku dagaalamay degmada Marka laguna weerarao beel kale oo Soomaaliyeed oo dagaalka qeyb ka aheyd. Sidoo kale Wararka TV-ga HCTV baahinayo ayaa noqday kuwa lagu bartilmaameedsanayo Madaxweynaha Dawlada Federaalka, beelweynta Hawiye iyo saraakiisha kasoo Jeeda beesha Hawiye.

Maamulka HCTV ayey muuqaneysaa inuu qeyb ka yahay barnaamijkaan dagaal hurinta ah ee TV-gu shaqada ka dhigtay, TV-ga HCTV oo milkiilihiisu kasoo jeedo Somaliland ayaad moodaa qaabka uu uga shaqeynayo Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Sh/hoose qaab u eg Radiyihii Ruwanda oo qeybta weyn ka qaatay Xasuuqii dhex maray beelaha Huutuu-ga iyo Tuutsiga Dalka ruwanda.

TV-ga HCTV ayaa qeyb ka noqday qorshihii Maliishiyo Beeleedkii ay hogaamin jireen Yariisoow iyo Waafoow oo iyaga oo Masuuliyadii Degmada Marka iyo KM50 loo dhiibay hadana bilaabay iney barakiciyaan, dilaan Beelo kamid ah Beelaha Soomaaliyeed. masuuliyiintii hogaaminayey Maliishiyaadka dhowaan laga saaray Marka iyo KM50 ayaa idaacadaha iyo TV-ga dagaal abuurka HCTV si cadaan ah uga sheegi jiray in Gobolka Sh/hoose ay iska lee yihiin beelaha Biimaal iyo Digil, hadalka noocaas ah oo micnihiisu yahay mid dagaal kicin ah oo kadhan ah Beelaha ugu badan gobolka sida beelweynta Hawiye (Mudulood, Habargidir, Murursade, Sheekhaal, Xawaadle, Gaaljecel, Gugundhabe iyo Beelaha kale oo hawiye), Mirifle, Jareer, Banaadiriga.

Si kastaba ka ahaatee TV-ga HCTV ayaa noqonaya TV-gii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo qeyb ka noqda dagaalada Qabiilka ee ka jira qaar kamid ah Gobolada Soomaaliya. HCTV wuxuu qeyb weyn ku lahaan doonaa dhimashada iyo qasaaraha ka dhasha dagaalada , Kicinta iyo iskudirka Beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SAWIRRO: Cabdi Weli oo gaadiid loogu deeqay DFS u weeciyey KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba Hoose waxaa shalay soo garay 13 gadiidka dagaalka ah ee ay Soomaalida u taqaan Cabdi Bile oo ay Dowlada Japan ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya.

Gadiidkaan ayaa waxaa ay Dowlada Japan ku wareejisay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, ayada oo loogu tala galay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegeen xubno xog ogaal ah, gadiidka ayaa waxaa lagu waday in laga dajiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, balse amar ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa waxaa logu wareejiyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Gadiidkan, ayaa markii laga dejiyey dekedda Kismaayo, ayaa waxaan la geyay xero ay dagan yihiin Ciidamada Raaskambooni ee haysta magaalada Kismaayo.

Cabdi Weli, ayaa bilihii u dambeeyey xiriir aad u wanaagsan la lahaa maamulka Axmed Madoobe, oo aysan isku fiicneyn madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkan ka arag sawirrada

gd1gd2gd3gd4gd5gd6gd7

Isha: Kismaayo24

DHAGEYSO: Dugsiyada Soomaalida ee Britain oo shirqool halis ah loo dhigay

London (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray xafiiska kormeerka iyo dabagalka hanaanka waxbarashada Dugsiyada dalka Boqortooyada Britain ayaa ku eedaysay shan dugsi oo ku yaalla  Birmingham ee dalka Britain inay ay ardayda baraan xagjirnimada.

Dugsiga ayaa waxaa wax ka barta arday badan oo Soomaali ah iyo kuwa kale oo dalal kale kasoo jeeda oo muslimiin ah.

Arrintan ayaa walaac badan ku abuurtay waalidiinta iyo ururada islaamiga ah ee dalka Britain, gaar ahaanna kuwa Soomaalida.

Mukhtaar Sheekh Cismaan oo ah Madaxa Akaadiimiyada Iqra ee magaalada London ayaa VOAda uga warrmay saamaynta ay arrintan yeelan karto, isla markaana tilmaamay in arrintani ay tahay mid lagu xumaynayo dadka Muslimiinta ah, waxa kale oo uu xusay in warbixintan ay ku lug leeyihiin dad tira yar oo aan jeclayn wada noolaanshaha bulshada ku nool Britain.

Waxa kale oo uu sheegay inuu jiro shirqool halis ah oo dad neceb muslimiinta ay maleegeyn, ayna arrintan ka dambeyso taas.

Warysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan

Dhageyso: Gudbaaye oo digniin adag u diray xildhibaanada reer woqooyiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo hore u soo noqday Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, yaa ka hadalay Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose, oo ay wadaan maleeshiyo xiriir la leh Al-Shabaa.

Gudbaaye ayaa sheegay in Dagaalka ay hurinayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo garaddro iyo dhibaato ku haya dadka deegaanka u dhashay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanadaas iyo Siyaasiin kale aan loo dul qaadan karin in ay dagaal ka huriyaan Koofurta Soomaaliya, magaalada Hargeysana ay noqoto meel nabdoon.

Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa uu yimid kadib markii maleeshiyo xiriir la leh Axmed Godane, ay billaabeen dilalka dadka shacabka ah ee gobolka u dhashay, taasi oo dhalisay inay hubka qaataan.

Halkan ka dhageyso Gudbaaye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Khaatuma oo Taleex isaga baxday iyo Ciidamada maamulka Somaliland.

Muqdisho(Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta Deegaanada Somaliland ciidamada maamulkaasi ayaa waxay galeen xaafadaha kala duwan ee degmada Taleex ee gobolka Sool, kadib dagaal dhacay.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay marka hore weerar gooban ay ku qabsadeen degmada Xiingalool ee gobolkaasi, wallow wararka soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay isaga baxeen degmadaasi.

Wariyaasha deegaanka ayaa sheegaya inay ogaadeen in ciidamadii iyo masuuliyiintii maamulka Khaatuma ay isaga baxeen degmada Taleex ee gobolka Sool, ayna gaareen ciidamada maamulka Somaliland, iyadoo dagaal buuran uusan dhicin.

Ciidamada maamulka khaatuma iyo masuuliyiintooda ayaanan la ogeyn halka ay u jaheysteen, waxaana la sheegayaa in iminka ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin degmadaasi oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Mararka qaar ayaa sida dadka deegaanka ay sheegayaan waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas googoos ah oo ka dhex dhaceysa bartamaha degmada Taleex ee gobolkaasi Sool.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Muqdisho oo arrin cusub oo ah taariikhi ay ka dhacday (Guurka 16…

0

Markii ugu horeyay waxaa magaalada Muqdisho la isugu guuriyay  16 Lamaaneyaal Soomaaliyeed, kuwaasi oo da’doodu u dhaxeysay 20 ilaa 18 sano jir, oo caawinaad iyo dhiiri gelin ka helayay Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo Imaamu Qumeyni oo ka dhisan dalka Iiraan.

Guur wadareedkaan ayaa waxaa dhiiri gelinasay Hay’addaasi ka dhisan dalka Iiraan, iyadoo Lamaaneyaashaan lagu taageeraayay dhaqaale aan aan la shaacin inta ay cadadkeeda la eg tahay, waxaana Lamaaneyaashaan laga soo xulay goobaha barakacayaasha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir nala daawo muuqaalka warbixintaan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

Wasiiradii tagay gobolka Sh/Hoose oo xog bixiyey iyo arrimo soo ogaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wefdigii ka socday Dowladda Soomaaliya ee maanta gaaray Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay kulamo la qaateen Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka beelihii ku wada dagaalamay Gobolkaasi.

Wefdiga oo ay horkacayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, ayaa waxay labada beelood kala hadleen, sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyadii ku dagaalantay Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo kulamada kadib Saxaafada la hadlay, ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay kulamada.

Wasiirka waxa uu sheegay in beelaha ay soo dhoweeyeen wefdigiisa, isla-markaana ay ku qanciyeen in la kala qaado dhinacyadii ku wada dagaalamay Marka, Shalambood iyo Nambar Konton.

Masuulkaan, ayaa waxa uu tilmaamay in muhiimadu ay tahay in laga shaqeeyo xasiloonida Gobolka Shabeellaha Hoose, labada beeloodna ay soo dhoweeyeen rabitaanka Dowladda.

Wasiirka wuxuu sheegay in qorshaha Dowladda Soomaaliya uu yahay, sidii xal dhab ah looga gaari lahaa dagaalada soo noq noqday ee labada beelood ku dhex maraaya Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu intaa ku daray in Dowladdu ay xoogga saari doonto xiisada xilligaan ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose, sidii looga gudbi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan, sida uu yiri.

Wefdigii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maanta gaaray Magaalada Marka, ayaa casir liqii galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, xilli la hadalhaayay inay caawa ku hooyan doonaan Magaalada Marka.

Si kastaba ha-ahaatee shacabka ku dhaqan Magaalada Marka, ayaa waxay maanta soo dhoween wanaagsan u sameeyeen wefdiga ay soo dirtay Dowladda Federalka ee Somaliya, mana jirin wax shaqaaqo ah oo Marka ka dhacay intii ay jooggeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guuleed oo loo wado madaxweynaha maamul cusub oo federaal ah (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee  Amniga Qaranka Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wuxuu xilligaan uu dadaal ugu jiraa in uu Madax ka noqdo Maamul Goboleed federaal ah oo la qorsheynaayo, in laga hirgeliyo Gobolada Dhexe.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa lagu wadaa in loo dhiso Maamul Goboleed ay ku mideysan yihiin dadka degga, iyadoo ay socoto dadaalo leeskugu soo dhoweynaayo beelaha wada degga.

Arrintaan, ayaa waxay dambeysay markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u baahday, in uu galaangal ku yeesho Maamul Goboleedyada dalka ka jira, iyadoo uu dareen ka muujiyay in Maamulka loo dhisaayo Gobolada Dhexe, uu la mid noqdo Maamulada kale ee dalka ka jira, oo aan kalsooni badan u hayn Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaarada Cadaaladda & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa dhabarka ka riixaaya Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, si uu ugu guuleysto Hogaanka Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweynaha iyo Wasiir Faarax, ayaa waxaa amuurtaan ka caawinaaya meelmarinteeda Safiirka Somaliya ee dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan, kaa oo markii hore xusulduub ugu jiray in uu Madax ka noqdo Maamulka Gobolada Dhexe, inkastoo lagu qanciyay in uu wadada u baneeyo Wasiirkii is casilay ee Guuleed, sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somaliya Kamaal Daahir Xasan (Guutaale), oo maalmo ka hor tagey Magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu Dowladda Itoobiya ka dhaadhiciyay in ay taageerto Maamulka, la doonaayo in uu garwadeenka ka noqdo C/kariin.

C/kariin waa nin xubin ka ah Ururka Dam Jadiid, waxaana adag sidii looga dhaadhicin lahaa beelaha degga Gobolada Dhexe, oo ku nasab-sheegta Mabaadii’da Suufiyada, Salaaxiyada iyo Dariiqiyada.

Sidoo kale jilibyada Cayr iyo Sacad ee Beesha Habargidir, ayaa waxay durbaba dhaliilayaan in Gobolada Dhexe loo soo weeciyo C/kariin Xuseen Guuleed, oo loo arko nin aan u khalmin in uu hogaamiyo dadka degga Goboladaasi.

Dadka ku dhow dhow Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa waxay kuu sheegayaan inaanu ku qanacsanayn qorshaha uu Guuleed ku doonaayo, in uu ugu soo weecdo Gobolada Dhexe.

Laakiin si kasta oo lagu meel mariyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa gacan weyn ka geysan doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir, oo kaashanaaya Danjire Axmed C/salaan.

Iskusoo wada-duuboo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxay dadaal badani ku bixin doontaa, sidii C/kariin Xuseen Guuleed uu kaga soo muuqan lahaa Maamulka loo wado Gobolada Galgaduud & Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqaalka maanta & Muqdisho

0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Xildhibaan ku baaqay in Sh/Hoose la geeyo ciidamo Somaliland & Puntland

Muqdisho (Caasimnada Online) – Xildhibaan Cabdulaahi Abshirow oo ka mid ah xildhibaannada beesha Biiyo-maal ayaa ku baaqay haddii la rabo in xasilooni ay ka dhalato gobalka Shabeellaha Hoose oo ay ku dagaallamayaan maleeshiyo beeleedyo in la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenay Somaliland, Puntland iyo Jubbooyinka ama xitaa AMISOM.

Wuxuu sheegay in qorshaha ay dowladda wado uusan soconeynin maadama magaalada Marka ay qabsadeen maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Habar-gidir.

“Annaga waxaan ku baaqeenaa in la geeyo gobalka Shabeellaha Hoose ciidamo isku dhaf ah oo xitaa laga keenay Puntland, Somaliland iyo Jubba, balse ma ahan in dowladda ay dhahdo ciidamo qabsaday magaalada ay u direynaa” ayuu yiri Xildhibaan Abshirow.

Xildhibaanka mar la weydiiyay sababta shaley ay u baaqdeen guddi isku dhaf ah oo dowladda u xil saartay colaadaha ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuu tilmaamay in xildhibannadii ka soo jeeda beesha Biyo-Maal ay qaadacday in ay ka qeybgalaan kulankaas.

Wuxuu sheegay in ciidamo daacad u ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ay qabsadeen magaalada Marka isla markaana ay billaabeen in ay dilaan dadka rayidka ah.

Si kastaba, hadalka xildhibaan Cabdullaahi Abshirow ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dib u dhaceen guddi isku dhaf ah oo isugu jirra wasiiro iyo xildhibaanno oo la rabay in ay aadaan goobaha ay ka socdaan colaadaha ee gobalka Shabeellaha Hoose si ay u soo afjaraan dirirtaas.

Waxaa muuqata in xildhibaannada ka soo jeeda beesha Biyo -Maal ay ka soo horjeedaan in ay ka mid noqdaan guddigaas u ambabaxaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose waa culeys kale oo ku soo furmay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

BF oo baaraya arrin xasaasi ah oo ku saabsan Dagaalkii Shabeelaha hoose

Muqdisho (Caasimada Online)-  Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan baritaano ku aadan in ciidamada dowlada ay ku lug lahaayeen dagaalkii Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan C/Naasir Gaarane Aadan oo kamid ah xildhibanada baarlamaanka, kana soo jeedo mid kamid ah beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inaysan ku deg degi karin wararka ku aadan in ciidamada dowlada ay ku lug leeyihiin dagaalka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay baarayaan wararka ku aadan in ciidamad dowlada Soomaaliya dagaalkaasi ay ka qeyb galeen ayna u hiiliyeen mid kamid ah beelaha dagaalamaya.

Xildhibaan Gaarane wuxuu kaloo sheegay in haddii ay u cadaato in ciidamada dowlada ay dagaalka qeyb ka ahaayeen, dowlada Soomaaliya ay kula xisaabtami doonaan arintaasi ayna ka qaadan doonaan go’aan cad.

Ugu dambeyn wuxuu cadeeyay in dib u dajin ay u sameyn doonaan dadkii ku barakacay dagaalka ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online’

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Odayaasha Isaaq oo u hanjabay beelaha Hawiye iyo DF SOOMAALIYA

Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Isaaq, ayaa kullan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa waxa ay hanjabaad culus ugu soo direen beelaha Hawiye oo ay ku eedeeyn xasuuq ka dhan ah beesha Biyo-Maal.

Waxa ay tix-raacayeen dagaalladdii dhowaan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, ee beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, waxayna sheegeen in dowladda Somalia ay ku lug leedahay.

Waxa ay sheegeen in Biyo-Maal ay isugu tageen Hawiye oo idil.

Odayaasha iminka sheegaya arrintan ayaa weligod ka hadal xasuuqa Axmed Godane oo beeshooda u dhashay uu ka wado koonfurta Soomaliya. Waxaysan sidoo kale ka hadal markii dad badan oo shacab ah ay maleeshiyooyin ku xauuqeen gbolka.

Halkan ka daawo hanjabaadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Wararkii u dambeeyey deegaanadii ay ku dagaalameen H/Gidir & Mareexaan

Xaalad deganaansho ayaa laga soo sheegaya deeganada shalay ay ka dhaceen dagaalada culus ee asalkooda salka ku haayo Qabiilka ee shalay ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Dagaalada ayaa dhex maray maleeshiyo kasoo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Habar-Gidir

Guddoomiyaha Degmada Balanbal Hareeri Xasan Barre oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa sheegay in saaka xaalada ay tahay mid degan, shalayna lagu guuleystay in lakala qaado dhinacyadii dagaalamay.

Wuxuu sheegay Deeganadii lagu dagaalamay inaaney hada ka jirin wax dagaal ah iyo sidoo kale xiisad ku aadan labadii maleeshiyo beeleed ee wada dagaalamay, isaga oo intaasi raaciyay in Maamulada Ahlusuna iyo Dowladda ee Gobalka Galgaduud ay ku baxeen xalinta dagaaladaasi.

Dagaalka, ayaa shalay wuxuu ka biloowday Deegaanka Baaga, wuxuuna ku fiday Deegaanada Garas-gaabta iyo Shilinta, oo dhamaantood kawada tirsan Gobalka Galgaduud una dhaxeeya Degmooyinka Guriceel iyo Balanbal ee Gobalkaasi Galgaduud.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay dad gaaraya 12-ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegay asalka dagaalka inuu ka biloowday nin reer miyi ah oo la dilay.

Dirirta salka ku haysa Qabiilka ayaa kusoo badanaysa Gobalada dalka Soomaaliya, iyadoo lawada ogyahay in Gobalka Shabeelaha hoose uu ka dhacay Dagaalo culus oo udhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed.

Soomaaliya ayaa waxa ay caan ku tahay Dagaalka qabiilka oo laga gudbi la’yahay tan iyo 1991, xilligaasi oo meesha laga saaray Dowladii Maxamed Siyaad Barre ee dalka ka talin jirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faysal Cali Waraabe oo Xasan Sheekh ku weeraray dagaallada SH/HOOSE

Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID  Faysal Cabdulaahi Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Faysal Cali, ayaa sheegay in dagaalka Shabeelaha Hoose uu calaamad u yahay waxa uu ugu yeeray “fashilka iyo nasiib darada dowlada uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud”.

Wuxuu sheegay in dagaaladaasi ay sababayaan maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya, iyada uu sheegay inay kordhineyso inlagu duulo mid kamid ah beelaha aan hubka weyn ku heysan deegaanadooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkaasi ayuu sheegay inay dowlada Soomaaliya ku weyn karto taageeradii ay beesha caalamka ka heli jirtay iyo inay caalamka wax la qeybsato sida uu hadalka u dhigay Faysal Cali Waraabe.

“Dowlada Xasan Sheikh ayay nasiib daro ku tahay dagaalka ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose, aniga meesha ma deji laakiin waxaan sheegayaa in beesha laga hub badan lagu duulayo, waxaa taasi sababaya habka maamul u sameynta loo wajahayo”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu dam beyn sheegay in dowlada Xasan Sheikh ay ku fashilantay qaabka loo wajahayo xalka dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dagaalada gobolka Shabeelada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Imisa wasaaradood ayuu qaadi karaa dalka (Magacyada kuwa muhiimka ah)

Waxaa maalmahan la hadal hayaa isku shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’sul wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.Isku shaandheyntan ayaanan la ogeyn waxa keenay waqtigan iyo ujeedada laga leeyahayba maadaama ay Xukuumadduba dhisan tahay muddo dhowr bilood ah.

Waxa ay rabtama ha noqotee, Waxa aan aamin sanahay in loo baahan yahay isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada, Maxaa yeelay, Waxaa ka muuqda dhaliilo badan oo ay ugu horeyso xagga tirada iyo tayadaba tusaale ahaan, Xukumadda hadda jirta waxa ay ka kooban tahay 25 Wasaaradood,Tirada Wasaaradahaan ayaa ah runtii mid aad u badan marka aad fiiriso xaaladda dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay.

Hadaba Anigoo gudanayo waajib qaran, Islamarkaana u naxayo dhibaatada ay ku jirto Umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba, Waxa aan isku dayi doonaa inta aan ku guda jiro qormadan inaan ka jawaabo labo su’aal oo muhiim ah, Islamarkaana xiriirna la leh cinwaanka qormadan.Waxa ayna kala yihiin labadan su’aalood :-

1-Imisaa wasaaradood ayuu qaadi karaa dalka ? Wasiirase cankee baa loo baahan yahay waqti xaadirkan ?

Hadaan ku hormaro su’aasha koowaad Anigoo ku xisaabtamayo awoodda dhaqaale ee dalka, Sidoo kalena maanka ku hayo shaqada adag ee hortaallo Dowladda, Waxa aan qabaa in loo baahan yahay 18 wasaaradood oo si fiican u dhisan.Tirada Wasaaradaha aan sheegnay, ayaa ah runtii tiro dhexdhexaad, marka aad u fiiriso labadii Xukumadood ee u danbeysay, tusaale ahaan Xukuumadda hadda jirta, Waxa ay ka kooban tahay 25 Wasaaradood halka Xukuumaddii Saacidna ay ahayd 10 Wasaaradood oo kaliya.

Hababkii loo dhisay Xukuumadihii u danbeeyey ee dalka soo mara gaar ahaan burburkii ka dib, Ayaa keenaay in la qaban waayo shaqooyin badan oo loo baahnaa in la qabto, Si looga baxo dhibaatadii lagu jiray, tusaale ahaan Xukuumaddii Saacid, Waxaa dhacday in hal wasiir uu isku hayo ilaa 4 Wasaaradood,Taasoo runtii ahayd arin aan maqcuul ahayn, Waayo hal wasiir kama wada shaqeyn karo 4 Wasaaradood waana sababta keentay in la rido Xukuumaddaasi.

Ammaa Xukuumadda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Ra’isul wasaare Cabdi Wali Sheekh, Wax ay Iyadana ka kooban tahay 25 Wasaaradood.Wasaarad kastana Waxa ay leedahay Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen,Waxa ayna noqonoyaan tirada Goloha Wasiirada marka la isku geeyo ilaa 50 qof, taasoo runtii ah tiro aad u badan,Islamarkaana culeys dhaqaale ku ah dalka.

Hadaba Anagoo ka faa’iideysaneyno khaladaadkii dhacay iyo waliba asbaabihii keenay waxqabad la’aanta, Waxa aan qabaa markan in la dhiso gole wasiiro oo macquul ah,Kuwaas oo leh tiradii iyo tayadii loo baahnaa, Si loo qabto shaqdii la rabay ka hor 2016.Dhismaha Wasaaradaha ayaa la rabaa in ay noqdaan kuwa ka tarjumi kara baahida markaasi jirto,islamarkaana la jaanqaadi kara waqtiga loo jooga,Waxaana halkan ku soo bandhigayaa liis ka kooban 18 wasaaradood Anigoo u soo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin:-

1- Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

2-Wasaaradda Gaashaandhigga

3-Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

4-Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

5-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

6-Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare

7-Wasaaradda Dastuurka,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

8-Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta

9-Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska

10-Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta

11-Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

12-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

13-Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

14-Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta

15-Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo Dhulka

16-Wasaaradda Howlaha Guud,Guryeynta iyo Dib-u-dhiska

17-Wasaaradda Arimaha Bulshada,Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha

18-Wasaaradda Deegaanka,Dhirta iyo Ka hortagga Masiibooyinka

Tirada Wasaaradahan ayaa ah mid aan badneyn, Islamarkaana aan aad u yareyn,Waxaana rajaynayaa hadii la qaato qaab-dhismeedkan in ay wax badan qabsoomi doonaan. Maxaa yeelay gole wasiiro oo badan, Waxa ay keenayaan culueys dhaqaale halka gole wasiiro oo yarna ay keenayaan in la qaban waayo shaqooyin badan oo la rabay in la qabto,Waana sababihii keenay waxqabad la’aanta ku habsatay Xukuumadihii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ku-meelgaarka.

Maadaama uu waqti badan ku dhumay dhismaha Wasaaradaha, Markastana la dhiso wasaarado cusub sida aan soo aragnay 10 sano ee la soo dhaafay,Waxaan qabaa in markan loo baahan yahay in wasaaradaha lagu saleeyo nambar go’aan oo la isla ogol yahay, Si aan mar danbe loogu mashquulin dhismo wasaaradeed iyo magac-bixin toona.

Hadaan u soo laabto su’aashii labaad ee ahayd wasiiro caynkee baa loo baahan yahay markan,Runtii waan haysanaa waayo aragnimo badan oo aan wax ku dhisi karno,Maxaa yeelay 10 sano ee la soo dhaafay waxaa la magacaabayey wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno,Kuwaas oo aan u qalmin in ay Umadda soo hor-istaagaan iskaba daaye in ay hogaamiyaane, tusaale ahaan sidee wax looga sugaa qof aan karti iyo aqoon lahayn Islamarkaana aan daacad u ahayn dalka?!

Maadaama laga rabo Wasiirka in uu ka soo dhalaalo shaqadiisa,Islamarkaana la doonayo in u u wax badan ku soo kordhiyo dadka iyo dalkaba Waa in uu noqdaa qof aqoon u leh Wasaaradda loo dhiibayo, Islamarkaana leh kartidii uu ku hogaamin lahaa Wasaaraddaasi, Si loo gaari halkii la tiigsanayey tusaale ahaan, Waxa aad arkaysaa mararka qaar shaqsi loo magacaabayo wasaarad uusan wax fikrad ahba ka haysan haddii uu ka haystana uusan lahayn kartidii iyo awooddii uu wax ku qaban lahaa!

Waxaa kaaga sii daran, Waxaad arkaysaa mararka qaar shaqsiyaad loo magacaabayo xilil muhiim ah,Kuwaas oo la ogyahay in ay u shaqeeyaan dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed.Hadaba sidee loogu aamini karaa masuuliyad iyo sir Umadeed shaqsiyaad aan daacad ahayn, Islamarkaana hoos kala xiriiro cadowyadii Shalay dumiyey Dowladdii xoogga badneyd!!

Waxaa Iyadana wax lala yaabo ah, in talo Umadeed lagu aamino Shaqsiyaad ku caasiyey Rabiggii abuuray,Islamarkaana hareermaray dhammaan waxyaabihii laga reebay sida isticmaalka Mukhaadaraadka iyo Maandooriyaasha kala duwan oo uu ugu horeeyo Jaadka.Waa caqli-xumo in la soo dhaweyso nin Ilkihiisaba daryeeli waayey,Sow Soomaali maysan oran (Gacantii nadiif ah ba wax daahirisa) .

Hadaba si looga baxo dhibaatada dabadheeraatay, Islamarkaana looga faa’iideysto waqtiga u haray Dowladdan uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, Waxaan soo jeedinayaa in Sedex Shardi lagu xiro qof kasta oo qabanayo xil Qaran.Waxa ayna kala yihiin Sedexdan Shardi:-

1-in uu daacad u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed(not jaajuus walaa qabyaaladiiste)
2-In uu leeyahay karti iyo awood uu wax ku qaban karo
3-In uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan

Maadaama ay wali Soomalidu isticmaasho Nidaamka xaaraanta ah ee yaqaano 4.5-ka, Waxaan soo jeedinayaa in loo qeybiyo 18-kan Wasaaradood sidatan:- Sedex Wasaaradood oo Daarood ah,Sedex Hawiye ah,Afar Digil iyo Mirifle ah,Afar Beesha Direed ah iyo Afar Beesha Shanaad ah.

Gaba gabadii, Waxaan soo jeedinayaa in xilalka muhiimka ah ee Dowladda loo dhiibo Shaqsiyaadka ku caanbaxay Soomaalinimada iyo Wanaaagga,Islamarkaana ay la weyn tahay Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed sida Maryan Qaasim oo kale.Waxaana ugu danbey Ilaahay weydiisanayaa in uu naga dulqaado musiibadan nagu habsatay.

W/Q:Al-Mufakir Abdullahi Ibarahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ma ka dhabbaa EU iyo OXFAM BALLAN qaadka cusub ee ku wajahan Somalia?

London (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo Oxfam ayaa maanta daah-furay mashruuc soconaya saddex sano oo sare loogu qaadayo, isla markaana lagu kaabayo wax soo saarka kalluunka Soomaaaliya.

Mashruuca ayaa ka mid ah barnaamij lagu maalgelin doono 5 milyan oo Euro oo laga hergelin doono deegaannada maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo haddii lagu guuleysto la gaarsiin doono gobollada kale ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Yurub iyo hay’adda Oxfam ayaa lagu sheegay in biyaha badda Soomaaliya ay ka mid yihiin kuwa ugu qanisan goobaha kalluumaysiga ee Afrika isla markaana ay weyn tahay baaxadda dhulka xeebaha ah ee kalluumaysiga ku habboon.

Kalluumeysatada Soomaalida ayaa la sheegay in aysan heysan doonyo iyo qalab kalluumeysi.

Barnaamijka qaybta u gaarka ah Somaliland oo maanta la billaabay ayaa waxaa fulinaya hay’adda Oxfam iyo ururka maxaliga ah ee Havoyoco, iyagoo la shaqaynaya wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee maamulka Somaliland.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Somaliland Cali Jaamac ayaa sheegay in mashruuca uu ka qeyb qaadan doono horumarinta kalluumeysiga.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa isna sheegay in ay jiraan fursado waaweyn oo kalluumaysi oo aan laga faa’iidaysan taasoo keeni karta faa’iidooyin dhaqaale oo muhiim u ah dhulka xeebaha.

Si kastaba dalalka reer galbeedka, ayaa mar walba ballanqaadyo u sameeya Soomaaliya, hase yeeshee inta badan ficil lagama arko,waxaana hadda ay dad badan is-weydiinayaan Ma ka dhabbaa EU iyo Oxfam ballan qaadka cusub ee ku wajahan Somalia?

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Gabar isku cadeesay 170,000 dollar

Nairobi (Caasimada Online) – Dalka Kenya ayaa aad looga hadal hayaa arrin ay ku dhaqaaqday gabar reer Kenya ah taasoo isku cadeesay 170kun oo dollar.

Haweeneydan ayaa tagtay goob la isku cadeeyo oo ku taalla London, si ay qurux dheeri ah u xesho.

Mar la weydiiyay haweeneydan wax yaabaha ku kalifay in lacag intaas dhan ay isku cadeeyo, waxay sheegtay in ay rabtay in ay isku qurxiyo isla markaana ay go’aansatay in ay soo bandhigto lacagta ku baxday quruxdaas gacan ku sameeska ah.

Haddaba arrintan buuq aad u weyn ka dhilisay goobaha ay ku sheekeestaan dhallinyarrada gaar ahaan aaladaha Internetka.

Qaar ka mid ah dadka ka soo dhiibtay aragtidooda ayaa aaminsan in tallaabada ay qaaday gabadhan ay ku saxan tahay maadama quruxda ay meeshaas ka gashay, kuwa kale ayaa yiri “lacag ayey khasaarisay ee qurux ma ahan taas”

Si kastaba ha ahaatee dumarka is cadeeya ayaa aad ugu badan caalamka, waxaana ka mid ah kuwa Soomaalida, balse marka la dhaho gabar Soomaali ah ma is cadeesaa waxay dhahdaa Maya oo waa qurux alle isiiya, balse waxaa hubaal in dumar badan ay is cadeeyaan kuwaasoo dawooyin kiimiko ay ku jiraan ay marsadaan.

Dumarkaas waxaa isbadal uu ku sameesmaa jirkooda oo midab noocyo kala duwan ayey yeeshaan kaasoo halis ah ku ah caafimaadkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Wasiiro maanta gaaray degmadii ay ku dagaalameen H/Gidir iyo Biyo-Maal

Muqdisho(Caasimada Online)-Wafdi wasiiro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamo ka tirsan beesha Habar-gedir oo uu dagaal kala dhaxeeya beesha Biimaal.

Wasiirada ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo kala jeeda beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegayaa inay saacado ka hor gaareen magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/laahi Goodax barre iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, iyadoo ay ku jireen xildhibaanada kala matalaya labada dhinac.

Ujeeada ugu weyn ee safarka wafdiga ayaa ah sidii ay kulamo kala duwan ula qaadan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose, si xal buuxa looga gaaro dagaalada kusoo laalaabtay gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degamda Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay inay ku faraxsan yihiin wafdiga xukuumada Soomaaliya, laakiin ay ka sugayaan waxqabad wanaagsan iyagoo dalbaday in cadaalad lagu saleeyo wax walbaa.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Dhageyso: Xog buuxda oo laga bixiyey dagaal beeleedyada Habargidir & Sade

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaalo ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo u dhexeeya labo beelood oo wada deegaanadaas gaar ahan belaha Habargidir iyo Mareexaan.

Madaxweynaha maamulka Bartahama Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay qasaaraha uu dhaliyay dagaal Beeledyo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, isgaoo ku baaqay in la joojiyo dagaalada halkaasi ka soo cusboonaadaay, iyadoo inta la ogyahay dagaaladaasi ay ku nafwaayeen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo wareysi siinayay K24 ayaa sheegay in dagaalladaas ay salka ku hayaan aano qabiil iyo dil ay dadka reer miyiga ah horay isugu gaysteen.

“Deegaanka Kheydar la yiraahdaa tuulooyin u dhaw dhaw dagaal ayaa ka dhacay, meelo kale oo Balan-Bal u dhawna dagaalo ayaa ka dhacay saakay, runtii in sanadkan 2014-ka lagu gudo jiro ay tahay mid aan loo baahneyn, waxaana inta gacan ka geysan karta ka codsaneynaa inay wax ka qabtaan xiisadaha halkaasi ka taagan, waxaana leeyahay hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka.

Carabeey ayaa tilmaamay in dagaalladu ay yihiin kuwo ku soo noqnoqday deegaanka loona baahan yahay in laga hortago khasaare intaas ka badan oo ka dhasha dagaalka.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday madaxweyne Maxamed Xaashi Cabdi Carabey shirar ka soconaya magaalada Muqdisho oo la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo deegaanada gobollada dhexe isagoo sheegay dhawaan inay gaari doonaan magaalada Caabudwaaq halkaas oo ka dhici doono kulan lagula tashanayo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa inta badan waxa uu u dhexeeya dad reer guuraa ah, iyadoo dagaal beeleedyada ay saakay ka bilowdeen deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah gaar ahaan deegaanka Hardis oo 30 km dhanka galbeed ka xigta magaalada Balan-bal halka deegaan kale oo isla goboolkaasi ka mid ahna uu ka dhacay dagaal kan la mid ah.

Dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo khasaare intaan le’eg ka geysta deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya tan iyo markuu sannadkan billowday.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la tacaalaysa dhibaatada ka dhalatay dagaal Beeleedyada kusoo noq-noqday gobollada dalka gaar ahaan gobolada Shabellaha Hoose, Galgaduud, Hiiraan iyo Gedo.

Halkan ka dhageyso wareysi dhameystiran

Daawo Video: TABABAR caalami ah oo ciidamada DFS uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ka tirsan xogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xerada tababarka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa uga furmay tababar.

Tababarkan ayaa ah mid ciidamada la barayay habka baarista gawaarida, ilaalinta xarunta muhiimka ah iyo sida looga hortegi karo falalka argagixisonimo.

Taliska tababarka AMISOM ayaa tababarkan bixinaya waxayna dhinaca dhaqaalaha gacan ka geystay ururka Midowga Yurub.

Madaxa tababarka AMISOM Gaashaanle Xamza Amisha ayaa sheegay in tababarkani uu ku saabsan yahay hogaaminta wanaagsan, ilaalinta xarumaha muhiimka ah iyo sida looga hortagi karo falalka argagixiso iyo sida looga hortago dibadbaxyada.

Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo markii hore tababarka lagu siin jiray dalka dibadiisa ayaa hadda waxay ku qaataan gudaha dalka.