28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Daawo Video: TABABAR caalami ah oo ciidamada DFS uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ka tirsan xogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xerada tababarka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa uga furmay tababar.

Tababarkan ayaa ah mid ciidamada la barayay habka baarista gawaarida, ilaalinta xarunta muhiimka ah iyo sida looga hortegi karo falalka argagixisonimo.

Taliska tababarka AMISOM ayaa tababarkan bixinaya waxayna dhinaca dhaqaalaha gacan ka geystay ururka Midowga Yurub.

Madaxa tababarka AMISOM Gaashaanle Xamza Amisha ayaa sheegay in tababarkani uu ku saabsan yahay hogaaminta wanaagsan, ilaalinta xarumaha muhiimka ah iyo sida looga hortagi karo falalka argagixiso iyo sida looga hortago dibadbaxyada.

Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo markii hore tababarka lagu siin jiray dalka dibadiisa ayaa hadda waxay ku qaataan gudaha dalka.

Mareykanka oo madaxda DF SOMALIA ku ammaanay tallaabadii ay qaadeen

Nairobi (Caasimada Online) – Ergeyga Gaar ka ah ee Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty ayaa wuxuu amaan u soo jeediyey Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay uga jawaabeen dagaal beeleedyada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay u cambaareeyeen dagaalka, kuna baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan dhinacyada ishaya.

War-saxaafadeed ka soo baxday Xafiiska Ergeyga Gaar ka ah ee Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty oo ku leeyahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanka ay bogaadineyso dadaalka Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ugu jiraan xasilinta dagaal beeleedyada ka socda Gobollada dalka qaarkii.

“Dawladda Maraykanku waxay ku amaanaysaa Dawaladda Federaalka Soomaaliya talaabada deg deg ah ee ay ka qaaday dagaalada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaanu taageeraynaa baaqoodii ku saabsanaa in colaada si deg deg ah loo joojiyo ayna dhinacyada is hayaa si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda.” Ayuu yiri Mr McAnulty.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dawladda Maraykanku ay Soomaaliya ugu deeqday macaawimo gaaraysa 517 miliyan oo doolar ilaa sanadkii 2007, ayna sii wadayaan taageerada si loo helo nabad iyo xasilooni, islamarkaana loo sii xoojiyo dawlad wanaaga ku salaysan is la xisaabtan iyo wax wada qaybsi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Gaas oo DF Soomaaliya u goodiyay iyo R/W Cabdi Weli ku wajahan Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay socdaal shaqo oo ra’iisal wasaaraha xukuumadda fedaraalka uu ku imaanayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Gaas oo horrey ra’iisal wasaare uga soo noqday dowladihii KMG ah ee soo maray dalka ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay ka wadahadlaan arrimo badan oo quseeya calaaqaadka u dhexeeya dowladda iyo maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in uu si weyn u yaqaano ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo ay saaxibo muddo ahaayeen sidda uu yiri isla markaana uusan waxbo ka xumaan doonin kulankooda.

Wuxuu sheegay haddii ay dhacdo in la isku khilaafo arrimaha laga hadlaayo in Puntland ay qadan doonto go’aan kaasoo uu dhigaayo dastuurka u yaalla maamulkooda.

Mar uu ka hadlaayay guddi madax banaan oo loo sameeyay in ay dib u eegaan dasruurka dalka oo lagu soo daray wasiirkii hore ee haweenka Puntland Caasho Geelle wuxuu tilmaamay in maamulkooda uu ka dambeeyay arrintaas.

Si kastaba, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ma fiicneen in muddo balse waxaa tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Gaas billaabmay xiriir aan sidaas u buurneen.

Madaxweynaha Puntland ayaa yimid Muqdisho isagoo wata ciidan gaar ah balse xilligaas wuxuu ka qeybgalaayay aaska ra’iisal wasaarihi hore ee Soomaaliya Cabdirashaaq Xaaji Xuseen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dastuurka hadda lagu shaqeeyo oo la sheegay inuusan aheyn kii saxda ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki ballaaran la galiyay dastuurka hadda lagu shaqeeyo, waxaaba laa lee yahay ma ahan kii la isku ogaa.

Dadka arrintaas aaminsan waxaa ka mid ah guddoomiyihii guddiga dastuurka KMG ee Cabduqaadir Sheekh Ismaacil.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay dastuurkii ay sameeyeen guddigooda isbadal lagu sameeyay laguna shaqeeyo dastuur cusub.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay arrintaas baarto, haddii kale ay ka dhalan karto cawaaqib xun.

Wuxuu sheegay oo kale in dastuurkan uu yahay mid kumeel gaar ah sidaas darteedna loo baahnaa inta laga gaarayo ilaa sannadka 2016-ka in dadka la baro loona sheego waxa uu yahay fedaraal.

Cabdullaahi Sheekh Ismaacil ayaa carabka ku adkeeyay in marka la gaaro 2016-ka oo ay dalka ka dhacdo doorasho la sameeyo dastuur rasmi ama lagu shaqeeyo midkii ay sameeyeen guddigii madaxa banaanaa ee dastuurka KMG ah.

Wax yaabaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa in si qaldan loo adeegsaday fedaraalka taasna ay billow u tahay dagaallo iyo colaad hor leh oo dib uga billaabata Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulada ka sameesmay dalka ay yihiin kuwa si sharci darro ah ku yimid isla markaana aaney waa faqsaneen dastuurkii ay sameeyeen.

Si kastaba, dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in dowladda dhexe oo hadda waqtigeeda uu uga harsan yahay muddo labo sanno in ay wajaheyso dhibaatooyin waaweyn kuwaasoo caqabad ku ah hiigsiga 2016 oo la rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“C/Weli wuxuu shaqo ka dhigtay bara-kicinta Sade iyo H/Gidir” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Onine) – Suldaan Axmed Xasan Garbacune oo ka mid ah Salaadinta Beesha Sade Daarood ayaa waxaa uu markii ugu horaysay ka hadlay waxqabadka Xukuumada Somalia ee uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sh Axmed Maxamed.

Suldaan Axmed ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Cabdiweli ay ku fashilantay howshii loo igmaday loona bahan yahay in Baarlamanka Somalia uu si dag dag ah ula xisaabtamo.

Sudaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Xukuumada Cabdiweli waxaay ku fashilantay wax ka qabashada ammanka, dhismaha Maamullada Gobollada iyo Isku xirka Gobollada iyo Caasimada iyo arrimo kale oo badan oo muhiim ah”.

Suldaan Axmed ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Cabdiweli halkii ay qaranka u adeegi lahayd ay ku mashquushay in ay beelaha Mareexaan iyo Habargidir ka barakiciso Gobolada Jubboyinka iyo Shabelada Hoose.

Waxa uu intaas ku daray in Cabdiweli uu si toos ah ula saftay Beelaha Kablalax iyo Biyo-Maal oo ayagu doonaya in ay xog ku dhaxlaan deegan ay qabiilo dagan yihiin.

“Beelaha Mareexaan iyo Habargidir waa beelaha ay wali ku danbayso qaran jacaylka, haddi dhibka lagu hayo laga dayn waayana way yaqaanaan sida loo dagaalamo oo la iskaga dulqaado cadow kasta” ayuu yiri.

Suldaanka ayaa waxaa uu ku baaqay in guud ahan Gobollada dhexe ee Somalia iyo Gobolada Konfureedba laga dhigo banaanbaxyo looga soo horjeedo habdhaaqanka Xukuumada u hogaamiyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Axmed Ismaciil Samatar oo lagu ceebeystay wareysi cusub (Daawo)

Nairobi (Caasimada Online) – Weriye Xamdi Maxamed Kadiye oo ka tirsan TV-ga Universal, ayaa wareysi cusub ka qaaday Axmed Ismaaciil Samatar, oo sheega inuu yahay aqoonyahan, si aad ahna u dhalleeceeyaa siyaasadda Soomaalida.

Wareysigan cusub, ayaa ahaa mid aad u adag, oo su’aalo adag oo uu Axmed Samatar ku ceeboobay lagu weydiiyey.

Su’aalaha Samatar la weydiiyey waxaa ka mid ah, sababta mar kasta mucaarad ka dhigtay, in aqoontiisa ay tahay mid aan caqli wadan iyo in xil dartiis uu qaranka Soomaaliya uga doortay Somaliland.

Wareysiga cusub halkan ka daawo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dalxa: Laba beel ayaa SH/HOOSE isku haysta, kuwa kalena waa soo socdaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada 5-tii maalmood ee ugu dambeysay ka soconaayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xildhibaanka, ayaa wuxuu sheegay in dagaaladaan ay hurinayaan shirkado shisheeye iyo Siyaasiyiin Deegaan ahaan ka soo jeedo Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sababtu ku sheegay Gobolka Shabeellaha Hoose oo kheyraadkiisu uu badan yahay, sida uu yiri.

Xilligaan, ayuu sheegay in laba beelood oo kaliya ay ku hardamayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, dhowaana la arki doono beelo badan oo isku heysata lahaanshiyaha Gobolkaasi.

“Hadda laba beelood ayaa isku heysata Gobolka Shabeellaha Hoose, beelo badan oo isku heysta waala arki doonaa inay lee yihiin Gobolkaasi, waxa leesku heystana waa Kheyraadka badan ee ku jiro Shabeellaha Hoose.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaan Dalxa, ayaa wuxuu ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalada Gobolka Shabeellaha Hoose, wax kastana waan-waan lagu raadiyo, intii maatida lagu dul dagaalami lahaa.

Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhanka kale ka digay in ay ka waan-toobi kari waayaan Siyaasiyiinta sida xun wax uga raadineysa dagaalada, sababaaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Siday ku billaabatay Afarta Faataxo oo Soomaalida isu marto? (Wax ka ogow)

Erayga Faatixa macnahiisu waa “Furto”, waa magaca la siiyay suuradda quraanka kariimka ah lagu furo, (opening chapter, waxay ka kooban tahay 7 aayadood. Waxaa lagu magacaabaa (ا م الكتاب) kitaabka hooyadii. Waa tiirka 4aad ee 18ka tiir ee salaadda, rasuulkana scw wuxuu yiri: (لاصلاة لمن لم يقرأ بام الكتاب) Salaad maleh qofkii aan Faataxada akhrinin, kamana  ansaxin.

Ilaah Subxaanu wa tacaalaa wuxuu nabigeena ku yiri: ( ولقد ءاتيناك سبعا من المثانى و القرءان العظىم( ) Waxaan ku siinay 7 la celceliyo iyo quraanka weyn, Alxijri (87). Faataxada waxaa lagu celicliyaan salaadda dhaxdeeda, waxaana lasiiyay nabiga scws, lagu yiri: Indhahaaga ha u taagan wax aan ugu raaxeynay nuucyo dadka ka mid ah, sidaasaana sha,nniga  faataxada u weyn.

Abkoowyaasheenii waxay nagu dhihi jireen Faataxo waa faras mu,min. Farasku wuxuu ahaa gaadiidkii ugu fiicnaa oo xlligoodii jiray, kuna gaari jireen meesheey doonaan, faataxadana waxay aaminsanaayeen in qofkii niyadsami loogu maro in liibaan ku gaari doono. Sidaas darteed, ma jirin wax ay ku doorsadaan.

Magaalada Muqdisho, waxaan goobjoog u horaantii 80-naadkii, nin macruuf aan ahaynay oo asagoo mooto saarnaa fatuurad lagu dilay iyo wiil mid kale eryaayay oo kan dambe madaxa albaab ku dhufsaday, sidaana ku geeriyooday, markii ehelkoodii diyo loo geeyay ay doorbideen in 4 faataxo loo maro.

Haddaba, sideey ku bilaabatay 4ta faataxo oo aan maanta isu marno iskuna maslaxno? Sheekadu (legend) waxay leedahay in odaygii Cali Cusmaan “Abgaal” (Camels,  Ancestor) uu maalin damcay inuu rati gado.

Wuxuu u yeeray mid wiilashiisa ka mid ahaa, kuna yiri “Ratigaan soo gad, qofkastoo qiimo kuu gaarana weyddii, Maxaa intaa dheeer?” wiilkii qiimaha ratiga loo gaaray qof wax dheeri ah ugu daro waa waayay hal nin maahee. Kaasoo u gaaray inuu kaga iibsanaayo tiir (Beam), Wiilkii wuxuu waydiiyay “Maxaa dheeri ah”? Ninkii wuxuu ugu jawaabay “4  faataxo”. Sidaasuu ratigii uga gaday, uguna laabtay aabbahiis oo markuu guriga yimid weyddiiyay.

“Maxaad ku soo gaday ratigii?” looguna jawaabay “Tiir: Maxaa dheeri ah? 4 faataxaa ayaa loogu warceliyay”. Cali Cusmaan wuxuu ku qancay beecii ratigiisa.

Waxaa la jarjaray tiirkii oo dab uu oday diirsado loogu shiday. Hase yeeshee markii qaacii (smoke) dabka uu odagii ku baxay, waxaa dhacday mucjiso la yaab leh.

Odayga oo indho beelay, indhihiiyaa u furmay, waxaa u soo noqday araggiisii. Kolkaasaa indhoolayaashii degaanka oo idil ay maqleen in reer Cali Cusmaan ay heleen tiir qaaciisa indhaha furo, kana soo raadsadeen ayagoo u sido xoolo ka fara badan qiimo kastoo ratigaa laga siin lahaa.

Sidaasey faataxada noogu timid waxaana lagu gaaraa liibaan uusan malaysan karin dadka qaarkiis.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

XIISAD DAGAAL OO KA TAAGAN NO.50

Muqdisho (Caasimada Online)- Xiisad dagaal oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka ka taagan deegaankaasi, waxaana ay ka dambeysay kadib markii ciidamadii halkaasi maamulayay laga saaray deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisada ay ka jirta deegaanka, iyadoo mararka qaar la maqlaya dhawaqa rasaas googoos ah, waxaana jirta baqdin laga qabo in dagaal markale deegaanka maanta uu ka dhaco.

Qaar kamid ah dadkii kasoo barakacay dagaalkii shalay iyo xiisadii kahoreysay ayaa soo gaaray magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in labada dhinac ay is hor fadhiyaan.

Xaalada KM-50 ayaan caga badan ku fadhin, waxaana suuragal ah in saacad waliba uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ciidamadii qabsaday deegaanka ay weli ku sugan yihiin Magaalada, halka dhinacii kale ee laga saaray KM-50 ay abaabul ciidan ka wadaan duleedka KM-50.

Ciidamada labada beelood ayaa marar badanku dagaalamay deegaanada gobolkaasi, waxaana ay ugu dambeyn dhalisay in ciidamada beesha Habar Gedir ay gaaraan degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Odayaasha labada dhinac kasoo kala jeeda ayaa eedeymo kala duwan ka jeedinaya Warbaahinta, waxaana gabi ahaanba ay eedeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF iyo rugta ganacsiga Somalia oo si wada-jir ah u qaadacay shirka Sweden

Muqdisho Caasimada Online – Warsaxafeed ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ayay ku qaadaceen ka qayb-galka shir looga hadlayo ganacsiga oo la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkan oo ahaa mid muhiumad weyn ugu fadhiyey sidii loo dhiiri-gelin lahaa ganacsiga Soomaaliya, dunidana loogu soo jeedin lahaa ganacsatada adduunka, isla markaana loo caawin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed uu noqdey mid la marin habaabiyey, islamarkaana kooxo doonaya inay u adeegsadaan musuqmaasuq iyo tahriibin dad sharci daro ah ay afduubteen dhamaan ujeedooyinkii shirka laga lahaa.

Waxa ay sheegeen inay shirka u adeegsadeen dano gaar ahaaneed, si lacag looga abuuro tahriibinta dadka aan ganacsatada ahayn ee loo daabulay shirka iyaga oo laga dhigaayo ganacsato rasmi ah oo howlo ganacsi ka haayo dalka.

Haddaba wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay mowqifkeeda rasmiga ee shirka ay ku qaadacdey ay u gudbisey dowladda Sweden iyo Safiirka dowladda Sweden ee dalka Soomaaliya. Mana jirto cid ka mid ah dowladda  federaalka Soomaaliya oo shirkaas ganacsiga ku mataleysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa jira wararka sheegaya in wasiirka qorsheynta Saciid Daani, uu rabo inuu shirka ka qeyb galo, si uuan u bururin uguna daneeyo ganacsatada beeshiisa, isaga oo hareer maraya go’aanka DF.

Sababaha ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ay ku qaadaceen shirka waa sababaha soo socda:

1. Waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed oo ku urursan Rugta Ganacsiga intooda badan, wada-shaqayn dhab ahna kala dhaxayso wasaaradda ganacsiga in si wada tashi leh uu u hoggaamiyo wasiirka ganacsiga, taladoodana ay urursan tahay.

2. Ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhexdooda saameyn kuma lahan siyaasadda la isku haysto oo ganacsiga iyo ganacsatadu xuduud ma leh, gobol walba ayayna hantidoodu taallaa; marka in loola dhaqmo sida siyaasadeysan oo magacyadaas lagu casuumo nalama ahan.

3. Ajandaha waxaa ka maqan ganacsiga Soomaalidu waqtigan xaadirka ah ay ka miro-dhalin karto sida xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, dhaqan ganacsi soo jireen ahna ay u leedahay.

4. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo – Institutional Building – kuwa hadda jira, lana garab-galo, ganacsiga gaarka loo leeyahayna waa meesha kaliya ay Soomaaliya ka nooshahay, in la sii adkeeya maahane nalama ahan in ay caawineyso in si is-barabar-yaac ah lagu caawiyo.

5. Ugu dambeyn, islamarkaana ah tan ugu muhiimsan waxay ahayd si dowlad-wanaagga la caawiyo, in wasaaradda ganacsiga kaalin buuxda ku yeelato qaban-qaabada shirka, ajandaha, ka qayb-galka iyo qaabka ganacsatada loo dhiirri-gelinayo, taasina ma dhicin.

6. Wasaaraddii ganacsiga iyo warshadaha shirkii kama qayb-galayso, talana kuma lahan, sidaa darted annagoo tixgelinayna dowlad-wanaagga iyo dhisidda hay’adaha ganacsiga, waxaa nala haboonaatay inaynaan ka qayb-gelin shirkaas haddii aysan wasiirka iyo wasaarada ganacsiga  iyo ganacsatada oo wada jira aysan ka qayb-galeen shirkaas.

Wixii warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qaadacaada shirka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya  waxaa lagu wargalinayaa saxaafada iyo cidii kale ee daneyneyso inay la xiriiraan wasiirka wasaaradda Ganacssiga iyo warshadaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor).

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Guddi BF ah oo difaacay XASAN SH.

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dhinaca arrimaha dibadda ayaa difaacay ka qeybgalka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud uu ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar Cabdifataax Asiisi.

Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas, Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in madaxweynaha uu xaq u lee yahay in uu ka qeybgalo xafladii lagu dhaarinaayay madaxweynaha cusub ee Masar isla markaana aanu wax dhib la imaan karin arrintaas marka loo eego calaaqaadka dowladda iyo duwladaha carabta.

Dalxa oo aad ugu dhuun daloola arrimaha carabta ayaa sheegay in qadiyadda Masar ka taagan aysan isku aragti ka ahayn waddamada carabta, “Marka ma jirto wax naga quseeyo Qadar iyo waddamo kale, oo Soomaaliya waa dal madax banaan” ayuu yiri .

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan uu ku saxan yahay in uu ka qeybgalo xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar oo ay ka soo qeybgaleen madax badan oo qaar ay ka socdeen waddamada carabta.

Si kastaba, dhaliilo badan ayaa loo soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ganacsade caan ah oo lagu dilay….

Beydhabo (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xaley fiidkii magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxay ku toogteen ganacsade caan ah.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Saadaq Cabdullaahi ayaa la toogtay xilli uu ku sii jeeday gurigiisa sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaal.

Sidoo kale kooxda burcadka ayaa dhaawacay labo qof oo kale oo uu ku jiro askari ka tirsan dowladda.

Kooxda falkan geesatay ayaa durba baxsaday waxaana la sheegayaa in ay gaareen goobta ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo billaabay baaritaano ay ku baadigoobayaan kooxda dilka geesatay.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in baaritaanka oo billowday xaley ilaa saakay uu socdo.

Xog badan lagama hayo dadka la soo qabtay tiradooda balse waxaa sheegis mudan in howgallada ay saameen ku yeesheen adeegyadii muhiimka sidda ganacsiga iyo wax barashadda.

Beydhabo waxay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacaan dilalka iyo qaraxyada in kastoo magaalada oo dhan ay gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ururkii uu Xasan Sheekh ka tirsanaa oo ku baaqay in tallaabo laga qaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur diimeedka Al-Islaax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay booqashada uu madaxwaynaha DF ku tagay dalka Masar isla markasna kaga qayb galay dhaarintii madaxwaynaha cusub ee dalkaasi Gen.Cabdicasiis Alsisi.

Gudoomiyaha Ururka Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye, ayaa sheegay inay dhaawac ku tahay sharafka dowladnimo in Xasan Shiikh uu ka qayb galo dhaarinta Asisi oo xilka si cadaalad daro ah uga tuuray madaxwaynihii sida dimoqraadiga ah loosoo doortay ee Maxamed Musri oo ay taageer sanaayeen dowlado ay ka mid yihiin Qadar iyo Turkiga.

Xasan Shiikh Maxamuud oo ka tirsan ururka Damjadiid ee Al-islaax ayaa u muuqda inuu taageeray nidaamka Malatari ee wadanka Masar oo ay dowlado badan ka hor yimaadeen waxana ka mid ah dalalka hadda Taageera DF ee Qadar iyo Turkiga.

Islaax ayaa gollaha shacabka ee DF ugu baaqay inay kula xisaabtamaan madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud tilaabadii uu dhaarinta Alsisi uga qayb galay taasoo ururku ku tilmaamay mid aan munaasib ahayn.

”Anigoo ku hadlaya magaca ururka Al-Islaax waxaan aad uga xunahay booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay wadanka Masar, isagoo ka qeyb galaya caleema saarka ninka dhiigya cabka ah ee shacabkiisa gumaaday”.

Waxaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato Xasan Shiikh ka qayb galka dhaarinta madaxwaynaha cusub ee Masar maadama dalalka ay saaxiixbada yihiin ay ku kacsan yihiin Gen.Asisi madaxwaynaha Masar.

Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho lamana yaqaan sida uu uga jawaabi doono dhaleecaynta ururka Al-islaax uga yimi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QM iyo Midowga Afrika oo war ka soo saaray dagaallada gobolka SH/HOOSE

Muqdisho(Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha guud ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Ka hadlay dagaalada muddada badan ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Kay ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay dadaalka ra’iisul wasaaraha dalka uu ka wado xaalada gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in wasiiro loo diro gobolkaasi.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka islamarkaana miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobe mar walbaa ay diyaar la tahay taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale wakiilka midowga africa ee Soomaaliya Maxamed Salah Annadif ayaa dhankiisa qoraal kasoo baxay wuxuu ku cambaareeyay dagaalada dhanka qabiilka ku saleysan ee ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu ku taliyay in dagaalka la joojiyo oo dhinacyada dagaalamaya ay ka fakaraan waxyeelada soo gaari karta shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo ciidankeeda siisay amar la xiriira dagaalka Shabeelaha Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay ciidamada millitariga dowladda in aysan ka qeyb qaadan dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka oo la socday wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha oo maanta ku soo laabtay Muqdisho kaddib markii ay ka soo qeyb galeen caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar Cabdifaax Asiisi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada maleeshiyo beeleedyada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu ciidamada millitariga ugu baaqay in ay ka fogaadaan dagaallada ka socda gobalkaas isagoona intaas ku daray in askarigii lagu arko dagaallada isagoo ka qeyb qaadanaya in tallaabo adag laga qaadi doono.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay iyadoo la soo sheegayo in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada millitariga kuwaasoo la kala saftay maleeshiyaadka ku dagaallamaya halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha Sh/Hoose iyo dagaal kale oo dhacay

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa xaalad degenaan ah laga dareemayaa degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo maanta ay la wareegeen ciidamo taabacsan Beesha Habar-gedir kadib dagaal saacado qaatay oo ilaa xalay ka socday duleedka degmada Marka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ayaa inoo sheegay in degenaan la dareemayo wallow la sheegayo in bililiqo ay ka socoto degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale dagaal qasaaro geystay oo u dhaxeeyay ciidamada kala matalaya labada beelood ayaa maanta ka dhacay deegaanka No:50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ciidamadii horay halkaasi u joogay lagala wareegay.

Dagaaladaasi ayaa la sheegayaa inay sababeen dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin qasaaraha ka dashay dagaalka Degmada No:50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyihii Degmada Marka oo dhankiisa saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay dhinac ka heystaan degmada Marka halka dhinacyada kale ay joogaan ciidamadii degmada la wareegay saaka.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegayaa inaysan sameynin wax dhaqdhaqaaq ah oo ku aadan dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ladhihi sheeda ayay ka daawanayaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa sheegay inay dalbanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ceeb iyo lama arkan ay tahay in dib loogu laabto waxyaabo mar hore laga soo gudbay oo uu kala jeeday dagaalada dhanka qabaa’ilka ku saleysan.

Dhanka kale Ismaaciil Macalin Muuse, gudoomiyaha gudiga dib uhishiisiinta qaranka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho kadib kulan ay yeesheen ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha iyo madaxweynaha ay u xilsaareen xal ka keenista dagaalada Shabeelaha Hoose.

Dhankiisa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo kusoo laabtay Muqdisho ayaa amar siiyay ciidamada maletariga dalka, kaasi oo ku aadan inaysan ka qeyb galin dagaalada dhanka beelaha ku saleysan ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo ka hadlay dagaalkii degmada Marka

Muqdisho(Caasimada Online) – Maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in degmada Marka ay kusoo duuleen ciidamo taabacsan maleeshiyo ka tirsan beesha Habar-gedir, sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay beentahay in degmada lagala wareegay oo ay ku sugan yihiin ciidamadiisa sida uu hadalka u dhigay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada la wareegay degmada Marka ay yihiin kuwa beesha Habar-Gidir, oo saacado dagaal uu socday kadib la wareegay magaalada.

Habeenimadii xalay dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-wareegow iyo Buufow halkaasi oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo sidoo kale ay qabsadeen maleeshiyada Habar-Gidir.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamo cusub saaka lagu arkayo magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gabi ahaanba degmada laga saaray ciidamada maamulkii halkaasi ka ariminayay.

Xaalada degmada Marka ayaa ah saaka mid cakiran waxaana adag in la qiimeeyo sida xalada ay tahay.

Ku dhawaad 8 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Imaamka Beesha habar Gedir Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble ayaa sheegay in magaalada Marka ay la wareegeen ciidamada Beesha uu ka dhashay, kuwaasi oo uu sheegay in markii hore laga soo saaray degmadaasi beerahoodana xoog lagu heystay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada beesha ay howlgalo ka sameynayaan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu cadeeyay in inbadan xoog looga heystay degmada oo dadkooda lagu dilay degmada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Mooshinley oo wada mooshin ka dhan ah R/W C/Weli (Maxay rabaan?)

Muqdisho (Caasimada Online0 – Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay ku hawlan yihiin olole iyo mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Dastuurka, ayaa waxa uu qabaa in Wasiirka 1-aad ee Xukuumada mooshin laga keeni karo, marka ay Xukuumadiisu jirsato ugu yaraan muddo 6 bilood ah, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshinkaan ku saleynayaan inay fashilmatay Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed.

Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo shirar gaar gaar ah oo ay ku yeelanayaan Xildhibaanada, iyadoo ay ku qorsheynayaan nooca uu noqon doono mooshinka ay ka gudbinayaan Ra’iisal Wasaaraha.

Sarkaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegay in Xafiiska Madaxweynaha Somaliya uu isha ku haayo, mooshinka la hadalhaayo in Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ka soo gudbinayaan Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sarkaalkaan, ayaa wuxuu ku waramayaa in culeyskii Xildhibaanada Baarlamaanku ku hayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay u weeciyeen dhinaca Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Somaliya.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa toddobaadkii tahay isu soo dhowaansho iyo isfaham ka gaaray isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada, mana cadda iminka waxa mooshinkan keenayiyo kaalinta uu Xasan Sheekh ku lee yahay.

Mooshinkaan, ayaa waxaa dhabarka ka riixaaya Xildhibaano lagu sheegay inay isugu jiraan xoolo doon iyo xil raadis, waxayna Xildhibaanadaan qaarkood miisaan weyn ku lee yihiin Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka.

Inkastoo aysan kala cadayn in tani ay ka dambeyso khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay hadana xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Somaliya ee ku jira Golaha Wasiirada, ka soo horjeedaan in shaqada laga eryo Dr. C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo maamul goboleed ahaan uga qeyb galaysa shir Sweden ka dhacaya oo qaab beeleed loo afduubtay (Xog)

Stockholm (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka dhacaya maalinta talaadada ee bisha Juun ay tahay 10ka, shir looga hadlaayo arimaha ganacsiga ee dalka Soomaaliya oo loo soo abaabulay mashruuc ahaan islamarkaana looga cunaayo dowladda Sweden lacag aad u fara badan.

Shirkaan oo ah shir loogu talagalay arimaha ganacsiga ayaa waxaa abaabushay wasaarada arrimaha dibadda ee dalka Sweden iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya loogu casumay shirka sidii maamul goboleed ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Todobada xubnood ee martida rasmiga ayaa dowladda Swede waxaa ay u qeybisay sida soo socota:

1-      Dowladda federaalka Soomaaliya 2 xubnood

2-      Somaliland 2 xbnood

3-      Puntland 2 xubnood

4-      Maamulka Kmg ee Jubba hal xubin.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo iyadu noqotey maamul Goboleed qof walba uu ku fushado dantiisa gaarka ah marka uu doono ayaa shirka waxaa uga qeyb galaya wasiirka qorsheynta Soomaaliya Siciid Deni kadib markii qaab qabyaaladeysan loogu diidey shirka inuu uga soo qeyb galo wasiirka ganacsiga Aadan Saransoor  oo isagu xaq u lahaa inuu shirka kasoo qeyb galo hadiiba dowladda federaalka ay kasoo qeyb galeyso shirka iyadoo ku imaaneyso sidii maamul goboleed ka jira caasimadda Soomaaliya iyo goboladda ku dhow dhow.

 

Waxaa  sidoo kale shirkan si qaab qabiil ahaan looga saarey maamulka Gal-Mudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka Soomaaliya isla markaana ka mid ahaa maamuladii gundhiga u ahaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ahaana saxiixayaashii dastuurka Kmg ee federaalka ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in wasaarada arrimaha dibadda laga dhaadhacsiiyey inuusan jirin wax maamul goboleed oo la yiraahdo Galmudug sidaa darteedna dowladda Sweden aysan wax barnaamij horumarineed aysan ugu tala galin maamulka Gal-mudug iyo degaanada hoos taga taasoo ay meel marisay dowladda Sweden

Arinta inaan shirka lagu casumin Gal-mudug ayay waxaa ay ka careysiisey xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Gal-mudug iyaga oo qabanqaabinaaya mudarahaad xoog badan oo ka dhici doona goobta shirka lagu qabanaayo maalinta talaada ah ee 10ka bisha Juun oo ah  xarunta ganacsiga ee dalka Sweden(WORLD TRADE CENTER) ee magaalada Stockholm oo ku taal bartamaha magaalada Stockholm.

Waxaan sidoo kale shirka lagu casuumin gacansatada iyo shirkadaha magaalada Muqdisho oo ah kuwa ugu weyn uguna hantida badan Soomaaliya, waxaana sidaas loo yeelay cadaawad qabiil, oo ay u wadaan dadka afduubtay maamulka shirka oo reer Puntland ah.

Dhanka kale, Waxaa shirkaan qeylo dhaan aad u weyn ka keenay jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden iyagoo u arkey in Somaliland ay ku tahay meel ka dhac weyn inay ka qayb gasho shirkaan  iyada oo uga qayb galeyso in ay tahay maamul goboleed ka mid ah maamul goboleedyada ku mideysan  jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale jaaliyadda Soomaalida dalka Sweden ayaa la yaaban sida dowladda Swden ay u bah dishay dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii sidii maamul goboleed ay u casuuntey dowladda federaalka ee Soomaaliya oo isla markaana ay dowladda federaalka Soomaaliya ay iska ogolaatey.

Madaxda hor boodeyso dowladda federaalka Soomaaliya waqtigaan xaadirka ayaa noqday kuwa aan xambaari karin magaca iyo hab maamuska dowladnimadda Soomaaliyeed sharafteeda, hadafkooduna uu yahay meeshii maalintaa ka bishahay qadada aada maxaa idinka galay Soomaaliya iyo sharafteeda iyo karaamadeeda.

Warbixintaan Waxaa soo diyaariyey wariyaha  madax banaan

Maxamed Xaaji Aadan

Email: [email protected]

YUUSUF GARAAD: Dhambaal iiga yimid Dhadhaab (Sheeko aad u xiiso badan)

Jaamac, oo ah wiil dhallinyaro ah oo aan saxaafadda bulshada saaxiib ku nahay ayaa ii sheegay in dhowaan laga soo qabtay Nairobi. Dhambaalkan ayuu iiga soo diray Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab. Farriinta saaxiibkeey Jaamac waxaan jecleystay in aan la wadaago Soomaalida, ka dib markuu sidaa iga oggolaaday. Waxba kuma darin marka laga reebo higgaadda oo aan saxay. Waxna kama reebin marka laga reebo qaar aniga shakhsi ahaan igu saabsanaa. Wuxuu yiri:

Mudane waad ku mahadsan tahay dhiiri gelintaada. Masiibo Qaran ayaa dhacday laakiin waxa lagaga bixi karaa Ilaahay oo aynu dembi dhaaf weydiisano iyo cafis.

Saaxiib anigu Dawlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa ma arag laakiin nasiib darro halaag baa dhacay, aan loo kala hadhin. Laakiin ku waari mayno oo ilaahay wuxuu sheegay in cadaab iyo janno uun lagu waarayo.

Dhibka ugu weyna dhalinta Soomaaliyeed buu ku dhacay oo jeelasha caalamka ka buuxa. Tahriib iyo badahana ku dhammaaday.

dhadhaaaabAnigu Nairobi baan college caalami ah ka dhiganayay, laakiin waa la I qabtay. Garoonka Kasaraani baa la igu xidhay. Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa lay geeyey.

Dhibkaas i gaadhayna masuuliyiinta Soomaaliada ayaan dusha u saarayaa oo ah kuwo aan waddaniyiin ahayn, kana dhammaan la’ khilaaf iyaga u dhaxeeya.

Saaxiib halkan kuma soo.koobi.karo sida uu dareenkaygu ahaa aniga iyo saaxiibbo badan 10/9/12 laakiin maanta rajadaydu ma wanagsana.

Saaxiib laakiin maxaa.hoggaamiyayaasha Soomaaliyed ugu wacan is qabqabsi, khilaaf iyo eexasho qabiil?

Danta guud iyo danta shakhsiga kee la horaysiiyaa?

Waxaa nasiib darro ah in labadii mas’uul ee.Soomaaliya ugu sarreeyey isku mashquulaan!

Iyada oo shacabkii Soomaaliyeed meel walba macaluul, abaaro iyo gaajo ku hayso. Qaarna qaxooti ku yihiin wadamo aan laga rabin, jeelasha caalamkana ay ka buuxaan.

Runtii shakhsiyaadka tirada yar ee xaalka Soomaaliya ee murugsan wax ka qaban kara ayaan aaminsanahay in aad ka mid tahay dhalinyaradana jaanis ayaad siin lahayd, waayo dhalinyaradu isbeddel dhab ah ayay keeni lahaayeen.

Been kuu sheegi maayo ee 7 dhalinyaro ah oo aan Muse Yusuf Secondry ka wada baxnay ayaa wiiggii ugu danbeeyey ku geeriyooday saxaraha Libiya iyo Suudaan.u.dhaxeeya.

Ilaahay quluubteena ha mideeyo. Ilaahay xaqa ha ina tuso.

Markaa saaxiib adigaa Soomaalidii hore iyo tan maantaba joogee maxaa sabab u ah waxan iyo dhibkan mise Somalidu weligeedba waddaniyiin ma’ahayn?

Inkasta oo gacmo shisheeye jiraan.

Ilaahay quluubteena ha mideeyo.

Haddii adiga uu kuu soo qori lahaa dhambaalkan, Jaamac maxaad ugu jawaabi lahayd? Fadlan Jawaabta hoos ku reeb.

Fasax ayay u yihiin Baraha Internetku, hadday doonayaan in ay sii daabacaan qormadan oo aan wax laga beddelin.