28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Gabar Soomaali ah oo ka qeybgaleysa mashruuca Young African Leader

Washington DC (Caasimada Online) – Amiino Sahro Saciid Sigad oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa ka mid noqotay dad loo xushay in ay ka qeyb galaan mashruuca hoggaamiyaasha da’ yerta Afrika.

Mashruucan ayaa shan sanno ka hor waxaa sameeyay madaxweynaha dalka Maraykanka, Brack Obama.

Mashruucan ayaa looga gun lee yahay siddii loo dhiiri galin lahaa dhallinyarada ku nool waddamada colaadaha ay halakeeyeen.

Amiino Sahro oo ka soo jeeda gobalka Gaarisa ayaa sheegtay in ku guuleysatay tartan loo galay mashuurcan oo sannad kasta la qabto.

Waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto dadka ku guuleystay mashruuca Young African Leaders.

Waxaa la weydiiyay haddii ay la kulanto madaxweyne Obama wax yaabaha ay ka codsan lahayd, waxay sheegtay in ay weydiisan lahayd sidii loo caawin lahaa dadka ku dhaqan Gaarisa gaar ahaan dumarka.

Waxaa kaloo ay sheegtay in ay ku rajo weyn tahay haddii ay hesho qorshaha ay damacsan tahay in barnaamijyo u abuurto dumarka ku nool Gaarisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Hey’adda culimadda oo BF ka codsatay inay meel mariyaan sharciga argagi..

Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan sharciga la dagaallanka aragixisada maadama kal hore uu ka soo baxay xukuumadda.

Sheekh ayaa yiri sharcigaas haddii la meel marin lahaa wuxuu fududeen lahaa arrimo badan oo hadda caqabad ku ah Soomaaliya oo ay ka mid tahay aragixisada.

“Annaga waxaan ku baaqi lahayen in xildhibannada baarlamaanka ay dhaqangaliyaan sharciga Argagixisada waayo muddo badan ayuu hor yaalla, illaah ka baqa oo dhaqankiina wax ka badala” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Dhinaca kale, Sheekh ayaa dowladda ugu baaqay in ay si degdeg ah wax uga qabato dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose, isagoona intaas ku daray in dagaallada ay salfadeedn dad badan oo shacab ah kuwaasoo aan waxbo galabsan.

Wuxuu hey’adda dowladda ugu baaqay in ka baaqsadaan ku lug lahaan shiyaha dagaallada ka socda galkaas maadama ay salka ku hayaan qabiil.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in hey’adooda ay ku baaqayso in la joojiyo dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxaa soo kordhaya baaqyada ku aadag dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Bil gudaheed ayuu Xasan Sh. ka qeyb galay laba caleemo saraa” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan dowladda iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan safarada aan kala joogsiga laheyd ee Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh iyo xubno ka tirsan dowladdiisa oo ay ku jiraan Guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradda ay ugu ambabaxaan dibedda.

“Dhaqaalaha lagu bixinayo safarada dibedda ee aan waxba laga soo kordhineyn in ay jiraan meelo kaga haboon dhaqaalahaasi in lagu bixiyo” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya

“Waa markii 2-aad bil gudaheed ee uu madaxweynuhu u ambabaxayo ka qeybgalka xaflad caleema saar ah. Madaxweynaha isaga oo Koofur Afrika kaga qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha dalkaas ayaa la weeraray Baarlamaanka; maxey Soomaaliya u soo kordhineysaa safarka uu hadda ku tegay Qaahira oo aan ka aheyn dhowr boqol oo kun oo dollar oo ku baxa safarkaas.? ” ayuu yiri xildhibaankaas, wuxuuna intaa ku daray in ku takri falka dhaqaalaha Qaranka ey tahay arrin baarlamaanku waajib ka saaran yahay inay kala xisaabtamaan Madaxweynaha.

Xildhibaanka wuxuu sheegay hay’adaha dowladda in dhaqaalaha ahaan ay ku tiirsan yihiin kaalmooyinka ay ka helaan dalalka dibedda, haddana waxaa jira musuq-maasuq ku baahsan hogaanka hay’adaha dowladda.

“ Xaaladdeena oo aad u liidata sidan inaan u dhaqano suurtagal ma ahan; waxaan u dhaqmeynaa sida dal dhinac kasta isaga filan, toddobaadkan warbixin ay soo saartay hay’adda UNHCR waxaa lagu sheegay in caruur Soomaaliyeed oo 200,000 gaaraysa in ay geeri qarka u saaran yihiin, lagana cabsi qabo in abaartii Soomaaliya ka dhacday ay dib u soo laabato, iyadoo ay sidaasi jirto ayaa haddana Madaxda dowladdu waxey maalin walba ay ku jiraan safaro lagu qarash gareynayo boqolaal kun oo dollar oo aan dalka iyo dadka waxba u soo kordhineyn” ayuu yiri xildhibaanka.

“ Guddoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyaan wefdi ka badan 20 qofood ayaa kaga qeybgalaya Kampala furitaanka baarlamaanka Uganda. Maxey tahay maslaxada ugu jirta Soomaaliya in ay ka qeybgasho furitaanka fadhiga baarlamaanka Uganda.? lacagta safarkaasi ku baxeysa waa imisa.? ” ayuu yiri Xildhibaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Balan qaadkii Xasan Sheekh ee ahaa Isbaarada oo dib usoo noqotay

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmahaan qati laga taagan yahay arin uu horay Madaxweyne Xasan Sheekh uga cirib tiray oo haatan magaalada dhibaato xoogan ku heysa taasoo aheyd Isbaarada lagu dhacayo Shacabka.

Horay Madaxweyne Xasan waxuu u sheegay in Cidii Isbaaro lagu arko oo jidka ay u taalo in la toogan doona sharcigana la mar siin doono balse maxaa is badalay oo haatan keenay Isbaarooyinkaan tirada badan nala daawo adaa wax badan arki doonee.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Al-Sisi xilli socdaalkiisu xiisad dhaliyey

Cairo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga dalka Masar, ayaa wuxuu maanta kula kulmay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Abdel Fattah Saeed Hussein Khalil El-Sisi.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu Magaalada Qaahira kaga qaybgalay munaasabada caleemo saarka ee Madaxweynaha cusub ee Masar, markii uu casuumaad u fidisay Dowladdiisa cusub.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ku Simaha Wasiirka Amniga Qaranka ee Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Somaliya, ayaa wuxuu ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen labada Madaxweyne.

Wasiirka, ayaa wuxuu Warbaahinta Dowladda Soomaaliya uu u sheegay in labada Masuul, ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada, kaalinta Masar ee horumarka iyo nabadgelyada ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhigiisa Masar ugu hambalyeeyay Madaxtinimadiisa, iyadoo uu noqonaayo Madaxweynihii 5-aad oo qaab Militari ku qabsada dalkaasi.

Wadamada Jaamacada Carabta, ayaa ku kala aragtiyo duwan Madaxtinimada El-sisi, iyadoo Sacuudiga iyo Qatar ay ku sii kala fogaanayaan arrinta ku aadan Masar.

Socdaalka madaSawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Al-Sisi xilli socdaalkiisu xiisad dhaliyeyxweynaha ayaa ilo xog ogaal ah waxa ay Caasimada Online u sheegeen inuu xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray isaga iyo dalal taageersan.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa lagu warramayaa inaysan faraxsaneyn kadib markii uu Xasan Sheekh diiday waano la xiriirtay inuusan ka qeyb gelin caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Masar.

“Dowladha Qatar iyo Turkey ayaa si cad ugu sheegay Madaxweynaha Somalia inuu Cabdifataax Al-Siisi yahay nin afgembi ku qabsaday dalka Masar, sidaas darteedna uu sharci darro yahay Caleemasaarkiisa” ayuu yiri qof ku dhow Villa Somalia oo Caasimada Online la hadlay.

sis1sis2sis3sis4sis5

Sawirro iyo warbixin: Wafti Turkish ah oo tagay Puntland iyo Ujeedkooda

Waxaa maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Wafdi ka socday dawladda Turkiga iyo Ganacsato.

Wafdigan oo kasoo ambabaxay magaaladda Muqdisho ayaa diyaaradii wadey soo cagadhigay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso,waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Xubno kamid ah Gollaha Wasiiradda iyo boqolaal ka tirsan shacabka Boosaaso.

Wafdiga dalka Turkiga ayaa,waxaa hoggaaminayey qunsulka dalka Turkiga ee Soomaaliya Cumar Faaruuq,ganacsato,saraakiil ka socotay hay’adaha ka hawlgala magaaladda Muqdisho iyo Diblumaasiyiin.

Xubnaha wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa mudadii koobneyd ay ku sugnaayeen Boosaaso waxay booqdeen Garoonka diyaaradaha,Mareero iyo Dekedda weyn ee magaaladda Boosaaso.

3Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku qaabilay aqalka Madaxtooyada,waxayna ku yeesheen kulan is xog wareysi ah ,iyadoona Madaxweynuhu kusoo dhaweeyey Puntland Wafdiga.

Saraakiil ka tirsan aqalka Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u sheegay in Ujeedada xubnaha Turkiga u yimaadeen Puntland ahayd sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen maalgashi ay ku sameeyeen Dekeddaha Puntland,Garoomada diyaaradaha,Wadooyinka iyo soo saarka Macdanta.

Aqalka Madaxtooyada oo wafdigan qado sharaf loogu sameeyey ka dib ayey yeesheen Madaxweynaha Puntland kulan albaabadu u xirnaa isla markaana Saxaafadu dibad joog ka ahayd balse lagu sheegey iney kawada hadleen Iskaashi horumarineed oo dhexmara Turkiga iyo Puntland.

Dhanka kale dawladda Puntland ayaa kala hadashay Wafdiga Turkiga iney maagashi dhinacyo badan leh ku sameystaan deegaanada Puntland isla markaana ka qeybqaataan dib u dhiska Puntland sida Muqdisho oo kale.

Wafdigan uu hoggaaminayey qunsulka dalka Turkiga ee Soomaaliya Cumar Faaruuq ayaa dib ugu laabtay magaaladda Muqdisho oo markii horeba kasoo ambabaxeen,waxaana la filayaa iney dib ugu soo laabtaan Puntland.

DSC_8018DSC_8021DSC_8023IMG_8313IMG_8317IMG_8323IMG_8334IMG_8337IMG_8339IMG_8357IMG_8365IMG_8377IMG_8394IMG_8443IMG_8445IMG_8526IMG_8542IMG_8549
Isha: Raxanreeb

Dhageyso: Cabdullaahi Goodax Barre oo bixiyey jawaabihii laga sugayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee idaacaddaVOA ayaa toddobaadkan waxaa marti ku ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka ee Somalia, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka jawaabaya su’aalo la xiriira amniga magaalada Muqdisho.

Dadweyne badan oo ka qeyb galay barnaamijka, ayaa weydiiyey su’aalo adag wasiirka, waxaana jawaabo loo helay arrimo badan oo dadka ay is-weydiinayeen, ayada oo sidoo kalene wasiirka uu bixiyey xog muhiim ah.
Halkan ka dhageyso Goodax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: BF Somalia oo ku dheggan wasiirada xildhibaanada ah, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta yeeshen xildhibaannada baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaana farrin looga direy xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka ee hadda ah wasiirro.

Waxaa shir guddoomiyanayey kulanka baarlamaanka guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad,waxaana uu sheegay in looga bahan-yahay xildhibaannada haddana wasiirrada ah inay soo xaadiran dhammaanba fadhiyada baarlamaanka.

“Waan u mahad-celineyna xildhibaannada labada shaqo isku wada,waxaan fareyna inay dhowran mas’uuliyda xildhibaannimo oo ay ka soo qeyb-galan fadhiyada baarlamaanka”ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu danbeyntii,waxaa uu guddoomiye ku-xigeenka baalamaanka uu amaray in ay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka maadaama ay guno ku qaadaan Xubinnimada baarlamaanka oo aan loo dul qaadan doonin in ay fadhiyada baarlamaanka ka maqnaadaan.

Halkan hoose ka dhageyso Mahad Cabdalla Cawad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey dagaaallada beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

Marka (Caasimada Online) – Waxaa weli Gobolka Shabeellaha Hoose ka sii soconaayo dagaalada u dhaxeeya beelaha ku wada dirirsan Gobolkaasi ee Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, iyadoo maanta ay markale ka dhaceen dhinaca Deegaanka Ceelwareegow, ee duleedka Magaalada Marka.

Garab ka mid ah labada garab, ayaa la soo sheegayaa in ay weerar ku ekeysay Deegaanka Ceelwareegow, halkaa oo uu ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday.

Dagaaladaan, ayaa waxaa barbar socday guryo badan oo lagu gubay Deegaanka Kobi Libi, oo ku dhow Deegaanka Ceelwareegow, oo shalay iyo maantaba ay dagaalo culus ka soconayeen.

Dad badan, ayaa waxaa lagu khasbay in ay isaga cararaan guryahooda oo ku yaal Deegaanka Kobi Libi, iyagoo u cararay Deegaanada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si ay ugu nabad gallaan.

Sidoo kale dhinacyada isku haaya Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay weli isku horfadhiyaan Deegaanada Nambar Konton, Ceel Sagaaroole iyo Busleey, iyadoo xilli kasta leesku dhici karo.

Dhanka kale waxaa maanta la soo sheegayaa in xiisad ay ka taagan tahay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u dhaxeyso Ciidamada Militariga iyo Ciidamada Madaniga ah ee ka hawlgala.

Militariga oo saakay si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmada Wanlaweyn, ayaa waxay horey kaga sii qaateen ilaa 4 qoryo, oo lagu sheegay inay lee yihiin ganacsatada Deegaanka.

Ciidamada Madaniga oo maanta bilaa dagaal kaga baxay Degmada Wanlaweyn, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dib ugu laabteen Duhurnimadii, iyadoo laga cabsi qabo in Militariga ku soo rogaal celiyaan.

Ugu dambeen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa maanta waxaa qarax xoogan lagula eegtay Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, lamana garanaayo cidda geystaya qaraxaasi.

Xiisada ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku heyso arrimo Siyaaadeed, oo ka waaweyn beelaha la sheegaayo in ay is gvfb ku hayaan Gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan oo qaaday tallaabo uu ku weyn karo taageerada QATAR IYO TURKEY

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Masar, isaga oo ka qeyb galaya caleemo saarka General Cabdifataax Al-Siisi.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ilo xog ogaal ah waxa ay Caasimada Online u sheegeen inuu xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray isaga iyo dalal taageersan.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa lagu warramayaa inaysan faraxsaneyn kadib markii uu Xasan Sheekh diiday waano la xiriirtay inuusan ka qeyb gelin caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Masar.

“Dowladha Qatar iyo Turkey ayaa si cad ugu sheegay Madaxweynaha Somalia inuu Cabdifataax Al-Siisi yahay nin afgembi ku qabsaday dalka Masar, sidaas darteedna uu sharci darro yahay Caleemasaarkiisa” ayuu yiri qof ku dhow Villa Somalia oo Caasimada Online la hadlay.

Qatar iyo Turkey waxay hoosta ka xarriiqeen in Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Masar yahay Maxamed Mursi oo shacabkana doorteen, waxaana taasi ay dhalisay in xittaa wax casuumad ah aysan ka helin dowladda Masar, ayada oo ay wehliyaan dalal kale sida Israel iyo Tunisia.

Madaxweynaha Somalia, ayaa ku dhacay laba darran mid dooro, ayada oo haddii uu ka baaqan lahaa caleemo saarka uu weyn lahaa taageerada reer galbeedka oo gadaal ka riixiya Al-Sisi, islamarkaana ka qeyb galkiisa uu iminka ka careysiiyey dalalkii taageerada weyn siin jiray.

Sida muuqata, Somalia waxey lugaha la gashey loolanka ka socda dalalka carabta ee ka dhexeeya Kooxda Akhwaanul Muslimiin-ka iyo Dowladaha Khaliijka.

Lama yaqaan tallaabada ay qaadi doonaan Turkey iyo Qatar, oo ah dowladaha sida weynka uu Xasan Sheekh ugu xiran yahay, waxaase la sheegay inay ka carroodeen tallaabada Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Fanaanada Maryan Mursal oo la sheegay in Hargeysa lagu cunsuriyey

0

Fanaanada caanka ah Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid ah Fanaaniinta magaca weyn ku dheh leh umadda Soomaaliyeed ayaa waxeey magaalada hargeysa ka waday muddo dhismaha Iskuul, Masjid iyo Dugsi qur’aan kaasoo ay ugu magac dartay Abwaan Hadraawi balse maxaa dhacay.

Si kastaba qorshahan ayaa la sheegay in laga diiday Maryan Mursal oo wararka qaar ay sheegayaan in iskuul ay dhismihiisa wadday la bur buriyey.

Haddana qof xog ogaal u ah dhacdadan ayaa TV-ga Somalilsat uga warbixiyey.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Kenya oo qarka u saaran inay DF kala wareegto baaxad weyn oo ah badda Somalia (Wada-hadal gebo gebo ah)

Wararka ay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa tibaaxay sida “Kenya ugu niyad santahay uguna rajo-weyn tahay in ay heshiis xagga badda ah la gelayso Soomaaliya.”

Hadallada ay warbaahinta Kenya ku celcelinayaan, shacabkoodana ka dhaadhicinayaan, waxaa ka mid ah: in Kenya muran badeed kala dhexeeyo Soomaaliya, hadalkaas oo qadaf ku ah jiritaanka dhulka Soomaaliyeed inta ka madax bannaan gumaysiga.

Warbixinada arrintaas ka hadlaya waxaa ugu dambeeyey qoraalkii jariidada BusinessdailyAfrica daabacday June 5, 2014 oo cinwaanka uga dhigtayKenya upbeat on ocean deal with Somalia kuna bilowday “Kenya waxay ku rajo weyn tahay in ay heshiis la gaarto Soomaaliya kaas oo ku saabsan sahaminta khayraadka ku jira qaybta lagu muransan yahay ee xuduud badeedka ay ka wadaagaan badwaynta Hindiya.”

Waxaana qoraalku intaas raaciyey in Kenya sheegtay in labada dal uu wadahadal uga socdo dukumiintiyadii ay u kala gudbisteen qaramada midoobay qaybta u qaabilsan qalfoofka qaarada (ama xadaynta badaha).

Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaas weli jawaab kama bixin.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed aad ayey ugu baraarugsan yihiin in Soomaaliya iyo Kenya uusan ka dhaxayn “muran badeed”, balse waxaa ka dhexeeya muran dhuleed, maadaama Kenya gumaysi ku haysato dhul ballaaran oo Soomaaliyeed oo ah Northern Frontier District (NFD) ayna ula baxeen North Eastern Province.

Muranka “badda” ay Kenya ku andacoonayso waa mid laga dheregsan yahay in la dhoodhoobay xilligii xukuumadii Soomaalida loogu soo dhisay Jabuuti ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Axmed.

Cabbirka ay Kenya sida indhasarcaadka ah u wadato waxaa kamid ah in ay doonayso in xarriir u socota dhanka bari ay ku xadayso badda taas oo xuduudkeeda badda keeneyso meel u dhow Kismaayo, halka cabirka caadiga ah jiray uu yahay xarriiq u socota Koonfur bari.

In badan oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa rumaysan in xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Xasan Maxamuud iyo Cabdiwali Axmed ay u muuqato xukuumad aan si geesinimo leh u qaabili karin ka hortagga damaca gurracan ee Kenya ku doonayso inay dhaxal wareejiso baaxad weyn oo badda Soomaaliya ah.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed waxay weli rajo ka qabaan in baarlamaanka Soomaaliya ay markale u babac dhigi doonaan, kana hortegi doonaan damaca qaawan ee Kenya ku doonayso dhul iyo bad ballaarsiga.

Isha: Somalitalk

“Hubka DF la siiyo beelo gaar ah ayaa lagu gumaadaa” Xildhibaan ayaa yiri

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan ka tirsan baaarlamaanka Soomaaliya, ayaa bannaanka keenay arrin ceeb iyo fadeexad ku ah dowladda Soomaaliya haddii ay hubaal noqoto.

Xildhibaan Axmed Sheekh, oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa xaqiijiyay in xarunta Villa Baydhabo habeen horre laga qaaday hub badan oo la geeyay gobalka Shabeellaha Hoose si loogu huriyo colaadda halkaas ka taagan.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha, wasiirka gaashandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga ay qeyb ku lee yihiin dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hosoe sidda uu hadalka u dhigay.

“Annaga xildhibannada ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaan nahay wax kastana waan la soconaa, Villa Baydhabo waxaa habeen horre laga qaaday hub oo la geeyay Shabeellaha Hoose, hubkaas oo la rabo in lagu gumaado beel gaar ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu ku eedeeyay wasaaradda gaashandhigga in ay qeyb ka tahay dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in ay diyaar u yihiin siddii ay u difaaci lahaayeen beesha ay ka soo jeedaan ee la rabo in lagu gumaado gobalka Shabeellaha Hoose sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu beesha caalamka ka codsaday in dabagal ku sameeyaan hubka la siiyo dowladda oo hadda u muuqda in beelaha qaar ee Soomaalida lagu gumaadayo si looga barakiciyo deegannada ay deggan yihiin.

Si kastaba, hadalka xildhibaankan ayaa ku soo aadaya iyadoo dagaallo ay dib uga qaxeen deeganno hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ma dhabbaa in DFS ay ku lug leedahay arrinta xasaasiga ee lagu eedeeyey?

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Shabeellaha Hoose ee dhinaca arrimaha bulshadda, Cabdulaahi Muuse Abuur ayaa ku eedeeyay wasaaradda gaashandhigga xukuumadda in ay ka dambeeso dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in dagaalka shalaya ka dhacay deeganka Ceelwareegow ay ka qeyb galeen baabuurta dagaalka ee wasaaradda gaashandhigga.

“Dagaalkan muddo sannad ah ayuu socdaa, waxaana ku lug leh wasaaradda gaashandhigga oo baabuurtooda ayaa ka qeyb qaadanaya dagaallada kuwaasoo xasuuqaya dadka shacabka ah ee ku nool degmooyin ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobalka Shabeellaha Hoose ee dhinaca arrimaha bulshadda.

Mar la weydiiayay in uu faah-faahiyo sababta ay wasaaradda gaashandhigga dagaalka uga qeyb qaadaneyso, wuxuu tilmaamay in ay ku jahwareesan yihiin sababta keentay in wasaaradda gaadidka gaadidka ay uga qeyb qaadaneyso dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxaa kaloo la weydiiyay bal in ay socdaan waan-waan oo ku aadan siddii lagu damin lahaa dagaallada, wuxuu tilmaamay in wax ka ahayn gaadidka wasaaradda gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya oo dagaalka ka qeyb qaadanaya in ay arkaan balse aaney jirin cid ku howlan daminta dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu kaloo sheegay in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ku barakaceen dad aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwii ka soo barakacay degmada Qoryooleey.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda gaashandhigga xukuumadda oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeso dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha Habar-Gidir oo R/W C/WELI ku eedeesay inuu ka dambeeyo dagaalka Sh/Hoose wacadna ku martay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal iyo siyaasiyiin ku shiray magaalada Muqdisho ayaa soo saaray go’aan ku aadan dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biyo-Maal.

Haddaba dagaalladaas waxaa ka hadlay beesha Habar-gidir waxaana ay caddeesay in dowladda ay qeyb ka tahay dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabellaha Hoose.

Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen dagaallada ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed sidda ay lee yihiin.

Waxay sheegeen ra’iisal wasaaraha markii uu dhawaan tagay Marka in uu la kulmay beesha Biyo-Maal kuwaasoo uu hub iyo dhiirigalin siiyay sidda ay hadalka u dhigeen.

Waxay ka digeen dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose haddii aan degdeg loo joojin in ay ka dhalan karaan cawaaqib xun.

Si kastaba, hadalka odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shiray Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo uu weli ka socdo gobalka Shabeellaha Hoose dagaallada u dhexeeya beelaha Biyo Maal iyo Habar-gidir.

Dowladda Soomaaliya horrey ayey uga hadashay dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana ay ku baaqday in degdeg loo joojiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Amism & Nabad Sugid oo loo dalbaday dagaalada Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ee ka dhacaya deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dagaalo ku salaysan qabaa’ilka ay ka soo cusboonaadaan gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaaladaasi ay soo xusuusiyeen xiligii sagaashamaadkii xiligaasi oo uu sheegay in dagaalada dhanka qabaa’ilka ay ka dhici jireen gobolada kala duwan ee dalkeena Soomaaliya.

Dagaalka ayuu sheegay inuu salka ku hayo lahaanshiyaha dhul beereed wallow markii dambe uu sheegay Mr Sidii inuu isku badalay dhanka siyaasada taasi oo keentay in dad badan ay ku dhinteen dagaaladaasi.

Dagaalkii Shalay ayuu cadeeyay inay ku dhinteen ku dhawaad 12 ruux, iyadoo tirada guud dadka ku dhintay dagaaladaasi ay gaarayaan ku dhawaad 26 ruux, kuwaasi oo ka kooban dhinacyada ku dagaalamaya gobolkaasi.

C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya ciidamo badan oo Nabad sugid ah iyo ciidamo badan oo AMISOM ah, si loo kala dhexgalo ciidamada kala matalaya beelaha Habar-gedir iyo Biimaal ee ku dagaalamaya Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Video: Maxaa amniga Muqdisho iska beddelay kadib iscasilaadii Guuleed?

0

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho oo ka sii baxaya faraha ayagoo aragtidooda ka dhiibanaya sida uu yahay Amniga kadib is casilaadii Wasiirkii Amniga Qaranka ee Guuleed.

Muuqaal laga soo duubay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo laga sii daayey barnaamijka faaliyaha qaranka, ayaa ku tusinaya sida ay tahay xaalada kadib xaalado amni xumo oo magaalada ka jiray mudooyinkii ugu dambeeyay ee nala daawo muuqaalkani oo wax badan ku ifinaya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Sawirro: Khilaafkii xisbiga Kulmiye oo la xaliyey iyo 3 qodob oo la isku raacay

Guddigii Golaha Guurtida Soomaaliland u xilsaartay xalinta khilaafka soo dhexgalay Xisbi Xaakimka Somaliland ee Kulmiye ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanadii ay kasoo saareen wadatashigii ay la yeesheen labada dhinac ee kala hogaamiyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.

Kulan maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayey kasoo qeyb galeen garabyada isku heysta xisbiga Kulmiye oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, halka dhanka kale ay hogaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga ayaa soo saaray Sadex qodob oo ay khilaafka ku xaliyeen kuwaasi oo kala ah:

Goan-Kulmiye-070614-11- In La ansixiyey Golihii Fulinta iyo Golihii dhexe ee Guddiga Diiwaangelinta ansixiyey kaasi oo ah mid ay wateen Garabka Madaxweyne Siilaanyo.

2- In ay banaantahay in Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye dhexdiisa lagu tartamo cida noqoneysa Murashaxa, balse ay reeban tahay in murashaxiinta adeegsadaan astaanta Xisbiga intaan la gaarin wakhtiga loo cayimay ololaha doorashooyinka guud.

3- In xabsiga laga siidaayo dadkii loo xir xiray arrimaha siyaasada oo aan iyagu ku lug lahayn arrimaha amni xumada.

Gudoomiyaha Guurtida Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay go’aanka kasoo baxay guddiga dhex dhexaadinta ee Golaha guurtida.

Goan-Kulmiye-070614-2Markii guddiga ku dhawaaqay go’aanada kasoo baxay ayey hadalo kooban kasoo jeediyeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo labaduba sheegay inay aqbaleen go’aanada kasoo baxay Guddiga.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkiisa kusoo koobay inay aqbaleen guddiga dhex dhexaadinta maadaama ay horey u qoor-dhiibteen, halka Guddoomiye Muuse Biixi uu sheegay inuusan ku farxin qodobada qaarkood oo uu sheegay in dhinaca Madaxweynaha wax badan laga siiyey, balse wuxuu sheegay Muuse Biixi inuu ku khasban yahay inuu aqbalo isagoo eegaya danta Soomaaliland.

Isha: HM

Magacyada xubno ay Ethiopia dalbatay in lagu daro golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo xog ogaal ah a ayaa xaqiijiyay in liiska golaha Wasiirada cusub ee Xukumadda Somalia lagu derayo shaqsiyaad ku xiran dowlada Ethiopia.

Shaqsiyaadkan uu Jeneral Gabre u gudbiyay Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia ee Xukumadda Ethiopia dalbatay in Wasaarado muhiima loo magacaabo waxaa ka mida Maxamed Sheekh oo laga dhigi doono Wasiirka Amniga Qaranka Somalia.

Shaqsiyaadka kale ee Jeneral Gabre u gudbiyay Madaxda Dowladda Somalia waxaa ka mida Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabi doono Wasiirka Arrimaha gudaha, Xuseen Xalane oo dib loogu celin doono Wasaaradiisa Maaliyadda.

Sidoo kale ,Waxaa Ra’iisul wasaaraha Somalia la yaab ku noqotay in Dowladda Ethiopia ku hagoogatay Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Xukumadda Somalia Faarax C/qaadir oo safka hore uga jiray Wasiirada la qorsheeynayay inaysan ku soo laaban Golaha Xukumadda Federalka Somalia.

Sooyaalka Dowladnimada waxaa ku asteysan inaan xil qaran lagu aaminin qofkii lagu tuhmo inuu Jaajuus u yahay Dal kale, hase yeeshee waxaa yaab noqotay in Madaxdii Jamhuuriyadda Somalia maanta ku qanacsan yihiin inay xilal Wasiiro ku taxaan shaqsiyaad ay soo gudbisteen Dowlado cadaawad fog kala dhaxeyso Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Inkastoon Wadaniyiinta Muqdisho ku nool ku qaxweeynayaan halku dhiga SHARAFI DHIMATAY hadana sida muuqato Dalka Somalia waxaa maamula Jeneral Gabre oo ka soo jeeda qoowmiyada Tigreega Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

FAYSAL CALI WARAABE oo Siilaany iyo xisbiga Kulmiye dhex-dhexaadinaya

Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Eng Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu isku dayi doono siddii uu qaboojnin laha oo isku soo dhaweyn lahaa xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo hadda khilaaf xooggan uu ka dhex aloosan yahay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Feysal Cali Waraabe magaalada Hargeysa ayuu sheegay in uu aad uga xun yahay khilaafka xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu khatar ku yahay ammaanka maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in uu ku dedaali doono siddii loo xallin lahaa khilaafka Kulmiye oo hadda labo garab noqday.

Guddoomiyaha xibsiga UCID ayaa carabka ku adkeeyay in falalka ammaan darida ee ka soo cusboonaaday Hargeysa in ay sabab u yihiin khilaafka xisbiga talada haya, wuxuuna sheegay haddii uu khilaaf sii socdo in jahwareer xagga siyaasadda ay soo food saari karto maamulka Somaliland.

Mar la weydiiyay in doorashadda soo socota dib loo dhigo maadama uu khilaaf ka taagan yahay xisbiga madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay ka soo horjeedaan haddii ay yihiin axsaabta mucaaradka ee ka dhisan Somaliland.

Si kastaba, hadalka siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya iyadoo xisbiga Kulmiye uu ka aloosan yahay khilaaf xooggan kaasoo labo gabar ka dhigay oo kala taageersan madaxweynaha Axmed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi.

Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka waxaa magaalada Hargeysa ka dhacay ilaa seddax qarax kuwaasoo ay dad ku dhaawacmeen.

Wixii intaas ka dambeeyay ammaanka Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan xarumaha muhiimka sidda madaxtooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]