28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Beelaha Habar-Gedir iyo Biyo-Maal oo mar kale ku dagaalamaya Sh/Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya oo u kala saftay labo maleeshiyo beeleed oo wada daga gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalameen maanta markale deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka xoogan ee maanta ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Jaale oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaanka Ceel-wareegow halkaasi oo la sheegay in saacado dagaalka uu ka socday halkaasi.

Ciidamada kala matalaya labada beelood ee Habar-gedir iyo Biyomaal oo in badan ku dagaalamay deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku heysta dhul beereed ku yaala gobolkaasi Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dagaalada ay ka bilowdeen markii ciidamada dowlada ay qabsadeen degmooyinka gobolkaasi.

Wararka aan ka helayno deegaanka dagaalada ay ka dhaceen ayaa sheegaya in ku dhawaad sided ruux ay ku dhinteen dagaalkaasi, iyadoo la sheegayo in dhaawacyada labada dhinac ay intaasi ka badan yihiin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Marka.

Dagaalka maanta ayaa la sheegayaa inuu ka xooganaa dagaaladii dhexmaray labada beelood ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegayaa in labo mar dagaalka ay iskula soo noqdeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxgarad kasoo jeeda labada beelood ee dagaalamaya ayaa la sheegayaa inay wadaan qorshe ay wadaan ku dhameynayaan xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya maleeshiyaadkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Kullanka Shariif iyo Jawaari oo dhaliyey tuhunka qorshe cusub

Kampala (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo socdaal ku jooga dalka Uganda ayaa shalay booqday hoyga uu ka degenyahay magaalada Kampala Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Jawaari oo ka hadlay markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kusoo dhaweeyey gurigiisa ayaa yiri “runtii waxaa sharaf iyo farxad inoo ah inaan  gurigiisa kusoo booqanay Madaxweyne Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Dalka oo Soomaaliya soo gaarsiiyey meesha aan ka qabanay, inaan soo booqano aniga iyo Xildhibaannadaba farxad ayey noo tahay, waxaanse Alle ka rajeynaynaa in anagana uusan howsha nagu ceebeyn oo halka aynu hiigsaneyno gaarsiino”.

Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada ay ugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada waxaana uu xusay inuu horey u arki jirey mas’uul marka uu xilka ka dago la eedeeyo ama la af lagaadeeyo laakiinse ay tahay dhaqan cusub in madax xil heysaa ay soo booqdaan mas’uul xukunka uga horeeyey taasina uu aad u bogaadinayo.

Si kastaba kaddib booqashada guud, ayaa la sheegay in kullan gaar ah oo qaatay in ka badan 3 saac ay yeesheen Shariif iyo Jawaari, oo qol gaar ah galay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay inay la yaabeen kullanka gaarka ah, aysanna ogeyn waxa looga hadlay marka laga reebo in loo sheegay inay si gaar ah uga hadlayaan xaaladda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka hadleen khilaafyadii hareeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, inkasta oo labada dhinac ay iminka isku soo dhowaadeen.

Waxaa xildhibaanada qaar ay is-weydiiyeen waxa Shariif ka galay khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli.

Warar saaka Muqdisho la isla dhex marayo ayaa sheegaya in in Shariif dib loogu soo celinayo madaxnimada dalka, haddii mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh oo ay xildhibaanada diyaarinayaan uu guuleysto, inkasta wararkan ay yihin kuwo aaan la xaqiijin.

Sawirrada booqashada

js1js2js3js4js5js6js7js8

Warqado wareer ka abuuray KENYA!!

Xiisadaha kor u sii kacaya labadii usbuuc ee la soo dhaafay ee siyaasadda iyo qabyaaladda ee qaybo ka tirsan Kenya ayaa hoggaamiyeyaasha beelaha u keenay walaac ah in ay xaaladdu ka sii dari karto, oo horseedi doonto rabshado la mida kuwii dalka curyaamiyay doorashooyinkii guud ee 2007 ka dib.

Waraaqo loo qeybiyay 29-kii May meelo ka mida Meteitei iyo Nandi Hills ee gobolka Rift Valley ee Kenya, oo ah dhulka ay dagaan qabiilka Kalenjinta, ayaa ugu baaqay dhammaan Kikuyada aaggaas jooga inay isaga baxaan.

Sidoo kale, gobolka Bariga ayaa 26-kii May waxay mas’uuliyintu ku qabteen saddex qof oo lala xidhiidhiyay qaybinta waraaqo ugu baaqaya dadka aan ka soo jeedin beesha Embu inay isaga baxaan magaalada Mbeere, oo sidoo kale ay deggan yihiin dad yar oo ka soo jeeda Kikuyu, Soomaali iyo Hindi.

Shem Mganda, oo ah Taliyaha bilayska ee Gobolka Nandi, ayaa sheegay in ay wali baadhitaan ku wadaan asalka waraaqaha dadka kala qeybinaya.

Inkasta oo dhacdooyinka dhow ay noqon karaan dhacdooyin kali ah, isbaddalkani waa wax laga walaaco, ayuu yidhi Emmanuel Kisiangani, oo cilmi baadhe sare ee kahortagga khilaafka iyo qiimeeynta khatarta ka ah Machadka Culuumta Amniga ee Nairobi.

“Ficillada noocaas ah, oo ay weheliyaan xiisadaha siyaasadeed ee sii kacaya iyo nacaybka inta badan ka soo ifbaxaya warbaahinta bulshada, waxay sabab loo walaaco u yihiin Kenyaan walba oo nabadda jecel,” ayuu yiri.

Khilaafaad u dhexeeya Kikuyada iyo Kalenjinta oo dib u soo baxay

Rabshadihii daba socday doorashooyinkii 2008 oo ay ku dhinteen qiyaastii 1,200 oo qof kuna barakaceen 300,000 ayaa waxaa kiciyay nacayb qoto dheer oo qabiil ku salaysan oo siyaabo tan la mida ku soo baxay, ayuu sheegay Kisiangani.

Rabshadihii dhacay lix sano ka hor ayaa beegsaday beesha Kikuyada waayo beelaha kale ayaa waxay dareemeen inuu u eexday maamulkii Madaxweyne Mwai Kibaki oo ka hormariyay dadka kale, ayuu yidhi.

“Rabshadaha qabiilka ku saleeysan ayaa ku badnaa gobolka Rift Valley, kuwaas oo isku diray Kikuyada iyo Kalenjinta meesha dega,” ayuu yidhi Kisiangani. “Tan, waxaan u maleeynay, in la xalliyay 2013-kii markii labada qabiil iyagoo u maraya hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed ay [sameeysteen isbahaysi] oo ay Kenya awoodeen inay u dooraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin waxay u muuqataa in aan qaldanayn.”

“Waxaan ka cabsi qabnaa inaan ku sii soconno dagaallo kale ee sokeeye haddii aan tallaabooyin dib-u-heshiisiin dhowaan la dajin,” ayuu raaciyay.

Khilaafka u dhexeeya Kikuyada iyo Kalenjinta, oo ay ka soo kala jeedaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto, ayaa dib u soo baxayay waayo waxay Kalenjinta qaar ka mida dareemayaan in la khiyaamay oo aysan ka faa’iidaysan isbahaysiga, sida uu sheegayo Richard Bosire, oo macallin culuunta siyaasadda dhiga ka ah Jaamacadda Nairobi.

“Rajo badan ayaa jirtay oo ah in markii ay labadan beelood xukuumadda ku abuureen dalladda lagu xallin doono khilaafkooda qotada dheer si midaysan oo lagu wadaago khayraadka dalka oo ay ka mid yihiin shaqooyinka, laakiin taasi ma aysan dhicin,” ayuu yiri.

“Waa wax uu dalku ka siman yahay, waxaa jirta in si baahsan loo rumaysan yahay in hal beel ay si weyn uga faa’iidaysanayso hantida dalka,” ayuu yidhi Bosire. “Dareennadan caddaalad darrada ah — oo ay muuqato in kuwa awoodda haysta ay faquuqayaan kuwa kale oo ka soo jeeda meelaha loo arko in aysan xukuumaddan jirta ku taageerin doorashooyinkii guud — ayaa hurinaya nacaybka iyo xiisadaha qarxi kara xilli kasta.”

Kaalinta warbaahinta bulshada iyo raadiyuhu ay ka geystaan kicinta xiisadda

Agaasimadda Isgaarsinta Dadweynaha ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mary Ombara, oo sidoo kale guddoomisa Guddiga Qaranka ee La-socodka Warbaahinta, ayaa sheegtay in walaaca laga qabo khilaafka qabiilka uu yahay mid jira, laakiin waxay xaaladda hadda jirta u saarisay hadallo nacayb oo siyaasad ku saleeysan oo lagu faafiyo warbaahinta bulshada iyo mawjadaha FM-ta ee raadiyayaasha maxalliga ah.

“Waxaa jira weerarro hadal ah iyo kuwo qoraal ah oo xumaantoodu ka sii darayso oo lagu hayo shakhsiyaadka siyaasiyiinta ah oo ay wadaan dadka blogyada qora iyo kuwa kale oo isticmaala warbaahinta bulshada oo aad loola socdo,” ayay tiri. “Farriimahani mar walba waa aflgaaddo, waxayna dalka u qaybinayaan qaab qabiil.”

“Isla haddaba waxaa jira in ka badan toddoba qof oo aan diiradda ku hayno waxaanan damacsannahay inaan kiisaskooda u gudbinno mas’uuliyiinta xeer ilaalinta si wax looga qabto,” ayay tidhi.

Ombara ayaa sheegtay in 4-tii June wixii ka horreeyay ay caddaymo dambi ka ururiyeen sagaal qof oo kale oo blog qora iyo lix idaacadood oo lagu tuhunsanyahay in ay fidinayaan naceyb qabiil iyo mid siyaasadeed.

Hase ahaatee, Ombara waxay sheegtay in guddiga kormeerka ay ku adagtahay inuu wax ka qabto hadallada nacaybka keena oo internetka lagu fidiyo maadaama ay hay’adaha dawladdu wali ka shaqeeynayaan in ay sameeyaan qaabkii loo dacweeyn lahaa dambiileyaasha oo looga xidhi lahaa meelaha ay wax ku tabiyaan.

Jubilee iyo kooxaha mucaaradka oo isweydaarsanaya eedaymo

Dhiniciisa, Hoggaamiyaha Kooxda Aqlabiyadda Haysata ee Baarlamaanka Kenya Aadan Ducaale ayaa wax yar ka soo qaaday cabsiyaha laga qabo xiisadaha sii kacaya ee qabiilka iyo siyaasadda, isaga oo ku dooday in ay tahay xeelda ay mucaaradku u isticmaalayaan inay sharafta kaga qaadaan xukuumadda.

“Inta aan inteena Jubilee ku jirta ognahay, xukuumaddani waxay u taagan tahay inay sameeyso sinnaan dhanka qeybsiga khayraadka ah sida uu qeexayo dastuurka, laakiin waan la soconnaa in saaxibadeenna mucaaradka ah ay hadda qabtaan dibadbaxyo ay shacabka ugu dirayaan xukuumadda waana sababtaas waxa loo odhan karo waxaa jira xiisado,” ayuu yiri.

Laakiin xildhibaanka Bariga Suna Junet Mohammed oo ku jira xisbiga Orange Democratic Movement ayaa beeniyay in mucaaradku ay kicinayaan shacabka wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda Jubilee inay ku fashilantay inay abuurto midnimo.

“Waxaan aragnay in si qaabaysan beelaha kale looga horjoogsanayo arrimaha maamulka dalka, waxaanan inteena mucaaradka ah dareemaynaa in aysan tani ahayn qaab wax loo qabto waayo waxaa dhacaya inay ka beermaan miraha khilaafka oo nagu kala qeybinaya horumarinta dulqaad la’aanta,” ayuu yiri.

“Danteennu waa i in aan hubinno in xukuumadda qaranku ay u dhaqanto qaab midaynaya dalka oo dhan,” ayuu yidhi. “Waa in ay Kenyan walba dareensiisaa inuu dalkan ka tirsan yahay, [taas oo ah] sababta aan u bilownay dibadbaxyo qaran si aan xukuumadda ugu cadaadino inay si waafaqsan u dhaqanto.”

Wadahadal iyo dulqaad ayaa furo u ah dajinta xiisadaha qabiil

Intii ay eedda iska wareejin lahaaynee, xukuumaddu waa in ay bilowdaa inay la hadasho jaaliyadaha wax tabanaya ama dareensan in la fogeeyay, ayuu yidhi Kisiangani.

“Tallaabo ku meel gaadh ah ahaan, xukuumaddu waa in ay ku bilowdaa in ay tagto Rift Valley oo ay bilowdo inay dhageeysato,” ayuu yidhi. “Mustaqbalka fogna, waa inay bilaabaan inay abuuraan dhaqan ah in dadka loogu magacaabo jagooyinka dawladda iyadoo la eegayo kartidooda ee aan qabiilkooda la eegin … taasoo markaas saareeysa shaydaanka qabyaaladda.”

Guddoomiyaha Hawlgalka Nabadda ee Kikuyada Albert Githuka ayaa sidoo kale ku boorriyay siyaasiyiinta inay arrimaha xasaasiga ah ku xalliyaan wadahadal.

“Waxaan aqbalaynaa inay jiraan arrimo u baahan inuu dalka oo dhan ogaado, laakiin waa ka shakisanahay in arrimahan si wacan loogu xallin karo dibadbaxyo caam ah oo ay qabtaan siyaasiyiiin hadallo isweydaarsanaya,” ayuu yiri.

Bosire, oo ah macalinka cilmiga siyaasadda, ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay muujiso dulqaad si ay u dajiso xiisadaha sii kacaya ee siyaasadeed.

“Waxaa jira fikrad ah in mar haddii aad ku guulaystay doorasho aysan cidina wax ku su’aalin ama aysan waxba kaa dalban,” ayuu yidhi.

“Tan waxaa laga arkayaa oo ku dhaqmaya [xukuumadda] Jubilee, iyada oo aysan dawladdu soo dhowaynayn dhaleeceeyn haddii ay anfac leedahay iyo haddii kaleba. Waxay taasi keento waa inay abuurto dulqaad la’aan siyaasadeed oo rabshado horseedi kara.”

Isha: Sabahi Online

Muqdisho:- Labo wiil iyo aabahood oo guri lagala baxay iyo Alfa Group oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ayaa saaka iyo xalay saqdii dhexe waxay howlgalo ka sameynayeen xaafadaha dhanka Tookiyo iyo Shanta Geed ee degmada Howlwadaag.

Howlgalka oo ahaa mid u muuqday mid qorsheysan ayaa ciidamada Nabad Sugida iyo ciidamada loo yaqaan Alfa Group waxay u dhaceen xaafado ku yaala agagaarka xarunta degmada, halkaasi oo dad ay kala baxeen.

Abaaro 02:30 Am xiliga Muqdisho ciidamada AMISOM iyo ciidamada sida gaarka u tababaran waxaa la sheegay u dhaceen guri ku yaala degmada iyadoo ay kala baxeen labo wiil iyo aabahood.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale guryaha kala soo baxayay dad dhalinyaro u badan kuwaasi oo la sheegay inay isugu geynayeen isgoyska sayid iyo inta u dhaxeysa Shanta Geed.

Inkastoo saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska Soomaaliya wali aysan ka hadlin arina howlgalka ayaa haddana waxaa la arkayay ciidamada AMISOM gaadiidkooda uu lagu gooyay wadooyinka xaafada shanta Geed.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan waxay gacan ka keystaan howlgalada ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka geysanayaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Soomaali ku go’doonsan badda mid…

Tripoli (Caasimada Online)-In ka badan 180 qof oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku go’doonsan badda u dhexeysa Libiya iyo Talyaaniga kaddib markii ay doonidii ay la socdeen ay buux dhaaftay.

Cali Afrax Xuseen oo ka mid ah Soomaalida saaran doontaas ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin nolashooda maadama ay doonta buux dhaaftay.

Wuxuu sheegay in dhammaan wixii sahay ay wateen ay ku tuureen badda kaddib markii ay soo qaadeen sagaal qof oo ka soo badbaaday dooni ku degtay xeebaha Libya.

“Waxaan la soconaa dooni ka sameesan plastic waxaana ku saaranahay 180 qof, marmba meel ayey doonta nala aadeysaa mana naqaano meesha aan mareyno,oo xaalad khatar ah ayaan ku suganahay, in kastoo ciidamada Talyaaniga ayaan u qeylo dhaaminay” ayuu yiri Cali Afrax oo qadka Thurayaaha kula hadlay Idaacadda VOA-da.

Mar la weydiiyay dadka saaran doonta in ay ku jiraan dumar iyo carruur, wuxuu sheegay in doonta ay la saaran yihiin 17 dumar ah iyo carruur qaar kood dhowr cisho uun dhalan.

Wuxuu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in iyagoo bad qaba ay tagaan dalka Talyaaniga oo qasadkooda uu yahay.

Si kastaba, in kabadan 2,500 oo tahriibayaal Afrikan ah ayaa toddobaadkan kaliye tagay dalka Talyaaniga kuwaasoo ka soo cararay dhibaatada ka jirta dalkooda oo ay ugu horeyso collaadaha iyo saboolnimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tripoli

[email protected]

Ganacsade lagu dilay Kismaayo & xog laga helay dilkiisa oo sheegysa in….

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilau ganacsade magaalada caan ka ah.

Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa nin ka ganacsada qaadka ku toogtay meel ku dhow Isgoyska Somali Star oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan Kismaayo, dabadeedna waa ay baxsadeen sidda ay lee yihiin goobjoogayaal.

Dilka kaddib waxaa googta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo howgallo ka sameeyay goobta dilka uu ka dhacay waxaana ay soo qabteen ilaa afar qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyaan dilka.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay ninkan ganacsadaha ah ee lagu dilay Kismaayo balse waxaa uu qeyb ka yahay dilal dhowr ah oo ka dhacay Kismaayo waayihii dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

WASIIR XILKII uu hayey laga qaaday oo sirtii Siilaanyo fashiliyey, carro darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii Xiriirka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmi-baadhista Md. Aadan Axmed Warsame oo xilka laga qaaday Salaasadii toddobaadkan, ayaa fashiliyey inay jiraan shaqsiyaad laamaha dawliga ah ku xididaystay oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii shaqada looga fadhiisiin lahaa masuulka daacadda u ah xilgudashadooda, balse aan danaha shaqasiyaadkaas dhegaha u furin.

Md. Aadan Axmed Warsame oo Madaxweyne Siilaanyo shaqada ka caydhiyey, balse aan weli xilka wareejin, waxa uu tilmaamay in qof kastoo masuul ah caqabado aannu shaqadiisa ka wadan karin kala kulmo kooxo shaqsiyaad ah oo aannu magacaabin, laakiin uu ku sifeeyey inay yihiin qaar u ololeeya xil-ka-qaadista masuulka garashada dheer, sida daacadda ahna hawlahooda u qabta.

“Xilkii la ii igmaday aan si wanaagsan oo itaalkayga iyo garashadayda ku siman aan u gutay muddadii aan xilka hayey, balse waxa jira caqabado badan oo is biirsaday oo ku gadaaman nin kasta oo masuul ah, kuwaas oo mar walba raba inay fashiliyaan gudashada waajibka qaran ee masuulka, sidoo kalena waxa aan ka marag kacayaa in shaqsiyaadka ay shaqada qaran ka dhaqaaqi la’dahay yihiin kuwo ku xididaystay laamaha dawliga ah, isla markaana hadimooyinka iyo hagardaamada is-huwan ee ay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan jiraan dad badan oo masuuliyiin ah oo dhagaha u raariciya iyo kuwo kale oo intan ka badan oo bulshadu u taqaan xil-sidayaal, laakiin tumaya durbaanno qabyaaladeed oo qarankan aan dan u ahayn, dulucdooduna tahay inay u ololeeyaan xil-ka-qaadista masuulka garashada dheer ee xilkiisa sida daacadda ah u gudanaya,” ayuu yidhi Md. Aadan Axmed Warsame.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu xilka kaga qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmi-baadhista Md. Aadan Axmed Warsame ku sheegay inay tahay arrimo la xidhiidho dhibaatooyin uu sameeyey, cabashooyin is-daba joog ah oo laga muujiyey iyo hufnaan la’aan shaqo, taasoo muujinaysa in aannu wasiirkaasi si fiican xilkiisa u gudan.

Haseyeeshee, Mr. Aadan Axmed Warsame ayaa beeniyey jiritaanka sababaha Madaxwaynuhu u cuskaday xil ka qaadistiisa, waxaannnu arrimahaas ku sheegay qaar la buunbuuniyey oo aan xaqiiq ku fadhiyin.

“Madaxwaynuhu waa masuulkii qaranka. Wuu ku mahadsan yahay xilka uu ii dhiibay, xil-ka-qaadistuna waa hawl uu isagu awood dastuuri ah u leeyahay, mana diiddani inuu xilka iga qaado, waanan soo dhawaynayaa, balse waxaan ka biyo-diiday oo aan gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamayaa sababaha uu u cuskaday xil-ka-qaadistayda.

Madaxwaynaha xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyay. Haddii ay cabasho iga dhan ah u timi, waxay ahayd si ay u sugnaato caddaallada arrinta uu ka garnaqayaa, inuu anigana ii yeedho oo wax iga waydiiyo, mase qaadin tallaabadaas. Iima yeedhin, waxna igama waydiin waxa la igaga cabanayo ee waxa uu ku-go’aan-qaatay hal dhinac. Gebi ahaan cabashooyinkaas iga dhanka ahaa ee uu Madaxwaynuhu dhagaystay waa kuwo la buunbuuniyay oo xaqiiqda ka fog, sidoo kalena aan sal iyo raad midna lahayn.”

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Warar kasoo kordhay dad KENYAN ah oo ku afduubnaa dalka Soomaaliya

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Seddex shaqaale Gargaar oo lagu afduubtay dalka Soomaaliya ayaa lasii daayay kadib ku dhawaad labo sano oo afduubtaan loo heystay deegaanada dhulka Soomaalida.

Hayadaha gargaarka caalamiga ayaa sheegay in dadka wax afduubay shaqaalahaasi ay qabsadeen bishii july sanadki 2012, iyaga oo ku sugnaa meel kamid ah maamul goboleedka Puntland.

“In badan oo dood ay noo socotay dadka wax afduubtay natiijada ayaa kama dambeys noqotay in dadkaasi lasii daayo”sidaasi ayaa lagu sheegay qoraal ay siidaysay hayada gargaarka ee ay la shaqeynayeen.

Seddexda ruux ayaa la sheegay in la afduubtay xilli ay ku safrayeen gaari, waxaana la socday seddex kamid ah ciidamada booliska Puntland, kuwaasi oo dhaawacyo ay soo gaareen laakiin aan la afduuban xiliga weerarka uu dhacayay.

Magacyada seddexda ruux ee lasii daayay ayaa lagu kala sheegay, Janet Kanga, Martin Kioko iyo Cabdi Nuur Boru kuwaasi oo lasii daayay maalintii Khamiista, sida hayada ay sheegtay.

Masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka caawiyay in la geeyo goob amaan ah ilaa ay kala midoobayaan qoysaskooda oo ku sugan dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Mudug

[email protected]

Video: Qoys ku nool Degmada CADALE oo ay qabsatay dhacdo naxdin badan

0

Qoys ka kooban 10 ruux oo ku nool Tuulo lagu magacaabo laba garas oo hoos timaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabelada Dhexe ayaa waxaa qabsaday dhacdo naxdin leh taasoo sababtay dhimasho 4 ruux halka tiro 6 kalana ay ku sugan yihiin xaalad hilis oo nolol iyo geeri u dhaxeeyso.

Dhacadadaan ayaa ah in Qoyskani ay ku sumoobeyn Biyo caadi ah oo ay cabitaan ahaan u cabayeyn waxaana halkaasi ka dhashay arin aad u anxdin badan ee nala arag una duceey reerkani masiibada ay qabsatay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

 

HAMBALYO: Cabdinaasir iyo Zamzam

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Caasimada Online, waxa ay tahniyad dhalasho oo farxad ay ku dheehan tahay u dirayaan Weriye Cabdinaasir Maxamuud Cumar Zero iyo Zamzam Yuusuf Ugaas Nuur oo 31-kii bishii May 2014 uu wiil ugu dhashay Isbitaalka University of Washington Medical Center ee magaalada Seattle ee Gobolka Washington ee dalka Mareykanka.

Wiilkaas ayaa waxaa loo bixiyey Maxamed Cabdinaasir. Waxaan leenahay noqo kii loo aayo oo diinta islaamka iyo alle ka cabsi ku bar baara, waalidkiisna baari u noqda.

 

 

 

Xiisad iyo abaabul dagaal oo gobalka Sh/Hoose ka taagan (Faah-faahin)

Marka (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Biiyo-maal iyo Habar-gidir.

Goobjooge la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada lagu arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadidka dagaalka kuwaasoo raba in ay ka qeybgalaan dagaallada dib uga qarxay deeganno hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in aanu jirin wax dedaal ah oo lagu qaboojinaayo dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Marka.

Dhinaca kale, waxaa kaloo xiisad collaadeed laga soo sheegayaa deegannada Buufow iyo Shallanbood oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin maamulada ka dhisan Marka iyo Lambar 50, kuwaasoo kala taageersan labada maleeshiyo ee ku dagaallamay gobalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in goobaha lagu dagaallamayo ay ka billowdeen barakac xooggan oo waxaa la arkayaa dadweyne fara badan oo ka baxsanaya dirirta ka soo cusboonaatay gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo faah-faahin ka bixisay sababta ay u qaadacday shirkii Nairobi

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababaha ay ku qaadacday shirkii seddax geesood ahaa oo looga hadlaayay qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa BBC-da u sheegay, in shirkaas ay uga baaqdeen markii ay arkeen sidda xun ee loola dhaqmaayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ee Nairobi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan gabi ahaan ka bixin heshiiska ay la galeen Kenya iyo UNHCR ee dib loogu soo celinaayo qoxootiga Soomaalida dalkooda balse loo baahan yahay in sharraf iyo bini’aadinimo leh loola dhaqmo muwaadiniinta Soomaalida.

Wuxuu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in 15-ka bishan la qabto shirka looga hadlaayo dib uu soo celinta qoxootiga Soomaalida.

“Kama aanan bixin shirkaas ee waxaan qoonsanay markii aan aragnay sidda xun ee loola dhaqmaayo muwaadiinteena teeda kale suurta gal ma ahan waqtigan” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sheegay oo kale in ay qasab tahay in la hubiyo ammaanka dadka la soo celinaayo ee la keenayo dalka, isagoona intaas ku daray in labada dal ay dan ugu jirto siddii qaab haboon loola dhaqmi lahaa qoxootiga.

Dhinaca kale, wasiirka wuxuu ka hadlay tallaabada dowladda Maraykanka ay safiir ugu soo magacaabeyso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arrintaas oo dalka horrumar u horseedi karta, maadama dalka Maraykanka uu ugu horeeyo waddamada ugu quwada weyn adduunyada.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha maalmaha soo socda uu jadwalkiisa shaqo aad u buuxo oo safiiro badan ay ka doonayaan in uu ka guddoomo warqadahooda danjirino.

Wuxuu kaloo sheegay in xal uusan ugu jirin ciidamo shisheeye Soomaaliya oo aaney ammaanka dalka waxbo ka qaban karin.

“22kun oo ciidan ayaa ku sugan dalka, dalka oo dhan gacanta kuma hayaan, markii aan lahayn 22kun oo askari waxaan ka mid ahayn dalalka ugu ciidanka wanaagsan adduunyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawir cusub: General Gabre oo Cabdi Weli uga hiiliyey madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir ayaa soo saaray sawir gacmeed cusub oo uu ku muujiyey loolanka siyaasadeed ee ka dhex oogan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo General Gabre-ha Ethiopia oo dhex taagan.

Waxaa sawirka ku jira Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdi Kariim Guuleed oo daawanaya loolanka labada nin, waxaana Amiin Caamir uu muujinayaa in Gabre u hiilinayo Xasan Sheekh.

4_JUNE_2014

 

“Haddii ay SOMALILAND garab fariisato C/weli Gaas & Madobe shirka Sweden, waxay ka mid noqoneysaa federaalka”

Stockholm (Caasimada Online) – Khadar Biixi oo ka mid ah odayaasha Somaliland ee ku dhaqan waddanka Sweden; sida uu sheegayna safka hore kaga jira dadkii ugu horreeyey ee ka qeybqaatay ololaha madax-bannaanida Somaliland, ayaa ku dhaliilay dowladda Somaliland ee uu madaxda ka yahay Siilaanyo inay la fadhiisato shirka ka dhacaya Stockholm Sweden wax uu Biixi ku tilmaamay maamulo ka wakiil ah beelahooda.

Khadar Biixi oo durayey hogaanka Somaliland wuxuu sheegay in madaxda Somaliland ey siyaasadda ay ciyaarayaan iyo waxa ey dadkooda u sheegayaan in ey af iyo uur kala duwan, isaga oo hoosta ka xariiqay in Somaliland haddeey ka qeybgasho shirka Sweden taa macnaheedu tahay in ey Soomaaliya ka mid tahay.

“Xafladii 18-kii Mey 2014 ee ka dhacay Sweden, waxaan ku aragnay wax aan aad ugu faraxno oo aan ka dhadhansano in Qaranimada Somaliland ey albaabka isi soo taagtay, markii aan aragnay calankeenii oo laga taagay Sweden, farxadii aan ka qaadnay waxey isku bedeshay niyad jab taas oo ugu wacan markii aan ka war-helnay in Somaliland ay ka mid tahay dhinacyada ka qeybalaya shirka Sweden ka dhacaya” ayuu yiri Khadar, wuxuuna sheegay in Somaliland looga baahan yahay in ay adduunka ula macaamisho sida dal gaar ah oo Soomaaliya ka madax-bannaan.

“Annaga oo Qaran ah inaan soo garab fadhiisano maamul beel metelaya; waxaan u aragnaa in ay tahay dowladnimadii aan raadineynay oo aan gacmaheena ku burburineyno. Inaan garab fadhiisano Gaas & Axmed Madoobe oo beelo u taliya, taasi waxey muujineysaa in Somaliland ay ku hoos jirto federaalka” ayuu yiri Khadar.

Khadar wuxuu kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadacsan tahay shirka Sweden; sidaa daraadeedna shirka ay soo xaadirayaan maamuladaasi oo keliya.

“Dowladda Somaliland waxaan ka codsaneynaa inay noo kala cadeysno inaan hoos imaano dowladda Soomaaliya iyo inaan nahay Qaran madax bannaan nahay, waa fadeexadii ugu weyneyd ee nagu habsata haddii aan nahay Somalilanders-ka ku dhaqan Sweden” ayuu yiri Khadar Biixi, wuxuuna intaa ku daray in khilaafka ka dhexeeya xubnaha xisbiga Kulmiye inuu jiho wareer ku riday Somaliland.

“Inta aad isku xagxaganeysaan xisbiga Kulmiye waxaad ilowdeen dantii Qaranka waxaadna naga dhigteen maamulo beeleed. Dowladdii Soomaaliyeed ayaa diiday in ay ag fadhiisato maamul goboleedyo qabiil ka tarjumaya, annaga oo Qaran sheeganeyna haddii aan la fadhiisano waxaan la mid nahay Jubba & Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Stockholm
[email protected]

AYAAN DARANE: Abuu-Xamza Al-Masri: Taliyaha labada Aag W/Q: Sh. SHIBLI

Waa qoraaldadii taxanaha ahaa ee aan ka qori jirnay dhacdooyin taariikhda dhaw iyo tii horeba ahaa oo mudan in dadka loo soo gudbiyo si ay uga faa’iidaystaan. Waxaan qormadan ku soo qaadanaynaa Abuu Xamza Al- Masri oo ah wadaad si aad ah looga yaqiinay LONDON- ENGLAND, kavdibna lagu xidhay Ingiriiska, haddana loo dhiibay Maraykanka oo ay ku socoto maxkamadayn.

Taariikh Kooban:

Haddaan si kooban u soo gudbino taariikhda Abuu Xamza Al-Masri waa sida soo socota:-

1. Magaca Abuu Xamza waa: Mustafe Kamaal Mustafe, waxuu ku dhashay magaalada Askandariyah ee Masar 15/4/1958.

2. Wax uu u soo wareegay wadanka Ingiriiska 1979-kii, waxuuna guursaday gabadh muslim ah, waxuuna furay 5 sano ka dib.

3. Wax uu ka sii watay waxbarashadiisii oo uu dhexda kaga soo tagay wadanka Ingiriiska, waxuuna ka baxay kulliyada dhismaha ( Engineering ), waxuuna qandaraas ka qaatay ciidamada Ingiriiska si uu u sameeyo naqshadda dhismaha.

4. Wax uu Abuu Xamza maxkamadda ka sheegay in uu ka soo shaqeeyay meel kamid ah meelaha tumashada iyo qaawanaanta oo ah Ingiriiska dhexdiisa.

5. 1987-kii ayuu aaday Afghanistan si uu uga qeyb qaato dagaaladii ka socday halkaas, hase yeeshee waxuu tababarkii ku waayay labada gacmood iyo ishiisa bidix markii ay ku qaraxeen waxyaabaha qarxa oo uu baranayey sida loo sameeyo, waxuuna 1993-kii dib ugu soo laabtay Ingiriiska si uu isugu daaweeyo.

6. 1995-kii ayuu mar kale aaday dagaaladii ka socday wadanka Boosniya, waxuuna mar kale dib ugu soo laabtay London oo uu degay, waxuu kamid noqday wadaadada jihaadka taageera ee sida wayn looga dhagaysto Ingiriiska.

7. 1997-kii ayuu la wareegay khudbada iyo imaamnimada masjidka wayn ee Finsbury Park oo dhaca waqooyiga London, waxuuna ka eryay odayaal maamul ka ahaa oo ka soo jeeda wadanka Bangaladesh.

8. Waxuu Abuu Xamza masjidkaas ka billaabay khudbooyin uu ku dhiiri galinayo jihaadka, kuwaas oo si aad ah u soo jiitay dhallinyaradii jihaad doonka ahayd ee ku noolayd Ingiriiska iyo wadamada Yurub.

9. Waxuu si aan qarsoodi lahayn u taageeri jiray dagaalada uu ku jiro ururka Al-Qaacida, waxaana lagu xidhay wiil uu dhalay wadanka Yemen asaga oo lagu eedeeyay in uu ka qeyb galay dilal, afduub iyo dagaalo ka dhacay halkaas, waxaana lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

10. Waxay arrintaasi sababtay in ay dalal ay kamid ahaayeen Yemen iyo Maraykanka – oo dib kaga soo biiray -dalbadaan in loo dhiibo Abuu Xamza si loogu qaado dacwado sheegaya in uu ku lug lahaa falal ka dhacay wadamadooda iyo meelo kaleba.

11. Waxaa dhiibistaa diiday wadanka Ingiriiska oo uu haystay jinsiyadiisa, waxayna la sameeyeen waraysiyo badan oo la xidhiidha dacwooyinkaas iyo kuwa kale oo ay kamid ahayd dhacdadii lagu laayay dalxiisayaal reer galbeed ah oo gaadhaya 68 qof wadanka Masar, gaar ahaan magaalada Al-Aqsor 1997-kii.

12. 20/01/2003-dii ayay booliska Ingiriisku baadhitaan ku sameeyeen masjidkii Finsbury Park ee uu ka khudbayn jiray, waxayna sheegeen in ay ka heleen waxayaabaha laga sameeyo qaraxyada & qoraalo jihaadka dhiiri galinaya, waxaa la xidhay masjidkii mudo kooban, waxaana (04/02/2003) laga mamnuucay Abuu Xamza in uu galo Masjidkaas, asagase lama qaban ama lama xidhin.

13. Sh. Abuu Xamza waxuu khudbadiisii ka sii watay masjidka banaankiisa maadaama laga mamnuucay imaamnimada masjidka ilaa 2004-tii oo xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu eedeeyay 15 ama 16 danbi.

14. Waxay dacwadiisu socotay ilaa 07/02/ 2006-dii, waxaana ka dhacay dood aad u badan oo isku difaacayey Abuu Xamza waxaana kamid ahaa:

A. ( Waxaan la lahaa xidhiidh joogta ah MI5 & qeybta booliska ee gaarka ah sanadihii ( 1997-2000).

B. ( Waxay igu dhaheen waad wadan kartaa khudbadaada inta aanaan arag dhiig daadanaya dariiqyada London).

15. Waxaa kale oo uu Abuu Xamza ka sheegay maxkamada in uu siiyay laamaha amaanka ee Ingiriiska talooyin sidii loo xakamayn lahaa taageerayaashiisa, dariiqyada London-na looga dhigi lahaa aamin.

16. Waxaa Abuu Xamza lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah, lagama yeelin in uu la shaqeeyay laamaha amaanka mudadaas dheer, wuu dhamaystay 7-dii sano waxuuna ku darsaday sanad kale oo ay socotay dooda dhiibistiisa.

17. Waxaa inta uu xidhnaa socotay dood u dhaxaysay Ingiriiska iyo Maraykanka oo ah dhiibitaanka Abuu Xamza, doodaas oo gashay Maxkamadaha (27/05/2004), waxayna ku dhamaatay (05/10/2012) in Abuu Xamza loo dhiibo Marakanka.

18. Waxaa lagu maxkamadaynayaa Maraykanka, magaalada Manhattan, waxaana lagu eedeeyay in uu taageero siinayey dad afduub iyo dil u gaystay dalxiisayaal tagay Yemen 1998-dii & in uu ka sameeyay xero tababar Maraykanka gudahiisa, magaalada Oregon.

19. Markii la keenay maxkamada Marakanka horaantii May 2014-ka uu qareenkii Abuu Xamza (Mr. Joshua Dratel) ku dooday in uu ahaa Abuu Xamza Al-Masri nin la shaqeeya sirdoonka Ingiriiska ee gudaha ( MI5) & booliska Scotland Yard !!!.

20. Waxaa yaab badnaa in uu keenay 50 bog oo ah qoraalo qeexaya wada shaqayntii dhex martay labada dhinac iyo sidii ay u wada shaqeeyeen intii u dhaxaysay May 1997- August 2000.

21. Waxaa dacwadaas qareenka lagu sheegay in ay ahayd arrinta labada dhinac ka wada shaqaynayeen (Sidii ay dariiqyada London nabad u ahaan lahaayeen )!!!.

22. Abuu Xamza waxba kama dhihin dooda uu soo gudbiayay qareenkiisu asaga oo garab fadhiyay qareenkiisa, waxayna noqon kartaa tilmaan qiraal ah oo faahfaahinaysa doodii Abuu Xamza ka sheegtay maxkamadda 2006-dii.

23. Waxaa diiday qaadigii Marakanka ahayd in la soo bandhigo qoraalada sheegaya wada shaqayntii dhexmartay Abuu Xamza & laamaha amaanka ee Ingiriiska, waxayna ku dooday in aanay si toos ah u khusayn dacwada loo haysto ee Marakanka, waxaana ka qaatay rafcaan qareenkii oo doonaya in wax lagu dhiso caddaymaha uu keenay.

Xigasho:

1. http://www.telegraph.co.uk/news/worldnews/northamerica/usa/10814816/Abu-Hamza-secretly-worked-for-MI5-to-keep-streets-of-London-safe.html ( English)

2. http://www.channel4.com/news/abu-hamza-i-was-working-for-british-intelligence ( English)

3. http://www.dailystar.co.uk/news/latest-news/377937/Terror-trial-Abu-Hamza-ran-strip-club-and-worked-for-MI5-to-keep-London-streets-safe ( English)

4. http://m.arabi21.com/Story/747176 ( Carabi)

Murtida Qormada:

Waxaan ku soo aruurin karnaa qormadan 4 qodob:

1. Abuu Xamza: Wax uu si aad ah ugu boorin jiray jihaadka asaga oo jooga London waqti dheer oo ah 7 sano(1997-2004).

2. Abuu Xamza: Waxuu la shaqayn jiray laamaha amaanka ee Ingiriiska intii u dhaxaysay 1997-2000 sida uu asagu ka hor qirtay maxkamadda sanadkii 2006.

3. Abuu Xamza: Waxuu garab fadhiyay qareenkiisa markii uu ku dooday in uu la shaqayn jiray laamaha amaanka, arrintaasina loo hayo caddaymo gaadhaya 50 bog, waana ka aamusay.

4. Abuu Xamza: Waxuu kala shaqaynayey laamaha amaanka ee Ingiriiska sidii ay London dariiqyadeedu u ahaan lahaayeen nabad galiyo sida uu sheegay qareenkiisa asaguna ma diidin.

5. Abuu Xamza: Waxaa lagu xukumay 7 sano, waxuuna xabsiyada Ingiriiska ku jiray 8 sano.

6. Abuu Xamza: Waxaa loo dhoofiyay Marakanka, waxaana ku socota maxkamad aan la ogayn waxa ay ku dhamaan doonto.

Is Waydiin:-

1. Sidee la isu waafajinayaa in dadka lagu booriyo in gaaalada lala jihaado, ayagiina hoosta lagala shaqeeyo waqtigaas dheer.

2. Maxaa looga shaqaynayaa in ay dariiqyada London nabad ahaadaan, dariiqyada dalalka muslimiintana dhiiga loogu qubayaa, maxaase dabka looga shidayaa?!!!

3. Haddii Abuu Xamza laga dhamaystay oo xabsi dheerna la galiyay soo ma ahan qaabkii ay ku danbayn jireen reer Ayaan darane ?

4. Ma Abuu Xamza kaliya ayaa tilmaantaas leh mise waxaa jira dad badan oo jihaadka gaalada ku baaqaya wadamadii gaaladana isku dhajinaya oo shaqadii oo kale hayn kara?

5. Abuu Xamza iyo inta lamidka ah ma jihaad Islaam ayay ku jiraan mise jabka muslimka ayay ka shaqaynayaan?

6. Ma ila aragteen in ay jiraan dad badan oo lagu tilmaami karo halqabsigii ahaa (( Maxaa Tuug Shaafii Qaadi )) iyo (( Dabin Muslim ))?.

Waxaa Qorey; Sh. Maxamuud Maxamed Shibli
04/06/2014 Riyadh – Saudi Arabia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

VIDEO: AAR Maanta oo loo diiday inuu dhaanto ku duubo Jigjiga + Jawaabtisa

Fanaanka Aar maanta ayaa bartiisa Facebook soo dhigay hadal uu ku muujiyay inuu heesta Go’doomay ku duubay qurbaha kadib markii lagu qabyaaladeeyay Jigjiga.

Fanaanka Aar maanta oo shacbiyad badan leh wuxuu bartiisa Facebook ku yiri Dhaantooyin laysku xaasido iyo Soo bandhiga bilicda dhulka hoyoo layska hor istaago, ayaa igu kaliftay inaan qurbo video ku duubo. Sheekada‪#‎Go’doomey‬ jaceyl keliya maahee ila fahma ‪#‎TBT‬ Jigjiga, 2013″

XOG: Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli oo isu soo dhowaaday iyo Xasan oo laba wasiir loo ogolaaday + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, inay isu soo dhowaadeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, oo khilaafkooda markii hore salka ku hayay isku shaandheen la rabo in lagu sameeyo golaha wasiiradda xukuumadda.

Waxaa muuqata in madaxweynaha loo dhaafay labo wasiir oo ugu jirra xukuumadda kuwaasoo kala wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahu Goodax Barre.

Labadan wasiir ayaa la sheegay in ay soo laaban doonaan oo ay ka mid yihiin xubnaha wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha ayaa loo madax baneeyay in uu soo magacaabo wasiiradda kale oo uu ku jirro wasiirka ammaanka qaranka oo dhawaan uu iska casilay xilkaas Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Isku shaandheenta golaha wasiiradda cusub ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana ilaha aan warkan ka soo xiganay ay lee yihiin wasiirka gaashandhigga waxaa ay noqon doonaan mid ka mid ah taliyihii horre ee hey’adda Khaliif Irig iyo taliyaha hey’adda CID Gen Kadiye.

Labadan nin ayaa la sheegay in ay isku qabiil yihiin oo ay isku dhow yihiin wasiirkii horre ee ammaanka qaranka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan guux ballaaran oo ku aadan cidda loo ,magacaabayo wasiirka ammaanka qaranka oo hadda xilkaas bannaan iyo khilaafka ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo hadda si weyn u soo ifbaxay.

Khilaafka labada nin ayaa curyaamiyay wax yaabo badan oo la rabay in la qabto labadii bilood ee la soo dhaafay sidda ay lee yihiin xeel dheerayaasha siyaasadda Soomaalida.

Inkasta oo isu soo dhowaansho uu jiro iminka, ayaa haddana waxa ay xaaladdu is-beddeli kartaa saacad kasta, sidii horey looga bartay madaxda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Maraakiib dagaal oo ku xirtay Muqdisho & taliye Turkish ah oo tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar ka mid ah maraakiibta dagaalka ee dalka Turkiga, ayaa maanta waxay ku soo xirteen Dekeda Magaalada Muqdisho, iyadoo ay la socdeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda ee Turkiga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxay ku qaabileen Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana suurta gashay in Madaxdu ay Ciidamada Turkigu kula qadeeyaan mid ka mid ah maraakiibtaasi.

Maraakiibtaan, ayaa waxay sideen deeq daawo ah oo uu Turkigu ugu talla galay in loogu adeego isbitaalada uu ka hirgeliyay Magaalada Muqdisho, iyadoo daawooyinkaan lagu sheegay mid si gaar ah kaga timid Ciidamada Badda ee Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si weyn Turkigu ugu ammaanay taageeradiisa ku aadan Somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Ciidamada Badda ee Turkiga ka gudoomay deeqda daawada ah, ee ay ugu talla galeen in wax loogu qabto shacabka Somaliyeed, kuwooda xanuunsanaaya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu tilmaamay in tani ay sii xoojineyso kalsoonida iyo xiriirka walaaltinimada leh, ee labada dalka, isla-markaana ay kaga mahadcelinayaan.

Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamada Badda ee Turkiga ee maanta tagey Dekeda Muqdisho, ayaa waxa uu isna sheegay in maanta ay soo celinayaan xiriirkii boqolaal sano ka hor, ay lahaayeen Somaliya iyo Turkiga.

tg1tg2tg3tg4tg5tg6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

GUULEED oo codsaday cafis isagoona caddeeyay sababihii uu isku casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee ammaanka qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in xilka uu iska casilay 24-kii bishii horre ay ku timid go’aan uu qaatay ee aaney jirin wax culeys ah ama cadaadis ah oo la saaray.

Wuxuu sheegay in wasaaradiisa ay tahay wasaaradda ugu shaqada badan wasaaradaha xukuumadda oo aaney hal qof waxbo ka qaban karin dedaal kasta oo uu muujiyo.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan haddii ay jiraan wax ay ka tabanayaan muddadii uu xilka hayay.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo dhacay ama isaga sameeyay ama uu amarkeeda lahaa oo la dhibay dadweynaha ay kaliye ahaayeen siddii wax loo wanaajin lahaa.

Dad badan ayaa aaminsanaa in dhaliilaha ugu weyn ee loo jeediyay dowladda Xasan Sheekh ay ahayd iyadoo ku guul dareesatay ammaanka caasimada oo u muuqday mid faraha ka baxay.

Waana tan keentay in uu is casilo wasiirkii horre ammaanka qaranka,oo xiriir dhow ay lahaayeen Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa isna sheegay in xukuumadda ay billowday qorsha shacabka lagala tashanaayo ammaanka caasimada.

Wuxuu sheegay in qorshahaas uu shaley billowday isla markaana uu gar wadeen ka yahay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dagaal ka dhex qarxay beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal iyo DF oo hadashay

Marka (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha ammaanka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda deeganka Shalanbood ee gobalka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhexeeya beelaha Habar-gidir iyo Biyo-maal.

Wasiir Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa tilmaamay in xaasada ka taagan Shallanbood ay dowladda ka xuntahay isla markaana ay ku baaqeyso in si shuruud la’aan loo joojiyo haddii kale ay dowladda tellaabo qaadan doonto.

Wuxuu sheegay in ifafaalaha muuqda uu yahay mid aaney farxad galineynin dowladda, isagoona intaas ku daray in ay ka xun yihiin dadka rayidka ee lagu kor dagaallamayo ee aan waxbo galabsan kuwaasoo qaar badan ka barakacay guryahooda.

Wuxuu sheegay oo kale in ay la hadleen mas’uuliyiinta gobalka Shabellaha Hoose iyo labada maleeshiyo ee ku dagaallamaya maalintii labaad Shalanbood si loo joojiyo dagaalka ka socda deeganka Shalanbood.

Hadalkan ayuu wasiirka ka sheegay munaasabad uu xilka wasiirka ammaanka uu si KMG kula wareegayay taasoo ka dhacday Muqdisho.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka warbiyay dagaalka dib uga qarxay beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir, wuxuuna sheegay in dagaalladaas ay ahaayeen kuwo daba socoday dagaallo horrey uga dhacay gobalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada beel ay kala tabanayaan wax yaabo badan oo soo maray 23-kii sanno ee la soo dhaafay isla markaana ay adag tahay in sahsalan xal loogu helo.

Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay dagaalka wuxuu sheegay in afar qof ay ku dhinteen oo labada dhinac ah iyo shan dhaawac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]