28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Maraykanka oo is-beddel ku sameeyay siyaasadiisa Soomaaliya (War cusub)

Washington DC (Caasimada Online)-Dowladda Maraykanka ayaa isbadal ku sameeyay siyaasadeeda ku aadan arrimaha Soomaaliya,iyagoona kalkan si toos ah ula macaamilaya dowladda dhexe.

Tan iyo markii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika, ay sheegtay in madaxweyne Obama uu dhawaan magacaabi doono safiirka u fadhiya xukuumadda Wanshinton magaalada Muqdisho, in uu isbadal ku dhacay hannaanka siyaasadda ee kula macaamilo Soomaaliya.

Waxaa muuqda in uu beesha ka baxay siyaasadii la oran jiray (Dual Track Policy) oo ah siyaasad labo geesood ah taasoo maraykanka si isku mid ah ula dhaqmi jiray dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada ka dhismay dalka, taasoo micnaheedu uu yahay in si carruur isla eg oo kale uu ula dhaqmaayay.

Maraykanka ayaa isbadal ku sameeyay siyaasadiisa ku aadan Soomaaliya, oo wixii hadda ka dambeeyay dowladda dhexe ayuu kala xiriiri doonaa wax kasta oo ku aadan arrimaha Soomaaliya, balse waxaa meeshaas ku jirtay in dowladda dhexe ay la timaado hannaan ay kula dhaqanto maamul gobaleedyada dalka oo qaar badan aanu xiriir badan kala dhexeynin.

Windy Sherman oo ah haweeneyda u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa markii ay ka hadleysay dhawaan Washington sheegtay in Maraykanka uu diyaar la yahay siddii uu u caawin lahaa Soomaaliya balse wax kasta oo horrumar ama dib u dhac ay ku jirto gacanta dadka Soomaalida oo looga baahan in ay heshiiyaan oo ka faa’ideestaan kheyraadka ka buuxa dalkooda iyo dadkooda.

Maraykanka ayaa horrey u taageeray dowladda Soomaaliya, waxaana uu ballan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono dib u dhiska dalka ku yaalla geeska Afrika oo muddo ku dhow 25-sanno ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo dad badan meertay.

Maxaa keenay in xilligan Maraykanka uu safiir u soo magacaabo Soomaalia?

Sidda uu lee yahay Cabdiraxmaan Ceynte oo ah madaxa machadka siyaasadda iyo fallanqeynta Heritage ee saldhigiisa uu yahay Muqdisho, waxaa muuqata in Maraykanka uu daneenaayo siddii uu xiriir dhow ula yeelan lahaa dowladda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in Maraykanka sa uu saluugsan yahay qaabka ay hadda wax u socdaan kaasoo aan muujineynin qorshaha la rabo in la gaaro 2016-ka kaasoo ah in qof kasta uu codkiisa ku rido sanduuq si uu soo doorto madaxweyne cusub.

Mr. Ceynta ayaa sheegay haddii dowladda aysan waxbo ka badalin sidda ay hadda wax u socdaan in laga yaabo in ay meesha ka baxdo taageerada beesha caalamka ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo in laga jaro dhaqaalaha la siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Xoosh Jibriil oo xog ka duwan tii hore ka bixiyey khilaafka madaxda Somalia

Muqdisho(Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka ka dhextaagan madaxda sare ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafkaasi uu ka dambeeyay markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya madaxweynaha dalka ay ka dalbadeen inuu xilkaasi isaga dago, maadaama ay sheegeen inuu wax ka qaban waayay xaalada dalka.

C/raxmaan Xoosh, ayaa sidoo kale sheegay in dalabkoodii uu sababay khilaafka xoogan ee iminka ka dhextaagan madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya, wallow warar Caasimada ay helayso ay sheegayaan in khilaafka uu salka ku hayo Wasiirkii iska casilay xilka wasaarada amniga.

“Khilaafka wuu jiraa, maxaa yeelay dowlad loo sacbinayo meel ma gareyso baarlamaanka waa inuu la xisaabtamaa dowlada, marka dalabkeenii ayaa la isku fahmi waayay”sidaasi ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa cadeeyay in waajib ay tahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay la xisaabtamaan dowlada Soomaaliya, dalabkoodiina uu ku yimid kadib markii ay meesha ka waayeen balanqaadyadii ay ka sugayeen madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo saacadihii ugu dambeeyay qaar kamid ah xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweynaha dalka ay ku dhawaaqeen inay daladkoodii hore ka laabteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan si aad ah u mucaaradsanaa Xasan Sheikh oo ka laabtay mooshinka

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday qorshe kulamo kala duwan ay ku yeelayeen madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibanada ayaa horay u dalbaday in xilka uu isaga tago madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii ay sheegeen inay ka dhabeyn waayay balanqaadkii uu sameeyay markii doorashada ay socotay.

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah xildhibaanadii mooshinka ka diyariyay madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuu go’aankaasi ka laabtay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay wanaagsan iminka in fursad la siiyo madaxweynaha dalka Soomaaliya, si buu yiri uu kaga dhabeeyo balanqaayadii uu horay u sameeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale xildhibaan Gaarane ayaa sheegay in muhiim ay tahay in fursad la siiyo hayadaha amniga si ay wax u dhaqaajiyaan iyo in xildhibaanada baarlamaanka ay howshooda gutaan, sida uu xildhibaanka sheegay.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane ayaa sheegay in kalsooni la helaa ay tahay horumar uu gaaro dalkeena Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

ICAO oo xoogtay shaqadii DFS: BEELO loo daneynayo iyo kuwa iska hurdaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya gaar ahaan xildhibaanada Beesha Hawiye, Digil iyo Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan ayaa noqday xildhibaano ku hurdaaya shaqadooda, Damiirkooduna yahay mid dhintay iyadoo dadkii iyo goboladii ay metelayeena meel uga dhacay, Xildhibaanimadooduna noqotay mid ay ku raadsadaan dantooda shaqsi.

Bahdilka iyo yasitaanka maanta Hay’adda UN-ka u qaabilsan Maamulka Hawada Caalamka ee lagu magacaabo ICAO ku samaysay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa in Madaxda Dawladda Soomaaliya iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan inay yihiin dad qeyru masuul ah ku qanacsan inay isku awood iyo isku go’aan ku noqdaan Dawladda Federaalka Xubno kasoo jeeda Maamulo/Dawlado aan ogoleyn inay metesho Dawladda Federaalka Soomaaliya oo qabaailka Soomaalidu u dhan yihiin.

Hay’ada ICAO ayaa shalay Booqasho ku tagtay Magaalada Boosaaso iyaga oo Halkaas kula kulmay Madaxda Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Cabdiweli Gaas. Sheekada Cajiibka ah waxaa weeye in Mas’uul ka socday Hay’adda ICAO oo lagu Magacaabo Mr. Javier Lopez uu si aan cabsi ku jirin saxaafada ugu sheegay inuu Puntland u yimid  sidii Hay’adda ICAO wada tashi ugala samayn lahayd Puntland sidii Maamulka Hawada Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Masuuliyiintaan ka socday ICAO ayaa sheegay in Hay’adda UN-ka u qaabilsan Maamulida Hawada ay si qoto dheer ugala shaqeyn doonto Dawladda Federaalka iyo Dhamaan Maamul goboleedyadaba Dalka ka jira.

Hay’adda ICAO ayaa muujisay in Soomaaliya Dawladi ka jirin, KMG-nimo iyo Ka bixitaanka KMG-nada aan hay’adaha caalamku waxba ka bedelin qaabka ay ula dhaqmayaan Soomaaliya. Hay’adda ICAO iyo madaxdeeda oo Maamula Dhaqaalaha Faraha badan ee kasoo xarooda Hawada Soomaaliya laga soo bilaabo 1991-dii ayaaba noqotay mid iyagu leh go’aanka Hawada Soomaaliya iyo Maamulkeedaba iyaga oo dawlada Federaalka Soomaaliya u gacan u dhaafaya Maamulada Gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mr. Saciid Qoorsheel ayaa kasoo jeeda Maamulka Puntland, balse Mr Saciid Qoorsheel ma metelo Puntland, wuxuu Hay’adda ICAO ka ogolaaday inay si ka madax banaan ula xiriiraan Maamulka Puntland! Xildhibaanada Kasoo jeeda Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan ebid ma weydiin Xildhibaanada Beel ahaan iyo Gobol ahaan kasoo jeeda Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba Sababta aysan u metelin Gobolada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan oo ay uun shirkada kula yihiin go’aan ka gaarista Gobolada kale iyo Caasimada Muqdisho.

Hay’adda ICAO ayaa go’aansatay inay dayactirto qaar ka mid ah garoomada Gobolada Soomaaliya oo Kala ah Hargaysa, Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho, lacagta garoomadaan lagu dayactirayo waxaa iska leh Soomaaliya balse go’aankeeda waxaa leh Ajaaniibta Maamusha ICAO, Xildhibaanada Kasoo jeeda Gobolada Kale ee Soomaaliya sida Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan uma doodaan Xuquuqda Garoomada Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Beledweyne, Jowhar, Sh/hoose, Xudur iyo Gedo Goboladaan oo dhamaan xor ah.

Maxaa u diidey Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha aan lahayn Maamul Goboleedyada ka madax Banaan Dawladda Federaalka Soomaaliya inay weydiiyaan Xildhibaanada, Wasiiradda iyo Madaxda kale ee Dawladda oo aan metelin Goboladooda inay masuuliyiintaasi noqdaan kuwo metela si dhab ah Gobolada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan ama aysan go’aan ku yeelan Gobolada  iyo Beelaha kale arimaha quseynaaya.

Xildhibaanada Kasoo jeeda Muqdisho gaar ahaan Beesha Hawiye sida Cabdulqadir Cosoble, Cabdulqadir Cali Cumar, Cumar Finish, Dhegey Geele, Cabdulqadir Macalin Nuur, Kabaweyne, Cabdisamad iyo kuwo kale oo badan oo shaqo ka dhigtay inay uun canbaareeyaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah kuwo ugu liita Soomaaliya maadaama siyaasiyiin iyo Xildhibaano goboladooda, Beelahooda, siyaasadooda iyo dhaqaalahooda u madax banaan ay Dalka Soomaaliya oo Federaalka lagu yahay uga dhigeen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada iyo Wasiirada aan Metelin Beelahooda iyo Goboladooda ayaa iyagu ah kuwo Maamula Dhaqaalaha iyo Siyaasada Magaalada Muqdisho iyo Go’aanada siyaasadeed ee Gobolada kale oo aan Maamulada lahayn. Xildhibaanadaan ayaa ah kuwo bartilmaameed ka dhigtay joojinta Horumarka Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaanadaan oo helay xildhibaano aan maskixiyan qaangaarin, iyaga oo caqliga iyo Maskaxda ka xaday Caado qaatayaalka mooda inay xildhibaan u yihiin naftooda iyo Danahooda gaar ahaaneed.

Su’aasha isweydiinta mudani waxaa ay tahay Maxaa Caasimada Muqdisho u diidaya in laga Maamulo Hawada Soomaaliya mar Hadii Canshuurta iyo Siyaasadda Muqdisho Maamulayaan Xildhibaano kasoo jeeda dhamaan Beelaha iyo Gobolada Soomaaliya! Miisaaniyada Mushaarka laga siiyo Xildhibaanada ka timaado Muqdisho, Miisaaniyada Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka ka timaado Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SHAACIN: Wasiir ka qeyb galaya shir ay DF diiday si uu ugu daneeyo beeshiisa

Stockholm (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu ka qeyb galo shir caalami ah oo ka dhacaya dalka Sweden, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay qaadacday, si uu ugu daneeyo beesha uu kasoo jeedo.

Saciid Cabdullahi Daani ayaa qaadaya tallaabadan si uu shirka u qabsoomo, maadaama qaadaacadda dowladda Soomaaliya ay bur bur ku keentay shirkan oo loogu magac daray shirka fursdaha Ganacsiga Soomaaliya, ayna badankiis ka qeyb gali lahaayeen wufuud reer Puntland iyo Jubba ah.

Shirkan oo lagu waday in tobanka bishan Juun uu magaalada Stockholm uga furmo shirkado ganacsi oo Swedish iyo Soomaali isugu jira ayaa waxaa hareeyey fadeexo, kadib markii laga weeciyey jidkii loo qorsheeyey, lagana dhigay mid beelo gaar ah loogu faa’iideeyo.

Kulankan oo markii hore lagu casuumay inay ka soo qeyb galaan wufuud ka kala socota dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamul goboleedka Puntland iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba, ayaa isu badalay mid qaab beeleed la isku balansaday, loona diiday ganacsatada Muqdisho, sidoo kalena DF lala meel dhigay maamul goboleedyo.

Taasi waxa ay dhalisay in kasoo qeyb galka shirka ay diideen wufuudii ka iman lahayd Muqdisho oo ay horkacayeen wasiirka ganacsiga iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in shaqsiyaad ka tirsan Soomaalida Sweden oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, islamarkaana leh hoggaanka shirka ay si shaqsi ah u casuumeen wasiiirka qorsheynta ee dowladda Soomaaliya mudane Saciid Daani, si looga dhigo in dowladda ay ka qeyb galeyso, islamarkaana uusan shirka u bur burin.

Daani ayaa loo sheegay inuu magaca dowladda buuxiyo, maadaama shirka ay faa’iido badan ku qabaan ganacstada beeshiisa, waana uu aqbalay, taasi oo ah tallaabo ka dhan ah dowladda uu xubinta ka yahay.

Shirkan ayaa waxaa maamulka Jubba u matalaya wasiirka madaxtooyada maamulkaas Cabdi Qani Cabdi Jaamac, halka Puntland uu u matalayo wasiirka madaxtooyada maamulkaas, waxaana sadaxdaan mas’uul ay ka soo wada jeedaan hal beel, taasi oo caddeeneysa in shirkii Soomaaliya ay beel gaar ah gacanta ku dhigtay.

Ilo wareedyo ku dhow qaban qaabada kullankaas waxay sheegayaan in xubno ay ka mid yihiin Axmed Sollentuna, Bashiir Amaan iyo Cabdi Yare oo ka soo jeeda deegaanada Puntland kana mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Stockholm ay qaban qaabiyeen kulan ka dhacay Dubai oo ay ku kulmeen Ambassador Bär oo Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, halkaa oo lagu gudoonsiiyey ambassador Bär lacag laa luush si aanu kulankan u baaqan ugana faa’iideystaan xubno Puntland ka soo jeeda.

Arrinta kale ee culeyskeeda leh ayaa ahayd in inta badan fiisooyinkii shirkaas lagu imaan lahaa lagu kala iibsaday Dubai iyo Stockholm iyadoo halkii qof laga qaadayey lacag dhan 20,000 (labaatan kun oo doolar).

Stockholm oo ah halka uu shirkani ka furmi doono waxaa ka socda qabanqaabada dibadbax looga soo horjeedo shirkan ay dad badani ku tilmaameen in hal beel oo qura ay sheeganeyso inay Soomaaliya wakiil ka tahay, waxaana la arkayey dad ku ballamaya dibadbax laga hordhigi doono wasaarada arrimaha dibadda ee Sweden iyo maalinta bishu tahay tobanka.

Dowladda Soomaaliya oo wasiir ka mid ah uu magaceeda uga qeyb galayo ayaa loogu baaqayaa inay arintaas soo farageliso marba hadii markii horeba ay ku gacan seereen shirkan, lana xisaabtamaan wasiirkan habka beeleed shirka uga qeyb galaya ee Saciid Daani.

Saciid Daani, ayaa dhowr toddobaad ka hor shir uu kaga qeyb galay Garoowe oo beesha caalamka qabatay u sheegay in Puntland si gaar ah loola macaamilo, isaga oo hareer maray siyaasaddii xukuumadda, una weecday dano qabiil, mana jirto weli tallaabo ay DF ka qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madoobe oo fariin adag udiray Amisom iyo dalalka deriska ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa fariin udiray ciidamada Amisom iyo Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaye kulan uu shalay Magaalada Kismaayo kula qaatay qaar kamid ah Hay’adaha ka howlgala Magaalada Kismaayo ee dhanka arimaha Bulshada, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Amisom iyo Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya laga rabo inay Maamulkiisa ka caawiyaan arimaha dhanka Bulshada.

Fariinta ciidamada Amisom uu udiray ayaa waxa ay tahay in Amisom xafiis Milateri uu uga furan yahay Magaalada Kismaayo, balse uusan Kismaayo ka furneyn xafiiska Amisom ee arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna laga rabo inay Kismaayo ka furtaan xafiiska dhanka arimaha Bulshada ee Amisom.

Baahida keentay inay dalbadaan xafiiskaan, ayaa waxa ay tahay in shacabka reer Kismaayo ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka caafimaadka iyo arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna doorka Amisom ee dhanka arimaha Bulshada oo Magaalooyinka kale ay ka sameyso Kismaayana looga fadhiyo.

Isaga oo hadalka siiwata Axmed Madoobe, ayuu dhanka kale wuxuu dalab udiray Dowladaha Deriska la’ah dalka Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday in Maamulkiisa laga taageero dhanka arimaha Bulshada, maadaama arinta hada ugu liidato Jubbooyinka ay tahay arimaha Bulshada.

Roobabkii dhawaan ka da’ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose, ayaa saameyn ku yeeshay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaasi oo ay kusoo rogmadeen daadka roobka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo heshay gaadiid ay rasaas karin

Muqdisho (Caasimada Online)-  11-kamid ah gaadiidka nooca aan karin rasaasta ayaa maanta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana deeqdaasi ay ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya.

Madasha gaadiidkaan Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejinaye, ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan oo sheegay in Dowladda ay ku wareejiyeen maanta gaadiid gaaraya 11-nooca aan rasaasta karin.

Wuxuu goobta ka sheegay in arintani ay qeyb ka tahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna siiwadayaan sida ay u taageerayaan Dowladda Soomaaliya.

11-ka Gaadiidka nooca aan rasaasta karin Dowladda Soomaaliya waxaa uguddoomay Agaasimaha madaxtooyada Taabit Abdi Mohamed, oo goobta ka sheegay in Imaaraadka Carabta ay umahadcelinayan taageerada joogtada ah ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu kamid yahay dalalka taageera Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaataan mashaariicda kala duwan ee dhanka arimaha Bulshada gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh oo safiir u magacaabaya USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu xalay daboolka ka qaaday in Dowladdiisu ay dalka Mareykanka u magacaabi doonto Safiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dhigiisa Mareykanka Barack Hussein Obama, uu u xaqiijiyay in dhowaan uu Safiir u soo magacaabi doono dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay tallaabada uu horey u qaadaayo Madaxweynaha Mareykanka, isla-markaana uu dhankiisa diyaar u yahay in uu Safiir u magacaabo Mareykanka.

Tani, ayuu ku macneeyay mid lagu soo celinaayo xiriirkii dheeraa ee labada dal, laguna xoojinaayo xiriirka sida gaarka ah kaga dhaxeeya Somaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladdiisu ay soo dhoweyneyso in Mareykanka uu sii wado taageeradiisa ku adan Somaliya iyo tallaabada lagu laba laabaayo xiriirka labada dhinac.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Mareykanku ku ammaanay in sanado badan uu Soomaaliya ka caawinaayay, sidii ay kaga gudbi laheyd marxalada adag, una hiigsan laheyd xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiyada.

Hadalkaan, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay, Warbixin xalay laga soo saaray Xafiiskiisa Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: HABAR-GIDIR oo dagaal ka dhan ah beel kale iclaamisay kaddib..

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa kulan ay yeesheen ka dib ku hanjabey inay dagaal ku saleysan qaab qabiil ay la geli doonaan beesha Biyamaal.

Nabadoon Cali Garaad oo ka mid ah Odayaasha Beesha Habargidir ayaa waxa uu sheegay inay udul qaadan waayeen beegsi ay beesha Biyamaal ku hayso beesha Habargidir, sida uu sheegay.

Waxa uu xusay in maleeshiyo Biyomaal oo u huwan magaca ciidamada dowladda Soomaaliya ay dilal ku hayaan waxgaradka iyo shacabka beesha Habargidir.

Waxa uu sheegay inaysan jirin cid wax ka qabaneysa waxa uu ku sheegay tacaddiyada Biyomaal, sidaa darteedna ay Habargidir isku difaaceyso qaab qabiil, ayna iska dhicineyso Biyomaal.

Halkan ka dhageyso codka nabaddoonka

Beelaha Habargidir iyo Biyomaal ayaa dagaal soo noqnoqday waxa ay ku dhex mareen gobolka Shabeelaha Hoose dhowaanahan, ayada oo maalmihii u dambeeyey dhowr qof Habargidir looga dilay gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo go’aan aan la fileyn ka qaadatay shirka SWEDEN ee SOOMAALIYA

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay qabsoomida shirka (Somali business opportunities) ee loo qabanayo Soomaaliya ayaa waxaa maanta war ka soo saaray shirkaasi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Xassan C/llaahi Dirir.

Shirkan oo Stockholm ka furamaya ayaa daah fur u noqonayo qaabka cusub oo dalalka Yurub ay doonayaan in ay Soomaaliya u caawiyaan, iyadoo habkaasina uu noqonayo in halkii dalalkaasi ay ku deeqi lahaayeen lacago kaash ah in shirkado & ganacsato dalkaasi ka socda ay mashaariic iyo maalgashi dhinaca horumarka la xiriira ka fuliyaan Soomaaliya, iyada oo lala kaashanayo ganacsato Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Sweden in ay albaab qaldan ka soo galeyso gargaarida Soomaaliya, waxaana uu sheegay Afhayeen u hadlay W/A Dibedda in halkii Swidish-ku ay la tacaamuli lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay la xireen maamulo ka mid ah kuwa hoos taga dowladda dhexe.

“Dowlad caalamku aqoonsan yahay ayaa dalka ka jirtee, maxey tahay Sweden gobolada ay ka daba wareegeyso, dowladdu ma fahmin ujeedada ay ka leedahay? Ayuu yiri Afhayeen Xasan Dirir, wuxuuna intaa ku daray in liiska ka qeybgalayaasha & ajendaha shirka uu yahay wax ay soo qorteen shaqsiyaad Puntland ka tirsan, oo xittaa liiska ay ku soo dareen xubno ka socda maamulka KMG ah ee Jubba.

“Dowladda Soomaaliya wixii shirkaasi ka soo baxa ma aqoonsan doono” ayuu yiri Afhayeenku wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in maamulo ay sameysteen qabiilo Soomaaliya ka mid ah in dowladdii ay ku hor ordaan, iyaga oo aad moodo in ay doonayaan in ay liqaan xuquuqdii gobolada kale ee Soomaaliya.

“Puntland waxba kama duwana gobolada kale ee Soomaaliya, waxeyna xaq u leedahay saamiga ay xaqa u leeyihiin gobolada kale sida; Galguduud, Hiiraan, Sh/ dhexe ” ayuu yiri Afhayeenka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Xog: Magacyada wasiiro Cabdi Weli uu ku adkeystay inusan soo celin doonin iyo khilaafka oo meel xun maraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ku adkeystay inuusan golaha wasiirada ee isku shaandheyta lagu sameynayo kusoo dari doonin dhowr wasiir oo xulufo la ah madaxweyen Xasan Sheekh.

Sida ilo-xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa diidmada cusub ee Cabdi Weli ay cirka kusii shareertay khilaafka labada dhinac oo uu madaxweynaha si rasmi ah u qiray shalay.

Wasiirada uu diiday Cabdi Weli inuu soo celiyo ayaa waxa ay kala yihiin:-

1 – Wasiiradda hoowlaha guud Nadiifo Maxamed Cusmaan
2 – Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Kariim Guuleed, oo iscasilay balse Xasan Sheekh uu doonayo in xil kale loo dhiibo.
3 – Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre
4 – Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Faarax Cabduqadir
5 – Wasiirka Macdanta Daud Bisle
6 – Wasiirka Duulista iyo gaadiidka hawada Saciid Jaamac Qoorsheel

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu Cabdi Weli u sheegay inuu wada-hadal ka geli karo in liiska cusub ee isku shaandheeynta golaha Wasiirada Xukumadda uu ka reebo Daa’uud Bisle, Saciid Qoorsheel iyo Cabdullahi Goodax Barre, hase yeeshee aanu marnaba aqbali karin in laga reebo Faarax Cabduqadir iyo Cabdikariim Guuleed.

Sida ay lee yihiin ilo-wareedyada Caasimada Online, Cabdi Weli ayaa ku adkeystay inuusan haba yaraateen aqbali karin dalabyada Xasan Sheekh uuna soo magacaabayo ciddii uu doono.

Lama oga sida xaalku noqon doono hase yeeshee wuxuu Ra’iisul wasaaraha ku adkeeysanayaa inuu si degdega ugu dhawaaqi doono golahiisa Wasiirada cusub, isaga oo aan madaxweynaha kala tashan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QABIIL YEMEN ku nool oo u doodaya Qabiil Soomaali ah (Warbixin Xiiso leh)

Suldaan Cafraar oo ah Oday-dhaqameedka hogaamiya Beesha Mehera ee degta Yemen ayaa Hadal uu Warbaahinta siiyay wuxuu kaga warramay arrimo badan oo quseeya Beeshooda, iyo Beelo ay Ood-wadaagyihiin oo Soomaaliya ku nool.

Suldaanka ayaa xaqiijiyay in Kacdoonkii Guga Carabta uu Fursado wanaagsan siiyay Beeshooda, si ay u dalbato soo cesashada Xuquuq ka maqnayd.

Wuxuu Suldaanku soo Hadal qaaday Booqasho uu ku tagay Soomaaliya, gaar ahaanna Gobalka Puntiland, halkaas oo uu sheegay inuu kulasoo kulmay Madaxweynaha Maamulka Gobalkaas ka taliya Cabdiwali Maxamed Gaas oo ay ka wada hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Yemen guud ahaan, gaar ahaanna Gobalada Mehera iyo Soqodra.

Puntiland waxaa ka jira buu yiri Maamul u halgamaya sidii uu Xuquuqdiisa Siyaasadeed ugu dhex heli lahaa Habka Dowladnimada Federaalka ee laga dhaqan galinayo Soomaaliya, waxaana inaga iyo Maamulkaaas ka simannahay buu Suldaanku yiri u Xusul-duubka hirgalinta Federaalka.

Beelaha Meheriga ku abtirsada ee Puntiland jooga ayuu Suldaankani sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Maamulkaas ay ka wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdooda Siyaasadeed iyo inay ka qayb noqdaan Maamulka Deegaanka.

Deegaanada ay Beeshan Mehera ee Yementa ka tirsani ku noolyihiin ayaa ah Goobo aan wax badan ka fogeyn Dhulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo Puntiland loo yaqaan, waxaana Labada Deegaanba la sheegaa inay ku noolyihiin Dad Taariikh ahaan iyo Dhalashaba wadaaga, waloow aanay Aqoonyahanada Asalka Beelaha ku xeel-dheer wali meel ku jaan-goyn sheekoyinka ceynkaas ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uul aabihii qarax lagu dilay oo loo magacaabay sirdoonka Soomaaliya

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo gudoomiye ku xigeenka hayada nabad sugida gobolka Banaadir, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye loogu magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka nabad-sugidda gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa madaxweynaha dalka Soomaaliya wuxuu soo saaray maalintii shalay oo ay taariiqda ku beegneyd 3-6-2014

Cabdifataax  ayaa horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir intii u dhexaysay sanadihii 2007 ilaa 2009, xilligaas oo uu guddoomiyaha gobolka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb.

Taliye ku xigeenka cusub ee ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir ayaa aabihii wuxuu ku dhintay qarax kadib markii gaarigiisa loogu xeray, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku noolaa dalka Ingiriiska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mareykanka oo runta u sheegay Kenya (Waa inaad xushmeysaan Somalida)

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay xushmayso qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda.

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman oo ka khudbeyneysay Machadka Nabadda ee Mareykanka U.S. Institute of Peace ee Washington ayaa ugu baaqday ciidanka ammaanka ee Kenya inay dhawraan karaamada ay leeyihiin qaxootiga Soomaalida.

“Ma jirto cid dooranaysa inay 22 sano qaxooti ahaato. Ma ahan dookhooda,” ayay tiri Wendy Sherman.

Waxay ku ammaantay Kenya marti-gelinta kumannaanka kun ee qaxootiga Soomaalida, iyadoo ugu baaqday inay sii waddo marti-gelinta iyo soo dhoweynta qaxootiga tan iyo inta si khiyaarkood ah ay ugu laabanayaan dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Dowladda Mareykanka oo safiir usoo magacabaysa waddanka Soomaaliya

Washington DC (Caasimada Online) – Markii ugu horeysay in ka badan 20 sano, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay safiir usoo magacaabi doontaa Somalia.

Tallaabadan ayaa sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Obama waxa uu ku qeexay mid kalsooni loogu muujinayo mustaqbalka xasiloonida Soomaaliya.

Inkasta oo ay taasi jirto, ayaa haddana maamulka Obama waxa uusan wax qorshe oo deg deg ah ka lahayn inuu dib u furo safaaradii Muqdisho, oo dhowaanahan weeraro xooggan ay ka dhacayeen.

Hadal ay jeedisay maanta, ayaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Wendy Sherman, waxa ay ku sheegtay in magacaabista safiirka Somalia ay tahay astaan muujineysa xiriirka sii qoto-dheeraanaya ee Washington iyo Muqdisho.

Waxa ay Soomaalida ka dalbatay inay ka fogaadaan is-xifaaleynta qabaa’il, ayna diiradda saaraan dhismaha dowlad midnimo qaran.

“Cid annaga naga mid ah taas ma sameyn karto, hase yeeshee Soomaalida ha ogaadaan, haddii ay doortaan inay isu yimaadaan ayna doortaan wada-shaqeyn waxa ay heli doonaan taageero caalami ah” ayay Sherman u sheegtay Machadka Nabadda ee magaalada Washington DC.

Lama shaacin cidda loo magacaabi doono safiirka Soomaaliya, hase yeeshee Sherman waxa ay xaqiijisay in dhowaan la magacaabi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

 

Daawo: Isbedelada siyaasadeed ee ka dhacay Somalia 12-kii bilood ee tagay

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Xaflada lagu soo bandhigayay horumarkii u dambeeyay ee 12-kii bilood ee u dambeeyay iyo xaalada dalka uu marayo iyo sida Xafiiska QM uu ula shaqeeyo Dowlada Somalia.

Hadaba Aqristoow wax badan ogoow oo aadan ogeyn ee nala daawo Muuqaal meelo badan wax ka tusinaya iyo isbadaladii u dambeeyay ee dalka ka dhacay, gaar ahaa arrimaha siyaasadeed halkaan hoose ka daawo muuqaalka oo xiiso leh.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Gaas oo war kasoo saaray guddigii ay DF Somalia magacowday ee dastuurka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Guddiga madax bannaan ee Dastuurka oo ay dhawaan magacowday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Guddiga madaxa bannaan ay dawladda Federaalku u magacowday arrimaha Dastuurka.

Gaas ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Haweenka Dawladda Puntland Marwo Caashe Geelle ay u mataleyso dhankooda Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Guddiga madaxa bannaan looga baahanyahay in hawshooda u gutaan si madax bannaan si looga shaqeeyo danta Ummada.

Dhanka kale Madaxweynaha oo la weydiiyey waxa ka jira khilaaf la sheegayo in uu u dhaxeeyo isaga iyo Madaxweyne Kuxigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Wuxuuna sheegay in uusan jirin haba yaraatee wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga iyo kuxigeenkiisa taasina ay tahay arrin aan waxba ka jirin.

Gollaha Wasiirada dowladda Somalia, ayaa ansixiyey Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha Federaalka,waxaana kamid ah Xubnaha la magacaabay:

1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Socdaalka wasiirka DF ee Kismaayo oo lala xiriirshay garoonka diyaaradaha

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, saraakiil ka tirsan Hay’adda duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiinta la socday markii ay gaareen Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horeeyo ku-xigeenka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdiqaadir Xaaji iyo saraakiil kale.

Wasiirka iyo xubnihii la socday waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu ka koobanyahay garoonka, si ay qiimeyn ugu sameeyaan dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ay qorsheynayaan in ay halkaasi ka bilaabaan.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha ay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ay ku doonaan in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada diyaaradaha ee dalka ku yaalla, waxaana uu dhawaan Wasiirku socdaal ku tegay magaalada Baydhabo halkaasi oo ugu kuurgalayay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Si kastaba ma cadda weli sida ay wax u socdaan, maadaama maamulka Axmed Madoobe uu diiday inuu garoonka iyo dekedda Kismaayo ku wareejiyo dowladda, waxaana la ogeyn sababta keentay dib u dhis-ka ay DF ku sameeneyso garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Fiqi: Waxaan la yaabay markii Amisom ay qadeynayaan in ciidamada DFS….

Wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka sheegay xaflad uu ka hadlay in ciidamada AMISOM ay ka heersareeyaan ciidamada dowlada marka loo eego adeegyada ay u baahan yihiin.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee uu xilkaasi qabtay uu la kulmay taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM oo u sheegay in ciidamada AMISOM marka ay qadeynayaan in wax raashiin ah aan loogeynin ciidamada dowlada ee la jooga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arintaasi uu aad kaga damqaday laakiin ay tahay heerka ay marayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee la jooga ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in adeegyada kalana ay kaga horeeyaan.

Halka Hoose Ka dhageyso

Dhageyso: Maleeshiyo Majeerteen iyo Dhulbahante oo ka gadooday Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xili xaalada magaalada Kismaayo ay sii xumaanayso ayaa waxaa iminka soo baxaya in ciidaamo badan oo ka tirsan Beesha Kablalax ay isaga baxeen magaalada Kismaayo.

Ciidankan ayaa waxa ay ku sugan yihiin Duleedka magaalada Kismaayo iyaga oo xusay in ay ka soo baxeen xadgudub ay sheegeen in Maleeshiyada Raaskambooni ay ka wadaan Kismaayo.

Col. Cabdiqani Ibraahim oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka ayaa sheegay in qorshaha magaalada ay uga baxeen uu yimid kadib markii ay arkeen in maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo ah qabiil iyo urur kaliya in ay xadgudub ku wadaan Beelihii ku haray Kismaayo.

Waxa uu sheegay in dad badan oo aan waxba galabsan lagu laayey magaalada.

Masuulkan ayaa sheegay in magaalada duleedkeeda ay ku sugan yihiin, isaga oo xusay in Barre Hiiraale uu mar hore fahmay waxa meesha ka jira kana aragti dheer yahay iyaga, isaga oo dhanka kale sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah la lahayn balse ay ka midaysan yihiin mowqifka in cadowga Kismaayo laga kiciyo, sida uu sheegay.

Ciidankan ayaa u badna beelaha Muqaabil, Majeerteen, Bartire iyo Dhulbahante. Beelaha Kablalax ayaa ahaa kuwii si wada jir ah u qabsaday Kismaayo, waxaase hadda muuqata in ay iyagii isku dhaceen

DHAGAYSO Cabdiqani Ibrahim oo hogaaminaya ciidanka ka baxay Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]