28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Fadeexad la xiriirta fiisooyin la iibiyey oo ku soo baxday madax ka tirsan DF

Geneva (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyo ka soo baxa dalal ka tirsan Yurub & Afrika, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) ayaa lagu eedeeyey inuu lug weyn ku lee yahay arrimo la xiriira fiisooyin la kala iibsaday, waxaana eedeeynta Yuusuf lagu xusay in fiisooyin loogu talogalay in ay dalkaasi ku yimaadaan Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya qaab aan sharci aheyn looga iibsaday shaqsiyaad caadi ah, oo markii ay waddankaasi soo galeenna kaga sii gudbay dalal kale oo Yurub ka tirsan.

YUUSUF BARI-BARI
YUUSUF BARI-BARI

Warbixinta ay qoreen Wargeysyada waxaa lagu xusay in dadka la soo tahriibiyey in fiisooyinka laga siistay lacag dhan ($15,000) middiiba, waxaana dowladda waddankaasi ay ka codsatay dowladda Soomaaliya in arrimahaasi ay baaritaan ku sameyso, haddii lagu caddeeyo safiirka inuu ku lug lee yahayna laga qaado xasaanada, si loo maxkamadeeyo.

Waxaa kaloo lagu xusay warbixinadda in dowladda Switzerland ay u diiday dal ku gal Wasiirada Wasaaradaha Shaqadda & Ganacsiga oo shir ka dhacaya Geneva {29 bisha May ilaa 12-ka bisha June} lagu waday in ay ka qeybgalaan, sababaha loogu diidayna ay la xiriirto in la musuq-maasuqo fiisooyinkaas.

Xubin ka tirsan Wasaaradda shaqadda oo ka hadlayey eedeynta loo jeediyey Baribari waxa uu yiri: “Haddii dowladdu ay shirkaasi kaga qeybgeli weyso musuq-maasuq lagu eedeynayo Yuusuf baribari waa fadeexad, wasaaradda arrimaha dibedda-na waa in ay arrintaasi sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan ugu sameysaa”.

Marka la soo hadal qaado arrinta ku saabsan kala iibsashada fiisooyinka waxaa xusid mudan in Yuusuf Baribari oo keliya aanu aheyn safiirada lagu eedeeyo iibsashada fiisooyinka. Horay waxaa u jiray safiiro dowladda Soomaaliya metelaya oo si aan qarsoodi aheyn uga lugu yeeshay ka ganacsiga fiisooyinka, iyadoo ay jireen warbixinno horay ay UN-ka uga soo saartay qaar ka mid ah safiiradaas.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Dhageyso: Xoosh Jabriil: Xasan Sheikh wuxuu dalka ka doortay Damul-Jadiid, waana ka qaadeynaa xilka dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo horey usoo noqdey wasiirkii dastuurka dowladda KMG ahaayd ee Soomaaliya xilligaana ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka deyriyey xaaladda uu dalku waqtigan ku sugan-yahay,waxuuna madaxweynaha Soomaaliya ku eedeyey dhammaanba arrimaha ka taagan dalka.

Xildhibaan Xoosh waxaa uu ka mid yahay xildhibaannada iyo siyaasiyinta Soomaaliyed ee ka soo horjeeda hab-siyaasadedka uu madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ku maamullayo dalka.

“Siyaasada qalafsan ee hadda ka taagan dalka, waa mid mas’uuliyadeda uu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya, dalku xilligan xaaladdisu ma wanagsana waxaana eeda iska leh madaxweynaha” ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil in dalka ay ka maqantahay wadiniyada ayna wax ka socon la’yihiin dowladda hadda ka jirta ee dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil waxuu sheegay in xildhibaannadu ay doorten madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan kaaso ah Xassan Sheekh balse waxaa uu sheegay in ay muuqanaysa dalka maamulkiisa inay xisbi la wareegen.

Xoosh oo qirtey inuu ka mid yahay xildhibaannada doonaya inay madaxweynaha xilka ka qaadan, waxuu sheegay inay dalka la doonayan hormar iyo halka uu taagan-yahay in laga qaado taasna uu ku fashilmey madaxweynaha hadda ee Xasan Sheekh.

Waxuu sheegay in xilligaan ay wadan mooshin ka dhan ah madaxweynaha iyagoo doonaya inay keenan ruux dhaamma madaxweynaha hadda ee Xasan Sheekh oo u ku eedeyey inuu ka soo bixi waayey waajibadkiisa.

Halkan ka dhageyso Xoosh Jabriil

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la kulmaya xilligan culeys siyaasaded, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyin Soomaaliyed ay ugu baaqen inuu is-casilo maadaama ay sheegen inuu ka soo bixi waayey shaqadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisaad dagaal oo taagan iyo beel aad uga carrootay dilkii YUUSUF INDHO…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaaya in ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Somaliya dhexdooda.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxay qaarkood ka caroodeen dilkii dooraad Deegaanka Tixsiile loogu geystay Yuusuf  Indhoole, oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Yuusuf Indhoole waxaa lagu eedeeyay in uu ka fallaagoobay Dowladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya sida la sheegay uu amar ku bixiyay in la dilo Yuusuf Cali Indhoole.

Ciidamadda Dowladda ee ka soo jeeda Beesha Warsangeli ee Abgaal, ayaa ka carooday tallaabada lagu dilay Yuusuf Indhoole, waxayna xaalad kacsanaan leh ay ka wadaan inta u dhaxeyso Tixsiile iyo Warmaxan.

Wariye ku sugan Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaaya in dadka ku dhaqan Tixsiile iyo Warmaxan, ay markale ka baqdin qabaan in ay ku dul dagaalamaan Ciidanka Dowladda.

Warar madax banaan, ayaa sheegaaya in Odayaal Dhaqameedyo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, ay ku baxeen sidii loo qaboojin lahaa xaalada cakiran ee ka taagan Deegaanadaasi.

Madaxda Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada midna kama hadlin tallaabadii lagu dilay Yuusuf Indhoole, marka laga reebo Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Ibraahim Shaamow, oo xaqiijiyay shalay geerida Yuusuf Indhoole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: DF: Puntland iyo Somaliland lagama baari karo shidaal aynan ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadli lahaa shidaalka oo lagu wadey in horaanta bishaan uu ka dhaco London ayaa dowladda Soomaaliya ay ka baaqatay, sidoo kale guddiga batroolka iyo macdanta ee baarlamaanka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka batroolka iyo macdanta ee dowladda federalka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa waxay dhacayaan iyadoo la sheegayo in meelo badan oo Soomaliya ka mid ah ay shirkado bilaabeen in ay baaritaano hor dhac ah ka sameeyaan.

Wariyaha BBC ee Nairobi Yusuf Xasan ayaa waxa uu ka waraystay Daa’uud Maxamed Cumar oo ah Wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya arimahan.

Shirkadaha doonaya inay shidaal ka qodaan maamulada qaarkood sida Puntland iyo Somaliland, ayuu ku hadlay, Wuxuuna sheegay inaysan dhici karin in shidaal ay shirakadi kasoo saarto Soomaaliya taasi oo aan soo marin dawladda Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Maxaa shacabka MUQDISHO ka hadal siiyay oo magaalja iska badalay

0

Shacabka Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeeyay ka hadlay arimo badan oo taagan kuwaas oo caqabad ku ah Horumarka Magaalada Muqdisho iyo Sababaha keenay in ay dib u dhac ku timaado Horumarka Magaalada ka socday.

Waxa ay shacabka dhaliileen maamulka gobolka Banaadir oo ay ku dhaliileen inuusan waxba ka qaban horumarka magaalada caasimadda ah.

Waxa ay si gaar ah u sheegeen in nadaafadda gobolka uu ka gaabiyey maamulka cusub, taasi oo ay sheegeen in jidadka ay noqdeen kuwa wasaq ah.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Dhageyso: HAWIYE oo go’aan adag ka qaadatay DF “Yeeli mayno dowlad dul saaran beesha Hawiye oo kaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Hawiye ayaa kullan xasaasi ah oo runta loogu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Ujeedada kullanka ayaa Hawiye waxa ay ku sheegeen sidii looga tashan lahaa aayaha beesha iyo iska qabashada cadaalad darrada dowladda federaalka ay ku hayso dadka iyo deegaanka Hawiye.

Beesha Hawiye waxa ay sheegtay inay dowladda Soomaaliya kusoo dhoweysay deeganadeeda oo ay ku jirto caasimada Soomaaliya, ayna siisay taageero aysan ka helin beelaha kale ee Soomaalida, laakiin loogu abaal gudaya oo kaliya dhib.

Beesha Hawiye waxa ay caddeysay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya aqbali doonin in dowladda federaalka ay noqoto dowlad ku tiirsan oo kaliya dhaqaalaha deegaanada iyo canshuur laga qaado Hawiye.

“Dhaqaalaha kasoo xarooda Muqdisho sida canshuurta iyo dekedda iyo garoonka diyaaradaha kaliya kuma filna dowladda, waa in gobol kasta iyo magaalo kasta dowladda ay dhaqaale ka qaadataa, oo aysan noqon oo kaliya dowlad Hawiye ku tiirsan” ayay tiri beesha.

Waxa ay dowladda Soomaaliya u caddeysay in haddii aysan u caddaalad falin karin Soomaalida oo dhan in Hawiye uu la xisaabtami doono dowladda.

“Waxaan dooneynaa in dhaqaalaha Muqdisho loo madax baneeyo maamulka gobolka, waan ogolnahay xaqa dowladda, ayadana xaqeenna waa inay na siisaa, haddii kale waan iska dhicineynaa” ayey tiri beesha Hawiye.

Go’aanka cad ee Hawiye ayaa ah mid muddo dadka Hawiye ay dhowrayeen, una adkeysan waayeen dowlad u jirta oo kaliya Hawiye iyo deegaankiisa, oo haddana horumarkii Muqdisho caqabad ku ah.

Xubanah Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban dhammaan beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee waxay gebigood joogaan Muqdisho, ayaga oo aan xittaa tagi karin deegaanada ay sheegtaan, waxaana lagu biilaa dhaqaalaha deegaanada Hawiye.

Waxaa intaas ka darran in xubnaha Hawiye ee dowladda ee uu Xasan Sheekh ugu horeeyo aysan dareemi karin siyaasadda xun ee socota, marnaba aysan u fikirin sidii dadkooda iyo deegaankooda ula mid noqon lahaa qeybaha kale ee Soomaaliya.

Hawiye waxa uu iminka doonayaa in Muqdisho ay noqoto magaalo ay dadkeeda u madax banaan yihiin, diyaarna u ah inay xaqii ay ku lahayd dowladda federaalka iska bixiso.

Go’aannada Hawiye ayaa la filayaa in taageero weyn ay ka helaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ee daafaha dunida.

Halkan ka dhageyso go’aanka Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

IGAD oo ka hadashay muranka ka dhex oogan dowladaha Somalia iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inaysan weli Dowladaha Kenya iyo Somalia u soo gudbinin murankooda ku aadan Aayaha Qaxootiga Soomaalida ee weli ku nool Xeryaha Qaxootiga ee W/bari Kenya.

Mas’uulka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeys ka soo baxa dalka Kenya, wuxuuna tilmaamay inuu la socdo Heshiiskii saddex geesoodka ee dhex maray Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), wuxuuna intaasi ku daray inaysan IGAD wax wada xaajood ka gelin xalinta muranka ka dhashay Heshiiskaasi.

Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub waxa uu sheegay haddii ay Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda u ah Kenya, Ambassador Amina Mohamed oo xubin ka ah Golaha Fulinta ee IGAD go’aansato inay murankaasi u soo gudbiso IGAD inay taageero ka geysan doonaan xal-u-raadinta muranka Dowladaha Somalia iyo Kenya soo kala dhex galay.

Mar wax laga weydiiyey xilliga Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab la xiri doono waxa uu xusay inay Dowladdaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR horey go’aan uga gaareen xilliga la soo xirayo Xerooyinkaasi.

“Waxaan u malaynayaa inaysan hawl sahal ahaynin albaabadda la isugu dhufto Xeradaaai oo marti-gelisay 600,000 oo Qaxooti ah” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxabuub Macallim oo isagu shaqaale Dowladeed ka ahaa dalka Kenya Xilligii Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Ajaaniib sanado badan Soomaliya lagu heystay oo lasii daayay kadib markii…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya miyaga gobolka Mudug ayaa sheegaya in lasii daayay seddex ruux oo lagu heystay afduub ahaan miyiga gobolkaasi.

Seddexda ruux ee lasii daayay ayaa la sheegay in la afduubtay 11 July sanadkii 2012, iyadoo lagu heystay duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana afduub ahaan u heystay kooxo burcad badeeda Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in seddexdaasi ruux laga afduubtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxayna la shaqeynayay hayad samafal, waxaana la sheegayaa inay jirto dhaqaale madax furasho ah oo laga qaatay.

Ma jiro war kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay kaga hadlayaan wararka shegaya sii deynta seddexdaasi ruux, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay dowlada Kenya.

Labo kamid ah seddexdaasi ruux ayaa la sheegayaa inay yihiin Kenyan Asal ah, laakiin midka seddexaad ayaa la sheegay inuu heysto dhaqalo Kenyan ah laakiin uu kasoo jeedo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Mudug

[email protected]

Muranka Xasan & Cabdi Weli oo abuuri kara mashaqo qaran (Cabsi jirta)

Cakirnaan Siyaasadeed, Calawsanaan Maamul, Ficiltan Shaqsiyaadeed, Gocasho raad-raacyo qallafsan leh iyo Ifafaalo aan rajo lahayn ayaa laga dareemayaa Jawiga guud ee dalka Somalia.

Xafiisyadda Madaxweynaha, Ra’isul-wasaaraha iyo kuwa Ergooyinka Caalamiga ee u xil-saaran Arrimaha Somalia intaba waxaa maalmahan ka soo baxay hadallo mutaxan oo sii ololin kara khilaafka siyaasadeed ee la hadal-hayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed ka dhexeeyo.

Maalmo qaloocan ayaana laga dhex arki karaa Masraxa Siyaasadda iyo Maamulka Qaranka, waana khilaaf meerto lama dhaafan u noqotay hadba Madaxda Qaranka ee la soo doorto.

Khilaafkii Madaxweynihii geeriyooday, Allaha U Naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaarayaashii la soo shaqeeyey ee Prof. Geeddi iyo Kornel Nuur Cadde ayaa la dhihi karaa waxay dhidibadda u aaseen Taalladda Muranka ee Madaxda Qaranka.

Wareegga Muranka ee Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha ayaa waxaa lagu sifeyn karaa inuu salka ku hayo ficiltan, rabitaan shaqsiyadeed, mid kooxeed ama wax ka badan iyo Hamiga Tartanka Awoodaha, Ra’yiga dhinacyadda Isku-shaandheynta iyo magacaabista Xilalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegayo inuu muranka sii laba lixaadsanayo tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Ergooyinka Gaarka ee QM, EU iyo Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia soo saareen Warka Wadajirka oo ay ku soo bandhigeen arrimo badan oo ay ku jiraan qoddobo xasaasiyad lahaa, taasi oo Labada Mas’uul ku sii kala fogaadeen.

Guuxa Siyaasadda ayaana laga dareemi karaa inuu saamayn ku yeeshay dadka rayidka, oo iyagu maxfal kasta ku hadal-haya Murankaasi iyo khatarta ka dhalan kartaa Loolankaasi oo naafayn kara dadaalka Dowladda iyo Hawlihii loo idmaday.
Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari oo isaga xiriir fiican oo wada-shaqeyn la leh Labada Mas’uul, ayaa waxa uu haatan maarayn la’ yahay sidii xal loogu heli lahaa Mashaqadda Siyaasadda ee Taagan.

Xusul-duub kasta oo Siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu dhameeyo muranka Madaxda Qaranka ayaa la hadal-hayaa inaan xilligan lagu guuleysan Karin, waayo waxaa muuqata inay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha aragti ahaan ku sii kala tagsan yihiin, iyo iyagoo dhufeysyo Isbahaysi samaysanayaan.

Waxaana macquul ah inay labada dhinaca taageero ka kala helayaan sokeeye iyo shisheeye, mana kala cadda ilaa iyo haatan dhaqdhaqaaqyadda hoose iyo dadka daaha gadaashiisa wax ka hagayo.

Markaynu isku soo duubno, Beesha Caalamka go’aan ayey ka qaadan doonaan haddii ay xasaraddan sii ololayso, waxayna faragelin ka imaan kartaa Dowladaha deriska oo iyagu horey Dowladihii KMG u ahaa Marjaca ay ka go’aan qaataan.

Filo ama ha filanin, Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh waxay isku haystaan waa danno shaqsiyadeed, oo hadday danno qaran isku hayaan waxaa hubanti ah inuu midkooda samri lahaa ama u tanaasuli lahaa Danta Qaranka.

Laakiin, Ficiltankooda waxay u muuqdaan inay ka halbeeg qaadanayaan Masraxii Muranka ee Madaxdii kaga horreysay xilalka ay haatan isku maan-diidsan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan oo ballanqaad aan laga fileyn u sameeyey xildhibaanno uu la shiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa go’aan ay adag tahay in laga rumeysto u sheegay xildhibaanno uu shalay kula shiray Villa Somalia.
Xubnaha uu Xasan la shiray ayaa ahaa Guddi ka socday Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ka soo horjeeda Siyaasada Dowladdiisa.

Madaxweynaha oo Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xildhibaanadaan, ayaa waxay ka wada hadleen arrinta ku aadan soo jeedintii Xildhibaanada ee ahayd, in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Xildhibaanada wuxuu u sheegay in uu joojin doono fara-gelinta markasta lagu eedeeyo, in uu ku haayo Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada in ay iyana ka laabtaan rabitaankooda ku aadan, in uu is casilo Hogaankii Wadanka, isla-markaana ay si habsami leh u wada shaqeeyaan Xukuumada iyo Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan rumeysneyn ballanqaadka madaxweynaha ayna u arkaan kaliya mid uu cadaadiska isaga yareynayo kaliya.

Guddiga Xildhibaanadaan, ayaa waxay sheegeen inaanay iyagu oo kaliya go’aan gaari karin, isla-markaana ay dib ugula laaban doonaan Xildhibaanada kale, si ay go’aan mideysan kaga qaataan soo jeedinta Madaxweynaha.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online inaysan Xildhibaanada Baarlamaanka ku qanacsanayn soo jeedinta Madaxweynaha, ee ah in Dowladdiisa laga daayo culeyska lagu haayo, iyagoo Xildhibaanada ku adkeysanaaya in uu is casilo Madaxweynaha, haddii kalana ay mooshin ka soo gudbin doonaan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo horey u kala jebisay Xildhibaanadii ka soo horjeeday Siyaadada Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa markale soo ifbaxeyso in ay dib iska abaabulayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanno ka tirsan BF oo muujiyey hadal geesinimo leh kaddib markii..

Dal madax banan oo Qaran ah oo leh Barlamaan Madaxwayne iyo Calan u gaara in beesha caalamku ay siday doonto u Mamusho ma saxbaa? mise waa inay beesha caalamku ku qadariso kuna ictiraanto arrimaha hoose dadka dalkaas iska leh Soomaaliya hadii in yar oo khilaafa soo kala dhex galo hay,yadaha dawligaa waxaa Markiiba saxaafadda la hadla beesha caalamka Soomaaliya ma beesha caalamka ayaa iska leh mise Soomaali ayaa iska leh hadal ka soo yeeray qayb kamida Golaha shacbiga Soomaaliya wuxuu ahaa mid geesinimo ah.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya waxaa magac soomaaliya ku hadlaa Beesha Caalamka taas oo noqotay inaan Soomaaliya danteeda katashan karayn iyo in wakiil laga noqdo Jamuuriyadii Soomaaliya taas oo niyaad jab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.

Aduunka Soomaaliya oo kaliya Dawlad kama bur-burin ee waxaa dhibkaan oo kale uu soo maray Dawladdo badan laakiin magac qaranimo iyo danta hoose ee lama tabtaankaa lama faro gashaan waa dawlada bur-buray ee caalamka ka jiray laakiin Soomaaliya waxay gaartay heer xitaa in beesha Caalamku shir u qabato mooyee aan Soomaalidu shiri karayn taas oo beesha caalamu Soomaaliya ku sifayso dad aan talo isku imaan karayn inay yihiin Soomaalidu xitaa hadii aan ka baxnay ku meel gaarkii beesha caalamku wili ma wakiil ayey naga tahay?.

Soomaalidu waxay .gaartay heer dhammaan hay,yadaha dawligaa ay Mushaarka ka sugaan beesha caalamka iyo Qaramada midoobay taas oo keentay bahdil ku wajahan inaan mas,uuliyiinta Soomaaliyeed aysaan ka hadli karayn wixii xun ee beesha caalmku ku tilmaanto Soomaaliya ayada oo laga baqaayo in laga jaro deeqda la siiyo hay,yadda Dawligaa ee Soomaaliya.

27 May ama maajo 2014 “Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay ad ugu dheeradeen in loo baahan yahay in Hay,ayadda fedearalka ee Soomaaliya ay sameyeen horu socod ayna soo dhawaynayaan isbadalka uu Madaxwaynuhuu ku dhawaaqay taas oo micnaheedu yahay waa in xukumadda isku shaandhayn laku sameeyo ama is badaal lagu sameyo xukumadda.

Waxaa arrintaan ka hadlay Xildhibaano Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay Soomaaliya inay tahay qaran Madax banaan wixii talo fiican iyo caawina ay ku amanayaan beesha caalamka laakiin arrimaha gudaha Soomaaliya aan beesha caalamku fara gashaan wixii khilaafaada oo hoosana ay Soomaalida u taal wixii aan uga maarmi wayno beesha caalamka waa in Soomalidu u gudbisaa laakiin wax walba hadii beesha caalamku faraha la gasho taas micnaheedu waa inan qaran Soomaaliyeed jirin.

Hadalkaas ka soo yeeray qayb kamida Golaha Barlamaanka ee Dawladda Federalkaa ee Soomaaliya waa hadal ku haboonaa halkii loogu talo galay ka ra,yi ahaan aniga waayo mas,uuliyinta Soomaaliya waxay aminsan yihiin inaan beesha caalamka la dhihi karayn war waxaas waanagu khaldan yihiin ee beesha caalamku ha naga dayso taas oo micnaheedu yahay in wixii ladoono Soomaaliya lagu sifeeyo ama lagu tilmaamo.

Ugu dabayntii Soomaalidu waxay ku mahmahdaa (waa baahanahay baqtiga Looma cuno) oo an ula jeedo beesha caalamka wixii ay ku saxan tahay ama ay nagu caawinayso waan uga mahad celinayna laakiin wixii ay nooga khal dan yihiin waa in looga hadlaa sida ku haboon waana ku mahad san yihiin Xildhibaanadda ka hadlay fara galinta hoose ee beesha caalamku ku hayso hay,addaha Dawligaa ee Soomaaliya.

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamud
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sheekh caan ahaa oo lagu dilay Garisa

Gaarisa (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxay sheegayaan in xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Sheekh C/rashiid Xasan.

Sheekha waxa uu ka mid ahaa Culima’udiinka sida weyn leh looga garanaayo Magaalada Garissa, iyadoo uu Siirada Rasuulka (NNKH) uu ka akhrin jiray Masaajidka weyn ee Jameeca (Masjid Jaamac).

Sheekh C/rashiid Xasan, ayaa waxaa la dilay xilli uu Salaaddii Maqribka ahayd ku soo tukaday Masaajidkaasi, isla-markaana uu u socday in uu soo xiro goob ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada, laakiin ay wadada u gashay dabley hubeysan.

Ragga dilay Sheekha, ayaa waxay wateen gaari taksi ahaa, kaasoo ay ugu suurta gashay in ay ku baxsadaan, kadib dilka Wadaadka sida weyn leh looga garanaayay Garissa.

Gudoomiyaha Magaalada Garissa Nadiif Jaamac, ayaa si xoogan u cambaareeyay falka foosha xun leh ee lagu dilay Sheekh C/rashiid Xasan, iyadoo dhanka kalana uu sheegay inay soconayaan baaritaano ka dhan ah kuwii dilka geystay.

Laamaha ammaanka ee Magaalada Garissa, ayaa waxay dadaal ugu jiraan gaarigii taksi ahaa, bal si ay u helaan taarikadiisii, si ay gacanta ugu soo dhigaan dambiile-yaasha.

Hal habeen ka hor, ayay ahayd markii qarax bambo gacmeyd loo adeegsaday lagu weeraray Garaash gaadiidka lagu sameeyo, oo ku yaal Magaalada Garissa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Soomaali wadatay baasabooro bug ah oo lagu qabtay dal aan laga fileynin

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jesiiradda Comoros, Said Hasasan El-anrif ayaa shaaca ka qaaday inay Ciiddanka Boliska gacanta ku dhigeen saddex nin oo asalkoodu Somali yahay, xilli ay ka soo degayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee caasimadda Jesiiradda ee Moroni.

Raggaasi oo la sheegay inay wateen Baasabooro Kenyaati oo la been abuuray, ayaa la sheegay inay ku doodeen inay xubno ka yihiin Kooxda K/cagta ee Harambee Stars ee Kenya, oo haatan Jesiiradda Comoros kaga qeyb galayo Tartanka Koobka K/cagta ee Afrika.

Ciiddanka Ammaanka ee Jesiiradda Comoros ayaa adkeeyey ammaanka Hotelka ay deggan yihiin Kooxda K/cagta ee Harambee Stars.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jesiiradda Comoros, Said Hasasan El-anrif ayaa tilmaamay in saddexda nin ee Soomaalida haatan la xiray, laguna hayo baaritaanno.

Dhinaca kale, Madaxa Fulinta ee Xiriirka K/cagta ee Kenya (FKF), Michael Esakwa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la adkeeyo ammaankooda.

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan ku baraarugsanayn shilkaasi, inkastoo loo sheegay in ammaankooda wanaagsan yahay.

Michael Esakwa waxa uu sheegay inay ku wada faraxsan yihiin ilaaladda lagu wada badbaadinayo isaga iyo Kooxdiisa.

Xigasho: The Standard Media.

Muungaab oo u dhoofay Turkey-ga

Muqdisho(Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii ugu horeysay aaday safar dhanka dibada ah, waxii ka dambeeyay markii 27-kii Febraayo 2014 loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudoomiye Muungaab aya la sheegay in safarkiisa uu ku wajahan yahay magaalada Istanbul ee dalka Turiga, halkaasi oo la sheegay inuu u aaday horumarinta mashaariicda dowlada Turkiga ay ka wado magaalada Muqdisho.

Axmed Cismaan Showqi, afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in safarka gudoomiye Muungaab ay ku wehliyaan Ingineero Soomaaliya kuwaasi oo la doonayo inay wax badan kasoo faa’idaan safarka Dalka Turkiga.

Afhayeenka ayaa sheegay in gudoomiyaha uu dalkaasi kula soo kulmi doono masuuliyiin kala duwan oo dalkaasi ku sugan, iyadoo qorshaha ugu weyn ay tahay horumarinta magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Muungaab ayaa noqonaya markiisii ugu horeysay uu safar ku tago dalka Turkiga waxii ka dambeeyay markii xilkaan uu kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhaawacyo culus oo ka dhashay dab ka kacay Kaalin Shidaal + SAWIRRO

Sool(Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka inka badan 35 ruux ayaa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Lama oga waxyabaha sababay in dabka uu ka kaco kaalinta shidaal ee ku taala Laascaanood, laakiin Dr Axmed Cadaani oo kamid ah dhaqaatiirta magaalada ayaa sheegay in seddex ruux ay aad u daran yihiin, kuwaasi oo kamid ah dadkii dabka waxyeelada kasoo gaartay.

Cabdi Cali Xersi, oo sheegay inuu la dhashay milkiilaha kaalinta shidaal ayaa saxaafada u sheegay in dabka loo maleynayo inuu ka dhashay fuusti shidaal uu ku jiray oo qaraxday.

Wararka aan ka helayno Laascaanood ayaa sheegaya in dabka uu sababay in goobo kale oo ganacsi goobta ku basbeelaan, iyadoo markii dambe dadka deegaanka ay sameyeen gurmad balaaran.

Hoos ka daawo sawirada.

1 2 3 4

Caasimada Online

Xafiiska Gobolka Sool

[email protected]

Video: Cayaaryahan dunida caan ka ah oo tajwiidka qur’aanka looga yaabay

London (Caasimada Online) – Shaki kama taagna in qof kasta oo daawada kubadda cagta uu garanayo xiddiga kooxda Arsenal iyo dalka France Abu Diaby. Hase yeeshee dad badan ayaan ogeyn in Abu Diaby uu muslim yahay, haddana cod aad u macaan uu lee yahay marka uu qur’aanka kariimka ah aqrinayo.

Diaby ayaa dhowaan qur’aan ka aqriyey masjid ku yaalla bariga magaalada London, waxaana dad badan soo jiitay codkiisa aadka u macaan ee nala daawada.

Video: Mid ka mid ah suuqyadii caanka ahaa ee Muqdisho oo dib loo furay

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howl gelinta iyo dib u dhiska goobihii ganacsi iyo adeegyadii maxaliga ahaa ee muddo 23 sano ka hor u dambeysay balse haatan waxaad arkeysaa in dib loo howl gelinayo goobahaasi.

Hadaba Suuqa Ceel-Garweyne oo ka mid ahaan jiray suuqyadii caanka ahaa magaalada Muqdisho, ayaa waxaa dib loo furay shalay, ayada oo uu furay duqa magaalada Muqdisho Muungaab.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Qarax kale oo ka dhacay Hargeysa

Qarax kale ayaa fiidnamdii hore ee caawa mar kale ka dhacay xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa. Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay wasaaradda caddaaladda ee Somaliland horteeda, waxaana Wasaaraddu ku dhawdahay Madaxtooyada.

Qaraxn waxaa ku dhaawacmey hal qof oo goobta ka dhawaa, ninka ku dhaawacmey ayaa la sheegayaa in uu kamid ahaa laanta xeer ilaalinta Somaliland.

Ciidamo badan ayaa goobta soo buuxdhaafiyey waxaana la xirey dhamaan jidadka waaweyn ee magaalada gaar ahaan kuwa ku dhaw Madaxtooyada Somaliland.

Qaraxan ayaa ah kii saddexaad oo muddo 7 maalmood ah gudaheed ka dhaca Haregsya, kuwii hore ma jirin cid wax ku noqotey, waxaana kii labaad ahaa mid dhawaaqiissa laga maqley meelo badan oo kamid ah Haregsya isaga oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Waran-Cadde oo qaraxyadii hore ka hadley ayaa si toos ah ugu eedeeyey in ay ku legleeyihiin garabka Kulmiye ee taageerayaasha Muuse Biixi Cabdi oo hadda khilaaf weyn uu ku dhexjiro isaga iyo Madaxweynaha Somaliland oo ahaa Xisbigii uu asaasey guushana ku gaarey.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku tilmaamey qaraxyadaas “Daasad Shaani ah nalaku cabsi gelin maayo oo gacan bir ah ayaan amaanka ku qabanaynaa”, sidaas waxa uu ku sheegey cajilad laga duubey Madaxweynaha 30.05.2014 kaas oo uu ku shaaciyey in uu yahay Musharax waana udub-dhexaadka khilaafka Kulmiye, cidda noqoneysa Musharaxa Kulmiye 2015.

Qaraxyadan ma jirto cid sheegatey in ay masuul ka yihiin lamana yaqaan ujeedada ka danbeysa, waxaana ay wel-wel ku abuureen shacabka Hargeysa oo garanaya qiimaha nabaddu leedahay. Dadka ka soo horjeeda siyaasadda Siilaanyo ayaa dhankooda ku eedaynaya in qaraxyadani yihiin kuwo madaxtooyada Somaliland ka danbeyso si xaalad abuur iyo mar-marsiinyo ay u sameystaan taas oo ay kuc aburinayaan shiddada siyaasadeed ee ku furan.

Isha: HM

Garabka Barre HIIRAALE oo taageeray qorshaha Amisom ee KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Barre Hiiraale oo weli sheegta madaxweynenimada Jubaland, ayaa soo dhoweeyey qorshaha Amisom ay ka damacsan tahay magaalada Kismaayo.

C/rashiid Macali gaas oo ah Afhayeenka Garabka Barre Aadan Shire Hiraale oo Wareysi siiyay Idacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan badalka lagu sameynaayo ciidanka Amisom ee jooga Kismaayo.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ay yihiin kuwa aan ku dhaqmin amarka AMISOM, laakin ay yihiin kuwa fuliya amarada maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, oo ayaga ay meesha keensadeen.

Ciidanka Jabuuti ayaa ee la sheegay in loo soo badali doono magaaladaas ayuu sheegay in ayihiin dad walaalo la ah Somalia kuna hadlaya Af-Somali islamarkaana ay ku raja weyn yihiin in ay wax uu ka qaban donaan xaalado uu amni daro ku tilmaamay oo kismaayo taagan.

Dhawaan ayaa war kasoo baxay Sarkaal kamida AMISOM waxa lagu sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo lagu badali doono Ciidamo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xasan Sh oo mahsruuc ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta dhagax-dhigay Xaruntii hore Maamulka Goboka Banaadir (Ufficio Governo), ayaa sheegay in dalka uu annaga naga sugayo dib u dhis.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha ku dhowaaqay mashruuca “dhiso dalkaaga”, oo qof kasta oo Soomaali ah uu qeyb ka yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Gaashaandhigga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayey mashruuc dib loogu dhisayo xarunta maanta Madaxweynahu uu dhagax-dhigay.

Mashruucaan dib loogu dhisayo Xaruntii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo loogu magac daray (Dalkaaga Dhiso) ayaa waxaa ku baxaya ku dhawaad 2-Milyan oo Dollar ah. Lacagta ku baxeysa oo qaarkeed la helay ayaa waxaa bixinaya shirkadaha gaar ah loo lee-yahay ee Soomaaliyeed, Shacabka Soomaaliyeed oo iskood u bixinaya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka. Maamulkaa Gobolka sheegay inuu furay Bank Account halkaasi oo ay dad Soomaaliyeed ku soo shubayaan lacagaha si xarunta loogu dhiso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa yiri. “Xaruntan Taariiqdeena ayey ka mid tahay, kuwa qaar waa naga baaba’een laakin kuwa daba qabadka leh oo dib loo habeyn karo waa inaan dayac tiranaa oo aan sidii hore ku soo celinaa. Macquul maaha in taariideenna baaba’do ,”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in aan waxqabsano. “Mashruucaan waa mid billow ah xaqiiduna waxay tahay. Dalkeenna anagu ayuu dhismo naga sugayaa, haddaan anagu wax-qabsano ayey Aduunyadu na kaalmeyn kartaa. Waan hubaa haddii dhismaha dhameystirmo in Dadkeenna Soomaaliyeed dhihi doonaan anaga ayaa qalabeneyna maadaama haddaba dhismahiisa ay qeybtoodu ka qaadanayaan”.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan Dal iyo Dibadba waxaan ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan oo ay garab istaagaan mashruucaan loogu magac daray (Dalkaaga Dhiso) wuxuu qeyb ka yahay fekerka ah inaan Dalkeenna dib u dhisano oo aan xoogeyna, xoolaheenna iyo aqoonteena ku bixino, waana feker macno leh”. Ayuu yiri Madaxweynahu.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey maamulka Gobolka Banaadir, Shirkadaha gaar loo leeyahay ee Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed iska kaashanaya dhismaha dib loogu habenayo Xaruntii Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]