27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Jihaadka ku dhisan aragtida qarsoon ee reer galbeedka (Sirta kaa qarsoon)

Laga soo billaabo markay burburtay xukuumadihii islaamka ahaa ee ilbaxnimada iyo horumarka iftiinka badan ku soo siyaadiyeen dunidan maanta aan joogno, isbadalka ku sameysay jaahilnimadii hore kuna baddaleen nabad, is dhex gal, iyo casri aan taariikhda dunida hore loo arkin. Dowladdahaasi islaamka ahaa ee kala dambeeyey waxay ahaayeen meelaha ugu horeeyey ee billaabay in qoraal wax lagu keydiyo, halka ayada ka hor boqolaal qarni lagu keydin jiray sawiro, ama muuqaalo siyaabo kala duwan loogu reebi jiray jiilba midka ka sii dambeeya si ay wax badan uga ogaadaan dhacdooyinkii dunida soomaray inta markaasi laga gaari karay.

Islaamku maado kasta oo dunida maanta loogu dhaqmo asagaa loogu nasab sheegtaa 90%, waana meesha kaliya ee maanta horumarka dunida laga keenay. Markaad barato buugga1001 sheey oo dunida islaamka ku soo kordhiyey waxaad dareemaysaa 99% waxa dunida casri yaala inuu gogol dhig u ahaa, sida lagu barto maantaba dunida  jaamacadu badan lagu dhigo. Laga soo billaabo geologically oo cilmiga dhulka, astronomy cilmiga cirka, chemical engineering barashadda kiimikaalada, iyo dhamaan science oo dhan, sameynta keydinta buuggaagta iyo ururinta cilmiga qoran ee aan sawirka ahayn, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ummadda iyo wixii dhamaan ummaddaha dunida aysan horay u arkay, ayaa laga dhaxlay dunida muslimka oo dhan. Waxaana hubaal ah inaanay dunida guudkeeda joogin cid sheegan karta dhamaan asaaska waxyaaba aan ka soo sheegaynay oo dhan.

Maadaamaaba dunida muslimka ay leedahay fekerka noocaas ah maxaa ka dhigay shucuubta dunida manta aan joogno ugu liidatay qaasatan halkii salka u ahayd ama xaruntii iftiinta islaamka ee dunida muslim, ee ah Makka iyo madiina, Dimishiq, Baqdaad illaa Turkey, Pakistaan illaa Bartamaha qaaradda Aaasiya.

Waxaan doonayaa inaan bal u faaqido maqaalkan si aan u soo koobo ugana dhigo waxay fahmi karaan ummaddeena aan aad ula socon waxa dhabta ah ee dunida yaala , ee aaminsan waxa laga soo bandhigo shaashadaha ay leeyihiin intooda badan dad islaam ah, ama macluumaadka dunida laga qaybiyo ayadoo ay ku dhisan tahay aragtida ka fog runta ee qiyaaliga iyo qiyaanada gun dhigeedu yahay, oo runteedu tahay wax ka badalan waxa laga soo bandhigayo.

Jamhuuriyadaha Carabta ee kala duwan

Carabtu waa asalka guriga diinta islaamka, waxayna u nasab sheegtaan ahlu cilimiga islaamiga ah, waana faraca iyo iftiinkii dunida ku soo baxay meesha ugu horaysay ee ay ka timid, waana meesha ugu xun ee maanta laga dumiyo dunida muslim-ka. Marka la leeyahay ee loo baahan yahay in aragtidaan  la diido, ama la ogolaado waxay u baahan tahay in marka hore wax badan laga daraaseeyo, waxa dunida muslimka halkaa dhigay. Waxayna u baahan tahay in maskax dagan oo cadiifad iyo kacdoon midna aan lahayn lagu eego, loona fahmo meesha khaladka ugu weyn ka soo galay, cidda ka dambeysay iyo sida ay u dhacday in dunida muslim-ka ay noqoto meel aan micna lahayn oo dhageysata dad iyo xukuumado aan islaam ahayn, looguna qasbay shuruucda la dajiyey 1945 ee ay dunida u dhigeen 4 waddan oo ku guuleysatay dagaalkii Hitler ay la galeen, iyo sida dunida muslim-ka u noqoto meelo ay ka taliyaan wakiilo la shaqeeya ummado aan islaam ahayn, sida reer galbeedka, dhaqaalahoodiina ay uga gaajaysan yihiin cidda xuquuqda u lahayd, una dhigteen dhamaan dhaqaalaha ay leeyihiin dowladdo kale, oo ay ku shaqeystaan kuna nooleeyaan dadkooda, halka kuwii muslimka ahaana ay u dhimanayaan haraad iyo gaajo, ama dhaqaalahii carabta loogu burburiyo dunida muslim-ka ayagoon war u ahayn, iyo sida dhamaan loo koontaroolo dhaqaalaha iyo nolosha ummadda islaamka ah oo dhan ayadoo laga fadhiistay xaruntii islaamka ee dunida muslimka u nasab sheeganaysay, iyo sida boqorrada carabtu u aamineen danahooda qaaska ah, una fogeeyeen horumar xumada ku dhacday dunida muslimka guud ahaan.

Inkastooy meelo kala duwan galayso, oo ay nala fogaanayso qoraalka, ayna suurta gal ahayn inaan meelkastaba la tagno ayna noqonayso qoraal socon doona muddo dheer ama ku dhawaanaya Buuggaag in laga qoro ayaan isleeyahay meesha ugu sahlan ka billow oo ah, sida dunida muslim-ka u aamintay jihaadka dunida loogu dhawaaqo shacaa’iraadka islaamka, laguna fuliyo danaha ay leeyihiin reer galbeedka, kaasoo sida uu u dhaco iyo sida loo abuuro, iyo cidda ku guulaysataba ay ugu dambeyn noqonayso dad iyo dowlado aan islaam ahayn, laakiin dhiigga iyo dheecaanka, qasaaraha, dhimasho iyo hanti,  aqoon iyo waxkastaba ay ku waayaan dunida muslim-ka. Waxaana ka dhasha barakaca ugu weyn qarniga 21-aad ee miilaadiga, taasoo cidkasta oo maanta adduunkaan ku nool ay in dhaha ku hayso.

Taasi waxaa ka sii daran sida foosha xun ee diinta islaamka looga dhigay mid ka shaqeysa xumaanta iyo fool xumada dunida ka taagan, ayna u rumeeyeen dad badan oo aan islaam ahayn inay tahay diin ku dhisan qarax iyo burbur, ayna aamineen inay waajib tahay in laga sifeeyo dunida dusheeda. Inkastoo cid ka sifayn kartaa aysan jirin oo arin illaahay gacantiisa iyo balanqaadkiisa ku jirto tahay, haddana meeshaas waxaa laga waayey ciddii ku haboonayd iyo caqligii islaamka la faray, iyo sida qiimaha badan ee loo badbaadinayo dhiigga islaamka dhexdiisa ah iyo midka gaalada aan dagaalka ku jirinba.

Waxay u baahan tahay islaamka sida uu u shaqeeyo iyo qaabka uu dunida ula tacaamaloodo in la barto dunida oo dhan waxayna u baahan tahay xikmad iyo aragti suuban oo dunida maanta aan ku nool nahay loo mariyo. Waxyaabaha cajiibka ah ee maanta dunida ka dhacay waxaa ka mid ah, in Diinta islaamka ay tahay midda ugu saamaynta badan ee loogu qaadashada badan yahay dunida, taasina ay keentay in dhamaan dadka aan islaamka ahayn u fahmeen in diintani tahay mid aad u faafaysa ayna mustaqbalka noqonayso diinta kaliya ee ka talin doonta deegaanadooda iyo inay badali doonto xukuumadaha reer galbeedka ama dhamaan caalamka aan islaamka ahayn oo dhan.

Arintaas khatarta u arkayeen  ayaa u sabab noqotay in dagaalo adag ay la galaan diinta islaamka, waxayna u sameeyeen jidad xoog badan oo ay kula dagaalamayaan islaamka galay dhulkooda ee ay qaadanayaan ilmahooda iyo dumarkoodaba, ayna ka dambeeyaan dad yar fara ku tiris ah oo ahlu xikma ah, wuxuuna keenay dagaalkaas in si guud ay uga qayb qaataan, siyaasadda, dhaqanka, aqoonyahanka, iyo dhamaan inta ay awoodi kareen, waxayna keentay inay iskaashi ka sameeyaan sidii arintaan looga hortagi lahaa.

Haddaba dagaalkii ayaa wuxuu noqday siyaabo kala duwan, wuxuuna noqday in marka ugu horaysa xukuumadaha dunida islaamka ka jiraa laga dhigo kuwa ayaga ka amar qaata oo nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku xiran reer galbeedka, waxay sameeyeen jaaliyado wax ku baratay dalalka reer galbeedka,kuwaasoo noqonayey mustabalka hogaanada caalamka islaamka, kaligood taliyaalna ah, ama Regime ahaa,oo fulinaya agendayaasha danaha gaarka ah, sida dhamaan Boqorada Caalamka islaamka oodhan yihiinba. Waxaana doonayaa inaan Tusaale idin siiyo bal habka ay ku dhacaan waxyaabaha lagu kala daadinayey dunida Muslim-ka.

Dowladdii Soomaaliyeed ee uu Hogaaminayey Allaha u Naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde ayaa waxay lahayd Fekerkii Middeynta Caalamka Islaamka oo dhan. Muddo yar ka dib waddamada Carabta oo Fulinaya qaddiyadda kala jabinta midnimada islaamka ayaa waxay sameeyeen una ololeeyeen kala qaybinta Islaamka, waxayna ku dhawaaqeenCaalam Al-carab oo micnaheedu yahay in dunida muslim-ka loo kala micna yeelay ayadoo midnimada Caalam islaam si dadban loo cirib tirayo, illaa ay iskeed isaga dhimato aragtidaasi, kadibna muslimka uusan u noqon mid mideysan, loona waayo ummad islaam ah oo iska war qabi karta ama isu gargaari karta ama aragti mideysanba qaadan karta, qaddiyadda Caalam al carab waa laga sii gudbay oo waxaa ugu dambeyntii la gaaray in Caalam Al carab la kala reebay oo loo kala saaray oo kuwii shidaalka lahaa intooda badan ay is ururiyeen, ayna la baxeey KHALIIJUL CARAB, taasoo micnaheedu ahaa in Ummadda loo kala qaado jilib jilib, loona diyaariyo in la dhex dhigo mushkilooyin.

Qaddiyadaasi sidaas ah ee carabtu ay la timid waxay ku dhisnayd mid lagu kala saarayo, ayadoo dhaqaalo xoog badan lagu kala iibsanayo aragtida oo waddankii ka midnoqdaa uu helayo dhaqaalo, wuxuuna noqday urur ku dhisan dhaqaale, oo aan lahayn qaddiyad u dhaxaysa xitaa danaha ummadda ay markaa matalayeen, waxaadna ka dareemaysaa  wixii ku dhacay dunida carabta logu yeeray dagaalkii 6-da maalmood ee dhex maray Carabta iyo yahuudii Fara ku tiriska markaa ahayd ee dowladaha carabta ay diideen inay aqoonsadaan. Dagaalkaas wuxuu soo bandhigay wajiga runta ah ee carabta maxaa yeelay mid ku dhisan mabda’ maahayn ee mid dhaqaale iyo nolol ku dhisan buu ahaa, taasoo khilaafsan wuxuu NABIGEENA MUXAMED NNKH uu na faray ee ahayd islaamka wuxuu jabayaa markuu ADDUUN JECLAADO, DHIMASHADUNA KARAHSADO, waxayna keentay in Yahuudii berrigaas ay qabsatay dhulal badan oo dunida carabta ka mid ah, markii dambana ay ku kala jabeen caalam  carabta qiyaaliga lagu dhisay.

Muddooyinkii ka dambeeyey dunida kale ee islaamka ee aan carabta ka mid noqon, waxay keentay inay hormaraan oo ay noqdaan dalal wax soosaar iyo warshado yeeshay oo gaaray illaa heer aad u sareeya, sida Turkey, Pakistan, Iiraan, Malaysia, Induneesiya, iyo dalal kale oo Muslim ah. Waxayna keentay in Dowladihii Raacday carab ay ku dambeeyaanBurbur iyo Halaag aan laga kabsan Karin sida tan ku dhacday Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, falastiin, Suuriya oo maanta la joogo, iyo intii ay saameynta ku yeesheen oo ay ka mid tahay Afgaanistaan, chechniya, Muslimiinta China iyo dhamaan islaam kaleba.

Markii kala qaybintu ayba meel soo joogtay, ayaa waxaa ay yiraadeen reer galbeedku in dunida Muslim-ka ee kala hartay ay jaaliyado lanoqdaan reer Galbeedka, qaarna ay la noqdaan soviet-ka si ay qolo kastaba gaashaan buur u helaan, waxayna keentay in gaashaan Buuraysigaasi uu haddana keeno agendaha ugu weyn ee loo sameeyey collaadaha u dhaxeeya dunida muslim-ka qaasatan Beriga dhex, oo ugu horayntii laga billaabayo in layska Horkeeno 1-ISKA HORKEENISTA SHIICADDA IYO SUNIGA, dagaal adagna laga dhexeysiiyo kaasoo ay gadaal ka maamulayaan Khaliijka iyo Reer Galbeedka, loona ekeysiinayo dagaal waajib ah oo DIINI ah oo ay tahay in la galo.

Qodobka 2-aad waa Suniga dhexdiisa in jaha wareer la galiyo, oo laysku diro Raggii ay meesha keensadeen ee wakiilada u ahaa reer Galbeedka, waxayna keentay  In LIIBIYA iyo MASAR Cadow laysaga dhigo, Suuriya iyo Ciraaq, Turkey iyo Syria, Sacuudiga iyo Yemen, Soomaaliya iyo Sacuudiga, oo midba midkiisa kale aysan dhex marin wax diblomaasiyad micna leh, illaa mid uun qaddiyadiisa la raaco, taasoo asalkeedu aysan ka imaanin Feker dunida muslim ah, carabtuna ay noqonayso Micraphone lagu Gudbiyo aragti rag kale soo Hindiseen oo qarsoon, isla Aragtidaasina laga dhigayo in uu leeyahay dal ka mid ah dunida muslimka, oo markaa Amaan iyo bogaadin loogu hibaynayo.

1970-1976 dowladda sacuudiga waxay abuuraysay In dalka soomaaliyeed ay khalalaaso galiso, waxayna ahayd in dowladdii soomaaliyeed ay meesha ka saarto midowgii soofiyeeti oo cilmaani ahaa, aragtidaasi oo laga dhigayey in soomaaliya ay noqotay meel diinta islaamka lagula dagaalamay, kadibna dhaqaale u balana qaaday, markay dowladdii soomaaliyeed ka madax adkaysatayna, waxay ku kicisay rag wadaado ah oo aan aad u aragti dheereyn kana yimid inta Badan saacuudiga, kuwaasoo buuq ku dhex furay bulshada dhexdeeda halkii si xigmadaysay loo abaari lahaa, umana diyaarsanayn inay la tacaamulaan dowladdii markaasi taagnayd ee soomaaliyeed oo hubaashii gefka diinta ka gashay, ayadoo Sacuudiga Xaramayn Alshariifayn ay Joogaan Ciidamo Gaalo ah oo aan Islaam ahayn oo Illaalinayey, Khayraadka Ummadda Ilsaamkahana qaadanayey, haddana ay abuurayeen Ideology lagu kicinayo Muslimiinta dunida ku dhaqan, si khalalaase ay ugu abuuraan, ayagoo markaasi ka dhigayo fekerkaasi mid DIINTA ISLAAMKA LOOGU NASTEEECEYNAYO.

Markay dowladdii maxamed siyaas saartay Ruushkana dowladdii soomaaliyeed ceelkii lala raadinayey waa ku dhacday, kadib sacuudiga waxba kama soo qaadin oo waa ka aamusay, marka laga reebo Hub Taariikhdiisu dhacday oo ay soo siiseen oo aan wax badana ahayn. Soomaliya kaliya kumay dhicin ee waxay ku dhacday Masar iyo Suudaan oo dhamaan uga digay Soomaaliya inaysan saaraan Soviet-kii, maadaama ay ayaga horay ugu qasaareen, maxaa yeelay gaashaan buur la’aani halasy bay markaasi u muuqanaysay.

Agendayaasha carabta ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa, sidii laysaga Horkeeni lahaa labadii quwadood ee islaamka u soo koraysay ee Ciraaq iyo Iiraanoo laba dowladood oo daris ah ahaa, nabadna ku noolaan jiray, loona dhex dhigay cadowtooyo xoogan oo aad u xanuun badan, ayna keentay in Ciraaq lala saftay dhaqaalo iyo Military ahaana ay caawinayeen labadii quwadood ee ugu xoogga badan lahaa dunida ee Reer bariga iyo Reer Galbeedka, laguna Go’dooniyey Dalka Iiraan. Go’doominta Iiraan waxa u sabab ahaa in Iiraaniyiintu ay meesha saareen Maraykanka, markuu qabsaday Ayatullaahi Khumeyni, kana dhigtay inay ka baxeen garabkoodii reer galbeed, meel kalena aysan ku xirmin, Waayo wax xiriir oo hore ah kala dhaxeyn reer Bariga, waxayna keentay inay meel cidla ah ku soo dhacdo dowladda Iiraan, ugu dambeyntiina dhinac looga soo wada jeestay, laakiin aan laga guuleysan, kuna adkaatay Dowladda Iiraan, dagaalkaas oo qaatay muddo 10 sano ah waxaana  ku dhintay ku dhawaad 1 Milyan oo ruux oo shacab iyo ciidanba lahaa, iyo dhaqaalo aad u xoog badan. Dagaalkaas waxaa loo adeegsaday hub ka mamnuuc ahaa in la adeegsado, lana mamnuucay wixii ka dambeeyey dagaalkii 1-aad ee dunida, haddana illaa iyo maanta aan UN-ka wax raali galin ah ama in yar oo Garawsha ah aan laga helin, laakiin wali ah dhibic madow oo dhex taala Xarunta United Nations-ka. 

Dagaalkii Afgaanistaan

Waxyaabaha laga xusi karo Jihaadka looga faa’iideysto dunida Islaamka waxaa ka mid ahaa Jihaadkii lala galay Soviet-kii qabsaday dalka Afgaanistaan 1979  iyo sidii loogu ogolaaday inay dhamaan Mujaahidiintii caalam islaam iyo kuwa ku nool reer Galbeedkuba ay kaga qayb qaateen xoraynta Afgaanistaan, waxaa dhiiri galintiisa iyo is diiwaan galintiisu ka billaabatay dhamaan dunida muslim-ka oo dhan, waxaana u gogosha dhigay Sacuudiga iyo dhamaan carabta, haddaad daarwato barnaamijyada laga sameeyey jihaadkii Afgaanistaan waxaad dareemeysaa sida Muslimiin looga faa’iideystay qaddiyadda ay aaminsan yihiin ee Islaamka in la xoreeyo iyo sida  gogol ugu ahayd fekerada qarsoon ee reer galbeedka iyo iskaashiga kuwa ay la leeyihiin ee uga wakiilka ah dunida islaamka.

Ciidamada ka dagaalamayey Afgaanistaan ee Mujaahidiinta ahaa waxaa Tababar iyo xoogga ay kula dagaalameen lahaa Reer galbeedka qaasatan Maraykanka, wuxuuna siinayey Tababarada sida loo sameeyo MIINOOYINKA, MID CIIDAN, HUBKA KALA DUWAN OO AY KA MID AHAAYEEN QORYAHA UGU CASRISAN EE DIYAARADA JOOGGA HOOSE KU SOCDA LAGU SOO RIDO, EE LA YIRAAHDO STINGERS, iyo CASH LACAGEED oo aan tiro lahayn,  oo dhamaan meesha markaas base-keedu ahaa dalka PAKISTAAN, taasoo ciddii doonaysa hadday ka raadiso ay ka heleyso Internet ka si free ah.

Waxaan xusuustaa mar aan daawanahay documentary la Yiraahdo, WAR IN AFGHANISTAN oo laga sameeyey silsiladdii dagaalkii qaboobaa EE COLD WAR-KA, aan ku dhex arkay madaxda ugu sar sare  oo dhex taagan MUJAAHIDIINTA DHEXDOODA OO KU DHAWAAQAYA, “” WAXAAD KU NOQON DOONTAA GURYAHIINA, WAXAADNA KU TUKAN DOONTAAN MASAAJIDYADIINA””,

Markaad aragto arintaas oo kale waxay kuula ekaanaysaa cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaa, laakiin marka fekerkaas uu shaqeynayaa waxay ku xiran tahay in lahelo nidaam islaami ah oo isku xiran hubkiisii iyo awoodiisii leh, oo dhaqaale ahaan iyo feker ahaanba u madax banaan oo markaasi iskaashi la sameyn kara dalal ama taxaaluf sameysan kara, laakiin waxay u ekeyd in dagaalkaasi uu yahay mid aan intaasiba lahayn ee fekerkiisa iyo agendahiisaba ay lahaayeen raga dunida ugu awooda badan ee isku haysta tala caalamka oo dhan, kuwaasoo fekerkooda iyo waxay doonayaanba ay tahay dunidan oo Hal dowlad ka talisa sida uu President Bush ka dhawaajiyey 1991, oo uu xitaa raaciyey in dagaalka Operation Desert Strom ee Ciraaq  1991 in uu ka mid yahay hirgalinta Haldowlad oo dunida ka arimisa iyo Burburinta darbigii BERLIIN EE DALKA JARMAL-KA, EE LAYSUGU KEENAYEY EAST AND WEST GERMANY.

Kacdoonkii islaamka ee dunida muslimka kacay wuxuu ahaa mid ku dhisan run oo shucuubka islaamka ay ku galeen si niyad ah, laakiin aan la helin cid dib u eegta sida ay noqon karaan mustaqbalka mana helin dowlad hagta shucuubtaas dagaalka gashay ee doonaysay in islaamka laga dulqaado Gaalada ku soo duushay ee dul dagan.Ayadoo sacuudiga Jihaad u iclaaminayo dunida muslim-ka si loo xoreeyo afgaanistaan, ayaa Haddana sidaas ay tahay SACUUDIGA WAXAA DUL DAGANAAN CIIDAMO AAN ISLAAM AHAYN, mana lays weydiin waxa ay ku kala duwan yihiin kuwii joogay SACUUDIGA IYO KUWA JOOGAY AFGAANISTAAN, waana meelaha aan  wali su’aalo layska weydiinin, Maxaa yeelay laga soo billaabo 1978 illaa maanta  gabdhaha  khaliijiyiinta waxaa dul jooga ciidamo Galbeed ah.  Waxaan xusuusbtaa hadalkii QADAAFI UU KA JEEDIYEY SHIRKII DOOXA EE DALKA QADAR, EE UU la hadlayeye Boqor Abdallaha Sacuudiga uu KU YIRI “”” SACUUDIGA WAXAA ABUURAY INGIRIIS, WAXAANA DIFAACAYA MARAYKAN””,.

Kalimadaasi qadaafi beentiis maahayn, siyaasad ayuuna ka watay, laakiin waa dhab taasi, waxaana sacuudiga sameeyey boqorooyadii ingiriiska markay Carabta duminaysay boqortooyadii ugu dambeysay caalam islaam ee OTTOMAN EMPIRE, taasoo carabta markii dambe ay ka dhaxleen gumeysi iyo kala qaybin xoog badan oo ku dhacday, qasaarahii ka dhashayna ay ahayd, in reer galbeedku burburiyaan wuxuu islaamka soo dhisayey qarniyo badan, illaa laga waayo dunida muslimka wax isku xira.

La soco qeybta labaad oo ka hadleysa arrimo ay ka mid yihiin:-

ALQAACIDDA MAXAY TAHAY, HALKAYSE KA TIMID.

Dagaalkii Afgaanistaan kadib, waa side jihaadkii?

Dhaqaalaha iyo fekerka halkuu ka soo gala, raga dagaalamaya?

MAXAAN U BAAHANAHAY SI AAN U HELNO NABAD, BARWAAQO, IYO DAGANAAN?

ILLAAHAY AYAA MAHAD OO DHAN U SUGNAATAY,  I GAARSIIYEY WAXAAN AWOODI KARO INAAN SOO BANDHIGO.

W/Q: Ibrahim Abdi Geele 

[email protected]

Xildhibaanada Kudladda M5PC iyo Kay oo hurinaya Olol-siyaasadeed kale

Bishii May 27-dii ee sannadkan, waxaa war qoraal si wadajir u soo saaray Ergadda Khaaska ee QM, Midowga Yurub iyo Urur-gobaleedka IGAD wakiilka uga ah Arrimaha dalka Somalia, kuwaasi oo ka hadlay Xiisadda Siyaasadda ee haatan ka dhex shidan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Warka Wadajirka ee Ergadda Caalamiga ayaa waxa uu xambaarsanaa Farriin Cad oo Labada Mas’uul loogu baaqay inay si hoose u xaliyaan Khilaafkooda iyo in la dhowro Qoddobadda uu Mas’uul kasta u jideynayo Dastuurka Qabyadda Somalia.

Ergooyinka Caalamiga ayaa waxay Qoraalkooda ku xuseen xiisadaha siyaasadeed ee sii socda inaysan ku jirin danaha dadka iyo dalka Somalia, waxayna ka digeen inuusan Khilaafka noqonin sidii Khilaafyaddii Hoggaamiye-kooxeedyaddii hore oo kale, oo iyagu naafeeyey Dowladihii ka dhismay Somalia wixii ka horreeyey sannadkii 2000.

Ergadda Caalamiga waxay kaloo ka hadleen Horumarinta Nidaamka Federalka, Dib-u-eegista Dastuurka Qabyadda iyo diyaar-garowga doorashadda Madaxtinimadad ee sannadka 2016-ka.

Qoraalka Ergadda waxa lagu muujiyey in loo baahan yahay inay Hay’addaha Federalka si wadajir oo mas’uuliyad leh u wada shaqeeyaan , waxayna soo dhaweeyeen hadalkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Isbedelka dhinaca Hay’addaha Ammaanka.

Ergadda Caalamiga waxay ugu baaqeen Hay’adda Fulinta ama Xukuumadda uu Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed hoggaamiyo inay tallaabo muhiim u qaadaan dhinacyadda Midnimadda Qaranka, xaqiijinta Ammaanka , dardar-gelinta Federalismka, dib-u-eegista Dastuurka iyo Doorashooyinka.

Ergadda Caalamiga waxay kaloo qoraalkooda ku muujiyeen inay diyaar u yihiin taageeradda tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo dhismaha Nabadda iyoDowladnimadda iyo in lala xisaabtamo qof kasta oo caqabad ku noqda horumarka socda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Farriinta Furan ee ay Diplomaasiyiintaasi soo qoreen inay ka turjumayso Aragtida Guud ee Ururradda ay Wakiilladda ka yihiin, waana farriin la dhihi karo waxaa laga soo saaray Xafiisyadda Madaxda Sare ee QM, EU-da iyo IGAD.

Marka la eego nuxurka Qoraalka Wadajirka ee Ergaddaasi, waxaa hubaal ah in laga dareemi karo qoddobo muhiim ah, inkastoo ay ku jiraan arrimo xasaasi abuuri kara, loona arki karo Qoraalkaasi mid calawsanaan siyaasadeed keeni kara.

In ka badan boqol Xildhibaan ayaa bareerahooda ka dhiibtay Qoraalka Wadajirka ee ay qalinka ku soo duugeen Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay, Ergayga Gaarka ee Midowga Yurub (EU)-da ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia, Michele Crevone D’Urso iyo Ergayga Gaarka ee IGAD ee Arrimaha Somalia, Mohamed Salah Anadif.

Xildhibaanadda oo la magac baxay Kudladda Dhaqdhaqaaqa May 5 (M5PC) waxay gebbi ahaan dhaliileen Qoraalka Ergadda Caalamka, kuna tilmaameen mid oof-wareen ku ah Jiritaanka Dowladnimadda iyo Dastuurka Qabyadda ee Somalia.

Xildhibaanadda oo ay ku jiraan Mudanayaal miisaan siyaasadeed leh ayaa rumeysan inay Ergadda Calaamiga faragelinayaan arrimah Dowladda, isla markaana ay bilaabeen inay Dowladda kula dhaqmaan qaabkii ay Beesha Caalamka kula dhaqmi jireen Dowladihii KMG ee talada dalka isaga kala dambeeyey muddaii u dhexeysay 2000 ilaa 2013-kii.

Xildhibaanadda waxay soo hadal-qaadeen in Qoraalka Ergadda Caalamiga ka soo horjeedo Xorriyadda Somalia iyo hab-dhaqanka Maxmiyad oo kale.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh oo isagu ka mid ah Kudladda M5PC ayaa si mutuxan u sheegay in Qoraalka Ergooyinka Caalamka muujinayo Taallaabo Faragelin toos ah, wuxuuna xusay inay cabasho ka yihiin hadalkii Ergaddaasi.

War-saxaafadeed ay soo soo saareen Kooxdaas Xildhibaanadda ayaa waxay ku muujiyeen inay Ergadda Caalamiga ku milmayaan Siyaasadda Somalia, isla markaana ay ku dhiiradeen inay Madaxda Dowladda u kala jiheeyaan Hawlaha loo idmay.

Khubaradda Sharciga ayaa rumeysan in Xildhibaanadda samaystay Isbahaysiga Kudladda M5PC ay ra’yigooda ku cabireen Qoraalka Saddexda Ergay ee Caalamiga soo saareen, waxaana hubaantiwaxaana hubaanti inaysan wakiil buuxa ka ahayn Xildhibaanadda kale ee ka aamusay xiisadda taagan.

Marka doc kasta laga qiimeeyo, Qoraalladda iska soo horjeeda ee Ergadda Caalamiga iyo Xildhibaanadda ku bahoobay Kooxda ama Kudladda (M5PC) iyo Khilaafka Siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha waxaa hubaal ah inay taasi sii ololinayso xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan dalkeenna.

Dr. Dufle oo ku guuleystay abaal marin caalami ah mid kalena u sharraxan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dr.Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay dalka ayaa sheegay in uu ku guuleystay abaalmarin heer caalmi ah oo uu bixiyo mac-hadka Jeveto Bitre oo ku yaalla dalka Talyaaniga.

Dr.Dufle ayaa sheegay  in abaalmarintaasi oo la siiyo dadka wax ka qabto arrimaha samafalka uu ku muteystay abaabulka gurmadkii caafimaad ee uu hormuudka ka ahaa xilliyadii ay socdeen dagaalladii ka dhacay dalka, dib u soo nooleynta isbitaallada Muqdisho iyo soo saarista dhakhaatiir cusub oo Soomaali ah.

Dr.Dufle ayaa sheegay in abaalmarintaas sidoo kale la guddoonsiiyay mas’uul ka tirsan Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in guusha uu gaaray in tahay mid u soo hoyatay ummadda  Soomaaliyeed, isla markaana uu noqonayo dhakhtarkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda qaaradda Afrika oo ku guuleysta abaalmarintaasi.

Mac-hadka ayaa sidoo kale dhakhtar Dufle u sharxay abaalmarinta caalamiga ah ee dhinaca nabadda ee Nobel Peace Prize.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dagaal ka dhacay TISXIILE iyo YUUSUF INDHOOLE oo gaari lagu gubay

Afgoi(Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno deegaanka Tisxiile ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugna duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegayaa in Tisxiile lagu dilay Gudoomiyihii hore ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana uu maleeshiyaadka daacada u ah Yuusuf Indhoole ay iska kaacin kala hortageen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Yuusuf Cali Indhoole lagu gubay gaari Cabdi Bille ah, kaasi oo la sheegay inuu goobta ku dhintay.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ka dhashay markii Yuusuf Indhoole uu ka hor yimid amarka dowlada.

Ciidamada nabad sugida ayaa labo bil ka hor deegaankaasi ku dilay Cismaan Cali Indhoole oo walaalo ay ahaayeen Yuusuf Cali Indhoole.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

[email protected]

Siilaanyo oo khilaafka xisbiga Kulmiye war cad kasoo saaray iyo 2 qodob oo..

Warsaxaafadeed

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alxamdu lilaah, Wasalaatu Salaamu Calaa Rasuulu laahi.

Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah:

A) Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay.
B) Khilaafka Xisbiga Kulmiye

Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.

Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.

Khilaafka Kulmiye

Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan, oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.

Hadiiba uu soobaxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.

Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed.

Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan kuguulaystay sharciguna wuxuu I siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.

Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo.

Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo.

Xog: Cabdi Weli oo laalaya Faarax iyo Guuleed iyo taageero uu ka helayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa doonaya inuu Faarax Cabdul Qaadir ka reebo golaha wasiirada cusub, marka uu isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada iminka jira, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Cabdi Weli, ayaa go’aankan qaadanaya isaga oo isku dayaya inuu inta badan beddelo wasiirada taabacsan madaxweynaha Soomaaliya ama ka tirsan kooxda Damu-Jadiid, xilli xiriirka labada dhinac uu aad u xun yahay.

Ilo-xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay iminka tahay tan ugu weyn ee khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u sabab ah, islamarkaana la isku mari la’ yahay.

Cabdi Weli ayaa bilihii dhowaa u muuqday nin xarriga ka goostay madaxweynaha, isaga oo xulufo la sameystay dhinacyo ay madaxweynaha hore isu khilaafsanaayeen sida Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe.

Sida wararku sheegayaan Cabdi Weli, ayaa sidoo kale iska caabiyey isku day uu madaxweynaha ku doonayo in xilka wasiirka caafimaadka ama waxbarashada uu ugu magacaabo Cabdikariin Guuleed, oo iska casilay xilkii wasiirka amniga qaranka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Weli uu taageero ka helayo dalalka deriska ah oo madaxweynaha aysan isku fiicneyn iyo beesha caalamka oo ku cadaadineysa Xasan Sheekh inuu faraha kala baxo magacaabista wasiirada.

Waxaa xusid mudan in Faarax Cabdulqaadir uu yahay ninkii Cabdi Weli ka dhigay ra’iisul wasaare markii uu madaxweynaha u keenay, hase yeeshee sheekada ayaa u muuqata “Siyaasaddu ma lahan saaxiib joogta ah balse waxa ay leedahay dan joogto ah.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawir gacmeedka Amiin iyo qorshe uu C/Weli ka damacsan yahay Dam-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir ayaa sawir gacmeed cusub ku muujiyey xiisadda siyaasadeed ee ka dhex ooggan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xil ka qaadis la rumeysan yahay inay kusoo socoto hogaamiyaha kooxda Damu-Jadiid Faarax Cabdulqaadir.

Sida sawirka ka muuqata Cabdi Weli ayaa raba inuu meesha ka saaro dhammaan wasiirada kooxda Damu-Jadiid.

31_MAY_2014 copy

Maxaa keenay walaaca QM ee ficillada S/land (Maxaadan ogeyn oo socda?)

Qaramada midoobey ayaa wel-wel ka muujiyey asbuucaan qorshe maamulka Somaliland ku damacsan tahay inuu ku dhiso ciidamo gaar ah oo ilaalinaya goobaha shidaalka laga qodo doono, sidaas waxaa lagu sheegey qoraal hordhac ah oo saxaafada qaarkeed aragtey.

Shirkada laga leeyahay dalka Norway’s DNO International AS DNO.OS +0.28%  A and Genel Energy GENL.LN +1.63%  PLC—shirkad yar oo laga leeyahay dalka Ingriiska taasoo uu madax ka yahay Tony Hayward , BP BP.LN -0.51%  PLC’s – waxaa uu madax ka ahaan jirey shirkada shidaalka BP iyo ninka hadda madaxda ka ah shirkada macdanta baarta GLNCY -0.84%  PLC ayaa heshiis shidaal baaris ah dhowaan la sixiixdey maamulka gooni isu-taaga ah ee Somaliland, heshiiskaas oo dowlada Federaalka ku tilmaamntey waxba kama jiraan iyadoo sabab uga dhigtey in maamulada kaligood aysan heshiis shidaal baaris ah gali karin.

May 27,2014 waraaq ay golaha amaanka Qaramada Midoobey u direen kooxda ilaalada Somalia iyo Eritreia ayay ku soo bandhigeen sida dowlada Somaliland uga gaabisay iney u soo bandhigto lacagaha lagu bixiyey heshiiskaan shidaal baarista iyo qaabka loo dhisayo ciidamo gaar ah oo ilaaliya qodista macaadintaan.

” Waa eedeyn aan sal iyo raad toona laheyn in xisaab muujin aysan jirin”ayuu yiri Wasiirka macaadinta iyo shidaalka maamulka Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo saxaafada la hadley Jimcihii lasoo dhaafey. Dowlada Somaliland way muujisay sanadkii la soo dhaafey lacagahii ay ku qaadatey saxiixida heshiiskaan, iyadoo ay la socota lacagaha laga qaadey DNO $750,000 iyo $1.8 Milyan oo laga heley shirkad laga leeyahay dalka Yamen.Ciidamada la dhisayo waxaa maamulaya Wasaarada Arrimaha Gudaha ayuu raacshey isaga oo saxaafada la hadalaya.

DNO kama hadlin qoraalka kasoo baxey kooxda Ilaalada Somalia iyo Eritrea balse afhayeen u hadley shirkada Ganel waxaa uu sheegey iney tageerayaan aabuurista ciidamada ilaalinaya qodista shidaalka.

Qoraalkaan aya dhinaca kale sheegaya in ciidamadaan ka koobnaan doonaan 580 askari kuwaasoo kharashkooda bixin doonaan shirkadahaan taasoo ay walaac ka muujiyeen QM.

Ciidamada Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafey dhaqdhaqaaqyo xoogan ku sameeyey degaanada xuduudka la ah Puntland iyadoo kulamo siyaasdeed la qaatey daka degaanada kasoo jeeda qaarkood.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa horey u sheegey in dhowaan kulan uu wadanka Ethiopia kula qaatey Madaxweynaha Puntland.

Dowladda Puntland ayaan warsaxafadeed rasmiya oo arinkaas ku beenineyso ka soo saarin balse wareysiyo Madaxweyne Gaas siiyey saxaafada qaarkeed ku tilmaamey in kulan gaar uusan jirin balse madaxda maamulka Somaliland isku salaameen shir ka dhacey magaalada Bahardar wadanka Ethiopia.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqa xoogan oo ay wadaan siyaasiyiinta maamulka la magac baxey Khaatumo kuwasoo uu hogaaminayo Xildhibaan Cali khaliif Galeydh ayaa salka ku haya ka warheynta heshiisyadaan shidaalka Somaliland la gashey shirkadaha shidaalka raadinaya kuwaasoo baaris raba iney ka sameeyaan degaanada Sool meelo kamid ah sida Hol-Hol.

Qaramada Midoobey ayaa walaac weyn ka muujineysa in halkaas uu ka qarxo dagaal kasoo noqon kara mid aysan dowladaha Puntland iyo Somaliland ku lug yeelan balse isku hardiyaan qabaa’ilada wada daga degaamadaas.

Kaalinta ay GAAJADA iyo DHEREGTA ku lee yihiin Galmada (Keebaa ku fiican?)

Cunto la’aan ama qofka oo baahan (qofka oo qatan) wuu galmoon karaa haddii uu caafimaad qabo oo uu xooggan yahay, inkasta oo aysan fiicneyn.

Inta badan waxa fiican in uu san qofku galmo sameynin, haddii uu:-

– Gaajeysan yahay ama uu san cunto fiican soo cunin 6dii saac ee ka horeysay waqtiga galmada xaadirka ah.
– Haddii uu aad u dharagsan yahay oo uu cunto waqtigaas ka fara meydhay.
– Haddii uu kaniini xoojiya liqay waqtiga galmada ay bilow tahay.
– Haddii uu daalan ama uu xanaaqsan yahay ama uu werwersan yahay .

Marka, waxaa haboon in mar walba hal saac ka hor loo diyaar garoobo galmada.
Tusaale ahaan: in marka la cunteeyo hal saac ka dib hawsha la bilaabo, in marka la qaato daawo, irbad IWM… Iyana saacad ka dib la bilaabo.

Mar walbana waa in ay labada dhinac yihiin kuwo diyaar ka ah dhan walba sida ayagoo dharag dhacsan, soo qubeystay, gogol diyaarsan, caruurtii oo goor hore la habeeyey… IWM.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Video: Muqdisho waxa ay marti u tahay horumar iyo qaraxyo intaba “Daawo”

0

Magaalada Muqdisho waxeey mari gelineysaa Horumar baaxad weyn leh oo ka soconaya Magaalo Madaxda Dalka Somalia, Balse dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa marti u ah Qaraxyo aan dhamaan.

Muqdisho haatan waxeey cagta saartay wadadii dib u dhiska iyo dib u soo kabashada balse waxaa diidan dad aan ogeyn in ay dhismato taasoo cadeeyn u ah Muuqaalkani aan jaceyl nahay in aan idiin la wadaagno ee nala daawo video-ga.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Siilaanyo oo go’aankiisa ku dhowaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne oo mar labaad ka qeybgali doona doorashada sannadka danbe Somaliland ka dhici doonta.

Guddoomiyhaa xisbiga talada haya Muse Biixi oo madaxweynaha uu khilaaf kala dhaxeeyo ayaa isagu horey ugu dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.

Siilaanyo ayaa sheegay in dastuurka u yaalla maamulka Somaliland uu dhigayo in mar labaad uu isu soo taagi karo xilka madaxweynennimo ee maamulka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo waxa uu xusay in uu ka xun yahay khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye, isagoo tilmaamay in guddi loo saaray turxaan-bixinta khilaafkaas.

Siilaanyo ayaa dhanka kale shacabka u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isagoo cambaareeyay qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Dhanka kale, waxaa la baajiyay shirar ay Hargeysa ku qaban lahaayeen labada garab ee uu u kala jabay xisbiga Kulmiye, kaddib waan-waan ay labada dhinac ka dhexwadeen golaha guurtida.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Maxaa kulmiyey kadeedkii dariska iyo kacdoonkii xildhibaanada Soomaaliya?

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Aqrisyoow mudadii burburka ee 23-sano iyo dheeraadka aheyd dalkeena hooyo wuxuu noqdey “Qubrustii Jawaasiista!”. Wadamada dariska gaar ahaan Ethiopia waxeey sirdoonkeeda heerarka kala duwan ka dhexsameeysatey Soomaalida, iyadoo kuweedana dalkeeda ka keeneeysey mudadaa aadka udheer. Waxaa labarey Af-Soomaaligii iyo Abtirsiimihii qabaa’illada Soomaaliyeed, kadibna waxaa loo kala direy gobollada dalkeena hooyo. Qaarka loo diro “Gobollada Waqooyi” waloow xilliyadii dambe aaneyba dhib ku heyn, hadana waxeey sheegtaan qabaa’llada “Gobollada Koonfureed”, halka kuwa loo diro “Gobollada Koonfureedna” eey sheegtaan Qabaa’illada dega Gobollada Waqooyi, si Soomaalida loo khaldo una fududaato ku dhex qarsoomidooda iyo ku dhex milmidooda. Jawaasiistaa waxeey wada guursadeen gabdho Soomaaliyeed oo ilmihii eey gudaha dalka ugu dhaleen ayaa maanta dhowr iyo labaatan jir ah. Waa kuwa mustaqbalka dhow dalalka dariska ahi eey ku tashanayaan in eey ku garab istaagaan oo kumaalgaliyaan soo galitaankooda “Goleyaasha Dowlada”, iyo xafiiska ugu sareeya qarankaba, sidaana si fudud ay ula wareegaan hogaanka talada dalka, iyo masiirka dhan ee ummadeena Soomaaliyeed. Sheekh Xasan Daheeye oo ka hadlayey sida Soomaalida dalka uga sii yaaceeyso, cadowga dariskuna ugu soo qulqulayo ayaa daqiiqada Vide-gan daqiiqadiisa 7:40aad-illaa-9:20aad wuxuu ku leeyahay, “Habeenkasta Boorama oo kaliya waxaa soo gala 20-qoys oo Oromo ah oo is wadata, 50-ka sano ama 100-ka sano ee soo socota waxaa laga Yaabaa in Boorama eey noqoto magaalo Oromo sidii Dirirdhaba”.

Waxeey sidoo kale dabcan Dastuur-Ku-Sheega ku darsadeen qodobadii Diinta ku saabsanaa ee laga badaley dastuurkii 60-kii. Dastuur-Ku-Sheegan wuxuu dhigayaa in aanba loo baahneyn in Madaxweynaha Soomaaliya Muslim yahay, waxaa kaloo waxbadan laga badaley qaabka eey u qornaayeen Diinta rasmiga ah ee Dalka, ku dhexfaafinta Diimaha kale Dalka gudihiisa IWM, illaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed eey Bayaan kasoo saareen taariikhda markii eey ku beegneyd: 09/04/2012 iyagoo af labadii qeeylinaya. Dastuur-Ku-Sheegan waxaa sidoo kale aad uga digey aqoonyahanka Soomaaliyeed oo talo bixin wax ku ool ah ka biyey. Qeybihii ugu yaabka badnaa ee dowladaha Dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ay ku darsadeen waxaa ka mid ahaa: Qeeybaha xuduuda Dalka oo buuq badani ay ku galiyeen. Jinsiyad qaadashada oo ay ka dhigteen Shan sano oo kaliya, iyo ku dhalashada dalka oo kaliya oo muhiim ay ka dhigteen iyadoo laga saaray in waalidka cunugaa dhalay ay Soomaali wada yihiin.Waxaa halistiisii sidoo kale ka mid ahaa: Daciifinta awooda dastuuriga ah ee Dowlada Dhexe iyo dhinaca kalena xoojinta “Maamul-Beeleedyada”, iyadoo ugu dambeyn dowladuba laga dhigey “Isutaga Maamul-Beeledyada“.

Hadii taasi tahay qorshaha istaraatijiyadeed ee yoolka fog (Long term strategic plan), waxaa jira mid kasokeeya oo dalka ay kusii qasayaan taa inta aaney udhaboobin. Waxeey sameeysteen kooxo dhuuniqaateyaal ah, sheegtana in eey siyaasiyiin yihiin oo si kal iyo lab ah ugu shaqeeya cadowga.Waxaa taariikhda kuwaa ugu horeeyey hogaankoodana ahaa Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadana waxaa booskiisii buuxiyey oo hogaanka uqabtey: Shariif Xasan Sheekh Aadan (Shariif Sakiin) oo eey garbaha ka kala ordayaan hogaamiyeyaasha “Maamul-Beeleedyada” Somalilnd iyo Puntland-ba ha ugu darnaadeene, balse tirada guud ee kooxdani mayara. Kuwani maqaarka sare ka ah Soomaali, waxeey qaarkood ku kala jiraan golayaasha dowlada ugu sareeya. Waxeey joogaan xafiiskasta. Waxeey mas’uul uga yihiin cadowga Soomaaliyeed fulinta qorshe kasta ee loo baahdo waqtikasta. Waxaa lagula dagaallamaa rajada Qarannimo ee Ummadeena Soomaaliyeed.

Bal u fiirso dhacdooyinkan adigoo indhaha u furaya sida dhacdooyinka isu fasirayaan. Sida la wada ogsoonyahay Kenya waxeey tiro lagu qiyaasey 5000 oo qof oo masaakiin Soomaaliyeed ah, una badnaa Marras: Dumar, Caruur iyo  Waayeel raaf, silic iyo bahdil raaxada uga qaadey xaafada Islii iyo Nairobi, oo eey ku jiraan in badan oo Card-ka iyo warqadaha UNHCR-ta ee qaxootinimo heeysata. Jirdil, Kufsi,  Dhac iyo Boob ayaa usii dheeraa wixii loogu geeysanayey garoonkii Karasai ee lagu karantiiley, kaasoo lala barbardhigey “Concentration Camps-kii Hitler” ee uu Yahooda ku heynjirey.

Kenya intaa kuma aaneey ekaane, waxeey xirtey Qunsulkii dhamaa ee Safaraada Soomaliyeed ee Kenya sida rasmiga ah ugu fadhiyey. Taasoo ah wax aan la arag oo aan la maqal. Sida caadada Diplomaasiyadeed ay tahay (Diplomatic Custom), marka dowladuhu muujinayaan in xiriirka labada Dal uu xumaadey, waxeey dalkooda ka eryaan Safiirka dalkaas, koodana weey u yeertaan, xiridse waa wax aan ka mid aheyn dhaqanka Diplomasiyadeed, oo qofkaa Diplomaasiga ahi ee dalkiisa sida rasmiga ah u matalaya, wuxuu leeyahay wax afka qalaad lagu yitaahdo “Diplomatic Immunity*” ama Xasaanad Diblomaasiyadeed. Inkastoo Soomaalida qaar meelkastaba ha joogtee aaney jecleyn in wanaagaa ay dowladooda u qiraan, “Sababo liita” aawadeed, hadana waxaa ka dhiidhiyey Madaxweynaha, Golahada Waziirada iyo Gobolaha Baarlamaanka intaba, oo cod dheer uga hadlida kasokoow, shirkii looga hadlilahaa arimaha qaxootiga ay dadkeedan la dhibaateeyey darteed u qaadacdey.

Kenya oo aan dhawaanahan ubaran dowlad Soomaaliyeed oo damiir, dadnimo iyo  dhiiranaan intaa la eg inta iska baarta, ficilladeeda si public ah u radisa/uga jawaabta, ayaa waxeey kaga jawaabtey iyana in ay si toos ah markii ugu horeeysey eey “Qunsullo” usoo kala dirsato Hargeeysa iyo waliba Kismaayo oo ah xarunta maamul-ka kumeelgaarka ah ee ay xoogga ku heeystaan Maleeshiyo-Beeleedka Raaskambooni ee ay iyadu soo carbisatey, kuwaasoo ay kubadashey maamulkii asalkooda ahaa ee “Azania”, kuwaasoo hadda ay meesha ku heeyso, maadaama uuyahay maamul xeeyndaab ah (Buffer zone) u ah Kenya. Waxeey Kenya Qunsul-ku-sheegyadaa soo direeysaa iyadoo aaneey soo ogeysiin dowladii rasmiga aheyd ee dalka Soomaaliya mas’uulka kawada aheyd caalamiyan, hadeey rabto yaaneey dalka gacanta kuwada heyne.

Waxeeyse ugu akhassaneyd markii si damiir la’aan ah waraaqihii Qunsul-Ku-Sheegaa Kenya uu ka gudoomey hogaamiyihii Jabhad Beeleed-ka Raaskambooni ee madiidanka u ahaa Kenya, hogaamiye kooxeed: Axmed Madoobe!

Maadaama wadamada Dariska ee dhulka iyo dadkaba ka heeysta Qaran weynaha Soomaaliyeed eey umidoobeen cadowtinimada Soomaaliya, markastana siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya ay isku dubaridaan, ayaa dhinaca kalana Ethiopia waxeey shirkii  ammaanka “Dalalka” Africa oo ay ka qeyb galayeen “Madaxweyneyaasha Dalalka”” qaarada Africa ee  ka furmey April 25, 2014 magaalada Bahar-Dar ee dalka Ethiopia, ayaa meeshii eey ku casuumi laheyd Madaxweynaha Dalka Soomaaliya: H.E. Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxay booskiisii ku casuuntey “Chief-Minster-ka” gobollada Bari, ama Madaxa Maamul-Beeleedka Puntland: Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu sidaa la dhacsan, jeclaan lahaana in maamulka uu madaxda ka yahay lagala tashado wixii Soomaaliya oo dhanba ku saabsan. Waxaa sidoo kale la socdey wafdi isla Maamulkaa ah, oo si toos ah Garowe uga baxay. Taasoo aheyd xagaldaacin toos ah oo aan qarsooneyn, laguna niyadjabinayey dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.  Foowdadaa waxaa sii waaley garasho la’aanta qollada maamusha website-ka dowlada (radiomuqdisho.net) oo qaab indho-sarcaad ah website-kii Dowlada Dhexe ugusoo qaatey.

Maadaama siyaasadaha fog ee dowladaha dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ay Soomaaliya ka leeyihiin ay tahay mid hore u dagsan, oo aragti fog leh, ayaa si duruus loogu dhigo dowlada hadda jirtaahi, loona tuso in aaneey awoodeedu gaarsiisneyn in ay wax kadhiidhiiso, mardambana aaney madaxaba kor uqaadin, ayaa waxaa isla markiiba lagu abaabuley kuwa jawaasiista u ah wadamada dariska, kuna dhexqarsoon gudaha Baarlamaaka Sooamaliya, kuwaasoo u dhexfadhiya danaha Dowladahaasi, iyo waliba kuwa Maamul-Beeleedyada aan qaarkood kor kusoo xusney. Maamul-Beeleedyadaa ulajeedooyinkii horee loo abuureyba waxay aheyd in Soomaaliya lagu kala dhantaalo, abidna aan la arag Soomaaliya oo ah dal mideeysan, lehna dowlad dhexe oo awood leh, taasoo caalamka u matali karta danahooda mideeya ee Qaran. Qaarkii hogaaminayey “Xildhibaannadii” waday mooshinkii lagu doonayey in madaxweynaha dalka lagu rido ama uu is ku casilo ayaa waxaa hormoodaya: Xildhibaanada kala ah: C/qaadir Cosoble, C/llaahi Jaamac Kabaweyne, Maxamuud Guure, Prof. Gaandi, Prof. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo C/risaaq Jurille.

Soomaalida qaar oo meesha dhow wax ka aragtase waxeey u arkaan oo kaliya in ujeedada riditaanka Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud uusan ku saleysneen wax mabda’ ah, iyo mid Soomaalinimo ku dheehantahy, ama Xasan wax buu qabtay ama wax ma qaban lagu leeyahay, balse arintu tahay oo kaliya maqaayadii baa qoryo beeshay oo dhaqaale baa la abuurayaa, sida caadaduba aheyd markii mudo la joogaba. Micnaha qorshuhu hunguri ma dhaafsiisna oo waa kan la riixayo iyo kooxdiisaba  lacag ka qaata, kan la doonayo in la keeno iyo kooxdiisana sidoo kale lacag ka qaata. Marka waa hal dhagax labo shimbirood kuwada dila, oo lamid ah hal mooshin labada jeeb Dollar (Xaaraan ah) hakuu wada buuxiyeen.

GUNAANAD

Dalalka dariska ah maadaama Soomaaliya taariikh mugdi ah eey kala dhaxeeyso, dad iyo deegaan in eey kawada heeystaanna eey ogyihiin, ayaa waxa ay waxkasta usoomaraan caadifada qabiilka, maadaama ay ka dharagsanyihiin wixii ummada kala gaarey iyo in boogta Soomaalidu tahay qabyaalada, taasoo ummadeena intooda ugu badani indhatirtey, hilmaansiiseyna cadowgooda rasmiga ah, oo qofka Soomaaliga ahi marka laga reebo in yaroo fara kutiris ahi, aragtidooda aaneey dhaafsiisneyn tan qabiilka iyo Maamul-Beeleedka, oo tan Qaran inta eey u tirsantahayba ay aad u yartahay.

“Orgiga Oohinta ka weeyne” aqristoow bal meel fog wax kafiiriye, bal maxaa dhacdooyinkaa isku soo wada beegey, oo maxaa kulmiyey kadeedkii wadamada dariska iyo kacdoonkii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya?-Allahuma Ballaqtu.

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeenka Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ahna Bare isla kulliyadaa ah

Al-Madinah International University, Malaysia

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

——————————————————————————————————————

*Diplomatic immunity is a form of legal immunity that ensures that diplomats are given safe passage and are considered not susceptible to lawsuit or prosecution under the host country’s laws, although they can still be expelled. It was agreed as international law in the Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961)

R/W Cabdi Weli oo si ka duwan XASAN Sheekh uga hadlay khilaaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

War qoraal ah oo soo dhigay Boggiisa Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayuu ku beeniyey wararka la xiriira khilaafka, inkasta oo xitta madaxweynaha uu qiray jiritaanka khilaafka.

“Iyadoo qaar ka mid ah bogaga internetka iyo baraha xiriirka bulshadu ay maalmahan daabacayeen warar aan sal lahayn oo sheegaya in uu jiro khilaaf ku salaysan isku-shaandhaynta Golaha Wasiirrada. Haddaba, Anigoo ku hadlaya afka Xukuumadda waxaan idiin caddaynayaa in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.Labada Masuul ee Qaran waxay si dhow oo wada jir ah mar kasta ugu taagan yihiin u adeegista dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Guul Soomaaliya oo Nabad iyo Barwaaqa ku waarta” ayaa lagu yiri war lagu qoray bogga uu ku leeyahay Facebooga Afhayeenka Xukuumadda.

Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli ayaa waxaa sidoo kale digniin kasoo saaray beesha caalamka oo sheegtay inuu wiiqayo hore u socoshadii dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaannada la baxay FIVE MAY oo digniin culus u diray beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku shiray xildhibaanno madaxweynaha ka codsaday in uu iscasilo, waxaana ay baaq u jeediyeen beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo urur gobaleedka IGAD.

Xildhibaannada oo la baxay Five May oo ka dhigan baaqii ay soo saareen shantii bishan ee ku aadanaa in uu madaxweynaha is casilo kaddib markii uu ku fashilmay wax yaabihii loo doortay sidda ay yiraahdeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horrey u soo noqday wasiirka dastuurka ayaa ka sheegay kulanka in Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii dibadda laga maamuli jirtay, wuxuuna sheegay in baarlamaanka uu awood u lee yahay in uu xaliyo khilaaf kasta oo ka dhex dhesha madaxda dowladda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in wixii ka dambeeyay 2oo0 uu oo dalka ku jiray xilli kumeel gaar ah inta badan siyaasadda laga maamulu jiray dibedda balse hadda laga baxay arrintaas oo “Waa la qaan gaaray” ayuu yiri.

Xoosho Jibriil ayaa ku tilmaamay warqadda ka soo baxday IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub in uu u egyahay kii Kampala A cord kaasoo faragalin dibedda laga keenay ahaa.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaacil oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay joojiyaan faragalinta arrimaha siyaasadda ee ka taagan dowladda .

Wuxuu sheegay beesha calaamka in ay markata faragalin ku heyso arrimaha siyaasadda dalka.

“Caalamka marka khilaaf uu soo kala dhex galo madaxda waxaa xal ka gaara iyaga uun balse Soomaaliya wa aay ka badalan tahay oo marka uu khilaaf ka dhaco waxaa xaliyay beesha caalamka, annaga iyo madaxwweynaha khilaafka noo dhexeeya waxaa xal ka gaari kara baarlamaanka” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in khilaafkooda lagu xalin doono uun xarunta baarlamaanka oo ah meesha lagu kala baxaayo.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirkii horre arrimaha dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wuxuuna beesha calaamka ka cosaday in ay Soomaalida isku daayaan khilaafkooda in ay xalistaan.

Hadalka xildhibaannada maanta ku shiray Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo dhawaan warqad wadajir uga soo baxday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo IGAD loogu baaqay madaxda dowladda in xal ka gaaraan khilaafka ka dhexeeya baarlamaanka iyo madaxweynaha si loo gaaro hiigsiga 2016-ka oo la rabo in dalka ay ka dhacdo afti dadweyne.

Hadallada xildhibaannada ayaa laga dhex fahmi karaa in uu jirro dedaalo beesha caalamka ay ku dooneyso in ay ku qaboojiso xiisada ka aloosan xubno ka tirsan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo ka digtay shidaal la sheegay in dhowaan laga qodayo gobollada…

Nairobi (aasimada Online) – Guddiga QM ugu qaabilsan cunaqabataynta hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, waxay bishan May 27-dii qoraal u direen Golaha Ammaanka ee QM, oo ay kaga digayaan qorshaha Maamulka Somaliland ku doonayaan in Ciiddamo Khaas ah loo soo daad-gureeyo si ay u ilaaliyaan Shirkadaha shisheeyaha ee shidaalka ka baarayo Goballadda Woqooyi galbeed ee Somalia.

Xiriiriyaha Kooxda QMee Kormeerka cunaqabataynta Hubka saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, Jarat Chopra oo qoray Warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM ayaa ka digay in shidaal la qodo Somaliland oo qeyb ka ah Somalia ay horseedi karto inay dagalladdii ugu xumaa ka dhacaan Geeska Afrika.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS oo heshay nuqul ka mid ah Qoraalka Kooxda QM ee cunaqabataynta hubka, ayaa lagu xusay haddii ilaalo loo daad-gureeyo shirkaddaha shidaalka inay taasi kaalin ka ciyaari karto dagaal dhex mara Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka amaba Maamul-gobaleedyadda kale dhexdooda..

Khubaradda QM ee Kormeerka xayiraadda hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea waxay bishii July ee sannadkii hore sheegeen in shirkadaha reer galbeedka ee shidaalka ka sahminayo deegaannadda lagu murunsan yahay ee Somaliaay horseedi karaa inay dagaallo badan ka dhacaan gudaha dalka Somalia.

Somaliland ayaa qorsheynayso inay 420-Askari ilaalo ahaan u diyaariyaan iyo inay qalab Milliteri dibedda ka soo iibsadaan.

Maamulayaasha Somaliland waxay 23-sanno ka hor ku dhawaaqeen inay ka go’een Goballadda kale ee dalka Jahuuriyadda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulanka BF Somalia oo baaqday & mid kale oo ka furmay Villa Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Fadhigga Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday maanta in uu dib u furmo ayaa baaqday iyadoona la soo sheegayo in guddiyada baarlamaanka uu shir uga soco xarunta Villa Hargeysa oo uu deggan yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababta u ah in uu baaqdo kulanka baarlamaanka, balse waxaa xildhibaanno la hadlay Caasimada Online ay lee yihiin kulanka wuxuu u baaqday iyadoo xarunta baarlamaanka uu ka socdo dhismo oo waxaa dib loo hagaajinayaa goobo ku burburay weerarkii Sabtii la soo dhaafay ka dhacay xarunta.

Xarunta baarlamaanka ayaa la dhigay ciidamo fara badan, waxaana la xiray waddooyinka soo gala dhismaha baarlamaanka wixii ka dambeeyay weerarkii

In ka badan shan saac ayuu weerarka socday, waxaana ku dhintay dad u badan askarta ciidamada dowladda waxaa ku dhintay seddax ka tirsan ciidamada AMISOM.

Weerarkaas waxaa kaloo ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya kuwaasoo loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo daaweeyo.

Wixii ka dambeeyay weerarkaas xildhibaannada baarlamaanka ayaa walwal xooggan ka muujiyay ammaanka xarunta baarlamaanka oo ka mid ah meelaha sidda weyn loo waardiyeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdidho

[email protected]

Xog: Xasan iyo Cabdi Weli oo mooshin iska kala diyaarinaya iyo lacag caqli ka bax oo codkiiba lagu kala iibsanayo

MuqdishoWarar cusub oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed uu si toos ah ugu biiray olole ay wadaan xildhibaanno diidan madaxweynaha oo doonaya in xilka laga qaado.

Xildhibaanada diidan madaxweynaha ayaa Kulamo gaar ah maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa Hoteelo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si ay dib ugu soo nooleeyaan olole xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya

Xildhibaanada qaarkood ayaa ah kuwa taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo iskiis uga cabsi qaba inay taageerayaasha Xasan Sheekh ay xilka ka qaadaan, kuwaasi oo si gooni ah dhankoodna uga diyaarinaya mooshin.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wali ay ku howlan yihiin diyaarinta Mooshinka lagu ridayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay inay rajo ka qabaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen in mooshin la geeyo baarlamanka.

Sidoo kale xildhibaanno madaxweynaha taageersan ayaa iyaguna kullamo ka wada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaga oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

“Dagaalka labada mas’uul ayaa hadda u muuqda mid isugu soo biya shuban doono cidii lacag badisaa, islamarkaana heshaa xildhibaannada ugu badan” ayuu xildhibaan xog-ogaal ah u sheegay Caasimada Online.

Waxa kale oo uu sheegay inuusan la yaabi dooni haddii codkiiba lagu kala gato 20 illaa 30 kun oo dollar.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa la rumeysan yahay inuu taageero maaliyadeed ka helayo Puntland, maamulka Axmed Madoobe iyo Kenya, oo dhammaantood doonaya in Xasan Sheekh uu meesha ka baxo, ayada oo aanay qasab ahayn inay jecel yihiin Cabdi Weli.

Ra’iisul wasaaraha ayaa og in haddii madaxweynaha xilka waayo isna uu weyn doono, hase yeeshee xildhibaanno ku dhow ayaa sheegaya in ujeedkiisu yahay in Xasan Sheekh uusan ka adkaan uuna doonayo inay isla baxaan.

Xildhibaanadii horey u diidanaa madaxweynaha ayaa badankood la kala furfuray, waxaana hadda socda dadaallo dib la isugu ururinayo, mana cadda sida loogu guuleysan doono.

Dadkii laga sugayey inay Soomaaliya dhibka ka saaraan, ayaa howshoosa noqotao khilaaf iyo mooshin aan dhammaan oo dowlad kasta waqtigeeda uu ku dhammaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xog: Sababta loo xiray Gen Cabdullahi Xasan Bariise oo la ogaaday (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya macluumaad la xiriira ujeedadii ka dambeysay, in Taliska Booliska Soomaaliya uu xabsi guri geliyo Taliyaha Hogaanka Saadka ee Ciidamada Booliska General C/laahi Xasan Bariise.

Taliyaha, ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu dayacay Ciidamadii Ilaalada ee Xarunta Golaha Shacabka, oo la sheegay in uu dhegaha ka fureystay in uu siiyo hub iyo rasaas ay u baahnaayeen, ka hor intii aan la weerarin Sabtidii hore.

Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka hawlgaleysay 107 askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska, 45 oo kaliya, ayaa la xaqiijiyay inay hub iyo rasaas ka heysteen, halka intii kalana aynaan heysan.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Soomaaliya General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa warqad u qoray General C/laahi Xasan Bariise, si uu u hubeeyo Ciidamadii aan hubka iyo rasaastuba heysan.

Sarkaal ka tirsan Booliska, ayaa ku waramaaya in General C/laahi Xasan Bariise, uu iska indha tiray warqadii uu u soo qoray Taliyaha Ciidanka Booliska.

General Bariise oo ku sugan hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku gadaamsan Ciidan Boolis ah, iyadoo la amray inaanu hoygiisu ka soo bixin, isla-markaana aanu wax shaqo ah qaban, ilaa amar dambe.

Bariise, ayaa hal habeen ka hor Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood u sheegay, inuusan waxba kala socon waxa keenay xabsi guriga lagu haayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Xiriirka DFS iyo Beesha Caalamka oo dhulka tagay (Dhaqalihi oo la jaray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadkan ayey ahayd markii ay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen xaalada Soomaaliya UN-ka, Midowga Yurub iyo IGAD oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

Ururada Beesha Caalamka ee taageera Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyey wakhtigii loo qabtay dib u eegista Dastuurka iyo dhismaha Nidaamka Federaalka inuu dib u dhac weyn ku yimid. Sidoo kale diyaarinta Doorashadii 2016 ayaa ah mid aan weli la bilaabin isla markaana dib u dhac weyn ku jirto.

Warsaxaafadeedkii 27kii bishan May kasoo baxay sadexda urur ee UN-ka, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa loogu baaqay hogaamiyayaasha dowlada Federaalka in isqab qabsiga dhexdooda ah ka waantoobaan isla markaana la yimaadaan adeeg iyo shaqowanaag ku socda wakhtigii loogu talo galay.

Si gaar ah ayaa Raysalwasaaraha Soomaaliya loogu baaqay inuu qaado tilaabooyinka ku aadan xoojinta amaanka iyo dib u habeynta dowlada, halka Madaxweynaha dadaalkiisa lagu sheegay mid ay Beesha Caalamka soo dhaweenayso, balse looga baahan yahay hay’ad walba inay ku ekaato awoodeeda Dastuurka siinayo, iyadoo loola jeedo Baarlamaanka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xukuumada.

Baaqan oo kusoo beegmay sadex maalin kadib weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka ee Muqdisho ayaa ahaa mid sidoo kale kusoo beegmay xili uu xiriirka Beesha Caalamka iyo federaalka madaxdiisa uu sii xumaanayo.

Arrintan ayaa salka ku heyso caqabadaha ka dhextaagan dowlada Federaalka oo ay ugu horeyso Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ku kala aragti duwan xalka iyo wax ka bedalka nidaamka ay Xukuumada ku shaqeyso. Khilaafka ugu weyn ayaa ka taagan dhanka Wasiirada iyo xubnaha lasoo xulayo.

Xubno xog ogaal ah oo kamid ah Xukuumada oo ka gaabsaday magacooda in la sheego ayaa xaqiijiyey in hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalihii Beesha Caalamka usoo gudbin jirtay dowlada Federaalka arrimahaasi oo la xariira inaan wax weyn weli laga bedalin hay’adaha dhaqaalaha iyo maamulka oo horey loogu baaqay madaxda dowlada inay wax badan ka bedalaan.

“….Sanadkan 2014 ayaa loo qabtay madaxda dowlada inay la yimaadaan isbedal dhab ah, hadii aysan taasi dhicina Beesha Caalamka waxay sheegtay in fashil ay ku socoto doorashada 2016 iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka, arrimahaasi oo loo aaneenayo Wasaaradaha dowlada oo qabsan hawshii looga fadhiyey, dabcan taasi saameyn toos ah bay ku yeelan doontaa dhaqaalihii Dowlada Soomaaliya lasiin jiray…”ayuu yiri mid kamid ah Hawlwadeenada Wasaarada Maaliyada oo u waramay Horseed Media.

Illaa iyo hada waxaan cadeyn in xal loo heli doono khilaafka awooda dowlada ee ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, arrintaasi oo ah mid soo jireen ah oo caqabad ku noqotay dowladihii kumeel gaarka ahaa iyo kuwii Federaalka tan iyo sanadkii 2000, sida lagu sheegay Warsaxaafadeedkii Beesha Caalamka soo saartay todobaadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]