27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Dhageyso: FAARAX C/qaadir oo DFS ka fogeeyey eedaha Puntland ee ah in…

Wasiirka Wasaarada Cadaalada & Dastuurka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wuxuu beeniyay doodaha maamulka Puntland ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ay beddeshay dastuurka dalka.

Wasiirka, ayaa wuxuu qiray in Baarlamaanka Somaliya uu wax ka bedel ku sameeyay qodobada Dastuurka qaarkood, laakiin aanu wada bedelin gebi ahaanba nuqulada Dastuurka.

Wasiirka wuxuu tilmaamay waxa keenay in isbedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka qaarkood, uu yahay mid ka horeeyay jiritaanka Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu Baarlamaanka horey go’aan ugu gaaray in dib loo dhigo qodobada qaar ee Dastuurka. Taana ay tahay midda keentay in dadka qaar ay u fasirtaan in la bedelay Dastuurkii Qabyo Qoraalka.

Sidoo kale waxa uu qeexay marka aad dib u milicsato daabacida Dastuurka Soomaaliya, in uu yahay mid ka horeeyay Dhismaha Xukuumada iyo Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya (10 September 2012).

Wasiir Faarax, ayaa xusay in qodobada la bedelay ee Dastuurka ka dhasheen, talooyin farsamo u badnaa oo ka yimid Gole-yaashii Ergada iyo Baarlamaanka.

Halkan ka dhageyso Faarax

Dr. Macow oo laga duubay cajal uu ku weyn karo shaqadiisa (Sidee loo siray)

London (Caasimada Online) – Dhakhtarka caanka ah ee Soomaaliyeed ee xarumaha caafimaadka ku leh dalka Ingiriiska Dr.Cali Macow Aweys ayaa baaritaan lagu sameenayaa kadib markii laga duubay cajalad qarsoodi ah isagoo ka hadlaya Gudniinka Gabdhaha oo mamnuuc ka ah dalka Ingiriiska.

Dhakhtarka ayaa waxaa helay suxufi si qarsoodi ah uga duubtay cajalad iyadoo iska dhigeysa haweenay dooneysa inay gudo gabdho ay eedo u tahay, waxaana cajaladan laga duubay dhakhtar Macow oo sida la sheegay sharaxaya sida uu haweenaydaasi u caawin karo in la gudo gabhahaasi.

Booliiska Ingiriiska ayaa wareysi la yeeshay Dhakhtarka oo lasii daayey wallow ay hada guddiga caafimaadka ee dalka Ingiriiska fadhi ka yeelan doonaan in Dhakhtarka ruqsada lagala noqdo.

Dr.Macow ayaa beeniyey inuu sameeyo wax gudniin ah isla markaana sheegay inuusan haweenaydaasi cajalada ka duubtay uusan waxna u balan qaadin, balse cajaladan oo aan weli la shaacin ayaa la sheegay inuu ka muuqdo dhakhtarka oo sawiraya habka gudniinka Fircooniga loo sameeyo.

Dhakhtar Macow ayaa labo xarun caafimaad ku kala leh caasimada labaad ee Birmingham iyo Waqooyiga magaalada London, ayaa sidan oo kale horey baaritaan loogu sameeyey sanadkii 2012 xiligaasi oo suxufiyiin isqarinaya warbixin uga qoreen taasi oo lagu soo daabacay jariirada Sunday Times.

Guddiga qaabilsan kormeerka Dhakhaatiirta ayaa Talaadadii lasoo dhaafay 27 May, loo soo bandhigay cajaladii laga duubay iyo xiriirkii Talefoonka ee dhexmaray haweenaydaasi iyo dhakhtarka.

Waxaa sidoo kale dhakhtarka lagu heystaa inuusan haweenaydan ka dhaadhicin inaysan gudin gabdhaha balse uu talo kusiiyey inay wadan kale gudniinka kusoo sameyso, xili uu dhakhtarka ogyahay in Gudniinka mamnuuc ka yahay dalka UK, sidaa ayaa lagu qoray jariirada Daily Mail oo daabacday warbixin dhacdadan la xariirta.

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

BASHIIR GOOBE oo dil ka bad baaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu habeenimadii xalay ahayd uu ka badbaaday qarax xoogan oo ka dhacay, agagaaraha Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Taliyaha Nabad Suggida iyo xubno kale, oo markaasi ka soo baxay Hotel City Palace, inkastoo uu Taliyuhu ka badbaaday weerarkaasi.

Waxaa jira warar sheegaaya in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu la socday nin naftii hurre ahaa, isla-markaana uu qal qalay markii uu wajahay gaadiidkii ay la socdeen Masuuliyiintii uu horkacaayay Taliyaha Nabad Suggida, halka wararka qaarna ay sheegayaan in gaariga la soo dhigay meel ku dhow Hotel City Palace.

Qaraxa kadib, ayay Ciidamada Ilaalada ee Taliyaha Nabad Suggida dhowr jiho u furayn rasaas aynaan u meel deyin, inkastoo aan si sax ah loo xaqiijin haddii ay waxyeelo ka dhalatay iyo haddii kalaba.

Weerarkaan waxaa ku dhintay hal askari oo kaliya, halka laba ruux oo shacab ahna la xaqiijiyay in ay ku dhaawacantay, iyadoo askariga dhintay uu u geeriyodoay, dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida oo ka badbaaday dil qorsheysan
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu habeenimadii xalay ahayd uu ka badbaaday qarax xoogan oo ka dhacay, agagaaraha Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Taliyaha Nabad Suggida iyo xubno kale, oo markaasi ka soo baxay Hotel City Palace, inkastoo uu Taliyuhu ka badbaaday weerarkaasi.

Waxaa jira warar sheegaaya in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu la socday nin naftii hurre ahaa, isla-markaana uu qal qalay markii uu wajahay gaadiidkii ay la socdeen Masuuliyiintii uu horkacaayay Taliyaha Nabad Suggida, halka wararka qaarna ay sheegayaan in gaariga la soo dhigay meel ku dhow Hotel City Palace.

Qaraxa kadib, ayay Ciidamada Ilaalada ee Taliyaha Nabad Suggida dhowr jiho u furayn rasaas aynaan u meel deyin, inkastoo aan si sax ah loo xaqiijin haddii ay waxyeelo ka dhalatay iyo haddii kalaba.

Weerarkaan waxaa ku dhintay hal askari oo kaliya, halka laba ruux oo shacab ahna la xaqiijiyay in ay ku dhaawacantay, iyadoo askariga dhintay uu u geeriyodoay, dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa.
Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya

General Bashiir Maxamed Jaamac waxaa la socotay markii qaraxa uu dhacaayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ee Soomaaliya.

General Bashiir Goobe iyo xubnihi kale ee la socday, ayaa ka soo baxay shir gaar ah oo ay xalay ku lahaayeen Hotel City Palace, iyadoo ay kaga hadlayeen arrimaha ammaanka, waxaana shirka ka soo muuqday Kaaliyaha Taliyaha Nabad Suggida Khaliif Axmed Ereg, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Ku Xigeenkiisa Cabdi Dheere iyo xubno kale.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ku waramaaya in arrinta layaabka leh ay tahay sida lagu ogaaday shirka gaarka ah, ee Saraakiisha ammaanka uga socday Hotel City Palace iyo sida sahalka leh ee weerarka lagu soo diyaariyay.

Si kastaba ha-ahaatee waxaan ilaa iyo hadda jirin cid si rasmi ah u sheegatay weerarka uu ka badbaaday Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Muungaab oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhigiisa Baden, Swiss

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho, Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta oo Jimco ah xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowlada Switzerland oo uu hoggaaminaayo duqa magaalada Baden, Geri Muller.

Labada mas’uul ayaa kulan gaar ah ku qaatay xarunta cusub ee gobalka Banaadir oo ku taalla degmada Heliwaa, waxaana ay si gaar ah uga hadleen in labada magaalo ay yeeshaan xiriir dheer oo ku saabsan siddii ay u wadashaqeen lahaayeen.

Waxaa kaloo kulanka lagu soo hadal qaaday in magaalada Baden ee dalka Switzerland ay ka qeyb qaato dib-u-dhiska iyo horrumarinta caasimada Muqdisho oo muddo ka badan 20 sanno dagaallo ku jirtay.

Markii uu kulankooda soo dhammaaday waxay la hadleen saxaafadda, waxaana duqa Muqdisho uu sheegay in uu ku faraxsan yahay wafdi uu hoggaaminaayo dhiggiisa Baden Mr.Muller.

Dhiniciisa Geri Muller oo ah duqa magaalda Baden ayaa aad uga mahad celiyay sidda loogu soo dhaweeyay Muqdisho oo markii ugu horeesay  oo uu yimaado.

Wafdiga ka socday Switzerland  intii ay joogeen Muqdisho waxay la kulmeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka Muqdisho kuwaasoo soo dhaweeyay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada oo dhammeestiran

2014530635370421776035030IMG_0948

2014530635370421918414400IMG_0964

2014530635370422717606990IMG_0966

2014530635370422398264614IMG_0971Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka SOMALILAND oo xog cusub ka soo saaray qaraxyadii HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde ayaa shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay xafiisakiisa wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xarig loo geestay wasiir ku xigeenkii horre ee arrimaha gudaha iyo labo qarax oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qaraxyadaas ay salka ku hayaan muranada ka dhexeeya xisbiga talada haya ee Kulmiye  isla markaana ay ka dambeeyaan kooxo raba dalka in uu galo qas iyo jahwareer balse aanu ahayn qaraxyo argagixiso ah.

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale in qaraxyada ay ahaayeen kuwa macmal ah oo gacan ku samees ah oo aanu khasaaro dhalin marka laga reebo in ay khalkhal galiyaan magaalada uun.

“Labada qarax waxay ahaayeen kuwa laga sameeyo Shaanida oo wax dhib ah ma aaney geesan, balse waanu ka xunahay in ay dhacaan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay xariga wasiir ku xigeenkiisii Cabdullaahi Abokor oo xaley isaga iyo 10 qof oo kale ay soo xireen ciidamada booliska, markii uu saxaafadda u sheegay hadalo khatar galin kara ammaanka Somaliland.

Wuxuu sheegay in tac shiirad ay ka dhacday intii uu socday howgalka lagu soo xiraayay wasiir ku-xigeenka oo mid ka mid ah ilaalada wasiirkii horre uu dhaawacmay, markii uu dagaal dhexmaray ciidamo ilaalo u ahaa iyo kuwa Somaliland.

Wuxuu sheegay in ka xun yahay xarriga wasiir ku xigeenkiisa balse aan loo dul qaadan karin uu saxaafadda u sheego hadallo halis galin kara ammaanka Somaliland.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in qaraxyada ka dhacay Hargeysa labadii habeen ee la soo dhaafay ay ahayeen kuwa salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jirra xisbiga Kulmiye.

Waxaa muuqata inuu jirro khilaaf xooggan oo ka dhex taagan xisbiga talada haye ee Kulmiye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri khilaafka ka dhexeeya isaga & R/W Cabdi Weli?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay khilaaf ka dhex jirra isaga iyo ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa khilaafkan ku tilmaamay mid looga gun lee yahay in wax lagu dhiso ee uusan ahayn mid wax duminaayo.

“Marka shaqo lagu jirro laasim waaye khilaaf wuu imaanaa iyo madax xanuun, qofka fuundiga ah ee shaamitada qasaayo waxaa markasta ku soo dhacaya fanfaniin, marka yaa loo arkin mararka qaar khilaafka mid halis ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in aysan u dhaga raaricin wararka ay sheegayaan kooxaha doonaya in wax dumiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay qabatay wax yaabo horrumar ah oo aaney dalka ka jirin labadii sanno ee la soo dhaafay isagoona intaas ku daray in ay jiraan wax yaabo la rabay in la qabto oo aan la qaban balse wuxuu ballan qaaday in la qaban doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan kooxo dacaayado ka fidinaya dowladda oo aan rabin in dalka horrumar uu gaaro.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa yimid ayadoo guuh siyaasadeed uu ka jirro magaalad a Muqdisho kaasoo salka ku haya khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Khilaafka ayaa salka ku haya isbadal la rabo in lagu sameeyo golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maleeshiyo laga keenay gobol kale oo magaca xildhibaanada Somalia ku dilay dhallinyaro caan ka ahaa Muqdisho

Ilaalada Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Mahad Cawad ayaa dil bareer ah u geystay mid kamid ah dhalinyarada Xaafada Wardhiigley oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullahi Sheekhdoon.

Dilka foosha xun oo ay geysteen ilaalada Xildhibaan Mahad Cawad ayaa noqday mid ay aad uga argagaxeen una canbaareeyeen dhalinyarada, odoyaasha iyo haweenka Xaafadda Wardhiigleey.

Ilaalada Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inay istaajiyeen wiilkaan dhalinyarada ah isaga oo maraya wado hormarta hoyga uu degan yahay Mahad Cawad, kadibna markuu isku sheegayna ay toogteen ilaalada Mahad Cawad. Dadka xaafada ayaa aad uga xumaaday dilka maliishiyada ilaalisa Mahad Cawad u geysteen mid ka mid ah dhalinyarada ugu firfircooneyd Xaafadda Wardhiigleey agagaaraha Madaxtooyada.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad ayaa la sheegayaa in ilaaladiisa uu ku keensaday qaab qabiil, maliishiyada ilaalisana aysan ka tirsanayn inta badan Booliiska Gobolka Banaadir. Laamaha Amniga ee dawladda ayaan imaan hoyga Mahad Cawad oo aan xirin gacan ku dhiiglihii dilka geystay taasoo ka dhigaysa Madaxda Dawladda taagta daran kuwo magaca dawladnimo ku dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Mahad Cawad ayaa qortay Maliishiyo tobaneeyo ah oo la sheegay inuu mushaharkooda iyo biilkooda ka bixiyo qarashaadka aadka u badan oo uu ka helo mooshinada Baarlamaanka la keeno xiliyadda uu shir gudoominayo, mooshinadaas oo inta badan ka dhan ah horumarka Muqdisho iyo dawladda Turkiga.

Mooshinada uu Mahad Cawad ku qaatay lacagaha faraha badan ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin Joojintii shirkadda Turkiga ee Dhismaha iyo Maamulka Dekedda Muqdisho, Dib ugu celintii xukuumada ee shirkadda FAVORI iyo Joojintii kaararka aqoonsiga ee laga bixin jiray Muqdisho.

Madaxda Baarlamaanka oo markasta ka hadasha sharciga ayaa iyagu ah kuwo jabiya sharciga, magaca dawladnimadana ku dhibaateeya shacabka, iyaga oo uu mid kasta keensado gurigiisa maliishiyaad ku beel ah taasoo muujinaysa inaysan waxba uga bedelneyn hogaamiyo kooxeedyadii Muqdisho.

Madaxda Dawladda Federaalka Guud ahaan iyo Madaxda Baarlamaanka Federaalka oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad ayaa ah kuwo dantii guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka hor mariya danaha gaar ahaaneed iyo danaha qabiilka ee u diidey Soomaaliya inay cagaheeda ku istaagto.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ganacsatada Eastleigh oo waajahaya mustaqbal mugdi ku jiro kadib markii…

Milkiilayaasha ganacsiga ee Eastleigh aya sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay dukaamadooda xidhaan iyada oo macaamiishii iyo ganacsatadiiba aysan aaggaas imaanaynin iyaga oo ka baqaya hawlgallada dhinaca ammaanka ah ee ay dawladda Kenya waddo iyo khatarta argagixiso.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Eastleigh ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 60% ilaa iyo markiihawlgalka ammaanku bilawday bishii April, in ka badan 150,000 oo qof oo si toos ah ugu tiirsanaa ganacsiga aagaas ka socda si ay nolol maalmeedkooda u soo saartaanna hadda waxaa haysata mustaqbal aan la garanaynin meesha uu ku danbayn doono, ayuu sheegay Xasan Maxamed oo ah gudoomiyaha Ururka Ganacsiga Bulshada Eastleigh.

“Xaaladdu aad ayay u xuntahay,” ayuu yiri. “Ganacsatada ayaa haya alaab badan oo dad yar ay iibsanayaan.”

Eastleigh ayaa ahayd meel 24-ka saac ganacsiga u furan ka hor intii uusan hawlgalka ammaanku bilaabanin, ayuu sheegay Maxamed. Hadda, si kastaba ha ahaatee, kadibmarkii weerar isadaba jooga ah oo argagixiso lagu qaaday Nairobi iyo hawlgalladii ammaanka ee ka danbeeyay ee dhaliyay qabqabashada ballaaran , ayaa dadka aaggaas daggani ka labalabeeynayaan tagitaanka goobahaas.

Ganacsato badan ayaa aaggii ay ganacsiga ku haysteen ka tagay.

“Yaa u malaynayay in meel ganacsigu uu aad uga socday, dukaamo waawayn oo laga ganacsadana lahayd sida Garisa Lodge in ay hadda dukaamo badan ka banaan yihiin?” ayuu yiri Maxamed. “Garisa Lodge iyo dukamaada kale ee waawaynba waxay la harjadayaan sdii ay ku soo jiidan lahaayeen ganacsato cusub walina kuma guulaysanin, waana niyad jab in maalin walba oo [dukaamadaas yar yar] aysan shaqo ganacsi ka soconin in ay tahay in milkiilayaashii uu khasaaro badan soo gaadhayso oo ah ijaarkii oo ay waayayaan.”

Intaas waxaa dheer, ayuu sheegay, in hawlgalka booliiksu uu fariimo khladan gudbinayo oo ah in Eastleigh ay argagixisada iyo mujrimiinta ay gabaad u tahay, sidaas darteedna ay qaar aan Muslimimiin ahayn ay niyad jab ku noqonayso in ay ganacsi la sameeyaan ganacsatada Muslimiinta ah.

Ganacisga oo laa harjadaya iibkii oo si weyn hoos ugu dhacay

“Waxaan lahaa dhawr macaamiil oo aan Muslimiin ahayn kuwaas oo aan isla markiiba wici jiray markii aan sariiraha iyo furaashyada aan Dubai ka keeno, iyaguna way imaan jireen wax badana way iibsan jireen. Laakiinse hadda, talefoonka xaataa igama qabtaan,” Yaxya Cumar oo 27 jir ah lehna Dukaanka Bahati Bazaar ayaa sidaas yiri.

“Waxan ku jirnaa maalmo uu ganacsigu nagu xun yahay oo aan iibiyo kaiya shan go’ sariireed, halka aan hawlgalka ka hor, iibin jiray in ka badan 20 xabbo maalinkii, markii ay macaamiishu badan yihiina, shaqada wakhti danbe oo habeen ah ayaan ka bixi jiray,” ayuu sheegay. “Wax faa’ido ah kama arag howlgalka qabqabashada saabtoo ah waataa dawladdu ay markii dambe sii daysay in ka badan 3,000 oo qof oo ay hawlgalkan ku qabqabatay.”

Cumar ayaa sheegay in hadda ka hor dakhliga bishii soo gala celcelis ahaan uu ahaa 700,000 oo shilin ($8,000), laakiinse dhammaadka bisha April ayaa waxaa kaliya oo soo galay 288,000 oo shilin ($3,300).

“Bishanna waxaan ka cabsanayaa inay intaas ka yaraato sababta oo ah dhawr maalmood ayaa ka dhiman waxaan [kaliya] oon iibiyay alaab qiimaheedu yahay 216,000 oo shlin [$2,500],” ayuu yidhi.

Walwalka Cumar mid la mid ah ayaa wuxuu haystaa Axmed Cali Yuusuf, oo ah 39 jir dukaan sajaayadaha dhulka lagu goglo ku gada Waddada Laba iyo Tobnaad, kaa soo sheegaya in uu ka baqayo in uusan helin 50,00 ee shilin ($570) ee uu u baahan yahay in uu ijaarka dukaankiisa bishan ku bixiyo.

“Hawlgalkan khasaarihiisa ayaa ka badan faa’iidada uu keenay,” ayuu yiri. “Ganacsigayga si aad ah ayay arrintan saamayn ugu yeelatay.”

Yuusuf ayaa sheegay in macaamiishiisa inta badan ay ahaayeen Masiixiyiin kuwaas oo doorbidayay sajaayadaha laga keeno waddanka Turkiya sababta oo ah tayo fiicnidooda iyo qiimahooda, laakiinse hadda inta badan dukaankiisa ma yimaadaan.

Xaataa dadka aan Muslimiinta ahayn ee ganacsiga ku leh Eastleigh ayaa dareemaya dhibaatada hoos-u-dhaca iibka.

“Ma qiyaasi kartid inta macmiil ee aad maalin heli kartid hadda,” Francis Thuranira oo ah 30-jir Masiixi ah oo meel timaha lagu jaro ku leh Waddada Sideedaad ayaa sidaas sheegay.

“Waxaa ii shaqayn jirtay afar shaqaale, dhamaadkii bishii April ayaan saddex ka mid ah sii dayaay si aan mushaharkoodii kayd uga dhigto,” ayuu yidhi.

“Hawlgalka ka hor, macaamiishayda intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin kuwaas oon habeenkii sugi jiray marka ay ganacsigooda xidhayaan, laakiinse waxay u muuqataa in ay cabsanayaan in ay habeenkii bareeraan. Waa dhibaato maalin walba na haysata in macaamiil cusub soo jiidanno.

Bilihii hore, ayaa dukaanka waxaa celcelis ahaan imaan jirtay 40 macmiil maalin walba, laakiinse ganacsigii si aad ah ayuu hoos ugu dhacay, iyada oo qiyaastii 15 macmiil ay maalintii timaado, ayuu yidh. “Iyada oo macmiil kasta uu bixinayo 100 shilin ($1.13) si timaha loo jaro, ayaa taas waxay noqonaysaa 4,000 shilin [$45) malaintii, iyo 120,000 oo shlin [$1,365) bishii,” ayuu yiri Thuranira.

Thuranira ayaa sheegay in uu ka xumaaday in uu shaqaalihiisii ruqseeyo, kuwaas oo qaarkood ay u shaqaynayeen ilaa shan sano, lakiinse waa wax lagu khasbanaaday.

“Marka aysan anigu waxba i soo galaynin, shaqaalahayguna waxba ma soo galayo. Dhammaanteen arintan way na saamaynaysaa, laakiinse waxaan rajaynayaa marka la gaadho June in xaaladdu is baddali doonto, kadibna aan dib ugu yeedhi doono kuwii aan wali meel kale shaqo ka helin,” ayuu yidhi.

‘Booliiska oo qof walba cabsi galiyay’

Qofna ma rabo in ay booliisku qabtaan, ama qofkaasi waraaqo aqoonsi oo sax ah ha wato ama yuusan wadanin, ayuu sheegay Isaaq Xasan oo 38 jir ah oo kabaha huudhayda ah ku iibiya Wadada Sideedaad ee Eastleigh.

“Hawlgallada ka hor, meeshani waxay ahayd meel shidan,” ayuu yidhi. “Ganacsatada yar yar ee hawlkarka ah ayaa iibin jiray soona gadi jira malaintii iyo habeenkiiba, laakiinse hadda, ganacsiga intiisa badan wakhti hore ayaa la xidhaa in yar oo macaamiil ahna ay habeenkii isa soo qaddimaan.”

Roseline Kariuki, oo ah 42-jir ahna maamule bangi oo Eastleigh ku yaal, ayaa sheegtay in hawlgallada dhinaca ammaanka ah ay sidoo kale bangiyaduna ay saamayn ka soo gaadhay.

“Waxay u muuqataa in booliisku qof walba cabsi galiyay–xaataa macaamiisha bangiga,” ayay tiri.” Inta badan shaqaalaheenna maqalka lacagta jooga waxba ma qabtaan. Safafkii dhaadheeraa oo ganacsigeenna wanaagsanaa caanka uu ku ahaa ee ka socday xafiisyada baniga wakhti hore ayaa noogu danbaysay.”

Kariuki ayaa sheegtay in aysan kala garanayeen in hawlgalka lala beegsanayay muhaajiriinta aan sharciga lahayn, argagixisada ama shacabka Soomaalida ee ganacsatada ah. “Waxa aan rabo in aan si cad u sheego waxaa weeye in bishii April, ay bangiga soo food saartay lacag ka qaadasho xad dhaaf ah oo ay samaynayaan macaamiil ka cararaysa Eastleigh,” ayay tidhi.

Maxamed oo ah gudoomiyaha Ururka Ganacsiga Shacabka Eastleigh, ayaa sheegay in ay tahay in dawladdu ay arrintan soo dhax gasho ayna ku fakarto in canshuur dhaaf siiso qaybo gacanso oo yar yar si ganacsiga loo dardar galiyo.

“Markii aysan lacag ku filan samaynaynin sida hadda oo kale, ayaa [dhiiri galin dhinaca canshuurta] ay u saamaxaysaa ganacsatada yar yar in ay iska bixiyaan kharashaadka ku laasima, ayuu yidhi. “Dhiiri-galinta canshuurta ayaa suurtagalinaysa sii socdka ganasiga iyo dardar galinta dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Eastleigh.”

“Waxaan kale oon doonaynaa in dawladu ay sheegto in Eastleigh ay ammaan tahay si dadka Kenyanka ah ay dib ugu bilaabaan in ay yimaadaan oo ganacsina ka sameeyaan,” ayuu yidhi.

Kidero: Caadigeedii ayay Eastleigh dhawaan ku soo noqonaysaa

“In kasta oo ganacsi daro xumi ay Eastleigh ka jirto, ayaa haddana madaxda gobalku ay ku boorinayaan macaamiishu in aysan hoos u dhigin kharashkooda iyo joogitaankoodaba aagga Eastleigh sababta oo ah meeshaas oo aysan dawladdu u aqoon sanin in ay tahay meel aan la tagi karin,” Gudoomiyaha Gobalka Nairobi Evans Kidero ayaa yiri.

Gudmooyiha gobalka ayaa ku booriyay ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexaba in ay ganacsigooda sii wataan iyada oo halwgallada ammaanku ay beegsanayaan dambiilayaasha ee aysan beegsanaynin ganacsatada saxda ah. “Waxaan kale oon ganacsatada ka codsanayaa in ay niyada wanaajistaan iyada oo dawladaydu ay raadinayo habab ay sumcad xumida meeshan soo gaadhaysa wax uga qabato,” ayuu yidhi.

Kidero ayaa sheegay in uu doonayo in ganacsiga Eastleigh taageero isaga oo aagaas ka dhigaya meel ganacsigu u furan yahay maalin iyo habeenba.

“Hamigaas runtii si fiican ayuu ku socdaa sababta oo ah waxaan bilawnay dhisme socda oo aan ku wadno kaabayaasha ugu muhiimsan, iyo waliba rakibitaanka nidaamka ilaalada kaamarooyinka oo meesha ka dhigaysa mid ammaan ah in habeenkii ganacsigu socdo,” ayuu yidhi.

“Wakhti uun baa inaga xiga ka hor inta ay caadinimadeedii ku soo noqonayso Eastleigh,” ayuu yidhi Kidero.

Isha: Sabahi Online

Ahlu-Sunn oo la hadleysa A/Madoobe

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ahlu-Sunnada gobollada Koofureed ayaa xiligan isu diyaarinaysa sidii ay wada hadal ula gali lahayd maamulka ku meel gaarka ah ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xoghayaha gaashaandhigga Ahlu-Sunnada Koofureed Sheekh Xuseen Isxaaq Mursal oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeynba ka hadlay Shirka iminka ka soconaya magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in wada hadalada iminka ka soconaya magaalada Beled-Xaawo ay meel fiican marayaan islamarkaana la gaaray heshiisyo ay ka mid yihiin Xabad joojin, in Ciidamada la kala qaado, in ciddii ku xad gudubta heshiiskaas la ciqaabo iyo in Ciidamada laga qaado farumaha dagaalka kuwaasoo uu sheegay in ay tahay heshiis hor dhac ah.

Sheikh Xuseen ayaa sheegay in saxiixa heshiiskaas lala sugayo saraakiil ka tirsan ciidamada Dawladda oo la filayo in illaa iyo maanta ay soo gaaraan Gobolkaas.

Xoghayaha gaashaandhigga ahlu sunna ayaa sheegay dhinaca kale in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan maamulka Jubba iyadoo Ahlu-Sunna aysan marnaba oggolaanayn maamul qasab loogu keeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Daawo: Muxuu Sh. Maxamed Kenyawi kala kulmay dalalka Holland & Norwey?

Shiikh Maxamed Shiikh Ibrahim ” Kenyawi” oo baryahan socdaal diimeed ku marayey dalalka qaarada Yurub ayaa waxaa u markii ugu horeysay ka hadlay socdaalkiisa iyo ujeedada ka danbeysa.

Wariye Abdiweli Ibrahim Garyare oo ah agaasimaha shabakada K24 ahna agaasimaha xarunta Universal TV ee Holland ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Shiikh Maxamed Kenyawi. Waxaana uu wareysigan oo xiiso badan uusoo jiitay dadweynaha taageera Shiikh Kenyawi ee ku nool dunida daafaheeda. Waxaana lagu wareystay magaalada The Hague ee wadanka Holland.

Shiikh Kenyawi waxaa uu si gaar ah wareysigan uga hadli doonaa qodobada soo socda:

1. Waxa uu yahay socdaalkiisa Yurub iyo sababta keentay inuu hadda yimaado?
2. Dalalka uu wada tegayo inta uu Yurub socdaalka ku marayo.
3. Waxa uu kala kulmay dalalka Norwey iyo Holland oo wareysigan looga qaaday.
4. Xiririka waalidka iyo caruurta ka dhexeeya iyo waajibaadka saaran ilamaha marka laga hadlayo xaqa HOOYADA.
5. Isticmaalka daroogada ama balwada noockasta oo Holland fasax ka ah iyo sida uu u arko dhallinyarada dal sidaasi ah ku nool.
6. Waqtiga oo laga faa’ideysto  intii la iska fadhin lahaa maqaaxiyaha.
7. Sida uu u arko Fanaanka Abdiqaadir Kaskaay oo fanka ka baxay iyo farriinta uu u dirayo fanaaniinta kale ee aan wali fanka ka bixin.
8. Xirirka Alle iyo ka dhexeeya ummadiisa iyo waajibaadka qofka saaran.
9 . Ugu danbeyntii magaalada The Hague oo ah xarunta maxkamada danbiyada dagaalka aduunka ee uu wareysigan ku bixiyey sida uu u arko!!

Qodobadaasi iyo kuwa kale oo xiiso leh ayuu wareysigan uu siiyey Wariye Abdiweli Garyare uga hadlayaa Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi.

Dalalka uu socdaalkiisa ku wajahan yahay iyo kuwa uu maray waxaa ka mid ah : Norwey, Holland, Swedan, Finland, Switzerland iyo Denmark oo ah meesha uu kusoo afmeerayo socdaal diimeedkiisa Yurub, kadibna waxaa uu ku noqonayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ah halka uu ku nool yahay Shiikh Kenyawi.

DAAWASHO WACAN :

Video: Jini lagu arkay Garoomada K/C

0

Arin Mucjiso ah oo Caalamka ka yaabisay ayaa lagu arkay Garoon lagu ciyaaro Kubadda Cagta taas oo ah Jinni ka soo dhex muuqanaya Kooxaha ciyaaraya asagoo weliba qof raacaya si kubadda uu uga qaato.

Muuqaalkani oo Caalamka laga sii daayay ayaa dad badani ka yaabiyay kadib markii arin kani uu dad badan ku abuuray fajac iyo amakaak ee nala daawo aqristoow.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Gaashaanle Sare Bariise oo DF u xiran iyo cidda xirtay oo la ogaaday (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay xirtay taliyiin ciidanka saadka ciidamada Korneel Cabdulaahi Xasan Bariise.

Bariise ayaa la sheegay in xabsi guri laga dhigay islama markaana loo sheegay in uusan wax dhaqdhaqaaq ah sameen karin ilaa amar dambe.

Yaa bixiyay amarka lagu xiray afhayeenkii horre ee booliska?

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Korneel Bariise uu xiran yahay taliyaha ciidamada booliska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Saacid ayaa Bariise u sheegay in uusan wax shaqo ah booliska u qaban karin ilaa inta ay ka dhammaanayaan baaritaan lagu hayo.

Bariise ayaa horrey u soo noqday afhayeenkii horre ee booliska iyo taliyaha hey’addana CID-da, balse waxaa xilkaas laga qaaday markii Jenaraal Saacid noqday taliyaha ciidanka booliska.

Maxaa ka dhexeeya labada nin?

Tan iyo markii uu xilka iska casilay wasiirkii horre ee amniga qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaa soo baxay in ay jiraan saraakiil ciidan oo xilka laga qaadayo, waxaana saraakiishaas ka mid ah taliyaha ciidanka booliska.

Haddab Saacid si uu booskiisa u ceshto wuxuu billaabay in uu ugaarsado ragga uu islee yahay waa lagu badali karaa kuwaasoo uu rabo in uu dambi qoorta ugaliyo si xilka uu badbaadsado.

Ragga ugu horreeya ee uu ka cabsi qabo ayaa waxaa ugu horreeya Bariise, waana tan keentay in uu xabsi gurri ka dhigo sidda ay lee yihiin dadka la socda arrimahan.

Korneel Bariisa oo la hadlay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa xaqiijiyay in uu xabsi gurri ku jirro ciidamo badanna la dhigay gurriga uu deggan yahay balse faah-faahin kale ma bixin.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xarriga Cabdulaahi Xasan Bariise oo xilalka kala duwan ka soo qabtay Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

UNSOM oo muddada loo kordhiyay iyo DF Soomaaliya oo runta loo sheegay

New York (Caasimada Online)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in muddo hal sanno uu sii shaqeeyo xafiiska xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Qaraar ka soo baxay goluhu ayaa dhigaya in xafiiska UNSOM ee Soomaaliya loogu talagalay in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya si loo gaaro xasilloni iyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Arrimaha muhiimka ah ee goluhu uu xusay in la qabto waxaa ka mid ah siddii dib loogu soo celin lahaa hannankii nabadda iyo heykalkii dowladnimo

Goluhu wuxuu ku booriyay UNSOM, howgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo IGAD in ay kala shaqeeyaan dowladda siddii ay ugu guuleysan lahayd wax yaabaha laga rabo.

Golaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay la timaaddo qorshe cad oo ku saabsan doorashooyinka 2016, afti loo qaado dastuurka iyo sameynta maamullo ku-meel-gaar ah. Golaha ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada-shaqeyn dhow oo ay yeeshaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka dhisan.

Xafiiska UNSOM ayaa la hirgaliyay sannadkii horre, kaddib markii golaha ammaanka iyo beesha caalamka ay aqoonsadeen dowladda Soomaaliya.

UNSOM oo xaruntiisa ugu weyn uu ku yaallo Muqdisho, waxaa madax ka ah nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Nick Key, waxaa kaloo xafiisyo uu ku lee yahay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minnesota

[email protected]

Aqriso magacyada xubnaha gudiga dib u eegista Dastuurka oo la ansixiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha isla markaana nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Onlien ayaa lagu sheegay in kulanka Golaha wasiiradda oo uu shir-guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed in lagu ansixiyay 5 xubnood oo uu ka kooban yahay guddigaas.

Sidda ku cad qoraalka, guddigan waxaa soo gudbiyay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir, waxaana ku jirta wasiirkii horre ee arrimaha haweenka Puntland Caasho Geelle Diiriye.

Guddigan ayaa kala ah:-

1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in Wasaaradiisu in mudo ah ku howlanayd sidii loo soo diyaarin lahaa gudiga madax banaan ee Dastuurka, isagoona ku aamanay golaha wasiirada sida aqlabiyada ah oo ay isugu raaceen ansixinta gudigaan oo ay hortaalo shaqo adag.

Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ansixinta Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, isagoona ku tilmaamay in ay yihiin aqoon yahano Soomaaliyeed oo khibrad u leh shaqada loo magacaabay.

“Talaabo weyn ayaan u qaadnay dhanka dowladda dhisidda, waxaana maanta ku guulaysanay in goluhu ansixiyo gudigii dib u eegista Dastuurka, waxaan u mahadcelinayaa guddi hoosaadka siyaasadda iyo Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha guddigan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

Sidoo kale golaha Wasiirada ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda amniga ee dalka, waxaana loo xil saaray gudi hoosaadka amniga inay kusoo diyaariyaan muddo 24 saac gudahood ah hawlgalo la xiriira dardargelinta ammaanka Muqdisho.

“Guluhu wuxuu u xil saaray gudi hoosaadka amniga in ay muddo 24 saac gudahood kusoo diyaariyaan howgalo la xiriira dardargelinta ammaanka Muqdisho iyo dib-u-eegidda qaabka shaqo ee Hay’addaha amniga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbayn golaha Wasiirada waxay marlabaad ay ka tacsiyeeyeen weerarkii Baarlamaanka iyo dilka Sarkaal Turkish ah oo ka shaqaynayey Muqdisho, waxaana la faray laamaha amniga in baaritaan ay ku sameeyaan dilka sarkaalkaas

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qarax xoogan oo ka dhacay Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya halkaas uu ka dhacay qarax weyn oo aad looga maqlay magaalada oo dhan.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada xaley saqdii dhexe, mana cadda khasaaraha uu geestay.

Dadka ku dhaqan Hargeysa ayaa ka salalay hurdada waxaana qaar badan ay sheegeen in qaraxa kaddib aanu hurdo ka imaan.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ayaa lagu soo warramayaa inay sameeyeen baaritaan aan la sheegin cid lagu qabtay.

Si kastaba, ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay qaraxa xaley abaaro 12kii saqda dhexe ka dhacay Hargeysa, iyadoo ammaanka magaalada maanta aad loo adkeeyay.

Qaraxa ka dhacay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf  xooggan oo dhinaca siyaasadeed uu ka dhex jirro xibsiga talada haya ee Kulmiye kaasoo labo gabar u kala jabay.

Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu xasilloon Soomaaliya, wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: Villa Somalia oo lagu go’aamiyey xil ka qaadista Cabdi Weli, Qaabkee?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan kooxda Damu-Jadiid, ayaa kullan xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia, ayada oo la billaabayo qorshe xilka looga qaadayo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ayaa tallaabadan qaadaya, kadib markii ay u caddaatay inaysan wax rajo wada shaqeyn dambe ah ka lahayn Cabdi Weli oo xulufo ka dhigtay Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe.

Waxaa si qotodheer looga dooday jidka loo mari karo xilka qaadis lagu sameeyo Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo ugu dambeyn lagu heshiiyay in Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenka Damu-Jadiid iscasilaan.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in loo hoowlgalo sidii iscasilaada loo ogoleysiin lahaa Wasiiro kale oo lagu qancin doono inay ku soo laaban doonaan xilalkooda, marka Cabdi Weli uu meesha ka baxo.

Ila wareedyada ka qeybgalay kulankaas waxay Caasimada Online u sheegeen in kulan labaad lagu ballamay si looga dooda waxa ka dhalan kara hadii ay Wasiirada is-casilaan maadama uu xaq u leeyahay Ra’isul wasaaraha inuu boosaskooda u magacaabo mas’uuliyiin kale.

Xildhibaanada ka qeybgalay kulanka ayaa la filayaa inay qiimeeyn ku sameeyaan hadii ay suurtagal tahay inay taageeri ka keeni karaan Xildhibaanada diidan Madaxweynaha, ayada oo la isku haleynayo lacag aad u tira badan

Dhinaca kale Cabdi Weli, ayaa la rumeysan yahay inuu dib usoo nooleeyey socdaal laba mar baaqday oo uu ku tagi lahaa Puntland, isaga oo taageero raadinaya, inkasta oo aan waqtiga la cayimin.

Maalin ka hor ayay ahayd markii beesha caalamka ay soo saartay digniin ku saabsan in xasilooni darrada iyo khilaaafyada siyaasadeed ay sii curyaamin karaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DAAWO VIDEO: Nolosha Muqdisho iyo xilliyada habeenkii (Muuqaal Cusub)

0

Tan iyo Biloowgii Sanadkaan waxeey magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka soo kabaneysay Burbur Xoogan iyo 23 sano oo colaad ah waxaad moodaa in haatan ay ka haahaabaneeyo dhibaatadii xooganeyd ee gaartay magaalo madaxda ee Muqdisho.

Xiliga Habenkii Muqdisho ma moodid meel burbur saneyd 23 sano dadkuna ay guryahooda ku jiri jireyn waloow aad arkeyso muuqaal kaa farxin doono marka aa daawato hadane isma dhaheysid Muqdisho ayaa sidaa ah.

Dhanka kale Damaashaadka ka soconaa xeebta liido xiliga habeenkii isma dhaheysid sidaan ayaa ah Muqdisho ee nala daawo Video-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

 

C/weli oo magacaabay wasiirka amni..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si kumeel gaar ah u magacaabay wasiirka ammaanka qaranka, wuxuuuna u magacaabay wasiirka gaashandhigga Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud.

Magacaabistan ayaa timid markii kulan ay qaateen ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaashandhigga, kaasoo looga arkay bal in xilkaas bannaan la buuxiyo.

Wasiirkii horre Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iska casilay xilkaas 24-kii bishan May kaddib markii weerar shan saac socday uu ka dhacay aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Cabdikariim ayaa xilkaas hayay muddo 20 bilood, balse waxaa la sheegay in uu ku guul darreestay in uu wax ka qabto ammaanka caasimada Muqdisho.

Si kastaba, waxaa ra’iisal wasaaraha laga sugayaa in uu soo magacaabo wasiir cusub oo wax ka qabta ammaanka Muqdisho oo hadda u muuqda mid faraha ka baxay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Is-casilaadii GUULEED ma xalbaa mise waa xeelad? (Sirta meesha ku jirta)

Wax walba oo aadanaha ugu jecel yahay waa amni,  dowlada jumuuriyada fadaraalkuna waxay kow,  labo & sadex ay ka dhigatay AMNIGA arintaasna waxay ku aamintay in uu noqdo wasiirka amniga mudane C/kariin Xuseen Guuleed in kasta oo wasiirku qibrad dhanka ciidamada uusan lahayn oo bulshada rayidka uu ka yimid,  hadana waxaa loo arkay in uu mudan yahay magacaabistiisana wax cabasho kama imaan waayo saaxada siyaasada horey looguma aqoon,  sidaas ayuu amniga qaranka & arimaha gudaha ugu qabtay mudo 6 bilood ka dib waa la dhaliilay.

Maxaa loo dhaliilay wasiirku?

Waxaa lagu dhaliilay dhanka Amniga in uu wax ka qaban waayey,  xukumadii mudane Saacid ,  R/Wasaarihii xilgaa ee Saacid waa uu garwaaqsanaa in uu gaabis ka jiro dhanka Amaanka shacabkuna sidaa oo kale,  dhaliishaas waxaa kale oo ay ka imaaneysay dad ku xeel dheer arimaha ciidanka & siyaasiin waayo u joog u ahaa xaaladaha Amni halka dood kale ay lahayd wasiir Guuleed dhaliisha asaga kali kuma eka ee dalkeena ayaa meel kasta farqaha looga dhagan yahay,  xaalada dalka ku hareereysan ayaa ka wayn awooda Dowladda taas ayaana ka dhigeysa in ay wax walba banaanka yimaadaan eedayntuna waxaa ay taabataa mar walba cida hogaanka u haysa Amniga.

Baarlamaanka ayaa arintu Liin ku sii dhiijiyey marar badana ka hadlay xaalku uu Amniga maraayo waxayna sheegeen in ay la xisaabtamaayaan wasiirka & laamaha Amniga,  arintu waxay socotaba hal mar ayey cayn wareegtay oo ay isku rogtay dhan kale.

Xukumaddii Saacid ayaa qiiq siyaasadeed lagu furey,  siyaasadu ma ha la isa siraa mise waa siriq?

Maxaa yeelay waxaa la arkay wasiiro meertada mooshinka taagan waxaanse maqli jirey nin Laanta uu saaran yahay gudin ku jaraayo wasiiradeeni qaar ka mid ah ayaa sidaa lagu xantay baarlamaanka ayaana cod galiyey xukumaddii Saacid na waa la dal dalay cimrigeediina waa la soo gaabiyey waxaase la lahaa waa ay wada dhacday xukumadii,  markiiba waxaa soo ifbaxday in ay soo noqonaayaan wasiirada qaar ku waasna waxaa ka mid ahaa mudane Guuleed waxaana loo magacaabay xilka uu iska casilay 24 kii bishaan,  taana guux badan ayaa ka dhashay maxaa yeelay xukumaddii ay ka tirsanaayeen haddii ay ku fashilantay howshii loo idmaday ayaa waxay ka dhigan tahay in ay fashilka qayb ka yihiin,  siyaasadu ma ha la isa siraa mise waa siriq? Sow tii Saacid &saaxiibadii seedaha la gooyey halka saaxiibaddii kale safarkoodii ay sii wateen,  mudane Saacid qudhiisa waa uu tuhunsanaa in ay xulufeysi wadeen qayb ka mid ah wasiiradiisii balse wax badan ayuu xeerinaayey sida asagaba uu sheegay,  arintaas aan soo sheegay waad ka dharagsan tihiin laakiin waxaa muuqanaayo wax arintaas u eg waa ay rumoobi kartaa wayna dhicisoobi kartaa.

Hadda wasiir C/kariin waa uu is casiley,  is casilaadiisana waxaa lala mataaneeyey weerarkii lagu qaaday xarunta shacabka,  arintaan waxaa ay ka doodisteedu yareyneysaa ama meeshaba ka saareysaa mooshinkii ay baarlamaanka ka keeneen madaxweynaha Jumuuriyada Fadaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh maadaama uu isbadal ku yimid wasaaradii Amniga madaxweynahana dhankiisa lagu xaglinaayey, doodaas in sidaa looga harayo in ay sii soconeyso waa dood kale in kasta oo ay xildhibaanada qaar & siyaasiin ay sheegeen in aysan ku filneyn ka tagista mudane Guuleed waxaase soo baxaaya in hogaanada laamaha amaanka in ay wayn doonaan xilalkooda waxaa kale oo ay saameyneysaa ayaa la lee yahay taliyaha ciidamada xooga dalka soomaaliyeed hadiiba ay taasi dhacdo maxay ka badali kartaa mas’uuliyiinta la magacaabi doona?

Wasiirka iscasilaadiisa maxaa xigi doona?

Waxii dhici doona ILLAAH ayaa og balse xog ka imaaneysa xafiisyada siyaasada Dowlada ayaa sheegaaya in wasiirada la isku shaan dhayn doono wasiiro qaarna ay xilkooda ku wayi doonaan sida gaashaan dhiga & wasiirka caafimaadka waxaase ka soo dhax muuqan doona mar sadexaad mudane C/kariin wasiirka wax barashada ayaana loo magacaabi doonaa,  arintaan haddiiba ay dhacdo sow noqon mayso “side xeego lagu xagtaa Ilkana ku nabad galaan” oo ah side mooshinka madaxweynaha meesha looga saaraa mudane C/kariin na golaha wasiirada uu uga mid noqdaa siyaasaduse ma ha la isa siraa mise waa siriq silsiladaan maxay tahay.

Iscasilaada wasiirka Amniga caqabad intee la eg ayey ku keeeni kartaa xukumad C/wali?

Waa mida koobaade wasiirka waxuu ka tirsanaa xukumada taas micnaheeduna waa wax ayaan ka qaban wayney amaanka hadalkaasna waa ay sameyneysaa,  tan labaad waxaa laga yaabaa baarlamaanka in ay fursad u arkaan arintaan oo ay xukumadu jiritaankeedu shaki galiyaan si ay uga mid noqdaan xukumada soo socota mida sadexaaad mooshinka wali horyaalo Baarlamaanka oo ku wajahan madaxweynaha in ay u weeciyaan dhanka xukumada C/Wali waa ayse adkaan doontaa oo uma fududaan doonto sidii Saacid oo kale maxaa yeelay wali dhaliilo ku wajahan mudane C/wali ma soo ifbixin waxii qarsoon waa meeshoodee ogose taas haddii ay dhacdana siyaasada madaxweynaha uu ku hiigsanaayo 2016da ayey dhaawacaysaa.

Iscasilaadii wasiirka Amniga qaranka ma xalbaa mise waa xeeladd kale?

Siyaasiinta siyaasada abla ableeya ayaa waxay lee yihiin iscasilaadaani waa tab xukumada lagu kala furfuraayo waxaase suuro gal ah in ay is casilaan wasiiro kale,  aaqirkiina la doonaayo in lagu daciifo awooda xukumada Ra’isul wasaare C/Wali Sh Axmed si meesha looga tuuro.

Arimahaan kor ku xusan marka Shacabka loo eego waa shibanayaal aan sheekadooda la shaacin,  shacabkaan waxuu u baahan yahay hogaamin mugdi aan ku jirin.

W/Q: Wariye Suleymaan Sh Ismaaciil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo: Axmed Daaci oo sheegay inaan Guuleed looga hari doonin iscasilaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa uu sheegay in wasiirkii hore ee amniga qaranka aan looga hari karin dhibaatada uu u geystey dalka iyo dadka Soomaaliyeed asagoona codsi ku aadan in sharciga la horkena wasiirka hore ee amniga qaranka u direy xildhibaada baarlamaanka Soomaaliyeed. 

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa uu codsi ku aadan in lala xisaabtamo islamarkaan maxkamad la soo taago uu u direy xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed iyo waliba madaxda sare ee dowlada wasiirkii hore ee amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ee dhawaantaan iska casilaya xilka, Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa uu sheegay inuu wasiirkii hore ee amaniga uu baabi’iyey dalka iyo dadkiiba islamarkaan inuu dhaho xilkii waa ka tagey oo kaliya inaan looga harin intaas ee ay haboon tahay in maxkamad la soo taago oo sharcigana la horkeeno oo lagu qaado dhibaatada uu gaarsiiyey dalka iyo dadka intii uu hayey xilkaas ah wasiirka amniga qaranka Soomaaliyeed. 

Halkan ka daawo Daaci